Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Abaabulka Isbeddelka Nidaamka Dawladeed

Waxaa bilaabmay abaabul mucaaradeed oo kala duwan, in kastoo ururradii SSDF iyo SNM si rasmi ah loogaga dhawaaqay magaalada Addis Ababa iyo London, haddana waxa xusid mudan in ku dhawaaqidda rasmiga ah ee Ururrada ay ka horreeyeen marxalado kala duwan oo la soo maray oo isugu jiray baraarug, dareen celin, isxogwaraysi iyo bal in si qoto dheer loo fahmo nidaamkii taliskii milatariga ahaa ee jiray iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Haddaba, intii uu dareenku galay ama ku baraarugtay in ummaddooda lagu hayo dibin-daabyo iyo cadaadis qorshaysan, waxay bilaabeen sidii ay uga doodi lahaayeen, wax isu tusi lahaayeen, si wax u wada arki lahaayeen isla markaana isu aamini lahaayeen, taasina waxay qaadatay waqti dheer. SSF/SSDF oo ahaa dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee hubaysnaa ee ka horyimaaddo Dawladdii uu hoggaaminayay Janaral Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya, Dhaqdhaqaaqan oo bilaabmay 1978, saldhiggiisu wuxuu ahaa dalka Itoobiya. Waxaa SSDF bilaabay Saraakiishii Soomaaliya qaar ka mid ah oo u baxsaday dhinaca Itoobiya waxaana ugu tunweynaa Col. Calbdilaahi Yuusuf Axmed oo markii dembana ka noqday guddoomiye.
Waxaanay isla markiiba ku soo qaadeen gulufyo ciidama ah oo soo galay ama qabsadayba degmooyin ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya sida Balanballe iyo Galdogob. Hase ahaatee may ku raagin oo waxaa weli xoogganaa xilligaa Ciidamadii Xoogga Dalka ee Soomaaliya oo kala hortegayay iskacaabbin xooggan iyo muquunin.
Hawlgalladii SSDF oo muddo soconnayay dabadeed, Dhawaaqii 6 April 1981ee SNM wuxuu xoojiyay dareenkii yididdiilo ee xilligaa soo jiidanayay dadkii degganaa gobollada dhexe, gobollada waqooyi iyo in badan oo ka soo hor jeeday nidaamkii taliskii milateriga ahaa ee Janaral Maxamed Siyaad Barre uu hoggaaminayay. Waxaanay ahaayeen xubnihii SNM ku dhawaaqay:
1) Xasan Ciise Jaamac, Axmed Ismaaciil Cabdi (Dukhsi), Xasan Aadan Wadaadiid, Axmed Maxamed Sayidi, Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin Maxamed iyo Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar.
Abaabulka, wacyi gelinta iyo kicintu, heer kasta oo ay tahayba, gudaha iyo dibeddaba way ka socdeen. Waxa xusid mudan in bilowgii uu abaabulka dibeddu ka xoog badnaa kii ka socday gudaha. Arrintan waxa u sabab ahaa dadka dibeddu waxay haysteen xaalado u suurto gelinayey in intii si wax u wada dareensani ay si xor ah oo aan dhuumasho lahayn fikir iyo aragtiba isu weydaarsan karayeen. Dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Carabta waxa ka bilaabmay shirar iyo kulamo joogto ah oo lagu falanqaynayey wadcigii iyo waayihii ay ummadda reer Somaliland ku sugnaayeen iyo hannaankii wax lagaga qaban lahaa.
Dhaqdhaqaaqyadii iyo abaabulkii ka socday dibeddu waxay xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen dadkii gudaha joogay. Bilowgii, xidhiidhada noocan ah ujeeddadoodu waxay ahayd baraarujin iyo wacyi gelin ku wajahan haldoorka bulshada ee ku sugnaa dalka gudihiisa. Waxa xidhiidh lala sameeyey qaybo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada, siyaasiyiinta, aqoonyahan iyo dhallinyaroba, kuwaas oo iyaguna xidhiidh iyo gacan saarba la sii lahaa magaalooyinkii iyo degaannadii ay ku noolayeen sida odayaasha, waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kalaba. Masuuliyiin badan ayaa iyagoo xilal sar-sare ka hayey taliskii militariga ahaa haddana gacan ku lahaa wax badanna kala socday dhaqdhaqaqyadii dibedda iyo gudaha.
Wuxuu iiga sheekeeyay madaxweyne Silanyo, xilligii uu wasiirka ahaa ee ay wadeen abaabulka: “Waxaa ii iman jiray Jaamac M. Qaalib (Jaamac yare) isagoo xog i siinaya ama iga doonaya, labo qaab ayaannu warka u kala qaadan jiray: B) marka uu xafiiska soo galo ayuu ii bilaabi jiray warka isagoo igu soo socda, marka uu i salaamana wuxuu iga noqon jiray isagoo warkii ii dhammeeyey, T) marka aan guriga joogo wuxuu igu qaadi jiray gaadhiga, wuxuu ila soo wareegi jiray waxooogaa ka dibna wuxuu i hor dhigi jiray guriga isagoo warkii ii dhammeeyey.”
Waxa xusid mudan in mucaaridkii hubaysnaa ee ugu horreeyey ee ka soo horjeestay taliskii Siyaad Barre ay ahayd jabhaddii SSDF, waxayna saldhiggii ugu horreeyey ka samaysteen dalka Itoobiya, waxana hoggaaminayey kornayl (AHUN) Cabdillahi Yuusuf Axmed oo markii danbe madaxweyne ka noqday Soomaaliya. Taageerada dawladdii Itoobiya ee martidada loo ahaa ka sokow, jabhaddii SSDF waxay haysteen taageero dhaqaale, mid ciidan iyo mid siyaasadeed oo ay ka heli jireen waddamo kale oo ay dalka Itoobiya xulufo ahaayeen sida: Liibiya, Yementii Koonfureed, Ruushka, Jarmalkii Bari, iwm.
Halgankii hubaysnaa ee SNM waxaa hoggaanka u qabtay Axmed Maxamed Jimcaale, 1981-82 oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee loo doorto hoggaaminta halganka, waxaana uga danbeeyay Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar 1982-83, Cabdilqaadir Koosaar Cabdi 1983-84, Axmed Maxamed Silanyo 1984-89 iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ugu danbeeyay 1990-1991.
Waxaana Ururka SNM lahaa hannaan maamul oo la soo doorto iyo garabyada ciidamada iyo dhaqaalaha oo dalka debaddiisa iyo gudihiisaba laga soo ururin jiray bulshadii taageersanayd, waxaana hoggaankiisa loo dooran jiray si dimuquraaddi ah, inkasta oo aasaasku ahaa hannaanka beelaha, gaar ahaan beesha Isaaq oo halganka saldhig u ahayd.
Xaruntii halganka waxay SSDF iyo SNM ka dhigteen dalka Itoobiya, waxaana dhammaan ka hawlgeli jiray dhinacyada kala duwan ee ciidamada iyo xafiisyada xidhiidhka iyo dublamaasiyadda ururrada, waxaa jiray caqabado badan oo ay ka mid ahaayeen:-
1) Labada ummadood ee Soomaalida iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeyey xilligaa muran iyo cadaawad taariikhi ah oo ay dhex dhigeen, kana tageen gumaysigii reer Yurub.
2) Waxa weli sii qoyanaa oo xasuusta labada ummadoodna weli ku sii sawirnaa dagaalladii kala danbeeyay ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977.
Iyadoo ay jireen carqaladahan waaweyn ee kor ku xusani, haddana waxa caddayd in aanay jirin dariiq kale oo SSDF iyo SNM u bannaanaa oo aan ahayn in dawladda Itoobiya xidhiidh lala sameeyo, isla markaana si cad looga dhaadhiciyo hadafka iyo himilada halganka ay wadeen. Dawladdii Itoobiya ee berigaa talada haysay way soo dhowaysay saraakiishii SNM ee tallowday maadaama ay ka soo horjeedeen taliskii Siyaad Barre. Dawladda Itoobiya waxay filaysay in saraakiishan cusub ee soo tallowday ay ku biiri doonaan ururkii SSDF ee ka soo horreeyay oo saldhig weyn ku lahaa dalka Itoobiya. Waxay ka mid ahayd mushkiladda Soomaalida in labadii halgan ee isku hadafka ahaa ay ku heshiin waayaan inay halganka mideeyaan oo qorshe dagaal wada samaystaan, waxaanay ku danbaysay in SSDF iyo SNM mid kastaa aag ka hawlgasho.
Halgankii SSDF iyo SNM, fikirkii iyo isteraatijiyaddii hagayey wuxuu ku salaysnaa in halganka hubaysan lagu baahiyo gobollada iyo degmooyinka dalkii Soomaaliya, si ay hawgallo uga fuliyaan dhammaan gudaha Soomaaliya. Muddo ka dib waxaa khilaaf soo kala dhexgalay madaxdii SSDF iyo dawladdii Itoobiya, waxaanay keentay in la xidho hoggaamiyihii SSDF, Kornayl Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
SNM marka laga tago taageerada ciidan ee Itoobiya ka heli jireen waxay ku tiirsanayeen dhinaca dhaqaalaha iyo abaabulka dadkooda dibadda iyo gudaha. Waxaanay sameeyeen xidhiidho dibadeed, kuwaas oo shaqadoodu ahayd: In la baahiyo hadafka iyo afkaarta halgankooda; in la kashifo bulshada caalamkana loo soo bandhigo xasuuqii iyo falalkii foosha xumaa ee uu taliskii Siyaad Barre ku hayey shacbigii Soomaaliya; in bulshada qurba-joogta ah ee ururka taageera lagu baraarujiyo oo lagu dhiirrigeliyo sidii ay halganka uga qayb qaadan lahaayeen, ha noqoto muruq, maal iyo afkaarba; iyo in waddamada dibedda taageero dhaqaale looga soo ururiyo halgankii jiray.
Muddo dheer markii hawshii halganku socotay, sannadihii 1986-87-kii taliskii milatariga ee Siyaad Barre wuxuu si aad u kordhiyey cadaadiskii iyo cidhib-tirkii uu ku hayey ummaddii reer Woqooyiga ahayd. Wuxuu bilaabay curyaamin dhaqaale oo qorshaysan iyo sabab la’aan iyo xoog lagula wareego hantidii ay lahaayeen shacbigii masaakiinta ahaa ee aan waxba galabsan. Dhinaca kale, si loo yareeyo saamaynta ay jabhaddii SNM ku yeelan karto gobolladii Woqooyiga ee ay ummadda reer Somaliland deggenaayeen, wuxuu taliskii bilaabay beddel khasab ah, sifayn iyo mastaafuris qorshaysan oo ku wajahnaa dhammaanba dadkii u shaqayn jiray taliskii Siyaad Barre (sida saraakiisha milatariga, booliska iyo shaqaalaha laamaha kalee dawladda) kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolladii la odhan jiray Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland).
Halgankii hubaysnaa ee SNM oo aad u xoogaystay halkiisiina ka sii socda ayaa bishii April 1988-kii waxa uu heshiis dhex maray labadii Xukuumadood ee Somaaliya iyo Itoobiya oo ay kala hoggaaminayeen Maxamed Siyaad Barre (AHN) iyo Mengistu Haile Mariam. Heshiiskaa waxa dhex-dhexaadiye ka ahaa Dawladdii Jabuuti oo uu xilligaa Madaxweyne ka ahaa Xasan Guuleed Abtidoon (AHN). Heshiiskaa isaga ah nuxurkiisa ugu muhiimsanaa wuxuu ku soo ururayey arrimahan soo socda:
a) In labada Talis (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay joojiyaan oo ay soo afjaraan colaaddii iyo cadaawaddii guunka ahayd ee labada dal ka dhaxaysay muddo ka badan hal qarni.
b) In labada Dal (Soomaaliya iyo Itoobiya) uu mid walba dib ula noqdo Ciidamadooda ku sugan xuduudda u dhaxaysa labada dal.
c) In labada Talis (Soomaaliya iyo Itoobiya) aannu midkoodna taageerin Jabhad ama xoogag hubaysan oo iyaga ka soo horjeeda.
d) In Soomaaliya ay gebi ahaanba si rasmi ah uga tanaasusho sheegashada dhulkii Soomali-Galbeed.
Heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu ahaa heshiis ay dadka Soomaaliyeed siyaabo kala duwan u arkayeen. Siyaabaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay dadka Soomaaliyeed heshiiskaa uga dareen-celiyeen waxa guud ahaanba lagu soo ururin karaa:
1) Dadka qaarkood aad bay ugu farxeen una soo dhoweeyeen inuu labada dal heshiis dhex maro isla markaana ay soo af-jaranto colaaddii soo jireenka ahayd ee muddada dheer u dhaxaysay labada dal iyo labada shacab.
2) Dadka qaar kale aad bay u soo dhoweeyeen heshiiskii labada dal dhex maray, maadaama ay heshiiska u arkayeen mid Xukuumaddii Siyaad Barre u horseedi kara cimri-dherer iyo inuu Taliskiisu sii jiri karo. Dadkani waxay is lahaayeen mar haddii Xukuumaddii Siyaad Barre ay Itoobiya la heshiisay, inuu Talisku si dhib yar uga adkaan karo xooggagii ka soo horjeeday ee ay Itoobiya martigelin jirtay.
3) Dadka qaar baa iyaguna heshiiskaa u arkayey in Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay Khiyaamo Qaran, ummadda Soomaaliyeedna uu ka galay dembi culus oo taariikhi ah. Maadaama uu Itoobiya u oggolaaday una saxeexay in Soomaaliya ay gebi ahaanba ka tanaasushay sheegashada dhulkii Soomaali-Galbeed.
4) Dadka qaar baa iyaguna ku doodayey oo aaminsanaa argti odhanaysay halka uu Maxamed Siyaad Barre Itoobiya kala heshiinayey waxay ahayd inuu la heshiiyo Jabhadihii ka soo horjeeday, gaar ahaan SNM oo Taliskiisa dagaalkii ugu xoogga badnaa kula jirtay. Maadaama ay Jabhaduhu ahaayeen dad Soomaaliyeed oo xukunkiisa ka soo horjeedana waxa wacnayd inuu marka hore (SNM) hor fadhiisto oo uu iyaga wadahadal la bilaabo.
5) Sidoo kale, dadka qaarkood heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ku noqday fajac iyo arrin aanay filaynin, waxaana la soo darsay wer-wer, walaac iyo xaalad cusub oo hor leh oo aanay ka sii saadaalin karaynin saamaynta uu isbeddelkaa siyaasadeed ku yeelan doono noloshooda.
Haddaba, taliskii Siyaad Barre oo la ogaa inuu dalka iyo dadka Itoobiya u yaqaanay Cadawga Koowaad ee 1977-kiina ku qaaday dagaalka, waxay dad badani xilligaa is-weydiinayeen sababta Maxamed Siyaad Barre ku kalliftay in uu Itoobiya heshiis la galo, oo uu weliba gebi ahaanba ka tanaasulo dhulkii Soomali-Galbeed ee Maxamed Siyaad Barre iyo Xukuumaddii isaga ka horraysay ee uu in-qilaabayba ay muddo badan ku doodi jireen in Itoobiya ay dad iyo dal Soomaaliyeed xaqdarro ku haysato?!
Ujeeddada ugu muhiimsanayd ee uu Taliskii Maxamed Siyaad Barre heshiiska ula galay Dawladdii Itoobiya waxa la yidhaahdaa waxay ahayd: si uu u xakameeyo halgankii hubaysnaa iyo weerarradii ay xoogaggii SNM Taliskiisa kula jireen. Siyaad Barre wuxuu u adkaysan kari waayey weerarradii iyo dagaalladii qorshaysnaa ee ay dagaal-yahannadii SNM Taliskiisa sida joogtada ah ugu soo qaadayeen, waxana u muuqatay halista iyo khatarta weyn ee ay SNM Xukunkiisa ku keeni karto. Waxay arrini isu tustay in sida keliya ee uu kaga hortagi karayey khatartii jirtay in uu heshiis la galo Itoobiya.
Heshiiskii dhexmaray Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam bishii April 1988-kii, maalmo ka bacdi hoggaankii sare ee ururkii SNM (garabkii siyaasadda iyo kii ciidamaduba) waxay yeesheen shirar iyo wada-tashiyo qoto dheer oo ay ku lafa gurayeen saamaynta heshiiskaasi uu ku yeelan karo halgankii hubaysnaa. Arrintu si kastaba ha ahaatee, Madaxdii SNM waxay si weyn uga dheregsanaayeen in heshiiskii dhex maray labadii Xukumadood ee Somaaliya iyo Itoobiya uu yahay xaqiiqo jirta oo guud ahaanba Geeska Afrika ku yeelan doonta saamayn siyaasadeed iyo tu nabadgelyaba.
Xukuumaddii Itoobiya, iyadoo fulinaysa qodobbadii ay Soomaaliya ku heshiiyeen (in labada Dal uu mid walba dib ula noqdo Ciidamadooda ku sugan xuduudda u dhaxaysa labada dal) waxay u yeedheen madaxdii SNM iyagoo ka dalbatay in ciidamadii SNM ilaa dhowr iyo toban km xagga gudaha Itoobiya loo soo celiyo. Arrinkaa ay Itoobiya SNM ka dalbatay waxa uu madaxdii sare ee ururkii SNM ku noqday mid aad u qadhaadh. SNM waxa la soo gudboonaaday marxalad iyo xaalad aad u adag (mid nabadgelyo iyo tu siyaasadeedba) kuwaasoo intii ay SNM jirtay aan weli hore u soo marrin. Waxa kale oo ay madaxdii SNM ogaayeen xaaladda ay ku sugnaayeen dadkoodii ku noolaa gudaha dalka, iyo dhibtii uu ummadda ku hayey Taliskii Maxamed Siyaad Barre.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, SNM waxa horyaallay inay qaadato go’aanno qadhaadh oo aad u adkaa kuwaasoo saamayn weyn ku lahaa jiritaanka SNM iyo mustaqbalka dambe ee bulshadii halgankeeda taageeri jirtay. Waxaana horyaallay inay qorshe cusub la yimaaddaan ama in halgankii halkaa isku taago, dagaalyahannadiina ay noqdaan wax firxada iyo wax isu dhiiba dawladdii Soomaalia. Sidaa darteed, SNM waxay go’aansatay in xoogaggii dagaalyahamiinta ay gebi ahaanba dalka gudaha u soo galaan, oo ay si dhab ah u waajahaan ciidankii ka awoodda badnaa. SNM waxay qaadatay go’aan adag oo gundhiggiisu ahaa Guul ama Geeri, kaas oo run ahaantii khatartiisa lahaa.
Go’aankaa ka bacdi, maamulkii sare ee ururkii SNM oo uu hoggaaminayey guddoomiyihii xilligaa, Axmed Silaanyo, waxay Taliskii Mengistu Haile Mariam ku wargeliyeen in SNM ay gebi ahaanba fulinayso arrinkii ay Itoobiya ka dalbatay. waxaanay Itoobiya ka codsatay laba arrimood oo kala ahaa: a) In SNM ay u baahan tahay in la siiyo waqti dheeraad ah si ay u soo ururin karto dhammaanba ciidamadeeda ku sugan xuduudda labada dal iyo dagaal-yahamiinta kale ee ilaa gudaha dalka Soomaaliya ku baahsan. b) In SNM ay Xukuumadda Itoobiya uga baahan tahay saad iyo shidaal si ay u soo ururin karto ciidamadeeda ku kala baahsan gudaha dalka Soomaaliya. Taliskii Mengistu Haile Mariam labadii codsi ee ay SNM u soo jeedisay wuu ka yeelay, wuxuuna ugu deeqay waxoogaa kharash ah oo ay ku iibsadaan shidaal iyo waxoogaa sahay ah.
Haddaba, markay arrini halkaa marayso, waxa la qaatay go’aan adag oo gun-dhiggiisu ahaa in gudaha dalka la galo waxaana loo badheedhay in nafta la huro oo la dhinto, Kala mudan ayaamuhu, maalmuhuna kala tilmaamane, taariikhdu markay ahayd 27/05/1988-kii, waxay dagaalyahamiinta SNM magaalada Burco ku soo qaadeen weerar milatari oo qorshaysan. waxayna dagaal fool-ka-fool ah la galeen ciidamadii awoodda badnaa ee Taliskii Siyaad Barre. Dagaal qadhaadh oo lahaa dhimasho badan iyo dhaawac kaddib, ciidamadii SNM waxay si lama filaan ah kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Burco.
Weerarkii saddexaad ee ay ciidamadii dagaal-yahamiinta SNM ku soo qaadeen taliskii Siyaad Barre wuxuu dhacay 31|05|1988-kii wuxuuna ku beegnaa magaalada Hargeysa iyo galbeedkeeda, gaar ahaan xarumaha taliska ciidamada, xarumaha hubka iyo saadka, saldhigyada iyo xeryaha milatariga ee muhiimka ah.
Magaalooyinkii waaweynaa intoodii badnayd ee ku yaallay gobolladii Woqooyiga Soomaaliya waxa ka soo bara-kacay mawjado dad ah oo shicib ah kuwaasoo ka qaxayey dagaalladii cuslaa ee u dhexeeyey xoogaggii dagaal-yahamiinta SNM iyo taliskii Soomaaliya waxaanay la wareegeen gacan ku haynta inta badan ee Somaliland in kasta oo uu muddo dheer socday dagaalku. Waxaa dhacday in diyaaraddii Hargeysa ka kacday ay haddana Hargeysa dib u duqayso.
Waxa xusid mudan in shirweynihii 4-aad ee ay SNM yeelato oo la qabtay bishii March 1990-kii, uu ka duwanaa kuwii ka horreeyey, waayo waxa Shirkaa lagu qabtay magaalo ku taallay dalka gudihiisa, Balli-gubadle oo ahayd xaruntii halganka. Xilkii guddoomiyenimada waxa ku guulaystay (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), guddoomiya-xigeen waxa loo doortay Xasan Ciise Jaamac, xilkii guddoomiyannimada Golaha Dhexe ee SNM-na waxa loo doortay (AHUN) Professor Ibrahim Meygaag Samatar. Wixii ka horreeyey shirweynihii 4-aad, labadan xil waxa isku hayey hal qof, laakiin isla shirweynahaa ayaa lagu kala saaray labadaa xil. Go’aamadii dhaxal-galka ahaa ee ka soo baxay Shirweynihii 4-aad ee SNM waxa ka mid ahaa, shirweynahaa waxa lagu kala saaray labadii awoodood ee Sharci-dejinta iyo fulinta maamulka, Shirweynahaa waxa golihii odayaasha ee Guurtida loogu aqoonsaday inay noqdaan gole sharci ah.
Bulshada asal ahaan ku abtirsata Soomaaliga, waa ummad dhaqan soojireen ah u lahaan jirtay (ilaa haatanna u leh) inay isu dir-raacaan oo ay isu gartaan qaab qabiil iyo hayb reernimo, qabiilka oo uu u dhisan yahay qaab dhismeedka bulsho. Qabiilka iyo Nasabku waa wax jira balse waxaa xun oo ceebaysan adeegsiga qabyaaladda.
Qaab nololeedka bulsho ee noocaas ahi wuxuu saamayn weyn ku leeyahay go’aan qaadashada arrimaha muhiimka ah ee la xidhiidha xagga dhaqanka, xagga dhaqaalaha, xagga siyaasadda, xagga nabadgelyada, xagga colaadaha iyo wax kasta oo saamayn ku leh habdhaqanka iyo wadanoolaanshaha bulshada. Sannadkii 1988-kii odayaashii Guurtida ayaa qayb ka ahaa ololihii halganka ee socday, waxayna shir ku yeesheen tuulada Cayddaroosh oo Hargeysa kaga beegan koonfur-galbeed, halkaasna waxay si rasmi ah lagaga dhawaaqay golihii Guurtida waxana guddoomiye loo doortay marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
Doorkii lagama maarmaanka ahaa ee ay odayaasha Guurtidu ku lahaayeen bulshada dhexdeeda waxay si cad u muuqatay markii uu bilaabmay dagaalkii hubaysnaa ee gudaha ee ay boqolaal kun oo ka mid ahaa shacab-weynihii halganka taageeri jiray ay ka soo bara-kaceen gudaha dalkii Soomaaliyeed. Odayaashii Guurtidu waxay durbadiiba dusha u riteen inay ururiyaan oo ay abaabulaan xoog ciidan oo halganka lagu xoojiyo, waxa kale oo ay u guntadeen inay halgankii hubaysnaa u soo ururiyaan lacag, raashin iyo xoolo noolba. Hoggaankii sare ee SNM (ha noqoto garabkii siyaasadda iyo kii ciidamadaba) iyo golihii Guurtida waxaa ka dhexeeyey is-fahan iyo wada shaqayn qoto dheer oo dhinac walba lagu qaddariyo laguna taageero xilka iyo hawsha ay bulshada u hayaan. Sidaana waxa ku samaysmay, kuna hanaqaaday laba gole oo wada shaqayna leh, kuwaasoo kala ahaa golihii dhexe ee SNM iyo golihii Guurtida. Dhaxalka noocaas ahi wuxuu saldhig u noqday nidaamka wada-tashi, isu-tanaasul iyo ka dimuqraadiga ah ee ay Somaliland ilaa maalinkaa maanta ah ay ku dhisan tahay.
Waxaana curashada Guurtida loo tiiriyaa Axmed Silanyo oo xilligaa hoggaaminayay SNM iyadoo markii dalku xoroobay golihii dhexe ee SNM-na uu isu beddelay golaha baarlamaanka (Wakiillada), xilligii uu hayay talada dalka Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur”. Haddaba, halgankani hubaysan ee ururka SNM ee aan taariikhdiisa kor kaga sheekeeyey, wuxuu ahaa halgan shacbi ah, oo dhib la gaadhsiiyay dadka shacabka ah ay ka dhiidhiyeen, qof waliba maalin ayuun buu soo gelayay oo uu halkiisa waajibaadka ka gudanayey, waxa socdayna dagaal ayuun buu ahaaa xilligaa, waxaana laga yaabaaba magacyada la bartay kuwo aan ahayni inay kaga waxtar badnaayeen halgankaba. Aniguna waxaan ka mid ahaa kumanaanka halganka dhinacooda uun ka galay. Haddaba, bal aan wax yar idin ku hakiyo ku biiristaydii ciidamada xoraynta SNM iyo dhacdooyinka aan ka xasuusto.
1987 anigoo ka soo noqday Koonfurta Soomaaliya ayaannu aniga iyo rag kale oo dhallinyaro ahi is weydiinay in aannu ku biiro SNM (ka talowno xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya), waana xilliyadii ay xoogaysatay bandowgii lagu hayay magaalooyinka Somaliland oo casar dheerabe dadweynaha mamnuuc ka ahayd in ay dibadda uga soo baxaan guryahooda. Waxa la ciqaabi jiray shacabka oo qofkii la qabto isagoo dibadda maraya marka la gaadho saacadda bandowga. Waxa ka mid ahaa ciqaabahaasi in qofka madaxa looga xiiro si isku tallaab ah ama sagsaag ah ama waxa la odhan jiray waa seexan-waa saacadaha dambe wareega oo waxa laga shubayaa litir dhiig ah ama waaba la xidhi jiray.
Run ahaantii dhibaatada dadka shicibka ah loo geysan jiray aad bay u badnaayeen, balse arrimahan kor ku xusan ayaa ka mid ahaa duruufihii adkaa ee dadweynaha lagu caddibi jiray. Waxa kale oo bandoo-ga dheeraa in dadweynaha guryaha ay ugu galaan askar hubaysani oo ay dhici jirtay in dahab iyo lacag wixii ay ka helaan ay ka qaadan jireen sabab la’aan, iyadoo loogu mar-marsoonayo dad baa seexan waayey ama arrimo la xidhiidha xagga nabad-gelyada.
Sidoo kale, xadgudubyadii qorshaysnaa ee shacabka lagu hayey waxaa ka mid ahaa ku-xad-gudubka cirdiga, xilliyadaasina waxaa caam ahaa kufsiga haweenka iyo gabdhaha. Waxaa bilaabmay cadaadis tiro badan oo si gaar ah ugu wajahnaa dhinacyada dhaqaalaha, xorriyadda iyo xagga dhaqankaba. Arrimahani waxay sii shideen dareenkii iyo kacdoonkii ay dadweynuhu kaga fal-celinayeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagu hayey shacabka aan waxba galabsan.
Haddaba anigu waxaan ka mid ahaa da’yartii u adkaysan kari wayday xad-gudubyadii ummadda lagu hayey ee u tallowday xagga Itoobiya si ay ugu biiraan halgankii hubaysnaa. Waxa aannu is raacnay oo aannu wada lugaynay nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed oo Ifiso ku magac dheeraa, oo run ahaantii nin dagaalyahan ah ahaa.
Annagoo qofba markaa si uun uga soo baxay Burco, waxaannu ka lugaynay tuulada Ina Dandan oo reerkayagu degi jirey. Waxaannu u lugaynay in aannu xadka ka tallowno oo aannu u gudubno dhinaca Itoobiya. Waa la is qarinayaa oo siday runtu tahay ma hawl yarayn in aad xadka ka tallowdo oo aad SNM ku biirto. Waxay nagu qaadatay in aannu xadka ka tallawnaa muddo 12 saacadood ah oo aannu lugaynaynay ilaa aannu gaadhnay meesha la yidhaahno Habuura, ka dibna waxa aannu tagnay Eegi oo u dhaxaysa Habuura iyo Baaladhaye. Habuura oo tallowga gudaha Itoobiya ah ayaannu ugu tagnay ciidammadii SNM, ka dibna waa nala qaabbilay waxa nala geeyay Eegi oo ciidammada Dhibooga lagu ururinayo. Waxa jiilkaasi ahaayeen filkii caanka ku ahaa ee la odhan jiray Geel dhoobo galay markii aan anigu imid waxa igu dhacday in la i yidhaahdo “Da’daadu way yar tahay” maadaama oo aan nin yar ahaa isla markaana aan gaabnaa. Nis yaridaydii iyo gaabnidu waxay igu sii kordhinayeen culays. Ka dibna waxa la igu war-geliyay inaan da’yarahay oo aan la i qoraynin ciidankii dhibbooga ee Awaare la geynayey.
Waxoogaa muddo ah oo laba ilaa saddex cisho ayaan ku yara xayirnaa, balse nasiib wanaaggayga haddana markii dambe dhibboogii waa la i qoray, sidaana waxaan ku bilaabay tababbarkii jabhadda. Waxaan xasuustaa, habeen habeennada ka mid ah anigoo gaadhka haya ayaa waxaa i soo maray saraakiishii SNM ee tababarka na siinayey oo ay ka mid ahaayeen Muj. Ibraahim Jaamac Dhiif “Ha Liqin” (AHUN), Cawil Ilkacase, Yuusuf Qurbaawi. Dabadeedna waxay arkeen sidaan u gudanayey xilkaygii askarinnimo, taasina waxay ii dheelli tirtay da’yaraantii la igu lahaa waad yar tahay!
Sidii baan kaga mid noqday ciidamadii xoraynta SNM, waxaanan kala qayb qaatay hawlgalladii xilligaasi socday, duruufihii lagu jireyna waan la qabsaday. Haddaba, dhacdooyinka xusuusta leh waxa ka mid ah, arrintii noloshayda iigu naxdinta badnayd, taas oo aan filayay inay tahay maalintii geerida balse ilaahay iga nooleeyey oo maalin kale ii dhigtay, waana sidan sheeko aannu ugu magacdaray Qarka Xabaasha. Waxay ahayd maalin Jimce ah, abbaaro 8:00-9:30 A.M, dabayaaqadii sannadkii 1989-kii, markii aannu weerar ku qaadnay ciidan ka mid ciidamadii dawladdii Soomaaliya oo uu watay nin la yidhaahdo General Cabdicasiis Cali Barre duulimaad ku degay Banka Warma-Caddeeye, gaar ahaana agagaarka tuulada Balanbaal oo Koonfur galbeed 130KM kaga beegan magaalada Burco.
Ciidamada SNM-ta ah ee ka mid ahaa waxay ka tirsanayeen guutada lixaad ee qaybta koowaad ee Aagga Bari, waxaana markaa taliye ka ahaa Allaha u naxariistee Mujaahid Cabdi Cali Faarax, waxaananu xabbaddii ku bilawnay ciidankoodii lugta ahaa oo ka sokeeyey gaadiidkooda gaashaaman iyo dabaabadahooda. Wax yar markii ay xabbadu socotayba way kaceen, waananu eryannay. Haseyeeshee, markiiba waxa naga hor yimid, isla markaana eryaday tiknikadayadii laba Taangi oo ka mid ahaa ciidamada aannu weerarka ku qaadnay. Labada Taangi markii hore ciidankayaga way iska dhaafeen, waxaanay eryadeen tiknikadayadii, isla markaana waxay naga gubeen gaadhi B10 ah iyo mid TM ah, taasina waxay keentay in ciidankayagii jabo, halka ay labadii taangina ka horyimaaddeen ciidankayagii jabay.
Waqtigaasi anigu waxaan ka mid ahaa ciidankii badhtanka ku jirey, labada dhinac ee bidix iyo midigba ciidan ayaa naga xigay, waxaanay ciidamadaasi ka hor kaceen ciidankayagii dhexda ku jirey oo markii hore sii baacsaday ciidankii aannu la dagaallamayna. Taasina waxay keentay in labadii Taangi ay bartilmaameedsadaan ciidankayagii, ka dib markii ay soo jiidheen ciidankayaga qaar badan oo ka mid ah. Haddaba waqti aannu ku dhow nahay kaynta banka xagga koonfureed kaga beegan ayaa waxa iga daba yimi mid ka mid ah labadii Taangi, oo ku cartamaya dhammaan tabihiisii, sida dabka qoryaha saaran, sanqadha guuxa iyo silsiladaba. Waxa aannu soo jiidhay qaar ka mid ah ciidankayagii aannu iska barbar dagaallamaynay.
Intii uu ku mashquulsanaa xagga saaxiibbaday oo bidixda iga xiga ayaan u weydaartay xaggii kaynta, ka dibna laba geed markii aan dhaafay, ayaan geedkii saddexaad oo ahaa qansax noocan cufan ah, isku qari is idhi, balse wuu arkay, xaggayga ayuu u soo xawaareeyey, markii uu shan mitir qiyaastii ii jiro, inta aan quustay ayaan dhulka isku dhejiyay, indhaha isku qabtay wejigana dhulka dhigay, dabadeedna geedkii iyo anigaba wuu isku kaaya jiidhay. Nasiibkayga .waxa Alle igu beegay beerkiisa, taayirkii silsiladda lahaana wuxuu iga maray gacantayda bidix inta hore ee baabacada oo i burburtay, iyo waxyeelo kale oo iga soo gaadhay geedka uu igu cadaadiyay, iima se tudhin’e Allaha Weyn baa mar kale ii daystay.
Hase yeeshee, markii uu i jiidhayay taangigaasi, waxa i arkayay oo qiyaastii meel 7/8 mitir u jirtay isna geed ku gabbanayay ninka la yidhaahdo Jaamac Rayte oo reer Burco ahaa oo ciidankayaga ka mid ahaa, balse Jaamac nololba iguma tirinayn oo wuxuu arkayay taangigii oo hoosta i gashaday. Waxa kale oo iga ag dhowaa gaadhi jiib ah oo ay markii hore ciidankayagu ugu talo galay inuu gubo taangiga, balse la waayay xabbaddii. Markii uu taangigii i dhaafay, waxa san-qadhayda maqlay Jaamac Cawil Oogle “Jaamac Rayte”, isla markaana dareemay inay naftii igu jirto. Sanka iyo afkaba dhiig ayaa iga yimid. Mr. Jaamac Rayte, waxa uu igu yidhi “Waar ma nooshahay”.
Waxaanan ugu jawaabay “Waar waan noolahay’e kaalay geedka iga saar”. Balse waxa uu yidhi. “Kaarihii kale ayaa soo socdee iskaga jir geedkaaga ha ina dhaafee”.
Wax yar ka dib, waxa uu igu yidhi “ka soo bax geedka”, balse dhawaac gacanta iga gaadhay awgeed waxaan u baahday cid i caawisa, waxaana i caawiyay nin la yidhaahdo Maxamed Faarax Guud-cadde. Waxaana markiiba la i saaray gaadhigii dhaawac oo UD ahaa kaas oo la igu geeyay xaruntii dhaawaca. Dagaalkan Kaaruhu igu jiidhay muu soconnayn maalin keliya, balse waxay ahayd maalintii 7-aad amaba 8-aad ee dagaalka, isagoo sii socday dhawr maalmood oo danbe, waxaan ka mid ahaa ciidan xul ah oo loo soo xulay inay dagaalka kala qayb qaataan Alle ha u naxariistee, Mujaahid Aadan Saleebaan abaabulka dagaalka aad ugu hawlanaa, waxaana joogay Saraakiil badan. Ugu dambayntii waxa xusid mudan, ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyay ka hor inta aannu kaaruhu i jiidhin, waxaan isweydiiyay su’aasha ah “talow ma ehelu Janno ayaad tahay, mise waa lagu cadaabayaa?”. Laakiin markiiba waxaan isku qanciyay Shahiid inaan ahay.
Xilliyadii uu muddo dagaalku gudaha ka socday 1989 ayaan aniga iyo walaalkay Cabdillaahi, maalin maalmaha ka mid ah ka safarnay gurigaygii oo aan u booqasho tagnay nin aan ilmaadeer nahay, Cali Faarax X. Axmed la yidhaahdo oo xilliyadaa ka soo goostay ciidamadii faqashta. Ninkan oo degganaa tuulada Heere la yidhaahdo oo ilaa labo saacadood noo jirta socodka lugta. Markii aan jidka sii soconno ayaan waxoogaa gabay isugu faannay, markaas ayuu walaalkay igu yidhi bal inta aynu sii soconno gabay aan Cali ugu warramayno samee, isagoo markaa i xujaynaaya aniga. In kasta oo ay jirto hibo, haddana noloshu waa isku day, waayo haddii aanad wax isku dayin ogaan maysid wixii hibo Ilaahay kuu siiyey. Nasiib wanaag waxaan tiriyey afarraydan:
Gabayga Saymo
Sa’da gabayga Caliyow haddaan siinka ka higgaadsho,
Waayahanba maan kala sifayn sadarradiisiiye,
Xaluun baan saqdii dhexe intaan selalay soo toosay,
Oo aan sifaha dunida iyo sadarradii baadhay
Suugaanta wixii aan helay sidatan weeyaan e.
Siyaad baa siyaadadatan dhigay diinta la kor saaray,
Siyaad baa runtii suuliyey oo beenta soo saaray,
Sayidkii naflaba Eebbahay ugu sarraysiiyey,
Sawjadaha siyaad baa la simay sawdkii uu yidhiye.
Silacaa annaga oo qabnoo cadho la sooyaannay,
Subax bay salaad hore rasaas nagu salaameene,
Sawdkay ku hadlayeen baa ahaa saatir baa weyne,
Sawaariikhda duushiiyo madaafiic ayay sare u tuureene
Soddon-qaadka aakaha markii faalku seeraaray
Boobaha siraataa markii saalbo kaga saaray
Surinkii ay ka laabteen markii seben la leefsiiyey
Saamkiyo jantahay soo rideen suugii laga reebye
Surinnadaa la dhigay beebihii sumuca waalaaye
Silsiladaha la jaray kaarihii oo soodhka lagu boobye
Saajinnada kornaylada kuwii garabku saacaayey
Saraakiishii la soo xulay hubkiyo saanaddiyo shiishka
Soofiyeed kuu tababbaree sebenno soo joogay
Sariirahay ku dhuunteen kuwii soofka qaayibaye
Subaxaa wixii dhacay haddii Eebbahay saymo ka baajay
Saakaba wixii nool halgankii waa ina sugaayaaye
Samayda u adkayso oo ha furin suunka iyo beelka
Soo dhawow dadkeennii wuu kuu sacab tumaayaaye
Sheekooyinka aanan illaawin ee xilligii uu socday halgankii xoraynta Burco, waxa ka mid ah sheekadan soo socota. Xilliyadii lagu jiray magaalada Burco ee ayaamo yar uun laga joogo maalintii la soo galay; waxa jirtay dood aad u adag oo dhex martay laba nin oo ka tirsanaa saraakiishii sarsare ee ciidamadii SNM oo kala ahaa Muj. Adan Saleebaan (AHUN) iyo Muj. Axmed Macallin Haaruun (AHUN). Run ahaantii anigu maan ahayn goob-jooge shaahid u ahaa markii ay dhacaysay dooddaa iyada ahi. Laakiin, sheekadan waxaa iiga sheekeeyey Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed (Ifiso) oo xilligaa dhaawac ahaa oo yaallay meel ku dhow fadhigii saraakiishu ku murmaysay, wuxuu ahaa Ifiso goo-jooge wuxuuna dhagaysanayey markii ay dooddaasi socotay. Dooddaasi waxay ku salaysnayd laba fikiradood ama aragtiyood oo ay kala aaminsanaayeen labada sarkaal, taas oo ahayd: in xoogaggii SNM ay magaalada Burco iskaga baxaan oo ay buuraha galaan iyo inay magaalada sii haystaan.
Muj. Axmed Macallin Haaruun waxa uu si cilmiyaysan oo uu aragti milatarrinimo huwiyey u sharraxay isla markaana uu muuqaal cad ka bixiyey cududdii iyo awooddii ay lahaayeen ciidamadii Taliskii Soomaaliya ee magaalada Burco ku sugnaa (tiro ahaan, tayo ahaan iyo tikniko ahaanba) iyo weliba waxay saanad iyo qalab milatariba haysteen. Dhinaca kale, waxa uu xusay oo uu hoosta ka xarriiqay awooddii ay lahaayeen xoogaggii SNM ee Burco ku sugnaa (tiro ahaan, tayo ahaan iyo tikniko ahaanba).
Waxa kale oo uu xusay in 800 ee dagaalyahamiinta ahaa ee Burco soo galay ay 400 oo ka mid ahi ay waxna dhinteen, waxna ay dhaawacmeen. Ina Macallin Haaruun wuxuu dabadeed dooddiisii ku soo af-jaray inaanay suurto gal ahayn in mujaahidiintii SNM ay Burco sii haysan karaan, sidaa darteedna loo baahan yahay in Burco la iskaga baxo oo buuraha la galo si loo bedbaadiyo cududdii SNM wixii nool iyo wixii ku soo biiray halgankuna u sii socon karo lahaa, isagoo ka werwersan xaaladdii markaa taagnayd iyo tirada dagaalyahamiinta SNM isla markaana qiimaynaya awoodda ka soo horjeedda.
Mujaahid Adan Saleebaan (AHUN) in kasta oo ay isaga laftiisa u muuqdeen arrimahaa uu muj. Axmed Macallin Haaruun sheegay oo dhammi oo uu la qiray xaaladdii jirtay, haddana dooddiisu way ka duwanayd taa. Muj. Aadan Saleebaan wuxuu sheegay in awoodda iyo cududda ciidan ee askartii cadowga iyo tii mujaahidiintu aanay haba yaraatee ahayn laba isu dhiganta. Wuxuu caddeeyay awoodda ciidan ee Taliskii Siyaad Barre ee joogay Burco iyo nawaaxigeeda (tiro ahaan, tayo iyo tababbar ahaan iyo weliba qalab ahaanba). Muj. Aadan Saleebaan way u muuqatay in siddeedii boqol (800) ee mujaahidiinta ahaa ee Burco soo weeraray ay afar boqol (400) oo ka mid ah ay waxna dhinteen waxna ay dhaawacmeen. Sidoo kale Aadan Saleebaan wuu qiray inay aad u adag tahay in dagaalyahamiintii SNM ay magaalada Burco sii haysan karaan.
Laakiin Muj. Aadan Saleebaan wuxuu ku dooday in markii hore ee xoogagga SNM ay cadowga weerarka ku soo qaadayeen, xoogga ugu muhiimsan ee ay ku tala galeen aannu ahayn xoog ama awood ciidan oo ay mujaahidiintii SNM lahaayeen; balse xoogga ay marka horeba ku tala galeen uu ahaa xoogga iyo taageerada bulshada. Sidaa darteed, Muj. Aadan Saleebaan wuxuu aaminsanaa in haddii la qaato fikirkaa uu soo jeediyey Muj. Axmed Macallin Haaruun (AHUN) oo la is yidhaa afartaa boqol ee inan iyo wixii soo raacay ee soo hadhay buuraha la gala si aad u bedbaadisaan halganka, in shicibkii Burco deggenaa ee halganka taageeri jiray uu cadowgu gumaadi doono oo uu siduu doono ka yeeli doono. Afartaa boqol ee mujaahid ee buuraha galayna waxaa u dhiman doona oo la layn doonaa afar kun (4000) oo inan iyo tiro kale oo intaa ka badan oo shicib ah.
Dooddaa adag ee labada mujaahid dhex martay kaddib; muj. Axmed Macallin Haaruun iyo intii fikirkiisa taageersanaydba waxay go’aansadeen inay Burco ka baxaan, halka Aadan Saleebaan iyo ciidankiisiina ay Burco ku hadheen. Ka bacdi Aadan Saleebaan iyo ciidankiisii waxay galeen dib-isu-abaabul waxayna difaac ka galeen Gooncad. Ka bacdi waxaa bilaabmay dagaal aad u qadhaadh oo ay ciidamadii SNM jilbaha u aasteen ciidankii cadowga ee iyaga aad uga awoodda badnaa.
Markii uu dagaalkii socday kowdii ilaa labadii duhurnimo, ciidankii Axmed Macallin Haaruuna ay weli magaalada Burco dibaddeeda ku sugan yihiin, ayuu Ina Macallin Haaruun wuxuu arkay in weli dagaalku socdo oo la is jafayo; wuxuu sameeyey haddana qiimayn mileteri oo xaaladdaa ku salaysan, kadibna wuxuu colkiisii ku yidhi: “Ciidamada faqashta iyo ciidankeenii aynu ka nimi, labadooda waxa guulaysan doona ka uu gurmadku u hor tago!” Kaddibna Axmed Macallin Haaruun wuxuu amray in ciidankiisii Burco ay dib ugu soo laabtaan, dagaalkiina dhinacooda ayay ka galeen. Gargaarka Allah, geesinnimo iyo naf-hurid ay sameeyeen dagaal-yahamiintii SNM; maalintaa Burco dagaalkii waa lagu jabiyey ciidamadii awoodda badnaa ee Taliskii Siyaad Barre, guushiina waxa helay xoogaggii SNM, waana maalinta ay ku hoobteen in badan oo ka mid ahaa ciidankii Kamaandawsta ahaa ee Cadaadlay.
Markaad eegto xaaladda dagaalkaa xoraynta iyo quwadaha aan isku dhigmin ee labada dhinac, waxa guulaha badankoodu raaceen dhinicii itaalka yaraa, balse guushaasi may xidhiidhsanayn marba waxa soo baxaysay, caabbi kaga yimaadda ciidanka ka awoodda badan, taasina waxay keentay tashiyo degdeg ah oo kadaloob wax la isku yidhaahdo. Halgankaa lagaga soo horjeeday Dawladdii Soomaaliya oo muddo dheer socday wuxuu soo gaadhay bishii January 1991-kii, ka dib markii ay ciidamadii dagaalyahamada ahaa ee SNM, USC, SPM iyo SDM ay burburiyeen xooggii ciidamada ugu dambayna uu Madaxweynihii Siyaad Barre ka baxay qasrigii madaxtooyada ee Villa Somalia. Jabhadihii dagaallamayey ee hubkana gacanta ku hayay markay waayeen muwaafaqo iyo hoggaamin si fiicanu jihaysa ayaa mid waliba qorigiisii ku xoogsaday oo waxay samaysteen kaantaroollo iyo meelo waxsoosaar oo ay iska qaybsadaan, sida madaarrada, dekedaha, sayladaha iyo laamiyada.
Halgankii degaanada Somaliland ay horseedka ka ahaayeen xoogaggii SNM ee gacanta ku dhigay Somaliland, cadaadiskii iyo cidhibtirkii uu Taliskii Siyaad Barre ummadda ku hayey la iska dulqaad, ciidamadiisiina laga adkaa, dalkiina laga qabsay. Shacbigu waxay filayeen in la heli doono nidaam dawladnimo iyo kala dambayn, wixii ummadda ka dumay oo dib loo dhiso, hannaan dawladnimo oo ku dhisan dulqaad, caddaalad iyo wax toosin, isla markaana dib u soo nooleeya kalsoonidii dawladnimo ee ay ummaddu muddada sugaysay.
Waxa bilaabmay iska-hor-imaad hubaysan oo salka ku hayey arrimahan kor ku xusan, kuwaas oo u dhexeeyeyey dadkii walaalaha ahaa ee shalay meel uga soo wada jeeday ciidamadii dirirtu ka dhexaysay. Arrintii waxay isu beddeshay fowdo, qas, kala dambayn la’aan iyo ciidamadii oo qaarkood isu beddeleen day-day qori daba laab ah ku xoogsada. Borama, Berbera, Burco, Hargeysa iyo meelo kalaba waxa ka bilaabmay dagaallo fool-xun oo salka ku hayey qabiil iyo reernimo. Dhimasho, dhaawac, bara-kac baaxad leh iyo burbur dhaqaale ayaa ka dhashay dagaalladii u dhexeeyey xooggii SNM ee dalka qabsaday.
Sidaa mid la mid ah waxaa koonfurta Soomaaliya ka bilaabmay kala qaybsanaan ciidan iyo kala urursi markiiba salka saaray reernimo, iyadoo ay wehelinaysay siyaasado qabyaalad ku salaysan oo horseeday in dhiig badani ku daato dagaalo muddo soconnayay ay dhashaan oo gobol iyo reer hoos ugu sii degay.
Waxa xusid mudan in adeegyo badan oo bulshada ah oo in badan oo ka mid ahi ay sidoodii u shaqaynayaan, sida warshaddii sibidhka ee Berbera, warshadihii kabista ciidamada, warshadihii laydhka ee gobollada, dhakhtarrada qaarkood, iskuullada, dhismayaashii kale ee muhiimka ahaa ee ay dawladdu lahayd, iwm. Balse adeegyadii sii shaqaynayey ee loogu yimid dalka, waxay intooda badani ku burbureen dagaalladii u dhexeeyey kooxdii SNM.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan u imi wiil dhallinyaro ah oo qoriga xaggiisa dambe ku garaacaya daaqadihii muurayadaha ahaa ee Iskuulkii Farsamada Gacanta ee Jarmalka, ”Burao Institute”. Waxaan weydiiyey sababta uu wiilkani u jejebinayo daaqadaha Iskuulka? Wuxuu iigu jawaabay: “Iskuulkan Dawladdii faqashta ayaa lahayd, sababtaa ayaanan u jejebinayaa!!” Arrintaasi waxay ii bayaamisay heerka uu taagnaa garaadka dadku iyo sida aanay ummada in badani ugu baraarugsanayn xilka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran ilaalinta hantida guud ee ay dadku wada leeyihiin.
Waxa ilaa hadda aan qas ka bixin dhinacii kale ee Soomaaliya oo aanay weli ka taabbo gelin dawladnimo, qaban karta adeegyadii bulshada, iyadoo intii ka bedbaadday, sida Somaliland, ay u xayiran tahay muranka siyaasadeed u dhexeeya xidhiidhka ka dhaxayn doona iyo madaxbanaannida ay sheegatay. Jaahwareerkii ciidamada iyo guuldarradii siyaasadeed ee gebidhacleynaysay ee quwadihii hirdamayay ee NATO/WARSO ku dhex dawakhday, waxay sababtay in dagaal sokeeye ka bilawdo guud ahaan dalkii Soomaaliya. Waxaa dhacay Xasuuq isir ku salaysan iyo dagaal aan joogsi lahayn oo weli meelaha qaar ka socda. Dhismuhu wuxuu u baahan yahay aqoon, khibrad, dhaqaale iyo wakhti balse dumintu waxay u baahan tahay dubbe ama miisaan xoog leh oo si aan tudhaale lahayn loogu garaaco meesha aad duminayso!
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?
Mala socotaa ku dhawaad kala bar dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika?

Faransiiska waxaa looga hadlaa dalal badan oo Afrikaan ah oo ka dhashay gumeysiga. Jabuuti ayaa kamid ah dalalka illaa iyo hadda sida tooska ah kamidka ah luqadaha goobaha waxbarashada ay kamid yihiin, suukha shaqooyinkana kaalinta koowaadna kaga jira.
Faransiiska iyo Beljimku waxay lumiyeen gacan ku haynta dalalkii ay Afrika gumaysan jireen sannadihii 1950kii iyo 60aadkii, laakiin Faransiiska ayaa weli lagaga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah , 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool ayaa ku hadla Faransiiska, oo ah qiyaastii 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka.
Waxaa xusid mudan in inta badan luqadaha rasmiga ah ee heer qaran ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay u janjeeraan inay noqdaan afafka gumeysiga sida Faransiiska, Boortaqiiska, ama Ingiriisiga.
Luqadda Faransiiska ayaa kaalinta 7-aad ka galay afafka loogu hadal-haynta badan yahay caalamka, waxaana jira malaayiin Afrikaan ah oo maalin walba ku hadla. Saddex boqol oo milyan oo qof ayaa hadda ku hadla Faransiiska shanta qaaradood ee adduunka.
Iyada oo ku dhawaad kala badh dhammaan dadka ku hadla Faransiiska ay deggan yihiin Afrika, luqadda Faransiisku waa mid ka mid ah luqadaha ugu kobaca badan adduunka. Iyadoo weli si xooggan loola xiriirinayo Faransiiska -meesha uu ka yimid – inta badan dadka ku hadla Faransiiska waxay ku nool yihiin waddamo kale.
Faransiiska ayaa kaalinta labaad kaga jira Ingiriisiga oo ah luqadda rasmiga ah ee loogu isticmaalka badan yahay. Faransiisku sidoo kale waa luqadda nidaamka Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, luqadda keliya ee lagu isticmaalo doodaha Maxkamadda Midowga Yurub, iyo mid ka mid ah luqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay ee la aqoonsan yahay.
Iyaga oo raacaya Ingiriisi, luqadda Mandarinka ee Shiinaha, Hindi, Isbaanish, Carabi, iyo Bengali, Faransiisku waxa uu noqday luqadda toddobaad ee ugu ballaadhan adduunka. Ilaa 300 milyan oo qof oo ku hadla afkaan ayaa jira, oo ay ku jiraan kuwa ku hadla qayb ahaan iyo kuwa ku hadla lahjado faransiis ah oo badan iyo crioles.
Taariikhda Faransiiska oo Kooban ee Afrika
Afrika waxay leedahay dadka ugu badan ee ku hadla Faransiiska marka la barbardhigo qaaradaha kale ee dunida. Luqada Faransiiska waxay ku fiday Afrika wakhtigii ay gumaysan jirtay waxayna kamid noqotay manaahijta iskuulada iyo xittaa fursadaha suuqa shaqada ayay kamid noqotay.
Luqadda Faransiiska waxaa qaaradda Afrika lagu soo geliyay qaab gumeysi ah illaa ay ku faaftay manaahijta waxbarashada, waxaana ilaa iyo hadda looga hadlaa ugu yaraan 29 waddan oo Afrikaan ah. Luuqadda Faransiiska waxaa ku hadla dad lagu qiyaaso 167 milyan oo qof oo Afrika ku nool sannadka 2023. Waa 51% dadka ku hadla afka Faransiiska ee adduunka kunool. (inta badan sida luqadda labaad).
In kasta oo ay ugu horrayn tahay luqadda labaad ee inta badan dunida ay ku hadasha, waxa ay dhaaftay luqadaha maxalliga ah meelaha qaar, sida Abidjan ee Ivory Coast. Qiyaasta ayaa sheegaysa in 2050 ay jiri doonaan 700 milyan oo qof oo af Faransiis ku hadli doona, iyadoo Afrika ay noqon doonto boqolkiiba 80! Waddamada leh luqado badan oo maxalli ah, sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Faransiisku waa lingua franca – luqad ay adeegsadaan dadka aan ku hadlin afkooda hooyo. Waxa kale oo loo isticmaalaa sidii luqadda maamulka iyo dugsiyada waxbarashada.
Wadamada ku hadla Faransiiska ee Afrika
11 waddan oo Afrikaan ah ayaa afka Faransiisku u yahay luqadda rasmiga ah (iyo luqadda labaad ee rasmiga ah tobanka kale).
Guinea
Waa dal leh macdan badan, dalkan oo ay ku nool yihiin 10.5 milyan oo qof oo ku nool galbeedka Afrika waxa uu noqon karaa mid ka mid ah kuwa ugu qanisan Afrika. Faransiiska waa luqadda rasmiga ah, laakiin Susu, Fulani, iyo Mandingo ayaa sidoo kale loogu hadlaa.
Benin
Mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon dimuqraadiyadda Afrika, Benin luqadda rasmiga ah waa Faransiis. Dadka Benin waxay sidoo kale ku hadlaan Fon, Ge, Bariba, Yoruba, iyo Dendi.
Burkina Faso
Iyadoo in ka badan 18.6 milyan oo qof ay ku nool yihiin, Burkina Faso waa dalka ugu saboolsan Afrika. Sidoo kale, oo ku yaal galbeedka Afrika, Faransiisku waa luqadda rasmiga ah, laakiin luqadaha kale ee asalka ah ayaa sidoo kale lagu hadlaa.
Kaameroon
Waxaa loo yaqaanaa “Africa in miniature,” dalkan ku yaal bartamaha Afrika wuxuu leeyahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee akhris iyo qoris ee qaaradda. Luqadaha rasmiga ah waa Faransiis iyo Ingiriis, kuwaas oo in ka badan 200 oo kooxo afaf ahna ay ku hadlaan. Waxay sidoo kale ku hadlaan luqadaha Bantu, Semi-Bantu, iyo luqadaha Suudaan.
Jamhuuriyadda Koongo
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Koongo waa Faransiis. Dalkani waa dalka ugu badan ee soo saara saliidda ee ka hooseeya saxaraha Afrika.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waa waddan ku hadla luqado badan oo lagu qiyaaso 242 luqadood. Ethnologue oo ah ilo soo gudbisa tirakoob iyo macluumaad kale oo ku saabsan luqadaha adduunka ayaa wuxuu taxayaa 215 luqadood oo nool. Dalkaan Koongo luqadda rasmiga ah, tan iyo xilligii gumeysiga waa Faransiis. Afar luqadood oo kale, oo saddex ka mid ah ay ku saleysan yihiin Bantu, ayaa leh heerka luqadda qaranka: Kikongo, Lingala, Swahili iyo Tshiluba.
51% wadarta dadweynaha waxay ku hadlaan Faransiis 74% waxay Faransiis u isticmaalayaan luqad ahaan sida rasmiga ah. Markii waddanku gumaysan jiray Belgian, waxa uu hore u hirgeliyay waxbarashada iyo adeegsiga afarta luuqadood ee waddaniga ah ee dugsiyada hoose, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah waddammada Afrika ee tirada yar ee aqoonta u leh luqadaha maxalliga ah xilligii gumeysiga Yurub. Faransiiska ayaa weli ah luqadda rasmiga ah ee dowladda Congo waxaana ku hadla kala bar dadka.
Ivory Coast
Dalka Ivory Coast oo ku yaalla galbeedka Afrika, ayaa ah waddanka ugu badan ee loo dhoofiyo digirta kookaha, iyadoo Faransiisku yahay luuqadda rasmiga ah.
Madagascar
Ka baxsan xeebaha bari ee Afrika, oo caan ku ah nolosha dhirta iyo xayawaanka, Madagascar waxay hoy u tahay 25 milyan oo qof iyo jasiiradda afaraad ee adduunka ugu weyn! Malagasy iyo Faransiis waa luqadaha rasmiga ah.
Wadamada kale ee Faransiiska looga hadlo ee Afrika waxaa kamid ah:
Burundi, Komoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Jamhuuriyadda Jabuuti, Gabon, Equatorial Guinea, Mali, Niger, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Rwanda, Senegal, Seychelles, Tchad, Togo.
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?
Diblomaasi Henry Kissinger ayaa lagu xasuusan doonaa taariikhdii uu ka tagay ee muranka badan dhalisay, waxaana ka mid ah kaalintii uu ku lahaa xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil, go’doominta Falastiiniyiinta iyo taageeridda maamullada kali-taliska ah ee Bariga Dhexe.

Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger, oo ahaa diblomaasi calaamad aanan la tiri karin kaga tagay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 sano jir.
Henry Alfred Kissinger wuxuu dhashay Meey 27, 1923 wuxuuna geeriyooday Noofembar 29, 2023. Henry Kissinger, ayaa ku go’ay hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates.
Wuxuu ahaa siyaasi Mareykan ah, diblomaasi, saynisyahan siyaasadeed, iyo lataliye juquraafiyeed oo u soo shaqeeyay xoghayaha gobolka iyo lataliyaha amniga qaranka Mareykanka ee hoos yimaada maamulada madaxweynayaasha Richard Nixon iyo Gerald Ford.
Henry Alfred Kissinger waxa uu ahaa qaxoonti Yuhuudi ah oo isaga iyo qoyskiisaba waxay ka soo qaxeen Naasigii Jarmalka sannadkii 1938-kii. Maraykanka, waxa uu heer sare ka gaadhay tacliintiisa, waxaanu ka qalin-jabiyay Summa cum laude Harvard College 1950kii. Wuxuu qaatay Master of Arts iyo Doctor of Philosophy ee Jaamacadda Harvard 1951 iyo 1954, siday u kala horreeyaan.
Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka. Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka.
Henry Kissinger waxa uu door muuqda ka ciyaaray siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka intii u dhaxaysay 1969 iyo 1977, isaga oo hormuud ka ahaa siyaasaddii détente ee Midowga Soofiyeeti, isaga oo abaabulayay in xidhiidh toos ah lala yeesho Shiinaha, isaga oo ku hawlanaa waxa loo yaqaano diblomaasiyadda shuttle ee Bariga Dhexe si loo soo afjaro dagaalkii Yom Kippur, iyo gorgortanka Heshiiskii Nabadda ee Paris, kaasoo soo afjaray ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee Dagaalkii Vietnam. Ka dib markii uu ka tagay shaqada dawladda Mareykanka, waxa uu aasaasay shirkad Kissinger Associates, oo ah shirkad la-talin-siyaasadeed oo caalami ah. Henry Kissinger wuxuu qoray in ka badan dersin buuggaag oo ku saabsan taariikhda diblomaasiyadeed iyo xiriirka caalamiga ah.
Dhaxalka Henry Kissinger waa mawduuc soo jiidanaya siyaasadda Maraykanka. Waxaa si weyn loogu tixgeliyey aqoonyahannada inuu yahay Xoghaye Wax-ku-ool ah, waxaana lagu dhaleeceeyay inuu indhaha ka qarsado dambiyada dagaal ee ay gaysteen xulafada Mareykanka sababtoo ah taageeradiisa habka waaqiciga ah oo ku aaddan siyaasadda loo yaqaano Realpolitik. (Realpolitik waa hab-siyaasadeed ku salaysan arrimo la taaban karo iyo kuwo maaddi ah. Mabda’animadu ‘Realpolitik’ waa nidaam siyaasadeed oo mudnaanta siiya qiyamka iyo caqiidada gudaha ee waddan leeyahay, sida dhimista faqriga, difaacidda xuquuqul insaanka, ama horumarinta xorriyadda, kuna dadaalaysa in ay ka turjunto qiyamkaas siyaasadda arrimaha dibadda…Xigasho Jaamacadda Ramaas.. sharaxaadda oo dhammeystiran)
Henry A. Kissinger, oo ahaa aqoonyahankii dibloomaasiga isu rogay ee farsameeyay in wadahadal dhexmaro Maraykanka iyo Shiinaha, wuxuu ka xaajooday ka bixitaanka Mareykanka ee Vietnam, wuxuuna adeegsaday dhagar, hammi diblomaasiyaddeed iyo caqli uu dib ugu soo celinayo xiriirkii awoodda Mareykanka ee Midowgii Soofiyeeti markii uu socday dagaalkii qaboobaa, oo mararka qaarkood ku tumanayay qiyamka dimuqraadiga ah si uu sidaas u sameeyo, ayuu yiri David E. Sanger oo jariidada New York u xilsaaran inuu kasoo waramo Aqalka Cad iyo amniga qaranka Mareykanka. Wuxuu waraysi la yeeshay Henry Kissinger marar badan, wuxuuna u safray Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe si uu Henry Kissinger wax badan ugu qoro.
Henry Kissinger waxaa loo tixgeliyey inuu ahaa xoghayihii ugu awoodda badnaa dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, sida uu Mareykanka ku faano ‘waa nin aan xaqiiqada ka fogayn oo dib u habeeyey diblomaasiyadda si ay uga turjunto danaha Maraykanka laakiin taa beddelkeed waxaa lagu dhaleeceeyaa inuu ka tegay qiyamka Maraykanka, gaar ahaan saaxadda xuquuqul insaanka iwm.
Wuxuu lataliye u ahaa illaa 12 madaxweyne ee Mareykanka soo maray – laga soo bilaabo John F. Kennedy ilaa Joseph R. Biden Jr. Wuxuu ahaa aqoonyahan si qoto-dheer u fahamsannaa taariikhda diblomaasiyadda Mareykanka. Wuxuuna geeriyooday xilli xasaasi ah oo taariikhda iyo diblomaasiyadda Maraykanka ah ay marayso meel adag; dagaalka Ukrayn, taageerada Mareykanka ee kala go’a lahayn ee Israa’iil ee xasuuqa shacabka reer Falastiin.
Waxa uu ku biiray Aqalka Cad ee Nixon bishii Janaayo 1969 isaga oo ah la taliyaha amniga qaranka, ka dib markii loo magacaabay xoghayaha dawladda 1973-kii, waxa uu haayay labada jago markii madaxweyne Nixon iscasilay, illaa Madaxweyne Gerald R. Ford.

Henry Kissinger waxa uu kula kulmay Madaxweyne Richard M. Nixon magaalada New York bishii Nofeeember 1972 ka dib markii uu Henry Kissinger ka soo laabtay wadaxaajoodkii uu Paris kula yeeshay gorgortankii Waqooyiga Vietnam, Le Duc Tho, xilligii dagaalkii Vietnam. Sawirka..Associated Press
Wada xaajoodyadii qarsoodiga ahaa ee Henry Kissinger uu la yeeshay Shiinaha oo loo yaqaannay Shiinaha Cas ayaa horseeday in madaxweyne Nixon uu ku guuleysto siyaasadda arrimaha dibadda ee ugu caansaneed. Iyadoo loogu talo galay in ay noqoto tallaabo dagaal qabow oo go’doomin ah oo lagu go’doominayo Midowgii Soofiyeeti, waxayna jeexday dariiq loo maro xiriirka ugu qallafsan ee caalamka, kaas oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti oo si joogto ah isku khilaafsanaa markii uu soo baxay dagaalkii qaboobaa ee markaas cusbaa.
Muddo tobanaan sano ah waxa uu ahaa codka ugu muhiimsan ee Mareykanka ee maaraynta kor u kaca Shiinaha, iyo caqabadaha dhaqaale, milatari iyo teknoolojiyada ee uu keenay. Wuxuu ahaa Mareykanka kaliya ee la macaamilay hoggaamiye kasta oo Shiinaha ah min Mao ilaa Xi Jinping. Bishii Luulyo, isagoo 100 jir ah, wuxuu la kulmay Xi iyo madax kale oo Shiinees ah oo ku sugan Beijing, halkaas oo uu ula dhaqmayay sidii booqashadii boqortooyada xitaa iyadoo xiriirka Washington uu noqday mid iska soo horjeeda.
Waxa uu u soo jiiday Midowga Soofiyeeti wada hadal loo yaqaan détente, kaas oo horseeday heshiisyadii ugu horreeyay ee lagu xakameynayo hubka nukliyeerka ee u dhexeeya labada waddan. Diblomaasiyaddiisii basaasnimo, waxa uu Moscow ka saaray mawqifkii ay ku lahayd awoodda weyn ee Bariga Dhexe, laakiin waxa uu ku guuldarraystay in uu nabad ballaadhan ka sameeyo gobolkaas.
Qaabaynta taageerada Mareykanka ee Israa’iil
Henry Kissinger waxa uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil, taas oo ku khasabtay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka in ay u janjeerto dhinaca dawladda Sahyuuniyadda. Maraykanku waxa uu xulafo weyn u noqday Israa’iil markii uu ka hoos shaqeeyay maamulladii Richard Nixon iyo Gerald Ford.
Intii lagu guda jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1973, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo Carab ah iyo ku dhawaad 2,500 oo Israa’iil ah, Henry Kissinger wuxuu arkay in Israa’iil ay hubaysay si ay uga hortagto “guul Carabta ah”.
Damaciisa dagaalka kicinaya wuxuu arkay in Maraykanku uu si degdeg ah gargaar millatari u fidinayo Israa’iil intii lagu jiray dagaalka isagoo dib u celinaya guulihii hore ee ciidammada Masar iyo Suuriya. Henry Kissinger waxa uu dabada ka riixayay siyaasad Maraykan ah oo ” ilaalinaysa dhammaan danihiisa Bariga Dhexe” taas oo “badbaadada iyo wanaagga Israa’iil” ay tahay ta keliya.
Henry Kissinger waxa kale oo uu hubiyay in Maraykanku aanu xidhiidh la samayn ururka xoraynta falastiiniyiinta – oo uu markaas madax ka ahaa Yaasir Carafaat.
Go’doominta Falastiiniyiinta
Henry Kissinger waxa uu damcay in uu go’doomiyo falastiiniyiinta si uu ugu hiiliyo Israa’iil. 1975, waxa uu la saxeexday “heshiis isfaham” Israa’iiliyiinta kaas oo xaqiijinayay in Maraykanku aanu aqoonsanayn ama aanu wadahadal la yeelan PLO ilaa dhaqdhaqaaqa falastiiniyiinta aqoonsan Israa’iil “xaqa jiritaanka dowlad Israa’iil”.
Doorkii uu ku lahaa heshiiskii Camp David ee muranka dhaliyay, oo la saxiixay 1978-kii ayaa sidoo kale hagar daamiyey isaga oo dhinac ka eegaya Falastiiniyiinta. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday Madaxweynihii Masar ee xilligaas Anwar Sadat iyo Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil Menachem Begin, taasoo keentay in Masar ay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Carbeed ee si rasmi ah u aqoonsata Israa’iil.
Dhaleeceynta ugu weyn ee heshiiska Camp David waxay ahayd maqnaanshaha ku lug lahaanshaha tooska ah ee Falastiiniyiinta ee wada xaajoodka. Gumeysiga Israa’iil iyo qadiyadda aayo-ka-talinta Falastiin ayaan heshiiska lagu soo hadal qaadin. Dad badan ayaa heshiiska u arkay nooc ka mid ah “ka iibinta” rabitaanka qarannimada Falastiin ee dawladnimo.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku 1975kii sida hadda oo kale, waxa ay doonaysay in ay sare u qaaddo awoodda istaraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka, xoojinta maamullada Carabta ee saaxiibka ah, iyo go’doominta iyo wiiqida qadiyadda Falastiin.
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad

Gabaygaan waxa uu dabo joogaa gabay horay usoo galinay mareegta Diblomaasi.com, waxa uuna ka mid yahay Gabaygii Silsiladdii Bad iyo Birri, waana gabaygii u horreeyay u danbeeyay oo Badda laga hayo. Waxaana gabaygaan tiriyay qeybta Badda Abwaan C/qaadir Salaad Faarax isagoo u jawaabaya Abwaan Suufi Aw Cali oo matalaayay reer miyiga, wuxuuna yiri:
Murti gabay ninkii maahiraa, magac u saarnaayee
Maanse gaabka weligiisba, waa marin habowshaa
Mariinkiisa kuma toosiyee, waa murginayaa
Malaha Suufiyow gabaygu, waa kaa maroor samay
Badda mowjadda leh oo Illaah, inagu meegaaray
Oo maalin iyo layl nimcada, layska miisaayo
Dhalinyaro macrufo u leh, muruq ku soo saadha
Bad maaxiinta wada maahira, maanka wada haysta
Beden mud leh iyo huurigoo, lagu muqdaafaayo
Sixiimado wada matoor leh oo sidii, miig u soconaaya
Talaagadaha wada mowle iyo, mootarka wada istaaran
Maraakiibta iyo doonyaha, laga milaalaayo
Madkhalka iyo marsada xeebta iyo maamul baxareedka
Mushtarka iyo magaalooyinka, iyo leyrka wada muuqda
Allihii ina mahiigsiiyey, waa mahadinaynaayee
Goortaad mid mid u cayday baa, kaa mashiiqsaday
Ninbase meeshuu jecel yahuu, maanka ku hayaayee
Miyiga maslaxaddiisaa, mihindisaysaayee
Manfacada baddiyo xeebtu, waa kaa madowdahay
War muusaawi kaambe iyo matays, magacyadaan sheegay
Maafooska, Qoofarka, miiganow Damiska
Suwir murugleysa oo sidii, miig u gororaysa
Adaa moogee dunida oo dhan, baa laga macayshaa
Muslim iyo kufri baa, xeebahaa loo mitidayaa
Maraakiibtu waxay goobayaan, miiraha hoosyaal
Adiguna ma maqal baad tiri, maanta ka horow
Malaha jaahil baad qiratay, ariyo maalkii
Waxaa maanka kaa galay, hashii muxubigeedii
Adigaa iska moog sida adduun, loo macaamilo e
Inta mawaashida jirtaa, mood la qeyb saday
War miyiga iyo xoolaha, haddaan miro ka faaleeyo
Waa ma hudhadeenii iyo, lagama maarmaankii
Marar baa waxaa laga helaa, caano iyo miid
Mayac iyo karuur bay haween, subag ka miiraan
Magaalooyinkaa lagu cunaa, maalin iyo layl
Martida waxaa loo qalaa, gool macaan badan
Hayeeshee ninkii maali jiray, laga magroonaa
Isagoo malyuun soofsada buu, milifna waayaa
Macaluul buu uga joogsadaa, maashigii uu waday
Abaar magac leh maantay dhacdoo, maalku kaa idlaado
Meeshii magaaliyo badluu, madada saaraa
Isagoo rag muruqiisa buu, magan sanayaa
Malayga iyo matayska, badduu meeyay leeyahay
Muufada markii loo shido oo, madag dhan loo buuxsho
Sanka maro intuu saaro buu, malab sanaayaa
Goortuu mashbaco oo dhergo, oo maalmo ruqo gooyo
Kama mahadnaqee cayda, waa kugu malooqaa
Adiguna maciisaa tahee, ila murmaysaa
Waxaa maanka kaa galay, hasha muxubigeedii
Adigoo iska moog sida, adduun loo macaamilo
Inta maasha jirtaa, mood la soofsaday
War mininaayo iyo xeeb haddaan, miro ka faaleeyo
Weligiisba magac buu lahaa, ruux bad maaxihi
Macaluusha iyo gaajadaa, meel ka soo galine
Mani lacag ah iyo doolar baa, meel walba u yaal
Mahwi weeye lagu soo hirtoo, maalintii adag
Masaakiinta iyo laytku, waa soo mutawiciyaa
Marsadaa wax uga soo degaan, maalin iyo layl
Hadba moosinkii baxayuu, maal ku rarayaa
Magaalooyin kuu wada yaqaan, tan iyo miinaale
Ashahaado muhiimuu wataa, magaca Siimaan
Waa maddani luuqadaha bartoo, aan meeli celinayn
Macsina kuma shaqaysto iyo, intii Eebbe maanacay
Macsuum weeye waaguu yaraa, miinka loo dhigay
Makhnuus iyo khaniis iyo khasiis, magacyadaa sheegtay
Waa waxaan weligay maqal, maanta ka horow
Murtina laguma soodarin, intii marisay suugaan
Haddiise meelahaas laga yaqaan, waanu moog nahay
Macjal laguma faano iyo anaa, doob miniinicay
Masaafo nikaax iyo adigaa, meherba noo sheegin
Haddaad tiri maqsuud baan kaa dhigay, waa masalo weyn
Macsidiiba adigaa qirtay iyo, meel latagiddiiye
Miyir gabayga hadalkaagu yuu, meel xun kaa ridine
Afartaa M-da intaan ka dayay, marin ma qaadsiiyey
Muran badan layskama shubiyo, maagis iyo cay
Ma miisaamay gabaygaygu, waa malab sidiisiiyee
War gabdhihii miyiga joogay, oo ariga maalaayay
Oo hawdka meeraayey, oo meel fog uga yeeray
Oo maanta nala jooga waa, mahad Illaahee
Miyigii ka rayste iyo dhibkii maalinba ahayd
Milicdii iyo haraadkii qabeen, looga meel bixi
Durdur bay ku mayranayaan, iyo ceel aan loo miyin
Macsaro iyo diyaano, kareen bay is mariyaan
Majihii hareeftii ku tiil, haatan waa muluq
Mushtar bay noqdeen shalay, hadday fara marnaayeen
Maryo qurux leh qaate jalbaab, qariyey muuqii
Goshii muuqanaysay qarsade, madaxii diirnaa
Murugtii ka rayste, surtii iyo, miracastii hawd
Malayga iyo matayskay cuneen, wayna mahadsheen
Mudkii baa balaartay iyo, kubkii miiqanaan jiray
Mulaaxiintu inay guursato, maanka ku hayaan
Haddii aad miyiga faanisoo oo, meelo badan sheegto
Oo aad magaalooyinkiyo, maayadda u caydo
Marna inay yan kugu laabanayn, mili calooshaada
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
Qoraalkaan waxaa qoray: Maxamed Cismaan Xuseen oo ah Saxafi madax banaan oo kunool magaaladda New York ee dalka Mareykanka.

Boqortooyadii Ajuuraan waxay ahayd Saldanad Soomaaliyeed oo ka talin jirtay Soomaaliya qarniyadii dhexe. Boqortooyada ayaa waxaa uu xukunkeedu sidoo kale gaarsiisnaa meelo ka tirsan Itoobiya iyo Kenya. Sidoo kale Taariikhyanadu waxaa ay sheegaan in Boqortooyadii Ajuuraan uu xukunkeedu gaarey deegaanka “Soofala” oo ka tirsan dalka Muzambiik oo ku yaala Koonfurta Afrika. Waxaa intaa dheer in Boqortooyada Ajuuraan ay nidaam Boqortooyo ka samaysay jasiirdaha Maldives.
Sida taariikhyanadu caddeeyeen, Boqortooyada Ajuuraan waxaa ay bud-dhige u noqotay xiriirka diblomaasiyadeed ee ugu horeeyay ee Afrika ay la yeeshaan Shiinaha, waxaa kale oo boqortooyada Ajuuraan ku guulaystay in ay ganacsi la samayso dalal ku yaala Qaaradda Aasiya iyo Yurub.
Boqortooyada Ajuuraan oo lahayd ciidan milateri oo xoog badan ayaa waxaa taariikhdu ay shegaysaa in ay ahayd cududdii ugu weynayd ee dalka Soomaaliya ka caabbisay Boortaqiiska iyo dadyowga Oromada oo doonayay in ay dalka Soomaliya ama deegaanada geeska Afrika ee Boqortooyada Ajuuraan ka talinaysay soo galaan. Boqortooyada Ajuuraan waxaa loo nisbeeyaa in ay ahayd boqortooyadii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ee isku xirta Soomaaliweyn, yeelata calan u gaar ah, bilowdana nidaam buuxa oo dowladeed oo ka hana qaada gayiga soomaalida.
Sidii ay ku bilaabatay boqortooyada Ajuuraan
Boqortooyada Ajuuraan inta aanay ka talin deegaanada Soomaalida iyo geeska Afrikaba, waxaa ka horreeyay Saladanaddii Muqdisho oo ku koobnayd Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Saldanaddii Muqdisho (Mogadishu Sultanate) oo awood ahaan ka hooseysay Boqortooyadii Ajuuraan ayaa waxaa aasaasay xubno ka tirsanaa reerka ka soo jeeday boqortooyada Ajuuraan. Sidoo kale, waxaa iyana jirtay boqortooyo kale oo reerka Gareen oo Ajuuraanka ahi ka sameeyeen dhulka Somalida ee Itoobiya, taasoo xarunteeda ahayd Qalaafe. Boqortooyadaasi oo ku soo fiday gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ay horseeday in la balaariyo Saldanadii Muqdisho oo iyana ay sameeyeen isla reerka.
Sida ku qoran Buuga I.M Lewis iyo abtirsiimo ku qoran Afguri, soona gaareen odayal Soomaaliyeed, shaqsiyaadka laga xusi karo aasaasayaashii Saladanaddii Muqdisho, waxaa ka mid ahaa Faqrudiin oo ka soo jeeday Alam (Caalam Baalcad).
Saladanadda Muqdisho oo ku koobnayd deegaano kooban oo ku xeeran Muqdisho ayaa waxaa ay talisay qarniyadii 10aad ilaa 13aad. Wadatashi dheer ka dib, xubnaha hayay xukunka Saladaanadii Muqdisho, ayaa goostay in la balaariyo xukunka boqortooyada, lana gaarsiiyo deegaanada kale ee Soomalida iyo sidoo kale deegaano kale oo ka baxsan.
Magacii Saladanadii Muqdisho ayaa waxaa uu bedelmay Kadib markii uu isbedel weyn ku yimid nidaamka maamul ee boqortooyada. boqortooyada Ajuuraan ayaa qaadatay magaca Ajuuraan kadib markii ugu horeysay oo ay hirgelisay hanaanka canshuuraha. Magaca Ajuuraan ayaa waxaa uu ka yimid Ujuru oo ahayd qidmadda Canshuur ahaan laga qaadi jiray dadkii ku hoos noolaa. Nidaamka Boqortooyada Ajuuraan ayaa ka saamayn batay saldanadii Muqdisho.
Badmareenkii reer Marooko, IBN Battuta, oo Muqdisho booqdey qarnigii 13-aad ayaa sheegay in magaalada Muqdiho lahayd maamul boqortooyo oo dhamaystiran, waxaana uu xusay in uu mamulka hayay Imaam Abu Bakar Ibn Cumar oo ka soo jeeday reerka boqortooyada Ajuuraan. Magaalada ayuu Ibnu Battuta ku tilmaamay magaalo barwaaqo badan, oo baaxad weyn lahaydna dhismayaal qurux badan, martisoorkana ku fiicnayd.
Muddada xukunkeeda
Saldanada Soomaaliyeed Ajuuraan, sida ku cad buugata taariikhda sida “The shaping Of Somali Society” waxaa xukunkeedu bilowday qarniggii 10-aad oo loogu yeeri jiray Muqdisho Sultunate, balse waxaa xukunkeedu xoog yeeshay oo ay qaadatay magaca Boqortooyada Ajuuraan qarnigii 13-aad.
Xilliga uu jiray xukunka boqortooyada Ajuuraan waxaa loo yaqaanaa “xilligii dhexe” oo dunida inteeda kale ay ka jireen boqortooyooyin kale. Waxaa laga xusi karaa boqortooyadii Boortqiiska oo ka talineysay Yurub iyo tii Cusmaaniyiinta, oo ayadana maamulkeedu gaarsiisnaa meelo ka baxsan Turkiga, isbahaysina uu kala dhexeeyay boqortooyada Ajuuraan. Xilligii ay arriminaysay boqortooyada Ajuuraan waxaa sidoo kale jirtay boqortooyo ka jirtay dalka shiinaha.
Waxyaabaha lagu xasuusto
Boqortooyada Ajuuraan waxaa lagu xusuustaa in ay qeyb weyn ka qaadatay faafinta diinta Islaamka iyo difaacaddeeda. Mid ka mid ah aqoonyahnkii boqortooyadii Ajuuran Sheekh Xuseen oo ku dhashay degmada Marka ayaa waxaa loo tiriyaa/nisbeeyaa in uu dadkii Ororamada ahaa ee deganaa deegaanka Sidamo, oo hadda ah Bali uu Islaamiyay. Sida ku cad buugaagta taariikhda iyo sidoo kale qoraalada kale, qabriga Sheekh Xuseen ayaa haatan waxaa u ku yaalaa deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya.
Sidoo kale, Boqortooyada Ajuuraan waxaa lagu xusuustaa sidii ay dalka Soomaaliya iyo guud ahaan deegaanada kale ee Soomaalida ee uu xukunkeedu gaarsiisnaa uga difaacday Gumaystihii Boortaqiiska oo u soo hanqal tagaay Muqdisho iyo Baraawe in uu qabsado. Waxaa jira laba dagaal oo xoogan oo ay wada galeen Boortaqiiska iyo boqortooyadii Ajuuraanka.
Dagaaladii Boqortaqiiska iyo Ajuuraan ayaa waxaa uu dhacay qarnigii 16-aad, ayada oo uu boortaqiisku markii hore si gaadmo ah u soo weeraray magaalada Baraawe oo ka mid ahayd Xarumihii Boqortooyada Ajuuraan, ayaa si ku meel gaar ah u qabsadey degmadaasi, balse boqortooyada oo dib u abaabushay ciidankeeda ayaa durba ka saartay Ciidankii uu hogaaminayay taliyihii boortaqiiska,Tristão da Cunha, oo bad mareena ahaa.
Ciidankii boortaqiiska oo looga adkaaday Baraawe ayaa mar kale isku dayay in ay weeraraan Muqdisho, hase ahaatee uma suuroobin damacooda oo waxaa ay iska cabin xoogan ay kala kulmeen ciidankii Boqortooyadii Ajuuraan ee Muqdisho fadhigooda ahaa.
Waxaa intaa dheer, in boqrtooyadii Ajuuraan ay dagaal la gashay Qowmiyada Oromada qarnigii 17aad, dagaalkaasoo ku salaysnaa dhulka. Dagaalkii dhex maray boqortooyada Ajuuraan iyo oromada waxaa loogu yeeraa “Oromo invasion” ama “ dhul balaarsigii Oromada”
Taariikhyahanka Pouwels, Randall L. waxa uu ku qoray Buugiisa uu kaga hadlayay Isbeddelka Dhaqanka ee Bariga Afrika in xiliiga Boqortooyada Ajuuraan dadyow badan in ay qaateen Diinta Islaamka gaar ahaan qowmiyadaha ku noolaa dalalka Geeska Afrika.
Dowladii Ajuuran waxay ahayd nidaam xooga saaray in ay hormariso kaabayaasha nolosha gaar ahaan ilaha Biyaha ee Wabiyada Shebeelle iyo Jubba, taasoo si weyn ugu faa’ideysteen Soomaalida deganayd inta u dhaxaysay labada Wabi.
Cududdooda ciidan iyo dhaqaalle
Boqortooyada Ajuuraan waxaa ay lahayd ciidan xoogan oo ka amar qaata madaxda boqortooyada oo uu ugu horeeyo Imaamka, oo u taagan boqorka.Waxaa kale oo jiray gudoomiyeyaal gobol oo ayaguna ay ciidamadu hoos iman jireen. Boqortooyada ayaa waxaa ay ciidan ahaan u qoran jirtay dad aan Soomaali ahayn oo calooshood u shaqeystayaal ah oo daacad u ahaa boqortooyada, kuwaas oo lagu magacaabi jiray “Mamluke” kuwaas oo loogu tababari jiray in ay ka dagaalami karaan deegaanada webiyada ku teedsan iyo sidoo kale meelaha miyiga ah. Sidoo kale, ciidamada Ajuuraan waxaa ka mid ahaa carab, beershiyaan, iyo Turki. Sababtoo ay boqortooyada Ajuuraan ciidamadaasi u qoran jirtay ayaa lagu sheegaa si aanay carqalad uga imaan dadka deegaanka, kuwaasina ay u arkaysay in ay daacad u noqon kareen nidaamkeedii adkaa.
Hubka ay boqortooyadu isticmaali jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa hub dhaqameed Soomaliyeed, sida seefaha, waranka, qaansada, iyo falaaraha IWM. Waxaa kale oo jiray qoryo ay ka heli jirtay boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay isbaheysi ciidan ay lahaayeen. Ciidamada boqortooyada ayaa waxaa ay hoos tegi jireen taliyaha ciidamada oo maamulka boqortooyadu ugu yeeri jireen “Amiir”. Ciidamo bad oo ay boqortooyadu lahayd ayaa waxaa ay difaaci jireen cadowga ku soo gardarooda deegaanadii ay ka ariminaysay.
Raggii hogaamin jiray iyo qaab dhismeedka dowladda/boqortooyada
Hogaamiyayaasha Boqortooyda Ajuuraan waxaa laga xusi karaa Imaam abubakar Inbn Cumar, Imaam Cumar, Imaam Ciise, kuwaas oo ka mid ahaa maamulayaasha xilligii boqortooyada Ajuuraan ee lahayd aqalka baar lamaanka ee loogu magacaabi jiray “House of gareen’ kaas oo u dhigmay sida aqalada maamulada caalamka iminka loogu arrimayo. Waxyaabaha raggii badmareenka ahaa ee ay la yaabeen waxaa ka mid ahaa in wakhtigaasi dhexe ay boqortooyadu samaysay gole ay ku jiraan dhammaan qabaa’ilka xilligaasi degaanaa deegaanada boqortooyada ay ka arrimiso. Boqortooyada Ajuuraan ayaa lahayd calan u gaar ah. Calankaasi ayaa ka kooban midab guduud ah( Casaan), jaalle( Huruud) , waxaana ku sawiran bil leh midab cad, dadka ka soo jeeda ayaa u asteeyay xuska calanka iyo boqortooyada 15-ka September.
Ragga xusidda mudan ee taariikhda galay ee ka mid ahaa boqortooyadii ajuuraan waxaa ka mid ahaa Siciid Muqdishaawi, oo ahaa safiirkii igu horeeyay ee Afrika u fariisto dalka Shiinaha oo xilligaasi ay ka talin jirtay boqortooyo. Siciid Muqdishaawi ayaa la sheegaa in uu si fiican ugu hadli jiray luqadda shiinaha ee Mandarin. Waxaa kaloo xusid mudan Cabdicaziiz Muqdishaawi oo isna qeyb weyn ka qaatey faafinta nidaamka boqortooyada Ajuuraan, kaas oo maamulkeeda gaarsiiyay jasiiradaha Maldives-ka.
Waxaa kale oo xusid mudan, boqor Olol Diinle loo isna ka mid ahaa shakhsiyaadkii Soomaaliyeed ee saameynta lahaa qarnigii tegay. Boqor Olol diinle waxaa saldanadiisa xarun u ahayd Qallaafe, waxaana uu ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee nidaamka boqortooyada Ajuuraan, inkastoo haatan uu jiro nidaamka hogaanka dhaqanka ee beesha boqortooyada.
Noocyada xukunkooda.
Saldanada Ajuuraan ayaa ku dhaqmaysay nidaam Boqortooyo oo ay iska dhaxlayeen Qoyska xukunka Saldanada hayay, oo ka soo jeeda Maxamed Caalim (Alam) Baacad. Hase ahaatee, markii boqortooyada ay la timid qaab dowladeed oo cusub, sida qaadidda Ujuurada/canshuurta, waxaa boqortooyada loogu yeeray Ajuuraan.
Marka laga soo tago in hoggaanka Boqortooyada ay lahaayeen reer gaara sida Imaamka, oo ah boqorka, Naaibka, oo ah guddoomiyaha gobolka, dadka kale ee ku hoos noolaa waxaa ay wax ku lahaayeen hogaanka qeybaha kale ee boqortooyada. beelaha kale ee ku hoos noolaa waa ay la dhacsanayeen nidaamka Islaamiga ah ee boqortooyadu wax ku xukumi jirtay.
Waxaa tusaale loo soo qadan karaa in maamulkeedu isku hayay inta badan dhul waynaha Soomaaliyeed ka soo bilow deegaanka Ximin gareen ee Gobolka Sanaag ilaa Magaalada Mombasa oo haatan ka tirsan Dalka Kenya. Waxaa kaloo xusid mudan in qaybo badan oo ka mid ah Galbeedka Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya, gaar ahaan Gobolada Shabeele, Liibaan, iyo deegaano badan oo ay ka mid yihiin Magaalooyin Masno, Nageele iyo Roobey, ay boqortooyadu ka Talisay.
Dhaqaalaha boqortooyada iyo Meelihii uu Gaaray Ganacsigeeda
Boqortooyada Ajuuraan waxaa dhaqaalaheedu ku tiirsanaa ganacsiga iyo beeraha. Waxaana aad u caawinayay in boqortooyadu maamulaysay marin biyoodka mashquulka ahaa xilligii dhexe. Xeebaha ku teedsan magaalooyinka ay xukumi jirtey oo intooda badan xarumo u ahaa, sida Muqdisho, Baraawe, Marka, Kismaayo, iyo Hobyo, waxaa ay gacan weyn ka geysteen in uu bulaalo ganacsiga boqortooyada, si fududna ku gaaro boqortooyooyinkii ay la ganacsan jirtay. Waxayaabaha ay dowladii Ajuuraan ka ganacsan jirtay waxaa ka mid ahaa dahabka, dharka, alwaaxda, fardaha, Geriga, iyo xariirta, waxaan ay u iibgeyn jirtay Aasiya iyo Bariga fog. Waxaana ay ku soo beddelan jireen badeecado kale. Xilligii dhexe waxaa xoogeystay ganacsigii badda, ayada oo ay bateen maraakiibta badeecadaha sida ee isaga kala gooshaya gobollada xeebaha leh, waxaana xilligaasi boqortooyada ajuuraan ay samaysatay xiriiro ganacsi oo xoog leh, oo ay la yeelatay boqortooyooyin ku yaala Aasiya, Europe, iyo Bariga Dhow.
Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa ay lahayd lacag u gaar ah oo loogu magac daray Mogadishan, lacagahaasi ay boqrtooyada isticmaali jirtay ayaa waxaa laga helaa dalka Imaaaadka Carabta, ayadoo sidoo kale laga heli karo meelaha taariikhiga ah ee caalamka.

Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa ay lahayd lacag u gaar ah oo loogu magac daray Mogadishan, lacagahaasi ay boqrtooyada isticmaali jirtay ayaa waxaa laga helaa dalka Imaaaadka Carabta, ayadoo sidoo kale laga heli karo meelaha taariikhiga ah ee caalamka
Hoos u dhacoodii iyo sababaha keenay
Robert B. Oakley oo mar ahaa Danjiraha Mareykanka u fadhiyay Dalka Soomaaliya sanaddii 1982 oo mar ka hadlay Saldanada Ajuuraan ayaa ku sheegay in Soomaaliya laba mar kaliya ay noqotay mid is haysata oo Awood leh, mar waxuu ku sheegay Xiligii Saldanadda Ajuuraan iyo xiligii Dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.
Boqortooyada Ajuuraan buruburkeeda waxaa loo aneeyaa sababo badan oo isku sidkan/isku xiran. Marka ugu horeysa, sida ay ii sheegeen odayaasha reerka Boqortooyada waxaa jiray khilaaf soo kala dhex galay xubnaha hogaanka boqortooyada ee reerka hayay Saldanadda. Sidoo kale waxaa jiray in khilaafka boqortooyada dhexdeeda uu saamayn ku yeeshay beelihii kale ee Soomaaliyeed ee ku hoos noolaa, gaar ahaan beesha Hiraab. Xukunka beesha ayaa waxaa loo arkay mid keli telis ah maadaama ay dadka ku adkayd in canshuur laga qaado biyaha ay isticmaalaan, boqortooyadana waxaa ay u arkaysay ilo dhaqaale oo ay ku kala wadeyso howlaha Boqortooyada.
Sababta boqortooyadu ula kulmaysay mucaaradad ama ayaguba u kala qeybsameen ayaa waxaa lagu sheegaa mudadii xukunka oo dheeraa iyo in dadka ku hoos noolaa xukunka iyo qaar ka mid ah madaxdii boqortooyada in ay dhibsadeen xukunka adag. Markii khilaaf kaasi boqortooyada dhexdeeda ah xoogeystay, ayaa dalal shisheeye ay ka faaiideysteen in ay khilaafka sii huriyaan si boqortooyada Ajuuraan ee awoodda badan Meesha looga saaro.
Wixii ka dambeeyay qarnigii 17—aad waxaa bilowday hoos u dhaca boqortooyada ilaa markii dambe magicii isku hayay dadka Soomaaliyeed ee Ajuuraan Meesha ka baxay.
Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa samaysmay Saldanado yar yar oo ay samaysteen inta badan qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa Boqortooyada Ajuuraan. Waxaa laga xusi karaa boqortooyada Geledi ama Goobroon Dynasty oo uu aasaasay nin lagu magacaabi Jirey Ibrahim Adeer oo ka mid ahaa ragii ugu firfircoonaa boqortooyada Ajuuraan. Boqortooyada Geledi ayaa waxaa xarun u noqotay degmada Afgooye. Sdoo kale, waxaa samaysmay boqortooyada Hiraab ee ayadana ka adkaatay tii Silcis oo ayaduna ka tirsanayd boqortooyadii Ajuuraan.
Si kastaba ha ahaatee, Boqortooyada Ajuuraan ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid awood buuxa u lahayd ilaalinta xuduudaheeda, bilowday hab-dowladeedka Soomaliya, aasaastay xiriirkii diplomaasi ee ugu horeeyay ee lala yeesho dal dibadda ah, sida Shiinaha, waxaa kaloo loo tiriyaa in ay ugu horeysay iskaashi milateri in lala yeesho dal kale sida boqortooyadii Cusmaniyiinta. Waxaana la sheegaa in ay ku tiirsanayd ilaha biyaha maadaama ay ka talinaysay labada webi ee Jubba iyo Shabelle, ceelalna ay qodday maadaama ay ku wanaagsanyd handasada.
Waxaa kaloo fajac ku ah dadka in xukunkeedu gaaray meelo ka tirsan dalka Muzambiik oo lagu magacaabo “Soofala” iyo Jasiiradaha loo dalxiis tago ee Maldives.Taariikhyahanada ayaa qiraya in boqortooyada Ajuuraan ay ka mid ahayd ah shanta boqortooyo ee ugu awoodda badnaa Afrika, haddii aysan ba ahayn midda koowaad.
__
Tixraac:
Lewis, I. M. (1988). A Modern History of Somalia: Nation and State in the Horn of Africa (2nd, revised ed.). Westview Press. p. 24. ISBN 978-0-8133-7402-4.
The Shaping of Somali Society: Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600-1900 – Page 95
Barendse, Rene J. (2002). The Arabian Seas: The Indian Ocean World of the Seventeenth Century: The Indian Ocean World of the Seventeenth
Qoraalkaan waxaa qoray: Maxamed Cismaan Xuseen oo ah Saxafi madax banaan oo kunool magaaladda New York.
FG: Diblomaasi.com mas’uul kama aha macluumaadka iyo xogta qormadan. Waa qoraal u gaar ah qoraagga qoraalka.
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
Waxaa uu ahaa taliyihii sarre ee ciidankii jabhaddii/Xisbiga xoreynta dhulka qaranka Aljeeriya, waxaana uu 13 sano oo dagaal guusha nolloleed ama geeri aakhiro ah la galay ciidankii sancaddaalaha ahaa ee Faransiiska dulliga u ahaa.

Xawaari Bumadyaan (Houari Boumédiène) wuxuu dhashay 23kii Ogoosto 1932kii wuxuuna geeriyoodey 27kii Diseember 1978kii). Wuxuu noqday Gudoomiyaha Golaha Kacaanka ee Aljeeriya intii u dhaxeysay 19kii juunyo 1965kii ilaa 12kii Diseember 1976kii kadibna wuxuu noqday Madaxweynihii labaad ee Aljeeriyaa illaa intii uu ka geeriyooneyay 27kii Diseember 1978kii.
Wuxuu ahaa mid kamid ah hoggaamiyaashii ugu halganka dheera ee gumeysi la dirirka ahaa wuxuu 20 sano oo kamid cimrigiisa ku qaatay afafka hore ee dagaalka xoreynta Aljeeriya ama Aljazaa’ir. Waana mid kamid ah hoggaamiyaashii ugu saameynta badnaa ee soo maray caalamka islaamka, Afrika iyo adduunkaba.
Waxaa uu ahaa taliyihii sarre ee ciidankii jabhaddii/Xisbiga xoreynta dhulka qaranka Aljeeriya, waxaana uu 13 sano oo dagaal guusha nolloleed ama geeri aakhiro ah la galay ciidankii sancaddaalaha ahaa ee Faransiiska dulliga u ahaa. Boumediene adeeggiisii ciidan ee Aljeeriya wuxuu bilaabmay 1950-yadii, oo ah xilligii uu dalkiisa halganka ugu jiray ka madax-bannaanida gumeysiga Faransiiska. Kadib markii uu wax ku bartay jaamacadda al-Azhar ee Qaahira, wuxuu ku biiray xoogaggii mucaradka ee Jabhadihii Xoreynta Aljeeriya.
Inta taariikhda laga hayo, Xuwaari Bumadyaan wuxuu fuliyay mid kamid ah weeraradii ugu casrisanaa ee ka dhaca gudaha qaaradda Afrika kaaso kadhan ahaa ciidamadii gumeystaha, gaar ahaan ciidankii Faransiiska ee xilligaas.
Jabhadihii xoreynta aljeeriya waxay dalka u kala qaybiyeen degmooyin milateri, Boumedienne wuxuu xukumay xooggagii ama guutadii ku xeernayd gobolka Ooraan (Cuuraan). Guutadaasina waxay ahayd guutadii guulaha ugu badan ka soo hoysay dagaalkii Milyanka shahiidka ee Mujaahidiintii Aljeeriya isku xoreeyeen.
Sannadkii 1960-kii wuxuu noqday madaxa shaqaalaha ee Jabhadda Xoreynta Qaranka, wuxuuna xuddun u ahaa dadaalladii ku aaddanaa sidii uu dhisi lahaa ciidan Aljeeriya ah oo ka socda naf huriyaal Marooko iyo Tuniisiyiin ah, dalalkaaso xilliga ahaa dalal ka madaxbanaan gumeysigii Faransiiska dulliga ah.
Kadib markii heshiis nabadeed lala saxiixday Faransiiska bishii Maarso 1962kii, xiisadda ka dhex aloosan hoggaamiyeyaasha Aljeeriya ayaa sii korodhay, isla markaana bishii Sebteember ciidankii ama guutadii uu hogaaminayay bumadyaan
(Boumedienne) ayaa qabsaday caasimadda Aljiyeer (Algiers) isagoo taageereya hogaamiyihii jabhaddi xoreynta Aljeeriya ee Axmed Ben Bella. Ben Bella wuxuu noqday madaxweynaha Aljeeriya dabayaaqadii sanadkaas, isagoo abaalinaya Boumedienne’a wuxuu uu magacaabay wasiirka Gaashandhiga ama difaaca iyo madaxweyne ku xigeenkiisa.
Kadib sanado yar, khilaaf ayaa soo kala dhexgalay labada hoggaamiye, waxaana bishii juunyo 1965kii uu Boumedienne ku kacay afgembi ka dhan ah jaallihiisii sare ee Axmed Ben Bella wuxuuna iska dhigay madaxweynaha iyo saciimka cusub ee Aljeeriya. Boumedienne intii hore ee uu taliska Aljeeriya hayay waxaa uu la’aa taageerada ballaaran ee shacbiyadda leh ee shacabka Aljeeriya, wuxuuna xukumay markii ugu horreysay isagoo adeegsanaya 26 xubnood oo ka tirsan golahii kacaanka.
Natiijo ahaan ama muuqaal ahaan hoggaamintiisu waxay ahayd mid waddaniyadeed oo nafhurnimo leh, Isagoo si xikmad leh u adeegsanaya saameyntiisa, wuxuu u dhisay Aljeeriya xoog siyaasadeed lagu xisaabtami karo wuxuuna go’aansaday inuu sidoo kale ka dhigo awood warshadeed. Wuxuuna dhisay awood milateri oo laga cabsoodo iyo awood warshadeed oo waxsoosaar leh, balse horumarkiisi iyo taliskiisi waxaa ku liddiyay awoodo shisheeye oo ka baqay in 30ka sano ee soo socda ee la sadaaliyay xilligaas ay muuqatay in Aljeeriya ay isku filnaasho dhan walba ah ay gaari kartay, welina dhinaca milatariga waxay noqon lahay awoodda koobaad ee Afrika iyo awoodda 9aad ee caalamka. Laakiin kadib isku day ay saraakiisha milaterigu ku doonayeen inay ku afgembiyaan maamulkiisa ayaa ugu dambeyn gacmo-marnaan ku fashilmay bishii Diseembar 1967kii, wuxuuna marka muujiyay ama caddeeyay hoggaankiisa adag ee tooska ah ee aan muranku ka jirin ee isla markaana aan la loodin karin ee Dalka Aljeeriya.
Sannadkii 1971-kii wuxuu ku soo rogay gacan ku hayn dawladeed oo ka dhan ah warshadaha saliidda ee shisheeye, waxaana uu quusta uu diray oo uu iska fogeeyey xiriir lala yeesho dalka faransiiska oo uu arkayey cadawga tooska ah ee Aljeeriya. Wuxuu halis u galay dagaal uu la galo Marooko sanadkii1975kii isagoo isku dayaya inuu marin u ka helo marinka badweynta Atlantik ee ka gudba Saxaraha Isbaanishka (ee markii dambena loo bixiyay Galbeedka Saxaraha ” Westren Sahara”). Boumedienne wuxuu noqday shaqsi iyo abaabule horseed ka ah dhaqdhaqaaqyadii xorta ahaa ee (Non Aligned or Third World) ee aan uu kala xaglin jirin hanti-wadaaggii barriga iyo hanti-goosigii galbeedka.
Sannadkii 1978-kii, muuqaalkiisu ama in la arko wuxuu noqday mid naadir ah. Ka dib markii uu ku soo raagay miyir beel muddo 39 maalmood ah, wuxuu ugu dhintay magaalada Algiers cudur dhiigeed dhif ah oo magaciisa la yiraahdo ” Waldenström macroglobulinemia “, ka dib daaweyn aan lagu guuleysan oo loogu qaaday magaalada Moscow ee Midowgii Soofiyeed. Intii lagu guda jirey waqtigii ay Aljeeriya gashay qalqalka siyaasadeed waxaa soo baxay xan ku saabsan dilkiisa ama in la sumeeyay ayaa mararka qaar ku soo shaac baxday siyaasadda Aljeeriya, gaar ahaan ka dib markii laba kale oo kamid ahaa ka qeybgalayaashii dhacdooyinkii heshiiskii Algiers ee 1975kii, kuwaas oo kala ahaa Boqor Shaahii Iiraan iyo Wasiirkiisii Maxkamadda ee Asadollah calam, ay sidoo kale u dhinteen isla cudurkan dhifka ah.
Dhimashadii Xawaari Bumadyaan (Boumediene) kadib ma jirin musharrax uu dhigmi kara oo beddeli kara boumediene (bumadyaan), si kastaba ha noqotee, mid kasta oo ka mid ah sideedii xubnood ee ugu sareeyey Golaha Kacaanka Aljeeriya ama xittaa siyaasiyiin shisheeye oo Aljeeriyaan ah ama galbeed raac ah ayaa ugu dambayntii ku hirdamay hoggaaminta Aljeeriya. Dhimashadii Boumédiène waxay sababtay faaruq awoodeed oo ku yimadda siyaasadda Aljeeriya kaas oo aan si fudud loo buuxin karin.
Isbeddel taxane ah oo uu milateriga Aljeeriya sameeyey ayaa aakhirkii ogolaaday in dhinac loo rido isla markaana meesha laga saaro tartamayaasha kala aaminsan afkaaraha bidixda iyo midigta, Talada dalkana loo qoondeeyo taliyaha ugu sareeya militariga Aljeeriya kaas oo ahaa Colonel ama gaashanle sare Chadli Bendjedid, kaas oo ku yimid xulasho tanaasul ah.
Oraahyadii laga hayay Jeneraal Xawwaari Bumadyaan.
1. ” Maalin maalmaha ka mid ah, malaayiin rag ah ayaa ka tegaya Koonfurta Hemisfiyeerka si ay u aadaan Waqooyiga Hemisfiyeerka oo halkaas saaxiib uma aadi doonaan. Sababtoo ah halkaas waxay uu aadayaan si ay u qabsadaan. Sidoo kale waxay qabsanayaan iyago indhaha wiilashoodu arkayaan si ay wiilashoodu uga dhaxlaan halganka. Ilmo galeenka haweenkeenu guul buu ina siin doonaa, oo waxay dhali doonaan halgamayaal aan xaqqa ka waaban doonin. ”
2. ” Aljeeriya ma diidi karto mabaadi’deeda siyaasadeed iyo xaqqa ay u leedahay
inay ku dhawaaqdo mabda’a aayo-ka-tashiga ah, iyadoon laga fekerin mowqifkeeda ugu dambeeya ee ku aadan mustaqbalka gobolka, haddii gobolka saxaaraha galbeedku ay noqoto Morrookan ama Mauritanian, haddii ‘qayb ka mid ah ay tagto Morrooko iyo haddii mid kale ay u tagto Muritaaniya, waxaa inoogu weyn waa in Saxaraha galbeedku uu noqdo dhul Carbeed iyo dhul Muslim markale leeyahay. ”
3. “Madaxbanaanidu waxay inaga dhigtay qaar jilicsan oo aan weli gaarin heerka adkaha xadiidka ah.”
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
Sidee qabyaaladdu u saamaysay dadkeena Soomaaliyeed?

Buugga Haddimadda Qabyaaladda
Dareenka, milgaha, maankalga xaaladaha kala duwan ee ku duugan dhiganaha Haddimada Qabyaaladda ee uu ka hadlaayo buuggan aan gacanta ku hayo, waa buug aan isdhihi karo waxa uu ku soo aaday marxalad ka duwan marxaladaha kale, ayada oo aan ognahay maantay qabiil dartiis lagu qurgoynaayo caruur yaryar oo aan qaangaarin kuwaas oo dhibanne u ah aanooyin aysan talo iyo saamaynna aysan ku lahayn.
Qabyaalad: Waxyaalaha ugu xun ee laga dhaxlo qabyaalada waxaa asal u ah waa iyada oo la tuuro danta guud, lagana tago wada dhalashadii iyo hilib wadaagii ay qowmiyad lahayd taas oo lagu beddeshay damiir qabyaalad ka buuxdo iyo in si khaldan loo addeegsado qabiilkii iyadoo laga talaabayo xadkii ay lahayd laguna dhiirado hannaan aan haboonayn.
Waxaa igu dhaliyay in aan qoro buuggan waa dal jaceyl iyo baahi aan uqabo dawlad iyo kala dambayn, sidoo kalena sababaha igu khasbay waxa weeye kadib markaan arkay in bulshadii ay ka dhimatay waddaniyaddii oo booskeedii meesha laga waayay ayna sababtay in dalkeenii uu noqday baylah. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in ay ubadkooda ku tarabiyeeyaan waddaniyadda si dalkeena aan ubadbaadsano. Waxaana muhiim ah in qofkasta xil iska saaro difaaca waddankiisa, madaxbannaanidiisa, dib udhiskiisa, soo saaridda kheyraadkiisa iyo ilaalinta sharafta ummadda Soomaaliyeed.
Qofka leh damiirka iyo dareenka waddaninimo waxa uu dareemaa farxad kolka dadyowga kunool koonkaan aynu joogno ka sheekaynayaan dalkiisa, wuxuuna ku dhiiradaa in uu sii wanaajisto deegaankiisa iyo guud ahaan waddanka. Inta aan ka soo sheekaynay oo keliya laguma qeexi karo macnaha iyo milgaha ku duugan waddani balse waa duurxul kooban oo aan ku qeexayno erayga si dadku ufahmaan waxa uu yahay waddani iyo waxa uu ka dhiganyahay.
Qoraaga buugga mar ay ka hadlaysay sababta ku dhalisay ayay tiri: Waxaa jirtay maalin maalmaha ka mida anigoo ka imid goobtayda shaqada oo usoo caraabay hoygii aan ka deganaa xaafadayda Garoowe, goor-sheegtuna tahay abbaaro 4:00pm ayaa waxaan soo maray kurayo meel ku dagaalamaya haddaan damcay kala qabo oo kala celi waxay igu dheheen mid kasta oo iyaga ka mida wiilkaan ayaa icaayay iyo kanaa saan idhahay. Haddii aan waydiiyay sababta ay isku dagaalayaan waxay igu dheheen waxa uu dhahay hebel qabiilkeena idinka laandheereysan oo idinka badan? Waan yaabay Waxaan ku dhahay yaa warkaas kugu dhahay? Markaas ayuu yiri mid kamida kurayada dagaalamaysa hooyo ayaa nagu tiri.
Sidee qabyaaladdu u saamaysay dadkeena Soomaaliyeed?
Bulshada Soomaaliyeed in ka badan 80% ma fahansana qabyaaladda waxay tahay. Waxaana daliil kuugu filan in dalkooda ay burburkiisa iyo dib udhiciisa ka shaqaynayaan. Waxay kuwada haminayaan dhammaantood ama badankood in ay dalal shisheeye aadaan, waxna waa tahriibeen, waxna waa qalbi ka dhoof, inta kale ee soo hartana waa dad dantu biday ama duruufta haysata awgeed aysan ugu hanqaltaagin dalkale.
Burburkii waxa uu nadhaxalsiiyay in aan weyno halyeeyo Soomaaliyeed, waddaniyiin Soomaaliyeed, hooyooyin nagu qaaliya. Waxaan nahay dad isla quman, isla saxan, iyagu is arka, damiirkii ka tagay, waxaa la yiri Mayd maxaa udanbeeyay? Saa la dhahay kan la siisido oo tusaale waxaa kugu filan caruur yaryara oo dugsi Qur’aan dhigata oo lawada dilay qabyaalad awgeed.
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle}:- waxa uu yiri:
Dab miyey sureen waa dulli aan xuma ka daaleyne
Dusha aadmigey shabahaan ficilna duurjoogta
Deggani iyo kheyr lama tusoo way ka diriraane
Dabciga riibigey leeyihiin mana dareemaane
Qabiilku waxa uu meeshii ka saaray dhaqankii suubanaa ee Soomaali lagu yaqaanay, Soomaalinimadii, waxa uu baaba’shay damiirkeenii. Waxa uu nagaarsiiyay in aan seeraaro samaysano, qolo kastana tiraahdo anagoo reer hebel ah baa iskaleh goobtaan. Qabiil hebel isma guursano, kab iyo qaraan ma wadaagno, geelayagu isku meel madaaqo.
Gabay uu tiriyey Alle ha unaxariistee abwaan Abshir Nuur Faarax Baxadle waxaa ka mid ahaa:
Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira’e
Soomaali belo loo qoraye qallinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoontayda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteen
Maxaan ka dhaxalnay qabyaaladda
1. U hoggaansan la’aanta shuruucda dalka: Dal walba oo dunida ka jira waxa uu leeyahay xeer udegsan oo ku dhaqmo qofkii jabshana waxaa lagu qaadaa xeerkaas dalka uyaal.
Alle ha unaxariistee Abwaan Cali Xuseen Xirsi oo ku magac dheeraa {Cali Makaadsade} gabay uu tiriyay ayaan ka sooqaadan tix yar oo uu ku baraarujinaayay bulshada in wax lawada qabsado oo wadajir wax lagu hagaajiyo. Wuxuu yiri:-
Hantidaan wadaagniyo haddaan hawsha socodsiino
Oo aad hirgelisaan mabda’a lagu hayaamaayo
In horumar lagu waarayaa hubanti weeyaane.
2. Jahliga: Waxaa muhiim ah in qeybaha dadka la baro waxbarashada waayo waxbarashadu waxay meesha ka saartaa jahliga, gaajada, faqriga, dagaalka, qabyaaladda, qurunka iyo kala danbayn la’aanta.
3. Caddaalad darro: Qof kasta oo muwaadin ah waa in uu helaa caddaalad, haddii caddaalad la helo waxaa imaanaysa waddaniyad. Rag caddaalad waayay sidii cowshii kala yaac.
قال الله تعالى: إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسان
“Alle wuxuu idin amray caddaalad iyo wanaag in aad samaysaan”.
4. Diinta oo aan lagu dhaqmin: Waa tiirka koowaad ee qof walba oo Muslim ah in uu ku dhaqmo diinta islaamka.
وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُو
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri “Qabsada xarigga Eebbe dhammaantiin, hana kala taganina”.
5. La haanshiyo la’aan dalka: Waa in muwaadinkasta lagu dhiirigeliyo in uu dalka isagu leeyahay aysan cidkale lahayn. Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariisto abwaan Abshir Bacadle gabaygii danta guud
Dal shisheeye duulkii mutaa dawlad wuu tebiye
Duruufihii na soo maray qalbiga waa damqinayaane
أَصَابَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَن كَثِيرٍ وَمَا
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri {Idinma asiibin musiibo ilaa waxaad gacmihiina ku kasbateen mooyaane, Alle waa dembi dhaaf badanyahay}.
6. Dhaqankii oo lumay: Bulsha kasta waxay leedahay dhaqan soojireen ah oo ay iska dhaxleen ka ab-ka-ab ilaa haddeer. Waddankasta oo dunidaan ku yaal waxa uu leeyahay dhaqan ugooniya oo dunida kale uga soocan yahay balse maanta dhaqankeenii waa lumay.
Dal marka la doonaayo in la burbursho waxa laga burburshaa dhaqanka. Haddii dhaqankaaga kaa lumo waxa meesha ka baxaysa jiritaankaaga sooyaal.
7. Maamul daadajin la’aan (Qabyaalad daadajin): Dawladdu waa in ay maamul daadajin usamayso, gaarsiisona dalka oo idil addeega ay ubaahanyihiin, sida waxbarashada, caafimaadka, cunada iyo maamul wanaaga.
8. Xuquuq la’aan: Ma helaan xaqa ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana dhacda xaqii ay lahaayeen in ay ku waayeen qabiil.
9. Dulmiga dumarka lagu hayo: Dhibanayaasha ugu badan waa dumarka, dadka ugu nugulna waa ayaga waayo waxaa la dilaya waa odaygeedii, walaalkeed, abtigeed, wiilka ay dhashay, cidda asayda qaadaysa waa ayaga, cidda caruurta korinteeda laga rabo waa ayaga, cidda umul raacaysa oo dhakhtar la’aan u godgalaya waa ayaga, kufsiga iyo jirdilka ayaga ayaa loo gaystaa.
Qoraaga ayaa soo qaadatay hees la dhaho Inna Ragow Eed Baan Kaa Tabanayaa ay qaaday Xabiibo Xasan Tooxow taasoo ahayd:
Aasaaska dunida iyo
Anigu dumar baan ahaa
Warshaddii aadmigiyo
Udubkii noloshaan ahaa
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa
Uurka kugu qaaday iyo
Waxaan fool arrammi kulul
Dhibaatada kugu umuley
Horaadada ibo macaan
Anqaris waxaan kaaga dhigay
Asluubta wanaagsan iyo
Anshaxa dhaqankiyo hiddaha
Akhlaaqda waxaan kuu baray
Aad baan u nasiib darnahee
Madfaca aqalkeyga gubay
Kan igu riday ma adigaa?
Abaalkii hooyanimo
Ma layska ilowsan yahay?
Ah iyo way ma anigaa?
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwo
Eed baan kaa tabanayaa
Barbaariye ubadka iyo
Macallin ababshaan ahaa
Astaantii taranka iyo
Aayaha guushaan ahaa
Hayeeshee inna raggoow
Ergiyo waxaan ahay dacwoo
Eed baan kaa tabanayaa
Agaasinka reerkaa
Weliba kuma ekiyee
Ololihii Calan helkii
Qeybtii iga aadanayd
Awood anigoon lahayn
Asayda inaan xirtiyo
Agoonta inaan la qaxoo
Astaahil umaanan lahayn
Gabagabada nuxurka hadalkayga
Qoraagu waxay ku leedahay buuggeeda Haddimada Qabyaaladda: Qabiilka Rabbi waxa uu nagu yiri isku garta balse ma oran qabyaalad u addeegsada oo ku burbursha dalkiina, dadkiinana ku laaya, kuna dulmiya. Qabiil aragnay halka uu nadhigay iyo waxa uu na dhaxalsiiyay, sow ma haboona in aan garano wixii adduunkaan naloo keenay, sababta aan ujirno iyo dalka waxa naloogu sameeyay oo la yiri isaga noolaada dushiisa waxa uu idin yahay firaash.
Haddii aad firaashkii ama meeshii aad seexan lahayd iska burburiso sidee ku noolaan?
Alle Qur’aankiisa waxa uu ku dhahay:-
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ
“War dadow waxaan idinka Abuurnay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay dadyow iyo qabaa’il, si aad isugu garataan. Midkiina idinku karaamada iyo sharafta badan waa midkiina idinku Alle ka cabsiga badan, Illaahay waa mid og oo khabiir ku ah waxaad samaynaysaan”.
Dadku waa labo qeybood
1. Talo keen: Waa in aad noqoto mid talo keena oo bulshadiisa wax ku sookor dhiya, hadday sax tahayna waa laqaadan, haddii laga maarmi karona dib baa loo dhigan.
2. Talo raac: Haddii aadanba wax talo iyo tusaale ahba aadan ku soo kordhinayn dadkaaga iyo dalkaaga waa in aad noqoto mid taladii wanaagsan oo loo soojeedsho raaca sababtoo ah Fiqi tolkii kama janno tago, dadkaaga waxay kuula yimaadeen haddayba sax tahay waa in aad qaadato oo aadan noqon khilaaf ujooge iyo talo makeene.
Waa tii uu lahaa Alle ha unaxariistee Abwaankii caanka ahaa Cismaan Yuusuf Cali Keenadiid mar uu lahaa:-
Naftuna caasi weeyiyo sidii cado shisheeyaahe
Intay caaq sidiis kaa dhigtay kugu cayaartaaye
Markii taladu kula caaridaa la caqli yeeshaaye.
Haddaba qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu noqdaa muwaadin uhalgama dhulkiisa iyo dadkiisa waxaa ku qorin taariikhda. Ninkii tiin talaaliyo kii timir beera taariikhdu way qorin. Noqo mid dalkiisa wax walba ugu hura, naftiisa ka hormariya, difaacda diintiisa, dadkiisa dalkiisa, ka ilaashada cadowga doonaya in uu dalkiisa burbursho, noqo waddani ee honoqon muwaadin keliya.
عن النبي ﷺ قال: لا يؤمن أحدكم حتى يحبَّ لأخيه ما يحبُّ لنفسه
Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri “Axadkiina ma rumayn ilaa wuxuu jecelyahay la jeclaado walaalkiis”.
Kuma soo koobi karo magaca iyo milgaha ku duugan buugga balse inyar ayaa ka sooqaatay, waxaa ka badan inta ku duugan buugga gudihiisa.
Magaca Buugga: Haddimada Qabyaaladda
Qoraaga Buugga: Drs. Ruun Siciid Faarax
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters