Connect with us

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Caruurta Derbi-Jiifka ah||Tukesomalism.com

Published

on

Hordhac

Derbi-jiif sida laga soo dheegan karo magaca waa qof derbiyada u hoyda amaba aan hoy laheyn, meel kasta oo aduunkan ka mid ahna way jiraan cid derbi jiif ku ah, ha sababaan duruufo dhaqaale iyo xanuunada dhimirka labaduba amaba hawlo kaleba, taasna waxaa kuu cadeyn kara wadamada dhaqaalahoodu koreeyo ama sida la sheego ah dunida koowaad waxaad ku arkeysaa umado dhan oo derbiyada iyo wadooyinka hareerahoodu hoy u yihiin oo dhaxamaha iyo dabeyluhu korkooda ku idlaadaan. Derbi-jiifku laftiisu wuu sii kala halis baden yahey oo caruurta iyo dhalinyarta ay gidaaradu hoy iyo hu,ba u yihiin waxey la darsaan xaalado qalafsan oo ku sababa iney noloshooda oo dhan saameeyaan halka dadka waayeelka ah ay ka halis yaryihiin.

Maxaa keena Derbi Jiifnimada?

Derbi jiif inuu qofku noqdo waxa ku kalifa qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:-

Saboolnimo: Saboolnimadu waxey qeyb libaax ka qaadataa iney kordhaan derbi-Jiifku, iyadoo marka uu qoysku awoodi waayo iney daboolaan baahiyahoodii aas-aasiga ahaa caruurta loo diro iney suuqa kasoo shaqeystaan sida iney  gawaadhida maydhaan, kabaha baalasheeyaan (caseeyaan), Kirishboy noqdaan, amaba waxkale oo aan dhaamin, taas oo ay hadhaw ku danbeeyaan iney la saaxiibaan caruurta derbi jiifka ah oo ay xabagta ku nuugaan gidaarada, ugu danbeyna ay si rasmi ah ugu soo biiraan kooxahaa markooda horeba derbiyada u hoyan jirey.

Burbur Qoys: Furniinku waxa uu ka qeyb qaata dayaca ugu badan ee ku dhaca ubadka, kaas oo la ilaabo xaqii iyo xuquuqdii ubadku ku lahaayeen walidkooda, arinkooduna noqdo mooyi iyo maan arag, marka meel lagu haleeyaba la garan waayo, waxaan taa iyana ka fogeyn in marka ay labada qof kala tagaan qof walba calafkiisa raadsado, dabadeedna qofka kale ee uu nolosha la wadaagey aanu ilmihii uu lamaanihiisu horey u watey siinin ahmiyad badan.

Tusaalayaasha nool eed aragtid waxa kamida, gabadh guursatey nin kale kadib markey kala tageen ninkeedi hore iyadoo wadatey ilme ay udhashey ninkii hore, dabadeedna ninkan danbe uu ilmihii si arxan daran u tumo haddiiba uu qalad yar amaba qalooc yar keeno, waxaa taa kasii daran iyana nin ay is fureen gabadh hore oo mid danbe guursadey isagoo watey caruur ay gabadhaa hore u dhashey dabadeedna ay tii danbe caruurtii si naxariis daran ula dhaqanto oo aaney cuntaba siin garaacis iyo hawl joogto ahna ugu darto. Haa, Maaha arin uguba oo bulshadeena in badan waynu ku aragney, aakhirkana ay firdhadaan caruurtaasi iyagoo dibjirta iyo derbi jiifka la qoys noqonaya.

Guurka Badan (Polygamous Marriege): in la guursado mid, laba, saddex iyo afar dumara diinteena suubani way baneysay, laakiin waxaan iyana meesha ka madhneyn in ay muhiim tahey in loo meel dayo marka la qaadayo talaabooyinkan oo dhan, waa in aad loo darsaa xaalada dhaqaale ee uu qoysku ku sugan yahey iyadoo ubadka iyo ooridana waxey xaq  iyo xuquuqba u leeyihiin aan laga hagran.

Haddaba waxa jirta in ay Rag badani iska guursadaan iyadoo ubadkoodii aan dab loo shidin, dan iyo heelona aaney ka galin waxey ku sugan yihiin, xaladaana ay qarqarka u saaran yihiin iney derbi jiif iska noqdaan.

Khilaaf Qoys: ubadka yar yar maskaxdoodu sida ay u curdinka u yihiin baaney waxbadan u ogeyn, balse haddii uu bato buuqa iyo qeylada joogtada ah ee dhex marta waalidkooda iyo weedhaha ixtiraamkii iyo naxariistiiba laga xayuubiyey oon dhagaha looga duweyn, waxey ku keenta iney maskaxiyan u xanuusadaan, dabadeedna ay qaarkood kaba baxsadaan guryahooda iyagoo gaboodsada gidaarada iyo wadooyinka.

Nolosha caruurta Derbi Jiifka ah:

Caruurta aadka u yar yar ee aan haysan hoy iyo hu, toona ee ah derbi-jiiftu waa kuwo aad kuu saameynaya markaad u fiirsatid indhahana la raacraacdid nolosha ay ku nool yihiin.

Bal aynu dhawr qodob ka taabano xaalada ay ku sugan yihiin ubadkaasi.

Cuntadooda: ma helaan saddex wakhti oo ay ku xisaabtamaan waa waawalba wuxuu ugu baryo, iyo hadba sida loo kala awood roonyahey  xaalku. Waxey alaaba quutaan cuntooyinka hadhaaga ah ee ay hudheeladu iska soo qubaan iyo qashinada kale ee meelaha yaala wixii ay ka dhex helaan. Maalmaha qaarna waxaaba dhici karta inaaney qaarkood afkaaba wax galin, cuntooyinka dhacey ee lasoo qubo ayey marmarka qaar kala boobaan iyagoon u aabo yeelayn waxyeelada ay ku sababeyso, Maxaabu ugu fiirsan gaajaaba naftu kasii baxeysaabee, lakiin cuntada waxaaba kala qiimo badan iyaga iney helaan xabag ay maalintaa nuugaan taasi ayeyna sida badan siistaan lacagta yar ee qaarkood soo shaqeysteen.

guiyang-chinese-migrant-workers-children-scavenging-garbage-landfill-02

Hoygooda: Ubaxa daranyeysan ee ay bacadka iyo siigadu isku qabteen cago-cadaanta ku joogaa waa mid laga naxo. ma haysataan hoy ay kaga dhuuntaan bahalaha, cadceeda iyo dhaxanta toona Cirkey huwadaan dhulkana way gogladaan waaba tabtii Cali qaawane.

Caafimaadkooda: xaalada caafimaad ee ay ku sugan yihiin waa mid aad looga deyriyo, waxey da, yaraan ku bilaaban dhuuqista maandooriyayaasha, waxey quutaan cunto qashinada laga soo ururiyey amaba hanbo cid kasta kasoo hadhey, aadbey ugu nugul yihiin iney qaadaan cuduro badan, ku darsoo dhaxamaha bustaha kaaga soo gudba ee aad ka seexan waydo ayey u feedho qaawan yihiin amaba ay kartoon iyo go, xun oo hun ah iska saaraan, dhaxan iyo TB bay hore ka qaadaan.

Halka hooyooyinka derbi jiifta ah aaney helin xanaanadii looga baahna iney Hooyadu hesho si ay iyada iyo ilmaheeduba u badbaadan, taasi oo keenta xaalada badan oo bini aadantinimada ka baxsan.

Tacadiyada lagula kaco caruurta derbi jiifta ah.

 Derbi jiiftu waxey iskugu jiraan wiilal iyo gabdho halka ay gabdhuhu hadda si xawli ah ugu soo kordhayaan,  idil ahaantoodna waxa lagula kacaa tacadiyo badan oo ay ka mid yihiin.

Kufsi: waxa jira kiisas badan oo kufsiyo loogu gaystay gabdhaha yar yar ee derbi jiifta ah, ha noqdaan kuwo uga yimaada derbi jiifta kale amaba dadka kale ee ka faa,iidaysanaya dayacaa ku yimi, waxa ay qaar badani u qudh baxaan falal foolxun oo kufsi ah oo lagula kacey gar iyo mag la,aana way ku dhintaan.

Halka ay qaar kalena ka dhaxlaan ubad aaney aqoon u laheyn cid dhashey, iyagoo la mara duruufo adeg “ bal qof tiisii u taag la, oo tu kalena loogu darey ka waran”, waxaa iyana halkaa lagu faafin karaa AIDSka oo kamid ah cudurrada alaaba layskugu gudbiyo galmada, kaasi oo si fudud bulshada ugu baahi kara haddiiba aaan wax laga qaban tacadiyadaas lagula kacayo hablaha yaryar ee darbi-jiifta ah

Dilal ula kac ah: waxa dhaca shilal baabuur oo ay ku dhintaan caruur derbi jiif ah oo aan su,aalba leyska waydiin halkey ku danbeeyeen iyo waxa laga yeelay toona, mararka qaarna waxaabad arkeysaa iyadoo si ula kac ah loo dilayo oo waardiyaasha goobaha ganacsi ee waaweyn ilaaliyaa qaarkood xabadda kamaba duwaan.

Xoogis: dad yawga qaar ayaa caadeystay iney xoog kaga qaadaan wixii lacag ah amaba waxii kale ee manaafacaad leh ee ay caruurtaasi haystaan iyadoo aaney jirin cid ka daba tagta iyo saldhig dacwad ka qoraa toona.

Af-Xumo: hadelku waxa uu dhaawacaa meel aanu dhagaxu gaadhin, waxa marwalba lagu yidhaahdaa erayo aan dhagahooda u fiicneyn cuqdad iyo uurxumo badana ay ka qaadan.

Saameynta ay Bulshada ku leeyihiin

Wax kastaaba saameyn ayey leeyihiin, waxaana jira cawaaqib xumo badan oo ay ku yeelan karaan bulshada, waad qiyaasi kartaa ubad aan helin waxbarasho iyo tarbiyad iney halis weyn ku yihiin bulshada, waxa ay noqon karaan tuug halis baden, gacan ku dhiiglayaal ma naxaan ah oo cuqdad Iyo cadaawad u haya cid kasta, waxa ay kicin karaan rabshad saameysa wadanka oo dhan marka ay tiradoodu badato.

Sidee looga hortagi karaa

Caano daateyba dabadood la qabey bay soomalidu ku maahmaahdaa, balaayaduna sideedaba ka hortag bey leedahay ee kadaba tag malaha, inta aaney caruurtu darbi jiifka ku waaweynaan waa in loo sameeyaa qorshayaal lagaga badbaadinayo noloshan qalafsan ee ay la dariska yihiin, sidoo kale waxa la sameyn karaa habab badan oo lagu mashquulinayo sida in loo sameeyo tartano dhinacyo badan leh oo xirfadoohada lagusoo bandhigayo, waxa jira wadamo badan in ay ka qeyb galaan koob loogu magac darey (Homeless world cup) oo kadhigan koobka aduunka ee daerbi-jiifka kaasi oo ay qaar badani ku hamiyaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen una heli lahaayeen fursad ay kaga baxaan derbijiifnimada.

Gabagabo

Derbi jiifku inuu meelahaa ku calal xumaado oo uu ku daranyeysnaado waa inoo foolxumo iyo naxariis daro, waa in xil leyska saara yareynta waxyaabaha sababaya in derbi jiifku ku bato wadooyinka oo ay kow ka tahey ilaalinta Qoysku.

ALLA-MAHAD-LEH

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Waxay wax ka qortaa siyaasadda, ganacsiga iyo bulshada. Waana qoraa aqqoon dheeraad u leh qorista afka Soomaaliga, taqaqusna u leh maamulka iyo maareynta. Qoraaga waxay shahaadada bachelor degree ka haysataa Maamulka iyo Maareynta.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.

Published

on


Dadka qaar waxay iisheegeen in ay aad halis u yihiin bulshooyinka sirta ah, laakiinse waa kuwa ku howlan siddii ay ula wareegi lahaayeen maamulka dunida. Bulshada aan la  nool nahay waa bulsho aan ku buraarugsaneyn jiritaanka bulshooyinka sirta ah iyo waxa ay damacsan yihiin.

Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.

Taabagelinta iyo socod siinta bulshooyinka sirta ah ayaa qeyb ka waddamo badan kuwaas oo markii hore bedelay qaababkii loo sameyn jiray gumeysiga kana dhigay qaab casriyeysan, masiixiyada degta bariga dhexe kuwaas oo gumeysi iyo isir naceyb ku haysa walaalaheen Falastiin ayaa aas aastay nidaam cusub oo lagu magacaabo (Zionism), magarnaayo xiriirka ka dhaxeeyo balse waxaa jirto in ay dadaal kula jirto siddii ay u dhisi lahaayeen Dowlad Yahuudi ah, halkaan ka aqriso.

Inta badan dadka waxba kama soo qadaan markii ay maqlaan waxyaabahan oo kale, balse waa kuwa ay u arkaan in ay yihiin sheekooyin qayaali ah iyo waxyaabo kale laakiinse waa wax jira.

“Had iyo jeer waxaan ahaa qof u baahan aqoonta, siddoo kale waxaa waqti dheer dhagaheyga ka guuxaya waxa la yiraahdo bulshooyinka sirta ah iyo sidda ay u shaqeeyaan. Markii aan dhiganaayay jaamacada waxaan aad u jeclaa maadooyinka Fiisikiska, Xisaabta iyo suugaanta. Siddoo kale waxaan xiiseyn jiray sidda loo sameeyo summadaha iyo tirooyinka, mararka qaar markii aan fasax ku jiro waxaan xiiseeyaa baaritaanada xogaha daahsoon. Wuxuu xiisaheyga guud ahaan uu I siiyay inaan wax ka ogaado wa loo yaqaano bulshooyinka sirta ah ama (Secret Societies), balse waxaan noqday ruux lumay micnaheedu yahay waxaan ogaaday wax badan oo u dhaxeeya sidda: the illimunati, free masonic, knight templer, the Rosicrucians, Skull & Bonnes iyo kuwa kale aan maqlay.”

“maddaama aan kuda galay baaritaan-kan waxaan go’aansaday inaan baadi goobo qoraalo baday ay sameeyeen dadka aan la noolahay balse maan helin. Laakiin si aan wax badan ugu ogaado waxaan soo koobi doonaa warbixin ay diiwaanka galisay Warbaahinta Al-jazeera waxaana wareysigan bixin doonaa Davvid Icke, oo ah baare siddoo kale qoraa In badan wax ka qoray bulshooyinka sirta wuxuuna ku jawaabayaa sidda tan:  “ Bulshooyinka sirta ah waa bulshooyin isku tagtay kuna howlan siddii ay u dabooli lahaayeen ama ay u qarin lahaayeen aqoonta saxda ee maanta dunnida taala, balse markii loo eego waxaa jirto labba dunni oo kala ah:

  1. Midda aynu ku nool nahay waa dunni ay taalo aqoon, balse waxaad moodaa tahay aqoon xididan. Tanina waxaad moodaa in aad loogu shaqeeyay sababtoo ah waxay keentay in ay aqoonta yeelato bulsho gaar ah

 

2.Midda labaad waa kuwa ay ku noolyihiin bulshooyinka sirta waxayna qariyeen aqoonta saxda ah, siddaa darteedna waxa la soo saarey waxa lagu magacaabo (Global Network Secret Societies).

Markii aad fiiriso aqoontan waxay ku saleysan tahay siddii jiika koraaya ay ugu taxadar lahaayeen doorashadooda ku aadan.

Haddii aan ku biiro bulshooyinka sirta ah sidda, free masonic ama The Illimunati ma helayaa aqoonta saxda ah!!!

“ Markii aad fiiriso waxay leeyhiin darajooyin kala sareeyo waxaan ugu horeeyo darajada (Blue Level Degrees), waxaana ugu sareeyo darajada 33 degress. Waxaana qofka marba marka ka danbeyso waxa uu qofka uu helayaa aqoon.”) ayuu yirri Davvid Icke, balse ma ahan wax wanaagsan.

Tani waa mid aan ku wareeray, balse waxaan la sheekeestay qoraa waxaana na dhexmartay sheekadan:

Anniga: qof walibaa wax uu iska indha tirayaa sidda ay nolosha aduun tahay balse waxaa jirta inyar oo fahamtay mooyaanee.

Qorraa: waxaan filaa inaad ka gun gaartay inaad qeexid u hesho bulshooyinka sirta ah?

Anniga: haa, balse waxaan filaa in uu gaabis ku jiro baaritaankeyga laakiinse waxaan codsanaa inaad ila soo wadaagtaan qoraalo haddii ay jiraan.

 

Fadlan haddii aad ka heshay maqaalada nuucaan oo kale ah qeybta fariimaha inoogu reeb aragtidaada mahdsanidiin.

La soco qeybta xigta, halkaan ka aqriso qeybtii hore.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadalno bulshooyinka qarsoon (Secret societies), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado Insh’Allah.

Published

on


Bulshooyinkani waxa ay ahaayeen kuwa soo kordhiyey dimuqraadiyadda, cilmiga casriga ah, iyo diinta ecumenical. Waxay doorteen madaxdooda, waxayna dejiyeen dastuur ay ku maamulaan hawlahooda. Dunnida aynu ku nool nahay manta ayaa waxaa ka jira loolan adag ay ku jiraan kooxo ama dadyow kala duwan kuwaas oo raba siddii ay ku maamuli lahaayeen adduunka oo dhan iyo aqoonta taalla.

Tanni waxaa laga yabaa in aad la yaabbto waxan loola jeedo bulshooyinka sirta ah. Balse waa wax jiro marka loo eego sidda ay u shaqeeyaan ururadan iyo sidda ay saameyn balaaran ugu leeyhiin dunida oo dhan, si kastaba ha noqotee si aan wax badan ugu ogaado arimahan ayaan ku hamiyay in ay muhiim tahay in bulshooyin kan wax laga barto maadaama aysan aheyn kuwa wax laga qaban karo misna laga joojin kara halka uu hiigsigooda yahay.

Bulshooyinka qarsoon ayaa ah kuwa ku dhex milmay aqoonta aynu maanta baranno taasoo keentay in meesha laga saaro aqoonta saxda ah.

Balse waxyar:( “waxaan ku dhashay Soomaaliya. Waxaana ahay qof jecel inuu barto Cilmiga dhaqaallaha, waxaana jeclaa in aan wax kusoo kordhiyo dhaqaalaha dalka. Waxaan galay qaxooti anniga oo raba inaan wax ka barto aqoonta maadiga, markii aan tagay dalka Kenya waxaan ku biiray iskuul ku yaala xeryaha dhagaxleey. Markii aan joogay muddo kooban ayaan dib ugu soo laabtay dalka  anniga oo la yaaban sidda uu xaalka dalka waxaan durba bilaabay inaan ku biro iskuul, maarkii aan ka baxay dugsiga sare waxaab bilaabay jaamacad anniga oo raba inaan wax ka barto cilmiga dhaqaaalaha ayaan kuu biray kuliyda Culuumta Kombuteerka sababtuna waxay tahay in aan awodi waayay qarashaadka aan ku baranaayo kuliyada aan jeclaa.

“muddo ka dib waxaa ii suurta gashay in si qurux badan u dhameysto claassyada ama Simisterada ay ka kooban tahay jaamacada, balse markii aan qalin badashay ayaan ku fikiray inaan noqdo qof hal abuur leh bulshadana wax badan tara, laakiinse markii aan muddo badan ku adkeystay fikikeyga ayaa waxay iso baxday in waqti xaadirkan geedigan uu raran yahay siddaa darteed lama dejin karo lamana joojin karo.”

Asaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “marna suurta gal ma ahan in bulshada ay ku maqasho adiga oo raba inaad sheegto wanaag iyo waxyaabo fiican ilaa iyo inyar mooyaanee, sababtuna waxay tahay in bulshada uu ku dhacay millan sidaa darteedna ayna kusii jeedaan khatar iyo dhibaatooyin farabadan”.

Waxaa soo if baxay ururo u shaqeeya si qarsoon sidda Knight Templer, illimunati, Scotish templer iyo Free Masonic. Dhamaan ururadan waa ururo u taagan in ay dumiyaan nolosha caadiga ah siddoo kale uu han kooda yahay in ay qabsadaan aduunka oo dhan. Dadka qaar oo aan weydiyay waxay ii sheegeen in ay dhibaato u ku tahay bulshooyinka qarsoon balse inteena badan inooma muuqato.

Haddaba si ay dadka oo dhan ay u lumiyaan waxaa ay marka hore qofka ay u muujiyaan in beer laxawsi iyo inay dareensiyaan in uu yahay ruux la jecel yahay balse intaa ka dib waxay qofka baraan beenta si ay marka hore ay kaaga jaraan xariga Alle, intaa ka dib waxay qofka niyadiisa ay ku shubaan xisaab aan jirin marka loo eego. Tusaale ahaan: in qofka bishii loo soo diro lacagti mushaarka ayaa haddana la barayaa sidda uu qofka uu u maamuli lahaa qarashaadka soo gala, siddaa darteed waxay yiraahdaan madaxda sumeysan oo ma noqon karanaa madax waayo markii hore ayaa lgu tareen gareeyaa in uu wax lunsado amase uu sheego sidaa darteedna uu qofka noqodo qof gacmaha u hoorsada dadyow kale.

Si aan wax badan ugu ogaano waan badain karnaa tusaale yaasha Tusaale ahaan: haddii laamo dowlada aan ka mid ahayn loo dhiibo daraasad sidoo kalene la weydiiyo lacagta ku baxeyso daraasada waxay u badan tahay asaga oo raadinaayo hunguri in uu sheego lacag aad u tiro badan siddaa darteedna uu ku lunsado hanti.

Marka laga soo tago marxdalada khaaska ah, waxay buldhooyinka kale ka dhex abuuraan kala fikir duwanaansho waayo haddii ay bulshada isku xiran tahay lama kala geyn karo balse si loo kala geeyo waxay u baahan tahay in marka hore la abuuro shaki kaasoo lagu dhalilaayo wadaadada ama aqoon yahanka bulshada sidaa darteed waa In been laga sheego wadaada si afka u furto una dhaleeceeyo wadaad hebel ama aqoon yahan hebel.

Tani waa qeybtii ugu horeysay ee aan kaga hadlno bulshooyinka qarsoon (Secret societis), waana sii wadi doonaa haddii uu rabi ogalaado insha allah la soco qeybta xigta.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Federaal?

Ma laga yabaa in ay Soomaali usii kala qeybsanto dowladdo yaryar, sababtuna nidaamka federaalka ee ay qaadatay?

Published

on


Federaalka waa Nidaam awoodaha ay wadagayaan labo heer oo dowdaladeed, heer dowlad dhexe iyo heer dowlad goboleed, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen Gobollo, gobol kastana wuxuuu leeyahay Dowlad iyo Dastuur u gooni ah oo waafaqsan Dastuurka Federalka ah, Dowladii ugu horaysay ee caalamka samaysato nidaamka federalka waxaa ay aheed dowlada Maraykanka.

Sannadkii  1787 ayuu Barlamaankii Maraykan xilligaasi ansixiyay in wadanka lagu maamulo Nidaaam Federal waxaa lagu aasaasay 13 dowlad goboleed labo sanno kadib March/4/1789 Barlamanka ayaa ansxiyay Dastuur Federaal ah oo caddeenaayo awoodaha dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah.

Intaasi wixii ka dambeye waxaa soo bateen Gobolada kusoo biirayaan Midowga Maraykana, 12/March/1959  Alaska iyo Hawaay ayaa noqdeen labadii gobo lee ugu dambeysay ee kusoo biiraan midwoga Gobolada maraynakama (United State of America) wuxuuna sidaasi Midowga Maraykna ku noqday 50 Dowlad Goboleed.

Russian Federation waaa waddanka ugu dowlad goboleedyada badan caalamka wuxuu ka kooban yahya 86 dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee fadhida Caasimada Moscow sababtoo ah wuxuu kamid yahay wadanama dhaca labo Qaaradood iyo kabadan taasi ayaa keentay in gobolada lasiiyo awood federal maadama anan dowlad dhexe laga wada maamuli karin waddanka aduunka ugu dulka wayn.

Nidaamka Federaalka dunida waxaa qaatay  ku dhawaad 40 wadan oo la aqoonsan yahay xubina ka ah Qaramada Midowbe.

Nidaamkan Federaalka waxaa astaan u ah labo arrimood oo lagu garto mid waa in Dastuurka Wadanka uu yahay mid aan si fudud loo beddeli karin (Rigid Constitution) wax ka beddelkiisa wuxuu u bahan yahay Codeen Dadweyne oo ka dhacdo dhammaan dowlad Goboleedyada wuxuu cagsi ku yahay Dastuur si fudud wax loogu bedeli karo (Flexible Constitution)  waxaa go’aan ka gaari karo Barlamaanka, Mida labaad ee astaanta u ah federalka waa Aqalka saree e Barlamaanka, wadanka Markuu Federal yahay Barlamaanka wuxuu noqdaa labo Aqal, Aqalka sare oo Matalo Dowlad Goboleedyada waxayna ka shaqeeyan danaha dowlada gobolledyada ay matalaan  iyo Aqalka hoose (Gollaha Shacab) oo matalaan Shacabka kana shaqeeyaan danaha  Shacabka iyo deegaanadooda.

Saamiga Aqalka Sare Barlamaka Federaalka ee Dowlad Goboledyada.

Saamiga qeebsiga Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka waxaa gobolada loogu qeebiyaa labo midaam:

  1. Equal Representative oo Macnaheedu yahay in Dowlad Goboleedyada la siiyo saami isku mid ah xubnaha aqalka sarre iyada oo aanan loo fiirinaynin tirada dadka ku nool maamul goboleedyada mida ugu dadka badan iyo mida ugu dadka yar ay xubno isku mid ah ayey ku yeelanayaan Aqalka Sarre. Tusaalle Midowda Maraykanka wuxuu ka kooban yahay 50 dowlad goboleed midkasto wuxuu Baralamanka Aqalka sarre ku leeyahay 2 xubnood sidaasi ayuu Aqalka Sarre ku noqonayaa 100 xubnood oo Senatoro ah.
  2. Weighted Representative oo Macnaheedu yahay in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo Saamiga ah sida Dowlad goboleedyada u kala shacab badan yihiin iyadoo dowlad Goboleedka ugu shacabka badan oo heli doona tirada ugu badan ee xubnaha aqalka sarre, halka dowlad goboleedka ugu shacabka yar ay qaadanayso tirada ugu yar ee xubanaha aqlka sarre ee Barlamaanka Federalka. Hadba waxaa loo fiirinayaa tirada shacabka kunool dowlad Goboleedyada. Tusaalle Jamhuuriyada Federaalka Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 dowlad gobolleed saamiga qalka sarre ay ku qataan sida u kala shacab badan yihiin, Dowlad Goboleedka ugu dadka badan ayaa qaadanayso xubnaha ugu badan Aqalka Sarre.

Maxaa sababo in wadanka qaato nidaam Federaal ah

  1. Wadan ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo kala luuqad ah, kala dhaqan ah, si loo mideeyo wadanka wuxuu noqdaa Federaalka oo ay Gobolada yeeshaan dowlad u gooni iyo dowlad dhexe oo ka shaqayso Masaaliixada caamka ah iyo Midnimada wadanka sidii loo adkeen ahaa iyadoo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan. Tusaalle Switzerland waxaa ku nool dad kasoo kala Jeedaan Faransiis, Jermalka, Talyaani Midkasto luuqadooda ayey ku hadlaan si loo mideeyo waddanka wuxuu qaatay Nidaamka Federalka.
  2. Baaxada Dulka wadan oo aad u wayn mararka qaar waxay keentaa in Dowlada dhexe ay ku adkaato in Gobolada laga maamulo dowlad dhexe adeegyadana la gaarsiiyo wadnka oo dhan taasi ayaa keento in Gobolada la siiyo nidaam dowladeed oo u gooni ah. Tusaalle, Dalka Ruushaka oo ah wadanka ugu dhulka wayn dunidda wuxuu dhulkiisa ku fidsan yahay wax ka badan labo qaaradood, wuxuuna Xuduud dhuleed la wadaagaa Norway oo kamid ah wadamada ugu dambeeyo Waqooyi Galbeed Yurub illaa Kuuriyada Waqooyi oo dhacda waqooyi bari ee Qaarada Aasiya iyo Xadduud baddeed kala dhaxayso Jaziirada ka tirsan Ruushka oo dhacda Pacific dhinaca Alaska ee Maraykanka maadamaa waddanka sidaasi u baaxad wayn yahay waxay qateen Nidaamka Federaalka si loo ilaaliyo Wadajirka dadyowga Ruushka in hal wadan sii ahado.
  1. Markii ay Midowbayaan labada waddan iyo ka badan waxaa laga yabaa in Dalka uu qaato Nidaam Federaal ah si waddamadii midoobay u yeeshaan dowlado gobolleedyo u gooni iyo dowlad midnimo qaran oo ay ku midaysan yihiin. Tusaalle, dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka 1945 markii ay ciidanka isbahaysiga ay ka adkaadeen dowladii Jarmalka ee Naziga oo Hilter Hoggaaminayey waxay waddanka u kala qeybiyeen labo waddan Beriga Jarmalka oo raacsaneed Ruushka iyo Galbeedka Jarmalka oo raacsaneed Gashanbuurta NATO oo Maraykanka hoggaaanka u ahaa.

Dhamaadkii Dagaalkii qaboobaa (Cold War), 3.oktoober.1990 waxaa Midoobeen waddamadii Jarmalka bari iyo Jarmalka galbeed xittaa Caasimada maanta ee Baarliin waxay u kala qeybsaneed labada waddan oo xadka kalla qeybiyo oo ah derbiga wayn.

1990 waxaa Jarmalka bari ka bilaawday kacdoon midnimo doon ah si loo middeeyo labada Jarmal waxaa la dumiyey derbigii xadka ahaa taasi oo aheed biloowgii Midowga Jarmalka. Labadii Dowladood ee midowbay waxay ku heshiiyeen in waddanka lagu Maamulo Nidaam Federaal ah.

Muhiimada ay leedahay Federaalka

In nidaam dowladnimo la gaarsiiyo Gobolada iyadoo loo sii maraayo awood siinta dowlad goboleedyada, waxay fududanaysaa in si gaar ah loogu warqabo baahiyaha Shacabka Madamaa gobol kasto uu leeyahay dowlad u gooni ah oo ka shaqayso danaha shacabka ku nool Golbolada. Laakiin ujeedka ma ahan kala qeybsanaan ee waa wada shaqeyn.

In xafiisyada dowlada dhexe ay ka yaraadaan culays iyo saxmada madamaa addeegyada dowlada dhexe lasii marsiinaayo dowlad goboleedyda., dowlad goboleed kastana ay mas’uul ka tahay adeegyada shacabka loo qabto sida Caafimaadka, Waxbarashada, Aminiga, iyo wixii lamid ah, shacabkana waxay adeegyadaasi kala xisaabtamayaan dowlad goboleedka ay ku noolyihiin.

Nidaamka doorashooyinka wuxuu noqdaa labo, heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed waxaana kordhayso ka qeyb qaadashdada tartanka doorashooyinka ee Muwaadiniinta, maadamaa dowlad goboleed kasto uu leeyahay xukuumad iyo barlmaan u gooni ah.

Waddanka markii oo federaal yahay way yartahay in uu ka dhaco Afgambi Ciidan Maadamaa oo xukunka oo baahsan yahay. Badanaa afgambiga wuxuu ka dhaca waddamada leh dowla dhexe oo kaliya (Unitary government) oo waddankana hal meel laga maamulo.

Caqabadaha uu leeyahay nidaamka Federaalka

  1. Waxaa yaraanayso isla xisaabtanka dowlada dhexe iyo shacabka maadamaa dadka lagu mashquuliyay Dowlad Goboleedka ay deganyihiin inay la xisaabtamaan waxaana meesha ka baxdo in lala xisaabtamo dowlada dhexe ee federaalka ah.
  2. Gobolada waddanka ma isku dheeli tirno xaga dhaqaalaha iyo horumarka waxaa jirayso dowlad goboleed leh kheeraad dabiici ah sida webiyaal iyo dhul beereed wax soo saar fiican leh, halka dowlada goboleed kale aysan laheyn wax qeeraad dabiici ah taasi oo keenayso in dalka horumarkiisa aysan isla jaanqaadin (uusan isla socon).
  3. Waxaa hoos u dhac ku yimaado dareenka waddaniyad ee shacabka, waxayna ku mashquulaan Gobolka ay kasoo jeedaan waxayna ilaawaan inay ka qeeb qaataan horomarka guud ee dalka.
  4. Nidaamka Federaalka wuxuu dhawacaa midnimada waddanka waxay keentaa in dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay isku dhacaan oo ay wada shaqeen waayaan taasi oo keento dib u dhac, horumarka waddanka oo mararka qaar waxaa dhaco in dowlad goboleedyada qaar ay ku fikiraan inay noqdaan dowlado madax banaan oo gooni isku taag ku dhawaaqaan sida ku dhacday dalal badan oo calamka. Tusaalle Jamhuuriyadii Federaalka Yugoslaviya waxay ka koobneed 6 dowladgoboleed oo kala ah Bosniya, Croashiya, Serbiya, Sloveniya, Montenegro, waxaa ka dhex jiray qilaaf iyo isqabqabsi dheeraaday oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, 25/6/1991 Sloveniya iyo Krooshiya ayaa ku dhawaaqeen in ay ka go’een Yugoslaviya.

Arrintaasi waxay shaki gelisay jiritaanka waddanka la oran jiray Yugoslafiya. Ugu dambeyntiina dowlad-goboleedyadii Serbiya ayaa ku dhawaaqday inay go’een, taasi oo keentay inuu lawaayo waddankii Yugoslafiya oo noqday lix dalal. Maanta ma jiro magacii waddankii la oran jiray Yugoslafiya, waa wuxuu sababsaday nidaamkii federaalka ahaa oo ay qaateen. Waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay leeyiihiin nidaamyada federaalka, Soomaalidana waxaad moodaa inay waddadaas ku socdaan maanta marka aad fiiriyo hab-dhaqankooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Published

on


Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmibaadhistu waa tijaabo iyo imtixaan lagu sameeynayo shey aan wali aqoon fiican loo lahayn. Juquraafi ahaan, inta badan cilmibaadhista waxaa lagu sameeyaa meelaha aan wali la tegin ama aqoonta fiican laga heynin.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buuggaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya lama helin nidaam waxbarasho ay maamushu dowlad hoose oo sal adag leh balse tani waxay jaanis iyo fursado balaaran siisay dadyow gaar ay ku jiraan dowlado shisheeye iyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale ay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luuqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Balse dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu amanaa inay soo kordhisay in afsoomaaliga lagu barto manhajka intiisa badan. Iskuullo waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaallo luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Tanina waxay ku tusaysaa baahida loo qabo mideynta xarumo lagu baaro cilmiga baarista iyo sare u qaadida xarumaha fikirka Soomaaliyeed. In ka badan 30-sanno ayaa laga joogaa markii ay burburtay dowladii hoose waxaana sare u kacay xarumaha waxbarshada sidda gaarka loo leeyahay waxayna aad ugu kala duwan yihiin tayada waxbarasho ee laga dhigo Jaamacada iyo Iskuulada.

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Ma jirto baaritaano lagu sameeyay tayada waxbarashada dalka ayadoo ay jiraan meelo gaar oo lagu sameeyo cilmi baaris laakiin waxay u badan yihiin kuwa ka madax banaan laamaha dowlada, siddoo kalena waxaa dalka kusoo kordhay adeegyo waxbarasho ay maalgashanayaan dowlado shisheeye sidda Turkeyga iyo wadamo kale oo badan.

Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan carabta waxay baahi weyn u qabaan siddii lagu lahaa xarumahan balse taagerida iyo isku duubnaanta dadka ayaa keentay in laheli waayo xarumo ay ku mideysan tahay waxbarshada dunida gaar ahaan wadamada carabta iyo meelo kale oo kamid ah dunnida.

Ka dib halaagii iyo baabi’intii dowladii Tataarka waxay raad lama ilaabaan ku reebtay wadamada Islaamka waxayna tani ku noqotay fajac iyo niyad jab balaaran. Laakiin dadka muslimka iskuma dayin in ay mar kale ay sameeyaan xarumo lagu baaro daraasadaha cilmiga.

Tayada Hay’adaha tacliinta sare awgeed waxaa yaraatay Ia xadido tirada jaamacdaha iyo iskuulada taasi awgeed dowladaha kale ee dunida ayaa diiday in ay aqbalaan nidaamka waxbasharo eek a jira Soomaaliya ( tusaale ahaan Soomaaliya, Bosnia iyo Herzegovina, Ciraaq, Lubnaan, Nicaragua iyo Timor-Leste). Waa wadamada aan sida saxda loo aqoonsaneyn tayada waxbarashadooda waxayna keentay in waxbarshada oo kamid aheyd waxyaabaha aas aasiga aheyd ay gacanta u gashay shaqsiyaad misna lagu eedeeyay in la siyaasadeeyay armiha waxbarashada siddii kol hore dhacday oo kale.

   Maxaa laga dhaxli karaa arimahan haddii aan sameyn xarumaha barista fikirka?

Hadda sidda aan idin kugu soo sheegnay qeybtii hore waxaa laga ma maarmaan ah in lasoo celiyo xarumaha fikirka Soomaaliyeed taasi oo faa’iido iyo mudnaan u leh dalka. Si kastaba ha noqotee lama soo koobi karo dhibaatada laga dhaxli karo la’aanta xarumahan basle halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa labbo arimood oo suurta gal ah haddii aan la sameyn.

  1. In ay suulaan waxyaabahii qadiimiga ahaa ee uu dalka lahaa taasoo keeni karto sharaf dhac weyn iyo in ay lunto qeyb ka mid ah taariikhda dalka.

Intaa kaliya kuma eka balse waxaa jiro in jiilka soo socda aysan halkaan ku arki doonin waxyaabo ka haray Awoowayaashii ay dhaleen misna kuwii ka horeeyay.

  1. Sare kac balaaran oo ka dhasha marin habaabin dhanka waxbarashada iyo la waayo cid aruuriso fikirka gaar ah ee ay aminsan yihiin dhalinta soo koreysa.

Waxaa kaloo meesha ka bixi doono in ardeyda ah helaan tusaale hagaagsan ay kaga daydaan baarista ku saleysan cilmiga ay baranayaan, siddo kale waxaa laga yaabaa muddo dhow ka dib in say suulaan cid si sax ah u qorto luuqada afka Soomaaliga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Argagixisadu waa ifafaale siyaasadeed oo ay abuureen qaar ka mid ah maamullada siyaasadeed ee reer galbeedka – Imaamka Al-Azhar, Axmed El-Tayeb

“Tobannaan sano, dhaqanka Al-Azhar wuxuu ahaa mid ku salaysan in ardaydeeda lagu barbaariyo ixtiraamka fikradaha kala duwan,” ayuu ku nuux-nuuxsaday wadaadka.

Published

on

Imaamka weyn ee Azhar Sheikh Ahmed El-Tayyeb oo khudbad ka jeedinaya munaasabadda xuska aasaasayaasha ee Abu Dhabi Febraayo 4, 2019 [VINCENZO PINTO/AFP - Getty Images]

Argagixisadu waa ifafaale siyaasadeed oo ay abuureen qaar ka mid ah maamullada siyaasadeed ee reer galbeedka, ka dibna waxay weeraraan Yahuudda, Kiristaanka iyo Islaamka dano. Ujeedka ayaa ah waxaa laga rabaa ajendayaal siyaasadeed, sidaas waxaa shalay ku dhawaaqay Imaamka weyn ee Al-Azhar ee dalka Masar, Axmed El-Tayeb.

Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaatay wafdi ka socday kulliyadda difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska, Al-Tayeb ayaa sheegay in machadkiisu uu manhajkiisa ku daray maaddooyin la-dagaalanka argagixisada iyo kuwa xagjirka ah.

Al-Azhar waa mac-hadka ugu caansan adduunka ee barashada Islaamka Sunniga ah.

“Tobannaan sano, dhaqanka Al-Azhar wuxuu ahaa mid ku salaysan in ardaydeeda lagu barbaariyo ixtiraamka fikradaha kala duwan,” ayuu ku nuux-nuuxsaday wadaadka.

Waxa uu tilmaamay in Al-Azhar ay dhistay waxa loogu yeero Guriga Qoyska Masar oo ay weheliso Kaniisadda Coptic Orthodox Church ee Masar sannadkii 2011, iyada oo ujeedadu tahay “in kor loogu qaado xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Masar.”

Dhinaca kale, wufuudda Ingiriiska ka socday ayaa sheegay in shirka hoggaamiyayaasha diinta ee waaweyn uu yahay “inay muujinayso runta diimaha samaawiga ah iyagoo matalaya darbi xannibaya iskuday kasta oo lagu doonayo in maskaxda lagaga dhaqo.”

Ahmed Mohamed Axmed El-Tayeb ( Af-Carabi: أحمد محمد أحمد الطيب) (wuxuu dhashay 6 Janaayo 1946) waa caalim Islaami ah oo Masar u dhashay, haatanna ah Imaamka weyn ee al-Azhar iyo guddoomiyihii hore ee jaamacadda al-Azhar. Waxaa xilkan u magacaabay Madaxweynihii Masar, Xusni Mubaarak, kaddib geeridii Maxamed Sayed Tantawy sannadkii 2010-kii.

Ahmed Mohamed Axmed El-Tayeb ( Af-Carabi: أحمد محمد أحمد الطيب) (wuxuu dhashay 6 Janaayo 1946) waa caalim Islaami ah oo Masar u dhashay, haatanna ah Imaamka weyn ee al-Azhar iyo guddoomiyihii hore ee jaamacadda al-Azhar. Waxaa xilkan u magacaabay Madaxweynihii Masar, Xusni Mubaarak, kaddib geeridii Maxamed Sayed Tantawy sannadkii 2010-kii.

Al Azhar oo fadhigeedu yahay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, waa goobta waxbarasho ee ugu sharafta badan dadka gala cilmiga fiqiga iyo aqoonta Islaamka. Al Azhar iyo shabakadeeda oo ka kooban 9,000 oo dugsi oo ku yaala Masar waxa dhigta laba milyan oo arday.

Mid ka mid ah jaamacadaha adduunka ugu faca weyn, Al Azhar ayaa dib loo yagleelay xilligii madaxweyne Jamal Cabdel Naasir markaas oo maaddooyin aan diin ahayn lagu daray manhajkeeda 1961-kii iyada oo laga beddelay xarun waxbarasho oo Islaami ah, loona beddelay jaamacad dhammaystiran.

Sannadkii 2013, Azhar waxa ay sidoo kale dib u habayn ku samaysay manhajkeeda, iyada oo ka guuraysa tuducyada duugoobay ee ku wajahan waxbarista la jaanqaadi karta da’da casriga ah.

“Sharicadu waxay ogolaatay xukunnada aan hadda lagu dhaqmin da’da casriga ah in dib loo eego si ay ugu habboonaato da’dan,” ayuu yiri ku xigeenka madaxa jaamacadda Cabbaas Shuman.

Sheekh El Tayeb ayaa muddo 7 sano ah madax ka ahaa Al Azhar ka hor inta aan xilka loo magacaabin, wuxuuna wax ka dhigi jiray jaamacadaha Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraadka. Sheekh El Tayeb waxa uu dhashay 1946-kii, isaga laftiisu waxa uu arday ka ahaa Jaamacadda Al Azhar sannadkii 1971-kii.

Wareysi lala yeeshay, Sheekh El Tayeb wuxuu ka soo horjeestay siyaasadda Islaamka ee qaabka Ikhwaanul Muslimiin wuxuuna taageeray afgambigii militariga ee xukunka looga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursi 2013.

Waxa uu sidoo kale ansixiyay awoodda haweenka si ay u qabtaan jagooyinka hoggaamineed ee dunida shirkadaha iyo goobta diinta iyo sidoo kale ay xaq u leeyihiin in ay safraan iyada oo aan masuul ka halkaas oo ay ku badbaado in ay sidaas sameeyaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Falanqaynt: Sidee aragtida shirqoolka ay u soo dhex gashay doorashooyinka madaxtinimo ee Faransiiska?

Si qoto dheer: Ka hor doorashada madaxtinimada ee Faransiiska ee Abriil, aragtida shirqoolka cunsurinimada ee midigta fog ayaa u jihaysatay wada hadal siyaasadeed oo caadi ah.

Published

on


Bishii la soo dhaafay, intii lagu guda jiray khudbad ololaha doorashada oo ay kumanaan qof hortooda ka jeediyeen, musharaxa madaxweynaha Faransiiska Valérie Pécresse ayaa tiri labo kelmadood oo muran badan dhaliyay oo ku baaqaya aragti shirqool cunsuriyad ah: ‘Beddelka weyn’.

Waa eray asal ahaan ay adeegsadaan Faransiiska midigta fog si ay ugu faafiyaan cabsida socdaalka, ereyga “badalka weyn” waxaa loola jeedaa cunsuriyad heer sare ah iyo aragti waddaniyad leh oo asal ahaan dadka caddaanka ah ee Yurubta laga tiro badan yahay oo lagu beddelayo aan caddaan ahayn, oo aan Yurub ahayn oo muhaajiriin ah.

Pécresse, oo ah siyaasiga garabka midig ee xisbiga Les Républicains, ayaa hore u isticmaalay ereyga, sidoo kale musharaxa midigta fog Eric Zemmour, si uu racfaan ugu qaato codbixiyayaasha garabka midig.

Erayga ayaa si isa soo taraya loo isticmaalay tobankii sano ee la soo dhaafay waa hadal haynta siyaasadeed ee ku beegan doorashada madaxtinimada ee Abriil.

Pecresse, oo codbixintu muujisay inay tahay qofka ugu sarreeya ee la tartamayey Madaxweyne Emmanuel Macron doorashadii Abriil 2022.

Markii ugu horeysay ee uu sameeyay 2010 qoraaga Faransiiska ah ee Renaud Camus, kaas oo daabacay buug dhan oo cinwaankiisu yahay “Le Grand Remplacement” sanadka soo socda, tobankii sano ee la soo dhaafay ayaa la arkay ereyga wuxuu noqday qayb ka mid ah hadallada sareynta cad, oo ku faafay meelo ka baxsan xuduudaha Faransiiska oo la isku duubay. Maraykanka illaa Yurub.

“Erayga ‘The great replacement’ ‘badalka weyn’ waxaa loola jeedaa aragti aad u cunsuri ah iyo aragti qaran oo ah in dadka cadaanka ah ee reer Yurub ay ka tiro badan yihiin oo ay beddelaan kuwa aan caddaan ahayn, oo aan Yurub ahayn soo-galootiga.”

Aragtidan ayaa si weyn loo faafiyay ka dib xasuuqii 2019 ee masaajidda Christchurch ee New Zealand, halkaas oo 51 Muslimiin ah oo ka qaybgalayay salaadda uu dilay nin caddaan ah. Ninka hubaysan ayaa daabacay qoraal ka kooban 74 bog oo ka dhan ah Muslimiinta iyo soogalootiga, isagoo u daliishaday ‘ bedelka weyn’ ee uu ku dhiiri galiyay weerarada.

Aragtida lafteedu waxay ku tiirsan tahay laba khuraafaad oo aasaasi ah. Midda kowaad waxay ku saabsan tahay tirada dadka: iyadoo ay ugu wacan tahay tirada dadka soogalootiga ah ee la filayo iyo heerka dhalashada oo sarreeya ee dadka soogalootiga ah, “dadka u dhashay” – ama “caddaan” – dadka reer Yurub dhawaan ayaa laga badin doonaa tiro iyo in dhaqankooda la afgembiyo, taasoo keenaysa hoos u dhaca Ilbaxnimada Yurub.

Midka labaad wuxuu u guuraa xitaa qoto dheer gudaha aragtida shirqoolka, isagoo ku andacoonaya in soogalootiga ay caawin doonaan “kuwo caalami ah,” koox dad hodan ah oo ku nool Faransiiska iyo kuwa ka baxsan kuwaas oo leh dano gaar ah oo aan la cayimin oo beddelka ah iyo cidda abaabuli doonta si wadajir ah si ay u dhacdo. .

Iyadoo ereygan loo adeegsaday siyaasadda Faransiiska ka hor, sannadkii la soo dhaafay iyo ka hor doorashada ayaa markhaati ka ah inay u soo galayso habka caadiga ah. Zemmour ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee u adeegsada ololihiisa, waxaana uu si weyn uga hadlay, waxaana ku xigay musharixiin kale oo iyaguna qaba aragtiyo la mid ah cunsuriyadda.

Iyadoo doorashada 2022-ka ee dalka Faransiiska ayaa musharixiinta ugu waaweyn waxaa mid walba uu muujiyay heerar kala duwan oo Islaam naceyb iyo naceyb uu u qabo bulshada Muslimiinta ah ee Faransiiska. Waa kuwee musharaxiintan, maxayse u arkaan Muslimiinta Faransiiska iyaga?

Iyada oo wax ka yar bil ay ka harsan tahay Doorashada Madaxweynaha Faransiiska, ku dhawaad 40 tartame ayaa doonaya inay maamulaan Qasriga Elysée. Laakiin ma jiraa qof si dhab ah u metelaya Muslimiinta Faransiiska? Muslimiin badan oo Faransiis ah, aad bay ugu adkeyd in la helo musharax aan ku kicin Islaam nacayb.

Si kastaba ha ahaatee, aragtida ayaa sidoo kale ay ku baaqeen musharrixiinta loo tixgeliyey inay ka badan yihiin “dhexdhexaad” xagga siyaasadda, sida Pécresse, oo ku dhibtootay inay ku guuleysto codadka oo lagu cadaadiyay inay u sii janjeerto dhanka midig.

“Waa fikrad ka shaqeysa siyaasadda,” taariikhyahan Faransiis ah iyo kaaliyaha agaasimaha ururka cilmi-baarista Conspiracy Watch, Valérie Igounet, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee The New Arab. “Waxaan ku jirnaa tartan codbixineed, hal-ku-xigeen oo gangrey ah oo wasakheeya garabka midig. Pécresse si cad way u garanaysay waxay tidhi. ”

In kasta oo ay bilaabayso in ay noqoto mid dhex-dhexaad ah qaybaha siyaasadda qaarkood, aragtida shirqoolku waxa ay si dirqi ah ugu taagan tahay baadhista aasaasiga ah.

“Marka hore, waa maxay ‘dadweynaha hooyo’? Faransiiska had iyo jeer wuxuu ahaa waddan soo-galootiga,” Jean-Yves Camus, oo ah cilmi-baare ku-xigeenka Machadka Faransiiska ee Arrimaha Caalamiga iyo Istiraatijiyadda, ayaa u sheegay The New Arab.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta midigta-fog ee Faransiiska ayaa xitaa adeegsadey warbixinta tirakoobka dadka oo si weyn loo fahmi waayey oo ay Qaramada Midoobay soo saartay 2000 si ay u sharciyeyso aragtida shirqoolka.

Ciwaanka loogu magac daray “Socdaalka Bedelka”, waxa ay daraasaysaa xaaladaha suurtagalka ah ee ku saabsan da’da sii kordheysa ee dadka reer Yurub 50 sano gudahood iyada oo la raacayo saadaalinta tirakoobka ee taxanaha ah, kuwaas oo mid ka mid ah lagu qiyaasay inta dhalinyaro ah oo tahriibayaal ah ayaa lagama maarmaan u ah ka hortagga dadka da’da ah.

“Faransiiska, saameynta ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo warbaahinta garabka midig ee diiradda saaraya aragtidan ayaa sii kordheysa, iyada oo dad badan oo badan ay ula dhaqmaan sida dhabta ah halkii ay ka ahaan lahaayeen khiyaali.”

“Warbixintu waxay sidoo kale ka hadashay korrorka da’da hawlgabka ah, korodhka tabarucaadka iyo shaqaaleysiinta haweenka, laakiin waa muuqaalkan soo jiidashada siyaasadda. Jean-Marie Le Pen ayaa xitaa ka hadlay sida ay Qaramada Midoobay u rabeen inay Yurub ku dhex milmaan muhaajiriinta. Waxay noqotay taageerada ugu weyn ee xagga cilmiga ah ee midigta fog, iyadoo warbixintan laga soo xigtay shirqool caalami ah. ”

Mid ka mid ah khuraafaadka muhiimka ah ee aragtida beddelka weyn waa in bulshooyinka soogalootiga ah ay u muuqdaan inay leeyihiin heerar dhalmo oo sarreeya. Dhab ahaantii, si kastaba ha ahaatee, daraasaadka tirakoobka ayaa muujinaya in heerka dhalashada haweenka jiilka labaad ee asal ahaan soogalootiga ah “ay la mid yihiin waddanka ay ku nool yihiin,” ayuu raaciyay Héran.

“Xaqiiqdii, qaybinta soogalootiga ayaa ah mid aan sinnayn gudaha Faransiiska, marka waxay u ekaan kartaa dadka qaar in badidoodu ay ajnabi yihiin. Sidoo kale waa isbeddel ‘muuqaal’ ah maadaama aan haysanno muhaajiriin Isbaanish iyo Boortaqiis ah iyo qaar badan oo Afrikaan ah, sidaas darteed way ka dhib badan tahay kaliya in la yiraahdo ‘dadku waa khaldan yihiin’. Laakiin kuwa midigta fog waxay si badheedh ah u iska indhatiraan xaqiiqooyinka si ay u caddeeyaan in aragtidooda beddelka weyni ay run tahay, waxayna ku faaftay waddamo badan.”

Faransiiska, saameynta ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo warbaahinta garabka midig ee diiradda saaraya aragtidan ayaa sii kordheysa, iyada oo dad badan oo badan ay ula dhaqmaan sida dhabta ah halkii ay ka ahaan lahaayeen khiyaali.

In kasta oo in ka yar 10% dadka Faransiiska ay yihiin soo galooti, sahan uu sameeyay kanaalka midigta fog ee CNEWS bishan ayaa muujisay in 48% dadku ay ka walaacsan yihiin ‘badalka weyn’ ee Faransiiska – ku dhawaad hal qof labadii qofba.

In ka badan, aragtida weyn ee beddelka ah ayaa loo isticmaalaa in lagu guuleysto codadka iyo kali-taliska wadahadalka socdaalka, iyada oo la iska ilaalinayo wadahadalka adag ee ku saabsan dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee dalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Islaam Naceybka1 day ago

Ilhaan Cumar ayaa soo bandhigtay qaraar ay kaga hadlayso Islaam nacaybka

English Articles1 day ago

Why Somalia Must Abandon the Indirect Electoral Model in 2026?

Bariga dhexe2 days ago

Maxaa laga baran karaa isu soo dhowaanshaha Sacuudiga iyo Iiraan?

Diinta Islaamka2 days ago

Faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay soonka – ma sooman tahay maanta?

Afrika3 days ago

Gobolka Tigray oo yeeshay madaxweyne cusub – waa kumaa Getachew Reda?

Aragtida Indheergaradka3 days ago

Maxay dowladaha ugu baxaan heshiisyada caalamiga?

WARBAAHINTA6 days ago

Amarka maxkamada dembiyada caalamiga ee xiritaanka Putin ayaa muujinaya in sharciga caalamiga ah uu burburayo – Dmitry Medvedev

Diblomaasiyadda & Dunidda6 days ago

Xiriirka Ruushka iyo Shiinaha ma laha xad – ayuu yirri madaxweyne Vladimir Putin

WARBAAHINTA1 week ago

Xildhibaanad Layla Moran, ayaa sii laba jibaareysa dadaalka loogu jiro aqoonsiga rasmiga ah ee UK aqoonsato qaranimada Falastiin

Buuggaag1 week ago

Jibril Mohamed on Somalia’s Road to Democracy: A Journey of Hope and Resilience

WARBAAHINTA1 week ago

Qaramada Midoobay ayaa Yemen ugu baaqday inay ka faa’iidaysato heshiiska Sucuudiga iyo Iiraan oo ay doorato nabadda

WARBAAHINTA2 weeks ago

Madaxweyne Erdogan ayaa si rasmi ah ugu baaqay in doorashada Turkiga ay dhacdo 14-ka Maay

Bariga dhexe2 weeks ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda ka dib wadahadal uu dhexdhexaadinayey Shiinaha

WARBAAHINTA2 weeks ago

Maraykanka ayaa ka carooday rabshadaha Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 weeks ago

7 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar ka dhacay kaniisad ku taalo Hamburg, Jarmalka

WARBAAHINTA2 weeks ago

7 qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo lagu qaaday hantida Iiraan ee Suuriya

Aasiya3 weeks ago

Imran Khan: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo ka falceliyay isku daygii xarigiisa

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 weeks ago

Faa’iida darada ay leedahay isticmaalka baraha bulshada

WARBAAHINTA4 weeks ago

Turkiga oo weerar ku dilay maskaxdii ka dambaysay weerarkii Istanbul

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maraykanka ayaa aaminsan in Ruushka laga yaabo inuu Iiraan siiyo diyaarado dagaal: Aqalka Cad

Diblomaasiyadda & Dunidda4 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay booqashada Raisi ee Beijing xiriirka Iiraan iyo Shiinaha?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Waa maxay ujeedka dowladda Soomaaliya ay mar kale u xirtay Cabdalla Muumin?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017 – Qaramada Midoobay

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Ruushka ayaa hakiyay ka qaybgalka heshiiska cusub ee START ee hubka Nukliyeerka ah ee lala galayo Maraykanka, ayuu yidhi MD Putin

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Qeybtii 2aad:- Maxay yihiin bulshooyinka sirta?

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago

Baro sidda aad nolosha wax kaga badali lahayd

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Maxay yihiin bulshooyinka sirta ah?

Afrika1 month ago

Maxay Eriteriya ugu baxday urur Gobolleedka IGAD?

Afrika1 month ago

MD Isaias Afwerki ayaa sheegay in Eriteriya ay dib uga mid noqon doonto urur goboleedka IGAD

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Yurub2 months ago

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood

WARBAAHINTA2 months ago

Dhimashada ayaa gaartay 1,651 kadib dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Gumeysi iyo isir sifeyn2 months ago

Dowladda Israa’iil ayaa kordhisay tirada dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 months ago

X. A. Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqan doona Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee NATO ayaa dib loo dhigay iyadoo Sweden ay ku baaqday in dib loo bilaabo wadahadalka

WARBAAHINTA2 months ago

Dokumentiyo sirta ah oo laga helay guriga madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence – kadib markii uu dafiray inuu haayo warqado sir ah

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Maxay Falanqeeyayaasha ka yiraahdeen guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Xul