Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
5-Fursado Ganacsi Aad Bilaabi Karto Maanta, Waliba Adigoo Gurigaaga Jooga!

Waxaa laga yabaa inaad aqoon gaar ah u leedahay qaababka loo ganacsado. Kawaran haddii aad tahay gabar wax soo baratay oo soo dhammaysatay waxbarashadeeda sarre ee jaamacada, hadana ah hooyo guriga joogta oo caruurteeda kuriso? ama aad tahay nin wax soo bartay hadana aanan haysanin shaqo amaba haayo shaqo uusan ku qanacsaneen. Ma jiraa fursado aad ku noqon karto ganacsade ama aad ku abuuri karto fursado dhaqaalle. Qoys walbo wuxuu u baahanyahay innuu helo ilo dhaqaalle, balse haddii la waayo waxaa adkaan karayso bixinta korontada guriga, waxbarashada caruurta iwm. Qofwalbo waxaa masuuliyad ka saaran tahay innuu abuuro nolol ku salaysan ‘xasilooni dhaqaalle’.
Siddoo kale gabadha waxay u baahantahay inay caawin karto odaygeeda xittaa iyadoo guriga fadhida. Kawaran haddii aad tahay hooyo caruur haysato oo aanan la qabin?
Nolosha aadanaha ma ahan nolol loo wada simanyahay, maxaa yeellay waxaan ku wada noolnahay adduun la kalla sareeyo, balse waxaa isweydiin mudan maxaa keenay kalla sareynta dunidda?
Inaad noqoto shaqsi loo shaqeeyo waa wax macquul ka ah noloshada aadanaha. Haddii aad doonayso inaad noqoto shaqsi loo shaqeeyo marka horre adiga is xil saar oo waxaad isku xil saartaa in masuuliyad ay ku saarantahay habba yaratee. Ganacsiga wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan oo dadka ay ku taajiraan.
In aannu qofku ku dedaalin in uu dhididkiisa cuno waa wax dadkeenna ku badan oo xittaa bulshadeenna iyo nafteenna daayo, uu waddankeeni ka horumari layahay.
Islaweyni waa tan inoo diidday in aynnu wax la soo baxno, dadkeenu ayna shaqo abuuran ee aynu dhammaanteen doonayno in aynu helno kursi wareegaya, guri weyn oo cad, nolol dhammaanteed iyadu iswadda, habaysan oo aynaan inagu ku dhididin waa taa dhammaan dhalinta wax baratay fadhiisisaa maqaaxiyaha ee horumar u diidday, waa taa dhallinyartii dalkaan u dhalatay ay badaha isugu guraayaan, Waa taa shaxaadka badisay ee qof waliba aannu gacmihiisa kala furayn, mararka qaar aya aad is oranaysaa dadkaan tolow yaa ku yirri “ha cunina dhididkiina waxna halla soo bixinna”.
Ahaaw, rag ama dumar midkey doontaba: kawaran haddii aad tahay shaqo la’aan? Yaad ka sugaysaa innuu shaqo kuu abuuro? Aaway dadnimadaada aad ku abuuran lahayd shaqo fiican oo isku filnaansho leh. Waxwalbo waad noqon kartaa haddii aad garato qofka aad tahay!!
Waxaa jira su’aalooyin badan oo u baahan inaad u hesho jawaabo sax ah. Garashada bini’aadmigu wax garto shan marin ayay u soo maraan maskaxdiisa. Waa aragga, maqalka, urta, dhadhanka iyo dareenka jirka. Shantaas ilood waaye kuwa dhalashadeenna illaa dhimashadeenna maskaxdeenna iyo maskaxdeenna ku waraabiya aqoonta ay u ooman tahay. Si gaar ah marka laga hadlaayo aqoon-kororsiga, saamiga weyn waxaa la siiyaa kaalinta ay dareenka aragga iyo kan maqalku ka qaataan.
Halkaan waxaan kusoo koobayaa fursadaha ganacsi ee aad bilaabi karto maanta. Siddoo kale fursadahaan ganacsi waa kuwa aanan kaaga baahneen qarashaad badan ee waa kuwa u baahan dadaal badan iyo inaad ka tagto waxwalbo oo keeni karo islaweyni. Ogaysiis, fursadahaan ma ahan oo kali inaad shaqo la’aan tahay, xittaa adigoo shaqeysto ayaad bilaabi kartaa waxayna kuu tahay sharaf-dheeri ah. Fursadahaan waxaa kamid ah:
- Ganacsiga internetka ‘e-commerce’
Ganacsiga internetka ayaa ah ganacsi maanta baahi weyn loo qabo, waxaana marwalbo marka kasii dambeysa kor usii kaca baahida loo qaba ganacsiga internet-ka wax loogu kala iibsado. Wadankeenna mustaqbalka dhaw ganacsigaan aad ayuu u kobci doonaa, waxaana la sheegaa in wakhtiyadaan dambe soo ifbaxaayaan dad bilaabay ganacsiga internet-ka oo aragtida mustaqbalkana wax badan iska bedeli doona xaalada dalka uu ku jiro maanta.
Faa’idooyinka uu leeyahay bilaabida ganacsiga internet-ka ma ahan wax halkaan lagu soo koobi karo. Marka aad leedahay xarun dukaan ah, waxaa laga yabaa in macaamiishaada aysan aqoonin goobta ganacsigaaga, balse ganacsiga Internet-ka ayaa ah goob cidwalbo oo daafaha dunidda kunool soo booqan karto. Waxaad u baahantahay oo kali inaad abuurato Platform aad muhiim u ah, oo soo jiidan karo indhaha dad badan oo xiiso u qabo ganacsigaaga.
Faa’idooyinka kale uu xambaarsanyahay aas-aasida ganacsiga internet-ka ayaa ah, kaagama baahno inaad qarashaad badan ku bixiso. Laakiin si ganacsigaaga kor u kac u sameeyo waxaad u baahantahay xayeysiin xoogan oo qarash ah, si bulshada caalamka ay kuu aqoonsanadaan halka laga heli karo badeecadahaaga.
Arrimaha muhiimka ah inaad ogaato marka aad bilaabayso ganacsiga noocaan oo kale waxaad u baahantahay tartanka caalamka ka jira iyo waliba saameynta lacagaha suuqa. Lacagta suuqa’ ‘waa halka maaliyada, damaanad sare iyo miisaaniyada aadka u gaaban’. Guud ahaan marka la raba in la sharaxo suuqa lacagta waxaan isdhihi karaa in horey loo fahmi karo macnaha guud ee ay xambaarsantahay suuqa lacagta. Lacagta mararka qaar waxay noqotaa ‘badeeco si lacag kale loo abuuro.
Haddii aan u sameyno macnayaal kala duwan sidda haddii ay shirkadaada soo iibsato agabyada sidda kuraasta, makiinadaha, kombuuterada iwm, waxay ka dhigantahay inaad qarash ku bixisay si aad agabyadaasi ugu abuurto lacag kale.
‘macnahiisa ma ahan inaad sii iibinayso ee waa sahaydii aad dagaalka ku geli lahayd.
Hadaba, dhammaan qodobadaasi ma ahan suuqa lacagta ee waa ‘xoraynta ganacsigaaga, si aad u yeelato meel aad ku qabsato hawl maalmeedkaaga. Qodobadaan ayaa ah xaqiiqda rasmiga ah ee ‘Suuqa lacagta’ sidda biilasha hantida, waraaqaha ganacsiga, aqbalaadda baanka, xisaabaadka, caddaynta deebaajiga ‘deposit, biilasha sarrifka, heshiisyada dib u celinta, miisaaniyada federaalka, deynta mudada gaaban ah iyo hantida qaaliga ah.
Sidoo kale, suuqa lacagta wuxuu ka koobanyahay haay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada kuwaasoo hawshooda salka ku haysa deynta iyo amaahda lacagaha. Ka-qaybgalayaashu waxay deynsanayaan oo ay amaahiyaan muddo gaaban, sida caadiga ah ilaa laba iyo toban bilood.
Arrimaha kale ee u baahan inaad wax badan ka ogaato marka aad doonayso inaad bilaawdo ganacsiga internet-ka waxaa kamid ah isbedelka lacagaha dunidda. Marka aad badeeco kasoo iibsato dalkale inta aadan iibinin saameynta ay kugu yeelan karto isweydii haddii aad wadan kale qof jooga ka iibiso.
Ganacsiga internet-ka ayaa ah mid dhammaan hawshiisa aad qaban karto adigoo gurigaaga fadhiyo, safaro inaad gasho uma baahnid oo qarashka kaaga bixi lahaa safarada wuu kuu baaqanayaa. Adigoo gurigaaga fadhiyo ayaad badeecadahaaga dalbani kartaa, hadana adigoo gurigaaga fadhiyo ayaad sii iibin kartaa badeecadihii aad soo iibsatay.
- Adeegyada macmacaanka
Soomaalida ayaa ah dad macmacaanka jecel sidda xalwada, shushumoow, kashaatada, rootiga iwm. Haddii aad taqaano sidda loo sameeyo macmacaanada noocyadooda kala duwan hadaba waxaad haysataa fursad qaali ah oo aad ku abuuri karto dhaqaalle.
Soomaalida oo kali ma ahan dadka macmacaanka jecel, xittaa waxaan arkay dadka reer Yurub sidda kuwa aan arkay Norway-jiga aad ayey u jecelyihiin macmacaanka sidda doolshada (kake) oo kale, sidaas awgeed halkaas waxaa kujira fursado qaali ah oo aad kaga faa’idi karto farsamadaha aad taqaano.
Siddoo kale dadyowga reer Yurub waxay aad u xiiseeyaan cuntooyinka iyo dhaqamada dadka kale ee soo galootiga ku ah dalalkooda. Haddii aad tahay shaqsi degen Soomaaliya waxaad marqaati ka tahay in Soomaalidu jecelyihiin macmacaanka noocyadiisa kala duwan.
Fursadaha qaaliga ah intaas oo kali kuma koobna, hawshaan waxaad u qaban kartaa dad badan sidda aroosyada, xafladaha soo dhaweynta, iyo shaqsiyaadka raba in si gaar ah loogu sameeyo macmacaanka. Sidoo kale waxaan shaki kujirin in maqaayadaha ay u baahanyihiin cid usoo sameyso oo u keento qibradaan ayaga aysan aqoonin.
Sidoo kale waxaad xariir la sameyni kartaa midowga ardayda Soomaaliyeed ee jooga wadanka aad joogto si mararka ay xaflad qabaan ay kuulla soo xariiraan oo ay kaaga iibsadaan waliba waxaa lagaaga baahanyahay inaad ka dhaadhiciso inaad u sameyn karto tiro inta ay rabaan marwalbo oo ay xaflad qabaan. Laakiin waxaa lagaaga baahanyahay inaad ogaato noocyada macmacaanka ay macaamiishaada jecelyihiin, marwalbana xoogga saar baahida ay qabaan macaamiishaada iyo sawabata ay u jecelyihiin.
- Adeegyada qorshaynta aroosyada
Wakhtiyadaan dambe tirada dadka is aroosaayo ayaa kor u kacay sanadihii lasoo dhaafay, waxaa halkaas ka muuqda fursadaha ka ganacsiga hawlahaas qorshaynta ah. Ma aanan sameynin tirokoob rasmi ah balse madamaa aan ahay shaqsi bulshada ku dhexjira hadana waxaan dareemi karaa kobaca tirada guurka.
Haddii aad taqaano qaababka loo qorsheeyo aroosyada, sidda hoolalka lagu qabanaayo aroosyada inaad si fiican u taqaanid qaababka loo qurxiyo. Haddii aadan aqoon fiican u lahayn xittaa waxaad qaadani kartaa koorsooyin ku saabsan hawlaha noocaan oo kale. Waxaadna ka faa’idi kartaa qibrad fiican oo aad ku balaarin karto rajada mustaqbalka ganacsigaaga.
Adeegyada qorsheynta aroosyada ayaa u baahan inaad ku bilawdo qarash-yar oo aan siddaas usii badneyn. Waxa ugu muhiimsan inaad leedahay xarun yar ee lagaaga soo xariiri karo, sidda telefon lambarkaaga, goobta ganacsigaaga waa u muhiim macaamiishaada inay ogadaan.
Dadka aad ayay u jecelyihiin inay arkaan arooskooda oo si qurux badan loo abaabulay, ogaaw qofka guursanaayo ama la guursanaayo inta badan kama welwelaan lacagta ay bixinayaan maxaa yeelay waa qof farxad baxan hayso, waxwalbo oo macquul ah wey bixinayaan ee adiga ku dhaqaaq. Kk.
Waxaan intaas kuu raacinayaa inaad ku darto qeyb qurxinta dumarka iyo raguba, si gabadha aroosada ah iyo wiilka arooska ah ugu qurxin karto. Waxaana wanaagsan inaad qeyb u gaar ah raga u sameyso adigoo illaalinaayo dhaqankeenna suubanaa ee diinta Islaamka.
Qeybta dumarka: Qurxinta iyo jarida cidiyaha, gaagaabinta timaha iyo qurxintooda, cagaha cadaaday iyo soo celinta quruxdooda iwm.
Qeybta raga: jarida iyo qurxinta timaha, dhaqista wajiga iwm.
- Adeegyada Xirfadaha Shaqada, ganacsiga iyo Nolosha
Shaqooyinkaan baahida loo qabo aad ayay u badanyihiin laakiin bulsho ahaan Soomaalida ma xiiseeyaan. Adeegyada noocyadaan oo kale marka horre waxaad u baahantahay inaad aqoon fiican u leedahay ganacsiga iyo la talinta. Adeegyada noocyadaan oo kale xittaa uma baahnid inaad xarun furato ee adigoo gurigaaga jooga ama nolol maalmeedkaaga haysta ayaad qaban kartaa.
Haddii aad doonayso inaad bilawdo adeegyada noocaan oo kale waxaad u baahantahay qibrado kala duwan inaad leedahay sidda:
– Waxaad u baahan tahay inaad noqoto mid la aamini karo, ixtiraamo, aan xukun badneyn, heer sare oo sharaf leh.
– Waa inaad noqotaa xiriiriye fiican, oo ay ku jirto awoodda aad u leedahay inaad dhegaysato.
– Inta badan wakhtigaaga waxaad ku kharash gareynaysaa telefoonka ama kulamada.
– Waxaad u baahan tahay inaad u dulqaadato, naxariis iyo dhiirigelin.
– Waxaad u baahan tahay inaad 100% “ahaato” kulan kasta, macaamil kasta, iyadoon loo fiirinaynin noloshaada shakhsi ahaaneed.
Waxaa jira faa’idooyin badan uu xambaarsantahay inaad bilawdo ganacsiga noocaan oo kale. Waxaan la soconaa marwalbo marka aan doonayno inaan bilaawno ganacsi waa inaan marka horre oganaa qiimaha iyo rajada ku jirta in la bilaabo ganacsigaas, hadana hadlkaan hoose waxaan ku xusayaa faa’idooyinka ay xambaarsantahay inaad bilaawdo:
– Waxaad bilaabi kartaa ganacsigaan oo dhan adigoo gurigaaga jooga, macaamiisha waxaad kula xariiri kartaa telefoonka.
– Qiimaha hawshaan lagu qabanaayo ayaa sareysa.
– Haddii aadan aqoon fiican u lahayn hawshaan, waxaad bilaabi kartaa ganacsigaaga intaad tababarka qaadanayso iyo inaad qaadid talaabooyin aad ku heli karto shahaadooyin.
– Waa ganacsi abaalmarin kuu ah oo kuu ogolaanaya inaad isbeddel ku sameyso nolosha dadka kale.
– Waxaad tababari kartaa shakhsiyaadka ama kooxaha.
– Waxaad kobcin kartaa adeegyadaada si aad u hesho dakhliga dheeraadka ah.
Qibradaan ayaa ah mid ay u baahanyihiin cid u qabato ganacsatada Soomaaliyeed oo garan la’ dhibaatada haysata ganacsigooda. Soomaali oo kali ma ahan waxaa kale u baahan dadyowga degan dalkaan Norway ama haddii aad degantahay wadamo kale oo ka baxsan dalkeenna.
- Adeegyada harqaanka (dhar tulista)
Haddii aad taqaano ganacsiga harqaanka ‘dhar tulista’ hadaba waxaad haysataa qibrad dheeman ah oo aad kaga macaashi karto. Dhar tulista waa qibrad ay yaqanaan dad badan oo Soomaali ah, waliba si fiican ayay kaga macaashi karaan dadka yaqaano qibradaan. Haddii aad tahay shaqsi kunool gudaha Soomaaliya oo aad xarun furato mise adigoo gurigaaga jooga soo dhex-dhigato harqaan shaku kuma jiro inaad ogtahay in bulshada aad u tushaan dharka jeex-jeexmay iyo waliba tulista diracyada iwm.
Haddii aad magaalada xarun ka furato siddoo kale waa mid aad si fiican ugu faa’idi doonto.
Inta badan macaamiishiisa aad ayay u badanyihiin, kawaran haddii aad si fiican u balaariso oo aad u sameyso xarumo cusub oo soo jiidasho leh, xayaysiina aad ugu sii darto?
Arrintaas jawaabteeda adiga ayaan kaa sugayaa, maxaa yeelay waa ganacsi aan isweydiin lahayn inuu guulaysanaayo ma sheegin wuxuu Alle swc qoray. Soomaalida waxay tiraahdaa “daahane hortiisa dafahane ayaa jooga” ka faa’idayso wakhtiga inta wakkhtigu goor yahay
F.G: Maamulaha guud ee ganacsi walbo oo dunidda ka jira, waxaa wanaagsan innuu illaaliyo anshaxa wanaagsan, kana illaali ganacsigaaga wax isdaba marinta, waa inaad fahantaa dhaqamada caalamka, siyaasada dalka ka jirta, isbedelka lacagaha iyo guud ahaan canshuuraha wadanka aad ku nooshahay.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee aad bilaabi karto ganacsi?
Furaha ugu muhiimsan ee ganacsiga waa inaad taqaano suuqa aad beegsanayso iyo inaad u haysato dhaqaalle kugu filan. Haddii kale si fudud ayaad u jabaysaa.

Haddii aad akhrinayso qoraalkaan, waxay u badan tahay inaad ka fikirtay inaad bilowdo ganacsi kuu gaar ah. Waxay u badan tahay inaad wax badan ka fikirtay. Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad dib u dhigtay – bilo, haddii aysan ahayn sanado – sababtoo ah wali ma aadan dareemin inay tahay waqtigii saxda ahaa.
Dib uga fakar markii ugu dambeysay ee aad hadaf weyn gaartay. Waxaa laga yaabaa inaad rabtay inaad dhammaystirto hadafkaas. Xusuusnow sida cajiibka ah ee aad dareentay markii aad dhammaysay?
Gaaritaanka yoolalka waa weyn waxay ku dareen siinaysaa qof sharaf leh, oo wax qabsan kara. Bilaabida ganacsi marna ma fududa. Awooda lagu bilaabi karo ganacsi ma fududa. Waxay u baahan tahay adkeysi, iyo dulqaad.
Waxaan jira dad leh fikrado waaweyn oo ganacsi ah; laakiin waa dad la nool fikradahooda oo kali ee aan lahayn dhaqaaq. Sidoo kale, waxa jira shakhsiyaad u heelan in ay shaqada ka tagaan ama bilaabaan ganacsi balse sannadba sanadka ka dambeeya is leh ‘wali lama gaarin wakhtigii aad bilaabi lahayd; kuwaas oo kale weligood uma muuqdaan inay horumar samaynayaan. Waa maxay sababtu? Sababta ayaa ah in inta badan shakhsiyaadka leh qorshayaasha ganacsi ee waaweyn iyo fikradaha ay sugayaan waqtiga saxda ah ee ay bilaabaan.
Marka hore aan isla fahano waa maxay ganacsi?
Ganacsiga waa shirkad kasta oo doonaysa inay ka faa’iidaysato adeegga ay bixiso, badeecadaha ay iibiso iwm. Fasiraada ‘Ganacsi’ waa ereyo ballaaran, marka aad ganacsi bilawdo waxaad la kulmi kartaa khasaare, laakiin taasi macnaheeda ma ahan inaad ku guuldarreysanayso haddii aad ganacsi bilawdo ee waa aqoon kuu koradhay.
Waa goormaa wakhtiga saxda ah ee la bilaabi karo ganacsi?
Waxaa laga yabaa inay ku hayso cabsi ah inaad ku guuldareysato ganacsiga haddii aad bilawdo. Haddii aad sidaas u fekerayso waxaa kaa maqan inaad ogaato marka hore, ma jiro wax la yiraahdo guuldaro. Guuldarro waa marka aad guuldarreysato oo aad wax ka baran wayso guuldaradaasi.
Qor sida ay u ekaan doonto noloshaada riyadeeda shan sano gudahood, adoon wax xaddidaad ah ama ka fikirin sida aad halkaas ku gaari doonto.
- Ganacsi noocee ah ayaad doonaysaa inaad bilawdo?
- Yaa wax kugu darsan doona?
- Sidee dareemi doontaa maalinka aad bilaabayso shirkadaada?
Hadda dib-u-fiiri wixii aad qortay, oo qiyaas inay dhammaan xaqiiqo yihiin. Ogaaw, wixii aad qortay waa adiga qorshahaaga. Waana khariidaddaada guusha. Hadda waxaad joogtaa meel aad uga dhow inaad bilowdo ganacsi. Xaqiiqada waa tan: ma jirto waqti ku habboon in la bilaabo ganacsi. Marna ma jiri doonto daqiiqad ku habboon. Had iyo jeer waxaa jiri doona sababo aad dib uga dhigi karto hadafyadaada ganacsi. Laakiin sidee ayaad u abuuri kartaa shuruudahan kuwaas oo suurtogal ka dhigaya in riyadaada inay rumoobaan?
Mudnaanta sii fikradahaaga ganacsi
Dhab ahaantii, maaha wax ku saabsan wakhtiga – adiga ayay kugu xeran tahay. Adiga kaliya ayaa awood u leh in aad abuurto ganacsi guulaysan kara, taasina waxay kaaga baahan tahay shaqsiyad gaar ah oo ay ka go’an tahay. Waxay u baahan tahay adkaysi iyo hab-fikir quman.
Marwalbana ku dedaal sidii aad u arki lahayd sawirka guud ee horumarka leh. Waxa muhiimka ah waa ogaanshaha inaad adigu gacanta ku hayso noloshaada, oo aad ka shaqaynayso fikirkaaga ganacsi.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Fahan bulsheed: Guulaha suuq-geynta
Marka dadka si fiican ugu warhayaan alaabtaada ama badeecadahaaga, iibkaagu wuu kordhayaa. Suuqgeyntu waxay caawinaad weyn u tahay xarumaha ganacsiga. Waa marka qaybaha ganacsigu isticmaalaan xeelado suuqgeyneed oo kala duwan si ay u kordhiyaan faa’iidada ganacsiga.

Waxaynu foolaad ama horyaal ku masayn karnaa (marka la joogo shirkadaha) shirkadda si fiican u fahanta sabada ama bii’adda ku hareeraysan. Sababta oo ah mar walba oo ay shirkadi si waafi ah u fahanto waaqica ku maageersan waa mar walba oo ay soo saarto wax macaamiisheeda u cuntama sidoo kalena qancin kara (iyadoo ayna meesha ka maqnayn samaynta faa’ido baaxad leh).
Qormadani waxay daaran tahay inta uu la’eg yahay heerka kala duwanaanshaha bulsheed iyo faa’idada ay leedahay fahanka bulshooyinku.
KIT KAT iyo Jabbaan
Qofna caad kama saarnaa sida sibiqda ah ee ay juklaatada Kit Kat ugu soo duurxushay nolasheenna. Waxay inoogu soo dhex dhuumatay si ayna garanayn ama dareemin, ammin habeen iyo maalin gudahood ah ayeynu is aragnay inagga oo haami u qabna in aynu cunno juklaatadadan heerka sare ah.
Guulaha suuq-geyntu maaha kuwo iska yimaada, sidoo kalena maaha kuwo mar la arag ah oo aan soo laalaaban, bal se waa tacab ka unkamay qorshe suuq-geyneed oo maangal ah. Siday Kit Kat ugu duushay suuqyada Jabbaan waxaa tusaalle nool loogu soo qaadan karaa qorshayaasha suuq-geyneed ee caqli-galka ah.
Sumadda Kit Kat waxay si lama filaan ah ugu soo dhowayd weedh lahjadaysan oo ay Jabbaaniisku isticmaali jireen, weedhaa oo ahayd “Kito Katsu” macnaheeduna ahaa: “Waxaan kuu rajayn guul”, waxayna ahayd hawraar ay waalidiinta iyo ubadkoodu is dhaafsan jireen iyagoo talada san ama tawfiiqda isu rajayn jiray. Wixii intaa ka dib dhacay waa waxa aynu rabno in aynu is-dul-taagno oo bitijoorka (Tooj) si bayaan ah ugu ifino. Waana bar-bilowga uu ka tisqaaday qorshaha suuq-geyneed ee dulqaadku ku ladhnaa, qasidgiisuna ahaa inuu maanka aadanaha kaga tago masawir la yaab leh oo raadayntiisa cuskan.
Sanaddii ugu horreysay ee ay Kit Kat soo gashay suuqa Jabbaan, waxay gudagashay inay huuteelada ku yaalay caasimadda Tokyo u qaybiso juklaato bilaash ah, si loo siiyo kumanaanka arday ee caasimadda u yimi inay ku galaan imtixaanka loogu gubdayo jaamacadaha. Gabalka yar ee juklaatada (midabkkeeduna casaan xigeenka aan wax lagu matali karayn ahaa) wuxuu ahaa mid ardayday loogu qaybiyey inuu la jaal yahay ama wato nasiibka. Cidnina may ogayn in juklaatadu ay ka timi shirkadda Kit Kat laftigeeda.
Sanaddii xigtay waxay bilowday inay faafiso warar iyo dacaayado ku halmaala juklaatadii bilaashka ahayd ee nasiibka wadatay oo lagu qaybinayey huuteelada caasimadda (Sida la wada ogyahay, dadka reer Jabbaan waa kuwo xasaasiyad ka qaba sidoo kalena aana ku kalsoonayn xayeysiisyada iyo dacaayadaha, xitaa heer ay ka gaadheen inay liidaan waxay dacaayad ka dareemaan).
Sanadkii saddexaad, waxay samaysay xayeysiisyo ka geddisan kuwo ay isticmaalaan shirkadaha la jaalka ahi, waxay xayeysiiskeeda u soo bandhigtay qaab sheekooyin ah oo aad u qurxoon, waxayna sheekooyinkani ku jaan-goysay macalimiin, hooyooyin iyo arday ka sheekaynaya siday juklaatadani nasiibka ugu soo jiiday. Sheekooyinkani waxay ahaayeen kuwo la ikhtiraacay oo male-awaal ah, taasoo ku dhalisay hooyooyinka reer Jabbaan inay aamminaan in cunida juklaatadani ay keento nasiibka, waxayna gaareen heer ay ubadkooda iskuuladda u dirin ilaa ay uga sii gadaan juklaatada Kit Kat.
Sanadkii afaraad, wuxuu ugu suntanaa sanad hal-abuur. Waxaa si toos ah shaashada iyo googabah mahwiyada uga soo muuqday shaqaalaha
Kit Kat, iyagoo xayeysiinaya sumadda lagu yiqiinay shirkadda Kit Kat. Waxyaalaha ay kooxda suuq-geyntu sameeyeen waxaa ka mid ahaa in ay si fiican u fahmeen dabciga dadka reer Jabbaan (reer jabbaan waa dad aad u jecel hal-abuurnimada iyo is-bedbeddelka), waxay taasi sababtay in kooxdani ay bilaabaan inay soo bandhigaan carfoon-axadh (flavor -نكهة ) cusub oo lagu iibinayo wadanka jabbaan oo keliya. Carfoon-axadhyadaasi waxay isugu jireen liin; tufaax; iyo shaaha cagaaran.
Arrinta aadka u cajiibka ahayd waxay ahayd in carfoon-axdhayadani ay muddo kooban suuqa ku jirayeen ka dibna hal mar suuqa laga waayayey (si ay suuqa ugu banneeyaan carfoon-axadhyo kale oo cusub). Aragtidani waxay ka dhalatay inay dadka reer Jabbaan jeclayn waxyaalaha soo noqnoqda.
Gunaanad, suuqgeyntu waxa loola jeedaa waxqabadyada ay shirkadu qabato si ay u horumariso gadashada ama iibinta badeecad ama adeeg. Suuqgeynta waxaa ka mid ah xayaysiis, iibinta, iyo gaarsiinta badeecadaha macaamiisha ama ganacsiyada kale.
Tusaalooyinka caadiga ah ee suuq-geynta waxaa ka mid ah xayaysiisyada telefishinka, boorarka xayaysiinta ee waddada dhinaceeda ku yaal, iyo xayaysiisyada majalladaha balse waxay marwalbo ku kala duwan yihiin qaabka taatikada ay u kala isticmalaan. Suuqgeynta guusha leh waa wax kasta oo beddela aragtida astaanta ama aragtida badeecada taasoo u horseedda iibka sare, faa’iidada ama saamiga suuqa.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa maxay qeexida rasmiga ah ee Maamul?

Maareyntu waa isku dubaridka iyo maamulka hawlaha si loo gaaro yoolka. Hawlaha maamulka waxaa ka mid ah dejinta istaraatiijiyadda ururka iyo isku dubaridka dadaalka shaqaalaha si loo gaaro ujeeddooyinkan iyadoo la adeegsanayo agabyada la heli karo.
Maareyntu waxay lama huraan u tahay nolol habaysan oo lama huraan u ah in lagu socodsiiyo dhammaan noocyada maamulka. Maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaadho ujeedooyinka nolosha iyo maaraynta ururku waxay la macno tahay in wax lala qabto dadka kale si loo gaadho ujeeddooyinkeeda.
Maareynta waa maamulka urur, hadday tahay ganacsi, urur aan faa’iido doon ahayn, ama hay’ad dawladeed. Waa fanka iyo cilmiga maamulka kheyraadka.
Guud ahaan, maareyntu waa mabaadiida laxiriirta shaqooyinka qorsheynta, habeynta, hagidda iyo xakameynta, iyo ku dhaqanka mabaadi’daan si looga faa’ideysto xoogga iyo tamarta aadanaha, maaliyadda, iyo macluumaadka waliba si hufan oo wax ku ool ah si loo gaaro yoolalka ururka.
In wax walbo la maareeyo waxay lama huraan u tahay nolosha aadanaha sidaas awgeed, maareynta wanaagsan waa laf dhabarta ururada guuleysta. Maareynta noloshu waxay la macno tahay in wax la qabto si loo gaaro ujeedooyinka ururka.
Tayada maamulaha wanaagsan
1. Hufnaanta Xirfadeed: Hufnaanta xirfadeed waxa loola jeedaa in aqoon buuxda loo yeesho goobta ay khusayso. Maamulka, kartida xirfadeed waxay ku lug leedahay in si fiican loo barto mabaadi’da maaraynta iyo habka mabaadi’da inta badan loogu dabaqo xaaladaha.
2. Xaqiijinta Guul Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay aaminsan yihiin ‘guul sare. Waxay leeyihiin meel gudaha ah oo ay gacanta ku hayaan, taasoo tusinaysa inay dareemayaan inay xakameynayaan xaaladaha, sidaas darteed, xaaladuhu ma xakamayn karaan. Waxay leeyihiin dareen ah in haddii dadka kale ay samayn karaan wax gaar ah, ay sidoo kale u samayn karaan si la mid ah. Rumaysadkani waxa uu ku beeraa kalsooni in ay sameeyaan wax ka wanaagsan iyo ka wanaagsan.
3. Hal-abuurka: Hal-abuurku waxa uu ku lug leeyahay fikradda beddelka asalka ah iyo kuwa gaarka ah ee jawaabta dhibaatada. Hal-abuurku waa lama huraan sababtoo ah dabeecadda mashaakilaadku way sii socotaa isbeddelka, una baahan xalal cusub.
4. Xirfadaha Falanqaynta: Maareeyayaashu waxay u baahan yihiin inay ku daraan xaalado adag oo ka kooban arrimo muhiim ah iyo kuwo aan macno lahayn. Xirfadaha falanqaynta, maareeyayaasha tayada leh waxay sidoo kale diyaar u noqon karaan inay aqoonsadaan arrimaha ku habboon shaqadiisa.
5. Go’aan leh: Maareeyayaasha tayada leh waa kuwo go’aan qaadasho leh. Waxay gaaraan go’aamo ka dib markay si taxadar leh u baaraan doorsoomayaasha tixraaca waqti fiican. Uma kala meermeeraan ‘waxa la samaynayo’ ama ‘waxa aan la samaynayn’ xaalad gaar ah.
6. Xirfado Isgaarsiineed oo heer sare ah: Isgaarsiintu waxay ku lug leedahay la wadaaga fikradaha iyo fahamka dadka kale. Si aad u ogaato dadka kale ee lagu shaqeynaayo waxaay u baahan tahay xirfada isgaarsiinta ama wada hadalka, xirfado isgaarsiineed oo heer sare ah ayaa loo baahan yahay. Intaa waxaa dheer, isgaarsiinta waxay saameyn ku yeelan kartaa maamulaha iyo shaqaalaha inay isfahmaan.
7. Hogaamin dhanka hore: Maareeyayaasha tayada wanaagsan ayaa xaga hore ka hogaamiya. Waxaa lagu aqoonsadaa shaqadooda ee ma ahan kuwa hadla oo kali. Awooddani waxay ka dhigaysaa kuwa raacsan inay si xamaasad leh ula socdaan madaxda.
8. Furfurnaan: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin tayo furfurnaan. Way u nugul yihiin isbeddelka mana aha qoraallada u adkaysta. Iyagoo furfuran, waxay tixgeliyaan fikrad kasta oo faa’iido leh oo ay ka aqbalaan meel kasta oo ay ka timaado.
9. Daacadnimo Sare: Maamulayaasha tayada leh waxay leeyihiin daacadnimo sare waxayna qaataan dhaqamada anshaxa guud ahaan noocyada go’aannada iyo macaamilka. Sidoo kale, waxay filayaan qaab u dhigma in ay raacaan kuwa kale.
10. Habka koox-ku-salaysan: Maareeyayaasha tayada waxay qaataan hab koox-ku-salaysan. Waxqabadka shaqada, waxay doortaan wax-siinta. Waxay aaminsan yihiin inay horumariyaan naftooda iyo sidoo kale kuwa kale.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa maxay tayada maamulaha wanaagsan?
5-taan sifadood qaado si aad u noqoto Maamule Wanaagsan. Waa cilmi baaris la sameeyey oo lagu ogaaday.

Marwalbo oo aad tahay maamule waxaad u baahan tahay xirfado u gaar ah shaqada maamulnimada. Xirfadaha maamulku waa xirfado farsamo, xirfado fikradeed, xirfadaha dadka dhexdooda iyo xiriirka, xirfadaha go’aan qaadashada.
- Xirfad aqooneed
Marwalbo waxa kala duwanaan karo ururada ama shirkadaha ay ka hawlgalaan maamulayaasha sidaas awgeed waxay u baahan yihiin xirfado qaar. Kuwani waa xirfadaha ama sifooyinka ay hay’addu ka raadinayso qofka si loogu magacaabo maamule.
Xirfadahani waa kuwo aad u qiimo badan, qayb ahaan, sababtoo ah way adagtahay in la barto. Waxay ku horumaraan waqti ka dib markaad u fiirsato, la falgasho, oo aad la shaqeyso asxaabtaada. Xirfadaha kale ayaa muhiim u ah hogaaminta wax ku oolka ah iyo maaraynta waxqabadka.
Maamulaha xun waxaa lagu gartaa shaqada fudud ayuu shaqo adag ka dhigaa, halka maamulaha wanaagsani uu ka dhigi karo shaqo adag mid loo dulqaadan karo. Hadaba sidee maamulaha wanaagsan uga dhex garan kartaa midka xun? Waa kuwaan astaamaha aad ku garan karto.
2. Dabacsanaantu Waa Furaha Koowaad
Sahan ay sameesay hay’adda Manpower ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 40% maamulayaasha caalamku ay sheegaan in jadwal dabacsani uu yahay mid ka mid ah saddexda shay ee ugu sarreeya ee ay tixgeliyaan marka ay dooranayaan shaqada, waa lagama maarmaan sidoo kale. Tani waxay ka dhigan tahay inaad ku kala duwanaan karto sida aad uga falcelinayso xaaladaha kala duwan.
Maareeyayaasha wanaagsani waxay ula dhaqmaan shaqaalahadooda inay yihiin bani’aadam iyaga oo kale oo daali kara, jecelna jadwalka fudud si shaqada ay usii jeclaadaan. – Taas macnaheedu waa inay ula dhaqmaan dabacsanaan iyo faham.
3. Daacadnimadu Waa Muhiim
Waxaad ogaaneysaa in qeexida dabacsanaanta ay ka dhigan tahay inaad imaan karto shaqada wakhti kasta inta u dhaxaysa 7:55 ilaa 8:02. Bey’adda goobta shaqada waxaa wanaagsan in qof kastaa uu joogi karo xafiiska mar walba, oo aad is taageertaan, haddii ay taasi dhacdo, waxaa bilaabanayso in shaqaalaha ay nacaan shaqada – xitaa haddii ay shaqadu aad u fiican tahay. Maxaa yeelay daacadnimadu macnaheedu maaha edebdarro, laakiin waxay la macno tahay in la saxo dhibaatooyinka markay soo baxaan. Siinta shaqaalaha tusaalooyin gaar ah oo ku saabsan sida, goorta, iyo waxa ay hagaajin karaan ayaa aad uga qiimo badan in ay iska indho tiraan dhibaatooyinka jira.
Maareeyayaashu, dabcan, uma sheegi karaan shaqaalaha macluumaadka sirta ah, laakiin waxay u sheegi karaan waxay u baahan yihiin inay ogaadaan si ay shaqadooda u qabsadaan. Maareeyayaasha wanaagsani waxay raadiyaan habab ay ku muujiyaan naxariista, xitaa haddii sharciga waafuqsaneyn.
4. Mushaar cadaalad ah
Sharciga Xiriirka Shaqaalaha Qaranka wuxuu ilaaliyaa xuquuqda shaqaalaha si ay u illaaliyaan xaaladaha shaqada, oo ay ku jiraan mushaharka, iyo kuwa ay wada shaqeeyaan. Laakiin dadka inta badan kama hadlaan dhibaatooyinka lagu haayo, maxaa yeelay aqoon la’aanta ay u leeyihiin sharciga.
Dowladaha waa weyn ee ka jira nidaamka sharciyada. Waa sharci darro in dadka lacag lagu siiyo iyadoo lagu saleynayo jinsiyadda, ama sifooyinka kale, maamulayaasha wanaagsan waa inay fahmaan in mushaharka caddaaladda ah ee qof kastaa uu muhiim u yahay guusha; sababtoo ah qof kastaa waa in aragti ahaan uu qaataa mushahar cadaalad ah.
Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha beddela shaqada ay ka mushahar badan yihiin kuwa isku shirkada ah.
Waxaa la sheegayaa inta badan shaqaalaha sababaha ay ugu tagaan shirkadaha ay tahay sababo lala xariiriyey ‘ mushaar aan caddaalad ku salaysaneen.
5. Wuxuu dhisaa kooxo guulaysta oo leh maskax hogaamineed
Maareeyayaasha wanaagsani kaliya maaha inay fiiriyaan guushooda – waxay raadiyaan guusha kooxahooda. “si loo noqdo hoggaamiyeyaal wanaagsan, maareeyayaasha – gaar ahaan kuwa ku cusub jagada – waa in ay horumariyaan maskaxda hoggaamiyaha.”
Maamulaha wanaagsani waa in uu xaaladaha u arko si ka duwan sida uu u arko qof wax ku darsaday. Maamulaha ama Hogaamiyuhu waxa uu xooga saaraa sawirka wayn waxa uuna ka caawiyaa isu keenida dadka si loo gaaro yoolal la taaban karo. Ma filan kartid inaad isla markiiba ka booddo doorka “wax-qabad” una gudubto “maamulid” adoon lahayn nusqaan xagga xirfadahaaga hoggaamineed. Maareeyayaasha wanaagsani waxay ka shaqeeyaan inay buuxiyaan daldalooladan oo ay u beddelaan aragtidooda hoggaamiye mid ka mid ah.
Maamulaha wanaagsani waxa uu jecel yahay in shaqaaluhu ay la kulmaan ka-qaybgal iyo ixtiraam; waa arrin la dhisayo deegaan ay shaqaalaha ku guulaysan karaan.
Guntii iyo Gebagebadii, waxaa jira malaayiin dariiqo oo lagu noqon karo maareeye wanaagsan. Mana jiro qaab adag oo maamule kasta oo wanaagsan uu raaco mar kasta. Laakiin mabaadi’da aasaasiga ah waxay ka caawin karaan maareeyayaasha inay caawiyaan shaqaalahooda inay guuleystaan. Shaqaalaha guuleysta waxay u horseedaan ganacsiyo guuleysta, taas oo ah hadafka dhammaan maamulayaasha.
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta
Waa Maxay ‘Habdhaqanka Abaabuleed ee Shirkadaha?

Hab dhaqan abaabuleed ku (OB) waa daraasadda lagu gartaa dabeecada qofka ama kooxda waa sida aay dadka isku dhexgalaan marka aay si wadareed aay u wada shaqeeynayaan. Sida caadiga ah daraasaddan waxaa laga faa’idaa in la abuuro urur ganacsi ama bulsho wax ku ool ah.
Arrinta dhextaalka ah ee waxbarashasa habdhaqanka ururka waa in hab cilmiyaysan lagu saleyn karaa maamulka iyo shaqaalaha leh aragtiyahakala duwan ee dhaqanka amaba ururada waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin khayraadka aadanaha si loo kordhiyo wax soo saarka kasoo xubnaha, kooxda ama shaqsiyan.
Burburitaan ‘Habdhaqan abaabuleed:
Waxaa jira noocyo kala duwan oo lagu dayan karo iyo falsafad dhaqanka ururada oo kala duwan. Meelaha u ah deegaanka iyo cilmi oo ka mid ah hagaajinta waxqabadka shaqo, taas oo sii kordhineeysa xiisaha shaqo, horumarinta hal-abuurka iyo ku dhiirinaanta hoggaanka. Intaas oo dhan waxeey muhiim u tahay in la gaaro natiijada la doonayo, maamulayaasha waxaa laga yaabaa in ay qaataan xeeladaha kala duwan, oo ay ku jiraan taa oo keentaa xaaladaha kala gidisan balse mar waliba waxaa hagaagsan in cashar laga bartaa dabeecadaha iyo habdhaqanka kooxad kadibna dib u habaynta kooxaha, bedelayaan dhismeedka kooxda taa oo ka ilaalineeysa inuu ku yimaad burbur waxeeyna abuureeysaa dhaqan xoogan oo horumar leh
Taariikhda
Inkastooy habdhaqan abaabuleed OB muda sii hureysay aay u aqoonsatay in uu hayay cilmi si gooni ah loo baran karaa by Psychological Association American xiligaan 1970 ee, waxaa xididaha u adkeeyay oo u sii aqoonsaday in uu yahay cilmi loo baahan yahay aadanuhuna uu ka maarmin barashadiisa sanadku markuu ahaa 1920 waxaa hadalkaas daaha ka qaaday Company Hawthorne oo ahaa Electric si taxane ahna loogu qaday tijaabo loogu talagalay in lagu kala garto sida isbeddelka deegaanka iyo dabeecadad wax soo saarka ee shaqaalahooda.
Waxay baaritaana kala duwan, ay qabatay inta u dhexeeya sanadahaan 1924 iyo 1933, waxay ahaayeen kuwo ballaadhan iyo xidhhidha qaatay mudda aad u badan waqti. Daraasada waxaa ka mid ahaa saamaynta noocyada kala duwan ee nasashada (faraha badan oo biririf yar, iyo kuwa dheer yar, iwm) sidoo kalane waxaa daraasadda kamid ahaa heerka iftiinka kala duwan. Maxsuulka ugu caansan ee ka dhashay ee Daraasaadka Hawthorne waa waxa hadda loo yaqaan Hawthorne saamaynta, isbeddelka dabeecadda ee ku xiran imtixaan marka ay ogaadaan inay la arkay.
Si ay diiradda saaraan in mid ka mid ah raadinta, qaar ka mid ah ayaa ku dooday, waa in ay iska indha set ballaaran ee cilmiga in ay noqdaan tixgalinayo lahaa horumarinta dhaqanka urur sida beer oo kale ee waxbarasho iyo xirfad khayraadka aadanaha sida aan hadda u ogaado.
Fikradda ah ee raadinaya cilmiyeysan ee dhaqanka iyo wax soo saarka ee goobta shaqada iyadoo hadafku yahay in la kordhiyo lacagta iyo tayada shaqada shaqaale ah oo aad samayn kartaa, oo ay la socdaan fikradda ah in shaqaalaha ku jiray ma khayraadka laysku beddelid karo laakiin ahaayeen halkii gaar ah marka la eego ay cilmi nafsiga oo ku iman kara ku haboon shirkad. Fikradaha Kuwaasu waxay ahaayeen xad dhaaf ah oo cusub marka Hawthorne ugu horeysay bilaabay waxbarashada, oo waxay ka caawisay abuuro beer waxbarasho iyo beerta oo dhan xirfadeed.
dhaqanka abaabuleed ayaa diiradda ku saabsan mawduucyo kala duwan kala duwan ee waxbarasho. In qayb sababtoo ah dagaalkii labaad ee dunida, inta lagu guda jiro 1940 ee duurka jooga oo diiradda lagu saaray saadka iyo sayniska maamulka.
Muddadan xoogga ahaa ee la isticmaalayo lagula socdo xisaabta iyo falanqayn tirakoobka si aad u hesho jawaabaha ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka adag. Studies by Carnegie – ama biyaha saafiga ah – dhaqaalaha Dugsiga ee 1950 iyo 1960 ee taageereen, kuwaas oo wajiyada macquul dhibaatooyin go’aan qaadashada.
Tan iyo 1970 oo, heshiis wanaagsan ee shaqada la qabtay oo duurka ku ah dhaqanka urur ayaa on qaybaha dhaqanka ururada, oo ay ku jiraan mawduucyo sida qoomiyadda, fasalka, doorarka jinsiga, iyo qoysaska dhaqanka iyo doorka ay dhismaha group iyo wax soo saarka. Cilmi-baarisyadaasi waxay, qayb ka mid ah shaqada ah ee diiradda duurka ku wajahan cilmi tayo leh, iyo waxyaabo kale, ay tixgeliyaan siyaabaha ay aqoonsi iyo asalka sheegi karaa go’aan qaadashada.
Diiradda waxbarashada:
Waxbarashada diiradda dhaqanka ururka waxaa inta badan laga helaa dugsiyada ganacsiga, iyo iskuulada ee shaqada bulshada iyo cilmi nafsiga. Oo waxay ku bari waxbarashada cilmiga aadanaha, ethnography, iyo hoggaanka iyo isticmaali tamarta, tayo Mowduucyada daboolay OB waxaa ka mid ah garaadka, go’aan qaadashada, barashada, dhiirigelinta, gorgortan, dareenkaa, habka kooxda, cuqdo, iyo awoodda iyo saamaynta.
OB yar yar daboolayaa ururada sida nidaamyada bulshada, dhaqdhaqaaqa isbedelka, suuqyada, xiriirka ka dhexeeya ururada iyo degaanadooda, iyo sidoo kale aqoonsiga ee geedi socodka ururka, sida dhaqdhaqaaqa bulshada saamayn suuqyada, oo xooggii Kan ugu shabakadaha bulshada.
Waxyaabihii ka soo baxay jirka dhaqanka urur ee cilmi-baarista waxaa loo isticmaali karaa madaxda iyo xirfadlayaasha Relations Human si fiican u fahmaan ‘dhaqanka ganacsi, sida dhaqanka in la fududeeyn karaa ama leexiya wax soo saarka iyo haynta shaqaale, iyo sida ugu wanaagsan ee loo qiimeeyo murashaxiinta xirfad dhigay iyo shakhsiyadda inta lagu guda jiro nidaamka shaqaalaynta. Codsiga waa aragti iyo aqoon baradkii dhaqanka waana halka laha ogaan karo qofka heerkiisa cilmi iyo garaad ee uu leeyahay kuna doonaaya inuu ku soo biira ama ka mid ahaada urur Personality, qanaacada shaqe ee shaqsi, Leadership, Authority, Power, iyo Politics. Dhamaantoot Waxaa jira hal jid sax ah si aan u qiimeyno sida saxda ah si ay u maareeyaan wax kasta oo waxyaalahan
Shaqsiyada Personality, muhiimad dhaqanka taxane gooye ah, kaalin weyn oo sida uu qofku u falgala kooxaha iyo saarta shaqada. Ogaanshaha shakhsiyadda qofka, sidoo kale iyada oo taxane ah oo baaritaan, ama iyada oo loo marayo wada hadal fikrad fiican ah in ay tahay taam ah deegaanka ay la soo kiraystay lahaa galay, iyo sida ugu fiican ee lagu dhiirigaliyo in qofkaas siin karaa.
Aragtiyaha agagaarka xiisaha shaqo ballaaran kala duwan yihiin, laakiin qaar ku doodayaan in shaqo lagu qanco uu ka kooban yahay nidaam adag abaalgud, shaqada kalifaya, kormeerayaasha wanaagsan, iyo xaalado shaqo oo lagu qanci karo.
Hoggaanka, waxa ay u eg iyo meesha ay ka soo jeeda waa mawduuc qani ku ah dood iyo baaritaan dhaqanka urur gudahood. Markii mid ka mid ah u arko waxa ugu xiran maamulka, waxay noqon kartaa mid ballaadhan, diiradda, dhexe ama, go’aan, wacyi, jaleelada ee shakhsiyadda qofka ama natiijo ah meel ay ku amar.
Awood Power, amar, iyo siyaasadda oo dhan shaqeeyaan inter-dependently ee goobta shaqada. Fahamka siyaabaha ku habboon, sida ku heshiiyeen ee xeerarka a goobta iyo tilmaamaha guud ee anshaxa, kaas oo walxahaasi waxaa lagu soo bandhigay oo la isticmaalo waxay yihiin qaybaha muhiimka ah si ay ganacsiga ama ururka aaay mideeyaan
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Soomaaliya2 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya













































