Connect with us

Buuggaag

Buugga 5-ta Tiir ee Guusha

Bulshooyinka adduunka ugu hormarka badnaa ama astaamaha dhaadheer ku leh, ama raadkoodu ilaa iyo maanta la hadalhaayo, waxay wadaagaan hal mid oo ah ‘waa bulsho tagtay, si kastaba taariikhda ha u galeene

Published

on


Nolol astaamaheeda ugu waaweyni waa baahi, cabsi, welwel iyo walbahaar joogta ah oo bani’aadmigu kumanayaal qarni soo jibaaxay, jeer uu hawlgal, halgan iyo baadidoon dheer kadib dabka belbeliyay. Birta tuntay oo ka soocmay noolaha kaloo idil kana gacan sarreeyey.

Buuggaan 5-ta Tiir ee Guusha waxaan hiil uga dhigay da’yarta soo kacaysa iyo in badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah ee aaminay mabd’a ah hurda kudheregga, wuxuuna iftiin u yahay inta rabta horumar iyo isbeddel nololeed, waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaale ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.

Qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

Dunidaan lagu wada nool yahay shacuub walba waxay dadaal ugu jirtaa habbeen iyo maalin sidii nolosha horumar loo gaarsiin lahaa. Dhallinyaradu waxay ka mid yihiin muraayadda iftiimisa, isla markaana halbeegga hormarka lugu cabbiro.

Way adag tahay in aynu nafteena ku canaananno dhaawaca iyo nolol xumada ku habsatay dhallinyarada Soomaaliyeed. Dalalka horumaray waxay xoogga saareen waqti fog dhisitaanka carruurta yaryar iyo dhallinyarada in daryeel fiican loo sameeyo, si mustaqbalka dalka iyo dadka loo gaarsiiyo tusaale dhaxal gal ah. Marka dhallinyaradu ka rajo beelaan doonista fog ee nolosha, waxaa ku habsataa inay gacmaha la galaan barnaamijyo dhaawac ku reeba bulshada ay ku dhex nool yihin.

Haddaan intaa ka imaaddo weerahaan kooban ee murtiyaysan oo aan dulucda duxda iyo dareenka sheekadayda u soo laabto, sidaan ka wada war qabno ama aan ognahay dhammaanteen carruurnimo waa hilin iyo hannaan la soo wada maro oo aan dhammaanteen soo wada marnay dhallinyar iyo waayeelba. Laakiin waxaynu badankeenu ku kala duwannahay sidda loo koriyo ubadka ama loo barbaariyo oo nin walbana uu isagu fikirkiisa shaqsiyadeed ka leeyahay.

Haddaba dhallinyarada waa ubaxa ummad kasta oo adduunyada dusheeda ku nool, noolle kastana waxa uu leeyahay jiil beddela ama jiilba jiil buu soo saaraa si uu u sii hana qaado heerkii iyo hillinkii uu maray jiilkii ka horreeyey wax badan oo aanu gaarina u gaaro oo uu u rumeeyo jiilkaasina waxa uu noqdaa mid wanaagsan oo maray dariiqii loo baahnaa ee ummadu rabtay, gaarana heer wanaagsan oo waxtar leh laguna riyaaqo ama waxa uu maraa dariiq khaldan oo fasahaad, dhac, dil iyo xumaanba leh oo qarankaas iyo umadiisuba way lumaan oo dabadeedna dumaan.

Haddaba maalmahan dambe waxaad mooddaa in ubadkeedkeenii soo korayay badankoodii ay ka xumaatay korriimadii oo ay noqdeen qaar Alle u sahal ah. Haddaba haddii ilmahaagu xumaado ma aha oo kaliya inuu kaa xumaaday adiga ee ummada iyo qaranka oo dhan ayuu ka xumaaday waayo dhibaatada u gaysto ma aha mid adiga kugu kooban ama isaga ku kooban ee waxay noqonaysaa mid ku dhex faafta mujtamaca meeshaas uu ku dhex nool yahay.

Bulshooyinka adduunka ugu hormarka badnaa ama astaamaha dhaadheer ku leh, ama raadkoodu ilaa iyo maanta la hadalhaayo, waxay wadaagaan hal mid oo ah ‘waa bulsho tagtay, si kastaba taariikhda ha u galeene. Marka haddii ay tageen, raadkoodiina laga wardoono illaa iyo maanta kumanaan sano kadib haddii ay dhinaca farsamada ku firfircoon tahay waa mid muuqaal ahaan la arkaayo, sidoo kale haddii ay dhinaca dhaqanka ama aqoonta ku firfircoontahayna aqoontoodii ayaa saldhig ahaan loo tixraacaa amaba laga duulaa. Laakiin haddii aan su’aal iska weydiinno oo ah, maxaan ka dhihi karnaa kuwii taariikhda aan galin, haddii ay galeenna laga war heyn, haddii aan laga warhayana shaki iyo su’aalo badan lagu dado?

Raadinta jawaabta saxda ah adigoon isku mashquulin akhriye, bal isweydii, maxaa laga hayaa bulshooyinkii tirada badnaa oo baalasha taariikhda ka siibtay?

Haddaba Soomaalidu waxay soo hoos gashaa bulshooyinkaas afmaalka wax ku barta kuna kobca, balse waxaa cad wakhtigaan dambe in bulshooyinkaas oo idil haddii aysan wax qorin ama qalinmaalin in wakhti uun taariikhda ku bog waayi doonaan. Sidaas awgeed waxaa munaasab ah Soomaalidu af iyo bulshaba inay hesho kaalmo dhinaca dadkeeda ah. Maxaa yeelay haddii kaalmadaasi laga waayo bulshaweynta Soomaaliyeed, waxaa lama- huraan ah in ay tagi doonto. Dal iyo bulshaba waxaa kobciye jiilasheeda. Nasiib darro, uma eka mid hadda Soomaalidu ay hayso cid ka qabata aaska ay ku socota, iskabadaa in la kobciyee.

Waxaa muhiim ah buuggaan oo kale in aan la saaxiibno, ka dhigano wehel, lana tashanno. Buuggaani aad ayuu u anfacayaa Soomaalida, gaar ahaan dadka wax qabadkoodu sareeyo amaba qofka raba in uu hawsha uu qabanaayo ay miro fiican dhasho. Si tallaabo tallaabo ah ayuu u qeexayaa waxa qofku u baahan yahay in uu sameeyo si uu u gaaro himilada uu hiigsanaayo. Wax akhrisku waxa uu qiimo iyo nuxur yeeshaa markii qofka wax akhrinayaa uu la saaxiib yahay qof isna wax akhriya oo la wadaaga buugaag kale.

Waxaad igala soo xariiri kartaa:
Tel: +47 4550 7363
WhatsApp: +4745507363 ama +474555 7579
Emayl: Cabdijabaar@diblomaasi.com

Faceboogeyga: Abdijabaar Sh. Ahmed
Halka aad ka heli karto dhammaan qoraaladeyda: RIIX HALKAAN


 

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa tifatiraha guud ee majaladda Diblomaasi. Waa falanqeeye siyaasadda arrimaha dibedda, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Buuggaag

Gorfaynta Buugga Safiirka

Published

on


Magaca Buugga: Safiirka
Qoraha: Peter Bridges
Turjumidda iyo Soo koobidda: Kamaal Marjaan
Daabacaadda: Hiil Press

Buugga Safiirka waa buug uu qoray danjire Maraykan ah oo la dhihi jiray Petter Bridge, wuxuu Soomaaliya ka shaqaynayey muddadii u dhaxaysay 1984-tii illaa 1986-dii. Hase ahaatee wuxuu sawir buuxa ka bixinayaa siyaasaddii Soomaaliya intii ka danbaysay xoriyadda. Dhanka kale wuxuu daah-qaadayaa siyaasaddii arrimaha dibadda ee Maraykanka, wuxuu muujinayaa hardinkii ka dhaxeeyey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti.

Waxaan ka dheehday aqoon baaxad leh oo si gundheer u faarfaareysa duruufihii iyo fursadihii ku dahaarnaa siyaasaddii milatariga oo uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre iyo xaaladihii nololeed shacabka Soomaaliyeed haystay.

Marka laga soo tago maquurashada waayo-aragnimada diblomaasiyadeed, wuxuun buuggani faaqidayaa caqabadii haystay siyaasaddii sii daandaamaysay ee Millatariga, sida uu musuqmaasuquq u biyo dhigay, sida eexda iyo nin jeclaysigu uu caadi u haa halka uu ceeb ahaan lahaa, sida qabiillo gaar ah iskugu koobeen darkii siyaasadda. Si aan gabbasho lahayn ayuu u tibaaxayaa sawirkii foosha xubaa ee Soomaalida laga haystay gaar ahaan waddamada shisheeye.

Wuxuu dhowr jeer carrabka ku adkaynayaa in Soomaaliya loo wada yaqaanay “DALKII WAX ISII”. Taasna waxaa caddaynaysay sida dowladdii gebi-dhaclaynaysay ay cidkasta gacmaha ugu hoorsanaysay iyaga oo aan eegayn siyaasaddii xulufaysiga ku dhisnayd taas oo kalsooni darro ku abuurtay garabkii hanti-goosadka.

Magaca Buugga: Safiirka
Qoraha: Peter Bridges
Turjumidda iyo Soo koobidda: Kamaal Marjaan
Daabacaadda: Hiil Press

Dhanka kale, wuxuu aqoon mug leh oo miidi dhex ceegaagto u noqonayaa dadka sida gaarka ah u xiiseeya diblomaasiyadda, siyaasadda arrimaha dibadda/gudaha, axdiyada caalamiga ah, sirdoonka iyo sooyaalkaba. Wuxuu ku dhex-gaynayaa duruufihii gudaha, danihii shisheeye, dulmigii Siyaad.

Intaas oo isbahaystay waxay madaxa dhulka ugu dhufteen dowladdii ugu xoogga badnayd Afrika, marka laga reebo dhowr waddan. Inta aan ku guda jiray buuggan akhrintiisa, waxay ila ahayd inaan la socday danjiraha inkasta oo uu mar iga qoslinayey, mar iga yaabinayey, marna uu iga nixinayey.

Waxaad darsaysaa sida dhaqankii Soomaalida, dhaqaalihii iyo siyaasaddiiba ay u sii daxalaysanayeen, wuxuu toosh afar qaad ah ku ifinayaa gadh-qaadkii xumaa ee bohosha inoo horseeday. Wuxuu ku tusinayaa Itoobiya oo u ekayd Magangooye(Noole-ure) la cariyey, oo harjadaya raadinayana cid uu gantaalihiisa hore ku qabto.

Wuxuu kuu sawirayaa qalfooftii guud ee dhibaatooyin ku gadaannaa bulshada rayidka. Wuxuu ku dul-gaynayaa umad ay halakeeyeen abaaro, gaajo, qaxootinimo, xanuunno(daacuun iyo duumo), cadaadis, xabsi iyo xasuuq oo ku nool calool Nibiri oo caawimaaddii la siiyaba aysan gaarayn! Waxaa kale oo uu buuggu kuu bidhaamin dhacdooyin badan iyo waayo-aragnimo, waxaan ka maqnayn xogo ku saabsan ciidamadii kala duwaa ee Soomaalida(Millatari, Biliis iyo Nabad-sugid NSS)iyo saanaddoodii.

Wuxuu iftiiminayaa guushii Soomaaliya ka gaartay dagaalkii 77 iyo sidii loo lagtay. Wuxuu san hilmaamin waxqabadyadii waawaynaa ee uu Siyaad Barre ka tagay.

Waxaad dhex tagaysaa safaarad ku taal Muqdisho oo dal shisheeye leeyahay, waxaad dheehanaysaa saabka, qaab-dhismeedka iyo waaxyaha kala duwan ee safaaradda. Qoraagu kama uu sarriiiganayo in uu xuso xagjirnimada asal-raaca ah ee Soomaalida dhiiggooda ku jirta taas oo horseedi la’ diblomaasiyiinta dalalka shisheeye inay fahmaan oo dhexgalaan shacabka Soomaalida. Arrintaas ayaa sababtay in macalimiinta shisheeye ee jaamacadaha dhiga ay ka cararaan waddanka.

Waxay kale oo sababtay diblomaasiyiinta iyo danjire-yaasha dalalka qalaad ka yimid inaysan jeclaysan ku noolaanshaha caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho. Baryo iyo nacayb ayeey isku darsadeen!

Qoraa peter wuxuu xoogaa dul istaagayaa burburkii iyo isqalashadii umadda Soomaaliyeed. Foolxumooyin badan ayuu afka ku dhufanayaa. Wuxuu ka dhigayaa inay ahaayeen wayba u ekaayeene umad gajaysan oo haddana horar ah, in sidii bahalada dad cunka ah in hilib samada looga soo tuuro ma ahane aan loo dhawaan karin.

Waxaa Maraykanku go’aan sadeen inay caawimo gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee gaajada u dhimanaya, iyaga oo isticmaalayo diyaaro in samada looga soo daadiyo wixii la awoodo! Xogo kale oo muhiim oo Afrika ku saabsan ayaa ku qoran buuga. Waxaan uga bogan kartaa inaad akhrisid. Muudsiga iyo calalinta qofkale buuggaan uga dhargi maysid.

Goddaloolada buugga

Waxaan jeclaan lahaa in sheekada buugga ku qoran ay isku toosan tahay bilow illaa dhammaad oo aysan jirin dib-u-noqod. Sheekada sida uu qoraagu kuugu wado markii uu gabo-gabo ku dhow yahay ayuu ku leeyahay, waagii aan Muqdisho imid ama waagii la isoo magacaabay. Wuxuu kaa kaxayn 1984tii, wuxuu ku gayn 1986dii, ka dib ayaad arkaysaa isaga oo ka sheekaynaya 1984tii ama 1985tii. Aragti ahaantay ilama qurux badna balse lagayaabe inay dad caadi la tahay.

Gudaha buugga waxaan ku arkay sheekooyin badan oo aan isdhaho sidee bay sheekadaan ula xiriiraan? Tan saddexaadna waa mid uu qoraagu ka afeeftay oo la xiriirta ogolaansha turjumidda buugga inkasta oo uu Kamaal dhowr jeer ku xusay buugga haddana waa in qof walba ogaado inay jiraan xeerar degsan oo la xiriira xuquuqda qoraaga. 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Qaamuuska Ganacsiga

Published

on

 


Qaamuuskaan, waxaa loo uruuriyey, in uu baahi-tiro qof kasta oo Soomaali ah, oo ku dhex-jira ganacsiga ama baranaya, isagoo weliba ugu deeqaya erayada ganacsiga kuwooda ugu muhiimsan ee laga wada isticmaalo Ingiriiska iyo Mareykanka.
Qaamuuskaan waa abwaan ay ku urursan yihiin erayo laga soo xulay laamaha cilmiyada kala duwan ee ku salka leh gann erayo ama jumlado la xiriira ganacsiga adduunyada. Ganacsiga, waana xog-haye muhiim ah, oo u noqon kara il tix-raaceed qofka akhrista buuggaagta, Majalladaha iyo War-geysyada ay ku jiraa
Qaamuuskaan waxaa ku jira in ka badan 4000 eray oo muhiim ah, oo la xiriira ganacsiga, Dhaqaalaha, Maaliyadda, Suuq-geynta, Xisaabinta, Maamulka, Xafiisyada, Bangiyada, Xayeysiinta, Canshuuraha, Sharciyada ganacsiga, Farriimaha, Gaadiidka, Caymiska, Ganacsiga Caalamiga ah, Hantida ma guurtada ah, Warshadaha iyo kuwo kale oo badan. Qaamuuskaan waxaa lagu soo uruuriyey, awooddana la saarey erayada ganacsiga ee aadka loo isticmaalo. Eray kasta waxaa lagu qeexay Af-Soomaali aad u fudud, oo uu fahmi karo qof kasta oo Soomaali ah. Waxaan rajaynayaa in uu Qaamuuskaan noqodo hage tix-raaceed oo kaaliya dadka xiiseeya in ay fahmaan Erayada muhiimka ah ee la xiriira ganacsiga adduunyada. Buuggaan waxa aad ka heli kartaa: Moqdishu, Hargeysa, Bosaso, Garowe, Borama, Balaweyne, Nayroobi and Jigjiga.

Dictionary of Business 

This dictionary has been compiled in order to gratify the needs of every Somali person involved in or studying business and provide the key business terminology used in both British and American English. This informative guide gives a convenient source of reference for the reader of Books, Journals, and News papers which may contain words or phrases relating to the world of business.

This reference dictionary contains over 4000 key terms relating to Business, Commerce, Economics, Finance, Marketing, Accounting, Management, Office practices, Banking, Advertising, Taxation, Business law, Communications, Transportation, Insurance, International Business, Real estate, Industries and many more. In this dictionary, a special emphasis has been given to the most frequently used business terminology.  Each word is clearly defined in very simple Somali language that can be understood by each and every Somalis.

I hope this dictionary will serve as a helpful reference guide for those who are interested in understanding the key terms relating to the world of business.

This addition is available in Moqdishu, Hargeysa, Bosaso, Garowe, Borama, Balaweyne, Nayroobi and Jigjiga.
Halkan Ka Dagso:
Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Gogoldhigga Ganacsiga

Published

on

 


Buuggaan ( Gogoldhigga Ganacsiga) oo ka kooban 15 Cutub, wuxuu macluumaad guud iyo mid gaar ahba ka bixinayaa Ganacsiga. Waa buug qacda horeba kuu iftiiminaya waxa uu dhab ahaan yahay ganacsigu, isagoo si wanaagsan kuugu sharraxaya deegaanada kala duwan ee uu ganacsigu ku habboon yahay. Wuxuu faham weyn kaa siinayaa Nidaamyada dhaqaale ee qaarkood maanta dunidu ku shaqeyso, isaga oo dhanka kalana, si dhaammaystiran kaga warramaya qaybaha kala duwan ee Ururada ku lugta leh ganacsiga. Wuxuu aad kaaga haqab-tirayaa Suuq-geynta, Isku darka suuq-geynta, Jumlada, Tafaariikhda, Ganacsiga caalamiga ah iyo weliba haayadaha caalamiga ah ee ku lugta leh, isagoo geesta kalana xog buuxda kaa siinaya Agaasinka, Maamulaha iyo Maareynta shaqaalaha.

Qaramadu waxay maanta baratan ugu jiraan sidii ay ganacsigooda u hormarin lahaayeen, is-bahaysi jara kurtunada hortaagan is-waydaarsiga ganacsigooda u samaysan lahaayeen, wax-soo-saarkooda meel dhow iyo meel fog-ba u gaarsiin lahaayeen, una hanan lahaayeen sayladaha Caalamka ugu waa weyn. Sidaas in loo fakaro waxaa keenay barashada iyo fahamka “Ganacsiga”.

Tartanka loogu jiro ganacsiga ayaa noqday mid ahmiyad weyn leh, waxaana aad u-adkeeyey saamaynta is-baddalka xawaaraha dunida. Hore-u-kaca iyo koboca ganacsiga dunida cusubi wuxuu ku qotamaa arrimahaan hoos ku qodhan:-

  • Horumarka habka kala gaddiska lacagaha qalaad iyo fududaynta caqabadaha gudaha ayaa waxay ka dhigeen ganacsiga gudaha iyo kan dibaddaba mid yara fudud, oo dhaqso u-bullaala.
  • Is-baddalada cusub ee dhanka Science-ka iyo Technology-yadda ayaa waxay u dhiseen jihooyin cusub soo-saaridda tacab iyo adeeg qanciya baahida aadanaha si ka wacan kana wax-qabad badan kuwii hore.
  • Kororka dalabka macaamiisha ayaa iyaduna abuurtay furado-suuqeed cusub oo waa weyn.

Haddaba kolka la eego Soomaaliya ayaa waxaa muuqata in ay loollankaas ka dhacsan-yihiin, taas oo ay ugu wacantahay dowlad la’aanta qaan-gaartay iyo jahliga xididdeystay. Way jidhaan xayn Soomaali ganacsade-yaal ah, haddana aqoontooda ganacsi aysan gaarsiisnayn heer ay kula tartamaan ganacsade-yaasha shisheeye. Way jidhaan in yadh oo Soomaaliya, oo ku xeel-dheer ganacsiga laakiin aanan helin fursado ay cilmigooda ku bullaaliyaan. Way jidhaan shakhsiyaad Eebbe isgu daray Maskax, maal iyo cilmi mug leh, oo dalka caalamka raacsiin lahaa haddana ka cabsanaya hoggaamiye-kooxeed-yada laf dhuun gashay Soomaali ku noqday. Waa arrimahaas iyo kuwo kale waxa Soomaaliya ka dhigay “Bartire buugga kuma yaal”.

Barashada ganacsiga ayaa ah mid milgo leh, waa laf-dhabarka horumarka adduunyada cusub. Waa maaddo baaxad weyn oo markaad baranaysid aad wax ka ogaanayso maaddooyin kale oo ay farqaha ku wadato, oo ay kamid yihiin:- Dhaqaalaha, Xisaabinta, Suuq-raadinta, Cilmiga bulshada iyo Maamulka. Hasa yeeshee maaddadaas macnaha weyn ku fadhida ayaa waxaa fahma oo kaliya Soomaalida inta yadh ee taqaan afafka qalaad iyadoo inta kale ee aqrisa Soomaaliga aysan xog buuxda ka haysan, taas oo ay sabab u tahay la’aanta ama yaraanta buuggaag ku qoran af-kooda hooyo, oo cilmigaas ka hadlaya. Haddaba si qaybta dambe ee dadkaas macluumaad guud uga helaan maadaddaas ayaa waxaan cilmigaas ka soo tabin-doonaa haddii Eebbe idmo casharro Soomaaliyeysan oo taxane ah, koo-kooban, oo bixiya faham guud, inkasta oo Rabboo ihaga mooyee aanan qudhaydu ku cad-caddayn.

Waxaan jeclahay haddii Alle yidhaahdo in aan toddobaadkiiba maalinta Axaddaa soo daabaco, waxaana casharrada u qaybin doonaa cutub-cutub, cutub walbana kolkuu dhammaado waxaan raacin-doonaa xoogaa su’aalaa si ay dadka ku taxani uga soo jawaabaan.

Ganacsiga iyo Qeexitaanadiisa

Waa maxay ganacsi?

Ganasigu waa wax-qabad kasta oo ujeedadiisu tahay soo-saaridda iyo qaybinta badeeco/alaab (goods) iyo adeeg (services). Ganacsigu wuxuu saameeyaa qayb-kasta oo nolosheenna ka mida. Kaliya ma ahan qaybinta cuntada aannu cunno, dharka aannu xidhano iyo gaadiidka aannu u raacno Iskuulada, Jaamacadaha iyo Shaqada, ee waaba meesha ugu badan ee aannu ka helno shaqooyin iyo Mushaaraad aannu ku soo iibsanno badeecadaas iyo adeeggaas.

Helitaanka Macaash fara-badan iyo qancinta rabitaanka aadanaha – waa labada ugu muhiinsan himilooyinka Ganacsiga.

Staub iyo Attner oo ah khuburo ku xeel-dheer ganacsiga, una dhashay Maraykanka ayaa ganacsiga waxay ku qeexeen “Ganacsigu waa abaabul, kaas oo yoolkiisu yahay soo-saaridda badeeco iyo adeeg, si loo sameeyo macaash”.

Thomas Evelyn ayaa isna wuxuu ku qeexay “Ganacsigu wuxuu ka kooban-yahay dhammaan qaybaha ay ka mid yihiin: Samaynta, iibsashada iyo raritaanka tacabka”.

L. H. Haney ayaa isna wuxuu Ganacsiga ku qeexay “Waa wax-qabadka aadanaha ee ku aaddan kasbashada hanti lagu helo badeeco-gadid iyo gadasho”.

Hughes iyo Kapoor waxay dheheen “Ganacsigu waa dadaal abaabulan oo ay sameeyaan ashkhaas gaara si ay u soo-saaraan, una iibiyaan tacab iyo adeeg qanciya baahida bulshada si ay faa’ido uga helaan”.

Maxay kala yihiin: tacab-soo-saar, badeeco iyo adeeg?

* Samaynta ama diyaarinta badeecada iyo adeegga ayaa waxaa loo yaqaan tacab-soo-saar (Production). Dadka isticmaala tacabkaasna, waxaa la dhahaa macmiil ama Rukun (Consumer).

* Badeecadu waa walxaha lataaban-kadho sida:- Cuntada, cabbitaanada, mootooyinka iyo gawaarida. Labada tusaale ee hore waxaa loo yaqaan Tacab isticmaalkiisu/ku dhaqankiisu cimri-gaaban-yahay (Consumer Non-durable goods). Labada tusaale ee dambana waxaa loo yaqaan Tacab ku dhaqankiisu yara waaro (Consumer durable goods).

* Adeeggu waa waxa aanan badeeco ahayn, laakiin waa walxaha aannu isticmaalno sida : teleefanada, wax-barashada iyo madadaalada.

Wuxuu si faahfaahsan tooshka kuugu shidayaa meelaha ay dhibaatooyinka, mashaakillada iyo halisaha ganacsiga qul-qulateeya ama soo food saara ka imaan karaan iyo habka looga hor-tago halisahaas ama lagu yareeyo.

Waxaa Buuggaan waxaa uu u qoran yahay sida Buugta Wax-barashadJaamacadaha, waxaana lagu soo ururiyey Cilmi fara badan oo la xiriira ganacsiga, waxaadna kaga bogan kartaa oo kaliya, adiga oo si wanaagsan u dhex gala.

Buuggaan waxa aad ka heli kartaa: Moqdishu, Hargeysa, Bosaso, Garowe, Borama, Balaweyne iyo Nayroobi.

Halkan Ka Dagso:

Facebook Comments Box

Continue Reading

Buuggaag

Buugga Maxaa Burburiyay Soomaaliya? Maxaase Xalnoqon Kara?

Published

on

 


Noole kasta oo adduunka guudkiisa saarani inkasta ha le’ekaadee wuxuu leeyahay cadow si gooni ah u ugaarsada, waxaana noole kasta oo dareen leh waajib ku ah inuu ku baraarugo degaankiisa ugu horayna barto cadowgiisa, kadibna la yimaadaa farsamo iyo xeelad uu isaga difaaci karo. Haddii uusan nooluhu la imaan farsamo iyo xeelad wuxuu noqonayaa mid baylah u ah una nugul inuu xilli kasta ku dhaco dabinka cadowgiisu u dhigayo iyo farsamooyinka uu ku ugaarsanaayo.

Haddaba qoraaga buuggaan wuxuu aqristaha weydiinayaa in Soomaalidu ku baraarugsanyihiin cadawgooda soo jireenka ah?

Buuggaani wuxuu tooshka ku ifinayaa cadowga dhabta ah ee ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu muujinayaa qaybaha cadowga Soomaaliyeed iyo sidda qayb waliba u shaqayso.

Wuxuu kale buuggaani xusayaa sidii cadowga Soomaaliyeed u burburiyay qarankii Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka uu shacabka Soomaaliyeed u gaystay burburkii kadib. Siddoo kale buuggaan wuxuu soo bandhigayaa barnaamij dib u heshiisiin ah iyo tallooyin qoraagu xal u arko.

Siddoo kale qoraagaan ayaa muuqaal guud ka bixiyay xaaladaha kala duwan ee jiilba jiilka kale. Asigoo si guud ugu sharaxaayo buuggiisa wuxuu yiri “Marka aan muuqaal guud ka bixiyo adduunka aanu ku noolahay waa nolol la isku imtixaanayo sida diinteenu inoo sheegtay.

Dadka maanta adduunka ku dul nooli waxay soo mareen marxalado kala duwan, kuwaasoo jiilba jiilka ka dambeeya ugu tagayey raadraac dhibaatooyinkii ay soo mareen iyo siyaalihii ay ula soo tacaaleen. Sidaas darteed jiil kasta wuxuu keenayey farsamooyin cusub si uu wax uga badelaan noloshii jiilkii ka horeeyay iyagoo wixii wanaagsanaana xoojinayey wixii xumaana suulinayey marba inta suuro galka ah.

Waxyaabihii ugu xumaa ee adduunku soo maray waxaa kamid ahaa dagaalada sokeeye iyo dagaalada qabaa’ilada, kuwaasoo maanta dadka fekerayaa ka xoroobeen kana samaysteen gaashaan iyo xijaab, waxaana tusaale fiican inoo noqon kara sida qaaradaha adduunku arintaas guulaysigeeda ugu kala xoog badanyihiin”

Qoraaga ayaa tusaale usoo qaatay gumaadkii Siiralyoon, Soomaaliya Burundi, Ugaandha, Laybeeriya, Koongo, Kenya iyo inta badan qaarada Afrika, laakiin marka Soomaaliya laga reebo inta kale waxay leeyihiin walaalo ku dhaarta marka xaaladdu dhexdooda ka kharaaraato waana laga dhiidhiyaa gumaadkooda aakhirkana waa la xaliyaa.

Laakiin dalka Soomaaliya wuxuu ka duwan yahay qaarada inteeda kale waxaana ka dhacay gumaad in ku dhow labaatan sano. Inkastoo marar badan la isku dayay in laxaliyo hadana weli waxaa meesha ku jira suul iyo faro isdhaafsan xalkasta oo la keenana waa la xagal daaciyaa.

Sidaas darteed waxaa halkaas ka muuqda in aysan lahayn walaalo ku dhaarta marka laga reebo Jabuuti oo dhuuntii qalashay sidii ay u qaylinaysay welina qaylinaysa, waxaana suuro gal ah in cawliga Soomaalidu Jabuuti ku tilmaamo waa reer hebel iyo qolo ayay u xaglinaysaa.

Buuggaan inta aan ku jiray aqriskiisa waxaan dareemay qiirooyin iyo dhacdooyin xanuun badan. Sawabtoo ah wuxuu dhinacyo badan ka taabtay erayadaan soo socda:

  • Gumaad
  • Fakhri
  • Jahli

Waa seddax Soomaalida dhibaato badan u gaystay qaarkiis aanan dalka laga suulinin wali, waa hawl sugayso Soomaalida inay dalkooda ka suuliyaan seddaxdaasi. Waxaa loo baahanyahay koox abaabulan oo dadka ku beera qiiro wadaninimo iyo helitaan qaran, kana madax banaan qabiil, qabyaalad iyo waxa xun ee ay hoosta ku wataan. Shacabkana u suuro geliya in ay kasoo kabtaan wixii ka lumay intii burburku kajiray dalka, kana baxaan qaxootinimada.

 

Halkan Ka Dagso:

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe19 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub4 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul