Isir Sooca Beelaha
Caddaalad Darro: Muxuu maamulka degmada Wadajir ay ku heystaan Asad Cabdi, haddii uusan dambiile aheyn?
Asad Cabdi kadib markii ay cadeymo iyo fal dambiyeed ku waayeen Laanta Dembi Baarista Booliiska waxay dib ugu soo celiyeen saldhiga degmada Wadajir oo ilaa iyo maanta uu ku xiran yahay.

Ugu horeyn Asad Cabdi Maxamed waxaa maalmo kahor kaxeystay ciidan ka tirsan Laanta Dembi Baarista Booliiska ka dib markii lagu soo eedeeyay dil ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan Suuqa Weyn.
Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Salmaan Saqaawe xaaji (Siidoow) ayaa horey kaga tirsanaa Maamulka Degmada Wadajir xilagaa uu xilka hayay guddoomiye Cabdiraxmaan Aw Cali. Ka hor geeridii ku timid marxuumka wuxuu ahaa xoghaayaha maamulka degmada Wadajir, halka markii dambe uu isaga tagay shaqada maamulka.
Geeridii ku timid marxuumka ayaa aheyd mid aad looga taxadiray ayadoo bartilmaameedkooda ahaa in aanan gacanta lagu dhigin dambiilaha geystay dilka, kaliya lama uusan shaqeyn jirin maamulka degmada ee siddoo kale wuxuu ahaa xirfadle ku shaqeysta gacanta oo waxuu dawaarle ku ahaa suuqa weyn muddo badan.
Diblomaasi.com ayaa waxay baaris ku sameysay kiiskaan inkastoo naloo diiday inaan wareysano boosliska iyo maxbuuskaan aan illaa iyo hadda wax maxkamad ah la soo saarin – taasoo sharciga madadniga ka hor-imaanayso.
Haddaba markii loo yeeray ehelada iyo laanta barista waxaa la bilaabay in la qaado marxuumka si uu umaro baaris, mid ka mid ah dadkii asxaabtiisa ahaaa ayaa bilaabay inuu qabto madaxiisa oo uu dhiig badan ka qubanaayay. Argagax iyo qiiro badan uu dareemay Asad Cabdi ayaa shaki galiyay laanta barista ka dibna sidaa waxay ku xireen Asad Cabdi oo ay saaxiibo dhow ahaayeen marxuumka la dilay.
Ka dib markii laga dhaamaday baarista marxuumka ayaa si gaar ah loola baxay Asad Cabdi oo ay qol gaar ah ku wareysteen, ka dib markii ay cadeymo iyo fal dambiyeed ku waayeen waxay dib ugu soo celiyeen saldhiga degmada Wadajir oo ilaa iyo maanta uu ku xiran yahay.
Haddaba, sida caadiga ah laanta dembi baarista waxay baartaa dadka lagu soo eedeeyay inay dambiyo geysteen, balse haddii ay dambi ku weysana waa in lasii deeyaa ama damiin halagu daayo.
Kadib markii uu xirnaa maalin Diblomaasi.com waxay booqatay xabsiga si aan ugu kuurgalno, si aan u ogaano inuu maray wax sharci ah, sidoo kale waxaa isla meesha kula kulanay ehalada Asad Cabdi waxaana loo qabtay muddo inay sugaan taliyaha heysta saldhiga oo aan hadda magaciisa garaneyn. In ka badan 6 saacadood oo aan joognay saldhiga ayuu yimid taliyaha ka dib markii uu seexday qolkiisa nasiinada. Kadib, markii aan saacado ku daalnay saldhiga ayaa nagula yiri maalinka beri ah imaada si aan u galno kiiska Asad Cabdi, maalinta naloo qabtay oo ay ku beegneyd muddada naloo qabtay ayaan dib ugu laabanay saldhiga si aan usoo ogaano cidda uu u xiran yahay labbo maalmood asagoo dambi la’aan ah.!
Markii aynu wareysanay ehelka marxuumka geeriyooday ayaa Diblomaasi u sheegay inaysan u xirnayn Asad Cabdi, balse maamulka saldhiga waxay inoo sheegeen inuu u xiran yahay taliyaha saldhiga siddaa darteedna ay kusoo eedeeyeen dilka marxuumka geeriyooday – Caddaalad xumo!!
Sidda uu qabo shaqrciga qofna ma xirnaan karo in ka badan labbo maalin ama 48-saac, sidda ku cad dastuurka qabyada ah xeerka xaquuqda eedeysanaha qoddobka 35aad firqada (1aad) wuxuuna u qeexaa sidda tan: “eedeysanuhu wuxuu la mid yahay qof bari’ ah ama aan dambi gelin ilaa maxkamada ay si kama dambeys ugu cadeyso dembiga loo heysto”.
Sida ku cad qodobka korre ee dastuurka dalka Maamulka Degmada Wadajir waxay si cad ah ugu xad-gudbeen inay illaaliyaan shuruucda dalka ayaga oo sheegay inuu ku eedeysan yahay dilka marxuumka dhintay oo ay ahaayeen saaxiibo dhow.
Waa kuma Asad Cabdi Maxamed?
Asad Cabdi Maxamed wuxuu ka mid yahay xirfadle yaasha ku shaqeysta dawaareynta dharka dumarka wuxuuna mudoo badan ka shaqeysanaayay xirfadan asaga iyo marxuumka dhintay ayaa wadasheynaayay muddo badan ka mid markii uu meel si gaar ah u bilaabay.
Asad Cabdi, muwaadinkaan dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeedaa deegaanka Qoryooleey uu ku dhashay, ka dib waxbarashadii dugsiga qur’aanka wuxuu kaga soo baxay deegaankii uu ku dhashay, kadib imaatinka uu yimid Muqdisho wuxuu bilaabay barashada maadiga uu ka bilaabay iskuulka Al-imra oo kuyaala degmada Dharkenleey.

Asad Cabdi Maxamed wuxuu ka mid yahay xirfadle yaasha ku shaqeysta dawaareynta dharka dumarka wuxuuna mudoo badan ka shaqeysanaayay xirfadan asaga iyo marxuumka dhintay ayaa wadasheynaayay muddo badan ka mid markii uu meel si gaar ah u bilaabay.
Seddex maalmood ma uusan la kulmin xaaskiisa iyo caruurtiisa waxaa dulmi cad ku heysta maamulka degmada wadajir, waxaa jira dad badan oo uu ka haayay dharkii ay xiran lahaayeen.
Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas gaar ahaan kuliyada Difaaca iyo Dowladnimada ayaan kawareysanay kiiskaan iyo tayada booliska Soomaaliyeed ee maanta.
“Tayada loogu baahan yahay booliska marka ay wax baarayaan ayaa ah in marka hore aqoon duruqsan ay u leeyihiin habka wax baarista. Laanta booliiska waa hay’ad ka kooban dad ay awood u siisay dawladda in hawlaha dembiyada qabtaan, iyada oo ujeedadu tahay in la dhaqan geliyo sharciga, si loo xaqiijiyo badbaadada, caafimaadka, iyo hantida muwaadiniinta iyo ka hortagga dembiyada iyo khalkhalka madaniga ah.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed
Awoodahooda sharciga ah waxaa ka mid ah xiritaan iyo adeegsiga xoogga ay isticmaali karaan iyagoo illaalinaayo sharciga madaniga. – ayuu sii raaciyey.
“Ciidamada booliska ayaa inta badan lagu qeexaa inay ka soocan yihiin ciidamada iyo ururada kale ee ku hawlan difaaca qaranka ee ka dhanka ah gardarada shisheeye; si kastaba ha ahaatee, waa cutubyo loo xilsaaray ilaalinta rayidka. Ciidamada booliisku inta badan waa adeegyada bulshada, oo lagu maalgeliyo canshuuraha. Marka aad u fiirsato qalallaadka ay Booliska Soomaaliyeed sameeyaan maanta waxay keeni kartaa qalqal amni, maxaa yeelay bulshada iyo dowladda waa inay ka dhaxaysaa is-aaminaad. Is-aaminaadaas ayaa xoojin karto in ficilada sida qaraxyada iwm ay soo sheegeen bulshada. Qofka muwaadinka ah ee la qabto oo eedaysanaha ah waa inuu jawaabta baaristiisa si dhaqso leh uu ku helaa, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in dambiilaha banaanka jooga – aqoonta booliska ayay ku xeran tahay sida ay ugu kuurgali karaan kiisaska noocaan oo kale. Mararka qaar ayaan maqlaa muwaadin iska xeran muddo 2 sano ah oo aan wax maxkamad lasoo saarin. Dhaqanaada noocaas ah amniga dalka laguma hagaajin karo – bulsho cid u caddaalad sameyso waysay waxwalbo ka filo.” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ramaas gaar ahaan kuliyada Difaaca iyo Dowladnimada.
“Sida ku cad kiiska Asad Cabdi Maxamed, wuxuu u baahan yahay caddaalad haddii uu geystay dambiga lagu soo eedeeyay oo ah inuu dilay markuumka dhintay. Hoggaanka booliska gobolka inay soo farageliyaan waa laga maarmaan haddii maamulka hoose wax ka qaban waayo. Maamulka gobolka Banaadir iyo hoggaanka baarista waa inay shaciga hor keenaan Asad si loo caddeeyo dambiga uu ku eedeynaayo taliyaha saldhiga.” – ayuu yiri Cabdijabaar
Akhri
Raxmo-yarey yaa uureeyay?
“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”

Qolalka fadhiga waxaa goglan furshaan iyo barkimooyin debecsan, halkaas ayaana hurdo iyo soojeedba lagu danaystaa. Dhawr nin oo isyaqaan ayaa joogto ku ah, laakiin dumarka maalin maalin ayaa loo beddelaa. Ta keliya ee ku raagtay waa Raxmo-Yarey oo adeegto ku magacaaban si walba se looga muraadsaday.
Fillada cad macaamiishu rag iyo dumarba aad ayay u jecel yihiin. Waxaana u badan rag ka tirsan xafiiska Villada ee maamulka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Waa guriga mooshinada lala damacsan yahay madaxweyne Xassan iyo ra’isul wasaarada Xamse loogu hortago. Waxay ku dhex taal xaafad u dhow xafiiska loogu arrimiyo dalka, ahna meel deggan kana durugsan indhaha foqorada ee xaasidka ah ee maamulka neceb. Waxay ula baxeen Fillo Adduun. Fureheeda dhawr nin oo isku kalsoon baa haysta. Waa lagu wada danaystaa laguna ka la danaystaa. Kharashka tumashada la isku ma riixriixo ee hadba ninka ay gacantiisu jeebka u horrayso ayaa bixiya. Khamri, qaad, heeso, cunto iyo galmo ayaa lagaga haqab la yahay. Dumarka meesha lagu quutaa waxay u badan yihiin gabdho aad u yaryar oo dhaylo loola baxay oo faqrigu ka hiiliyay. Waxay sheegtaan rag Ilaahay wax siiyay, balaayo ayaa se wax siisay.
Gabdhaha qaarkood ee Fillada cad yimaada waa kuwa jirkooda ku bedeshay shaqo inay xafiisyada dowladda ee maamulka ka helaan daruuftana ay ka hiilisey. Fillo Adduun waxaa ku meegaaran derbi saddex mitir dhulka ka kacsan, waxayna lee dahay beer qurux badan oo dhir, doog iyo ubax ah. Ganjeelo cas oo bir ah ayaa laga soo galaa, dabadeed wadiiqo jay ah la raacaa ilaa albaabka looxa ah ee guriga la gaadho. Wuxuu ka kooban yahay kijo weyn, laba musqulood oo qubays leh, fadhi weyn, qol cunto iyo shan qol oo kale.
Raxmo waxay ugu dambaysay gabdho badan oo adeegto ka soo noqday Filla Adduun, kuwaas oo ay mid waliba maalmo yar gudahood shaqada ka cararaan. Dhammaan waxay ka argaggaxeen xayodarrada meesha ka socota, iyo isla markaas ragga aan xishoodka aqoon ee Cabdulle iyo Qorane ugu horreeyo, kuwaas oo inta ay kijada ugu galaan kor iyo hoos meesha ay gacantoodu gaadhi kartaba gaadhsiiya, wax aanay u soo shaqo teginna ka qalqaashada. La ma tirin karo inta gabdhood ee sababtaas shaqada kaga tagtay. Laakiin Raxmo waa ay ugu miskiinsanayd ama ugu dulqaad badnayd.
Da’deedu waxay ahayd toddoba iyo toban jir, laakiin ka ma ay dheerayn mitir iyo afartan, culayskeeduna afartan wuu ka hooseeyay. Waxay ku dhalatay Afgooye, waxayna kasoo jeedaa qabiilada lagu sheego .5 (4.5 qabiilada laga tirada badan yahay oo dowladnimada soomaaliya xaqirtay) waxay kas iyada oo sagaal jir ah markii ay hooyadeed dhimatay ayuu aabbaheed Xamar ku guursaday naag kale oo Raxmo aad ugu darrayd. Nolol silic leh oo guriga aabbaheed ee aan laga jeclayn iyo ka habaryarteed ee faqiirka ah u dhaxaysa ayay ku soo kortay. Weligeed dugsi ma ay dhigan, iyada oo kow iyo toban jir ah ayayna markii ugu horreysay adeegto noqotay taas oo ay habaryarteed u soo heshay. Markaa ka dib dad ka la duwan ayay xirfaddaa ugu soo adeegtay, kuwaas oo ay qaarkood ka soo martay waayo’aragnimo xun.
Qurux lagu ammaano ma leh, laakiin dadkeeda waa ay iskaga dhex jirtaa. Gaabnaanta iyo lafo yaraanta dartood jeer wejigeeda la arko waxay u eg tahay ilmo yar. Waxay nolosha kaga riyootaa oo keliya nin jeclaada oo guursada kana saara adeegtonimada. Laakiin nin gol qabateeya mooyee mid guur ka la hadla waxaa ka jiray oday lixdan jir ah, kaas oo ay qoyskiisa beri adeegto u ahayd. Isagana shaqadiiba waa ay uga carartay iyada oo leh: “Duqaan quxuubka ah fiiri! Aniga qof oo isnacday maas ii malaynaa?”
Guriga waxa ka dhaca iyo dadka isku roorsada iyadu ma jecla laakiin dan ka ma gasho. Iyada oo heeso hindi ah iyo kuwo banaadiri ah marba mid qaadaysa ayay shaqadeeda si daacad ah u gudataa, taas oo ka kooban cunto kariska, nadaafadda iyo u adeegga dadka halkaa ku laacdama. Habeenka ay shaqada ku daahdo ama aad u daallan tahay waxay isaga hoyataa qolkaa kijada ku xiga oo ay kuwii iyada ka horreeyayna seexan jireen. Hawsha gurigu ha iska dhib badnaato, jawigana ha ku diiqadooto, laakiin dhaqaale ahaan raalli ayay ka tahay oo mushaharkeedu adeegto ku ma xuma, dadka guriga ku tuntana dhacdhac ayay ka heshaa. Iyaguna Raxmo-Yarey ayay u la baxeen oo waxay ku jecel yihiin daacadnimada iyo dhego nugaylka.
Maanta martidu waa ay badnayd, hawshuna waa ay cuslayd. Saqdhexe ayay Raxmo iyada oo aan daal isqaadi karin furaashkii qolkeeda dhulka yaallay isku tuurtay. Iyada oo aan dhinaceedu gogosha gaadhin ayay gama’day. Laakiin dadkii iyagu weli waa ay bulaamayaan oo cawayskooda fari ka ma qodna. Goor dambe iyada oo hurdo mayd uga dhow, ilayskuna u dansan yahay, ayay ku toostay gacmo waaweyn oo jidhkeedii yaraa dhan walba u xulaya, timo qodxo la moodo oo dhabanka ka mudmudaya iyo neef ay sigaar iyo khamri ka buuxaan.
“Yaa waaye?… Yaa waaye?…” ayay ku qaylisay iyada oo argaggaxsan.
“Usuus! Raxmo, waa Qorane ee aamus!”
“Adiga ma waalatay, Qorane? I dhaaf, i dhaaf, iga kac aniga gurigaaga haddaan kaaga baxaaye…”
“Ramxo, miskiinnimada iska daa, kaniba waa gurigaagii ee xaggee baad ka aadaysaa”, ayuu ku yidhi, isaga oo isla markaa yartii sidii libaax sagaaro qabtay laabta gashaday dharkii yaraana midba dhan uga tuuray.
“I dhaaf aniga, i sii daa aan ku dhahay. Iga kac! Waa i xoogee miyaa? Alla aaboow!…”
Iyada oo sidaas u cataabaysa ayuu ka dan dhammaystay. Kuwii kale markaas waa ay wada hurdeen, haddii se ay qaylada iyo baroorta Raxmo ku toosi lahaayeen sakhrad iyo qaaddiro ayay la daateen oo dadka xabaalaha ku jira ka ma duwana.
Markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu maslaxo oo ku yidhaahdo: “Raxmo, maxaad la ooyaysaa, wax naag lagu sameeyo wax ka badan miyaan kugu sameeyay? Waan ku jecel ahay, haddii aad rabtidna waan ku aroosaa, gurigan aad ka shaqaysana adiga ayaa yeelanaya.”
“Arooskaagana ma rabee i dhaaf aniga”, ayay tidhi oo sii ooyday. Raxmo-Yarey caawa ayaandarro u dhimani ma jirto. Nolosheeda wax qiimo u leh oo ay ilaashato waxaa ka jiray gabadhnimadeeda oo ay aad ugu soo faro adaygtay, cadaw badanna ka soo badbaadisay, tiina waa taa caawa balaayo hurdada ku miratay. Habaryarteed iyo aabbaheed haddii ay u dacwooto maxay u qaban karaan? Muraayada yar ee ka burburtay miyaa ay u soo kabkabi karaan? Dawlad loo dacwoodaa ma jirtaa? Oo dawlad aan Negeeye ahaynba ma iyadaa taqaan. Ilaahayoow aniga sidee yeelaa? ayay ku calaacalaysaa. In ay mustaqbal la’aan tahay, cid wax dambe ku falaysaana jirin, ayay hubtaa. Qalanjadii hindiga ahayd ee webiga isku ridday ayay soo xasuusatay. Anigana in webi isku rida waaye, nolol maa ii hartay? ayay ku fekeraysaa.
Aroortii xigtay dadkii qolka cuntada u soo quraac doontay waa ay ku hungoobeen. Raxmo-Yarey sidii xalay ayay sariirta uga ooyaysaa. Qorane ayaa iyada oo halkii duuban u soo galay, oo inta uu sariirta dacal kaga fadhiistay mar kale sabaalin u galay.
“Raxmo, sidaas ayaad ii neceb tahay miyaa? Qoftaadii jacaylkeedu iga batay, ee aan rabay in aan arooso, ee aan iyada darteed naagihii kale oo dhan u la hadli waayay, miyaa sidaas ii neceb?”
“Jeceelkaagana ma aqaane ammaan lee aan kaa helo. Jeceel ku lahaa! Xoog maa jeceel eh?”
“Raalli ahow, Raxmo. Ii sheeg abbaayo wax aan kuu qabto. Maxaan kuu soo gadaa? Waxaad rabto maanta afkaaga ka sheego.”
“Waxaan kaa rabo ma leh ee mar leh ammaan i sii.”
“Bes waaye, anigaa haddaba wax fiican kuu soo gadaya oo kaaga farxinaya, naag aan adiga ahayna ma guursanayo. Okeey?”
Maalintaas gelinkii dambe markii uu Qorane guriga ku soo noqday Raxmo-Yarey geed beerta ku yaal ayay hooskiisa fadhiday oo dhabanka iyo gacanta isku haysay. Taa wuu ku farxay, waayo awal wuxuu ka baqayay in ay aabbaheed iyo habaryarteed u cararto oo fadeexadayso. Maxay carartaa in ay nooshahayba ma iyadaa isu haysata. Wuxuu mar kale bilaabay in uu maslaxo, wuxuuna siiyay
iskujoog uu u soo iibiyay oo ka kooban garbosaar, guntiino iyo kabo.
Cabbaar kale ayuuna sii maslaxay.
“Wax ma ku warsan karaa?” ayay goor dambe u tidhi si lamafilaan ah.
“Haa, waad i warsan kartaa.”
“Waa ku aroosaa ma dhihinoo?”
“Haa, i ma rumaysnid miyaa?”
“Shimee hee?”
“Marka aan hawlo iga ka la daadsan isku hagaajisto.” “Habaryartay Iisho ma u sheegi karaa?”
“Raxmo, adiga maxaad dabbaal isaga dhegee? Dadka aan gabadhooda guursanayo in aan anigu u tago oo lacag u geeyo oo wayddiisto ma ahoo? Marka aan diyaar noqdo aniga ayaa si sharaf leh ugu tegaya ee adigu cidna ha la soo qaadin, yaa?”
“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”
“Bes waaye, i aammin, boqolkiiba boqol.”
Weli beerta ayay joogeene inta uu laabta ku qaatay ayuu sariirta qolkiisa la tegay, oo isaga oo in uu ninkeedii yahay ku sasabaya ka haqab beelay.
Maalintaas ka dib sidii ay xaas u tahay ayuu marka uu doono ku jimicsan jiray. Iyaduna far ma dhaqaajiso oo haddii ay diidi lahayd waxay ka baqday guurkii uu u ballan qaaday in uu kaga baxo. Ma ku rabee bax haddii i dhaho intee aadaa? Qof oon gabar eheen yaa rabo? Maya, ma ku dhahaayo. Ilaahoow ha i ceebeen! ayay mar kasta ku fekertaa. Sidaas ayay rajo ku nool u ahayd, markaa ka dibna shaqada guriga adeegto ahaan u ma gudato ee gurigeedii ayay ka dhigtay.
Qaybta ay jimanku ku xeroodaan in ay shaqo u tagto mooyee wax kale ku ma darsato, marka ay wax geynaysana albaabka ayay garaacdaa oo ka dhiibtaa. Wax walba se waa ay la socotaa oo marar badan ayay indhaheedu la kulmeen rag iyo dumar candhooyin qaawan isla dhex fadhiya oo Negeeye ka mid yahay, dabadeed yaxyax dib u la carartay.
Waa ay ka masayrtaa naagaha uu Negeeye wadwado, marka ay isaga ka la hadashana sidii qof dhaandhaamad ah ayuu ugu sheegaa in ay wada qayilaan keliya ee aan wax kale ka dhexayn. Iyadu runta waa ay og tahay ee in ay ku qayliso ama canaanato ayaanay ku dhicin. In uu ku xanaaqo dabadeed guriga ka eryo guurkana kaga baxo ayaa wax walba kaga daran.
Waa ay la yaabban tahay dadkan aan isqabin ee habeen iyo maalin sidaas isu dhex fadhiya. Dadkaan yaab waaye! Noloshooda dhan saan miyaa? Dad oo waaweyn waayee ma isku sheexaanoo? Jaad leh cunoowyiin, beesadooda wax kale ma ku gataanoo? Heesahooda dhanna af baadiye waaye oo wax ma laga fahmooyo. Kan oo Cabdulle la dhahaayo aaba iigu daran. Faras aa tahay ku ma lahoo! Faras Alle kaa dhig, ree baadiye waaxid! Qof dhan oo bani’aadan eh aas faras ku sheegaa! Waxay ujeeddaa Cabdulle oo isaga oo doonaya in uu ammaano maalin ku yidhi: “Waxaad tahay faras.”
Qorane marmar ayuu Raxmo isku maaweeliyaa ama marka aanu wax dhaamo haysan ayuu naf ka dhigtaa ee macne kale uguma fadhido. Laakiin iyadu waa ay isu dhiibtay oo marka uu waqtigu sii durkaba rajada guurka ayaa u soo durkaysa. Maalin iyada oo qado karinaysa ayay madax wareer iska dareentay, haddana yalaalugo, ka dib hunqaaco ka wareegtay. Waxay yeelatay uur. Iyada oo welwel iyo baqdin la kurbanaysa, dhanka kalena rajaynaysa xaaladda cusubi in ay guurka u soo dedejiso, ayay arrinta Negeeye u sheegtay. Isaguna shiddaba isma uu gelin ee wuxuu bishaaro uga dhigay:
“Waxba ma aha, berri ayaan dhakhtar kuu geynayaa oo lagaa soo tuurayaa.”
“Lagaa soo tuuraa? Maxaa jira, ilmaheennii maa hinoo maxaan isaga tuureeynaa? Hore lee maan iska aroosno?”
“Maya, Raxmo, hadhow labaatan ilmood haddii aad rabtid dhal, laakiin hadda inaga dhaaf. In aan diyaar garoobo oo aroos fiican oo la isu sheego inoo dhigo ayaan rabaa.” “Bes waaye, waa ku aamminaa.”
Subax subaxyaasha kamid ah ayay Raxmo-yarey soo gashay shaqadeedii Fillo Adduun oo ay ku horreysay markii ay ganjeelada garaacday waxaa ka furay laba nin oo aanay weligeed hore u arag. Waxay malaysay in ay yihiin madaxdii uu Qorane xalay sheegayay ama waardiyahoodii.
“Haye, yaad rabtay?” ayay wayddiiyeen.
“Guriganaan degganahee, Qorane weli madaxdii maas la joogto?”
“Madax maxay ah?”
“Qorane ma joogoo?”
“Qorane ma joogo, gurigana waa laga gataye, adigu tumaad tahay?”
“Waa laga gatay? Yaa ka gatayna? Isagii aaway?”
“Annaga ayaa ka gadannay, isaguna meel uu jiro ma naqaane, adigu tumaad tahay?”
Raxmo in kasta oo xaaladda loo sharxay haddana waa ay fahmi wayday. Habeenkii ay gabadhnimadeeda wayday si aan ka yarayn ayay u naxday. Markaas ayay isku soo daysay gurigan Cabdulle oo ay taqaannay. Isaga oo sidii sariirta u daadsan ayay wayddiisay:
“Cabdulle, abboo Qorane ma aragtay?” “Qorane ma arage, waan jirranahaye iga bax.” “Gurigii waas gadaa la dhehee run miyaa?” “War u ma hayo.”
“Afkana maxaa kaaga dhacay? As maa isdagaasheen?”
“Isaga ayaanu isdagaallay, haddii aad aragtidna xabbad baan ku dhufanayaa ee u sheeg.”
Hadalkaas wuxuu uga dan lahaa in aanay Raxmo mar dambe ku soo noqon oo Qorane wayddiin, iyadu se waa ay rumaysatay oo iskaga tagtay. Dhawr cisho ayay ku qaadatay in ay fahamto xiriirkii iyada iyo Qorane in uu ahaa ruwaayad ay iyada qudheedu qalanjo ayaandaran ka ahayd. Waxay ka fekertay in ay Afgooye aaddo oo Webi Shabeelle isku riddo, sidii ay hindiyaddii filinka ka aragtay.
____
Sheekadan waxaa laga soo dhan-balay buugga Aanadii Nageeye ee uu qoray Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd sheekadani inay xittaa waaqiga maanta ee dalkeena ay taabanayso, horeyna dhowr gabdhood oo aan aqaano ayaa iigaga sheekeyey waxyaabaha ay kala kulmeen wasaaradaha dowladda iyagoo shaqo raadis ah.
Isir Sooca Beelaha
Muqdisho: Isir-sooca igu qabsadey Xarunta Dambi Baarista ee C.I.D-da
Qoraalkaan wuxuu kaga sheekeynayaa dhacdadii la yaabka lahayd ee ku qabsatay magaaladda Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D-a.

Waa aqoonyahan Soomaaliyeed, wuxuu wax ku bartay dalka Mareykanka, waa shaqsi jecel dalkiisa iyo dadkiisa sida ka muuqato mareegtiisa haddana wuxuu la kulmay isir-sooc uusan filanaynin iyadoo dunida maanta isbeddel badan ku yimid xagga caqliga bani’aadamka. Dad badan ayaa aaminsan caqabadaha dowladnimada Soomaaliya hortaagan ayaa waxaa kamid ah shaqsiyaadka iyo boosaska shaqooyinka inaysan islahayn.
Qoraalkaan wuxuu kaga sheekeynayaa dhacdadii la yaabka lahayd ee ku qabsatay magaaladda Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D-a.
Juun 19, 2023, cabaarihii 11:00am (shanta saac) subaxnimo, waxaa dan iga soo gashey Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.Da. Albaabka/ilinka xarunta laga galo waxaa ka jira baaritaan amni (security screening) oo dadweynaha lagu baaro sii loo xaqiijiyo amniga goobta. Waxaa hawsha fulinaayey labo nin askari boolis ah iyo gabar kale oo dhanka dambe ku fadhidey kursi oo boolis ah aan labiska ciidanka booliska qabin iyo wax kale lagu aqoonsan karo. Waxaa feelka (line’ka) igu horeeyey seddax qof, hal bilcaan ah. Marka aniga la isoo gaarey waxaan wax walba oo jeebabka igu jirey ku ridey caaga looga tala galey in lagu baaro, marka laga reebo Furo Guri yar iigu harey jeebka gadaal.
Markan mashiinka baaritaanka an galey, mashiinka wey qaylisey. Askariga ninka ahaa oo ihor taagnaa sii xushmad leh ayaa igu yiri “dib u noqo, waxaa jeeka ku jiro iska soo saar.” Intuu hadalkas igu dhahaayey ayaa waxaa gadaal ku soo qaylisey gabadha askariyadda aan labiska booliska qabin oo dhanka dambe ka fadhidey askariga ila hadlaayey. Askaridan aan labiska qabin ayaa sii xushmad daro ku dheexan tahay igu tiri “waa maxay waxaan saan u eg oo meesha iska soo galey.” Waxaan sii xushmad leh uga jawaabey “Adoo askari ah in sidan muwaadinka ula hadasho ma wanaagsano ee erayada adeegsaneyso ka fiirso.” Waxay sii caro leh iigu jawaabtey “masoo galeysid aruuntan… bax.” Askariga I hortaagnaa ayaa mar kale sii xushmad leh igu yiri “walaal waxaa jeebka ku jiro iska soo saar ee soo gal mashiinka mar kale” sii aan hore gudaha Xarunta uga soo gudbo. Waan sameeyey sidaas. Waxaan Xarunta C.I.D-da soo galey ayadoo weli caytameyso oona isha igu gubeyso. Askaridan magaceeda waxaa la yirahdaa ANISO.

Wuxuu darajada Master Degree-ga ka haystaa Amniga Dunida ‘Global Security’ asigoo ka baxay Jaamacadda Gobolka Arizona.
Xarunta C.I.D-da waan soo galey, waan isxadiriyey, foomka arrinta aan u socdey ayaan buuxiyey. Feelka waa dheeraa ee waan sugaayey inta la igu soo gaaraayo. Intaa meesha fadhiyey waxaan dareemaayey culeys cabsigelin ah, sida qaar ka mid ah saraakiisha meesha ku shaqeyneyso iisoo fiirinaayeen. Anoo weli feelka sugaayo ayaa waxaa ii imid- mid ka mid ah askarta ilaaladda ii eheyd ay meesha igeysey oo iga soo wardooney (askarigu wax hub ah ma wadanin, sida nidaamka Xarunta yahay). Isla markii askariga waa laga daba yimid, banaanka ayaa loo saarey. Ka dib waxaa ii imid nin careysan/xanaaqsan lagu sheegey inuu yahay taliyaha dambi baarista C.I.D-da oo lagu magacaabo Hussein (Xusseen). Hussein, waa nin dheer oo laf leh, madoow oo timo badan leh. Si kulul buu igu yiri “soo kac.” Banaanka qolka aan ku jirey ayaa iisoo bixiyey. Hussein, wuxuu iila dhaqmey sida qof shisheeye oo kale oo soomaali eheen. Hussein waxaa uu la hadley mid ka mid ah saraakiisha meesha ku sugnaay oo lagu magacaabo, SHARIIF. Wuxuu ku amrey SHARIIF iyo sarkaal kale aan magiciisa xasuusanin in qol gaar ah igeeyan oo su’aalo weydiin (interrogation) la igu sameeyo.
Labada sarkaal waxay ilaa aaden qol ka mid ah qolalka Xarunta oo hal miis yaala. Waxaa qolka igula soo harey sarkaal Shariif. Shariif waxaa iweydiiyey magacayga, wadanka aan ku dhashey, deegankan aan ku dhashey iyo kusoo barbaarey iyo waxaa aan Xamar u imid. Intiiba waan uga jawaabey. Waxaa kale iweydiiyey qofka Xamar an kafaalo igu ah. Waxaan uga jawaabey inaan ahay muwaadin soomaali oo dalkiisa dib uga soo laabtey sanado badan ka dib. Su’aalaha SHARIIF iweydiinaayey ma ehee su’aalo sii naxariis leh iiweyiinaayey. Qaab handadaad, cabsigelin iyo cagajugleen ayaa su’aalaha u dhigaayey. SHARIIF, waxaa kale iweydiiyey Qabiilkeyga (Beesha aan u dhashey). Waan ka diidey inaan uga jawaabo su’aashas, waxaan u sheegey inaan soomaali ahay, qabiilka goob dowladeed qaran ah igu weydinaayo aan habboonayn. Wuxuu ku adkeystey inaan u sheego qabiilka aan u dhashey asagoo adeegsanaayo “qaranka iyo qabiilka makala maarmaan” iyo Aayadka Alle SWT sii ka baxsan macnaha guud ee Aayada “يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ”
Laakiin, uma an jixinjixin cabsigelintiisa ee waan ku adkeystey inaan u sheegin qabiilka aan ka dhashey. Ka dib qolka su’aalaha wuu igu soo saarey, wuxuu iigeeyey xafiiska taliyihiisa HUSSEIN. Markan qolkiisa soo galey si degan ayuu iila hadley sii ka duuwan sida hore, wuxuuna iweydiiyey inta sano an dalka mooganaa. Waan uga jawaabey.
Marka hore, waxaa la igu sameeyey Isir-Soocid (Ethinc Profiling). Waxaa la ila dhaqmey si qof aan Soomaali eheen oo dalka sharci daro ku galey oo falal amni daro ku geysan rabo.Tan kale, waxaa la igu sameeyey waa fariin muujineysa cabsigelin- in dadka aniga oo kale ah dalka dibadiisa ku maqan ay ku soo dhiiranin imaatinka dalka sii meesha looga saaro ka qeybqaadashada daldhiska iyo furasadaha dalka ka jira qeyb laga noqonin. Xaruntan C.I.Da waxay ku taala inta u dhaxeysa Isgoysyada KM5 iyo KM4, waxayna ka soo horjeedaa Hotel Saxafi.
Waxaa qoray: Abdi Mohamud (Abdi Muda). Fikirka iyo aragtida ku qoran qoraalkaan kama turjubanayso Diblomaasi, laakiin shaqada Diblomaasi ayaa ah in la maqlo codka dadweynaha. Diblomaasi waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii ruuxaaniga ahaa ee dagaalkii shahiidiyiinta xornimada Aljeeriya
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Maxaad ka naqanaa taariikhda boqortooyada faca weyn ee Ajuuraan?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Gabaygii badda – Qeybtii 2aad
- Siyaasadda Soomaaliya1 month ago
IMF oo Soomaaliya u oggolaatay $100 milyan, laakiin waa sidee tayada la dagaalanka masuqmaasuq ee hoggaanka Xassan Sh. Maxamuud (4.5)?
- Siyaasadda Soomaaliya2 months ago
Soomaaliya oo dhisanayso Hannaanka Dowladnimada Casriga ah
- Afrika2 months ago
Safiirka Faransiiska oo ka tagaayo Niger – Reuters