Connect with us

Barashada Luuqadaha

Baro Luuqadaha kalla duwan

Published

on

Kusoo dhawaaw Machadka Afkaarta Joogtada Ee Ganacsiga & Bulshada. Machadkaan waa machad marwalbo u tagaan siddii uu u soo saari lahaa afkaarta bulshada Geeska Afrika. Machadka AJ wuxuu kuu haayaa koorsooyin cusub oo aad ku barani karto luuqadaha kalla duwan sidda:

  1. Af-Soomaaliga (Somali)
  2. Ingariis (English)
  3. Carabi (Arabic) (العربية)
  4. Noorweejyaan (Norwegian) (Norsk)

 

Luuqadahaan oo dhan waa lacag la’aan wax sharuud ahna laguuguma xeraayo. Asigoo qoraal, cod iyo muuqaalba waxaad kalla soconi kartaa  shabakada (website) machadka.

Magacaaga oo seddaxan : *
Halka aad joogto : *
Da'da : *
Dooro Koorsada :  * 
Emailkaada : *
Fariintaada : *
 

 

 

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Barashada Luuqadaha

Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ayaa hadda caan ka ah Soomaaliya

Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Published

on


Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ee caalamka oo dhan ayaa sidoo kale ka muuqda Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay tahay dalka Afrika oo aad uga dhow yahay Turkiga.

Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Machadkan oo laga hirgaliyay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho arday wax ku soo baratay dalka Turkiga ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 5-dufcadood oo arday ah oo baranaya luuqada Turkiga. “Ardaydeenu waxay u badan yihiin kuwa doonaya inay u safraan dalka Turkiga si ay wax uga bartaan jaamacadaha Turkiga, waxaan ka caawinnaa inay bartaan luuqadda ka hor inta aysan tagin, illaa hadda ardaydeenna si fiican ayay u bartaan,” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ilaa 135 qof oo ay ku jiraan 65 gabdhood ay bishii la soo dhaafay isku diiwaan galiyeen in ay bartaan luuqada turkiga machadkiisa, isaga oo intaa ku daray in dhamaantood ay yihiin arday u hanqal taagaya in ay galaan jaamacadaha dalka Turkiga. “Qaar ka mid ah waa dad ganacsato ah, oo doonaya inay la xiriiraan dhiggooda Turkiga, qaarna waxay rabaan inay wax bartaan, maadaama luuqadda ay noqotay mid muhiim ah oo Soomaaliya caan ka ah,” ayuu yiri.

Tan iyo 2018, markii albaabada loo furay dugsiga, 300 oo qof ayaa dhammaystay koorasyada luuqadda Turkiga. “Qaar ka mid ah ardaydeenii qalinjabisay ayaa hadda halkan Muqdisho uga shaqeeya turjubaano maadaama ay Muqdisho ka howlgalaan shirkado badan oo Turki ah” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ardayda gabdhaha ah ay si degdeg ah wax u bartaan, maadaama ay aad u dadaal badan yihiin, isla markaana ay u badan yihiin kuwa doonaya in ay koorsooyin ku saabsan caafimaadka ka qaataan dalka Turkiga.

Zahra Macalin Cabdirahman, oo 20 jir ah oo dhigata daawooyinka, ayaa wakaaladda AA u sheegtay inay doonayso inay la tartanto saaxiibkeed, oo si fiican u yaqaan luuqadda Turkiga.

C/kariin ayaa sheegay in inkastoo codsiyo badan oo uga yimid dadka doonaya inay bartaan luuqadda Turkiga, haddana uusan awoodin inuu shaqaaleysiiyo xafiis qalabaysan oo ballaaran oo dhaqaale la’aan ah. “Sida aad hadda aragtaan, waxaan haysanaa hal kombuyuutar iyo printer, waana ku faraxsanahay inaan haysanno, kama fikirin inaan cidna wax caawimaad ah weydiisano, laakiin waxaan aaminsanahay in dadka qaar ay aqoonsan doonaan shaqada wanaagsan ee aan halkan ka wadno. “Ma hayno baahiyo badan hadda laakiin waxaan jeclaan lahayn inaan ka codsano hay’adaha Turkiga inay na caawiyaan,” ayuu yiri.

Cumar Cabdi Jimcaale oo ah bare culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in barashada luuqadaha kala duwan ay wanaagsan tahay maadaama diintiisa Islaamku ay sidoo kale dhiirigelisay. Inkastoo aan la hayn tirokoob rasmi ah, haddana wuxuu ku andacoonayaa in ilaa 100,000 oo Soomaali ah ay ku wada xiriiri karaan luuqadda Turkiga, tiradana ay marba marka ka dambeysa sii kordhayso. Sababtu waxay tahay Turkiga oo martigelinaya tiro badan oo qurbo-joog ah oo Soomaaliyeed, ayuu yidhi. “Barashada luuqadda qalaad mar walba waa tallaabo wanaagsan, in la barto luuqadda waddan sida Turkiga oo kale ah oo xiriir dhow la leh Soomaaliya oo dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo mid ciidanba waa tallaabo aad u wanaagsan oo dhanka saxda ah loo qaaday,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in marka la eego is dhexgalka dhaqaale, waxbarasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ay aad u badan tahay in dalka laga furo dugsiyo badan oo lagu barto luuqadda Turkiga. Waxa uu sheegay in dugsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka jira ay sidoo kale sare u qaadi karaan is dhexgalka dhaqanka ee muwaadiniinta labada dal. “Haddii dhammaan arrimaha kale ay sii jiraan, waxaan aaminsanahay in luuqadda Turkiga ay noqon doonto luuqadda labaad ee loogu badan yahay dugsiyada, isagoo dhaafi doona luuqadda Carabiga, oo ah luqadda labaad ee dalka,” ayuu yidhi.
Xiriir gaaban waa la koobiyay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Aragti, Dhaqan iyo Caqiido

Qaababka Loo Baran karo Luuqado Cusub

Published

on

 


Luuqad cusub ee barataa waxay wadataa faa’idadeeda. Luuqada cusub waxay kusiinnaysaa fahamka dhaqanka iyo taariiqda wadanka. Waxa kale ee u fududaanaya ruuxa markaas xiriirka iyo isdhaxgalka bulshada, taasoo leh faa’idooyin aan lasoo koobi Karin, sida shaqooyinka iyo waxbarashada. Luuqad waa furaha nolosha bini’aadamka, waxana lagu micneeya inay tahay nidaam isgaarsiineed oo bini’aadamka uu ku xiriiro, taas oo u kala baxda kuhadal iyo qoraal.

Luuqada waa furaha koobaad ee albaabada kuu furaya. Waxaad kamid noqonaysaa bulshada, islamarkaasna waxbaad la qabsanaysaa. Luuqad barashadeeda wey adagtahay, laakiin waxkasta waxay u baahantahay in waqti lageliyo, luuqad inaad barataa waxay u baahanthay inaad waqti iyo dadaal gelisid. Luuqada barashadeeda iskama imaanayso haddii aadan ku dadaalin barashadeeda.

Tusaale wadanka Norway luuqadiisu wey adagtahay. Maxaa yeelay luuqadaan waxay leedahay xarfo iyo shaqalo laga helaynin Afsoomaaliga. Tusaale, shaqaladaan luuqada Norwejiyaanka Æ, Ø iyo Å lagama helo luuqada Soomaalida. Sidaa darted dadka qaar wey ku adagtahay inay kala saaraan ku dhawaaqitaanka ereyada qaar.

Hadaba talooyinkaan hoos kuxusan sameey si aad u hormarisid aqoonta lUuqada aad baranaysid:

  • Ku xirnaashaha iyo waqti laqaadashada dadka luuqada u dhashay. Inaad la sheekaysato dadka wadanka u dhashay ee aad waqti la qaadato waxay kuu fududayni in luuqada si fudud ku baratid. Intaad horfadhin lahayd kombuuter iyo inasd naxwaha saxdid, waxa dadka qaar ufudud inay dhexgalaan bulshada oo ay durbadiiba ku hadlaan luuqada. Isku day inaad luuqada kula sheekeysato asaxaabta iyo kuwa aad isla shaqaysaan.
  • Barashada luqada maalin walba. Dadka qaar ayaa waxay dhahaan luuqadaan kuma fiicni waxbadana waan baranaayay. Xaqiiqdii waxa la ogaaday haddii maalin walba aad siido saacado barashada luuqada in bilooyin ama sanad iyo wax lamid ah kusoo koobi karaan barashada luuqadaas. Marka isku day inaad maalin kasto aad waqti siisid, isla markaasna ku celcelisid si maskaxda u qabato ereyada iyo qaabka luqada.
  • Qaadashada buuga qaamuuska marwalba. Inaad haysataa buuga qaamuuska waxay kaa caawini, inaad durba aad fahanto ereyada kugu cusub iyo kuwii hore ee aad hilmaamtay. Marka waa muhiim inaad haysataan buuggaas, waana idinku dhiiri gelinayaa inaad marwalba haysataan. Waxa laga helaa maktabad walba asigoo bilaash ah muddo bil ah.
  • Daawashada, dhagaysiga, aqrinta iyo qorista luuqada aad baranaysid. Waa inaad joogtaysid marwalba barashada luuqadaan cusub ee aad baranaysid, hadday tahay dhagaysiga, aqrinta iyo ku hadalkaba. Waxaad isku dayaysaa inaad daawatid TV-yada iyo filimaanta ku baxaya luuqada aad baranaysid. Waxa intaa sii dheer waa inad aqrisataa wargeysyada ugu yaraan hal maqaal maalintiiba, waxad ka heli ereyo badan ee kugu cusub. Isla markaasna waa inaad wax uun ka qortaa luuqada cusub ee aad baranayso.

Ugu dabaynii, macquul ma ahan inaad baratid luuqad adigoon qaldin. Laakiin waa inaad fahamtaa qaladka islamarkaasna aad saxdaa. Maxaa yeelay inad qaladaa luuqad cusub waa wax iska caadi ah, ruuxwalba ayaana sameeya. Dadka qaar wey ka cabsadaan inay ku hadlaan, iyaga oo ufahmaya inay qalad iyo ceeb tahay habka ku dhawaaqista. Marka ha cabsan ee ku hadal, maxaa yeelay waa lagu saxaa markaas ayaadna fahmee/baranee luaqada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Barashada Luuqadaha

Barashada Luuqada Ingiriiska

Published

on


Luuqada Ingiriiska waa luuqad caalami ah, ayna ku hadlaan wadamo badan oo dunidda dacaladeeda ah. Luuqadani waxay hodan ku tahay xagga ereyada, waxaana la sheegaa in ay maalin kastaa areyo cusub ku soo kordaan.

Haddaba waxaan jeclahay in aan wax ka taabto qaabka ugu fudud ee lagu baran karo luuqada Ingiriiska. Marka koowaad waa in aad la timaadaa niyad waayo waxaad niyid u hayn lagama yaabo in aad barato marka xiga waxaa lagaa doonayaa in aad Ingiriiska ka barato macalin ay wanaagsantahay ku dhawaaqida ereyada Ingiriiska tani aad bay muhiim u tahay waxa ugu adag luuqadani waa fahamka qofka adiga kugula hadlayo ama hadaad cadeecad ka dhageeysaneysid sidii aad ku fahmi lahayd.

Ka soo bilaaw luuqada heerka ugu hooseeya oo ah Alfabeetada, sii waqti ku filan aqriskeeda. Macalinka waxaa uu ardayga baraa boqolkiisa labaatan iyo shan halka ardayga laga doonayo in uu la yimaado boqolkiiba todobaatan iyo shan. Isticmaal afarta qaacido ee lagu barto  luuqadaha kuwaasoo kalla ah.


  1. Aqrinimg_eng01
  2. Qoris
  3. Dhageeysi
  4. Iyo ku hadal

 


Waa in aad adiga naftaada kula sheekeysataa luuqada Ingiriiska adigoo isku dayaayo in aad dhisto jumlado badan. Samee xifdis badan waa in aad qani ku ahaataa waxa loo yaqaan vocabulary (Ereyo badan oo cusub). Intaa ka dib waa in aad barataa 12ka qeybbood ee uu ka kooban yahay Garaamarka Ingiriiska kaddibna siddeeda qeybood ee Passive voice ka.

Intaa kadib waa in aad barataa qeybaha hadalka ee loo yaqaan (Parts of Speech) waxayna ka kooban yihiin 7 qeybood oo kala ah,

Noun (Magac), Pronoun (Magac u yaal), Adjectives (Sifa Sheege), Verb (Ficil), Adverbs (Ficil Kaabe) ,Preposition (Meeleeye) , conjunction (Xiriiriye) and interjection (Cajiib galiye).

Markii aad halkaan mareeyso waxa aad u baahan tahay waa in aad sameeyso dadaal badan oo ah xaga aqriska, soo gada qaamuus, kaas oo kaa caawin kara in aad ogaato micnaha ereyo badan. Aqri mar alaale markii aad aragto warqadaha ingiriiska ku qoran, hadii aad la kulanto eray aadan micnihiisa garaneynin waa in aad qaamuuska la aadaa. Mararka  qaar isku day in aad kor ugu dhawaaqdo ereyada.

Ugu dambeeyntii waxaad u baahan tahay in aad sameeyso dhageeysi fara badan sidda cadeecadaha iyo talfishoonada BBC World Service, Aljazeera, CNN iyo Peace TV ee Af –Ingiriiska ku baxo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Barashada Luuqadaha

Luuqadaha Dunida & Af-soomaaligii

Published

on

 

Luuqada waa tiraabyo ay dadka ku hadlaan kuwaas oo wada degan hal deegaan ama degmo. Waxay isku wada afgartaan luuqadaas ay ku wada hadlaan. Afka ama luuqada aan ku hadalno taariikhdeeda aad ayay u dheertahay. Laga soo bilaabo abuuritaankii Aabe Aadan c.s.  Luuqadaha caalamka ka jiro waxaa lagu qiyaasaa inay dhanyihiin 6,500 luuqadood. In ka badan 2,000 oo luuqadood waxaa ku hadlo dad ka yar 1,000 qof. Luuqada ugu dadka badan ku hadlaa dunida waa luuqada loo yaqaano  Mandarin Jayniis (Mandarin Chinese)  waxaa ku hadlo luuqadaan 1,213,000,000 qof. Waxaa kaalinta labaad ku jirra luuqada Isbaanishka (Spanish). Waxaana ku hadlo 414,000,000 qof.

Waxaa kaalinta saddexaad ku jira luqada Ingiriisida waxaa ku hadlo 335,000,000 oo qof, kaalinta afraada luqada Hunduuga 260,000,000 qof, kaalinta shanaad ah luqada Carabiga 237,000,000, kaalinta lixaad waa Bortaqiiska  203,000,000, kaalinta Todobaad waa Luqada Bangalooga 193,000,000, kaalinta Siddeedaad waa Luqada Ruushiya 167,000,000, kaalinta Sagaaladad Luqada Jabaaniska 122,000,000,  kaalinta Tobonaad waa Luqada Jafiiska 84,300,000. Halka luqada caalamiga ah tahay Luqada Ingiirisada.

LanguageApprox. number
of speakers
 1. Chinese1,197,000,000
 2. Spanish414,000,000
 3. English335,000,000
 4. Hindi260,000,000
 5. Arabic3237,000,000
 6. Portuguese203,000,000
 7. Bengali193,000,000
 8. Russian167,000,000
 9. Japanese122,000,000
10. Javanese84,300,000

Read more: Most Popular Languages in the World by Number of Speakers http://www.infoplease.com/ipa/A0775272.html#ixzz3bMatscDc

Waxaa dadka cilmiga dheer u leh luqadaha ee loo yaqano luqadayahanada(Linguistic), waxay sheegeen in dunida markii ugu horeeysay ka jirtay hal Luqada, taas oo inta kale ka soo tariifmeen luqadaha kalle, hadaba luqada ayaa asalka ah ayaa muran ka jiraa  yahay, balse waxaa u badantahay in ay tahay luqada Carabiga. Dadka markii hore hal luqad ayay lahayeen, waxa luqadaha abuurmeen markii dadku kala tagaan, tusaale ahaan: Dad meel wada dagaa oo hal af leh, ay kala guuraan, oo kala goodoomaya, marka mudo ka soo wareegto waxa abuurna luqado kale sababta waxa kala duwan cimilada iyo nolosha, luqada waxa ku saabsanahay nolosha dadka iyo deegaanka, waxyaabaha ku xeeran dadka sidda geedka, meel kasta oo ku yaal waa geed balse luqad kasta waxaa loo yaqaan wax gooni ah sidda luqada Ingiriisiga Tree. Luqada Faranjka Arbre, Luqada Arabiga شجرة , Luqada Isbaanishka árbol, Luqada Jaynaha 樹 Luqada Raashiyaanka дерево.

Siddaa darteeda, marka dadka tagaan deegaan cusub waxaa abuurma luqada cusub, ama waxaa isbadal wey ku dhacaa luqadii hore ilaa ay noqoto luqada kalle. Sidda ay luqaduhu isku xiran yihiin, waxaad ka dareemaysaa luqada Af-Somaliga hadii aan u fiirsato waxaa ku jira luqado kalle sida Af Carabiga, Af Ingiriisi, Af Talyaani, Af Hindi iyo luqado kalle. Sidaa si la mid ah luqada Carabiga, Ingiriisida iyo kuwa kaleba waxaa ku arkaysaa luqado kalle oo ku jira,

Waxaa keenayay isku xirantaanka ama is dhexgalka luqadaha  ganacsi, iyo hayaanka nolosha aamniga ee isku xiran. Waxaa taasi keenay in ay luqadaha kalla awood bataan, isticmaalkooduna qaar bataan qaar ay yaraadaan. Wax ka badan 2,500 oo luqadooda ayaa waxaa qarka u saaran in ay tirmaan.  Waxaa ku jirka luqadeena Af-Soomaaliga. Sababta ugu weyni waxay tahay iyadoo dadkii afafkaas lahaayeen aan daryeelin, oo u gudbintii jiilasha cusub iyo horumarin ku sameyn afkooga. Ilaalinta afka iyo kor u qaadida aqoonta afka waa muhiim. Ugu danbayntii waxaa Umadda Af-Somaliga ku hadash u soo jeedin lahaa in la ilaaliyo, daryeel buuxo la siiyo Af-Soomaaliga, cilmiga lagu qoro, loona sameeyo Xarunta Horumarinta Luuqada Af-Soomaaliga oo ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Waxaan wada ogsoonahay dalkeena waxaa qabsaday bur-bur aad u weyn oo ay ka mid yihiin dagaalo sokeeyo iyo argagaxiso. Waxay dhibaatooyin badan naga soo gaartay dhinacwalbo oo ay ka mid tahay bur-burka dalka, taariikhdeena oo luntay oo maanta u baahan in dib loo raadiyo taariikhdii dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo waxaa sii lumay afkii hooyo oo maanta u baahan asigana in howl badan laga qabto. Waxaan hadalkeyga intaas kusii dari lahaa dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed qaasatan aqoonyaanada inay is garab qabsadaan oo ay u howl galaan siddii ay u bad-baadini lahaayeen luuqadooda hooyo oo qarka ka dhici rabto maanta.


Website: www.machadkaaj.com

Facebook LIKE: https://www.facebook.com/AfkaartaJoogtada

Twitter Account: https://twitter.com/MachadkaAJ

Instagram: machadka_aj

G­oogle Plus: machadkaaj@gmail.com

Skype: machadkaaj.com

Professional Email: info@machadkaaj.com

Email: machadkaaj@gmail.com

Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCiplQWQxqR5WEjMtmVh5BIw

Facebook Comments Box

Continue Reading

Barashada Luuqadaha

Barashada Luuqada Ingariiska

Published

on

 


Cashirkii Koowaad: Barashada Luuqada Ingariiska (English Learning Language)

Luuqada English-ka waxay  ka  kooban tahay 26 xarfood oo ka billawda xarafka (A,) kuna dhamaada xarafka (Z).

Alphabets (capital letters)  (Iyagoo xarfaha waa weyn)

A  B  C  D  E  F  G  H  I  J  K  L  M  N  O  P  Q  R  S  T  U  V  W  X  Y  Z

Small letters (xarfaha yar-yar)

   a  b  c  d  e  f  g  h  I  j  k  l  m  n  o  p  q  r  s  t  u  v  w  x  y  z

Xarfahaas waxaa loo qaybiyaa labbo nooc oo kalla ah shaqal iyo shibane. Shaqalka waxaa loo yaqanaa  (vowels) iyo shibbanaha waxaa loo yaqanaa (consonants).

5ta shaqalka waxay kalla yihiin vowels: (a, e, i, o, u)

21-ka shibanaha waxay kalla yihiin consonants:(b, c, d, f, g, h, j, k, l, m, n, p, q, r, s, t, v, w, x, y, z)

Xaraf  kaligiis macno ma sameeyo, laakiin markii xarfo badan la isku geeyo ama la isku daro waxay sameeyaan erayo (words) macno leh sidda:

(house, mother, father, car, Friday, apple, students, teacher, globalization, international, city, speak, talk, state government, Somali government, university, college, classroom, parliament, conference) Iwm

Erayo badan oo la isku geeyaana waxay noqdaan jumlad (sentences),

Jumlado badan oo la isku geeyana waxay noqdaan Tuduc (Paragraph),

Tuduc gaareysa 2 ilaa 7 weerood waxay noqdaan Curis (essay). Curisyo (essays) badan oo la isku darayna waxay noqdaan cutub (chapter).

Muuqaalkaan hoose ka tixraac qaabka aad ugu dhawaaqeyso erayada Ingariiska……….

La soco cashirka qeybtiisa labaad…………..

Halkaan iska diiwaan geli haddii aad doonayso barashada luuqada ingariiska………….

 

Magacaaga oo seddaxan : *
Halka aad joogto : *
Da'da : *
Dooro Koorsada :  * 
Emailkaada : *
Fariintaada : *
 

 

,

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga23 hours ago

Ciidanka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo la wareegay magaaladda Buur-hakaba

Ameerika1 day ago

Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liiska dalalka la xiriira jebinta cunaqabataynta bangiga Mareykanka

Qurbo Joogta1 day ago

Mustaqbalka Soomaalida magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska oo su’aalo ka taagan yihiin

Doorashada2 days ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya2 days ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga2 days ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed3 days ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika3 days ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika3 days ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga3 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga3 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika3 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya4 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika4 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika4 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo4 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga4 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika4 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya5 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda5 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga5 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga5 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga6 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika6 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub6 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub6 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika7 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Xul

Diblomaasi.com