Connect with us

Diblomaasiyadda

AMISOM: Adeegayaasha Minjo-xaabinta Israaca Soomaliyeed!!

Published

on

 


Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.

Ciidamada loogu magac daray nabad ilaalinta ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan Amisom( African mission for Somalia ) waxa ay wadanka soomaliya soo galeen dabaqayadii sanadkii 2007 iyagoo oo markaas mandatekooda lagu sheegaya inuu yahan nabad ilaalin oo kaliya iyo sugida madaxda qaranka iyo waliba waardiyaynta goobaha muhiimka ah ee ay kamid ka yihii madaxtooyada ,xarunta barlamaanka iyo airprortka Adan cade.

Hadaba iyada oo laga jooga jooga tan iyo markii dalka ay yimadeen mudo ku siman sagaal sano waxaad mooda in Ciidamada Amisom ay baal maraeen hawshii loo xil saaray ee ay markii horeba kusoo galeen dalka,Amisom waxaa ay ku dhex milmeen siyaasada dalka iyaga oo ka mid noqday dhibaatooyinka uu dalka ka dagi la,a yahay. Waxa lagu ogaa nabad ilaalin waxay isu badaleen qas wadayaal iyagoo si bareer u dila dadka shacabka  ee aan waxba galabsan, waxay ku kaceen falal aadanaha ka dhanka ah sida kufsi iyo layn maato iyagoo baaburtooda qufulani maalin walba ay dariiq yada ku jiraan dadka shacabka si ula kac ah.

Waxaa iila hada aan cadayn xiliga ay ka baxayaan dalka ee ku egyahay mandatekooda  macada  tirade ciidanka ee ka  hawl gala dalka inta uu yahay sidoo kale waxaan la aqoon cida rasmiga ah ee ay ka amar qaatan amay hoos tagaan. Awal hore hawl galkoodu waxaa uu koobna caasumada qaranka hada waxaa ay ku baaheen badi gobolada dalka, waxaa ay isku hawleen in ay meelo nabdoon ka abaabulaan dagaalo iyo isku dhacyo cusub si mashruuca ugu sii balaarto mushaarka iyo tirade ciidankana loogu badiyo.

Waxa ay lacago farabadan ku helaan shaatiga soomaliyeed iyo in ay soomaliya u yihiin hiilo ugu soo gurmatay inay badbaadiyaan, waxaa ay noqdeen urur samafal iyagoo isbitaalo furay deeqana bixiya . waa yaabe waan la socona wadamada ay ka yimadeen taagtooda dhaqaale gormay wadamadaasi noqdeen deeq bixiyayaal?. Majirto cid daba gasha ama la xisaabtanta shaqooyinka ay dalka ka hayaan waxaa ayna si madax banaan u fuliyaan hawl galo iyaga u gaar ah oo aan madaxda soomalidu la socon,waxaa ay ka qayb galaan shirarka caalimaga ee soomalida loogu qabto daafaha caalamka si lamid ah maamulada dalka iyo madaxda dawlada dhexe.

Waxa ay heleen awood xad dhaaf ah iyagoo ku takri fala hantida ay magaca soomaliyeed ku heleen waxaana la sheegaa in askari walba uu mushaar ahaan u qaato $1028 oo ay usii weheliyeen gunooyin,daryeel iyo waliba qalab casriyaa oo ay ku gaashaaman yihiin oo yarayn kara khatartooda dhimasho iyo dhaawac, halka askariga soomaliyeed uu u qaata mushaar ahaan $100 dollar oo aan joogta ahayn maa jirto wax daryeel  oo u helo askariga soomaliyeed hadii uu ku dhawaacmo inta uu ku gudo jiro hawasha qaran.

Hadaba sidee suuro gal ku tahay dalka noocaas ahi inuu helo dawlad xoog leh oo xor ah hadiiba aanay jirin waxa gacanta ugu jira dadkii dawlaadaas loo dhisi lahaa,maxaase u noqon kara dal siyaasad ahaan,maskax ahaan iyo ciidan ahaanba aan madax banaanayn inuu noqda mustaqbal dhow iyo kan fogba.

Hadiise ciidii ku haysatay ee ku gumaysanaysay aad mgan uga tahay kana doonaysid xoriyad suuro gal ma tahay inaad xorowdo. Waa halkii uu ka lahaa Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam alle ha u naxariistee;

In xornima la doona,  Dawadeena weeye

Halkee baan ka doonaa,    Laga doone heedii

Markii horeba duudsiiyay,  Idoon markaan dhaho

Soo ma ahan dirashada,  Duxda aan ka sugayaa

Digashadii waraabaha, Hal irmaan intuu dilay

Horadadii dibnaha iyo, Labadii danbeed cunay

Nirigtii dibnaha jiray, Isku soo duwee yiri

Halkee tani ka darartaa,Maxayse tani ka nuugtaa

Hamiga ah in amisom soomaliya xasiliso waa hungo iyo riyo maalmeed aan waxba ka soo naaso cadayn,xaqiiqaduna ma aha nabad ilaalin iyo sida la inoo ku sheegaya ee waaa sidan; A(adeegayashaa), M(minjoxaabinta),I(israaca) , SOM(soomaliyeed), waana taalabo ku gudban helida dawladnimo taabo gal ah oo ay soomaliya hesho.

Waa mashruuc dibin daabyo oo aan lahayn meel uu ku dhamaado ilaa iyo in ujeedoyin dahsoon oo aanan ogayn lagu gaaro mooye,waa gumaysi dadban oo marmarka qaar ay soo daahirto damac yadiisa dahsoon.

Haddii aan xisaabino halka askari oo Amisomka ah wuxuu la mashuur yahay 10 askari oo soomaliyeed,hadii askari walba oo Amisom ah uu mushaarkiisu yahay $1028 tirada askartooduna tahay inta la hubo 22000. Waxaa isku dhuftaa $1028*22000=$22616000  million,taas macnaheedu wuxuu yahay kharashka ku baxaa waa $2261600 oo million.

Qiyaas hadii lacagtaas lagu kharas geeyo dhisida ciidan qaran oo soomaliyeed oo askari walba uu si toos ah mushaar ahaan ugu qaato $100 dollar, waxaa ay noqonaysaa in soomliya ay yeelato ciidan dhan 200,000 kun oo askari ayadoo askari walba uuu  qaadanayo mushaar ahaan  $113.08 dollar.

Waxaa halkaas ka cad in meesha aysan jirin qaranimo soomaliyeed oo la rabo in la dhiso in la wax yeelo oo  la burburiyo mooye, waayo soomaliya oo dhan waxa ugu badnaan ku filan 30,000 oo askarii oo soomaliyeed tababar fiicana qaba mushaar fiican qaata, marka hadii beesha calaamka iyo wamadama la magac baxay deeq bixiyayaalka Ilaahay baa deeq bixiya ahe inay soomaliya caawinayaan oo dawlad u dhisayaan waa in ay noo dhisaan ciidan tiro iyo tayo leh oo soomali ah.

Gunti iyo gabagabadii waxaan kuso afmeeraya qormada waa in ummada soomaliyed ay u fahantaa in ciidamada shisheeya aysan inoogu iiman inay ina cawiyaan ama wax ina taraan oo inoo gargaaraan, ee wa mashuurc la inoogu talagalay oo an waligiis dhamaanayn, marka waa in ummada soomaliyed ay saas u garataa una kacdaa sidii ay uga gashaamayn lahayd dibin daabyada had iyo jeer lala daba socda ee khatar ku ah jiriteenkeena ummadnimo iyo dawladnimaba.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Waa qoraa qoray in kabadan 50 maqaal oo uga hadlaayo dhacdooyin siyaasadeed, mid bulsheed, dhaqan, gubaabin, gal-daloolooyin u muuqday, tabashooyin, digniino iyo wadiniyad. Qoraaga ayaa ah aqoonyahaan da’yar oo aad u falanqeeya siyaasadda dalka.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diblomaasiyadda

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo xaq u leh inay ka shaqeyso danaha iyo maslaxadda dadkeeda.

Published

on


Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali ayaa ka hadlay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aaddan xiisadaha gobolka, xiriirka dalalka ay wada-shaqaynta leeyihiin iyo baahida loo qabo in Soomaaliya ilaaliso madaxbannaanideeda iyo danaheeda qaran.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo xaq u leh inay ka shaqeyso danaha iyo maslaxadda dadkeeda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda lagu saleeyo mowqif cad oo waafaqsan danaha qaranka. Isaga oo ka hadlayay su’aal la xiriirtay mowqifka dowladda iyo xiriirka wada-shaqayneed ee ay la leedahay dalalka gobolka gaar ahaan heshiskii dhowaan ay wada saxiixdeen dalalka Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Ereteriya ayuu sheegay inaanay jirin wax warqad rasmi ah oo dowladda kasoo gaartay oo ku saabsan arrinta laga hadlayo, isaga oo kala saaray hadallada baraha bulshada iyo suuqa laga faafiyo iyo mowqifyada rasmiga ah ee dowladda.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta ay yeelan karaan sawirrada iyo muuqaalada siyaasadeed ee laga dhex muuqdo shirarka ay ka qaybgalayaan dhinacyada ay isku hayaan dalalka gobolka. Waxa uu tilmaamay in tallaabooyinka noocaas ahi ay yeelan karaan fasiraado siyaasadeed oo ka baxsan ujeeddada laga lahaa. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimadeeda, isla markaana ay door ka qaadato fududeynta wadahadalka iyo iskaashiga gobolka, halkii ay si buuxda ula safan lahayd dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya khilaafaadka.

Xasan Maxamed Cali ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ku ekaato siyaasaddeeda madax-bannaan, isaga oo ka digay in mowqifyada siyaasadeed ee isbeddelaya ay dhaawici karaan xiriirrada amni, ganacsi iyo wada-shaqayneed ee gobolka. Ugu dambayn, wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in Soomaaliya aanay cidna si gaar ah ugu eexanayn balse ay xaq u leedahay inay si cad u qeexdo mowqifkeeda, iyadoo mudnaanta siinaysa madaxbannaanida dalka, amniga iyo danaha ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed.

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.

Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad. Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qoddobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.

Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay iskudayday inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dhinac.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Muqdisho ay dooneyso in khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta xal laga gaaro, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay weli diyaar u tahay inay hagaajiso xiriirka labada dal inkastoo ay jiraan kala aragti duwanaansho la xiriira Somaliland iyo arrimaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay AlJazeera Carabi ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu horey u ahaa mid dhow gaar ahaan dhinacyada amniga balse uu xumaaday kadib markii, sida uu sheegay, Abu Dhabi ay garab istaagtay gooni goosashada maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisay heshiisyo ay Imaaraadka Carabta la lahayd oo la xiriiray amniga iyo difaaca, hase yeeshee ay weli sii socdaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo safaaradaha labada dal. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay iskudayday inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dhinac. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu horey Soomaaliya uga taageeri jiray dhinaca amniga, taas oo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah xiriirkii dhowaa ee labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan xiriirka iyo heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka jartay kadib markii ay ku eedeysay Abu Dhabi tallaabooyin ay u aragtay inay dhaawacayaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya gaar ahaan xiriirka Imaaraadka la leeyahay Somaliland iyo heshiisyada amni ee uu la galay maamullo ka baxsan dowladda. Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib dhacdooyin la xiriiray Somaliland iyo arrimaha Yemen, iyadoo Muqdisho ay sheegtay in kalsoonidii ay ku qabtay iskaashiga Imaaraadka ay meesha ka baxday.

Bishii Janaayo 2026, Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadlay arrin muddooyinkii dambe si hoose looga hadal hayay, kadib markii ay ansixiyeen go’aan ay ku laaleen heshiisyadii kala duwanaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta. Heshiisyadan oo isugu jiray kuwo dhaqaale, maalgashi iyo kuwo amni ayaa la sheegay in ay muddo dheer saameyn ku lahaayeen siyaasadda gudaha iyo midda dibadda ee dalka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka dhashay “tallaabooyin gurracan” oo Imaaraatka Carabta uu ku sameeyay Soomaaliya, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo khilaafsan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golaha Wasiirradu waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay go’aansatay in ay laasho dhammaan heshiisyadii hore ee ay Imaaraatka kula jireen ee khuseeyay dekedaha, amniga iyo maalgashiyada qaarkood.

Sida lagu caddeeyay go’aanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in Imaaraatka laga joojinayo joogitaankiisa iyo maalgashigiisa dekedda Berbera iyo sidoo kale dekedaha kale ee ku yaalla gudaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Boosaaso iyo Kismaayo. Dowladda ayaa ku dooday in heshiisyadaasi ay ahaayeen kuwo si aan waafaqsanayn dastuurka iyo danaha qaranka loo maamuli jiray, isla markaana ay kor u qaadeen kala qaybsanaanta dalka.

Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha iyo xubno ka ag dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u macneeyay tallaabadan mid lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka. Waxay sidoo kale eedeeyeen Imaaraatka Carabta, iyagoo ku tilmaamay inuu door ku lahaa taageerada Somaliland iyo hirgelinta xidhiidh cusub oo la sheegay inuu dhex maray Somaliland iyo Israa’iil, arrin hore uga dhalisay dood siyaasadeed iyo caro ka timid Muqdisho.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in Turkigu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan oo ah kii ugu horreeyay ee uu dalkaasi ka sameysto meel ka baxsan Turkiga ay yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka sheegaya in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan oo ay si joogto ah uga hawlgalaan ciidamada Turkiga. Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay Al-Jazeera Carabi kaga hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in goobta Turkigu ku leeyahay Soomaaliya ay tahay xarun lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed ayna khalad tahay in loo aqoonsado saldhig ciidan oo ay Turkigu leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in Turkigu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan oo ah kii ugu horreeyay ee uu dalkaasi ka sameysto meel ka baxsan Turkiga ay yihiin, sida uu hadalka u dhigay, “dacaayad aan sal lahayn”. Wuxuu xusay in aysan halkaasi joogin ciidamo Turki ah oo loo diray inay ka hawlgalaan saldhig ciidan.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah, isagoo xusay kaalinta Turkiga ee taageerada Soomaaliya gaar ahaan xilligii abaartii 2011-kii iyo markii dalka uu wajahayay xaalad amni oo adag.

Wuxuu sheegay in Turkigu uu sidoo kale maalgashi ku sameeyay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, isla markaana uu hadda ka shaqeynayo dhinacyada shidaalka iyo gaaska iyo mashaariic kale oo Soomaaliya ka socda. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Turkigu uu sidoo kale ka shaqeynayo dhismaha xarun lagu dayax-gacmeedyada laga diro, taas oo uu ku tilmaamay mashruuc muhiim u ah Soomaaliya iyo qaaradda Afrika.

15 sano kadib xiriirkii Soomaaliya iyo Turkiga ee arrimaha bini’aadanimada ma wuxuu u weecday in Turkiga uu la wareego kheyraadka Soomaaliya?

15 sanno kadib xiriirkii ku bilowday taageeridda gargaarka bini’aadanimo ee Turkiga uu kusoo galay Soomaaliya bartamihii 2011-kii, oo ay Soomaaliya ka jirtay xaalad abaar oo dalka qeybo kamid ahna macluul isku beddeshay. Xilligaan Soomaaliya iyo Turkiga xiriirkooda ayaa sii xoogaysanaya inkastoo ay barbar socdaan dhaliilo ka imaanaya dhanka gudaha oo ku wajahan dhinaca dowladda Turkiga.

Xiriirkaas oo ku bilowday booqashadii dowladda Turkiga Ra’iisulwasaarihii xilligaasi isla haatan ah Madaxweynaha dalka Turkiga, Reccept Tayyip Ordogan uu kusoo gaaray gudaha dalka Soomaaliya booqdayna goobaha dadka barakacyaasha ah xilligaasi uu Madaxweyne Soomaaliya ka ahaa Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxaa uu jirsaday xiriirka haatan 15 sanadood.

Turkigu waxa uu ballaariyay dhammaan saameyntiisa dhanka gudaha Soomaaliya isaga oo sameystay saldhigga ugu ballaaran marka la eego dhanka ciidanka kaas oo ah xerada TURKSOM halka sidoo kale dekedda Muqdisho, garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale oo muhiim ah oo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka maamulkeeda uu la wareegay dhowr iyo tobankii sanadood ee lasoo dhaafay.

Waxaase intaasi dheer heshiisyo kale oo dhinaca kheyraadka taabanaya oo ay ugu horreeyaan tan shidaalka iyo sidoo kale arrimaha kulluunka oo dhammaantoodba abuuray xiisad dhanka gudaha ah iyo dowlad goboleedyadda qaar oo arrintaasi si kulul ugu horymid.

Dhinacyada siyaasadda odorosa ayaa sheegaya marka la eego heshiisyada waaweyn iyo sida baaxadda leh ee uu dalka kheyraadkiisa isugu fidiyay Turkiga inay tahay mid ka duwan filashadii Soomaalida ee aheed in uu dhanka dowladnimada iyo gargaarka bini’aadanimada ee uu dalka kusoo galay uu Turkiga sii wadayo. Halka sidoo kale ay jiraan dhaliilo xooggan oo laga dirayo heshiis dhanka kheyraadka oo boqolkiiba 95% Turkiga uu qaadanayo halka boqolkiiba 5% la siinayo Soomaaliya marka ay dhacdo in lasoo saaro shidaalkaasi oo haatan howshiisa ay soccoto.

Waxaa intaasi dheer dhismaha shirkad kale oo iyaduna ka shaqeynaysa arrinta kheyraadka kulluunka ee ku jira badda Soomaaliya taas oo ay iska diideen dhinacyada dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbalabd. Maanta labada dhinaca ee Turkiga iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah ugu dabaaldageen 15 sano guuraddii kasoo wareegatay dib u cusboonaysiinta xiriirkii curtay sannadka 2011-kii, munaasabad ka dhacday gudaha magaaladda Muqdisho ayay ka qeybgaleen xubno ka tirsan madaxda Villa Soomaaliya ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu hore kaga dhammaaday iyo xukuumadda xilgaarsiinta. Ra’iisulWasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah Xamse Cabdi Barre ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadan maanta magaaladda Muqdisho amaan dulhubiyay dowladda Turkiga.

Marka la eego saameynta Turkiga ee gudaha dalka Soomaaliya ee isku fidiyay waxaa dhinaca kale barbar socda tuhun kale oo la xiriira danaha dowladda Turkiga ee gudaha Soomaaliya ee mustaqbalka dhow iyo midka fog intuba. Mucaaradka Soomaaliya qaarkood waxay ku doodayaan sidoo kale in Turkiga uusan sidoo kale dhexdhexaad ka ahayn arrimaha khilaafka gudaha ee Soomaaliya, marar kala duwan oo iskudayay inuu kala dhexdhaxaadiyo dhinacyada mucaaradka iyo madaxda waqtigoodu dhammaaday ayuu ku fashilmay, Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen waxay kol hore sidoo kale ku eedeeyeen Turkiga in diyaaradihiisa dagaalka loo adeegsaday dagaalkii ka dhacay magaaladda Baydhabo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Baay oo la duqeeyay. Bishii Juun ee sannadkan dagaal ka dhacay magaaladda Muqdisho u dhexeeyay madaxda qaar ee mucaaradka iyo Villa Soomaaliya, sidoo kale Turkiga waxaa lagu eedeeyay diyaaradihiisa Drone-ka iyo gaadiidka dabaabaadka ee Soomaaliya ugu deeqay in loo adeegsaday siyaasiyiinta mucaaradka ee xilligaan kuwaasi oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre.

Marka laga soo tago dhanka gudaha dhinaca dibadda dowladdo badan oo kuwa reer Galbeedka ah ayaa dhinacyada siyaasiyiinta waxay warrinayaan in iyagana ay ka carowdeen sida Villa Soomaaliya isugu dhiibtay Turkiga heshiisyada qaar ee kheyraadka taabanaya oo dowladahaasi iyaguna filasho iyo rajo ka qabeen mustaqbalka Soomaaliya inay heshiiska la gaaraan loo weeciyo dhanka Turkiga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas.

Published

on


Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.

Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad. Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qoddobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.

Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.

Soomaaliya: Ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga qaranka

Arrimaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay tahay inay mudnaanta siiso shir-madaxeedka New Alamein waa ilaalinta madaxbannaanida qaranka, midnimada dhuleed iyo danaha istaraatiijiga ah ee dalka. Xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waxay Soomaaliya u abuureysaa fursad diblomaasiyadeed oo ay ku xoojin karto iskaashiga dalalka gobolka, gaar ahaan Masar, Ereteriya iyo Suudaan. Itoobiya dhowr jeer ayay tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed ku lug leh arrimaha gudaha Soomaaliya qaaday, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u aragtay faragelin ka dhan ah madaxbannaanideeda. Tusaalaha ugu weyn waa is-afgaradkii (MoU) ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland 1-dii Janaayo 2024, kaas oo la xiriiray marin-badeed iyo suuragalnimada aqoonsiga Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marka laga fiiriyo dhinaca amniga qaranka, arrintani ma aha oo keliya khilaaf diblomaasiyadeed, balse waxay taabanaysaa mabda’a madaxbannaanida dowladeed, ilaalinta xuduudaha caalamiga ah iyo xaqa ay Soomaaliya u leedahay inay maamusho dhulkeeda iyo baddeeda. Sidaas darteed, Soomaaliya waa inay dhistaa siyaasad dibadeed oo ku salaysan danaha qaranka, iskaashi amni iyo xiriirro istaraatiiji ah oo dheellitiran.

Goobta juqraafiyeed ee Soomaaliya, xeebteeda dheer iyo muhiimadda ay u leedahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas waxay dalka siinayaan miisaan siyaasadeed iyo amni oo heer gobol iyo caalami ah. Waa fursad ay Soomaaliya kaga qayb qaadan karto dhismaha hannaan amni oo wadajir ah, kaas oo ka hortaga faragelinta shisheeye, khilaafaadka xuduudaha iyo xasillooni darrada gobolka. Dhanka kale, dagaalka Suudaan iyo xiisadaha Itoobiya iyo Ereteriya waxay muujinayaan baahida loo qabo iskaashi diblomaasiyadeed oo ka hortaga dagaallo cusub. Soomaaliya waa inay ka fogaataa inay qayb ka noqoto loollan ay dalal kale leeyihiin, balse ay hormuud ka noqotaa ilaalinta nabadda, madaxbannaanida dowladaha iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Khibradda taariikheed ee Geeska Afrika waxay caddeyneysaa in dagaal cusub uu fududaan karo marka kanaallada diblomaasiyadeed xirmaan, halka fursadda nabaddu kordhayso marka wada-hadalku sii furnaado.

Published

on

Guddigu wuxuu xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Geeska Afrika waa mid ka mid ah gobollada ugu istaraatiijisan qaaradda Afrika, maadaama uu isku xiro Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Bariga Afrika iyo marinnada ganacsi ee caalamiga ah. Gobolka waxaa isku dhex jira arrimo la xiriira amniga qaranka, biyaha webiga Nile, marin-badeedka, xuduudaha, isbahaysiyada siyaasadeed iyo tartanka awoodaha gobolka. 

Xiisad ka dhex dhalata Itoobiya, Ereteriya iyo Masar ma aha arrin ku kooban saddex dal oo keliya, balse waxay yeelan kartaa saameyn ballaaran oo ku fida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Bishii Oktoobar 2026, Midowga Afrika wuxuu muujiyay walaac ku saabsan kororka xiisadaha u dhexeeya Itoobiya, Ereteriya iyo Masar. Guddiga Midowga Afrika wuxuu 1-dii Oktoobar ugu baaqay saddexda dal inay muujiyaan is-xakameyn, ka fogaadaan hadallo ama tallaabooyin sii kordhin kara xiisadda, ayna illaashadaan kanaallada isgaarsiinta iyo hababka diblomaasiyadeed. Arrintan waxay timid xilli xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya uu si gaar ah u xumaaday xirriirkooda, iyadoo Itoobiya ay xirtay safaaraddeedii Asmara, halka Ereteriya ay ku dhawaaqday inay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.

Asalka xiisadda iyo isku-xirnaanta amniga

Si loo fahmo xaaladda, waxaa muhiim ah in si gaar ah loo fiiriyo sida arrimaha gudaha Itoobiya iyo loollanka gobolka ay isugu xiran yihiin. Itoobiya waxay wajahaysaa dib-u-soo-noqoshada dagaallo ka dhacay waqooyiga dalka, gaar ahaan Tigray, halka xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu sii xumaaday. Reuters ayaa 2-dii Oktoobar 2026 sheegay in ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogag xiriir la leh ay u dhaqaaqayeen dhanka Mekelle, iyadoo dagaalladu ay sare u qaadeen cabsi laga qabo in khilaafku isu beddelo dagaal ballaaran.

Xaaladdan waxaa sii murjinaya arrinta marin-badeedka. Itoobiya waa dal aan lahayn xeeb, waxaana hoggaanka Itoobiya uu muddo dheer muujinayay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin u gaar ah oo Badda Cas ah. Ereteriya, oo leh xeeb dheer iyo dekedda muhiimka ah ee Assab, waxay arrintan u aragtaa arrin si toos ah ula xiriirta madaxbannaanideeda iyo amnigeeda. Sidaas awgeed, arrinta marin-badeedku waxay noqotay qayb ka mid ah xisaabta amni ee labada dal. Masar waxay leedahay dano istaraatiiji ah oo ku saabsan webiga Nile iyo amniga gobolka. Khilaafka ku saabsan Biyo-xireenka Renaissance ee Itoobiya ayaa muddo dheer saameeyay xiriirka Qaahira iyo Addis Ababa. Sidaas darteed, marka khilaafaadka gudaha Itoobiya ay isku biiraan arrimaha Nile, marin-badeedka iyo xiriirka Itoobiya-Ereteriya, waxaa dhalan kara xaalad amni oo ka baxsan xuduudaha dalalkaas.

Doorka Midowga Afrika

Hadalkii Midowga Afrika ee 1-dii Oktoobar wuxuu ahaa tallaabo loogu talagalay in lagu yareeyo khatarta sii kordheysa, halkii uu ahaa eedeyn rasmi ah oo loo jeedinayo mid ka mid ah dowladaha. Guddigu wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya, Ereteriya iyo Masar ay ilaashadaan kanaallada isgaarsiinta, khilaafaadkana lagu xalliyo diblomaasiyad iyo wada-hadal nabadeed. Masar waxay si cad uga hortimid bayaankaas, iyadoo u aragtay in hadalka Midowga Afrika lagu jiidayo arrin ay Qaahira u aragto arrin gudaha Itoobiya ah. Jawaabta Masar waxay muujinaysaa dhibaato muhiim ah oo ku jirta diblomaasiyadda gobolka: farqiga u dhexeeya waxa dowladdu u aragto arrin gudaha ah iyo waxa urur goboleedku u arko khatar amni oo goboleed.

Marka khilaaf gudaha ah uu leeyahay dhinacyo dibadeed, xuduud wadaag, dhaqdhaqaaq ciidan ama saameyn ku fida dalalka deriska ah, waxaa adkaanaysa in si buuxda loogu qeexo “arrin gudaha ah”. Sidaas darteed, Midowga Afrika wuxuu leeyahay sabab uu uga hadlo dhinaca nabadda iyo amniga, halka dowladuhu ay weli ilaalinayaan mabda’a madaxbannaanida qaranka.

Masar iyo mabda’a madaxbannaanida

4-tii Oktoobar, Guddiga Midowga Afrika wuxuu soo saaray caddayn rasmi ah kadib cabashada Masar. Guddigu wuxuu sheegay in bayaankii 1-dii Oktoobar aan loogu talagelin in mas’uuliyadda horumarrada Itoobiya lagu wareejiyo dowlad deris ah. Waxa kale oo uu caddeeyay inuu si buuxda u ixtiraamayo madaxbannaanida, midnimada qaran, midnimada dhuleed iyo mabda’a ah inaan lagu faragelin arrimaha gudaha ee dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika. Caddayntani waxay leedahay muhiimad diblomaasiyadeed oo weyn. Waxay muujinaysaa in Midowga Afrika isku dayayo inuu isku dheellitiro laba mabda’: in la ilaaliyo madaxbannaanida dowladaha iyo in laga hortago khilaaf gudaha ah oo isu beddela dhibaato goboleed.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in bayaankiisu uu ka dhashay xaaladda diblomaasiyadeed ee sii xumaatay iyo cayrinta diblomaasiyiinta ee caasimadaha saddexda dal. Ujeeddadu, sida uu sheegay, waxay ahayd in laga hortago is-faham la’aan, koror xiisadeed ama ballaarin khilaaf oo dhaawici karta xasilloonida gobolka.

Diblomaasiyadda sida qalab amni

Dhibaatada ka jirta Geeska Afrika waxay muujinaysaa in diblomaasiyadda aan loo arki karin oo keliya hab lagu saxiixo heshiisyo, balse ay tahay qayb ka mid ah siyaasadda amniga. Marka xiriirka diblomaasiyadeed uu daciifo, waxaa yaraada fursadaha lagu fahmi karo ujeeddooyinka dhinacyada kale, taasina waxay kordhin kartaa khatarta qalad xisaabeed.

Cayrinta diblomaasiyiintu waxay noqon kartaa fariin siyaasadeed oo xooggan, laakiin sidoo kale waxay yareyn kartaa kanaallada lagu xakameeyo xiisadaha. Sidaa darteed, baaqa Midowga Afrika ee ah in la ilaaliyo “open channels of communication” wuxuu leeyahay muhiimad istaraatiiji ah. Xitaa marka dowladuhu isku khilaafsan yihiin arrimo waaweyn, xiriirka tooska ah wuxuu ka caawin karaa inay ka fogaadaan dagaal ka dhasha is-faham la’aan. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay Geeska Afrika, oo horey u soo maray dagaallo xuduudeed, colaado gudaha ah iyo faragelinno goboleed. Haddii xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya ay ku biirto tartanka Itoobiya iyo Masar, isla markaana ay saameyn ku yeelato Sudan iyo Badda Cas, khilaafku wuxuu yeelan karaa saameyn ka ballaaran saddexda dal.

Khataraha ku wajahan Geeska Afrika

Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn waa in khilaaf gudaha Itoobiya ahi uu isu beddelo khilaaf goboleed. Dagaallada Tigray, xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya, iyo eedeymaha ku saabsan taageerada kooxaha hubeysan ayaa isku xiraya arrimo gudaha iyo dibadda ah.

Khatar kale waa militarization-ka sii kordhaya ee gobolka. Haddii dowladuhu bilaabaan inay u arkaan dhaqdhaqaaq kasta oo deriskooda ka yimaada inuu yahay khatar amni, waxaa bilaaban kara wareeg amni oo ah in hal dal uu kordhiyo awooddiisa ciidan, dal kale uu jawaab ka bixiyo, taasina ay sii kordhiso hub-urursiga iyo kalsooni-darrada.

Sidoo kale, Badda Cas waxay leedahay muhiimad caalami ah. Ereteriya waxay leedahay xeeb ku taal marin istaraatiiji ah, halka Itoobiya ay raadineyso marin badeed. Sidaas darteed, xaaladda gobolka waxay xiriir la yeelan kartaa ganacsiga caalamiga ah, amniga maraakiibta iyo danaha quwadaha dibadda. Xiisadda ka dhex jirta dalalka Geeska Afrika waxay sidaas darteed noqon kartaa arrin saameynaysa amniga Afrika iyo dhaqaalaha caalamka.

Waxaan kusoo gunaanudayaa, xiisadda Itoobiya, Ereteriya iyo Masar waxay muujinaysaa sida ay isugu xiran yihiin amniga gudaha, madaxbannaanida qaranka, biyaha, marin-badeedka iyo diblomaasiyadda gobolka. Hadalka Midowga Afrika wuxuu ahaa isku day lagu ilaalinayo xasilloonida iyo in khilaafaadka lagu celiyo miiska wada-hadalka, halka jawaabta Masar ay muujisay sida xasaasi u yahay farqiga u dhexeeya faragelin iyo dhexdhexaadin goboleed. Midowga Afrika ayaa markii dambe si cad u xaqiijiyay inuusan doonayn inuu mas’uuliyadda horumarrada Itoobiya u nisbeeyo dal deris ah, isla markaana uu ixtiraamayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah.

Daraasadda xaaladdan waxay ina tusaysaa in amniga Geeska Afrika uusan ku xirnayn oo keliya awoodda milatari. Waxaa sidoo kale muhiim ah kalsooni-dhisidda, xiriirka diblomaasiyadeed, wada-hadal joogto ah, xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo illaalinta madaxbannaanida dowladaha. Midowga Afrika, IGAD iyo dowladaha gobolka waxay door ka qaadan karaan in khilaafaadka laga hor istaago inay isu beddelaan dagaallo cusub. Khibradda taariikheed ee Geeska Afrika waxay caddeyneysaa in dagaal cusub uu fududaan karo marka kanaallada diblomaasiyadeed xirmaan, halka fursadda nabaddu kordhayso marka wada-hadalku sii furnaado. Sidaa darteed, ilaalinta xiriirka diblomaasiyadeed ma aha oo keliya arrin siyaasadeed; waa istaraatiijiyad amni oo muhiim u ah xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga1 day ago

Ciidanka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo la wareegay magaaladda Buur-hakaba

Ameerika1 day ago

Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liiska dalalka la xiriira jebinta cunaqabataynta bangiga Mareykanka

Qurbo Joogta1 day ago

Mustaqbalka Soomaalida magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska oo su’aalo ka taagan yihiin

Doorashada2 days ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya2 days ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga2 days ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga3 days ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed3 days ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika3 days ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika3 days ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga3 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga4 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika4 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya4 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika4 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika4 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo4 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga4 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika4 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya5 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda5 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga5 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga5 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga6 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika6 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub6 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub6 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika7 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Xul

Diblomaasi.com