Connect with us

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Aqoontu Ma Ahan Shahaado oo kali Ee Aqoonta Waa Inay dhistaa Noloshaada |Tukesomalism.com

Published

on


Bulsho waliba sida ay u fakirto ayey nolosheeda u fulisaa. Fikradaha bulshadeennu aaminsan tahay waxa ku jira kuwa badan oo qaldan, kuwaas oo aan ku fadhiyin xikmad, garaad iyo xaqiiqooyin nololeed oo la taaban karo.
Fikirka aynu aqoonta ka haysanno ayaa ka mid ah fikradaha qalloocan ee bulshadeenna ku faafay. Waxa aynu in badan maqalnaa hadallo ay ka mid yihiin, maadooyinkaan waxba laguma cuno, shaqo laguma helo, iwm.
Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan ognahay in dunidu maanta ay u qaybsan tahay  labo qaybood, kuwaas oo waxkasta ku kala duwan. Labadaas qaybood waxay kala yihiin oo lagu kala tilmaamaa dunida horumartay iyo dunida danbaysa.
Xaqiiqda dhabta ah ee dunida kala qaybisay ayaa ah xagga aqoonta iyo waxbarashada oo wadanba wadanka kale kaga duwan yahay, wadama aadka looga qadariyo xagga waxbarashadu waxay gaadheen horumar la taaban karo, halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u dambeeya oo aan horumar ka samayn dhinacyo badan oo nolosha aadamaha ah.
Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku horumarikaraan waxayna laga maar maan ay u tahay nolosha binu’aadamka, Ilahayna waxa uu qur’aankiisa ku yidhi “Marna ma sina qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn.”

“Aqqoontu waa in ay qofka caqli ahaan dhisto, ka hor intaanay calool ahaan dhisin. Waana hubaal in aqoontu aanay qiimo yeelanayn haddii ujeedada loo baranayaa ay wax ku cunis noqoto”

Cabduljabaar Sh. Axmed


Runtii barashada cilmiga maanta waxay u badantahay mid caloosha oo keli ah looga fikiro. Waxayna taasi dhalisay in ay soo baxaan jiilal dadnimada iyo dammiirkuba ku yar yahay.

 


Illa daawo Muuqaalkaan:

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Wuxuuna falanqeeyaa siyaasadda arrimaha dibedda, amniga iyo laamaha sirdoonka, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Siraha Guusha Imtixaanka

Published

on

 

HORDHAC

Rooda Cabdirisaaq Maxamed, walaashayda yar, oo imtixaan isu diyaarinaysa, ayaan u qoray talooyin kooban oo ku aaddan isudiyaarinta imtixaanka. Waxan is idhi oo maaba aad diyaarisid qoraal faahfaahsan oo ay ka faa’idaystaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed. Si gaar ah, ardayda Jamhuuriyadda Somaliland oo dhawaan u fadhiisanaysa imtixaannada shahaadiga ah ee fasallada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo 4aad ee dugsiga sare. Dhinaca kale, ardayda jaamacaduhuna kama maarmaan. Waxan qoraalkan ku soo gudbinayaa waxa la gudboon ardayda laga soo bilaabo maalmaha duruustu socoto, maalmaha imtixaanka, qolka imtixaanka dhexdiisa, warqadda imtixaanka dusheeda ilaa maalinta natiijada. Khaladaadka ugu badan ee ardaydu samayso, waxyaabaha dhibcaha ardayda kor u qaada ee aan ahayn xogta la qoray iyo talooyin kale oo si gaar ah u khuseeya imtixaanaadka.

Ujeeddooyinka qormada:

1. In ardaydu bartaan sida la isugu duyaariyo imtixaan
2. In ay ogaadaan hababka ugu habboon ee imtixaan-qaybista
3. In imtixaan-galayaashu bartaan sida loo dhaqmo imtixaanka ka hor
4. Qolka imtixaanka waxa loogaa baahanyahay
5. Imtixaanka ka dib, dhiibista warqadda imtixaanka ka dib
6. In ardaydu ogaato waxyaabaha kor u qaada dhibcaha (buundooyinka) iyo waxyaabaha hoos u dhiga.

Waxyaabaha igu dhiirrigelinaya qoraalkan:
1. Waayo-aragnimo aan is leeyahay waxa aad u leedahay imtixaanaadka
2. Dadka mawduucan ka hadlaya oo yar
3. Iyo waqtigan oo ay ardaydu baahantahay talooyin noocan ah

IMTIXAANKA KA HOR

Imtixaanka ka hor laba ayaynu qaybinaynaa: Maalmaha duruustu socoto (bilawga sannad-dugsiyeedka) iyo maalmaha imtixaanaadku soo dhawaadaan.
Maalmaha duruustu socoto:
Si kooban haddii aan uga hadallo, maalmahan waxa lagaaga baahanyahay qodobadan:

1. Tag oo xaadir fasalka
2. Si dhug iyo soojeed leh u dhagayso sharraxaadda
3. Ha aqbalin oo ha qarsan meelo aanad fahmin oo ka mid ah duruusta; waydii macallinkaaga ama adigu si madaxbannaan u raadi oo baadh.
Maalmaha imtixaanku soo dhawaado:
Waxa laga soo gudbay maalmihii duruusta. Way dhammaadeen casharradii. Waxa soo dhaawaaday imtixaannadii. Waad is diyaarinaysaa. Marxaladdan, maxaa lagaaga baahanyahay arday. Maalmahan waxa lagaaga baahanyahay oo aan kugula talinayaa qodobadan:

1. Soo uruurso dhammaan qalabka kaa caawinaya gelidda imtixaanka oo ah buugaagtii, cutubbadii
2. Maaddo walba ka diyaarso soo koobid, khulaaso iyo sammari aad ka soo uruurisay meelaha ugu muhiimsan.
3. Samayso jadwal. samayso shax iyo qorshe aad wax ku qaybto. Waa kuwan dhawr qodob oo aad si wax-ku-ool ah wax ugu qaybi karto saaxiib, ardayow:

1. Diyaari qolka iyo meesha aad wax ku qaybaysid
Ardayda qaar waxa ay wax ku qaybaan meel buuq ah, oo aan nidaamsanayn, taas oo tashuush ku furi karta macluumadkii ay maskaxdu uruurin lahayd, (inkasta oo daarsadaha qaar iftiimiyeen inay jiraan dad buuqa iyo meelaha aan degganayn wax ku qaybi karaa), haddana waxa lagama maar-maan ah inaad si fiican u diyaarisid qolka iyo meesha hadba aad wax ku qaybaysid. Haddii ay habeentahay iska ilaali in aad wax ku qaybto qol aan iftiin badanlahayn, u roonow caafimaadka indhahaaga, meel deganna wax ku akhri.

2. Ha sugnaato meesha aad wax ku qaybaysaa
Sugnaanta iyo degenaanta meesha aad wax ku qaybaysaa waxa ay qayb wayn ka qaadataa in maskaxdu si fiican u kaydiso waxa aad qaybaysid. Iska ilaali inaad wax ku dul qaybto sariirta, waayo; taasi waxa ay kugu sababi kartaa in aad lulo dareento oo uu hakad galo barnaamijkaagi wax qaybistu, sidoo kale; ka fogow in aad fadhiisato meel kala dheer oo aan kuu saamaxayn in aad u fadhiisato si caafimaad qabta. Isku day in aad isla hesho miis iyo kursi. U faadhiiso si qumman, hore ha u wada foorarsan, gadaalna ha u jiifsan sidii qof istareexaya oo nasanaya oo kale. Si kale hadaan u nidhaahno; toosi madaxaaga, oo buugga aad wax ka qaybayso indhaha ha iska soo galin han iska fogayn.

3. Dejiso jadwal ad wax ku qaybto
Hadii aad dejisato oo samaysato jadwal aad wax ku qaybto, oo aad maaddo walb waqti gaar ah siiso, waxa fududaan doonta in aad si kalsooni leh wax u qaybto, kaana yaraado wer-werka imtixaanku kugu hayo.

4. U ogolow nafta waqti nasasho oo u dhexeeya wax qaybista
Soddon kii daqiiqaba, isku day in aad nafta siiso ugu badnaan shan daqiiqo oo ay debedda ugu yara baxdo, oo ay hawada iyo neecawada ku qaadato. U ogolow nafta iyo jidhkaba waqti ay nastaan. Arrinkaasi waxa uu kaa caawin doonaa in aad hesho raaxo maskaxeed oo kuu horseedi doonta in aanad ilaawin wixii aad soo qaybtay iyo isla markaana aanad ka daalin wax qaybista.

5. Wax u cun si bad qabta
Weelka aynu markan wax ku shubaynaa waa maskaxda. Maskaxdu waxa ay u baahantahay (haddii aynu helayno) cuntooyin u fiican iyada. Waxa aynu u baahannahay in aynaan wax u cunin aan nidaamsanayn. Kaliya waxa aynu u baahannahay cunto nidaamsan oo dheellitiran. Cuntooyinka maskaxda u fiican waxa ka mid ah: kalluunka iyo lawska. Biyaha in kugu filan oo fiican ka cab.

6. Habeenkii seexo waqti kugu filan

Diinteena suuban ee islaamku waxay inoo sheegtay in uu caafimaadku ku jiro goor hore oo laseexdo, goor horena lasoo tooso. Goor hore seexashadu waxay maskaxda ka fududaynaysaa culayso badan oo ay dareemaysay, waxayna awood u yeelanaysaa inay si fiican u shaqayso waqtiyada soo socda. Mar aan baadhayay hababka ugu fiican ee wax lagu qaybo xilliyada imtixaanka, waxan arkay talo odhanaysa: “Hababka ugu wanaagsan ee aad cashar ku qaybi karto waxa ugu horreeya; in aad dad kale u sharaxdo casharka aad doonayso in aad qaybto, waxan ku xiga in aad seexato hurdo fiican oo kugu filan”.

7. Is horkeen markasta hadafka aad nolosha ka leedahay

Xasuusnow markasta inaad lahayd hadaf, ha ahaado mid ku meel-gaadh ah, sida inaad doonayso inaad kaalin muuqata kagasho natiijada guud ee imtixaanaadka, ama hadafkaaga fog oo ah ka aad ku rajawayntahay inaad gaadho nolosha, xaqiijintiisiina aad hadda wadadiisii hayso. Haddii aad sidaa samayso; waxad heli doontaa dhiiraanaan aad kusii waddo waxqaybista.

8. Ka Takhalus Cabsida

Ka warwaridda iyo kacabsashada imtixaanku, waxay dhaawacaysaa habsami u socdka waxqaybkaaga, waxay kaa hor istaagaysaa inaad si buuxda wax u qaybto, hadaadba qaybtona waxay kaa kala daadinaysaa wixii aad soo qaybtay, waayo; waxa kaa luntay kalsoonidii. Ogow, oo u sheeg naftaada in imtixaanka lagu soo hordhigi doonaa uu yahay kaliya wixii laguu soo dhigay, oo aanay jirin wax meel kale laga keenayaa, sidaa awgeed; majirto sabab aad uga sii cabsatid imtixaanka, qayb oo akhri duruustii aad soo qaadatay.

MAALMAHA IMTIXAANKU SOCDO

Saddex qaybood ayaynu u qaybinaynaa:
1. Gelidda imtixaanka ka hor
2. Qolka imtixaanka
3. Imtixaanka ka dib

Gelidda imtixaanka ka hor:
Waxa la gaadhay maalintii imtixaanka. Waa aroortii imtixaanka. Maalintan, waxa aan ku siinayaa talooyinkan:

1. Alle ugu mahadnaq in aad soo gaadhay maalintan, ka dibna ugu hambalyee naftaada dedaalkii ay soo samaysay
2. Alle talo saaro oo dhaqaaq
3. Diyaar buuxa ahow
4. Muhiimad gaar ah sii waqtiga
5. Soo koobiddii aad samaysatay soo dhawayso, oo isha mari
6. Hawo fiican qaado
7. Biyo badan ha cabbin
8. Cuntooyinka caloosha jilciya ha cunin
9. Iska ilaali wax kasta oo khalkhalgelin kara imtixaankaaga, sida dagaalka
10. ID-kaadhkaaga (roll-numberkaaga) xasuusnow, soo dhawayso
11. Dirayskaaga ku taagnow
12. Soo qaado ugu yaraan laba qalin oo midabkoodu buluugga yahay, si jawaabahaagu si fiican ugu muuqdaan imtixaan-saxaha, maaddaama oo imtixaanku ku daabacanyahay khad madow.

QOLKA IMTIXAANKA

Masuulkii imtixaanka sitay ayaa inoo khudbadeeyay. Wuxu inoo sheegay waxa inanga reebban iyo waxa la inoo oggolyahay. Ka dibna waxa aynu u kala dareernay faalladii aynu ku kala qornayn. Marka adiga oo diyaar buuxa ah aad soo gasho qolka imtixaanka, laba qolo ayaynu u kala qaybinaynaa:

1. Warqadda imtixaanka ka hor:
– Fadhiiso meesha laguugu talo galay
– Diyaarso qalabkaaga: qalinka iyo ID-ga
– Mar kale, xasuuso in aad cabsidii daasadda qashinka ku soo ridday
2. Warqadda imtixaanka marka laguu soo dhigo:
– Hubi in imtixaanku sax yahay oo kaagii yahay
– Haddii ay waraaqaha wax ka dhimanyihiin iyo haddii ay ka dhimanyihiinba u sheeg qofka ku ilaalinaya
– Hubinta ka dib ku qor magacaaga oo sax ah, sida uu ugu qoranyahay roll-numberkaaga
– Qor roll-numberkaaga oo sax ah
– Adiga oo deggan akhri bilaw ilaa dhammaad warqadda una fiirso tilmaamaha iyo waxa lagu waydiiyay
– Ka shaqee marka koowaad qaybaha fudud
– Ha qishin
– Ha cabsan
– Ha degdegin
– Qurxi farta.
– Ha ka tegin meel bannaan wax aan habboonayna ha ku qorin. U feker oo ku qor jawaab in uun maangal ah
– Magaca, lambarkaaga iyo jawaabaha wax aan ahayn ha ku qorin warqadda. Ka ilaali wax kasta oo ka baxsan jawaabaha
– Haddii ay maaddadu xisaab tahay, waydiimaha u baahan in aad meel bannaan kaga shaqayso, waxa lagu siiyay qaybaha danbe meel aad ku soo hubiso
– Maaddooyinka curiska la qoro, faham waxa lagu waydiiyay ka dibna, qor inta eray (ama layn) ee lagaa doonayo, fartaadana qurxi
– Niyadda ku hay mar walba in waqti kugu socdo

WAXYAABO AAN AHAYN JAWAABAHA OO KOR U QAADA DHIBCAHA

1. Farta quruxda badan ee la fahmi karo
2. Raacidda tilmaamaha (instructions-ka)
3. Hubsiimada iyo degganaanta
4. Qisha la’aanta

MARKA AAD DHAMMAYSO IMTIXAANKA

Dhammaan soo wada dulmar qaybaha imtixaanka oo hubi wixii aad soo qortay. Wixii khaldan sax. Wixii aad ka tagtayna buuxi. Hawo yara qaado hareeraha eeg, ka dibna adiga oo rejo wayn qaba iska dhiib warqadda.

MARKA AAD QOLKA KA SOO BAXDO

Adiga oo faraxsan, sawiranaya natiijada fiican ee aad keenayso, iyo in aad u sii dhawaanayso mustaqbaalkaagii aad ku hammiyaysay, soo dhaaf aaggii. Adiga ayaa leh doorashada haddii aad eegayso wixii aad ka jawaabtay sax mise khalad iyo in aad iskaba dayso, waxa aan se kugula talinayaa in aad waxba sii eegeegin buuggii maaddada aad gashay oo aad hore u socoto, isuna diyaariso maalinta soo socota.
Waxa aan kuu rajaynayaa guul iyo mustaqbal fiiacn walaal, ardayow, ardayadey!

Khaali Caskar
Macallin iyo Qoraa

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Barro sidda wax kasta loo barto si dhakhsi leh – Farsamada Richard Feynman

Muxaadaro uu jeediyay Richard Feynman sanadkii 1966-dii ayuu kaga sheekeeyay sheeko tilmaamaysa in waxbarashadu ay tahay laba nooc. Dadka intiisa badan kama warqabaan laakiin fahanka faraqiga u dhexeeya waxay kaa caawinaysaa inaad si fiican wax u barato, waliba waxkasta.

Published

on


Farsamadan oo loogu magac daray Richard Feynman, farsamadan wax-barashadu waxay faa’iido u leedahay qof kasta, inuu ku barto asal ahaan wax kasta oo heer qoto dheer ah, muddo gaaban gudaheed. Halkii laga isticmaali lahaa habka waxbarashada dadban ee waxtarka yar, farsamada Feynman waa hab firfircoon oo wax barasho.

Runtii, farsamadani waa farsamada saxda ah ee uu Richard hirgaliyay si uu imtixaanadiisa ugu wajaho jaamacada Princeton, oo uu si cad u sheegay James Gleick, oo mar ka hadlaayay taariikh nololeedkii Feynman.

Richard Feynman waa fiisigiste ku guuleystey abaalmarinta Nobel Prize oo caan ku ah wax ku biirinta horumarinta quantum ee electrodynamics.

Wuxuu wax ku bartay Machadka Teknolojiyadda Massachusetts halkaas oo uu ka qaatay shahaadada B.Sc. 1939kii iyo Jaamacadda Princeton oo uu ka qaatay Ph.D. 1942-kii. Intii uu ku jiray xirfadiisa, waxa uu helay abaalmarino badan oo ay ku jiraan Albert Einstein Award, iyo Lawrence Award.

Inteena badan waxaa laga yaabaa in aynaan aqoonin saynisyahankan, laakiin dhab ahaantii, farsamada uu sidaas ku samaynaayo waa mid faa’iido leh oo lagu dabaqi karo wax kasta oo aad rabto inaad barato.

Muxaadaro uu jeediyay Richard Feynman sanadkii 1966-dii, ayuu kaga sheekeeyay sheeko tilmaamaysa in waxbarashadu ay tahay laba nooc. Dadka intiisa badan kama warqabaan laakiin fahamka faraqa u dhexeeya waxay kaa caawinaysaa inaad si fiican wax u barato.

Midda kowaad waa garashada magaca fikradda. Nooca waxbarasho ee ugu horreeya, waxay qeexaysaa in aan si fudud u ogaanno oo aan xafidno magaca waxbarashada.  Balse Inta badan, ma fahmin fikradda guud ee qaybta aqoontaas gaarka ah. Tusaale ahaan, dhammaanteen waynu ognahay cuf-jiidadka dhulka, laakiin waxaan hubaa in badankeen inta akhrinaysa qoraalkan in aysan sharxi karin waxa uu yahay cufisjiidka.

Nooca labaad ee wax-barashadu waa garashada aqoonta lafteeda. Marka aad tan si fiican u barato, ma garanaysid magaca oo keliya, ee waxaad qabsanaysaa sawirka oo dhammaystiran, waad fududayn kartaa, waad ka faa’iidaysan kartaa, oo waxaad abuuri kartaa fikrado adiga kuu gaar ah oo ku salaysan isla aqoontaas. Intaa waxaa dheer, markaad barato nooca labaad ee waxbarashada, waad sharxi kartaa.

U diyaargarowga xifdinta xogta ama imtixaan sida caadiga ah qaata waqti aad u badan (iyo walbahaar) si loo soo saaro natiijo. Farsamada Feynman waxay ku keentaa natiijo ka wanaagsan waqti yar gudaheed (waxaad ku gaari kartaa natiijada la rabo in yar, ama in ka badan 30 daqiiqo.)

Haddaba halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr arimood oo uu qofka waxa kasta ku baran karo kaalay ila akhriso.

Dooro fikraddaada

Talaabada 1-aad gabi ahaanba uma eka mid talaabo ah. Laakiin tani waa hal khalad oo caadi ah oo ay dadku ka galaan waxbarashadooda. Ku guuldareysiga in aan sawiro xariiq cad oo qeexno fikradda aan rabno in aan barano waa habka lagu luminayo dhammaan waqtiga iyo tamarta aynu gelino daraasada.

Talaabada ugu horeysa waa inaad doorato fikradda aad rabto inaad barato. Haddii fikraddu kugu cusub tahay, ku dhex soco hal ilaa laba jeer ka hor intaadan u gudbin tallaabada labaad. Ka soo saar warqad maran oo ku qor ciwaanka bogga sare.

Barro socod-ka ama (Saanqaadka)

Hadda, qor wax kasta oo aad taqaan si aad u sharaxdo fikradda. Iska dhig sidii aad wax u baranayso (ma aha khabiir ama borofisarkaaga) laakiin u baro socod baradka. Tani waxay fududaynaysaa cadaadiska si aad wax walba u saxdo waxayna kaa caawineysaa inaad dib u eegto fikradda aad hadda ku baratay. Iska ilaali inaad ku isticmaasho eray kasta oo lid kugu ah, maxaa yeelay taasi badanaa waa sida aan nafteena u nacasno.

Dib u fiiri oo fududee

Dib u eeg fikradda ugu dambeysa ee aad hesho. Haddii aad isticmaalayso erey xad dhaaf ah ama luqad jahawareer ah, ama aad si fudud dib ugu saxdo cutubyada adiga oo aan si dhab ah u fahmin fikradda, isku day mar kale si aad u shaandhayso waxa ku jira.

Talaabadani waa muhiim sababtoo ah kaliya dib u eegis ku samayn mayso waxaad hore u taqaanay, waxay sidoo kale muujinaysaa oo tilmaamaysaa meelaha aanad si buuxda u fahmin.

Fududee ereyadaada iyo luqadaada si aad ugu sharaxdo isku ekaanshahaaga. Hal dariiqo oo tan lagu sameeyo waa adigoo iska dhigaya inaad hadal wax ku baranayso. Haddii aad isticmaalayso erayadaada oo aad si buuxda u qabsato fikradda, hadalkaaga iyo soo jeedintaadu waa inay ahaato mid siman oo aan dib-u-dhac yar lahayn.

Farsamadan waxa ay i xasuusinaysaa sannadihii aan jaamacadda ku jiray oo aan waqti aad u yar ku qaatay xifdinta, balse waqti badan oo aan saaxiibaday u sharraxayay muxaadarada (ka hor inta aanan mawduuc guud u fahmin).

Tani ma aha oo kaliya farsamo wax-barasho oo faa’iido leh, laakiin sidoo kale waxay noo tahay daaqad weyn si aan u aragno fikradaha garaadka ee waxbarashada. Barashada ma aha in la xasuusto, laakiin fahamka guud. Sidee ku ogaan kartaa markaad fahamto fikrad gaar ah? Markaad si fudud ugu sharaxi karto erayadaada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan istusin waxyaalaha ceebta leh ee ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhammaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun ee la arkay.

Published

on


Sidda aan aragno dhalinyarada waxay aad u jecel yihiin isticmaalka baraha bulsheed ee kala duwan, waxay u maleynayaan inay kuwani yihiin isha runta ah ee raaxaysiga iyo raaxada nolosha. Had iyo jeer waxay isha ku hayaan waxa suuqa ku cusub. Sidaa darteed, waxaa la arkayaa waxbarasho la’aan haysata dhallinta taasoo lafteedu u horseedi karto arrin nasiib darro ah.

Dhalinyaradeenu waxay noqdeen kuwo ku caajisay waxbarashada sababtoo ah isticmaalka joogtada ah ee ay u isticmaalaan baraha bulshada. Tani shaki kuma jiro, in sidoo kale ay tahay guuldarro waalidiinteena iyo macalimiinteena kuwaas oo aan u jeedin karin dareenkooda isticmaalka warbaahinta bulshada.

Tani waxay sarre u qaadeysaa in uu bato jahliga, ayaddoo mararka qaar keeni karto in bulshadu ay ku kacdo fal aad u xun ka dibna uu si caadi ka noqdo.

Baraha qaar waa kuwa qatar ku ah nolosheena waxaana ugubdaran qeybta lagu gudbiyo muuqaalada gaagaaban ee la iska soo duubo. Dadka intooda badan uma arkaan qatar balse waxaa jirto in dhaqan ahaan aysan inoo wanaagsaneen.

Faa’iida darada.

Baraha bulshada waxaa ku jiro wax badan oo dhibaato ah hadana ma jirto siyaabo fudud oo lagu xalin karo, balse waxaan jirto in qofka hadduu doono uu iska yaraan karo ilaa xad uu ilaabo. Talaabani waxay imaan kartaa markii ay sare kacdo xiisaha qofka uu u qabo in uu waqti badan galiyo baraha bulshada asaga oo rabo waqtigiisa inuu galiyo .

Jiilkeena cusub waxa uu noqonayaan kuwa aan cabsi lahayn, taasi waa calaamada ugu naxdinta badan. Waxay wax u qabtaan si ayaga u gaar ah mana dhegaystaan ​​waalidkood sababtoo ah waxay raadinayaan doorarka kala duwan ee lagu soo bandhigo filimada iyo riwaayadaha.

Aflaanta iyo baraha bulshadu ku xidhiidho waxay xumeeyeen hab-dhaqanka dhallinyaradeenna. Waxay sameeyaan waxyaabo cabsi leh iyagoo adeegsanaya magacyo xiiso galinaayo.

Waxay isku dayaan inay caanimo ka helaan iyagoo aan tusin waxyaalahan ceebta leh ay sameenayaan saaxiibadood. Waxaas oo dhan waxaa loo sameeyaa oo kaliya in la iska dhigo in ay yihiin kuwo aad u xoog badan oo aan cabsi lahayn, taas oo dhamaadka, u horseedaysa xaaladda aadka u xun.

Maxaa daawo u ah

Cudur walbaa oo qof ku dhaco waxa uu leeyahay dawo, taas oo haddii uu qofka joogteeyo uu ku helaayo dawo uu ku xasilo. Ugu horeen sidda aan wada naqaano baraha bulshada waa meel ay ku jiraan waxyaabo badan taasoo qofka sabab u noqon karto in maskaxdiisa ay ka gaabiso fikir-ka.

Haddii aad ku dhiban tahay isticmaalka baraha bulshada, waxaad u baahan tahay inaad iska yareyso sababtoo ah wuxuu halis ku yahay maskaxdaada.Si kastaba hanoqotee, dadka oo inta badan ku buraarugsaneen ayaa keentay inay nolosha ka dhacaan misna ay ku hayamaan nolol qayaali ah.

Si aad u yareyso isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr siyaabood aad kaga tagi karto sidda ugu dhaqsiyaha badan.

1. Marka hore muhiimada saar waxa muhiimka kuu ah ee aad ugu baahan tahay baraha bulshada.
Waxaan ula jeedaa haddii ay jiraan saaxiibo, qoys iyo waxbarashada casriga ah, Waxaana kuu haboon inaad kala soocdo saaxibada aad ku leedahay baraha kale duwan ay bulshada ku xiriirto.
Siddoo kale waxay kaa caawinaysaa inaad yeelato waqti aad soo galayso adigoo hadaf kaaga yahay inaad wax baarto ama aad wax ogaato.

Xakameey waqtigaada una badal inaad wax aqriska badiso, sababtoo ah waxaad dareemaysaa in maskaxdaada ay si dagan u shaqeyneeso.

2. Isticmaal bar gaar kuu ah, inkastoo aysan jirin wax gaar aad u leedahay haddana waxaa jiro meelo qaas ah aad qofka ku kulmi kartaan siddaa darteed marna suurta gal ma ahan in waqti badan kaaga baxo.
Haddii aad sameyso muddo hal toddobaad ah waxaad dareemeysaa in uu kaa haray culeys badan, balse waxaa haboon inaad adigana tijaabiso si aad ugu dawoodo cudurka baraha bulshada.

In badan oo bulshada ka mid ah ayaa sameyso ama daabacdo warbixo la xiriira aqoon kororsi, Warar iyo wax waliba oo la xiriira nolosheena, haddaba adiga keebaad u baahan tahay inaad xogg ka ogaato ama aad wax ka barto si aad ugu dayato. Tani waxay u badan tahay inay shaki keento balse waxaa muhiim ah inaad adiga doorato barta kuugu muhiimsan ee kuu ifin karta xagga wanaagasan.

Markastaa ku dayo qofka hagaagsan ee bulshada u soo gaarsiiya waxa san ama hagaagsan kaas ayaa maskaxdaada kobcin kara.

Gunaanud

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa dadkeyga oo inta badan aan jecleyn wax aqriska, inay ka feejignaadaan baraha qaar waayo asal waxaa lagu sameeyay ama soo saaridiisa qeyb weyn ka qaadato maado loo yaqaano (Algorithm). Maadadani waxay wax yeelaysaa maskaxda qofka sababtuna waxay tahay inay u shaqeyso sidda maskaxda oo kale.

Maadadani loo yaqaano Algorithm, waxaan ka sameen doonaa maqaal kale haddii uu rabi ogaado. waxaa kaloo jirto in maadadani ay ku qatonto dareenka masakxda kaasoo loo yaqaano Dopamine, balse dadka intooda badan waxba ka yaqaaniin.

Haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah waxaan kaa codsanaa inaad la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Wax akhrintu marka laga hadlaayo waa wax dad badan ay dhibaato ku hayso, haddana waa wax u fiican maskaxda qofka bani’aadamka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaa ah inaad wax badan nolosha ay kugu adkaato inaad fahanto sababaha horumarka kuu diidan.

Published

on


Dadka iskood isu xilqaamay ayaa noloshooda gacanta ku haaya iyaga oo dejinaya yoolal iyo tallaabooyin la qaadi karo si ay u gaaraan. Kaliya maaha inay fahmaan sida wax loo qabto, laakiin sidoo kale waxay ku kalsoon yihiin, diiradda saaraan, iyo inay ku qanacsan yihiin qaadashada go’aannada iyaga ku hagaya xagga mustaqbalkooda.

Haddii kalsoonidaada naftaadu ay gariirto ama aad ku kalsoon tahay awooddaada inaad ku gaadho hamigaaga, waxaad qaadi kartaa dhawr tillaabo si aad ugu noolaato nolol awood leh.

Awood-siinta nafta macnaheedu waa qaadashada go’aan miyir-qab ah si aad u maamusho aayahaaga. Tani waxay ku lug leedahay samaynta doorashooyin wanaagsan, qaadida tallaabo aad hore u marinayso iyo  inaad ku kalsoonaato awooddaada si aad go’aamo wanaagsan u samayso. Dadka iskood isku waxa isugu tara ama awood geliya waxay fahmaan meelaha ay ku wanaagsan yihiin iyo meelaha ay ku liitaan waxayna ku dhiiradaan inay wax bartaan oo ay gaaraan hadafkooda.

Sidoo kale waxaa jiro qoraalo badan oo laga sameeyay sidda uu qofka u noqon karo qof naftiisa hagaajiya noloshana guul ka gaara sababtuna waxay tahay in ay dadka qaarkood ay  rabaan in ay noloshooda wax ka badalaan siddaa darteed ay baadi goob ugu jiraan waxyaabaha u fududeyn kara.

Qoraalkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr waxyaabood oo qofka naftiisa u horseedi kara in uu wax kaga badalo, siddo kalena waxaan xooga ku saari doonaa isbedelka ugu fiican ee la sameeyo. Haddaba inta aanan u guda galin qodobada soo socda, ugu horeyn waxaan ku bilaabi doonaa isbedelka maskaxda iyo sidda ugu wanaagsan ee loo sameeyo isbedel guud.

Isbedelku waa shay dadka intooda badan ay ku kala aragti duwan yihiin sababtuna waxay tahay in qof walba uu rabo in uu shay ka sameeyo isbeddel, balse waxa ugu muhiimsan ee isbeddel laga sameeyo ayaa ah maskaxda qofka.

In qofka uu maskaxda isbedel iyo horumar ka sameeyo mararka qaar waa wax adag haddana waa ay fududahay, laakiinse waxaa laga inay kugu so dhacaan waxyaabo badan badan balse waxaan kusoo gudbin donaa halkan haddii uu rabi ogalaado.

Siddee isbaddal loogu sameeyaa maskaxda?

Ugu horeyn qofka waxaa uu la korayaa waxa uu maskaxdiisa uu ku hayo, haddan markii wuu weynaado waxa uu gurtaa waxa uu maanka ku haystay taasina waxay keentaa in qofka uu san sameyn Karin isbedel dhab ah.

Sidda aad u fakarayso waxaa laga yaabaa in aysan ahayn ba haddana waxaa nasiib xummo ah inaad maanka ku haysato inaad ku noolaan doonto nolol faqiir ah!!! Nolosha waa ay wajiyo badan tahay haddana waxay kugu qaabileysaa mararka qaar qaraar balse waa sidda aad u arakto.

Maxaa dumiya maskaxda?

Masaxkaxda qofka waa xumin-ka ugu muhiimsan jirka bani’aadamka haddana waa meesha ay ku qotamaan dhamaan dareemayaasha jirkeena, waa kuwaa ka qeyb qaataa dhalashadeedana ilaa iyo dhimashadeena. Inta badan dadyowga hadda jira waa kuwa la il daran cuduro badan oo ku dhaca, balse waxaa aad u yar cid fahantaa sidda loo hello karo dabadiisa. Si kastaba hanoqotee waxyaabaha dumiya maskaxda waxaa ka mid ah dhafarka, dhageysiga heesaha, isicmaal-ka baraha bulshada iyo daawashada muuqaalada xun xun.

Dabcan way jiraan waxyaabo kale oo dumiya maskaxda balse kuwani waa kuwa ugu caansan ay dadka badan kooda ka horumari la’yihiin.

Dhafarka: waa wax aad halis u ah marka loo eego caafimaad ahaan iyo qaabdhismeedka qofka haddana waa waxa ay dadka intooda badan ay raadinayaan sidda uu kaga tagi lahaa dhafarka, balse mid xasuusnoow jirkaa markii uu hello nasiimo wanaagsan ayuu noqon karaa mid ku fir-fircoon qabashada dhamaan shaqooyinka.

Dhageysiga heesaha:  inta badan dadka intooda badan waxay dhageytaan heesaha ilaa iyo inyar mooyee oo fahamtay dhibaatada uu qofka u leeyahay, markii loo eego shay ay xarimtay Diinta Islaamka balse dadka waa kuwa intooda badan ka dhigteen caado.

Heesaha waxa ay moobeeyaan qalbiga waxa ayna qofka ku ridaan walwal iyo cabsi sabatuna waxay tahay in qofka uu siiyay dareen aad u qoto-dheer sidda darteedna ma fahansana dhibta ay u leedahay naftiisa.

Dadka qaar ayaad moodaa inay rabaan inay ku iloobaan xanuunka nololsha siddaa darteedna maanta oo dhan ayuu qofka inta uu dhago xirto dhageysanaa Subxana Allah!

Daawashada muuqaalada xun-xun: waa dhibaato aad u daran waayo qofka markii uu badiyo waxyaabaha nuucaan oo kale waa qof wuxuu kala kulmaa cuduro halis ah, sababtuna waxay tahay in qofka uu koontarooli waayo waxyaabaha qaar.

Intaa kuma aysan harin dhibaatooyinka balse waxaa hoos u dhaca fikir qofka uu ka fakaraayo noloshiisa iyo sidda u danbeyn doonto, tani qofka waxa ay ku bilaabaneysaa asaga oon dareemin balse joojinteeda waxay ku noqon doontaa wax uusan kari Karin.

Walaal sabab ha noqonin duminta naftaada ee sabab u noqo inaad naftaada sare u qaado. Isticmaalka baraha bulshada marka laga hadlayo waa wax aad u balaaran khatartiisa balse waxaan kasoo diyaarin doonaa  cinwaan kale.

Maxaa horumariya maskaxda?

Waxaa jira waxyaabo badan oo qofka horumarin kara maskaxdiisa balse waxaa jira seddex qoddob sabab u noqda koritaanka maskaxda.

  1. Wax aqri: waa waxa ugu muhiimsan nolosha aadmiga waan laga maarmaan in qofka uu wax aqriyo siddoo kale uu ku daro in uu wax badan qori karo.

Wax aqrintu marka laga hadlaayo waa waxa dad badan ay dhibaato ku heyso haddana waa wax u fiican maskaxda qof-ka, sababtoo ah haddii aysan korin maskaxdaada hubaal waxaad u baahan tahay inaad korido masaxkaxdaada kuna korido wax aqriska.

2. Dhaqan ka wanaagsan: dhaqunku waa waxa ay bulsho walbo ay ku faanto kana dhiga inay yihiin dad jira waayo dhaqanka aad u siddo bulshada ayay kugu ixtiraamayaan.

3. Wax is bar kaligaa: inaa wax is barto way haboon tahay weliba kaligaa sababtuna waxay tahay maxaa kuu kordhaayo xirfado cusub oo aad ku barbaarin karto noloshaada haddii aad joogteyso.

Gunnaanud, waxaan ku gunaanudayaa dadkeyga oo inta badan aanan jacleyn qoraalka darteed in ay habboon tahay in qof welibaa uu masuul iska saaro siddii uu u badali lahaa maskaxdiisa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Haddii wax la bartay maxaa la soo kordhiyay?

Published

on


Sannad kasta, waxa jaamacadaha waddanka ka baxa oo ka qalin jabiya arday tiro badan oo kumanaan ah, waxa ayna ka soo kala baxaan jaamacado kala duwan, iyaga oo soo kala barta culuum kala duwan. Waa horumar aqooneed iyo ilbaxnimo loo baahanyahay, waana wax Illaahay loogu mahadnaqo, waxaase aynu wada dareen sannahay qof kasta oo innaga mid ahna agtiisa wax caadiya ka ah in ardaydaasi ay soo baxaan oo bulshada soo dhex galaan tiiyoo (intooda badan) uu ku soo xisaabtamayo sidduu uga hawlgali lahaa shirkad, xafiis dawladeed, dugsi, warshad, cusbitaal ama meherad ganacsi oo hawsheeda shaqo hore u soo socotay oo shaqaynaysay.

Taas ayaa ah ta aniga iyo dad badan oo ila mid ah maskaxdoodu isu waydiiso su’aasha ah: ”Maxaa sababay in 5,000 oo arday oo midkasta oo ka mid ahi uu buug iyo qalin is dul hayay muddo dhan 16 sannadood iyo wax ka badan laga waayo hal qof oo layimaadda HINDISE IYO HAL-ABUUR cusub oo uu dunida ama ugu yaraan waddankiisa ku soo kordhiyo?”

Bal eeg, waxa uu ka soo baxay kulliyadda caafimaadka, haddana galab qudha isma uu waydiin ”Sideebaa geedka mirimiriga loogu addeegsan karaa daawo lagula dagaallamo, lagaga hortago ama lagu daweeyo xanuunka malaariyada si cilmiyaysan?”

Waxa uu kasoo qalin-jabiyay takhasusna ku qaatay Cilmiga XANNAANADA XOOLAHA, haddana iskuma uu dayin inuu hindiso hab cusub oo lagula dagaallami karo shillinta iyo gafanaha xoolaheenna waxyeelleeya marmarka qaarna caqabad ku noqda in xooleheennu u dhoofaan caalamka?

Waxa uu ka soo baxay ama soo bartay culuumta teknolojiyada ee IT-ga walina kumuu fakerin inuu awood u leeyahay inuu samayn karo dunidana kusoo kordhin karo inuu sameeyo CHARGER wireless ah! Arday kale ayaa isagu waxa uu soo bartay DARAASAADKA ISLAAMKA AMA SHAREECADA iskumana uu dayin bal inuu kutub qoro oo soo kordhiyaa ha joogtee uu kitaabka ARBACIINKA ku tarjumo Af Soomaali. Waxa uu kasoo baxay Kulliyadda dhaqaalaha walina muu soo bandhigin hal fikrad oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha waddanka.

Mid kale ayaa wuxuu soo dhammaystay injineering, walina ismuu waydiin su’aasha ah ”Ma jiraa design ama qaab kale oo guryo looga dhisan karo qabcadaha guryaha dusha laga saaro ( jiingadaha )?”.

Waa run in culuumta iyo kulliyadaha jaamacaddu intan aan xusay oo kaliya ahayn, balse intan waxa aan u soo qaadannay kaliya tusaale ahaan.

Ardayow ma aha in aad bulshada ku soo noqoto adiga oo la koodhaadhaya afartii LECTURE ee barafoysarka jaamacaddu uu kugu soo shubay oo kaliya, adigu ka shaqaysii maskaxda oo noqo aqoonyahan bulshada u soo kordhay oo lasoo kordhay aragtiyo cusub oo wax ku ool ah oo bulshada u horseedi kara inay saymayso horumar diimeed, dhaqaale, siyaasadeed iyo horumar kasta oo kale oo dan u ah ummadda ifkeeda iyo aakhiradeedaba.

Ugu danbayn, waxa meesha ku jirta in dood ama cilmibaadhis laga sameeyo waydiimahan soo socda: Maxaa keenay wax hindisid la’aanta aqoonyahankeenna?, Ma waxa aynaan lahayn maskaxdii wax ikhtiraaci lahayd (subxaanalaah) mise  waynaan gaadhin goortii wax-soo-kordhinta, oo wali aqoonbaa inoo dhiman? Ma jaamacadaha waddanka ayaanay ool aqoon ardayga maskaxdiisa gayaysiisa inuu wax cusub allifo (oo kuwa debedda inooga yimaaddaaba af qudha ayay lasoo noqdaane!!) Malla furi karaa se kulliyad sidata magac ah: WAX CUSUB SOO KORDHI!?, mise waxa innaga dhaadhacsan in waqtigan aynu joogno ay dhamaadeen wax la hindisaaba (ikhtiraac) oo hore loo wada dhammeeyay?

Waxa aynu u baahannahay in dib loogu noqdo sid ay waxbarashadeenna sare (jaamacaduhu) u socoto in daraasaad laga sameeyo jawaabaha waydiimahan sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Published

on


Guushu waa fikrad kala duwan qofkastana wuxuu u arkaa si ka duwan qofka kale. Haddii ay la macno tahay in aad leedahay xirfad aad u wanaagsan, guri ama qoys, guushu waa wax uu qof kastaa ku dadaalo in uu gaaro. Waxay kaa dhigaysaa inaad dareento geesinimo, waxay ku siinaysaa raynrayn, waxayna ku siinaysaa inaad ogaato inaad saamayn ku yeelatay adduunkan tartanka adag leh.

Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag. Maqaalkan, waxaanu ku sharaxaynaa waxa ay la macno tahay in lagu guuleysto oo aan ka wada hadalno talooyin kaa caawin doona safarkaaga guusha.

“Dhammaan riyadeenna way rumoobi karaan; haddii aan ku dhiirano inaan daba galno”. – Walt Disney

Waa maxay guushu sideese aad ku gaari kartaa?

Qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku hamminayaa sidii uu u gaari lahaa guul wax ku ool ah. Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.

Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

“Guushu maaha furaha farxadda. Farxaddu waa furaha guusha. Haddii aad jeceshahay waxa aad samaynayso, waad guulaysan doontaa.” – Albert Schweitzer

Fikradda guushu way ku kala duwanaan kartaa qof ilaa qof laakiin qof kastaa waxa uu haminayaa in uu ku guulaysto sida ugu wanaagsan ee kartadiisa ah. Waa lama huraan in aad taqaano waxa aad nolosha ka rabto iyo waxa aad u aragto guul.

Ma mari kartid waddo aan toos ahayn adoo raadinaya nolol guulaysata, adiga oo aan go’aamin jidkaaga ama hadafkaaga. Waqti qaado oo raadi waxa aad u taqaano guul. Ka fakar oo xooga saar tamartaada.

Fahan marka hore, ka dibna go’aami waxa aad ka rabto nolosha. Ma waxaad hiigsanaysaa guul shakhsi ama mid xirfadeed mise way isku xiran yihiin? Aqoonso waxyaalaha nolosha kaa farxiya. Markaad bilowdo inaad si togan u fikirto waxaad ku socotaa wadadii saxda ahayd.

Inaad dedaasho waa waajib kaa saaran naftaafa. Waa xaqiiqa jirta cidna kama sugaysid midaas. Waana waddooyinka kali ee aad ku xaqiijin karto inaad tahay qof jira oo nool oo waliba naf ay ku jirto. Guusha waxay leedahay sharciyo la maro, mid kamid ah sharciyada ugu muhiimsan waxaa kamid ah inaad aaminsan tahay inaad guulaysan karto.

Waxaa jirta xikmad uu yiri qoraagii reer Gariiga ahaa Nikos Kazantzakis, “Si aynnu u guulaysanno ugu horrayn waa in aynnu aaminnaa in aynu guulaysan karno.”

  1. Noqo qof hadaf ka leh nolosha

Marka horeba u door mustaqbalkaaga waxa aad jeceshahay inaad noqoto. Hadafka ayaa muhiim u ah noloshaada, waa jihada naftaada. Inaad noqoto qof hadaf leh waxay ka dhigan tahay qof og muhiimada ay u leedahay noloshiisa, oo macnahiisu yahay waad garanaysaa meesha aad u socoto, taasina waxay ku siinaysaa xamaasad, dhiirigelin, tamar badan iyo sababta aad usoo kacayso subaxdii. Waxaad noqonaysaa qof nool. Qodobkaan waxa aan aad ugu dheeraaday buugga 5-ta Tiir ee Guusha.

Himilada nololeed waxay noqon kartaa wax kasta oo ka mid ah guursashada, iibsashada guri, bilaabista ganacsi, caruur iwm. Wax kasta oo ay noqon karaan, waxaa muhiim ah inaad yeelato yoolal nololeed oo aad ogaato waxaad ka damacsan tahay nolosha.

2. Ku dadaal hadafka noloshaada

Weligaa ha khiyaanayn naftaada – guushu waxay ku timaadaa shaqo adag inaad la timaado. Waxaadna ogaan kartaa inkasta oo aad samaynayso dhammaan culeysyada ku horyaallo, waxaa jirta qanacsanaanta aad ku qanacsan tahay shaqadaada. Laakiin xasuusnoow inaad u baahan tahay inaad ku tiirsanaato dad adiga oo kale oo nolosha ujeedo iyo hadaf ka leh, iskana hubi dadka adiga kugu hareersan inay yihiin kuwa aad isla jaan-qaadi kartaan.

Inaad dedaasho oo kali lagaagama baahno waxaad kaloo u baahan tahay inaad taqaano halka aad u socoto iyo goorta aad rabto inaad gaarto.

Dr. Tony Campolo ayaa sheegay daraasad laga sameeyay 50 qof oo da’dooda kor u dhaaftay 90 sano oo rag iyo dumarba leh ayna sameeyeen aqoonyahanno cilmiga bulshada. Wuxuu sheegay in waayeel kaas la weydiiyay “Haddii noloshaada dib loo celin lahaa, maxaad ka beddeli lahayd?” su’aashaas waxay ahayd su’aal furan oo jawaabaheedu kala duwanaan karaan. Haseyeeshee, jawaabaha waayeelku ka bixiyeen waxay noqdeen kuwa isku mid ah waxayna ku jawaabeen:

  • Waan fekeri lahaa oo hadba xaaladyda qiimayn ku samayn lahaa.
  • Siddii horre si ka badan ayaan khatar ugu bareeri lahaa. Waxaan ifka kaga tegi lahaa wax iga dambeeya.

Waayeelkaas waxay dhammaan ka shalaayeen in sida ay u fekeraayeen yaraantoodii aysan ahayd mid u hagtay dhanka himilooyin ay lahaayeen iyo in feker la’aantoodu ay gayaysiisay in aysan gaarin hadafkooddii. Waxay isku raaceen in ’waa fekeri lahaa! Macnaheedu yahay ”tallaabo kasta oo aan qaadayo waxaan ka dhigi lahaa mid ii jihaysa waxyaabaha noloshayda macnaha u sameeya intii aan siddii bilaa macno daro u socon lahaa”

Halkaas, waxaanu ka baran karnaa in qofka inta ay goor tahay maskaxdiisa si fiican ugu shaqeysiiyo. Siddoo kale waxaan kaloo arki karnaa in qof walbi nolosha uu noolyahay aysan ka fogayn sidda uu u fekeraayo.

3. Diirada saar hawlaha ku horyaallo oo kali

Waxaad u baahan tahay inaad yeelato feejignaan dheeraad ah haddii kale waxaa ku mashquulin doona cida adiga kugu heeraarsan sida asxaabtaada iyo hawlo kale oo hadafkaaga dib-u-dhac u keeni kara. Maalin kasta, qorshahaaga hakuu diyaarsanaado. Hana ku mashquulin hawlo aan faa’ido kuu lahayn.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin isku-dhaf qumman oo hadafyada nolosha ah laakiin waxaan kuu sheegayaa waxwalbo oo aad qabanayso seddaxdaas ayaa u ah laf dhabar. Inaad hadaf yeelato, kuna dedaasho hadafkaaga iyo inaad diirada saarto hawlaha ku horyaallo oo adiga hadafkaaga ku gaarsiin kara. Boqolkiiba 2% oo kali ayaa dadka shaqeyn kara iyada oo aan kormeer lagu hayn. Dadkaas waxaa la yiraahdaa ”Hoggaamiye.” waa nooca shaqsiyadeed ee lagaaga baahnaa inaad noqoto, waadna noqon kartaa haddii aad go’aansato.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Bariga dhexe1 day ago

Kulanka Mareykanka iyo Sacuudiga: Antony Blinken, Maxamed Bin Salmaan waxay ka hadlayaan caadiyeynta xariirka Israa’iil, dagaallada Suudaan iyo Yemen

Bariga dhexe1 day ago

Israa’iil way garaaci kartaa hub kasta oo Iiraan sameysato – wasiirka gashaandhiga

English Post3 days ago

Somalia’s 1p1v Elections: Why a Year and a Half Timeline in Unrealistic

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 days ago

Siraha Guusha Imtixaanka

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?

WARBAAHINTA1 week ago

Uganda ayaa soo saartay sharci loogu hortagaayo ka ganacsiga xubnaha bani’aadamka

Jaamacadda Carabta3 weeks ago

Maxay Dowladda Soomaaliya ka sheegtay shirka Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta?

Jaamacadda Carabta3 weeks ago

Shirka Jaamacadda Carabta: Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa weerar ku qaaday dalka Turkiga

Yurub3 weeks ago

Shiinaha ayaa ka digay inay Yukrayn ku biirto NATO, isagoo sheegay inaysan hagaajin doonin ammaanka gobolka

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Diblomaasiga ruug caddaaga ah ayaa hadda aaminsan in Yukrayn loo ogolaado in ay ku biirto kooxda militariga ee NATO

Afrika4 weeks ago

In ka badan 700,000 oo Suudaani ah ayaa ka qaxay guryahoodii dagaalka iyo rabshadaha ka jira awgeed, IOM ayaa tiri

Bariga dhexe4 weeks ago

Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA4 weeks ago

FBI-da ayaa jabsatay kombuyuutarrada Mareykanka si ay ‘hagaajiso malware-ka Ruushka’

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago

Barro sidda wax kasta loo barto si dhakhsi leh – Farsamada Richard Feynman

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 month ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Xiriirka Shiinaha iyo Ruushka: Xog ku saabsan xariirka taariikhiyeed ee Shiinaha iyo Ruushka

WARBAAHINTA1 month ago

Dowladda Ingiriiska oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, ujeedka waa maxay?

Ameerika1 month ago

Maraykanka ayaa daaha ka qaaday qorshe lagu niyad jebinayo soogalootiga kasoo cararay dalalka Ameerika

WARBAAHINTA1 month ago

Madaxweynaha Iiraan oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Dowladda Xassan Sh. Maxamuud wakhti horeba maku fashilantay hoggaanka dalka?

Afrika1 month ago

Qaramada Midoobay ayaa ergay degdeg ah u dirtay dalka Suudaan

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Qurbo Joogta1 month ago

Gacaliso Anniken Huitfeldt: Ha iloobin qurba-joogta Afrikaanka, gaar ahaan Soomaalida Norway!

English Post1 month ago

Somali People Unite: A Call to Action for Civil Disobedience

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kampala kaga qeybgalaya shir ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahayeen amniga

Geeska Afrika1 month ago

Kenya: Dhimashadii ugu darneyd ee la xiriirta cibaado diineed: Tobanaan qof oo is-dilay ayagoo aaminsan inay la kulmayaan Nebi Ciise

WARBAAHINTA1 month ago

Soomaaliya oo muwaadiniinteeda kasoo daad-gureysa Suudaan

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Waa kuwee jilayaasha caalamiga ah ee ku lugta leh rabshadaha Suudaan?

English Post2 months ago

Political Elite Benefit While Youth Needs Ignored, Says Qaransoor Party

Dhaqaalaha2 months ago

Masar, Turkiga dib-u-heshiisiintooda dhaqaale waxaa ka faa’idaysan doona labada dhinac: Khubarada

Dhaqaalaha2 months ago

Sicir bararka UK, oo ah kan ugu sarreeya galbeedka Yurub, ayaa wax yar hoos u dhacay bisha Maarso

Afrika2 months ago

Nidaamka daryeelka caafimaadka Suudaan ‘wuxuu qarka u saaran yahay inuu burburo’, ayay tiri WHO

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Dalka Hindiya oo noqonaya dalka ugu dadka badan caalamka, waxaana kaalinta labaad geli doona Shiinaha

English Post2 months ago

Somalia’s Call to Lift the Arms Embargo: Why the International Community Should Listen?

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Xog sirdoon oo ay leedahay dowladda Mareykanka oo saameyn ku yeelan kara amniga dalka oo la dusiyey

WARBAAHINTA2 months ago

Mudaharaad ka dhacay gobolka Amxaarada oo looga soo horjeedo kala dirista ciidanka gobolka

Bariga dhexe2 months ago

Iiraan oo Sucuudiga u diraysa wafti dib u furaayo safaaradda ay ku leeyihiin Riyaadh, kadib heshiiskii Beijing

WARBAAHINTA2 months ago

Israa’iil ayaa duqeysay Gaza, Lubnaan iyadoo Falastiiniyiintu ay wacad ku mareen inay iska caabinayaan

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Shiinaha oo digniin u diray Maraykanka iyo NATO oo ku saabsan dagaalka Yukrayn

Bariga dhexe2 months ago

Dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga ayaa wacad ku maray inay nabad ka dhigi doonaan Bariga Dhexe

Xul