Connect with us

Diblomaasiyadda

Asaaska Dowladnimada

Published

on


 

Sida aan wada ogsoonahay waxkasta oo adduunka ka jira waxay leeyihiin tiirar ama astaamo ugooniya oo lagu yaqaan ama bartilmaameedyo lagu asteeyay shaygaas. Haddaba qaranku waxa uu leeyahay astaamo iyo tiirar ugooniya uu uga soocan yahay hay’adaha kale ee dowladda.

Haddaba qaran ama dowlad waa maxay?

Dal walbo waxaa dhisa dadkiisa. Soomaaliya waxaa dhisi kara waa Soomaali.

Qaranku waa hab-dhis ka kooban tiirar habaysan oo ilaaliya, xadeeya, xaliya, xukma, bixiya, aruursha addeeg kasta oo bulsho ubaahato, kuwaas oo kuwada nool hal wadan, lehna sharciyo, qaanuun kala haga, astaan, calan, dastuur, garsoor, af, dhaqan, Diin, madaxbanaani, kala dambayn, dhaqan-dhaqaale IWM ayaa la dhahaa Qaran ama dowlad. Haddii intaas kor ku xusan laga waayo waxay noqonaysaa wax kale ee ma ahan dowlad.

Dowladu waxay leedahay dad, dal, diin, af, calan, xuduud ama soohdin lagu yaqaan, garsoor madax-banaan, ciidan qaran, Hay’ado IWM. Dowladu waa mid aan lagu soo xadgudbin, leh maqaam sare, sharci wax fuliya, go’aan geesinimo iyo kala dambayn. Midaas oo lagu maamulo, laguna maareeyo bulshada si loo kala jiheeyo, laguna carbiyo dowladnimo.

Dowladnimadu waa midda bixisa addeegga bulshada sida, Caafimaadka, Biyaha, Deegaamaynta, Garsoorka, Ammaanka, Hu’ Hoy IWM. Intaas oo dhan ma bixin karto waxaan ahayn qaran, lagama helo qabiil iyo dad meel degan. Waxaa haboon in bulshadu kala garato qaran iyo qabiil.

Qabiilku waa dad meel wadadagan oo isku hilib ah yacni bah wadaag ah kuwaas oo isku garta, iskuna soodhaweysta farac iyo sinji. Balse qaranku waa ka duwan yahay qabiilka, isagu waa bulsho kala duwan oo hayb wadaagin haddana ka dhaxayso shaqo qaran, bulsho iyo astaan qaran oo dadku uwada simanyahay guud ahaan axwaasha. Haddaba haddii aan kala fahanay qaran iyo qabiil waxaan rabaa in aan ka hadlo asaaska dowladda.

Asaaska Dowladnimada

  1. Calan:- Tiirarka dowladnimada waxaa ka mid ah in aad leedahay calan kuu gooniya oo adduunka oo dhan kuu aqoonsanyahay. Waana midka xadeeya ama kala sooca waddamada caalamka ka jira oo idil. Waana astaanta ugu horaysa oo lagu aqoonsado in dal leeyahay oo ukhaasa. Waxaad inbadan aragtaa madaxweyne ka socda dal oo booqanaya dalkale, waxa ugu horeeya ee lagu soodhaweeyo waa calanka dalkaas uu leeyahay, haddii uusan lahayn calan, lama dhihi karo waa wadan jira. Haddaba calanku wuxuu leeyahay astaamo ugooniya oo lagu yaqaano tusaale ahaan Calanka Soomaaliya waa buluug khafiif ah, waxa uuna leeyahay xidig leh shan gees oo ka turjumaysa shanta Soomaali iyo heeso ugooniya oo looqaado iyo kaban ugooniya.
  2. Af:- Afku waxa uu ka midyahay waxyaalaha lagu garto dal madaxbanaan luuqada uu ku hadlo. Afkaas waa in uu leeyahay qoraal laqori karo, laguna hadlo. Dadka Soomaaliya waxay leeyihiin af ugooniya oo dhammaan Shanta Soomaali meel walba oo adduunka ka joogaan kuwada hadlaan. Ma jirto af kale oo lagu hadlo aan ka ahayn midka aan wada leenahay. Qof kasta oo kamida Soomaalida waxa uu ku faanaa Luuqadiisa, waxna ku qoraa, kuna akhriyaa. Waana waxa aan ugu duwanahay dadyowga dunida kale.

Waddama aan deriska nahay waxay ku hadlaan Luuqado kala gooniya, waxaa lagayaabaa in hal dal ay kuwada noolyihiin dad kala duwan oo kala af ah, dhaqan, kala diin, haddana aan isfahmayn balse anagu waan ka duwanahay dadkaas oo waxaan haysanaa hal luuqad oo keliya.

Bulshada Soomaaliyeed waa dadka loo yaqaan bulshadii suugaanta ama gabayada. Waxay ka simanyihiin dhammaantood in ay ka kooban yihiin mid tiriya iyo mid xafida. Waana sababta loo yiri bulshadii gabayada.

Waana sababta aan maanta anagoo dalal reer galbeeda inta nooyimaadeen beddeli waayeen af-keena hooyo, halka dalalka kale ee ay guumaysan jireen ku hadlaan waddankasta  waddankii guumaystay luuqadiisii, laakiin anagu waan ka duwanahay dadkaas oo dhan. Waxaana sabab u ahaa dadkii hore oo ahaa dad suugaanta wax iskugu gudbiya, waxa uuna ahaa fariinta keliya oo lagu wada xiriiro.

Tusaale ahaan, waagii hore ma jirin isgaarsiin, sidoo kalena ma jirin aalad kale oo lagu xidhiidho. Qof ayaa safar gelaya waxa uuna aadi jiray magaalo ama baadiye, waxaa loo siidhiibi jiray fariin suugaaneed lagu cabiray hadafka ay xambaarsan tahay balse qoraal ma jirine waa uu xafidi jiray waxaana suuragal ahayd in uusan fahansanayn ujeedka fariintaan asii uu qeybay oo keliya. Waxaase mudnaanta leh in qofka loowado lagaarsiiyo qofkiina uu fahmo ujeedka fariinta. Waxa uuna ku jawaabi jiray fariin suugaaneed uu fahmaayo qofkii kale.

  1. Diin:- Shacabka Soomaalida waxay ubadanyihiin dad Islaam ah 100%. Waxaana uu ka midyahay dalalka ugu horeeya ee dadkiisu wada Muslim yahay. Waana mid Alle Subxaana watacaalaa ugu galadaystay ummadda Soomaaliyeed, wax la helo oo nimcooyinka Alle baxsho midda ugu horaysa ee inta dunida lajoogo waa Muslinimada.

Haddii aan nahay dal muslim ah, dadkiisuna muslimyahay, isku afna yahay, hal calana leenahay maxaa inoo diidaya in aan dalkeena ilaashano oo dhexda uxirano sidii aan horumar ugaarsiin karno. Dalalka deriska ah intooda badan waxay ka koobanyihiin dad islaam ah oo muslim ah iyo dad kiristaan ah, saas oo ay tahay waxay ka midaysanyihiin ilaalinta, karaamada iyo sumcadda dalkooda. Waxa keliya ee isku xiraya waa sharciga uyaal iyo in mid walba xil iska saaray ilaalinta dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa. Waxayna hal meel uga soo wada jeesteen cid kasta oo ka hor imaanaysa dantooda, waxayna diideen in la burbursho dalkooda.

Balse annaga waxaan ku dadaalnaa sidii aan dalkaan uburburin lahayn, sida aan doono uga yeeli lahayn midaas oo sababtay in ummaddii Soomaaliyeed kala irdhowdo, kala shakido, nin walbana xero ooto.

Waxaa haboon in aan Alle ka cabso, utoobadkeeno, waxkasta oo horay noo soomarayna aan iska Ilowno oo Alle dartiis wax walba usaamaxno. Waxaa nahay dad walaalo ah, isku sinji ah oo muslim ah, haddii mid inaga inakamida xanuunsado waxaa ugurmada qof kasta oo islaam ah, wuxuuna dhexda uxirtaa sidii uu uga qeyb qaadan lahaa caawinta walaalkiisa, ileen waxaa nahay hal jismi oo xubin ka mida jismigaas hadday xanuun sato waxaa la damqanaya dhammaan jirka oo dhan. Waa in aan wadda jir wax walba ku wajahnaa xarigga Eebbena wada qabsanaa, Allena utoobadkeena.

  1. Dhaqan:- Ummadaha adduunka waxay qowmiyad kasta ku faantaa oo leedahay dhaqan ugooniya oo iyaga caan ku yihiin. Dadka Soomaalida waxay leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ay iska dhaxleen ka-ab-ka-ab. Jiil kasta waxa uu kan ku xiga ugudbiyaa dhaqankii ay lahaan jireen, wayna ku faani jireen.

Dhaqanka Soomaalida waa midka loogu jecelyahay adduunka, waana dhaqan ummadaha kale goortay arkaan uwada istaagaan oo waxay isku dayaan in ay bartaan dhaqanka Soomaalida, ayna ciyaaraan. Haddiiba anagoo Islaam ah, haddana isku dhaqan ah maxaa inoo diiday in aan gacmaha isqabsano, danteena umidowno, horumarka dalkana aynu kawada shaqayno si horumar ugaarsiino. Waxaana bogaadinayaa da’yarta Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, bartaan dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed si dhammaanteen aan dadka kale iyo dalalka adduunka ugu faano dhaqankeena soojireenka ah.

  1. Qaran:- Waxa keliya oo ina wada deeqa, nagu filan naga badan, adduunka intiisa kalena nagu ixtiraamayo waa Qarankeena qiimaha leh. Qabiil wax kuuma taraayo balse waxa wax kuu qaban kara waa qaran, waana midka keliya ee aan horumar ku gaari karno. Qarankuna waa astaanta keliya ee aan ku faano. Waana waxa nala ku qiimaynaayo ee dunidana ula loola mikarno, si aan ugaarno horumar iyo hiigsi fog. Waa in aan ilaashano qarankeena, qabiilkana iska xoorno, waxaa naga badan Soomaalinimada, waana tiirka kowaad ee aan haysano.

Haddii lagu dhaho yaad tahay waxaad leedahay waxaan ahay 1. Adoon Alle 2. Waxaana ka ahay Muslim 3. Waxaana ka ahay Afrikaan 4. Waxaana ka ahay Soomaali. Intaas baa kugu filan oo ku deeqda, ruuxii kula soo aada wax kale waxaad ku dhahdaa ani Soomaali wax ka hooseeya malihiin, qabiilkaygu waa Soomaali, isagaana ideeqa oo aan ku faanayaa.

  1. Aqoonsi Qaran:-  Dalka jiritaankiisu waxaa Asal u ah waa in aad haysato aqoonsi qaran,  Haddii aadan haysan waxaa dhici karta in wax walba ku soowajahaan, waa lagu xirikaraa ama dowladeena ama dowlad kale. Haddii aad haysato aqoonsi qaran waa lagu siidayn waayo waxaad tahay ruux leh aqoonsi, dadkana waa lagaa aqoonsan waayo Kaadhka aqoonsiga waxa uu leeyahay nambar ugooniya “Serial Number”, waxayna fududaynaysaa in xogtaada sifudud loo helo.

Waxaan ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay qaataan Aqoonsigaas, dowladdana waxaan iyadana ku dhiirigelinayaa in ay ufududeyso shacabka Soomaaliyeed, meel walba, degmo walba iyo gobol kasta ka furato xafiis lagu baxsho aqoonsiga. Dowladda waxaa ufududaanayaa tirakoobka dadka, waxayna si fudud ugaarsiin kartaa addeegga bulshada oo ay ubaahanyihiin iyada oo lagu jaangoynaayo tiradooda saxda ah.

Waxaana sidoo kale dowladda ufududaanaya sidii ay ku uruurin lahayd qaaraanka qaranka si dakhliga loo kobciyo, waddanka oo dhanna loo gaarsiiyo mashaariic horumarineed ileen cashuurta laga uruursho dadweynaha ayaa lagu horumariyaa kaabayaasha dhaqaale iyo dib udhiska wadooyinka iyo goobaha addeega bulshada lagu baxsho.

  1. Ciidan Qaran:- Tiirka keliya oo aan ku noqon karno qaran jira waa in aan haysano Ciidan xooggan oo awoodleh, una dhamaystiran waxa ay ubaahanyihiin sida, Agabkoodii ay ku howlgali lahaayeen, tababar, Xuquuqdooda oo dhan. Waayo askari aan haysan wax xuquuq ah waa ku adagtahay in uu ka shaqeeyo danta guud, waxaana meesha ka baxaya booskiisii, waxaana ku soodhiiranaya cadowgeena waayo cid ka celinaysaa ma jirto. Waana sababta waddan kasta xoogga usaaro in uu yeesho ciidan.

Waxa keliya ee lagugu qiimayn karo waa ciidan, haddii aadan haysan ma tihid dal xor ah iskiisna isku maamula waayo ciidanba ma haysatid. Dalka waxa uu ubaahanyahay in uu helo ciidan qaran oo ka difaaca cadowga, si ay udifaacaana waa in aan hiil iyo hoo lagarab istaagnaa ciidankeena hadday noqon lahayd xuquuqdooda iyo dhiirigelin joogta ah. Waa in aan dhisnaa ciidankeena iyada oo lagu xulanaayo aqoontooda, balwad la’aantooda, muwadinimada iyo waddaniyadda. Waa in marka latababaraayo lagu tababaraa waddaniyad si kal iyo laab ah si ay ufahmaan dalka in ay iyagu leeyihiin.

Talada aan soojeedin lahaa waxay tahay si loo helo ciidan qaran, dalka ilaasha, cadowgana guulguula, waa in ay noqdaan kuwa ugu mushaarka badan waddanka, ugu xaqsiinta badan.

Waxaa la helayaa ciidan daacad ah oo udiyaar ah in ay dalkooda difaacdaan meelna uga soo wada jeestaan cid kasta oo xad gudub ku ah. 

FG:- Bulshada waxaad ogaataan in askarigu maalin iyo habeen taaganyahay qoraxda iyo dhaxanta, milicda korkiisa ayay ku dhammaataa, ma fariisto, ma nasto waa taaganyahay waxa uuna utaagan yahay waa sidii adi kuu difaaci lahaa, kuuna ilaalin lahaa. Waxayna dantoodii ku ilaaween in ay taada ilaashaan, calankooda difaacaan, ciidooda dhiiga uqubaan. Ninka noocaas saw ma haboona in uu helo xuquuq joogta ah iyo dhiirigelin abaalmarin iyo dalacsiinba isugu jirta?

  1. Garsoor:- Dal aan lahayn garsoor waa adag tahay in la helo caddaalad. Waayo ruux kasta waxa uu gaysan fal dambeyadeed haddii la soo qabto waa la siidayn waayo ma jirto garsoor madax banaan leh awood, qaanuun kala haga iyo aqoon. Waxaa fudud in qof kasta isku dayo in uu dadka dhaco, wuxuu doonana gaysto, hadhowna isaga oo xaragoonaya magaalada iska maro, saw dulmi ma ahan in qof maskiin ah la dhaco ama ladilo ruuxii falkaas gaystayna uusan sharcigu qaban karin?

Garsoorku waa midka ilaasha, dhowra qawaaniinta dalka uyaal, xaqqa siiya ruuxa dulman, sharcigana loo wada simanyahay madax iyo shacabba. Waa midka xukma haddii madaxweynaha dalka galo khalad ama dembi qaran waa awoodda keliya xukun kuridi karta. Garsoorku ma ahan mid qof iskaleeyahay ama koox, waa mid madax banaan oo cid walba usimantahay waa mid awood uleh shaqadiisa qaran, awoodna uleh in uu xukun caddaaladeed ku rido qofkii dembi gabood fal gaysta. Dal aan garsoon madax banaan lahayn waxaa ku bata qowlaysatada, dadka wax dila, tuugada wadankooda gata ama dad qiyaano qaran sameeya. Waa in aan helno garsoor madax banaan si caddaalad loo helo.

  1. Dowladnimo:- Dowladdu waxay ka kooban tahay saddex waa xood oo kala madax banaan haddana isku xiran oo wada shaqeeya, midna keligiis awood ulahayn in uu waxa uudoono sameeyo.

A). Waaxda fulinta:- Waaxda fulintu waa waaxda fulisa hawlaha dawladda waana waaxda u qaabilsan in ay daboosho, qabatana baahiyaha bulshada iyo waxkasta oo dalku ubaahan yahay. Waaxda fulinta waxaa hormuud u ah Madaxweynaha, Ra’isalwasaaraha, wasiirada IWM talada ay gooyaan ayaa waddanka lagu hagaa.

B). Waaxda Sharci dejinta:- Waxay u qaabilsantahay waaxdaan samaynta sharciga iyo qawaaniinta dawladda lagu hago. Waana waaxda ugu shaqada badan waayo waxaa lagarabaa in ay ilaashaan oo dabo gal ku sameeyaan hay’adaha fulinta iyo garsoorka haddii ay baal maraan sharciga iyo qawaaniinta dalka uyaal.

C). Waaxda Garsoorka:- Waaxdaan waxay qaabilsantahay Caddaaladda, Saraynta iyo ilaalinta sharciga. Waana waaxda marjaca ah ee loo noqdo marka khilaaf yimaado oo xukunka ugu dambeeya  soo saarta. Waana mid fulisa, ilaalisa sinaanta, waana mid qabata qof kasta oo xadgudba.

Haddaba asaaska dowladnimada waa saddexdaas waaxood oo wadajir ushaqeeya, danta , dalka, dadka, iyo diinta. Haddii ay hagaagaan saddexdaan waxaa la helayaa dowlad wanaagsan oo qareen u ah qeybaha bulshada oo dhan. Waana midda keliya ee ina wada deeqda haddaan nahay shacab iyo xukuumadba.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa mar walbo u taagan sidii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa sidii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diblomaasiyadda

Dowladaha Ireland, Norway iyo Spain oo u aqoonsaday Falastiin dowlad madax-bannaan

Waddamada Spain, Norway iyo Ireland ayaa dal ahaan u aqoonsaday Falastiin.

Published

on


Waddamada Spain, Norway iyo Ireland ayaa dal ahaan u aqoonsaday mamaulka Falastiin Talaadada maanta, waxayna qayb ka noqonayaan in ka badan 140 waddan, oo sidaas sameeyey.

Norway waa waddankii tobnaad ee Yurub ee aqoonsada dawladnimada Falastiin. Bulgaria, Qubrus, Czech Republic, Hungary, Malta, Poland, Romania, iyo Slovakia ayaa sidaas sameeyay 1988, iyadoo Sweden ay ku biirtay 2014.

“Dowladda Norway waxay go’aansatay in Norway ay u aqoonsan doonto Falastiin dowlad ahaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store.

Oslo waxay samaynaysaa tallaabadan iyada oo ay jirto iskahorimaadka Qaza, kaas oo “tobanaan kun lagu dilay laguna dhaawacay,”. Ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store ayaa carabka ku adkeeyay. Ujeedadu waa “in la noolaado xalka kaliya ee bixiya xal siyaasadeed oo loogu talagalay Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta si isku mid ah: Laba dawladood, oo ku nool dhinac, nabad iyo ammaan,” ayuu yirri.

Wax yar ka dib ku dhawaaqista Norway, Ireland waxay sidoo kale sheegtay inay aqoonsanayso dawladnimada Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Israel Katz ayaa ka jawaabtay horumarkaas iyadoo dib ugu yeertay safiirrada dalkaas ee Ireland iyo Norway si ay wadatashi degdeg ah ula sameeyaan. Si la mid ah ayaa ku dhici doonta safiirka Spain haddii Madrid ay sameyso tallaabo la mid ah, ayuu raaciyay.

“Waxaan fariin aan shaki lahayn u dirayaa Ireland iyo Norway – Israa’iil iskama dhaafi doonto arrintan si aamusnaan ah,” Katz ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Iyagoo aqoonsanaya dawladda Falastiin, Oslo iyo Dublin “waxay doonayaan inay fariin u diraan Falastiiniyiinta iyo adduunka oo dhan – argagixsada,” ayuu yirri, isagoo ku andacoonaya inay ” abaalmarin siinayaan Xamaas iyo Iiraan.”

“Dowrka nacasnimada” ee wadamada Yurub kama celin doono Israa’iil inay gaarto yoolkeeda ah “duminta Xamaas” ee Qaza, Katz ayaa carabka ku adkeeyay.

Spain ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsanayso dowladnimada Falastiin dhowr daqiiqo kadib hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil.

Aqoonsiga Falastiin, Norway waxa ay “taageerta ciidamada qunyar socodka ah ee dhulka ku luminayey iskahorimaadkan daba dheeraaday iyo waxashnimada,” Ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store ayaa yirri. Oslo waxay sidoo kale u diraysaa “farriin adag” quruumaha kale si ay ugu daydaan tusaale ahaan, sababtoo ah tani waxay ugu dambeyntii suurtogal ka dhigi kartaa in dib loo bilaabo dhaqdhaqaaqa xalinta laba dawladood, ayuu raaciyay.

“Ma jiri doonto nabad ka dhalata Bariga Dhexe haddii aan la helin xal laba dawladood ah, ma jiri karo xal laba dawladood ah haddii aan la helin dawlad Falastiin ah. Si kale haddii loo dhigo, dawlad Falastiini ah ayaa shardi u ah in nabad lagu gaaro Bariga Dhexe” Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaas ku sharaxay.

Talaabadan ay qaadeen wadamada Norway, Ireland iyo Spain ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee dambiyada caalamiga Karim Khan uu dalbaday in amar lagu siiyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhiga Yoav Gallant iyo sidoo kale sadsex sarkaal oo sare oo katirsan ururka Xamaas ee Falastiin. Eedeymaha ah in ay geysteen “dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Madaxweyne Joe Biden wuxuu Kenya ku sheegay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneen

Talaabadan ayaa u ogolaan doonta Washington in ay xoojiso xiriirka dhanka amaanka ah ee ay la leedahay Kenya marka ay ciidamadeedu ka baxaan Niger.

Published

on

WilliamsRuto (Biddax) Joe Biden (Middig)

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isbuucaan Kenya siiyay maqaamka xulafada ugu weyn ee aan NATO ka tirsanayn, halka madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, uu ku sugan yahay Washington oo uu booqasho ku joogo, wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Maraykan ah oo aan la garanayn.

Tani waxay Kenya ka dhigi doontaa waddankii ugu horreeyay ee ka hooseeya Saxaraha Afrika iyo qaaradda afaraad ka dib Masar, Marooko, iyo Tunisiya si ay u helaan magacaabistan.

Cinwaanka maqaamkaas waxay Washington siisay wadamada xidhiidhka shaqo ee istiraatijiga ah la leh Ciidanka Maraykanka balse aan xubin ka ahayn NATO. Waxay u ogolaataa dowladaha la siiyo maqaamkaas inay hub aad u casrisan ka helaan dawladda Maraykanka iyadoo sidoo kale kobcinaysa iskaashi amni ee dhow.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili xukuumada Washinton ay isku diyaarineyso inay ciidamadeeda kala baxdo dalalka Chad iyo Niger xili ay hoos u dhaceyso saameynta ay ku leedahay Afrika.

Sida laga soo xigtay Politico, mansabka astaanta u ah MNNA waxa uu kor u qaadi doonaa xidhiidhka Kenya iyo Maraykanka, taas oo suurtogal ka dhigaysa in Washington ay saamayn badan ku yeelato Bariga Afrika. Kenya, si la mid ah dalal badan oo Afrikaan ah, waxay xiriir dhow la leedahay Shiinaha iyo Ruushka, taasoo walaac ku abuurtay Mareykanka iyo xulafadiisa oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka.

“Haddii waddan kasta oo Afrika ku yaal oo aan hore u lahayn maqaam uu leeyahay kiis hore oo ah in loo aqoonsado saaxiib weyn oo aan NATO ahayn, waa Kenya,” ayuu Politico ka soo xigtay Peter Pham, oo ah sarkaal hore oo Afrika ugu sarreeya maamulka Trump, isagoo leh. .

“Horumarinta sida aan ula wadaagno Afrika waxay ahayd mid muhiim ah oo loo maro khadka inta lagu jiro maamulkayaga,” Judd Devermont, oo ilaa sanadkan hogaaminayey Afrika oo ka shaqeysa Golaha Amniga Qaranka ee Biden, ayaa sidoo kale yiri, sida laga soo xigtay barta.

Madaxweyne Ruto ayaa Arbacadii booqasho saddex maalmood ah ku tagay magaalada Washinton, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin ganacsiga, cafinta daymaha, 1,000 askari oo ka tirsan booliska Kenya oo la qorsheeyay in la geeyo dalka Haiti iyo colaadda Suudaan.

“Kenya iyo Mareykanka waxay wadaagaan mawqifyada guud ee nabadda iyo xasilloonida caalamka. Waxaan rajeyneynaa inaan sii xoojino xiriirka iyo iskaashiga aan la leenahay Mareykanka ee xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada amni-darrada, gaar ahaan Geeska Afrika,” Ruto ayaa ku soo qoray X (hore Twitter-ka).

Dhanka kale, Benedict Wachira, oo ah qareenka maxkamadda sare ee Kenya, ayaa u sheegay wargeyska dowladda Ruushka maamusho ee RT kaasoo siiyey wareysi gaar ah oo la daabacay Khamiistii in muwaadiniinta dalka Bariga Afrika ay ka soo horjeedaan go’aanka dowladda ee ah in booliska loogu diro Haiti.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa Kenya ku ammaanay muujinta hoggaan caalami ah oo ay Qaramada Midoobay taageerto, laakiin Wachira ayaa sheegtay in Ruto “uu u sameynayo lacag dartiis.”

Madaxweyne William Ruto ayaa horay dhaleecayn kala kulmay dadka siyaasadda falanqeeya, oo uu ku jiro cilmi-baaraha Kenya, Kimanzi Nicholas, oo u sheegay RT sannadkii hore in dowladda Mareykanka ay madaxweynaha u adeegsaneyso sidii ay u sii wadi lahayd maamulidda dalal badan oo Afrikaan ah.

Reer Galbeedka ayaa u isticmaalaya madaxweynaha Kenya William Ruto si ay u riixaan ajandahooda taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu sii hayo dowlado badan oo Afrikaan ah, falanqeeye siyaasadeed iyo cilmi-baare Kimanzi Nicholas ayaa sheegay.

Sida laga soo xigtay Nicholas, Ruto waa “ka ugu fudud ee loo isticmaalo oo loo wajaho” madaxda Afrika, sidaas darteedna Maraykanku wuxuu isku dayayaa inuu siiyo “xitaa saameyn dheeraad ah gobolka.”

Wadashaqeynta Mareykanka iyo Kenya runtii waa qeyb ka mid ah ajande “danayste ah” oo ay leedahay Washington, ayuu falanqeeyaha sheegay, isaga oo ku tilmaamay “hab isku day lagu gaaro macdanta… , halkaas oo ay ku jirto saliid badan. Waa hab la isku dayo in lagu gaaro Itoobiya… in la isku dayo in la gaaro Burundi iyo Ruwaanda iyo xitaa Zambiya.”

Ruto ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken intii lagu guda jiray shirkii 78-aad ee Qaramada Midoobay oo sanadkii hore ka furmay magaalada New York, kaasoo ay labada dhinac uga wadahadleen xaaladda Suudaan, Haiti, iyo Bariga Afrika.

Blinken waxa uu Kenya ku ammaanay inay tahay “saaxiibka xooggan ee Maraykanka ee arrimo badan,” oo ay ku jiraan ammaanka gobolka iyo kan caalamiga ah. Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay “si qoto dheer u qiimeyneyso” “tallaabooyinka xooggan” ee uu qaaday Ruto si loo “xoojiyo dimuqraadiyadda Kenya” iyo dhaqaalaha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Madaxweyne Putin iyo boqorka Baxreyn waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Ruushka iyo Boqor Xamad ayaa wada hadalo diirada lagu saaray ganacsiga, xaaladda Qaza, iyo xiriirka Iiraan.

Published

on

Sawirka waa Vladimir Putin oo kula kulmay boqorka Baxreyn Hamad bin Isa Al Khalifa Kremlin ee Moscow, Ruushka Maay 23, 2024 AFP / Yuri Kochetkov

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo boqorka Baxreyn Xamad bin Isa Al Khalifa ayaa ku heshiiyey khamiistii in ay xoojiyaan xiriirkooda ganacsi ayna ka wada shaqeeyaan sidii xal looga gaari lahaa xiisadda ka taagan bariga dhexe.

Boqor Xamad ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho shaqo oo labo maalmood ah ku tagay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka. Wadahadal qaatay laba saacadood ka dib, Putin iyo Boqorku waxay saxeexeen dukumentiyo la xidhiidha iskaashiga warshadaha dawooyinka iyo caafimaadka, gaadiidka iyo sidoo kale isdhaafsiga dhaqameed iyo xusuus-qoraal deegaanka, sida lagu sheegay akhrinta ay bixisay Kremlin-ka.

“Nasiib darro, ganacsiga u dhexeeya Ruushka iyo Baxreyn wuxuu marayaa heerkii hore, laakiin isbeddellada ayaa ah kuwo wanaagsan,” Putin ayaa u sheegay Xamad. “Si kastaba ha ahaatee, xaaladda maalgashiga ayaa ka wanaagsan: waxaa jira ilaa 30 mashruuc oo waaweyn, oo wadartoodu ay dhan tahay $500 milyan.”

Boqorku waxa uu Putin ku ammaanay “siyaasaddiisa xigmadda leh” wuxuuna qiray “doorka Ruushka ee xallinta caddaaladda ah ee arrimaha Carabta.” Xamad oo hadda ah guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Baxreyn ay doonayso inay qabato shir caalami ah oo lagu xallinayo khilaafka Israa’iil iyo Xamaas.

“Ruushka wuxuu noqon doonaa waddankii ugu horreeyay ee aan u jeedsado taageerada hindisahan sababtoo ah Ruushku wuxuu ciyaarayaa door muhiim ah, wuu horumarin karaa, wuxuuna leeyahay awood weyn oo adduunka ah,” ayuu boqorku ku dhawaaqay.

Boqor Xamad ayaa sidoo kale sheegay in uu rajaynayo in uu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Iiraan oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Ruushka ee Bariga Dhexe. Baxreyn ayaa xiriirka u jartay Iiraan sanadkii 2016-kii, kadib markii Sacuudiga uu hogaamiyey isbahaysiga xirriir u jarista. Baxreyn oo kali ma ahan waddamo kale oo ay Soomaali kamid tahay ayaa Iiraan xariirka u jaray. Siyaasadda Sacuudiga oo aan lahayn jiho quman ayaa dowladdo ka tirsan jaamacadda Carabta ay ku kufaan. Xiisada u dhaxaysa Tehraan iyo Manama ayaa durba cirka isku shareertay iyadoo ay ugu wacan tahay Baxreyn oo martigelinaya guutada shanaad ee ciidamada badda Maraykanka, Baxreyn ayaa muddo dheer ku eedaysay Iiraaniyiinta inay shiicada ah ku kicinayaan boqortooyada.

Si kastaba ha ahaatee, Xamad ayaa u sheegay Putin in dhibaatooyinkan “gebi ahaanba la xalliyey,” iyo “ma jirto sabab dib loogu dhigo caadiyeynta iyo wanaajinta xiriirka.”

Kaaliyaha madaxweynaha Ruushka Yuri Ushakov oo la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in Xamad uu aqbalay casuumaad uu Putin u fidiyay si uu uga qeyb galo shir madaxeedka BRICS ee ka dhacaya Kazan bishan Oktoober. Ushakov waxa kale oo uu sheegay in Putin uu Boqorka guddoonsiiyey gaadhi noociisu yahay Aurus limousine, kaas oo noociisu yahay baabuurka rasmiga ah ee Madaxweynaha Ruushka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan

“Dowladda Norway waxay go’aansatay in Norway ay u aqoonsan doonto Falastiin dowlad ahaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store.

Published

on

Calanka falastiiniyiinta ayaa lagu arkay barxadda bannaan aqalka hoose ee magaalada Oslo ee dalka Norway, Nofeembar. 29, 2023.

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad, dowladda waqooyiga Yurub ayaa sheegtay. Go’aanka ayaa dhaqan galaya 28-ka Maay, ayay raacisay.

Norway waa waddankii tobnaad ee Yurub ee aqoonsada dawladnimada Falastiin. Bulgaria, Qubrus, Czech Republic, Hungary, Malta, Poland, Romania, iyo Slovakia ayaa sidaas sameeyay 1988, iyadoo Sweden ay ku biirtay 2014.

“Dowladda Norway waxay go’aansatay in Norway ay u aqoonsan doonto Falastiin dowlad ahaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store.

Oslo waxay samaynaysaa tallaabadan iyada oo ay jirto iskahorimaadka Qaza, kaas oo “tobanaan kun lagu dilay laguna dhaawacay,”. Ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store ayaa carabka ku adkeeyay. Ujeedadu waa “in la noolaado xalka kaliya ee bixiya xal siyaasadeed oo loogu talagalay Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta si isku mid ah: Laba dawladood, oo ku nool dhinac, nabad iyo ammaan,” ayuu yirri.

Wax yar ka dib ku dhawaaqista Norway, Ireland waxay sidoo kale sheegtay inay aqoonsanayso dawladnimada Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Israel Katz ayaa ka jawaabtay horumarkaas iyadoo dib ugu yeertay safiirrada dalkaas ee Ireland iyo Norway si ay wadatashi degdeg ah ula sameeyaan. Si la mid ah ayaa ku dhici doonta safiirka Spain haddii Madrid ay sameyso tallaabo la mid ah, ayuu raaciyay.

“Waxaan fariin aan shaki lahayn u dirayaa Ireland iyo Norway – Israa’iil iskama dhaafi doonto arrintan si aamusnaan ah,” Katz ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Iyagoo aqoonsanaya dawladda Falastiin, Oslo iyo Dublin “waxay doonayaan inay fariin u diraan Falastiiniyiinta iyo adduunka oo dhan – argagixsada,” ayuu yirri, isagoo ku andacoonaya inay ” abaalmarin siinayaan Xamaas iyo Iiraan.”

“Dowrka nacasnimada” ee wadamada Yurub kama celin doono Israa’iil inay gaarto yoolkeeda ah “duminta Xamaas” ee Qaza, Katz ayaa carabka ku adkeeyay.

Spain ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsanayso dowladnimada Falastiin dhowr daqiiqo kadib hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil.

Aqoonsiga Falastiin, Norway waxa ay “taageerta ciidamada qunyar socodka ah ee dhulka ku luminayey iskahorimaadkan daba dheeraaday iyo waxashnimada,” Ra’iisul wasaare Jonas Gahr Store ayaa yirri. Oslo waxay sidoo kale u diraysaa “farriin adag” quruumaha kale si ay ugu daydaan tusaale ahaan, sababtoo ah tani waxay ugu dambeyntii suurtogal ka dhigi kartaa in dib loo bilaabo dhaqdhaqaaqa xalinta laba dawladood, ayuu raaciyay.

“Ma jiri doonto nabad ka dhalata Bariga Dhexe haddii aan la helin xal laba dawladood ah, ma jiri karo xal laba dawladood ah haddii aan la helin dawlad Falastiin ah. Si kale haddii loo dhigo, dawlad Falastiini ah ayaa shardi u ah in nabad lagu gaaro Bariga Dhexe” Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaas ku sharaxay.

Talaabadan ay qaadeen wadamada Norway, Ireland iyo Spain ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee dambiyada caalamiga Karim Khan uu dalbaday in amar lagu siiyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhiga Yoav Gallant iyo sidoo kale sadsex sarkaal oo sare oo katirsan ururka Xamaas ee Falastiin. Eedeymaha ah in ay geysteen “dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.”

Waa waajib

Horaantii Talaadadii, Norway ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee ku dhawaaqa inay xirriiyaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, haddii la aqbalo waarannada ay soo saareen guddi garsoorayaal ah oo ka tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC). .

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Espen Barth Eide ayaa sheegay in amarka lagu soo xiray Netanyahu iyo Gallant oo ka wakiil ah maxkamadda Hague ay ku qasbanaadeen inay xiraan haddii ay Norway yimadaan.

Wargeys online ka ah Norway ayaa sheegay in Eide uu qoray in Netanyahu uu halis ugu jiro in loo gacan geliyo haddii uu Norway booqdo. Isagoo xusay in guddi garsoorayaal ah oo ka tirsan maxkamadda dambiyada ee ICC ay ka fiirsan doonaan in amarka lagu xiro iyo in kale oo loo gacan geliyo maxkamadda.

Talaadadii, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in xubnaha ururka ay si sharci ah ku qasbi doonaan inay xiraan Netanyahu haddii uu yimaado dhulkooda. “Dhammaan dawladaha ansixiyay qawaaniinta ICC waxay ku qasban yihiin inay fuliyaan go’aannada Maxkamadda,” Borrell ayaa sharraxay.

Ugu yaraan, 35,562 qof ayaa lagu dilay 79,652 kalena waa lagu dhaawacay duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo weerarka dhulka ee Marinka Qaza, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Israa’iil ayaa howlgalkeeda militari ka billowday Qaza, taasoo jawaab u ah duullaankii xudduudda ee 7-dii Oktoobar, oo ay Xamaas ku qaadday ugu yaraan 1,200 oo qof, 250 kalena ay qafaasheen.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Ireland waxay go’aan taariikhi ah ku aqoonsatay dawlad madax-banaan oo Falastiin ah

Ireland waxay si rasmi ah u aqoonsan doontaa Falastiin dawlad ahaan, Raiisel wasaare Simon Harris ayaa xaqiijiyay. Mar uu ka hadlayay wararka sheegaya in dalkiisa uu ku biiri doono Norway iyo Spain oo iyagana rabo inay aqoonsadaan.

Published

on

Calamada qaranka Falastiin iyo Ireland ayaa la arkayaa iyagoo is barbar suran (Sawirka Reuters)

Ra’iisul wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Dublin ay aqoonsan doonto dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, waxaana uu rajeynayaa in dalal kale ay ku dayan doonaan.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan inaan aqoonsannahay dawladda Falastiin,” Harris ayaa ku yiri shir jaraa’id.

Ireland waxay si rasmi ah u aqoonsan doontaa Falastiin dawlad ahaan, Raiisel wasaare Simon Harris ayaa xaqiijiyay. Mar uu ka hadlayay wararka sheegaya in dalkiisa uu ku biiri doono Norway iyo Spain oo iyagana rabo inay aqoonsadaan.

Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsan doonto dowladnimada Falastiin ilaa toddobaadka soo socda, halka Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanches uu u sheegay aqalka hoose ee baarlamaanka qaranka Arbacadii in Madrid ay sidoo kale si rasmi ah u aqoonsan doonto dowladda Falastiin laga bilaabo talaadada.

Harris wuxuu sheegay in saddexda waddan ay isku dubaridinayaan isbeddellada siyaasadda, waxa uu ku tilmaamay “maalin taariikhi ah oo muhiim u ah Ireland iyo Falastiin.” Waxa uu rajo ka muujiyay in go’aamadaasi ay gacan ka geysan doonaan in khilaafka Carabta iyo Israa’iil lagu riixo in la gaaro xal loo maro xal laba dowladood ah.

Galbeedka Quddus ayaa ka fal-celisay isbedelada ka socda Yurub iyadoo u yeertay safiiradeeda Ireland iyo Norway. Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Katz ayaa sheegtay in aqoonsiga dawladnimada Falastiin uu la mid yahay abaal marinta argagixisada, wuxuuna caddeeyay in dawladda Yuhuudda “aysan ka aamusi doonin kuwa wax u dhimaya madax-bannaanideeda oo khatar gelinaya ammaankeeda.”

Diblomaasi sare ayaa intaa ku daray in “nacasnimada Irish-Norway nagama celinayso,” wuxuuna ka digay “cawaaqib xun oo dheeraad ah,” oo ay ku jirto Spain, haddii ay raacdo ballanqaadkeeda.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si cad u sheegay in uu ka hortagayo qaranimada Falastiin. Israa’iil ayaa si dhab ah gacanta ugu haysa dhul ballaaran oo ay u badan yihiin dadka reer Falastiin.

Maamulka falastiiniyiinta oo caalamka loo aqoonsan yahay inuu matalo danaha shacabka falastiiniyiinta ayaa qaar ka mid ah waxay sheegeen waxa ka dhacaya Daanta Galbeed. Qaza, oo ah deegaan gaar ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin, ayaa waxaa in muddo ah gacanta ku hayay Xamaas, oo ah koox iska soo horjeeda. Xamaas ayaa soo abaabushay weerar lagu hoobtay oo lagu qaaday koonfurta Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, taasoo keentay aargoosi ballaaran oo militariga Israa’iil kaas oo aan weli la soo afjarin.

Dadka dhaleeceeya xukuumadda Netanyahu ayaa sheegaya in aysan u muuqan wax qorshe ah oo ku wajahan Qaza kadib markii ay gaartay hadafkeedii ahaa in ay meesha ka saarto Xamaas. Maamulka Yahuudda ayaa waxaa isa soo taraya eedeymaha loo jeedinayo in ay isku dayayaan in ay isir ahaan sifeeyaan dhulka go’doonsan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Diblomaasiyadda2 days ago

Dowladaha Ireland, Norway iyo Spain oo u aqoonsaday Falastiin dowlad madax-bannaan

Siyaasadda Soomaaliweyn4 days ago

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Muqdisho soo gaaray

Wararka6 days ago

Midnimada Afrika: Waa maxay sababta ay dunida ugu dabaal degto 25-ka Maay?

Diblomaasiyadda7 days ago

Madaxweyne Joe Biden wuxuu Kenya ku sheegay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee aan NATO ka tirsaneen

Diblomaasiyadda1 week ago

Madaxweyne Putin iyo boqorka Baxreyn waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska1 week ago

4-taan qoddob ku illaali noloshaada haddii ay dhab kaa tahay horumar inaad gaarto

Diblomaasiyadda1 week ago

Norway ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan

Diblomaasiyadda1 week ago

Ireland waxay go’aan taariikhi ah ku aqoonsatay dawlad madax-banaan oo Falastiin ah

Afrika1 week ago

Muwaadiniin Maraykan ah oo ku lug lahaa isku daygii afgambi ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Wararka1 week ago

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa laga mamnuucay doorashada ‘masuqmaasuq awgeed’

Wararka1 week ago

Madaxweynaha Iiraan ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay shil diyaaradeed

Bariga dhexe2 weeks ago

Gantaalka Xuuthiyiinta ayaa ku dhacay Markab Shidaal siday oo Shiinaha leeyahay kasoo marayay Badda Cas

Geeska Afrika2 weeks ago

Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo walaac xooggan ka muujiyey hawlgallada ka socda Rafax

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

James Swan oo loo magcaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya iyo xafiiska UNSOM

Afrika2 weeks ago

Masar oo ku biiraysa dacwad xasuuq ah oo ka dhan ah Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Sida reer galbeedku u maareeyaan Afrika iyaga oo adeegsanaya warbaahinta dhaqanka gumaysiga ku salaysan

Afrika3 weeks ago

Dawlada Togo oo meesha ka saartay doorashadii madaxtinimo

Wararka3 weeks ago

Madaxweyne Putin oo ka digay dagaal caalami ah xilli uu heegan geliyey ciidamada Nukliyeerka

Wararka3 weeks ago

Dalka Chad oo dooranaya madaxweyne ka dib saddex sano oo xukun milatari ah

Islaam Naceybka3 weeks ago

Hindiya: RW Narendra Modi ayaa Muslimiinta laga tirada badan yahay ku tilmaamay “kuwa ku soo dhuunta” hadalada nacaybka ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Maxay Carabtu u taageeri la’dahay Falastiin?

Wararka4 weeks ago

Kenya oo markii ugu horeysay haweeney u magacawday taliyaha ciidamada cirka

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Heshiisyada dowladda Xassan Sheekh la gashay Turkiga waxaa ku jira sii deynta wiilka madaxweynaha oo dil ka gaystay Turkiga

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Burburka Qaza soo gaaray oo aan la arag tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa qaadan doonta tobanaan sano in dib loo dhiso – QM ayaa tirri.

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

“Ma aqbalayno in mar kale aan ku laabano doorashadii teendhada” – RW Xamsa Cabdi Barre

Yurub4 weeks ago

Dowladda Ingiriiska ayaa u musaafuriyay Ruwaanda magangalyo doonkii ugu horreeyay: warbaahinta Ingiriiska

Dhaqaalaha1 month ago

Soomaaliya oo markale deyn raadinaysaa iyadoo wakhti dhow deyn laga cafiyey

Islaam Naceybka1 month ago

6 Ciyaaro ‘Games’ oo lagu xumeeyay Diinta Islaamka

Dhaqaalaha1 month ago

Amaah-bixiyayaashu waa inay joojiyaan ka faa’iidaysiga khayraadka Afrika ee deynta

Afrika1 month ago

In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nayjeeriya

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay askar uu Mareykanku tababaray oo looga shakiyay inay xadeen raashin

Diblomaasiyadda1 month ago

Shiinaha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya

Afrika1 month ago

Dawlada Burkina Faso oo shaqada ka joojisay warbaahinada reer galbeedka ee BBC iyo VOA

koonfurta Bari Aasiya1 month ago

Ra’isul Wasaarihii horre Malaysia Mahathir Maxamad oo wajahaya baaritaan musuq-maasuq ah

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska1 month ago

Waan Waayay Dheh: Cuudintii Caadooyinka Xunxun

Diblomaasiyadda1 month ago

Hoggaamiyaha dalka Senegal wuxuu ku baaqay ‘in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka Midowga Yurub’

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Hogaamiyayaasha Afrika ayaa ku dadaalaya in qaab cusub loo wajaho la dagaalanka argagixisada

Diblomaasiyadda1 month ago

Saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ayaa booqasho naadir ah ku tagay Iiraan

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo kusoo xirtay dekadda Muqdisho: Dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca labada dal

Xul