Connect with us

Maalgelinta & Maaliyadda

15 Fikrado Ganacsi oo Lacag La’aan Ah

Published

on


Waad Abuuri/Sameysani Kartaa Ganacsi Lacag La’aan Ah: Waxaa laga yabaa inaad jeceshahay inaad noqoto ganacsade, mise inaad hayso fikrad cusub ee ku saabsan ganacsi guulaysani karo. Dabcan sidda aan wada ogsoonahay ganacsiga haddii uu leeyahay suuq wuxuu noqdaa ganacsi guulaysta. Marwalbo waxaa wanaagsan qofka ganacsadaha ah inuu yahay shaqsi dhiiran. Haddii aad tahay shaqsi ay ku badantahay cabsida waxaa adkaani karayso inaad abuurato ganacsi guulaysta. Marwalbo qofka ganacsadaha ah waa inuu noqdaa qof aragti dheer leh, inuu yahay shaqsi ku kalsoon naftiisa, waa inuu yahay shaqsi aaminsan inuu qasaari karaayo iyo inuu faa’idi karo.

Haddii aad ka fogaato cabsida badan ee ku hayso waxaa suurta gal ah inaad dhinacyo badan ku guulaysani karto.

Waxay dad badan isweydiinayaan maanta ganacsi ma bilaabi karo illaa aan dhaqaalihii aan ku bilaabi lahaa aan haysto mooyee. Balse su’aasha meesha taallo ayaa ah, Adiga ma haysataa fikrad cusub oo soconayso? Maxaana cadeen u ah inay fikradaas ganacsi soconayso? Qaabkee ayaad ugu guulaysani kartaa fikradaas? Dhammaan su’aalahaan waa su’aallo muhiim kuu ah markii aad bilaabayso ganacsi.

Waa Maxay Sawabta Ganacsiga uu ugu Baahanyahay Lacag ?

Marwalbo oo lagu hamiyo ganacsi wuxuu u baahanyahay lacagtii lagu socodsiini lahaa ganacsigaas. Balse waxaa kalla duwan baahida ganacsigaas. Ganacsiga aad ayuu u kalla baahi duwanyahay waxayna ku xerantahay nooca aad u baahantahay inaad sameyso iyo sidda aad doonayso inaad u kobciso aragtida guud ee ganacsigaada. Inkastoo ay kalla duwantahay baahida ganacsiga hadana waxaa jirto siyaabooyin badan oo aad ugu guulaysani karto inaad sameyso ganacsi horumar weyn gaaray. Sawabta ganacsiga uu ugu baahanyahay lacag ayaa ah:

Shattiyada iyo ogolaansho: Waxay ku tiirsantahay gobolka aad ganacsiga ku samaynayso marwalbo. Qofka joogo deegaanada sidda Muqdisho, Hargeysa, Kismaanyo, Garowe, Baydhawo, Jig-jiga, Dirdhawa, Jabuuti ama NFD wuxuu u baahanyahay inuu la xariiro laamaha bixiyo Shattiyada iyo ogolaanshaha ganacsiga si laguu aqqoonsado inaad leedahay ganacsi. Dhammaan shattiyada iyo ogolaanshaha waxaa ku baxa lacag aan sidaas usii badneen. Gobolada qaar waxay leeyihiin nidaam qeexaayo in bulshada lagu dhiiri geliyo ganacsiga iyo inay sameeyaan isbedel, muhiimada laga leeyahay ayaa ah inay bixiyaan canshuurta. Laakiin ummada Soomaaliyeed ayaa u baahan in wax badan laga fahansiiyo bixinta canshuuraha faa’idada ay leeyahay. Wadamada qaar ee qaarada dunidda waxay sameeyaan, qaasatan dawlaha hoose inay bulshada ku dhiiri geliyaan inay samaystaan ganacsi si bulshada u yaalato ama ay u noqdaan bulsho isku filnaansho gaartay, waana sawabta Tukesomalism ay u bilaawday in bulshada lagu dhiiri geliyo inay abuurtaan ganacsi. Wadamada caalamka waxaa horumariyay waa ganacsatada rayidka iyo bixinta canshuuraha.

Qarashaadka: qaraashka kale ee aad u baahantahay markii aad sameynayso ganacsi ayaa waxaa ugu muhiimsan kuraastii lagu fadhiisani lahaa, korantada aad u baahantahay, biyaha lagu weyso qaadani lahaa, internetka, qalabka daabacaada iyo combuutarada aad ku shaqeysani laheed. Ogaaw marwalbo dunidda wey isbedeshay waxaa maanta lagu wada shaqeystaa waa kombuutar, kunna dadaal inad sameysato qanagsi ku dheehanyahay aqqoon iyo waayo aragnimo leh.

Suuqgeynta: marwalbo oo ganacsigaada cusub yahay waxaad u baahantahay inaad sameyso suuq geyn faro badan sidda inaad idaacadaha ka xayaysiiso, TVyada, boorarka waaweyn, xayaysiinta yaryar ee loo yaqaano “Micromarketing” oo ah in mobilada qoraallo la isu diro si dad badan ay kuu aqqoonsadaan inaad tahay ganacsi suuqa ku cusub oo aad u baahantahay macaamiil cusub. Suuqgeynta waxaa ku baxo lacag aad u xoogan balse haddii aan nahay Soomaali inta badan suuqgaynta kuma bixino dhaqaallo sidaas u weyn, waana waxyaabaha ganacsiga kor u qaado oo kuu sahlo inaad hesho baahidaada adigoo si fiican u qeexaayo baahida macaamiilkaada iyo cidda aad u sameysatay ganacsigaas.

Lacagta Sharciga: ganacsi markaad sameysanayso oo aad adiga leedahay fikrada ganacsiga waxaad u baahantahay inaad sharciyaysid fikradaada si cidkale aan u isticmaali Karin fikradaada. Arintaan markii aad sameynayso waxaad u baahantahay labo qof oo kala ah abuukaate iyo lataliye qaabiir ku ah ganacsiga iyo suuqyada.

Abuukaataha “lawyer” wuxuu kaa saacidayaa inaad sameysanayso ganacsi sharci ku dhisan, waa in ganacsigaada yahay mid si fiican u qeexan marka la fiiriyo sidda inta qof aad ku tihiin ganacsiga.

La taliyaha ganacsigaada cusub wuxuu kaa saacidayaa inuu kulla fiiriyo fikrada cusub ee aad haysato iyo sidda aad doonayso inaad suuqa ku gasho wali adigoo si fiican u qeexi karo aragtida dheer ee aad haysato. La taliyaha waa inuu noqdaa qof aqqoon u leh suuqa aad galayso ama aad ku bilaabayso ganacsiga.

Shaqaalaha: Ganacsiga aad bilaabayso haddii uu yahay ganacsi kaligaa aad qabani karto umma baahnid inaad shaqaallo keensato ee hadda ku dhaqaaq, laakiin haddii uu yahay ganacsi u baahan shaqaallo waxaad ku qasbanatahay inaad keensato shaqaalle. Markii aad keensanayso shaqaallo waxaad u baahantahay inaad dhinacyo badan ka fakirto sidda canshuur qaadista iyo mishaarka.

Si aad ugu fogaato ganacsi lacag badan ku baxayso waxad u baahantahay inaad bedesho qaabka aad wax u qabani lahayd adigoo dhinacyo badan ka eegaayo fulinta fikrada ganacsigaada, waxaana loo yaqanaa “Business Model” waa qaabka loo ganacsado oo wax laga bedelaayo. Marwalbo ogaaw waxaa wanaagsan inaad wax badan ka bedeli karto qaababka loo ganacsadi maanta.

Waxaad in badan ka maqashaa arday jaamacadaha iskuulada iyo meelaha kale oo bulshada iyo guud ahaan asxaabta inay leeyihiin waxaan jeclahay inaan ganacsi bilaabo oo waxaad hayaa fikrad balse ma haayo lacagtii lagu bilaabi lahaa. Waxaan maanta isku dayayaa inaan arintaas xal u helo maanta. Waad bilaabi kartaa ee orad hadda bilaaw inaad sameysato ganacsi.

Haddii aadan haysanin lacag aad ku bilaawdo ganacsi maanta waad bilaabi kartaa adigoo raacayaa qodobadaan ama tixdaan:

  • Marka horre sameyso kaar bangi: gudaha Soomaaliya waqtiyadaan dambe waxaa soo baxay bangiyo badan oo laga aas-aasay gudaha dalka. Bangiyadaan ayaa ah kuwa siiyay fursado badan qaasatan ardayda jaamacadaha iyo ganacsatada dalka. Haddii aad sameysato kaarka bangiga waxaad leeyahay goob ay lacag kugu soo dhici karto ama aan ku xaraysani karto.
  • Qor fikrada ganacsigaada: marwalbo noqo qof caalami/xrifadeed “professional” shaqsiga xirfadeed waa shaqsi marwalbo xariirkiisa yahay qoris. Wuxuu bulshada kula xariiraa inuu wax qoro mana ahan shaqsi hadal badan. Inaad qorto fikrada ganacsigaada waxay kaa saacideysaa inaad usoo bandhigi karto asxaabtaada, maalgashatada, laamaha dawlada oo ku shaqada leh arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha. Haddii aad dadkaan usoo bandhigto waxaa macquul ah inaad hesho ama lagu deymiyo lacagtii aad ku bilaabi lahayd ganacsigaas. Waana fikrad aad u wanaagsan inaad qeexi karto ganacsigaada iyo sidda aad wax u wadi doonto haddii lacag lagu daymiyo.
  • Sameeyso ganacsiga qadamaadka leh, uma baahnid marka hore inaad sameysato ganacsi wax soo saaro maxaa yeelay waxaa ku sugaayo inaad dib u celiso daymaha aad soo qaadatay.
  • Baro sidda loo qorsheeyo maaliyada ganacsigada: qaado koorsooyinka ka hadlaayo qaabka aad u maamuli karto maaliyadda ganacsiga iyo xisaabinta.
  • Haka tagin oo haka caajisin ganacsiga aad bilawday, ganacsatada Soomaaliyeed cudurka haysto waxaa ka mid ah inay bilaabaan ganacsi hadana ay ka tagaan markii dambana. Dulqaad badan ayuu u baahanyahay ganacsiga. Haddii aad heli weyso macaamiil isweydii sawabta, laakiin wey dhacdaa in ganacsigaada marmarka qaar qabsato macaamiil la’aan hana fududaanin oo isbedelka badan ka dhaaf ganacsiga.

15 Fikrado Ganacsi oo Lacag La’aan Ah: Waxaa wanaagsan inaad in badan raadiso waxaad rabto inaad ka ganacsato, maxaa yeelay marwalbo oo aad ogaato baahida loo qabi karo ganacsiga aad rabto inaad bilawdo waxay kuu sahlayso inaad in badan ku guulaysato ganacsiga, haddii aad noqoto shaqsi ay la soo deristo guulo badan waxaa ku jeclaado bulshada adiga kugu heeraarsan. 

Fursadaha ganacsi ee lacag la’aanta ah iyo kuwa qiimaha yar ee aad bilaabi karto maanta waxaa ka mid ah:

  1. Qof guri ka kirayso “rent house” oo ku raadi qiimo jaban kadibna adiga sii kirayso oo kasii ganacso.
  2. Haddii aad jeceshahay inaad wax qorto, sameyso website yar oo aad ku soo bandhigto fikradaha ganacsi ee aad hayso si lagaaga iibsado adigoo Lock saaraayo si qofkii rabo aad ugu iibiso fikradaha aad hayso. Waxaad kale websiteka ku sheegi kartaa inaad tahay lataliye ganacsi, si aad ganacsatada ugu caawisid ganacsigooda.
  3. Waxaa jiro website-yo badan oo bixiyo buugaag badan oo lacag la’aan ah, kasoo qaado buugaagtaas kadibna ka iibi dadka kale ee u baahan buugaagtaas. Maalmahaan dambe waxaa sii kordhaayo tirada ardayda Soomaaliyeed, waxayna ardayda inta badan raadiyaan buugaagta kuwa ugu dambeeyay “last edition” dabcan dadkeena waxay aad u jecelyihiin waxyaabaha cusub. Ka faa’ideyso waa fursad qaali ah.
  1. Haddii aad tahay shaqsi jecel inuu dadka wax baro, waxaa jiro caruur badan oo u baahan in guriga wax loogu dhigo iskuulka kadib, waxaa kale jira arday dugsiga sarre dhigto oo maraayo sanadka ugu dambeeyay, kuwaasoo u baahan inay aadaan jaamacad sanadka soo socda waxaad ka saacidi kartaa cashirada xisaabta, sayniska, kimistiriga, ingariiska iwm. Uma baahnid inaad meel furato oo aad kiro bixiso, waxaad ugu tagaysaa guryahooda mise adigaba wey kuu imaani karaan oo gurigaada ayaad wax ugu dhigaysaa. Haddii lagu arko inaad hawshaas qabanayso waxaa suurta gal ah in iskuulada qaar kusoo raadsadaan si ay kaaga dhigtaan macalin wax bara ardayda. Dabcan sidda aan wada ogsoonahay dalka waxaa ka jira baahi loo qabo macalinimada, qaasan kuwa guryaha caruurta ku caawiya.
  2. Haddii aad jeceshahay ama xiisayso ama aad taqaano sidda loo sameeyo doolshada “cake” iyo macmaanka “sweets” sameyso bogga Facebook Like adigoo ku casuumaayo “invite” asxaabta deegaanka aad joogto si laguu ogaado inaad haysato qadamaad yar. Waxaa kale aad la xariiri kartaa ganacsiga yaryar ee ku shaqada leh inay sameeyaan aroosyada iyo kuwa Qurxinta dumarka. Waxaad u sheegi kartaa inaad hayso qadamaad. Waxaadna la geli kartaa heshiis, heshiiskaas oo ah haddii ay kuu keenaan qof ama ka badan waxay kugu leeyihiin qofkiiba 5% “boqolkiiba” halkaasna waxaa ugu sugan faa’ido waxayna u tahay dhiiro gelin.
  3. Waxaad noqoni kartaa joornaalista xog ah “freelance” waxaa jiro ganacsato u baahan in loo qoro warbixinta sanadlaha ah, haddii aad aqqoon duruqsan u leedahay siyaasadda iyo diblomaasiyada waxaad sameyni kartaa inaad sameysato website oo aad ku bixini karto koorsooyin si lagaaga iibsado aqqoontaada, waxaad kale oo aad qori kartaa dhibaatooyinka haysata siyaasiyiinta iyo sidda ay ugu gudbi karaan. Waana shaqo galabkii illaa habeenkii aad ka shaqeyni karto shaqadaada caadiga kadib.
  4. Haddii aad aqqoon u leedahay sidda wax loo qurxiyo “design” waxaa jiro website-yo badan oo u baahan arintaan in loo qabto. Waxaad la xariir kartaa website-yada u baahan hawshaan adigoo u sheegaayo aqqoonta aad u leedahay hawshaan iyo sidda aad ugu guulaysani karto.
  5. Waxaa jiro dad badan oo aad u mashquulsan oo u baahan in loo nadiifiyo guryahooda, waxaad sameysani kartaa telefoono iyo email lagaaga soo xariiri karo si marwalbo oo loo baahanyahay shaqo lagulla soo xariirikaro.
  6. Haddii aadan waxbo u arkin haynta caruurta waxaad gurigaada dhexdiisa ka sameysani kartaa qol aad ku hayso caruurta iyo waxyaabaha ay ku ciyaari lahayeen. Adiga ayaa qiimaha afkaada ka sheeganaysid markii aad haynayso caruurta, laakiin qiimaha waa inoo noqdaa qiimo macquul ah. Dad badan ayaa jiro oo shaqo ku mashquulsan oo raadinaayo wax u haayo caruurta. Waa fursad qaali ah oo aad ku heli karto ceesh xalaal ah. Ogaaw Soomaali waxay ku maah-maahdaa “shaqaa sharaf leh shaxaadaa ceeb leh”
  7. Waxaad noqoni kartaa qorsheeyaha qurxinta guryaha, qaabka loo qurxini karo guryaha sidda halka la dhigaayo miisaska iyo kuraasta, TV-yada, sidda uu ku qurxoonyahay iyo halka uu ku qurxoonyahay fadhiga guriga, xafiisyada. Shaqadaan waxaa u baahan Guryaha, xafiisyada, shirkadaha ganacsi iwm.
  8. Haddii aad ku fiicantahay ama aad u leedahay aqqoon sameynta faraantiyaasha qalinka, katiinadaha. Waxaa jiro fursado badan, dad badan ayaana u baahan inay iibsadaan allaabaha qalinka. Waxaad kale oo aad heli kartaa inaad dhoofiso qalinka.
  9. Haddii aad taqaano sidda loo isticmaallo harqaanka. Waxaad ku shaqeysani kartaa harqaan adigoo aan meel kiraysanin. Gurigaada dhexdiisa ka sameyso meel yar oo ku deeqda kadibna dadka xaafadda u tol dharka, diracyada, dharka suutka “suit” iyo canbuuraha. Waxaa jiro baahi loo qabo dharka suutka maalmahaan dambe. Maxaa yeelay bulshada aad ayay u xayaysiiyaan dharka suutka qaasatan arday dhammaysay jaamacadaha, siyaasiinta iyo ganacsatada. Dhanka dumarka waxaa baahi loo qabaa sameynta diraca loo yaqaano bacweyn iyo kuwa kale oo casri ah oo ay aad u jecelyihiin dumarka maalmahaan dambe.
  10. Haddii aad taqaano qaabka loo qurxiyo website-yada waxaa jiro websiteyo badan oo u baahan in wax loo qurxiyo. Adigoo gurigaada joogo ayaad raadini kartaa macaamil. Waxaad marka horre raadini kartaa website-yada u baahan in shaqadaas loo qabto, kadibna raadi emailadooda iyo teleefoonadooda. Waxaad kali oo aad u baahantahay kombuyuuter “computer”, internet, iyo barnaamijka sofwere-ka aad ku qabani lahayd hawshaas. Kadibna la imaaw qaabka aad wax ugu dhaadhicini lahayd website-yadaas.
  11. Maalmahaan dambe waxaa sii kordhaayo baahida loo qabo qorsheynta aroosyada “wedding planning” raga maalmahaan dambe waa lagu qaaliyay guurka. Waxaana soo baxday fursado ah in lamaanaha iscalmaday ay jecelyihiin inay helaan goob aad u sareyso oo soo jiidasho leh. Qorsheynta aroosyada ayaa baahi weyn loo qabaa waxa ka faa’ideystana wey yaryihiin.
  12. Waxaa jiro ganacsato u baahan in laga caawiyo ganacsigooda oo iibini waayay allaabtooda. Aad ayay muhiim u tahay inaad raadiso ganacsatadaas si aad ugu soo qaado allaabtooda qaar kadibna aad adiga iibiso. Waxaad la geli kartaa heshiis oo ah shey walbo oo aan kusoo iibiyo meeqo ayaan ku leeyahay? Boqolkiiba 15%, 5% haddii aad ku leedahay ama 10% waa qorsho aad u wanaagsan. Ganacsatada waxay inta badan allaabaha ka keenaan dalka dibidiisa kadibna waxay u baahanyihiin qaabka dadka loogu dhaadhicini lahaa. Adiga waxaad u noqoni kartaa iibiyaha allaabta “salesperson” waxaad ku iibini kartaa gurigaada ama allaabta oo halkeeda taallo ayaad qofkii iibsani lahaa markaad soo hesho ayaad geynaysaa halkii ay taallay. Allaabaha noocaan oo kale waxaa ka mid ah makiinadaha, gawaaridda, mobilada iyo guryaha.

Waxaan qoraalkeyga kusoo koobayaa ganacsatada waxy sharaf weyn ku leeyihiin bulshada, waa haddii ay yihiin kuwa daryeello diintooda, dalkooda iyo dadkooda. Qofka ganacsadaha ah waxaa loogu baahanyahay inuu noqdo shaqsi aad u qadariga naftiisa iskuna kalsoon inuu qabani karo hiigsiga ganacsigiisa. Ganacsiga wuxuu kobciyaa dhaqaalaha dalka. Haddii la helo ganacsato badan oo ku nool dalka gudigiisa waxaa kobci karo dhaqaalaha bulshada iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Ganacsiga marwalbo wuxuu kaaga baahanyahay oo kali waa inaad la timaado aragti cusub iyo qaab wanaagsan oo aad wax u wadi karto wali adigoo fiirinaayo waxyaabaha aad kaga duwanaani karto shirkadaha kale afka ingariiska waxaa loo yaqanaa “business model”. Markale dib u fiiri qaabka aad adiga u ganacsato, maxayse kaaga duwanyihini ganacsatada kale.

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Wuxuuna falanqeeyaa siyaasadda arrimaha dibedda, amniga iyo laamaha sirdoonka, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
4 Comments

4 Comments

  1. sayid hussein

    June 22, 2017 at 12:49 pm

    Asc waan idin salaamay marka hore waxaan dhowr jeer akhristay qormadii sida ugu fudud ee lagu bilaabi karo ganacsi lacag la,aan ah
    Runtii aad ayaan u jeclaystay waxay igu dhalisay motivation iyo hididiilo weyn
    Waxaan leeyahay himilo inkastoo aan kala simanahay dadkoo dhan misana taydu waxaan oran karaa waa ay ka duwantahay
    Waxaan kunoolahay south africa waa dhul runtii ganacsi ahaan aad u hormaray
    Maalin kasta waxaan ka fekeraa fekradii iyo waayi aragnimadii aan ka qaadan lahaa mudada aan joogo dalkan aan qaxootiga ku ahay halistana ah Lkn arinka igu dhashayayaa ayaa ah inaan save up gareyso lacag kadib aan gato qalab wax soo saar isla mar ahaantaana aan geeyso somalia si aan ugu intifaaco una aburo company yar oo local ah isla markaana shaqo iyo motivation iyo horuumar gaarsiya aniga iyo shaqalahayga .
    Hadaba waxaan idinka doonayaa inaad isii saan talo iyo tusaale wxii idinla muuqda wanaag ee kusaabsan soo jeedintayda
    Wali ma jiro qorshe cad oo ii dejisan marka laga yimaado fekrada iyo magac u bixinta ganacsigayga

    • Cabduljabaar Sh. Axmed

      June 22, 2017 at 10:15 pm

      Walaal marwalbo waad bilaabi kartaa ganacsi, waxayna ku xerantahay sidda aad adiga isbedel u sameyni karto. Ganacsi walbo wuxuu leeyahay abuure, ama qof lahaa hal abuurka ganacsigaasi. Marka waad ku guulaysani kartaa inaad yeelato ganacsi hal abuur leh. Illaahay hakuu fududeeyo walaal.

      Haddii aad ku haminayso inaad cilmi fiican ka garorsato ganacsi waxaa kuu suurta geliyay Somalism Academy oo aad website ka ka heli karto Somalism.org

  2. CabdiQani Cisman

    November 4, 2017 at 11:37 am

    Waa Qoraal Muhim ah oo uu Balan in lAga faaiidaystooo saxibayaaal wad mahadsan tihiin

  3. maxamed abdisalaam

    July 25, 2018 at 9:09 am

    wad mahadsantihiin dhalinyada qorayasha sida wanagsan ee aad dadka somaliyeed ugu faaiidaynaysaan mahad haydinka gaarto dhmantiin zxbayaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maalgelinta & Maaliyadda

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Published

on

Ra’iisul wasaarahii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu (M) ayaa gacan qaaday wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Soreide (B) iyagoo sawir iska qaaday ka hor kulankooda galbeedka Jerusalem [Amos Ben Gershom / Anadolu Agency/Getty Images]

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil si loo hubiyo in dhaqaalahooda aysan maalgelin deegaamaynta dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay Jimcihii.

Sanduuqa waxa uu maamulaa oo uu maalgeliyaa dakhliga ka soo xarooda khayraadka dabiiciga ah ee dalka si looga faa’iidaysto miisaaniyada horumarineed ee dawladda oo qiimaheedu dhan yahay $1.3 trillion waana ka ugu badan ee noociisa ah ee caalamka. Waxa ay leedahay boqolkiiba 1.5 shirkadaha ganacsiga guud ee adduunka.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay rumeysan yihiin in tallaabadii u dambeysay ay saameyn ku yeelatay go’aankii Qaramada Midoobay ee 2020-ka ee lagu soo saaray liiska madow ee in ka badan 100 shirkadood oo caalami ah oo sameeya ganacsiyo xiriir la leh deegaannada Israa’iil.

Sanduuqa waxa uu hore uga leexiyay shirkado badan oo adduunka ah hawlo uu u arkay kuwo anshax xumo ah, oo ay ku jiraan tiro shirkado Israa’iili ah oo ku lug leh deegaamaynta dhulka Falastiin.

Sannadkii 2020, Sanduuqa Norway waxa uu $1.3 bilyan ku maalgeliyay 81 shirkadood oo Israa’iili ah – qiyaastii saddex meelood meel ahaan maal-gelinteeda Bariga Dhexe.

Horraantii sanadkan, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqul insaanka ee dhulka falastiiniyiinta ayaa ku booriyay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo nooc cusub oo liiska madow.

Channel 12 ee Israa’iil ayaa sheegay in dib u eegistu ay bilaabatay sanadkii hore, laakiin dabeecadda dawladda cusub ee Israa’iil ayaa laga yaabaa inay soo dedejiso geeddi-socodka horseedaya leexinta ugu dhakhsaha badan.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay TV-ga in la isku dayay in Sanduuqa lagu qanciyo in uu ka laabto tallaabadan, balse codka Falastiin ayaa sheegay in Sanduuqa uu qeexayo in bangiyada Israa’iil ay joojiyaan lacagaha ay u xawilaan deegaamaynta.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku tilmaantay warbixinnada ku saabsan dib u eegistan “horumar khatar ah”.

Sanduuqan hantida adduunka ugu weyn, oo leh qiyaastii 1.5% saamiyada liiska adduunka, waxaa loo maareeyaa habraacyo kala duwan oo anshaxeed oo ka saaraya shirkadaha qaar ka mid ah caalamka maalgashi ee ku saleysan talada golaha. Golaha Anshaxa ayaa bayaan gaar ah ku sheegay “in degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed loo dhisay si ka baxsan sharciga caalamiga ah iyo in jiritaankooda iyo ballaarintooda joogtada ah ay dhibaato iyo khasaare weyn u geystaan dadka Falastiiniyiinta ah ee degaanka.”

Maareynta Maalgashiga ee Norges Bank ayaa sidoo kale go’aansaday in laga saaro Honeys Holdings Co. iyada oo ku saleysan talo soo jeedin ka timid golaha anshaxa ka dib markii ay tixgelisay xuquuqda shaqaalaha ee laba warshadood oo shirkadda Jaban ay ku leedahay Myanmar.

Sanduuqa wuxuu ku dhawaaqaa ka-saarid ka dib marka la leexiyo hantida dhabta ah. Dhammaadkii 2020, waxa ay $1 milyan ku haysay kaydka Shapir Engineering iyo Warshadaha iyo $12 milyan ee Mivne. Waxay lahayd $2 milyan oo doollar oo ah samaynta dharka dumarka ee Honeys Holdings. Sida talooyinka la sameeyay ka hor dhamaadka 2020, NBIM waxaa laga yaabaa inay bilawday inay leexiso hantideeda sannadkii hore.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

5 Fursado Ganacsi ah oo Kabannaan Gudaha Dalkeenna Hooyo??

Published

on


Waxa aan hubaa in gudaha dalka baahiyo Ganacsi oo aad u badan ey kajirto, laakiin waxaa yar dad u soojeedo arrinkaan, dad u soojeedo in ey wax cusub billaabaan, dhallinyaradu wey badanyihiin laakiin in waqtigooda ey buuxiyaan diyaar uma ahan xaqiiqdi.

Haddii aad leedahay diyaar ayaan ahay waana billaabilahaa lakiin duruufo ayaa iheysto jooji walaaca faraha ba’an kugu haaya ee fiiri taariiqda dadka guulaha sameeyay halka ey soomareen. Qaarkood ayaa kaliitay halka aad adigu taagantahay maanta.

5 Fursadood oo ganacsi ayaan halkaan ku soo gudbineynaa, inkastoon anigu horay dalka aanan uga bixin oo waxa aan kahadli rabo eysan ahayn waxyaabo aan dibadda ku soo arkay, laakiin waxa aan hubaa in ey yihiin waxyaabo dalka gudihiisa looga baahanyahay, Ganacsiga loo baahanyahay waa midka guuleysan kara.

  1. Iibinta qudaar nadiif ah 

Dalka Soomaaliya 3meelood meel ama kabadanba waa dhul beereed, hadana caasimadda ayaanba laga helin qudaarta cagaaran oo nadiif ah muddo 6 bilood ah sanadkii. Kaliya waxa aan helnaa qudaar muddo 6bilood kayar sanadkii, taasina waxa ey ka muuqataa wajiyada dadka oo laga garan karo in eysan cunin cunno qudaar ku jirto, maxaayeelay qudaarta cagaaran iyo mirahaba waa lambarka koowaad ee cunnooyinka caafimaadka leh.

Dhowr jeer oo aan weydiiyay Hooyadeey, qudaarta waxa ku dhaco oo aan u weyno markasto waliba annaga oo joogno caasimadda dalka hooyo, waxa ey ii sheegtay 3sababood:-

1.Qudaarta waxa ey dhalataa xilli roobaadka oo kaliya, marki uu roobka bato waxaa dhacdo in qudaarta qaarkeed eysan kunoolaan biyaha badan halkaasna waxaa ka’imaanaya in beer dhan oo koosta ahayd ey waxba kasoo go’i waayaan.

2.qudaarta waxa ay beeraleydu soo saaraan gawaari usoo qaaddo magaalada, xilli roobaadka waxaa go’a ama biyo fadhiistaan laamiyadii lasoo marsiin lahaa qudaarta, waxaana ku dhacdo in halkaas ey ku xayirmato qudaartii magaaladana aan lakeenin wax qudaar badan ah.

3.sidookale xilli roobaadka waxaa jiro in ey dhacdo fatahaado, waxa aan ognahay sida ey fatahaadahaasi saameyn weyn ugu leeyihiin dad iyo duunyaba, waxaa laga yaabaa in beerihii oo lagu tabcay ey ku dhacdo fatahaado.

F.G:-wey jiraan qodobo kale aan maskaxda ku haayo laakiin intaan ayaan ku soo koobayaa.

  1. Labadaanyo Casriyeysan ( LOUNDRY)

Caasimadda waxaa ku soo badanaya dhallinyarada goonida uddaggan (iskaabulada), magaaladana waxaa kajiro labadaanyoo-yin yar,qaabka ey ushaqeeyaanna ey keeneyso in dhallinyarada eysan dhar kadhaqan karin. Qaabka aan kuu soo bandhigayo waa in aad sameysaa mid casri ah sida in aad furato xarun qurux badan oo lagu kalsoonaan karo nadaafadda iyo shaqaalaheedaba. Waa in aad sameysataa cinwaan baraha bulshada ah si’aad halkaas uga hesho dhallinyaro kugu soo xirmo.

F.G:aan kuu baaqee wiilasha Soomaaliyeed 95% dhar madhaqan yaqaanaan oo waa loo dhaqaa, marka wiilkii kasoo guura reerkiisa ee meel iskaabulo ku ah orad ayuu kugu soo raadinayaa.

Dharka waa in qofka laga soo qaado gurigiisa looguna geeyo iyada oo lagu xisabinaayo gaari raaca (transportation-ka), qorshahaan waxa uu kuu sahlayaa in qoysaska deegaanka ey kugu soo xirmi karaan.

Ganacsigaan waxa kaliya uu ku hirgali karo waa in qiimaha lacagta lagu jaan gooyaa dadka deegaanka, si’ey u awoodaan lajaan qaadidda qorshahaaga ganacsi.

  1. Xirfadda dhar tolidda ama dawaarka

Harqaanno badan ayaa kajira deegaankeenna, xaqiiqdii aad ayay ubadanyihiin laakiin shaqada laga rabo mahaayaan oo cabashada ayaa badan sababtoo ah marwaliba aad dhar tolotnaysid  sida aad ula ballantay si’aan ahayn ayaa laguugu tolayaa tusaale in  cabbirkaaga laga gaabiyo ama laga dheereeyo.

Sidookale magaalada dhaxdeeda, dharka suuqa lagu iibiyo waa meelaha ugu ganacsiga fiican oo carwooyinka aad ayaa wax looga gataa, laakiin majirto haba yaraatee naqshad dhar oo Soomaaliya lagu sameeyo oo la-dalban karo, naqshadaha ugu badan ee dharka waxa ey nooga yimaadaan Kenya, maadama halkaasi Soomaali badan ey ku nooshahay oo ey dadkoodii usoo dhiibayaan dharka,  kaddibna qofkasto oo ku arko uu dalbanayo, ganacsatadana markaas kaddib ey keenaan isla dharkii.

Haddii aad furato harqaan dharka tola cabbir wanaagsan iyo waqti cayimanna ku soo saaro, gaar ahaan dharka dumarka maxaayeelay dumarka wey ka dhar iibsi badanyihiin ragga.

Sidookale haddii aad ku darsato naqshadeynta dharka waa fursad aad u fiican kana bannaan dalka.

4. Beeraha lagu ordo

Gabi ahaanba majirto xitaa hal beer oo leh waddooyin lagu aalamiiteeyo iyo kuraasman lagu nasto, beeraha nasiinada ayaa kajira dalka, laakiin dadka waxaa ku batay cudurada Macaanka iyo Dhiig-karka marwalibana dhaqaatiirta waxa ey kula taliyaan in ey jimicsi sameeyaan, dadki maheystaan meelo lagu ordo gaar ahaan Dumarka. Beeraha waxa ey soo jiidanayaan indhaha qofki marki uu ordana waxa ey ku fiicantahay in uu ku nasto.

Haddii aad jeclaatay in aad qorshahaan billowdid waxa aan kugu latalin lahaa in aad kala soocdid Dumarka iyo Ragga, maxaayeelay Dumar iyo Rag hal meel kuma wada ordi karaan!

5. Dhaqtarka Maqaarka:

Dhaqtar si qaas ah ugu taqasusay (specialist) cudurada maqaarka ee Soomaali ah, dalka dhaqaatiirta maqaarka ee kashaqeeya aad ayay ubadanyihiin bukaanadana kuma qanacsana, markasto ayaga oo cabanaya ayay isbitaalada katagaan.

Waxaa kale oo jira in badanaa dumarkeenna ey isticmaalaan waxyaabo kiimiko kabuuxdo si ey maqaarkooda u qurxiyaan laakiin nasiib xumo xaqiiqdii qofka waxaa ku dhacay in wajigiisa uu beddelmo in uu bahal u ekaado, aad ayay u fiicnaan lahayd in dhaqaatiirta maqaarka ku taqasusay ey noqdaan kuwa aqoon buuxda u leh waxyaabah dalka kajira ee maqaarka dila. Si’ey macaamiishaada u wanaagsanadaan waxa aad u keeni kartaa oo Farmshiga aad soo dhigi kartaa waxyaabo dabiici ah oo qofka quruxda u siyaadineysa.                    

Halkaas ayaan ku simeynaa, nabadeey….

 

Ilhaan Ciise Maxamed


Maku haminaysaa inaad wax badan ka barato ganacsiga iyo maamulka? Halkaan waxaad ka heli kartaa koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga waliba waxaad ku qaadan kartaa shahaado adigoo meelwalbo caalamka ka jooga. Riix sawirka hoose:

 

Maamulka Ganacsiga Caalamiga – Koorso

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Waa Maxay Caddaynta Dakhliga ‘Income Statement?

Published

on


Sida aan u malaynaayo Eraygaan ‘Income statement waxaad ku maqashay luuqada ingiriiska oo kali. Waxaan isku dayey inaan raadiyo macnaha dhabta ah ee Afsoomaali ahaan waxa uu noqon karo eraygaan ‘Income statement, balse ma aanan helin. Sidaa awgeed waxaan isku dayey inaan eray-bixin u sameeyo.

Income statement’ waa labo eray oo la isku keenay, waxaan u kala saaraynaa sida tan:,

Income, oo ah dakhli iyo statement oo ah, bayaan.

Mala dhihi karaa Bayaan Dakhli, ama Dakhli Bayaan? Aniga aragtideyda uma malaynaayo inay sidaasi sax ku tahay, maxaa yeelay eray bixinta waa in marwalbo laga fiiriyaa sida ugu macquulsan ee noqon kara macnaha guud ama ka bixin kara sharaxaad guud.

Eray-bixin (Terminology) waa shuruudaha farsamada gaarka ah ee loo adeegsado ganacsiga, farshaxanka, sayniska, ama maaddada qaaska ah.

Eray-bixin waa erayo iyo erayo isku dhafan ama tibaaxyo badan oo erey ah oo macnahoodu gaar yihiin la siinayo macno gaar ah – kuwan ayaa laga yaabaa inay ka leexiyaan macnaha ereyada isku mid ah marka loo eego xaaladaha kale iyo luuqaddaha.

Sidaas awgeed haddii aan u kuur-galo qaabka aan eray-bixintaas u sameeyay ayaa ahayd ‘waxaan ka soo qaatay macnaha guud ee Income statement. Income statement ayaa ah habbabka maaliyadeed ee loo maro marka la rabo in la ogaado dakhliga shirkada soo gala.

Waa caddeyn maaliyadeed oo muujineysa faahfaahinta dakhliga ganacsiga, kharashyada, khasaaraha, iyo faa’iidooyinka muddada go’an.

Waa sababtaas, sababta aan eray-bixintaas ugu sameeyay ‘caddeynta dakhliga.

Hadda waxaan jeclahay inaan isfahanay, waxaana kaa rabaa inaad caqligaaga idaymiso. Hadaba, waa maxay caddeynta dakhliga?

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa faa’iidada iyo khasaaraha ama cadeynta dakhliga iyo qarashka, caddeynta dakhliga wuxuu si gaar ah diiradda u saaraa dakhliga iyo kharashaadka shirkadda inta lagu gudajiro waqtiga gaar ah.

 

Fahanka guud ee caddeynta dakhliga

Caddaynta dakhliga waa mid ka mid ah saddexda warbixin ee maaliyadeed oo muhiimka ah si loo adeegsado soo gudbinta waxqabadka maaliyadeed ee shirkadda muddada xisaabinta gaar ah, iyadoo labada qoraal ee kale oo muhiimka ahi ay yihiin xaashida haraagga ‘(Balance sheet) iyo bayaanka qulqulka lacagta ‘(the statement of cash flows).

Caddaynta dakhliga ‘waa qayb muhiim ah oo ka mid ah warbixinnada waxqabadka shirkadda ee ay tahay in loo gudbiyo guddiga agaasimayaasha shirkada ama maamulaha ganacsiga.

Waa maxay guddiga agaasimayaasha shirkada? Guji halkaan si’aad wax ugu ogaato: http://www.tukesomalism.com/archives/1129.

In kasta oo waraaqda xisaab-celinta ahi ay siineyso nuxurka maaliyadeed ee shirkadda illaa taariikhda gaarka ah, warbixinta dakhliga shirkada ayaa sheegta dakhliga soo gala waqtiga cayiman, cinwaankiisuna wuxuu muujinayaa muddada, oo loo akhrin karo “Sannad-xisaabeedka / sannad-maaliyadeedka dhammaaday. ”

Caddeynta dakhliga wuxuu diiradda saarayaa afarta shay ee muhiimka ah sida – dakhliga, kharashyada, guulaha, iyo khasaaraha.

Caddeynta dakhliga ma dabooleyso rasiidaha (lacagta ganacsiga uu helay) ama lacag bixinta (lacagtii ganacsigu bixiyay).

Waxayna ku bilaabmaysaa faahfaahinta iibka, ka dibna waxay u shaqeysaa si ay u xisaabiso dakhliga saafiga ah iyo ugu dambeyntii dakhliga ku soo gala qayb kasta ‘(earnings per share (EPS). Sidoo kale, waxay bixisaa koontada sida dakhliga saafiga ah ee ay shirkaddu u gaarto loo beddelo dakhliga saafiga ah (faa’iido ama khasaare).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Qaababka Aas-aasiga Ah Ee Lahaanshaha Ganacsi

Published

on

 


Marka laga hadlaayo xagga suuqa, ganacsi walbo wuxuu leeyahay qaab loo sharaxaayo ama ay u qeexaan milkiilayaasha ganacsigaas. Ganacsi walbo waxaa wanaagsan inuu leeyahay qaab loo sharaxi karo markii ay timaado xagga suuqa.

Haddii ganacsiga laga bixini karo sharaxaad waxay kuu suurta gelin kartaa inaad fahanto waxaad uga baahantahay inaad sameyso sida suuq geynta markaad sameynayso.

Ganacsi hal qof uu leeyahay  (Sole proprietorship): Ganacsiga noocaan oo kale ah waxaa iska leh hal qof oo kali ah. Qofka noocaan oo kale ayaa wax walbo oo ganacsigaas rasaamaal u ah iska leh. Sida makiinadaha, kombuyuutaradda IWM.

Milkiilaha ganacsiga noocaan oo kale ayaa lagu lahadaa deymo badan, laakiin markaad dhinacyo badan ka fiiriso marna waa Qatar weyn marna waxaa laga helaa faa’iido badan.

Iskaashiga (partnership): Waa ganacsi ay leeyihiin laba qof ama ka badan. Iskaashiga micnihiisa waa in waxwalbo la wadaago sida deymaha, rasamaalka ay leedahay shirkadda, macaamiilka, dejinta go’aamada, iyo guud ahaan in la wadaago faa’iido iyo qasaaro. 

Waxaa jiro saddex nooc oo iskaashi. Saddexda nooc ee ugu badan iskaashiga waxay kalla yihiin iskaashi faa’iido-doon, iskaashi guud iyo iskaashiga xadidan.

Ganacsi ka kooban dad badan (Corporation): Ganacsiga noocaan oo kalle waxaa lagu leeyahay daymo aan sidaas usii badneen. Waxwalbo oo ku jira ganacsigaas waxaa iskaleh dadka wax ku leh oo kali ah. Qof walbo oo ganacsigaas wax ku leh waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba.

Waxaa laga yabaa inuu ka koobanyahay 500 ama in ka badan milkiilayaal, milkiile walbo waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba inta uu ku leeyahay. Waxaana jira nidaam ka wada dhaxeeyo dhammaan milkiilayaashaas noocaan oo kale.

“Dhammaan ganacsiga nooc walbo uu yahay wuxu u baahanyahay dulqaad, qaasatan waqtiyada ugu horeyso oo uu ku cusubyahay suuqa. Ganacsiga wuxuu kale uu u baahanyahay hawlgal wanaagsan.

Hawlgalka ayaa loo baahanyahay inuu noqdo mid wax ku ool ah. Hawlgalkaan waxaa loo yaqanaa maamulka. Laamaha ugu waaweyn ee maamulka waa maareynta maaliyadda, maamulka suuq-geynta, maareynta shaqaalaha, maamulka istiraatiiji ah, maamulka wax soo saarka, maaraynta hawlaha, maamulka adeegga iyo macluumaadka, maamulka teknoolijiyada.

Marwalbo oo ganacsiga ku dhisanyahay xikmad iyo waayo aragnimo dheeri ah waxaa laga dareemaa saan-saanta kobaca dhaqaalaha ee ganacsigaas. Marwalbo la imaaw fikir aad kaga duwantahay ganacsadayaasha kale ee aad tartanka kulla jirto suuqa. Marwalbo waxaa wanaagsan in faraskaada fardaha wax kaga duwanyahay. Iskuday oo isku taxluuji inaad ku guulaysato siyaasadda aad ka damacsantahay inaad guullo kaga gaarto ganacsigaada.

“Ma ogtahay in libaax badeedka hal il uu ku hurdo?” marwalbo oo aad feejignaan joogto ah la timaado waxaa macquul ah inaad hanato ama aad dhammaystirto baahida ugu weyn ee suuqa taalo.

Ganacsiyada inta badan waxay leeyihiin “hantida aqooneed” oo u baahan in laga illaaliyo tartamayaasha shirkadda inuu sii joogo uu faa’iido. Tani waxay u baahan tahay shatiyada, xuquuqda, allaabooyinka ama illaalinta qarsoon ee ganacsiga.

Ganacsiyada intooda badan waxay leeyihiin magacyo, shicaaro, farsamooyinka kalle, Shatiyada iyo xuquuqda daabacaada. Dastuurka Soomaaliya waxaan ka rajeynaynaa inay soo saari doonaan sharciyo iyo qaanuuno ka hadlaayo arrimaha ku salaysan sharciyada ganacsiga ee federalka, halka sirta ganacsiga iyo trademarking inta badan laga doonaayo inay noqoto arin gobol.

Nidaamka ganacsiga dalka oo dhan in la dhiso oo la hergeliyo ku dhaqankiisa waxay suurta gelini kartaa ama ay u tahay horumarka dhaqaalaha bulshada qeybaheeda kalla duwan. Nidaamyada noocaan oo kale waxaa laga dhexlaa horumar iyo isbedel ku salaysan dhaqaalaha dalka oo idil.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Ganacsatada Soomaaliyeed Ma Kalsooni Darro Baa Haysa Mise Aqoondarro?

Published

on

 


Marka aad marayso laamiyada ama jidcaddayaasha halbawlaha ah ee magaaladaada, ama dhex marayso suuqyada waa weyn ee dalka, waxa shaki kaa galayaa in aad Soomaaliya joogto! Sababtuna waxa ay tahay; masawirrada ku dheggan tabeellayaasha suran foolka bakhaarrada, dukaamada, carwooyinka, dhartolayaasha, mayaaqadaha, hudheellada, timejarayaasha, gabdhoqurxisyada, xarumaha duullilmaadka, xarumaha dhardhaqaalka, isbitaallada iyo … iwm.

Haddii aad u fiirsato bakhaarrada, dukaamada iyo carwooyinka; waxa aad ku arkaysaa tabbeellyaashooda sawirro gaalo cadcad oo dhar qaba ama saacado. Meelaha dharka gabdhaha lagu iibiyo, waxaa ugu sawiran gabdho carbeed oo cabbaayado qaba ama carruur carbeed oo dharkooda qaba.

Xitaa meelaha qabdhaha lagu qurxiyo naago cadcad oo hablo ay isku qolo yihiin u cillaamaya ayaa ugu sawiran. Kuwa iibiya khamiisyada iyo catarrada waxaa ugu sawiran nin carab ah oo cigaal qaba. Dukaamada hilibka iibiyo iyo hudheellada cuntada gada, waxaa ugu sawiran nin koofi dheer qaba (oo gaal iyo islaan kuu yahay aanan garanayn) oo saxuun iyo middiyo wata, oo ag taagan digaag shiilan iyo showaarmo la saafayo. Kuwa dharka tola, niman aan u malayn in ay Hindi yihiin oo dhar tolan qaba ayaa ugu dawiran. Isbitaallada, jaad kasta oo yihiin ba, waxaa ugu sawiran niman iyo naago caddaan ah oo wax baaraya. Shirkada taleefoonnada, iyo kuwa bangiyada sawirro dad cad baa ugu dheggan!
Ma arkaysid maqaayada cuntooyinka dalka ay tabbeellayaasha ugu sawiran yihiin iyo qof Soomaali ah oo xayeysiinaya, iyaga oo weliba iibiya. Middii iigu yaabka badnayd, waxa aan arkay biibato iibisa caano geel oo keliya, misana uu ugu sawiran yahay nin cad oo caano cabbaya!
Intaas waxaa dheer, inta badan afka ugu qoran waa afaf qalaad: Ingiriis iyo Carabi.
Adduunyada, dhawr meel oo aan ka soo maray, waxaa xarumahooda ganacsi ugu dheggan sawirrada dadkooda, xitaa kuwooda ugu caansan, afkooda ayaana ugu qoran. Kuwaani, ma waayeen dad Soomaaliyeed oo ay ku sawirtaan iyo cid afkooda waxa ugu qorta mise kalsoonidarro ayaa haysa, oo dadka caddaanka ah iyo afka qalaad ayey kaga kalsoon yihiin mise taleefishinka waxa ay ka arkeen ayey soo minguuriyeen oo aqoondarro baa haysa!
Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Istaraatijiyada Suuqa ‘Market Strategy’

Published

on


Guud ahaan marka laga hadlaayo ganacsi waa waxyaabaha u baahan in si diiran loo sharaxo marka la doonaayo in la bilaabo ganacsi. Waxaana wanaagsan in lalla yimaado istaraajiyad cadeynayso siddii aad ku gaari lahayd awooda suuqa ee aad doonayso inaad gaarto.

Ganacsi walbo wuxuu lahaani karaa caqabado kala duwan balse marwalbo waxay ku xerantahay qofka ganacsadaha ah sidda uu ugu hortago dhibaatooyinka soo wajahi karo, arrintaasina waxaa lagaaga baahan yahay inaad karti dheeraad leh u leedahay.

Waxaa kaloo wanaagsan inaad si fiican u ogsoontahay shaqada hortaallo qofka markuu yahay ganacsade. Ganacsadaha waa qof hal abuur leh, abuura fikradaha cusub ee ganacsiga ama shirkadaha. Ganacsadaha waa shaqsi meel dheer wax ka arka halka kuwa kallena ay ku adagtahay inay arkaan fursadahaas.

Ganacsigu sidiisaba waa nidaam dhaqaalle oo goobta allaabta iyo adeegyadda wax lagu bedelo wax kale ama lacag.  Ganacsi kasta wuxuu u baahanyahay nooc ka mid ah maalgelinta iyo macaamiil ku filan si loo iibin karo si joogta ah si uu ugu caddeeyo faa’iidada. 

Ganacsiga wuxuu u kalla baxaa noocyo badan oo kala duwan sidda midka qaas ah (private) ama mid ay leedahay dawladda sidda kuwa aanay ka raadinin bulshada faa’iido (non-profit business).

Marka aad maqasho erayga istaraaji waxaad fahmi kartaa meel la doonaayo in la gaaro, sidda dagaalka militariga waxay raadiyaan siddii ay ugu guulaysani lahayeen dagaalka. Ciidamada militariga dagaalka iskama galaan ee waxay ku galaan qorshe, qorshahaasna waxaa dejiya raga doonaayo inay ku guulaystaan dagaalkaas.

Dadka dejinaayo qorshaha dagaalka waxaa loo baahan yahay inay si fiican u fahansan yihiin u jeedada dagaalka. Siddoo kale ganacsiga wuxuu u baahanyahay istaraajiyad qeexi karto u jeedada laga leeyahay suuqa.

Istaraajiyada suuqa waa sharaxaada guud ee sidda aad doonayso inaad u hanato suuqa. Wakhtiyada aad u baahantahay inaad sameyso ama lagaaga baahanyahay inaad qorto istaraajiyada suuqa ayaaa ah wakhtiga aad qorayso qorshaga ganacsigaada.

Si aad wax badan ugu ogaato waxa lagala jeedo qorshaha ganacsiga fadlan halkaan ku guji http://www.tukesomalism.com/2016/11/12/qorshaha-ganacsiga-business-plan-tukesomalism-com/

Istaraajiyada suuqa waa istarajiyad ama nidaam loo maro qaababka loogu guulaysani karo suuqa. Si ay shirkadaha ugu guulaystaan suuqa waxay u baahanyihiin inay si wanaagsan u sharaxaan istaraajiyada suuqa. Dhammaan shirkadaha waxaa wanaagsan in si wanaagsan u sharaxaan istaraajiyada suuqa.

Hadafyada guud ee laga leeyahay istaraajiyada suuqa ayaa ah siddii loo horumarini lahaa daqliga shirkada kasoo galo suuqa. Waa qaab sheegaayo in shirkada ay u baahantahay siddii loo kordhini lahaa daqliga suuqa kasoo galo.

Suuq-yada waxaa ka jira caqabado badan oo kala duwan sidda waxaa laga yabaa in dowladda ay keento nidaam cusub oo ku wajahan ganacsiga dalka ka jira iwm.

Caqabadaha soo wajihi karo shirkadaha waxaa ka mid ah:

Kordhinta canshuuraha
Sharciyada shaqaalaynta
Shaqaalaha shirkada oo aan aqqoon fiican u lahayn shaqada
Aqqoon-darada haysato maamulka shirkada
Isbedelka dhaqaalaha iyo suuqa
Isfahan la’aanta u dhaxeeyo shaqaalaha shirkada iyo macaamiisha
Fahan-xumida cidda aad doonayso inay macaamiil kuu noqoto


Haddii uu wanaagsanyahay xariirka u dhaxeeyo shaqaalaha iyo maamulkiisa waxay si fudud u fahmi karaan waxwalbo oo ka baxsan shirkada oo afka ingiriiska lagu yiraahdo ‘external environment’. Ururka shirkada kuma guulaysani karo waxa ka jira binaanka shirkada haddii aysan iyaga dhexdooda ka jirin isfahan guud. Urur walbo oo caalamka ka jira ha noqdo mid siyaasad ku salaysan, mid ganacsi iyo mid kaleba dhammaan ururada waxay u baahan yihiin isfahan guud ee ka dhaxeeya iyaga dhexdooda.

Toms shoes oo kale waa shirkad sameysay qaab suuq-gaynt ah oo fudud weyna ku guulaysatay. Shirkadaan waxaa hal-qabsi u ah ”hal xabo hal” (One for one) oo macnaheeda ah haddii aad hal joog iibsato halka kale waxaa la siinaayo caruur masaakiin ah oo aan kabo haysanin. Waxayna ku guulaysteen inay helaan macaamiil badan oo iyaga wax ka iibsado. Waa qaababka ugu fiican ee suuq-gaynta waqtiyadaan dambe.

Tusaale kale, shirkad laga leeyahay dalka Iswiidhan ’Sweden’ oo la yiraahdo Tetra pak waxay sameysaa xayaysiin sidda Toms shoes oo kale. Tetra pak waxay soo saartaa cuntooyinka karsan, caanaha, jalaatada, jiiska, sharaabka.

ruben-rausing-ninkii-aasaasay-shirkada-tetra-pakShirkadaan asalkeeda waxaa aas-aasay nin la yiraahdo Ruben Rausing. Wuxuu ku dhashay magaalo la yiraahdo Raus oo ah meel u dhaw Helsingborg, ee dalka Iswidhan (Sweden). Wuxuu ka qalin jabiyay Iskuulka Stockholm ee dhaqaalaha sanadka markuu ahaa 1918. dagaalkii koowaad ee adduunka kadib wuxuu qaatay shahaadadiisa Masterka ee Sayniska (Master of Science). Wuxuuna ka qaatay jaamacada Columbia, ee dalka Mareeykanka.

Dad badan oo reer Yurub ayaa shirkadaasi wax ka iibsado, waqtiyadaan dambe waxaa kartoonka Tetra pak ku qoran haddii aad hal xabo iibsato waxaa lagu caawinayaa caruurta Itoobiya oo loogu dhisaayo iskuul.

Ganacsi walbo waa inuu raadiyaa qaababka ugu wanaagsan uu ku iibini karo badeecadahiisa. Shirkadaha marwalbo waxaa la gudboon inay la imadaan istaraajiyada suuqa, iyo qaababka ay rabaan inay ugu guulaystaan suuqa. Ganacsi walbo wuxuu leeyahay sir u qaas ah ama siyaasad u qaas ah ”Business policy”

Dhammaan waanu ka warqabnaa marka la yiraahdo istaraajiyada suuqa waxaa isla markiiba maskaxdaada kusoo dhacaayo suukh-gayn. Waa run waa waxyaabaha muhiimka ah inaad ku bilowdo kiiska istaraajiyada suuqa. Haddii aad ku bilaabo qodobo yar oo ku saabsan horumarinta istaraajiyadaasi waxaa ka mid ah

Jabsiga koritaanka –waa tubta ay bulshada wax ku iibsani karaan, miisaaniyad ahaana dagan. Waa qaabab u baahan hal-abuurnimo dheeri ah adigoo dhinacyo badan wax ka fiirinaayo, adigoo hadana lagaaga baahan yahay inaad il gaar ah ku fiiriso caqabadaha haysto macaamiisha iyo sidda aad rabto inaad u xaliso dhibaatooyinkaasi.

Barnaamijyada dhiirogelinta –waa dalad ah oo ay qabtaan ururada si ay macamiishooda ugu dhiirogeliyaan iibsiga qadamaadkooda. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah shirkada Hormuud ee isgaarsiinta waxay qabataa barnaamijyo ku saabsan sidda haddii aad iibsato 5dollar waxaad helaysaa saacado dheeri ah mise 2 dollar oo lacag la’aan ah. Waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa “Referral Programs” laakiin inta badan aqqoonyahaanada waxay isticmalaan erayga “referral marketing” oo isku macno ah.

Warbaahinta la kasbaday – shirkadaha markii ay macamiishooda u qabtaan shaqo fiican, macaamiishana ay ku qancaan shaqada loo qabtay waxaa dhacdo in macaamiisha ay u sheegaan dadka kale (word of mouth). Cilmi ahaan warbaahinta la kasbaday waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa “Earned Media”. Haddii aad marwalbo ka fakirayso lacag oo kali ma tihid ganacsadaha ay u baahnayeen bulshada ee waa inaad ka fakirtaa siddii aad ku kasbani lahayd qalbiga macamiishaada. Haddii aad marwalbo ku fakirto qaababka ugu wanaagsan ee aad ku qancini karto macaamiishaada waxaa kuu suurta galayso in macamiishaada markale soo noqdaan.

Suukh-gaynta warbaahinta bulshada –waqtiyadaan dambe dadka waxay aad u isticmalaan Facebooga, Instagram, Snapshat, iyo kuwa kale oo badan oo waqtiyadaan dambe soo baxay. Waqtiyadaan dambe shirkadaha marka la abuuro ama la sameeyo waxay isla markiiba sameystaan suukh-gaynta warbaahinta bulshada oo afka ingiriiska lagu yiraahdo “social media marketing”.

Marka laga hadlaayo istaraajiyada suuqa waxaa jira qodobo badan oo muhiim ah, una baahan sharaxaad badan. Si aad ugu guulaysato qodobada aan soo sheegay waxaad u baahantahay inaad sameyso istaraajiyad ku gaarsiini karto hadafkaada.

 

Maku haminaysaa inaad wax badan ka barato ganacsiga iyo maamulka? Si aad u aragto dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan waxaad u baahan tahay oo kali inaad riixdo sawirka hoose,

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Gorfayn2 days ago

Gorfaynta Buugga Dabar iyo Hoggaan

Isir Sooca Beelaha3 days ago

Caddaalad Darro: Muxuu maamulka degmada Wadajir ay ku heystaan Asad Cabdi, haddii uusan dambiile aheyn?

Diblomaasiyadda & Dunidda4 days ago

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay: Maxaa laga filan karaa kulanka ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha adduunku ee toddobaadkan?

Wararka4 days ago

Wadamadii hore ee Faransiiska gumaysan jiray ayaa abuuray isbahaysi milatari

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban

Buuggaag5 days ago

Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 week ago

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Dhaqaalaha2 weeks ago

Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Mareykanka oo joojinaya joogitaanka militari ee Niger – Politico

Wararka2 weeks ago

Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Marooko ayaa dilay in ka badan 2,000 oo qof

Afrika2 weeks ago

In ka badan 60 qof ayaa lagu dilay weerarro lagu qaaday doonyo iyo xero ciidan oo ku taal Maali

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Afrika3 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah

Bariga dhexe3 weeks ago

Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah

Afrika3 weeks ago

Ruushka oo diidmada qayaxan ku diiday cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee saaran dal Afrikaan ah

Afrika3 weeks ago

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub oo ka fal celiyay afgambiyada Afrika

Afrika3 weeks ago

Afgambi ayaa ka dhacay dalka Gabon – AFP

Geeska Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo soo bandhigtay tirada dadka ku dhintay iska horimaadyada ka dhacay Itoobiya

Xafiiska Wararka3 weeks ago

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay Koonfur Afrika

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo dib uga guurtay deegaano ay hore uga qabsadeen argagixisada Al-Shabaab

Afrika3 weeks ago

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa wada-hadallo uga socday Qaahira, kuwaas oo ku saabsan biyo-xireenka GERD ee muranka dhaliyay

Geeska Afrika3 weeks ago

Taliyaha ciidamada Suudaan Burhaan ayaa ku wajahan Masar, waa safarkiisa ugu horeeyay ee dibadda ah tan iyo colaada

Afrika4 weeks ago

Kooxda Daacish ayaa guulo waaweyn ka gaartay Maali, sida ay sheegeen khubarada Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Maleeshiyada Taageersan Somaliweyn oo la wareegay saldhig ciidan oo ay leeyihiin maamulka Somaliland

Geeska Afrika4 weeks ago

Madaxweynihii Gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo iscasilay – sababta waa maxay?

Wararka4 weeks ago

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda duleedka Ceeldheer

Wararka4 weeks ago

Niger oo eriday safiirkii Faransiiska

Xafiiska Wararka4 weeks ago

Dowladda Danmark ayaa doonaysaa inay mamnuucdo gubista Kitaabka Qur’aanka

Geeska Afrika1 month ago

Itoobiya ayaa wacad ku martay in ay xalin doonto khilaafaadkii galaaftay nolosha 100,000 oo qof

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Muxuu yahay mustaqbalka Macawiisleyda kadib dagaalka Al-Shabaab?

Xul