Ogow, markasta inkastoo aad tahay wariye, hadana waxaad tahay bini’aadam.
Dhab ahaantii in aad bini’aadam tahay waa xudunta wariyenimada, ma aha waxa aad soo gudbineysid inaysan ku dhaawacayn oo ay caadi tahay.
Mark Brayne: wuxuu wariye ahaa muddo 30 sano ah, qayb ahaan muddadaas, wuxuu u shaqeynayey BBC, oo uu ahaa wariye ka soo warrama dibedda, waa nin loo aqoonsaday inuu yahay la taliye xagga caafimaadka maskaxda ah (psychotherapist), Waana aassaasihii (European Dart centre for Journalism and trauma, (Xarunta Dart ee Europe ee Saxaafadda iyo aafada dhibaato araggu ku reebo maskaxda bini’aadamka).
Wuxuu ku talinayaa
In aad tahay Wariye micnaheedu, ma ahan in aad xiran tahay dharka aanay xabaddu karin, oo aad tagi kartid meesha ay dhibaatadu ka dhacday, hadana, aanay maskaxiyan ku dhaawacin. Wax kasta ka hor mari in aad tahay qof daacad u ah howshiisa. Ogowna qodobadaan soo socda:
- Qatarta
- Caqabadaha
- Iyo xadkaaga
Wixii cabsi ah ee aad qabtid kala hadal dadka ku haboon, ammaankaaga, qoyskaaga, isku kalsoonidaada. In aad ka hadasho dhibka ku haysta wax wayn ayay maskaxiyan kuu taraysaa. Sidaa daraadeed, ha isku koobin keligaa. Ugu danbeyta, raadi sheekada ama warka aad rabtid in aad soo gudbisid. Samee diyaargarow wanaagsan si aadan waqti dambe u walwalin.
Shaqada qabo.
Waxaad tagi kartaa meel ay dhimasho taallo, dhibaato ka dhacday, iyo xaalad murugo leh oo aafo kugu reebi karta. Waxaa meesha ka baxaya wixii raaxo ahaa ee aad awal haysatey ama aad ku sugnayd, weriyenimadaada ayay saamaynaysaa. Sidoo kale bini’aadannimadaada ayaa kugu noqoneysa mid ka hortimaadda shaqadaada weriyenimo.
Sidee uga baxaysaa xaaladdan.
Ogow, waxaa kuu taalla shaqo ay tahay in aad qabatid waana mid lagama maarmaan ah. Waxaad tahay wariye ee ma tihid dadka wax badbaaddiya, waxaad meesha u joogtaa in aad ka soo warrantid waxa meesha ka dhacaya. Mararka qaarkood, waxay noqoneysaa mid dhib badan, waxayna noqoneysaa in aad qaadatid go’aamo adag. Kaba soo qaad, ma waxaad qaadeysaa oo aad caawineysaa ama badbaadineysaa qof mise waraysi ayaad qaadeysaa?
Bani’aadamku, wuu jilicsan yahay. Marka ogow waa in aad diyaar u noqotaa waxa aad la kulmi doonto.
Ogow, inaad iska xirxirto wax kasta ma aha.
Waan in aad ogaataa in ay ku cabsi galinayso, oo ay ku dhaawacyso dhacdada aad ka soo waramayso. Balse, markaa kadib kala hadal saaxiibadaa. Waa sida aad masxkaxdaada uga saari karto.
Halka aad ku nooshahay
Sideed u soo gudbineysaa war adiga ku taabanaya? Maxaa dhacaya hadii adiga iyo qoyskaagaba ay quseysa ama taabaneyso sheekadan?
Wariyaha iyo la taliyaha xagga maskaxda Mr. Mark Brayne, waxaa uu leeyahay waxay arrintan noqon kartaa mid wanaagsan iyo midaan wanaaganeyn labadaba. Waxaa lagaa doonayaa in dareenkaagu uusan saamayn warka aad tabinayso, oo waa in uu ahaadaa war sugan si daacad ah u gudbi warkaaga. Waxay kaa saacidi doontaa in aad qabato howl micno wayn ku fadhida. Dhinaca kale, waa in aad ogaataa arrimaha adiga ku quseeya ee wax yeeli kara xaqaa’iqa iyo sida aad dhexdhexaadka u tahay. Hadii aadan ku milmin sheekada oo aad bannaanka ka joogtid, oo marqaati uun ka ahaato, waxaad awood u yeelanaysaa in aad miisaanto dhacadada oo si sugan u sheegto.
Naxdinta ama Walwalka: Calaamadihiisa/Ifafaalooyinkiisa
Raadka uu reebo naxdinta, waa adigoo dhaawacmay oo kale, xanuunkan calaamadihiisa waa dhaawac dhinaca qalbiga ah. Calaamadahani seddax ayaa loo kala saari karaa:
1. Saamaynta maskaxda
Si wanaagsan uma fakari kartid, waayo waxaa ku mashquulinaya sawirro ay maskaxdu ku tusayso, kuwaas ah dhacdooyinkii aad horay ula soo kulanto raadkii ay kugu reebeen oo maskaxdaada ku soo noqon noqonaya iyo hurdo la’aan habeenkii ah.
2. Taxadar xad dhaaf ah
Waxaad iska ilaallineysaa in aad booqato meelaha qaarkood sababtoo ah waxaad ka baqaysaa inay wax xun kugu dhacayaan, waxaad noqoneysaa qof si u dhintey ama aan dareen laheyn.
3. Walwal iyo Hayi kac
Garaaca wadnahaaga, ayaa siyaado noqonaya, waxaad u dhiddideysaa si xad dhaaf ah sabab la’aan. Waxba ma qaban kartid sababtoo ah maskaxdu waamashquul. Hadii aad soo kacaysid bartamaha habeenkii go’aaga oo dhidid ka buuxo, ogow taasi waa calaamadda lagu garto wixii aad la tacaali jirtay, ayaa saamayntoodu sii badanaysaa, adigoon ogayn.
Ka taxaddar Naftaadda. Ka taxadar qalabkaaga shaqada, sidoo kale ka taxadar jirkaaga ama naftaadda.
- Hurdo fiican seexo
- U cun cuntada sida joogtada ah ee suurtagalka ah
- Yaree ama hoos u dhig cabitaanka aalkoladda iyo wixii la xiriira
- Jimicsi samee
- Hawada qaado, oo banaanka uga baxo guriga
- Ma tihid qof bani’aadamka wax dheer ee ka hadal waxa ku haysta.
‘We know from a lot of experience and a lot of science that if you talk about what you’ve been experiencing it helps the brain and the body to process it, and there’s much less chance that you’re going to fall over.
Waxan ku ogaannayy waayo-arragnimo iyo cilmiga-sayniska labadaba, in hadii aad ka hadasho dhibaatooyinka ku haysta aadan kaligaa isku koobin, inay maskaxda iyo jirkaba ka caawineyso inay aqbalaan dhibaatada oo ay ka caafimaadaan. Waxaa meesha ka baxaya walwalkii.
Ha fuddudeysan
Hay’adaha saxaafadda ka shaqeeya dhibaatada ka dhalata shaqada ee maskaxda saamaysa, waxay u qaataan si dhab ah si ka badan sidii ay 10 sano ka hor ay u eegi jireen ama u tixgelin jireen. Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa haray wax badan, oo ay tahay in la qabto. Hadii aad u dirto qof meel qatar ah ama ay ka shaqeeyaan macdanta, ama meelaha quwada atoomikadda, ama goddadka dhuxusha laga qodo, waxaad qaadanaysaa tallaabooyinka ay ku badbaadayaan.
Sidaa daraadeed, waxaa jira casharro ama koorsooyin loogu tallo-galay sida ugu fiican ee ay ku badbaaddi karaan kuwa aadaya meelaha ay qataruhu ka jiraan.
Laakiin, maxaan ka dhahnaa raad reebkooda?
‘Xanuun jahawareerku’ waa xanuun warriyayaasha uga yimaadda shaqaddooda sababtoo ah waxay markasta arkraan waxyaabo dhibaato badan, oo bani’aadamku ama dabeecaddu ay u geysato bani’aadamka kale.Wariyayaashu, waxay ku dhintaan meelaha ay colaadduhu ka jiraan, waxaana soo gaari doona dhaawac maskxadeed.
Taasi, waxay qeyb ka tahay shaqadeena, waa qayb ka mid ah qatarta soo wajahaysa wariyayaasha sida askariga, ama kuwa dabka damiya, ciidanka booliiska, (ogow in aad dhimashadda ula siman tahay dadkaa lasoo sheegay)
Shaqo ahaan, waxaynu nahay kuwa ka jawaaba waxa marka ay dhacaan, sidaa daraadeed, hay’adaha, waxaa ka saaran masuuliyad sharciyan ah inay ka taxadaraan ama ay daneeyaan xaaladdahooda.
Waa arrin bannaan in aad caawinaad raadsatid.
Balse ogow, waxaa jira waqtiyo aad u baahan caawinaad cilmiyaysan oo aad u tagto dhaqaarita cilmiga u leh.
Calaamadaha ugu waaweyn, oo ay tahay in laga dignootaado, waxaa ka mid ah:
- Riyada habeenkii ah ama dareen maalinta cad ah
- Wixii aad la soo kulantey, oo kugu soo laallaabta
- Cabitaanka qamriga, oo la badsatid
- Iyo xiriirka dadka aad la leedahay, oo dhibaatooyin soo wajahaan waliba midka aad la leedahay qoyskaaga ama xaaskaaga.
BBC, waxay xirriir aanay cidna la socodsiin karin baaritaanka caafimaad ee shaqaaalahala leedahay la taliyayaasha xagga maskaxda, kuwaasoo diyaar kuula ah inay kaa caawiyaan dhibaatadaada.
Hadii xaaladdu sii xumaato, waxaa ku haboonaan kara in la helo dhakhaatiirta xagga maskaxda baara. Xussuusnow markasta, waxaad tahay bini’aadam in aad caawimaad raadsatidna, waa wax jira, si kasta oo aadan ugu faraxsanayn.
Baro waxwalbo adigoo gurigaaga jooga waxaadna ka heli kartaa Somalism.org