Connect with us

Barashada Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Cashirkii 1aad: Maamulka Ganacsiga Caalamiga, Waa Maxay Maamulka Ganacsiga Caalamiga? |Tukesomalism.com

Published

on


Koorsadaan waa koorso gaarayso illaa iyo 25 cashir. Koorsadaan waxaan ku bixini doonaa afka Soomaaliga si bulsha weynta Soomaaliyeed wax badan ugu fahmaan waxa loo yaqaano Maamulka Ganacsiga Caalamiga (International Business Management). Dabcan jaamacadaha ku yaallo gudaha Soomaaliya sidda: Muqdisho, Hargeysa, Garowe, kismaanyo, Baydhabo, Waqooyi bari, Soomaali Galbeed, Jabuuti iyo meelo kale oo ka mid ah gayiga Soomaaliyeed,waxaad ku aragtaa Maamulka iyo Maareenta (Business Adminstration) oo lagu dhigaayo jaamacahada, balse hadalkeyga nuxurkiisa ayaa ah dadka inta badan waxay yaqanaan Maamulka iyo Maareenta ee ma yaqanaan waxa loo yaqaano Maamulka Ganacsiga Caalamiga (International Business Management)

Koorsadaan waxay ka koobantahay qeybo kale duwan qeyb walbana waxay sii kalla leedahay farqiyo kale duwan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin balse anigoo ah Cabduljabaar Sh. Axmed oo ah qoraha koorsadaan waxaan jeclahay inaan gelini doono wakhti badan qaabka ugu fudud oo ay bulshada ku fahmi karaan koorsadaan. Waxaana isku dayi doonaa haddii Alle idmo inaan soo koobi karo nuxurka ugu weyn ee u baahan inay si fiican u fahmaan bulshada qaasatan ardayda dhigato jaamacadaha, ganacsatada, ardayda ka baxday dugsiga sarre, ama cidwalbo oo jecel inay cilmi ku kordhiyaan naftooda.

Si aan u fahano koorsadaan ku saabsan Maamulka Ganacsiga Caalamiga waxaa haboon inaan ku weydiiyo marka horre su’aal ah, Maxay ku kalla duwanyihiin:

  1. Maamulka iyo Maareynta? (ama sidda kale oo aad u taqaano Maamulka Ganacsiga*Business Adminstration or Business Management)
  2. Maamulka Ganacsiga Caalamiga? (International Business Management or International Business Adminstration)

Inta aadan aqrinin qeybta hoose fadlan isku day inaad jawaabta saxda ah bixini karto, waa wax aad u wanaagsan inaad naftaada tijaabiso si aad u ogaato awooda maskaxda kugu xeran heerka ay gaarsiisantahay.

???……..

Waan ku sugi lahaa illaa aad jawaab iga siinayso oo waan ku hor fadhini lahaa, balse nasiib daro ma ihi shaqsi ku hor fadhiyo. Si fiican u aqri qeybtaan hoose, maqaalkaan si fiican u dhuux waxaad haysataa fursad qaali ah…..

Business-Management-and-Administration-Pic-1024x682Waa Maxay Maamulka Iyo Maareynta (Business Adminstration)?

Maamulka iyo maareynta waa nidaam iyo geedi socodka lagu maarayni karo ururada ganacsi  ama shirkadaha ganacsiga, haayadaha dawliga ah iyo ururada samafalka. Ardayda kasoo baxay maamulka iyo maareynta waa kuwa u leh aqqoon duruqsan markii ay timaado maamulida shirkada iyo horumarinta fikrada shirkada. Waxayna masuul ay ka noqoni karaan qeybaha sidda, maamulida mashruuca, maamulka xafiiska, iyo maamulaha sarre ee shirkada.

Qeybaha ugu badan uu ka hawlgalo maamulka iyo maareyaha aad ayay u tiro badanyihiin, sidda mashruucyada, dhoofinta, suuqgeynta, dhaqaalaha, maamulka aadanaha, iyo maamulka. Dhammaan qeybahaas oo dhan shirkadaha ganacsi waxay u wada shaqeeyaan si wada jir ah si ganacsiga shirkada ay u noqoto ganacsi guulaysta. Marwalbo ganacsiga ma guulaysani karo illaa la helo wax ku ool ah oo hufan. Maamulayaasha shirkadaha waxay ku xerantahay sidda ay ugu kalla yihiin kuwa wax soo saar leh, haddii ay yihiin hogaamiye wax soo saar leh waxaa inta badan laga dareemaa xariirka ay la leeyihiin shaqalaha shirkada ama ururka. Inta badan shirkadaha waa weyn waxay leeyihiin hal qeyb oo maareynta ah. Qeybtaas ayaa waxwalbo hoos yimadeen.  Marwalbo ku shaqeynta deegaanka waxay ku xerantahay qofka gacanta ku haayo nidaaminta ganacsiga shirkada. Qofka ah maamulka iyo mareeyaha ganacsiga waa inuu yahay qof ku wanaagsan xariirinta shaqaalaha shirkada, sawabtoo ah asiga ama iyada waxay la shaqeyni doontaa dad kalla duwan sidda dirida warqadaha iyo teleefoonada.

Maamulka iyo maareynta (Business administration) waxaa loogu soo baxaa jaamacad inta badan ardayga waxaa si fiican loo baraa qeybaha sidda qadamaadka, maaliyada ganacsiga, suuqgeynta, maamulka aadanaha, anshaxa iyo xisabaadka. Ardayga dhiganaayo waxay ku qaadataa illaa 3 sano ama 4 sano waxay ku xerantahay ardayga dadaalkiisa iyo jaamacada sidda ay u bixiso kuliyada.

Waa Maxay Maamulka Ganacsiga Caalamiga? (International Business Management)bachelor-of-arts-international-management-mw_99d190049c5d5ba6d18b57ad588a19b3

Haddii aad xiisayso maaliyada iyo dhaqamada caalamka ka dhigo kuliyada jaamacada Maamulka ganacsiga caalamiga, sawabtoo ah kuliyada maamulka ganacsiga caalamiga, wuxuu salka ku hayaa in ardayga muhiim u tahay inay fahmaan maaliyada iyo dhaqamada kalla duwan (cross cultural management). Ardayga markuu dhiganayo kuliyadaan wuxuu jaamacada ka baranayaa kalla duwanaanshaha maaliyadeed ee suuqyada sarafka iyo lacagaha. Waa inaad si fiican u fahantaa dhaqaalaha caalamka iyo isbedelka suuqyada caalamka. Midda labaad waa inaad tahay shaqsi jecel inuu barto kalla duwanaanshaha bulshada caalamka ku nool.

Ardayga dhiganaayo maamulka ganacsiga caalamiga wuxuu baranayaa waxwalbo oo ku saabsan caalamiga (International) sidda suuqgeynta caalamiga (Global Marketing), qanuunka ganacsiga caalamiga (International business law), iwm. Waxaa kale oo muhiim ah inaad ogtahay qanuunada caalamiga sidda haayada shaqada adduunka (International Labor organization), xariirka ganacsi ee ka dhaxeeyo wadamada (free trade agreements) iwm.

Qeybahaas oo dhan oo aan soo tilmaamay waxaan si fiican ugu sharaxi doonaa cashirada soo socda. Inta ay socoto koorsadaan ah maamulka ganacsiga caalamiga waxaanu barani doonaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin qaabka aad ganacsigaada ugu dhigi karto ganacsi caalami ah wali asigoo maxali ah.

Qaarada Afrika waxaa ka jirto fursado badan oo ganacsi balse wali lama helin Afrikaankii kafaa’ideysani lahaa dhulkiisa. Waxaana waxyar ka tilmaami doonaa Insha Allah sawabta Soomaaliya ay u tahay wadan ku wanaagsan ganacsi marka loo eego qaarada Afrika iyo caalamkuba. Inaan fahano maamulka ganacsiga caalamiga waa wax aad u wanaagsan inta ay socoto koorsadaana waxaad fahmi doontaa qiimaha y leedahay inaad fahanto dhaqamada kalla duwan si aad u noqoto qof maskax furan oo caalamka wax badan ka fahmay.

Fadlan la soco cashirkii labaad……..

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Wuxuuna falanqeeyaa siyaasadda arrimaha dibedda, amniga iyo laamaha sirdoonka, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Barashada Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Waa Maxay Maadada Kimistariga?

Published

on


Kimistari waa barashada guud ahaan iskuxirka cilmiga sayniska (science), iyada oo kuqotonta falgalid. Kimistariga waa maaddo aad u xeeldheer aadna u farabadan oo qeybo badan oo waxbarshada maantay ah laxiriirta sida:

  1. Physical science: waxa ey laxiriirtaa barashada Fiisigiska iyo kimistriga
  2. Formal science: formal waxa ey laxiriirtaa barashada xisaabaadka iyo computerada.
  3. Social science: waxa ey laxiriirtaa barashada psychology iyo sociology.
  4. Earth & Space: waxa ey laxiriirtaa barashada geology iyo planetaryga.
  5. Life science: waxa ey laxiriirtaa barshada cell-ka.

Marka aan fiirinno ereyga kimistari (chemistry) oo ah erey Greek ah, asal ahaan waxa uu kasoojeedaa ereyga (الكیمیاء- Al-Chemy) oo ah Arabic.

Taariiqda Kimistiriga

Waxaa la’isticmaalijiray Taariiqda hore ee qadiimiga ah, waxaaba layiraahdaa 1000 BC.

Dunida waxaa lasoomaray waqti aan wax sharraxaad ah laga bixin Karin noocyado shaqo ee kimikaalka iyo waxa ey qabtaan intaba.

Tiknoolajiyada iyo ilbaxnimada casriga ah waxa ey heersare gaarsiiyeen kimistiriga qadiimiga ahaa, waxa eyna soo saartay tiknoolajiyadu laamaha kala duwan ee kimistiriga.

Tusaale dhirta waxaa laga soosaaray daawooyin, birta waxaa laga soosaaraa qalab kaladuwan sida baabuurta, sidookale baruurta waxaa laga soosaaraa saabuunta iyo dhalooyinka.

Hadaba annaga xaggee ayaan kataagannahay waxsoosaarka kimistiriga?

Facebook Comments Box

Continue Reading

Barashada Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Cashirkii 4aad: Maamulka Ganacsiga Caalamiga, Maamulka Istaraatijiyadda Ganacsiga |Tukesomalism.com

Published

on


Maamulka istaraatijiyada ganacsiga waa nidaam ama qaab loogu tala galay in loo sharaxo hadafka ururka wali si tafaatiran. Si loo gaaro hadafyada shirkada waxaa loo baahanyahay in si fiican loo qeexi karo qaababka lagu gaari karo hadafkaas. Si loo gaaro hadafyada shirkada, shirkada waxay u baahantahay inay sameysato istaraatijiyad si fiican loo fahmi karo.

“Guul walbo waxay leedahay qaabab lagu gaari karo, haddii la waayo qaababka lagu gaari karo guulaha waxaa markii horeba qaldanaa hadafyada la hiigsanayay”

                                                                                                *Cabduljabaar Sheekh

Maamulka istaraatijiyada ganacsiga waxay shirkadaha u horseedaa guulo, waa haddii marka horreba loo sharaxo si wanaagsan oo tafaatiran. Haddii ay jirto mugdi ku saabsan istaraatijiyada ganacsiga shirkada, waxaa adkaani karayso in la gaaro hadafyada shirkada ay leedahay.

Haddii aan shirkadeyda u sameeyo istaraajiyadda ganacsiga, suurta gal ma tahay inaan guulo ka gaaro hadafyada ururkeyga?

Haa, sawabtoo ah istaraatijiyada waa jaran-jarada ku gaarsiini karto guulaha aad rajada ka qabto inaad gaarto wakhtiyada dhaw iyo midka dheerba. Istaraatijiyada waxay qeexaysaa hadafyada loo abaabulay shirkada iyo guud ahaan hadafyada aad u baahantahay inaad guulo ka gaarto. Si arintaas horumar ugu gaarto waxaad u baahantahay inaad sameysato istaraatijiyad si wanaagsan loo tafaatiray oo cadeynayso inaad hadafkaas leedahay.

Marka ay timaado in la sameeyo go’aamada istaraatijiyada waxaa wanaagsan in 4 qeybood wax laga fiiriyo. Afartaas qeybood waxay kalla yihiin:

  1. Iskaanka deegaanka (environmental scanning)
  2. Dejinta istiraatiijiyadda (strategy formulation)
  3. Fulinta istaraatijiyada (strategy implementation)
  4. Qiimaynta iyo gacan ku haynta (evaluation and control)

Koow: Iskaanka deegaanka (environmental scanning): Iskaanka deegaanka waa la socodka, qiimeynta, iyo faahfaahinta ka imaanayso gudaha iyo waxyaabaha ka baxsan gudaha ururka shirkada. Markii ay timaado arintaan maamulaha sarre ee shirkada waa inuu sameeyaa la tashi dheeraad ah. Si cilmiyaysan waa inuu la tashadaa shaqaalaha ugu muhiimsan ee shirkada. Shaqaalayaasha ugu muhiimsan shirkadaada waa maamulka suuqgaynta, maamulka qeyraadka aadanaha, maamulaha IT-ga, iyo guud ahaan cidwalbo oo ugu muhiimsan shirkadaada.

Haddii aad diirada saarto labada qeybood ee aan soo sheegay “faahfaahinta ka imaanayso gudaha iyo waxyaabaha ka baxsan gudaha ururka shirkada” waxaad qorsheyni kartaa mustaqbalka wanaagsan ee shirkadaada.

Si aad ugu guulaysato arintaan iskaanka deegaanka waxaad u baahantahay inaad si fiican u aqrisato falanqeynta TDFH oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo SWOT analysis.

TDFH waxay u taagantahay T=Waxyaabaha Taabbagalay, D=daciifnimo, F=Fursadaha iyo H=Hanjabaada. Xisaabta waxaa loo isticmaalaa in wax lagu xisaabiyo, waxay leedahay qaacidooyin loo maro markii la isticmaalayo xisaabta noocyadeeda kalle duwan. TDFH waa nimaan ay isticmaalaan ururada haddii ay tahay shirkadaha ganacsiga iyo haayadaha noocyadooda kalle duwan. Xarfaha aan soo gaabiyay TDFH waxay u taaganyihiin sidda xarfaha ingariiska oo kalle (SWOT)

TDFH– waa qaacido loo maro sidda lagu ogaani karo mustaqbalka shirkadaas. Waa nidaam ay isticmaalaan kooxda maamulka shirkada, iyagoo ku qeexaayo gudaha iyo dibadda shirkada  oo saameyn ku yeelani doona qaabka ama hamdhiska mustaqbalka shirkada.

Falanqaynta TDFH waxaa loo sameeyay oo qayb ka ah geedi socodka qorshaynta guud ee shirkadaha taas oo hadaf maaliyadeed iyo mid hawlgalba lagu wado sannadka soo socda iyo xeelado loo abuuray si ay u dhamaystiraan hadafyada shirkada. TDFH waxay leedahay 4 qeyb labada qeyb ee ugu horeyso T=Waxyaabaha Taabbagalay (Strength), D=daciifnimo (weakness) waxaa loo isticmaalaa waxyaabihii ka qabsoomay gudaha shirkada.

T=Waxyaabaha Taabbagalay (Strength): Waxay tilmaamtaa taabayaasha sifooyinka wanaagsan, markaad wax badan rabto inaad ka ogaato waxaa loo baahanyahay inaad isweydiiyo su’aalooyin dhowr ah sidda:

  • Maxay ku fiicantahay shirkada?
  • Maxay tahay illaha (resources) aan ku haysano gudaha shirkada

Su’aalooyinkaan jawaabahooda waxay noqoni karaan sidda: Sifooyinka wanaagsan ee dadka, sidda aqoonta, aqoonsiga, shabakada (network), sumcad, ama xirfadaha. Hantida dhabta ah ee shirkadda, sidda caasimada iyo meelaha ay ka howl gasho, credit, macaamiisha hadda jira iyo qaybinta allaabaha shirkada, shatiyada, ama technologyada horumarsan IWM.

  • Waxaa kalle muhiim ah inaad isweydiiyo: Waa maxay faa’iidooyinka aad haysato haddii ay noqoto inaad la tartami karto shirkadaha kalle ama aad yeelani karto awoodda suuqa?
  • Ma leedahay awoodda cilmi-baarista iyo horumarinta fikirka guud ee shirkadaada? Sidda Xarumaha Warshadaha?

Kobaca ganacsigaada marwalbo wuxuu u baahanyahay inaad raadiso fursadaha cusub iyo macaamiilka cusub ee imaan karo suuqa. Markaad raadinayso fursadaha kobaca ganacsigaada waxaad u baahantahay inaad horumariso nidaamka ganacsigaada sidda habka aad macaamiilka u gaarsiiyo  allaabtaada, horumarinta qeybaha cusub ee allaabta iyo adeegyada iyo ballaarinta juqraafi ahaan. Kooxda maamulka shirkada waxaa loo baahanyahay inay si fiican u falanqeeyaan TDFH-ka. Tusaale ahaan Tukesomalism markii la aas-aasayay waxaa la isweydiiyay maxay bulshada usoo gudbini kartaa oo ay kaga wanaagsantahay ururada kale ee wax qora. Dhammaan dadka qorista waa laga wada simanyahay, balse maxaan kaga duwanahay ururada markii loo fiiriyo baahidda bulshada ka jirta. Dabcan website-yada wax qora waxaan kaga duwanahay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin qorista maqaalada ganacsiga sidda xisaabaadka, suuqgaynta, maamulka, dhaqaalaha iyo siyaasada. Waxaan kale oo aan wax badan ka qornaa caafimaadka iyo arrimaha xiisaha leh ee bulshada.

Waxyaabaha cajiibka leh Tukesomalism ay qorto waxaa ka mid ah koorsooyinka lagu heli karo lacag la’aanta si Tukesomalism.com ay u dhisto garaadka bulshadeeda.

D=daciifnimo (weakness): Waa qeybta labaad TDFH-ka waxay timaamtaa daciifnimada ka jirto gudaha shirkada. Qeybtaan waxaa loo baahanyahay in si gaar ah loo horumariyo, sawabtoo ah waa halka shirkada ay ka liidato. Waxaana muhiimsan in qorsho cad loo sameeyo si ay shirkada ulla sii tartami karto shirkadaha kalle oo la midka ah. Si loo xaliyo daciifnimadaas ka jirta shirkada waxaa loo baahanyahay in la isweydiiyo su’aalahaa:

  • Waa maxay meelaha u baahan horumar, si shirkada u gaarto ujeedooyinka tartanka adag?
  • Ganacsigaaga ma leeyahay khayraadka kooban?
  • Muxuu la’yahay ganacsiga shirkada, tusaalle ahaan markii loo fiiriyo shaqaalaha shirkada, sidda khibrad ama inay helaan xirfado ama technology?
  • Ganacsigaaga ma leeyahay khayraadka kooban?
  • Ganacsigaada meel xun miyuu ku yaalaa?

F=Fursadaha (Opportunites): Qeybtaan waa qeyb ka baxsan gudaha shirkada. Labadii qayb ee aan soo sheeknay T=Waxyaabaha Taabbagalay iyo D=daciifnimo waxay quseeyaan gudaha shirkada. Labada qeyb ee ugu dambeysa F=Fursadaha iyo H=Hanjabaada waxay diirasada saarayaan waxa ka jiro binaanka shirkada.

Sidda ay u kalla aragti dheer yihiin shirkadaha ayay u kalla ogyihiin fursadaha ka jira suuqa iyo meelaha kalle ee u baahan in laga howlgalo. Si loo helo aragtiyo wanaagsan waxaa wanaagsan in la isweydiiyo su’aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  • Waa maxay fursadaha ka jirra suuqa ama deegaanka oo aad faa’iidaysan kartaan?
  • Waa sidee aragtida ganacsigaaga?
  • Sidee waqtigaada u illaalini kartaa si aad ugu faa’ideysato fursadaha?

H=Hanjabaada (threats): Waa qeybta ugu dambeysa waxayna ka mid tahay qeybta labaad ee ka baxsan gudaha shirkada. Hanjabadaan ayaa noqoni karto noocyo badan aad waxbo ka qabani Karin mar-marka qaar, balse waxaa loo baahanyahay ayaa ah in xittaa la soo dhaweeyo in lalla yimaado wax ka qabadka arrintaan.  Waxaana marwalbo muhiim ah in la isweydiiyo su’aalooyin ay ku dheehantahay maskixiyan:

  • Yaa ku jira tartanka hadda jira ama ka iman kara?
  • Waa maxay waxyaabaha ka baxsan gacantaada oo ganacsiga khatar ugu jira?
  • Ma jiraan duruufo adag ay abuureen arrimuha ay wadaan ama horumarinta keeni kara in ay ka sii daraysaa dakhliga ama faa’iidada?
  • Maxay tahay hanjabaada ka imaani karto dadaallada suuqa?
  • Ma laga yaabaa in hanjabaad timaado oo ku saabsan sicirka suuqa?
  • Muxuu noqoni karaa isbedelka dhaqanka macaamiisha, dhaqaalaha, ama xeerka dawlada in hoos u dhigis lagu sameeyo iibka suuqa?
  • Wax soo saarka cusub ama technologyada la soo bandhigay ka dhigayaa mid, qalabka, ama adeegyada huriye?

Marka aad ogaato iyo mudnaanta natiijada TDFH (SWOT), waxaad u isticmaali kartaa in aad dhisatid xeelado muddada gaaban iyo muddada-dheer ee ganacsigaaga. qiimaha dhabta ah ee layligan waa in la isticmaalayo natiijada si loo kordhiyo saamayn wanaagsan ku yeelanayaan, ganacsiga iyo in la yareeyo qatarta soo wajihi karto shirkada.

Qaacidooyinkaas 4ta ah, T=Waxyaabaha Taabbagalay, D=daciifnimo, F=Fursadaha iyo H=Hanjabaada, waa aragtida guud ee aad ku ogaani karto heerka ay marayso shaqada shirkada iyo waxa laga filani karo inay isku bedesho shirkadaas. Sidda aan wada ogsoonahay shirkadaha waxay u kalla xoog badan yihiin sidda ay ugu kalla wax soo saar badan yihiin.

Habkaan haddii aad isticmaasho waxaad la imaani kartaa xeelado iyo tayo cusub oo aad wax kaga bedeli karto daciifnimada markii horre ku qabsatay.

Labo:  Dejinta istiraatiijiyadda (strategy formulation). Waa habka loo dejiyo qorsheynta cusub ee ay wajahayso shirkada, wakhtiyada dhaw iyo wakhtiyada dheerba waxaa wanaagsan in shirkada dhinacyo badan wax ka fiiriso. Qeybtaan waa qeyb aad muhiim u ah shirkada, haddii aanan si fiican loo dejinin go’aanka ku aadan dejinta istaraatijiyada shirkada waxaa mugdi iyo madmadoow soo geli karo guulaha la sugaayay in la gaaro wakhtiyada dhaw iyo midka dheerba. Waxayna ka koobantahay sidda Istaraatijiyada shirkada (corporate strategy), istaraajiyadda ganacsiga (business unit strategy), iyo Istaraatijiyada howlgalka (Operational strategies).

Shirkadaha iyo warshadaha waxay u baahanyihiin inay wax badan ka ogadaan qaababka ay ku horumarini karaan waxyaabaha ay soo saaraan. Seddaxdaan qodob waa seddax qodob oo aad u wanaagsan in shirkadaada ay la timaado u jeedooyin si fiican u qeexi karo qodobadaan. Si aad guulo fiican u gaarto waxaad u baahantahay seddaxdaan qodob si fiican u fahanto qaasatan qodobka ugu horeeyo ee ka hadlaayo bayaanka hadafka shirkadaada. Seddaxdaanba waxaa wanaagsan si diiran inaad u qeexi karto haddii ay jiraan dhibaatooyin ka imaani karo seddaxdaan qodob waxaad u baahantahay inaad wax ka bedesho si aad guulo fiican u gaari karto ama aad ugu guulaysani karto shirkadaha kale ee aad loolanka kuwada jirtaan.

Seddax, Fulinta istaraatijiyada (strategy implementation). Waa istaraatijiyada loo baahanyahay in ay fuliso shirkada. Waxayna tilmaamaysaa qaabka lagu gaari karo hadafyada shirkada ay leedahay. Si loo fuliyo hadafyada shirkada waxaa muhiim ah in miisaaniyadda shirkada, barnaamijyada iyo nidaamka shirka la iswaafujiyo.

Afar, Qiimaynta iyo gacan ku haynta (evaluation and control). Qeybtaan waa qeybta ugu dambeysay. Maamulaha sarre ee shirkada ama ururada dowliga iyo haayadaha marka horre waxay u baahanyihiin inay soo helaan xog dhammaystiran si ay ku gaari karaan go’aamo wanaagsan. Gaarista go’aan wanaagsan waxay ku xerantahay sidda aad u raadiso xogta rasmiga ah ee loo baahanyahay ama shirkada gaarsiini karto hadafyadeeda. Marwalbo oo la raadiyo xogta muhiimka u ah shirkada waxaa suurta geli karo in la gaaro go’aan aad loogu qanacsanyahay.

Qiimaynta iyo gacan ku haynta waa la socodka iyo qiimaynta guud ee shirkada. Maamulayaasha sarre waa shaqo u taalo inay si gaar ah ulla socdaan gacan ku haynta shirkada. Waxaa wanaagsan hadafyadii la gaaray in la qeybiyo oo loo qeybiyo shaqaalaha ururka kuwa sidda gaarka ah loogu kalsoonyahay inay kasoo bixi karaan hadafyadaas.

Shaqaalaha waa kuwa marwalbo u taagan inay ururka ka caawiyaan hadafyadiisa. Dhammaan hadafyada ay leedahay shirkada hal qof oo kali ma gaaro karo, waxaa wanaagsan in shaqada la qeybiyo si qofwalbo la fiiriyo shaqadiisa/shaqadeeda ay ka wadaan shirkada. Qeybinta hadafyada iyo gacan ku haynta shaqaalaha shirkada waa arin u baahan xirfad gaar ah. Sawabtoo ah waa wax aad u adag in la maamulo bini’aadamka, maxaa yeelay bini’aadamka ma jecla in la maamulo. Balse hogaamiyaha wanaagsan wuxuu leeyahay astaamo uu kaga duwanyahay dadka kale. Si aad u noqoto hogaamiye wanaagsan marwalbo ixtiraam iyo wanaag u muuji dadka kulla shaqeeyo, noqo qof dadka dhagaysto.

“Si aad gacan adag ugu qabato horumarka iyo hadafyada ay hiigsanayso shirkadaada waxaad u baahantahay inaad abuurto & sameyso dhaqan iyo qiyam wanaagsan”

*Cabduljabaar Sheekh Axmed

Facebook Comments Box

Continue Reading

Barashada Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Cashirkii 3aad: Maamulka Ganacsiga Caalamiga, Dhaqaalaha iyo Suuqyada Ganacsiga |Tukesomalism.com

Published

on

Fadlan soo aqri marka horre cashirkii 2aad…………….


Dabcan sidda aan wada ogsoonahay ganacsiga haddii uu leeyahay suuq wuxuu noqdaa ganacsi guulaysta. Marwalbo waxaa wanaagsan qofka ganacsadaha ah inuu yahay shaqsi dhiiran. Haddii aad tahay shaqsi ay ku badantahay cabsida waxaa adkaani karayso inaad abuurato ganacsi guulaysta. Marwalbo qofka ganacsadaha ah waa inuu noqdaa qof aragti dheer leh, inuu yahay shaqsi ku kalsoon naftiisa, waa inuu yahay shaqsi aaminsan inuu qasaari karaayo iyo inuu faa’idi karo.

Ganacsiga aad ayuu u kalla baahi duwanyahay waxayna ku xerantahay nooca aad u baahantahay inaad sameyso iyo sidda aad doonayso inaad u kobciso aragtida guud ee ganacsigaada. Inkastoo ay kalla duwantahay baahida ganacsiga hadana waxaa jirto siyaabooyin badan oo aad ugu guulaysani karto inaad sameyso ganacsi horumar weyn gaaray.

Waxaan dhinacyo kooban aan ka taabani doonaa haddii Alle idmo sidda dhaqaalaha u sameyni karo ganacsiga shirkadaha. Dabcan marwalbo oo ay timaado in maalgelin la sameyo waxaa wanaagsan in marka horre wax badan laga ogaado dhaqaalaha suuqa iyo cabirka isbedelka mustaqbalka soo socda.

economic-growth2Waxaa muhiim ah marka horre inaan sharaxno waa maxay dhaqaalaha? Wakhtigaan la joogo haddii aad isku daydo inaad ku qorto website browser-yada oo aad raadiso macnaha dhaqaalaha waxaa macquul ah inaad hesho macnayaal fara badan oo kalla duwan. Qoraa walbo wuxuu u qeexaa macnayaal kalla duwan balse haddii aad si fiican ulla raacdo indhaha waxaad oganaysaa in dhammaantooda ay yihiin kuwa isku macno ah. Haddii aad isbar-bar dhigto dhammaan macnayaasha laga qoray taariikhdii horre illaa waqtigaan la joogo manta waxaad ogaanaysaa in xaqiiqda ay tahay dhammaan inay yihiin kuwa isku wada macno ah.

Haddii aad ka raadiso qaamuusyada, erayga “dhaqaalaha” wuxuu u qeexayaa dhaqaalaha sida “daraasadda ee wax soo saarka, qaybinta, iyo isticmaalka Xoolaha ee bulshada iyo aadanaha”

Waxaad iskuulada iyo jaamacadaha kusoo baratay buugaag kalla duwan oo qeexaayo dhaqaalaha hadaba haddii aad qeexi karto, fadlan kusoo qor hoos qeybta commentiga su’aashaan jawaabteeda, Waa Maxay Dhaqaalaha?

Waa Maxay Dhaqaalaha?

Sidda professor dhaqaalaha ah iyo khabiirka dhaqaalaha ee Tukesomalism.com, jawaabta aan ka bixinaayo su’aashaas, waxay u badan tahay wax ay weheliyaan khadadka soo socda:

“Dhaqaalaha waa daraasad, sidda shakhsiyaad iyo kooxo go’aamo ugu gaaraan khayraadka kooban iyagoo isticmaalaayo sidda ugu wanaagsan ee loo isticmaali karaayo ama loo baahi tiri karo baahidda iyo rabitaan dadka”

In la fahmo dhaqaalaha waa muhiim, marwalbo waxaan go’aan gaari karnaa markii aan ogaano halka uu maraayo dhaqaalaha. Haddii aad ibsanayso guri marka horre waxaa wanaagsan inaad faa’ido weyn ka heli karto mustaqbalka soo socdoa adigoo saadaalinaayo dhaqaalaha ka jira dalka.

“Dhaqaalaha wuxuu ku anfacayaa marka la gaaro go’aamada sidda dhaqaalaha dalka iyo midka nafsiyeedba. Waxaan maalin walbo sameynaa go’aan ku saabsan dhaqaalaha. Anigoo isweydiinayno  sideen u isticmaali karaa gaaska gaariga, wax walbo waxad ku salaysaa qiimaha ay kugu fadhiyaan. Haddii aad leedahay ganacsi yar sidda dukaan oo kale, waxaad marka horre isweydiinaysaa maxaan ka heli karaa oo faa’ido ah haddii aan allaabtaas keeno dukaanka, wali adigoo diirada saaraayo kirida dukaanka, wakhtiga aad ku bixinayso shaqadaan, haddii aad heli karto shaqo oo aad ka dhalini karto dhaqaallo fiican waxaa macquul ah inaad dukaanka iskeega tagto. Marwalbo waxaad sameyni kartaa go’aan wanaagsan haddii aad dhinacyo badan ka fiiriso go’aanka aad ka gaarayso ganacsigaada”

Not-Work-Hard

Dhaqaalaha waa shey ku tiirsan nolosheena maalin walbo. Waxaad rabtaa inaad jaamacad aado, waxaad isweydiinaysaa haddii aad jaamacad aado maxaa faa’ido kuugu jira? Xaguu marayaa suuqa shaqada ee aan doonaayo inaan ka barto jaamacada? Haddii ay timaado codeynta madaxweyne, waxaad isweydiinaysaa siyaasigee ayaan u codeyni karaa? Muxuu kugu soo kordhini doonaa siyaasigaan haddii aad doorato? Muwaadanka dhabta ah marwalbo wuxuu u codeeyo siyaasiga ka fikira danaha guud ee dalka ee ma ahan mid dantiisa dhaqaalle oo kali meesha ka fiirsado. Waxwalbo oo dunidda ka mid ah waxaa lagu saleeyaa dhaqaallo.

shutterstock_188066681-1280x960Haddii aad guursanayso waxaad ka fakiraysaa mahaysataa dhaqaalle kugu filan ama shaqo fiican? Ma tahay aabo awooddo inuu bixiyo biilka caruurtiisa? Xageed guri ugu sameynaysaa caruurtaada? Maxaad u qabani kartaa hooyo iyo aabo? Su’aalahaas iyo su’aallo kale ayaad isweydiisaa oo ku saabsan noloshaada/nolosheeda maalin walbo.

Dhaqaalaha waa go’aamada aadanaha ee maalin walbo. Waxaan sameynaa ficilo badan ee kusalaysan dhaqaalaha. Maalin walbo waxaad ku fakaraysaa inaad aado jaamacada ama waxbarasho, maxaa yeelay waxaa kuu muuqdo dhaqaalaha ka soo bixi karo mustaqbalka soo socda. Waxaad ku fakarayaa inaad tahriibto oo aad tagto wadan kale waxaan shaki ku jirin inaad wadankaas u aadayso inaad ka hesho dhaqaallo si aad naftaada ay u hesho farxad ku filan, balse waxaa naga maqan in adduunka uusan ahayn meel lagu farxo ama lagu raaxaysto. Kuligeena waxaan u joognaa waa imtixaan aduunkaan.

Ka hadalka dhaqaalaha waa mawduuc ay in badan ka hadleen aqqoonyahaano badan oo caalamka joogo. Sidda aan la wada socono wadamada caalamka ayaa ah kuwa ku kalla horumarsan xagga dhaqaalaha, qaarka kalena ay yihiin kuwa wali taag daran oo faqriga baahsaday. Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa keenay faqriga wadamada haysata?

Wadamo badan oo ka mid ah kuwa caalamka ayaa waxaa ka jira faqri aad u dhibaateeyay bulshada. Musuqmaasuqa waa waxa keeno in ay timaado dhaqaallo xumo. Dawladda waa inay marwalbo u taagnaadaa danaha ummada oo dhan. Haddii ay dawladda noqoto dawlad ka shaqeyso dano gaar ah waxaa dhexda ka baxa xaqqa masaakiinta.

Waxaa jiro tusaalooyin badan oo ka jira dalkeena Soomaaliya. Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho waxaa waqti dhaw dhul balaaran laga siiyay midawga Yurub si ay xarun ugu dhistaan. Waxaana la helay cadeymo qeexaayo in xaruntaas midawga Yurub aanan ka shaqayni Karin qof Soomaali ah mise qof asalkiisa kasoo jeedo Soomaali, waxaana warqadaas u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasaan Sh. Maxamuud sidda ay qoreen warbaahinta Soomaalida.

Hadaba yaa iska leh xarunta ay deganyihiin midawga Yurub? Dabcan Soomaali baa iska leh. Haddii dhul kale oo caalamka kale ku yaallo waxbay ahaani lahayd laakiin dhul ummadiisa la leeyahay ma soo geli karaan oo wax shaqo ah umma soo raadsani karaan waa waxyaabaha keeni karo damiir la’aanta na haysata. Waxaana sawab u ah heerka musuq-maasuqa gaarsiisanyahay. Dhaqaalaha ma kobci karo illaa la helo simnaan iyo cadaalad ay u wada simanyihiin ummada oo dhan. Haddii ay timaado cadaalad waxaa si fudud u suurta geli karo in la helo dhaqaalaha dalka oo horumaro. Marwalbana dawladaha caalamka ka jira waa inay ku dadaalaan cadaalada si loo helo dhaqaalaha oo ay bulshada u wada simanyihiin.

Dhaqaalaha wuxuu sii kalla leeyahay noocyo muhiim u ah dawladda inay gacanta ku qabato sidda Xarunta Dhexe ee Keydka Shidaalka oo Muqdisho laga hirgeliyey dhawaan. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka hirgeliyey magaalada Muqdisho shirkad ballaran oo ka ganacsanaysa shidaalka taas oo leh xarumo keyd, waxaana loogu magacdarey Xarunta Dhexe ee Keydka Shidaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay.

“Waddankan inagaa ayaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana inaga ayaa la inooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna waxay qeyb ahaan fulisey baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddanka si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii nagu habsatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ganacsiga ku dhisan dhaqaalaha noocyadaan oo kale waxaa loo baahnaa in dawladda ay gacanta ku hayso ee ma ahan in dad qaas ah gacanta loo geliyo. Nuxurka hadalkayga ayaa ah dawlada maanta waxay mucaawino ka heshaa wadamada shisheeya, waa in meel la wada fadhiistaa oo la isweydiiyaa siddii loogu bixi lahaa mucaawinadaas. Maxaa yeelay cidwalbo wey ogtahay in Soomaali aysan ka bixi Karin dhibaatadaan illaa ay ka baxdo deeqda gacanta shisheeye. Cidwalbo wey ogsoontahay maanta dalkaan in gacan shisheeye ay gacanta ku hayaan sawabtoo ah waa madaxdeena ayaa ah kuwa mishaarkooda la bixiyo, “af wax cunay xishoo”

Nuxurka cashirkaan oo aan diirada ku saarayo dhaqaalaha iyo suuqyada ayaa ah in ay muhiim tahay fahanka dhaqaalaha iyo suuqyada. Ganacsi lama sameyni karo illaa la ogaado heerka u gaarsiisanyahay dhaqaalaha dalkaada ama dalalka kale ee caalamka oo aad ganacsi ku samaynayo. Hadaba waxaa muhiim ah inaan si fiican diirada markalle u saarno waxa keeno dhaqaallo xumidda qabsani karto ganacsigaada iyo suuqyada markaas aad ka hawl gasho.

Waa wax aad u wanaagsan inaad ogtahay sharuucda dalalka u yaallo, si aad wax badan ugu fahmi karto qaababka aad ku geli karto suuqyada dunidda. Wakhtigaan la joogo dawladda Federalka Soomaaliya malahan sharuuc ganacsi ee la aqqoonsanyahay “Ganacsiga waddankeena waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaanqaadi karo ganacsiga kalle ee caalamka. “Waad aragtaan in ganacsatadeena ay hanti badan geliyeen dalalka shisheeye, iyagoo taas sabab uga dhigaya jiritaanka nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambeeyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maalgashi ka yimaada dibedda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida’’.  ayuu yiri Madaxweynaha.

Qodobka labaad ee u baahan inaan sharaxno ayaa ah waa maxay suukh?

Suukha waa goobta ay ku wada kulmaan kan wax iibsanaayo iyo midka wax iibinaayo. Suukha waxaa lagu qeexi karaa goob walbo oo dadka iskugu yimaadaan oo ay ku kalla iibsani karaan alaabaha sidda maacuunta guryaha, cuntada, xoolaha, guryaha iwm.

Suukha waxaa kale oo lagu qeexi karaa goobaha internet-ka ee loo yaqaano “ecommerce” ama “ebusiness” sidda xaashi.com, seylad.com iyo kuwa kale oo badan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed. Kuwa caalamiga ee laga isticmaallo wadamada kale waxaa ka mid ah sidda amazon.com, ebay.com, alibaba.com iyo kuwa kale oo ka jira daafaha dunidda.

Cashirkeenii horre waxaan ku qeexnay aas-aasida ganacsiga, waxaana soo sheegnay in ganacsiga u kalla baxo noocyo kalla duwan. Koorsadaan waxaa wali socoto qaabka aan ku aas-aasi karno ganacsi guulaysani karo anagoo diirada saarayno qaabkii aan ugu dhigi lahayn ganacsigaas mid la jaan qaadi karo caalamka. Si aad ulla jaan qaadi karto ganacsiga kale ee ka jira daafaha dunidda waxaad marwalbo u baahantahay fahanka qanuunada iyo dhammaan sharuucda loo maro inaad balaariso ganacsigaada. Balse cashirkeena 3aad wuxuu ku saabsanyahay qaabka ama sidda ugu fudud oo aan ku fahmi karno dhaqaalaha suuqyada dunidda ganacsiga.

Labada shey ee ugu muhiimsan ee cashirkeena waxaan jeclahay inaan ku sharaxay guud ahaan fahanka dhaqaalaha iyo suuqyada. Haddi aad fahansantahay labadaas shey sidda:

  1. Dhaqaalaha
  2. Suukh-yada

Waxaad halkaas cabir ka qaadani kartaa qiimeynta guud ee aad u baahantahay inaad ka sal gaarto markii aad sameynayso maalgelinta ama marwalbo oo aad sameynayso maalgelin cusub, iyo guud ahaan suukhgaynta.

Suukh-yada waxaa marwalbo soo farageliyo dawladaha. Dawladda Soomaaliya ma ahan dawlad soo farageliso suuqyada gudaha Soomaaliya. Dawlada waa inay la socotaa waxa ka dhacaayo suukh-yada dalka. Maxa yeelay haddii dawladda iska qaadato canshuur oo kali oo aysan ka warqabin badeecada suukha taallo waxa ay tahay, waxaa kor u kacaayo suntan dadka laga iibinaayo. Dabcan sidda aan la wada socono gudaha suukh-yada Soomaaliya waxaa lagu kalla iibsadaa daawo dhacday. Xittaa bulshada waa ay ka warqabtaa in wadanka lagu iibiyo daawo dhacday. Sawabtoo ah malahan dawlad ku hayso koontorool. Haddii ay jiraan dawrkii dawladnimo waxaa suurta geli lahaa in la qabto dadka dalka soo geliyo daawooyinka dhacday. Marwalbo uu maqanyahay dawrka dawladnimo waxaa dalka marwalbo iska soo farogelini karo gacmo shisheeye, weyna dhacday midaan.

Ganacsadaha ka hawl galo suuqyada dunidda wuxuu u baahanyahay inuu dhinacyo badan ka ka eegi karo sidda isbedelka lacagaha. Waa wax aad u wanaagsan inaad ka warqabto isbedelka suukhyada dunidda. Waa inaad ogaataa maxaa keenay in suukhyada isbedelaan.

Isbedelka suukh-yada waxa keeno noocyo badan oo ay ka mid tahay “tariff” oo ah xadidinta xaduudaha iyo canshuuraha. Haddii dawladdaada iyo dawladaha kale ee aad u iib gayso allaabahaaga aysan lahayn xariir diplomasiyadeed waxaa adkaani karayso inaad ku ganacsato wadamada kale sawabtoo ah, waxaa ka jira tariff.

Markalle aan si fiican u sharaxo, waa maxay “tariff” jawaabaha ugu wanaagsan ee tariff waxaa ka mid ah sidda wadamada Qaliijka ah ee loo yaqaano “Gul Nations” دول الخليج

Siddoo kale waxaa jira Midawga Yurub “European Union” iyo NAFTA “North American Free Trade Agreement”

Dhammaan dawladahaas waxay leeyihiin qaab ganacsi oo xor ah, in ganacsadaha ka dhashay wadamadaan uu u iibgeyni karo badeecadahiisa wadamada deriska la ah asigoo aan laga qaadi Karin wax canshuur ah. Maxaa yeelay waa heshiis ay ku heshiiyeen wadamadaan.

Qofkii allaabo “products” rabo inuu u iib geeyo sidda Bahrain oo ka mid ah wadamada Qaliijka waxaa laga qaadayaa canshuur hadduusan ganacsadaas yahay ganacsade ka yimid wadamo ka baxsan dawladahaan qaliijka ah. Haddii aad u dhalatay Qadar waxaad allaabtaada u iibgeyni kartaa Sacuudiga ama kuwa kale oo ka mid ah dawladahaa wali iyadoo aan lagu weydiinaynin wax canshuur ah balse waa inay kaa koontoroolaan waxaad wado. Sidda haddii ay yihiin wax dhacay oo kale. Dawladda ayaa marwalbo masuul ka ah waxwalbo oo bulshada saameyn ku haayo. Haddii doorka dawladda meesha kasoo baxaayo daneyste oo bulshada ayaa dhibaato aad u balaaran la kulmo, qaasatan kuwooda ugu ducufsan.

La soco cashirkii 4aad……………

Facebook Comments Box

Continue Reading

Barashada Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Cashirkii 2aad: Maamulka Ganacsiga Caalamiga,  Aas-aaska Ganacsiga |Tukesomalism.com

Published

on

F.G: Fadlan soo aqri cashirkii 1aad………….


Marka horre waa wax aad u wanaagsan inaan fahano faah-faahinta aas-aasiga ganacsiga. Ganacsiga wuxuu leeyahay noocyo kalla duwan waxaana cashirkeena labaad ku sharaxi doonaa noocyada kalla duwan ee ganacsiga iyo sawabaha loo aas aaso. Balse marka horre waxaa wanaagsan inaan qeexno waxa loo yaqaano ganacsi. Waa maxay ganacsi?

Aad ayay u wanaagsan tahay marka horre inaan si fiican u qeexi karto waxa loo yaqaano ganacsi. Waxaad marar badan dhagahaaga ku soo dhaceen ganacsi. Soomaalida waxay u badanyihiin dad Illaahay ganacsiga u siiyay haybad. Soomaalida ayaa waxaa lagu tiriyaa inay yihiin dad aad ugu fir-fircoon xagga ganacsiga. Hadaba koorsadaan la magic baxsay Maamulka ganacsiga caalamiga waxaan ku qeexi doonaa noocyada ganacsiga iyo guud ahaan isbar-bardhigida markuu ganacsigaada yahay mid caalami iyo mid maxali ah. Dhammaan arrimahaas waxaan ku qeexi doonaa koorsooyinka kale ee nagu soo wajahan. Aan usoo noqdo marka mawduuca cashirkeena ku saabsanaa aas-aaska ganacsiga.

Ganacsigu waa nidaam dhaqaalle oo meesha allaabta iyo adeegyadda wax lagu badelo mid kale ama lacag.  Ganacsi kasta wuxuu u baahanyahay nooc ka mid ah maalgelinta iyo macaamiil ku filan in loo iibin karo si joogta ah si uu ugu caddeeyo faa’iidada.  Ganacsiga wuxuu u kalla baxaa noocyo badan oo kala duwan sidda midka qaas ah (private) ama mid ay leedahay dawladda sidda kuwa aanay ka raadinin bulshada faa’iido (non-profit business). Ganacsiga noocaan oo kalle waxaa jiro qaar aysan dawladda ka raadinin lacago badan sidda korantada iyo biyaha oo kale. Waxaana ugu badan hay,adaha caafimaad oo ah gargaar u qaas ah bulshada. Waxaa jiro hay,ado kale oo u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha dalka. Wadamada qaar  dunidda waxaad ku arkaysaa bangiyada dhexe in ay leeyihiin mashruucyada dhiiri gelinta ganacsiga yar-yar (micro-finance) oo hadafkiisa yahay in bulshada laga dhiso kaabayaasha dhaqaale.

Ganacsiga, siddoo kalle waxaa loo yaqannaa shirkado ama shirkad, waa urur ku hawlan bixinta badeecadda, adeegyadda, ama labadaba, si ay macaamiisha u helaan adeeg. Ganacsiga waa dhaqaale rasamaal ahaan loo leeyahay oo hadafkiisuna yahay in faa’iido lagu raadiyo rasamaalkaas. 

Ganacsiga qaaska ah iyo kuwa kalle ee dowladda waxaa ka mid ah:

Kuwa dhaqaalaha iyo maaliyada waxaa kamid ah:

Shidaalka iyo saliidda:

  • Midowga Sahaminta shidaalka Soomaaliyeed, saliidda iyo gaaska

Shirkadaha safarada:

Kuwa isgaarsiinta waxaa ka mid ah: 

Marka laga hadlaayo xagga suuqa, ganacsi walbo wuxuu leeyahay qaab loo sharaxaayo ama ay u qeexaan milkiilayaasha ganacsigaas. Ganacsi walbo waxaa wanaagsan inuu leeyahay qaab loo sharaxi karo markii ay timaado xagga suuqa. Haddii ganacsiga laga bixini karo sharaxaad waxay kuu suurta gelin kartaa inaad fahanto waxaad uga baahantahay inaad sameyso sida suuq geynta markaad sameynayso.

Qaababka Aas-aasiga Ah Ee Lahaanshaha Ganacsi

double exposure of city and business man using digital tabletGanacsi hal qof uu leeyahay  (Sole proprietorship): Ganacsiga noocaan oo kale ah waxaa iska leh hal qof oo kali ah. Qofka noocaan oo kale ayaa wax walbo oo ganacsigaas rasaamaal u ah iska leh. Sida makiinadaha, kombuyuutaradda IWM. Milkiilaha ganacsiga noocaan oo kale ayaa lagu lahadaa deymo badan, laakiin markaad dhinacyo badan ka fiiriso marna waa Qatar weyn marna waxaa laga helaa faa’iido badan.

loanIskaashi (partnership) waa ganacsi ay leeyihiin laba qof ama ka badan. Iskaashiga micnihiisa waa in waxwalbo la wadaago sida deymaha, rasamaalka ay leedahay shirkadda, macaamiilka, dejinta go’aamada, iyo guud ahaan in la wadaago faa’iido iyo qasaaro.  Waxaa jiro saddex nooc oo iskaashi. Saddexda nooc ee ugu badan iskaashiga waxay kalla yihiin iskaashi faa’iido-doon, iskaashi guud iyo iskaashiga xadidan.

img30 (1)Ganacsi ka kooban dad badan (Corporation) ganacsiga noocaan oo kalle waxaa lagu leeyahay daymo aan sidaas usii badneen. Waxwalbo oo ku jira ganacsigaas waxaa iskaleh dadka wax ku leh oo kali ah. Qof walbo oo ganacsigaas wax ku leh waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba. Waxaa laga yabaa inuu ka koobanyahay 500 ama in ka badan milkiilayaal, milkiile walbo waxaa loogu dhuftaa boqolkiiba inta uu ku leeyahay. Waxaana jira nidaam ka wada dhaxeeyo dhammaan milkiilayaashaas noocaan oo kale.

“Dhammaan ganacsiga nooc walbo uu yahay wuxu u baahanyahay dulqaad, qaasatan waqtiyada ugu horeyso oo uu ku cusubyahay suuqa. Ganacsiga wuxuu kale uu u baahanyahay hawlgal wanaagsan. Hawlgalka ayaa loo baahanyahay inuu noqdo mid wax ku ool ah. Hawlgalkaan waxaa loo yaqanaa maamulka. Laamaha ugu waaweyn ee maamulka waa maareynta maaliyadda, maamulka suuq-geynta, maareynta shaqaalaha, maamulka istiraatiiji ah, maamulka wax soo saarka, maaraynta hawlaha, maamulka adeegga iyo macluumaadka, maamulka teknoolijiyada.

Marwalbo oo ganacsiga ku dhisanyahay xikmad iyo waayo aragnimo dheeri ah waxaa laga dareemaa saan-saanta kobaca dhaqaalaha ee ganacsigaas. Marwalbo la imaaw fikir aad kaga duwantahay ganacsadayaasha kale ee aad tartanka kulla jirto suuqa. Marwalbo waxaa wanaagsan in faraskaada fardaha wax kaga duwanyahay. Iskuday oo isku taxluuji inaad ku guulaysato siyaasadda aad ka damacsantahay inaad guullo kaga gaarto ganacsigaada.

“Ma ogtahay in libaax badeedka hal il uu ku hurdo?” marwalbo oo aad feejignaan joogto ah la timaado waxaa macquul ah inaad hanato ama aad dhammaystirto baahida ugu weyn ee suuqa taalo.

Ganacsiyada inta badan waxay leeyihiin “hantida aqooneed” oo u baahan in laga illaaliyo tartamayaasha shirkadda inuu sii joogo uu faa’iido. Tani waxay u baahan tahay shatiyada, xuquuqda, allaabooyinka ama illaalinta qarsoon ee ganacsiga. Ganacsiyada intooda badan waxay leeyihiin magacyo, shicaaro, farsamooyinka kalle, Shatiyada iyo xuquuqda daabacaada. Dastuurka Soomaaliya waxaan ka rajeynaynaa inay soo saari doonaan sharciyo iyo qaanuuno ka hadlaayo arrimaha ku salaysan sharciyada ganacsiga ee federalka, halka sirta ganacsiga iyo trademarking inta badan laga doonaayo inay noqoto arin gobol.

Nidaamka ganacsiga dalka oo dhan in la dhiso oo la hergeliyo ku dhaqankiisa waxay suurta gelini kartaa ama ay u tahay horumarka dhaqaalaha bulshada qeybaheeda kalla duwan. Nidaamyada noocaan oo kale waxaa laga dhexlaa horumar iyo isbedel ku salaysan dhaqaalaha dalka oo idil.

La soco cashirkii 3aad……………..

Facebook Comments Box

Continue Reading

Barashada Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Barashada Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Published

on


Ganacsiga wuxuu u baahanyahay xirfado kalle duwan hadba nooca ganacsigaada uu yahay. Ganacsiga marwalbo wuu sii kalla adagyahay waxayna ku xerantahay hawsha iyo sidda aad adiga go’aankaada u wanaagsanyahay. Ganacsiga marwalbo wuxuu u baahanyahay go’aan wanaagsan.

Ganacsadaha waa qofka abuura fikirka ganacsiga shirkada. Marka loo fiiriyo siyaabaha kalla duwan ee ganacsiga ayaa waxay u kalla duwanyihiin qaab uu ku shaqeeyo gudaha dalka oo kali, qaabka kalena waa qaab u dhaxeeyo wadamada sidda shirkadaha waa weyn oo kalle, tusaale ahaan Coca-cola, Basken-robben, London Dairy, Pepsi, International Bank Of Somalia, Premier Bank, Yoga, Tetra Pak, Ikea, Dahabshiil, Qaran Express, Kaah, Fastpay, McDonald, KFC, Amazon iyo kuwa kalle oo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Waxaa jiro kuwa ka shaqeeyo gudaha hal wadan oo kali, sidda shirkada Hormuud Telecom, SOSTEC, shirkada korontada ee gobolka Banaadir, BECO, Bahnano Hospital, Somtel, iyo kuwa kalle oo aad haysataan tusaalooyinkiisa. Waxaa marwalbo kalla duwan shaqada nooc shirkada aan soo wada sheegey. Kuwa ka shaqeeyo gudaha dalka oo kali waa ay ka dhib yaryihiin kuwa ka shaqeeyo gudaha dalka iyo dalka binaankiisa intaba (multinational companies).

Shirkada markii ay ka shaqeyso dalka binaankiisa waxay soo wajahaysaa siyaabooyin kalla duwan sidda canshuurta, dhaqanka oo ay ku kalla duwanyihiin wadamada iyo bulshada, xaduudaha, wadamada siyaasadooda kalle duwan iwm. Maamulaha guud ee shirkadaha noocaan oo kalle, wuxuu u baahanyahay inuu yahay qof u fikiro qaab caalami ah. Inuu fahansanyahay dhaqamada caalamka, siyaasada, isbedelka lacaga iyo guud ahaan canshuuraha wadamada.

Qoraalkaan oo koorso ah ayaad si toos ah ugu qaadani kartaa Afrikaan. Wax lacag ah lagaama rabo waad is qoreysaa oo kali kadibna halkaas ayaad kalla soconaysaa casharidaada oo toos ah.

Maxaa sharuud ah?

Inaad is qorto, si toosna ulla socoto casharadaada. Waxaad iska qori kartaa gudaha website-http://www.tukesomalism.com/ -qeybta hoose ee qoraalkaan…….


Aqoonkalle inaan leeyahay maloo baahanyahay?

Maya looma baahno ee waxaa sharuud ah inaad Afsoomaaliga aqrini karto oo aadna qori karto. Waxaa kalle lagaaga baahanyahay inaad soo diyaarini karto qoraalada laguu diro adigoo ka tixraacaayo aqoontii aad ka heshay Afrikaan.

Halkaan waxaad ka heli kartaa koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga waliba waxaad ku qaadan kartaa shahaado adigoo meelwalbo caalamka ka jooga. Riix sawirka hoose:

 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Akhri1 day ago

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Siyaasadda Soomaaliya1 day ago

Xaalada amni darro awgeed, waxaa Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey Mooshun degdeg ah

Siyaasadda Soomaaliya1 day ago

RW Xamza Cabdi oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano asiga ku dhow

Siyaasadda Soomaaliya2 days ago

ATMIS (AMISOM) oo war ka soo saartay dhacdadii ay wiilka dhalinyarada ah ay gaariga ku marsiiyeen Ceelasha Biyaha

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Waa maxay Daanta Galbeed? – Taariikh iyo xog muhiimad gaar leh

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Ciidamada Israa’iil ayaa saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto: wasaaradda caafimaadka

Siyaasadda Soomaaliya5 days ago

4 qof oo isku qoys ah oo aano loo dilay gudaha magaalada Warsheekh

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xassan oo shir uga qeyb galay Muqdisho, xilli aagga Madaxtooyada Al-Shabaab laga saari la’yahay

Afrika6 days ago

Dowladda Masar oo ku guuldareysatay inay dadka qaxootiga ah ka ilaaliso kufsiga iyo faraxumeynta loogu gaysto gudaha dalkeeda

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

Qeybtii 2aad: Furaha xalka Soomaaliya, – Sidee qayaanada loogu maleegay Soomaaliya?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 week ago

Xariirka Turkiga iyo Bakistaan

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Turkiga: Erdogan waxa uu go’aansaday in uu noqdo kan ugu sarreeya difaaca

Afrika1 week ago

Afrika iyo musaqmaasuqa

Afrika1 week ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Klaus Chilima oo xabsiga loo taxaabay musuq-maasuq dartiis

Diblomaasiyadda & Dunidda1 week ago

Xariirka Turkiga iyo Qadar

Ganacsiga1 week ago

Dowladda Qadar oo $10 bilyan siineysa Turkey, ujeeddada waa maxay?

koonfurta Bari Aasiya1 week ago

Anwar Ibrahim ayaa loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Malaysia

Caafimaadka iyo Sayniska1 week ago

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Caafimaadka iyo Sayniska1 week ago

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Yurub2 weeks ago

Midowga Yurub ayaa dejinaya qorshaha muhaajiriinta Mediterranean-ka kahor kulanka degdega ah

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Nooca dililka ay fuliyaan Hay’addaha sirdoonka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Turkiga ayaa weeraro cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada argagixisada PKK ee Ciraaq iyo Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Danjire Moxammed El-Amine Souef: Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa maxay cilmiga Sirdoonka ama Jaajuuusnimada?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Qeybtii 1aad: Furaha xalkaa Soomaaliya

Qoyska & Horumarinta Bulshada2 weeks ago

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Qaybtii 1aad: Yaa qorsheynaayo weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdishu?

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Madaxweynayaasha Joe Biden iyo Xi ayaa ku kulmay shirka G20 ee Bali, maxay kawada hadleen?

WARBAAHINTA3 weeks ago

Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu joojinayo magangelyo-doonka ka tallaabaya kanaalka u dhexeeya

WARBAAHINTA3 weeks ago

Ururada Muslimiinta ee Maraykanka ayaa u arka mustaqbal wanaagsan musharixiinta bulshada

Afrika3 weeks ago

Dhuumaha Gaaska Nayjeeriya iyo Morookko ayaa u adeegi doona 13 wadan oo Afrikaan ah

WARBAAHINTA3 weeks ago

FIFA ayaa diiday shaarka Denmark ee koobka oo meel ka dhac ku ah heerka xuquuqul insaanka ee Qadar

WARBAAHINTA3 weeks ago

Itoobiya ayaa sheegtay in 70% ay maamusho gobolka Tigray ka dib heshiiskii nabadeed

Afrika4 weeks ago

Madaxweynaha Kaameroon Paul Biya oo 40 sano oo xukunka dalkiisa u dabaal degaayo

Siyaasadda Soomaaliya4 weeks ago

Xukunka Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud wuxuu keeni doonaa dhiig iyo gumaad – Faadumo Qaasim Dayyib

WARBAAHINTA4 weeks ago

Milkiile Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala bar shaqaalaha Twitterka

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya: Shacabka Tigray-ga ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee dowladda Itoobiya iyo TPLF

WARBAAHINTA1 month ago

Ra’iisel wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la toogtay: waa maxay sababtu?

Xul