Connect with us

koorsooyinka

Casharka 2aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Published

on


Waa Maxay Margasho?

Margashadu waa markii ay waxyaabaha qalaad ay u istaagaan dhuunta qofka, ayna adkaato in uu laqo sheygaas.

Markii ay cuno ama shey uu qofka dhuunta u istaagaan, uusanna neefsan karin sidda ugu dhaqsiyaha badan samee waxyaabahaan soo socda:

  • Istaag qofka gadaashiisa adigoo gacmahaaga aga qabanaayo dhexda .93-FA6
  • Gacmahaaga ka saar feeraha iyo xudunta inta u dhaxeeyso.
  • Adigoo iska dhigaayo in aad kor u qaadeysid qofka si dhaqso oo xoogan u riix calooshiisa si ay hawada sambabada ku jirto usoo tuurto sheygii dhuunta taagnaa.

Haddii qofka uu yahay mid kaa dheer ama uu suuxsan yahay samee siddaan soo socota:

5-1

  • Qofka dhabar dhabar u seexi
  • U jiifi sidda sawirka ka muuqato kaddibna gacmaha ka saar inta u dhaxeeysa xudunta iyo feeraha, si xoogan u riix.
  • Ku cel celi marar badan hadii ay laga maarmaan tahay
  • Haddii uu qofka neefsan karin ku samee Mouth to Mouth breathing ( Afka afka u gali kaddibna hawadaada ku afuuf).

FISHTANK_-7957-1

Drowning (Hafasho)

Markii qofka raaco biyo waxaa ku xirno neefta, biyaha afka galay awgood. Qofka ay neefta ku xirmatay waxaa uu haystaa waqti yar, marka waxaa loo baahan yahay in neefta loo furo sidda ugu dhaqsiyaha badan.

Ku samee qofka Mouth to mouth breathing (Afka afka u gali kaddibna ku afuuf  hawadaada, tani waxay qofka ka caawineysaa in ay u furto sambabada.

NB/ Waxaa had iyo jeer wanaagsan in aad qofka ku sameeyso Mouth to mouth breathing in aadan biyaha ka matajin.

Waxyaabaha keeni karo in qofka ay neefta ku dhagto markii laga reebo hafashada:

  • Markii ay waxyaabo qalaad istaagaan dhuunta.
  • Carabka ama malax adag oo xirta dhuunta xiliga uu qofka suuxsan yahay.
  • Ku margashada qiiqa ama sunta.
  • Nabar culus oo qofka madaxa ama xabadka aga dhaco.

Qofka haduusan neefsan mudo 4 daqiiqo ah waxuu halis ugu jiraa in uu dhinto.

U samee qofk neefta ku xirmatay waxyaabahaan soo socda:

  1. Ka saar wax kastoo ku margaday qofka dhuuntiis. Carabkiisa horay u soo jiid. Hadii ay malax ku jirto dhuunta ka nadiifi.
  2. Si dhaqso leh qof ka dhacadiid u seexi, madaxiisa yara qalooci adigoo garkiisa kor u soo jiidaayo.
  3. Sankiisa labadaada farood ku qabo, fur afkiisa, afkiisa kaada ku dabool si xoog leh ugu afuuf sambabadiisa hawadaada si uu xabadkiisa kor ugu kaco sug xoogaa si ay hawadii aad ku afuuftay gadaal ugu soo laabato kadibna dib u afuuf. Shan iyo 15 ku samee halkii daqiiqo. Caruurta sabiyaanka ah si degan hawada ugu afuur 25 jeer daqiiqadiiba.

artificial-respiration

Ku cel celi mouth to mouth breathing ilaa uu qofka iskiisa u neefsado ama aad hubsatid in uu qofka dhintay, mararka qaar waa in aad ku celcelisaa ilaa iyo hal saac.


 

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Wuxuu wax ka qoraa siyaasadda, cilmiga beeraha, ganacsiga, xadgudubyada loo geysta bini'aadamka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay caafimaadka dadweynaha iyo cilmiga beeraha. Wuxuu shahaadada jaamacadeed ee Bachelor Degree-ga ka haystaa Caafimaadka Dadweynaha.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Barashada Luuqadaha

Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ayaa hadda caan ka ah Soomaaliya

Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Published

on


Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ee caalamka oo dhan ayaa sidoo kale ka muuqda Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay tahay dalka Afrika oo aad uga dhow yahay Turkiga.

Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Machadkan oo laga hirgaliyay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho arday wax ku soo baratay dalka Turkiga ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 5-dufcadood oo arday ah oo baranaya luuqada Turkiga. “Ardaydeenu waxay u badan yihiin kuwa doonaya inay u safraan dalka Turkiga si ay wax uga bartaan jaamacadaha Turkiga, waxaan ka caawinnaa inay bartaan luuqadda ka hor inta aysan tagin, illaa hadda ardaydeenna si fiican ayay u bartaan,” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ilaa 135 qof oo ay ku jiraan 65 gabdhood ay bishii la soo dhaafay isku diiwaan galiyeen in ay bartaan luuqada turkiga machadkiisa, isaga oo intaa ku daray in dhamaantood ay yihiin arday u hanqal taagaya in ay galaan jaamacadaha dalka Turkiga. “Qaar ka mid ah waa dad ganacsato ah, oo doonaya inay la xiriiraan dhiggooda Turkiga, qaarna waxay rabaan inay wax bartaan, maadaama luuqadda ay noqotay mid muhiim ah oo Soomaaliya caan ka ah,” ayuu yiri.

Tan iyo 2018, markii albaabada loo furay dugsiga, 300 oo qof ayaa dhammaystay koorasyada luuqadda Turkiga. “Qaar ka mid ah ardaydeenii qalinjabisay ayaa hadda halkan Muqdisho uga shaqeeya turjubaano maadaama ay Muqdisho ka howlgalaan shirkado badan oo Turki ah” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ardayda gabdhaha ah ay si degdeg ah wax u bartaan, maadaama ay aad u dadaal badan yihiin, isla markaana ay u badan yihiin kuwa doonaya in ay koorsooyin ku saabsan caafimaadka ka qaataan dalka Turkiga.

Zahra Macalin Cabdirahman, oo 20 jir ah oo dhigata daawooyinka, ayaa wakaaladda AA u sheegtay inay doonayso inay la tartanto saaxiibkeed, oo si fiican u yaqaan luuqadda Turkiga.

C/kariin ayaa sheegay in inkastoo codsiyo badan oo uga yimid dadka doonaya inay bartaan luuqadda Turkiga, haddana uusan awoodin inuu shaqaaleysiiyo xafiis qalabaysan oo ballaaran oo dhaqaale la’aan ah. “Sida aad hadda aragtaan, waxaan haysanaa hal kombuyuutar iyo printer, waana ku faraxsanahay inaan haysanno, kama fikirin inaan cidna wax caawimaad ah weydiisano, laakiin waxaan aaminsanahay in dadka qaar ay aqoonsan doonaan shaqada wanaagsan ee aan halkan ka wadno. “Ma hayno baahiyo badan hadda laakiin waxaan jeclaan lahayn inaan ka codsano hay’adaha Turkiga inay na caawiyaan,” ayuu yiri.

Cumar Cabdi Jimcaale oo ah bare culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in barashada luuqadaha kala duwan ay wanaagsan tahay maadaama diintiisa Islaamku ay sidoo kale dhiirigelisay. Inkastoo aan la hayn tirokoob rasmi ah, haddana wuxuu ku andacoonayaa in ilaa 100,000 oo Soomaali ah ay ku wada xiriiri karaan luuqadda Turkiga, tiradana ay marba marka ka dambeysa sii kordhayso. Sababtu waxay tahay Turkiga oo martigelinaya tiro badan oo qurbo-joog ah oo Soomaaliyeed, ayuu yidhi. “Barashada luuqadda qalaad mar walba waa tallaabo wanaagsan, in la barto luuqadda waddan sida Turkiga oo kale ah oo xiriir dhow la leh Soomaaliya oo dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo mid ciidanba waa tallaabo aad u wanaagsan oo dhanka saxda ah loo qaaday,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in marka la eego is dhexgalka dhaqaale, waxbarasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ay aad u badan tahay in dalka laga furo dugsiyo badan oo lagu barto luuqadda Turkiga. Waxa uu sheegay in dugsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka jira ay sidoo kale sare u qaadi karaan is dhexgalka dhaqanka ee muwaadiniinta labada dal. “Haddii dhammaan arrimaha kale ay sii jiraan, waxaan aaminsanahay in luuqadda Turkiga ay noqon doonto luuqadda labaad ee loogu badan yahay dugsiyada, isagoo dhaafi doona luuqadda Carabiga, oo ah luqadda labaad ee dalka,” ayuu yidhi.
Xiriir gaaban waa la koobiyay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Qaababka Loo Baran karo Luuqado Cusub

Published

on

 


Luuqad cusub ee barataa waxay wadataa faa’idadeeda. Luuqada cusub waxay kusiinnaysaa fahamka dhaqanka iyo taariiqda wadanka. Waxa kale ee u fududaanaya ruuxa markaas xiriirka iyo isdhaxgalka bulshada, taasoo leh faa’idooyin aan lasoo koobi Karin, sida shaqooyinka iyo waxbarashada. Luuqad waa furaha nolosha bini’aadamka, waxana lagu micneeya inay tahay nidaam isgaarsiineed oo bini’aadamka uu ku xiriiro, taas oo u kala baxda kuhadal iyo qoraal.

Luuqada waa furaha koobaad ee albaabada kuu furaya. Waxaad kamid noqonaysaa bulshada, islamarkaasna waxbaad la qabsanaysaa. Luuqad barashadeeda wey adagtahay, laakiin waxkasta waxay u baahantahay in waqti lageliyo, luuqad inaad barataa waxay u baahanthay inaad waqti iyo dadaal gelisid. Luuqada barashadeeda iskama imaanayso haddii aadan ku dadaalin barashadeeda.

Tusaale wadanka Norway luuqadiisu wey adagtahay. Maxaa yeelay luuqadaan waxay leedahay xarfo iyo shaqalo laga helaynin Afsoomaaliga. Tusaale, shaqaladaan luuqada Norwejiyaanka Æ, Ø iyo Å lagama helo luuqada Soomaalida. Sidaa darted dadka qaar wey ku adagtahay inay kala saaraan ku dhawaaqitaanka ereyada qaar.

Hadaba talooyinkaan hoos kuxusan sameey si aad u hormarisid aqoonta lUuqada aad baranaysid:

  • Ku xirnaashaha iyo waqti laqaadashada dadka luuqada u dhashay. Inaad la sheekaysato dadka wadanka u dhashay ee aad waqti la qaadato waxay kuu fududayni in luuqada si fudud ku baratid. Intaad horfadhin lahayd kombuuter iyo inasd naxwaha saxdid, waxa dadka qaar ufudud inay dhexgalaan bulshada oo ay durbadiiba ku hadlaan luuqada. Isku day inaad luuqada kula sheekeysato asaxaabta iyo kuwa aad isla shaqaysaan.
  • Barashada luqada maalin walba. Dadka qaar ayaa waxay dhahaan luuqadaan kuma fiicni waxbadana waan baranaayay. Xaqiiqdii waxa la ogaaday haddii maalin walba aad siido saacado barashada luuqada in bilooyin ama sanad iyo wax lamid ah kusoo koobi karaan barashada luuqadaas. Marka isku day inaad maalin kasto aad waqti siisid, isla markaasna ku celcelisid si maskaxda u qabato ereyada iyo qaabka luqada.
  • Qaadashada buuga qaamuuska marwalba. Inaad haysataa buuga qaamuuska waxay kaa caawini, inaad durba aad fahanto ereyada kugu cusub iyo kuwii hore ee aad hilmaamtay. Marka waa muhiim inaad haysataan buuggaas, waana idinku dhiiri gelinayaa inaad marwalba haysataan. Waxa laga helaa maktabad walba asigoo bilaash ah muddo bil ah.
  • Daawashada, dhagaysiga, aqrinta iyo qorista luuqada aad baranaysid. Waa inaad joogtaysid marwalba barashada luuqadaan cusub ee aad baranaysid, hadday tahay dhagaysiga, aqrinta iyo ku hadalkaba. Waxaad isku dayaysaa inaad daawatid TV-yada iyo filimaanta ku baxaya luuqada aad baranaysid. Waxa intaa sii dheer waa inad aqrisataa wargeysyada ugu yaraan hal maqaal maalintiiba, waxad ka heli ereyo badan ee kugu cusub. Isla markaasna waa inaad wax uun ka qortaa luuqada cusub ee aad baranayso.

Ugu dabaynii, macquul ma ahan inaad baratid luuqad adigoon qaldin. Laakiin waa inaad fahamtaa qaladka islamarkaasna aad saxdaa. Maxaa yeelay inad qaladaa luuqad cusub waa wax iska caadi ah, ruuxwalba ayaana sameeya. Dadka qaar wey ka cabsadaan inay ku hadlaan, iyaga oo ufahmaya inay qalad iyo ceeb tahay habka ku dhawaaqista. Marka ha cabsan ee ku hadal, maxaa yeelay waa lagu saxaa markaas ayaadna fahmee/baranee luaqada.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Casharka 10aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Published

on


Wadno Xanuun

Inta badani waxay dhacdaa markii mid ka mid ah halbowlayaasha dhiiga u sida wadnaha ay xirmaan.

Wadnaha waa xubinta u qaabilsan jirka in ay bamgareeyso dhiiga wadnaha waxuuna u qeeybsamaa la qeybood oo kala ah ruga bidix iyo rugta midig. Rugta bidix waxaa soo galo dhiig nadiif ah oo oksijiin badan leh kaas oo uu wadnaha u bamgareeyo jirka intiisa kale si uu aga faa’ideysto iyo Rugta midig, waxaana soo gala dhiig wasaqeeysan oo uu karboonku ku badan yahay dhiigaasi waxuu wadnaha u bamgareeyaa sambabada si ay ugu daraan ogsijiin ugana nadiifiyaan karboonka ku jiro.

Calaamadaha

  • Xabadka oo qofka xanuuna ilaa iyo waqti.
  • Xanuun ku fida garabyada, qoorta iyo kilkilaha.
  • Xabadka oo qofka ka dareemo raaxo daro ay wehliyaan dhidid, lalabo iyo neefsiga oo yaraada,

Maareynta Wadna Xanuunka

  • Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhawo.
  • Qiimee xaalada dhibanaha.
  • Ogoow in uu qofka horay u qabay cudurka loo yaqaano Coronary heart disease.
  • Hadii qofka suuxsanyahay hubi ABCs iyo CPR (cordial Pulmonary Resuscitation).

large

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Casharka 9aad ee Gargaarka Degdegga ah |Tukesomalism.com

Published

on


Sumow

Sun waa wax alaale ee markii uu qofka taabto ama laqo awood u leh in ay u keenaan qofkaas dhibaato, taas oo sababi karta dhimasho.

sumow gu waxuu u dhici karaa labadaan nooc oo kala ah mid kama ah iyo mid kas oo uu qofka u qasdiyo in uu isticmaalo suntaas.

Suntu waxay jirka  ku gali kartaa siyaabahaan soo socda:.

  • In ay ka gasho afka (Mid adko ah iyo mid dareera ah labaduba)
  • In ay ka gasho maqaarka (Cirbad lagu mudo qofka ama qaniinyo)
  • In ay ka gasho sanka (Sida gaasaska kala duwan iyo qaaca sumeysan)

Suntu waxa ay noqon kartaa

  • Corrosive or burning, waxaa ka mid ah Acids, alkalis iyo insecticides).
  • Non-Corrosive (Waxaa ka mid ah cuntada quruntay, ama fungus iyo waxii la mid ah.
  • Depressants (waxaa ka mid ah Opium iyo wixii la mid ah).

Calaamadaha Sumowga

  • Hadii ay tahay mid afka laga laqay qofka waxaa uu dareemaa lalabo, matag, qofka oo dhaqdhaqaaqi waaya iyo calool xanuun.
  • Faruuraha, carabka iyo dhuunta oo gubata.

Dhaaweyn

  • Sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtar ugu yeer qofka sumowbay.
  • Meel dhig sunta uu qofka cabay si loo ogaado nooca ay tahay.
  • hadii uu qofka suuxsanyahay ha ku qasbin in uu matago.
  • Qofka u seexi qaabka bogsashada.
  • Hubi neefsashada qofka hadii loo baahdo.

Hadii uu qofka suuxsaneyn.

  • Sii biyo ku filan.
  • Qofka haku qasbin in uu matago hadii uu ku sumoobay acid, alkali.

Hadii uu qofka kiimiko ku sumowba

  • Ku qasab in uu matago adigoo siinaayo Luke warm salt.

Waxaa horay loo yiri  biyo inta aysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa ee waxaa wanaagsan in la sameeyo taxadaro dheeraad ah xiliyada la isticmaalaayo suntan qeyba heeda kala duwan .


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Casharka 8aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalis.com

Published

on


Gubasho

gubashadu waxaa loo kala qaadaa qeybahaan soo socda

  • Gubashada heerka 1aad waxaana loo yaqaanaa afka qalaad (Superficial)

Waxaa uu dhaawac gaaray oo kaliya qeybta ugu koreysa maqaarka oo loo yaqaan  epidermis.

Calaamadaha gubashada noocaan waxaa ka mid ah in uu maqaarka gaduudto, barar yar iyo xanuun. Tani waxay bugsootaa ayadoon ku reebeynin nabaro jirka.

Gargaarka Gubashada

Dhex gali biyo qabow ah qeybta gubatay 10 ilaa 45 daqiiqo ama isticmaal maro qoyan. Qaboowga waxaa uu joojiyaa in uu dabka ku sii fidin unugyada kale ee jirka. Waxaa kale oo aad isticmaali kartaa Aloe iyo Moisturizer lotion.

  • Heerka Labaad Ee Gubashada

Dubka iyo qeybaha sare ee dermis ka ayaa dhaawac soo gaaray.

Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah boogo afka biyo ku wato barar iyo xanuun daran.

Gargaarka Gubashada

  • Dhexgali biyo qabow qeybta gubatay.
  • Sii Aspirin ama Ibuprofen.
  • Boogaha biyaha wato ha bujin.
  • Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhaw.

Gubashada Qeybta 3aad.

Tani waa gubashada mida ugu qatarsan dabkana waxaa uu gaaray dhamaan qeybaha kala duwan ee maqaarka waxaa uuna waliba gaaray qeybta barurta iyo muruqyada maqaarka.

Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah goobaha gubtay ee jirka  oo u muuqda gray-white ama madowbaato, majiraan wax barar ah ama xanuun maadaama dhamaan neerfayaasha ay burbureen,

Gargaarka Gubashada

  • Muhiim ma ahan in biyo qabow la isticmaalo.
  • Ha isticmaalin oitments.
  • Isticmaal faashadooyinka aan koolada lahayn.
  • Hubi ABC’s
  • Ka daawee qofka shoog.

Raadso daaweyn dheeraad ah.

Dhaawacyada gubashada waxaa loo kala saaraa:

Thermal oo ay sababaan,

  • holac dabka.
  • Sheyaasha kulul.
  • Hufo ama biyo kulul.

Gargaarka Degdegga

  • Dhibana ka saar ilaha dabka.
  • Hadii uu yahay holac saar busto kadibna dhibanaha dhulka ha ku galaan gasho.
  • Qiimee heerka ay gubashadu gaarsiisantahay.

Chemical burn.

Waxaa keena markii ay maqaarka gaaraan waxyaabaha kiimikada sida:

  1. Acid (Batiriyaasha)
  2. Alkalis
  3. Organic compound.(Oil product)

Gargaarka gubashada

Ka saar kiimikada adigoo ku shubaayo biyo qeyta ay gaartay.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Wararka4 days ago

Joe Biden oo ka haray tartanka madaxtinimada Mareykanka

Bariga dhexe4 days ago

Tobannaan qof ayaa ku dhintay, ku dhaawacmay markii Israa’iil ay duqeysay Qaza, Yemen iyo Lubnaan

Geeska Afrika1 week ago

Dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka qarxay Kenya

Siyaasadda Soomaaliweyn1 week ago

Qarax ka dhacay Muqdisho oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 ruux, 20 kalana ay ku dhaawacmeen

Wararka1 week ago

Iskuul ku dumay Nayjeeriya ayaa ku dhintay 22 qof

Dhaqaalaha2 weeks ago

Ruushka iyo Senegal oo kawada hadlay sidii loo ballaarin lahaa xiriirka tamarta iyo macdanta

Bariga dhexe2 weeks ago

Dib-u-habaynta hoggaanka: Maxay dunidu ka filan kartaa madaxweynaha cusub ee Iiraan?

Yurub2 weeks ago

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Israa’iil ku eedeeyay faragelinta doorashada dalkiisa- warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Mareykanka oo hubka riddada dheer geynaya Jarmalka

Bariga dhexe2 weeks ago

Xaaska hoggaamiyihii kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil toogasho lagu xukumay

Geeska Afrika2 weeks ago

Itoobiya oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo booqasho ku taga dalka Suudaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Militariga Mareykanka oo dhameystiraya ka bixitaankiisa Saldhigga Niger

Wararka3 weeks ago

Pezeshkian ayaa ku guuleystay tartanka madaxtinimada Iiraan

Bariga dhexe3 weeks ago

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa soo saaray warbixin been abuur ah in Xisbullah ay ku kaydiyaan hub casri ah garoonka Beyruut

Wararka3 weeks ago

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska oo xilka la wareegay

Afrika3 weeks ago

Dowladda Sierra Leone ayaa mamnuucay guurka caruurta ka yar 18 sano

Afrika3 weeks ago

Ruushka iyo Maali oo xoojinaya iskaashiga nukliyeerka

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

$20 milyan oo laga waayay qasnadda Dowladda Federaalka Soomaaliya – yey ku maqantahay lacagtaas?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 weeks ago

Maxaa kasoo baxay wadahadalka Ankara ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya?

Afrika3 weeks ago

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Nayjeeriya ayaa waxaa ku dhintay dad badan

Yurub3 weeks ago

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay soo rideen 36 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ukrayn

Wararka3 weeks ago

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Ghazouani oo mar labaad ku guulaystay xilka

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Pentagon-ka ayaa beenisay in ay saldhig ka sameysaneyso gobolka koonfurta Afrika

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Maxamed Cusmaan Jawaari oo geeriyooday – Waa kumaa Barafisoor Jawaari?

Wararka4 weeks ago

Hindise sharciyeedka maaliyadda oo laga laabanayo kadib rabshado ay dad badan ku dhinteen – Madaxweynaha Kenya

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Mareykanka oo raadinaya saaxiibo militari oo cusub oo gudaha Afrika ah

Geeska Afrika4 weeks ago

Kenya: Dibad-baxayaal ayaa toogasho lagu dilay – Wararka ayaa sheegaya

Wararka1 month ago

Julian Assange ayaa laga sii daayay xabsiga Ingiriiska

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Mawduuc Falsafi ah: Dhagar tolmoon mise udub dhexaadka nolosha ah?

Wararka1 month ago

Dagaal cusub ayaa soo socda – QM

Bariga dhexe1 month ago

“Meel Israa’iil ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena” – Xassan Nasrallah

Afrika1 month ago

Dalka Zimbabwe oo codsanaayo xubinnimada kooxda BRICS

Geeska Afrika1 month ago

Mudaaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay dalka Kenya, kaas oo looga soo horjeedo sharciga canshuuraha

Diblomaasiyadda1 month ago

Booqashada Putin ee Vietnam: Laga soo bilaabo saaxiibtinimada taariikhiga ah ilaa qorshayaasha mustaqbalka

Wararka1 month ago

Tansaania oo furtay xaruntii ugu horeysay ee digniinta degdegga ah ee hawlgalka iyo isgaarsiinta

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Faransiiska oo dhimaya joogitaanka ciidamadiisa militariga ee Afrika – AFP

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Suudaan oo dacwo ka ah faragelinta ‘aan joogsiga lahayn’ ee Imaaraadka Carabta

Yurub1 month ago

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands Mark Rutte, oo noqonaya madaxa NATO

Diblomaasiyadda1 month ago

Kuuriyada Waqooyi oo roog cas u fidisay Putin, oo heshiis muhiim u ah la saxiixatay Ruushka

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Wadamada hubka nukliyeerka ku hubaysan oo kor u qaadaya awooda hubkooda arsenalka – cilmi baaris

Xul