Connect with us

Caafimaadka iyo Sayniska

Casharka 6aad ee Gargaarka degdegga

Published

on

 


Dhiig Bax
Dhiig bax waa waxyaabaha ugu badan ee keena dhimashada sidaa daraadeed, joojinta dhiig baxa dibada  waa in la siiyaa ahmiyada kowaad. Dhiig baxa waxaa loo qeybiyaa dhiig bax dibada ah iyo dhiig bax gudaha ah.
Noocyada dhiig baxa

  1. Dhiig baxa halbowlayaasha
    Dhiiga waxaa uu u socdaa si xawli ah. Dhiiga waa uu sii saa’idaa garaaca wadnaha awgiis wayna adagtahay in la xadido. Dhiig  baxaani waa mid aad

    qatar u ah maadaama uu qofka dhumin karo dhiig badan oo Oxygenated ah.
  2. Dhiig baxa arooriyaasha
    Waa ay fududahay in la xadido sababtoo ah dhiiga ku jira arooriyaasha waa dhiig cadaadiskiisu yaryahay, waana fududahay in ay xanjir sameeysmato si uu dhiiga u istaago.
  3. Dhiig baxa tiftaafyada
    Waa dhiig baxa ugu badan ayna fududahay in la xadido maadaama ay tiftaafyadu u dhaw yihiin maqaarka jirka, cadaadiska dhiiga ku jira tiftaafyada waa mid aad u yar.

Maareynta dhiig baxa

  • Samee tijaabooyinka aasaasiga ah DRS ABCD
  • Gee qofka goob caafimaad
  • Kor u qaad xubinta dhaawacan.
  • Dhiig baxa waxaa uu sababi karaa miyir la’aan waxaa uu qofka u baahanyahay CPR.
  • Si toos ah u cadaadi qeybta dhaawacan si dhiiga uu u joogsado.

Hadii uu jiro dhiig bax gudaha ah waa ay adagtahay in wax laga qabto, sidaa daraadeed waa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan qofka geysaa goobta caafimaadka kuugu dhaw.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Wuxuu wax ka qoraa siyaasadda, cilmiga beeraha, ganacsiga, xadgudubyada loo geysta bini'aadamka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay caafimaadka dadweynaha iyo cilmiga beeraha. Wuxuu shahaadada jaamacadeed ee Bachelor Degree-ga ka haystaa Caafimaadka Dadweynaha.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Caafimaadka iyo Sayniska

Albinisimika (Qofka in uu midab dhiin ah yeesho)?

Published

on


Waxa aan kahadleynaa cudur ku dhaco maqaarka Aadanaha oo afka qalaad lagu yiraahdo (Albinism), kaas oo ah in qofku uu ku dhasho  maqaar gooni ah (Casaan ah), timaha illaa iyo jirka aadanaha dhanna waa uu kamuuqdaa.

Hadaba inta aan cinwaanka sharraxaaddiisa ugalin waxa aan isku dayay in aan eray bixin usameeyo cudurkaan, waxaana iisoo baxay (Cudurka Dhiinka-Albinism disease), sababtoo ah dhiin waa midab ka turjumaayo kalarka gaduudka ah. Sameynta eray bixin ma’ahan wax sahlan sidaas oo ey tahayna cinwaan waliba oo larabo in lagu qoro luqadda hooyo waxa uu ubbaahanyahay “Eray bixin”!.

Waa Maxay Cudurka Dhiinka (Albinism-ka)?

Cudurkaan waxa uu kamid yahay cudurada ku gudba dhaxalka (waalidiinta ayaa usoo gudbiya caruurtooda qaab dhaxal ahaan ah), iyada oo jirka ilmaha dhashay uu sanba lahayn ama ey ku yartahay maadada kalareysa maqaarkeenna ee afka qalaad lagu yiraahdo (Pigment melanin). Nuuca iyo xaddiga milaniin ee uu jirkeennu soo saaro waxa ey go’aamisaa kalarka maqaarkeenna, timaheenna iyo indhaheennaba.

Waalidiin Caadi Ah Madhali Karaan Ilmo Midab Dhiin Ah Leh (Albinisim ah)?

Haa, waliba waxaa la’arkaa qoys heysta hal ama laba canug oo cudurkaan qaba, guud ahaanna caruurta kale ey fiicanyihiin iyo waalidiintoodaba, balse aan ogaanno sababta uu ilmaha ku noqon karo midab dhiin.

Marka uu qofka Aadanaha ah abuurmayo waxa uu Alle SWT ugu talagalay in uu ka’abuurmo ugxanta Hooyada iyo shahwada Aabaha, (halkaas waxaa kujira cilmi aadanaha wax weyn utaray oo barashadiisa illaa iyo maantay wax cusub ku soo biiriyo dunidaan aanu kunnoolnahay waana cilmiga DNA-ga), sameysanka ilmaha waxa uu kabbillaabmaa hal unug oo kayimid labada dhinac ee waalidka ah.

Unugaas waxa uu wataa aqoonsi katurjumaayo waalidiinta, halkaa sifiican usoo fiiri….. maskaxdaada halkaan isugu keen waxbaan rabaa in aan isla fahanno….aqoonsiga kayimaada waalidiinta ee usoo gudba ilmaha waa mid taxane ah (Jiilba Jiil ah), waa mid la’isku dhiidhiibo oo kale tusaale Aabahaa ayaa kusiiyay qalin qaddiisu madowdahay waxa uuna kugu yiri qalinkaan hatuurin ee marwaliba uu kaa dhamaado qad cusub oo madow ah ku shubo, waxa kale ee uu kugu yiri udar-daaran caruurtaadana qalinkaan oo iyagana caruurtooda ha’usii dardaarmeen in ey qaddaas madow uun ku shubaan!! Qiyaas cunnugaada shanaad marki lamaraayo qalinkii oo dhowr gacan soomaray, nuuca qad ee uu hadda qoraayo!, Waxa ey ubadantahay in eynan ahayn qaddii Aabahaa kaaga dhintay! Kaba soo qaad qaddu in ey tahay hida side (DNA).

Taasi waa tusaale oo kali ah balse sababta uu cudurkaan kuyimaado waa  Cillad ku jirta mid ka mid ah hiddo-sidaha dhowrka ah ee soo-saara ama qaybiya melanin-ka. hiddo-wadaha cilladaysanna waxa uu uga soo gudbay ilmaha dhanka labada waalid, balse waalidiintu cudurkaan kama uunan muuqan maqaarkooda kaliya hidahooda ayuu ku qarsanaa.

Calaamadaha uu Goonida Layahay Cudurkaan:

Calaamadaha albinism-ka badanaa waxay ka muuqdaan maqaarka qofka, timaha iyo midabka indhaha, dadka cudurkaan qabana badanaa waa ey isku egyihiin waliba iyaga oo ksoo kala jeedo qaarado kala gaddisan. Dadka albinismku sidoo kale waxay u nugul yihiin waxyeelada qorraxda, sidaa darteed waxay halis ugu jiraan in uu ku dhaco kansarka maqaarka.

F.G: intabadan dadka cudurkaan ku dhasho maskaxdooda wax dhib ah kama jiro, sida dadka caadiga ah ayayna u noolyihiin ; waxbarasho, shaqo aqoon iyo hormarna Aadanaha ayay kala simanyihiin.

Sidookalena dhibta ugu badan waxa ey kaga timaadaa indhaha iyo maqaarka, taas oo keentay in dadka qaba cudurkaan loo tixgaliyo in ey naafo yihiin (Disability).

Adduunka Xaggee Ayuu Kaga Badanyahay Cudurkaan?

Xaaladdaan qof kasta waa ey ku dhici kartaa, laakiin adduunka waa uu ku kala badanyahay sida qiyaasaadka laga aqrisan karo. Wadamada ka hooseeya Sahara Afrika, albinism-ku wuxa uu ka saameeyaa 5000 ilaa 15,000 (kii kunba) hal qof oo kali ah, Yurub iyo Mareykanka, waxay ugu dhowdahay 1 qof in uu kasaameey 17,000 ilaa 20,000.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Sideen Kuheli Karnaa Aayodhiinta (iodine)?

Published

on


Aayodhiinta inta badan waxaa laga helaa cunnooyinka aan cunno caadi ahaan, gaar ahaan cunnooyinka cusbada leh, qudaarta iyo cunnooyinka laga helo badda. Waxaa jiro xilliyo uu jirkeenu ubbaahanyahay aayodhiin, waana marka ey jirkeena kuyaraato aayodhiinta, waxaana yareeyo cudurro laxiriiro qanjirka soo saaro aayodhiinta ee looyaqaan (thyroid gland).

Aayodhiintu waxa ey leedahay xaddi loogu talagalay qiyaas ahaan 15–20 mg, 80% oo kamid ahna waxaalaga soo daayaa qanjirka thyroid-ka.

Calaamadaha Lagu Garto Yaraanshaha Aayodhiinta jirka?

  1. Dhuunta oo soo buurato.

2. Miisaanka oo sidhaqso ah u siyaada.

3. Tabar darri iyo daal.

4. Garaaca wadnaha oo isbedala ama qal-qal uu kudhaco.

5. Caado wareer  ku dhaco Dumarka kujira xilliga dhalmada.

6. Qofka oo maqaarkiisa qallayl uu noqdo. 

Cunnooyinka Ugu Badan ee Laga Helo Aayodhiinta:-

  1. Qudaarta cagaaran:- guud ahaan qudaarta waxaa laga helaa macdanta nuucyadeeda kala duwan, waxa eyna muhiim utahay caafimaadka jirkaaga.

2. Malaayga nuucyadiisa kala duwan (Cod,Tuna IWM): malaayga intiisabadan waa hilib jilicsan oo aan kubadnayn baruurta, 60% ayaa Malaayga laga helaa macdanta aayodhiinta.

3. Cusbada aayodhayska ah: waa nooc cusbo ah oo shiidan lagana sameeyay aayodhiinta.

4. Ukunta: ukunta qeybta jaallaha ah waa ilaha ugu fiican ee aayodhiinta laga helo, haddii uu isticmaalo qofka ey kuyartahay aayodhiinta waxa ey u noqaneysaa mid waxtar leh. 16% oo ah macdanta aayodhiinta ayaa laga helaa ukunta qeybteeda jaallaha ah.

5. Caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo sida: caanaha nuucyadooda kala duwan, farmaajada iyo Subagga.

6. Looska iyo sisinta: waxa ey qeyb muhiim ah kaqaataan kor uqaadista aayodhiinta jirka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Kala Abla-ablaynta Dhagaxa

Published

on

 


Kala abla ablaynta dhagaxa ayaa lookala saadhaa dhawr qaybood waxaana ka mida:-

  1. Dhagax madaw “igneous”, af carabigana lagu dhaho (Naari):-Dhagax madawga ayaa ka samaysma magmaha milmay. Waxaana kamid ah dhagax dhadhaabeedka siiba dhagax dhadhaabeedka adag oo waxlagu dhisto. Kaas oo asalkiisa ka yimaada dhagaxa looyaqaan magma. Dhagaxaan dhagax madawga ah ayaa ka kooban macaadinta “primary minerals”, silikayt ogsaydhka, biriqda iwm. Kuwaas oo ah kuwo aad ukala duwan haba ugu weynaato midabkooda, qayb waa madaw, kuwo kalena waa cadaan

  2. Dhagaxa ka hooseeya biyaha “sedimentary rocks”, (Mutaxawal):-Waa qayb kale oo ka mida dhagaxa kana hoosaysa dhulka hoostiisa, waxaana laga soodaayaa walxo kale. Waana dhagax duq ah kuwaas oo ay soo uruuriyeen biyuhu. Ugu danbayntiina ay ka dhalatay in uu samaysmo dhagax dixeed cusub. Tusaale ahaan, silikayt ogsaydh ku jirta ciidda ayaa ka mida taas oo ay cimiladu burburisay qaab falgal kiimikaad. Waxaana laga soodhiraan dhiriyay dhagax dhadhaabeedka. Waxaana lagu kaydiyaa oo laga helaa xeebaha oo kale, kadibna waxa uu noqdaa shiminto. Taas oo ka samaysan kaalshiyaam kaarboonayt iyo aayroon oo laga helo biyaha dhexdiisa. Waxayna isku baddellaan dhagax adke ah oo culus looyaqaan dhagax ciideed. Sidaa si lamida ayaa dhoobada marka laysku cadaadiyo, waxa ay noqotaa sheel, oo iyana kamida dhagaxda hoose ee biyaha.

  3. Metamorfika “metamorphic rocks”, (Rusuubi):- Waa dhagax ka samaysma dhagax madawga iyo dhagax dixeedka. Habkaan ayaa kulug leh cimilada oo saamayn weyn ku leh. Sidaa daraadeed dhagax madowga iyo dhagax dixeedka ayaa ah dhagax aad ugu wanaagsan dhisitaanka waana dhagaxuun aan cayaar loo burburinkarin. Kulaylka iyo cadaadiska ayaa waxaa ka dhasha isku dhacyo qurub yada ayaa burbura. Sababtana waxa weeye dhaq dhaqaaqu samaynaayo dhul gariirku iyo isbeddelka cimiladda oo saamayn weyn ku leh samaysmidka carradda. Waxaa jira awood aad usaraysa taas oo isku haysa qurubyada uu ka samaysan yahay dhagaxu asalkooduna ka yimaado macaadinta.

Asalka dhagaxa iyo macdantu ayaa burbura muuqaal ahaan iyo kiimikal ahaan. Muuqaal ahaan ayaa dhagaxa waxaa ku dhaca bur bur lixaad leh iyadoo loo kala jabinaayo qurubyo aad uyar. Ugu danbayntiina waxa ay isu badashaa ciid iyo tamuux, ku waas oo milma iyo walxo samaysma. Sidaa si lamida ayaa macaadinta uu dhagaxu ka sameysan yahay ayaa waxaa ku dhaca falgal kiimikaad iyadoo loo kala jabinaayo curiyayaal abyan iyo togan. Waxaana la siidayn karaa inyar ama inbadan oo neef ah ayaa hawada gala.

Waana siisocdaa milankaa ilaa lagagaarayo in uu noqdo curiyayaal aan isku dhisyo ahayn. Inta lagu guda jiro falgalkaa kiimi kaad, waxa isbeddela cabirka dhagaxa, waana siiyaraanaya xiliba xiliga kadanbeeya, ilaa uu ka mid noqdo milanka. Macaadintaan marka ay ku dhex milmaan biyaha ayaa lagu sameeyaa hoos udaadijid ama “leeching” ilaa ay gaarto carrada qaybaheeda. Kadibna waxaa loobadalaa kuwo la adeegsan karo ilaa ay dhirtu ka qaadato.

Macaadinta ayaa loo qaybiyaa saddex farac oo muhiim ah waxayna kala yihiin:-

A). silikayt kalaay

B). aayroon iyo aluminiyaam ogsaydh

C). silikayt ogsaydh.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Casharka 10aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Published

on


Wadno Xanuun

Inta badani waxay dhacdaa markii mid ka mid ah halbowlayaasha dhiiga u sida wadnaha ay xirmaan.

Wadnaha waa xubinta u qaabilsan jirka in ay bamgareeyso dhiiga wadnaha waxuuna u qeeybsamaa la qeybood oo kala ah ruga bidix iyo rugta midig. Rugta bidix waxaa soo galo dhiig nadiif ah oo oksijiin badan leh kaas oo uu wadnaha u bamgareeyo jirka intiisa kale si uu aga faa’ideysto iyo Rugta midig, waxaana soo gala dhiig wasaqeeysan oo uu karboonku ku badan yahay dhiigaasi waxuu wadnaha u bamgareeyaa sambabada si ay ugu daraan ogsijiin ugana nadiifiyaan karboonka ku jiro.

Calaamadaha

  • Xabadka oo qofka xanuuna ilaa iyo waqti.
  • Xanuun ku fida garabyada, qoorta iyo kilkilaha.
  • Xabadka oo qofka ka dareemo raaxo daro ay wehliyaan dhidid, lalabo iyo neefsiga oo yaraada,

Maareynta Wadna Xanuunka

  • Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhawo.
  • Qiimee xaalada dhibanaha.
  • Ogoow in uu qofka horay u qabay cudurka loo yaqaano Coronary heart disease.
  • Hadii qofka suuxsanyahay hubi ABCs iyo CPR (cordial Pulmonary Resuscitation).

large

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Casharka 9aad ee Gargaarka Degdegga ah |Tukesomalism.com

Published

on


Sumow

Sun waa wax alaale ee markii uu qofka taabto ama laqo awood u leh in ay u keenaan qofkaas dhibaato, taas oo sababi karta dhimasho.

sumow gu waxuu u dhici karaa labadaan nooc oo kala ah mid kama ah iyo mid kas oo uu qofka u qasdiyo in uu isticmaalo suntaas.

Suntu waxay jirka  ku gali kartaa siyaabahaan soo socda:.

  • In ay ka gasho afka (Mid adko ah iyo mid dareera ah labaduba)
  • In ay ka gasho maqaarka (Cirbad lagu mudo qofka ama qaniinyo)
  • In ay ka gasho sanka (Sida gaasaska kala duwan iyo qaaca sumeysan)

Suntu waxa ay noqon kartaa

  • Corrosive or burning, waxaa ka mid ah Acids, alkalis iyo insecticides).
  • Non-Corrosive (Waxaa ka mid ah cuntada quruntay, ama fungus iyo waxii la mid ah.
  • Depressants (waxaa ka mid ah Opium iyo wixii la mid ah).

Calaamadaha Sumowga

  • Hadii ay tahay mid afka laga laqay qofka waxaa uu dareemaa lalabo, matag, qofka oo dhaqdhaqaaqi waaya iyo calool xanuun.
  • Faruuraha, carabka iyo dhuunta oo gubata.

Dhaaweyn

  • Sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtar ugu yeer qofka sumowbay.
  • Meel dhig sunta uu qofka cabay si loo ogaado nooca ay tahay.
  • hadii uu qofka suuxsanyahay ha ku qasbin in uu matago.
  • Qofka u seexi qaabka bogsashada.
  • Hubi neefsashada qofka hadii loo baahdo.

Hadii uu qofka suuxsaneyn.

  • Sii biyo ku filan.
  • Qofka haku qasbin in uu matago hadii uu ku sumoobay acid, alkali.

Hadii uu qofka kiimiko ku sumowba

  • Ku qasab in uu matago adigoo siinaayo Luke warm salt.

Waxaa horay loo yiri  biyo inta aysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa ee waxaa wanaagsan in la sameeyo taxadaro dheeraad ah xiliyada la isticmaalaayo suntan qeyba heeda kala duwan .


 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Akhri11 hours ago

Nin akhriyay in ka badan 4,000 oo buug asigoo ku dhex jira maktabadiisa

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan ma waxay askareysaa caruurta si ay uga dagaalamaan?

Afrika2 days ago

Dhowr dhimasho ah oo ka dhacay Chad kadib weerar lagu qaaday hay’adda amniga

Afrika4 days ago

Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ayaa gaysta xad-gudubyo ay ka mid yihiin duqaymo ay ku hayaan dad rayid ah – Warbixinta Qaramada Midoobay

Siyaasadda Soomaaliweyn5 days ago

Shir Logu hadlaayay horumarinta Arrimaha Garsoorka: Waa sidee Xaalka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda5 days ago

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

Siyaasadda Arrimaha Dibadda5 days ago

Heshiis dastuurka Soomaaliya quseeya oo ay wada galeen Qadar iyo Soomaaliya

Geeska Afrika1 week ago

Damaca weyn ee Itoobiya ayaa khalkhal gelin doona Geeska Afrika – Ficil gurracan oo fashilmay

Afrika1 week ago

Maxay tahay sababta Masar iyo Turkiga ay u soo afjarayaan xiisadda tobanka sano socotay?

Afrika1 week ago

Rabshadaha dhimashada dhaliyey ee Senegal oo ka dhashay dib u dhigista doorashada: Akhriso qodobada aad u baahan tahay inaad wax ka ogaato

Wararka1 week ago

Qaramada Midoobay ayaa uga digtay Britain in muhaajiriinta loo tarxiilo Ruwaanda

Wararka1 week ago

Muxuu salka ku hayaa heshiiska amni ee ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya?

Afrika2 weeks ago

Dalka Zimbabwe ayaa ku hanjabay inuu mamnuuci doono deeqaha waxbarasho ee khaniisiinta loogu talagalay

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Afrika2 weeks ago

Shirkii midowga Afrika maxaa kasoo baxay? – Afgembi, rabshado iyo qalalaase khatar ku ah Afrika

Wararka2 weeks ago

83 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, tirada dhimashaduna waxay kor u dhaaftay 28,858

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Madaxa Xisbullah Xassan Nasrallah ayaa u ballan qaaday in Israa’iil ‘ay caqabad kala kulmi doonto ‘dilka dadka rayidka ah’

Bariga dhexe2 weeks ago

Weerarkii Israa’iil ee koonfurta Lubnaan ayaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Tegida Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee Addis Ababa waa qalad diblomaasiyaddeed

Wararka2 weeks ago

Kaliya Mareykanka ayaa qasab ku keeni kara nabadda Bariga Dhexe waana inuu cadaadiyaa Israa’iil, ayuu yirri Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan

Wararka2 weeks ago

“Haddii aad nabad rabto, u diyaargarow dagaal,” – RW Kyriakos Mitsotakis

Wararka2 weeks ago

Sarkaal Kenyan ah oo meydkiisa laga helay hotel ku yaallo Washington

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Maxaa dan ah ayaa ugu jira Soomaaliya heshiiska is-afgaradka milatari ay kala saxiixatay Mareykanka?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud (4.5) oo tagaya Itoobiya – Ujeedka waa maxay?

Aasiya3 weeks ago

Muslimiinta Hindiya ayaa ka cabsi qaba mustaqbalka xukunka RW Narendra Modi ee Hinduuga ah

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxkamad ku taallo Nederland ayaa dowladda ku amartay in ay joojiso diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee ay gaynayso Israa’iil

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkey?

Afrika3 weeks ago

Colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo laga soo bilaabo 1996

Wararka3 weeks ago

Weerarada fallaagada ayaa kumannaan kun ku qasbay inay ka qaxaan Koongo

Afrika3 weeks ago

Basaasiinta Israa’iil ayaa u hanjabaya qoyskayga – Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Koonfur Afrika

Buuggaag3 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda PDF

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 26aad

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Qowmiyada Oromada oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maraykanka ayaa ka digaya aargoosi dheeraad ah haddii maleeshiyaadka ay Iran taageerto ay sii wadaan weeraradooda

Wararka4 weeks ago

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen saldhigga booliska Pakistan

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 25aad

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 weeks ago

Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay, 1994

Wararka4 weeks ago

Saddex qof ayaa ku dhaawacmay weerar mindi oo ka dhacay magaalada Paris

Buuggaag4 weeks ago

Buugga Haddimada Qabyaaladda –Qeybtii 24aad

Afrika4 weeks ago

Ruwaanda oo heshay xabaalo wadareedyo badan 30 sano kadib xasuuqii Tutsiga, 1994

Xul