Connect with us

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Aasaaska Guusha

Published

on

 


Waxkasta oo lasameeyo waxay leeyihiin qodobo laraaco oo lataaban karo waayo waxaad aragtaa ashyaa badan oo fara ku samays ah oo la sooraacsho tusmooyin ku waas oo ka turjumaya qaabka loo adeegsanaayo. Tusaale ahaan, waxaad soogadatay matoor waxa uuna leeyahay qaab loo isticmaalo matoorka, waxaana kuu fududaynaya waraaqda yar ee la sooraacsho taasoo ku dhan habkii aad u adeegsan lahayd. Haddaba sidaa silamida ayaa socdaalka noloshu ay ubaahan tahay in aad fahanto waxyaalaha lagu gaaro sacaadada nolosha adoo ka duulaya Alle ka baqida iyo waxyaalaha lagaaga baahan yahay.

  1. Taqwada Alle: Waxaa qofkasta oo Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyay laga rabaa in uu la yimaado wixii lafaray oo dhan, kana cabsado Eebbihii abuuray oo koonkaan keenay. Waa in uu la yimaadaa taqwo dhab ah iyo Alle ka cabsi ku salaysan khushuuc iyo ilmayn Alle dartii uqabatay.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri: (Kuwa xaqa rumeeyoow dhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray dhowrid dhan). Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 102. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (Dhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray intii karaankiinna ah). Suuradda al-Taghaabun: Aayadda 16.  Waxaan ka fahmaynaa in aan la nimaano waxkasta oo Alle ina ku waajib yeelay maxaa yeelay waanala waydiin doonaa maalin maalmaha ka mida. Haddaba waxaa nala karabaa in aan la nimaano taqwa iyo Alle ka cabsi si aan ugu guulaysano nolosheena adduun iyo aakhiraba. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye (Kuwa xaqa rumeeyow dhowra cahdiga Alle iyo xilka uu idiin saaray, wax sanna ku hadla). Suuradda al-Axsaab: Aayadda 70. Waxaan ka fahmayna qowlka Alle in uu nagula dardaarmayo in aan ilaalino balamaha maxaa yeelay dadka islaamka ah waxay gaalka uga duwan yihiin waa ilaalinta balamaha inbadan Alle qur’aankiisa ayuu ku yiri war dhowra oo oofiya balamaha.

Alle waxa uu yiri (Oofiya balamada, balamaha waa lays waydiin doonaaye). Markale waa tii uu lahaa (Kuwa Alle rumeeyoow oofiya balamaha). Dhammaan aayaadkaas waxay inoo faa’idaynayaan in aan ilaalino cahdiga iyo balamaha aynu galno.

2. Alle ka cabsiga: Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (Qofkii Alle ka cabsada oo waajibkii iyo xilkii uu saaray guta, makhraj buu u yeelayaa, meel uusan filayna waa ka irsaaqayaa). Suuradda ad-Dalaaq.

Alle waxa uu inoo balan qaaday ruuxii ka cabsada isaga, gutana waajibaadkiisa Alle, rumeeyana rumayn dhab ah, waxaa loofurayaa wado uusan ka filanayn wax irsaaqad ah. Alle inbadan aayaadkiisa waxa uu inoo ku sheegay qofkii uu rabana in uu irsaaqo xisaab la’aan, qofkii tala saarsadana Allaah waa nabad geliyaa. Waxkasta oo   kugu dhacayana waa qoran yihiin oo Allaah kuu qoray maalintii ruuxda lagu gashay.  Anas bin Maalik (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Waqtigii Nebiga (NNKH) waxaa jirey laba nin oo walaalo ah; midkood Nebigu (NNKH) u adeegi jiray, midna camalkiisuu raacan jiray. Maalin baa kan dambe Nebiga (NNKH) uga soo eed sheegtay walaalki una sheegay inuusan noloshiisa wax u kasban. Nabigu (NNKH) wuxuu ugu jawaabay: Waxaa laga yaabaa in laguga irsaaqo dartiis. (Tirmidi baa sanad saxiix ku weriyey).

Fiiro gaar ah: Tawakul waa eray Af Carabi ah, luqad ahaanna waxaa weeye inaad ku tiirsanaato cid uun. Diin ahaan waxaa loola jeedaa tawakulka inaad Ilaahay ku kalsoonaato, ku tiirsanaato, isku halleyso, imaankana ku qabto oo aad talo saaratid; Waase in la kala saaraa tawakulka iyo tawaakulka. Nimanka suufiyiinta waxay ka qaateen macno ah in meel layska fadhiyo, oo aan la xoogsan, waxsabab ahna aan lala iman. Taasoo runtii ceebku ah diinta, waxna u dhimeysa bilicda iyo wanaaggeeda. Waxaa la doonayaa inaad Alle talo saarato adigoo wixii sabab ahaa oo   aad kartey oo dhan la yimid, aad yiqiinsatidna marka qorshe iyo hab maamul wanaagsan aad arrintii ku sameyso inay isku dubba dhaceyso oo ay guuleysaneyso hadday dani inoogu jidho Allena uu gacan nagu siinayo. Sidaa baana Tawakkulka dhabta ah.

Qofka islaamka ah waa in uu ahaadaa ruux markasta ujeeda Allaah kana cabsada, sidoo kalena guta waajibaadkiisa, Alle ma luminaayo ajarkiisa. Waxaan kaloo idinku baraarujinayaa, haddii aad rabtaan in aad ku noolaataan nolol sare waa in aad gudataan waajibaadka Alle. Waxaad ku guulaysanaysaan socdaalka nolosha waxaana hananaysaa guusha aad dalbayso.

  1. Danbi dhaaf dalbasho: Qofka islaamka ah waa in uu ahaadaa ruux ujajaban cibaadada Alle, ogsoonaadana in gudashada waajibaadka Alle yahay mid faral ah. Haddii aad gasho denbi, waa in aad Eebbe u jeesataa, denbi dhaafna waydiisataa si aad uguulaysato. Alle wuxuu ka jecel yahay ma leh ruuxii intuu denbi gala haddana ka toobad keena oo aan ku noqon.

Alle inbadan waxa uu inoo sheegay in haddii aan la nimaadno denbiyo ka culus arla’da iyo cirka muggiisa oo danbi dhaaf dalbano in uu noola imaanayo cafis iyo denbi dhaaf ka badan dhulka iyo cirka muggiisa. Alle waa mid naxariista kan ugu naxariista badan. Allena waxaan ka baryaynaa in uu dhaafo denbiyadeena. Alle wuxuu asturayaa ceebaheena oo dhan haddaan la nimaadno toobad sax ah, Allena waa deeq badane.

Alle wuxuu ku yiri qur’aanka: (Haddii aad Alle ka cabsataan oo xilka iyo waajibka uu idin saaray gudataan wuxuu idin siinayaa iftiin aad ku kala saartaan xaqa iyo baadilka, wuxuuna asturayaa xumaanihiinna, wuuna idiin dembi dhaafayaa. Allaah dambi dhaafe deeq badane ahe). Suuradda al-Anfaal: Abuu Hurayrah (Alle haka raali noqdee) wuxuu yiri: Nebiga (NNKH) waxaa la weydiiyey: Yaa ugu sharaf iyo xurmad badan dadka dhexdiisa oo ugu gobsan? Wuxuu yiri: Kan ugu Alle cabsida badan. Asxaabtii Rasuulka Waxay yiraahdeen: (Midaa kuma aanu weydiin), Wuxuu yiri: Marka waa Yuusuf oo Nebi ahaa oo ina Nebi ahaa (Nebi Yacquub) oo ina Nebi ka sii ahaa (Nebi Isxaaq), oo ina Nabi ka sii ahaa (Nebi Ibraahiim), Alle saaxibki. Waxay yiraahdeen: Sidaasna kuma aannu weydiin. Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: Haddaas ma lafaha Carab-baad i weydiiseen. Marka ogaada kuwaa lahaa sharafta iyo xurmadda Islaamka ka hor, baa sharaf iyo xurmad badan markii ay Islaamaanna, waase markii ay diinta dhuuxaan, oo dhaqan geliyaan.

  1. In laga digtoonaado dhalanteedka adduunyada; Dadka badankooda waxay ku hodmaan waa dhal dhalaalka adduunyada, waxay ilaaween in ay ka tagayaan. Fidnada ugu daran ee soo wajahdaa bini-aadamka waa aaminaada ay aamineen shah waadkooda. Waxay ilaaween xaqqii uu Alle ku waajib yeelay, waxayna raaceen hawadooda iyo macmacaanka adduunka. Reer bani-israa’iil waxay fidnadii ugu horaysay uga timid dumarka. Adduunyadu waa meel lagu nasto laakiin yaan deegaan laga dhigan, qof walbaana maskaxda haku hayo in loo keenay sahay qaadasho keliya.

Abuu Saciid al-Khudri (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: “Adduunyadu waa doog waana macaantahay. Allena xilkeedii buu idiin dhiibay oo inaad danjireyaal ka noqotaan buu idiin doortay, si uu u eego habka aad uga howlgaleysaan oo aad ugu dhaqantaan adduunka. Marka iska jira dhaldhalaalka adduunka iyo soo jiidashadeeda dhalanteedka ah, iyo fasaadka ka dhalanaya la xiriir (aan sharci aheyn) ee dumarka (iyo in hawooyinkooda aan sharciga waafaqsaneyn laga yeelo). Reer banii Israa’iil fidmadii u horraysey waxay kaga timid xagga dumarka.

  1. Baryidda Alle: Qofka muslimka ah, waa kan mar walba ku xiran Allaah, waydiistana denbi dhaaf, waa kan ogsoon waxkasta oo la baryo kan ugu wanaagsan in uu yahay Allaah. Wax badan waad aragtay Nebiga oo leh ruuxii kaca habeenkii oo Alle barya in uu siindoono wixii uu waydiistay Allaah. Alle waxaa uu inoo yaboohay ruuxii kaca habeenkii xilliyadu dadku hurdaan oo ducaysta waa uu helayaa wixii uu Alle weydiistay oo dhan.

Alle wuxuu ku leeyahay war yaa wax iwaydiista oo aan siiyaa, war yaa maal iga dalban oo aan siiyaa, waryaa denbi dhaaf iga dalban oo aan u denbi dhaafaa. Miyay san ahayn in aad kacno saq dhexe habeenkii oo aan ka faa’idaysano jaaniskaa iyo yaboohaa Alle. Ruuxii baryaa Alle waxaan ahayn waxaa hubaal ah in uusan helayn. Tusaale, markii aad utagto qof oo aad dhahdo waxaan ubaahanahy in aad isiiso lacag intaa leeg, waxaa isbeddelaya wajigiisa. Waxaana ka dhadhansan kartaa in uusan ruuxaas ahayn mid raali ka ah in uu wax baxsho. Haddaba saas hadday tahay maad ka kaaftoonto oo Alle keliya wax waydiisato, Allaah ayaa kuu balan qaadaye. Cabdullaahi Ibnu Mascuud (Alle raali haka noqdee) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (NNKH) ku duceysan jirey: ( Alloow waxaan kaa baryayaa hanuun, Dhowris xilka iyo waajibka aad i saartay, dhawrsanaan iyo kheyr xaggaaga ah (iyo ka deeqtoonaan Aadane). Anas bin Maalik (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Nebigu (NNKH) Wuxuu yiri: “Qofkii yiraahda markuu guriga ka baxayo: (Bismillaahi, tawakaltu, calallaah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah).

Oo macnaheedu yahay: (Waxaan ku baxayaa magaca Alle, anigoo kalsooni buuxda ku qaba iskuna halleynaya; Waa Alle midka bixiya awoodda xumaha iyo gefka lagaga leexdo, ama bixiya awoodda aad samo ku fasho. Ninkii sidaa yiraahdaa waa nin xaqii la tusay, xumaan iyo Sharna laga hayey, shaydaankuna waa ka fogaadaa). (Tirmidi iyo Abuu Daa’uud).

Abuu Daawuud wuxuu ku kordhiyey: “Shaydaan baa wuxuu ku yiraahdaa mid kale oo saaxiibkii ah Maxaad ka tareysaa nin la hanuuniyey, la kaafiyey, oo la dhowrayna?”.

  1. Samaynta camal wanaagsan: Waxaa laga rabaa qof kasta in uu la yimaadaa camal midba midka uu ka kheyr badan yahay. Waayo ruuxii sameeyaa wanaag Alle waa ujibaaraa wanaaga uu sameeyay ajarkiis. Haddii aan wacad ku marno in aan gudano wanaag sa waxaan aragnay wanaagii mid ka sii fadli badan waa in aan ku dhaqaaqnaa ka fadliga badan. Waxaad damacday in aad bixiso sadaqo kuna bixiso iskuul, waxaad aragtay masjid la dhisaayo waa in aad ku bixisaa masjidka isagaa fadli badane. Sababtoo ah bogcadaha Alle waxaa ugu fadli badan masaajidda, waxaana ugu xun suuqyada.

Caddayi ibnu Xaatim (Alle raali haka noqdee) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (NNKH) yiri: (Haddii uu qofku dhaarto oo ballan qaado inuu camal falaa oo dabadeed arkaa camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu falaa camalka wanaagsan ee dambe).

  1. Adeecidda Alle iyo mas’uuliyiintiina: Waxaa nalafaray in aan adeecno waxkasta oo Alle soodejiyay, oo gudano wiixii nala ku waajib yeelay lana nimaadno wanaag oo dhan. Waxaa Alle inbadan qur’aankiisa ku yiri ( Kuwii Alle iyo Rusuulkiisa rumeeyow addeeca Alle iyo rasiilkiis). Waa in aan ahaana kuwo mar kasta ilaasha tiirarka islaamka, sadaqadana aan bixinaa, soonka, salaada, xajka iyo wixii kaloo nagu waajib noqdaa in aan la nimaadno.

Waa in aan adeecna dadka madaxda inoo ah, sababtoo ah waa masalo diini ah oo laga rabo qofkasta oo muslim ah. Qofka waliga ah waa in loo hogaansamaa wuxuu idin amrana la timaadaan oo fulisaan ilaa wixii aan xad gudub ahayn. Macaasida lagu adeeci mayo ruuxa hogaamiya ah sida aan ka fahmayno xadiiskaan. Abuu Umaamah al-Baahili (Alle raali haka noqdee) wuxuu sheegay inuu dhageystay khudbadii Nebiga (NNKH) uu jeediyey xajkii sagootiga khudbaddaas oo uu ku yiri: (Xurmad iyo tixgelin gaara siiya Alle iyo amarradiisa, oo ooga shanta salaadood maalin waliba, bisha ramadaana sooma, bixiya sekada, maqlana oo adeeca kuwa xilka iyo mas’uuliyadda idin haya (oo waxaan xumaan aheyn ku adeeca) Waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin). Tirmidi wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah.

Fiiro gaar ah: luqad ahaan macnaha taqwada waa inad ka joogto oo aad naftaada ka celiso wixii u xun oo dhib u leh. Xagga Xadiiska iyo Qur’aankase taqwo waxaa loola jeedaa in aad maanka joogto ugu heyso Alle, ood ka cabsato, xusuusnaato daa’in iyo abid. Wuxuu ku faray la timaado, wuxuu kaa reebayna ka harto, taasna waxay kuu horseedeysaa oo ku siineysaa aragti iyo ileys aad ku kala saarto samaha iyo xumaanta, dareenka iyo fahamkaasi qofku wuxuu ku hoggaaminayaa xagga samaha iyo kheyrka, kana hor istaagayaa xumaha iyo sharka oo idil.

  1. Yaqiinta iyo aaminaada Alle: Waa in aad tahay ruux leh yaqiin dhab ah. Markaadla timaado wixii Alle ku faray sidoo kalena waa in aad tahay ruux wixii loogu yaboohay aamin san. Haddii shaki kaa galo yabooha Eebbe, ma dhamaysna iimaankaaga waayo dadka Alle rumeeyay waa in ay rumeeyaan waxa qaa’ibka ah iyo waxa jooga. Waa in aad tahay qof caqiidadiisu sarayso, go’aan leh.

Musiibooyinka dhaca sida foolkaanaha, dhul gariirka, abaaraha iwm, dhammaantood qofka islaamka ah waxaa uga siyaada iimaan iyo xasilooni. Mar uu Alle ka hadlaayay yaqiinta iyo isku halaynta Allaah. wuxuu yiri: “Markii mu’miniinta dhabta ahaa ay kooxihii isa soo baheystay ee gaalada ahaa arkeen waxay yiraahdeen: Waa kan wixii ay Alle iyo rasuulkiisu nooyabooheen. Alle iyo rasuulkiisu run bay sheegeen. Umana kordhin waxaan aheyn iimaan, isdhiibid iyo sugnaasho”. Suuradda al-Axsaab: Aayadda 22.

Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: “Waa kuwii dadku ku yiri: Dadkii baa isu kiin soo bahaystay ee ka cabsada. (Khatartii lagu handaday ) waxba uma dhiman iimaan uun baa u siyaaday maahee waxayna yiraahadeen: Allaa nagu filan wax la isku halleeyana u fiican. Waxay markaas la laabteen nicmo iyo gallad Alle, dhibaatona ma taaban.

Waxayna raaceen raallinnimadii Alle, Allena waxaa u sugnaaday gallad aan go’ayn. Suuradda aali-Cimraan Aayadaha: 173-174.

  1. Talo saarashada Alle: Markii aad rabto in aad ku dhaqaaqdo shey ama ficil waa in aad tala saarataa Allihii ku abuurtay. Sababtoo ah ruuxii tala saarta Alle ma dayaco.

Alle qur’aankiisa wuxuu ku yiri (Haddii aad go’aansato shey talo saaro Allaah, Alle waa jecel yahay kuwa talo saartee). Qofka mu’minka ah waa in uu la yimaadaa wixii Eebbe nafaray. Ma jiro ruux guulaysta ama hanta socdaalka nolosha ilaa uu la yimaado wixii nala faray oo asaaska nolosha ah. Mar kale ayuu qur’aankisa ku yiri (Talo saaro oo isku hallee noolaha aan dhimanayn). Suuradda al-Furqaan: Aayadda 58. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye (Mu’miniinta Alle oo keliya ha talo saarteen, oo ha isku halleeyaan). Suuradda Ibraahiim: Aayadda 11. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye, (Markaad go’aan gaartid, Alle oo keliya talo saaro oo isku hallee). Suuradda ali-Cimraan Aayadda 159.

Wuxuu kaloo Alle yiri (Qofkii Alle talo saarta oo isku halleeya waa ku filan yahay). Suuradda ad-Dalaaq Aayadda 3.

Ibnu Cabbaas (Alle raali haka noqdee) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (NNKH) ku duceysan jiray: (Alloow Adiga ayaan isku kaa dhiibey, Adiga ayaana ku rumeeyey, Adiga ayaana ku talo saartay, Adiga ayaan kuu soo noqday, Adiga ayaana arrintayda ugu xukuntamayaa oo gar soor uga dhiganayaa, Alloow awooddaadaan magan u ahay, Ilaah xaq ahi ma jiro adiga maahee, ee Alloow iga dhowr ka lumid xaqa aan kalumo.

Adiga weeyaan noolaaha aan dhimanayn, halka Jinka iyo Insigu dhimanayaan). (Bukhaari iyo Muslim).

Ibnu Cabbaas (Alle raali haka noqdee) waxaa laga soo xigtay in Nebi Ibraahiim markii dabka lagu riday erayadii uu ku dhawaaqay ay ahaayeen: (Xasbunallaah wanicmal wakiil). Waxaa igu filan Alle, wax la isku halleeyana waxaa u fiican Isaga. Sidaa oo kalena waxaa yiri Rasuulkii Alle Muxammad (NNKH) kolkii loo sheegay in dad isu soo baheystay oo sidaa awgeed la yiri naftiinna u baqa, arrintanina waxay oo keliya u kordhisay isaga iyo muslimiintii imaankii ay ku qabeen Alle, waxayna yiraahdeen isaga iyo muslimiintii: (Waxaa nagu filan Alle Laysku halleeyaa fiicanna waa Isaga). (Bukhaari).

Cumar bin Khaddaab (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: (Waxaan maqlay Nebiga (NNKH) oo leh: Haddii aad taladiinna oo dhan saarataan Alle oo u rumeysaan si dhan oo dhab ah wuxuu idiin irsaaqi doonaa sida uu u irsaaqo shimbiraha. Waxay kallahaan subaxii iyagoo calool maran, waxayna soonoqdaan iyagoo calool buuxa oo dheregsan galabtii). (Tirmidi) wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.

  1. Khushuucidda Alle: Dad badan oo ka mida ummaddaha islaamka waxaa ku jira markii lagu dul akhriyo qur’aanka ama aayaadka Alle, in ay isbeddelaan quluubtooda ilaa ilinta ka timaadaa ay qoyso dhabanadooda ilaa ay ka gaaraan dhulka cabsi darted. Dadka qaarna markii lagu akhriyo aayaadka Alle, waxay ka qaadaan qooq iyo islaweyni waxayna ku danbayn dadka noocaas ah halaag iyo abaal marin weyn. Alle ha ina hanuunshee. Eeg xadiiskaan oo fahan. Abuu Hurayrah (Alle raali haka noqdee) wuxuu sheegay in Nebigu (NNKH) yiri: (Dad badan waxay geli doonaan jannada kuwaa oo ay quluubtooda noqon doonto sida quluubta shimbiraha, taana macnaheeda waxaa weeye quluubtoodaa waxay noqoneysaa sida quluubta shimbiraha, mise waxay noqon doonaan kuwa qaneeco leh, ama quluubtoodaa noqon doonta mid jilicsan cabsi Alle darteed, (taa oo keeneysa inay jannada galaan)). (Muslim).
  1. Kalsoonida: Waa in aad tahay ruux ku kalsoon Allah markasta oo leh caqiido dhab ah. Ruuxa Alle aaminsan marna ma waayo kaalmo kaga timaada dhanka Eebbe. Haddii aad tahay qof Alle ku kalsoonayn waligaa gaari maysid liibaanta adduun iyo aakhiro.

Sidoo kalena waa in aad tahay ruux kal sooni ku qaba naftiisa, aaminsan in uu qaban karo waxkasta. Eeg xadiiskaan waxaan ka faa’idaynaa kal soonida iyo cafiska aad cafido ruux dhib ama denbi kaa galay oo aad cafido. Jaabir (Alle raali haka noqdee) wuxuu sheegay inuu la socday Nebiga (NNKH) oo dagaal jihaad ah ugu socday dhinaca Najd, markii dagaalkii dhammaadayna uu la soo laabtay. goor harsimaad ah baa wuxuu duulkii soo gaaray tog leh geedo qodxa badan, halkaasoo rasuulku (NNKH) harsaday geed qurac ah, asxaabtiisiina ay kala firidhay iyadoo qof waliba har wanaagsan dayanayo. Nebigu wuxuu surtay seeftiisii laan ka mid ah laamihii geedka, seexdayna.Innaguna sidoo kale baynu u nasaneynay, mise goor dambe baan maqallay Nebigii (NNKH) oo noo yeeraya. Waa u nimid si degdeg ah mise nin reer miyi ah baa agtiisa fadhiya.

Nebigu (NNKH) wuxuu innagu yiri: “Ninkani anigoo hurda yuu seeftaydii iila baxay.

 Waxaan toosay iyadoo gacanta ugu jirta oo gal la’ wuxuuna igu yiri: Yaa hadda iga kaa badbaadin kara? Waxaan ku iri: Alle baa iga kaa badbaadinaya kuna celceliyey weedhaa seddex jeer. Nebigu (NNKH) sare buu u soo fariistay, waxnana ma yeelin ninkaasi. (Bukhaari iyo Muslim). Werin kale ee xadiiska oo isla jaabir (Alle raali haka noqdee) laga soo xigtay waxay aheyd: Waxaynu la soconnay rasuulkii Alle (NNKH) dagaalkii Daatir Riqaac. Waxaan nimid geed hoos weyn markaasaan uga tagnay (Nebiga) inuu ku nasto. Waxaa yimid nin mushrig ah arkayna seeftii Nebiga (NNKH) oo geedka suran, seeftii buu inta galka kala baxay buu ku yiri: Miyaad iga baqeyn? Wuxuu ku jawaabay Nebigu, may, dabadeed ninkii wuxuu yiri: yaa weeye kaa iga kaa badbaadinaya? Nebigu (NNKH) wuxuu ku jawaabay: Allaah.

Abuubakar Ismaaciili wuxuu intaa ku daray oo kitaabkiisii ku qornaa : Markii uu Nebigu (NNKH) yiri Alle baa iga kaa badbaadinaya ayaa ninkii gacantiisii seeftii ka dhacday; markaasaa Nebigu (NNKH) inta qaatay ku yiri: Yaa hadda adiga iga kaa badbaadinay? Ninkii wuxuu yiri: Noqo qaataa kheyr leh. Nebigu (NNKH) wuxuu weydiiyey: Ma aad qireysaa Ilaah xaq ah aan Alle ahayni inuusan jirin iyo inaan aniguna ahay Rasuulkiisii? Ninkii waa diiday wuxuuna yiri: Laakiinse waxaan kaa ballan qaadayaa inaanan kula diririn, cid kula diriraysana kuula soo safan. Nebigu (NNKH) waa uu sii daayey.

Qoladiisii buu ku laabtay oo ku yiri: Waxaan idiinka soo laabtay oo xaggiisa ka imid ninkii u fiicnaa dadka.

Abuu Bakar Siddiiq (Alle raali haka noqdee) bin Cabdullaah bin Cusmaan bin Caamir bin Cumar bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Luway bin Qaalib al-Qurashi al-Taymii oo isaga iyo aabbihi iyo hooyadi intaba saxaabi ahaa waxaa laga soo xigtay: hadalkan: Kolkii Rasuulkii Alle (NNKH) iyo anigu aan ku dhuumaneynay godkii ayna na baadi goobayeen qolooyinka Makka, ayaan waxaan arkay cagihii mushrikiinta oo dushayada ah oo godka afkiisa debedda ku sugan. Waxaana iri: Rasuul Alloow, haddii uu midkood cagihiisa fiirin lahaa waa ina arkilahaa. Wuxuu yiri: “Abuu Bakaroow bal ka warran labo Alle uu ku yahay seddex”. (Bukhaari iyo Muslim)

  1. Ku Toosnaanta Diinta Alle: Qofka waxaa laga rabaa in uu ku dadaalo waxkasta oo la amray sababtoo ah haddaad go’aansato in aad marto wado toosan waxaa hubaal ah in aad gaaraysid. Inbadan oo dadka ka mid ah waxay ku hamiyaan in ay isaga safraan iyagoon aqoon halka ay usocdaan iyo barta ay ka yimaadaan.

Haddaad hayso wado oo ay ka yaacaan wadooyin yaryar, haraacin kuwa yar yar waxaa lagayaabaa in kuwa yar yar ay shaydaamadu fadhiistaan. Alle subxaana watacaalaa wuxuu yiri: (Ku toosnow siraadka mustiqiimka ah (jidka toosan ee xaqa ah) sida laguu faray). Suuradda Huud, Aayadda 112. Wuxuu kaloo yiri Allaah: (Kuwa yiraahda: Rabbigayo waa Allaah, dabadeedna toosnaada, malaa’ig baa ku soo degta (kuwaa markay dhimanayaan oo ay naftu ka sii baxeyso) ku leh: Ha cabsannina, ha murugoonnina, oo ku bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.

Annagaa ah gacalkiin idin dhowraya adduun iyo aakhiroba. Xagga Jannadana waxaa idiin yaal wixii ay naftiinnu rabto oo dhan iyo wixii aad u yeerataanba. Waana martiqaad ka sugnaaday dambi dhaafe naxariis badan). Suuradda Fusilat: Aayadaha 30 -32.

Wuxuu kaloo yiri Alle weyne: (Kuwii yiri: Rabbigayo Waa Alle, dabadeedna xaqa ku toosnaaday oo aan dhinacna ugaleexan, cabsi korkooda ahaan mayso iyo murugo. Waana ehlu Janno kuwaasu, dhexdeedayna ku waarayaan, Camalkii wanaagsanaa ay falan jireen darti). Suuradda al-Axqaaf, Aayadaha 13,14.85. Sufyaan ibnu Cabdullaah (Alle raali hakaa noqdee) wuxuu yiri: Waxaan ka codsaday Rasuulkii Alle (NNKH) arrintaan anigoo ku iri: Waxaad iga siisaa cashar dhan iyo darsi waantow iyo hanuun leh Islaamka oo aanan dabadaa waydiineyn cid kale.

Wuxuu yiri (NNKH) (Dheh: Alle ayaan Rumeeyey, dabadeedna xaqa raac oo ku toosnow). (Muslim).

Abuu Hurayrah (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Nebigu (NNKH), (Raaca mabaadida iyo qodobbada diinta oo si wanaagsan u dhowra, ahaadana xaqaaniyaal jidka Alle ku toosan, oo ogaada inuusan qofkiinna camalkiisa ku badbaadi karin. Nin baa wuxuu weydiiyey: Ma xataa adiga Nebi Alloow? Wuxuu yiri: “Xataa aniga, in Alle naxariistiisa iyo galladdiisa i dhex geliyo maahee). (Muslim)

Fiiro gaar ah: Culimadu waxay yiraahdaan ku toosnaanta xaqa waxaa loola jeedaa inaad Alle adeecdo, oo awaamirtiisa aad fuliso qowl iyo ficil, farid iyo reebid, iyo inaad noolaato nolol aad ugu hoggaan santahay addoon dhab ahna ugu tahay Allahii ku abuuray.

  1. Ku cibro qaadasho: Eeg markaad socoto wadooyinka wixii makhluuqaad ah oo Alle sameeyay, oo ku tusaalo qaado. Alle wuxuu sameeyay cir iyo dhul iyo wixii ku dulnool. Waxa u dhex dhigay buuro, wuxuuna ku hayay bartooda iyagoon dhaqaaqin. Sidoo kalena aan burburin ilaa amarka Alle mooyee.

Alle wuxuu sameeyay bad iyo biri midkastaana waxaa ku nool noole. Saw ma ahan in aan ku cibro qaadano wixii Alle uumay oo dhan. Alle wuxuu kugu manataystay nimcooyin aad ubadan sida caafimaadkaaga, lixda lixaad oo kuu dhamaystiran. Waxaad aragtaa dad cago la’, sidoo kalena dhego la’ dhammaantoodna waxaa ku sugan aayaad iyo cibro qaadasho.

Ka Fakaridda Uunka Ilaahay iyo Waxyaabaha inagu hareersan. Alle kor ahaaye wuxuu yiri: “Ku dheh (Muxammadow) Waxaan idinku waaninayaa hal mas’alo, waa inaad dar Alle laba labo iyo mid mid ugu istaagtaan dabadeedna fekertaan”. Suuradda Saba: Aayadda 46. Wuxuu kaloo yiri: kor ahaay. “Abuurista cirarka iyo dhulka iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta, calaamooyinbaa ku jira muujinaya (awoodda iyo ku keli ahaanshada Alle maamulka uunka iyo mulkigiisa iyo mudnaantiisa keligi cibaadada) waxayna ugu jirtaa kuwa wax garadka ah. Kuwa xusa Alle, joog, fadhi, iyo jiifba, oo kafakara abuurista cirarka iyo dhulka oo (yiraahda) Rabbiyoow waxa kan dheel uma aadan abuuran. Adaa Hufan, Innaga dhowr cadaabta naarta”. Suuradda aali-Cimraan: Aayadaha 190 – 191.

Wuxuu kaloo yiri Alle hufnaaye: “Ma waysan fiirinayn geela, sida loo abuuray? Iyo cirka, sida loo bilay? Iyo buuraha, sida loo qotomiyey? Iyo dhulka sida loo goglay? Waani, waaniye kaliyaad tahaye”. Suuradda Al-Qaashiya: Aayadaha 17 – 21. Wuxuu kaloo yiri Alle weyne: “Ma weysan dhulka marin oo fiirin ciribta qoomankii iyaga ka horreeyey? Suuradda Muxammad; Aayadda 10.

  1. Kheyrka oo lagu tartamo: Haddaad doonayso in aad ka gun gaadhid noloshaada iyo wixii ku hareeraysan oo dhan, waxaa lagaa rabaa in aad la timaado wixii lagu amray oo ka harto wixii lagaa reebay.

Sidoo kalena waxaa inaga nala karabaa in aan ku tartano kheyrka Alle sida tartanka loogu galo guulaha. Tusaale, markaad doonayso in aad badiso sida koob ciyaareed, tartan aqooneed , baradan, socod iyo ciyaaraha barafka kuwaas oo laysku siiyo bilado iyo abaal marino ay bixiyaan bini-aadan waa lagu dadaalaa naf iyo maalba waa loo huraa. Laakiin markii loo leexdo kheyrka Alle, dadku waxaa hela sheydaan oo waa laga indho saabaa ajarka iyo yabooha Alle.

Alle kor ahaaye waa kan keliya oo wax baxsha waa Allaah, cidkale oo   bixisaa ma jirto. Dadku waxay baxshaan waa dhalanteed, waxaas oo dhan waxaa ka fiican ajarka iyo karaamada uu Alle weyne ku siiyay. Sadaqa oo aad bixisaa waxay ka mid tahay kheyrka Alle. Sidoo kalena masaajida oo u tartantaan waxay ka mid tahay kheyrka oo loo tartamaa.

Khayr ku dadaalidda Alle kor ahaaye wuxuu yiri: “Khayraadka ku tartama”. Suuradda al-Baqara: Aayadda 148.

 Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: “U tartama dambi dhaafka Rabbiggiin iyo Janno balleceedu le’egyahay cirarka iyo dhulka oo loo diyaariyey kuwa iska dhowra xumaha”. Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 133.87. Abuu Hurayrah (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: (Ku dadaala Camalka san, waqtina ha luminina aad ku sameyn kartaan camal suubban waxa imaan doona dhowaan fidmooyin iyo fasaad sida habeen madow ah oo qofka waagu u beryayo isagoo Mu’min ah, isagoo gaal ahna gabbalku u dhacayo, ama isagoo mu’min ah gabbalku u dhacayo, isagoo gaal ahna waagu u beryayo. Wuxuu diyaar qofkii u noqon inuu diintiisa siisto xoogaa wax adduun ah). (Muslim).

 Cuqbah ibnu Xaaris (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: (Waxaan kula tukadey Nebiga (NNKH) Salaad Casar magaalada Madiina.

Markii uu salaama naqsaday buu inta deg deg u kacay oo dadkii dhexmaray buu wuxuu aadey guryihiisii. Markii deg degtiisa la arkay baa la naxay. Kolkuu soo laabtay, buu wuxuu yiri isagoo sharxaya waxa uu keenay degdegta: Waxaan xusuustay wax xoogaa qalin ama dahab ceeriin ah oo guriga yiil, marka arrintaa baa i welwel gelisay. Waxaan hadda soo qorsheeyey in la qaybsho). (Bukhaari). Werin kale oo xadiiska waxay ahayd: (Waxaan guriga uga soo tegey wax xoogaa dahab ceeriin ah oo sadaqo ah, marka waxaanan rabin inuu igu baryo). (Bukhaari).

Jaabir (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Nin baa maalintii Uxud Nebiga (NNKH) wuxuu ku yiri: Haddii la igu dilo dagaalka xaggee aadayaa? Wuxuu ugu jawaabay: Jannada. Ninkii xabbado timir ah oo   gacantiisa ku jirey buu inta tuuray dagaalkii galay dirirayna jeer u shahiiday. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hureyrah (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Nin baa Nebiga (NNKH) u yimid oo weydiiyey: Sadaqada teebaa u ajar badan? Wuxuu ku jawaabay (NNKH): (Tii aad bixiso adoo caafimaad qaba, oo lexe jeclo ku hayso, oo faqri ka baqaya, inaad wax kororsataana ay kugu jirto oo jecel. Ha u dib dhigin bixinta sadaqada inta ay naftu dhuunta ka imanayso, markaasna aad dhahdo: hebel baa intaas leh, hebelna intaas, oo ah goor ay iyadii yeesheen hebel iyo hebel). (Bukhaari iyo Muslim).

Anas (Alle haka raali noqdee) wuxuu yiri: Nebiga (NNKH) wuxuu kor u qaaday seef maalintii Uxud oo yiri: Yaa seeftan iga qabanaya?

Nin walbaa inta soo taagey gacmaha buu yiri: Aniga, Aniga. Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: “Yaa mudankeeda ku qaadanaya oo gudanaya xilkeeda? Waa la is buurtay. Abuu Dujaanah (Alle raali haka noqdee) baa yiri: “Anigaa mudankeeda ku qaadanaya oo gudanaya xilkeeda, markaasuu weecda kaga dhigay mushrikiintii”. (Muslim).

Zubayr Ibnu Caddiyi wuxuu yiri: waxaan u tagnay Anas Ibnu Maalik annagoo uga eed sheeganayna dhibta Xajjaaj bin Yuusuf (oo ahaa xaakim daalim ah waqtigii xukunkii reer Ummaya). Wuxuu innagula taliyey inaan sabarno yirina: Saman waliba kan xiga ka shar badan oo ka xun. Waxaan sidaas ka maqlay Nebigii (NNKH). (Bukhaari).

Abuu Hurayrah (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Maalintii dagaalkii Khaybar, Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: “Waxaan u dhiibayaa calanka nin Alle iyo rasuulkiisuba jecel yihiin oo guusha Alle isaga raacin doono. Cumar (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Marnaba madoonin madaxnimo, laakiinse maalintaas keliyaan jeclaaday in fursaddaas la i siiyo. Wuxuuse Nebigu (NNKH) u yeeray Cali Ibnu Abii Daalib una dhiibey calankii oo yiri: “Soco oo gadaal ha soo dhugan jeer guusha Alle ku siiyo”.

Cali (Alle raali haka noqdee) markii sidaa lagu yiriba, inta xoogaa socday oo markaa istaagey isagoo aan gadaal soo dhugan ku weydiiyey cod sare su’aashaan: Rasuulkii Alloow (NNKH) maxaan dadka ku la diriraa? Wuxuu ku jawaabay: “La dirir intay ka qiraan inuusan jirin cid caabudaad mudan Alle maahee iyo in Muxammad yahay rasuulkiisii. Haddii ay sidaas yeelaan, dhiiggooda iyo maalkoodiiba waa in la nabad geliyaa oo aan lagu xadgudbin. Dabcan waxaa saaran wixii xil iyo waajib ah oo shareecadu fartay sharcigaana lala tiigsan haddii ay la yimaadaan ashahaadada wax waxyeelaya.

 


F.G: Qaybta taqwada haddaad ku aragto khaladaad, fadlan iisoodir meesha khaldan iyo wixii aad ku darayso E-mail igu soodira

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sidda wacyigelinta bulshada, dhiirogelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Afsoomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa marwalbo u taagan siddii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa siddii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd umadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan istusin waxyaalaha ceebta leh ee ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhammaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun ee la arkay.

Published

on


Sidda aan aragno dhalinyarada waxay aad u jecel yihiin isticmaalka baraha bulsheed ee kala duwan, waxay u maleynayaan inay kuwani yihiin isha runta ah ee raaxaysiga iyo raaxada nolosha. Had iyo jeer waxay isha ku hayaan waxa suuqa ku cusub. Sidaa darteed, waxaa la arkayaa waxbarasho la’aan haysata dhallinta taasoo lafteedu u horseedi karto arrin nasiib darro ah.

Dhalinyaradeenu waxay noqdeen kuwo ku caajisay waxbarashada sababtoo ah isticmaalka joogtada ah ee ay u isticmaalaan baraha bulshada. Tani shaki kuma jiro, in sidoo kale ay tahay guuldarro waalidiinteena iyo macalimiinteena kuwaas oo aan u jeedin karin dareenkooda isticmaalka warbaahinta bulshada.

Tani waxay sarre u qaadeysaa in uu bato jahliga, ayaddoo mararka qaar keeni karto in bulshadu ay ku kacdo fal aad u xun ka dibna uu si caadi ka noqdo.

Baraha qaar waa kuwa qatar ku ah nolosheena waxaana ugubdaran qeybta lagu gudbiyo muuqaalada gaagaaban ee la iska soo duubo. Dadka intooda badan uma arkaan qatar balse waxaa jirto in dhaqan ahaan aysan inoo wanaagsaneen.

Faa’iida darada.

Baraha bulshada waxaa ku jiro wax badan oo dhibaato ah hadana ma jirto siyaabo fudud oo lagu xalin karo, balse waxaan jirto in qofka hadduu doono uu iska yaraan karo ilaa xad uu ilaabo. Talaabani waxay imaan kartaa markii ay sare kacdo xiisaha qofka uu u qabo in uu waqti badan galiyo baraha bulshada asaga oo rabo waqtigiisa inuu galiyo .

Jiilkeena cusub waxa uu noqonayaan kuwa aan cabsi lahayn, taasi waa calaamada ugu naxdinta badan. Waxay wax u qabtaan si ayaga u gaar ah mana dhegaystaan ​​waalidkood sababtoo ah waxay raadinayaan doorarka kala duwan ee lagu soo bandhigo filimada iyo riwaayadaha.

Aflaanta iyo baraha bulshadu ku xidhiidho waxay xumeeyeen hab-dhaqanka dhallinyaradeenna. Waxay sameeyaan waxyaabo cabsi leh iyagoo adeegsanaya magacyo xiiso galinaayo.

Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan tusin waxyaalahan ceebta leh ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhamaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun.

Maxaa daawo u ah

Cudur walbaa oo qof ku dhaco waxa uu leeyahay dawo, taas oo haddii uu qofka joogteeyo uu ku helaayo dawo uu ku xasilo. Ugu horeen sidda aan wada naqaano baraha bulshada waa meel ay ku jiraan waxyaabo badan taasoo qofka sabab u noqon karto in maskaxdiisa ay ka gaabiso fikir-ka.

Haddii aad ku dhiban tahay isticmaalka baraha bulshada, waxaad u baahan tahay inaad iska yareyso sababtoo ah wuxuu halis ku yahay maskaxdaada.Si kastaba hanoqotee, dadka oo inta badan ku buraarugsaneen ayaa keentay inay nolosha ka dhacaan misna ay ku hayamaan nolol qayaali ah.

Si aad u yareyso isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr siyaabood aad kaga tagi karto sidda ugu dhaqsiyaha badan.

1. Marka hore muhiimada saar waxa muhiimka kuu ah ee aad ugu baahan tahay baraha bulshada.
Waxaan ula jeedaa haddii ay jiraan saaxiibo, qoys iyo waxbarashada casriga ah, Waxaana kuu haboon inaad kala soocdo saaxibada aad ku leedahay baraha kale duwan ay bulshada ku xiriirto.
Siddoo kale waxay kaa caawinaysaa inaad yeelato waqti aad soo galayso adigoo hadaf kaaga yahay inaad wax baarto ama aad wax ogaato.

Xakameey waqtigaada una badal inaad wax aqriska badiso, sababtoo ah waxaad dareemaysaa in maskaxdaada ay si dagan u shaqeyneeso.

2. Isticmaal bar gaar kuu ah, inkastoo aysan jirin wax gaar aad u leedahay haddana waxaa jiro meelo qaas ah aad qofka ku kulmi kartaan siddaa darteed marna suurta gal ma ahan in waqti badan kaaga baxo.
Haddii aad sameyso muddo hal toddobaad ah waxaad dareemeysaa in uu kaa haray culeys badan, balse waxaa haboon inaad adigana tijaabiso si aad ugu dawoodo cudurka baraha bulshada.

In badan oo bulshada ka mid ah ayaa sameyso ama daabacdo warbixo la xiriira aqoon kororsi, Warar iyo wax waliba oo la xiriira nolosheena, haddaba adiga keebaad u baahan tahay inaad xogg ka ogaato ama aad wax ka barto si aad ugu dayato. Tani waxay u badan tahay inay shaki keento balse waxaa muhiim ah inaad adiga doorato barta kuugu muhiimsan ee kuu ifin karta xagga wanaagasan.

Markastaa ku dayo qofka hagaagsan ee bulshada u soo gaarsiiya waxa san ama hagaagsan kaas ayaa maskaxdaada kobcin kara.

Gunaanud

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa dadkeyga oo inta badan aan jecleyn wax aqriska, inay ka feejignaadaan baraha qaar waayo asal waxaa lagu sameeyay ama soo saaridiisa qeyb weyn ka qaadato maado loo yaqaano (Algorithm). Maadadani waxay wax yeelaysaa maskaxda qofka sababtuna waxay tahay inay u shaqeyso sidda maskaxda oo kale.

Maadadani loo yaqaano Algorithm, waxaan ka sameen doonaa maqaal kale haddii uu rabi ogaado. waxaa kaloo jirto in maadadani ay ku qatonto dareenka masakxda kaasoo loo yaqaano Dopamine, balse dadka intooda badan waxba ka yaqaaniin.

Haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah waxaan kaa codsanaa inaad la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Wax akhrintu marka laga hadlaayo waa wax dad badan ay dhibaato ku hayso, haddana waa wax u fiican maskaxda qofka bani’aadamka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaa ah inaad wax badan nolosha ay kugu adkaato inaad fahanto sababaha horumarka kuu diidan.

Published

on


Dadka iskood isu xilqaamay ayaa noloshooda gacanta ku haaya iyaga oo dejinaya yoolal iyo tallaabooyin la qaadi karo si ay u gaaraan. Kaliya maaha inay fahmaan sida wax loo qabto, laakiin sidoo kale waxay ku kalsoon yihiin, diiradda saaraan, iyo inay ku qanacsan yihiin qaadashada go’aannada iyaga ku hagaya xagga mustaqbalkooda.

Haddii kalsoonidaada naftaadu ay gariirto ama aad ku kalsoon tahay awooddaada inaad ku gaadho hamigaaga, waxaad qaadi kartaa dhawr tillaabo si aad ugu noolaato nolol awood leh.

Awood-siinta nafta macnaheedu waa qaadashada go’aan miyir-qab ah si aad u maamusho aayahaaga. Tani waxay ku lug leedahay samaynta doorashooyin wanaagsan, qaadida tallaabo aad hore u marinayso iyo  inaad ku kalsoonaato awooddaada si aad go’aamo wanaagsan u samayso. Dadka iskood isku waxa isugu tara ama awood geliya waxay fahmaan meelaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha ay ku liitaan waxayna ku dhiiradaan inay wax bartaan oo ay gaaraan hadafkooda.

Sidoo kale waxaa jiro qoraalo badan oo laga sameeyay sidda uu qofka u noqon karo qof naftiisa hagaajiya noloshana guul ka gaara sababtuna waxay tahay in ay dadka qaarkood ay  rabaan in ay noloshooda wax ka badalaan siddaa darteed ay baadi goob ugu jiraan waxyaabaha u fududeyn kara.

Qoraalkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr waxyaabood oo qofka naftiisa u horseedi kara in uu wax kaga badalo, siddo kalena waxaan xooga ku saari doonaa isbedelka ugu fiican ee la sameeyo. Haddaba inta aanan u guda galin qodobada soo socda, ugu horeyn waxaan ku bilaabi doonaa isbedelka maskaxda iyo sidda ugu wanaagsan ee loo sameeyo isbedel guud.

Isbedelku waa shay dadka intooda badan ay ku kala aragti duwan yihiin sababtuna waxay tahay in qof walba uu rabo in uu shay ka sameeyo isbeddel, balse waxa ugu muhiimsan ee isbeddel laga sameeyo ayaa ah maskaxda qofka.

In qofka uu maskaxda isbedel iyo horumar ka sameeyo mararka qaar waa wax adag haddana waa ay fududahay, laakiinse waxaa laga inay kugu so dhacaan waxyaabo badan badan balse waxaan kusoo gudbin donaa halkan haddii uu rabi ogalaado.

Siddee isbaddal loogu sameeyaa maskaxda?

Ugu horeyn qofka waxaa uu la korayaa waxa uu maskaxdiisa uu ku hayo, haddan markii wuu weynaado waxa uu gurtaa waxa uu maanka ku haystay taasina waxay keentaa in qofka uu san sameyn Karin isbedel dhab ah.

Sidda aad u fakarayso waxaa laga yaabaa in aysan ahayn ba haddana waxaa nasiib xummo ah inaad maanka ku haysato inaad ku noolaan doonto nolol faqiir ah!!! Nolosha waa ay wajiyo badan tahay haddana waxay kugu qaabileysaa mararka qaar qaraar balse waa sidda aad u arakto.

Maxaa dumiya maskaxda?

Masaxkaxda qofka waa xumin-ka ugu muhiimsan jirka bani’aadamka haddana waa meesha ay ku qotamaan dhamaan dareemayaasha jirkeena, waa kuwaa ka qeyb qaataa dhalashadeedana ilaa iyo dhimashadeena. Inta badan dadyowga hadda jira waa kuwa la il daran cuduro badan oo ku dhaca, balse waxaa aad u yar cid fahantaa sidda loo hello karo dabadiisa. Si kastaba hanoqotee waxyaabaha dumiya maskaxda waxaa ka mid ah dhafarka, dhageysiga heesaha, isicmaal-ka baraha bulshada iyo daawashada muuqaalada xun xun.

Dabcan way jiraan waxyaabo kale oo dumiya maskaxda balse kuwani waa kuwa ugu caansan ay dadka badan kooda ka horumari la’yihiin.

Dhafarka: waa wax aad halis u ah marka loo eego caafimaad ahaan iyo qaabdhismeedka qofka haddana waa waxa ay dadka intooda badan ay raadinayaan sidda uu kaga tagi lahaa dhafarka, balse mid xasuusnoow jirkaa markii uu hello nasiimo wanaagsan ayuu noqon karaa mid ku fir-fircoon qabashada dhamaan shaqooyinka.

Dhageysiga heesaha:  inta badan dadka intooda badan waxay dhageytaan heesaha ilaa iyo inyar mooyee oo fahamtay dhibaatada uu qofka u leeyahay, markii loo eego shay ay xarimtay Diinta Islaamka balse dadka waa kuwa intooda badan ka dhigteen caado.

Heesaha waxa ay moobeeyaan qalbiga waxa ayna qofka ku ridaan walwal iyo cabsi sabatuna waxay tahay in qofka uu siiyay dareen aad u qoto-dheer sidda darteedna ma fahansana dhibta ay u leedahay naftiisa.

Dadka qaar ayaad moodaa inay rabaan inay ku iloobaan xanuunka nololsha siddaa darteedna maanta oo dhan ayuu qofka inta uu dhago xirto dhageysanaa Subxana Allah!

Daawashada muuqaalada xun-xun: waa dhibaato aad u daran waayo qofka markii uu badiyo waxyaabaha nuucaan oo kale waa qof wuxuu kala kulmaa cuduro halis ah, sababtuna waxay tahay in qofka uu koontarooli waayo waxyaabaha qaar.

Intaa kuma aysan harin dhibaatooyinka balse waxaa hoos u dhaca fikir qofka uu ka fakaraayo noloshiisa iyo sidda u danbeyn doonto, tani qofka waxa ay ku bilaabaneysaa asaga oon dareemin balse joojinteeda waxay ku noqon doontaa wax uusan kari Karin.

Walaal sabab ha noqonin duminta naftaada ee sabab u noqo inaad naftaada sare u qaado. Isticmaalka baraha bulshada marka laga hadlayo waa wax aad u balaaran khatartiisa balse waxaan kasoo diyaarin doonaa  cinwaan kale.

Maxaa horumariya maskaxda?

Waxaa jira waxyaabo badan oo qofka horumarin kara maskaxdiisa balse waxaa jira seddex qoddob sabab u noqda koritaanka maskaxda.

  1. Wax aqri: waa waxa ugu muhiimsan nolosha aadmiga waan laga maarmaan in qofka uu wax aqriyo siddoo kale uu ku daro in uu wax badan qori karo.

Wax aqrintu marka laga hadlaayo waa waxa dad badan ay dhibaato ku heyso haddana waa wax u fiican maskaxda qof-ka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaad u baahan tahay inaad korido masaxkaxdaada kuna korido wax aqriska.

2. Dhaqan ka wanaagsan: dhaqunku waa waxa ay bulsho walbo ay ku faanto kana dhiga inay yihiin dad jira waayo dhaqanka aad u siddo bulshada ayay kugu ixtiraamayaan.

3. Wax is bar kaligaa: inaa wax is barto way haboon tahay weliba kaligaa sababtuna waxay tahay maxaa kuu kordhaayo xirfado cusub oo aad ku barbaarin karto noloshaada haddii aad joogteyso.

Gunnaanud, waxaan ku gunaanudayaa dadkeyga oo inta badan aanan jacleyn qoraalka darteed in ay habboon tahay in qof welibaa uu masuul iska saaro siddii uu u badali lahaa maskaxdiisa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Haddii wax la bartay maxaa la soo kordhiyay?

Published

on


Sannad kasta, waxa jaamacadaha waddanka ka baxa oo ka qalin jabiya arday tiro badan oo kumanaan ah, waxa ayna ka soo kala baxaan jaamacado kala duwan, iyaga oo soo kala barta culuum kala duwan. Waa horumar aqooneed iyo ilbaxnimo loo baahanyahay, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo, waxaase aynu wada dareen sannahay qof kasta oo innaga mid ahna agtiisa wax caadiya ka ah in ardaydaasi ay soo baxaan oo bulshada soo dhex galaan tiiyoo (intooda badan) uu ku soo xisaabtamayo sidduu uga hawlgali lahaa shirkad, xafiis dawladeed, dugsi, warshad, cusbitaal ama meherad ganacsi oo hawsheeda shaqo hore u soo socotay oo shaqaynaysay.

Taas ayaa ah ta aniga iyo dad badan oo ila mid ah maskaxdoodu isu waydiiso su’aasha ah: ”Maxaa sababay in 5,000 oo arday oo midkasta oo ka mid ahi uu buug iyo qalin is dul hayay muddo dhan 16 sannadood iyo wax ka badan laga waayo hal qof oo layimaadda HINDISE IYO HAL-ABUUR cusub oo uu dunida ama ugu yaraan waddankiisa ku soo kordhiyo?”

Bal eeg, waxa uu ka soo baxay kulliyadda caafimaadka, haddana galab qudha isma uu waydiin ”Sideebaa geedka mirimiriga loogu addeegsan karaa daawo lagula dagaallamo, lagaga hortago ama lagu daweeyo xanuunka malaariyada si cilmiyaysan?”

Waxa uu kasoo qalin-jabiyay takhasusna ku qaatay Cilmiga XANNAANADA XOOLAHA, haddana iskuma uu dayin inuu hindiso hab cusub oo lagula dagaallami karo shillinta iyo gafanaha xoolaheenna waxyeelleeya marmarka qaarna caqabad ku noqda in xooleheennu u dhoofaan caalamka?

Waxa uu ka soo baxay ama soo bartay culuumta teknolojiyada ee IT-ga walina kumuu fakerin inuu awood u leeyahay inuu samayn karo dunidana kusoo kordhin karo inuu sameeyo CHARGER wireless ah! Arday kale ayaa isagu waxa uu soo bartay DARAASAADKA ISLAAMKA AMA SHAREECADA iskumana uu dayin bal inuu kutub qoro oo soo kordhiyaa ha joogtee uu kitaabka ARBACIINKA ku tarjumo Af Soomaali. Waxa uu kasoo baxay Kulliyadda dhaqaalaha walina muu soo bandhigin hal fikrad oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka.

Mid kale ayaa wuxuu soo dhammaystay injineering, walina ismuu waydiin su’aasha ah ”Ma jiraa design ama qaab kale oo guryo looga dhisan karo qabcadaha guryaha dusha laga saaro ( jiingadaha )?”.

Waa run in culuumta iyo kulliyadaha jaamacaddu intan aan xusay oo kaliya ahayn, balse intan waxa aan u soo qaadannay kaliya tusaale ahaan.

Ardayow ma aha in aad bulshada ku soo noqoto adiga oo la koodhaadhaya afartii LECTURE ee barafoysarka jaamacaddu uu kugu soo shubay oo kaliya, adigu ka shaqaysii maskaxda oo noqo aqoonyahan bulshada u soo kordhay oo lasoo kordhay aragtiyo cusub oo wax ku ool ah oo bulshada u horseedi kara inay saymayso horumar diimeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar kasta oo kale oo dan u ah ummadda ifkeeda iyo aakhiradeedaba.

Ugu danbayn, waxa meesha ku jirta in dood ama cilmibaadhis laga sameeyo waydiimahan soo socda: Maxaa keenay wax hindisid la’aanta aqoonyahankeenna?, Ma waxa aynaan lahayn maskaxdii wax ikhtiraaci lahayd (subxaanalaah) mise  waynaan gaadhin goortii wax-soo-kordhinta, oo wali aqoonbaa inoo dhiman? Ma jaamacadaha waddanka ayaanay ool aqoon ardayga maskaxdiisa gayaysiisa inuu wax cusub allifo (oo kuwa debedda inooga yimaaddaaba af qudha ayay lasoo noqdaane!!) Malla furi karaa se kulliyad sidata magac ah: WAX CUSUB SOO KORDHI!?, mise waxa innaga dhaadhacsan in waqtigan aynu joogno ay dhamaadeen wax la hindisaaba (ikhtiraac) oo hore loo wada dhammeeyay?

Waxa aynu u baahannahay in dib loogu noqdo sid ay waxbarashadeenna sare (jaamacaduhu) u socoto in daraasaad laga sameeyo jawaabaha waydiimahan sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Published

on


Guushu waa fikrad kala duwan qofkastana wuxuu u arkaa si ka duwan qofka kale. Haddii ay la macno tahay in aad leedahay xirfad aad u wanaagsan, guri ama qoys, guushu waa wax uu qof kastaa ku dadaalo in uu gaaro. Waxay kaa dhigaysaa inaad dareento geesinimo, waxay ku siinaysaa raynrayn, waxayna ku siinaysaa inaad ogaato inaad saamayn ku yeelatay adduunkan tartanka adag leh.

Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag. Maqaalkan, waxaanu ku sharaxaynaa waxa ay la macno tahay in lagu guuleysto oo aan ka wada hadalno talooyin kaa caawin doona safarkaaga guusha.

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Waa maxay guushu sideese aad ku gaari kartaa?

Qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku hamminayaa sidii uu u gaari lahaa guul wax ku ool ah. Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.

Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

“Guushu maaha furaha farxadda. Farxaddu waa furaha guusha. Haddii aad jeceshahay waxa aad samaynayso, waad guulaysan doontaa.” – Albert Schweitzer

Fikradda guushu way ku kala duwanaan kartaa qof ilaa qof laakiin qof kastaa waxa uu haminayaa in uu ku guulaysto sida ugu wanaagsan ee kartadiisa ah. Waa lama huraan in aad taqaano waxa aad nolosha ka rabto iyo waxa aad u aragto guul.

Ma mari kartid waddo aan toos ahayn adoo raadinaya nolol guulaysata, adiga oo aan go’aamin jidkaaga ama hadafkaaga. Waqti qaado oo raadi waxa aad u taqaano guul. Ka fakar oo xooga saar tamartaada.

Fahan marka hore, ka dibna go’aami waxa aad ka rabto nolosha. Ma waxaad hiigsanaysaa guul shakhsi ama mid xirfadeed mise way isku xiran yihiin? Aqoonso waxyaalaha nolosha kaa farxiya. Markaad bilowdo inaad si togan u fikirto waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd.

Inaad dedaasho waa waajib kaa saaran naftaafa. Waa xaqiiqa jirta cidna kama sugaysid midaas. Waana waddooyinka kali ee aad ku xaqiijin karto inaad tahay qof jira oo nool oo waliba naf ay ku jirto. Guusha waxay leedahay sharciyo la maro, mid kamid ah sharciyada ugu muhiimsan waxaa kamid ah inaad aaminsan tahay inaad guulaysan karto.

Waxaa jirta xikmad uu yiri qoraagii reer Gariiga ahaa Nikos Kazantzakis, “Si aynnu u guulaysanno ugu horrayn waa in aynnu aaminnaa in aynu guulaysan karno.”

  1. Noqo qof hadaf ka leh nolosha

Marka horeba u door mustaqbalkaaga waxa aad jeceshahay inaad noqoto. Hadafka ayaa muhiim u ah noloshaada, waa jihada naftaada. Inaad noqoto qof hadaf leh waxay ka dhigan tahay qof og muhiimada ay u leedahay noloshiisa, oo macnahiisu yahay waad garanaysaa meesha aad u socoto, taasina waxay ku siinaysaa xamaasad, dhiirigelin, tamar badan iyo sababta aad usoo kacayso subaxdii. Waxaad noqonaysaa qof nool. Qodobkaan waxa aan aad ugu dheeraaday buugga 5-ta Tiir ee Guusha.

Himilada nololeed waxay noqon kartaa wax kasta oo ka mid ah guursashada, iibsashada guri, bilaabista ganacsi, caruur iwm. Wax kasta oo ay noqon karaan, waxaa muhiim ah inaad yeelato yoolal nololeed oo aad ogaato waxaad ka damacsan tahay nolosha.

2. Ku dadaal hadafka noloshaada

Weligaa ha khiyaanayn naftaada – guushu waxay ku timaadaa shaqo adag inaad la timaado. Waxaadna ogaan kartaa inkasta oo aad samaynayso dhammaan culeysyada ku horyaallo, waxaa jirta qanacsanaanta aad ku qanacsan tahay shaqadaada. Laakiin xasuusnoow inaad u baahan tahay inaad ku tiirsanaato dad adiga oo kale oo nolosha ujeedo iyo hadaf ka leh, iskana hubi dadka adiga kugu hareersan inay yihiin kuwa aad isla jaan-qaadi kartaan.

Inaad dedaasho oo kali lagaagama baahno waxaad kaloo u baahan tahay inaad taqaano halka aad u socoto iyo goorta aad rabto inaad gaarto.

Dr. Tony Campolo ayaa sheegay daraasad laga sameeyay 50 qof oo da’dooda kor u dhaaftay 90 sano oo rag iyo dumarba leh ayna sameeyeen aqoonyahanno cilmiga bulshada. Wuxuu sheegay in waayeel kaas la weydiiyay “Haddii noloshaada dib loo celin lahaa, maxaad ka beddeli lahayd?” su’aashaas waxay ahayd su’aal furan oo jawaabaheedu kala duwanaan karaan. Haseyeeshee, jawaabaha waayeelku ka bixiyeen waxay noqdeen kuwa isku mid ah waxayna ku jawaabeen:

  • Waan fekeri lahaa oo hadba xaaladyda qiimayn ku samayn lahaa.
  • Siddii horre si ka badan ayaan khatar ugu bareeri lahaa. Waxaan ifka kaga tegi lahaa wax iga dambeeya.

Waayeelkaas waxay dhammaan ka shalaayeen in sida ay u fekeraayeen yaraantoodii aysan ahayd mid u hagtay dhanka himilooyin ay lahaayeen iyo in feker la’aantoodu ay gayaysiisay in aysan gaarin hadafkooddii. Waxay isku raaceen in ’waa fekeri lahaa! Macnaheedu yahay ”tallaabo kasta oo aan qaadayo waxaan ka dhigi lahaa mid ii jihaysa waxyaabaha noloshayda macnaha u sameeya intii aan siddii bilaa macno daro u socon lahaa”

Halkaas, waxaanu ka baran karnaa in qofka inta ay goor tahay maskaxdiisa si fiican ugu shaqeysiiyo. Siddoo kale waxaan kaloo arki karnaa in qof walbi nolosha uu noolyahay aysan ka fogayn sidda uu u fekeraayo.

3. Diirada saar hawlaha ku horyaallo oo kali

Waxaad u baahan tahay inaad yeelato feejignaan dheeraad ah haddii kale waxaa ku mashquulin doona cida adiga kugu heeraarsan sida asxaabtaada iyo hawlo kale oo hadafkaaga dib-u-dhac u keeni kara. Maalin kasta, qorshahaaga hakuu diyaarsanaado. Hana ku mashquulin hawlo aan faa’ido kuu lahayn.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin isku-dhaf qumman oo hadafyada nolosha ah laakiin waxaan kuu sheegayaa waxwalbo oo aad qabanayso seddaxdaas ayaa u ah laf dhabar. Inaad hadaf yeelato, kuna dedaasho hadafkaaga iyo inaad diirada saarto hawlaha ku horyaallo oo adiga hadafkaaga ku gaarsiin kara. Boqolkiiba 2% oo kali ayaa dadka shaqeyn kara iyada oo aan kormeer lagu hayn. Dadkaas waxaa la yiraahdaa ”Hoggaamiye.” waa nooca shaqsiyadeed ee lagaaga baahnaa inaad noqoto, waadna noqon kartaa haddii aad go’aansato.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faa’iidada ay leedahay aqlaaqda wanaagsan

Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.

Published

on


Ugu horeyn aqlaaqda wanaagsan waa waxa ugu muhiimsan noole kasta si uu ula dhaqmo dhaqan wanaagsan bulshooyinka kale, balse waxaad u baahantahay in aad la timaado aqlaaq iyo dhaqan wanaagsan ay bulshada kugu jeclaato.

Aqlaaqda wanaagsan qeyb ka mid ah abuur ama fidro uu rabi siiyay addoomadiisa balse in lasii kardhiyo waxay u baahantahay inaan barato dhaqanka wanaagsan kaasoo sare u qaadaya siddii aad bulshada kula dhaqmi laheyd dhaqan wanaagsan.

Qofka aqlaaqda wanaagsan waa qof ay jecel yihiin bulshooyinka kale sababtoo ah wuxuu bulshada u sidaa dhaqan wanaagsan oo u horseedi kara horumar, haddaba barnaamijkan aan ugu magac daray Jimco wanaagsan waxaan si taxane ah ugu soo qaadan doonaa Hormarinta Qoyska iyo Arimga Bulshada kaaso bixi doono kaliya maalinka Jimcaha.

Waxaan halkaan kugula wadaagi doonaa dhowr qodob aan isleeyahay waxey sahlayaan aqlaaqda wanaagsan.

  1. Aqlaaqda wanaagsan waa isku xirka bulshada qeybaheeda kala duwan taasoo dhalisa hab dhaqan wanaagsan ay bulshaba kaga dayato jiilba jiilka ka danbeeya.

Haddii aad bulshada ku xiran tahay aysan dhisi Karin aqlaaqdaada waxaad khatar ugu jirtaa inuu ku dhaco milan aad ku milmeyso bulshada kale taasoo sababi karta inay xumaato dhaqanka iyo aqlaaqdii wanaagsneyd ee aad laheyd.

Aqlaaqda wanaagsan ayaa lagu kala gudbiyaa goobaha waxbarshada sidda Machadyada, Iskuulada iyo Jaamacadaha balse marka loo eego bulshadeena waa bulsho leh xadaarad taasoo dhaxal siisay inay noqdaan kuwa loogu jecel yahay markii ay tagaan goobaha waxbarasho ama dalka dibadisa.

  1. Qofka aqlaaqda wanaagsan leh waa qof xiiseeya inuu barto dadyow kala duwan waayo waa qof aaminsan inuu sido fariin taasoo u jeedkiisa tahay in uu cid la wadaago si ay usii jirto dadnimada ay leedahy bulshada.

Diinta Islaamka an aad fahanto misna aad ku dhaqanto waxay ku dhaxal siineysaa halka ay ka taagan tahay aqlaaqda wanaagsan iyo in bulshada kula dhaqanto dhaqan wanaagsan ayna ka qurux badan tahay wax siismada.

Maalin maalmaha kamid ayaa wafdi uu hogaaminaayo nin la yiraahdo Ashaji Cabdi ayaa u yimid Rasuulka(SCW) waxuuna ugu yimid in uu u dardaarmo, wuxuuna yiri: “ii dardaaran”Rasuulka (SCW) wuxuu yiri: “ha caroonin” balse ninkii ayaa markale ku celiyay Rasuulka (SCW) wxuuna yiri: “ ii dardaaran”, balse Nabiga (SCW) ayaa ku yiri: “hacaroonin” subxaana Allah!

Bal u fiirso xadiiskan wuxuu sidoo kale qofka farayaa sabarka in uu muhiim yahay aqlaaqda suuban, majiro ruux aan caroonin markii wax la yeelo balse mahuumida ayaa ah markii waxa lagu yeelo in aadan miir beelin siddii qof waalan oo kale, tuasaale: Soomaalida waa dad sooraan ah ama aad u xanaaq badan sababtoo ah haddii reer hebel uu tiriyo hal gabay uu ku caynaayo reer hebel, reer hebelna waa in ay tiriyaan shan gabay ay ku caanayaan reer hebel balse waxaa ka qurux badan inaad u sabarto.

  1. Qofka aqlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan leh waa ruuxa xal u hela dhibaatooyinka heysta bulshada asagoo sawir kooban ka bixiya dhibaatada ka dhalan karta haddii aan la xalin.

Dhanka kale, waa ruuxa sameeya qoshooyin taaba gal ah amaba suurtagal ah si ay bulshada dhaqanka wanaagsan, wuxuuna diyaar u yahay inuu la yimaado aqlaaq wanaagsan.

Sidoo kale dadyow badan ayaa maqaalo ka badan ciida ka badan ka qoray aqlaaqda wanaagsan balse haddii aan soo qaato mid ka mid ah wuxuu leeyahy: “ aqlaaqda wanaagsan waa biriijka ama buundada u dhaxeyso adiga iyo guusha taasoo kuu horseedi in ay dadka ku jeclaadaan bilaa sabab”.

“ Aqlaaqda wanaagsan qeybi waa fidri ama abuur  halka uu ruuxa uu gaarsiin karo heer uu ku tarbiyeeyo naftiisa aqlaaqda iyo dhaqan wanaagsan”, ayuu yiri Sheekh Mustafe Xaaji.

Maxaa ka dhalan kara haddii la waayo bulsho dhaqan iyo aqlaaq wanaagsan leh

Haddii ay dhacdo tani oo kale waxaa badanaayo taxadiyaadka ay bulshada loo geysanaayo ayadoo qiil lagaga dhigaayo in ay jiraan bulshooyin laga tari badan yahay balse arinka sida loo fasiro wey ka duwan tahay waayo waxaa la baneysanaa in badan oo kamid ah bulshada diigooda iyo xolahooda.

Waxaa dhaceyso in ay bulshada cagta saartay wadada dumista bulsho walbaa oo dumeyso waxaa calaamd u ah inay ku dayato bulshooyinka kale.

Yurub maanta waxay dooneysaa dunnida oo dhan iney nqoto (Westearn Culture) dhaqanka reer Galbeedka, ayagoo wada xuquuqul insaan iyo waxyaabo kale.

Soomaaliya waxey qeyb ka tahay dadyowga sii burburaayo aqlaaq ahaan iyo dhaqan ahaan sababtoo ah waxay bilaabeen in dayacaan reerihii ay la haayeen sidoo kale ay meesha ka baxdo xaaneynta caruurta, taasoo keentay in ay meesha ka baxdo qiimihii uu lahaa qofka Soomaaliyeed.

Ummada walbaa oo dumeyso waxay ku dayataa Ummada kale waxaan meesha ka baxo qiimaha qofka, balse Soomaalida ayaa maanta kusoo kordhay nidaam khatar ku ah bulshada Soomaaliyeed kasoo laga keenay dalka dibadiisa ayna qeyb ka tahay ilxaadka heysta Ummada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Wax ka baro astaamaha lagu garto nolosha dadka guuleystay

Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.

Published

on

Caalamadaha lagu garto dadlka guuleysta

Nolosha bini’aadamka ayaa wada gaaro da’a isku mid ah halka kuwa kalena ay gaaraan ilaa iyo halkii uu Rabi cimrigooda dhigay, balse dadkan ayaa ku kala duwan qaab nololeedka ay nooloyihiin muddada ay dunnida joogaan, sidoo kale waxaa kala duwan raadadka ay dunnida kaga tagaan kaasoo ay bulshada kaga dayato  hab dhaqan ahaan iyo mid aqooneedba.

Ka hadalka dadka nolosha guusha ka gaaray ayaa ah wax aan halkan lagu soo koobi Karin ayadoo ay jiraan dad badan oo raadad ma guraan ah kaga tagay aduunka taas oo mudan in lagu dayo, mise waxaan ka hadlaa raggii ugu saameynta badnaa ee soomaray Islaamka kuwaas oo guulo badan kasoo hooyiyay dagaaladii ay la galeen dadkii diidanaa diinta rabi.

Dunnida ayaa ugu horeyn ka jirta loolan adag ama siraac taaso ay ku ku loolamayaan dadyow kala duwan kuwaas oo midda midka kale raba inuu hoggaamiyaan dunnida oo dhan, balse arinkan ayaa dadbadani ay ka jiifaann loolankan dunnida ka jiro ama ay yihiin kuwa dhan kale nolosha kaga mashquulsan.

Dadkan ayaa sido kale ka mid ah bulshooyinka aan lanool nahay kuwaasoo ay kamid yihiin dadyowga Soomaaliyeed, balse arakti ahaan in ay bulshadani aysan wax badan kala socon loolan ay dunnadani wajaheyso kaasoo waqti xaadirkan la joogo.

La socodka macluumaadyaddii ugu danbeeyay iyo xoggo kale ay ka mid yihiin diyaarinta in maanta ay dunnida ka socoto in ay noqoto hal dowllad ayada oo ay soo ifbaxeen aalado kala duwan kuwaas oo laga yaabo iney badalaan sida ay maanta u shaqeyso dunnida , balse qubarada falanqeeya cilmigga deegaanka ayaa qaba in ay arinta ay suurtagal tahay isla markaana la filaayo iney soo if baxaan sannada soo socda.

Waa waxyaabo cajiib ah markii aad fiiriso kaasoo ay dadbani lagayaabo iney wax wal wal ku heyn balse si aan waxbadan ugu ogaano ayaan waxaan halkaan ku koobi doonaa dhowr siyaabood oo lagu garto dadka nolosha guusha ka gaaray isla markaana raadad kaga tagay dunnida ayna ku nool nahay.

1. Dadka nolosha ku guuleysta waxey leeyihiin sifaad ama calaamado ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale, balse aqristow su’aal isweydii oo dadka oo dhan ma wada guuleesan karaan? Haa, dadka oo dhani wey guuleysan karaan balse guusha ayaa qof waliba uu ka qabaa fikir gaar ah.

Balse dadka nolosha ku guuleysta waa dad marwaliba u taagan iney wax kusoo kordhiyaan halka ay ku noolyihiin ayagoo raba iney kaga tagaan raadad muuqda, balse raadkan ayaa laga yaabaa in aadan wax badan  ka fahansaneyd laakiin adiga oo bulshadaada ka taga wadadii ay ku heli lahaayeen aqoon fiican misna noloshooda anfacda waxaad kaga tagtay raad fiican.

Sidoo kale dadkan iskama weyna iney bulshada kale wax u sheegaan si ay u noqdaan kuwa garaadkooda uu sii koraayo lana yimaado qorshe cad iyo hoggaan fog, tani ayaa laga yaaba iney tahay waxyaabo aad la yaabto balse nolosha dhabta ayaa ku dhisan in ay bulshada wadaagaan waxyaabha faa’iidada u leh.

2. Bulshadani ayaa sidoo kale ku tiirsan meelaha ay ka helaan daraasaadka nafsiga ayaga oo mararka qaar ka isku daya iney sameeyaan daraasaad ay ka mid tahay waxbarashada, farsamada gacanta, iyo barnaamijyo kale ay ku hormarinayaan noloshooda.

Bulshadan ayaa ah bulsho ku hormarsan dhanka aqoonta iyo farsamada gacanta ayagoo marwalabana raadiyo iney bartaan fursado kale ay noloshooda ku badalaan isla marakaan ay xaqiijiyaan hadaf yadii ay nolosha ka lahaayeen muddo ka dib, laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in bulshada ay mar walbaa fahmin bulshada kale dhanka aqoonta iyo garaadka ay leeyihiin.

3. Bulshadan waa bulsho marwalbaa ku xiran dadka kale oo ka aqoon badan si ay wax badan ugu faa’idaan ayna u noqdaan tusaale fiican, riyada qofka waxaa marwabaa dhisa qofka og halkii uu umari lahaa si uu uga dhabeeyo hanka uu nolosha ka leeyahay.

Garashada hankaaga waxey kaa caawineysaa sameysanka qorshe cad iyo qeexada hanka aad leedahay misan kuu cad yahay, balse dadbani ayaa dhibaato ka heysato dajinta qorshe cad si ay ugu dhabeeyaan qorshaha u dagan.

Sidoo kale bulshadani ayaa ah bulsho siddata sahay aqooneed ayagoo kala garanaayo meelo badan aanu weligii tagin, balse arinka ayaa u suurta galiyay iney wax badan ka barteen halkiii ay tagi lahaayeen iyo siddii ay ku tagi lahaayeen.

Dadkan ayaa si isku mid ah u fakara ayagoo hiigsigooda uu yahay gaarsiinta dadka kale ay gaarsiiyaan cilmiga ay hayaan.

4. Bulshadan ayaa ah kuwa intooda badan noqda hoggaamiye yaal kuwaas oo qaada masuuliyada bulshada ay la noolyihiin, waxaa muuqato in qodobkan uu u qaab ek yahay qodobka 2-aad, balse dadka noqda hoggaamiyaal waa dad leh qorshe cad, yool degan, hiigsi qeexan iyo wakhti la fuliyo.

Kala duwanaanshaha ra’iga ayaa mararka qaar dhaliyo caadifad ka aloolsanaato blushada dhexdeeda, balse bulshadan markii uu ka dhex dhaco qilaaf ma ahan bulsho isla markiiba ku kala tagto halkii uu shalay hadafkooda ahaa waxeyna xaliyaan dhibta ka dhalatay ururka dhexdiisa.

Waa bulsho leh xeer hoosaad ay kula macaamilaan shaqalaaha ururka si ay u dhicin dhibaato fara badan, waxeyna maareeyaan xaaladaha ka dhex dhaco ayaga oo u xaliyo hanaanka ka jira ururka taasoo ay kuwada qanacsan yihiin bulshada kale ay xilka u hayaan.

Kuma koobna halkan inaad guul gaarto balse waxay u baahantahay inaad sameyso dadaal dheeri ah kaasoo aad sare ugu qaadeyso heerkaaga aqooneed iyo garaadka aad leedahay.

Sameyso saaxiib aad nolosha kaga dayato waxaan jeclaan laha inaan ku gunaanudo qodobkan, sido kale aan jeclaan lahaa inaan sii wado qoraalka balse dadkeyga oo inta badan aan wax qorin darteed waxaa ku gabagabeynaa “in qof waliba uu ku diinyahay saxiibkii”, taasina ma ahan mid aan aniggu dhahy balse waa maah-maah Soomaaliyeed.

Saaxiibka fiican wuxuu ku noqdaa tusaale hagaagsan isla markaana noloshaada kusoo kordhiya wax cusub balse saaxiib haka dhigan qof raba inuu kaa dhaadhiciyo (Negative), ama aaminsan in waxba aan la qaban Karin waayo qokaas wuxuu qatar ku yahay noloshaada waxaase kuu qurux badan inaa ka dayato saaxiib kale oo haggaagsan.

Micnahaygu ma ahan inaan rabo in aan kugu diro saaxiibkaga qaaliga ah balse tijaabi mar qura iskuna day in aad ka dhaadhiciso fikirka aad qabto una sheeg sida uu mudnaanta kuugu kala leeyahay kana dalbo in uu kaa caawiyo qodob ka mid ah qodobadda aad degsatay cabir oo ka dhageyso fikirka uu kuu jeediyo kaliya hal mar tijaabi!!

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
WARBAAHINTA10 hours ago

Amarka maxkamada dembiyada caalamiga ee xiritaanka Putin ayaa muujinaya in sharciga caalamiga ah uu burburayo – Dmitry Medvedev

Diblomaasiyadda & Dunidda11 hours ago

Xiriirka Ruushka iyo Shiinaha ma laha xad – ayuu yirri madaxweyne Vladimir Putin

WARBAAHINTA3 days ago

Xildhibaanad Layla Moran, ayaa sii laba jibaareysa dadaalka loogu jiro aqoonsiga rasmiga ah ee UK aqoonsato qaranimada Falastiin

Buuggaag3 days ago

Jibril Mohamed on Somalia’s Road to Democracy: A Journey of Hope and Resilience

WARBAAHINTA5 days ago

Qaramada Midoobay ayaa Yemen ugu baaqday inay ka faa’iidaysato heshiiska Sucuudiga iyo Iiraan oo ay doorato nabadda

WARBAAHINTA1 week ago

Madaxweyne Erdogan ayaa si rasmi ah ugu baaqay in doorashada Turkiga ay dhacdo 14-ka Maay

Bariga dhexe1 week ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda ka dib wadahadal uu dhexdhexaadinayey Shiinaha

WARBAAHINTA1 week ago

Maraykanka ayaa ka carooday rabshadaha Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed

WARBAAHINTA1 week ago

7 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar ka dhacay kaniisad ku taalo Hamburg, Jarmalka

WARBAAHINTA2 weeks ago

7 qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo lagu qaaday hantida Iiraan ee Suuriya

Aasiya2 weeks ago

Imran Khan: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo ka falceliyay isku daygii xarigiisa

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

WARBAAHINTA3 weeks ago

Turkiga oo weerar ku dilay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Istanbul

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Maraykanka ayaa aaminsan in Ruushka laga yaabo inuu Iiraan siiyo diyaarado dagaal: Aqalka Cad

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay booqashada Raisi ee Beijing xiriirka Iiraan iyo Shiinaha?

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Waa maxay ujeedka dowladda Soomaaliya ay mar kale u xirtay Cabdalla Muumin?

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017 – Qaramada Midoobay

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Ruushka ayaa hakiyay ka qaybgalka heshiiska cusub ee START ee hubka Nukliyeerka ah ee lala galayo Maraykanka, ayuu yidhi MD Putin

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada4 weeks ago

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 weeks ago

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Afrika1 month ago

Maxay Eriteriya ugu baxday urur Gobolleedka IGAD?

Afrika1 month ago

MD Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Yurub1 month ago

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood

WARBAAHINTA1 month ago

Dhimashada ayaa gaartay 1,651 kadib dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda1 month ago

Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Gumeysi iyo isir sifeyn2 months ago

Dowladda Israa’iil ayaa kordhisay tirada dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 months ago

X. A. Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqan doona Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee NATO ayaa dib loo dhigay iyadoo Sweden ay ku baaqday in dib loo bilaabo wadahadalka

WARBAAHINTA2 months ago

Dokumentiyo sirta ah oo laga helay guriga madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence – kadib markii uu dafiray inuu haayo warqado sir ah

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Maxay Falanqeeyayaasha ka yiraahdeen guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xagjiriinta Al-Shabaab oo weeraray Galcad iyo dagaal culus oo ka dhacay

Bariga dhexe2 months ago

Booliiska Israa’iil ayaa ka hor istaagay safiirka Urdun inuu galo magaalada Al-Aqsa, taasoo dhalisay shil diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA2 months ago

Sanduuqa Lacagta Adduunka waxay ka digaysaa khatar hor leh ee dhaqaalaha adduunka

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Buundo diblomaasiyadeed: Cilaaqaadka Cumaan iyo Iiraan

Bariga dhexe2 months ago

1 qof oo dil ah, 7 Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku dhaawacday shilal ka dhacay Daanta Galbeed

Afrika2 months ago

Qarax ka dhacay Kenya oo lagu tuhmayo Al-Shabaab oo afar qof ku dhintay

Xul