Connect with us

Suugaanta

Boqorka Dhaantada Casriga ah!

Published

on


Dhaantadu waxa ay foolaadka hore kaga jirtaa ciyaaro dhaqameedka Soomaalida. Waqtiyadii ugu dambeeyay dhadhan gaar ah ayey samaysay, markii Miyuusig lagu ladhay. Magaciisa oo dhamaystirani waa Cali Bashiir Cabdi, waxa uu ku dhashay degmada Cadaadle ee gobolka Shabeele. Badi soomaalidu waxay leeyihiin Naanays oo waatii la odhan jirey, “Nin bilaa Naanays ahi Waa Ri’ bilaa gees ah”, haddaba iyadoo taasi jirta, ayaa haddana dadka fanka ku jiraa leeyihiin Naanayso lagu sooco, Naanaystiisuna waa Cali Dhaanto, wallow ay jirtay Naanays muddo kooban loogu yeedhi jirey, oo ah Cali Dhaqan haddana Tan ayaa ka awood batay. Magacii iyo Naanaystii ugu horeeysay ee loogu wanqalaa waxa uu ahaa Cali-Xaydar.

Xilliyadii dugsiga Hoose Dhexe uu ku jirey, waxa uu qaadi jirey Heesaha Qaraamiga ah. Islamarkaan waxa uu ku wanaagsanaa Qoraalka, Sawirada iyo Farshaxanka. Jigjiga ayaa uu usoo guurey, isaga oo la hoorraya jeceylkii Fanka, gaar ahaan Heesuhu kama hadhin. Nasiibku waxa uu ku beegay Koox-Faneed dawladda deegaanka Soomaalida loo samaynayey, kuwaas oo tartan loo qabanayey.Tartankii ayuu galay waanu ku guulaystay. Sanad ka dib waxa uu Ibo-furay duubidda Heesaha. Jigjiga ayaa uu Tooshka iyo Tiriigga Fanka horqaaday oo Magaca Boqorka Dhaantada loogu Wan-qalay. Dib waxa uu ruux ugu afuufay oo luxudka kasoo kiciyey, Hees dhaqameedkii Dhaantada oo aan soo dhaafi jirin Bar-kulannadii Baadiyaha iyo gegidii Geel-jiraha.

Bog taariikheed cusub ayaa uu ufuray Fanka deegaanka iyo Dhaantada. Xilliyadii hore dhaantadii qaydhinka lagu budlin jirey, ee gegida buska iyo awaaruhu ka kici jirey kolka ay garangarta dhulka qabadsiiyaan Baarleex, Qaryaan Raaxeeye, Mataan Ciideed iyo raggi caanka ku ahaa dhaantada hadda waa loo labisay oo bog qurux badan ayaa loo furay.
Dhaantadii ugu horeysay ee uu masraxa iyo Mawjaddaha Fankaba kusoo fuulay, waxay ahayd tan hoos ku qoran:-

“Hidaa lagu ababiyoo
Hooyadii dhashaybaa walee
Hufane dhaqankeena wacan
Haboon ku barbaarisee”.
Dhaantadani ma gaadhin meel fog balse’ tii ku xigtay oo ahayd Codka Wiilkoow ayaa rajo weyn muujisay. Dhaantada Codka wiilkoow, waxa la qaaday gabadh lagu magacaabo Aamina.
“Codka Wiilkoow
Yaa cajalad ku duubta
Naa gobeey
Saddex way gurguurtaan
Gobeey biyo dooxa
soo galayee
Naa gobeey diinkuba
Wuu gurguurtaaye
Codka wiilkoow
Yaa cajalad ku duubta”.

Jiraalka fankiisa mar kaliya ayaa uu gooyay xawaare layaable, oo shacbiyadda Cali-Dhaanto la jaartay daraaruraha loogana baaqay meel fog, waa kolkii uu dabka kasoo qaadday Dhaantada ah:-

“Yarta dheereey hadaad
dhuunta mari lahayd
Sida dheeftaan
Caloosha ku dhigan lahaa
Sida dhoolka hilaaca
Ama dhaysta daruurta
Dhexyareey dhaayahaygu
Way ku dhawranayaan
Kuma dhaafi karaayee
Dhooleey dhexda ma is qabsanaaye”.

Hees-Dhaanteedkaasi waxa curinteeda lahaa, nin magaciisa lagu sheeggay Najiib. Taasi oo loogu talo-galay Afada uu guursaday Cali-Dhaanto. Sida uu ku sheeggay xog-wareysiyo laga qaadday isaga iyo Axmed Budul, oo wada socda ayaa yimid golihii kooxda oo ay fadhiyaan, Najiib iyo Musiishan Cabdi-Beele kuwaasi oo ugu bushaareeyey in ay heestan tuman ugu talo galeen arooska Cali. Meerisyo ka dhinaa dhaantada ayaa uu Axmed Budul ku daray. Kolkii munaasibadda Arooska dharaar qudhi ka hadhsan tahay, ayuunbaa si kediso ah xukuumaddii deegaanku ubaxday safarkii “Ubbo-Quusiis” ee uu hoggaaminayey Cabdi-Iley. Cali iyo kooxdiisiina shidhka gaadhiga loo saaray. Soomaalidaa ku maahmaahda nimay meeli u cadahay meeli ka madoow, Cali guurka iyo guri-galka ayaa umuuqda. Maankiisa waxa ka guuxaya tuducyo kamid ah Heestii Balad-Weyn ee abu-Hadra:-

Cali Bashiir Cabdi, waxa uu ku dhashay degmada Cadaadle ee gobolka Shabeele. Badi soomaalidu waxay leeyihiin Naanays oo waatii la odhan jirey, “Nin bilaa Naanays ahi Waa Ri’ bilaa gees ah”, haddaba iyadoo taasi jirta, ayaa haddana dadka fanka ku jiraa leeyihiin Naanayso lagu sooco, Naanaystiisuna waa Cali Dhaanto, wallow ay jirtay Naanays muddo kooban loogu yeedhi jirey, oo ah Cali Dhaqan haddana Tan ayaa ka awood batay. Magacii iyo Naanaystii ugu horeeysay ee loogu wanqalaa waxa uu ahaa Cali-Xaydar.

“Saw taliye baaso
Ba’anoo warmoogii
Taydii ma beenayn
Biri May xumaato
Baatroolki daato
Ka wadaa bukoodoo”.

Waloow markii la baxayey lagu dagay in dhul dhaw laga soo noqon doono, haddana taasi biyo col-dhaanshay ayey noqotay. Maadaama arooskii baaqday, Dhaantadii deegaanka Bulaale ayaa markii ugu horeysay lagu qaadday. Maalmo dabadood Cabdi-Iley oo Dhagax-Buur kaga hadhay, ayaa soo gaadhay oo amray in meel kasta oo ay maraan laga shido Dhaantadaasi. Hal muceedka heestaasi daraaddeed, ilaa sideed iyo toban Cisho ayey Yarta dheereey sii hayeen. Dabarka ayey goosteen Keydka Dhaantooyinkiisa hir-galay. Badda-Jawle,Orka dhaantada
Balxaroobaad,Tamuush, Geenyo,Timo-Sadaraleey,Boggaygaa ku taba,Suqra I.Q.K.B.

Magaalowga Dhaantada iyo soo kabashadeedu, waxa ay fursad siisey dhalinyarada ku koray Bandaradda si ay uga bogtaan Hidihii soo-jireenka ahaa ee Soomaalida. Inta badan muuqaallada, codadka iyo miyuusigga ku lamaani waa Fariin-Sidde aamusan oo mug weyn. Muuqallo xilli hore ay dadka ugu dambaysay ayey Dhanatada Casriga ahi ladhkooda soo kicisay, oo waxa suurto-gal ah in ay dhaayahaagu qabtaan inta heestaa dhaantada ahi socoto:- Maysin daaqaya, Maal dararay, Geel-Durduuranaya, gurbood adhi la joogga, Waayeel shax ciyaaraya, Hooyo hadhuudh tumaysa, doogsin dhuleed iyo Hadhuub la culayo. Hal gole dhaanteed ayey ku kulmayaan Doobab saarku biyo-dhigay, oo labadii Qayd ee Maxamuudiga ahaa [Go’yaal Cadcad] ku joogga iyo Shabaddo curub ah oo ku lebisan Saddex-Qeydkii, Subeeciyaddii, Dhaclihii, Boqorkii iyo Kuushii Cunaabiga ahyd. Malaha xasuustayda muuqaalkaasi waxa uu Af-naqay, meerisyo kolka Gu’gu curto fiid-cawlka dhalinyaradu ku banaysan jireen Baashaalka, Farxadda, Haasaawaha iyo Isu-bulshaynta oo ahaa:-
“Ma kufriyin ilaahoow
Sacabkaa kalkii galay”.

Kacdoonkii dhaantadu soo dhaaf Dhagax-Buur, Jigjiga, Godey iyo Dhagaxle, oo sidii Cabdi-Sinimoo Balwada ubaadi-goobay laga soo dabaqaad :–

“Balwadii baxasatoo
Baray qabatee
Bigfoor maku baadi goobnaa”.

Hargeysa ayaa hugunka dhaantadu gilgilay oo munaasibadaha laga daaray. Muqdisho ayaa laga muusooday, muraaqo darteed ayaa masrax walba laga tumay. Dhaantadii waxa uu ka gudbiyey Bad-Weynta Yurub iyo Afrika isku xidha. Musiishano Iswiidhis ah ayaa hadda garbihiisa tuman, oo Istookhoom ayuu Lix sanaba ka tumayey Heellada. May noqon Dhaantadii mid baraq-Jabta, balse xidigeedii waa widhwidhay Axmed Budul, Bashiir Jaawi iyo Nuur-Caraale ayaa saaxada subaxyo kale ku waabariistay oo kusoo biiray safkii Cali Dhaanto. Hal la seeggay ayaa jira oo inta badan Suugaanta Cali gaar ahaan Dhaantadiisu kaga gedisan tahay faciisa dheela, ee Dhaanteeya inta badan Dhaantooyinkiisa jacaylka ubadani waa dooni dalxiis oo dhul aanad maqal ayaa kaaga kordhaya.

Cali Dhaanto iyo Laxanadii Luxdanaa ee miyuusigu wehelinayey waxa ay raxle, Jiib, Jaan iyo Qoor-Jebinba leh ku dileen dhagtii maqashay ee maalmo dhugatay. Dhinac kale oo bilay Fanka cali ayaa jira oo waa Hal-abuur curin kara Hubkii darandooriga ahaa ee uu ganayey, Dhaantada Geenyo oo kamid kuwa ugu midhaha wanaagsan ayaa uu alifay isaga laftarkiisu. Intii aan waraysiyadiisa daawanayey waxa ii soo baxay Cali inuu yahay Qalanbaawi Hadal-yaqaanimo iyo Maadba Isku darsaday, oo Hobollada kale waa ka gaar xagga hadalka mararka qaarkood kaba aftahansan Suxufiyiintii waraysanayey. 14-Sanno ayaa uu fanka ku jirey waxaanu noqday Tabliiq Faneed, iskaga dab qaadday oo u ciyaar guday Dubaay, Garoowe, London, Fiilaan, Muqdisho iyo Hargeysa. Silsilada Wardoon ayuu bilaabay, Heestii ugu horeysana waxa sameey Xasan Xukun Garaad. Silsild bur iyo biyo loo kala baxay ayey noqotay. Cali-se daltabyo ayaa uu muujinayaa kolka uu fariimaha dabacsan soo dirayo Isbedelada geeska gaar ahaan dadkii Soomaalida ah ayuu war ka doonayaa.

“Intaan dibadda iyo
Dal shisheeye jirey
Dadkii DDS-oow
Waan idiin darsaday
Aan dawoobee
Warkiina ma iisoo dirtaan
Diraacdiyo abaartii
Masoo doogsateen
Dayrtii iyo sidee
Roob idiinku da’ay
Doogii masoo baxoo
Awrtii ma doobidaa
Dalkeeni ma nabad qabaa”.


 

Facebook Comments Box

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Suugaanta

Burmad iyo Bad-Weynta Suugaanta!

Published

on


Sidiiq Maxamed Burmad waa hal-abuur ereyadiisu ku labbisan yihiin Hibo iyo Farshaxannimo, nooceeda beryahan naadirka ku ah suugaanyahanada. Waa heello-maal heesihiisu baadi-sooc gaara leeyihiin, oo qofka in uun yaqaana curinta suugaanta, aanay kaga dhex lumayn (qasmayn) booshaaqa waayadan la tiriyo. Sidan waxa faallo ku bixiyey oo qorey shan sanno ka hor, Xasan-Daahir Ismaaciil [WEEDHSAME].

Feeggarida xarfo la baahiyey oo lagu qorey mareeg, kama dhigna in aynu gudnay abaalka Suugaanyahan murtidiisa lagu dhayo boogo milil noqday, oo baahan. Wacyiga suugaaneed ee heerka sare leh, af-gaabnida iyo Mabda’a aan labac-labacda lahayn, ee shaqsiyaddiisa ku lingaxan ayaa sifo kuugu filan. Qarnigan 21-aad suugaan shilis ayaa uu dunida keenay, oo ay adag tahay inaynu maqli wayno.

Waa durdur suugaaneed aan gudhin oo haaneedaya mucdii iyo miidii qofnimo. Wuxuu taageeray oo suugaantiisa mucda lehi soo saartay, hibadda codeed ee Hobollo cirkaa tagay, oo aan hadda caad qarin karin “Cadceed duhur joogta, sacabadu ma qariyaan”. Halkii ay lodkii hore ugu jireen Maxamed Cali Kaariye, Sulub, Axmed Saleebaan Bide I.Q.KB. ayaa uu ugu jiraa jiilka dambe.

Waa Caroog, loogu hadlo inta dareenadda kalgacaylku golongoliyeen. Cadad iyo tiro toona malaha inta uu gar-yaqaan suugaaneed u yahay, ee miciinsata weedhaha maankiisa kasoo burqada. Khabiir weyn oo garaad ku ah ka dhex hadlida quluubta dadka iyo tarjumida dhacdooyinka waayonololeed, ee ku xeeran. Suugaantiisu waa mid baadi-sooc leh oo rajo iyo yididiilo ku abuurtay Shaqsiyadayda.

Sabankan fanka laga dayriyo, kolka aan midhihiisa maqlo culays badan oo welwel i galin jirey ayaa iga dega. Ka sokow garashada iyo barashada aan bartay Sidiiq, ilaa hadda waa dadka sida gaarka ah ii saameeyay. Nin dad jecel, gaar ahaan dhalinyaradu aad uga mahad sheegtaan. Kolkii hore keligay ayaa ismoodayey inay aragtidaasi igu kooban tahay, balse markhaatigaasi waxa ii furay Cumar Seerbiya oo sidan hoose ku qorey boggiisa:-

“Astaan gobonimo, adkaysi iyo walaalnimo, qof kasta oo ay duruufaha nololeed kulmiyeen, tan markhaati ayaa uu ka noqon karaa! Aniga oo og wanaagiisa ayaa aan arkaa dad kale oo ka mahad-sheeganaya. wanaag iyo Gacan-qabasho ayaa uu astaan u yahay”

Xirfadle ku dhawaad labaatan sanno ku dhex jirey warbaahinta. Raadiyoow Hargeysa ayaa uu 2003-dii ka hawl bilaabay, aadna waxa loogu xasuustaa barnaamijkii “Xulashada Raadhiyoowga” isaga iyo Raxma Abu-Hurayra. Wallow waqtiyadii u dambeeyay uu laanta af Soomaaliga, ee BBC-da uga waramayey Hargeysa.1983-dii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa. Shan sanno waxa uu ka shaqaynayey oo uu tabbabare u ahaa, weriyayaal isaga oo ushaqaynayey Haayad Holandiis ahayd, oo la odhan jirey FREE PRESS. Shahaadada heerka koobaad/Degree-ga waxa uu ka qaatay Jaamacadda haayadda Shaqaalaha Somaliland.

Fasalka toddobaad ayaa uu ku bilaabay suugaanta, sida uu ku sheeggay waraysi laga qaaday. Afar goor ayuu uu ka qaybgalay tartan suugaaneedyo, waxaanu laba ka mid ah, galay kaalinta 3-aad, halka labadda kale uu ku guuleysay kaalmaha koobaad iyo labaad. Dhagteenu kolka ay maqasho magaciisa durba waxa qub inaga soo yidhaahda heeso iskugu jira guubaabo, Daltabyo, Calaacal/Tawaawac iyo amaan mano-sheegashadu ku dheer tahay. Sidiiq Maxamed Burmad mid ka mid ah mashiinadii hoboladii xiddigaha–Geeska gacanta weyn ka gaystay, in ay wacadaro ka dhigaan masraxyada Hargeysa.

Mar kale waa warshaddii soo saartay ama ina bartay Axmed Arshe iyo Cabdi-risaaq Anshax-ba, mucda heesaha uu u dhiibay darteed. Sidoo kale waa Suugaanyahanka leh, mid ka mid ah saddexdii heesood ee ibofurka u ahaa heesaha Nimcaan Hilaac. Heestiisii ugu horeysay ee Miyuusig loo tumo ee uu alifey waxa ay ahayd, Xalaawatul Laws.

Halkan hoose ka daalaco Suugaanta uu curiyey gaar ahaan heesaha Miyuusiga loo tumay, ee ay qaadaan Hobolladu.

1. Yaa yidhi ma jiro caashaq
Oo jaahilnimo sheegtay
Dhibse yaa jacayl mooday
Oo garan jibada haysa
Kuna sheeggay jeefaafka— Codka Mursal muuse

2. Bestii weeyaan dartaa dheh
Illaa hadda muu bogsoon dheh
Bukaan weeyaan sidii dheh
Marwuu baaxaa dagaa dheh
Mar wuu isku buuqayaa dhe
Kiiyoo jooguu baxaa dheh
Baraaruga wuu nacaa dheh— Nimcan Hilac

3. Jacaylkuba ma biyo dhigin
Qalbi dhowr wadaagaan
Oo dhinac mid kala wada
Adna meel wax kula dhiga
Dhagax qudha haddaad laba
Dhimbirood ku wada dhufo
Way dhici isleedahay
Waanay kuu dhaboobayn.
Malaa dhaadi mayside
Waa dhimbiil hinaasuhu—- Barwaqo Qalanjo

4. Naftaydani waa liciife
Rabboow laabtayda daafac
Liibaantana igu hanuuni
Ladnaantana haygu hoojin—- Codkii BK

5. Xasuusta ayaamo aan xanibnaa
Xaniinka jacaylku xoog ubadnaa
Anoo xayirnaa Dartaa xawilnaa
Xawilnaa xogtayda halka aan ku sugna
Ahayd mid xumayd xasaasi ahayd
Adaa xuladkii Xamdaay damiyee
Xalaal dhaladeey Xalaawatul laws———-Nimcaan Hilaac

6. Waa loox-maxfuudkee
Liidnimo kumaan hadhin
Adna laydha guurkaay
Soo leexo maantoo
Sida geed lux maankoo
Laabtayda maanqaad—–Anshax

7. Waxaan guudka saarta
Eed aanan weli gelin
Waanan raali-geliyaa
Bal inaan la kala go’in—- BK

8. Dugsi loo hilloobiyo
Hadh-dacaar gabood male
Qunyar heego luudiyo
Hoosiisna jiif male
Hammo beena mooyee
Ragna hanasho reer male
Hel ugbaad lamoodaa
Mooyee han kale male
Been dumar kusoo hoy
Hadhawtana run kula dhaqan
Ragga waa u halhaysoo
Waa waxa haween baday—Ugbaad aragsan

9. Mar i dage i dagi maayo
Dibna noo furfurmaayo
Dayn maayo tuu maanku
Kulankeeda doonaayo
Niyaduna ku doogayso
Caashqu dan guud maha
Laba ruux dareenkooda
Waa dabar ma taaneeya
Qof kalo ka meel doona
Waa dulsare uma baahna——Codka A.arshe

9. Hormood meel aad u tahay
Halyey meel aad ka tahay
Kutahay hodanaad ku tahay
Qof haybad leh aad ku tahay
Dalkaaga laga helaa
Hargeysa laga helaa
Bulshadu waa habarwadaag
Hilbiyo dhiig wada dhashoo
Himilo ku midaysanoo
Hadafbay wada qabaan— Codka X.Geeska

10. Dalkaa kuu baahan kuu baahan
Barwaaqada aan helnee
Soo bixi soo bixi
Bulshooy soo bixi cashuurta- Codka
Xidigaha-Geeska

11. Bartu waa Garoon
Bogcadii ciyaaraha
Barbaartii lasoo xulay
Tartan loogu baaqee
Bulshayahay rag iyo dumar
Bilaaboo usaraca kaca
Sacab badan haloo tumo—Codka X.Geeska

12. Haweenbaa hoodo sheegta
Haweenbaa samo u hiisha
Haweenbaa qaran hagaaja
Haweenbaan hadimo beerin
Hog iyo booraan la eedo
Halbawlaha horumarkeenu
Iyaga weeyaan hubaale
Heerkiyo nabadaynu joogno
La’aantood lama heleenba—- Xidigaha Geeska

13. Anigu cidna uma xagliyo
Xukuumada lama safani
Xisbina waligay magalin
Xergaarahan uma shaqayn
Waxaan ahay Weriye xora
Dadka na xulafaysi nu nahay–X.Geeska

14. Nabadeey Warkaa sheelan
Nin ku waayeybaa sheegga
Nasanoon habeen seexan
Noloshana ku guul seega–Xidigaha Geeska

15. Uduggaagu waa cuudka
Ama cadar isoo jiita
Carfigaagu waa gooni
Cid kaloo heshaa joogin
Midab kaagu waa caynka
Cirka dayax kasoo muuqda
Caddo-niidhi weeyaane
Carro-edeg dadkaa jooga
ma cidbaa ku gaadhaysa
calashaan ilwaadkeeda——–Axmed Arshe

16. Dugsiiya Alloow dejiya daalka iga bi’isa
Daymo qurux ilwaadloo indhaha duwata wiilkooda
Doojisa hankeygoo darmada wadhata laabtayda
Diif tira diihaalkiyo dhibtaba iga daryeelaysa
Oo halkaan ka doonaayo halkeed iga dareemaysa
Ii dul badanoo iina debecsanoo iina dumareysan—–Cabdi-risaq Anshax

17. Maxaan hagardaamo qabay
Hurgumo aan iga ba’ayn
Calool-xumo hadallo beera
Adoon eray ii hambeynin
Qasana toban goor la hoyday
Hayena aan kaa sugeyn
Nafteydaan kaa hareyne
Inaan jaro haybintaada
Awoodeedaanan haynine
Hadmaan caawana is keenay? C.Anshax

18. Mar waan kugu dawoobaa
Mar waan kugu durroobaa
Waxaad doojisaa laab
Caashaqu ku daabacay
Magacaaga deeqaay
Mar waa dudumisaa
Damaq baad ku reebtaa
Oo waad ku digataa
Naftan dabarku kuu xiray
Ama dayso oo dhowr
Ama daa I daayooo
Meel kale u diga-rogo—–C.Anshax

19. Inaaf iski dookhtihiin
Lamaame isdoortayoo
Ilaa xad isdeeqayoo
Isdaawada aad tihiin—– Bk

20. Qaadiroow alahayoow,adigu Qumane ii soo xul
Quruxdaada kaa hoo tidhoo,Weli qadhaabaysta
Laabtaada adigoo ku qorey ruux isqaban waayey
Oo qoolaali meel kale ka jecel,Qalanjo loo hooyey
Qof nool lagama quustay,Naftani qiil ka dhigataaye
Qaflad ruux ku sugan,shaw eleen male Qaneecaade——-Codka Xamda Cabdi Kinaal[ Kuwiin]

21. Wanaagu dhibaaga
Jacaylka dhantaaga
Xumaan udhafraaga
Shirqoolo dhigaaga
Dhanxiirka warkiisa
Dhexdeenu madeeqdo
Dhambaal xumayaasha
Dhexdeenu maqaado
Dhididkoodu ku kooban
Dhawaaqa Iblayska
Dhagteenu ka awdan–Yusuf Hanad iyo Asma Love

22. Ma beelbaa beel wax dheer
Miyaan bini’aadamkuba
Ka iman boodh iyo candhuuf
Hadmay kala baab noqdeen
Oo yaa qaarkood boqraday
Badhkood yaa hoos u dhigay.
Intaad dhaqamadan bahdilan
Ee aan diintuna bannayn
Buruudka u haysataan
Bulshooy waad liidataan—

23. Ma ku tidhi hortay cidi i hoo
Oo i hano hoodo?.
Maku tidhi hortay waan ka helay hadal macaankaaga ?.
Anna hoo warkaygoo jacaylkaagu i hel maanta.
habluhuba markay soo gashay ila hagaasaane
Luqunteeda taakada hal dheer hilibka laalaabmay.
Hoogaanso kubabkeeda eeg kor iyo hoos buuxa.
Dibneheeda yaa kala hadhoo haysta ragi leeyay.
iyo dhaayo hanaqaa ku jara haamadiyo laabta.
Kol hadaanan kaa haysan karin hanatay laabtiiye.
Maysku kaa haleeyaa aduu hadal ku joogaaye.——–Axmed Arshe

24. Hugunkani ma faraxbaa?
Ma jacayl hirgalaybaa?
Ma labaa halkuu rabay
Hanku maanku laasimay?
Haasaawe meelmara
Dhaxalbaa ka hadhayee
Oo ma hoygalkiibaa?
Ma habeenno khayrlaa?
Hambalyaannu leennee
Anna heelladaydii
Soomaan u hagar bixin——-BK

25. Ulashadu jujuub maaha
Amar iyo i yeel maaha
Ikhtiyaar ka qaad maaha
Irrid xidhan garaac maaha
Adigoo qofkaad doontay
Aqbalaada kaa diiday
Daba orod hadana maaha
Isagana kadeed maaha
Ubaxeey ilamada jooji
Jacaylkana ka saar uurka
Urugada kadaa maaanka
Anna eedda hay saarin
Ubad iyo nin reer laanay
Oo oori qaba fiican ——Yuusuf Jeego

26. Qalbigu wuu taamayaa
Wuxuu tabayuu rabaa
Tiiraanyana wuu qabaa
Tumaati ku kaysa oo
Ayaamo tilmaamanoo
Taguu sii dhaadayaa
Xusuusaha taabayaa
Midkaan u tasoobay iyo
Hargeysa kamaan tageen—Yurub Geenyo

27. Dab iyo axdigii digaad ka dhigtoo
Dubaaqiyo maanka waad dubatee
Anoo kuu dabacsanbaad dig tahee
Maxaad ka dudaa Aan kaa daayee—Arshe


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Basbaas – Jilaagii Bashaashka ahaa

Published

on

Sawirka waxaa sameeyey oo design gareeyey Somalism - cinwaanka qoraalka Basbaas - Jilaagii Bashaashka ahaa

“Intii Hore aakhiraynu jirnee
Iftiinka hadaynu aragnee
Ilaaheey mahadiisa weeye”

Taladdaba kumaan darin dugsiga aad subaxii ku kalahdo, Jawharad Faneed iyo Jilaa bashaash ah ayaa la jaara. Maqalida magaciisa iguma yara, balse aragiisu waa ii dhinaa. Gelin dambe goor ay casar dabadii tahay ayaa aan u dhaqaaqay xagga gurigiisa. Galabkaasi waan Xasuustaa waxa uu ku labisnaa shaadh buluug ah iyo macawiis Abu sarande ah. Kaabadda gurigiisa ayuu fadhiyey. Laba nin oo aanu isku fasal ahayn ayaa ila socday, Mar waan muunsooday oo waxa aan aad ugu bogay, inaan arkay mid ka mid ah boqoraddii Masraxa Soomaalida. Mar kale dayac ka muuqday ayaa idareensiiyey, inaanu tol faneed oo garab jooggaa aanu jirin. Sheeko badnaan iyo Farxad ayaa wajigiisa la widhwidhayay. Wallow uu xilligaas xasuus ahaan aanu wacnayn, haddana cajiib ayuu ahaa taagtiisa! inaad ka caajisina waa uu jeclaa.

Gabadh uu dhalay oo haysay ayaa kulankaasi nagu wehelinaysay. Qisooyinka aan xasuusto waxa kamid ah, tii Nikaaxa ee Macalin Casayr, Haraatidii uu Huryo tiyaatarka kaga tuuray, Kamankii ay xaddeen, Riwaayaddii imaam laba-raad iyo Ina-Cigaal wixii dhex maray. Intaan la fadhinay Magac weyn iyo arag weyd ah ayaa iimuuqday. Caqaar yar oo Jaad ah buu maalmaha qaar burburin jirey, dharaarta uu cuno aadbaan ujeclaa oo  aadbuu noogu sheekayn jirey, annaga oo waxba weydiin. Xiiso weyn ayey aragtidiisu ii ahayd, nasiib daro waxba kamaan se qorin.

Hal sawir ayaa aan ka qaadnay, sawirkaasina nooma suuragalin inaanu ilaalino. Waxa uu noqday Raacii iyo lodkii ugu horeeyay ee bilaabay Fanka Soomaalida. Fanka oo aan qalab, dawlad, Tiyaatar iyo Dumar toona lahayn ayaa uu bilaabay. Ismaaciil Cabdi Ibraahim Guure(Xaaji-Basbaas) Sida uu sheeggay 1942-Kii ayaa uu ku dhashay Ood-Weyne, wallow dad kale ay weriyaan inuu dhashay dhawr iyo Soddonkii.   Kuugbuu(cunto kariye) ayaa uu ka noqday Berbera. Waa halka uu ka raacay magaca BASBAAS, ee. keddib Cadan ayaa uu tagay oo laga mastaafuriyey, markii uu Gabay utiriyey qolyo ay tol ahaayeen. Saddex hiboodlahan isku darsada Mu’alif’nimada, Jilaamimada iyo Alxaan sameeyanimada wuxuu ahaa mir arrimahan ku xeeldheer.

” Maansada anoo Toban jiraan Taabud ku ahaaye,
Aan tusmeeyo caawoo kalaan tixo ka sheeggaaye,
Haddii aniga lay Toocsadoo, lay tixgelin waayo,
Toorey nin xidhan oo Libaax dhagax ku tuuryeey,
Oo taladii diidayoo waliba is yidhi soo taabo,
Tabtii lagu yiqiin aakhiruu kaasi tagayaaye”.

1957-nadii ayaa uu kasoo noqday xilligaasi oo ku biiray [Kooxdii Walaalaha Hargeysa]. Waxa uu yeedhay Gu’roon jire iyo Cali Faynuus, markii uu riwaayadii ugu horeysay ee “Isutuur ana haatan lay tali” iyo mid kale  ka qayb qaatay, ayaa uu Cabdi-laahi Qarshe ku yidhi “Jooji Actors-ka ayaa aad ku wanaagsan tahee”. Sidaas ayaanu badweynta jilaanimada ku muquurtay. Maxamed Aadan Dacar oo ka mid ahaa, dadkii fanka in ay soo galaan uu horseedka ka ahaa Basbaas ayaa aaskiisii ka dul yidhi sidan:-
“Anagu Dacawooyin baanu ahayn, Isagu na Libaax buu ahaa”.

Qofkii saddexaad ee riwaayad sameeyay soomaali ba ayaa uu ahaa. Kolka laga tago Cali Sugule iyo Xuseen Aw-Faarax oo tii koobaad iyo Labaad Hal-abuuray. Dhanka kale, Lixdii Majaajileyste ee ugu horeeyay Soomalida ayaa uu kamid noqday. Abwaan/Majaajileyste Ismaaciil Cabdi Ibraahim Guure Basbaas.
Dadka la falgala hadba door ay Riwaayadda ku leeyihiin, ayaa uu kow ka ahaa. inta badan Odayga reerka ayaa uu ku meteli jirey.  Xasuuso Masrixiyaddihii uu kasoo muuqday ee kala ahaa:-

1. Dab jacayl Kari’ waa
2. Jin iyo Jacayl
3. Isu-tuur ana haatan lay tali
4. Wad iyo Wacad
5. Galbeed waa la Xoreeyay
6. Bidaari sibiqbay kugu gashaa
7. Beeneey waa Run
8. Dan iyo Carago
9. Masiibadu aduunyada iyadaa umacalina
10. Bad Jacayl
11. Aw-Bustaale
12. Calafkaa kuma Seego
13. Booraan Hadimo.

Barnaamijkii riwaayada Raadhiyaha ee [dalmar] oo uu daadihin Jirey Maxamed Cumar Huryo, ayaa uu aad uga dhex muuqan jirey. 1970-kii Waxa la mideeyay Walaalihii Hargeysa iyo kooxdii ciidamada, waxaana loo bixiyey WAABERI. kooxdaasna waa uu kamid noqday, maadaama oo uu Fanka kasoo bilaabay “WALAALAHA HARGEYSA”

Haddii Cabdi-laahi Qarshe lagu xasuusto Miyuusiga BBC-du kusoo gasho, Xaaji-Basbaasna waxa lagu majeeran doonaa Miyuusiga [Astaan] lagu furo, iyo warka  idaacaddaha Raadiyoow Hargeysa iyo Muqdisho. Nasiib darro Raadhiyoow Hargeysa waa laga mabnuucay, sababo siyaasadeed dartood. Isku talowgii Fanka ee Koonfur iyo Waqooyi ayaa uu xadhig iyo handadaadba umutay, Xaaji-Basbaas AHN. Doorka matalaadda dumarka Maxamed Cumar Huryo ayaa uu ugu jeclaa. Wallow ay jiraan rag badan oo matali jirey booskaa dumarnimada, oo ay kamid ahaayeen:-  Maxamed Soofe Kaneeco, Cumar Dhuule, Asbaro, Jigjigaawi, Daahir Caajil iyo Maxamed Yuusuf. Basbaas Mar wax laga weydiiyey shaqsiyaddii Maxamed Cumar, Huryo oo jaal dhaw ay ahaayeen inta badan riwaayaddaha wada geli jireen, waxa uu yidhi ” Waxa uu ku meteli jirey Carab, Habar,
Xabashi iyo oday joogarbuu ahaa Huryo”
…..

Saddex Jiil-Faneed ayaa uu soo gaadhay, kalkiisii iyo bilowgu Fanka/Cahdigii Qaraamku awoodda badnaa, Kii Dhexe [Xilligii kacaanka ee Fankuu doobayayey], iyo Fankii burburkii dawlada dabadii sii jirey. Hal-abuurka gadiisa ah waxa uu kaga gadisnaa, in uu ahaa laba Nololeed le, Miyiga Geel iyo adhi ku dhaqda, magaaladana deganaa, oo Khaatumo ayaa uu iska deganaa.

“Miyigu waa ina dhaamaaye
Reer magaal waxbaa udhiman”.

Looma badalin shaqadiisa Muqdisho intii uu noolaa, hal mar oo ay riwaayad qaadeen mooyee. “Muqdisho waligay ma tagin,saddex jeer ayaa lay badalay oo waxa aan idhi, Geel iyo Adhi ayaa ii jooga ee halkaas maxaan ka doonayaa”.

Laba hablood iyo Wiil ayaa uu dunida kaga tagay. Hargeysa ayaa uu Ku Geeriyooday 4|Marso|2018-kii, Xabaalaha masalaha Hargeysa ayaana 5-Maarso lagu aasay. Qodbaa dhacay, bog kale ayaa xidhmay. Warka dhiilada leh iyo wuu dhintey ayaa is qabsaday.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Dharaarihii Hibo Nuura

Published

on


Milicsiga maalmaheedii qurxoonaa iyo mucjisadii faneed ee Hibo Maxamed Gudoon- Hibo Nuura, waa mid aan laga daalayn lagama dhargaana ah. Dal jacaylka ay dal-tabyadu horseeday ayaa uu Foolkeedu kugu salaamayaa. Xiiso gooni ah ayey kuu samaynaysaa maqalka ama Dhagaysiga qof 40 sanno ka hor Xidig ka ahaa, Masraxyadii Muqdisho iyo magaalooyinkii Soomaalida. Deegaanka Dila oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland ayey ku dhalatay 1954-kii.

Hibo Maxamed Nuur oo loo yaqaanay "Hibo Nuura" waxay ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1954. Hibo Nuura waxay bilawday mihnadeedii miyuusigga iyadoo dhalinyaro ah sanadkii 1968. Waxay caan ku noqotay xubinimada kooxda Waaberi ee muusigga Soomaaliyeed 1972-dii. waxayna caan ku noqotay fasiraadda heesaha jacaylka iyo heesaha waddaniyeed.

Hibo Maxamed Nuur oo loo yaqaanay “Hibo Nuura” waxay ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1954. Hibo Nuura waxay bilawday mihnadeedii miyuusigga iyadoo dhalinyaro ah sanadkii 1968. Waxay caan ku noqotay xubinimada kooxda Waaberi ee muusigga Soomaaliyeed 1972-dii. waxayna caan ku noqotay fasiraadda heesaha jacaylka iyo heesaha waddaniyeed.

Dugsigii H/dhexe isla Boorame ayey ka bilowday oo ay muddo ku sugnayd. Hibo Nuura waxa ku jirtey ruux faneed oo caruurnimadii soo bilaabantay sida ay ku sheegtay waraysi laga qaaday … “ehelka iyo dadka guriga joogga ayaan marka ay fiidka gaadho ugu luuqayn jirey, heesaha aan ka maqlay idaacadda. Islamarkaana ka dalban jirey lacag maadaama aan caruur ahaa, ilaa ay i siiyaana ma aan maqashiin jirin codkayga. Baddanka heesaha kasoo gala rikoodhkana waan xifdiyay”.

Kolka ay dadku arkaan codkeeda waxa ay odhan jireen tani ka sokoyn mayso Idaacadda. Hadalkaasi waxa uu gaadhay qalbiga oo waa ay guntatay! Hooyadeed iyada oo yar ayaa ay dunida ka socdaashay. Ceerigaabo ayaa uu aabaheed Qaadi ka ahaa. Afar iyo toban sanno jir kolkii gu’geedu ahaa ayaa ay Fanka kusoo biirtey. ….laabta waxa ay ku xidhatay in ay kolka ay korto Fanka gasho, hadhkeeda ayey eegi jirtey bal in dherer ukordhay oo dhuxul ayey ku xariiqi jirtey kolba inta ay istaagto. Saynab Xaaji Cali Baxsan ayaa kaalin weyn ka qaadatay soo gelitaankii fanka ee Hibo-Nuura. Jacaylka faneed ee ku jirey darteed Xilligaasi waxa ay kaga daba tagtay Hargeysa, Berbera iyo Burco waqtigaasi oo ay dhigaysay…. “DARUURBAAN FILAYAAYE CAR YAAN DAADKU KU QAADIN” Markii dambe ayaa ay tidhi Saynab:- “Inantani ilaa Hargeysa ayey ina daba socotee, Beerdilaacshoow tijaabi waa ay inaga hadhi waydee”.

Saynab Xaaji Cali Baxsan odaygeedu waxa uu haystay fanaaniinta Milatariga, Hibo na waxa ay ka doonaysay inay fanaaniinta Milatariga qorto. Saynab waxa laga beddelay Raadiyoow Hargeysa oo milatarigaa loo badalay. booskeedii ayaa banaanaaday sidaa darraadeed gabadh baa loo baahday halkii Saynab gasha. Sahra Axmed, Jamaad iyo Hibo Nuura ayaa utartamay, waxa aana ku guulaysatay Hibo-Nuura. Mustafe Xaaji Nuur oo agaasime ka ahaa Idaacadda iyo guddidii kaleba iyada ayaa ay doorteen, maadama oo aanay Sahra ka cod wanaagsanayn, sababo deegaan! oo ay ka mid ahaayeen Baahida loo qabbay gabadh Reer Boorame ahi inay Raadhiyoow Hargeysa ka shaqayso. Dhawr bilood ka dib Muqdisho ayaa loo soo badalay. Heesteedii koobaad ee

“Naf jacayl haleelay
Hawl waayi maysee”,
waxa alifey Max’ed Cumar (HURYO).

Fanaaniintii dhexe ayaa ay ka mid ahayd. Dalka Jayna(Chine), ayaa loo direy oo ay nasiib uheshay laba bilood kolkii ay Muqdisho joogtay. Iyada oo la raaciyey hoobalo baddan oo ay ka mid ahaayeen Maandeeq, Marwo maxamed, Daleys, Hibo-Nuura iyo Maryan Mursal, si ay wax ugasoo bartaan. Lodkii lagu bilaabay tiyaatarkii qaranka ayaa ay ka mid noqotay. Sidaa si leeg naMasrixiyaddihii ugu wanaagsanaa ee xilligaasi ayey kasoo qeyb qaadatay.

Hibo Maxamed Nuur, oo caan ku ah magaca Hibo Nuura, Hibo Maxamed Nuur, waa mid ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee ugu caansan ee dhashay 1954.

Aragtida iyo Maqlida magaceeda Hibo Maxamed Gudoon [Hibo-Nura], judha ba waxa si darandooriya kuugu soo hoobanaya, Codkii jaad-gooniga ahaa ee Kor, hoos iyo dhexe’ba laga qaadi jirey. Guubaabintii iyo heesihii Waddaniga ahaa ee ay kow ka ahayeen,…. Geesiga dhulkiisa iyo Afrika waa Dhulkaygii. Heesihii beer-laxawsiga,Catowga/jibaad,amaanta iyo qiiradaba lahaa ee ay kusoo ban-baxday waxa ka mid ahaa:-

“Waadigan se liitee
Leexadu ku sidatee
Hadba laan cuskanayee
Maxaa luray naftaadii”.

“Ragganimo lasoo xulay
Oo aan xisaab layn
Adaa lagugu xoojee
Ku xurmeeyey sidii waalid
Ku xafiday sidii ubad”.

“Geeluba Naf-doogliyo
Nugaal waa ku dararaa
Meelay nabadi joogtaa
Haddii aan ku nacay beri
Igu noqoyoo warankii
Jacayl buu nabsigii dhalay”.

“Raganimo lasoo Xulay
Oo aan xisaab layn
Adaa lagugu xoojoo
Sidi waalid ku xurmeeyay
ku xafiday sidii ubad”.

“Laaleys dusheediyo
laag iyo xaraar dheer
laan gebi ku taaloy
lulayaan dabeyluhu “

Riwaayadii ugu horeysay ee ay ka qayb qaadatay, waxa ay ahayd Gaara-Bidhaan. oo ah riwaayada ay ku jirtay heestii saadaasha dhabowday noqotay,midhaheedana uu laha Abwaan Xasan Sh.Muumin Gorod ee ay Maryan Mursal qaadi jirtey :-

“Darbiyadan dilaac iyo
Daarahan burburay
Siigaadu dabooshoow
Awaaye dadkiinii
Ma duumaa laysay
ma daacuun
Garaad daran naftaydii
Degalkani gaboobuu
Jidhku kuu damqanayaa
Haku daalin haku doodin
Amarkaa kaa da’ weyne
Daawo hore udhaaf “

Intaas wixii ka dambeeyay waxa ay iskaga dab qaaday Masraxa riwaayaddaha oo unoqday Tusbax furtay,waxaanay ka qayb gashay riwayaadaha kala ah:-
– Ninkii Hadimo Taliyoow Adigaa uhalis ah.
– Gaal iyo Islaam Gabdhoow yaa idin leh
– Doob qalanjadii gabay
– Dhado roob noqon wayday
– Yaa uwan-qalay waqtiga I.Q.K.B

Markii ay labo sanno ku jirtay fanka ayaa la guursaday, waxaana guursaday Axmed Cabdi gaboose oo ahaa nin magac leh. Waxaanay ka mid ahayd sababihii aanay qoyskoodu fanka ugu diidin maadaama la guursaday. Hibo Nuura waxay kasoo jeedday qoys aqoonyahan iyo culimo ah. Gabayaa ayaa uu ahaa aabbaheed, Heesta Qaranimo ee ay qaaddo hibo gabay ahaan ayuu utiriyey intii aanu dhiman.

Bilad caalami ah ayaa lagu gudoonsiiyey magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka 14-dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay fanaaniintoodii ayaa la gudoonsiiyey biladdo. Masraxa Magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa lagaga xaday biladaasi xilligaasi oo la tusayey dad kasoo qayb galay Munaasibad loo qabtay Hibo-Nuura. Sidoo kale Soomaalida Kanada ayaa 2011-kii iyaguna ku maamusay bilad sharafeed. Hibo-Nuura Saddex bilood ka hor burburkii dalka ayey Aabaheed oo xanuunsanaya Dalka Jarmalka gaysay. Muddo yar ka bacdina dalkii baa dumay taasi ayaa sababtay in ay dalka Jarmalka iska dhiibto.

Waxay isku dayday inay barato Garaaciddii Organka,dugsiga Miyuusikada ayey gashay si ay uga barato garaacistiisa. Qoristiisa iyo akhriskiisa kolkii ay baratay aabbeheed ayaa ka dardaaray miyuusigada xaaraanimadiisa, oo uu isagu aaminsanaa. Halkii ayey ku joojisay buuggaagtiina ku gubtay islamarkaana faraha kaga qaaday. Hibo waxa ay heeso talan-taali ah la qaaday Fanaaniin baddan oo ay ka mid ahaayeen, Cabdinaasir macalin, Rooraaye, bashiir xadi, Xasan aadan, Juba, Axmed cali cigaal, Maxamed yuusuf, Shay mire dacar, Ilma mooge, Nakruuma, maryan mursal, iyo Magool. Dadka qaar ayaa ku tilmaama gabadhii ugu nin la heeska badnayd. Mu’alifnimada suugaanta ayaa aan ka madhnayn oo ay bilowday intii ay qurbaha joogtay. Curinteedii koobaadna waxa ay dibadda timid xilliyadii ay Hoggaamiye kooxeedyadu Muqdisho qasayeen ay isku hirdinayeen. Waa kan tixdii ugu horeysay oo Gabay ee ay tirisay:-

“Dhawaaq dhawaan soo dhacoo kiciyey dhiigayga
Dhambaal heesaha oo aan diri hadaan dhab uga faaloodo
Dhulkii aan ku dhashee dhalaanimo ku weynaaday
Dhexdiisii kasoo baxee dhibaatadu iga soo saartay
Waxa la yidhi dhabay korodhay wada dhamays yeeshay
Dhalanteed qabiil la dhadhabaa dalkeenii dhidibada usaaray”.

FG.Waraysigan oo ay si hagar la’aan ah ay u burqatay Hibo-Nuura waxa ka qaaday Cabdi-Qaadir Faarax Dulyar Kalsan TV ayaa baahisey hadda se waxa aan ka daawaday Kanaalka Hawraar oo iyaduna kasoo xigatay Kalsan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe18 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub4 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul