Connect with us

Afrika

Afrika iyo musaqmaasuqa

Musuqmaasuqa ka jira Afrika wuxuu leeyahay sababo, saameyn, iyo sidoo kale xalal suurtagal ah. Musuqmaasuqu wuxuu la mid yahay ” wasakh adag oo hortaagan horumarka dowladnimada qaarada.

Published

on


Musuqmaasuqa ka jira Afrika waxaa inta badan keena baahida iyo faqriga. Hogaamiyayaasha Afrika ma rabaan inay bedelaan nidaamka sababtoo ah waxay ka faa’iideysanayaan nidaamka ay wax ku xaddi karaan. Inta badan wadamada qaarada Afrika waxaa ka jira saboolnimo, waana mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee musuq maasuqa looga yaqaano Afrika.

Musuqmaasuqu wuxuu fara-adag ku hayaa guud ahaan qaarada Afrika. Waxay wiiqday qaarada iyo xasaanadeeda. Afrika waa qaarad ka kooban qoomiyado kala duwan oo madow u badan. Qaaraddu waxay leedahay khayraad macdan oo aan wali la taabanin oo badan kuwaas oo aan wali la baarin. Wadamada Afrikaanka ah guud ahaan waxa ay ka galeen heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuqa ee ay wadaan ururro badan oo darajada musuqmaasuqa ah sheegto.

Musuqmaasuqa ka jira Afrika wuxuu leeyahay sababo, saameyn, iyo sidoo kale xalal suurtagal ah. Musuqmaasuqu wuxuu la mid yahay ” wasakh adag oo hortaagan horumarka dowladnimada qaarada.

Falkan xun ee musuqmaasuqa loogu yeero ayaa ka dhigay Afrika in ay ku jirto xaalad ciriiri ah. Waxay ka dhigtay in ay ku jirto xaalad korriin ooa an lahayn isbeddel.

Wadamo badan waxaad bixin kartaa mushaarka saraakiisha booliiska si ay isaga indhatiraan dambi kasta, si kastaba ha ahaatee waa wax laga naxo oo xun – waa arrin qiimo leh oo mudan in isbeddel lagu sameeyo. Ku dhawaad ​​75 milyan oo qof oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa lagu qiyaasay inay laaluush bixiyeen sannadkii u dambeeyay – qaarkood si ay uga baxsadaan ciqaabta booliska ama maxkamadaha, balse qaar badan ayaa lagu qasbay inay lacag bixiyaan si ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay baahi weyn u qabaan ayay sheegtay Hay’adda Transparency International 2015.

Musuqmaasuqu waa isticmaalka sharci-darrada ah ee awoodda si looga faa’iidaysto dano gaar ah (Morris 1991). Musuqmaasuqu waa laaluush uu qof masuul ah siiyo si aan runta loo sheegin. Waxay ku lug leedahay lunsiga hantida dadweynaha ee isticmaalka shakhsi ahaaneed (Uzochukwu 2014). Musuqmaasuqa ayaa ka dhex muuqda qaar badan oo ka mid ah xafiisyada dowladda ee qaarada Afrika iyadoo siyaasiyiinta wadamadaasi ay si xun u maamulaan una leexiyaan hantidii umadda ee la rabay in loo adeegsado horumarinta qaaradaha si shaqsi ahaan iyo gaar ahaanba ay u adeegsadaan. Lacago dhaqdhaqaa ah oo ka yimaada wadamada Afrika ilaa Yurub ee ay wadaan saraakiisha dadweynaha maaha wax cusub oo ka jira qaarada.

AKHRISO: Faa’idooyinka Ay Leeyihiin Koorsooyinka Online-Ka Ah

Hay’adda Transparency International ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa qiimeyn ku sameysay heerka musuq-maasuqa ee ka jira qaaradaha qaar, iyadoo Afrika ay ka mid tahay dalalka ku dabaalanayay badweynta musuqmaasuqa. Dukumeenti iyo xaqiiqooyin la helay ayaa caddeeyey sahankan iyadoo dadka Afrikaanka ah laftoodu ay aad u aaminsan yihiin in dawladaha ka taliya qaarada ay musuqmaasuq badan yihiin.

Laakiin, sidee ayay Transparency International iyo hay’adaha kale ee musuqmaasuqu u qiimeeyaan heerka musuqmaasuqa?

Qiimaynta Aragtida Musuqmaasuqa ayaa dalalka iyo dhulalka ku qiimeeyay sida loo arko in ay musuq maasuqeen qaybahooda guud. Dhibcaha dal ama territorigu waxay muujinayaan heerka la dareemayo ee musuqmaasuqa waaxyaha dawladda marka loo eego 0 – 100, halkaas oo 0 macnaheedu yahay in waddan loo arko inuu yahay mid aad u musuqmaasuqa iyo 100 macnaheedu waa in loo arko inuu aad u nadiif yahay.

Heerka waddanku wuxuu tilmaamayaa booska uu ka joogo dalalka iyo dhulalka kale ee lagu daray tusmada (Transparency International 2013). Ka hor inta aysan Transparency International soo saarin warbixintooda ku saabsan qiimeynta musuqmaasuqa ee dalalka, waxay wadamo kala duwan ka sameeyeen sahan ay ku ogaanayaan heerka musuq-maasuqa ragaadiyay bulshooyinka.

Laga soo bilaabo sanadka, 2015 ilaa 2019, musuqmaasuqa ayaa si raaxo leh u degay wadamada Afrika. Wadamada Afrika ayaa qabsaday meesha ugu hooseysa shaxda sida ay daabacday Transparency International. Waxa ay ka dhigan tahay in wadamada Afrika ay ku jiraan heer hoose marka loo eego hufnaanta. Sanadkan 2019-ka, waxaa ka mid ah 5-ta wadan ee ugu musuq-maasuqa badan caalamka: Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suuriya, Yemen, iyo Afganistaan, 4 kamid ah waa dalal Afrikaan ah marka laga reebo Afgaanistaan.

Qiimaynta musuq-maasuqa ee hay’addu 2014-kii, tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan waxay kala ahaayeen Soomaaliya, Kuuriyada Waqooyi, Suudaan, Afghanistaan, Koonfurta Suudasn, Iraaq, Turkmenistaan, Uzbekistaan, Eriteriya, iyo Liibiya. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuq-maasuqa badan 2014-kii oo ay ku xigto Kuuriyada Woqooyi iyadoo qiimeyntu ay sidaas ku socotay. Sannadkaas, warbixintu waxay muujisay in Afrika ay weli taagan tahay heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuqa.

 

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Tobanka dal ee ugu horreeya musaqmaasuaqa adduunka shanta waddan ee ugu horreeya waa Afrikaan, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Eriteriya, iyo Liibiya, waa dalal Afrikaan ah. Afrika waxay qabsatay 50% tobanka waddan ee ugu musuqmaasuqa badan sanadkaas.

Musuqmaasuqu waa arin qalafsan oo leh tiro badan oo go’aamiyeyaal iyo saamayn kuwaas oo inta badan ah macnaha guud iyo dalka gaarka ah (Claire 2010). Saamaynta musuqmaasuqa ee Afrika iyo qaybaha kale ee adduunka ayaa ah mid wax u dhimaya oo hub u ah horumarka qaranka.

Sannadkii 2013, natiijadii ay daabacday Transparency International waxay muujisay in Afrika ay weli la ildaran tahay khatarta dilaaga ah ee musuqmaasuqa. Sahankan ayaa leh tobanka dhul ee ugu musuqmaasuqa badan aduunka sida Soomaaliya, Kooriyada Waqooyi, Afganistaan, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Liibiya, Iraaq, Turkmenistaan, Suuriya, iyo Uzbekistaan. Dhammaan dalalkaas, midkoodna ma helin wax ka sarreeya CPI (Index ka mid ah musuqmaasuqa) oo ah 17%.

Marka si dhab ah loo baadho natiijada 2013, waxay muujinaysaa in Afrika sanadkaas ku jirto heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuqa. Soomaaliya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Liibiya waa wadamo Afrikaan ah oo sannadkii 2013 ka galay tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan. Xisaab ahaan, natiijada waxay muujinaysaa in Afrika ay qabsatay 40% tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan sannadkii 2013.

Tusaale ahaan, Soomaaliya waxa ka dhacay sumcad xumo weyn ayay ka dhigan tahay, waa wakhtigii madaxweynaha 4.5 lagusoo doortay ee mudane Xassan Sheekh Maxamuud hoggaanka haayay, sababtoo ah dawladdan ayaa lagu sheegaa inay ahayd mid aad u masuqmaasuq badneyd. Dib u dhaca ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka dalka waxaa sabab u ah musuqmaasuqa dalka ka jira. Hadda markii uu soo noqday mudane Xassan Sh. Maxamuud oo noqday qofkii labo mar madaxweyne ka noqday Soomaaliya wuxuu baabi’iyey laba guddi oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro. Labadaas guddi waxaa soo dhisay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna madaxweynaha ku tilmaamay mid sharci darro ah. Sii akhriso…

Xassan Sh. Maxamuud inuu burburiyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo la dhisay xiligii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay ina tusinaysaa in dowladnimada soomaaliya ay marwalbo hoos kasoo bilaabanayso oo aan meesheedii laga sii wadi karin. In la helo guddi la dagaalamo musuq-maasuqa waxay horseedi kartaa in lala dagaalamo musuq-maasuqa ka dhex jira dowladda Soomaaliya.

Qiimaynta musuqmaasuqa ee 2012 ee qaaradda Afrika maaha mid intaas ka duwan. Kuwa la rabay in ay la dagaalamaan musuqmaasuqa wadamada ma awoodaan in ay qabtaan shaqadaas sababtoo ah iyagana waa musuqmaasuq. Sidee dawladaha ku dabaasha laaluushka iyo musuqmaasuqa ay ula dagaallami karaan khatarta? Macquul maaha sababtoo ah waxay la mid tahay tuug ku yidhi tuug kale ha joojiyo tuuganimada.

Afghanistaan, Kooriyada Waqooyi, Soomaaliya, Suudaan, Myanmar, Turkmenistaan, Uzbekistaan, Iraaq, Burundi, iyo Chaad waxay ahaayeen tobanka dal ee ugu musuq-maasuqa badan 2012. Soomaaliya, Suudaan, iyo Chaad waxay heleen buundooyinka CPI 8, 13, iyo 19% siday u kala horreeyaan dhamaantood waa wadamo Afrikaan ah. Sannadkii 2012, hay’adda Transparency International waxay sahan ku samaysay 176 waddan balse waddama Afrikaan ah ayaa magacyadooda miiska ugu hooseeya.

Waxay ahayd wax iska caadi ah in magaca wadamada Afrika lagu arko halka ugu hoosaysa ee liiska wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Dhaqankan awgeed, qiimeynta 2011 ee dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka kama aysan illoobin qaaradda in ay si weyn uga goosato heerka musuqmaasuqa sareeyo. Sahan ay samaysay Transparency International 2011 ayaa lagu ogaaday 187 wadan. Waqooyiga Kuuriya, oo aan midna Afrikaan ahayn, ayaa sannadkaas lagu qiimeeyay waddanka ugu musuqmaasuqa badan.

Tilmaanta musuqmaasuqa ayaa liiska tobanka waddan ee ugu musuqmaasuqa badan ku sheegtay Waqooyiga Kuuriya, Soomaaliya, Afgaanistaan, Myanmar, Uzbekistan, Turkmenistan, Suudaan, Ciraaq, Haiti, iyo Burundi. Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ahaa dalalka kaliya ee Afrikaanka ah ee lagu daray liiska tobanka waddan ee ugu musuq-maasuqa badan adduunka sannadkii 2011. Sannadkaas ayaa dalalka Aasiya laga helay inay yihiin kuwa ugu badan ee faa’iido u leh musuqmaasuqa.

Sababaha Musuqmaasuqa Afrika

Musuqmaasuqa ka jira Afrika waxa uu leeyahay sababo badan. Waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in qorayaasha kala duwani ay ku kala aragti duwan yihiin sababaha musuqmaasuqa. Laakiin dhamaadka, dhammaan qodobadani waxay leeyihiin isku mid. Haddaba, sababaha musuqmaasuqa Qaaradda Afrika kuma koobna:

– Maamul xumo;
– Hunguri;
– Isla xisaabtanka la’aan;
– Madaxdii oo u kala tartamayso yeelashada hanti badan; iyo
– Shaqo la’aanta jirta.

Musuqmaasuqu waa dhibaato guud balse Afrika ayaa dhibaatada ugu badan ka haysata. Qaarada Afrika waxaa ka jira musuq-maasuq aad u sarreeya, waxaana taasi ay saameyn xun ku yeelatay qaaradda. Waxaa laga wada hadlay musuqmaasuqa ka jira Afrika, dulmar, sababaha, saamaynta iyo xalalka. Waxaa la rumeysan yahay in heerka musuq-maasuqa Afrika uu hoos u dhici doono haddii fikradaha la qoray ee lagula dagaalamayo masuqmaasuqa lagu dhaqmo.

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Geeska Afrika

Taliyihii ciidamada Kenya ayaa ku dhintay shil diyaaradeed

Toban askari ayaa ku dhintay shilkaasi, waxaana ka badbaaday laba askari oo kaliya.

Published

on

Sawirka waa Madaxa Ciidamada Difaaca Kenya Jeneral Francis Ogolla oo eegaya mar uu kormeerayay ilaalada qaaska ah intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku tagay Aqalka Madaxtooyada ee Nayroobi, Febraayo 28, 2024. Luis Tato/AFP/Getty Images

Taliyaha difaaca Kenya Jeneral Francis Ogolla iyo sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsan ciidamada militari ah ayaa Khamiistii ku dhintay diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen wax yar uun ka dib markii ay ka kacday tuulada Chesegon, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto.

Madaxweynaha Kenya isagoo ku sugan magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya, ayuu sheegay in taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo kooxdiisa ay booqasho ku tageen ciidamada ku sugan gobolka Waqooyi-galbeed ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula dagaalamayaan burcadda hubeysan iyo dhaca xoolaha.

Si kastaba ha ahaatee, diyaarada ay wateen ayaa hoos u dhacday daqiiqado uun kadib markii ay ka dhooftay Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Cheptulel oo ku yaala Galbeedka Degmada Pokot, waxaana ka soo haray kaliya labo ka badbaaday oo hadda la daweynayo, ayuu yiri.

“Dalkayaga hooyo waxa uu waayay mid ka mid ah jeneraalkeedii ugu geesisanaa. Geerida Jeneral Ogolla waxay ii tahay khasaare xanuun badan…Jeneraal afar-xiddigle ah oo magac leh ayaa ku dhex jiray shaqadiisa, iyo u adeegidda dalkiisa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ogolla, oo 61 jir ah, waxa uu xilka hayay hal sano. Waxa uu hogaaminayay ciidamada cirka Kenya ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka ciidamada militariga, waxaana bishii Abriil ee sanadkii hore uu madaxaweyne William Ruto u dalacsiiyay madaxa ciidamada cirka.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Kenya, waxa uu Ciidanka Difaaca galay 1984-kii, waxa uuna tababar dhanka Duuliyenimo ah la qaatay Ciidanka Cirka ee Mareykanka, ka hor inta uusan macalin ka noqon Ciidanka Cirka ee Kenya (KAF).

Dhacdadii Khamiista, sida warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay, waxa ay ahayd shilkii shanaad ee helikobtarrada milatariga 12-kii bilood ee la soo dhaafay, kaas oo lagu eedeeyay in ay la xiriirto dayactir xumo.

Ugu yaraan toban askari ayaa ku dhintay bishii Juun 2021 kadib markii ay burburtay diyaaradii ay la socdeen xilli uu tababar ku socday koonfurta Nayroobi.

Khamiistii, hogaamiyaha dalka ayaa sheegay in koox baaritaan hawada ah loo diray si ay u soo cadeeyaan waxa sababay shilkan, kaas oo ka dhacay deegaanka Elgeyo Marakwet, oo qiyaastii 400km (250 mayl) waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Nayroobi.

Muuqaalo uu madaxweynuhu soo dhigay X (Twitter-kii hore) ayaa muujinaya meydadka dhibbanayaasha oo lagu soo celinayo caasimadda oo huwan calanka Kenya oo saarnaa diyaarad ciidamada cirka ah gelinkii dambe ee Khamiistii.

Saddex maalmood oo baroor-diiq ah ayay mas’uuliyiinta dalkaas ku dhawaaqeen oo bilaabanaya Jimcaha, iyadoo calamada rasmiga ah ay ka baban doonaan meel-sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Deeqaha sanadguurada koowaad ee iskahorimaadka hubeysan ayaa gacan ka geysan doona sidii looga hortagi lahaa macaluul ka jirta waddanka Suudaan, ayuu yiri Faransiiska

Published

on

Qaxootiga ka imaanaya Suudaan oo sugaya in loo daabulo xerada taraansitka ah ee magaalada Renk oo u dhaw xadka kadib markii ay kasoo gudbeen xadka Koonfurta Suudaan. © Eva-Maria Krafczyk/Sawirada Getty

Faransiiska iyo xulafadiisa ayaa ku yaboohay in ka badan 2 bilyan oo Yuuro oo dhiganto ($2.13 bilyan) si ay u taageeraan dadaallada gargaarka ee Suudaan, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad 18 milyan oo qof oo ay ku jiraan carruur ay soo food saartay cunto yari ba’an oo ay ugu wacan tahay iskahorimaadyo lagu hoobtay oo socday tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay.

Lacagtan ayaa lagu soo ururiyay shir deeq bixiyayaasha oo Isniintii ka dhacay magaalada Paris, kaasoo ay ka soo qayb galeen wakiilo ka kala socday 58 dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.

“Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa maanta ku dhawaaqay in ay bixinayaan in ka badan 2 bilyan oo Yuuro, oo ay ku jiraan ku dhawaad 900 milyan oo Yuuro oo ka yimid Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah, si ay u taageeraan dadka rayidka ah ee Suudaan iyo kuwa magan-gelyo u soo doontay dalalka deriska ah sanadka 2024.” Wasaaraddu waxay tiri.

Dalka ku yaal waqooyi bari Afrika ee Suudaan ayaa qalalaase galay 15-kii bishii Abriil ee sanadkii hore, markaasoo iska horimaad uu dhex maray ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo jabhadda Rapid Support Forces (RSF), ka dib bilo ay ku muransanaayeen ku biiritaanka maleeshiyada ee la qorsheeyay in ay ku biiraan ciidamada qaranka ee hubeysan. Ugu yaraan 14,600 oo qof ayaa ku dhintay 26,000 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka muddada sanadka ah ka socday guud ahaan dalka Suudaan, sida lagu sheegay tirokoobyada Qaramada Midoobay.

“Dadka Suudaan wuxuu la kulmay dhibaatooyin aan la soo koobi karin intii lagu jiray iskahorimaadka kaas oo ay ku asteeyeen weerarro aan loo meel dayin oo ka dhacay goobaha dadku ku badan yihiin, weerarrada qowmiyadeed, iyo dhacdooyin badan oo rabshado galmo ah oo la xiriira colaadda,” Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa sheegay Isniintii.

Waxa uu ka digay in rabshaduhu ay ka sii dari karaan iyadoo dhinacyada dagaallamaya la sheegay inay qorteen oo hubeeyeen dad rayid ah, iyadoo saddex kooxood oo millatari ah ay ku biireen SAF ee dagaalka kula jira RSF.

Isagoo ka hadlayay shirka deeq bixiyayaasha Paris muuqaal ahaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in dunidu ay tahay in aanay oggolaan in xaaladda Suudaan, oo uu ku tilmaamay “qarowga” ay noqoto mid aan la dareemin.

Guterres waxa uu ka codsaday “deeqsinimada deeq bixiyayaasha in ay kordhiyaan tabarucaadkooda” Qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada ee Suudaan, kaas oo u baahan 2.7 bilyan oo doolar balse waxa uu helay kaliya 6% maalgelinta ka hor kulankii Paris.

Sanduuqa qorshaha Qaramada Midoobay “waxaa hadda la keenay in ka badan 50%” taasoo gaarat $2.13 ee deeqaha ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Stephane Sejourne ayaa ku qoray X (hore Twitter-ka).

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in lacagta la ballanqaaday “wali ay ka yar tahay intii ay abaabuleen dhowr awoodood tan iyo bilowgii dagaalka si ay u caawiyaan hal ama dhinaca kale [ciidamada iska soo horjeeda] midba midka kale.

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan waxay ku dhaleecaysay Faransiiska iyo xulafadeeda inay shirka ku qabteen “la-tashi la’aan ama isku-dubarid” dawladda Suudaan iyo “iyada oo aan laga qaybgelinin.”

“Waa inaan xasuusinnaa qabanqaabiyeyaasha in nidaamka ilaalinta caalamiga ah la baabi’iyay muddo tobanaan sano ah,” ayaa lagu yiri bayaan, iyada oo raacisay “dadka Suudaan kaligood waxay xaq u leeyihiin inay maareeyaan arrimahooda guud … iyada oo aan la ilaalin ama faragelin ka helin xoogagga dibadda. ”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

Dalka Burkina Faso oo eryay diblomaasiyiin Faransiis ah – sababta waa maxay?

Burkina Faso ayaa ku eedeysay mas’uuliyiintan inay wadaan howlo qaran dumis ah.

Published

on

Askarta Burkina Faso ayaa booqday safaaradda Faransiiska. © Ahmed OUOBA / AFP

Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in saddex diblomaasiyiin Faransiis ah aan la aqoonsanayn, iyadoo la siiyay 48 saacadood inay uga baxaan waddanka Galbeedka Afrika. Dhacdadan ayaa sii kordhinaysa dib u dhacyo waaweyn oo diblomaasiyadeed oo Paris ku haysay dalkaasi sanadihii u dambeeyay.

Waraaq ku taariikheysneyd Talaadadii kuna socotay safaaradda Faransiiska ee Ouagadougou, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Burkinabe waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta inay sameeyeen falal “qabudin ah”, iyada oo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Wasaaraddu waxay u magacawday Gwenaielle Habouzit iyo laba lataliye siyaasadeed, Guillaume Reisacher iyo Herve Fournier, inay yihiin mas’uuliyiinta ay tahay inay dalka ka baxaan Khamiista.

Xidhiidhka u dhexeeya Paris iyo Ouagadougou ayaa si weyn u xumaaday tan iyo markii millatariga Burkina Faso ay xukunka kula wareegeen afgambi 2022. Bishii Maarso ee sannadkii hore, dawladdu waxay joojisay heshiis gargaar milatari oo 1961 ah oo ay la gashay Faransiiska kaas oo jiray tan iyo markii Paris ay xornimada siisay waddanka Saaxil.

Waxay tan iyo markii ay amartay in dalka laga saaro safiirka iyo ciidamada Faransiiska, iyadoo sidoo kale shaqada laga joojiyay qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ee Faransiiska, oo ay ku jiraan baahinta telefishannada France 24 iyo Burkina-Radio France International. Maamulka militariga ayaa ku eedeeyay shabakadaha warar been abuur ah iyo inay gogol u fidiyeen kooxaha jihaad doonka ah.

Bishii Sebteembar ee la soo dhaafay, Emmanuel Pasquier oo u qaabilsanaa difaaca Faransiiska iyo kooxdiisii ayaa sidoo kale laga soo eryay Burkina Faso sababo la xiriira “waxqabadyo qaran dumis ah.” Afhayeen aan la magacaabin oo u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa xilligaas meesha ka saaray eedeynta isagoo ku tilmaamay “mid cajiib ah,” waa sida ay sheegtay AFP.

Burkina Faso ayaa Maali ku biirtay xoojinta xiriirka ay la leedahay Ruushka ka dib markii labada dal ay ka ceyriyeen ciidamada Faransiiska, iyagoo ku eedeeyay gumeystihii hore inay faragelin ku sameeyeen oo ay ku guuldareysteen inay damiyaan rabshadaha xagjirka ah muddada tobanka sano ah ee ay ku jirtay howlgalka milatari.

Inkasta oo dawladaha reer galbeedka ay walaac ka muujiyeen saamaynta sii kordhaysa ee Ruushka ee gobolka Saaxil, Maali, Burkina Faso, iyo Niger, oo dhammaantood ku hoos jira xukunka militariga, ayaa dhawaan sameeyay isbahaysi waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Moscow ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Hogaamiyeyaasha saddexda gumeysi ee hore ee Faransiiska ayaa si isdaba joog ah u ammaanay Ruushka oo ah “Istaraatijiyad” lammaane waxayna ballan qaadeen inay xoojiyaan xiriirkooda “wanaagsan”.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Bate Urgessa waxa uu xubin ka ahaa Jabhadda Xoraynta Oromada, kaas oo tobanaan sano khilaaf kala dhexeeyey dawladda dalkaas ee Itoobiya.

Published

on

Bate Urgessa

Xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Itoobiya ayaa la afduubtay oo toogasho lagu dilay. Bate Urgessa ayaa xubin ka ahaa xisbiga OLF oo mar la mamnuucay, kaas oo ka soo laabtay musaafuris siyaasadeed ka dib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la wareegay xafiiska sannadkii 2018-kii.

War qoraal ah oo la soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), xisbigu wuxuu ku sheegay in Urgessa oo 41 jir ah, oo dhawaan la sii daayay ka dib laba toddobaad oo xabsi ah, lagu dilay habeenkii Talaadada magaaladiisa oo ku taal waddanka ugu weyn uguna dadka badan Bariga Afrika, waa gobolka Oromiya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dadka nabadda jecel inay sameeyaan baaritaan dhexdhexaad ah oo degdeg ah,” Xisbiga OLF ayaa tiri.

War qoraal ah oo la soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), xisbigu wuxuu ku sheegay in Urgessa oo 41 jir ah, oo dhawaan la sii daayay ka dib laba toddobaad oo xabsi ah, lagu dilay habeenkii Talaadada magaaladiisa oo ku taal waddanka ugu weyn uguna dadka badan Bariga Afrika, waa gobolka Oromiya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dadka nabadda jecel inay sameeyaan baaritaan dhexdhexaad ah oo degdeg ah,” Xisbiga OLF ayaa tiri.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Addis Standard, oo soo xiganaysa ilo qoys, Bate ayaa xoog lagaga soo saaray qol uu hotel ku jiray galabnimadii Talaadadii, waxaana maydkiisa laga helay wadada dhinaceeda subaxnimadii xigtay ee Meki, oo qiyaastii 90 mayl (150 kiiloomitir) koonfurta ka xigta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa bishii Febraayo lagu xiray hotel ku yaalla magaalada Addis Ababa isaga iyo weriye Faransiis ah oo lagu magacaabo Antoine Galindo, isagoo lagu eedeeyay inuu wareysi la yeeshay. Labadaba waxaa lagu eedeeyay in ay la shaqaynayeen jabhadaha Oromada ee OLF, oo ah garab milatari oo ka tirsan jabhadda gooni u goosadka ee OLF, iyo jabhadda Fano ee fallaagada ah, iyaga oo lagu eedeeyay “shirqool lagu hurinayo kacdoon.”

Galindo ayaa la sii daayay toddobaad ka dib, halka Bate la siiyay dammaanad laba toddobaad ka dib. Dhaliilaha dawladda ayaa sannado badan ku qaatay xabsiga dhexdiisa iyo dibadiisaba dhawr jeer. Waxa uu aad u xanuunsaday 2022 isaga oo xabsiga ku jiray oo la sii daayay.

Komishanka Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa ku baaqay in si “degdeg ah, eex la’aan” iyo “baaritaan buuxa” lagu sameeyo dhacdada, labada mas’uul ee gobolka Oromiya iyo federaalka Itoobiya, si loola xisaabtamo Bate.

OLF iyo dowladda federaalka ayaa tobanaan sano isku khilaafay sheegashada in la takooro oo la dayacay dadka Oromada ah, oo ah qowmiyadda ugu badan dalka. Rabshado sanado ah oo ka socday Oromiya ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof iyo barakaca tobanaan kun.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Afrika

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Paul Kagame ayaa marti galiyay munaasabad Axadii lagu xusayay sanadguuradii 30-aad ee xasuuqii ka dhacay wadanka bartamaha Afrika ee Ruwaanda

Published

on

Madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame iyo xaaskiisa Jeannette Kagame ayaa shiday holac xusuus ah oo ay ku hareereysan yihiin madax ka tirsan dowladaha iyo marti sharaf kale oo qeyb ka ah xuska sanad guurada 30-aad ee xasuuqii Ruwanda ka dhacay sanadkii 1994-kii oo lagu qabtay Kigali Abriil 7, 2024. © LUIS TATO / AFP

Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame ayaa ku eedeeyay beesha caalamka inay ka gaabiyeen ka hortagga xasuuqii 1994-tii ka dhacay dalkiisa, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan hal milyan oo qof, sida lagu sheegay qiyaas rasmi ah.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu jeediyay ka dib markii uu shiday holac xusuus ah oo ubax dhigay goob xusuus ah oo lagu hayo haraagii 250,000 ee xasuuqii ka dhacay caasimadda Ruwanda ee Kigali, Axaddii si loo xuso sannad-guuradii 30-aad ee 100-ka maalmood ee dhiig-baxa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka mid ahaa madaxda caalamka ee ka qeyb gashay xafladda. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wafdi uu hogaaminayay Bill Clinton oo ahaa madaxwaynihii Maraykanka ee xiligaas xasuuqa ka dhacayay iyo madaxwaynaha Israa’iil Isaac Herzog.

“Ruwanda gabi ahaanba aad bay u hoosaysay baaxadda khasaaraha na soo gaaray, casharradii aan baranayna waxay ku xardan yihiin dhiig. Laakiin horumarka baaxadda leh ee dalkeenu waa mid muuqda, waana natiijada doorashada aan si wadajir ah u sameynay si aan u soo nooleyno qarankeena,” ayuu yirri Kagame.

Xasuuqa Ruwanda, oo bilaabmay Abriil 7, 1994, waxa la arkay Tutsiga iyo Hutu-ga qunyar u socodka ahaa oo ay si nidaamsan u xasuuqeen Hutu-ga xagjirka ah muddo 100 maalmood ah. Dilalka ballaaran ayaa yimid saacado ka dib markii diyaarad uu la socday madaxweynihii Ruwanda ee xilligaas, Juvenal Habyarimana, la toogtay xilli ay ku soo dhawaatay Kigali. Tutsiga ayaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerarkii diyaarada iyo dilkii madaxweynaha, iyaga oo bartilmaameed u ahaa xasuuqa.

Beesha caalamka iyo ciidamada Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay dalka aan badda lahayn ayaa la sheegay inay ku guul-darreysteen inay heshiis ka gaaraan tallaabo kasta oo wax ku ool ah oo lagu joojinayo dilalka, taas beddelkeedana ay daawanayeen masiibada dhacday.

Axadii, Kagame wuxuu ku ammaanay dalalka deriska ah, oo ay ku jiraan Itoobiya, Uganda, iyo Tanzaniya, taageerada ay siiyeen qaabilaadda qaxootiga Tutsiga iyo joojinta dilalka ballaaran.

“Wadamo badan oo halkan matalay ayaa iyaguna wiilashooda iyo gabdhahooda u soo diray inay nabad-ilaaliyeyaal ka noqdaan Ruwanda. Askartaas kuma aysan fashilmin Ruwanda. Waxay ahayd beesha caalamka oo dhammaanteen nagu fashilantay, haday quursi tahay ama ha noqoto fulaynimo,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ruwanda.

Kigali ayaa in badan ku eedaysay beesha caalamka gaar ahaan Faransiiska inay ku lug leeyihiin dhiiga daadanayay. Mas’uuliyiinta dalka Afrika ayaa ku eedeeyay Paris inay ilaalinayso qaar ka mid ah dadkii xasuuqa geystay, isla markaana diiday in loo gacan geliyo Ruwanda, halkaasoo ay caddaaladda uga carareen. Dowladda Faransiiska ayaa beenisay inay gacan ka geysatay dilka, laakiin waxay aqbashay “mas’uuliyadda culus” ee ah inaysan ka jawaabin qulqulka keentay in la gowraco.

Muuqaal horay loo duubay oo ka horreeyay xuska Axadda, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu sheegay in Faransiiska iyo xulafadiisa ay ka hortagi kareen xasuuqa laakiin ay waayeen rabitaan ay ku sameeyaan.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Clinton ayaa sidoo kale horey u qirtay in xasuuqaasi uu ahaa fashilka ugu weyn ee maamulkiisa.

Intii u dhaxaysay bilihii Abriil iyo Juun1994, waxa lagu qiyaasay 800,000 oo reer Ruwanda ah in lagu dilay 100 maalmood gudahood. Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen Tutsiga – inta badan kuwa rabshadaha gaystay waxay ahaayeen Hutu.

Intii lagu guda jiray xasuuqii Ruwaanda ee 1994, sidoo kale loo yaqaano Xasuuqa ka dhanka ah Tutsi-ga ee Ruwaanda, xubnaha qawmiyada Hutu ee ugu tirada badan ee ku nool dalka bariga-dhexe ee Afrika ee Ruwaanda ayaa dilay ilaa 800,000 oo qof, oo u badnaa Tutsiga laga tirada badan yahay. Xasuuqa Hutiyiinta ay ka bilaabeen caasimadda Kigali, ayaa si xawli ah ugu faafay dalka oo dhan waliba si xawli iyo arxan darro ah, iyadoo shacabka caadiga ah ay ku kicinayeen mas’uuliyiinta deegaanka iyo xukuumadda Hutu-ga si ay hubka ugu qaataan deriskooda ku dhow.

Markii Jabhadda Waddaniga ah ee Ruwaanda ee Tutsi-gu hogaminayo ay xukunka dalka ku qabsadeen weerar millatari horraantii bishii Luulyo 1994, boqollaal kun oo reer Ruwaanda ah ayaa ku dhintay, 2 milyan oo qaxoonti ah (oo u badnaa Hutu) ayaa ka qaxay Ruwaanda.

Xasuuqa ayaa ka dhashay geeridii Madaxweynihii Ruwaanda Juvenal Habyarimana, oo ka soo jeeday qowmiyadda Hutu, markii diyaaradii uu la socday lagu soo riday hawada sare ee garoonka Kigali 6-dii Abriil 1994-tii. Laakin geerida madaxwaynuhu sinaba uma ahayn sababta kaliya ee keentay xasuuqii ugu waynaa ee Afrika ka dhaca wakhtiyadan casriga ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul