Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 8aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalis.com

Gubasho
gubashadu waxaa loo kala qaadaa qeybahaan soo socda
- Gubashada heerka 1aad waxaana loo yaqaanaa afka qalaad (Superficial)
Waxaa uu dhaawac gaaray oo kaliya qeybta ugu koreysa maqaarka oo loo yaqaan epidermis.
Calaamadaha gubashada noocaan waxaa ka mid ah in uu maqaarka gaduudto, barar yar iyo xanuun. Tani waxay bugsootaa ayadoon ku reebeynin nabaro jirka.
Gargaarka Gubashada
Dhex gali biyo qabow ah qeybta gubatay 10 ilaa 45 daqiiqo ama isticmaal maro qoyan. Qaboowga waxaa uu joojiyaa in uu dabka ku sii fidin unugyada kale ee jirka. Waxaa kale oo aad isticmaali kartaa Aloe iyo Moisturizer lotion.
- Heerka Labaad Ee Gubashada
Dubka iyo qeybaha sare ee dermis ka ayaa dhaawac soo gaaray.
Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah boogo afka biyo ku wato barar iyo xanuun daran.
Gargaarka Gubashada
- Dhexgali biyo qabow qeybta gubatay.
- Sii Aspirin ama Ibuprofen.
- Boogaha biyaha wato ha bujin.
- Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhaw.
Gubashada Qeybta 3aad.
Tani waa gubashada mida ugu qatarsan dabkana waxaa uu gaaray dhamaan qeybaha kala duwan ee maqaarka waxaa uuna waliba gaaray qeybta barurta iyo muruqyada maqaarka.
Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah goobaha gubtay ee jirka oo u muuqda gray-white ama madowbaato, majiraan wax barar ah ama xanuun maadaama dhamaan neerfayaasha ay burbureen,
Gargaarka Gubashada
- Muhiim ma ahan in biyo qabow la isticmaalo.
- Ha isticmaalin oitments.
- Isticmaal faashadooyinka aan koolada lahayn.
- Hubi ABC’s
- Ka daawee qofka shoog.
Raadso daaweyn dheeraad ah.
Dhaawacyada gubashada waxaa loo kala saaraa:
Thermal oo ay sababaan,
- holac dabka.
- Sheyaasha kulul.
- Hufo ama biyo kulul.
Gargaarka Degdegga
- Dhibana ka saar ilaha dabka.
- Hadii uu yahay holac saar busto kadibna dhibanaha dhulka ha ku galaan gasho.
- Qiimee heerka ay gubashadu gaarsiisantahay.
Chemical burn.
Waxaa keena markii ay maqaarka gaaraan waxyaabaha kiimikada sida:
- Acid (Batiriyaasha)
- Alkalis
- Organic compound.(Oil product)
Gargaarka gubashada
Ka saar kiimikada adigoo ku shubaayo biyo qeyta ay gaartay.
Caafimaadka iyo Sayniska
Albinisimika (Qofka in uu midab dhiin ah yeesho)?

Waxa aan kahadleynaa cudur ku dhaco maqaarka Aadanaha oo afka qalaad lagu yiraahdo (Albinism), kaas oo ah in qofku uu ku dhasho maqaar gooni ah (Casaan ah), timaha illaa iyo jirka aadanaha dhanna waa uu kamuuqdaa.
Hadaba inta aan cinwaanka sharraxaaddiisa ugalin waxa aan isku dayay in aan eray bixin usameeyo cudurkaan, waxaana iisoo baxay (Cudurka Dhiinka-Albinism disease), sababtoo ah dhiin waa midab ka turjumaayo kalarka gaduudka ah. Sameynta eray bixin ma’ahan wax sahlan sidaas oo ey tahayna cinwaan waliba oo larabo in lagu qoro luqadda hooyo waxa uu ubbaahanyahay “Eray bixin”!.
Waa Maxay Cudurka Dhiinka (Albinism-ka)?
Cudurkaan waxa uu kamid yahay cudurada ku gudba dhaxalka (waalidiinta ayaa usoo gudbiya caruurtooda qaab dhaxal ahaan ah), iyada oo jirka ilmaha dhashay uu sanba lahayn ama ey ku yartahay maadada kalareysa maqaarkeenna ee afka qalaad lagu yiraahdo (Pigment melanin). Nuuca iyo xaddiga milaniin ee uu jirkeennu soo saaro waxa ey go’aamisaa kalarka maqaarkeenna, timaheenna iyo indhaheennaba.
Waalidiin Caadi Ah Madhali Karaan Ilmo Midab Dhiin Ah Leh (Albinisim ah)?
Haa, waliba waxaa la’arkaa qoys heysta hal ama laba canug oo cudurkaan qaba, guud ahaanna caruurta kale ey fiicanyihiin iyo waalidiintoodaba, balse aan ogaanno sababta uu ilmaha ku noqon karo midab dhiin.
Marka uu qofka Aadanaha ah abuurmayo waxa uu Alle SWT ugu talagalay in uu ka’abuurmo ugxanta Hooyada iyo shahwada Aabaha, (halkaas waxaa kujira cilmi aadanaha wax weyn utaray oo barashadiisa illaa iyo maantay wax cusub ku soo biiriyo dunidaan aanu kunnoolnahay waana cilmiga DNA-ga), sameysanka ilmaha waxa uu kabbillaabmaa hal unug oo kayimid labada dhinac ee waalidka ah.
Unugaas waxa uu wataa aqoonsi katurjumaayo waalidiinta, halkaa sifiican usoo fiiri….. maskaxdaada halkaan isugu keen waxbaan rabaa in aan isla fahanno….aqoonsiga kayimaada waalidiinta ee usoo gudba ilmaha waa mid taxane ah (Jiilba Jiil ah), waa mid la’isku dhiidhiibo oo kale tusaale Aabahaa ayaa kusiiyay qalin qaddiisu madowdahay waxa uuna kugu yiri qalinkaan hatuurin ee marwaliba uu kaa dhamaado qad cusub oo madow ah ku shubo, waxa kale ee uu kugu yiri udar-daaran caruurtaadana qalinkaan oo iyagana caruurtooda ha’usii dardaarmeen in ey qaddaas madow uun ku shubaan!! Qiyaas cunnugaada shanaad marki lamaraayo qalinkii oo dhowr gacan soomaray, nuuca qad ee uu hadda qoraayo!, Waxa ey ubadantahay in eynan ahayn qaddii Aabahaa kaaga dhintay! Kaba soo qaad qaddu in ey tahay hida side (DNA).
Taasi waa tusaale oo kali ah balse sababta uu cudurkaan kuyimaado waa Cillad ku jirta mid ka mid ah hiddo-sidaha dhowrka ah ee soo-saara ama qaybiya melanin-ka. hiddo-wadaha cilladaysanna waxa uu uga soo gudbay ilmaha dhanka labada waalid, balse waalidiintu cudurkaan kama uunan muuqan maqaarkooda kaliya hidahooda ayuu ku qarsanaa.
Calaamadaha uu Goonida Layahay Cudurkaan:
Calaamadaha albinism-ka badanaa waxay ka muuqdaan maqaarka qofka, timaha iyo midabka indhaha, dadka cudurkaan qabana badanaa waa ey isku egyihiin waliba iyaga oo ksoo kala jeedo qaarado kala gaddisan. Dadka albinismku sidoo kale waxay u nugul yihiin waxyeelada qorraxda, sidaa darteed waxay halis ugu jiraan in uu ku dhaco kansarka maqaarka.
F.G: intabadan dadka cudurkaan ku dhasho maskaxdooda wax dhib ah kama jiro, sida dadka caadiga ah ayayna u noolyihiin ; waxbarasho, shaqo aqoon iyo hormarna Aadanaha ayay kala simanyihiin.
Sidookalena dhibta ugu badan waxa ey kaga timaadaa indhaha iyo maqaarka, taas oo keentay in dadka qaba cudurkaan loo tixgaliyo in ey naafo yihiin (Disability).
Adduunka Xaggee Ayuu Kaga Badanyahay Cudurkaan?
Xaaladdaan qof kasta waa ey ku dhici kartaa, laakiin adduunka waa uu ku kala badanyahay sida qiyaasaadka laga aqrisan karo. Wadamada ka hooseeya Sahara Afrika, albinism-ku wuxa uu ka saameeyaa 5000 ilaa 15,000 (kii kunba) hal qof oo kali ah, Yurub iyo Mareykanka, waxay ugu dhowdahay 1 qof in uu kasaameey 17,000 ilaa 20,000.
Akhri
Sideen Kuheli Karnaa Aayodhiinta (iodine)?

Aayodhiinta inta badan waxaa laga helaa cunnooyinka aan cunno caadi ahaan, gaar ahaan cunnooyinka cusbada leh, qudaarta iyo cunnooyinka laga helo badda. Waxaa jiro xilliyo uu jirkeenu ubbaahanyahay aayodhiin, waana marka ey jirkeena kuyaraato aayodhiinta, waxaana yareeyo cudurro laxiriiro qanjirka soo saaro aayodhiinta ee looyaqaan (thyroid gland).
Aayodhiintu waxa ey leedahay xaddi loogu talagalay qiyaas ahaan 15–20 mg, 80% oo kamid ahna waxaalaga soo daayaa qanjirka thyroid-ka.
Calaamadaha Lagu Garto Yaraanshaha Aayodhiinta jirka?
- Dhuunta oo soo buurato.
2. Miisaanka oo sidhaqso ah u siyaada.
3. Tabar darri iyo daal.
4. Garaaca wadnaha oo isbedala ama qal-qal uu kudhaco.
5. Caado wareer ku dhaco Dumarka kujira xilliga dhalmada.
6. Qofka oo maqaarkiisa qallayl uu noqdo.
Cunnooyinka Ugu Badan ee Laga Helo Aayodhiinta:-
- Qudaarta cagaaran:- guud ahaan qudaarta waxaa laga helaa macdanta nuucyadeeda kala duwan, waxa eyna muhiim utahay caafimaadka jirkaaga.
2. Malaayga nuucyadiisa kala duwan (Cod,Tuna IWM): malaayga intiisabadan waa hilib jilicsan oo aan kubadnayn baruurta, 60% ayaa Malaayga laga helaa macdanta aayodhiinta.
3. Cusbada aayodhayska ah: waa nooc cusbo ah oo shiidan lagana sameeyay aayodhiinta.
4. Ukunta: ukunta qeybta jaallaha ah waa ilaha ugu fiican ee aayodhiinta laga helo, haddii uu isticmaalo qofka ey kuyartahay aayodhiinta waxa ey u noqaneysaa mid waxtar leh. 16% oo ah macdanta aayodhiinta ayaa laga helaa ukunta qeybteeda jaallaha ah.
5. Caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo sida: caanaha nuucyadooda kala duwan, farmaajada iyo Subagga.
6. Looska iyo sisinta: waxa ey qeyb muhiim ah kaqaataan kor uqaadista aayodhiinta jirka.
Caafimaadka iyo Sayniska
Kala Abla-ablaynta Dhagaxa

Kala abla ablaynta dhagaxa ayaa lookala saadhaa dhawr qaybood waxaana ka mida:-
Dhagax madaw “igneous”, af carabigana lagu dhaho (Naari):-Dhagax madawga ayaa ka samaysma magmaha milmay. Waxaana kamid ah dhagax dhadhaabeedka siiba dhagax dhadhaabeedka adag oo waxlagu dhisto. Kaas oo asalkiisa ka yimaada dhagaxa looyaqaan magma. Dhagaxaan dhagax madawga ah ayaa ka kooban macaadinta “primary minerals”, silikayt ogsaydhka, biriqda iwm. Kuwaas oo ah kuwo aad ukala duwan haba ugu weynaato midabkooda, qayb waa madaw, kuwo kalena waa cadaan
Dhagaxa ka hooseeya biyaha “sedimentary rocks”, (Mutaxawal):-Waa qayb kale oo ka mida dhagaxa kana hoosaysa dhulka hoostiisa, waxaana laga soodaayaa walxo kale. Waana dhagax duq ah kuwaas oo ay soo uruuriyeen biyuhu. Ugu danbayntiina ay ka dhalatay in uu samaysmo dhagax dixeed cusub. Tusaale ahaan, silikayt ogsaydh ku jirta ciidda ayaa ka mida taas oo ay cimiladu burburisay qaab falgal kiimikaad. Waxaana laga soodhiraan dhiriyay dhagax dhadhaabeedka. Waxaana lagu kaydiyaa oo laga helaa xeebaha oo kale, kadibna waxa uu noqdaa shiminto. Taas oo ka samaysan kaalshiyaam kaarboonayt iyo aayroon oo laga helo biyaha dhexdiisa. Waxayna isku baddellaan dhagax adke ah oo culus looyaqaan dhagax ciideed. Sidaa si lamida ayaa dhoobada marka laysku cadaadiyo, waxa ay noqotaa sheel, oo iyana kamida dhagaxda hoose ee biyaha.
Metamorfika “metamorphic rocks”, (Rusuubi):- Waa dhagax ka samaysma dhagax madawga iyo dhagax dixeedka. Habkaan ayaa kulug leh cimilada oo saamayn weyn ku leh. Sidaa daraadeed dhagax madowga iyo dhagax dixeedka ayaa ah dhagax aad ugu wanaagsan dhisitaanka waana dhagaxuun aan cayaar loo burburinkarin. Kulaylka iyo cadaadiska ayaa waxaa ka dhasha isku dhacyo qurub yada ayaa burbura. Sababtana waxa weeye dhaq dhaqaaqu samaynaayo dhul gariirku iyo isbeddelka cimiladda oo saamayn weyn ku leh samaysmidka carradda. Waxaa jira awood aad usaraysa taas oo isku haysa qurubyada uu ka samaysan yahay dhagaxu asalkooduna ka yimaado macaadinta.
Asalka dhagaxa iyo macdantu ayaa burbura muuqaal ahaan iyo kiimikal ahaan. Muuqaal ahaan ayaa dhagaxa waxaa ku dhaca bur bur lixaad leh iyadoo loo kala jabinaayo qurubyo aad uyar. Ugu danbayntiina waxa ay isu badashaa ciid iyo tamuux, ku waas oo milma iyo walxo samaysma. Sidaa si lamida ayaa macaadinta uu dhagaxu ka sameysan yahay ayaa waxaa ku dhaca falgal kiimikaad iyadoo loo kala jabinaayo curiyayaal abyan iyo togan. Waxaana la siidayn karaa inyar ama inbadan oo neef ah ayaa hawada gala.
Waana siisocdaa milankaa ilaa lagagaarayo in uu noqdo curiyayaal aan isku dhisyo ahayn. Inta lagu guda jiro falgalkaa kiimi kaad, waxa isbeddela cabirka dhagaxa, waana siiyaraanaya xiliba xiliga kadanbeeya, ilaa uu ka mid noqdo milanka. Macaadintaan marka ay ku dhex milmaan biyaha ayaa lagu sameeyaa hoos udaadijid ama “leeching” ilaa ay gaarto carrada qaybaheeda. Kadibna waxaa loobadalaa kuwo la adeegsan karo ilaa ay dhirtu ka qaadato.
Macaadinta ayaa loo qaybiyaa saddex farac oo muhiim ah waxayna kala yihiin:-
A). silikayt kalaay
B). aayroon iyo aluminiyaam ogsaydh
C). silikayt ogsaydh.
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 10aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Wadno Xanuun
Inta badani waxay dhacdaa markii mid ka mid ah halbowlayaasha dhiiga u sida wadnaha ay xirmaan.
Wadnaha waa xubinta u qaabilsan jirka in ay bamgareeyso dhiiga wadnaha waxuuna u qeeybsamaa la qeybood oo kala ah ruga bidix iyo rugta midig. Rugta bidix waxaa soo galo dhiig nadiif ah oo oksijiin badan leh kaas oo uu wadnaha u bamgareeyo jirka intiisa kale si uu aga faa’ideysto iyo Rugta midig, waxaana soo gala dhiig wasaqeeysan oo uu karboonku ku badan yahay dhiigaasi waxuu wadnaha u bamgareeyaa sambabada si ay ugu daraan ogsijiin ugana nadiifiyaan karboonka ku jiro.
Calaamadaha
- Xabadka oo qofka xanuuna ilaa iyo waqti.
- Xanuun ku fida garabyada, qoorta iyo kilkilaha.
- Xabadka oo qofka ka dareemo raaxo daro ay wehliyaan dhidid, lalabo iyo neefsiga oo yaraada,
Maareynta Wadna Xanuunka
- Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhawo.
- Qiimee xaalada dhibanaha.
- Ogoow in uu qofka horay u qabay cudurka loo yaqaano Coronary heart disease.
- Hadii qofka suuxsanyahay hubi ABCs iyo CPR (cordial Pulmonary Resuscitation).
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 9aad ee Gargaarka Degdegga ah |Tukesomalism.com

Sumow
Sun waa wax alaale ee markii uu qofka taabto ama laqo awood u leh in ay u keenaan qofkaas dhibaato, taas oo sababi karta dhimasho.
sumow gu waxuu u dhici karaa labadaan nooc oo kala ah mid kama ah iyo mid kas oo uu qofka u qasdiyo in uu isticmaalo suntaas.
Suntu waxay jirka ku gali kartaa siyaabahaan soo socda:.
- In ay ka gasho afka (Mid adko ah iyo mid dareera ah labaduba)
- In ay ka gasho maqaarka (Cirbad lagu mudo qofka ama qaniinyo)
- In ay ka gasho sanka (Sida gaasaska kala duwan iyo qaaca sumeysan)
Suntu waxa ay noqon kartaa
- Corrosive or burning, waxaa ka mid ah Acids, alkalis iyo insecticides).
- Non-Corrosive (Waxaa ka mid ah cuntada quruntay, ama fungus iyo waxii la mid ah.
- Depressants (waxaa ka mid ah Opium iyo wixii la mid ah).
Calaamadaha Sumowga
- Hadii ay tahay mid afka laga laqay qofka waxaa uu dareemaa lalabo, matag, qofka oo dhaqdhaqaaqi waaya iyo calool xanuun.
- Faruuraha, carabka iyo dhuunta oo gubata.
Dhaaweyn
- Sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtar ugu yeer qofka sumowbay.
- Meel dhig sunta uu qofka cabay si loo ogaado nooca ay tahay.
- hadii uu qofka suuxsanyahay ha ku qasbin in uu matago.
- Qofka u seexi qaabka bogsashada.
- Hubi neefsashada qofka hadii loo baahdo.
Hadii uu qofka suuxsaneyn.
- Sii biyo ku filan.
- Qofka haku qasbin in uu matago hadii uu ku sumoobay acid, alkali.
Hadii uu qofka kiimiko ku sumowba
- Ku qasab in uu matago adigoo siinaayo Luke warm salt.
Waxaa horay loo yiri biyo inta aysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa ee waxaa wanaagsan in la sameeyo taxadaro dheeraad ah xiliyada la isticmaalaayo suntan qeyba heeda kala duwan .
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 7aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Neefsasho
Neefsashada caadiga ah waxay muhiim u tahay in uu qofka noolaado.
Waxyaabaha Keena Neefsasho La’aanta.
- Dhaawac gaara qeybta neefsashada qaabilsan ee maskaxda.
- Neerfayaasha ama murugyada neefsashada oo naafooba.
- Dhibaatooyin gaaray sambabadda.
- Hafasho.
- Cudur
Calaamadaha neefsashada aan caadiga ahayn.
- Xafabadka oo dhaqdhaqaaqa yareeya.
- Dhawaq aan caadi ahayn ee uu qofka sameeyo markii uu neefsanaayo.
- Dirqis mararka qaar.
- Walaac farabadan.
- Maqaarka oo midibkiisa isbadalo.
- neefsashada oo saa’id noqota ama hoos u dhacda.
- Qofka oo aan u istaagi karin si toos ah.
Sida loo hubiyo neefsashada
- Hubi dhaqdhaqaaqa habdhiska caloosha ama qeybta xabadka.
- Dhageeyso neefta sanka iyo afka ka soo baxeeyso.
- tani waa in aysan kugu qaadan in ka badan 10 daqiiqo.
Badbaadinta Qofka Ay Neefta Ku Xirmatay.
Ku jilba jabsa dhibanaha dhinaciisa qeybta madaxa xigto si aad qofka ugu furto habdhiska neefsiga. Afka afka u gali kadib sanka u qabo kadibna afuuf si ay hawadaada u furto sambabada qofka cabursan.
Fiiri in xabadka dhibanaha kor u soo kacay markii aad hawadaada siineyso hadii uu kor u soo kici waayo waxaa jiro waxyaabahaan soo socda:
- Dhuumaha neefta qaada oo xirma.
- Hawo aan ku filneyn oo la siiyay sambabada dhibanaha.
- Hawo aan ku filneyn oo ku jirto afka ama sanka gudahooda.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
- Dhaqaalaha3 months ago
Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Afrika3 months ago
Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Bariga dhexe3 months ago
Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka
- Buuggaag2 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta