Connect with us

Arrimaha Amniga

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

“Shirkaasi sidii loogu talagalay ayuu u soconayaa, guddida qabanqaabaduna hawshooda ayay wadanayaan, waxaana lagu qabanayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal” – ayay yiraahdeen.

Published

on


Bahda Saxaafadda Somaliland ayaa sheegtay in Wasaaradda Warfaafintu aanay awood sharci u lahayn inay hor istaagto shir ay saxafiyiintu dhawaan ku qabanayaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaas oo ay ku tilmaameen shir ay kaga tashanayaan aayahooda iyo xaaladda saxaafadda.

Bahda Saxaafadda ayaa sheegtay in qabanqaabada shirka ay sidii loogu talogalay u socoto isla markaana hadalka Wasaaradda Warfaafinta aanu waxba ka beddelayn qorshaha lagu qabanayo shirka. “Shirkaasi sidii loogu talogalay ayuu u soconayaa, guddida qabanqaabaduna hawshooda ayay wadanayaan, waxaana lagu qabanayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Waanu dhacayaa shirkaasi” ayay yiraahdeen bahda saxaafadda Somaliland.

Waxay sidoo kale sheegeen in Wasaaradda Warfaafintu aanay sharci ahaan awood u lahayn inay joojiso shir ay leeyihiin bahda saxaafadda, iyaga oo xusay in markii ay dib u eegeen xeerarka iyo Dastuurka Somaliland aanay ka helin qoddob Wasaaradda siinaya awood ay ku hor istaagto shirka. “Wasaaradda Warfaafintu xaq uma laha inay joojiso shir aayo-katashi oo ay saxaafaddu leedahay. Wasaaradda lagala tashan maayo, waayo markii aanu eegnay xeerarka iyo Dastuurka meel ay Wasaaraddu kasoo gashay ma jirto” – ayay sheegeen.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Boorama, waxaana qabanqaabadiisa wada guddiga loo xilsaaray diyaarinta shirka. Bahda Saxaafadda Somaliland ayaa sheegtay in ujeeddada shirku tahay in saxafiyiintu ka wada tashadaan xaaladda saxaafadda, caqabadaha horyaalla iyo jihada mustaqbalka ee mihnadda.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdisalaan Ilkacase uu sheegay in shirka aanu haysan oggolaanshaha Wasaaradda isla markaana aanu ahayn shir ay Wasaaraddu ogtahay. Hase yeeshee, bahda saxaafadda ayaa ku adkaysanaysa in shirka la qaban doono iyaga oo sheegay in qabanqaabadiisu sii socoto isla markaana aanay jirin wax sharci ah oo Wasaaradda Warfaafinta siinaya awood ay ku joojiso.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli ay bahda warbaahinta iyo ururrada u dooda xorriyadda saxaafaddu walaac ka muujiyeen xadhigyo dhowaan loo geystay saxafiyiin iyo dad si dhow ula shaqeeya warbaahinta Somaliland. Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) iyo ururro kale oo u dooda xorriyadda saxaafadda ayaa sheegay in xadhigyadaasi ay dhaawac ku yihiin xorriyadda hadalka iyo madax-bannaanida saxaafadda, iyaga oo ku baaqay in eedaha saxafiyiinta loo maro habraac sharci ah.

Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdisalaan Ilkacase ayaa sheegay in Wasaaraddu aanay wax oggolaansho ah siin shirka isla markaana aanay hore uga warqabin. “Ka Wasaarad ahaan waxa aanu halkan ka caddaynaynaa in shirkaasi aanu wax oggolaansho ah naga haysan, aanaan ogayn, shir sharci ah oo marka aanu qiimaynay shuruucda Somaliland ka turjumayana aanu ahayn” – ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha ayaa sheegay in arrintan loo caddeeyey masuuliyiinta gobolka Awdal iyo cid kasta oo ay khusayso, isaga oo sidoo kale su’aal geliyey sababta magaalada Boorama loogu doortay in lagu qabto shirka Saxaafadda Somaliland. Hadalka Wasaaradda ayaa waxa ka falceliyey Garyaqaan Guuleed Dafac kaas oo su’aal geliyey sababta shir lagu qabanayo Awdal shaki looga muujinayo, isaga oo xusay muhiimadda taariikheed ee magaalada Boorama.

“Haddii la yiraahdo Awdal baannu ku shirayna, miyaa laga shakiyayaa? Yaab badanaa. Hadda meeshu waa Awdal oo waa halkii Somaliland laga soo dhisay” – ayuu yiri Guuleed Dafac. Wasiirkii hore ee Dastuurka Somaliland, Cabdinaasir Buuni ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook ku dhaliilay hadalka Wasaaradda Warfaafinta, isaga oo yiri “Nasiib-darro goorma ayay Boorama noqotay Banaadir?”

Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa isaguna ka falceliyey is-hortaagga Wasaaradda Warfaafinta, isaga oo su’aal geliyey in Wasaaraddu sharci ahaan awood u leedahay inay joojiso shirka ay saxafiyiintu ku qabanayaan magaalada Boorama.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland kahor istaagaan mustaqbalkeeda.

Published

on


Danjiraha Maamulka Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa ka hadlay kulanka ay yeesheen madaxda Soomaaliya, Ereteriya, Masar iyo Suudaan, kaas oo la sheegay in looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in shirarka siyaasadeed aanay awood u lahayn inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka Somaliland.

Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland ka hor istaagaan mustaqbalkeeda, tirtiraan taariikhdeeda, madaxbannaanideeda ama rabitaanka shacabkeeda. Danjiruhu waxa uu sheegay in kulankaasi aanu khatar ku ahayn oo keliya danaha Somaliland balse uu sidoo kale wax u dhimayo danaha istaraatiijiyadeed ee dalal muhiim ah oo ku yaalla gobolka iyo dalalka deriska la ah Somaliland.

Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay maamul fashilmay isla markaana sheegay in loo adeegsanayo awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka. “U adeegsiga maamulka fashilmay ee Muqdisho sidii awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda kale ee muhiimka ah ee gobolka iyo meelo ka baxsan weligiis ma shaqayn doono” – ayuu yiri Maxamed Xaaji sida uu ku sheegay faalladiisa.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii socdaan doodaha iyo dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xiriira aqoonsiga Somaliland, iyadoo dhinacyada taageersan aqoonsigeeda iyo kuwa kasoo horjeedaba ay isku dayayaan inay xoojiyaan mowqifyadooda siyaasadeed ee heer gobol iyo heer caalami.

Haddaba, madaxda dowladaha Soomaaliya, Eriteriya, Suudan iyo Masar oo dhawaan kulan ku yeeshay dalka Masar ayaa cambaareeyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil iyaga oo sheegay in uu dhaawacayo madaxbanaanida Soomaaliya.

Geesta kale, Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.

Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad. Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qoddobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.

Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato.

Published

on


Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Macaawiisleyda kaas oo ka dhacay tuulada Tardo ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka, Cusmaan Xuseen Gure oo loo yaqaan Cismaan Dheere.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay hub ka qaataan qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa xoolo-dhaqato. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday ninkan, taasoo keentay in iska horimaad hubeysan uu ka qarxo deegaanka, sida aan xogta ku helnay.

Cismaan Dheere ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado isla markaana kooxda Al-Shabaab ay hareereeyeen deegaanka, iyadoo xaaladdu ay sii xumaatay. Waxa uu sheegay in dad rayid ah lagu dilay intii uu dagaalku socday halka qaar kalena ay ka carareen guryahooda, iyagoo u kala firxaday deegaano u jira qiyaastii 40 ilaa 80 kiiloomitir.

Dagaalka ayaa sidoo kale hakiyay dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee dadka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyuhu. Dad subaxnimadii u baxay suuqa iyo goobahooda shaqada ayaa ku qasbanaaday inay ka cararaan goobahaas markii uu iska horimaadku billowday.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhawaan faafisay warar sheegaya inay heshiis nabadeed la gashay beesha Xawaadle, kaas oo lagu soo afjarayo khilaaf muddo u dhexeeyay kooxda iyo beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee, Cismaan Dheere ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiiskaasi uu ahaa mid dhab ah. Waxa uu sidoo kale shaki geliyay muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay oo la xiriiray heshiiska, isaga oo sheegay inay suuragal tahay in qaar ka mid ah muuqaaladaas lagu sameeyay ama wax looga beddelay farsamada sirdoonka macmalka ah (AI).

Guddoomiyaha Tardo ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin gurmad iyo in xal loo helo dagaallada soo noqnoqday ee saameynaya noloshooda.

Hay’adda Xasaradaha Adduunka oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab uu galay marxalad aad u adag oo ismariwaa iyadoo labada dhinacna midkood uusan awoodin inuu guul militari oo la taaban karro oo kama dambeys ah uu ka gaaro dagaalka ka socda Soomaaliya.

Warbixinta Hay’adda Xasaradaha Adduunka waxa ay xustay in guulihii ay dowladdu ay ka gaartay gobollada dhexe dalka Soomaaliya inta u dhexeysay 2022-2023-kii oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkiisii ugu horreeyay xukunka ay ahayd ay dib u wiiqmayn kadib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab ay qaaday inta u dhexeysay 2024-2025, taasoo keentay in Al-Shabaab ay dib ula wareegto inta badan deegaanadii hore looga saaray.

Sida ay warbixinta tilmaamayso dowladda Soomaaliya ayaa dib isugu abaabushay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah waxayna ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaano muhiim ah oo ku dhow magaaladda caasimada ee Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo kamid ah bartamaha dalka Soomaaliya ayaa wali ku jira gacanta Al-Shabaab taas oo sii xoojinaysa ismariwaaga dagaalka Soomaaliya.

Hay’adda International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladeheeddii dagaalka iyadoo ay iskudayayso inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku dhexbool deegaannada ay maamusho ee dalka Soomaaliya isla markaana ay yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo kaliya. Tan kale waxaa sidoo kale ay sheegtay in dowladda ay wajahayso caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo hoos u dhac ku yimid taageeradii dibadda dowladda ay ka heli jirtay.

Warbixinta Hay’adda International Crisis Group waxay ku talisay in dowladda federaalka Soomaaliya dib u habeyn ay ku sameyso tabbabarka iyo tayada ciidamada qaranka Soomaaliya isla markaana ay xoojiso wada-shaqeynta dowlad goboleedyada dalka oo hadda qaarkood khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo sida Jubbaland iyo Puntland isla markaana ay kor u qaado awooda ciidamada heerka gobol si loo sugo ammaanka deegaannada hore Al-Shabaab looga saaray.

Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, iyadoo ugu dambeyntii ay ku dooday in xal siyaasadeed iyo wadahadal ay yihiin wadada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

“Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Published

on


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo ku eedeeyay dowladda muddo dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku mashquulsan tahay doorashooyin aan heshiis laga gaarin, isla markaana ay waddo tallaabooyin uu sheegay inay horseedi karaan isku dhac iyo dhiig daata.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradka iyo dowladda ay muddo dheer ka wada hadlayeen hannaanka doorashooyinka balse uu sheegay in dadaalladaas ay caqabad ku noqdeen waxa uu ku tilmaamay nidaamka muddo-dhafka ah. Shariif wuxuu sheegay in muhiimaddu ay tahay in la isku raaco nooca doorashada dalka ka dhacaysa, habka ay u dhacayso iyo in tartanku noqdo mid caddaalad ah. “Waxa la rabaa in xoogga la saaro taas oo dadka la isu keeno oo laga heshiiyo” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in qorshihii ahaa in bisha Oktoobar la qabto shir looga hadlo doorashooyinka ay caqabado la kulmeen. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay waddo waxa uu ku tilmaamay “provocation” iyo diyaar-garow dagaal oo lala xiriirinayo mucaaradka. “Caqabadahaas waxaa kamid ah provocation-ka iyo diyaar-garowga dagaalka oo aad maqasheen inay waddo xukuumadda waqtigeedu dhammaaday oo ay rabaan inay kusoo qaadaan mucaaradka” – ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay tahay in aan lagu soo celin magaalada Muqdisho. “Maamul goboleedyadii waa soo dumiseen, dagaal baa ka socda, haddana dagaalkii ayaad rabtaan in magaalada caasimadda aad keentaan” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uga jawaabay eedeymo la xiriirinaya Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu dalkaas deggan yahay balse uu arrintaas ku tilmaamay marmarsiiyo aan loo adeegsan karin dhiigga siyaasiyiinta mucaaradka. “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya. Aniga Imaaraadka waan degganahay” – ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aysan sabab u noqon karin in lagu eedeeyo falal ka dhan ah dowladda Soomaaliya. “Ma noqon karto asbaab lagu baneysto dhiigga dadka mucaaradka u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashana laga heshiiyo” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in haddii qof uu ku baaqayo in la ixtiraamo dastuurka, doorashada laga heshiiyo, isla markaana laga fogaado dagaal, aysan jirin sabab loogu tilmaamo inuu dalka dhibaato u wado. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay isticmaalka ciidamada iyo hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in hay’adaha amniga iyo ciidamada aan loo adeegsan karin wax uu ku tilmaamay kicin iyo isku dhacyo siyaasadeed. “Hubkii loogu talogalay in Al-Shabaab lagula dagaalamo ayuu rabaa in Xasan Sheekh uu Muqdisho ku gubo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer soo mareen dagaallo iyo dhibaatooyin, ayna doonayaan inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo leh hay’ado si dhab ah u shaqeeya. Hadalkaan uu jeediyay Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhowaanahaan ay soo baxayeen warar la isla dhex maraayay oo sheegaya in Dowladdu wado qorshe ay ku weerareeyso xarumaha ay degan yihiin Hogaamiyeyaasha Mucaaradka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024.

Published

on


Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgalkii qorsheysnaa ee ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo ay ku tilmaantay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa garabka amni ee kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, hawlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar, iyadoo hay’addu sheegtay in uu ahaa hawlgal ay fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka. NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inuu adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.

Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxaana hay’addu ku xustay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii loo yaqaan Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay Muqdisho.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalka Jilib uu qayb ka yahay dadaallo ay hay’addu ku baacsanayso hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in geerida Bashiir Nuunow ay saameyn ku yeelan karto hoggaanka iyo shabakadaha kooxda gaar ahaan kuwa loo adeegsado qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

Dhanka kale, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Buur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in hawlgalku ka dhacay deegaanka Buur-Saruur oo qiyaastii laba kiiloomitir dhanka Koonfur Bari kaga beegan Cali-Gaduud halkaas oo ay hay’addu tilmaantay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan argagaxisadda Al-Shabaab.

Sida ay NISA sheegtay hawlgalku waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay howlaheeda, iyadoo ciidamadu ay sii wadaan baacsiga xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka haray deegaannadaasi. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Soomaaliya ay kordhiyeen hawlgallada ay xogta sirdoonku hoggaaminayso ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

NISA ayaa horraantii bishan sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaannada Guulane iyo Al-Furqaan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo saddex dagaalyahan oo kale. Bishii Agoosto, hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaanka Fiidow lagu bartilmaameedsaday guri ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uusan jirin suurtagal ay kooxdaasi mar kale kula wareegi karto gacan-ku-haynta guud ee dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiya warbaahinta Alajzeera ayaa sheegay in Al-Shabaab xilli hore ay si weyn ugu fidday dalka, xitaa Madaxtooyada Soomaaliya ay weerarro kala kulmi jirtay meel aad ugu dhow, halka maanta uu sheegay in kooxda ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho. “Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddeshay, isagoo ku dooday in horumar laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, marka loo eego xilligii kooxda ay awoodda badan ku lahayd qeybo badan oo dalka ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama dagaal siyaasadeed.

“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed” – ayuu yiri Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay aaminsan yihiin in haddii Soomaalidu dhexdeeda xal ka gaari weydo khilaafkeeda ay fursad u siin karto Al-shabaab inay dalka la wareegaan, caalamkuna ka sii jeesto arrimaha Soomaaliya kaddib in ka badan 30 sano oo ay taageerayeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo culus u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan xubnaha mucaaradka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay shirar ku saabsan Soomaaliya ku qabanayaan magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Fiqi ayaa qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in siyaasiyiinta uu tilmaamay ay yihiin kuwo aan rajo ka lahayn mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay inay wadaan qorsheyaal uu sheegay inay khatar ku yihiin dawladnimada iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale isbarbardhig ku sameeyay siyaasiyiinta uu eedeynayo iyo kooxda RSF ee dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, isagoo sheegay in labada dhinac shir loogu qabtay meel isku mid ah, isla markaana uu ku eedeeyay siyaasiyiintaas inay halkaas kaga baranayaan sida shaqada kuwa adeegsanaya u gudanayaan.

Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in siyaasiyiintaasi ay Soomaaliya kusoo laaban karaan iyagoo huwan qorsheyaal uu ku tilmaamay ‘shirqoollo ka dhan ah dawladnimada iyo nabadda’ isagoo ka digay in ay isku dayi karaan abaabulka maleeshiyaad iyo soo celinta hoggaamiye-kooxeedyada.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay inay si adag uga hortagto cid kasta oo uu sheegay inay khatar ku tahay nabadda, dawladnimada, qarannimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga ‘khaa’inul waddan’ isagoo sheegay in qof kasta oo sidaas lagu tilmaamo ‘abaalkiisa la marsiin doono’.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Yurub1 hour ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub2 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga2 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga3 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga3 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya4 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika22 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub1 day ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga1 day ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga7 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika7 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Arrimaha Amniga7 days ago

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo sababay khasaaro rayid oo gaaraya 216 qof

Xul

Diblomaasi.com