Qoyska & Horumarinta Bulshada
Caqabadaha Guusha Kaa Hor Istaaga!

Marka laga hadlaayo guul waxaa dabataal guul daro. Waxaan rabnaa in aan kala ogaano waa maxay guul, guul darese maxay tahay?Guushu waa markii aad gaarto hadafkaagii iyo yoolkaagii kuu degsana waxaad hanatay guushii. Waxaana gacanta soogashatay shay qaaliya oo ah guul. Guuldaro waa in aad ka miro dhalin waydo hadafkaagi iyo yoolkii kuu degsanaa. Sababtoo ah ma jiro ruux guulaysta mar walba ilaa uu la kulmo caqabado iyo mushkilaad kala duwan. Inbadan waxaad maqashaa guul laakiin miyaad taqaan sida guusha loo gaaro iyo caqabadaha kaa hor imaan kara? Qof walba oo jecel inuu hanto guul waa in uu naf iyo maal ubaxshaa hanashada guusha si uu ugaaro.
Waxaa jira caqabado badan oo soo foodsaara guulaystaha. Waxaana ka mid ah:-
- Qorshe la’aan: Qorshe la’aantu waxay ka mid tahay caqabadaha soo wajaha qofka. Maxaayeelay markii aad rabto in aad gaadho hadafkaaga iyo yoolkaaga waa in aad leedahay qorshe cad oo aad wax ku kala wado. Tusaale markii aad rabto in aad gasho imtixaan oo aad ku guulaysato, waa in aad leedahay jadwal.
Waxa uu kuu sahlayaa jadwalka in aad maarayso waqtiga, lix saacna aad seexato, lix saacna aad waxbaranayso, lix saacna aad gudanayso waa jibaadka Alle, lix saacna aad wax akhrido. Waxaa kuu fududaanaya in aad hesho libinta sababtoo ah waxaad haysataa qorshe cad in aad ku guulaysato natiijada imtixaanka. Ogow markii aad ku talagasho in aad noqoto qofka kowaad ee guulaystaha ah waa in aad talada ku darsataa in uu jiro ruux adi tartan kula galaya oo masaafada aad jarto kula jaraya, inta aad hurudo waa uu soojeedaa, inta aad wax akhrinayso waa kula akhrinayaa, inta aad cibaadaysanayso waa uu kula cibaadaysanaya.
Kawaran ruuxaa kaa faa’idaystay, intii aad hurudayna waa uu dadaalayay akhris iyo qorid badan buu ku jiray. Intaad akhriska ku jirtayna waxa uu siijarayay socdaal ah in uu guulaysto oo kaa hormaro inta aadan gaadhin.
Soomaalidu waxay tiraahdaa ( Ninkii seexdaa sicii dibi dhal) oo ay ulajeedaan qofkasta oo is dhigtaa waxa ku hareeraysan guul darada hadafkiisa, waana sababta dad badan oo dunida ku nooli ay u dhahaan waxaa nahaysta caqabado oo ma guulaysano si kastoo aan udadaalno. Taasna waxaa keenay waa qorshe la’aanta aad ka leedahay waxa aad qabaneyso oo dhan. Markale waxay dheheeen saddex ma gaartid ( Ruux qorsho leh, ruux go’aan leh, ruux rabidtaan leh). Waxaan ka fahmaysaa qofku hadduu leeyahay qorshe cad, go’aan adag iyo rabitaan ka go’naansho ah waa adag tahay in aad si fudud ku gaarto. Sababtoo ah adi ma lihid wax cad oo aad ku hanato yoolkaaga. Maahmaah ayaa ahayd “Qowl iyo qorsheba waa lacadeeyaa”. Haddii aadan lahyn qorshe meel ma gaartid.
Alle wuxuu yiri (Haddii aad go’aan gaarto talo saaro Allaah, Allena waa jecelyahay kuwa talada saartee). Marke waa in aan yeelana wax cad oo aan ku tartano.
Haddii ay taas dhiciwaydo waxaa adag in aad hanato guusha, sababtoo ah waxaa kaa maqan shey qaaliya oo ah tashkiilaadii aad gu gaari lahayd hamigaaga. Maah-maah baa ahayd (Onkod xeeshiis buu dhacaa hadalna nuxurkiis). Caqabada ugu weyn ee soo wajaha guul raadiyaha waa qorshe la’aan.
- Kibirka: Qofka kibirka badan iyo qofka qoonsimaadka badan midna meel ma gaaraan. Haddii aad tahay ruux uu ku jiro kibir iyo iska sarayn, waxaa hubaal ah in aadan meel gaari karin.
Ragow kibirka waa lagu jabaa kaa hala ogaado, taas waxaan ka fahmaynaa in kibirka aan meelna lagu gaarayn, sikastoo aad uroorto ama aad u korto babac iyo buur waxaa adag in aad hesho ama aad gaarto guusha aad rabto. Ruuxu waxa uu kibrikaraa markii uu hadafkiisii iyo yoolkiisii hanto laakiin inta ka horaysa fadhi iyo kibirtoona guul laguma gaadho.
Soomaalidu waxay dhahdaa (Fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa) oo ay ula jeedaan qofna si dhib yar uma hanto guusha iyo kama danbaysta darajada sare. Waa in aad umartaa dhib, waa in aad usafartaa, usaamo layshaa, una soojeedaa xiliyada dadku hurdaan. Intaa haddii lagaa waayo dadaalkaagu waa hal bacaad lagu lisay oo kale. Maah maah kale waxay ahayd (Kibirku harkuu kaasaaraa hoosna kuguma simo), taas micnaheedu waa in aadan ahayn ruux kibir iyo isla wayni ku jirto sababtoo ah ma jiro ruux islaweyni iyo istustusnimo meel ku gaara balse in uu gaaro daaye waxa uu noqdaa ruux shalayto badan oo ka qoomameeya wixii soomaray. Saddex waa isqabtaan (Qof qosol badan iyo qof qoonsi badan, qof quud jecel iyo qof aan uquurin, qof qab weyn iyo qof aan u qabin). Waxa ubadan oo ay dadku u guulaysan waayeen waa kibir iyo islaweyni aan xad lahayn taas ma keeni karto in aad hanato guul IWM.
Qofka marka uu guulaysto waxa uu gaaray yoolkiisii, wuxuuna xaqiijiyay mid ka mid ah qorshihii iyo waxa uu ku taamayay.
Haddaan sooqaato gabaygii uu tiriyay Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheeraa Qaasim, sanadku marka uu ahaa 1960-kii, kolkii gobanimada la helay, isaga oo cadan jooga waxa uu ku salaamayay una bishaaraynaayay geesiyaashii soomaaliyeed ee muddada dheer u soo halgamaayay gobanimada, gaar ahaan waxa uu ku xusayaa Sayid Maxamed C/dulle Xassan.
Wuxuu yiri:
- Allow yaa darwiishkii farriin dabacsan gaarsiiya
- Allow yaa dabaal deg iyo farax kala dul eedaama
- Allow yaa dadkaagii yiraahdaa dowladnimo qaaday
- Dhaaxuu u daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
- Haddaawado dadka u hiiliyiyo doogga soo baxaye
- Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
- Allow yaa dirkii dhoodi-meer doona faraciisa
- Allow yaa darmaan fara taqaan duqa u heenseeya
- Allow yaa duleedada taleex uga damaashaada
- In dariiqadii nooshahoo dihine soo gaadhay
- Oo uu dabkuu shiday rag kale dogobyo sii saaray
- Allow yaa af lama daaliyo e daacad ugu sheega.
Abwaanku waxa uu sifeynaayay kana sheekaynaayay guushii lagaaray iyo ammaanta raggii soohoyiyay iyo raggii ka soo shaqeeyay muddada dheer u dagaalamaayay oo naf iyo maal u huray. Sidoo kalena waxaan gabaygaan ka fahmaynaa in marka aad gaadho guusha aad farxi karto balse inta ka horaysaa ay tahay wali reerku waa hayaan oo macaga dhigan. Ruuxa waa in uusan ka dheeraan waajibaadka Alle uusan noqon ruux aan ku mahadin Allihii uumay oo gaarsiiyay guushaas. Guul darada ubadan waa Ilaawitaanka la ilaawo Alle cabsidiisa sababtoo ah markasta oo aad hanato hadafkaaga waa in aad u mahadnaqdo Allihii ku waa fajiyay guushaas.
- Xaasidnimo: Qofka raba in uu gaadho yoolkiisa waa in uu maanka iyo maskaxda ku hayaa in uu san meelna gaarin ruux xaasid ah aan ogolayn libinta iyo guusha dadka kale.
Waxaad arkaysaa ruux leh ani waxaan rabaa in aan ka gun gaadho hadafkayga laakiin marabo in ay dadku ila gaaraan hadafkayga taas ma fiicna diiniyan iyo bini-aadanimo waayo ruuxna ma hanto guul isagoo xaasidnimo ku jirto. Waa tii la yiri (Ma liibaano xaasidka), qofka xaasidka ah waligii meel ma gaaro oo isagay ku noqotaa xaasidnimadiisa. Waxaa qofka aadanaha ah laga rabaa in uu la jeclaado walaalkii waxa uu la jecel yahay naftiisa. Sababtoo ah haddii aad adi keliya dhahdo waa in aan kaligay saas ahaadaa ma dhacayso in aad gaadho wadadii aad usocotay iyo yoolkaagii kuu degsanaa.
Maah maah ayaa ahayd (Xaasid ma bulaalo) oo loola jeedo qofka keligiis isku rabaha ah meel ma gaaro guulna ma uriyo.
Markale waa tii la lahaa ( Xaasid ma xayaado) oo ah in marnaba talaabo la qaadi karin ilaa laga dheeraado waxkastoo qoonsi iyo kibir keeni kara. Taasna waxaa looga fadhiyaa qofkasta oo islaam ah waayo qofka islaamka ah Alle waxa uu siiyay nimco aysan haysan gaallada oo ah Iimaanka taasna waxaa looga fadhiyaa in aad ku shukrido dadka guulaha gaarayna ama kaa guulaystana aad umahadnaqdo si qalbi furan adoon la imaanayn xaasidnimo IWM. Xaasid wax ma xukumo hadduu xukumana kuma bulaalo oo waa eedaa. Xasadku waa xanuun aan laga xafaaroobin. Sababtoo ah qofba qofka uu san la jeclayn libinta qof kale aan la ahayn naftiisa ma ku najaxo. Waxa uu ka siiqaadaya xanuun iyo xiqdi dheeraada. Abii Xamsata, Aanas Bin Maalik ahaa (Alle raali haka noqdee) adeegihii Rasuulkana (NNKH) ahaa waxaa laga weriyay : In Rasuulka (NNKH) yiri: ( Axadkiin ma rumayn Alle ilaa uu la jeclaado walaalkiis muslimka ah waxa uu nafsaddiisa la jecel yahay). Waxaa weriyay (Bukhaari iyo Muslim).
Waxaan ka faa’idaysanaynaa in aan qofka islaamka ah la xaasidin una ogolaano libinta uu Allihii uumay ugartay. Haku waayin imaankaaga xasidnimo adoo isleh qof wax u dhin ama jar ka tuur.
- Wahsi (Caajis badan): Haddii aad doonayso in aad gaadho hadafkaaga marna ha u ogolaan naftaada in ay caajisto oo habsan ku dhaco shaqadii aad qorshaysay.
Caqabadaha ugu weyn ee soo wajaha qofka jecel guulaha ama guud ahaan bini-aadamka waxaa ka mid ah waa caajiska, waxayna kuu horseedaa in aadan meelna gaarin bal aad ku hodmato. Ruuxa jecel in uu gaadho yoolkiisa marnaba ma aqbalo waxa ay naftiisa iyo sheydaan ba jecelyihiin. Sheydaanku waxa uu ku saaraya hu’ qoyan waxa uu ku leeyahay waxaan waa adag tahay ee ha isku daalin, way adag tahay ee nafta ha dhibin, waa xili hurdee seexo, waad xanuunsan tahee ha is dhibin, waad daalan tahee iska naso, indhahaa ku xanuunaye iska dhaaf, waqti mahayside ha islurin, way dhib badantahee haka lifin nafta, waa qabobe ha bixin, guulaysan mayside ha cadibin naftaada, waxaan ku anfici maayaane waqti haku lumin IWM.
Sheydaanku marna kuuma ogola wax guul ah oo balan iyo wacad waxa uu ku maray in uu bini-aadamka luminaayo. Ninka dhaarta ku maray in uu bohol iyo jahanama ka tuurayo ma aaminaysaa mise raacaysaa awaamiirtiisa uu ku faraayo, waa inoo nasiib daro in aan ku hodmano sheydaanka iyo hadalada uu nagu dhaho xiliyada aan gudanayno waajibaadkeena Alle iyo markastoo aan ku joogno in aan gaarno guusheena.
Ruuxa mu’minka ah ma ahan kan caajisa oo wahsiga badan, waa ruuxa aan aqbalin wahsi waayo caajisku iyo wahsigu waa camal sheydaan oo ninkaas sharwadaha ah ayaa hogaaminaya. Waxaa naloo ka baahan yahay in aan cashar ka barano dadkii hore ee guulaystay iyo dadkii hore ee guul daraystay . Waa tii la yiri ( Casho walba cashar baro aad caalim noqotide).
Waa in aan baarno maxay ku guulaysteen? Maxay sameeyeen? Maxay naftooda udiideen? Maxay nebcaayeen? Maxayse jeclaayeen? Maxay aqbali jireen? Maxayse diidi jireen?
Waa su’aalo ubaahan in laga jawaabo iyo turxaan bixin aan caadi ahayn. Waa in uu yahay qofka guul raadiyaha ah qof iswaydiin kara su’aalo kasta, kana jawaabi kara.
- Kalsooni la’aan: Kalsooni la’aantu waxay kuu horseedaysaa in aadan gaarin meelna waayo waxaad ba ku kalsoonayn naftaada iyo awoodaada.
Haddii aad shaki ka qabto in aad guulaysanayso waxaa hubaal ah in aadan gaadhayn guul sababtoo ah ma aqoonsanid naftaada iyo awood uu Alle ku siiyay. Haddii aad iska dhaadhiciso ma gaaraysid guusha, ma socon kartid garab la’aan, ma dhaqaaqi kartid wehel la’aan, ma noolaan kartid keligaa, wax ma baran kartid, waligaa ma gaaraysid waayo awoodaadi baad xaqirtay kumana kal soonid.
Kalsooni la’aan kal ma jabiso kurbana kaama saarto. Waa in aad tahay ruux leh go’aan ku kalsoon naftiisa aan cid kale wax uga daba fariisan. Alle qur’aankiisa kariimka ah waxa uu ku yiri “Haddii aad go’aan gaarto talo saaro Allaah, Allena waa jecel yahay kuwa talada saartee”. Markale waa tii uu lahaa Alle sareeye (Ruuxii Alle ka baqa ee sabra, Ilaahay ma lumiyo dadka ajirka dadka wanaaga sameeya). Qofka mu’minka ah ma ahan in uu noqdo kalsooni la’aan miyaad ka liidataa shimbirta subixii duusha iyadoo calool maran habeenkiina soonoqota iyadoo dheregsan. Su’aashu waa maya. Waxaa qofka laga rabaa in uu leeyahay go’aan adag oo uu ku meel maro. Soomaalidu waxay dhahdaa (Kartidaada kuu dhaanta kun adeeradaa dhaleene). Waa in aad tahay ruux karti leh. Inta badan dadka waxay la guul daraystaan waa kalsooni xumo iyo awoodooda oo aan aaminsanayn.
Dadka bini-aadamka ah waa sida ay iska dhigaan. Qof walbaana wuxuu yahay isagu sida uu iska dhaadhiciyo. Dadka japaaneska ah waxay aaminsan yihiin in ay samayn karaan waxkasta, haddii uu qof wax sameeyana ay samayn karaan, haddii aan la samayna ay waajib ku tahay in ay sameeyaan. Dadka carabta ah waxay aamin san yihiin in la samayn karo waxkasta oo la sameeyay sidoo kalena ay samayn karaan waxkasta oo qof sameeyay. Haddii aan la samayna aysan isku dayin.
Dadka soomaalidana waxay ku leeyihiin waan samayn karnaa, haddii la sameeyayna waan isku dayi karnaa oo waan awoodnaa. Haddii aan la samayna waxay ku leeyihiin sababteebaan u sameyn weyney. Haddaba qofka waxaa lagarabaa in uu dhaho wax walba waan samayn karaa, waan awoodaa waana samaynayaa. Markii aad samayn waydana waa in aad dhahdaa sababtee baan usamayn waayay waxaas iyo waxaas.
- Dhaqaalo dari: Qofka marka uu usodcaalo guul iyo in uu ka miro dhaliyo hadafkiisa waxaa inta badan soo mara caqabado aad u adag kuwaas oo lidi ku ah horu socodka.
Waxaa ka mida dhaqaalaha waana kan ugu muhiimsan ee lagu gaari karo wado kasta oo aad doonayso in aad gaarto. Tusaale, markii aad rabto in aad furato dukaan oo aadan haysan wax tacab ah oo aad ku bilawdo waa adag tahay in aad furto sababtoo ah ma aad awoodo. Marka laga hadlaayo ganacsiga waxaa shardi ah in ay jiraan laba shay oo kala ah:
Rabitaan “doonis”
Awood “karti”
Waxaa dhacda marmar in aad jeceshahay in aad samayso dabakaaye ama bakhaar, laakiin ma awoodo in aad ku dhaqaaqdo ama aad fuliso arrintaa oo waxaa kaa maqan dhaqaalihii. Sidaa darteed ma samayn kartid in aad furto goob ganacsi. Marna waxaad awood uleedahay in aad wax walba samayn karto, mashruuc kastana fulin karto laakiin aysan jirin wax rabitaan ah. Taas hadday dhacdo ma suuragalayso in uu guulaysto qorshahaas waayo waxaa maqan rabitaan. Qofkasta oo haya fikrad hadduusan haysan wax dhaqaale ah uma suuragalayso in ay guul ka gaaraan hadafkooda iyo yoolka ay tiigsanayaan. Dhaqaaluhu waa kan kala socodsiiya wax walba waana kan kuu fura wado kasta oo aad ubaahato.
Haddii aad go’aan ku gaarto in aad aado dayaxa oo aad haysato dhaqaale kugu filan ama kaaba badan waad uduuli kartaa waana dagi kartaa dayaxa oogadiisa. Sababtoo ah waxaa jira dad tagay oo ku tagay dayax gacmeedyo. Waxaana usuuragashay in ay tagaan waa dhaqaale IWM. Haddaba qofka hadduusan haysan waa adag tahay in uu gaadho bartilmaameedka uu rabo. Waana caqabada ugu weyn ee soo wajaha dadka jecel in ay gaaraan yoolkooda. Dad badan waxay ka cawdaan hanti yari taas oo keentay inay guul daraystaan sababtuna waa dhaqaali yarida.
Soomaalidu waxay dhahaan saddex dadkaa kugu naca xilo la’aan, xoolo la’aan iyo xishood la’aan. Haddii aadan xoolo haysan ma ahid ruux ka miro dhasha hadafkiisa ilaa qof mooye sabra, kuna dadaala in uu hanto ama ka miro dhaliya hadafkiisa.
- Caafimaad darro: Sheyga ugu qaalisan ee uu haysto qofka waa caafimaadka. Haddii uu waayo caafimaad waxkasta oo noloshiisa la xiriira waa uu waayaya. Sababtoo ah ma jiro awood ama karti uu ku meelmariyo fikirkiisa saliimka ah .
Alle waxa uu inasiiyay oo dhan waxa u fiican waa caafimaadka, waa in aan ka miro dhalino hadafkeena si aan ugu guulaysano socdaalka nolosha ugu jirno. Inta badan haddii aadan haysan caafimaad laakiin aad haysato waxkasta oo aad ubaahato waa adag tahay in aad gaarto yoolkaaga. Maah-maah baa ahayd saddex dadka kugu naca bukto badan, baahi badan iyo baryo badan. Waxaan ka fahmaynaa in buktada badani ay tahay shey ka hor istaagaya in aad samayso waxkastoo aad go’aansato waayo jirkii caafimaad qaba baa guulaysta. Waxaa nala karabaa in aan ka faa’idaysano caafimaadkayaga intaynaan xanuunsan ka hor, in aan ka faa’idaysano waqtigeena intaynaan mashquulin ka hor iyo in aan isxisaabino intaynaan nala xisaabin ka hor.
- Talo la’aan: Guuldarada waxa keena waa talo la’aanta sababtoo ah talaabo ma qaadi kartid haddii aadan haysan talo iyo tusaale.
Dadka inta badan guul daraystaa waxa ka mid ah oo soo wajaha waa talo la’aanta waana lagu hodmaa in aad iska socoto talo la’aan. Soomaalidu waxay dhahdaa saddex baa dadka uliita matoshe, ma tashade iyo ma tashiishe. Haddii talo lawaayo wax walba la’ waa. Waxa la yiri markii talo la helo ayaa tubta la tiigsada. Qofka raba in uu ku guulaysto noloshiisa waa in uu yahay ruux leh talo. Sidoo kalena la tashado dadka khibrada u leh. Laakiin qofka aad la tashanayso waa in uu yahay ruux u saaxiib ah talada aan ahayn ruux xaasid ah. Qofka xaasidka ah la lamatasho waayo waxa uu kaa tuurayaa god iyo meel aadan ka soowaaqsan waligaa.
Waxaa la yiri waxa saaxiibo ahaa laba wiil laakiin mid ayaa ahaa xaasid, waxay yimaadeen bad wayna ku mayrteen saa midkii aan xaasidka ahayn ayaa waxaa qaaday xiis, markaas ayuu qayliyay waxaa soo rooray kii xaasidka aha, wuxuuna ka soosaaray baddii waana soobad baadshay. Markii banaanka loo soo baxay ayuu dhahay kii la soobad baadshay waad mahadsantahay maadaama aad isoo bad baadisay. Inta uu qoslay ayuu dhahay kuma soo saareene, maalin dhawaynto ayaa wadaad ka maqlay ruuxii baddu cunto waa ehlu jano. Marke waxaan arkay adoo naf ah oo baddu ku wadato waxaan is iri inta uusan dhiman ka gaar yuusan janadda galinee. Waxaan ka fahmaynaa qofka xaasidka ah lala matashado lalamana saaxiibo sababtoo ah sidaa iyo si kadaran ayuu kuu galaya. Inta badan dadku iskuma ogola libinta iyo guusha. Waxaana ku hortaagan in aad ka fiirsato ruuxa aad la tashanayso. Tusaale ahaan, waxaad go’aan ku gaartay in aad qorto buug, waxaadna u baahatay in aad hesho qof kaa caawiya oo ku siiya talo iyo tusaale si aad u raacdo una gaadho guusha.
Ruuxa aad utagaysaa waa in uu yahay qof horay usoo qoray buugaag ama qoraa ah waxaana la dhaha (God ninkii galaa laga waraystaa). Oo qofka kaawaya aragsan waa lama huraan in aad la tashato. Maah-maah soomaaliyeed ayaa ahayd ( Qofkii gu’ kaaweyn il guruxeedna kaa weyn) oo macneheedu yahay in qofka kaawaaya aragsan la tashato siddii aad u hanan lahayd guushaada ah qoridda buugga.
Dadka guulaystaa waa dadka badanaa la tashta dadka ka waaya aragsan sababtoo ah kor waayeel waa wada indho, waana lama huraan in aad xaqiijiso ka gun gaadhida hadafkaagii kuu dagsanaa.
Waxaa hadda ka hor meel daganaa oday, waxaana u imaan jiray dadka waxayna ka qaadan jireen talada. Waxaa soo aaday nin waxa uuna yimid meeshii uu daganaa. Ka dib waxa uu weydiistay in uu la taliyo markaas ayuu dhahay iikeen tulud aan ku siiyee talo. Waxa uu siiyay hal uu watay ka dibna inta uu ka gudoomay ayuu dhahay, ( Wax hubso) oo iska aamusay. Ninkii ayaa dhahay ila-tali suuyeen wax hubso mar labaad. Suuyeen ila-tali, odaygii inta uu eegay ninki ayuu dhahay wax hubso adeer. Ninkii isaga oo yaaban ayuu tagay gurigii , hashiina laga qaatay waxa uu ku baxshayna uusan garanayn. Waxa uu tagay gurigii xili saq dhexe ah, waxaa uu arkay guriga nin dhex hurda oo islaanta dhinac hurda, inta uu xanaaqay ayuu damcay in uu caloosha ablay ka gasho. Saa marka uu ula soobaxay tooraydii ayuu xasuustay hadalkii uu yiri odaygii ee ahaa wax hubso. Dib ayuu uga istaagay, waxa uu go’iisii dhigtay ardaaga. Subixii marka uu kacay ayuu ogaaday ninka uu dililahaa in uu ahaa sodogii.
Maah-maah soomaaliyeed ayaa ahayd (wax wax ku siiya wax badan baa aragtaa wax wax kuu sheegana wax yar). Talada adaa ku nool ee iyadu kuguma noola. Ahow ruux mar walba talada gorfeeya teeda wanaagsanna qaata. Ruux kasta oo guulaysta waxa uu ku tiirsan yahay talo, waana mid gorfeeya, ka dibna qaata teeda macquulka ah. Ruux kastoo guul daraystaa waa mid aan lahayn talo iyo gorfeeyn toona waana sababta dad badan ugu halaagsamaan wadooyinka guul darada.
- Goynta xariga Alle: Haddii aad tahay ruux aan haysan xariga Alle, waxaad noqon ruux aan gaarin libinta iyo guusha teeda wanaagsan.
Mana noqonaysid ruux qorshihiisa ufulaan, taladuna waa kaa kala yaacaysaa. Sababtuna waa xariga Eebbe oo aad goysay. Alle wuxuu yuri ( Qofkii igooyaa anna waan goyn). Ruuxa aadanaha ah waxa uu dadnimo ku leeyahay markii uu guto waajibaadka Alle, lana yimaado wixii la faray waa hubaal in uu waxkasta uu ku hamiyo Alle ufududeeyo.
Dadka inta badan nolosha ku guul daraysta waxa ay jareen xarigii isku hayay iyaga iyo Allihii uumay. Haddaad rabto in aad gaarto yoolkaaga qabso xariga Eebbe, Alle kuma khasaarinayee. Alle weyne wuxuu qur’aankisa ku yiri ( Ruuxii Ilaahay ka cabsada ee sabra, ilaahay ma dayaco dadka wanaaga sameeya ajarkooda). Alle ma ku dayacaayo haddii aad talo saarato oo aad ka cabsato isaga lana timaado wixii lagu faradyeelay.
- Guul darada oo aadan cashar ka baran: Caqabada soo wajaha dadka waxa ugu weyn iyagoo aan ka baran cashar wixii soo maray oo dhan ama dadkii ku jabay wadadaan oo guul daraystay. Dadka guul daraysta waa kuwa aan ka leexan wadadii ay ku fashil meen kuwii iyaga ka horeeyay.
Waa in aad tahay ruux markasta ujooga guul balse aan ujoogin guul daro. Waayo guul daradu waxay kugu dharbaaxdaa dadka hortooda laakiin guushu waxay kugu dharbaaxdaa kelinimada.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.
Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.
Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.
Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.
Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.
Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.
Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.
Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.
Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.
Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.
Dhiiri geli naftaada
Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.
Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.
Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.
Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.
Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.
Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.
Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro
Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.
La soco qeybaha labaad ee buuga.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.
Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.
Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.
Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.
Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.
Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.
Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.
Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.
Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.
Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.
“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”
“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”
“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”
“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”
Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.
Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.
Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.
Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.
Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.
Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.
Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.
Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.
Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.
Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.
Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.
Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.
Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.
Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.
Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
Si aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku habboon tahay noloshaada.

Alle nama uusan siinin nolol xun iyo nolol wanaagsan toona ee wuxuu nasiisay nolol si aan u noolano. Haddaba nolosha kuguma aaminto fadhi iyo cayaar ee waa inaad isweydiiso sababta halkaan aad u joogto?
Dabcan waa laga yaabaa inaad isku aragto inaad tahay qof fashilmay, balse waa muhiim inaad garato hadafka aad u nooshahay.
Qof weliba wuxuu ku noolaanaa nolosha uu doorto mid xun iyo mida wanaagsanba aad adiga ayaa dooran karo. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso siddee ayaad ku dooran kartaa nolol wanaagsan iyo nolol xun?! Cabqarinimada iyo nasiib ka nolosha waxaa la tilmaamaa inay tahay hal jaanis oo dhaliyay fikir wanaagsan, hal ka horumar ka guushana ay tahay hadafka oo diiradda la saaro.
Si’aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku hahboon tahay noloshaada.
Mid weliba oo innaga mid ah waxaa dhibaato ku ah inuu uu fakaro si wanaagsan illaa inta caqliga saaxiibka la ah mooyee. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr siyaadoob oo kaa cawin kara inaad badasho talaabooyin kaagii hore.
U nooloow maanta: waxaan jeclaan lahaa in si gaar ah aan kaga waramo cinwaan kale balse waan sameyn doonnaa haddii uu rabi ogalaado, nolosha maanta waa waxa ugu badan ee horumariya nolosheena waayo haddii aanan laheyn nolol maalinle ah ma jirto hadaf aynu xaqiijin karno.
Maalin weliba aad soo toosto waxay kuu tahay fursad kale aad kaga jawaab celin karto wixii shalay ku dhaafay, haddaba fursadan kama faa’ideysan kartid haddii aadan u diyaarsaneyn.
Nolosha waxna kuma laha jiifka iyo waqti lumiska, marka soo jeed ilaa aad ka xaqiijiso hadaf kaaga, si kasto ay ahaatba u nooloow inaad xaqiijiso hadafkaaga.
Markaad seexaneyso ku seexo inay beri kaaga baahan tahay inaad wajaho sharkeeda iyo qeyr keeda, si maalin kuu bilaabanaayo aad kaga war qabto noloshaada.
Waxaa jirtay beri aan la sheekeysan jiray adeerkeey oo jooga qurbaha inta badan wuxuu igaga sheekeen jiray nolsoha qurbaha iyo sidda ay ula fal gashay noloshooda, wuxuu kale uu ibari jiray xirfada qaab qoraalka hagaagsan.
Haddaba si aad u wajahdo nolosha maanta waa inaad u diraay garowddo ka hor inta aadan seexan si aad ugu faa’ideysato maalin kaaga.
Iska iloow wixii hore: mararka qaar waxaad milicsataa waxyaabo hore kuu maray noloshaada waxay doonnaan ha noqdeen, balse ma haboono inaad waqti siiso sababtoo ah way ku dhaafeen.
Shalay waxay ahayd maalin tagtay, marna lagama yaabo inay soo laabato. Shalay waxay riyadaada ahayd inaad suurta geliso waxyaabo badan balse maanta kuuma aysan hagaagin, ha shalaaynin waayo maanta ayaad kaga jawaabi kartaa natiijada ka wanaagsan shalay.
Mararka qaar nolosha kuuma hiilin karto ee adiga ayaa lagaa rabaa inaad ku hiilato hadafkaaga haddaba maah-maah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhal” haddaba haddii aad seexato adiga ayaa noloshaada u diiday horumar waayo horumarka wuxuu ku saleysan yahay waxa aynu maanta qabaneyno ma ahan shalay wixii naga dhacay.
Qof weliba wuxuu gaf wuu ka dhacaa mana ahan inaan dib u eegno, waayo maanta ayaa kaga jawaabi kartaa fikrad kale oo wanaagsan. Way haboon tahay inaad eegto qaladaadkii kaa dhacay si aad ugu raali galiso haddii aad qof ka gashay, balse ma ahan inaad raac raacdo sababtoo ah waxba kuuma soo kordhinaayo.
Joogteey howlahaaga: si aad u xaqiijiso hadafkaaga waa inaad joogteyso shaqada maalinlaha si aad ugu danbeyn ugu gun gaarto hadafkaaga. Shaqo walbo aad heyso haddii aysan laheyn joogteen ma noqon karto mid guuleysata sabatoo inta badan guushu waxay ku timaadaa adkeysi iyo dedaal.
Dadaal oo sameey wax badan samir u yeelo shaqadaada ugu danbeyn waxaad sameyn doontaa guul layaab leh, sameey hanna yareysan waayo wax weliba aad maanta eber ka tahay maalin ayaa laguugu yeeri doonnaa inaad tahay macalinkii xirfadiisa loogu magac daray.
Wax badan waxaa laga yaabaa inaad aamintay inay noloshaada guul daraystay, balse maanta waxay kuu tahay maalin kale aad xaqiijin karto middaas.
Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka faa’iiday maqaalkan waxaan kaa dalbanaa inaa la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah
Waxaad isbeddel ku sameyn kartaa muddo yar oo kooban, laakiin ogaaw hadafka aad maanta go’aansato hubbaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo.

Nolosha kaliya kuma siin doonto maalmo qurux badan, ee waxay kaloo wadataa maalmo kalle dhibaato iyo fikir aad la jiifsan doonto.
Marar badan ayaad ka qoomameyn doontaa sidda aad maanta u nooshahay waana sababta keento inaadan u dhabar adeygin maalmihii kusoo maray. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso maxay waxaan oo dhan ay kuugu dhacayaan waxaana kaga hadli doonaa maqaal kale.
Uma baahnid in wax laguu yeeriyo si aad u noqoto qofka aad dooneyso, ee waa inaad adiga go’aansataa cida aad noqon doonto. Waxaa laga yaabaa inay kusoo mareen xilli aad heysato dad badan oo wax kuu sheegaya wax kusiinaya, siddoo kalena ku jecel balse maalmaha kamid ah dadkaasi oo dhan way kaa tagi doonaan ee maxay noloshaada kaga tageen?!
Maanta waxaa laga yaabaa inaynu aad u jecel nahay in badan oo dadka ka mid ah inay na taageeraan ayagoo wax badan diyaar nala ah, haddana sidda ay tahay kagama faa’iidaysano, tani waa sababta keenta inaynu weli u bislaanin rabitaanka guusha aynu u baahanahay inaan xaqiijino.
Dadka waxaa la sheegaa inay isbedel ku sameeyaan muddo 60 sanno, balse hadafka aad maanta go’aan sato hubaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo. Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood aad kaga faa’ideysan karto maalmahaaga quruxda badan ee nolosha kusoo mara. Fadlan haddii aad wax badan ka faa’iido la wadaag bulshada inteeda kale, ka bogoasho wacan.
Saxiibka wanaagsan: Nolosha safar iyo daal dheer kasoo bilowday kumanaan qarni ka hor, haddaba si aan ugu socdaalno safarkaan waa inaan heysano sahay aan kusii socon karno inta uu ka dhamaado safar gaaban. Saaxiibka waa macalinka ugu wanaagsan nolosha wuxuuna ku baraa waxyaabo badan oo aadan war u heyn, haddaba si macalinkeenu uu u ahaado mid daacad ah kaasoo si qurux badan wax noo bari kara waa inaan ka fiirsanaa.
Haddaba haddii aad leedahay saaxiib wanaagsan waxaad leedahay macalin wanaagsan oo wax kaa bari kara safarka noloshaada. Ma noqon karno mid guuleysta illaa aan ka wanaajino nolosheena, ma wanaagin karno nolosheena ilaa aad ka wanaajino shaqsiyaadka aan nolosha kula saaxiibnay. Saaxiibka wuxuu sidaa dhambaal ama risaalad wuxuuna rabaa inuu ku gaarsiyo si aad ula dhaqan noqoto xumo iyo same, balse mar weliba aynu la saaxibno saaxiib noo jiheyn kara guusheena.
Wax qor: In badan oo bulshada ka mid ah waxba kama qoraan xaaladahooda nololeed waxaa laga yaabaa inay sameeyaan wixii maan-kooda kusoo dhaca balse waa laga wanaagsan yahay.
Qoraal kooban ka sameey shaqada aad qabaneyso adigoo isticmaalaayo (stick note) ama xusuus qor si aad ugu buraagsanaato howsha aad qabaneyso.
Ha ilaabin inaad sameyso waqti xadidan oo aad dhameyso howsha si aysan waqti badan kaaga bixin inta aad ku guda jirto.
Qaado waqti dheeraad ah: shaqada waxay leedahay waqti ay dhamaaneydo si kasto kasto ay ahaataba, isku day inaad hesho waqti aad nasato aanan aheyn middka aad jiifsaneyso.
La sheekeyso naftaada si aad u ogaato waxa ka dhex guuxaaya gudahaaga, haddaba si kastaba noqotee isbar inaad si gaar ah naftaada ula sheekeysato si aad uga gun gaarto lag danka ka dhex socda maskaxdaada.
Seexo waqti kugu filan: hurdada waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha faa’iidada u ah, balse waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga haddii uu rabi ogalaado.
Inaad hesho hurdo kugu filan waxay kuu horseedi kartaa inaad shaqo badan qaban karto adigoo aadan ka caajisin. Inta badan waxaa dhacdo ina lagu dhafro waxyaabo badan oo sameyn ku leh nolosheena sidda, caajis, daal tiro badan iyo wahsiga oo kugu tiro bata.
Waqti walba aad dareento wahsi iyo caajis waxaad jeclaan laheyd inaad jiifsato, balse ka digtoonoow hurdada tirada badan.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
Waxaan umalaynayaa in la gaaray wakhtigii aad noloshaada beddeli lahayd ee diyaar ma u tahay inaad noloshaada beddesho?

Waxaa lagaa yaabaa inaad ku fikireyso waxyaabo badan inay kuu hirgalaan, balse waxaa laga yaabaa in fikradahan iyo kuwa kalaba aad ku fukireesay mudo dheer laakiinse illaa iyo hadda uusan mid kuu suurta galin.
Marka dadka intooda badan ay damcaan inay beddelaan noloshooda, waxay inta badan diiradda saaraan dhammaan walxaha dibadda, sida shaqo cusub ama meel cusub ama saaxiibo cusub ama rajo cusub iyo wixii ka dambeeya.
Xaqiiqdu waxay tahay in noloshaada baddalkeedu ay ka bilaabato beddelka sida aad u aragto wax kasta oo noloshaada ah. Haddaba ila dhammeyso qoraalkaan oo aan kusoo koobay qodobada lagaa rabo inaad la timaado.
Waxaa jira dodyow badan oo dunnida horumar ka sameeyay kuwaasoo aan halkaan lagu soo koobi karin, balse maxaa inoo diiday inaan annagana is-weydiino siddee ayaan nafteena horumar iyo fikir wanaagsan ugu dabaqi karnaa si aan u gaarno dadyowga horumar.
Marka lasoo hadal qaado horumar dad badan ayaa mooda in waxyaabo badan yihiin horumar, balse waxyaabaha qaar waa waxyaabo lagu badalaayo naftaada ay ugu horeyso diintaada iyo dhaqan kaaga.
Bulsho horumartay waxaad ka qaadan kartaa wixii quseeya arimaha aqoonta iyo waxa ku saabsan dhaxalka beni’aadamka, si taa aad ugu dayato waxaad u baahan tahay inaad ka fakarto siddee ayay dadkani ku gaareen.
Adigoo aaminsan fikirkii aad shalay ku guul daraystay inaad maantana aad ku howl gasho waa kuu nasiib daro, waxaadna u baahan tahay inaad isticmaasho fikir ka duwan fikirkii shalay.
Haddaba waxaa laga yaabaa in nolosha aad u arakto inay tahay guul darro balse waa sidda aad adiga u fahamtay, haddaba si aad u guuleysato waxaad xooga saarta arimahan soo socda.
Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood oo kaa caawin kara safarkaaga cusub, fadlan haddii aad wax ka faa’iiday maqaalkan la wadaag bulshada inteeda kale.
Akhriska buuggaagta; waxaa laga yaabaa inaad ku fakareyso maxaa isku xiray fikirka aan aaminsan nahay iyo akhriska. si taasi aa usii fududeeyo maxaa isku xiray akhriska iyo fikirka.
Tanni waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer araktay haddana isma weydiino sababta ay muhiim u tahay.
Akhriska waxa aad akhrinayso waxay ka dhigan tahay adigoo akhrinaayo fikirkii bani’aadamkii kaa horeeyay iyo sidda ay nolosha u arkaayeen. Haddaba haddii ay kugu adag tahay aqrinta buuggaagta waa inaad isbartaa sidda aad ku akhrin laheyd buuggaag kala duwan.
Ku dabaq wax akhriska naftaada si aad ugu wax badan u ogaato, waxayna kaa caabineysaa inaad yeelato fikir wanaagsan. Inaad buuggaag badan aqrido waxaa ka wanaagsan inaad hal buug oo fiican aad aqrido si uu wax kaga badalo fikirkaaga.
Akhriska buuggaagta kuwooda fiican waxay ku dhaxal siineysaa inaad ka fakarto guusha aad u baahan tahay inaad gaarto iyo sidda ay kugu fududaan karto. Haddaba si aad taasi u dooran karto waa inaad wax badan akhrisaa noloshaadana aad bartaa akriska.
Samir yeelo; wax weliba oo isbedel ah waxay kaa qaadan karaan waqti badan, balse ugu danbeyn tilaabada aad qaaday waxay kuu noqon doontaa mid noloshaada ay ku faa’iido.
Ku samir xaalad weliba oo kaaga baahan inaad usoo jeedo, waayo haddii aadan maanta usoo jeedin waxay kugu qaadan kartaa waqti ka badan inta ay hadda kugu qaadan laheyd.
Dadka nolosha horumar ka sameeyay waa dad ku samray shaqada ay naftooda u hayaan, siddoo kalena waa dad ku qancay inay yihiin kuwa sameyn kara horumar iyo guulo waaweyn. Haddaba inaad guul gaarto waxay kaaga baahan tahay inaad ku samirto shaqadaada si noloshaada ugu faa’iido. Si kastaba hanoqotee waxaa laga maarmaan ah inaad yeelato fikir ka duwan fikirkii hore si wax-qabad-kaaga isku badalo.
In badan oo kamid ah bulshada aan la noolahay oo aan jecleyn akhriska qoralaada iyo buuggaagta waxaan ugula dar daarmaa inay muhiim tahay inaan yeelano fikir wanaagsan si wax-qabad-keenu isu badalo.
Intaa ka dib waxaa jirtay, xilli qeybo badan oo Yurub ka mid ah ay ka dhacday xaalado qasan taasoo keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalahii ay sameyn jireen. Waxaa su’aashaas la weydiiyay Philosophy-yada jiray xilligaa uu ka mid ahaa Albert Einstein wuxuuna ku jawaabay sidda tan ” Haddii aynu u baahanahay inaan horumar sameyno, waa inaan bedelnaa fikirkeena si uu isku badalo ficilkeen.”
Sheekadan gaaban waxaa kasoo xigtay buugga 5-Ta tiir ee guusha. Waxaan ka cudur daaranaa in buugga oo pdf ah aan hadda haynin balse aan idin soo diyaarin doono haddii uu rabo, intaa ka dib fikirka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadka hodan ka dhiga siddoo kale sare u qaada sirta nolosha.
Qoyska & Horumarinta Bulshada
Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?
Waxaa jiro waxaa badan oo kordhiya xusuusaheena oo ay ka mid tahay aqrinta buugaagta, Maqaalada, sheekooyinka iyo wax-yaabaha la xiriira curinta

Xasuusto waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan nolosha qofka beni’aadamka waana meesha lagu uruuriyo dhamaan macluumaadka quseeya nolosheena.
Xusuusto waa meesha aan ku aruurino waxyaabo kala duwan aana kagala soo baxno si dhab yar, marka laga reebo wax-yaabaha caadiga waxaa jiro waxyaabo badan aysan nolosheena iloowi karin ilaa iyo dhimashadeena.
Inta badan maskaxdeena waxaa ragaadiayay waxyaabo badan aysan ku wanaagsaneyn xusuusaheena kaasoo luminaayo tayada iyo fir fircoonada maskaxdeena. Haddaba waan awoodnaa inaan kororino maskaxdeena si aan wax badan u xasuusano.
Waxaa jiro waxaa badan oo kordhiya xusuusaheena oo ay ka mid tahay aqrinta buugaagta, Maqaalada, sheekooyinka iyo wax-yaabaha la xiriira curinta.
Tanni waa mida ugu wanaagsan ee lagu kordhiyo maskaxdeena waana qeyb ka mid ah aragtiyada gaarka ee lagu kordhiyo xusuusta.
Siddeen wax ku xasuustaa?
Ugu horeyn qofka beni’aadamka ahi mar weliba shey ma xusuusan karo haddii uusan si gaar ah u ilaalin, siddaa si lamid ah waxaa jiro qofka haddii loo sheego eray ama erayo in isla markiiba uu san xifdin karin ilaa iyo uu ku xifdiyo maskaxdiisa.
Siddoo kale haddii ereygaas aadan meel ku qorin masii heyn doonto maskaxdeena waayo wuxuu halis ugu jiraa inuu si sahlan ku lumo.
Markii aad wax xifdineyso waa inaad yeelato eray bixin ama (Keywords) aad ku xariiqdo wixii aad ka fahamtay amase haddii ay tahay erey kugu cusub inaad meel gaar ah ku xariiqato.
Isticmaalka buug yar aad ku xariiqdo erey bixin taada (Keywords-ka), wuxuu kaa caabinaa inaad caadi ah aad ula qabsato inaad xilli waliba aad qaadato. Waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga sidda loo isticmaalo buug yar iyo faa’iidooyinka uu inoo leeyahay.
Xifdintu waa waxyaabo dad badan ay aqoon u leeyihiin iyo sidda wax loo xifdiyo, balse waxaa muhiim ah inaad xasuusan karto waxaad xifdiday. Siddan oo kale waxaan sameeyay sannadihii ugu dambeeyay ee aan dhiganaayay jaamacada waxayna ii suurta galisay inaan sameysto xirfado gaar ah oo wax badan ku xasuusan karo.
Si aad wax badan u xasuusato wixii aad xifdiday waxay kaaga baahan tahay inaad raacdo talaabooyinkan soo socda.
1, Inaad yeelato xarfo ama astaan ka turjimeyso sidda ay noqon karto cutub-ka aad xifdiday ama su’aal gaar oo aad isleedahay inay ku imaan karto wareysigaaga shaqo (job interviews).
2, Inaad diiradda saarto aqrinta cutubyada gaarka ee kaaga baahan xifdinta, haddii ay ku jiraan sidda qaacidooyinka xisaabta iyo Fiisigiska (physics) waayo waxaa laga yaabaa inay muhiim tahay inaad ka jawaab celiso su’aashaas.
3, Inaad taqaano sidda loo fududeeyo howlaha qaar, waxaan kaga soo hadalnay maqaal hore Farsamada Feynman ( Richard Feynman technique).
Farsamadan oo loogu magac daray Richard Feynman, farsamadan wax-barashadu waxay faa’iido u leedahay qof kasta, inuu ku barto asal ahaan wax kasta oo heer qoto dheer ah, muddo gaaban gudaheed. Halkii laga isticmaali lahaa habka waxbarashada dadban ee waxtarka yar, farsamada Feynman waa hab firfircoon oo wax barasho.
Inaad fududeyso aqrintaada waxay kaa caabineysaa inaad cutub-ka oo dhan aad fahan badan ka heysato aadna xusuusan karto xitaa page-ka uu kaga qoran yahay. waa haadii aad diyaar u tahay inaad isticmaasho maskaxdaada sid ugu sax san.
Gunaanud
Waxaan halkaan ku gunaanudi doonnaa dadkeyga oo inta badan aan jecleyn aqriska, inay muhiim tahay inaan isticmaalno maskaxdeena si aan ugu guul gaarno aduun iyo aaqiro.
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Dhowr qodob oo kaa dhigi kara qof u adkeysta dhibaato walba oo kusoo wajahdo – halkaan ka akhriso
- Wararka2 months ago
Tayo xumada ka jirta awgeed Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u baahan in isbeddel lagu sameeyo
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Wax ka baro faa’iidada ay leedahay wax isbarida – qodobada muhiim kuu ah
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
Rajo maka leedahay masraxa siyaasadda?
- Dhaqaalaha2 months ago
Waa maxay sababta Hindiya iyo Masar ay u sameynayaan xiriir istaraatiijiyadeed oo cusub?
- Xirfadaha & Teknolojiyada3 months ago
Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Maxaad ka taqanaa doorka aad bulshada ku dhex leedahay?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Affar qodob oo wax kaa bari doono noloshaada
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Fallaagada Wagner ee Ruushka: Bilowga dhamaadka madaxweyne Vladamir Putin?
- Islaam Naceybka3 months ago
Dalalka Muslimiinta ah oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka ee dalka Iswiidhan
- Islaam Naceybka3 months ago
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhaleeceeyay kitaabka Qur’aanka ee la gubay intii lagu guda jiray booqashada masjidka Dagestan
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii Dimuqraadiyadda Afrika Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan
- Xirfadaha & Teknolojiyada2 months ago
Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence
- Dhaqaalaha3 months ago
Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka dhaqaalaha soo koraya ee BRICS