Connect with us

Islaam Naceybka

Aragtida Faransiiska ee laïcité iyo Islaamka: Faham taariikhi ah oo ku saabsan Islaamka Faransiiska

Guddi gaar ah oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Faransiiska ayaa ansixiyay “jaartarka qiyamka jamhuuriyadda” kaasoo horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Qaranka inuu yahay la dagaallanka gooni u goosadka Islaamiyiinta.

Published

on


Marka adduunku wajahayo saboolnimo aan horay loo arag, rabshado iyo dumin deegaan, waxaa layaab leh in qof soo jeediyo in Muslimiinta ama “Islaamka” ay si gaar ah dhibaato ugu jiraan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu khudbad uu u jeediyay shacabka, asigoo caddeeyay in “Islaamku yahay diin maanta dhibaato ku hayso adduunka oo dhan”. Isla khudbaddaas, wuxuu daaha ka rogay barnaamij siyaasadeed oo lagu xoojinayo laïcité, waa cilmaaniyadda oo si adag u xakamaysa diinta bulshada dhexdeeda.

Madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron ayaa si cad ah u caddaystay inuu islaamka ka hortagaayo asigoo qudbadiisa uu jeediyey 4-ta oktoobar uu shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Guddi gaar ah oo ka tirsan Golaha Qaranka ee Faransiiska ayaa ansixiyay “jaartarka qiyamka jamhuuriyadda” kaasoo horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Qaranka inuu yahay la dagaallanka gooni u goosadka Islaamiyiinta.

Wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in sharciga qabyada ah, ee u ololeeya xoojinta mabaadi’da jamhuuriyadda, ay si weyn u aqbaleen guddiga gaarka ah. Wasiir Darmanin wuxuu sheegay in Faransiisku uu samaynayo sharci, kaliya ma aha inuu sharcigaan iska caabinaayo dhibaatooyinka maanta jira laakiin wuxuu difaacayaa qiyamka Jamhuuriyadda.

Saddex urur oo ka tirsan Golaha Faransiiska ee Cibaadada Muslimiinta (CFCM) ayaa si iskood ah u cambaareeyay “axdiga mabaadii’da” kaas oo xaqiijinaya sida iimaamyada masaajidaha ula jaan qaadayo Faransiiska.

Qorshaha uu madaxweynaha Faransiiska damacsan yahay ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay muslimiinta leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso. Balse hadalka ka soo yeeray madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muslimka iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo muslimiinta inuu ku cabburiyo dalka Faransiiska.

Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité ku dhisan sharciga wuxuu kala soocayaa dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Aragtida laïcité ayaana dhigaya dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan iney sharciga hortiisa ka siman yihiin.

Wax badan ayaa laga qoray aragtida Faransiiska ee laïcité si loo takooro Muslimiinta iyo kor u qaadista taariikhda xorriyadda faransiiska oo caqli gal u ah gumeysiga naxariis darrada ah ee malaayiinka dad oo ku baahsan Aasiya iyo Afrika – waxa ay ugu yeertay “howlgalka ilbaxnimada”. Qorshayashaan ku dhisan rabshadaha waxay qayb weyn ka yihiin taariikhda Faransiiska sida seddexdooda kacaan ee liberté, égalité, iyo fraternité (xorriyadda, sinnaanta iyo walaalnimada).

Wixii ka dambeeyay dhacdadii 9/11, Muslimiinta – gaar ahaan Mareykanka – waxaa lagu qasbay inay isu dhul dhigaan inay yihiin wadaniyiin daacad u ah khuraafaadka u gaarka ah Mareykanka si looga fogaado in looga shakiyo inay yihiin argagixiso (magaca muslimka ayaa naar loogu dhigay). Muddo dheer, Muslimiintu waxay raadsanayeen “kursi, meel” si ay u muujiyaan daacadnimadooda.

Maanta, bulshooyinka muslimiinta ah waxay waqti badan ku luminayaan inay kursi ka raadsadaan miiska iyo waqti badan oo ay ku dhistaan miisas u gaar ah, iyagoon u baahnayn inay xukunka ku wareegaan. Waxay kahadlaan wacyiga qaabdhismeedka kaladuwan ee rabshadaha Islaam naceybka ku dhisan iwm.

Qaraxii daarihii Mareykanka kadib, muslimiinta Mareykanka waxay wajahayeen cabsi, iyo takoor, takoorka ayaa ku sii kordhayey guud ahaan dalka Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray machadka siyaasada iyo fahamka bulshada.

Daraasaddan, oo 2019 la soo saaray, ayaa waxa ku jira tusmada sannadlaha ah ee Islaam nacaybka, oo lala kaashanayo Jaamacadda Georgetown. Waxay muujisay in fikirka xun ee dadweynaha ee Muslimiinta uu ku kordhay Mareykanka sanadkii la soo dhaafay.

Faransiiska ayaa horeyba u lahaa xukuno adag oo ku aadan muslimiinta, sharciyada iyo xukunadan adag waxay soo baxayeen qaraxii Nofeembar 2015 ee Paris.

Tallaabadaan ay qaatay dowladda Faransiiska ee ku aaddan gooni-u-goosadka Islaamiyiinta xag-jirka ah ayaa horseed ka noqotay dood caalami ah oo ku saabsan astaanta Faransiiska laïcité ‘ ee cilmaaniyadda, iyo haddii ay tahay Islaam-naceyb.

Shaki kuma jira in dunidda Islaamka ay ku jiraan halgan adag. Waxaa la soconaa waxa ka dhacaya Falastiin iyo Kashmiir oo ay Hindiya qabsatay. – Laga soo bilaabo 1947, Hindiya iyo Bakistaan ayaa waxaa ka dhex taagnaa xiisad colaadeed oo ku saabsan Kashmir, oo ah gobol ay ku badan yihiin muslimiinta qeybta waqooyi ee Hindiya. Dhulka buuraleyda ah, 86,000-kiiloomitir-mayl wuxuu mar ahaan jiray dawlad. Hadda, waxaa sheeganaya Hindiya iyo Bakistaan. – Khilaafka ka taagan gobolka Kashmir waxay saameysay nolosha malaayiin dad ah, dhinacyada siyaasada, bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqanka.

Sida lagu sheegay warbixin dhowaan laga soo saaray xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha ee Ciidamada Hindiya iyo xooggaga milatariga ee ku sugan Kashmir, waxaa jira dhimashada 93,274 Kashmiri oo aan waxba galabsan intii u dhaxeysay 1989 ilaa Juun 30, 2010.

Tiradaas argagaxa leh ee dilalka ay geystaan ciidamada amniga ee Hindiya, waxaa jira 6,969 dilalka naxariis darada ee booliska, 117,345 oo xabsiyada la dhigay, burbur, iyo 105,861 cunsurinimo iyo xatooyo guri oo loo geystey bulshada rayidka.

Sida haayada PeaceWomen ay sheegayso, ciidamada amaanka ee Hindiya ayaa agoon ka dhigay in kabadan 107, 351 caruur, waxayna garoobo ka dhigeen 22,728 haween ah iyo kooxo burcad ah oo kufsi u gaystay 9,920 haween ah bishii Juun, 2010 oo keliya, waxaa jiray 33 dhimasho oo ay ku jiraan afar carruur ah marka laga reebo, jirdil iyo dhaawacyo 572 qof. “Ciidamada naxariis darada ah ee Hindiya waxay faraxumeeyeen sideed haween ah intii lagu jiray bishii luulyo. Xisaabtan kooban runtii, waa xaqiiqda guulaha Hindida oo ay ugu bishaareynayaan guushooda Kashmir iyadoo loo marayo howlgalada ka hortagga fallaagada.” ayay tiri haayada PeaceWomen

Dhinaca kale Falastiin, waxwalbo oo ay dowladda Israa’iil sameynayso Carabta wey arkaan sidoo kale dowladdaha xoogga sheegto ee dunida waa ay arkaan xaalada bani’aadamnimo ee halkaas ka jirta. Sida muuqatana Falastiin waa qowmiyad aan wali isdhiibin lana arki doona halka ay ku dambeyn doonto.

Dhanka kale, Muslimiinta Rohingya ee Myanmar ee Xinjiang ayaa wajahaya xasuuq. Ku dhowaad hal milyan oo qaxooti Rohingya ah ayaa ku nool xeryaha qaxootiga ee Cox’s Bazar, Bangladesh, ka dib markii ay ka carareen guryahooda Myanmar. Militariga dalkaas ayaa galay dambiyo ka dhanka ah aadanaha – kuwaas oo hadda ah mawduuca kiiska sida ku xusan Heshiiska kahortagga iyo ciqaabta dembiyada Xasuuqa ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Liis sir ah oo la helay oo ka badan 2,000 oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Uighur ee ku nool gobolka Shiinaha ee Xinjiang ayaa muujisay sida saraakiisha dowladda ay ula dhaqmaan Muslimiinta qowmiyadda Uighur, dambi kale oo ay galeen ma jiro oo aan ka ahayn ku dhaqanka diinta Islaamka,  sida ay sheegtay koox u doodda xuquuqda aadanaha.

‘Hadafkoodu waa inay baabi’iyaan qof walba’: Maxaabiista ku jirta xerada Uighur waxay sheegeen in meesha uu ka jiro kufsi nidaamsan

Waxaa isweydiin mudan maxay dunida Islaamka ay ugu hadli la’yihiin dhibaatooyinka faraxumeynta, iyo jirdilka lagu haayo Muslimiinta Uighur?

Warbixin ay BBC-da ka diyaarisay waxaad ku arkaysaa dhacdooyin naxdin leh oo lagula kacay muslimiinta Uighur ee Shiinaha. Illaa iyo hadda ma jiro dal muslim ah oo ka hadlay dhacdooyinkaan naxdinta leh ee aan ka ahayn Turkiga.

“Ragga had iyo jeer waxay xirtaan waji-shareer”, ayay yiri Tursunay Ziawudun, xittaa haddii uusan jirin cudurka faafa.

Tursunay Ziawudun waxay xabsiga ‘dhaqan-celinta’ ay ku tilmaamtay dowladda Shiinaha ay ku jirtay sagaal bilood sida laga soo xigtay ururo madax-bannaan, in ka badan hal milyan oo rag iyo dumar ah ayaa lagu xiray kaamamka Xinjiang ee gudaha dalka Shiinaha, dowladda Shiinaha ayaa sheegay in kaamamkaan yihiin ”dib-u-waxbarasho” ee Uighurs iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay loogu talagalay.

Waxay soo xirtaan dhar suut ah, ayay tiri, mana xirnayn dirayska booliska. Saqdii dhexe, waxay u yimaadeen qolalka si ay u doortaan haweenka ay rabaan waxayna geenayaan “qol madow”, halkaas oo aysan ka jirin kaamirooyinka ilaalada. “Waxaa laga yaabaa in tani ay tahay nabar aan la ilaawi karin oo igu dhacay weligay,” ayay tiri. Xitaa ma doonayo in ereyadan ay ka soo daadiyaan afkayga.

Dhammaan qodobadasi waa dhibaatooyinka lagu haayo muslimiinta dunida gaar ahaan kuwaooda laga tirada badan yahay. Haddii aan usoo noqdo dalka Faransiiska, Laïcité waa qayb ka mid ah dastuurka Faransiiska, waxaana loo adeegsaday kacdoonadii siyaasadeed, gaar ahaan waqtiyadii ugu dambeeyay ee socdaalka.

Mowjaddii ugu horreysay ee soogalootiga muslimiinta ah waxay soo galeen Faransiiska inta lagu gudajiray iyo kadib Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, markaas oo mas’uuliyiinta Faransiiska ay u baahnaayeen askar iyo shaqaale si ay u taageeraan dhaqaalahooda. Ragga muslimiinta ah waxay u jiheysteen dhanka dhaqaalaha, iyagoo ka yimid gumeysigii Faransiiska ee Waqooyiga Afrika. Ujeedkooda ma ahayn inay sii joogaan Faransiiska, waxayna si joogto ah lacag ugu diri jireen qoysaskoodu.

Mawjadda labaad waxay timid kadib Dagaalkii Labaad ee Adduunka markii, dhaqaalaha Faransiiska uu burburay, markale ujeeddada dib-u-dhiska dhaqaalaha waxay ahayd in laga caawiyo deegaanada. Laakiin dabeecaddaha dhaqanka soogalootiga ayaa isbedelay wixii ka dambeeyay 1950-yadii, markii dadaalada gumaysiga bilaabmay, iyadoo uu soo ifbaxay dagaalkii sokeeye ee Aljeeriya.

Tirada dadka Faransiiska ee ka soo haajiray gumeystayaashan waxaa loo kala qeybiyay Pro-France iyo bin France binary. Markii ay xorriyadda qaadatay Aljeeriya 1962dii, kooxihii taageeray dadaalladii Faransiiska dib ayey u hareen, cabsi ay ka qabaan in lagu silciyo dalkooda awgeed. Tiro aad u badan oo muslimiin Aljeeriyan ah ayaa yimid Faransiiska, sababtoo ah hoos u dhac ku yimid xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee Aljeeriya gumaysigii kadib.

Xiriirka ka dhexeeya fikradda Faransiiska ee laïcité, yacni kala soocidda diinta iyo dawladda ayaa taariikh dheer ku leh Islaamka. Taariikhda ka dambaysa sumadda Faransiiska ee cilmaaniyadda iyo la-dagaallankeeda Islaamka ayaa u baahan in laga diyaariyo qoraal midkaan ka badan.

Dabeecadda cilmaaniyadda ee Faransiiska aad bey uga duwan tahay marka loo fiiriyo dowladaha waaweyn ee cilmaaniga ah sida tan Hindiya.

Sanadkii 1989, saddex gabdhood oo iskuuley ah ayaa laga ceyriyay iskuulka kadib markii ay diideen aragtida Laïcité. Dhacdadaan ayaa noqotay dhacdo aad loogu dooday adduunka oo dhan,  iyadoo la isweydiinayo nooca cilmaaniyadda ee Faransiiska haysto.

Arrintaan waxay keentay cabashooyin hor leh oo ka dhex dhashay bulshada muslimiinta. Siyaasiyiinta xaq u dirirka ah ayaa su’aal ka keenay isla markaana ka hadlay walaaca ay ka qabaan islaam-naceybka Faransiiska ee sii kordheysa, iyada oo bulshooyinka muslimiinta ah ay kasii foganayeen bulshada Faransiiska dhexdeeda.

Sannadkii 2015, dilkii ka dhacay xarunta wargayska Charlie Hebdo, wuxuu ahaa aargudasho loogu aargudaayo sawirkii muranka dhaliyay ee nabi Maxamed scw. Iyadoo tirada ugu badan ee muwaadiniinta ku biira ururada argagixisada sida Daacish ee ka socda Yurub ay yihiin muslimiinta Faransiiska ah ee soo galooti ah 2014-15. – dhalinyarada muslimiinta ah ee ka soo jeeda qaarada Yurub inay ku biiraan ururada xagjirada waxaa keena qaabka loolla dhaqmay goobihii ay ku dhasheen sida goobaha waxbarashada, shaqooyinka, waddooyinka iwm.

Lama inkiri karo xaqiiqada ah in sharciga iyo kala dambeynta qaranka ay tahay waajibaadka koowaad ee aasaas kasta oo siyaasadeed. Laakiin su’aalaha waaweyn ee masiiriga ah waa in sidoo kale loo wajahaa qaab macno guud leh, taas oo ah sida loo fahmi karo khilaafka u dhexeeya Muslimiinta iyo inta badan Faransiiska ee ku saabsan su’aalaha laïcité? Dabacsanaan la’aanta xagga fikirka Laïcité ayaa keeni karaayo isku dhac. Dhaqanka Faransiiska ee dadka isku jinsiga ah iyo waxa uu Islaamka ka qabo ayaa u baahan wada tashi.


 

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Islaam Naceybka

Dowladda Ciraaq oo ceyrisay safiirkii Iswiidhan – sababta waa maxay?

Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay in xukuumadda Baqdaad ay sidoo kale u yeeratay danjiraha u fadhiya Iswiidhan.

Published

on


Boqolaal qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista xoog ku galay safaaradda Iswiidhan ee Baqdaad, waxaanay dab qabadsiiyeen qaybo ka mid ah safaaradda Ciraaq, ka hor bannaanbaxan safaaradda Ciraaq ee Iswiidhan ayaa lagu gubay qur’aanka kariimka ah oo sii hurisay carada dunida Muslimka.

Qalalaasahan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhashay mudaharaad dabayaaqadii bishii hore ka dhacay magaalada Stockholm oo Salwaan Momika oo ah qaxooti u dhashay dalka Ciraaq uu jeexjeexay kuna gubay kitaabka islaamka bannaanka masaajidka dhexe maalintii koowaad ee ciida muslimiinta ee Ciidul Adxaa, taasoo argagax ku beertay muslimiinta caalamka. Mudaharaadkii ugu dambeeyay ee maalintii Khamiista ka dhacay dalka Iswiidhan, ayaa Momika iyo qof kale oo mudaaharaadayay waxa ay laad ku dhufteen nuqullo ka mid ah qur’aanka kariimka ah, waxayna ku tumanayeen calanka Ciraaq.

Dowladda Ciraaq ayaa Khamiistii dalkeeda ka eriday, danijirihii Iswiidhan u fadhiyay Baqdaad, tallabadaasi oo ah mid ay ku gudbineyso farriin ay uga cabaneyso fal qorsheysan oo lagu rabo in lagu gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gudaha magaalada Stocklom ee caasimadda Iswiidhan.

Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay in xukuumadda Baqdaad ay sidoo kale u yeeratay danjiraha u fadhiya Iswiidhan.

Isaga oo ka jawaabaya, ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Maxammed Shia al-Sudani, wuxuu eryay safiirka Iswiidhan, wuxuuna ku amray sii hayaha safaaradda Ciraaq inuu ka baxo safaaradda Ciraaq ee Iswiidhan, afhayeen u hadlay dowladda ayaa yiri.

Goynta xiriirka diblomaasiyadeed ayaa timid “iyadoo laga jawaabayo ogolaanshaha soo noqnoqda ee dowladda Iswiidhan ee ah in la gubo Qur’aanka kariimka ah, lagu aflagaadeeyo xurmada Islaamka iyo in la gubo calanka Ciraaq,” ayuu Mudane al-Sudani ku yiri bartiisa twitter-ka. Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale joojisay shatiga shaqada ee dalka shirkadda isgaarsiinta ee Ericsson.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iswiidhan, Tobias Billström, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in safaaradda dalkaas ee Baqdaad la burburiyay oo qayb ahaan lagu gubay weerarka abaarihii 2-dii duhurnimo ee xilliga dalkaas. Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qeyb ka mid ah safaarada oo holceysa iyo dad gacmaha ku heysta qeybo ka mid ah dhismaha.

Bilayska Ciraaq ayaa ku ridey baasuukaha biyaha si ay u kala eryaan mudaaharaadayaasha, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbixinnada wararka, ugu yaraan 15 mudaaharaadayaal ah ayaa la xiray, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidammada Ciraaq. Kooxda dabagalka saxafiyiinta ayaa sheegtay in sidoo kale la xiray saddex wariye oo sawir qaade ah xilli ay warbixin ka diyaarinayeen mudaaharaadka waxayna dalbadeen in la sii daayo.

Mudaaharaadka ka dib ayaa la xiray safaaradda, waxaana dhammaan shaqaalihii safaaradda ay si nabad ah ku sugan yihiin goobihii ay ku noolaayeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq, isagoo sheegay in xilliga uu dibadbaxa dhacayay aysan jirin cid ku sugnayd safaaradda. Mudane Billström ayaa xaqiijiyay in dhammaan xubnaha shaqaaluhu ay bad qabaan. Shaqaalaha safaaradda Finland oo ku dhow ayaa iyagana laga saaray oo badqabo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Finland ee STT.

Dowladda Iswiidhan ayaa qorsheyneysay in ay u yeerto sii hayaha safaaradda Ciraaq ee Stockholm si ay uga sheegto sida ay ugu xuntahay falka dhacay.

“Waxa dhacay gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin, dowladduna aad ayay u cambaareyneysaa weerarradan,” ayuu yiri Mudane Billström. Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Ciraaq ay leeyihiin “mas’uuliyad aan mugdi ku jirin” si ay u ilaaliyaan shaqaalaha diblomaasiyadeed oo ay “si dhab ah ugu guuldareysteen mas’uuliyaddan.”

Askar ka tirsan booliiska rabshadaha ka hortaga ee Ciraaq ayaa isku dayay inay ku kala eryaan dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaaradda Iswiidhan ee Baqdaad saacado ka dib markii la gubay dhismaha. Sawirka – Axmad Al-Rubaye/Agence France-Presse

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku cambaareysay weerarka safaaradda, waxayna sheegtay in dowladdu ay amar ku bixisay hay’adaha ammaanka inay sameeyaan baaritaan deg-deg ah oo lagu ogaanayo dembiilayaasha, si sharci ahna loola xisaabtamo.

Dalka Iswiidhan ayaa sanadihii ugu dambeeyay la daalaa dhacayay in ay ogolaadaan dibad baxyo ay ku lug leeyihiin gubashada qur’aanka kariimka ah, kuwaasi oo sare u qaaday xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosantay in ay ku biirto NATO. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iswiidhan ayaa bishii hore ku tilmaantay gubista quraanka kariimka inay tahay fal ‘Islaam nacayb’ waxayna sheegtay inay ka soo horjeedaan arrintaas, halka saraakiishu ay ka digeen in gubista qur’aanka kariimka ah ay saamayn ku yeelan karto amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Iyadoo maamulka Iswiidhan ay dhowr jeer ka soo horjeesteen ogolaansho loogu ogalanayo dibad-baxyada ka dhan ah Qur’aanka, iyagoo ku sababeeyay carqaladeynta nidaamka bulshada, maxkamadaha ayaa diiday diidmadaas, iyagoo sheegay inaysan haysan sabab ku filan oo ay ku joojiyaan falalkaas. Booliska Iswiidhan ayaa sheegay in Mudane Momika ay ku soo oogeen dacwad ah inuu falal qowmiyado kicin

Magaalada Stockholm bishii Janaayo, Rasmus Paludan, ee haysta dhalasho Danish-Swedish, ayaa hogaaminayay mudaaharaad uu ku gubay kitaabka barakeysan, taasoo ka careysiisay madaxda Turkiga. Turkiga oo in muddo ah is hortaag ku sameeyay dalabka Iswidhan ee NATO xilli uu Ruushku ku duulay dalka Ukrayn, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qur’aanka kariimka ah.

Turkiga ayaa sida muuqata u banneeyay wadadii ay Iswiidhan ugu biiri lahayd NATO, inkastoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in Baarlamaanka dalkaasi uu qaadan doono go’aanka ugu dambeeya, waxaana Iswiidhan looga baahan yahay inay qaado tillaabooyin badan oo ay ku kasban karto taageerada Turkiga.

Dibadbaxan oo habeen hore ka dhacay magaalada Baqdaad ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Muqtada Al-Sadr oo ah wadaad shiico ah oo saameyn ku leh dalkaasi, kaasi oo ku baaqay in dowlada Ciraaq ay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dalka Iswiidhan. Waxa uu sheegay in dalka Scandinavian-ka uu “cadow ku yahay” Islaamka.

Dowladaha Islaamka ayaa ka falceliyey dhacdadan, balse Soomaaliya kuma jrito. Masar ayaa ku tilmaantay gubista Qur’aanka “Ficil fool-xun”, Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in “falalka noocaas ah ee naceybka ah iyo kuwa soo noqnoqda aan la aqbali karin wax sabab ah”. Wasiirka arrimaha dibadda ee Malaysiya ayaa sheegay in nijaasaynta kitaabka quduuska ah ee lagu jiro fasax muhiim ah “ay meel ka dhac ku tahay Muslimiinta caalamka.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Islaam Naceybka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhaleeceeyay kitaabka Qur’aanka ee la gubay intii lagu guda jiray booqashada masjidka Dagestan

Putin ayaa hadalkan sheegay mar uu Arbacadii la kulmay wakiillo ka socday Muslimiinta Masjidka Juma ee ku yaalla magaalladda Dagestan, halkaasi oo hadiyad ahaan loogu siiyey nuqul ka mid ah Qur’aanka kariimka ah.

Published

on


Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa dhaleeceeyay wadamada reer galbeedka ee ogol in la gubo qur’aanka kariimka ah sababo la xiriira xoriyatul qawlka, isagoo sheegay in falalka noocaasi ah ay dambi ka yihiin Ruushka.

Putin ayaa hadalkan sheegay mar uu Arbacadii la kulmay wakiillo ka socday Muslimiinta Masjidka Juma ee ku yaalla magaalladda Derbent ee magaalladda Dagestan, halkaasi oo hadiyad ahaan loogu siiyey nuqul ka mid ah Qur’aanka kariimka ah. Waxa uu dhaleeceyn u jeediyay wadamada reer galbeedka ee aan u arkin in Qur’aanka lagu gubayo dambi, isaga oo carabka ku adkeeyay in Ruushka uu ciqaabayo falalkan.

“Qur’aanka kariimka ah ayuu u yahay Muslimiinta, waana in uu dadka kale u ahaado” ayuu yiri Putin oo ay soo xigatay wakaaladda Anadolu ee dalka Turkiga. Waxa uu ka mahadceliyey hadiyadda, waxa uuna yiri: “Mar walba waxaan u hoggaansami doonaa xeerarkan.”

Hadalka Putin ayaa daba socda muran caalami ah oo ka dhashay koobi qur’aan ah oo lagu gubay bannaanka masaajid ku yaalla magaalada Stockholm. Dhacdadan ayaa la sheegay in uu geystay nin u dhashay dalka Ciraaq oo qaxooti ku ahaa dalka Iswiidhan, kaas oo la sheegay in uu ogolaansho qoraal ah ka helay booliiska.

Dhowr dowladood iyo ururo Carbeed ayaa si kulul u cambaareeyay falkan. Laakiin dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh wax cambaareyn ah kama soo yeerin.

Dawladda Ciraaq ayaa ku tilmaantay “mid ka tarjumaysa ruux nacayb ah oo ka fog xorriyadda hadalka.” Masar, Kuwait, Urdun, Yemen, iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan gubitaanka qur’aanka kariimka ah. Dhanka kale Marooko iyo Imaaraatka Carabta ayaa u yeeray safiiradooda u fadhiya Iswiidhan dhacdadan.

Golaha iskaashiga khaliijka (GCC) ayaa bayaan uu soo saaray ku booriyay dowladda Iswiidhan in ay si degdeg ah u qaaddo tallaabooyin looga hortagayo falalkan muujinaya xaasidnimada, nacaybka, iyo xagjirnimada.

Masjidka Juma, oo uu Putin ka hadlay, ayaa ah masaajidka ugu da’da weyn Ruushka, waana mid ka mid ah kuwa ugu da’da weyn adduunka. In kasta oo dhaleeceyntiisa qur’aanka kariimka ah loo arki karo difaac bulshada Muslimka ah, Putin waxa uu dhowr shir ku sheegay hadallo Islaam nacayb ah oo dhiirigeliyay rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta Jeejniya iyo Dagestan.

Intii lagu jiray dagaalkii labaad ee Chechnya, Putin waxa uu Muslimiinta Ruushka ugu yeedhay inay yihiin Islaamiyiin aasaasi ah oo awood u leh inay taageeraan mashruuca xagjirka ah ee Chechnya ee lagu dhisayo dawlad Islaami ah oo ka jirta Caucasus.

“Haddii xoogaga xagjirka ah ay u suurtagasho in ay qabsadaan Caucasus, caabuqan wuxuu ku fidi karaa wabiga Volga, wuxuu ku fidi karaa jamhuuriyada kale, waxaanan wajihi doonaa Islaamin buuxda ee Ruushka ama waa inaan ku heshiinno kala qaybinta Ruushka oo loo qaybiyo dhowr waddan oo madax-bannaan. ” Putin ayaa yiri sanadkii 2000.

Marka loo eego warbixintii mashruuca Pew ee 2011, Islaamku waa diimaha laga tirada badan yahay ee Ruushka, laakiin waddanku waa diinta ugu badan ee Muslimiinta Yurub, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 16 milyan oo Muslimiin ah, oo ka dhigan qiyaastii 12% tirada guud ee dadka. Inta badan Muslimiinta ku nool Ruushka waxay raacaan Islaamka Sunniga, halka boqolkiiba in yar ay yihiin Muslimiin Shiico ah. Awaamiirta Suufiyada Sunniga, gaar ahaan dugsiyada Naqshbandi iyo Shadhili, waxay ku leeyihiin joogitaan caan ah Dagestan iyo Chechnya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Islaam Naceybka

Dowladda Ciraaq oo Iswiidhan ku boorisay inay soo gacan geliso nin Ciraaqi ah oo ‘gubay Kitaabka Qur’aanka’

Golaha sare ee cadaalada Ciraaq ayaa ku booriyay Iswiidhan inay u soo gacan geliso muwaadin Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Salwaan Momika si maxkamad loogu soo taago sida la sheegay inuu Quraanka ku gubay meel ka baxsan masaajidka ugu weyn Stockholm horaantii todobaadkan.

Published

on


Ciraaq ayaa khamiistii ugu baaqday Iswiidhan inay u soo gacan geliso nin Ciraaqi ah oo toddobaadkan la sheegay inuu qur’aanka ku gubay bannaanka masaajidka Stockholm.

Madaxa golaha sare ee cadaalada Faiq Zidan ayaa amray in la soo celiyo Salwaan Momika oo la sheegay in uu ka yimid Ciraaq, si loo maxkamadeeyo si waafaqsan sharciga Ciraaq, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Talaabadan ayaa timid maalmo kadib markii Momika oo la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Ciraaq uu ku istaagay kitaabka barakeysan ee Islaamka isla markaana uu dhowr bog jeexjeexay asigoo dhigay afaafka hore ee masaajidka ugu weyn caasimada Iswiidhan Talaadadii.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaa u yeertay safiirka Iswiidhan si ay uga warbixiso gubashadaas lagu gubay kitaabka kariimka ah, sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka.

Wasaaraddu waxay cambaaraysay “ogolaansha ay dawladda Iswiidhan u siisay kooxaha xagjirka ah inay gubaan kitaabka Quraanka Kariimka ah” ayaa lagu yirri bayaanka.

Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Sadar ee dalka Ciraaq Muqtada Al-Sadr ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa maalintii Arbaca ah in ay ka qeybgalaan banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo safaaradda Iswiidhan ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka in ay dalka ka saarto sii hayaha xilka haya ee Iswiidhan si ay uga cabanayso, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka.

Sadr waxa kale oo uu ku baaqay in la eryo safiirka Iswiidhan, kaas oo ka dhigan “dawlad cadaw ku ah Islaamka iyo xurmadeeda, taageerana anshax-xumada”.

Wax yar ka dib, Mudaaharaadayaal Ciraaqi ah ayaa Khamiistii jebiyey safaaradda Iswiidhan ee Baqdaad, iyagoo ku sugnaa gudaha xarunta muddo ku dhow 15 daqiiqo ka hor inta aysan ka bixin iyadoo ciidamada ammaanka la dhigay.

Dibad-baxayaashu waxay ku buufiyeen “Haa, haa Quraanka” albaabka xarunta, sida ay sheegayaan wararka deegaanka.

Yaa ka danbeeyay in quraanka la gubo?

Salwan Momika oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa sheegay in uu doonayo in uu gubo kitaabka qur’aanka kariimka ah ee Islaamka, si uu uga dhiidhiyo diinta Islaamka, halkii uu ka mudaharaadi lahaa in Iswiidhan ay ku biirto Nato.

“Waanu gubaynaa qur’aanka,” ayuu u sheegay TT newswire ka hor inta uusan fulin falka galabnimadii Juun 28-keedii. “Wuxuu yirri ‘kaca Iswiidhan, tani waa dimoqraadiyad, khatar ayay geli doontaa haddii ay yiraahdaan ma samayn karno’.”

“Annagu lama dagaalanno Muslimiinta, balse waxaan ka soo horjeednaa fikirkooda, ma nihin Muslimiinta, waxaan nahay garabkooda,” ayuu yiri.

Momika ayaa horay u sheegtay in uu aaminsan yahay in diinta Muslimka ay saameyn xun ku yeelatay in Quraanka kariimka ah laga mamnuuco caalamka.

Maxay booliisku Iswiidhan u fasaxeen gubista Quraanka barakaysan?

Bilayska ayaa bishii Febraayo Momika ka mamnuucay inuu ku aaso Qur’aanka kariimka ah bannaanka safaaradda Ciraaq, sababo la xiriira in haddii ay sidaas dhacdo ay halis u tahay khalkhal dadweyne, sidii ka dhacday guud ahaan Iswiidhan sanadkii 2022. Booliska ayaa sidoo kale mamnuucday koox ka soo horjeeda NATO in ay gubto kitaabka.

Laakiin bishii Abriil, maxkamada maamulka ayaa laashay mamnuucida, iyadoo xukuntay in xuquuqda isu imaatinka iyo xaqa mudaaharaadku ay labaduba ilaalinayaan sharciyada dastuurka Iswiidhan, haddii aysan khatar amni oo la taaban karo keenin.

“Fursadaha la heli karo ee lagu diido ogolaanshaha kulan dadweyne aad bay u xaddidan yihiin. Maxkamadda maamulku ma tixgeliso in khatarta la soo bandhigay ee saldhigga u ah go’aanka Maamulka Bilayska ee diidmada oggolaanshaha ay tahay mid ku filan oo la taaban karo oo ku xiran kulanka su’aasha,” Eva. -Lotta Hedin, oo qareen ah, ayaa u sheegay TT wakhtigaas.

Tani waxay ka dhigan tahay in booliisku aysan haysan wax cudurdaar ah oo ay ku joojiyaan mudaaharaadka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Islaam Naceybka

Dalalka Muslimiinta ah oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka ee dalka Iswiidhan

Dowladda Soomaaliya wax falcelin ah kama aysan sameynin gubista kitaabka kariimka ee Quraanka. Laakiin dalal badan oo Muslimiin ah ayaa si adag u cambaaraayey waliba safiiradooda ayey u yeerteen.

Published

on


Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka.

Iswiidhan waa dal caan ku ag gubista kitaabka Quraanka, fasaxna u siisa muwaadineenteeda inay gubeen Kitaabka kariimka ah. Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.

Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxay goor dambe sheegeen inay fureen baaritaan ka dhan ah oo la xiriira “kicin”.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa.

Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay “xagjir” ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka.

“Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka, waxayna ka dhigan yihiin daan-daansi halis ah oo lagu sameeyey,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq.

Iiraan ayaa sidoo kale ku biirtay cambaareynta, ayada oo gubitaanka qur’aanka ugu yeertay mid “daan-daansi ah, aan laga fiirsan, oo aan la aqbali karin.”

“Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan… uma dulqaataan aflagaaddada noocan, si xooggan ayeyna u cambaareynayaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanani.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay falkan. “Falalkan naceybka ah ee soo noqnoqda laguma aqbali aqbali karo wax cudur daar ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah “fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta.”

Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah “weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka.”

Kuwait ayaa ku baaqday in dambiilayaasha falalka noocan ah cadaawadeed la horkeeno cadaaladda “lagana hortago in mabaadi’da xorriyadda ay qiil uga dhigtaan cadaawad ka dhan ah Islaamka ama caqiido kasta oo muqaddas ah.”

Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, halka Morocco ay u yeertay safiirkeeda Stockholm.

Sidoo kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay Sweden “inay qeyb ka tahay dambiga.”

Xizbullah ayaa ugu baaqday Sweden inay joojiyaan falalka noocaan ah “halkii ay ku dhuuman lahaayeen xoriyadda hadalka.”

Waxay ku boorisay Mas’uuliyiinta iyo dalalka Islaamka iyo Carabta inay qaadaan “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay ugu qasbaan Sweden iyo dalalka kale in laga hortago soo noqoshada dhacdooyinka noocan oo kale ah iyo joojinta “fidinta dhaqanka nacaybka ah.”

Bishii Janaayo, nin xagjir oo Swedish-Danish ah, kana tirsan kooxaha garabka midig, ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm, taasi oo sidoo kale ka careysiisay dunida Muslimka.

AFP

Facebook Comments Box

Continue Reading

Islaam Naceybka

Wadamada Muslimka ah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin Kitaabka Quraanka ah ee lagu gubay dalka Denmark iyadoo bisha Ramadan lagu jiro

Dalal badan oo Muslimiin ah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin ka dib markii kooxda midigta fog ee Denmark ay Jimcihii ku gubeen qur’aanka kariimka ah afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee agaalada Copenhagen.

Published

on


Xubno ka tirsan kooxda midig-fog ee dalka Denmark ayaa Jimcihii gubay kitaabka Quraanka Kariimka ah, sida ay wararku sheegayaan. Kooxdan oo loo yaqaan Patrioterne Går Live (The Patriots Go Live) ayaa gubay kitaabka iyagoo baraha bulshada ee Facebook Live ah.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen boorar ay ku qoran yihiin Islaam naceyb, waxayna ku gubeen calanka Turkiga afaafka hore ee safaarada Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa Sabtidii shalay cambaareysay aflagaadada qur’aanka kariimka ah iyo calanka Turkiga ee dalka Denmark, waana dhacdadii labaad ee sanadkan ka dhacda dalkaasi.

Dhacdadan goor dambe oo Jimce ahayd waxay ahayd dambi nacayb ah, ayay tirri wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in Turkigu aanu waligii aqbali doonin “falalka xunxun ee noocan oo kale ah in loo ogolaado iyada oo la huwan yahay xorriyadda hadalka.”

“Falkan oo la fuliyay bisha Ramadaan (bisha barakaysan ee Ramadanka) waxa uu mar kale si cad u soo bandhigay in Islaam nacaybka, takoorka iyo nacaybka ay Yurub ka gaareen heer aad looga naxo oo aan wax cashar ah laga baran.”.

Wasaaraddu waxay ku boorisay mas’uuliyiinta Denmark inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan dembiilayaasha iyo tallaabooyin la taaban karo si looga hortago daandaansi kale oo khatar ku ah wada noolaanshaha bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay “Weerarka foosha xun, waxashnimada, iyo karaahiyada ah” ee Danmark ee lagu bartilmaameedsaday Qur’aanka iyo calanka Turkiga.

“Dabeecaddan khaldan” ee Danmark, oo sidoo kale ah gaashaanbuurta NATO, ayaa ka soo horjeeda niyadda isbahaysiga iyo qiyamka caalamiga ah, ayay raacisay.

Danmark waa inay si degdeg ah u soo hesho kuwa ka masuulka ah dembiga nacaybka, ayay tirri Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga.

Kooxda midigta-fog ee ka soo horjeeda Muslimiinta Patrioterne Gar Live ayaa soo bandhigay boorar Islaam naceyb ah oo qur’aanka kariimka ah iyo calanka Turkiga lagu xardhay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Copenhagen. Kooxda midigta fog ayaa sidoo kale si toos ah ugu baahinaysay boggooda Facebook-ga.

Bilihii la soo dhaafay waxaa la arkayay dhowr fal oo qur’aan lagu gubayo, ama la isku dayay in sidaas la yeelo, kuwaas oo ay gaysteen dad Islaam naceyb ah oo ku nool wadamada Waqooyiga Yurub.

Bishii Janaayo, xagjirka midigta fog iyo siyaasi cunsuri ah Rasmus Paludan ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah Quraanka ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stockholm iyo mar kale masaajid ku yaal Copenhagen hortiisa. Turkiye ayaa u yeertay safiirka Denmark ee dhacdadan.

Maalmo ka dib Paludan, Edwin Wagensveld oo ka tirsan xagjirka midigta-fog, ahna hoggaamiyaha xisbiga PEGIDA ee ka soo horjeeda diinta Islaamka, ayaa jeexjeexay kitaab Quraan ah ka hor inta uusan dab qabadsiin dibadbax ka dhacay magaalada Enschede ee dalka Holland.

Xumaanta loo qabo qur’aanka kariimka ah ayaa tan iyo markaas soo jiidatay caalamka oo dhan caro iyo cambaarayn iyo baaq ku aaddan in la joojiyo oggolaanshaha mudaaharaadyada nacaybka Islaamka.

Waa maxay Islaam naceybka?

Islaam nacaybku waa cabsi, cuqdad iyo nacayb loo qabo Muslimiinta taasoo keenta daandaansi, cadaawad iyo dulqaad la’aan iyadoo loo adeegsanayo hanjabaad, cagajugleyn, aflagaado, kicin iyo cago-jugleyn lagu hayo Muslimiinta, ha ahaadaan kuwa online iyo offlineba.

Cadaawada Islaam loo qabo waxaa dhiirigeliyo hay’ado, dad caqiido gaar ah aaminsan, arrin siyaasadeed iyo diineed oo u gudubta cunsuriyad dhaqameed, waxayna beegsadaan Muslimnimada.

Qeexitaankan Islaam Naceybka wuxuu xooga saarayaa xiriirka ka dhexeeya heerarka hay’adaha ee Islaam nacaybka iyo muujinta dabeecadahaas oo kale, taasoo ka dhalato muuqaalka dhibbanaha ee aqoonsiga Muslimka ee loo arko. Habkani waxa kale oo uu Islaam nacaybku u turjumayaa nooc ka mid ah midab-takoorka, kaas oo calaamad u ah diinta Islaamka, iyo dhaqanka loo arko inay ‘khatar ku yihiin’ qiyamka reer galbeedka. Islaam nacaybku waxa uu sidoo kale saamayn karaa kuwa aan muslimka ahayn, taas oo ku salaysan aragtida dhalasho ama isir.

Warbixin uu soo saaray keydka Qaramada Midoobay oo ku saabsan diinta ama caqiidada ayaa lagu sheegay in tuhunka, tuska iyo nacaybka loo qabo Muslimiinta uu kor u kacay ‘sabab faafa’.

Ka dib weeraradii argagixisanimo ee 11kii Sebteembar 2001 iyo falal kale oo argagaxiso oo la sheegay in lagu fuliyay magaca Islaamka, shakiga hay’adaha ee Muslimiinta iyo kuwa loo arko in ay Muslim yihiin ayaa sare u kacay oo gaaray heer ay aad u faafto. Dawlado badan, iyo sidoo kale hay’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, ayaa ka jawaabay khataraha amniga iyagoo qaaday tallaabooyin si aan loo qiyaasi karin u beegsanaya Muslimiinta waxayna ku qeexeen Muslimiinta inay yihiin kuwo khatar sare leh oo halis ugu jira xagjirnimada.

Gobollada qaar ee reer galbeedka ee ay ku nool yihiin dadka laga tirada badan yahay, Muslimiintu waxay inta badan la kulmaan takoorid xagga helitaanka adeegyada, shaqo helista iyo waxbarashada. Gobolada qaar waxaa loo diidaa dhalasho ama sharci socdaal iyadoo ay ugu wacan tahay aragtida ajaanib naceybka ee ah in Muslimiintu ay matalaan amniga qaranka iyo khataraha argagixisada. Haweenka muslimiinta ah ayaa si aan loo qiyaasi karin loo bartilmaameedsadaa dambiyada Islaam naceylka. Daraasaduhu waxay muujinayaan in tirada dembiyada Islaam nacaybka ay si joogto ah u korodho, oo ay ku jiraan weerarrada tooska ah ee loo gaysto muslimiinta.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka3 hours ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka1 day ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika2 days ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 days ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika4 days ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka5 days ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe6 days ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda6 days ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka6 days ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka6 days ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka6 days ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga7 days ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda7 days ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya1 week ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika2 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka2 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika2 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka2 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag2 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka3 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika3 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Geeska Afrika3 weeks ago

Ilhaan Cumar ayaa lagu eedeeyay inay jabisay dhaartii loo dhaariyay maadaama ay sheegtay inay illaalin doonto danaha Soomaaliya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Ruushka iyo Gambia ayaa yeeshay wadahadallo dhanka ammaanka ah

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 23aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda3 weeks ago

Socdaalkii Rabaso – Qaybtii 1aad

Aasiya3 weeks ago

Maxaa laga baran karaa xariga Imran Khan oo lagu xukumay xabsi 10 sano ah?

Afrika3 weeks ago

Saddex dawladood oo galbeedka Afrika ah ayaa ka baxay urur goboleedka ECOWAS – sababta waa maxay?

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 22aad

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ma noqon karaa mid wax ka qaban karo xaaladda reer Falastiin?

Geeska Afrika4 weeks ago

Muxuu Abiy Axmed ka yiri midnimada Soomaaliya?

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

“Nelson Mandela wuu dhoola cadeyn lahaa” Wasiirka Koonfur Afrika ayaa yiri kadib go’aanka ICJ ee ka dhanka ah Israa’iil

Xul