Connect with us

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Afhayeenka xoghayaha guud ee QM oo ka hadlay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya

Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha ay maanta wax ka weydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Published

on

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Stephane Dujarric

Xaaladda gobolka Geeska Afrika oo sii xumaatay kadib markii ay Itoobiya heshiis ay ku tilmaamtay is-afgarad dhexmaray iyada iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay Somaliland. Kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen, golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska u ogolaanaya Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Baaqyada caalamiga ee ay Soomaaliya dirtay ayaa waxaa ka soo jawaabay ururo caalami ah iyo dowlado. Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay is-afgaradka ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay si aad ah ay uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsaneyso Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay arrintaas mowqif uga qaadan laheyd.

Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha ay maanta wax ka weydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxax uu tixgeliyey walaaca Soomaaliya ee ku aaddan Is-afgaradkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo. Xoghayaha Guud waxa uu dib u xusay in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyay ixtiraamka uu u hayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

“Xoghayaha guud waxa uu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo wax ku ool ah si ay uga fogaadaan fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale.

Kadib faragelintii Itoobiya ee biyaha badda Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Masar, kaddib xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiska. Masar ayaa ku baaqday in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ka dib markii ay Itoobiya la gashay heshiis dhinaca badda ah oo dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

“Masar waxa ay hoosta ka xariiqday baahida loo qabo in si buuxda loo ixtiraamo midnimada Soomaaliya iyo madaxbanaanida dhulkeeda oo dhan iyo xaqa ay u leedahay in ay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Waxay ka digtay in “ficilada iyo hadalada ka soo baxaya dalalka deriska ah ay wiiqi karaan xasiloonida Geeska Afrika.”

Xafiiska Abiy Axmed ayaa bogaadiyay heshiiskaas inuu ahaa mid “taariikh ah”, isagoo sheegay in “loogu talagalay in uu u adeego qaab-dhismeedka iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dhinac.”

Itoobiya waxay lumisay dekedaheeda badda cas horaantii sagaashamaadkii ka dib dagaalkii xornimada Ereteriya, kaas oo socday 1961 ilaa 1991kii. 1991-kii, Ereteriya waxay xornimada ka qaadatay Itoobiya, taasoo keentay in la dhiso laba dal oo kala duwan. Kala go’aasi waxa uu sababay in Itoobiya ay si toos ah u waydo marinka badda cas iyo dekedaha muhiimka ah. Itoobiya ayaa tan iyo markaas ahayd mid aan bad lahayn, taas oo saamaysay awooddeeda in ay si hufan uga ganacsato badda. Itoobiya iyo Masar ayaa muddo sanado ah ka dhaxeeyay xiriir diirran oo ku saabsan mashruuca biyo xireenka Niil ee Itoobiya.

Facebook Comments Box

Xafiiska wararka ee Diblomaasi waa xafiiska u qaabilsan wararka maalin laha ah. Waxaa lagu aruuriyaa warbixinada iyo war-saxaafeedyada ay daabacaan hay'adaha caalamiga, kuwa maxaliga iyo ururada siyaasaddeed. Qofka mas'uulka ka ah xafiiska wararka Diblomaasi waa madaxa Xafiiska Wararka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Masar iyo Soomaaliya ayaa horay u lahaa xiriir qoto-dheer balse wakhtiyadii dambe xariirka ma wanaagsaneyn. Xiriirka labadan dowladdood waxaa horey u xumeeyey, marwalbana xumeyn kara jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Published

on


Soomaaliya waxay waligeed ahayd goob siyaasad-juqraafiyeedka ugu muhiimsan guud ahaan qaaradda Afrika. Marka loo fiiriyo isku dhafka kheyraadka istaraatijiyadeed ee Soomaaliya, tirakoobyada kobaca dhalmada oo wanaagsan iyo rajada ah in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad xalaal ah oo nidaam caddaalad iyo kala dambeyn ku dhisan lagana gudbo 4.5.

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya waa xiriir laba geesood ah oo u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya. Labada waddan waxay xubno ka yihiin Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika, waxayna leeyihiin iskaashi soo jireen ah oo aad u qoto-dheer. Soomaaliya waxay safaraad ku leedahay magaalada Qaahira

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya, ilaa 1960-meeyadii, waxa uu ku dhisnaa siyaasad isku tiirsanaan ah. Soomaaliya inta badan waxay Masar kula jirtay fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa Carabta. Tusaale ahaan, Soomaaliya waxa ay Masar ku garab istaagtay heshiiskii nabadeed ee Camp David ay la gashay Israa’iil sannadkii 1978-kii, waxaana ka horreeyay guutadii madaafiicda Soomaalida ee ka barbar dagaalamaysay ciidamadii Masar dagaalkii 1973-kii. Tani waxay iftiimisay xoojinta xiriirka labada dal. Runtii, Diblomaasigii Masar ee Kamaal El-Din Saalax oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Geeska Afrika looga mahad-naqayaa sida uu u taageersan yahay midnimada Soomaaliyeed; waxaana dilay gumaystihii Talyaaniga 1957kii.

Wakhtiyadii dambe, xiriirka Masar iyo Soomaaliya waxaa ku jiray madmadow

Madmadow, xiisad iyo sii kicinta suurtagalka ah ayaa ku xeeran mustaqbalka xiriirka Masar iyo Soomaaliya, taas oo ay ugu wacan tahay mawqifka aan caddayn ee biyo xireenka weyn ee Renaissance Dam ee Itoobiya iyo colaadda u dhaxaysa Itoobiya, Masar iyo Suudaan ee uu ka dhashay webiga Niil.

Soomaaliya ayaa horrey walaac ka muujisay laba go’aan oo ay Jaamacadda Carabta ka soo saartay arrintan, kuwaas oo dhaliyay duufaanno warbaahineed oo gudaha iyo dunida Carabta ah, gaar ahaan warbaahinta Masar. Baraha bulshada ayaa lagu arkayay qoraalo badan oo aflagaado ah oo ka dhan ah Soomaaliya. Waxaa soo baxay baaqyo lagu xumeynayo Soomaalida, laguna dalbanayo in laga soo tarxiilo dalalka Khaliijka, iyadoo ay ugu wacan tahay mowqifka dhex-dhexaadnimada ah ee Soomaaliya iyo mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay arrintaas biyo-xireenka ay damacsan tahay Itoobiya.

“Xiriirka labadan dowladdood waxaa horey u xumeeyey, marwalbana xumeyn kara jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika.”

Mawqifka dhexdhexaadnimo ee ay Soomaaliya qaadatay ayaa waxaa loo arkayaa in Soomaaliya ay ku xiran tahay siyaasadda gobolka ee Itoobiya hoggaanka u haysay, Itoobiya waxay kamid tahay ciidamada AMISOM (ATMIS) ee ku sugan gudaha Soomaaliya; sidoo kale labada dal waxaa ka dhaxeeya heshiisyo dhaqaale iyo amni. Sidaa darteed, Soomaaliya waxay u janjeertay inay u janjeerto dhanka Itoobiya waxayna ahayd siyaasaddii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu soo doortay 4.5, taasoo ka dhigaysa doorka Masar ee Geeska Afrika mid kaabaya quwadaha kale ee gobolka, Carabta iyo kuwa caalamiga ah, inkasta oo ay hore ugu xoog badnaayeen oo ay xulafo ku ahaayeen gobolka oo leh tixgalin dhinaca biyaha iyo amniga ah ee dawladda Qaahira.

IS-XASUUSIN: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya baryo kuma aysan imaanin. Duullaankii Itoobiya ee Soomaaliya waxa uu ahaa dagaal hubaysan oo ay ku lug lahaayeen inta badan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (DKMG) iyo ciidamo Soomaali ah oo ka yimid Puntland oo ka soo horjeeda dallada Islaamiyiinta Soomaaliya, Midowga Maxkamadaha Islaamka oo hoggaanka u haayay Sheekh Shariif Sh. Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyo maleeshiyaad kale oo gacan saar la leh maamulka Soomaaliya. Tallaabooyinka Itoobiya waxaa sabab u ah maxaakiimta oo qabsaday inta badan koonfurta Soomaaliya dabayaaqadii 2006dii.

Itoobiya ayaa si rasmi ah ula dagaalantay xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya, iyadoo duqeymo ka geysatay gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ciidamo dhulka ka hawlgala kasoo buuxisay Soomaalida, taasoo noqotay dhibaato halis ah oo ka socday gudaha Soomaaliya oo rabshado isu beddelay, waxaana kasii dhashay ururka dhalinyarada ah ee Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa telefishinka ka sheegay in uu amray tallaabadaas, sababtoo ah ma uusan haysan wax doorasho ah. “Ciidamada difaaca Itoobiya waxaa lagu qasbay inay galaan dagaal si ay u difaacaan madax-bannaanida qaranka,” ayuu yirri. “Ma isku dayeyno inaan dowlad u soo dhisno Soomaaliya, mana nihin ujeedo aan ku faragelineyno arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Duruufaha jira uun baa nagu qasbay.”

Tan iyo wakhtigii uu qabsaday Cabdifataax Al-siisi xukunka Masar diblomaasiyadda Masar ee caalamka ayaa sii xumaaday; Masar xeeladdeeda iyo siyaasaddeeda ayaa jiho cusub qaaday. Marka la eego xulafadeeda gobolka Geeska Afrika. Masar ma aysan xoojinin xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo og in Soomaaliya ay la dhiban tahay kasoo kabashadeeda tan iyo burburkii dowladda dhexe.

Garab-istaagga Masar: Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya

Kadib, markii Itoobiya ay soo hunguriyeysay dekkada Soomaaliya horeyna dekkada Berbera ay ugu lahayd boqolkiiba 19%, ayaa haddana waxay heshiis kale la gashay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dekkadiisa loogu beddelanayo aqoonsi inay Itoobiya siiso, ayaa u gogol xaaraya in Itoobiya ay sameysato howl-gal ganacsi oo dhanka badda ah, si ay u hesho saldhig millatari oo ay ka maamusho Badda Cas, Redwaan Xusseen, ayaa yirri oo ah la taliyaha amniga ee RW Abiy Axmed.

Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Somaliland loo aqoonsado qaran ka madax-bannaan Soomaaliya. Somaliland waxa kale oo ay heli doontaa saami qaybsiga diyaaradda Itoobiya Airlines ee dawladdu leedahay, sida uu sheegay Redwaan Xusseen.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda, ayaa lagu yirri war-saxaafadeedka dawladda Soomaaliya oo uu akhriyey af-hayeenka xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Farxaan Jimcaale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

Dowladdo iyo ururo caalami ah ayaa Soomaaliya ku taageeray. Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-siisi, ayaa muujiyay sida uu u taageersan yahay Soomaaliya khilaaf ka dhashay dalab ka yimid maamulka Waqooyiga ee Somaliland, kaasoo ahaa in Itoobiya oo aan bad lahayn la siiyo xeebaheeda si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda oo ay muddo raadinaysay.

Dhinaca middig Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud iyo dhinaca biddax Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi

Hadalkii ugu adkaa ee uu ka jeediyay shir jaraa’id oo uu Qaahira ku qabtay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-siisi waxa uu yiri: “Farriinta aan u dirayo Itoobiya waa in ay isku daydo in ay qabsato dhul ay iyada lahayn oo aan cidna ku heshiin doonin.”

Waxa uu intaa ku daray in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu taageero “haddii lagu soo xadgudbo mid ka mid ah dalalka Carabta, gaar ahaan marka dalalka walaalaha ah ay naga codsadaan in aan garab istaagno”

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

“Masar ma ogolaan doonto cid kasta oo khatar ku ah Soomaaliya ama ay saameyn ku yeelato amnigeeda” ayuu kusii daray madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogay dalka Masar bishii janaayo 2024.

Jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika

Jahwareerka siyaasadeed iyo midda diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa waxaa sii xumeeyay go’aanka Soomaaliya ee ah in aan la taageerin mowqifka Jaamacadda Carabta ee Masar iyo in Itoobiya laga soo horjeesto biyo-xireenkeeda webiga Niil. Wakhtigii dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay xiriir adag la lahayd Addis Ababa, waxayna labaduba ku taamayaan inay meesha ka saaraan masiibooyinka dagaalka iyo muuqaallada waxyeellada leh ee ku haray maskaxda dad badan oo gobolka ah. Waxaana ka mid ah in Itoobiya joojiso faragelinta ay ku hayso Soomaaliya tan iyo 1990-meeyadii.

Siyaasadda qaldan ee Abiy Axmed waxay Itoobiya u horseedi doontaa inay markale ka dhacdo bohol dheer sida Soomaaliya ay illaa iyo hadda ugu soo kabsan la’dahay kadib burburkii dowladda dhexe: Sababtana waan kuu sheegayaa Itoobiya gudaheeda waxaa ka socda dagaal jabhado oo la dagaalsan dowladda dhexe iyagoo raadinaayo madax-banaani – Warar hoose oo laga helayo gobolka Axmaarada waxay sheegayaan in ciidamada dawladu ay dileen ugu yaraan 200 oo qof oo rayid ah dagaaladii ugu dambeeyay. Dhinaca kale, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, ayaa ku andacoonaya in dowladdu ay dishay 45 qof oo rayid ah. Eedeymahan ayaa imaanaya xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu isku diyaarinayo in uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku martigeliyo madaxda Afrika shirka Midowga Afrika oo dhacayay 17-ka ilaa 18-ka bishan Febraayo.

Dhinaca kale, Itoobiya waxay madaxa iskula jiraan Masar iyo Suudaan oo sababtay biyo-xireenka webiga Niil, khilaafka heshiiska badda ee Soomaaliya taas oo keeni karto xaalad ay Masar iyo Soomaaliya ka heli karaan mawqif midaysan oo ay kaga soo horjeedaan siyaasadda Itoobiya. Isbahaysiga caynkaas ah waxa uu sii kordhin karaa culayska saaran Addis Ababa, taas oo xaaladda gobolka ka dhigaysa mid khatar ah. Suurtagalnimada in Masar iyo Soomaaliya ay yeeshaan isbahaysi milatari oo ka dhan ah ficilada Itoobiya waxay yeelan kartaa cawaaqib juqraafiyeed weyn.

Arrimaha la isku hayo waa mid la wada ogsoon yahay—Walaaca Masar ka qabto biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) iyo saluuga Soomaaliya ee heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, u dhaqaaqista dhinaca wada shaqaynta milatari ee dhexmaro Soomaaliya iyo Masar waxay si weyn u kordhinaysaa xiisadda gobolka.

Ficiladan qalafsan ee isu dheelli-tir la’aanta diblomaasiyadeed, Abiy Axmed waxa uu daaha ka rogay is-dhexgalka kakan ee hamiga maxalliga ah, dhaqdhaqaaqyada gobolka, iyo danaha caalamiga ah ee Geeska Afrika. Iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo inuu Soomaaliya iyo Masar u xaqiijiyo damaca Itoobiya, arrimaha hoose ayaa ah kuwo aan xal laga gaarin.

Nuxur ahaan, talaabooyinkii ugu dambeeyay ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay Abiy Axmed, waxay ka tarjumaysaa istiraatijiyad ballaaran oo lagu hagayo biyo-xireenka Itoobiya ee siyaasadda gobolka iyadoo ilaalinaysa danaheeda qaranka. Waxtarka istaraatiijiyadani, si kastaba ha ahaatee, waxay ku xirnaan doontaa awoodda Itoobiya si ay u gasho wadahadal dhab ah iyo in xal loo helo khilaafaadka khatarta ku ah dheelitirnaanta jilicsan ee nabadda iyo iskaashiga gobolka. Si kastaba ha ahaato, xiriirka labadan dowladdood waxaa horey u xumeeyey, marwalbana xumeyn kara jahwareerka Diblomaasiyaddeed iyo siyaasaddeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Sidee u booqan kartaa dal madax-bannaanidaada ku xad-gudbay haddana aad tiri “Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dagaal gasho”?

Published

on


Madaxweyne Xassan ayaa go’aan adag ka qaatay kadib markii ay Itoobiya ku xad gudubtay madax-bannaanida Soomaaliya. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dagaal gasho si ay Itoobiya uga joojiso inay aqoonsato dhulka Somaliland ka go’day oo ay deked ka dhisato, sidaas waxaa sheegay la-taliyaha sare ee madaxweynaha Soomaaliya.” ayuu yiri mudane Xassan Sh. Maxamuud oo ah madaxweyne lagu soo doortay 4.5

Heshiis is-afgarad ah oo la saxeexay 1-dii Jannaayo oo u oggolaanaya Itoobiya aan bad lahayn inay samaysato saldhig ciidan oo badda Somaliland ah ayaa ruxday xiisada Geeska Afrika.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in qorshihiisa uu yahay ka qayb-galka saddex shir oo waa weyn oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi. “Waxaa rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego dhowaan waxaan safar ku tegayaa aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo magaalada Addis Ababa xarunta Midowga Afrika, meeshaas saddex shir oo aad iyo aad muhiim u ah ayaa ka jira” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dhinaca kale, iyadoo Itoobiya ay isku diyaarinayso shir madaxeedka ururka Midowga Afrika, ayaa warar hoose oo laga helayo gobolka Axmaarada waxay sheegayaan in ciidamada dawladu ay dileen ugu yaraan 200 oo qof oo rayid ah dagaaladii ugu dambeeyay. Dhinaca kale, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, ayaa ku andacoonaya in dowladdu ay dishay 45 qof oo rayid ah. Eedeymahan ayaa imaanaya xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu isku diyaarinayo in uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku martigeliyo madaxda Afrika shirka Midowga Afrika oo dhacaya 17-ka ilaa 18-ka bishan Febraayo.

Sidee u booqan kartaa dal madax-bannaanidaada ku xad-gudbay haddana aad tiri “Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dagaal gasho”?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aad u dhaliilay safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay caqabado dhowr ah oo qabsan kara madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu khatar ugu jiro in la bahdilo oo Muuse Biixi uu tago Addis Ababa, isla markaana la dhaho ‘wajiga labaad ee heshiiska ayaan kala saxiixanay.’

“Itoobiya heshiis ma nihin, waxaan ogeyn inay ku soo xad-gudubtay qaranimadeena, madaxweynaha Soomaaliya ma aheyn inuu aado Addis Ababa, waxay ku habooneed inuu diro madax isaga ka hooseysa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa ku doodaya in Itoobiya ay mudan tahay in xiriirkeeda hoos loo dhigo loona muujiyo, wuxuu sheegay in safiirkii Soomaaliya ee loo yeeray markii ay xiisadaan bilowga aheyd hadda dib loogu celiyey dalkii, balse aysan garaneyn sababta loogu celiyey.

“Madaxweynuhu inuu aado Itoobiya marnaba sax ma aheyn, waxay aheyd markii ay ugu yaraato in loo diro masuul ka socda wasaaradda arrimaha dibadda, hadii Abiy Axmed uu u yeero Muuse Biixi ee dhaho waxaan fulineynaa wajiga labaad ee heshiiska badda, madaxweynuhu wax uu sameyn karo malahan,” ayuu yir CC Shakuur.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Xiriirka dadka aad is heysaan waa inaad hoos u dhigto ilaa xad, si aad uga badbaado waji gabax aad la kulmi laheyd markii aad sidaan oo kale u booqaneyso wadan aad dagaashan tihiin.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii dalkaan uu shaqada ka maqan yahay, sidoo kalena uusan jirin wasiir arrimaha dibadda ku magacaaban, balse ku simaha ayuu sheegay in loo baahnaa in loo diro dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka degay Addis Ababa, isagoo sheegay in halkaas uu uga qeyb galayo ilaa seddax shir oo muhiim ah, balse siyaasiyiin iyo aqoonyahan badan oo Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilay go’aankaas, iyagoo qaba inay fiicneed in loo diro masuul hoose, si Itoobiya loogu muujiyo waji gabax ka dhashay damaceeda.

Soo dhaweynta madaxweynaha

Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay sawirada markii uu Xasan Sheekh gaaray Addis Ababa iyo soo dhoweyntii wafdigiisa, ayaa waxay gebi ahaanba ka jartay sawirada madaxdii ka socotay xukuumadda Abiy Axmed. Tallaabadan oo lagu tilmaamay mid cajiib ah ayaa muujinaysa sida ay weli madaxweynaha iyo dowladdiisa ugu taagan yihiin mowqifkii adkaa ee ay ka qaateen xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana lagu muujinayo in weli xurgufta labada dhinac ay halkeedii tahay. Villa Somalia ayaa sidoo kale bayaanka lagu daabacay boggeeda rasmiga ah ayaa ku xusin xubnaha garoonka Addis Ababa ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan, kaasi oo uu ugu meeqaam sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Waxaa xusid mudan in warbaahinta dowladda sida Telefishanka Qaranka uu markii hore baahiyay sawirada madaxweyne Xasan Sheekh oo uu barbar fadhiyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo isagu caasimada dalkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa, halka Villa Somalia ay gebi ahaanba ka jartay sawirada.

“Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Madaxweyna Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u safraayo dalka Itoobiya wakhti xiisadaha Itoobiya iyo Soomaaliya cirka isku shareertay, laakiin waa maxay ujeedka safarka madaxweyne Xassan?

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu safar u yahay magaalada Addis Ababa, xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda ee kala dhaxayso Itoobiya.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in qorshihiisa uu yahay ka qayb-galka saddex shir oo waa weyn oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi.

“Waxaa rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego dhowaan waxaan safar ku tegayaa aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo magaalada Addis Ababa xarunta Midowga Afrika, meeshaas saddex shir oo aad iyo aad muhiim u ah ayaa ka jira” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Shir madaxeedkii Midowga Afrika waa ka jiraa oo isugu imaanayaan madaxdii, waxaa kale oo halkaasi ka jiro shir IGAD ah oo dhinac yaallo, sidoo kale shir kale oo suuqa dhaqaalaha bariga Afrika oo iyadana madaxdeydii gooni u shireyso” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Shirarkaas oo dhan muhiim ayay u yihiin Soomaaliya, waxaana u tageynaa waa shirarkaas inaan ka qayb-galno iyo dabcan farriinteena aan wadno inaan gudbino oo ah dalka Soomaaliya oo ah dal gob ah oo xor ah oo dowlad leh”.

Iyadoo Itoobiya ay isku diyaarinayso shir madaxeedka ururka Midowga Afrika, ayaa warar hoose oo laga helayo gobolka Axmaarada waxay sheegayaan in ciidamada dawladu ay dileen ugu yaraan 200 oo qof oo rayid ah dagaaladii ugu dambeeyay. Dhinaca kale, guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, ayaa ku andacoonaya in dowladdu ay dishay 45 qof oo rayid ah.

Eedeymahan ayaa imaanaya xilli Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu isku diyaarinayo in uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku martigeliyo madaxda Afrika shirka Midowga Afrika oo dhacaya 17-ka ilaa 18-ka bishan Febraayo. Maxay Midowga Afrika uga hadli la’yihiin colaadda Itoobiya?

Madaxweyne Xassan ayaa go’aan adag ka qaatay kadib markii ay Itoobiya ku xad gudubtay madax-bannaanida Soomaaliya. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dagaal gasho si ay Itoobiya uga joojiso inay aqoonsato dhulka Somaliland ka go’day oo ay deked ka dhisato, sidaas waxaa sheegay la-taliyaha sare ee madaxweynaha Soomaaliya.” ayuu yiri mudane Xassan Sh. Maxamuud oo ah madaxweyne lagu soo doortay 4.5

Heshiis is-afgarad ah oo la saxeexay 1-dii Jannaayo oo u oggolaanaya Itoobiya aan bad lahayn inay samaysato saldhig ciidan oo badda Somaliland ah ayaa ruxday xiisada Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa ku andacoonaysa in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda, waxayna ku dhawaaqday in heshiiskaasi uu buray. Madaxweynaha ku yimid nidaamka qabaliga ah ee Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Soomaalida ugu baaqay “inay u diyaar garoobaan difaaca dalkeena hooyo”, iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu qabtay isu soo bax looga soo horjeedo heshiiskaasi.

“Waxaan wadnaa dhammaan fursadaha diblomaasiyadeed, waxaana u maleynayaa in Itoobiya ay soo noqon doonto maskaxdeeda, laakiin waxaan diyaar u nahay dagaal haddii Abiy uu rabo dagaal,” ayuu yiri lataliyaha madaxweynaha isaga oo tixraacaya hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dagaal ku dhex maray sannadihii 1977-78 markaas oo ay ku muransanaayeen gobolka Ogaadeeniya, waa gobol aysan Soomaalida wali ka samrin waxaana jira Soomaali badan oo aaminsan in gobolkaas dib loo soo celiyo.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2006 si ay Muqdisho uga saarto Islaamiyiinta uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Shaakh Shariif Sheekh Axmed (4.5), taasoo sababtay inay soo baxaan ururka Al-Shabaab, maantana ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waa mid ka mid ah ciidamada ugu badan ee ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa burburiyay Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan adduunka.

Kadib baaqyo caalami ah oo ay Soomaaliya u jeedisay dunida sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo urur gobolaadyada inay taageeraan xaqa ay Soomaaliya u leedahay difaacista dhulkeeda.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaa jriay dalal badan oo taageero u muujiyey Soomaaliya oo ay kamid yihiin Masar, Turkiga, Shiinaha, Sacuudiga iyo Qaramada Midoobay.

Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha wax ka weydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxax uu tixgeliyey walaaca Soomaaliya ee ku aaddan Is-afgaradkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo. Xoghayaha Guud waxa uu dib u xusay in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyay ixtiraamka uu u hayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

“Xoghayaha guud waxa uu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo wax ku ool ah si ay uga fogaadaan fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara,” ayuu yiri.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Madaxweyne Cabdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in Masar aysan ogolaan doonin wax khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda

Madaxweyne Sisi ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Published

on


Madaxweynaha Masar ayaa Axaddii sheegay inaysan ogolaan doonin wax khatar ah oo soo wajaha Soomaaliya, ka dib markii Itoobiya ay sheegtay inay ka fiirsan doonto inay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland oo heshiis ku siinaysa inay hesho deked badeed.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweyne Cabdel Fattah el-Sisi ayaa ahaa kii ugu xoogganaa ee ay Masar arrintan ka soo saarto, iyadoo markii horeba xidhiidhka ay la lahayd Addis Ababa xumaa, waxayna astaan u ahayd in Qaahira ay ku lug yeelato khilaaf sababay xiisad hor leh oo ka taagan Geeska Afrika.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-kii, balse ma aysan helin wax aqoonsi ah oo xittaa hal wadan oo kamid ah caalamka. Heshiiska lagu kireynayo dekedaha oo horaantii bishan lagu heshiiyey oo Itoobiya iyo Somalilandba ay ku timameen heshiis is-afgarad ah balse aan wali la dhamaystirin ayaa faa’iido u noqon doonta Itoobiya oo aan bad lahayn, isla markaana Soomaaliya ka caraysiisay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Cid awood u leh dhulka Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan “sina dhaqangal u noqon doonin.” Waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay fursad u siinayso al-Shabaab inay qorato dad cusub, xilli dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto dagaalka Al-Shabaab, guulana ka gaartay.

“Jihada aad 1-da Jannaayo u jeesateen kasoo jeesta, waddo idinka ma jirto meeshaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo farriin u dirayey Itoobiya.

Muqdisho ayaa ku hanjabtay in ay geli doonto dagaal si looga hortago in heshiiskaas uu hirgalo, iyadoo ku eedeysay Addis Ababa in ay qorsheyneyso weerarro lagu qaado biyaha Soomaaliya iyo bartilmaameedka dalalka Carabta ee ku sugan Badda Cas. Iyadoo laga jawaabayo xiisadaha sii kordhaya, Midowga Afrika (MA) wuxuu ku baaqay is-xakameyn iyo “wadahadal macno leh” oo dhexmara labada dal ee xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa lagu yiri shirkii Arbacadii.

War qoraal ah oo ay soo saartay Khamiistii, ayay dawladda Soomaaliya ku sheegtay inay tixgelisay talada Midowga Afrika, balse waxay ku adkaysatay in Itoobiya ay ku xad-gudbtay madax-bannaanideeda, ka dib markii ay heshiis “sharci darro ah” la gashay “Maamulka Somaliland”.

Baaqyada caalamiga ay Soomaaliya u jeedisay dunida waxa kasoo jawaabay dowlado badan sida ururka IGAD, Jaamacadda Carabta, Masar, Turkiga, Shiinaha, Sacuudiga iyo afhayeenka xoghayaha guud ee QM. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa waxa uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada , bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

“Masar ma ogolaan doonto cid kasta oo khatar ku ah Soomaaliya ama ay saameyn ku yeelato amnigeeda” ayuu yiri madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Masar.

“Ha isku dayin Masar, ama ha isku dayin inaad u hanjabto walaalaheed gaar ahaan haddii ay ka codsadaan inay soo farageliso,” ayuu raaciyay.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii Janaayo, Itoobiya waxay sheegtay inay ka fiirsan doonto inay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland si ay u hesho dekedda. 20 Km (12 mayl) oo xeeb ah oo ku xeeran dekedda Berbera, ee gacanka Cadmeed, waxay ku kireyn doontaa 50 sano arrimo ciidan iyo ganacsi.

Dekadda ugu weyn ee Itoobiya ay hadda ka dhoofiso badda ayaa ku taalla dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

“Fariinta aan u dirayo Itoobiya waa in… in la isku dayo in la qabsado dhul si loo maamulo waa wax aan cidna ku heshiin doonin,” ayuu yiri madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi, isaga oo sheegay in iskaashiga dhanka horumarka uu yahay istiraatiijiyad wanaagsan.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa todobaadkii hore ku tilmaamay Itoobiya inay tahay isha xasilooni darro ka jirta gobolka, taasoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ay ku tilmaantay mid aan khusayn.

Xiriirka Masar iyo Itoobiya ee wadaaga isticmaalka wabiga Niil ayaa sanado badan ahaa mid kacsan kadib biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka dhistay wabiga Blue Nile.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

‘Soomaaliya hal Albaab ayay leedahay’ – Warbixin

“Soomaaliya hal albaab ayay leedahay waana Dawladda Federaalka ah, midnimada, wadajirka iyo Madaxbanaanideeduna waa lama taabtaan”, waa sida ay qireen Madaxda IGAD.

Published

on


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa u soo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika. Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.

Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna, waxayna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee JFS, waxaana uu ahaa Shir Madaxeedkii 42-aad ee Ururka Goboleedka IGAD oo shalay ka qabsoomay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa Laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxayna isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxda ayaa soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo uu soo maro dowladda Federaalka Soomaaliya.

Urur goboleedka IGAD ee uu shirka uga socday magaalada Kampala ee wadanka Ugandha ayaa gabagabadii laga soo saaray War-saxaafaded, waxaana lagu yiri:-

1.“Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

3. Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah”.

“Soomaaliya hal albaab ayay leedahay waana Dawladda Federaalka ah, midnimada, wadajirka iyo Madaxbanaanideeduna waa lama taabtaan”, waa sida ay qireen Madaxda IGAD.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin, shirkaasi ayaa ka qabsoomay wadanka Ugandha. “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka”, sidaana waxaa yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah ee uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas, waxaana lagu wadaa in Labada Madaxweyne ay ka arrinsan doonan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Haddaba si loo daafaco Badda dheer ee ku teedsan Soomaaliya oo ay soo damacday Itoobiya ayaa waxaa socda sidii dib loo howlgali lahaa ciidanka Badda, si ay u ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya ayay Khubarada arrimaha badaha ee Qaramada Midoobay ay dhowaan kulan la yeeshay dhiggooda Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya. “Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay la shaqeyso Kooxda Shaqada ee Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah si kor loogu qaado howl-gudashada iyo sugidda biyaha Soomaaliya iyo aagga dhaqaale ee gaarka ah”, sidaasi waxaa lagu qoray bogga ay ku leedahay baraha bulshada.

“Ka dib dadaalka Madaxda Qaranka, Soomaaliya waxay taageero buuxda ka heysataa dhammaan Ururada Caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Wadamada Islaamka ah. Sidaas oo kale waxaa si aan leexleexasho lahayn taageero noogu muujiyay dalalka dunida ee saamaynta badan kuwaas oo ay hugaaminayaan kuwa leh Codka Diidmada Qayaxan (Veto), sidaasina waxaa bartiisa bulshada ku qoray Wasiir-ku xigeenka Warfaafinta mudane Cbadiraxmaa Yuusuf Cadaala, wuxuna ku micneeyay in si dhamaystiran looga guulaystay in Adduunku fahmay duulaanka Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed, kaasi oo wajahaya go’doon Diblamaasiyadeed, meel cidlo ahna uga haray Dunida oo dhan.

“Shalay warka ka soo baxay Jaamacadda Carabta wuxuu ahaa Mid lagu qoray luuqad iftiiminaysa ama adag waxa uu filan karo Horjooge Abiy, intaasi kuma ekaan ee Dalalka Carbeed Mid Mid ayay Wasaaradahooda arrimaha dibaddu u soo saarayaan Bayaanaad muujinaya taageeradooda waxaana ugu dambeeyay, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Masar oo dhawaan ku celiyay aragtidooda ka dib kulankoodii.Waxaa ka horeeyay kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanku uu ficilka Abiy ku tilmaamay mid halis galinaya deganaashaha Adduunka oo taageeraya Argagixisada isla markaana aan sinna loo aqbali Karin” mudane cadaala ayaa si adag u yiri.

Gudaha Dalka waxaa fariin isku mid ah diray dhammaan Heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dawladda, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada iyo Shacabka Soomaliyeed oo ay ugu horeeyaan shacabka Gobolada waqooyi. Gudaha Dalka Ethiopia waxaa ka socda dood ballaaran oo inta badan Qawmiyadaha Ethiopia ay ku diidan yihiin falka qar iska tuurnimada ah ee Abiy, iyaga oo u arka in uu fashilka Gudaha ku qarinayo Duullaan aan guuli ka muuqan oo uu ku aado Soomaaliya. “Dadkeenna waxaa nala gudboon in aan ka shaqayno labo arrimood oo kala ah, in aan sii xoojino midnimadeenna iskama caabino dicaayadaha raqiiska ah ee Abiy isla markaana diyaar u ahaano marxaladda xigta”. “Ninkii Haftay ee Hungurigu qaaday maxaa u haray oo la dhihi lahaa”, waa Muuse Biixiye.

_

TV-ga Qaranka – W.Q: Leyla Aden

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika23 hours ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 days ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika3 days ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka4 days ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe5 days ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda5 days ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka5 days ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka5 days ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka5 days ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya1 week ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika2 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka2 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika2 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka2 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka2 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika3 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika3 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Aasiya3 weeks ago

Maxaa laga baran karaa xariga Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah?

Afrika3 weeks ago

Saddex dawladood oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay urur goboleedka ECOWAS – sababta waa maxay?

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 22aad

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ma noqon karaa mid wax ka qaban karo xaaladda reer Falastiin?

Geeska Afrika4 weeks ago

Muxuu Abiy Axmed ka yiri midnimada Soomaaliya?

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

“Nelson Mandela wuu dhoola cadeyn lahaa” Wasiirka Koonfur Afrika ayaa yiri kadib go’aanka ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Go’aannada Maxkamadda Adduunka waa “mid la taaban karo” – Madaxa QM

Wararka4 weeks ago

Sacuudiga oo laga furayo dukaankii ugu horreeyey ee lagu iibiyo khamriga – khamriga xalaal miyaa laga dhigay?

Xul