Aragti, Dhaqan iyo Caqiido
Adeegsiga Carrada

Carrada ayaa ah mid aan la sookoobi Karin waxtar keeda, iyo adeegsigeeda, waxaana kamida:-
1. Waxay asaas u tahay koritaanka dhirta:- waxayna taageertaa in geedku ku taagnaado dhulka iyadoo xajinaysaa geedka xididadiisa. Waxayna geedka suura gal ka dhigtaa in uu koro koritaan wanaagsan. Carrada ayaa ah mid muhiimad gaara ugu fadhida, sida nafaqada, ay usoo qaadaan xiddidada ku aasan carrada. Waxay kaloo u sooqaadaan biyaha oo aad muhiim u ah jiritaanka geedka. Hawada ayaa ka mida qaybta uu geedku ku tiirsan yahay. Waxaana asaas u ah in geedku helo xaalad wanaagsan taas oo suura galinaya jiritaankiisa. Carrada ayaa waxa ay difaacdaa geedka iyadoo ka ilaalinaysa in uu geedku qaato nafaqo sumaysan oo waxyeelaysa geedka.
Carrada ayaa ka qayb qaata dhex dhexaadnimada cimilada, iyadoo carradu ay qaybaheedu ku kala duwan yahay xagga cimilada. Carrada waxa ay u ogolaataa in ay kaarboon laba ogsaydhka uu galo ciidda. Halkaasna ay ka siiqaataan xididdadu iyagoo geynaya qaybaha dhan ee geedka. Marka uu qaato geedka kaarboon laba ogsaydhka, waxa uuna soodaayaa ogsijiinta qaab qashin saar iyadoo siimaraysa ama galaysa xididda geedka siina dhexmaraysa daldaloolada xiddidka.
Carrada ayaa ah mid geedku ku tiirsan yahay noloshiisa. Waxa uu geedku carrada ka sooqaataa lix iyo toban curiyeyaal ku waas oo geedka uqaabilsan shaqooyin gaar ah, uusan geedku noolaan Karin la aantiis. Curiyayaashaan ayaa loo yaqaan afka qalaad “macronutrients”. Sababta ayaa ah in uusan geedku noolaan Karin la’aantood. Waxa ayna curiyeyaashaasna ka helaa geedka carrada, hadaysan carrojirin aysan jireen wax koritaan ah.
Waxaana jira curiyayaal geedka uusan ka maarmin mid kamida waana mida la oran karo dhirta ayay utahay baahida kowaad, waxaana curiyayaashaas kamida:-
Naytarojiin
Fosfaras
Botaashiyaam
Kaalshiyaam
Magnisiyaam
Salfar
Curriyayaashaas ayaa geedka uga baahan yahay caddad aad uyar waxaana looyaqaan afka qalaad “micronutrients”. Sababta ayaa ah magacaas loogu bixiyay in geedku uga baahan yahay in xaddidan.
2. Hab adeegsiga biyaha iyo nadaafadooda:- Astaamaha carrada ayaa ah mid mas’uul ka ah qodob saamayn weyn ku leh xaddidaada hab biyeedka. Biyaha ay carradu lumisaa iyadoo ay biyuhu ka dhex dusaan daldaloolada carrada. Waxayna keentaa in biyuhu gaasir ay noqdaan oo lawaayo gabi ahaanba, haddii biyaha lawaayana wax nolol ah ma jirayaan.
Adeegsiga biyaha ku jira carrada ayaa ah mid laf dhabar u ah dhammaan wixii ku tiirsan quuditaanka biyaha. Biyaha ayaa loo adeegsadaa qaabab kala gedisan sida guryaha, dharka, cunnada qaybaheeda kala duwan. Biyaha carrada ku jira ayaa ah mid ka qayb qaadata in dunida lagu noolaado.
Wasakhaynta carrada ayaa ah mid saamayn weyn ku leh adeegsiga biyaha ku jira carrada. Haddii ay carradu tahay mid saafi ah, oo barxan in loo adeegsado waxkasta oo suura galinkara in hab dabiici ah loo isticmaalo. Carrada saafida ayaa ah mid si wanaagsan loo adeegsan karo hadday ahaan lahayd in carradaas wax lagu abuurto, dalagyada qaybihiisa kala duwan. Waxayna saamayn weyn ku leedahay hab adeegsigga carro biyeedka.
3. Dib u warshadeenta nafaqada ku jirta carrada iyo walxo wasakheedka ee ku jira:- Ayaa loo adeegsadaa habab kala gedisan, maxsuulka ka soobaxa dib u warshadaynta walxaha ku jira carrada ayaa qaabab kala gedisan loo adeegsadaa. Noolaha dhinta ayaa waxa ay kamid noqdaan carrada, waxaana dib uqaata dhirta nafaqo ahaan. Baaritaan ay sameeyeen saynis yahano ayaa sheegay burburka dhirta, xayawaanka dhinta, iyo dadka dhammaantood waxa ay ka mid noqdaan carrada.
Waana wax aad dareemi karto xilikasta oo aad ubaahato in aad wax ka fahanto in noolaha dhinta uu ka mid noqdo carrada. Waxaan ku siinayaa tusaale fudud oo aad raaci karto si aad u ogaato in waxkasta oo dhinta uu ka mid noqdo carrada. Waxaad sooqaadataa noole dhintay, waxaad geysaa meel carro leh, oo aan bahal joogin. Waxaad udaysaa muddo ilaa uu ka baaba’o bakhtigaas. Todobaadyo ka dib waxaad eegtaa meeshii aad dhigtay bakhtigii. Si fudud ayaad udareemi kartaa in uu noolahaa dhintay uu ka mid noqonaayo carrada.
- La qabsiga noolayaasha carrada:- Marka aynu daalacano noolaha yar-yar ee xamaaratada, cayayaanka, unuglayaasha yar yar ee nool, ayaa waxa ay ku nool yihiin carrada. Waxaa jira bilyan oo noolayaal ah oo ay hoy utahay carrada. Qayb waxa ay ku dhex noolyihiin carrada hoosteeda, qaybna waxa ay ku kor noolyihiin oogada sare ee carrada.
Noolayaashaas ayaa waxa ay noloshoodu ku xiran tahay carrada. Tusaale ahaan, eeg xamaaratada khaasatan abeesada, waxa ay cuntaa carrada. Iyadoo la sheego in ay habeen dhaaf uquudato, iyadoo ka baqaysa in ay ciidu ka dhammaato.
5. Dhexdhexaadiye:- Carrada ayaa saamayn weyn ku leh walxaha ay ka kooban tahay, iyo xaaladda muuqaal ahaaneed ee hawada. Iyadoo qaadanaysa, siina daynaysa xaddi aad ubadan oo kaarboon laba ogsaydh CO2, ogsijiin O2, misseen CH4 iyo kuwo kale oo neef ah.
Isdhaafsiga neefaha u dhexeeya carrada iyo hawada ayaa faa’ido weyn uleh dunnida oo dhan. Waxayna ka qayb qaadan kartaa diirimaadka hawada. Taas oo keeni karta isbedellka hawada. Carrada ayaa xaddiga macaadanta soodaysa iyadoo ay qaataan dhirta ayaa neef ahaan geeduhu ugu daraan hawada sare.
6. Hab injineereed:- Injineerada ayaa aad u jecel adeegsiga hawada. Iyagoo ku dhisa dhulka, bulukeetiga, dhismayaasha wadooyinka, buundooyinka, ceelasha, guryaha, iskuulada, masaajidda, dhammaan wixii la xiriira dhisitaan, ayaa carrada loo adeegsadaa. Waana sababta ay muhandisiintu u taageeraan carrada.
Kala badh ummada ku nool dunida ayaa ku nool guryo ka samaysan dhoobo, ama ciid, taas oo lagu xoojiyo dhidibadana loogu aaso, asaaska gurigga. Carrada ayaa ah mid aad ugu wanaagsan dhismayaasha qaybihiisa kala duwan. Walxo badan oo loo adeegsado guryaha, dhismayaasha, walxaha wax lagu karsado, iyo dhammaan wixii ka samaysan dhoobo.
Waxaa loo adeegsadaa in laga sameeyo qayb kamid ah carrada haamaan ama ashuun biyo lagu shubo sida aan ka soowaaridnay dadka. Waxgarad badan oo cilmi baaris kasameeyay ayaa sheegay in biyaha lagu dhigto ashuumka caadiga ah iyo hamaha laga sameeyo carrada. Iyagoo soo tabiyay in ay aad u biyo uqabow yihiin kuwa laga sameeyo carrada. Intabadan waxaa adeegsada haamaanta dadka guur guura. Halka ashuunka ay isticmaalaan beeralayda. Xilliyadii ugu danbeeyey dadka waxay hindiseen in ay kudaraan shamiito markii lasameeynaayo haantaas ama ashuunta kasameysan dhoobadda .
- Waxay u isticmaali jireen dadkii hore ee Afrikaan ka ahaa khaasatan soomaalida digsiyada ama wax u dhigma dhariyada waxlagu karsado oo aysan jirijirin xilliyadii hore.
- Waxaa kaloo ay u isticmaalijireen shacabka soomaaliyeed oo aysan hada kasuulin ama kadhammaan isticmaalkiisa shaygaas oo ah waxlagu magacaabo burjiko. Weli kama dhammaan magaalooyinka iyo baadiyaha oo ay isticmaalayaan dadka soomaaliyeed burjikada waxaana loo isticmaalaa in waxlagu karsado.
Carrada ayaan lagu soo koobi Karin adeegsigeeda qoraal ahaan, waxaaana ay inoo leedahay ahmiyado waa weyn oo aynaan halkaan ku xusin. Sida qubuuraha, harrooyinka, biyo xireenada, dekadaha iwm. Carrada ayaa ah mid ujirta dabiici ahaan, ayaa ka kooban xiddid, xayawaan, dhagax, iyo waxkasta oo ka soobaxa carrada. Maxsuulka carrada ayaa la burburiyaa si looga dhigo mid anfacaad badan leh. Waxna waa lagu dhisaa carrada. Burburka cimilada iyo haraadiga noolaha dhintay, ayaa ah tusaalaha ugu fudud ee burburka carrada. Samysmidka carrada cusub ee ka yimid noolihii dhintay iyo macdantii ku kaydsanayd noolihii dhintay. Walxaha ugu wanaagsan ee carrada laga helo waa dhoobada, iyo isku dhisyada xasilan.
Carrada ayaa ka mid ah lakabka sare ee dhulka, sida lakabka A iyo lakab B, oo qayb kamid ah carrada iyo dhulka. Lakabka C ayaa isana kamida qaab muuqaaleedka carrada, afka qalaad lagu yiraahdo “soil profile”. Taas oo ka hoosaysa carrada iyo dhulka.
Falsafada iyo Arrimaha Bulshada
Shaqsiyaad huwan shaar dowladeed oo barakicin iyo dhulboob ka bilaabay xaafad ku taalla degmada Wadajir
Shaqsiyaadkan ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in muddo kooban gudahooda ay ku faarujiyaan guryahooda oo milkiile ahaan u leeyihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Illo wareedyo ay heshay Diblomaasi.com isla markaana ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah ayaa tibaaxaya in shaqsiyaad gaar ah oo huwan shaar dowladeed isla markaana lagu sheegay inay yihiin Burcad caadeystay dhaca hantida shacabka birmageedada ah ay doonayaan inay dhulboob iyo barakicin ku sameeyaan xaafadda loo yaqaano Obasiibka waaxda Xalane ee ku taalla degmada Wadajir.
Shaqsiyaadkan ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in muddo kooban gudahooda ay ku faarujiyaan guryahooda oo milkiile ahaan u leeyihiin sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Shacabka ku dhaqanka xaafadda Obasiibka ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkan aysan u caddeyn ujeedadda, sababta keentay iyo in ay ka duullayaan awaamiir dowladdeed, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.
Ma jirto war rasmi ah ee kasoo baxay maamulka degmada Wadajir ee la xiriirta arrintaan dhulboobka iyo barakicinta ee ka cabanayaan shacabka ku dhaqan xaafada Obasiibka ee degmad Wadajir kuwaasoo sheegay in tiro dhowr jeer ah xirriir ay la sameeyeen maamulka isla markaana wali aysan jawaab sugan ka helin.
Muqdisho afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Seddexda bilood iyo maalmaha dheeraadka ah ee dowladda muddo dhaafka ah ay joogto waxaa joogto ka noqday hawlgallada barakicinta ee la sheego in dowladdu muddo xileedkeedu dhammaaday u adeegsanayso dadka rayidka ah ciidamadii loogu talagalay in ay amniga rayidka ah sugaan iyo sidoo kale gaadiidka Cagafcagafta.
Qeybo badan oo magaaladda kamid ah ayaa saameeyay hawlgallada barakicinta ah iyadoo boqolaal kun oo rayid ah la sheegay in ay galaafsadeen hawgalladaasi. Goobaha inta badan dadka laga saaro ayaa la siiya sida la sheegay ganacsato iyo siyaasiyiinta xigto la’ah madaxda waqtigoodu dhammaaday ee Villa Soomaaliya taasoo qeyb ka ah carada dadka rayidka ah halka qaar kalena lagu qasbo in kumanaan doollar ay ku iibsadaan guryaha oo qaarkood la sheego misne la warriyo inay u haystaan dukumenti sax ah oo sabar loogo ah.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Dowladda Federaalka ay wajahayso eedeymo kaga imaanaya bulshada taasoo la xiriira boobka dhulalka danta guud, barakicinta shacabka marastada ah, jirdilka ay ciidamada dowladda federaalka u geysanaayan shacabka laga barakicinayo dhulka iyo musuqa baahsan ay ka wado degmooyinka gobolka Banaadir.
Eedeeymo musaqmaasuq baahsan
Dhinaca kale, qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa ku eeddeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku yimid nidaamka 4.5 inuu dano gaar ah ka leeyahay barakicinta iyo boobka dhulalka danta guud. Iyadoo muddooyinkan dambe cirka isku shareerayaan cabashooyinka bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in ay dhulboob iyo barakicin ku hayso dowlada federaalka. Maqnaanshaha hababka kormeer iyo isla xisaabtanka dowladnimo ayaa sii kordhisay dhibaatada. Dembiilayaashan waxay u dhaqmeen si aan sharciga waafaqsanayn, taas oo meesha ka saartay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen dawladda iyo hay’addeeda.
Sida la wada ogyahay, Madaxweyne Xassan oo si hagar la’aan ah u daba jooga xaraashka dhulalka danta guud iyo bixinta qandaraasyada dowladeed ee reerkiisa, ayaa waxaa soo ifbaxaya dhaqan qallafsan oo hor leh, sida wareejinta lacagaha canshuuraha dowladda ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee xiriirka la leh qoyska Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo ka kooban heer wasiir, dowladda hoose ee Xamar, Wasaaradda Maaliyadda, Cashuuraha Berriga, Garoonka Diyaaradaha, Dekedda Muqdisho iyo wixii ka baxsan, waxay hoosta ka xariiqday in si nidaamsan looga faa’ideysanayo tayeynta shaqsiga ah oo ay kharashkeeda ku bixineyso dowladda hoose.
Eedeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah dowladda ayaa sidoo kale ah arrin culus oo u baahan in si qotodheer loo baaro. Musuqmaasuqa wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay horumarka dalka, maadaama uu curyaamiyo adeegyada bulshada iyo kalsoonida maalgashiga. Sida uu sheegay Paul Kagame madaxwaynaha Ruwaanda : “Musuqmaasuqu waa cadowga horumarka.” Ruwaanda waxay tusaalle u noqotay sida loola dagaallami karo musuqmaasuqa iyadoo la adeegsanayo nidaam adag oo isla xisaabtan leh.
Aragtida maamul dowlad wanaag la’aanta Soomaaliya
Marka la eego aragtida maamulka wanaagsan, hoggaamintu waa in ay noqotaa mid ilaalisa xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa nugul. Sida uu sheegay Nelson Mandela: “Hoggaamiye wanaagsan waa kan dadka ka hormariya naftiisa.” Hadalkan ayaa muujinaya in hoggaamiyaha dhabta ahi uu mudnaanta siiyo danta guud, halka eedeymaha hadda taagan ay tilmaamayaan dhaqan ka fog qiyamkaas.
“Hoggaamiyayaasha dhabta ahi, waxay u adeegaan dadkooda, dhiigmiiratadu se waxay u adeegaan naftooda. Xukunka MD Xassan wuxuu noqday ganacsi qoyseed, damiirka dadka oo la iibsado, hantidii dadweyne oo loogu takrifalo sidii mid gaar ah, iyadoo loo qaybinayo xulafada siyaasadeed, xubnaha qoyska, iyo geesawayn kooban oo macaash doon ah, halka danyartii ay kadeedan yihiin oo ay silcayaan. Tani ma aha hoggaamin ee waa boob iyo dhac.” – ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
“Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay madax si buuxda u fahma oo si buuxda u illaalisa mas’uuliyadda saaran, ku dhaqma dastuurka, danta qarankana ka hormariya wax kasta.” – ayuu yiri hoggaamiyaha Urur Siyaasaddeedka Qaransoor, Cabdijabaar Sh. Axmed.
Maamulka Xasan Sheekh ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xiriira musuq maasuq, nin jecleysi, iyo kharashaad mas’uuliyad darro ah. Dhaqamadaasi kaliya ma wiiqayaan horumarka Soomaaliya balse sidoo kale waxay wax u dhimayaan sumcadeeda caalamka. Si ay Soomaaliya horay ugu socoto, waxaa lama huraan ah in madaxdeedu ay mudnaanta siiyaan daah-furnaanta, mudnaanta iyo mas’uuliyadda maaliyadeed.
Cabdijabaar Sheekh Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan fahamsan mas’uuliyadda saaran isla markaana ilaalin kara dastuurka iyo danta qaranka. Tani waxay tilmaamaysaa baahida loo qabo hoggaan ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan. “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay mudan yihiin madax u heellan daryeelka iyo horumarka qaranka, mana mudna kuwa xilalka ay hayaan uga faa’ideystaan dano gaar ah. Waxaa la joogaa xilligii isbedel hoggaamineed oo si dhab ah uga tarjumaya qiyamka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed.
Dadka deegaanka Obasiibka waxay sheegeen in aysan helin sabab sharci ah oo lagu barakicinayo, taasoo muujinaysa jabinta mabda’a cadaaladda iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha. Sida uu yiri Thomas Sankara: “Cadaalad la’aan meel kasta ka jirta waa halis ku ah cadaaladda meel kasta.” Sidaas darteed, haddii arrimahan aan wax laga qaban, waxay horseedi karaan xasilooni darro ballaaran.
Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed waxay la kulmayaan cadaadisyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin barakicin, jirdil, iyo caddaalad la’aan. Arrimahan waxay muujinayaan baahida loo qabo dib-u-habeyn lagu sameeyo hay’adaha dowladda si loo hubiyo in ay u adeegaan shacabka si cadaalad ah.
Xaaladda ka taagan xaafadda Obasiibka ee degmada Wadajir waxay astaan u tahay dhibaatooyin waaweyn oo ka jira nidaamka dowladeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo illaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Cabdijabaar Sh. Axmed ayaa aaminsan “Si loo helo xal waara, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah, la hubiyo madax-bannaanida garsoorka, isla markaana la dhiso kalsoonida shacabka. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan ka shaqeeya danta guud, kana fog dano gaar ah, si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.”
Falsafada iyo Arrimaha Bulshada
Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?
Haddii niyaddaadu is beddesho isla marka qof ku dhaleeceeyo, ma adigaa noloshaada maamula? Mise waxaad tahay mashiin falcelinaya oo keliya waxa ka dhacaya hareerahaaga?

Faylasuufkii Roomaanka ahaa ee Stoicism-ka, Seneca, wuxuu fahamsanaa in dadka badankoodu ay addoomo u yihiin duruufahooda. Seneca wuxuu soo maray dhammaan wejiyada nolosha aadanaha. Haddii maanta lagu qiimeeyo hantidiisa, wuxuu ahaan lahaa bilyaneer, wuxuuna ahaa siyaasi heer sare ah ka gaaray siyaasadda. Wuxuu sannado ku qaatay musaafuris iyo go’doon, ugu dambayna waxaa lagu qasbay inuu isdilo amar ka yimid boqorkii uu hore u soo barbaarin jiray. Wuxuu wax ku qoray waayo-aragnimada qof mar guulaystay wax kasta, haddana wax kasta waayay. Seneca wuxuu yiri: “Tijaabada ugu dambaysa ee xorriyaddu waa tan: Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano, marka lagu caayo, marka aad faa’iido hesho, iyo marka aad khasaaro la kulanto?”
“Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano, marka lagu caayo, marka aad faa’iido hesho, iyo marka aad khasaaro la kulanto?”
– Seneca
Nolosha bani’aadamka waxaa si joogto ah u saameeya dhacdooyin dibadda ka yimaadda, sida ammaanta, dhaleeceynta, guusha, guuldarrada, hantida, iyo khasaaraha. Dad badan waxay u arkaan in farxaddooda iyo murugadoodu ay ku xiran yihiin sida ay dadka kale ula dhaqmaan ama waxa ku dhacaya noloshooda. Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: haddii niyadda qofku ay is beddesho mar kasta oo la ammaano ama la dhaleeceeyo, yaa dhab ahaan maamulaya noloshiisa? Su’aashan ayaa saldhig u ah falsafaddii Stoicism-ka ee uu hormuudka ka ahaa faylasuufkii Roomaanka ahaa ee Seneca. Aragtidiisu waxay ku dhisan tahay in xorriyadda ugu weyn ee qofku aysan ahayn xorriyadda siyaasadeed ama dhaqaale, balse ay tahay xorriyadda gudaha ee qofku ku xakameeyo fikirkiisa, dareenkiisa, iyo dabeecaddiisa.
Seneca iyo casharrada noloshiisa
Seneca ma ahayn faylasuuf ku hadlayay aragtiyo mala-awaal ah, balse wuxuu ahaa nin soo maray guul iyo guuldarro labadaba. Wuxuu gaaray heerka ugu sarreeya ee siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo noqday nin aad u maalqabeen ah oo talo siiya boqorro. Isla markaana wuxuu la kulmay musaafuris, go’doon, iyo ugu dambayn amar lagu qasbay inuu naftiisa dilo. Khibradahaas is khilaafsan ayaa ka dhigay inuu fahmo in wax kasta oo dibadda ka yimaadda ay yihiin kuwo is beddeli kara, halka akhlaaqda iyo dabeecadda wanaagsan ay yihiin hantida keliya ee aan laga qaadi karin qofka. Casharka ugu weyn ee laga baranayo noloshiisa waa in qofka qiimihiisa aan lagu cabbirin waxa uu haysto, balse lagu cabbiro sida uu u dhaqmo marka uu waayo wax kasta oo uu lahaa. Guusha dhabta ahi ma aha inaad mar walba guulaysato, ee waa inaad ahaato isla qofkii aad ahayd marka guushu kaa tagto.
Macnaha dhabta ah ee Stoicism-ka
Bulshooyin badan ayaa si khaldan u fahma Stoicism-ka, iyagoo u malaynaya inay tahay falsafad dadka ka dhigaysa kuwo aan wax dareen ah lahayn. Hase yeeshee, Stoicism-ku ma diidana dareenka bani’aadamka. Waxa ay diiddan tahay in dareenku noqdo sayidka qofka. Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya qof dareen leh iyo qof dareenkiisu maamulo. Qofka wuu murugoodaa marka uu waayo qof uu jeclaa, wuu farxaa marka uu guulaysto, wuuna xanaaqaa marka dulmi dhaco. Laakiin dareennadaas uma oggola inuu lumiyo caqligiisa, akhlaaqdiisa, ama qiyamkiisa. Sidaa darteed, Stoicism-ku waa tababar lagu dhisayo adkaysiga maskaxda, ma aha cabburinta shucuurta.
Xorriyadda gudaha iyo addoonsiga qarsoon
Hadalka Seneca ee oranaya, “Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?” wuxuu si qotodheer u qeexayaa xorriyadda gudaha. Dad badan waxay u malaynayaan inay xor yihiin sababtoo ah ma jiraan cid amar ku siiso. Hase yeeshee, haddii hal eray oo qof kale ku yiraahdo uu beddelo niyaddaada maalinta oo dhan, xor ma tihid. Waxaad noqotay maxbuus uu xukumo ra’yiga dadka kale.
“Ma ahaan kartaa isla qofkii aad ahayd marka lagu ammaano iyo marka lagu caayo?”
Sidoo kale, haddii lacagtu kaa dhigto qof isla weyn, ama faqrigu kaa dhigo qof niyad-jabsan oo quusta, waxaa muuqata in shakhsiyaddaadu ay ku xiran tahay duruufo aanad adigu maamulin. Tani waa addoonsi qarsoon oo aan silsilado lahayn, balse maskaxda ku xiran.
Runta ugu adag ee nolosha ayaa ah in aynaan xakamayn karin inta badan waxa nagu dhacaya. Waxaan lumin karnaa shaqo, caafimaad, hanti, ama dad aan jecelnahay. Laakiin mar kasta waxaa weli inoo haray hal awood oo aan cidina naga qaadi karin: sida aan uga jawaabno dhacdooyinkaas. Geed xooggan ma noqdo mid aan dabayl arag, balse waa geed bartay sida uu xididdadiisa ugu adkeeyo dhulka. Sidoo kale, qofka caqliga leh ma aha kan aan la kulmin dhibaatooyin, ee waa kan aan u oggolaan dhibaatooyinku inay beddelaan akhlaaqdiisa. Qof kasta wuxuu leeyahay laba nolol. Midda hore waa waxa adduunku ku sameeyo. Midda labaadna waa waxa uu isagu ka sameeyo wixii adduunku ku sameeyay. Tan labaad ayaa ah meesha ay ka dhalato xorriyadda dhabta ahi. Qarnigan casriga ah, gaar ahaan dunida baraha bulshada, dad badan waxay qiimahooda ku cabbiraan tirada dadka ammaana, jecel, ama la dhacsan. Hal faallo oo taban ayaa mararka qaarkood burburisa kalsoonidii qofku isku qabay, halka ammaan badan uu dhalin karo kibir iyo isla weyni. Falasoofkaan, Seneca wuxuu ina xusuusinayaa in qofka noloshiisa ku dhisa sacabka dadka uu sidoo kale ku burburi doono marka sacabkaasi joogsado. Sidaas darteed, kalsoonida dhabta ahi waa mid ka dhalata qiyamka gudaha, ee aan ka iman bogaadinta bulshada.
“Qofka noloshiisa ku dhisa sacabka dadka uu sidoo kale ku burburi doono marka sacabkaasi joogsado.”
– Seneca
Bulshadeennu maanta waxay si weyn ugu baahan tahay dad leh degganaansho maskaxeed, dulqaad, iyo awood ay ku kala saaraan waxa ay xakamayn karaan iyo waxa aysan awoodin. Qofka sidaas sameeya wuxuu yareeyaa walbahaarka, wuxuuna gaaraa nolol deggan oo macno leh. Falsafadda Seneca waxay ina baraysaa in xorriyadda ugu qiimaha badan aysan ahayn xorriyadda dhaqdhaqaaqa, hantida, ama awoodda, balse ay tahay xorriyadda qofku ku ilaashado naftiisa. Haddii ammaan, dhaleeceyn, guul, ama guuldarro ay beddelaan qofnimadaada, waxaad awoodda noloshaada ku wareejisay waxyaabo aanad gacanta ku hayn.
Qofka xigmadda leh waa kan fahma in dhacdooyinka dibadda ay yihiin hirar is beddelaya, halka qiyamka iyo akhlaaqdu ay yihiin barroosinka nolosha. Sidaas awgeed, xorriyadda dhabta ahi ma aha in adduunku kuu noqdo sidaad rabto; waa inaad adigu noqoto qof aan adduunku si fudud u beddeli karin.
Su’aasha ugu muhiimsan ee qof kastaa is weydiin karo ma aha: “Maxaa maanta igu dhacay?” ee waa: “Waxii maanta dhacay ma beddeleen qofkii aan ahaa?” Jawaabta su’aashaas ayaa go’aaminaysa in qofku yahay maamulaha noloshiisa mise uu yahay qof ay duruufuhu maamulaan.
Falsafada iyo Arrimaha Bulshada
Sifooyinka loogu baahan yahay hoggaamiye Soomaaliyeed
Qaran waxaa dhisa shacabka, laakiin waxaa haga hoggaan daacad ah; marka hoggaanku toosnaado, qarankuna wuu toosaa.

Qaran kastaa wuxuu ku dhismaa hoggaan leh aragti fog, daacadnimo, caddaalad iyo karti uu bulshada ku mideeyo. Taariikhda dunidu waxay caddeyneysaa in horumarka iyo burburka ummaduhu ay inta badan ku xiran yihiin tayada hoggaamiyeyaashooda. Maanta, shacabka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay fahmaan waxa lagu garto hoggaamiye wanaagsan iyo sida loo doorto masuuliyiin u adeegaya danta guud, halkii ay ka dooran lahaayeen dano gaar ah ama ballanqaadyo aan sal lahayn.
Hoggaamintu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso qaran nabdoon, horumarsan, isla markaana leh caddaalad iyo midnimo. Taariikhda bani’aadamka waxay marag ka tahay in guusha ama guuldarrada ummaduhu ay si weyn ugu xiran tahay tayada hoggaamiyeyaashooda. Hoggaamiyaha wanaagsan waa qof leh aragti fog, damiir suuban, aqoon, geesinimo iyo karti uu bulshada ku mideeyo himilo qaran. Soomaaliya, oo soo martay marxalado adag oo ay ka mid yihiin dagaallo sokeeye, kala qaybsanaan iyo caqabado siyaasadeed, waxay maanta u baahan tahay hoggaamiyeyaal leh sifooyin ka tarjumaya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadi’da hoggaaminta casriga ah.
Falsafaddii hore ee hoggaaminta ayaa si qotodheer leh uga hadashay sifooyinka hoggaamiyaha wanaagsan. Sun Tzu, oo ahaa xeeldheere caan ku ahaa istaraatiijiyadda, wuxuu sheegay in hoggaamiyaha wanaagsan lagu garto garaad, kalsooni, bini’aadannimo, geesinimo iyo adkaysi. Garaadku waa awoodda lagu qiimeeyo xaaladaha laguna gaaro go’aanno sax ah. Kalsoonidu waxay dhalisaa ixtiraam iyo wada-shaqayn. Bini’aadannimadu waa naxariista iyo daryeelka shacabka. Geesinimadu waa awoodda lagu qaato go’aamo adag marka loo baahdo, halka adkaysiguna uu qofka ka caawiyo inuu u adkaysto caqabadaha.
Hoggaamiyaha wanaagsan waxa lagu gartaa garaadka, kalsoonimada, bini’aadannimo, geesinimo iyo adkaysi.
Du Mu, oo sharaxay aragtiyaha Sun Tzu, wuxuu tilmaamay in garaadku yahay awoodda qorshaynta, halka bini’aadannimadu ay tahay jacaylka shacabka iyo daryeelkooda. Wuxuu sidoo kale sheegay in geesinimadu tahay ka faa’iidaysiga fursadaha, halka anshaxuna yahay abuuridda nidaam iyo kala dambayn. Qaran aan lahayn nidaam iyo kala dambayn ma gaari karo horumar waara. Dhanka kale, Jin Lin wuxuu ka digay xad-dhaafka sifooyinka qaarkood. Wuxuu sheegay in garaad aan la soconin bini’aadannimo uu dadka ka fogeyn karo hoggaamiyaha, halka kalsooni xad-dhaaf ahi ay horseedi karto isla weyni iyo kacdoon. Sidoo kale, ad-adayg aan caqli ku dhisnayn wuxuu isu beddelaa dulmi iyo naxariis-darro. Sidaas darteed, hoggaamiyaha wanaagsan waa inuu isku dheellitiraa garaadka, naxariista, geesinimada iyo dulqaadka. Faylasuufkii weynaa Plato wuxuu aaminsanaa in hoggaamiyaha ugu habboon yahay qof jecel runta, neceb beenta, leh akhlaaq wanaagsan, aan hunguri badnayn, dadka si wanaagsan ula dhaqma, geesi ah, isla markaana leh xusuus iyo faham wanaagsan. Aragtidan ayaa weli muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maanta, maadaama hoggaamiyaha daacadda ahi yahay tiirka lagu ilaaliyo cadaaladda iyo wadajirka bulshada.
Qaran aan lahayn nidaam iyo kala dambayn ma gaari karo horumar waara.
Culimada casriga ah ee hoggaamintu waxay sii xoojiyeen fikradahaas. John Gardner wuxuu tilmaamay in hoggaamiyaha guulaysta uu leeyahay karti, aqoon, faham bulshada, hammi sare, kalsooni, dulqaad iyo awood uu ula qabsado isbeddellada. Kouzes iyo Posner, oo daraasad ku sameeyay tobannaan kun oo qof oo dunida ku nool, waxay ogaadeen in dadka oo dhan ay isku raaceen afar sifo oo ugu muhiimsan hoggaamiyaha: daacadnimo, aqoon, dhiirrigelin iyo aragti cad. John Maxwell isaguna wuxuu ku daray dabci wanaagsan, waayo-aragnimo, kalsooni nafeed iyo geesinimada uu qofku ku diido xeerarka guracan iyo musuqmaasuqa.
Robert Greenleaf wuxuu soo bandhigay mabda’a “Hoggaamiyaha Adeegaha”, isagoo sheegay in hoggaamiyaha dhabta ahi yahay qof dadka u adeega, kana hormariya danahooda kuwa gaarka ah. Hoggaamiyaha noocaas ahi wuxuu ka shaqeeyaa horumarinta waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo nabadda bulshada. Max DePree isaguna wuxuu yiri hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu dadka tusaa himilo cad, ugu dambayntiina wuxuu u mahadceliyaa cid kasta oo qayb ka qaadata guusha. Hoggaamiye aan dadka qadarin ma abuuri karo kalsooni iyo wadajir.
Aragtida Islaamka ee hoggaaminta
Islaamku wuxuu tilmaamay dhowr sifo oo hoggaamiyaha looga baahan yahay. Sifada ugu horraysa waa caddaaladda, maadaama hoggaamiye aan caddaalad ahayn uusan abuuri karin kalsooni iyo xasillooni. Hoggaamiyuhu waa inuu dadka u simaa xuquuqdooda, isaga oo aan eex u samayn qabiil, qoys ama saaxiibbo. Sifada labaad waa daacadnimo iyo ammaan. Hoggaamiyuhu waa inuu noqdaa qof lagu kalsoonaan karo, ilaaliya hantida qaranka, kana fogaada musuqmaasuqa iyo ku takri-falka awoodda. Daacadnimadu waxay saldhig u tahay xiriirka u dhexeeya shacabka iyo dowladda. Sifada saddexaad waa la-tashi (Shuuraa). Qur’aanku wuxuu amray in arrimaha bulshada lagu saleeyo wada-tashi. Hoggaamiyaha wanaagsan ma aha qof keligiis go’aannada qaata, balse waa qof dhegaysta culimada, aqoonyahannada, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Caqabadaha horyaalla hoggaaminta Soomaaliya
Bulshada Soomaaliyeed waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay hoggaan xumo, qabyaalad, musuqmaasuq iyo dano gaar ah. Dhibaatooyinkaas waxay dhaawaceen kalsoonidii shacabka iyo hay’adihii dowladda. Sidaa darteed, shacabka waxaa laga doonayaa inay ka gudbaan doorashooyinka ku salaysan qabiilka, ehelka ama dano gaar ah, ayna doortaan hoggaamiyeyaal lagu qiimeeyo aqoontooda, kartidooda iyo daacadnimadooda. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa: “Nin lagu seexdow ha seexan.” Maahmaahdani waxay bulshada xusuusinaysaa inaan lagu degdegin kalsoonida qof aan la hubin taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa. Hoggaamiyaha wanaagsan waxaa lagu gartaa ficilkiisa, ee laguma garto hadalladiisa oo keliya.
Doorka shacabka Soomaaliyeed
Doorashada hoggaamiye wanaagsan waa masuuliyad saaran dhammaan shacabka. Bulshadu waa inay qiimeysaa aqoonta, akhlaaqda, waayo-aragnimada iyo kartida musharraxa. Sidoo kale, waa inay la xisaabtanto hoggaamiyeyaasha marka ay xilka qabtaan, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan iyo hufnaan. Qaran horumarsan laguma dhiso hoggaan keliya, balse waxaa dhisa hoggaan iyo shacab wada shaqeeya. Marka shacabka iyo hoggaanku ay wadaagaan himilo qaran, waxaa suuragal noqonaya in la helo nabad, horumar iyo dowladnimo waarta.
Bulshada Soomaaliyeed waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay dhibaatooyin ka dhashay hoggaan xumo, qabyaalad, musuqmaasuq iyo dano gaar ah. Taasi waxay keentay in fursado badan oo horumar lagu gaari lahaa ay lumiyaan. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay indhaha kala furaan marka ay dooranayaan hoggaamiyeyaashooda. Waa in aan lagu sirmin hadallo macaan, muuqaal qurux badan ama ballanqaadyo aan waxqabad lahayn.
“Qaran waxaa dhisa shacabka, laakiin waxaa haga hoggaan daacad ah; marka hoggaanku toosnaado, qarankuna wuu toosaa.”
Hoggaamiyaha waa in lagu qiimeeyaa taariikhdiisa, daacadnimadiisa, kartidiisa iyo adeegga uu bulshada hore ugu qabtay. Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa: “Nin lagu seexdow ha seexan.” Micnaheedu waa in qofka aan la hubin lagu aamino mustaqbalka bulshada ay tahay khalad weyn. Sidaas darteed, shacabka waa inay hubiyaan in hoggaamiyuhu yahay qof run sheeg ah, leh aragti qaran, kana fog eex, qabyaalad iyo dano gaar ah. Dhismaha qaran xooggan wuxuu u baahan yahay hoggaan mideeya shacabka, dhiirrigeliya waxbarashada, horumariya dhaqaalaha, ilaaliya caddaaladda, kana shaqeeya nabad waarta.
Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu shacabka u arkaa masuuliyad uu Alle hortiisa uga jawaabayo, halkii uu uga arki lahaa fursad uu ku gaaro dano shakhsiyadeed. Sidaas awgeed, xilku waa adeeg, mana aha sharaf keliya. Hoggaamintu waa laf-dhabarta horumarka ummad kasta. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal leh aqoon, akhlaaq, geesinimo, daacadnimo iyo damiir nool.
Haddii shacabka Soomaaliyeed ay si miyir leh u doortaan hoggaamiyeyaal tayo leh, waxaa suuragal ah in dalka dib loogu soo celiyo nabad, horumar iyo midnimo. Haddaba, waa inaan ka gudubnaa qabyaalad iyo dano gaaban, kana shaqeynaa dhismaha qaran ay hoggaamiyaan dad karti iyo hufnaan leh. Hoggaamiye wanaagsan waa iftiinka ummadda, halka hoggaamiye xuna uu noqon karo sababta burburka bulshada. Sidaa darteed, doorashada hoggaamiyaha saxda ahi waa masuuliyadda ugu weyn ee shacabka saaran.
Aragtida Indheergaradka
Maxay ka dhigan tahay in Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya?
Doorashadan waxay iftiimisay caqabado la xiriira hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed, kalsoonida ay bulshada ku qabto hay’adaha dowliga ah iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Doorashada Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ee xilka hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay noqotay dhacdo siyaasadeed oo saamayn weyn ku leh maamulka Koonfur Galbeed, dowladda federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan nidaamka federaalka ee dalka.
Doorashadan oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa timid xilli uu jiray muran siyaasadeed, loollan hoggaamineed, iyo cabashooyin la xiriiray hufnaanta habraaca doorashada. Natiijada doorashada waxaa hareeyay dood iyo su’aalo ku saabsan habkii loo maareeyay geeddi-socodka doorashada. Waxaa si qotodheer u falanqeynaynaa macnaha siyaasadeed, maamul, amni, iyo dimuqraadiyadeed ee ka dhalan kara doorashada Aadan Madoobe, iyadoo la qiimeynayo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla hoggaankiisa cusub.
Asalka doorashada iyo xaaladda Siyaasadeed
Doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed waxay dhacday kadib muddo ku-meel-gaar ah oo socotay 72 maalmood. Intii lagu guda jiray diyaarinta doorashada, waxaa jiray muran ku saabsan habraaca codbixinta iyo qaabka loo maareynayo tartanka musharraxiinta. Wararka ka soo baxay Baydhabo waxay muujiyeen in musharraxiin gaar ahaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ay muujiyeen walaac ku saabsan jebinta heshiisyo hore loo gaaray, kuwaas oo ay ka mid ahayd in aan taleefannada gacanta lala geli karin goobta codbixinta.
Cabashadan waxay dhalisay su’aalo ku saabsan heerka madax-bannaanida codadka xildhibaannada iyo hufnaanta doorashada. Inkasta oo murannadaas jireen, doorashadu waxay ku dhammaatay in Aadan Madoobe uu helo 88 cod oo ka mid ah 90-ka xubnood ee coddeeyay. Natiijadan aadka u ballaaran waxay muujisay in inta badan wakiilada Koonfur Galbeed oo inta badan ka socdeen ururka JSP ay taageereen musharraxnimadiisa.
Muhiimadda doorasho si dimuqraadiyaddi ah ku dhacda
Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso dowladnimo casri ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ku saleysan rabitaanka shacabka. Waa habka kaliya ee muwaadiniintu si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, uguna muujiyaan aragtidooda siyaasadeed. Marka doorashooyinku noqdaan kuwo hufan, xor ah oo caddaalad ku dhisan, waxaa sii xoogeysanaya kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda iyo sharciyadda hoggaanka talada haya. Dhanka kale, haddii la waayo nidaam dowladnimo oo dimuqraadi ah, waxaa halis gelaya xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda iyo xaqa ka qaybgalka siyaasadda. Bulsho aan lahayn nidaam dimuqraadiyadeed oo shaqeynaya waxay wajahdaa caburin, musuqmaasuq iyo awood ku ururta kooxo ama shaqsiyaad gaar ah.
Doorashooyinka caddaaladda ku dhisan waxay sidoo kale abuuraan jawi tartan siyaasadeed oo caafimaad qaba, kaas oo dhiirrigeliya isla xisaabtan iyo in hoggaamiyeyaashu ka shaqeeyaan danaha shacabka. Haddii geeddi-socodka doorashada lagu xadgudbo ama lagu shaki geliyo hufnaantiisa, waxaa dhaawacmaya kalsoonida shacabka, waxaana soo baxa khilaafyo siyaasadeed iyo xasillooni darro. Sidaas darteed, illaalinta doorasho xor iyo xalaal ah waa waajib saaran dowladda, guddiga doorashooyinka, siyaasiyiinta iyo shacabka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan cadaalad, isla xisaabtan iyo rabitaanka shacabka
Muhiimadda siyaasadeed ee doorashada
Doorashada Aadan Madoobe ku guulaystay sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka waxay leedahay muhiimad siyaasadeed oo heer gobol iyo heer qaranba leh. Marka hore, wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Soomaaliya, isagoo muddo afar sano ah soo hayay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Khibraddiisa siyaasadeed waxay siinaysaa awood uu ku fahmi karo habka ay u shaqeeyaan hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Taasi waxay kordhin kartaa wadashaqeynta u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe. Doorashadiisu waxay sidoo kale muujin kartaa in dowladda federaalku ay doonayso inay xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed. Sababta oo ah Aadan Madoobe wuxuu ahaa mas’uul si dhow ula shaqeynayay madaxda dowladda federaalka. Sidaas darteed, guushiisa waxaa loo fasiran karaa tallaabo lagu adkeynayo xiriirka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Baydhabo.
Dhanka kale, mucaaradka qaarkood waxay u arkaan arrintan inay keeni karto cabsi la xiriirta madax-bannaanida dowlad-goboleedyada. Haddii maamul goboleed lagu arko inuu si weyn ugu tiirsan yahay dowladda dhexe, waxaa dhici karta in kalsoonida qaar ka mid ah bulshada ama siyaasiyiinta deegaanka ay yaraato.
Saameynta dowladda federaalka Soomaaliya
Nidaamka federaalka Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay wadaagista awoodda u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Sidaa darteed, doorashada Aadan Madoobe waxay noqon kartaa tijaabo cusub oo lagu qiimeeyo sida uu nidaamka federaalku u shaqeynayo. Haddii hoggaanka cusub uu si guul leh ula shaqeeyo dowladda federaalka isagoo isla markaana ilaalinaya danaha shacabka Koonfur Galbeed, waxaa laga yaabaa inay tani noqoto tusaale wanaagsan oo muujinaya faa’iidada nidaamka federaalka.
Hase yeeshee, haddii la dareemo in maamulka cusub uu si buuxda ugu xiran yahay dowladda dhexe, waxaa laga yaabaa inay soo baxaan muranno siyaasadeed oo ku saabsan madax-bannaanida maamulka. Sidaas darteed, dheellitirka xiriirka labada dhinac wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah guusha maamulka cusub.
Muranka hareeyay doorashada
Mid ka mid ah qodobbada ugu badan ee laga hadlay doorashada ayaa ahaa muranka ku saabsan taleefannada gacanta ee lagu galay goobta codbixinta. Guddiga doorashada ayaa hore u mamnuucay arrintan si loo ilaaliyo sirta codbixinta iyo madax-bannaanida xildhibaannada. Wararka ka soo baxay goobta doorashada waxay tilmaameen in amarkaasi aan si buuxda loo dhaqan gelin. Taasina waxay dhalisay eedeymo iyo shaki siyaasadeed.
Marka laga eego dhinaca dimuqraadiyadda, kalsoonida lagu qabo doorasho kasta waxay ku xirnaanaysaa hufnaanta habraaceeda. Xitaa haddii natiijada la aqbalo, jiritaanka cabashooyin aan si buuxda loo xallin waxay dhaawici kartaa sumcadda geeddi-socodka doorashada. Sidaa awgeed, maamulka cusub waxaa waajib ku ah inuu abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jiraan wada-hadal, dib-u-heshiisiin, iyo ka qeybgal siyaasadeed oo loo siman yahay.
Saameynta amniga
Koonfur Galbeed waa mid ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu muhiimsan Soomaaliya marka laga hadlayo amniga. Deegaannada maamulkaasi waxay muddo dheer wajahayaan caqabado amni oo ay ka mid yihiin weerarrada Al-Shabaab, colaadaha deegaanka, iyo khilaafaadka siyaasadeed. Doorashada Aadan Madoobe waxay dadka qaar u arkaan fursad lagu xoojin karo amniga maadaama uu leeyahay khibrad siyaasadeed oo heer qaran ah. Waxaa laga filayaa inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda federaalka, ciidamada qaranka, iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga gobolka.
Dhanka kale, haddii murannada siyaasadeed ee ka dhashay doorashadu sii socdaan, waxaa suuragal ah inay abuuraan jawi amni darro ah oo ay ka faa’iideystaan kooxaha nabad-diidka ah. Sidaas darteed, xalinta khilaafaadka siyaasadeed waxay muhiim u tahay sugidda amniga Koonfur Galbeed.
Saameynta horumarka dhaqaale iyo bulsho
Shacabka Koonfur Galbeed waxay muddo dheer la tacaalayeen dhibaatooyin la xiriira saboolnimo, shaqo la’aan, adeegyo caafimaad oo liita, iyo caqabado dhinaca waxbarashada ah. Hoggaanka cusub waxaa laga filayaa inuu mudnaanta siiyo horumarinta adeegyada bulshada. Guusha Aadan Madoobe waxay siinaysaa fursad uu ku isticmaalo xiriirradiisa siyaasadeed si loo helo taageero dheeraad ah oo gudaha iyo dibaddaba ah. Haddii si wanaagsan loo maareeyo, waxaa suuragal ah in maamulka cusub uu hirgeliyo mashaariic horumarineed oo kor u qaada nolosha shacabka.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xoojiyo maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, iyo ganacsiga. Koonfur Galbeed waxay leedahay dhul beereed hodan ah, waxaana suuragal ah in horumarinta wax-soo-saarka gudaha ay door weyn ka ciyaarto koboca dhaqaalaha gobolka.
Caqabadaha horyaalla hoggaanka cusub
Madaxweynaha cusub waxaa horyaalla dhowr caqabadood oo waaweyn. Sidoo kale hoggaankan cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu xantaa qof ay aad u liidato aqoontiisa dowladnimo iyo xittaa uusan fahansaneen marxaladda KG marayso maanta ee loogu baahan yahay inuu samatabixiyo. Waxaan kusoo koobay 6 qodob oo aan isleeyahay haddii uu xoogga saarro wuxuu meesha ka saari doonaa xantii ahayd inay liidato aqoontiisa dowladnimo:
1. Xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.
2. Dib-u-heshiisiinta dhinacyada siyaasadeed ee isku khilaafsan doorashada.
3. Horumarinta adeegyada bulshada.
4. Xoojinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.
5. Ilaalinta dheellitirka xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka.
6. Dhisidda kalsoonida shacabka ee hay’adaha maamulka.
Guusha ama fashilka maamulka cusub waxay si weyn ugu xirnaan doontaa sida uu uga jawaabo arrimahan. Doorashada Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” ee hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waa dhacdo siyaasadeed oo leh saameyn heer gobol iyo heer qaranba ah. Waxay muujinaysaa isbeddel hoggaamineed, xoojinta xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyo rajada laga qabo horumar cusub oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo maamulka ah. Doorashadan waxay iftiimisay caqabado la xiriira hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed, kalsoonida ay bulshada ku qabto hay’adaha dowliga ah iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Sidaa darteed, maamulka cusub waxaa laga filayaa inuu xoogga saaro dib-u-heshiisiin, wadatashi siyaasadeed, iyo hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax ku ool ah.
Haddii Aadan Madoobe uu ku guuleysto inuu isku dheellitiro danaha siyaasadeed, amniga, iyo baahiyaha shacabka, doorashadiisa waxaa loo aqoonsan karaa tallaabo muhiim ah oo ka qayb qaadatay xasilloonida, dowlad-dhiska, iyo horumarka Soomaaliya. Hase yeeshee, haddii tabashooyinka jira aan xal loo helin, waxaa jiri karta khatar ah in murannada siyaasadeed ay sii socdaan, taas oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan nidaamka federaalka dalka.
Falsafada iyo Arrimaha Bulshada
Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda – Vladimir Lenin
Mustaqbalka ummad kasta kuma xirna oo keliya kheyraadkeeda dabiiciga ah ama awooddeeda ciidan, balse wuxuu si weyn ugu xiran yahay tayada fikirka iyo aqoonta ay leedahay dhalinyaradeeda.

Waxaa jira oraah caan ah oo loo nisbeeyo Vladimir Lenin oo oranaysa: “Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda.” Oraahdani waxay xambaarsan tahay macne qotodheer oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya hab fikirka dhallinyarada iyo jiritaanka qaran.
Horta, waa kumaa Vladimir Lenin?
Vladimir Ilyich Ulyanov wuxuu dhashay 22 Abriil 1870 – 21 Janaayo 1924, waxaa loo yaqaanay Vladimir Lenin, wuxuu ahaa kacaanyahan Ruushiyan ah, siyaasi iyo nin xambaarsanaa aragti siyaasadeed. Wuxuu ahaa madaxii ugu horreeyay ee dowladdii Soofiyeeti Ruushka laga bilaabo 1917 ka dibna Midowgii Soofiyeeti laga bilaabo 1922 ilaa dhimashadiisii 1924. Isagoo ahaa aasaasihii Bolsheviks, Lenin wuxuu hogaaminayay Kacaankii Oktoobar, kaas oo aasaasay dowladdii ugu horreysay ee shuuciga ah ee adduunka. Dowladdiisu waxay ku guuleysatay Dagaalkii Sokeeye ee Ruushka waxayna abuurtay dowlad hal xisbi ah oo hoos timaada Xisbiga Shuuciga. Fikrad ahaan wuxuu ahaa Marxist, horumarkiisa ku aaddan fikradda siyaasaddeed waxaa loo yaqaanaa Leninism.
Lenin wuxuu qaatay siyaasadda hantiwadaagga ee kacaanka ka dib markii walaalkiis la dilay 1887 isagoo qorsheynayay inuu dilo Tsar Alexander III. Waxaa laga saaray Jaamacadda Imperial ee Kazan isagoo ka qayb qaatay dibadbaxyada ardayda, wuxuuna qaatay shahaadada sharciga ka hor inta uusan u guurin Saint Petersburg 1893 oo uu noqday dhaqdhaqaaqe caan ah oo Marxist ah. Sannadkii 1897, Lenin waxaa loo masaafuriyay Siberia muddo saddex sano ah, ka dib wuxuu u guuray Galbeedka Yurub, oo ay ku jirto Switzerland, wuxuuna noqday shakhsi hormuud ka ah Xisbiga Shaqaalaha ee Dimuqraadiga Bulshada Ruushka. Sannadkii 1903, xisbigu wuxuu u kala qaybsamay kooxdii Bolshevik ee Lenin iyo Mensheviks, iyadoo Lenin uu u dooday xisbi hormuud ah oo hoggaamiya kooxda proletariat-ka si ay u dhisaan hantiwadaagga. Lenin si kooban ayuu ugu soo laabtay Ruushka intii lagu jiray Kacaankii 1905. Intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, wuxuu u ololeeyay in loo beddelo kacaan proletariat ah oo Yurub oo dhan ah. Ka dib markii Kacaankii Febraayo ee 1917 uu xilka ka qaaday Tsar Nicholas II, Lenin wuxuu ku soo laabtay Ruushka wuxuuna door hoggaamineed ka qaatay Kacaankii Oktoobar.

Vladimir Ilyich Ulyanov wuxuu dhashay 22 Abriil 1870 – 21 Janaayo 1924, waxaa loo yaqaanay Vladimir Lenin, wuxuu ahaa kacaanyahan Ruushiyan ah.
Dowladdii Lenin waxay baabi’isay lahaanshaha gaarka ah ee dhulka, waxay qarameysay warshadaha waaweyn iyo bangiyada, waxay ka baxday dagaalka iyadoo saxiixday Heshiiskii Brest-Litovsk waxayna dhiirrigelisay kacaanka adduunka iyada oo loo marayo Shuuciga Caalamiga ah. Bolsheviks waxay markii hore awoodda la wadaageen Xisbiga Bidix ee Hantiwadaagga-Kacaanka, laakiin intii lagu jiray dagaalkii sokeeye, waxay awoodda ku hayeen Xisbiga Shuuciga waxayna caburiyeen mucaaradka Argagixisada Cas, taas oo tobanaan kun lagu dilay ama la xiray. Isagoo ka jawaabaya abaarta iyo kacdoonkii dadweynaha, Lenin wuxuu dib u rogay siyaasaddiisii shuuciga dagaalka sannadkii 1921 wuxuuna dhaqaalaha ku xasiliyay Siyaasadda Dhaqaalaha Cusub. Ciidanka Cas waxay ka adkaadeen ciidamo badan oo ka soo horjeeda Bolshevik iyo gooni-u-goosadka dagaalkii sokeeye, ka dib markii qaar ka mid ah dalalka aan Ruushka ahayn ee ka go’ay boqortooyada ay dib ugu midoobeen Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1922; kuwa kale, gaar ahaan Poland, waxay heleen madaxbannaani. Lenin wuxuu la kulmay saddex jeer oo uu ku dhacay 1922 iyo 1923 ka hor geeridiisii 1924, isagoo bilaabay halgan awoodeed oo ku dhammaaday kor u kaca awoodda Joseph Stalin.
Lenin wuxuu ahaa mowduucii ka dambeeyay geeridii ka dib markii uu ka mid ahaa koox shakhsiyadeed oo baahsan oo ka jirtay Midowgii Soofiyeeti ilaa burburkii 1991. Intii uu Stalin ahaa, wuxuu noqday hoggaamiye fikradeed oo ka tirsan Marxism-Leninism iyo saameyn muuqata oo ku leh dhaqdhaqaaqa shuuciga caalamiga ah. Lenin oo ah shakhsi muran badan dhaliyay oo aad u kala qaybiya, taageerayaashiisu waxay ku ammaaneen dhisidda dawlad kacaan ah oo qaadday tallaabooyin loo qaaday dhanka hantiwadaagga, ka-hortagga imbaraadooriyadda, dib-u-habaynta bulshada iyo xakamaynta shaqaalaha, halka dhaleecayntiisu ay ku cambaareeyeen inuu aasaasay kaligii-talisnimo oo kormeeraysay dilalka ballaaran iyo cadaadiska siyaasadeed. Waxaa si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan qarnigii 20aad.
Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda
– Vladimir Lenin
Dhallinyaradu waa awoodda ugu weyn ee bulshada, waana kuwa qaabeynaya jihada siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo dhaqan ee jiilalka soo socda. Sidaa darteed, haddii la wiiqo awooddooda wax-fakar, aqoon-kororsi, iyo hal-abuur, waxaa dhaawacmaya aasaaska qaranka laftiisa. Mustaqbalka ummad kasta kuma xirna oo keliya kheyraadkeeda dabiiciga ah ama awooddeeda ciidan, balse wuxuu si weyn ugu xiran yahay tayada fikirka iyo aqoonta ay leedahay dhalinyaradeeda.
Waxbarashadu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu kobciyo fikirka caafimaadka qaba. Bulsho kasta oo horumar doonaysa waa inay mudnaanta koowaad siisaa waxbarashada dhalinyarada. Waxbarashadu ma aha oo keliya helitaanka shahaadooyin, balse waa geeddi-socod lagu horumariyo caqliga, lagu kobciyo xirfadaha xalinta dhibaatooyinka, laguna dhiirrigeliyo hal-abuurka. Marka dhalinyarada la baro inay si madax-bannaan u fikiraan, su’aalo iswaydiiyaan, oo ay xaqiiqooyinka falanqeeyaan, waxay noqdaan muwaadiniin awood u leh inay hormariyaan dalkooda. Hase yeeshee, haddii waxbarashadu noqoto mid liidata ama lagu saleeyo keliya xifdinta macluumaadka iyada oo aan la dhiirrigelin fikirka muhiimka ah, waxaa dhalan kara jiil aan awoodin inuu la qabsado isbeddellada dunida casriga ah.
Diinta Islaamku waxay si gaar ah u qiimeysaa aqoonta iyo isticmaalka caqliga. Qur’aanka Kariimka ah waxaa ku soo noqnoqda baaqyo ku saabsan fikirka, ka-fiirsashada, iyo fahanka xaqiiqooyinka nolosha. Alle SWT wuxuu yiri:
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا
“Miyayna ka fiirsanayn Qur’aanka mise quluubtooda ayaa qufulan?”
(Suuratul Muhammad: 24)
Aayaddani waxay muujinaysaa in qofka Muslimka ahi looga baahan yahay inuu isticmaalo maskaxdiisa, ka fikiro, oo uu fahmo waxa ku xeeran. Bulsho aan ka fiirsan arrimaheeda oo aan falanqayn xaaladeeda waxay halis ugu jirtaa inay ku dhacdo jahli iyo dib-u-dhac. Sidoo kale Alle SWT wuxuu yiri:
إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَاخْتِلَافِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لَآيَاتٍ لِّأُولِي الْأَلْبَابِ
(Suuratu Aali Cimraan: 190)
Aayaddani waxay tilmaamaysaa in dadka caqliga leh ay yihiin kuwa ka faa’iidaysta fikirka iyo cilmi-baarista si ay u fahmaan adduunka ku hareeraysan. Taasi waa saldhigga horumarka sayniska, tiknoolajiyadda, iyo hal-abuurka.
Madaxbannaanida aqooneed iyo fikir waa jiritaanka qaran
Madaxbannaanida aqooneed waa arrin kale oo muhiim u ah jiritaanka qaranka. Marka dhalinyarada loo oggolaado inay si xor ah u baaraan fikradaha kala duwan, u falanqeeyaan xogaha, una gaaraan gunaanad ku salaysan xaqiiqooyin, waxaa abuurmaya bulsho firfircoon oo wax soo saar leh. Dhanka kale, haddii maskaxda dhalinyarada lagu xakameeyo cabsi, dacaayad, ama marin habaabin joogto ah, waxaa daciifa awooddooda garasho. Taariikhda adduunka waxaa laga helayaa tusaalooyin badan oo muujinaya in dowlado iyo bulshooyin badan ay ku burbureen markii aqoontii iyo fikirkii xorriyadda lahaa la cabburiyay.
Oraahda Vladimir Lenin waxay sidoo kale ka digaysaa in xakamaynta maskaxdu ay ka khatar badan tahay qabsashada dhul. Ciidamo shisheeye waxay qabsan karaan dhul muddo kooban, laakiin haddii maskaxda dhalinyarada la qabsado oo la beddelo fikirkeeda, saameyntaasi waxay socon kartaa jiilal badan. Sidaa darteed, maalgashiga ugu weyn ee qaran kasta waa inuu noqdaa horumarinta garaadka iyo aqoonta jiilkiisa cusub. Qur’aanka Kariimka ah wuxuu sare u qaaday qiimaha aqoonta isagoo leh:
قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ
“Dheh: Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon?”
(Suuratuz Zumar: 9)
Aayaddani waxay caddeynaysaa in aqoontu tahay furaha sharafka, horumarka, iyo guusha. Qaranka leh dhalinyaro aqoon leh wuxuu awood u leeyahay inuu la tartamo ummadaha kale, halka qaran leh dhalinyaro jahli ku nool uu wajahayo caqabado badan. Sidoo kale Alle SWT wuxuu yiri:
يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ
“Alle wuxuu kor u qaadaa darajooyin kuwa idinka mid ah ee rumaystay iyo kuwa la siiyay cilmiga.”
(Suuratul Mujadalah: 11)
Aayaddani waxay muujinaysaa in cilmiga iyo aqoontu yihiin waddada lagu gaaro sharaf iyo hormar. Marka dhalinyarada lagu barbaariyo aqoon, akhlaaq, iyo fikir wanaagsan, waxay noqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee ilaalinaya jiritaanka iyo midnimada qaranka.
Gabagabadii, oraahda ah “Haddii aad rabto inaad burburiso qaran, burburi fikirka dhallinyaradeeda” waxay xasuusinaysaa in awoodda ugu weyn ee ummaddu aysan ku jirin hantideeda ama ciidankeeda, balse ay ku jirto maskaxda iyo aqoonta jiilkeeda da’da yar. Waxbarashada tayada leh, fikirka muhiimka ah, madaxbannaanida aqooneed, iyo dhiirrigelinta hal-abuurku waa tiirarka lagu dhiso bulsho adag oo horumar leh. Qur’aanka Kariimka ahna wuxuu si joogto ah u boorinayaa dadka inay wax bartaan, ka fikiraan, oo isticmaalaan caqligooda. Sidaas darteed, ilaalinta fikirka iyo aqoonta dhalinyarada waa maalgelinta ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo mustaqbal ammaan ah, horumar waara, iyo qaran xooggan oo jiilasha dambe uga taga dhaxal wanaagsan.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM
Soomaaliya2 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya









































