Qoyska & Horumarinta Bulshada
Astaamaha Lagu Garto Gabadha Wanaagsan

Waxaa jira hablo aad u wanaagsan oo ku sifoobay diin, akhlaaq, xishood, karti, howl karnimo, oolimaad dheer, debecsanaan, dhowr sanaan, afgaabni, tixgelin, dad la dhaqan wanaagsan, iyo u deg degidda xuska Alle. Sidoo kalena waxaa jira intaas in lid ku ah. Haddaba si aad u garato, waxaad ku garan kartaa qodobadaan soo socda;- Waxay ku asturantahay gurigeeda kama soo baxdo, waa qof ku sifowday maqbiyo. Waxay leedahay diin, waxay u deg degtaa kheyrka, mana jirto meel aan goob cilmiyeed ahayn ey aado.Waa qof xishood badan, afgaaban, aan waxay doonto ku hadlin.
Waxay leedahay aqoon diineed, mid cilmi waxaase asal u ah diinta islaamka oo ay jeceshahay. Mar walba waxay jeceshahay in ay raacato, ayna barato diinta islaamka, kama baxdo masaajidda iyo meel kasta oo lagu qayb sanaayo dhaxalka Nebiga (NNKH).Waa gabar aan suuqyadda wareegin, ku sugan gurigeeda. Ma qeyliso, mana ahan dumarka markay guriga jooga codkeeda laga maqlo xaafadaha la deriska ah.
Waxay xirataa kuna asturantahay xijaabo adag, jirkeeda oo dhanna qariyay, aan waxba laga arag. Marka ay soconayso jidadka lama hadlaan dadka caloosha ka buka oo sheydaanku ku dhex milmay. Ma aado xafladaha lagu tunto iyo goobaha ay isugu yimaadaan abkay ibliis oo dhan. Hadday baxdo waxay ku baxdaa amar ay ka qaadato waalidkeeda.
Waa qof addeecda waalidkeeda, maqasha, udhego unugul.Waa mid la jecelyahay dadka ahlu kheyrka ahi dhammaantood farta kuwada fiiqaan, kuna si fowday wanaag oo dhan.Waa qof har iyo habeen ku werdida qowlka Alle.Waa qof cibaado badan, mar walba oo aad aragto waxay ku dhex jirtaa wanaag, cisi, karaamo iyo Kheyrka Alle oo badan.Waa qof karti rabbi ku manaystay, howl kar ah, shaqo badan, inta badan waqtigeeda u maaraysan yahay. Waa qof nadaafad jecel, dharkeeda, jirkeeda, guriga iyo fagaagiisa waxay ka dhigtaa mid nuurad ah, saafi ah, saxar la’, aan qashin laga heli karin soonaha guriga, waxayna aamin santahay xadiiskii ka sugnaaday suubanaheenii (NNKH), (Nadaafaddu waa iimaanka barkiisa).
Waxay mar walba dadka ay ugu yeertaa wanaaga, kheyrka, waxayna ka reebtaa xumaha oo dhan. Waxay ilaalisaa dhaqanka islaamka, midka suuban ee ay bulshadeedu haysato. Ma ahan beenlowad, ma sheeko badna, ma ahan dadka suuqyadda wareegga oo wararka faafiya iyo kuwa dadka isku dira oo kala geeya dadka isku wanaagsan, qoyska degan, saaxiibo isku xeel dheer, bulsho wada taalay IWM.
Waxay mar walba ka fekertaa qoyskeeda, wayna jeceshahay, waxay ciso iyo ixtiraam u haysaa waalidkeed, waxay utahay baariyad, addeecda, hadalkooda maqasha. Waxay qaadataa wixii ay kula taliyaan, waxayna isaga hartaa wixii laga reebay oo dhan. Mar walba waxay la socotaa dadka wanaagsan, ahlu kheyrka ah, xishoodka badan, dhowrsan oo aan xadgudbin.
Haddii ay nin la sheekeysato waxay ka doorataa kan ugu kheyrka badan, ugu Akhyaarsan, uguna wanaagsan. Ma ku weydiinayso wax aad dhibsato sida dumarka qaar ay dhahaan lacag keen, shoobin baan u baahanahay, waan xanuun sanayaa ee iisoodir lacag aan dawo ku qaato, baarka ina gee iyo biribeyr iigu soo shub. Waxay iska ilaalisaa in ay ninka ay la sheekeysato u raacdo guryaha dadka kale, haddii ay balamaan gurigooda ayay keensataa iyadoo waaridku ogyahay.
Waxaan wanaag ahayna kama aqbasho ninkaas, mana ka yeesho wax xadka ka baxsan.Waxay ka fariisataa meel ka fog ninka, hoosta kama gasho iyadoo aaminsan in shaydaanku mar walba saddexeeye yahay. Waxay ninka usooban dhigtaa reerkooda si ay uga eegaan in uu yahay nin wanaagsan oo akhyaar ah. Gabadha mustaqbalka leh kama yeesho ninka in uu meher xado, meelaan walidkeed joogin ama idan laga haysan in lagu mehersho.Waxay ka fekertaa in ay guursato nin diinleh, kana muuqato sunnada.
Kuma doorato ninka lacag, qurux, nasab balse ay ku doorato diin, ragganimo iyo akhlaaq wanaagsan.Waxaad ku garan cadradda wanaagsan waano joogto ah, mahadnaq badan, xushmad saa id ah, xishood badan, ixtiraam, dhaqan wanaagsan iyo dhowr sanaan.
Waa qof dhowrsan, cafiifad ah iyo ahlu taqi ah.Waa qof dhaqan karta reerkeeda, awlaadeeda.Waa qof xiriirinkarta labada daarood reerka ninkeeda, iyo kan reerkooda. Mar walba ay kula hadlayso waxay kaa waraysan waalidka iyo guud ahaan qoyska. Lama hadasho qof walba, lamana qabsato nin walba, waxay isaga ilaalisaa sida dabka laysaga ilaasho. Waxay adduunka ugu necebtahay beenta, khayaanada, wax isdaba maridda iyo hadalada xun.
Waxay jeceshahay in ay yeelato reer, si ay u kasbato ninkeeda, raaliyana ugu noqoto.Waa barbaariso ubad, waxay jeceshay in ay soo saarto awlaad wanaagsan, kuwaas oo u adeega diinta, dalkooda iyo dadkooda.Waxay soodhaweysaa dadka yimaada guriga, waji farxad leh, deymo wanaagsan iyo hadalo macaan.Waxay mar walba caawisaa dadka tabaalaysan, iyadoo si naxariisleh ula dhaqanta, karaankeedana ku dadaasha.
Waxay mar walba jeceshahay in ay dhibta la qeybsato dadka tabaalaysan, gargaarkana ubaahan. Waxay jeceshahay in ay gurigoodu noqdo hoy lagu soo hirto, akhlaaq iyo wanaag dadka ku sifoobay.Waxay si wacan wax uga taqaan diinta islaamka gaar ahaan, xaqa ninka ku leeyahay xaaskiisa, kan awlaadeeda, kan qoyskeeda, deriska iyo guud ahaan dadka islaamka ah, waa gabar leh fikrado, hal abuur waxku ool ah. Waa qof mar walba aqbasha qadarta Eebbe iyo waxkasta oo dhaca.
Waa qof samir, dulqaad, xilkasnimo ku caan baxday, waa qof aan lahayn wax belwed ah, iyo waxkasta oo maanka dooriya oo dhan, waxna udhima qofka caqligiisa. Dhammaan qodobadaas iyo ka badanba waxay tusaale u yihiin gabadha wanaagsan, iyo astaamaha lagu garto.
Qofka bini-aadamka ah ma dhamaysna, Alle ayaa dhamaystiran, mar walba waxaa haboon in qofka lagu doorto diintiisa. Nebiga (NNKH), waxa uu yiri (Dumarka waxaa loo guursadaa afar:- quruxdeeda, maalkeeda, nasabkeeda, iyo diinteeda, ku dadaal tanta diinta leh gacantu ku boorowdo).
Quruxda: Waa dhammaataa, muddo kadib, qofkuna waa is beddelaa.
Maalka: maalku waxa heli karta masiibo, waa lumi karaa, waa la dhici karaa, waana guban karaa, daad baaba qaadi kara.
Nasabka: Waa la coloobi karaa, waana lakala qixi karaa, colaad baa
imaan karta, waana lakala haajiri karaa.
Diinta: Waxaa nasiib leh wiilka ama gabadha hesha ruux leh diin, iimaan kaamil ah, Alla yaa ka wanaagsan ruuxaa, yaa ka na siib badan, waa dadka diinta isku raaca oo aan isku raacin maal, qurux, magac iyo nasab. Waana qofka uu Nebigu (NNKH) yiri ku dadaal tan diinta u saaxiibka ah.
Maxay ka dheheen dumarka abwaanadu?
Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiid mar uu ka hadlaayay dumarka iyo sida raggu jeclaan lahaa inay ahaato.
Jaadadka Naagaha (Gabay)
Jaadadkoodu waa badan yihiin jamaca naagoode
Raggu johoradduu yahay middii jaahilaan garane
Jidkaan sheegayaa laga gartaa tii inoo jabane
Waa inay jacayl iyo kalgacal kugula joogtaaye
Waa inuu jiraayoo qalbiga jeelku ka hayaaye
Waa inay jaguug lama rabee jilicsanaataaye
Waa inay jiriibbamidda iyo jaaxid ka hartaaye
Waa inayan sina kuu jactadin kuna jurxaynayne
Waa inay jawaabkay tiraa jimic u yeeshaaye
Waa inay la soo jeensataa jaahsan iyo laabe
Waa inuu isjeeqaaqayaa jiirka kiin ahiye
Waa inay jinaadkaa tihiyo jeex naftaada ahe
Waa inaan jinnigu duufsan iyo hadalka jaajuuse
Waa inayan jaanteeda geyn jago aan fiicnayne
Waa inay ka jigataa waqeed jidadka ceebeede
Waa inay jarreerada la tari jeerba gocotaaye
Waa inay ku jeeddaa xilkiyo jahada maamuuse
Waa inayan jaaseysaneyn jeedal iyo laane
Waa inayan joogaha axdiga jebin abiidkeede
Waa inayan soo jiidaneyn jaa’ifiyo hawle
Waa inayan jaaraanka iyo jees wax buu dhimine
Waa inay dad jamaciis ka tahay jaalle kaa xiga e
Waa inay jiilkii daacadnimo kugu jalleecdaaye
Waa inay jirkaagiyo wixii jira malaysaaye
Waa inayan kaa jiijanayn kulana jiiftaaye
Waa inay jamaad iyo xubbi iyo jamasho haysaaye
Waa inay janaan suu ku dhacay kugu jidbootaaye
Waa inay isaga jaadan tahay saad jeclaataba e
Waa inayan juuq oran kolkaad ereyo jeexsiine
Waa inay suldaan jaa’iriyo janan ku mooddaaye.
Sida gabay gaan ku cad, waxa uu abwaanku na tusaalaynayaa waxa laga rabo gabadha iyo in ay ragga u hogaansanaato. Waxa ay jecelyihiin in la addeeco ragga, jaceyl iyo muxubii iyo kalgacal ku salaysan kugu soodhaweyso.Waa inay kugu eegtaa ilnaxariisleh, deymo soojiidasho leh, aragti wanaagsan, hadal macaan, ereyo dubaaqa qaboojiya iyo jamasho ay ku dheehantahay farxad iyo raynrayn.
Dhanka kale abwaanku waxa uu leeyahay waa inay mar walba ku moodaa gabadhu suldaan, janan sidiisiina kugu soodhaweysaa. Marka aad baxayso waa in ay kugu saagootisaa farxad, dhoolacadeyn, salaan diiran, iyo qalbi hufan.Waa inay marka aad imaanayso kugu soodhaweyso hadalo qabow, iyadoo ku ilowsiinaysa daalka yar ee dareemayso. Iyadoo kugu beddelaysa wax aad ku ilowdo. Marwalba oo aad ka maqantahay waa in aad uxiisto, una soo degdegto gurigaaga si aad ugu ilqabowsato xaaskaaga.Waana in ay dareemi karto waxa aad dareemayso iyo waxa aad jeceshahay.
Maah-maah baa ahayd (Dumarku waa saddex, kuuroon, kaaroon iyo isuroon). Markii aad si dhab ah u fiiriso waxay cadeynaysaa in dumarku
kala jaad yahay sida:
Kuuroon: Waa gabar adi mar walba kaa fekerta, nafta kuu hurta iyo sidii aad u noqon lahayd halyay.
Kaaroon: Waa qof aan kuu fiicneyn oo aan marna ka fekerin naftaada iyo waxa kuu wanaagsan.
Isu-roon: Waa qof iyada nafteeda un ka fekerta aan dan ka lahayn wax kale sida ninkeeda, caruurteeda, laba daarood midna kama fekerto waxaan ka ahayn nafteeda.
Soomaalidu waxay dhahdaa ( Sareedada adduunka waxa ugu sareysa waa naag suuban). Gabadhu waxaa asal u ah in ay la haato diin iyo akhlaaq wanaagsan, haddii ay leedahay diin waxaa lagu tilmaamay in ay tahay adduunka waxa yaal in ay ugu kheyr badan tahay.
Alle qur’aankiisa waxa uu ku yiri (Al dunyaa mataacun).
Abwaan Maax ayaa tix ku muujiyay Dumarka tan xun iyo tan wanaagsan. Wuxuuna yiri:
Digta waaga goortii arlada, duul kastaba tooso
Shaqana loo dareeree nafluhu, aado danihiisa
Dayacanta ku daahdee hurdada, aan durbaba toosin
Diihaal iyo adoo gaajo daran dib ula soo laabtay
Duhurkii qadadoon diyaar ahayn, hadday wax doondoonto
Dambaskana dabkii xalay baqtiyay, darif ka afuufto
Doqon moog dahab iyo xariir, diibka lays mariyo
Dushoo bilicsan dumarka, iyagaa loogu dowgalaye
Mar haddaysan dareenkaaga, kicin dooqa himadaada
Dambas jiifta baalida ah, waa dumarka ceebtoode
Dugsi malahan iyo damac loo xishoo, lagu dulqaataaye
Duumo hadishee kuma habana daalli guur wacane
Doqonnimada badan dumarka waa lagu dalaaqaaye
Markii aad dhab ugu fiirsato gabaygaan, waxa aad arkaysaa in abwaanku uu leeyahay naagta aan qadada diyaarin xili hore, aroortii kicin, baali ah, aan nadaafad lahayn, oo aan xishood lahayn iyo doqonimada badan in dumarka lagu dalaaqo. Tani waxa uu udigayaa labo: Dumarka in ay noqdaan dumar howl kar ah, oo adag-adag, gaari dumar ah. Raggana waxa uu uga digayaa in ay dumar oo dhan aysan moodin gaari balse ay jiraan baali iyo goon baar xun.
Mar uu abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiin ka hadlaayay dumarka waxa uu yiri:
Naagtii aan ila hayn macnaha had iyo goor noolba
Aan ka hammiyeyn saan jeclahay iguna hawshoonin
Waa igu haddaalmiye inaan hurayo sow ma ahan?
Markale waa tuu lahaa abwaanku isaga oo is bar bar dhigaya naagta
baalida ah, tan gaarida ah, ninka godadlaha ah iyo ninka ragga ah, tix
yar buu ku cabiray wuxuuna yiri:
Guul iyo khasaaruu mid uun guurku lee yahaye
Gabalna waa la eeddaa haddaan loo geyaan dayine
Gaariyo ninkii rag ahi waa gedo heshiiyaane
Godadle iyo goonbaarta xunna yaw garniqi doona?
Markale abwaan Soomaaliyeed isaga oo ka hadlaya in raggu dumarka duunyo badan ka baxsho, oo daar quruxsan u dhiso, aqal daahyo weyna u dhigo, balse sidii uu doonaayay ay noqon weydo.In ay noqoto mid aan xishoon, waxay doonto ku hadasho, oo kugu dhibto wax aadan awood ulahayn, o ay kugu khasabto in aad deyn usooqaato, dahab iyo diinaar ka lusho dalalka adduunka hadba meel ka dejiso.
Isaga oo ku cabiraya gabay, wuxuu yiri:-
Duunyo badan adiga oo duldhigay, oon waxba u diidin
Oo daar quruxsan aqal daahyo weyn, kula dadaalaya
Haddii doorkii xishood dumar lahaa, daalli laga siibo
Wixii dunida yiil dharaar, hadday damac ku soo koobto
Ooy kugu dirqido waxaadan hayn, amase kaa doonto
Iyadoo dantaadiyo taqaan, deyn wax jira maalka
Dollar heliddi deyn guro, hadduu galo dubaaqeeda
Daryeel li’i danaysiga mutuxan reerka dumintiisa
Damac ba’an hadduu galo, sidii nibiri daaqaaya
Dugsi malaha iyo damac loo xishoo, lagu dulqaataaye
Duumo hadishee kuma habana daalli guur wacane
Damac iyo hurguri badan dumarka waa lagu dalaaqaaye.
Mar kale abwaanku isaga oo ka hadlaya gabadha sharafteeda iyo waxa
lagu yaqaan. Waxa uu yiri:
Dumar sharaftii waa inay fadhido, deyrka gurigeeda
Mar hadday deyro dhaaf noqoto oy dibedda meermeerto
Gabal dumiyo duhur iyo dharaar, socodka deyn-weydo
Diyaafadaha iyo aroosyada, hadday daanis ka ciyaarto
Dersin dhoocilaah iyo, hadday dumar la saaxiibto
Duruus been ah tii u aqrisaba, daba-guclaynayso
Duq cajuus ah dulunkeed, hadday daacad u ahaato
Mingiskiyo durbaanada, hadday derejo weyn moodo
Diradiraha xaawaley, hadday diiday oran weydo
War doondoonkii naagtii guryaha, kula dul-meereysa
Dugsi malaha iyo damac looxishoo, lagu dulqaataaye
Duumo hadishee kuma habana daali guur wacane
Dumar shirinta iyo naxliga naagaha waa lagu dalaaqaaye.
Markale abwaanku isaga oo ka hadlaya midda diintu ina fartay in aan
guursano, raggooda jecel, raaliyada ah, wuxuu yiri:-
Diinteenu siday tiri sharciga, iyo duugga dhaqankeenna
Dembi waxaan ahayn dumar rag, waa uga dambeeyaane
Waa inaanayn dalabka seygeedu rabo, diidin abidkeede
Dabuubtiisa waa inay durbaba, dood la’aan fuliso
Isagoon dibnaha furrin, waa inay dabac taqaanaaye
Deganaan xishood waa inay indhaha, hoos u dadabtaaye
Dad isjecel dantood waa ismaqal, duugga aayaha’e
Daacufleyda dhegaha daarsatee, diida hadalkaaga
Duco waalid middaan qabine, habaar lagu dambeysiiyey
Duryanleyda dabcigeedu yahay, dooda iyo buuqa
Dugsi malaha iyo damac loo xishoo, lagu dulqaataaye
Duumo hadishee kuma habana daalli guur wacane
Dudumiyo madax adayg dumarka waa lagu dalaaqaaye
Abwaanku isagoo markale ka hadlaya dumarka uu Illaahay calaf kugu daro,
middaasoo hinaase badan, adoo shaqo ku maqnaa ku dhahaysa xaggee
jirtay iyo naag kale baad la joogtay. Wuxuu yiri:-
Darmaan wacan haddaad guursatee, calafku kuu dooro
Dumar hinaase abid, waa waxay dir u lahaayeene
Adoo howl ku soo daahay, iyo danaha reerkaaga
Danni tuhun warxumo badan, hadday darifka kaa laacdo
Ooy kula dagaashee tiraah, taad ka timid doono
Daacadda hadday diidoo, ood waano kala daasho
Oysan doonayn dumar kale, haddii damacu kuu geeyo
Dibindaabyadana jeceshahooy, taranka kuu diido
Dagaalna ay waddiyo kharash dulsaar, reerka dumintiisa
Ooy masayr daran qabtiyo, cudur aan daawoobin
Dugsi malaha iyo damac loo xishoo, lagu dulqaataaye
Duumo hadishee kuma habana daalli guur wacane
Hinaasaha kan daran, dumarka waa lagu dalaaqaaye
Markale abwaanku isaga oo ka hadlaya darajada dumarku inay tahay
ubadka, wuxuu yiri:-
Haween derajadood, waa inay daadahshaan ubade
Diintiyo dadkuba, waa duxdii labada daaroode
Seddexdaas daruuriga nimcada, Eebbe nagu deeqay
Dameer wuxuu u daan beeli, waa dir hakaa haro’e
Danta guurka laga doonayana, taran dadweeyaane
Dulucdiyo ujeedada markaan diirka ka caddeeyo
Inkastoy darmaan wacan tahee, dhabanna kaa deeqdo
Dad haddaanayn dhalin iyo, carruur daaradda ciyaarta
Daryeelkeeda waa inay heshoon, xaqa la duudsiine
Damiirkana loo dhowraa si aan qalbiga daano uga gaarin
Hayeeshee hadday dihan la’dahay oo da’ laga waayo
Madhaleys duruuftoodu waa inay kala daneystaane
Dembi malahan oo ubadku, waa deeq Illaah bixine
Diintuna waxay na fari samir dugsada, diidmo iyo siinba
Da’ba haddaysan dhalin, dumarka waa lagu dalaaqaaye.
Mar kale abwaanku isaga oo tilmaamaya in diintu ina farayso in aan ku
duceysano dumarka wanaagsan, daacad ah, raaliyo ah, garasho rabbi
siiyay, duco waarid qabta, dahabo naageed ah, quruxna Alle siiyay,
aragana uroon, ku farxad gelisa markaan deymooto.
Wuxuu yiri:-
Dirka farac waa loo awr dayaa, diintu sey tiriye
Waxaa loo duceystaa, marwada daacadda Illaahe
Waxaa loo duceystaa afadaan, dood xun soo celine
Waxaa loo duceystaa door haween, iyo dahabo naagood
Waxaa loo duceystaa indha deeraley, diinta garanaysa
Lama daayo middii dugufsane, dooqiyo aragu diidaayo
Lama daayo dalbooleyda iyo, daaman sagafleyda
Lama daayo derileyda, aad socodka diin moodo
Lama daayo dufanleyda aan, diib ismarinaynin
Lama daayo digix gaabantiyo, duubi cillinleyda
Waxaad doorataba, dumar midduu Eebbe kula doono
Dadaal lagu mahelo, ee yartii calafku kuu dooro
Daa’imkana nasiibkaaga kuugu daro, duciyo liibaanba
Dul ahaan haddaan xidid xishoon, daawo laga waaye
Doc kastaba hadday kaa maraan, diiratiyo boobto
Daallimnimona ay kula galaan, dhaqanna doorsoomo
Oo seedi deel-qaaf yaqaan, dabarka soo goosto
Degimaayo reer, oo iyagaa loogu dowgalaye
Dembina maleh inantuye, jin baa dumiyay qoyskiiye
Dun-xumaanta xidid, naagaha waa lagu dalaaqaaye.
Abwaanku isagoo la dardaarmaya ragga, wuxuu yiri:-
Ha degdegin dardaaranka murtidu, waa dabuub culuse
Kaamana aan daaline mid baan, kuugu darayaa’e
Diintiyo dhaqankuba waxay diidayaan, dumar hoggaankiise
Waxaan kaaga digay daacatul-nisaa, hadday dunidu ciirayso
Darmaan quruxsan duco qabta, daacad kuu noqota
Dersin ubadah, danabyo hanaqaada, daa’in haku siiyo.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha
Waa qodobo kuu sheegaayo sida guusha loo qeexay iyo sida aad ku gaari karto. “Sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.”

Guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Siyaabaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad gaartay. Waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.
Sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed.
Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto. Haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.
Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.
Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. (Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo).
Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?
Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.
Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada.
1. Ku dedaal korriimaha maskaxdaada
Cilmi-baaris ay sameysay aqoonyahanka cilmi-nafsiga Carol Dweck ayaa soo jeedinaysa in ay jiraan laba maskaxood oo aasaasi ah oo saameeya sida ay dadku uga fikiraan naftooda iyo kartidooda: maskaxda go’an iyo maskaxda koritaanka. Waxay muujisay in saadaalinta guusha aysan dhib lahayn haddii qof hibo leeyahay iyo in kale. Waxa muhiimka ahi waa in qofku aaminsan yahay in uu guulaysan karo.
Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in waxyaabaha ay ka mid yihiin naftooda aysan isbeddelayn. Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in guushu aysan ahayn natiijo shaqo adag lagu gaaro – ee ay tahay in si fudud iyo nasiib lagu gaari karo.
Sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in hibada noocaas ahi ay tahay wax ay dadku ku dhasheen, waa dad si fudud uga tanaasula caqabaddaha horyaalla. Waxay joojiyaan hawlaha horyaallo marka arrimuhu si sahal ah ku imaan waayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin xirfadda dhalanteedka ah ee looga baahan yahay inay sare u qaadaan.
Kuwa leh maskax korriin leh, dhanka kale waxay dareemayaan inay bedeli karaan, kori karaan, waxna ku baran karaan dadaal joogta ah. Dadka aaminsan inay awoodaan inay kori karaan waxay u badan tahay inay gaaraan guul. Marka arrimuhu adkaadaan, waxay raadiyaan habab ay ku horumariyaan xirfadahooda oo ay u sii wadaan ka shaqaynta guusha.
2. Rumayso naftaada
Talaabada koowaad ee guushu waa in aad rumaysato naftaada iyo kartidaada aad ku gaari karto hadafyadaada. Haddii aadan adigu aaminsanayn, cid kale ma rumaysna.
3. Deji yoolal aad gaari karto
Dadka guulaysta waxay ogyihiin inay u baahan yihiin inay ku bilaabaan hadafyo la gaaRi karo si ay u gaaRaan hadafka nolosha. Hadafyadani maaha kuwo fudud in la gaaro, laakiin markaad haysato wax aad hiigsanayso, waxaad si fiican u awoodi doontaa inaad hore u socoto oo aad ka gudubto caqabadaha.
4. Bilow ficil
Ha fadhiisan oo kaliya ha sugin inay wax walbo kuu qabsoomaan. Maalin kasta ka shaqeey yoolalkaaga hadaf ee aad leedahay.
5. Xoogga saar tamartaada
Ha isku dayin inaad wax badan samayso hal mar. U fiirso tamartaada waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaa caawin doona inaad gaarto yoolalkaaga.
6. Samee xiriir wanaagsan
Xidhiidhku waa lama huraan guusha. La dhis xiriir adag dad ku taageeri kara oo kaa caawin kara inaad gaarto hadafyadaada.
7. Wax ka baro khaladaadkaaga
Qof kastaa wuu qaldamaa. Muhiimadu waa inaad wax ka barato khaladaadkaaga oo aad horay u sii wado halgankaaga.
8. U dabaaldeg guulahaaga
Waqti u qaado si aad ugu dabaaldegto guulahaaga inta aad safarka ku jirto. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad isdhiirigeliso oo aad horay u socoto.
9. Ku adkaysta dib u dhaca
Qof kasta waxa uu la kulmaa dib u dhac wakhti ka waqti. Ha ka niyad jabin yoolalkaaga marka arrimuhu adkaadaan. Ku adkayso dib u dhaca oo hore u soco.
10. Naftaada dhiirageli marwalbo
Inaad marwalbo firfircooni lahaato way adag tahay sababtoo ah waxaa kugu heeraarsan bulsho iyo asxaab kala duwan oo adiga ku niyad jebin kara. Qof walba waxa dhexdiisa ku loollama dabeecado badan oo iska soo horjeeda, iskuna liqdaaran oo ay kala doorashadoodu adag tahay haddii aanay ruuxdu noolayn.
Waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaalle ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.
Dhiirogelinta naftaada, sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto dhiirogelin dhammeystiran waa inaad doorato hadaf aad adiga jeceshahay sida inaad wariye noqoto, siyaasi ana barafasoor, dhaqtar iwm. Marka aad u xiisayso waxa aad samaynayso, waxa aad u badantahay in aad guulaysato. Soo hel shay aad xiisaynayso oo qalbigaaga oo dhan ku daba gal.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.
Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.
Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.
Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.
Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.
Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.
Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.
Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.
Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.
Dhiiri geli naftaada
Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.
Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.
Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.
Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.
Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.
Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.
Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro
Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.
La soco qeybaha labaad ee buuga.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.
Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.
Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.
Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.
Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.
Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.
Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.
Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.
Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.
Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.
“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”
“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”
“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”
“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”
Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.
Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.
Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.
Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.
Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.
Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.
Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.
Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.
Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.
Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.
Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.
Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.
Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.
Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
Si aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku habboon tahay noloshaada.

Alle nama uusan siinin nolol xun iyo nolol wanaagsan toona ee wuxuu nasiisay nolol si aan u noolano. Haddaba nolosha kuguma aaminto fadhi iyo cayaar ee waa inaad isweydiiso sababta halkaan aad u joogto?
Dabcan waa laga yaabaa inaad isku aragto inaad tahay qof fashilmay, balse waa muhiim inaad garato hadafka aad u nooshahay.
Qof weliba wuxuu ku noolaanaa nolosha uu doorto mid xun iyo mida wanaagsanba aad adiga ayaa dooran karo. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso siddee ayaad ku dooran kartaa nolol wanaagsan iyo nolol xun?! Cabqarinimada iyo nasiib ka nolosha waxaa la tilmaamaa inay tahay hal jaanis oo dhaliyay fikir wanaagsan, hal ka horumar ka guushana ay tahay hadafka oo diiradda la saaro.
Si’aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku hahboon tahay noloshaada.
Mid weliba oo innaga mid ah waxaa dhibaato ku ah inuu uu fakaro si wanaagsan illaa inta caqliga saaxiibka la ah mooyee. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr siyaadoob oo kaa cawin kara inaad badasho talaabooyin kaagii hore.
U nooloow maanta: waxaan jeclaan lahaa in si gaar ah aan kaga waramo cinwaan kale balse waan sameyn doonnaa haddii uu rabi ogalaado, nolosha maanta waa waxa ugu badan ee horumariya nolosheena waayo haddii aanan laheyn nolol maalinle ah ma jirto hadaf aynu xaqiijin karno.
Maalin weliba aad soo toosto waxay kuu tahay fursad kale aad kaga jawaab celin karto wixii shalay ku dhaafay, haddaba fursadan kama faa’ideysan kartid haddii aadan u diyaarsaneyn.
Nolosha waxna kuma laha jiifka iyo waqti lumiska, marka soo jeed ilaa aad ka xaqiijiso hadaf kaaga, si kasto ay ahaatba u nooloow inaad xaqiijiso hadafkaaga.
Markaad seexaneyso ku seexo inay beri kaaga baahan tahay inaad wajaho sharkeeda iyo qeyr keeda, si maalin kuu bilaabanaayo aad kaga war qabto noloshaada.
Waxaa jirtay beri aan la sheekeysan jiray adeerkeey oo jooga qurbaha inta badan wuxuu igaga sheekeen jiray nolsoha qurbaha iyo sidda ay ula fal gashay noloshooda, wuxuu kale uu ibari jiray xirfada qaab qoraalka hagaagsan.
Haddaba si aad u wajahdo nolosha maanta waa inaad u diraay garowddo ka hor inta aadan seexan si aad ugu faa’ideysato maalin kaaga.
Iska iloow wixii hore: mararka qaar waxaad milicsataa waxyaabo hore kuu maray noloshaada waxay doonnaan ha noqdeen, balse ma haboono inaad waqti siiso sababtoo ah way ku dhaafeen.
Shalay waxay ahayd maalin tagtay, marna lagama yaabo inay soo laabato. Shalay waxay riyadaada ahayd inaad suurta geliso waxyaabo badan balse maanta kuuma aysan hagaagin, ha shalaaynin waayo maanta ayaad kaga jawaabi kartaa natiijada ka wanaagsan shalay.
Mararka qaar nolosha kuuma hiilin karto ee adiga ayaa lagaa rabaa inaad ku hiilato hadafkaaga haddaba maah-maah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhal” haddaba haddii aad seexato adiga ayaa noloshaada u diiday horumar waayo horumarka wuxuu ku saleysan yahay waxa aynu maanta qabaneyno ma ahan shalay wixii naga dhacay.
Qof weliba wuxuu gaf wuu ka dhacaa mana ahan inaan dib u eegno, waayo maanta ayaa kaga jawaabi kartaa fikrad kale oo wanaagsan. Way haboon tahay inaad eegto qaladaadkii kaa dhacay si aad ugu raali galiso haddii aad qof ka gashay, balse ma ahan inaad raac raacdo sababtoo ah waxba kuuma soo kordhinaayo.
Joogteey howlahaaga: si aad u xaqiijiso hadafkaaga waa inaad joogteyso shaqada maalinlaha si aad ugu danbeyn ugu gun gaarto hadafkaaga. Shaqo walbo aad heyso haddii aysan laheyn joogteen ma noqon karto mid guuleysata sabatoo inta badan guushu waxay ku timaadaa adkeysi iyo dedaal.
Dadaal oo sameey wax badan samir u yeelo shaqadaada ugu danbeyn waxaad sameyn doontaa guul layaab leh, sameey hanna yareysan waayo wax weliba aad maanta eber ka tahay maalin ayaa laguugu yeeri doonnaa inaad tahay macalinkii xirfadiisa loogu magac daray.
Wax badan waxaa laga yaabaa inaad aamintay inay noloshaada guul daraystay, balse maanta waxay kuu tahay maalin kale aad xaqiijin karto middaas.
Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka faa’iiday maqaalkan waxaan kaa dalbanaa inaa la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah
Waxaad isbeddel ku sameyn kartaa muddo yar oo kooban, laakiin ogaaw hadafka aad maanta go’aansato hubbaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo.

Nolosha kaliya kuma siin doonto maalmo qurux badan, ee waxay kaloo wadataa maalmo kalle dhibaato iyo fikir aad la jiifsan doonto.
Marar badan ayaad ka qoomameyn doontaa sidda aad maanta u nooshahay waana sababta keento inaadan u dhabar adeygin maalmihii kusoo maray. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso maxay waxaan oo dhan ay kuugu dhacayaan waxaana kaga hadli doonaa maqaal kale.
Uma baahnid in wax laguu yeeriyo si aad u noqoto qofka aad dooneyso, ee waa inaad adiga go’aansataa cida aad noqon doonto. Waxaa laga yaabaa inay kusoo mareen xilli aad heysato dad badan oo wax kuu sheegaya wax kusiinaya, siddoo kalena ku jecel balse maalmaha kamid ah dadkaasi oo dhan way kaa tagi doonaan ee maxay noloshaada kaga tageen?!
Maanta waxaa laga yaabaa inaynu aad u jecel nahay in badan oo dadka ka mid ah inay na taageeraan ayagoo wax badan diyaar nala ah, haddana sidda ay tahay kagama faa’iidaysano, tani waa sababta keenta inaynu weli u bislaanin rabitaanka guusha aynu u baahanahay inaan xaqiijino.
Dadka waxaa la sheegaa inay isbedel ku sameeyaan muddo 60 sanno, balse hadafka aad maanta go’aan sato hubaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo. Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood aad kaga faa’ideysan karto maalmahaaga quruxda badan ee nolosha kusoo mara. Fadlan haddii aad wax badan ka faa’iido la wadaag bulshada inteeda kale, ka bogoasho wacan.
Saxiibka wanaagsan: Nolosha safar iyo daal dheer kasoo bilowday kumanaan qarni ka hor, haddaba si aan ugu socdaalno safarkaan waa inaan heysano sahay aan kusii socon karno inta uu ka dhamaado safar gaaban. Saaxiibka waa macalinka ugu wanaagsan nolosha wuxuuna ku baraa waxyaabo badan oo aadan war u heyn, haddaba si macalinkeenu uu u ahaado mid daacad ah kaasoo si qurux badan wax noo bari kara waa inaan ka fiirsanaa.
Haddaba haddii aad leedahay saaxiib wanaagsan waxaad leedahay macalin wanaagsan oo wax kaa bari kara safarka noloshaada. Ma noqon karno mid guuleysta illaa aan ka wanaajino nolosheena, ma wanaagin karno nolosheena ilaa aad ka wanaajino shaqsiyaadka aan nolosha kula saaxiibnay. Saaxiibka wuxuu sidaa dhambaal ama risaalad wuxuuna rabaa inuu ku gaarsiyo si aad ula dhaqan noqoto xumo iyo same, balse mar weliba aynu la saaxibno saaxiib noo jiheyn kara guusheena.
Wax qor: In badan oo bulshada ka mid ah waxba kama qoraan xaaladahooda nololeed waxaa laga yaabaa inay sameeyaan wixii maan-kooda kusoo dhaca balse waa laga wanaagsan yahay.
Qoraal kooban ka sameey shaqada aad qabaneyso adigoo isticmaalaayo (stick note) ama xusuus qor si aad ugu buraagsanaato howsha aad qabaneyso.
Ha ilaabin inaad sameyso waqti xadidan oo aad dhameyso howsha si aysan waqti badan kaaga bixin inta aad ku guda jirto.
Qaado waqti dheeraad ah: shaqada waxay leedahay waqti ay dhamaaneydo si kasto kasto ay ahaataba, isku day inaad hesho waqti aad nasato aanan aheyn middka aad jiifsaneyso.
La sheekeyso naftaada si aad u ogaato waxa ka dhex guuxaaya gudahaaga, haddaba si kastaba noqotee isbar inaad si gaar ah naftaada ula sheekeysato si aad uga gun gaarto lag danka ka dhex socda maskaxdaada.
Seexo waqti kugu filan: hurdada waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha faa’iidada u ah, balse waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga haddii uu rabi ogalaado.
Inaad hesho hurdo kugu filan waxay kuu horseedi kartaa inaad shaqo badan qaban karto adigoo aadan ka caajisin. Inta badan waxaa dhacdo ina lagu dhafro waxyaabo badan oo sameyn ku leh nolosheena sidda, caajis, daal tiro badan iyo wahsiga oo kugu tiro bata.
Waqti walba aad dareento wahsi iyo caajis waxaad jeclaan laheyd inaad jiifsato, balse ka digtoonoow hurdada tirada badan.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
Waxaan umalaynayaa in la gaaray wakhtigii aad noloshaada beddeli lahayd ee diyaar ma u tahay inaad noloshaada beddesho?

Waxaa lagaa yaabaa inaad ku fikireyso waxyaabo badan inay kuu hirgalaan, balse waxaa laga yaabaa in fikradahan iyo kuwa kalaba aad ku fukireesay mudo dheer laakiinse illaa iyo hadda uusan mid kuu suurta galin.
Marka dadka intooda badan ay damcaan inay beddelaan noloshooda, waxay inta badan diiradda saaraan dhammaan walxaha dibadda, sida shaqo cusub ama meel cusub ama saaxiibo cusub ama rajo cusub iyo wixii ka dambeeya.
Xaqiiqdu waxay tahay in noloshaada baddalkeedu ay ka bilaabato beddelka sida aad u aragto wax kasta oo noloshaada ah. Haddaba ila dhammeyso qoraalkaan oo aan kusoo koobay qodobada lagaa rabo inaad la timaado.
Waxaa jira dodyow badan oo dunnida horumar ka sameeyay kuwaasoo aan halkaan lagu soo koobi karin, balse maxaa inoo diiday inaan annagana is-weydiino siddee ayaan nafteena horumar iyo fikir wanaagsan ugu dabaqi karnaa si aan u gaarno dadyowga horumar.
Marka lasoo hadal qaado horumar dad badan ayaa mooda in waxyaabo badan yihiin horumar, balse waxyaabaha qaar waa waxyaabo lagu badalaayo naftaada ay ugu horeyso diintaada iyo dhaqan kaaga.
Bulsho horumartay waxaad ka qaadan kartaa wixii quseeya arimaha aqoonta iyo waxa ku saabsan dhaxalka beni’aadamka, si taa aad ugu dayato waxaad u baahan tahay inaad ka fakarto siddee ayay dadkani ku gaareen.
Adigoo aaminsan fikirkii aad shalay ku guul daraystay inaad maantana aad ku howl gasho waa kuu nasiib daro, waxaadna u baahan tahay inaad isticmaasho fikir ka duwan fikirkii shalay.
Haddaba waxaa laga yaabaa in nolosha aad u arakto inay tahay guul darro balse waa sidda aad adiga u fahamtay, haddaba si aad u guuleysato waxaad xooga saarta arimahan soo socda.
Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood oo kaa caawin kara safarkaaga cusub, fadlan haddii aad wax ka faa’iiday maqaalkan la wadaag bulshada inteeda kale.
Akhriska buuggaagta; waxaa laga yaabaa inaad ku fakareyso maxaa isku xiray fikirka aan aaminsan nahay iyo akhriska. si taasi aa usii fududeeyo maxaa isku xiray akhriska iyo fikirka.
Tanni waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer araktay haddana isma weydiino sababta ay muhiim u tahay.
Akhriska waxa aad akhrinayso waxay ka dhigan tahay adigoo akhrinaayo fikirkii bani’aadamkii kaa horeeyay iyo sidda ay nolosha u arkaayeen. Haddaba haddii ay kugu adag tahay aqrinta buuggaagta waa inaad isbartaa sidda aad ku akhrin laheyd buuggaag kala duwan.
Ku dabaq wax akhriska naftaada si aad ugu wax badan u ogaato, waxayna kaa caabineysaa inaad yeelato fikir wanaagsan. Inaad buuggaag badan aqrido waxaa ka wanaagsan inaad hal buug oo fiican aad aqrido si uu wax kaga badalo fikirkaaga.
Akhriska buuggaagta kuwooda fiican waxay ku dhaxal siineysaa inaad ka fakarto guusha aad u baahan tahay inaad gaarto iyo sidda ay kugu fududaan karto. Haddaba si aad taasi u dooran karto waa inaad wax badan akhrisaa noloshaadana aad bartaa akriska.
Samir yeelo; wax weliba oo isbedel ah waxay kaa qaadan karaan waqti badan, balse ugu danbeyn tilaabada aad qaaday waxay kuu noqon doontaa mid noloshaada ay ku faa’iido.
Ku samir xaalad weliba oo kaaga baahan inaad usoo jeedo, waayo haddii aadan maanta usoo jeedin waxay kugu qaadan kartaa waqti ka badan inta ay hadda kugu qaadan laheyd.
Dadka nolosha horumar ka sameeyay waa dad ku samray shaqada ay naftooda u hayaan, siddoo kalena waa dad ku qancay inay yihiin kuwa sameyn kara horumar iyo guulo waaweyn. Haddaba inaad guul gaarto waxay kaaga baahan tahay inaad ku samirto shaqadaada si noloshaada ugu faa’iido. Si kastaba hanoqotee waxaa laga maarmaan ah inaad yeelato fikir ka duwan fikirkii hore si wax-qabad-kaaga isku badalo.
In badan oo kamid ah bulshada aan la noolahay oo aan jecleyn akhriska qoralaada iyo buuggaagta waxaan ugula dar daarmaa inay muhiim tahay inaan yeelano fikir wanaagsan si wax-qabad-keenu isu badalo.
Intaa ka dib waxaa jirtay, xilli qeybo badan oo Yurub ka mid ah ay ka dhacday xaalado qasan taasoo keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalahii ay sameyn jireen. Waxaa su’aashaas la weydiiyay Philosophy-yada jiray xilligaa uu ka mid ahaa Albert Einstein wuxuuna ku jawaabay sidda tan ” Haddii aynu u baahanahay inaan horumar sameyno, waa inaan bedelnaa fikirkeena si uu isku badalo ficilkeen.”
Sheekadan gaaban waxaa kasoo xigtay buugga 5-Ta tiir ee guusha. Waxaan ka cudur daaranaa in buugga oo pdf ah aan hadda haynin balse aan idin soo diyaarin doono haddii uu rabo, intaa ka dib fikirka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadka hodan ka dhiga siddoo kale sare u qaada sirta nolosha.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Dhaqaalaha3 months ago
Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Bariga dhexe3 months ago
Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda
- Afrika3 months ago
Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka