Connect with us

Diinta Islaamka

Caruurtii Rasuulka SCW

Published

on


Nebiga caruurtiisu waxa la isku waafaqsanyahay inay ahaayeen 7 caruur ah, 4 hablood iyo 3 wiil.

1- Qaasim: Qaasim waxa uu ahaa kii ugu waynaa caruurta rasuulka N.N.K.H, waxana Qaasim uu ahaa inankii looga kunyo-yeelay rasuulka oo watii la odhan jiray Abal-Qaasim. Qaasim waxa uu noolaa ilaa uu gaadhay 2 sano, culimada siirada qaarkoodna waxa ay sheegaan inuu noolaa ilaa uu awood u yeeshay inuu faradaha iyo rakkuubka fuuli karo.

2- Zaynab: Zaynab waxa ay ahayd marka xagga hablaha la eego tan ugu wayn hablaha rasuulka scw. Saynab mar uu nebigu ka hadlay fadligeeda ayaa waxa uu yidhi: “Tan waa ta ugu fadliga badan hablahayga, waxa la iidhalay Qaasim kaddib”. Waxa guursaday Abulcaas Ibnu Rabiic oo ahaa inankii ay Habra-wadaagga aahayeen, oo waxa dhashay Habaryarteed Haala Bintu Khuwaylad. Zaynab waxa ay dhashay laba caruur ah wiil iyo gabadh oo lakala odhan jray Cali iyo Umaama. Zaynab waxa uu nebigu xambaari jiray marka uu salaadda tukanayo, waxayna dhimatay horraantii sanadkii 8aad ee hijrada iyada oo Maddiina joogta.

3- Ruqayya (Ruqiya) : Ruqiya waxa guursaday oo ay u dhaxday khaalifkii 3aad ee Muslimiinta Cuthman Ibnu Caffaan rc, waxayna u dhashay hal wiil oo loo bixiyay Cabdul-laah sida culimada siiradu sheegaanna waxa uu wiilkaasi dhintay isaga oo laba sano jir ah kaddib markii uu indhaha dhaawac kasoo gaadhsiiyay Diig. Ruqiya waxay dhimatay rasuulka oo jooga Beder.

4- Ummu Kalthuum: Ummu Kalthuum waxa uu nebigu xig-siisan u siiyay khaliifkii Cuthmaan, kaddib markii ay kadhimatay Ruqayya, sidaana waxa Cuthmaan Bin Caffaan loogu yeedhi jiray Dii-nuurayn (kii labada nuur lahaa) oo looga jeedo inuu guursaday laba hablood oo nebi dhalay, inta taariikhda la ogyahayn waa ninka kaliya ee ay u dhaxeen laba hablood oo nebi dhalay.

Ummu Kalthuum waxa caruur ah umay dhalin cuthmaan, waxayna dhimatay bishii shacbaan sanadkii 9aad ee hijrada waxana lagu aasay meesha layidhaahdo Baqiic.

5- Faadima (faadumo): Faadumo waxa ay ahayd inatii ugu yarayd hablihii uu dhalay rasuulku scw uguna jeclaa.

Faadima waa marwada dumarka jannada (Sayidatu Nisaa’il Jannah), waxa guursaday Khaliifkii 4aad ee islaamka Allah raali haka ahaadee Cali bin Abii Daalib dagaalkii beder kaddib. Waxay Faadima Cali u dhashay afar caruur ah: Xassan, Xussein, Zaynab, Ummu Kalthuum. Ummu Kalthuum waxa markii danbe guursaday Cumar bin Khaddaab waxayn u dhashay hal wiil oo la odhan jiray Zayd. Faadima rc waxa la oofsaday 6 bilood kaddib geeridii rasuulka N.N.K.H.

Caruurtaa shanta ah ee aan soo sheegnay waxay dhamaantood ahaayeen dhasheen nebinimada kahor!

6- Cabul-laah (Cabdilaahi): Cabdilaahi waxa aan la isku raacsanayn inuu dhashay nebi nimada kahor iyo inuu dhashay nebinimada kaddib, waxana loo badanyahay inuu dhashay nebinimada kaddib. C.laahi waxa uu dhintay isaga oo yar oo aan garaadsan waana qofkii ugu danbeeyay ee ay dhasho hooyadii Mu’miniinta ee Khadiija rc.

7- Ibraahim: Ibraahim waxa uu ku dhashay magaalada Madiina Al-munawarah, waxana dhashay Maariya al-qibdiyah oo ahayd gabadh uu nebiga  u soo hadyeeyay boqorkii masaarida ee Muqawqis bishii Jamaad Al-awal sannadkii 9aad ee hijrada, waxana uu ibraahiim dhintay 29-kii bishii Shawaal sannadkii 10aad ee hijrada isaga wali naaska hooyadii aan ka go’in.

 Maalintii uu Ibraahim dhintay, waxa madoobaatay qorraxda taas oo dadka qaar u nisbeyeen in qorraxdu u madoobataya dhimashada wiilka uu rasuulk scw dhalay, balse rasuulka Allah ayaa u caqli-celiyay dadka oo yidhi:

“Qorraxda iyo Dayuxuba waa qaar kamid ah aayadaha ilaahay, uma madoobaadaan dhimashada ama dhalashada qof bani’aadam ah.”

Akhriste; Lagabilaabo maanta waxad kamid tahay dadka wax laga waydiin doono taariikhda iyo waayihii ehelkii rasuulkaaga, gaar ahaan caruurtiisa scw. Sooyaalkii rasuulka oo aad wax kataqaanaa waxay kor u qaadaysaa jacaylka aad u qabto rasuulka, qofkastaana waxa uu qiyaamaha lasoo xaadiri doonaa cidda uu jecel yahay. Rasuulka ayaa mid kamid ah saxaabadu waxa uu waydiiyay: “Rasuulkii ilaahayow goorma ayuu dhacayaa qiyaamuhu?”, rasuulku wuxu waydiiyay saxaabigii “Maxaad u diyaarsatay adigu maalinta danbe – Qiyaamaha?”, saxaabigii wuxu yidhi: “Ilaahay iyo rasuulkiisa ayaan jeclahay”, rasuulku wuxu ku yidhi: Qofku waxa uu lasoo xaadiri doonaa qiyaamaha cidda uu jecelyahay.”

Facebook Comments Box

Khaalid-askar, waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha waxbarahada, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Qoraagani waxa uu aqoon gaar ah u leeyahay dhaqaalaha iyo waxbrashada. Sidoo kale qoraagan ayaa ah qoraa hodan ku ah qorista Af Soomaaliga.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diinta Islaamka

Sheekh Mustafa Xaaji: “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

Sababta colaadda loo badiyay ee loo gaarsiiyay dalalka Muslimiinta ayuu ku sheegay Sheekh Mustafa in dhul loo raadinayo Israa’iil.

Published

on


Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay garab istaagga dadka qaar ay u muujinayaan Israa’iil isaga oo sheegay in arrintaas ay kahor imaanayso Diinta Islaamka isla markaana aanay bannaaneen.

Sheekha ayaa shaaciyay in aanay bannaaneen in la isku soo jeediyo balaayo kaasii jeeddo oo uu ku fasiray inay lasoo dhawaysto Yuhuudda oo laftigeeda iska xakamayn la’dahay duqeymaha Iiraan iyada oo loo sameeyay goobo badan oo lagu difaacayo.

Waxa uu farriin u diray dad qaarkood baraha bulshada lasoo istaagay in ay garab taagan yihiin Israa’iil, arrintaasi ayuu tilmaamay in ay wax u dhibayso Diinta iska daayaan wax weliba oo aan u wanaagsaneen Adduun iyo Aakhira sida uu fariintiisa ku muujiyay.

“Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil, balaayo aan inoo dhawayn yaynaan soo dhawaysan, Madax iyo Majo waxaa habboon in aynu faraha la gelin arrin naga wayn oo hadhow iska difaaci karin”- ayuu yirri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ah Caalim Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in Iiraan iyo xulufada kasoo horjeedda midkood aanay diir-naxa u lahayn Sunniyiinta balse loo baahan yahay in la caddeeyo cidda la dulmiyay taasina uu alle ku caddeeyay qur’aanka kariimka ah.

“Dulmiga alle ma jeclo, Iiraan maanta waala dulmiyay innaga oo rumaysay in aysan kheyr u wadin Ahlu Sunna ayaa haddana leenahay waala dulmiyay, Alle waxa uu yiri waligiin dulmi ha taageerina”- ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Sababta colaadda loo badiyay ee loo gaarsiiyay dalalka Muslimiinta ayuu ku sheegay Sheekh Mustafa in dhul loo raadinayo Israa’iil, waxa uu soo jeediyay in laga fogaado soo dhawaysashada Yuhuudda, Maraykanka iyo Xulufada kale ee la safan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Maamulka gooni isu-taaga Somaliland tan iyo dabayaaqadii sannadkii tegay 2025, xoojinaysa xiriirka ay la yeelanaysay Maamulk Yahuudda iyadoo haatan u muuqanaysa mid ku hungoobaysa Aqoonsiga wax lagu sheegay ee ka heshay maamulka Yuhuudda Natenyahu, maadaamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibada la ah ay si weyn ugu horyimaadeen xadgudubka qaawan ee Maamulka Natenyahu ku soo qaadeen madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Culimada Hargeysa ayaa Cabdiraxmaan Cirro u caddeeyay kagana digay halista ka imaan karta heshiiska Somaliland ay la gashay Maamulka Yahuudda, isla markaana ku doonayso in ay Soomaaliya inteeda kale kaga go’do.

Culimada waxay Cirro kaga digeen cawaaqib diimeedka ka dhalan kara iyo midka siyaasaddeed haddii ay Somaliland ay ku adkeysato xiriirka ay la sameysanaysa Yuhuuda, iyagoo xusay in ay arrintaasi keeni karto carro Alle iyo fidno ku fidoa Somaliland iyo guud ahaan gobolka, haddii aan laga fiirisan go’aannada la qaadanaayo.

“Madaxweynaha waxaan ku waaninayna shacabkan aan u sheegayna heshiiskaas waxaa ku jirta waxaana ku leenahay Illaahey ka cabso oo ha tegin oo heshiiskaas ha saxiixin”

– ayay yiraahdeen culimada magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, culimada waxa ay sheegeen in Madaxweyne Cirro ay usoo jeediyeen in uu tixgeliyo dareenka ummada Muslimiinta ah, isla markaana uu ka fogaado tallaabooyin kasta midnimada, xasilloonida iyo masiirka shacabka.

Culimada ayaana si weyn ugu digay heshiiskan Abraham Accords lagu magacaabo oo uu Cirro doonayo inuu kusoo saxiixo caasimada Israa’iil ee Telviv iyo Washington oo dhowaan u safri doono haddii ay wax iska beddeli doonin mowqifkiisa, isla markaana uu qaadan talo jeedinta.

“Cirro wuxuu noogu warramay heshiiska uu galay iyo inta dhiman ee Telviv u tegaayo, aniguna waan waaninay waana u nasteexeenay wuxuu Illaahey nagu ogaana waan sheegnay aayadna waan ku dul akhrinay” – ayay ku yiraahdeen culimada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Faa’iidooyinka dhaqanka wax isla cunka Soomaalida iyo aragtida Islaamka

Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo, diinta Islaamkana waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka.

Published

on


Wax isla cunka waa dhaqan bulsho oo qadiimi ah, kana mid ah astaamaha lagu garto bulshada Soomaalida. Waa dhaqan ka tarjumaya wadajir, is-ixtiraam, iyo walaaltinimo. Soomaalidu waxay caan ku tahay in ay cuntada wadaagaan, hadday tahay qoys dhexdiisa, marti la qaabilayo, ama dad baahan oo lala wadaagayo wixii la heli karo. Dhaqankan ma aha oo kaliya mid bulsho, balse sidoo kale waa dhaqan diini ah oo Islaamku si weyn u dhiirrigeliyay, maadaama uu xoojinayo xiriirka dadka, barakaynayana nolosha.

Marka qoys ama bulsho ay wada cunaan, waxaa si muuqata u xoogeysanaya jacaylka, is-fahamka, iyo kalsoonida ka dhexeysa xubnaha. Qoysaska wada cuna waxay yeeshaan xiriir adag, caruurtuna waxay ka bartaan edeb, xushmad, iyo wadaag. Wax wada cunista waxay noqotaa fursad lagu wada sheekeysto, laguna wadaago arrimaha nolosha, taasoo yaraynaysa kala fogaanshaha iyo is faham la’aanta ka dhex dhalan karta xubnaha qoyska. Bulshada dhexdeeda, wax isla cunka wuxuu noqdaa astaan muujinaysa midnimo iyo isku xirnaan.

Sidoo kale, wax isla cunka wuxuu abuuraa jawi farxad iyo deggenaansho leh. Dadka marka ay wada cunaan, gaar ahaan qoys ahaan, waxay dareemaan nasasho maskaxeed iyo farxad bulsho. Tani waxay si weyn u yaraysaa kelinimada iyo walbahaarka, gaar ahaan waayeelka ama dadka dareema go’doon. Cilmi-nafsigu wuxuu caddeeyay in wax wada cunistu kor u qaaddo caafimaadka maskaxda, maadaama ay xoojiso dareenka in qofku ka tirsan yahay koox ama qoys daneeya.

Wax wada cunista sidoo kale waxay baraysaa dadka sinnaan iyo edeb. Marka saxan la wadaago, qof walba wuxuu barta inuu qadariyo xuquuqda dadka kale. Dhaqanka Soomaalida waxaa si gaar ah loo tixgeliyaa in qofku ku ekaado waxa hortiisa yaalla, uuna ka foggaado in uu gacantiisa gaarsiiyo dhanka kale ee saxanka. Tani waxay carruurta iyo dadka waaweynba ku beeraysaa edeb, xishood, iyo is xakameyn. Sidoo kale, waxay dhiirrigelisaa in qof walba uu dareemo in uu la siman yahay kuwa kale, iyadoo aan la kala sarreyn ama la takoorin.

Dhaqanka wax isla cunka wuxuu xoojiyaa deeqsinimada iyo tixgelinta dadka kale. Qofka lala wadaaga cuntadiisa wuxuu baranayaa in uu ka fekero baahida dadka kale, gaar ahaan martida iyo dadka tabarta yar. Soomaalidu waxay ku faantaa marti-soorka, iyadoo marar badan la maqlayo oraahda ah “Marti waa marti Ilaahay.” Martida lala wadaago cuntada waxay dareemaan qadarin iyo soo dhaweyn, taasoo xoojisa xiriirka bulsho iyo kalsoonida dadweynaha.

Marka laga eego aragtida diinta Islaamka, wax isla cunka waa dhaqan aad loo dhiirrigeliyay. Islaamku waa diin ku dhisan wadaag, walaaltinimo, iyo naxariis. Nebi Muxamed ﷺ wuxuu Muslimiinta ku boorriyay in ay wax isla cunaan, isagoo xusay in barako ku jirto wax wada cunista. Xadiisyo badan ayaa tilmaamaya in cuntada la wadaago ay ka barako badan tahay tan kaligeed la cuno, xitaa haddii ay yar tahay. Tani waxay ina tusinaysaa in barakadu aysan ku xirnayn tirada cuntada, balse ay ku jirto wadaagga iyo niyadda wanaagsan.

Islaamku sidoo kale wuxuu si gaar ah u dhiirrigeliyaa marti-soorka. Qofka marti u ah Muslim kale waxaa la faray in uu si sharaf iyo deeqsinimo leh u qaabilo, gaar ahaan dhinaca cuntada. Quudinta masaakiinta, agoonta, iyo dadka baahan waa camal aad u weyn oo ajar badan leh. Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaa’iista Nabiga ﷺ labaduba waxay si cad u amreen in la caawiyo dadka tabarta yar, lana wadaago nimcada Ilaahay bixiyay.

Diinta Islaamku waxay dejisay aadaab iyo akhlaaqyo gaar ah oo ku saabsan cunnada, taasoo sii xoojinaysa qiimaha wax isla cunka. Waxaa nala faray in cuntada lagu bilaabo magaca Ilaahay (Bismillaah), in midigta lagu cuno, lana ilaaliyo xadidnaan, iyadoo laga fogaanayo xad-dhaaf iyo khasaarin. Edebtani waxay qofka baraysaa mahadnaq, is-xakameyn, iyo tixgelinta nimcada Ilaahay. Marka dadku wada cunaan iyagoo raacaya edebtan, waxaa sii kordhaya barakada, is ixtiraamka, iyo wanaagga ka dhex jira.

Sidoo kale, Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa in wax la isku hadiyadeeyo, maadaama hadiyadda iyo wadaaggida cuntadu ay xoojiyaan jacaylka iyo walaaltinimada. Nebigu ﷺ wuxuu sheegay in hadiyaduhu ay kala qaadaan xumaanta qalbiyada, ayna kordhiyaan kalgacalka dadka dhexdooda. Wax isla cunka iyo wax is-hadiyadeyntu waa labo dhaqan oo si dhow isugu xiran, kana tarjumaya akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka.

Waxaan kusoo gunnaanudayaa, wax isla cunka waa dhaqan qiimo weyn u leh bulshada Soomaalida iyo diinta Islaamka labadaba. Waa dhaqan dhisa qoysaska, xoojiya xiriirka bulshada, korna u qaada akhlaaqda iyo edebta. Islaamku si cad ayuu u taageeraa wax isla cunka, maadaama uu keeno barako, midnimo, iyo naxariis bulsho. Marka la ilaaliyo dhaqankan, laguna saleeyo edebta Islaamka, waxaa la helayaa bulsho isku xirnaan leh, dad is jecel, iyo nolol ku dhisan wadaag iyo wanaag.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Nebi Maxammad (ﷺ) waa tusaallaha wakhti kasta

Ma jeclaan lahayd inaad ogaato sida loo abuuro isbeddel bulsho, sida ugu fudud ee aad u baran karto waa inaad barato noloshii Nebi Maxammad (ﷺ).

Published

on


Akhriska taariikh nololeedka waa habka ugu wanaagsan ee lagu baran karo casharrada nolosha maadaama laga baran karro diiwaanka khibradaha la taaban karo. Mid ka mid ah taariikh nololeedka aadka loo diiwaangeliyay waa taariikh nololeedkii Nebi Muxamed (ﷺ). Laakiin maxay muhiim ugu tahay nolosheena markasta? Sababtoo ah 23 sano gudahheeda ayuu bulshadii la dulaysan jiray ugu dhigay bulsho madax iyo ku dayasho mudan.

Ma jeclaan lahayd inaad ogaato sida loo abuuro isbeddel bulsho, sida ugu fudud ee aad u baran karto waa inaad barato noloshii Nebi Maxammad (ﷺ).

Makka, qarnigii toddobaad, oo uu Nebi Maxammad noolaa ilaa da’dii 50-kii (Sebteembar 24, 622), waxay ahayd magaalo ay ku noolaayeen bulsho hanti-wadaag ah, dhaqamada kala duwan iyo bulshooyinka kala duwan. Makka waa hoyga Kacbada oo ah “Guriga Ilaahay” ee uu dhisay Nebi Ibraahim cs, waana goob lagu soo xajiyo. Nawaaxiga Kacbada ayaa ahayd goob xurmo ah, waxaana mamnuuc ka ahaa dhammaan dilalka iyo dagaallada. Maka waxay ahayd gabaad nabdoon mid kasta oo ka mid ah qabaa’ilka badan ee sida joogtada ah u dagaallamaya si ay u yimaadaan oo ay uga ganacsadaan magaalada.

Bulshada reer Makka waxay ku dhisaneed nidaam ahaan suuqa xorta ah. Ma jirto maamul dhexe oo u nidaamsan suuqyada. Ganacsatada waxay ka qaadi jireen qiimihii ugu fiicnaa ee ay heli kareen, waxay kaydsan jireen wakhtiyada ay badeeco yaraanta jirto, waxay ku kala iibsan jireen badeecooyin faa’iido badan leh, waxayna badeecooyin ka keeni jireen meelo fog fog sida Suuriya iyo Yemen si ay ugu iibgeeyaan Makka. Makka waxay ahayd suuq iibiye weyn oo leh qiimihiisu sarreeyo ee alaabta aan laga heli karin meel kale oo Carabta ah. Taasi waa sida ganacsatada reer Makka ay u abuureen ganacsi ay dad yar gacanta ku hayaan.

Makka sidoo kale waxay lahayd dhaqamo kala duwan iyo jamac, sababtoo ah si kor loogu qaado ganacsiga, waa inaad ka dhigtaa mid sahlan oo badbaado leh ayna u heli karaan dadka ka soo jeeda jinsiyadaha kala duwan, caqiidooyinka iyo dhaqamada kala duwan waxay ahayd kuwa si nabad ah ugu dhaqma uguna wada noolaadaan. Taasi waxay u fiican tahay ganacsiga iyo dhaqaallaha. Waxaad arki kartaa sida qodobkaan ay ula mid tahay bulshadeena caalamka ee maanta.

Bal u fiirso bulshadii reer Makka ee qarnigii toddobaad oo ay la mid tahay qarnigan 21aad. Waxaad fahmi doontaa mala-awaalkayga in Nebi Maxammad (ﷺ) oo aanu lahayn wax dhaqaalle ah, taageero ama awood siyaasadeed, haddana uu ku keenay bulshada isbedel wanaagsan oo bulshadiisa ah; waxaan rajayn karnaa in hababkiisu ay anaga u shaqayn karno waxna ka baran karno. Qoraaga Faransiiska ah ee Alphonse de Lamartine waxa uu buuggiisa “Taariikhda Turkiga” ku yirri, “Haddii ujeeddada weynaanta, yaraanshaha macnahoodu tahay iyo natiijada la yaabka leh ay yihiin saddexda qodob ee garaadka bini’aadamka, yaa ku dhiirran kara in uu is barbar dhigo nin kasta oo taariikhda soo maray iyo Maxammad?

Isbeddelka uu Nebi Maxamed keenay waxa ay ahaayeen kuwo fikir iyo akhlaaqba leh, ma uusan beddelin nolosha dadka oo keliya ee wuxuu bedelay qaab-dhismeedka, shuruucda, akhlaaqda iyo hab-dhaqanka bulshada Carabta. Isbeddelladan ku dhacay qiyamka dadka waxay keeneen isbeddel ku yimaadda mudnaanta, taas oo ugu dambeyntii beddeshay dabeecadda iyo hab nololleedka bulshada. Wax walba waxay ka bilaabmaan xagga sare, maskaxda bulshada. Halkaas waxaan ka baran karnaa isbedelka oo dhami waxa uu ka bilawmaa qofka gudahiisa; aragtideena adduunka, hamigeena, qeexitaankeena guusha, sax iyo khaladba waa in dhammaantood isbedelaan haddii aan rabno inaan bedelno duruufahayada ina haysto maanta.

Saddexda qodob ee aan ka barran karno Nebi Muxammad (ﷺ)

Tartankeena ah in aan hantideena oo kali ku fikirno anaga oo aan cid kale ka fikirin, waxa ka dhashay bulsho xanuun iyo rafaad ragaadisay. Fariinta rajada leh waa in aan haysano awood aan ku bedelno waxa aan abuurnay. Haddii kale, waxaan si joogto ah u waxyeelayn doonaa Dhulka anagoo sii baabi’in doona jiritaankeena.

Nebi Maxammad (ﷺ) wuxuu diiradda saaray saddex qodob oo asaasi ah: In Illaahay aan u noqono; runta oo la dhawro; iyo faafinta wanaagga. Mabaadi’daani waxay koobeysaa nuxurka Islaamka, sida ka muuqata oraahdiisa “Waxaa idin kugu kheyr badan kan dadka oo dhan ugu anfaca wanaagsan”.

Waxa qaladka iyo dembiga ka soocaa waa garashada khaladka, haddana dooranaya in la sii wado ciqaab la’aan la dareemay. Nebi Muxamed (ﷺ) waxa uu ku nuuxnuuxsaday in fikir kasta, hadal iyo fal kasta uu og yahay Abuurahayaga, kaas oo aan ugu dambayntii la xisaabtami doono. Waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in qiyamka bini’aadmigu uu khuseeyo qof walba, oo aan ahayn Muslimiinta oo keliya. Si kastaba ha ahaatee, Muslimiinta waxaa saaran mas’uuliyad dheeraad ah inay ku dhaqmaan iyaga sababtoo ah waa Muslim.

Bilawgiiba, Nebi Maxammad (ﷺ) waxa uu sumcaddiisa ku mutaystay runnimadiisa iyo aaminnimadiisa aan leexleexadka lahayn ee dadkiisa. Waxa uu inagu beeray muhiimadda ay runtu leedahay dhinac kasta oo nolosha ah. Mar la weydiiyey qofka Muslimka ah waxa aanu samayn karin waxa uu ku jawaabay “Muslimku been ma sheegi karo”. Waxa uu baray in wanaagga iyo xumaantu ay yihiin qiyam dhammaystiran, oo aan la xirriirin qiimaha shakhsi ahaaneed, diin, jinsiyad ama wax kale. Inantiisii Faaduma waxa uu u dhigay cashar muhiim ah, “Faatimaay, ha u malayn in uu Alle ku mannaystay, waayo waxa aad tahay inantii rasuulkiisa, waxaad hor istaagi doontaa abuurahaaga oo ku salayn camalkaaga”.

Runnimadu waxay aasaas u tahay wanaag oo dhan, waxaana tusaalle u ah Nebi Maxammad (ﷺ) sida ay daacadda uga go’an tahay. Xataa intii uu Madiina u hijrooday ee qasabka ahayd, run ayay ahayd oo weli wuxuu haystay waxyaabo qaali ah oo cadowgiisu u wakiishay. Wuxuu u dhiibay ina-adeerkii, wuxuuna faray inuu u celiyo dadkii lahaa. Xaqiijinta ugu sareysa waa in lagu kalsoonaado xitaa cadawgaaga.

Xikmaddii Nebi Maxamed (ﷺ) ee ahayd “Waxa idiinku khayr badan kan deriskiisa u wanagsan” isaga oo yiri “Jaar” isaga oo aan u kala soocnayn Muslimiinta iyo Gaalada, taas oo muujinaysa in dhammaan shakhsiyaadka Alle agtiisa ay siman yihiin oo ay ku siman yihiin qaabka Islaamka ee xuquuqda muwaadinka.

Gabagabadii, Nebi Maxamed (ﷺ) waxa uu ka tagay hab-dhaqan ku dayasho mudan. Anagoo raacayna wadadiisa, waxaan wax ka qaban karnaa caqabadaha inaga haysto dowlad dhiska, kobaca dhaqaalaha bulshada iyo nidaamka caalamiga ah waxaanan dhisi karnaa bulsho ku dhisan naxariis, masuuliyad la wadaago, iyo isla xisaabtan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa qaatay diinta Islaamka

Fannaanka caanka ah ee Maraykanka, DJ, iyo soo saare Jonathan H. Smith oo caan ku ah magaciisa Lil Jon, ayaa qaatay diinta Islaamka Jimcihii.

Published

on


Fanaanka caanka ah ee u dhalshay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa si toos ah u qaatay diinta Islaamka xili uu booqasho ku tagay masaajid ku yaala gobolka California ee dalka Maraykanka.

Fanaankan oo 52 jir ah, ayaa ku dhashay Mareykanka oo magaciisa yahay Jonathan H. Smith oo ku nool magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, isagoo Jimcihii ka sheegay Masjidka King Fahad ee magaalada Los Angeles, isagoo ku sugan meel ay isugu yimaadaan dad badan.

Lil Jon ayaa si fagaare ah uga dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka asigoo hortaagnaa jamaaco badan oo masjidka ku sugneyd.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay fanaanka oo ku dhawaqaayo Shahaadada caqiidada Islaamka (أشهدُ أنْ لا إلهَ إلاَّ اللهُ وأشهدُ أنَّ محمّداً رسولُ الله), isagoo ku akhrinaya luqadda Carabiga, kadibna Ingiriisi, iyadoo uu hagayo Imaamka Masjidka.

Lil Jon ayaa noqonaya qofkii labaad ee caan ah oo Mareykan ah oo qaata diinta Islaamka isbuuca koowaad ee Ramadaanka sanadkan, isagoo raacay wadadii uu qaaday qoraaga iyo dhaqdhaqaaqayaasha Mareykanka Shaun King.

Qaadashada diinta Islaamka kadib, Lil Jon waxa uu ku biiray koox caan ah oo diinta soo gashay, oo ay ku jiraan shakhsiyaad caan ah sida Clarence Seedorf, Andrew Tate, Kevin Lee, Gervonta Davis, iyo Thomas Partey.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Muxuu Islaamka u mamnuucay cabbista Khamriga “Waliba maandooriye kasta”?

Khamriga iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah ayaa qur’aanka kariimka ah mamnuucay, maadaama ay yihiin dhaqan xun oo dadka ka fogeeya xuska Eebbe.

Published

on


Islaamka ka hor, bulshada Carabta waxay si aad ah u cabi jireen khamriga. Waxayna u ahayd sida Soomaalida uu shaaha u yahay. Waxayna ahayd xikmad Alle (Abuuraha Cirka iyo Dhulka) in uu arrintaas si tartiib tartiib ah wax uga qabto, haddii kale diinta oo dhan way ka tagi lahaayeen.

Khamriga iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah ayaa qur’aanka kariimka ah mamnuucay, maadaama ay yihiin dhaqan xun oo dadka ka fogeeya xuska Eebbe. Dhowr aayadood oo kala duwan ayaa ka hadlaya arrinta, oo soo degay waqtiyo kala duwan muddo sanado ah. Mamnuucida khamriga waa mid si weyn ay u aqbalsan yihiin Muslimiinta, taas oo qayb ka ah sharciga Islaamka.

Quraanku ma mamnuucin khamriga bilowgiisii. Arintaan ayaa lagu tiriyaa in ay tahay hab xikmad leh in Alle uu sidaas ku sameeyay xikmaddiisa iyo aqoonta uu u leeyahay dabeecadda aadanaha—Cajiib. Aayadii ugu horeysay ee quraanka kariimka ah ee mowduucan ka hadlaysa waxay marka horre ka mamnuucday muslimiinta inay soo xaadiraan salaadaha iyagoo sakhraansan (4:43). Waxa xiiso leh, waxaa jirta aayad shaaca ka qaaday oo qirtay in khamrigu ka kooban yahay qaar wanaagsan iyo qaar shar ah, laakiin “xumaanta waa ay ka weyn tahay wanaagga” (2:219).

Haddaba, Qur’aanku wuxuu qaaday dhowr tillaabo oo bilow ah oo uu dadka kaga leexinayo cabidda khamriga. Aayadii u dambaysay ee soo degtay waxay qaadatay cod aan leexleexad lahayn, oo si toos ah u mamnuucday cabida khabriga. Waxanaa Islaamka laga mamnuucay “Maandooriyaha iyo khamaarka” kadib waxa loogu yeerri jiray “waxyaalihii karaahiyada ahaa ee gacmaha Shaydaanka,” oo loogu talagalay in dadka ka fogaadaan Ilaah oo ay illoobaan haddii khamriga iyo qamaarka ciyaaran.

Muslimiinta waxaa lagu amray inay ka fogaadaan (5:90-91) (Fiiro gaar ah: Quraanku uma habbayn taariikh ahaan, sidaas darteed tirooyinka aayaduhu uma kala horreeyaan waxyiga.

Maandooriye

Aayaddan u horreysa ee aan kor ku soo xusnay, ereyga “sakhraan” waa sukara oo ka soo jeedda ereyga “sonkor” macneheeduna yahay sakhraan. Aayaddaasi ma xusin cabitaanka mid ka dhigaya akhraan. Aayadaha soo socda ee la soo daliishaday, ereyga inta badan loo tarjumo “khamri” ama waa al-Khamr, oo la xiriira “in la khamiiriyo.” Ereygan waxaa loo isticmaali karaa in lagu qeexo maandooriyaha kale sida biirka, inkastoo khamrigu yahay fahamka ugu badan ee erayga.

Muslimiintu waxay si wada jir ah u fasiraan aayadahan si ay u xaaraantinimeeyaan wax kasta oo maandooriye ah-ha ahaado khamri, biir, giin, wiski iwm, natiijaduna waa isku mid, wuxuuna quraanku tilmaamay in ay tahay maandooriye oo macnahiisa noqon kara waxwalbo oo maanka dooriya waa Xaaraan cad, taas oo qofka ka dhigaysa mid Alle iyo salaadda ku ilaaway sakhraannimada. Sanadihii la soo dhaafay, fahamka walxaha sakhradda ayaa ku soo biiray daroogooyinka casriga ah iyo wixii la mid ah.

Nebi Muxamed scw waxa kale oo uu kula dardaarmay dadkii wakhtigaas la socday inay ka fogaadaan wax kasta oo maandooriyeyaal ah—(oo la soo koobay) “haddii ay wax badan sakhramaan, waa mamnuuc xataa xaddi yar.” Sababtaas awgeed, Muslimiinta ugu fiirsashada badan waxay ka fogaadaan khamriga nooc kastaba ha ahaatee, xitaa xaddi yar oo mararka qaarkood loo isticmaalo karinta.

Iibinta iyo iibsashada khamriga

Nebi Muxamed scw waxa kale oo uu uga digay xertiisa in ka ganacsiga Khamriga ay xaaraan tahay, isaga oo habaaray: “…Khammiiyihii, kii hayay, kii cabba, kii soo gaarsiiyay, kan loo geeyey, kan u adeega, kan iibinaya, kan ka faa’iidaysanaya qiimihii lagu bixiyay, ka iibsanaya iyo kan la iibsanayo. Sababtan awgeed, Muslimiin badan ayaa diidi doona inay ka shaqeeyaan meelo ay tahay inay u adeegaan ama iibiyaan khamriga.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga23 hours ago

Ciidanka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen oo la wareegay magaaladda Buur-hakaba

Ameerika1 day ago

Soomaaliya oo kasoo dhex muuqatay liiska dalalka la xiriira jebinta cunaqabataynta bangiga Mareykanka

Qurbo Joogta1 day ago

Mustaqbalka Soomaalida magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska oo su’aalo ka taagan yihiin

Doorashada2 days ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya2 days ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga2 days ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika3 days ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed3 days ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika3 days ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya3 days ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika3 days ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga3 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga3 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika3 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya4 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika4 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika4 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo4 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga4 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika4 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya5 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga5 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda5 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga5 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga5 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga6 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika6 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga6 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub6 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub6 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika7 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Xul

Diblomaasi.com