Arrimaha Amniga
Askar ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari oo isu dhiibay dhinaca maamulka Somaliland
Askar ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari oo wata gaadiid dagaal oo isku dhiibay dhinaca maamulka Somaliland, halka Ciidanka Daraawiishta Waqooyi Bari Soomaaliya oo beenisay.

Xilli xiisad xooggan ay u dhexeyso Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland iyo saraakiil oo ka tirsan Maamulkaasi Waqooyi Bari Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiid dagaal waxay isku dhiibayn ciidamada Maamulka Somaliland iyadoona deegaan fariismo ku leh ciidanka ciidanka Maamulka Somaliland oo ay gaareen.
Saraakiisha halkaasi ku sugneed ayaa waxa ay soo dhaweeyeen askartaan iyagoo markaasi ka hadlay arrintooda ku saabsan inay kasoo baxeen Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya iyagoo markaasi sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dib ugu soo laabtaan ehelkooda.
Dhankooda saraakiisha ciidanka Maamulka Somaliland ee soo dhaweeyay askartaan kasoo goystay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa haatan dib ugu soo laabteen guriyahooda laguna abaalmarin doono tallaabadii ay qaadeen.
Waxaa ay xiisado xooggan ay ka taagan yihiin deegaannada ay xuduuda ay wadaagaan Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland taasi oo mararka qaar gacan kahadal gaarta iyadoona haatanba saraakiishaan ciidan ee ka goystay Waqooyi Bari ay ku biireen ay sare u qaadayso khilaafka dagaal ee dhinacyada u dhexeeya.
Ciidanka Daraawiishta Waqooyi Bari Soomaaliya oo beeniyay
Dhinaca kale, taliska Ciidanka Daraawiishta Waqooyi Bari Soomaaliya (CDWBS) ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si cad ugu beeninayaan wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in ciidamadooda ay ku biireen ama u guureen maamulka SSC-Khaatumo. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu marin habaabinayo shacabka.
Taliska wuxuu caddeeyay in Ciidanka Daraawiishta Waqooyi Bari ay weli ku sugan yihiin fariisimahoodii caadiga ahaa, islamarkaana ay sii wadaan waajibaadkooda difaaca xuduudaha iyo amniga deegaannada ay ka howlgalaan. Taliska ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Daraawiishta ay mar walba u taagan yihiin ilaalinta amniga iyo xasilloonida, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan ku biirista ciidan kale ama maamulka, sida lagu baahiyay wararka bulshada. Waxaa intaa lagu daray in dacaayadaha iyo xogaha aan la hubin ay qayb ka yihiin olole lagu qalqal gelinayo shacabka iyo ciidamada, sidaas darteedna bulshada looga baahan yahay inay xogta ka qaataan oo keliya warbaahinta rasmiga ah ee taliska.
Taliska Ciidanka Daraawiishta Waqooyi Bari ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn, islamarkaana aysan faafin xog aan laga hubin ilaha rasmiga ah. Waxa kale oo ay bogaadiyeen ciidamada ku sugan jiidaha hore, iyagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan difaaca xuduudaha iyo sugidda amniga deegaannada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan wararka la xiriira dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo xaaladda amni ee gobollada waqooyiga Soomaaliya, iyadoo dhinacyo kala duwan ay sii wadaan baahinta warar is-khilaafsan oo ku saabsan xaaladda ciidamada iyo maamulka deegaannadaas.

Arrimaha Amniga
Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool
Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya.

Garabka maamul ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen balse sheeganaya inay yihiin maamulka sharciga ah ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday dhowrii maalmood ee ugu dambeeyay tallaabooyin ka careysiiyay dhinaca kale garabka maamul ee Aadan Madoobihii billo kahor lagu doortay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya, kadib markii ay isku ballaariyeen deegaano iyo magaalooyin istiraatiji ah oo ka tirsan dhanka gobolka Baay, halka sidoo kale gobolka Bakool deegaano ka tirsan ciidamo taabacsan Laftagareen ay sheegteen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynteeda dhammaadkii dabayaaqaddii toddobaadkii aynu kasoo gudubnay ee bishaan aynu ku gudi jirno.
Maalintii shalay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay waxaa isku soo bandhigay ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo sheeganaya gacan ku haynta magaaladaasi inay si buuxda iyaga ula wareegeen. Maanta oo Sabti ah wararka Diblomaasi.com ay ka helayso degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegaya in nawaaxiga degmadaasi ay talis ka sameysteen ciidanka taabacsan Laftagareen qeyb kale oo halkaasi iska agaasimtay.
Dadka reer Koonfur Galbeed ee xog ogaalka ah ayaa sheegaya in garabka maamul ee Madaxweyne Laftagareen ay la yimaadeen xeelad dagaal oo aan keliya ku koobnayn weerarradii ay u joogteyeen dhanka Baydhabo ee ka dhanka ahaa Aadan Madoobe iyo xulufadiisa, hase ahaatee ay dhinaca kale wadaan qorshe kale la xiriirta inay isku fidiyaan magaalooyinka kale ee deegaannada gobollada Baay iyo Bakool.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.
Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.
Arrimaha Amniga
Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda
Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in wakiillo ka socda kooxda Shiicadda ee Xuutiyiinta dalka Yemen ay ka hawlgallaan Waqooyiga Soomaaliya iyaga oo xiriir la leh kooxda argagaxisadda Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, xiriirka labada dhinac wuxuu Al-Shabaab siin karaa fursad ay ku hesho hub casri ah, tababar iyo khibrad farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo sare u qaadi karta awoodda kooxda ee weerarrada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka Geeska Afrika.
Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo la hadlay warbaahinta isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in iskaashiga suuragalka ah ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu kordhin karro awoodda kooxda Soomaalida ee ay khatar ugu abuuri karto ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka.
Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka. Haddii Xuutiyiintu saldhig ama taageero saadka ah ka helaan gudaha Soomaaliya, waxaa suuragal ah inay ballaariyaan hawlgalladooda, taas oo adkeyn karta ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha labada dhinac ee marin-biyoodka istaraatiijiga ah.
Sidoo kale, arrintaan ayaa sare u qaadi karta walaaca amni ee ku saabsan saldhigga weyn ee ciidamada Mareykanka ee Camp Lemonnier oo ku yaalla dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala Bariga Afrika.
Taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley ayaa mar uu sanadkii hore ka hor hadlayay Congress-ka Mareykanka sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Jabuuti haddii ay go’aansadaan inay sii xoojiyaan iska horimaadkooda Washington.
Walaaca amni ayaa soo baxaya xilli Pentagon-ka Mareykanka la sheegay inuu qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka rarayo Soomaaliya si loogu adeegsado hawlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee Koonfurta Ameerika. Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan sheegay in tiro aan la shaacin oo diyaaradahaas ah loo wareejinayo Galbeedka Dunida, inkasta oo aan faahfaahin laga bixin tirada saxda ah ama waqtiga ay dib u dejintu dhaceyso.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in diyaaradaha MQ-9 Reaper ee Mareykanka ay la kulmeen khasaare weyn tan iyo markii uu dhammaadkii bishii Febraayo billowday dagaalka Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin Al-Shabaab weli waxay u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah, maadaama aan la soo bandhigin faahfaahin dadweyne oo si buuxda u caddaynaysa baaxadda xiriirkaas.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah
Horraantii bishii Sebteembar 2026, Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca hawlgallada ah.
Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka heshay Xuutiyiinta hub casri ah iyo tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa. Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay doonayeen taageero farsamo oo u suuragelisa inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.
Sida uu qoray wargeysku hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Jibriil Yaxye Cali ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha xiriirka labada dhinac, Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo wargeysku sheegay inuu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.
Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar kaas oo la sheegay inuu gudbiyay liis hub iyo qalab milatari ah liiskaas waxaa ka mid ahaa gantaallo lidka diyaaradaha ah, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka iyo qalabka aragga habeenkii.
Wargeysku wuxuu sheegay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga soo gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kahor inta aan loo gudbin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Koonfurta dalka.
Saraakiil Mareykan ah sida uu qoray wargeysku ayaa aaminsan in iskaashigan uu labada dhinac siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdu ay khatar ku noqon karto amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.
Arrimaha Amniga
Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed
Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland kahor istaagaan mustaqbalkeeda.

Danjiraha Maamulka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa ka hadlay kulanka ay yeesheen madaxda Soomaaliya, Ereteriya, Masar iyo Suudaan, kaas oo la sheegay in looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in shirarka siyaasadeed aanay awood u lahayn inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka Somaliland.
Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland ka hor istaagaan mustaqbalkeeda, tirtiraan taariikhdeeda, madaxbannaanideeda ama rabitaanka shacabkeeda. Danjiruhu waxa uu sheegay in kulankaasi aanu khatar ku ahayn oo keliya danaha Somaliland balse uu sidoo kale wax u dhimayo danaha istaraatiijiyadeed ee dalal muhiim ah oo ku yaalla gobolka iyo dalalka deriska la ah Somaliland.
Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay maamul fashilmay isla markaana sheegay in loo adeegsanayo awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka. “U adeegsiga maamulka fashilmay ee Muqdisho sidii awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda kale ee muhiimka ah ee gobolka iyo meelo ka baxsan weligiis ma shaqayn doono” – ayuu yiri Maxamed Xaaji sida uu ku sheegay faalladiisa.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii socdaan doodaha iyo dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xiriira aqoonsiga Somaliland, iyadoo dhinacyada taageersan aqoonsigeeda iyo kuwa kasoo horjeedaba ay isku dayayaan inay xoojiyaan mowqifyadooda siyaasadeed ee heer gobol iyo heer caalami.
Haddaba, madaxda dowladaha Soomaaliya, Eriteriya, Suudan iyo Masar oo dhawaan kulan ku yeeshay dalka Masar ayaa cambaareeyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil iyaga oo sheegay in uu dhaawacayo madaxbanaanida Soomaaliya.
Geesta kale, Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.
Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.
Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad. Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qoddobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.
Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.
Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.
Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.
Arrimaha Amniga
Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Macaawiisleyda kaas oo ka dhacay tuulada Tardo ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, Cusmaan Xuseen Gure oo loo yaqaan Cismaan Dheere.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday ninkan, taasoo keentay in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo deegaanka, sida aan xogta ku helnay.
Cismaan Dheere ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado isla markaana kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen deegaanka, iyadoo xaaladdu ay sii xumaatay. Waxa uu sheegay in dad rayid ah lagu dilay intii uu dagaalku socday halka qaar kalena ay ka carareen guryahooda, iyagoo u kala firxaday deegaano u jira qiyaastii 40 ilaa 80 kiiloomitir.
Dagaalka ayaa sidoo kale hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyuhu. Dad subaxnimadii u baxay suuqa iyo goobahooda shaqada ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan goobahaas markii uu iska horimaadku billowday.
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhawaan faafisay warar sheegaya inay heshiis nabadeed la gashay beesha Xawaadle, kaas oo lagu soo afjarayo khilaaf muddo u dhexeeyay kooxda iyo beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.
Hase yeeshee, Cismaan Dheere ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiiskaasi uu ahaa mid dhab ah. Waxa uu sidoo kale shaki geliyay muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay oo la xiriiray heshiiska, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in qaar ka mid ah muuqaaladaas lagu sameeyay ama wax looga beddelay farsamada sirdoonka macmalka ah (AI).
Guddoomiyaha Tardo ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad iyo in xal loo helo dagaallada soo noqnoqday ee saameynaya noloshooda.
Hay’adda Xasaradaha Adduunka oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu galay marxalad aad u adag oo ismariwaa iyadoo labada dhinacna midkood uusan awoodin inuu guul militari oo la taaban karro oo kama dambeys ah uu ka gaaro dagaalka ka socda Soomaaliya.
Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Adduunka waxa ay xustay in guulihii ay dowladdu ay ka gaartay gobollada dhexe dalka Soomaaliya inta u dhexeysay 2022-2023-kii oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkiisii ugu horreeyay xukunka ay ahayd ay dib u wiiqmayn kadib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab ay qaaday inta u dhexeysay 2024-2025, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib ula wareegto inta badan deegaanadii hore looga saaray.
Sida ay warbixinta tilmaamayso dowladda Soomaaliya ayaa dib isugu abaabushay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah waxayna ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaano muhiim ah oo ku dhow magaaladda caasimada ee Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo kamid ah bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wali ku jira gacanta Al-Shabaab taas oo sii xoojinaysa ismariwaaga dagaalka Soomaaliya.
Hay’adda International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladeheeddii dagaalka iyadoo ay iskudayayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku dhexbool deegaannada ay maamusho ee dalka Soomaaliya isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo kaliya. Tan kale waxaa sidoo kale ay sheegtay in dowladda ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii dibadda dowladda ay ka heli jirtay.
Warbixinta Hay’adda International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda federaalka Soomaaliya dib u habeyn ay ku sameyso tabbabarka iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliya isla markaana ay xoojiso wada-shaqeynta dowlad goboleedyada dalka oo hadda qaarkood khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo sida Jubbaland iyo Puntland isla markaana ay kor u qaado awooda ciidamada heerka gobol si loo sugo ammaanka deegaannada hore Al-Shabaab looga saaray.
Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, iyadoo ugu dambeyntii ay ku dooday in xal siyaasadeed iyo wadahadal ay yihiin wadada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Soomaaliya.
Arrimaha Amniga
Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”
“Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda muddo dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku mashquulsan tahay doorashooyin aan heshiis laga gaarin, isla markaana ay waddo tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan isku dhac iyo dhiig daata.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradka iyo dowladda ay muddo dheer ka wada hadlayeen hannaanka doorashooyinka balse uu sheegay in dadaalladaas ay caqabad ku noqdeen waxa uu ku tilmaamay nidaamka muddo-dhafka ah. Shariif wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay in la isku raaco nooca doorashada dalka ka dhacaysa, habka ay u dhacayso iyo in tartanku noqdo mid caddaalad ah. “Waxa la rabaa in xoogga la saaro taas oo dadka la isu keeno oo laga heshiiyo” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in qorshihii ahaa in bisha Oktoobar la qabto shir looga hadlo doorashooyinka ay caqabado la kulmeen. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay waddo waxa uu ku tilmaamay “provocation” iyo diyaar-garow dagaal oo lala xiriirinayo mucaaradka. “Caqabadahaas waxaa kamid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay kusoo qaadaan mucaaradka” – ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay tahay in aan lagu soo celin magaalada Muqdisho. “Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uga jawaabay eedeymo la xiriirinaya Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu dalkaas deggan yahay balse uu arrintaas ku tilmaamay marmarsiiyo aan loo adeegsan karin dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka. “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya. Aniga Imaaraadka waan degganahay” – ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aysan sabab u noqon karin in lagu eedeeyo falal ka dhan ah dowladda Soomaaliya. “Ma noqon karto asbaab lagu baneysto dhiigga dadka mucaaradka u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashana laga heshiiyo” ayuu yiri.
Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in haddii qof uu ku baaqayo in la ixtiraamo dastuurka, doorashada laga heshiiyo, isla markaana laga fogaado dagaal, aysan jirin sabab loogu tilmaamo inuu dalka dhibaato u wado. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay isticmaalka ciidamada iyo hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in hay’adaha amniga iyo ciidamada aan loo adeegsan karin wax uu ku tilmaamay kicin iyo isku dhacyo siyaasadeed. “Hubkii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo ayuu rabaa in Xasan Sheekh uu Muqdisho ku gubo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer soo mareen dagaallo iyo dhibaatooyin, ayna doonayaan inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo leh hay’ado si dhab ah u shaqeeya. Hadalkaan uu jeediyay Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhowaanahaan ay soo baxayeen warar la isla dhex maraayay oo sheegaya in Dowladdu wado qorshe ay ku weerareeyso xarumaha ay degan yihiin Hogaamiyeyaasha Mucaaradka.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Ganacsiga & Dhaqaalaha3 months agoKenya iyo Itoobiya oo ku loollamaya suuqa khaadka ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya








































