koorsooyinka
Casharka 5aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Jabka waxaa loo kala saaraa labo qeybood oo kala ah jab fudud (Xiran) iyo jab ay xaaladiisu adagtahay loona yaqaano jab furan.
Jab fudud (Xiran)
Majiro dhaawac gaaray maqaarka korkiisa meesha jabtay.
Jab Furan
Waxaa dhaawac gaaray maqaarka meesha jabtay. Waxaaa laga yaabaa in ay lafta meel ka soo jeedo.
Siddee Lagu Ogaadaa in uu Jiro Jab.
Qofka markuu dhaawaca gaaro waxaa wehliyo:
- Xanuun
- Qofka ma awoodo in uu isticmaalo xubinta jabtay
- Qalooc aad ka dareento xubinta dhaawaca soo gaaray
- Barar
- Danqasho qeybta ay wax gaareen.
Gargaarka Degdegga ee Jabka Xiran
Meesha jaban ka dhig mid aan dhadhaqaaq lahayn si aad oga hortagto in ay laftu dhaawacdo tishuuyadda jilicsan.
Tani waxay yarayn kartaa xanuunka kana hortigi kartaa qofka in uu shoog qaado.
- Waxaa qeybta jaban looga ilaalinkaraa in ay dhaqdhaqaaqdo in lagu duubo joornaalo la isku duubay, Busto iyo ulo yar yar oo fidsan sidda alwaax.
- Alwaax fidsan ka saar qeybta jaban ka dibna ku xir marooyin balaaran ama suun
- Waa in laga saaro alwaaxda kor iyo hoos qeybta jaban.
- waxaad ku xirikartaa lugta dhaawacan mida fiyow adigoo kala dhex galinaayo waxyaabo jilicsan sida suufka joodariga.
- Gacanta jabtay waxaad ku xiri kartaa xabadka qofka jaban .
- Qofka gacanta ka jaban u samee maro saddex geesood ah.
Barashada Luuqadaha
Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ayaa hadda caan ka ah Soomaaliya
Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ee caalamka oo dhan ayaa sidoo kale ka muuqda Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay tahay dalka Afrika oo aad uga dhow yahay Turkiga.
Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.
Machadkan oo laga hirgaliyay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho arday wax ku soo baratay dalka Turkiga ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 5-dufcadood oo arday ah oo baranaya luuqada Turkiga. “Ardaydeenu waxay u badan yihiin kuwa doonaya inay u safraan dalka Turkiga si ay wax uga bartaan jaamacadaha Turkiga, waxaan ka caawinnaa inay bartaan luuqadda ka hor inta aysan tagin, illaa hadda ardaydeenna si fiican ayay u bartaan,” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ilaa 135 qof oo ay ku jiraan 65 gabdhood ay bishii la soo dhaafay isku diiwaan galiyeen in ay bartaan luuqada turkiga machadkiisa, isaga oo intaa ku daray in dhamaantood ay yihiin arday u hanqal taagaya in ay galaan jaamacadaha dalka Turkiga. “Qaar ka mid ah waa dad ganacsato ah, oo doonaya inay la xiriiraan dhiggooda Turkiga, qaarna waxay rabaan inay wax bartaan, maadaama luuqadda ay noqotay mid muhiim ah oo Soomaaliya caan ka ah,” ayuu yiri.
Tan iyo 2018, markii albaabada loo furay dugsiga, 300 oo qof ayaa dhammaystay koorasyada luuqadda Turkiga. “Qaar ka mid ah ardaydeenii qalinjabisay ayaa hadda halkan Muqdisho uga shaqeeya turjubaano maadaama ay Muqdisho ka howlgalaan shirkado badan oo Turki ah” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ardayda gabdhaha ah ay si degdeg ah wax u bartaan, maadaama ay aad u dadaal badan yihiin, isla markaana ay u badan yihiin kuwa doonaya in ay koorsooyin ku saabsan caafimaadka ka qaataan dalka Turkiga.
Zahra Macalin Cabdirahman, oo 20 jir ah oo dhigata daawooyinka, ayaa wakaaladda AA u sheegtay inay doonayso inay la tartanto saaxiibkeed, oo si fiican u yaqaan luuqadda Turkiga.
C/kariin ayaa sheegay in inkastoo codsiyo badan oo uga yimid dadka doonaya inay bartaan luuqadda Turkiga, haddana uusan awoodin inuu shaqaaleysiiyo xafiis qalabaysan oo ballaaran oo dhaqaale la’aan ah. “Sida aad hadda aragtaan, waxaan haysanaa hal kombuyuutar iyo printer, waana ku faraxsanahay inaan haysanno, kama fikirin inaan cidna wax caawimaad ah weydiisano, laakiin waxaan aaminsanahay in dadka qaar ay aqoonsan doonaan shaqada wanaagsan ee aan halkan ka wadno. “Ma hayno baahiyo badan hadda laakiin waxaan jeclaan lahayn inaan ka codsano hay’adaha Turkiga inay na caawiyaan,” ayuu yiri.
Cumar Cabdi Jimcaale oo ah bare culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in barashada luuqadaha kala duwan ay wanaagsan tahay maadaama diintiisa Islaamku ay sidoo kale dhiirigelisay. Inkastoo aan la hayn tirokoob rasmi ah, haddana wuxuu ku andacoonayaa in ilaa 100,000 oo Soomaali ah ay ku wada xiriiri karaan luuqadda Turkiga, tiradana ay marba marka ka dambeysa sii kordhayso. Sababtu waxay tahay Turkiga oo martigelinaya tiro badan oo qurbo-joog ah oo Soomaaliyeed, ayuu yidhi. “Barashada luuqadda qalaad mar walba waa tallaabo wanaagsan, in la barto luuqadda waddan sida Turkiga oo kale ah oo xiriir dhow la leh Soomaaliya oo dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo mid ciidanba waa tallaabo aad u wanaagsan oo dhanka saxda ah loo qaaday,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in marka la eego is dhexgalka dhaqaale, waxbarasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ay aad u badan tahay in dalka laga furo dugsiyo badan oo lagu barto luuqadda Turkiga. Waxa uu sheegay in dugsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka jira ay sidoo kale sare u qaadi karaan is dhexgalka dhaqanka ee muwaadiniinta labada dal. “Haddii dhammaan arrimaha kale ay sii jiraan, waxaan aaminsanahay in luuqadda Turkiga ay noqon doonto luuqadda labaad ee loogu badan yahay dugsiyada, isagoo dhaafi doona luuqadda Carabiga, oo ah luqadda labaad ee dalka,” ayuu yidhi.
Xiriir gaaban waa la koobiyay.
Akhri
Qaababka Loo Baran karo Luuqado Cusub

Luuqad cusub ee barataa waxay wadataa faa’idadeeda. Luuqada cusub waxay kusiinnaysaa fahamka dhaqanka iyo taariiqda wadanka. Waxa kale ee u fududaanaya ruuxa markaas xiriirka iyo isdhaxgalka bulshada, taasoo leh faa’idooyin aan lasoo koobi Karin, sida shaqooyinka iyo waxbarashada. Luuqad waa furaha nolosha bini’aadamka, waxana lagu micneeya inay tahay nidaam isgaarsiineed oo bini’aadamka uu ku xiriiro, taas oo u kala baxda kuhadal iyo qoraal.
Luuqada waa furaha koobaad ee albaabada kuu furaya. Waxaad kamid noqonaysaa bulshada, islamarkaasna waxbaad la qabsanaysaa. Luuqad barashadeeda wey adagtahay, laakiin waxkasta waxay u baahantahay in waqti lageliyo, luuqad inaad barataa waxay u baahanthay inaad waqti iyo dadaal gelisid. Luuqada barashadeeda iskama imaanayso haddii aadan ku dadaalin barashadeeda.
Tusaale wadanka Norway luuqadiisu wey adagtahay. Maxaa yeelay luuqadaan waxay leedahay xarfo iyo shaqalo laga helaynin Afsoomaaliga. Tusaale, shaqaladaan luuqada Norwejiyaanka Æ, Ø iyo Å lagama helo luuqada Soomaalida. Sidaa darted dadka qaar wey ku adagtahay inay kala saaraan ku dhawaaqitaanka ereyada qaar.
Hadaba talooyinkaan hoos kuxusan sameey si aad u hormarisid aqoonta lUuqada aad baranaysid:
- Ku xirnaashaha iyo waqti laqaadashada dadka luuqada u dhashay. Inaad la sheekaysato dadka wadanka u dhashay ee aad waqti la qaadato waxay kuu fududayni in luuqada si fudud ku baratid. Intaad horfadhin lahayd kombuuter iyo inasd naxwaha saxdid, waxa dadka qaar ufudud inay dhexgalaan bulshada oo ay durbadiiba ku hadlaan luuqada. Isku day inaad luuqada kula sheekeysato asaxaabta iyo kuwa aad isla shaqaysaan.
- Barashada luqada maalin walba. Dadka qaar ayaa waxay dhahaan luuqadaan kuma fiicni waxbadana waan baranaayay. Xaqiiqdii waxa la ogaaday haddii maalin walba aad siido saacado barashada luuqada in bilooyin ama sanad iyo wax lamid ah kusoo koobi karaan barashada luuqadaas. Marka isku day inaad maalin kasto aad waqti siisid, isla markaasna ku celcelisid si maskaxda u qabato ereyada iyo qaabka luqada.
- Qaadashada buuga qaamuuska marwalba. Inaad haysataa buuga qaamuuska waxay kaa caawini, inaad durba aad fahanto ereyada kugu cusub iyo kuwii hore ee aad hilmaamtay. Marka waa muhiim inaad haysataan buuggaas, waana idinku dhiiri gelinayaa inaad marwalba haysataan. Waxa laga helaa maktabad walba asigoo bilaash ah muddo bil ah.
- Daawashada, dhagaysiga, aqrinta iyo qorista luuqada aad baranaysid. Waa inaad joogtaysid marwalba barashada luuqadaan cusub ee aad baranaysid, hadday tahay dhagaysiga, aqrinta iyo ku hadalkaba. Waxaad isku dayaysaa inaad daawatid TV-yada iyo filimaanta ku baxaya luuqada aad baranaysid. Waxa intaa sii dheer waa inad aqrisataa wargeysyada ugu yaraan hal maqaal maalintiiba, waxad ka heli ereyo badan ee kugu cusub. Isla markaasna waa inaad wax uun ka qortaa luuqada cusub ee aad baranayso.
Ugu dabaynii, macquul ma ahan inaad baratid luuqad adigoon qaldin. Laakiin waa inaad fahamtaa qaladka islamarkaasna aad saxdaa. Maxaa yeelay inad qaladaa luuqad cusub waa wax iska caadi ah, ruuxwalba ayaana sameeya. Dadka qaar wey ka cabsadaan inay ku hadlaan, iyaga oo ufahmaya inay qalad iyo ceeb tahay habka ku dhawaaqista. Marka ha cabsan ee ku hadal, maxaa yeelay waa lagu saxaa markaas ayaadna fahmee/baranee luaqada.
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 10aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Wadno Xanuun
Inta badani waxay dhacdaa markii mid ka mid ah halbowlayaasha dhiiga u sida wadnaha ay xirmaan.
Wadnaha waa xubinta u qaabilsan jirka in ay bamgareeyso dhiiga wadnaha waxuuna u qeeybsamaa la qeybood oo kala ah ruga bidix iyo rugta midig. Rugta bidix waxaa soo galo dhiig nadiif ah oo oksijiin badan leh kaas oo uu wadnaha u bamgareeyo jirka intiisa kale si uu aga faa’ideysto iyo Rugta midig, waxaana soo gala dhiig wasaqeeysan oo uu karboonku ku badan yahay dhiigaasi waxuu wadnaha u bamgareeyaa sambabada si ay ugu daraan ogsijiin ugana nadiifiyaan karboonka ku jiro.
Calaamadaha
- Xabadka oo qofka xanuuna ilaa iyo waqti.
- Xanuun ku fida garabyada, qoorta iyo kilkilaha.
- Xabadka oo qofka ka dareemo raaxo daro ay wehliyaan dhidid, lalabo iyo neefsiga oo yaraada,
Maareynta Wadna Xanuunka
- Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhawo.
- Qiimee xaalada dhibanaha.
- Ogoow in uu qofka horay u qabay cudurka loo yaqaano Coronary heart disease.
- Hadii qofka suuxsanyahay hubi ABCs iyo CPR (cordial Pulmonary Resuscitation).
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 9aad ee Gargaarka Degdegga ah |Tukesomalism.com

Sumow
Sun waa wax alaale ee markii uu qofka taabto ama laqo awood u leh in ay u keenaan qofkaas dhibaato, taas oo sababi karta dhimasho.
sumow gu waxuu u dhici karaa labadaan nooc oo kala ah mid kama ah iyo mid kas oo uu qofka u qasdiyo in uu isticmaalo suntaas.
Suntu waxay jirka ku gali kartaa siyaabahaan soo socda:.
- In ay ka gasho afka (Mid adko ah iyo mid dareera ah labaduba)
- In ay ka gasho maqaarka (Cirbad lagu mudo qofka ama qaniinyo)
- In ay ka gasho sanka (Sida gaasaska kala duwan iyo qaaca sumeysan)
Suntu waxa ay noqon kartaa
- Corrosive or burning, waxaa ka mid ah Acids, alkalis iyo insecticides).
- Non-Corrosive (Waxaa ka mid ah cuntada quruntay, ama fungus iyo waxii la mid ah.
- Depressants (waxaa ka mid ah Opium iyo wixii la mid ah).
Calaamadaha Sumowga
- Hadii ay tahay mid afka laga laqay qofka waxaa uu dareemaa lalabo, matag, qofka oo dhaqdhaqaaqi waaya iyo calool xanuun.
- Faruuraha, carabka iyo dhuunta oo gubata.
Dhaaweyn
- Sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtar ugu yeer qofka sumowbay.
- Meel dhig sunta uu qofka cabay si loo ogaado nooca ay tahay.
- hadii uu qofka suuxsanyahay ha ku qasbin in uu matago.
- Qofka u seexi qaabka bogsashada.
- Hubi neefsashada qofka hadii loo baahdo.
Hadii uu qofka suuxsaneyn.
- Sii biyo ku filan.
- Qofka haku qasbin in uu matago hadii uu ku sumoobay acid, alkali.
Hadii uu qofka kiimiko ku sumowba
- Ku qasab in uu matago adigoo siinaayo Luke warm salt.
Waxaa horay loo yiri biyo inta aysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa ee waxaa wanaagsan in la sameeyo taxadaro dheeraad ah xiliyada la isticmaalaayo suntan qeyba heeda kala duwan .
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 8aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalis.com

Gubasho
gubashadu waxaa loo kala qaadaa qeybahaan soo socda
- Gubashada heerka 1aad waxaana loo yaqaanaa afka qalaad (Superficial)
Waxaa uu dhaawac gaaray oo kaliya qeybta ugu koreysa maqaarka oo loo yaqaan epidermis.
Calaamadaha gubashada noocaan waxaa ka mid ah in uu maqaarka gaduudto, barar yar iyo xanuun. Tani waxay bugsootaa ayadoon ku reebeynin nabaro jirka.
Gargaarka Gubashada
Dhex gali biyo qabow ah qeybta gubatay 10 ilaa 45 daqiiqo ama isticmaal maro qoyan. Qaboowga waxaa uu joojiyaa in uu dabka ku sii fidin unugyada kale ee jirka. Waxaa kale oo aad isticmaali kartaa Aloe iyo Moisturizer lotion.
- Heerka Labaad Ee Gubashada
Dubka iyo qeybaha sare ee dermis ka ayaa dhaawac soo gaaray.
Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah boogo afka biyo ku wato barar iyo xanuun daran.
Gargaarka Gubashada
- Dhexgali biyo qabow qeybta gubatay.
- Sii Aspirin ama Ibuprofen.
- Boogaha biyaha wato ha bujin.
- Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhaw.
Gubashada Qeybta 3aad.
Tani waa gubashada mida ugu qatarsan dabkana waxaa uu gaaray dhamaan qeybaha kala duwan ee maqaarka waxaa uuna waliba gaaray qeybta barurta iyo muruqyada maqaarka.
Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah goobaha gubtay ee jirka oo u muuqda gray-white ama madowbaato, majiraan wax barar ah ama xanuun maadaama dhamaan neerfayaasha ay burbureen,
Gargaarka Gubashada
- Muhiim ma ahan in biyo qabow la isticmaalo.
- Ha isticmaalin oitments.
- Isticmaal faashadooyinka aan koolada lahayn.
- Hubi ABC’s
- Ka daawee qofka shoog.
Raadso daaweyn dheeraad ah.
Dhaawacyada gubashada waxaa loo kala saaraa:
Thermal oo ay sababaan,
- holac dabka.
- Sheyaasha kulul.
- Hufo ama biyo kulul.
Gargaarka Degdegga
- Dhibana ka saar ilaha dabka.
- Hadii uu yahay holac saar busto kadibna dhibanaha dhulka ha ku galaan gasho.
- Qiimee heerka ay gubashadu gaarsiisantahay.
Chemical burn.
Waxaa keena markii ay maqaarka gaaraan waxyaabaha kiimikada sida:
- Acid (Batiriyaasha)
- Alkalis
- Organic compound.(Oil product)
Gargaarka gubashada
Ka saar kiimikada adigoo ku shubaayo biyo qeyta ay gaartay.
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 7aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Neefsasho
Neefsashada caadiga ah waxay muhiim u tahay in uu qofka noolaado.
Waxyaabaha Keena Neefsasho La’aanta.
- Dhaawac gaara qeybta neefsashada qaabilsan ee maskaxda.
- Neerfayaasha ama murugyada neefsashada oo naafooba.
- Dhibaatooyin gaaray sambabadda.
- Hafasho.
- Cudur
Calaamadaha neefsashada aan caadiga ahayn.
- Xafabadka oo dhaqdhaqaaqa yareeya.
- Dhawaq aan caadi ahayn ee uu qofka sameeyo markii uu neefsanaayo.
- Dirqis mararka qaar.
- Walaac farabadan.
- Maqaarka oo midibkiisa isbadalo.
- neefsashada oo saa’id noqota ama hoos u dhacda.
- Qofka oo aan u istaagi karin si toos ah.
Sida loo hubiyo neefsashada
- Hubi dhaqdhaqaaqa habdhiska caloosha ama qeybta xabadka.
- Dhageeyso neefta sanka iyo afka ka soo baxeeyso.
- tani waa in aysan kugu qaadan in ka badan 10 daqiiqo.
Badbaadinta Qofka Ay Neefta Ku Xirmatay.
Ku jilba jabsa dhibanaha dhinaciisa qeybta madaxa xigto si aad qofka ugu furto habdhiska neefsiga. Afka afka u gali kadib sanka u qabo kadibna afuuf si ay hawadaada u furto sambabada qofka cabursan.
Fiiri in xabadka dhibanaha kor u soo kacay markii aad hawadaada siineyso hadii uu kor u soo kici waayo waxaa jiro waxyaabahaan soo socda:
- Dhuumaha neefta qaada oo xirma.
- Hawo aan ku filneyn oo la siiyay sambabada dhibanaha.
- Hawo aan ku filneyn oo ku jirto afka ama sanka gudahooda.
- Wararka2 months ago
Tayo xumada ka jirta awgeed Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u baahan in isbeddel lagu sameeyo
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Wax ka baro faa’iidada ay leedahay wax isbarida – qodobada muhiim kuu ah
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
Rajo maka leedahay masraxa siyaasadda?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Maxaad ka taqanaa doorka aad bulshada ku dhex leedahay?
- Dhaqaalaha3 months ago
Waa maxay sababta Hindiya iyo Masar ay u sameynayaan xiriir istaraatiijiyadeed oo cusub?
- Xirfadaha & Teknolojiyada3 months ago
Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Affar qodob oo wax kaa bari doono noloshaada
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Fallaagada Wagner ee Ruushka: Bilowga dhamaadka madaxweyne Vladamir Putin?
- Islaam Naceybka3 months ago
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhaleeceeyay kitaabka Qur’aanka ee la gubay intii lagu guda jiray booqashada masjidka Dagestan
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii Dimuqraadiyadda Afrika Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan
- Dhaqaalaha3 months ago
Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka dhaqaalaha soo koraya ee BRICS
- Xirfadaha & Teknolojiyada2 months ago
Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence
- Islaam Naceybka3 months ago
Dowladda Ciraaq oo Iswiidhan ku boorisay inay soo gacan geliso nin Ciraaqi ah oo ‘gubay Kitaabka Qur’aanka’
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Waa tumaa Shuhada ‘Sinéad O’Connor – “La dirir cadawga runta ah”?
Abdiqadir salad mohamed
June 7, 2018 at 1:52 pm
Waaadku mahadsantihiin adeegiina