Connect with us

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Aasaaska ilaha dakhliga iyo dhaqaala-abuurka ee ururka Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab muddo badan baa ay ku qaadatay jaangoynta, qaabeynta iyo meelaynta ilaha dhaqaalahu. Hadda oo uu marayo xaaladdii ugu wanaagsaneyn ee dhanka dhaqaalaha, waxa uu ku bixiyay dedaal fara badan sidii uu heerkan u soo gaadhi lahaa. Werwer badanna kama qabo in dhaqaale la’aani soo food saarto muddooyinkan.

Published

on


Burburka, dawlad la’aanta, faragelinta tooska ah iyo midda dadban, afkaaraha iyo shisheeyaha ku dhex hardamaya gudaha Soomaaliya, ayaa waxa ugu weyn ee shidaalka u ah, dhaqaajinayana uu yahay dhaqaalaha. Dhaqaalahu waa laf-dhabarta wax kasta oo maanta dunida ka dhacaya, gaar ahaan Soomaaliya. Ururrada argagixisadu muhiimad gaar ah baa ay siiyaan meelaynta dhaqaalaha, haddaan dhaqaale jirinna waxba uma socon karaan.

Ururka Al-Shabaab muddo badan baa ay ku qaadatay jaangoynta, qaabeynta iyo meelaynta ilaha dhaqaalahu. Hadda oo uu marayo xaaladdii ugu wanaagsaneyn ee dhanka dhaqaalaha, waxa uu ku bixiyay dedaal fara badan sidii uu heerkan u soo gaadhi lahaa. Werwer badanna kama qabo in dhaqaale la’aani soo food saarto muddooyinkan.

Dhinaca kale, ururka Daacish ayaa isaguna bilowgiisii waxa uu dardar geliyay sameynta ilo dhaqaale. Dhaqaale sameyntiisu ilaa hadda waa ay socotaa, si uu u muujiyo in uu yahay urur jira, dhaqdhaqaaq leh, waa in uu sida Al-Shabaab dad badan u laayo, si ay ugu fududaato galaangal badan oo uu ku yeesho gudaha Soomaaliya.

Dhaqaalaha ay ururrada argagixisadu helaan ama sameyaan ee ay hal-abuuratay, sida ururka Al-Shabaab oo uu qoraalkani daaranyahay waxa ka mid ah: ganacsiga dhuxusha sharci-darrada ah (Illegal Charcoal Trade), cashuuraha ay qaadaan oo ay u yaqaaniin “Sakawaadka – Alms”, madax-furashooyinka ay dadka shisheeyaha ah qabsadaan (Ransoms), iyo taageeridda ay siiyaan dad cayiman oo taageere u ahi, iwm.

Qoraalkani waxa aynu diiradda ku saari doonnaa ururka ka dagaallama koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, Al-Shabaab oo xulafo la ah ururka Al-Qaacida, gaar ahaan qeybta dhaqaalaha oo ka mid ah unugyada ugu muhiimsan ee jiritaanka ururrada jaadkan ah. Kol kasta oo la daraaseeyo ururradan waa kol kasta oo ay fududaato sidii loo soo afjari lahaa.

Waa ta kale e, halka ay maanta ka joogaan ururradani Soomaaliya waa heer ay adagtahay wax ka qabashadeedu, balse caqabad walba xal looma waayo, haddii ay jiraan dad daacad ka ah oo qorshe iyo hiraal leh. Maqaalkan waxa aan rejaynayaa in uu iba-fur u noqda, qoraallada afka Soomaaliga ku qoran ee lagu daraaseynayo argagixisada, faragelinta shisheeyaha, amniga si guud iyo ururrada xagjirka ah.

Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin

Ururkan loo yaqaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo xulafo la ah ururka Al-Qaacida, waa mid ka mid ah labada urur ee ka dagaallama Geeska Afrika, weerraro kala duwan ka geysta waddamada Soomaaliya, Kiiniya iyo Djibouti. Waa ururka ugu firfircoon, uguna ballaadhan shabakadda argagixisada ee Geeska Afrika. Waxa uu ka soo ifbaxay kala jabkii Midowgii Maxkamdaha Islaamka ee 2006 iyo dagaalladii dhexmaray ciidamada Itoobbiya iyo Dawladdii Ku-meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya oo dhinac ah. Tobankii ilaa laba iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyay ayaa uu ka dagaallamayaa gudaha Soomaaliya iyo waddamada deriska ah, si firfircoon oo toos ah. Daraasadihii ugu dambeeyay ee la sameeyay 2014, waxa ay ciidamada ururka Al-Shabaab ku qiyaaseen 7,000 ilaa 9,000 oo dagaalyahan.

Feebarweri, 2012 ayaa uu xulafo la noqday ururka Al-Qaacida oo ah ururka ugu ballaadhan ee argagixisada caalamiga ah ee dunida, kolkaas oo uu amiir ka ahaa Ayman Addawaahiri, ka dib dhimashadii hoggaamiyihii hore ee Cusaama Bin Laadin, oo Maraykanku dileen 2011. Mabda’ iyo afkaar ahaan, ururkan waxa lagu tiriyaa in uu yahay Salafi-Wahaabi, Qutubi, Jihaadi iyo Takfiiri asal-raac ah. Baraaruggii Islaamiyiinta ee qarnigii hore, dagaalkii Afgaanistaan ee Midowga Soofiyeeti iyo Maraykanka, faafintii Khaliijka ee fikirka Wahaabiga, dad ay saameeyeen ayaa hormuud u ahaa, salkana u dhigay ururkan. In kasta oo ururkani ka dagaallamo Geeska Afrika ama Bariga Afrika (Koonfurta Soomaaliya) ka dhaqdhaqaaqo, haddana tan iyo kollkii uu xulafo la noqday Al-Qaacida, waxa uu noqday urur caalami ah oo jihaadi ah.

Ujeedka ugu weyn ee uu ururkani rabo in uu gaadho waa qabsashada iyo xukunka bulshada, laguna dhaqo wax ay ugu yeedheen ‘Shareecada Islaamka’, balse xaqiiqo ahaan aan caddeyn macnaha ku dhaqanka Shareecadu maxaa uu yahay?

Fulinta fikirka xagjirka ah ee asal-raaca ah waa waxyaabaha ay hiigsanayaan ururkani. Fikir cunfi ah, kakan oo aan bulshada Muslinka ah iyo dunidaba aan sinnaba looga oggolaan karin. Suurad xumeynta Islaamka, burburka iyo baabi’inta uu ku wado Soomaaliya waa mid aan yareyn. Dhinaca kale, waxa uu masuul ka yahay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee lagu madhiyay ardayda, dhakhaatiirta, saraakiisha dawladda, weriyayaasha, ciidanka, shacabka rayidka ah, aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo cid wal oo bulshada iftiin soo baxaya u ahayd. Qaraxyada ay ku dhimanayaan dad boqollaal iyo kumanaan qof kor u dhaafay, dhiigga qulqulaya meel walba iyo dadka ku mustaqbal seegay falalka ururkaasi wado. Shantii sannadood ilaa lixdii sannadood ee u dambeeyay waxa isbeddelay oo horumar sameeyay qarayxada, dilalka qorshaysan, dhaqaalaha, awoodda sirdoonka ee ururka Al-Shabaab. Taas oo horseedday in uu dhaqdhaqaaqyo ka kakan, ka ballaadhan, kana adag ku yeesho gudaha Soomaaliya. Badiba isbeddelkan waxa bud-dhig u ahaa dhaqaalaha iyo maalgeinta uu helay ururku muddooyinkii u dambeeyay, taas oo u sababtay in ay awooddiisu kor u kacdo.

Dhaqaalahu waa tamarta uu fikir iyo koox kastaba ay ku shaqeyn karaan, kuna sii noolaan karaan. Waxa uu ugu jiraa ururrada, halka qofka uu ugu jiro cuntada, biyaha iyo waxyaabaha noolaha ilaaliya sii jiritaankiisa. In uu gaadho isku filnaanshiyo buuxda oo dhanka dhaqaalaha ah, si aysan u kala go’in hawgalladiisu waa waxa uu hiigsanayo ururkani hadda iyo mustaqbalkaba, kiisa dhow iyo kiisa fogba.

  1. Ganacsiga Dhuxusha Sharci-darrada Ah (Illegal Charcoal Trade)

Ururka Al-Shabaab, ilaha ugu waaweyn ee dakhliga gudaha ayaa waxa ka mid ah ka ganacsiga dhuxusha sharci-darrada ah ee Koonfurta Soomaaliya. Taas oo uu ka helo dakhli iyo dhaqaale aad u xooggan, oo noqday tiirarka dhaqaalaha ee ururka kuwiisa ugu horreeya, uguna awoodda badan. Sannadkii 2012, oo ku beegnaa kolkii ururka Al-Shabaab si rasmi ah looga saaray magaalada Kismaayo, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saaray bishii Feebarweri 2012, qaraar tirsigiisu ahaa S/RES/2036 (2012), kaas oo lagu mamnuucayo ka ganacsiga dhuxusha. Arrintaas oo loo sababeeyay in ururka Al-Shabaab uu dhaqaale fara badan ka heli jirey dhuxusha laga dhoofiyo magaalooyinka Kismaayo iyo Baraawe.

Qaraarka qodobkiisa 22aad oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi: ”Decides that Somali authorities shall take the necessary measures to prevent the export of charcoal from Somalia and that all Member States shall take the necessary measures to prevent the direct or indirect import of charcoal from Somalia, whether or not such charcoal originated in Somalia; further decides that all Member States shall report to the Security Council Committee established pursuant to resolutions 751 (1992) and 1907 (2009) concerning Somalia and Eritrea (“the Committee”) within 120 days of the adoption of this resolution on the steps they have taken towards effective implementation of this paragraph; and requests the Monitoring Group re-established pursuant to resolution 2002 (2011) to assess the impact of the charcoal ban in its Final Report.

Hay’adda Deegaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNEP), sannadkii 2014 sida ay sheegtay, Al-Shabaab waxa ay halkii xammuul ee dhuxusha ah ee maraya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, ka faa’iiddaa sannadkii lacag dhan $8-18 milyan oo doollar. Guud ahaan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya oo lagu qiyaaso lacag dhan $360-384 milyan sannadkii, ayaa ururka Al-Shabaab ku leeeyahay saddex meelood meel ka mid ah oo u dhiganta $38-56 milyan oo doollar.

Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eriteriya (UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea), ayaa isaguna warbixin uu soo saaray sannadkii July 2018, ku tilmamaay in ururka Al-Shabaab uu cashuur ka qaado dhuxusha sharci-darrada ah ee laga dhoofiyo dekedaha magaalooyinka Kismaayo iyo Buurgaabo, iyada oo ay magaalooyinkaas joogaan ciidanka Kiiniya (KDF) ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM. Middaas oo ay ku qaaddo baro kantarool oo ku yaalla gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose; oo ayna Al-Shabaab ka faa’iiddo qiyaas ahaan $7.5 milyan oo doollar.

Warbixinuhu waxa kale oo ay tilmaamayaan in Maamul-goboleedka Jubbalaan uu dhuxusha sharci-darrada ah ku cashuuro halkii jawaan lacag dhan $5, taas oo uu sannadkii ka faa’iido qiyaas ahaan 15 milyan oo doollar. Dhinaca kale, ciidanka Kiiniya (KDF) ayaa iyaguna cashuurahan qeyb ka ah, iyaga oo ku cashuura $2 jawaankii dhuxusha ah. Dhinaca kale, dhuxusha sharci-darrada ah ayaa waxa dallaala oo Soomaaliya iyo waddamada Khaliijka u dhexa, kooxo dembiilayaal ah oo fadhigoodu yahay magaalada Dubay ee dalka Imaaraadka. Hadda, dalka Iiraan baa ku soo biiray meelaha dhuxusha loo dhoofiyo. Iiraan iyo Imaaraadkuba, kolkii loo sheegay ganacsigan waa ay is dhega mariyeen oo kama ay jawaabin. Hore dalka Cummaan ayaa u ahaa marin, balse kolkii uu kastamadii dekedaha adkeystay waa ay yaraatay dhuxhsa sharci-darrada ah ee loo dhoofiyo dalkaas.

  1. Cashuuraha iyo Sakooyinka (Alms and Taxes)

Dakhliga labaad ee ururka Al-Shabaab ugu weyn, ama aynu odhan karnaba isaga ayaa kaalinta koowaad ah oo ka horreeya dhuxusha sharci-darrada ah, waa cashuuraha ama waxa ay ugu yeedheen sakawaadka. Qeybtani waxa ay si guud u kala baxdaa saddex jaad oo kala ah: Sako, Maaliyad iyo Cashuur. Kolkii hore ururka Al-Shabaab waxa uu si weyn ugu tiirsanaa dhaqaale uu ka heli jirey ururrada uu jaalka la yahay, sida Al-Qaacida. Balse ilaa labadii/saddexdii sannadood ee u dambeeyay waa ay soo afjarantay ama yaraatay taageriddaasi.

Sidaa darteed beddelkeedii, waxa uu dhaqdhaqaaq ballaadhan ka muujiyay dhaqaala-abuurka gudaha, oo ay cashuurta shacabku ugu horreyso. Maaddaama oo ay hadda badatay cashuuraha ay qaadaan Al-Shabaab, waxa ugu weyn ee loo aanaynayo ayaa ah middaas.

Cashuuraha kala duwan ee la siiyo ururka Al-Shabaab ayaa ah in shacabka la dili doono, haddii ay diidaan cashuurta. Dawladda Soomaaliya gebi ahaanba ma awooddo sugidda ammaanka shacabka iyo ganacsatada. Sidaa darteed, gaabkaas bannaan ayaa uu ka faa’iidaystay ururka Al-Shabaab. Mid ka mid ah ganacsatada cashuurta siiya Al-Shabaab oo Muqdisho ku nool, ayna wareysatay idaacadda BBC Somali, waxa uu yidhi: “Waxaan doonayaa in aan dukaan ka furto meel ka mid ah Muqdisho, haddii aan bixin waayo canshuurta Al-Shabaab, waa la i dilayaa, markaa waan ku qasabanahay in aan Al-Shabaabna canshuur siiyo… Marka aad dukaan furaneyso waa in aad kusii xisaabtantaa lacagta canshuurta, waa lagu soo wacayaa, haddii aad diidana waa lagu dilayaa.”

Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si buuxda uga warqabtaa cashuuraha ay ururka Al-Shabaab ka qaadaan shacabka. Wasiirkii hore ee ganacsiga, haddana ah wasiirka warfaafinta, Maxamed Xayir Maareeye mar uu BBC Somali u warramayay waxa uu yidh: “Runtii in ganacsatada Soomaaliyeed ay Al-Shabaab lacag siiyaan, iyagoo naftooda ku furanaya waa wax waadix ah oo qof kasta ogyahay, waxaaba la dhihi karaa way yar tahay meel furan oo aysan lacag ka qaadin guud ahaan meelaha dalka ka midka ah ee ay ku lugta leeyihiin.” Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo arrintan uga warramay Washington Post, waxa uu yidhi: “Dhibaatadu waa hal arrin oo keliya, Al-Shabaab waa Soomaali sidayda oo kale ah, ama qof kale. Waa ay noo egyihiin, meel walbana waa ay joogaan, waana ay nagu dhexjiraan.”

Dhinaca kale, Al-Shabaab waxa ay awood u leedahay in ay taako taako ula socota, ugana warhayso dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee shacabka. Xataa waxa ay ogtahay markabyada ku soo xidha dekedda iyo waxa ay sidaan. 45-jir ku gaabsaday magaciisa Cismaan, oo Washington Post uga warramayay arrintan waxa uu yidhi: “Waxa ay igu dhaheen inta ay isoo waceen ‘maad naga qaban telefoonka, haa ama maya, waa mujaahidiintii’ Wadnahaygu aad buu u garaacmayay, waa ay i dilayaan haddaan bixin waayo. Kolkii aan u jawaabay, waxa aan xaqiiqsaday in ay ogyihiin waxa iiga soo degay dekedda Muqdisho, waxa ay igu dhaheen: ‘Been ha noo sheegin, liiska waxa ka soo degay dekedda waa aannu haynaa…” Arrimahan oo caddeyn weyn oo buuxda u ah xog-ogaalnimada ururka Al-Shabaab ee dhammaan dalka oo dhan. Taas oo aan sinnaba wax u dhaafi karin, ganacsade yar iyo ku weynna ay uga warqabaan, gobollada kale ee Soomaaliya ha joogo ama magaalada Muqdisho (Banaadir) ha jooge e.

Dhaqaalaha gudaha ee ay uruuriyaan ururka Al-Shabaab waxa ay hoostagaan ama maamula maktabka maaliyadda (aka: Maktabka Sakawaadka) oo ka mid ah qeybta ururka u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha. Badiba maktabkani, ama dhammaantii waxa uu ka koobanyahay dad shacab ah, ragg iyo dumarba leh oo aan laga sooci karin shacabka kale. Hannaanka ay u qaadaan cashuuraha waxa ka mid ah in ay intii isku meherad ahba qof u xilsaaraan ka soo uruuriya lacagta, sida: beeralayda, gaadiidleyda, cagafleyda, shidaalleyda, iwm.

Waxa kale oo ururka Al-Shabaab uu soo abaabulaa kulamo uu u qabto ganacsatada Soomaaliyeed; oo  ay ku qabtaan deegaannada ay ka midka yihiin gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, sida: Tooro-toorow, Aw-dheegle, Fiidow, Buurane, Bariire, Gamboole, iqk.

Saddexda qeybood haddaan u soo gudubno, sakada (ie: Alms) ay qaadaan Al-Shabaab waxa ay tahay in cidda dhaqaalaheedu uu gaadhay $1,000 doollar ay ku waajibtay bixinta $25 doollar. Halka ganacsatada waaweyn si guudmar ah looga qaado lacag lagu qiyaaso $100,000 oo doollar, ama $10,000 oo doollar ama 1,000 doollar. Dhinaca kale, lacagta ay ugu yaqaaniin ‘maaliyadda” oo ay ka qaadaan huteellada, jaamacadaha, dugsiyada, cisbitaallada, ma xadidna oo ilaa hadda warbixin lagama hayo inta ay dhantahay. Sida oo kale, qeybta cashuuraha ayaa iyaguna ay Al-Shabaab ku cashuurtaa gawaadhida shidaalka qaadda ee magaalada Muqdisho ka yimaadda, una soo socda gobollada lacag dhan $1,300 oo doollar; halka ay tahay $800 oo badeecadda ah iyo $500 oo gaadhiga ah.

Sida oo kale, si gaar ah Al-Shabaab waxa ay foosto kasta oo shidaal ah ku cashuurtaa oo suuqa Bakaaraha ka soo baxaysa lacag dhan $2.5 doollar. Tusaale ahaan, haddii foostada shidaalka ah ay suuqa Bakaaraha kaga soo baxdo iyada oo dhan $12.5 doollar, laakiin ganacsadaha gobollada ku nool waxa ay ugu tagtaa lacag dhan 10 doollar. $2.5 doollarku, waa cashuurta Al-Shabaab ay qaaddo. Iyada oo looga soo goynayo suuqa Bakaaraha, akoon gaar ah loogu dirayo ama meel kale uun lagu siinayo.

Isla qeybtan, waxa kale oo ay wax ku cashuuraan baraha kantarool ee ka baxsan magaalada Muqdisho. Tusaale ahaan, bar kantaroollada waxa ka mid ah mid qiyaas ahaan 160km ka xigta Waqooyi-Galbeed magaalada Muqdisho oo ah jidka waddada Baydhabo, ayaa Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eriteriya ay sannadkii 2018, ku sheegtay in Al-Shabaab ka faa’iiddo lacag dhan qiyaas ahaan $30,000 maalintii/Per day ilaa $10 milyan sannadkii. Waana hababka ugu badan ee ururku adeegsado si uu cashuuro xad dhaaf ah u sameeyo.

Machadka Hiraal oo daraaseeya arrimaha amniga, fadhigiisuna uu yahay magaalada Muqdisho ayaa ku qiyaasay cashuuraha ay Al-Shabaab uruursatay sannadkii 2017 in ay gaadhayaan qiyaas ahaan 27 milyan oo doollar. Ururka Al-Shabaab, waxa lagu tilmaamaa in uu mararka qaar ka dakhli iyo cashuuro badanyahay, kana dhaqaale koror badanyahay dawladda Soomaaliya. Waa dawlad ka hoos dhisan dawlad kale “State under State”. Kol kasta oo uu daciifo kaalmada dibadda ee Al-Shabaab, iyaguna waxa ay kordhinayaan si xad dhaaf ah weliba, dhaqaale-abuurka gudaha Soomaaliya. Si uusan u bannaanaanin gaabka dibaddu. Iyaga oo ka hortagaya gaabis ku yimaadda dhaqdhaqaaqooda, hawlagalladooda, ciidankooda, qorshayaashooda, iwm.

  1. Madax-furashooyinka (Ransoms)

Dadyowga ajnebiga ah ama shisheeyaha ah oo laga qabsado gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha ee fadqalalooyinku aadka u badanyihiin, dalalka jaarka siiba Kiiniya, ayaa ah xeeladaha ay ururka Al-Shabaab ku helaan dhaqaale badan. Waa jaad afduubasho ah, ka dibna la dalbanayo si ay u sii daayaan lacag madax-furasho ah. Habkani waa mid aad u fudud oo ay ururkuna ku helaan hal mar oo keliya, iyaga oo aan hawlo badan gelin dhaqaale aad u weyn, oo meel ballaadhan u buuxin kara in muddo ah.

Badiba ururrada argagixisadu, sida Al-Qaacida, Daalibaan, ISIS iyo Boko Xaaraan, waa xeeladaha ugu badan ee ay adeegsadaan, si ay dhaqaale uga helaan waddamada Galbeedka, iqk. Dhacdooyinka jaadkan ah waxa ka mid ah;

  1. Ogos 23, 2008: Waxa meel u dhow magaalada Muqdisho laga afduubtay weriyad Kanadiyaan ah oo lagu magacaabo Amanda Lindhout, sawirqaade Ustareeliyaan ah oo lagu magacaabo Nigel Brennan, sawirqaade kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Cilmi iyo laba darawal oo iyaguna Soomaali ah. Jeenaweri 15, 2009 ayaa la soo daayay Cabdifataax iyo labadii darawal. Halka Amanda iyo Nigel la soo daayay muddo 15 bilood ah ka dib (May 2010), kolkii ay madaxfurasho ahaan u bixiyeen $600,000 oo doollar. Afduubkaas waxa fuliyay dhallinyar ka tirsanaa kooxda Xisbu Islaam, oo hadda qeyb ka ururka Al-Shabaab.
  2. Julaay 14, 2009: Ragg hubaysan ayaa huteel Saxafi ee magaalada Muqdisho ka afduubtay laba la-taliye oo Faransiis ah oo dhanka amniga u qaabilsanaa dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya. Afduubkaas oo ay ka dambeeyeen ururrada Xisbu Islaam iyo Al-Shabaab si wadajir ah. Mid ka mid ah labadii la afduubay oo lagu magacaabo Marc Aubriere ayaa baxsaday Ogos 26, 2009. Halka kii soo hadhay oo lagu magacaabo Denis Allex lagu diley isku day baxsi Jeenaweri 11 2013.
  3. Sebtembar 11, 2011: Ragg hubaysan ayaa guri ku yaal buuraha Kiwayu ee dalka Kiiniya waxa ay dileen agaasimaha madbacadda Ingiriiska oo lagu magacaabo David Tebbutt, waxaana ay kaxeysteen xaaskiisii oo lagu magacaabo Jidith Tebbutt. Waxaana ay ula tallaabeen Soomaaliya. Booliska Kiiniya waxa ay uga shakiyeen afduubayaashu in ay yihiin Al-Shabaab, ama xidhiidh ka dhexeeyo. Bishii Maarij 21, sannadkii 2012 ayaa la soo daayay Judith Tebbutt, ka dib kolkii ay qoyskeeda ay ka dhalatay ay soo wariyeen in lacag madaxfurasho ah laga bixiyay.
  4. Abril 12, 2019: Laba dhakhtar oo Kuubaan oo lagu kala magacaabo Dr Assel Herera iyo Dr Landy Rodriguez ayaa lagu weeraray degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kiiniya. Askarigii la socday ee ilaalada u ahaa waa la diley. Iyagiina waa la afduubtay. Meey 2019, ayaa ururka Al-Shabaab dalbaday si uu u sii daayo labada dhakhtar lacag madaxfurasho ah oo dhan $1.5 milyan oo doollar.

Lama tirin karo afduubyada ay fuliyaan ururka Al-Shabaab si ay dhaqaale madaxfurasho ah ugu raadsadaan, siiba dadka u dhashay waddamada Galbeedka. Maaddaama oo muwaadiniinta waddamadaas muhiimad gaar ah la siiyo, naftoodana aad loo ilaaliyo. Halka dadka kale aan la afduuban, iyaga oo Al-Shabaab si buuxda uga warqaba in aanay waxba ku helayn. Had iyo jeeraale Afrikaanka ay la afduubtaan reer Yurubka, oo ay Soomaalidu ugu horreyso waa la iska soo daayaa markiiba.

Balse, ilaa dhaqaale lagu siiyo ma soo daayaan dadka reer Yuruubka ah, ama u dhashay waddamada barwaaqo sooranka ah. Dhinaca kale, badiba dadka ay afduubtaan waa dad diintoodu aanay Islaam ahayn, sida: Masiixi, iwm. Sidaa darteed, dad aan Muslimiin ahayn oo la qafaasho oo dhaqaale isfurasho ah laga bixiyo (i.e: Jisyo), waa mid ka mid ah waxyaabaha ay ku dhaqmaan ururka Al-Shabaab, diin ahaan iyo manhaj fikir ahaanna u aaminsanyihiin.

Dhinaca kale, afduubyadii u dambeeyay ee ururka Al-Shabaab waxa ka mid ahaa gabadhii kaaliyaha aadantinimo ka shaqeynaysay ee Talyaaniga ahayd, Silvia Romana (i.e: oo hadda la baxday Caaisha Romana). Noofembar 2018, ayaa gabadhan dabley hubaysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ka afduubatay gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kiiniya. Halkaas oo ay si mutadawacnimo ah uga shaqeynaysay urur agoomaha u adeega oo qeyb ka ah kaalmada Talyaaniga, ee deegaanka Chakama. Muddo siddeed iyo toban bilood ah ka dib, ayaa bishii Meey 2020 uu raiisal wasaaraha Talyaanigu soo dhigay boggiisa tuwitarka in Silvia Romana la soo daayay.

Ka dib soo deynteedii, mucaaradka midig ee Talyaanigu waxa ay xukuumadda ku eedeeyeen in lacag madaxfurasho ah ay bixiyeen, si loo soo furto Silvia. In kasta oo xukuumaddu ay ka gaabsatay, dhegahana ka fureystay ka jawaabidda eedahaas.Sida oo kale, warbaahinta caalamiga ah qaarkood ayaa sheegay in sirdoonka Turkiga iyo Talyaanigu, oo ay wehelinayaan sirdoonka Soomaaliya ay iska kaashadeen soo deynta gabadhaas.

Warbixinaha qaarkood waxa ay sheegayaan in lacagta madaxfurashada ah ay gaadhayso inta u dhexeyso 2,3 ilaa 4 milyan oo doollar. Afhayeenka ururka Al-Shabaab, Cali Maxamed Raage “Cali-Dheere” in kasta oo uusan sheegin xaddiga dhaqaalaha lagu furtay gabadha, haddana waxa uu tilmaamay in la siiyay madaxfurasho, si ay u soo daayaan Silvia Romana. Sida oo kale, ayna dhaqaalahan u adeegsan doonaan sii socodka hawlgalladooda ka dhanka ah cadowga. Sida laga dheehan karayay hadalkiisana, lacagaha qeybo ayuu u qorsheeyay, taas oo muujinaysa in xaddi badan lagu furtay Silvia Romana.  

Si kasta oo ay ahaataba, lacagaha madaxfurashooyinku kaalin ballaadhan baa ay ugu jiraan ururrada xagjirka iyo maafiyada kale ee dunida oo dhan. In la kordhiyo dedaallada lagu afduubanayo dadka ka shaqeeya kaalmaha aadantinimada ee jooga Soomaaliya iyo jaarkeeda, dadka suxufiyiiinta ah iyo dadka kaleba, waa mid ka mid ah ajendayaasha dhaqaale abuurka ah ee ururka Al-Shabaab. Habkan waxa kale oo aad u adeegsada budhcad-badeedda Soomaalida, oo inta ay dad shisheeye ah afduubta, ka dibna ku dalbada lacag madaxfurasho ah. Al-Shabaab iyo budhcad-badeedda Soomaalidana xidhiidh qotodheer baa ka dhexeeya, iyaga oo u ah marin iyo taageere dhanka hubka, qalalaasaha, sharci-darrada iyo ajendayaal kaleba. In kasta oo uu daciifay muddooyinkii dambe xidhiidhka labadoodu, kolkii ay daciiftay budhcad-badeeddu, haddana ugu yaraan waa maangal in xidhiidh jiri karo. Taasna waxa sababaya baylahda badda iyo dawlad la’aanta ka jirta Soomaaliya.

  1. Kaalmada Aadantinimada ee Dibadda (Foreign Aid Money)

Dhaqaalaha deeqda ama kaalmada aadantinimo ee ay bixiyaan dawladaha shisheeye iyo ururrada caalamiga ahi, gaar ahaan Qaramada Midoobay, ayaa ay ururka Al-Shabaab ku leeyihiin saameyn iyo dhaqdhaqaaq aad u xooggan. Iyada oo lagu tilmaamo in badiba deeqdaasi, teeda lacagta ah ay toos ugu dhacdo gamcaha Al-Shabaab, taas oo loo marayo siyaabo kala geddisan. Ururka Qaramada Midoobay, waxa uu dadka Soomaalida ah ee barakacay ee ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya u dhisay kaamam waaweyn oo hoy u noqda.

Waxa kale oo uu u oggolaaday in ganacsato yaryari ay dhexdooda ka shaqeyso. Iyada oo ay u raacdo in uu qof walba siiyay oo qoxoonti ah kaadh ka diiwaangashan hay’adda gacanta ku haysa ee hoostagta ururka Qaramada Midoobay. Kaadhkaas oo bil walba dadku ku qaataan lacag u dhexaysa $80 – 90 doollar, oo loogu talagley in ay waxa ay doonayaan kaga iibsadaan ganacsatada gudahooda ka shaqeysata.

Kaamamkaas waxa ka mid ah kuwo ku yaalla magaala-madaxda gobolka Baay ee Baydhabo. Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay maamushaa kantaroolka laga galo, lagana baxo ee degmada Baydhabo. Sidaa darteed, waxa uu ururku cashuuraa baabuur kasta oo soo gelaya, kana baxaya deegaanka. Isaga oo ka qaada cashuurta badeecadda iyo cashuurta jidmarka ah. Sida ay hore u sheegeen ururka Qaramada Midoobay, hal bar-kantarool baa laga yaabaa in ay soo saarto dakhli dhan $5,000 oo doollar maalintii oo keliya.

Waxyaabaha la cashuurayo waxa ugu badan, uguna weyn alaabaha iyo badeecadaha ku socda kaamamka dhexdooda. Dhinaca kale, shirkadaha caalamiga ah iyo ururrada kaalmada aadantinimo ayaa waxa ay ururka Al-Shabaab si toos ah u siiyaan lacag gaadhaysa $25,000 ilaa 70,000 oo doollar, bil kasta, si ay ugaga beddeshaan nabadgelyada shaqaalahooda iyo hawlaha ay ka wadaan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Habka jaadkan ah ayaa lagu tiriyaa in uu yahay midka ugu dhaqaalaha badan ee ay ku dheefeen ururka Al-Shabaab. Hore 1990, ayaa kooxihii dagaallamayay (i.e: Qabqablayaashii) ay u jareen kaalmadii aadantinimo ee dibadda ka imaneysay. Halkaas oo ay macluul ugu dhinteen kumanaan Soomaali ahi. Taas oo ay ka dhalatay 1992, in Maraykanku isku dayo in uu hawlgal iyo faragelin millateri oo uu ku soo qaado Soomaaliya.

Xilliyadaas intii aan Maraykanku soo gelin Soomaaliya, ayaa ururrada kaalmada dibaddu bilaabeen in ay laaluush bixiiyaan, si aysan dagaal-oogayaashu u carqaladeyn kaalmada oo nabad lagu gaadhsiiyo dadka. Tusaale ahaan, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (International Committee on Red Cross) waxa ay waayadaas toddobaad gudihii ku bixiyeen lacag dhan $100,000 oo doollar, taas oo ay siiyeen dagaallamyaashii magaalada Muqdisho.

In kasta oo dagaal-oogayaashu ka dhowyihiin Al-Shabaab, oo ay lacagaha qaarkood iska dhaafi jireen, sugi jireen haddii la waayo ama lagala raago/daaho, iwm. Balse, ururka Al-Shabaab haddii aad bixin waydo lacagahan xukunkaagu waa dil. Laba dooraba waa aad ku qasbantahay bixinta dhaqaalahan, xataa haddii aanad haynin.

Habkan iyo habab kale ayaa dhaqaalaha aadantinimo ee dibaddu u galaa khasnadaha ururka Al-Shabaab, iyada oo la ogyahay, lagana dhoohanyahay mararka qaar. Horraantii 2019, dawladda Kiiniya ayaa ururrada caalamiga ah iyo Qaramada Midoobayba ugu eedaysay in ay dhaqaale siiyaan ururka Al-Shabaab, oo ay naaxinayaan. Balse, xaqiiqo ahaan cidna kama hoos-qaadin.

Facebook Comments Box

Cabdifataax Xasan Maxamed (Barawaani), waa qoraa iyo cilmi-baadhe. Waxa uu wax ka qoraa arrimaha siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, taariikhda iyo afka. Waxa uu wax ka bartaa dalka Ugaandha (Kambaalla), gaar ahaan kulliyadda diblomaasiyadda iyo xidhiidhika caalamiga ah. Waa maamulaha iyo tifaftiraha guud ee mareegta Indheergarad. Waxa kale oo uu ka mid yahay qorayaasha majalladda Diblomaasi.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaca iyo boobka hantida guud maxaa ka dhalan kara bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan?

Published

on


Erayga iyo dhac ama boob waa mid markiiba ku dhiilo gelinaya kuuna muujinaya in halkaas ay ka jirto in wax lagu qaadanayo awood iyadoo qofka ama dadka laga qaadanayaa aysan raali ka ahayn. Dhacu waa qof awood iyo si qaabdaran ku hantiya wax aannu lahayn, hanti iyo dad, dal  wax kasta oo la taaban karo ama muuqanaya.

Dhaqan ahaan bulshada soomaaliyeed, dhacu waa ka dhaxayn jirey dadka deegaan wada dega iyo kuwa kala duruqsan, waxaana jirey laba siyaabood oo wax loo dhaco, mid wuxuu ahaa qolyo qawlaysato ah oo dadka jidadka u gala, socotada iyo dadka gedislayda ahna ka booba oo ka dhaca hantidooda.

Midka kalena wuxuu ahaa Geel qaadka,  geela oo la kala dhaco guud ahaan geyiga soomaaliyeed waa dhaqan ay ka sinaayeen, marka colaado dhexmaraan ama qaarkood ayaabay u ahayd guul iyo ragganimo inay dhacaan geelasha dadyoowga kale, waagii xeerka kaynta iyo kala awood badnaanta wax lagu maareyn jirey.

Haddana ogoow dhacaasi mar walba ma ahayn mid bulshadu ku wada faraxsantahay kuna qanacsantahay ee wuxuu ahaa mid ay fulliyaan kooxaha falaago ah oo arrinkan u ban baxay, waxaa jira halku dhegyo ay lahaayeen marka ay geela ammaanyaan iyagoo leh : “ Xalaal iyo xoog suu ku xero galo, midna kuma xuma”

Arrintani maaha mid ku kooban soomaalida oo keliya ee dadyoowga kale ee carra edeg ayaa la wadaaga labadan habdhaqan ee qaloocan, boobka iyo dhacu waa midkii abuurey  in gumeyste dad nool ka qaato dhulkooda iyagana dhulal kale geeyo.

Waayihii dambe ee hannaanka ku dhisan sinaanta iyo garsoorka, talo wadaaga iyo nabad ku wada noolaanshuhu hirgalay, guud ahaan waxaa la joojiyey adduunka oodhan, dhaca iyo boobka waxaana laga soo saaray xeerar guud iyo dal walba xeer u gaar ah.

“Halkudhega qormadayda ee ah dhaca hantida guud ee bulsho wada leedahay ayaa ah mid u baahan maanta bulshada soomaaliyeed inay ka qaadato talo iyo go’aan midaysan oo leh xeer iyo xayndaab aan cidna ku xadgudbi karin.”

Sida aan kor ku sheegnay waa qayb ka mid ah nolasha aadanaha lagama waayo dhac iyo sed bursi. Sidaas daraadeed hantida guud waxa timaada marar badan in gacan dambeedis iyo boob awood qalin ku daaban lagu lunsado ama laguba qaato, iyadoo cid is weydiinaysaa jirin. Arrimahan ayaa inta badan yimaad marka uu qofku gabo xil ammaaneedkii loo dhiibtay inuu xadgudubyo.

Bulshada soomaaliyeed oo wacyigoodu yar yahay dhanka dawladnimada ayaa waxa ay u haystaan in badani xadgudubyada loo geysto hantida guud ay tahay keliya xatooyo lacageed iyo dhul lagu habsado. Haddaba waxaan rabaa inaan si weyn halkan ugu lafa gurno una iftiimiyo muuqaalada kala duwan ee xadgudubka hantida guud:

Dhaca iyo boobka hantida guud ee dahsoon.

1.Dheefsiga (Ka macaashida) shaqada dadweynaha

Dheefsiga waxa ay noqonaysaa qofka masuulka ah sida: “Madaxweyne ,, Ra’iisalwasaaare, Wasiir, Agaasime, Maamule, Maareeye  agaasime iyo qofkasta oo haya jago xileed dadweyne marka uu isku dayo In uu ka macaasho jagada uu haayo .ka macaashidda jagadaasi waxa ay leedahay dhowr muuqaal oo ay ka mid yihiin:

B. Bixinta fursado shaqo iyo qandaraas

Masuulku asagoo ka faa’ idaysanaya jagada uu hayo, In uu siiyo qandaraas shirkad uu asagu wax ka leeyahay ama qoyskiisu leeyahay,sidoo kale qandaraaska shirkada la siiyay in uu shardi oga dhigo in uu ku yeesho saami .

T. Faafinta sirta shaqada:

Xarumaha danta guud iyo wasaaradaha , waxa ay soo bandhigaan shaqooyin ay shuruudo ku xiranyihiin oo tartan loo galayo , haddii qofka ka masuulka ah jagadaas uu sirtii iyo su’aalihii imtixaanka, u gudbiyo dad asaga xigto la ah ama uu laaluush ka qaatay, si adeegaas ay uga faa idaystaan, waxa ay noqonaysaa dhac loo gaystay hantidii dadwaynaha.

J. Deeqaha waxbarashada

Haddii la helo fursado deeqo waxbarasho oo dowladdu bixinayso ama laga helayo dalka dibadiisa, kuwaasoo u baahan dadka  la siinayo inay maraan imtixaano iyo tartan,  haddii qofka masuulka ah ama kooxaha xilalka hayaa ku koobaan xigaalkooda, ubadkooda ama dad ay laaluush ka qaateen  lana dhaho iyaga ayaa ku guuleystay waa qayb ka mid ah dhaca iyo boobka hantida.

  1. Xil gudasho la’aan

Qofka shaqaalaha ah ee ka shaqeeya xarumaha dadweynaha waxa uu ku shaqeeyaa heshiis. Waxa uuna ku qaataa shaqadaas Bilgoosad(mushaar) iyo xuquuq kale. Haddaba waxaa saaran qofkaas shaqaalaha ah,  in uu dadweynaha ugu adeego hufnaan iyo kala sooc la aan sidoo kale uu adeegaas iyo shaqadaas ku qabto, sidii lagu heshiiyey, Maalmo la yaqaan iyo gooro la yaqaan sida ku cad heshiiska uu galay ee uu ku mushahar qaato.Haddii taas ay dhici wayso, waxa ay noqonaysaa ku xadgudub hantidii dad waynaha oo lagu xad gudbay.

B. Isdaba marin hawleed

Shaqaalahii oo ka soo dib dhaca xilligii shaqada  iyo ka bixidda shaqada ayadoon la gaarin xiligii ay dhamaanaysay inuu iska maqnaado shuruud iyo wargelin la’aan(Cudur daar)I n aan la dhawrin waqtiga shaqada oo shaqaalaha uu ku bixiyo waqti badan danihiisa gaarka ah sida sheeko ,cunto iyo xaajo gudasho iyo salaad sunno ah tukashadood, iyadoo aan la qaban hawl maalmeedkii la rabay in la dhammeystiro.

T. Adkaynta adeegyada xafiisyada:

In shaqo lagu qaban karo muddo yar laga dhigo mid waqti dheer qaadanaysa. Si loo dhibo qofka muwaadinka ah ee adeega u baahan, dhawr barina la iska daba celceliyo  ama uu daalo qofkaasi iyadoo looga gol leeyahay inuu bixiyo hawl fududay(Sharuur ama Caano) Laaluushka magacyada cusub ee loola baxay.

Waxaa  mudan in la dejiyo xeerar iyo  qawaaniin ma dhaafaan ah oo dhammaan boobka dahsoon ee aan ka soo hadalnay  xadidaya si loola dagaallamo, lunsiga iyo dhaca  hantida dadweynaha si dadban iyo si toos ah.

  1. Bur burinta caddaymaha:

Laamaha kala duwan ee dadwaynaha loogu adeego waxaa ka mid ah kuwa lagu kaydiyo caddaymo ama xogo ku saabsan dadka iyo dalka. Sida laamaha garsoorka iyo hanti dhawrka oo lagu kaydiyo caddaymaha ku saabsan xuquuqda dadwaynaha ha ahaato mid ku saabsan: caddaymaha dhulka, fal dambiyeedka dad kala galay caddaymahood, dhac iyo boob loo gaystay , xuquuqda dadwaynaha iyo hantidooda.

Sidoo kale hay adda sirdoonka ayaa ah meel lagu kaydiyo sirta iyo xogta dalka ku saabsan nabadgelyada dalka, heshiisyada dalka, iyo waxyaabo badan oo lagama maarmaan ah.

Caddaymahaas waa hanti qaran oo la wada leeyahay, waxaana iska leh, dadka ku nool dadkaas ee gaarka u leh waxaana ku xiran ah oo ay nolasha malaayin qof ku xirantahay ku xadgudub keeduna ama faafinteeda ay galaafan karto nolasha malaayiintaas dadka ah eek u dhaqan dhulkaas.

  1. Hantida guud oo loo adeegsado dan gaar ah

Had iyo jeeraale waxaa dhacda in dadka xilalka hayaa ee loo igmaday maamulka hantida guud  in ay u adeegsadaan dano gaar ah:

Sida lacagaha lagu bixinayo xafladdaha, marti qaadyada gaarka ah aan ujeeddo waxgal ah ku fadhiyin iyo socdaal dibadda ah oo aan lahayn hiigsi iyo majiire dhab ah,macana sidoo kale in diyaarado gaar ah loo kireeyo dad aan wax hawl qaran haynin ,Lacagahaa qaabka micno darada ah lagu bixi nayo waxa ay baahi tiri lahayd boqolaal qof oo shacab ah waa hadii dhanka saxda ah loo weecin lahaa

  1. Xatooyo

Xatooyadu waa dhaca ugu badan ee hantida guud ay la kulanto haba ugu darnaato lacagaha caddaanka ah. Lacagahaas oo laga soo qaado goobaha danta guud sida: Gegada diyaaradaha, dakaddaha iyo IWM.  lagacahaas ayaa la lunsadaa ayadoon soo gaarin goobihii loogu tala galay in lagu ilaaliyo sida bangiyada oo kale, qaarkoodka waxaa laga bixiyaa bangiga ayadoon looga bixinayn sifo sharci ah loona isticmaaliyo waddo aan sharci ahayn oo lagu lunsanayo.

Lacagaha la xado waxaa ka mid ah lacagaha ay bixiyaan dawladdaha iyo hay ado ajnabi ah oo ay ubixiyaan dayn ahaan ama deeq , ayadoon gaarin shacabkii lacagahaas la daymiyay oo hadhaw gudideeda laga rabo ayaa la leexsadaa xatooyadu kuma eka lacagta cad, sidoo kale waxaa boob la kulma ,dhulkii danta guud , sida goobihii waxbarashada  iyo goobaha caafimaadka IWM.

________

W/Q. Maxamuud Axmed Muuse Tallman

E-mail. mahamudp@gmail.com

whatspp: +252907635771

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha

Dowlada Soomaaliya oo laga yaabo in ay xilka ka qaado qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada dhaqaalle xumo darteeda

Dowladdan lagu soo dhisay nidaamka 4.5 oo aysan madaxweynaha dooranin shacabka ayaa wajahaysa dhaqaalle-xumo, iyadoo dalka abbaaro ba’an ay ka jiraan. Beesha caalamka ayaa muddo dabasocotay dowladnimada soomaaliya sidii loo soo celin lahaa, laakiin madaxda Soomaaliya ayaa ku guuldareystay qorshahaasi

Published

on


Dowlada federaalka ee Soomaaliya waxay ka mid tahay dowladaha ku tiirsan kaalmaha shisheeye kuwaasoo ay ka helaan Qamada Midoobay, iyo midowga Yurub balse sannadan ayaa ah sanadkii ugu yaabka badnaa ee abid soo mara.

In ka badan rubuc milyan qof ayaa gaajo ugu dhintay Soomaaliya 2011-kii – kala bar waxay ahaayeen carruur ka yar shan sano. Xaaladda Soomaaliya bilaha soo socda ayaa noqon karta mid aad uga sii dareysa, inkastoo caalamku uu ballanqaaday in aan marnaba loo ogolaan in macaluushii 2011 ay mar kale dhacdo.

Qaramada Midoobay ayaa saadaalisay in in ka badan 300,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool ay macaluul ku dhici doonaan bisha Diseembar.

Soomaaliya waxay hoy u tahay 16 milyan oo qof, waxayna leedahay taariikh qani ah oo soo jirtay ka hor Boqortooyadii Roomaanka. Dadka Soomaaliyeed waxa ay soo saarayeen fanka quruxda badan ee qarnigii saddexaad ee BC, iyaga oo ka ganacsanayay Masaaridii hore oo ay Muqdisho ka hirgeliyeen masaajido iyo masaajido muhiim ah qarniyadii 7aad iyo 13aad wixii ka dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, waayadan dambe, dadka Soomaaliyeed waxay la soo derseen dagaallo, aafooyin ayax, fatahaado, masiibo iyo hadda, abaaro aad u daran. Maanta, qalalaasaha ugu sarreeya dhibaatada waxay la macno tahay 7 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo – laba milyan oo ka badan saddex bilood ka hor.

Kaalmooyinka ay bixiyaan wadamada shisheeye ayaa inta badan lagu bixiyaa mushaaraadka xillibaanada iyo Shaqaalaha dowlada, balse waxaa suurta gal in ay joogsadaan dhaqaalahii kaga imaan jiray dibada sababtoo ah dunida maanta waxay ku mashquul santahay dagaal iyo bah wadaag ay la noqdaan quwadaha caalamka.

Soomaaliya iyo wadamada kale ee la mid ka ah kuwaas oo ku tiirsan kaalmada shisheeye ayaa looga fadhiyaa inay la yimadaan qorshe ay wax kaga cunto midowga Yurub iyo Beesha caalamka, hase yeeshee waxay u badan tahay in heli doonaan mashruuc ay ku helaan lacag waayo haddii aysan soo bandhigin mashruucaan waxay u badnaan doontaa inay noqoto mid meesha wax ku weydo.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka muuqato inay la imaday qorshe ay wax ku cuni karto kaasoo ah ‘Soomaaliya cagaar ah’. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah ayaa ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.

Qorshahaan waxaa bilaabay oo hawshaan u istaagay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya. (Middig) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Amb. Khadija Maxamed Al-makhzoumi iyo mudane Xassan Sh. Maxamuud (Biddix)

Qorshahaan waxaa bilaabay oo hawshaan u istaagay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya. Wasiiridii ugu horeysay ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ah shaqsiga hormuudka u ah qorshahaan.

Ma jiro sidda ii muuqato in dowlada Soomaaliya ay heyso mashruuc ay ku heli karto lacag si ay u gordhiso lacagaha soo gala dowlada, balse xaqiiqada way ka duwan tahay sababtoo ah malaha kaabe yaal dhaqaale oo badali kara kaalmada shisheeye haddii ay dhacdana in ay laba jibaarto canshuurta dalka, tani waxay sare u qaadeysaa qiimaha la iibiyo maciishada taasoo sameyn ku yeelan doonto dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada. Tani ma ahan markii ugu horeysay ay ka dhacdo Soomaaliya waxaa jiray kol hore ay dowalda ku fashilantay inay sameyso hal ku dhigyo lagu lagu dhiiri gelinaayo dadka si ay u bixiyaan canshuurta balse dhaqaalo yari ka jirta dunida oo dhan ayaa dadka geliyay saameyn aad u badan haba ugu yaraatee in qaarkood ay awoodin waxyaabahii ay ku maareyn lahaayeen noloshooda.

Halkan waxaan idin kula wadaagi doonaa dhowr siyaabood oo lagu maareyn karo dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo muhiihada tahay in hurdada ka kacaan siyaasiyiinta si loo helo misaaniyda ku filan dalka.

  1. Dowlada Soomaaliya waa in ay la timaadaa qorshooyin cad cad kaasoo ay ka mid yihiin inay kordhiso canshuuraha ay ka qaado wadamada ajaaniibta iyo inay kireyso dekedaha si wax un ay u hesho.

Kuma filnaan doonto intaa kaliya waa inay laba jibaarta canshuurta waayo waxaa laga yaabaa inay dhacaan rabshado ay ku hoos ku jiraan gacmo shisheeye oo sababi karto in ay dowlada dhacdo.

Ka dib afgambigii dhicisooway ee Turkiga waxaa hoos u dhacay dhaqalaaha uu ka heli jiray markii hore, madaama Soomaaliya aan loo barbardhigi karin Turkiga wuxuu lacag aad u yar ku iibiyay visaha iyo dal ku galka si uu sare u kaco dhaqaalahiisa balse Soomaaliya xittaa ma jirto meelo qaar oo soo jiidatay caalamka si ay u maaal gashadaan.

Dowlada Soomaaliya iyo wadama la mid ka ah waxaa looga baahan yahay inay sameeyaan ficilo dhaqaajin karo dhaqaalaha wadanka taasoo muhiim ay tahay in ay ku dhaqaaqaan si tartiib tartiib.

Saameynta dhaqaale ee dunida waxay aad saameyn ugu yeelan wadamada aan abaarta baran sidda Yurub iyo meelo kale oo ka tirsan caaalmka. Dunida aynu maanta ku nool nahay inta badan majiro siyaasi dhaqaaliyahan ah inyar mooyee, tanina waxay waji gabax ku tahay madaxda iminka talineyso ayagooo lagu eedeen doono musuq iyo inay lunsadeen lacagahii dowlada.

  1. Dowlada Soomaaliya waxay ku qasbanaan doontaa in shaqo fariisin ku sameyso qaar kamid ah shaqaalayaasha dowlada sababo la xiriira dhaqaale yari iyo inay hoos u dhacdo mushraadka ciidanka.

Sidda kaliya lagu maareyn karo ayaan ah in ay helaan misaaniyad ku filan labbada sanno ee soo socoto taasoo ay ka imaan doonto muwaadiniinta dalka iyo inay maalgeliyaan meelaha lagu dalxiiso si loo soo jiito indhaha caalamka.

Haddii ay suurtoobi wayaan waxaa macquul noqon karto in laa baahdo gacan kale oo seddexaad taasoo la kordhin doono shirkadaha ganacsiga kuwaasoo ay ku jiran gadiidka badda iyo kuwa cirka lana kormeero laamaha missaniyada, sido kale waxay tani fursan u noqon doontaa dhalin yarada aan shaqada heysan kuwaas oo inta badan laga yaabo inay helaan shaqooyin  waa haddii ay suurtowdo.

Waxa ka dhalan karo dhibaatada dhaqaale ee Soomaaliya

Waxyaabo badan aan halkaan lagu soo koobi Karin ayaa laga yaabaa inay dhacaan sidda in la xaraasho hantida dalka ayagoo ay ogeen muwaadiniinta, in ganacsatada dalka ay qaal iibiyaan maciishada iyo in la marin habaayo laamaha dowlada, waayo waxaaa adag in siyaasiga uu ka fikiro dhaqaale sidda qofka dhaqaaliyahanka ah.

Intaa kaliya kuma eka waxaa sare kacaayo ganacsiga suuqa xorta ay faa’iido ku qabaan dadka taajiriinta, haddaba ma iisheegi kartaa haddii qofka uu maalgashado lacagtii uu ku helaayo labba jibaar maxay tahay sababta ku qasbeysa inuu deyn siiyo sidda wadan Soomaaliya oo kala ah aan la ogeyn xilliga ay deenta bixin doonto. Nidamka maanta dunida uu ku dhisan waa ribo waxaana faa’iido ku qabo dadka taajiriinta ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa maxay miisaaniyada dowladda?

Published

on

Shirka golaha wasiirasada

Erayga ‘miisaaniyad’ waxa uu ka yimid kalmad Faransiis ah ‘bougette’ oo macneheedu yahay boorasada gacanta lagu qaato ama qandi.

Ereygan waxa loo adeegsaday macnihiisa markii ugu horreysay sannadkii 1733 markii Wasiirkii Maaliyadda ee Ingiriiska Sir Robert Walpole uu furay boorsadiisa si uu u soo jeediyo soo jeedinta miisaaniyadda ee Aqalka Baarlamaanka, xubnaha qaarna waxay ku qaylinayeen, ‘bougette waa la furay’ xiligaasi sida maanta oo kale ma aheen dunida dowlada shaqooyinka ay qabanayso waa yaraayeen taasi ayaa keentay in lacagaha miisaniyada iyadoo kash ah barlamaanka la horkeeno.

Tan iyo markaas, ereyga ‘bouget’ ayaa bilaabay in loo isticmaalo miisaaniyad qoran oo Dukumeenti leh kuna cad qarashaadka dowlada sida loo isticmaalaayo iyo shaqooyinka dowlada ay qabanayso si cad oo faahfahsan.

Miisaaniyadda guud waa qorshe dakhli iyo kharashaad la filayo sannad-maaliyadeedka soo socda, kaas oo ah muddo laba iyo toban bilood ah oo ah laga bilaabo xiliga ay baarlamaanka ansixiyaan baddanaa waa janaayo ilaa diseembar oo ah sida kalanderka sannadlaha ah waddamada qaar sidaasi maahin tusaalle Hindiya miisaaniyadeeda waa Febraayo ilaa Febraayo-da kale oo ah labo iyo tobban bilood. Waxayna ka kooban tahay wadarta qiyaasaha dhammaan waaxaha, barnaamijyada dowladda, addeegyada dowladda, iwm.

Waxay tilmaamaysaa baahiyaha loo baahan yahay in lagu daboolo kharashka heer degmo ilaa gobol ku baxaayo si adeegyada dowlada u gaaraan dhammaan dalka oo dhan. Tusaalle meelaha qarashaadku ku baxaayo sida caafimaadka, waxbarashada, illaalinta bay’ada, latacaalida aafooyinka dhaca sida abaaraha, daadadka webiyada  iyo roobabka keenaan haddii ay dhacaan waa qarashkii loogu gurman lahaa,  aminiga gudaha, difaacada waddan, siyaasadda arrimada dibadda sida safaaradaha iyo ururada ay dowlada xubinta ka tahay sida Qaramada Midoobe, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Tusaalle Maraykanka wuxuu bixiyaa sannadkii 11 bilyan oo dollar oo kamid ah Miisaaniyada sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay una dhiganta Boqolkiiba 24%  wuxuuna sidaasi ku noqday dalka bixiyo qarashka ugu badan miisaaniyada Qaramada Midoobay waxaana ku xigto Shiinaha oo ah dalka labbaad  oo bixiso qarashaad dhan 2 bilyan oo dollarka Mareykanka ah una dhiganta boqolkiiba 17%. 

Taasi waa sababta ay labbadaasi dal ugu leeyihiin saameynta ugu badan Qaramada Midoobay howlaha ay qabanasyo sida howlgalada nabad illaalineed (Ciidamada nabad illaalineed oo joogu meelaha colaadda ka jirto sida Soomaaliya oo ay joogaan ciidamada  Midawga Afrika ee AMISOM, Afrikada dhexe, Maali oo kamid ah dalalka kale Ciidankasi Qarashaadka ku baxo iyo howlada ay qabanayaan) iyo caawinta dalalka saboolka ah.    

Hannaanka miisaaniyadeed ee waddan kastaa waxa uu dhigayaa in Xukuumadda iyo sharci-dejintu ay go’aan ka gaadhaan inta lacag ah, waxa ay ku baxayaan, iyo sidii ay u urruurin lahaayeen lacagta ay go’aansadeen in ay kharash gareeyaan.

Dowladda marka ay miisaaniyadda sanadlaha ah qorsheyso, ujeedka ayaa ah inay dakhli ka sameyso miisaaniyada si isku filnaansho loo gaaro. Miisaaniyadda kadib, dowladda waxaa loogu baahan yahay inay u kabo gashato siddii ay dakh u abuuri lahayd. Habka ugu horreeya ee ay dawladdaha dakhli ku samayso waa cashuurta. Waxaa jira dhowr ilo oo dakhli canshuureed.

Sidee dowladda dhaqaalle ku samaysaa?

Dowlada waxay dhaqaalle ku samaysaa labo siyaabood

  • Daqli canshuurta ka yimaado: Kaas oo ah dakhliga laga soo urruuriyo canshuurta dakhliga iyo faa’iidada, tabbarucaadka amniga bulshada, canshuurta laga qaado baddeecadaha iyo addeegyada, canshuuraha mushaarka, canshuurta  lahaanshaha hantida  iyo wareejinta hantida sida qof hanti oo lahaa ka iibinaayo qofkale tusaalle dhulalka, baabuurta IWM, iyo  canshuuraha kale.
  • Dakhliga aan cashuurta lahayn: Dakhliga soo noqnoqda ee ay dawladdu ka hesho ilo aan ahayn cashuuraha sida shirkada ay iyada leedahay ama shirkad ay dowlada saami ku leedahay sida shirkadii diyaaradaha hore Somali Airlines, hadda waxaa tusaalle ah Qatar Airways iyo Turkish airways, sidoo kale qaraashka ay dowlada la hesho shaqooyinka ay qabato iyo sida bixinta jinsiydaha baasboorka, dal ku galka, bixinta shatiyada ganacsi iyo caawinaad ay dowlada ka hesho dowladdo kale ama ururada ay xubinta ka tahay sida Qaramda Midoobay (QM), Midowga Afrika (MA).

  Maxay ku kala Duwanyihiin Miisaaniyada Shirkadaha gaarka ah iyo Dowlada

  • Maaliyadda shirkadaha gaarka ah had iyo jeer waa arrin qarsoodi ah halka miisaniyada dowlada ay tahay arrin u furan bulshada qof kasta oo muwaadin ah ayaa ka doodi karo ka hor inta aan la ansixin.
  • Maaliyadda shirkadaha gaarka ah waxay dib u dhigi kartaa kharashaadkooda gaarka ah halka aysan dowladdu dib u dhigi karin qarashada ku baxo addeegyada ay dowlada qabato tusaalle qarashadka ciidanka iyo waxbarashda dibaa u dhignay sannadka qarash uma hayno ciidanka iyo iskuulada dowlada waa fasax sannadkan oo dhan waa inoo sannadka dambe halka Shirkadaha gaarka ah ay dib u dhigan karaan shaqooyinka qaar ah ay qabtaan tusaalle waxay dhehi karaan sannadka wax masoo dhoofsanayno keedkii sadkii hore isticmaalaynaa si qarashka noogu yaraaado.
  • Shirkadaha gaarka ah waxay raadiyaan faa’iido waqtiga dhaw keed badan oo mushtaqbalka ahna malahan halka ay dowlada raadin wax faa’iido u gaar ah waxayna diirada saran Qorshada mudada dheer, sida qorshihii shanta sanno ahayd ee dowladdii Soomaaliya isticmaali jirtay waxaana diyaarin jiray wasaarada qorsheynta. Wadamada qaar qorsheyntooda waa tobban sanno.
  • Dowladdu marka ay jirto xaaladaha adag oo dhaqaallo yaraan ah waxay u addeegsan kartaa daabacaadda lacagta si ay u noqoto il dakhli oo dheeri ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah sida dagaalka, dhibaatada maaliyadeed, dhulgariir iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah halka shirkadaha gaarka ah aysan dakhli soo kordhin karin iyagoo lacag daabacaayo, daabacaada lacagaha kaliya waxaa awood u leh bankiga dhexe ee dowlada (Bangiga Dhexe ee Soomaaliya).
  • Miisaaniyadda dheeraadka ah (haddii lacagaha miisaniyada wax kasoo haraan) waxay mar walba u roon tahay Shirkadaha gaarka ah halka Miisaaniyadda dheeraadka ah dawladdu aanu u fiicnayn waxay ka dhigan tahay laba arrimood midkood noqonee in dowlada dadka kasoo aroorisay lacago badan taasi macnaheedu tahay in shacabka la saaray canshuur xad dhaaf ah oo aysan awoodin waxayna keenaysa in lagula xisaabtama sababta lacago laga maarmi karay loo soo arooriyay, mida kale miisaaniyada lacago ku soo harin karaan waa in dowlada shaqooyin lagu talagalay in ay qabato ay ka gaabisay oo sidii la rabay loo qaban, Lacagaha ay dowlada soo arruurinayso iyo barnaamijyada dowlada qabanayso waa inay islahadan oo isla dhammadaan si shaqooyinka dowlada u ahaadan mid hufan oo cad (Transbarancy) halka shirkadaha  aysan ku qasabanayn inay qarashadka ay helayaan shaqooyinkooda islahadaan lacagaha dheeraadka ah shirkada usoo haro waxaa qeebsanaayo saamileyda shirkada (Shareholder).
  • Dowladu waxay diyaarinaysaa oddoroska  qarashaadkeeda iyo barnaamijyadeeda si Sanadle ah labo iyo toban bilood halka Shirkadaha  gaarka ahi aanay xaddidnayn waxa laga yaabaa inay barnaamijyadooda  noqoto toddobaadle, bille, ama sannadle hadba waa sida ay ku heshiiyaan saamileyda shirkada (Shareholders).  

Muhiimada ay leedahay Miisaaniyadda dowladda

  • Siyaasadda miisaaniyada, Dawladdu waxay hiigsanaysaa in ay dib-u-habeen ku samayso kheyraadka si waafaqsan dhaqalaha (kor u qaadida faa’iidada) iyo mudnaanta bulshada (daryeelka guud) ee dalka. Dawladdu waxay saameyn ku yeelan kartaa qoondaynta kheyraadka iyada oo loo marayo si waafaq sharuucda iyo dastuurka dalka.
  • Miisaaniyadda dawladda waxaa loo isticmaalaa si looga hortago isbedbeddelka ganacsiga ee sicir-bararka ama qiimo-dhaca si loo gaaro ujeeddada xasilloonida dhaqaalaha. Dawladdu waxay rabta inay xakamayso wejiyada kala duwan ee isbedbeddelka ganacsiga iyada oo loo marayo siyaasaddeeda miisaaniyadeed. Siyaasadaha miisaaniyada dheeraadka ah inta lagu jiro sicir bararka dowlada waxay isku dayaysaa inay xakamayso haddi sacirka maciishada kor u kaco dowlada waxay samaynaysaa canshuur dhaaf raashirka si xasilooni dhaqaale loo helo bulshda dhexdeeda.
  • Sinnaan la’aanta dhaqaale waa qayb ka mid ah nidaam kasta oo dhaqaale. Dawladdu waxay rabta inay yarayso sinnaan la’aanta dakhliga iyo hantida, iyada oo loo marayo siyaasaddeeda miisaaniyadeed. Dawladdu waxay hiigsanaysaa in ay saamayn ku yeelato qaybsiga dakhliga iyada oo cashuurta ku soo rogtay dadka taajiriinta ah, wax badana ku bixinaysa daryeelka dadka saboolka ah. Waxay hoos u dhigi doontaa dakhliga dadka taajiriinta ah waxayna kor u qaadi doontaa heerka nolosha dadka saboolka ah, sidaas darteed waxay yaraynaysaa sinnaan la’aanta qaybsiga dakhliga.
  • Miisaaniyadda dawladdu waxay rabta inay yarayso kala duwanaanshiyaha gobolka iyada oo loo marayo siyaasaddeeda cashuuraha iyo kharashaadka ee lagu dhiirigelinayo in golbada liito dhaqaalo ahaan in dowlada dhexe ay kabto tusaale Gobalada dalka isku mid maahin qaar ayaa leh qeeraad badan oo dabiici ah sida wabiyo dhul beerashda ku haboon, celal laga qudo shiidaalka halka gobolada qaar ay laheen wax qareed ah sida wabiyada iyo dhul beerasdha ku ahboon dowlada dhexe waxay isku dayaysaa inay isku mid ka dhigo nolosha dadka ku nool gollada dalka oo dhan.

Marxaladaha Dejinta iyo ansixinta miisaaniyada

Dejinta miisaaniyada, Wasaarada Maaliyada oo xubin ka ah laanta fulinta xukuumadda  ayaa dejisa qabyo qoraalka miisaaniyada kadib waxay u gudbinaysaa gollaha wasiirada si ay u ansixiyaan kalafadhiga gollaha wasiirada ayaa lagu ansixiyaaa.

Ansixinta miisaaniyadda: Sharci-dejinta ama baarlamaanka, ayaa dib u eegis ku sameeyay oo wax ka beddela miisaaniyadda ka dibna waxay meelmariyeen sharciga miisaaniyadda iyagoo u coddeynaya aqlabiyadda golaha coddeenta kadib ayey ansax noqonaysaa miisaaniyada sannadka soo socdo lagu shaqeen lahaa.

Dhaqan gelinta miisaaniyadda: Xukuumadda (laanta fulinta) ayaa soo urruurisa dakhliga iyo kharashaadka sida ku cad qoondaynta sharciga miisaaniyadda.

Kormeerka miisaaniyadda: Kormeerka miisaaniyada, xisaab xidhka miisaaniyada waxaa baarayo hanti dhoowraha qaran kadib dhammaadka sannadka ayuu la waddaggaa baarlamaanka xisaab xirka miisaaniyadda qaraashaadkii baxay asigoo ka horjeedinaayo kala fadhiga barlamaanka si su’aalo ugu waydiiyaan xildhibaanada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa maxay yoolka dhabta ah ee madaxweyne Macron ee ku aadan Afrika?

Faransiiska ayaa u muuqda in uu doonayo in uu u adeegsado Golihiisa Guddoomiyaha Midowga Yurub si uu u adkeeyo qabsashada uu rabo inuu ku qabsado qaarada Afrika iyo in uu kiciyo is dhexgalka Yurub oo kordhay.

Published

on


Sida dambiisha rootiga ee adduunka, Afrika waxay muddo dheer quudin jirtay khasnadaha warshadaha Faransiiska, laga bilaabo difaaca ilaa kheyraadka dabiiciga ah. Paris waxay caado ahaan isu tixgelisay inay tahay lamaane mudnaan leh oo qaaradda ah, gaar ahaanna dalalkeedii hore sida Jabuuti iyo kuwa kale oo badan.

Iyadoo Faransiiska laftiisa uu yahay mid kheyraadkiisa liita, cilaaqaadyada ayaa loo arkaa inay muhiim u yihiin madax-banaanida Faransiiska. Faransiiska ayaa doonaya inuu dib u cusboonaysiiyo iskaashiga ka dhexeeya Yurub iyo Afrika ka hor shir madaxeedka muhiim ah oo u dhexeeya labada qaaradood bisha Febraayo.

Kulan Isniintii ka dhacay magaalada Paris ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha mudnaanta u leh dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee ku aaddan xiriirka ay la leeyihiin Midowga Afrika, taasoo ah tii ugu horreysay oo ay soo qabanqaabiso dowladda Faransiiska oo qeyb ka ah hoggaanka Golaha Midowga Yurub oo lix bilood ah.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa markii uu soo bandhigayay barnaamijkiisa ku aaddan in dalkiisa uu xilka hayo bishii Diseembar, waxa uu mudnaanta koowaad siiyay xiriirka Afrika.

Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu “dib u dhiso heshiis dhaqaale iyo mid maaliyadeed oo cusub oo lala yeesho Afrika”, isaga oo muujiyay xiriirka hadda ka dhexeeya labada qaaradood.

Haddaba markii Macron uu la wareegay hoggaanka wareegtada lix biloodlaha ah ee Golaha Midowga Yurub Janaayo 1, 2022, wuxuu si toos ah ugu soo jeestay Afrika. Munaasabadii ugu horeysay oo ay soo qaban qaabiso dowlada Faransiiska doorkan ayaa aheyd kulan ku saabsan sidii loo ogaan lahaa muhiimada xubnaha Midowga Yurub ee xiriirka ay la leeyihiin Midowga Afrika ka hor shir madaxeedka bisha Febraayo ee sanadkan. Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id oo uu qabtay Janaayo 11, Macron wuxuu sheegay inuu doonayo in Yurub ay noqoto qaarad “ku xooggan adduunka” iyo “in la dhiso isbahaysi cusub, si aan dib ugu dhisno iskaashiga Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.”

Macron waxa uu muddo dheer ku hammiyi jiray is-dhexgalka Yurub, taas oo mid ka mid ah tiirarka ay tahay riyadiisa ah ‘difaaca Yurub’. Fikraddan waxay ku habboon tahay aragtida Macron ee Yurub taas oo muraayad u ah kordhinta booska General hore ee Faransiiska iyo Madaxweynihii hore ee Charles de Gaulle ee Faransiiska oo ah awood juqraafi ah oo awood u leh inuu u adeego sidii dalaal u dhexeeya tiirarka awoodda juqraafi ee Ruushka iyo Maraykanka. Waxayna Afrika siinaysaa colaadda ugu habboon iyo u dhawaanshaha Yurub si ay ugu adeegto marmarsiinyo lagu soo bandhigayo fikraddan cusub ee ciidamada Yurub.

Laakiin, sida caadiga ah, shaydaanku waa ku jiraa faahfaahinta. Tusaale ahaan, waa kuwee wadamada kale ee Yurub ee leh ciidamo si sharci ah wax ugu biirin kara xoog ama hawlgal guud oo reer Yurub ah? Giriiga? Talyaaniga? Poland? (Iska ilow Jarmalka, kaas oo ka caga jiiday inuu la galo Faransiiska oo dhan si uu uga carooday NATO ee uu Maraykanku hoggaamiyo, kaas oo Berlin siiya dallad nukliyeer ah.)

Hadda ka gudub murashaxiintan oo kale oo doonaya inay soo farageliyaan arrimaha dibadda, gaar ahaan hawlgallada dib u soo celinta maalgashiga taas oo ugu dambeyntii cirro yeelan doonta marka la barbardhigo waxa Faransiisku helayo marka ay lama huraan tahay inay ka takhalusaan tartamayaasha warshadaha shisheeye, sida hawlgallada milatari ee hoos yimaada argagixisada ama marmarsiiyo bini’aadantinimo ugu dambeyntii dariiq dhaqaale loo helo.

Waxa kale oo shaki la gelinayaa in Talyaani, Polish, Giriig ama muwaadiniin kale oo ka tirsan Midowga Yurub ay taageerayaan ku lug lahaanshiyaha militariga ajnabiga ah ee gobolka Saaxil ee Afrika, kaas oo ku saabsanaa Macron uu garaacayay miiska, isagoo caddeeyay inay asal ahaan tahay hawlgal uu Faransiisku hogaaminayo dhaymada daaqada. Halkaa waxa ka jira is-bar-bar yaac weyn oo ku saabsan madaxbannaanida qaranka iyo madaxbannaanida Yurub. Xataa suurtagal ma tahay in la xoojiyo Yurub iyada oo aan la wiiqin dalalkeeda gaarka ah iyada oo lagu qasbayo inay ka jawaabaan hoggaanka sare ee laga yaabo in aan si buuxda ula socon danaha qaranka?

Waxa kale oo sii adkaynaya hamiga Afrika ee Macron ee Faransiiska iyo mashruuciisa bandhigga EU-da, waa xaqiiqda ah in Faransiisku sameeyay khaladaad isdaba joog ah oo aan qasab ahayn oo ka dhacay qaaradda taas oo keentay in tartamayaasha sida Shiinaha, Ruushka, iyo Mareykanka ay xaddaan qadada Paris.

Tusaalaha ugu dambeeyay wuxuu ahaa aqbalida Macron ee “caawinta” Washington ee Afrika oo ah abaal-marin dhiirigelin ah oo loogu talagalay dhaca Faransiiska ee Australia markii heshiis balaayiin euro ah oo badda hoostiisa ah si lama filaan ah loo joojiyay loona abaalmariyay Washington. Halkaan waxaan ka fahmi karnaa hadalada ay adeegsadaan reer galbeedka oo ahayd – nin kastaa wuu ogyahay in haddii aad rabto inaad isticmaasho gabadha saaxiibkaa, waxaad waydiisaa inaad la joogi karto iyada. Muxuu Macron u malaynayaa in danta Washington runtii ay tahay in ay weydiisato in ay Paris kala soo baxdo howlgallada Afrika?

Waxa kale oo jirta in istiraatijiyaddii hore ee hormoodka u ahayd faragelinta Afrika oo leh dardar-gelin ciidan ama mid amni-qaran oo colaadaha ama afgambiga la taageero – iyada oo la rajaynayo u gudubka dib-u-soo-noqosho dhaqaale oo aakhirka iyo warshadayntu aanay hadda ahayn tusaale lagu guulaysan karo, haddii kaliya sababtoo ah dadwaynaha ayaa ku jira koontada. Tan iyo markii la beddelay qaab kale oo ka bilaabmaya raad dhaqaale oo shisheeye ah ka dibna fursad u siinaya shaqaalaha amniga gaarka ah inay ku lug yeeshaan waddamada shisheeye si loo ilaaliyo maalgashiga gaarka ah.

Optics-ka faragelinta ciidanka weyn ee maqnaanshaha sabab dhab ah oo lagu taageerayo ra’yiga dadweynaha hadda ma ahan dhaqan wanaagsan. Tusaale ahaan, markii maamulaha shirkadda caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska ee Total Energies, Patrick Pouyanne, uu ka baryay waddamada Yurub inay ka caawiyaan Mozambique dagaalka ay kula jirto Daacish sanadka 2020, codsigiisu wuxuu ku dhacay dhego-la’aan. Kacdoonka Islaamiyiinta ayaa caqabad ku ahaa horumarinta mashruuca gaaska dabiiciga ah ee shirkadda, isagoo ugu dambeyntii dib u dhigay ilaa ugu yaraan 2026.

Marka kuwa ugu weyn ee warshadaha Yurub ay tahay inay naftooda u huraan Afrika inkasta oo ay u qaylinayaan caawinta dalalkooda sababtoo ah indho-indheynta waa dhibaato siyaasadeed, la yaab maaha in tartamayaasha kale ee qaranka ay doortaan ikhtiyaaro amni oo hoose oo leh raad yar oo u oggolaanaya diidmo macquul ah oo ka weyn geynta rasmiga ah ee ballaaran.

Waana muuqaalkan in Macron uu rajeynayo inuu u tallaalo xooggiisa Yurub sidii daaqadda cusub ee saadaalintiisa la qorsheeyay ee dhaqaalaha, militariga, iyo siyaasadda Yurub. Nasiib darro, Macron waxa uu ku eegayaa goobta dagaalka ee hadda ka socda aragti-raadiye caqli-gal ah oo xoogaa ku qalloocan fikradda iyo rabitaan siyaasadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Ka maqnaanshaha Dowladaha Afrikaanka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa cadaalad darro weyn: Erdoğan

“Raadka taariikhda wadaagga ah waxaa laga heli karaa gees walba oo ka mid ah qaarada Afrika laga bilaabo Suudaan ilaa Liibiya, Harar ilaa Cape Town, Muqdisho ilaa Timbuktu” ayuu yiri Edogan oo xusay in bog cusub uu u furmay xiriirka qaaradda Afrika kadib.

Published

on


Waa “cadaalad darro weyn” in qaarada Afrika oo ay ku nool yihiin 1.3 bilyan aysan matalin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Sabtidii sheegay, isagoo ku nuux-nuuxsaday in matalaadda Afrika ee golaha ammaanka ay waajib tahay.

Isaga oo tixraacaya hal-ku-dheggiisa “adduunku waxa uu ka weyn yahay shan” – Edogan waxa uu sheegay in dadaalka Turkigu uu sidoo kale ula jeedo walaalahooda Afrikaanka.

“Waxaan rumeysanahay in loo baahan yahay in la is garab istaago si Afrika ay uga mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ay xaq u leedahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo ka furmay Istanbul.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa Khamiistii ku billowday shirka madaxda sare ee dowladda ee Istanbul, waxaana sii socday shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee 17-kii Disembar.

In ka badan 100 wasiir oo ka tirsan xukuumadda iyo 16 madaxweyne oo ka socda Afrika ayaa ka qayb galaya shirkan, kaasoo hal-ku-dhiggiisu yahay “Kordhinta Iskaashiga Horumarka Guud iyo Barwaaqada.”

“Turkigu waligiis dhabarka uma jeedin Afrika iyo shucuubta Afrika, wuxuuna si weyn u taageeray dhaqdhaqaaqyada xoriyadda ee qaaradda, gaar ahaan dalalka Waqooyiga Afrika, inkastoo ay jiraan xaalado adag, dadaalka wadajirka ah ee aan sameynay, waxaan gaarsiinay xiriirka Turkiga iyo Afrika heerar. taasi waxay ahayd wax aan la qiyaasi karin 16 sano ka hor,” ayuu yiri Erdoğan.

Madaxweyne Erdogan wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu martigeliyo ka qaybgalayaasha Turkiga munaasabadda shir-madaxeedka saddexaad, Erdoğan wuxuu sidoo kale u mahadceliyay guddiga Midowga Afrika, oo aan u tusin waxqabadkooda fulinta shir madaxeedka in kasta oo ay jiraan masiibada dib u soo cusboonaatay.

Erdogan waxa uu carabka ku adkeeyay in qaranka Turkigu uu xidhiidh bini’aadminimo la leeyahay Afrika ilaa qarnigii 9-aad, waxa uu xusay in masaajidda, maktabadaha, hudheelada iyo dekedaha laga dhisay magaalooyinka kala duwan ee qaaradda oo qarniyo soo jiray.

“Raadka taariikhda wadaagga ah waxaa laga heli karaa gees walba oo ka mid ah qaarada Afrika laga bilaabo Suudaan ilaa Liibiya, Harar ilaa Cape Town, Muqdisho ilaa Timbuktu” ayuu yiri Edogan oo xusay in bog cusub uu u furmay xiriirka qaaradda Afrika kadib.

“Iyadoo shirweynaha iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo laba jeer la soo agaasimay, waxaan si cad u muujinnay halista dalkeena iyo muhiimadda aan siineyno xiriirka qaaradda,” ayuu yiri.

“Mugga ganacsigeena, oo (sannadkii 2003) ahaa $5.4 bilyan marka aan la leenahay Afrika, wuxuu kor u dhaafay $25.3 bilyan sanadka 2020, ganacsigeena 11-kii bilood ee ugu horreeyay 2021 wuxuu hadda gaaray $30 bilyan, qiimaha maalgashiga qaaradda oo dhan wuxuu gaaray $6 bilyan. Shirkadaha Turkiga ayaa shaqo siiya ku dhawaad ​​25,000 oo Afrikaan ah,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo intaa ku daray in shirkadaha qandaraaslayaasha ah ee Turkiga ay saxiixeen 1,686 mashruuc oo qiimahoodu dhan yahay ilaa 78 bilyan oo dollar oo Afrika oo dhan ah.

Isagoo ka hadlayay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasoo dhaqan galay Janaayo 1, 2021, Erdogan wuxuu yiri, “Waxaan aaminsanahay inaan ganacsigeenna laba geesoodka ah gaarsiin doono 50 bilyan oo doolar, ka dibna $75 bilyan annaga oo kaashanayna dadaalladayada wadajirka ah”.

“Marka laga soo tago safaradayada diblomaasiyadeed, waxaan sii ballaarinay joogitaankayaga guud ahaan qaaradda, anagoo kaashanayna hay’ado ay ka mid yihiin TIKA, Yunus Emre Institute, Maarif Foundation, Anadolu Agency, Turkish Airlines iyo Bisha Cas.” Oggolaanshaha isticmaalka degdega ah ee TURKOVAC waa la dhammeeyey, waxay siin doonaan tallaalka u adeega dhammaan aadanaha, oo ay ku jiraan dadka Afrikaanka ah.

Shirkii ugu horreeyay ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa lagu qabtay Istanbul, kii labaadna wuxuu ka dhacay magaalada Malabo ee caasimadda Equatorial Guinea, ka hor inta uusan mar kale ku laaban Istanbul.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa bishii hore mar kale xaqiijiyay in habka Turkiga uu u wajahayo xiriirka sii kordhaya ee uu la leeyahay wadamada Afrika uu ku saleysan yahay iskaashi siman iyo mabda’ii guuleysiga, isagoo carabka ku adkeeyay rabitaanka xooggan ee lagu horumarinayo xiriirka ganacsi.

Xiriirka Turkiga ee qaaradda Afrika ayaa sii kordhayay sannadihii la soo dhaafay. Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay ku dhawaad ​​labaatan sano ka hor, markii ugu horeysay ee uu noqday ra’iisul wasaare, Erdoğan waxa uu kobcinayay xiriirka Afrika, isagoo u soo bandhigay Turkiga inuu yahay ciyaaryahan ka cadaalad badan dalalkii hore ee gumeysiga.

Waxaan isweydiin karnaa madaxda Soomaaliyeed oo ka qeyb-gashay shirkaan iyo xariirka Turkiga iyo Soomaaliya maxay kaga faa’idaysan karaan?

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul