koorsooyinka
Cashirkii 4aad: Maamulka Ganacsiga Caalamiga, Maamulka Istaraatijiyadda Ganacsiga |Tukesomalism.com

Maamulka istaraatijiyada ganacsiga waa nidaam ama qaab loogu tala galay in loo sharaxo hadafka ururka wali si tafaatiran. Si loo gaaro hadafyada shirkada waxaa loo baahanyahay in si fiican loo qeexi karo qaababka lagu gaari karo hadafkaas. Si loo gaaro hadafyada shirkada, shirkada waxay u baahantahay inay sameysato istaraatijiyad si fiican loo fahmi karo.
“Guul walbo waxay leedahay qaabab lagu gaari karo, haddii la waayo qaababka lagu gaari karo guulaha waxaa markii horeba qaldanaa hadafyada la hiigsanayay”
*Cabduljabaar Sheekh
Maamulka istaraatijiyada ganacsiga waxay shirkadaha u horseedaa guulo, waa haddii marka horreba loo sharaxo si wanaagsan oo tafaatiran. Haddii ay jirto mugdi ku saabsan istaraatijiyada ganacsiga shirkada, waxaa adkaani karayso in la gaaro hadafyada shirkada ay leedahay.
Haddii aan shirkadeyda u sameeyo istaraajiyadda ganacsiga, suurta gal ma tahay inaan guulo ka gaaro hadafyada ururkeyga?
Haa, sawabtoo ah istaraatijiyada waa jaran-jarada ku gaarsiini karto guulaha aad rajada ka qabto inaad gaarto wakhtiyada dhaw iyo midka dheerba. Istaraatijiyada waxay qeexaysaa hadafyada loo abaabulay shirkada iyo guud ahaan hadafyada aad u baahantahay inaad guulo ka gaarto. Si arintaas horumar ugu gaarto waxaad u baahantahay inaad sameysato istaraatijiyad si wanaagsan loo tafaatiray oo cadeynayso inaad hadafkaas leedahay.
Marka ay timaado in la sameeyo go’aamada istaraatijiyada waxaa wanaagsan in 4 qeybood wax laga fiiriyo. Afartaas qeybood waxay kalla yihiin:
- Iskaanka deegaanka (environmental scanning)
- Dejinta istiraatiijiyadda (strategy formulation)
- Fulinta istaraatijiyada (strategy implementation)
- Qiimaynta iyo gacan ku haynta (evaluation and control)
Koow: Iskaanka deegaanka (environmental scanning): Iskaanka deegaanka waa la socodka, qiimeynta, iyo faahfaahinta ka imaanayso gudaha iyo waxyaabaha ka baxsan gudaha ururka shirkada. Markii ay timaado arintaan maamulaha sarre ee shirkada waa inuu sameeyaa la tashi dheeraad ah. Si cilmiyaysan waa inuu la tashadaa shaqaalaha ugu muhiimsan ee shirkada. Shaqaalayaasha ugu muhiimsan shirkadaada waa maamulka suuqgaynta, maamulka qeyraadka aadanaha, maamulaha IT-ga, iyo guud ahaan cidwalbo oo ugu muhiimsan shirkadaada.
Haddii aad diirada saarto labada qeybood ee aan soo sheegay “faahfaahinta ka imaanayso gudaha iyo waxyaabaha ka baxsan gudaha ururka shirkada” waxaad qorsheyni kartaa mustaqbalka wanaagsan ee shirkadaada.
Si aad ugu guulaysato arintaan iskaanka deegaanka waxaad u baahantahay inaad si fiican u aqrisato falanqeynta TDFH oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo SWOT analysis.
TDFH waxay u taagantahay T=Waxyaabaha Taabbagalay, D=daciifnimo, F=Fursadaha iyo H=Hanjabaada. Xisaabta waxaa loo isticmaalaa in wax lagu xisaabiyo, waxay leedahay qaacidooyin loo maro markii la isticmaalayo xisaabta noocyadeeda kalle duwan. TDFH waa nimaan ay isticmaalaan ururada haddii ay tahay shirkadaha ganacsiga iyo haayadaha noocyadooda kalle duwan. Xarfaha aan soo gaabiyay TDFH waxay u taaganyihiin sidda xarfaha ingariiska oo kalle (SWOT).
TDFH– waa qaacido loo maro sidda lagu ogaani karo mustaqbalka shirkadaas. Waa nidaam ay isticmaalaan kooxda maamulka shirkada, iyagoo ku qeexaayo gudaha iyo dibadda shirkada oo saameyn ku yeelani doona qaabka ama hamdhiska mustaqbalka shirkada.
Falanqaynta TDFH waxaa loo sameeyay oo qayb ka ah geedi socodka qorshaynta guud ee shirkadaha taas oo hadaf maaliyadeed iyo mid hawlgalba lagu wado sannadka soo socda iyo xeelado loo abuuray si ay u dhamaystiraan hadafyada shirkada. TDFH waxay leedahay 4 qeyb labada qeyb ee ugu horeyso T=Waxyaabaha Taabbagalay (Strength), D=daciifnimo (weakness) waxaa loo isticmaalaa waxyaabihii ka qabsoomay gudaha shirkada.
T=Waxyaabaha Taabbagalay (Strength): Waxay tilmaamtaa taabayaasha sifooyinka wanaagsan, markaad wax badan rabto inaad ka ogaato waxaa loo baahanyahay inaad isweydiiyo su’aalooyin dhowr ah sidda:
- Maxay ku fiicantahay shirkada?
- Maxay tahay illaha (resources) aan ku haysano gudaha shirkada
Su’aalooyinkaan jawaabahooda waxay noqoni karaan sidda: Sifooyinka wanaagsan ee dadka, sidda aqoonta, aqoonsiga, shabakada (network), sumcad, ama xirfadaha. Hantida dhabta ah ee shirkadda, sidda caasimada iyo meelaha ay ka howl gasho, credit, macaamiisha hadda jira iyo qaybinta allaabaha shirkada, shatiyada, ama technologyada horumarsan IWM.
- Waxaa kalle muhiim ah inaad isweydiiyo: Waa maxay faa’iidooyinka aad haysato haddii ay noqoto inaad la tartami karto shirkadaha kalle ama aad yeelani karto awoodda suuqa?
- Ma leedahay awoodda cilmi-baarista iyo horumarinta fikirka guud ee shirkadaada? Sidda Xarumaha Warshadaha?
Kobaca ganacsigaada marwalbo wuxuu u baahanyahay inaad raadiso fursadaha cusub iyo macaamiilka cusub ee imaan karo suuqa. Markaad raadinayso fursadaha kobaca ganacsigaada waxaad u baahantahay inaad horumariso nidaamka ganacsigaada sidda habka aad macaamiilka u gaarsiiyo allaabtaada, horumarinta qeybaha cusub ee allaabta iyo adeegyada iyo ballaarinta juqraafi ahaan. Kooxda maamulka shirkada waxaa loo baahanyahay inay si fiican u falanqeeyaan TDFH-ka. Tusaale ahaan Tukesomalism markii la aas-aasayay waxaa la isweydiiyay maxay bulshada usoo gudbini kartaa oo ay kaga wanaagsantahay ururada kale ee wax qora. Dhammaan dadka qorista waa laga wada simanyahay, balse maxaan kaga duwanahay ururada markii loo fiiriyo baahidda bulshada ka jirta. Dabcan website-yada wax qora waxaan kaga duwanahay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin qorista maqaalada ganacsiga sidda xisaabaadka, suuqgaynta, maamulka, dhaqaalaha iyo siyaasada. Waxaan kale oo aan wax badan ka qornaa caafimaadka iyo arrimaha xiisaha leh ee bulshada.
Waxyaabaha cajiibka leh Tukesomalism ay qorto waxaa ka mid ah koorsooyinka lagu heli karo lacag la’aanta si Tukesomalism.com ay u dhisto garaadka bulshadeeda.
D=daciifnimo (weakness): Waa qeybta labaad TDFH-ka waxay timaamtaa daciifnimada ka jirto gudaha shirkada. Qeybtaan waxaa loo baahanyahay in si gaar ah loo horumariyo, sawabtoo ah waa halka shirkada ay ka liidato. Waxaana muhiimsan in qorsho cad loo sameeyo si ay shirkada ulla sii tartami karto shirkadaha kalle oo la midka ah. Si loo xaliyo daciifnimadaas ka jirta shirkada waxaa loo baahanyahay in la isweydiiyo su’aalahaa:
- Waa maxay meelaha u baahan horumar, si shirkada u gaarto ujeedooyinka tartanka adag?
- Ganacsigaaga ma leeyahay khayraadka kooban?
- Muxuu la’yahay ganacsiga shirkada, tusaalle ahaan markii loo fiiriyo shaqaalaha shirkada, sidda khibrad ama inay helaan xirfado ama technology?
- Ganacsigaaga ma leeyahay khayraadka kooban?
- Ganacsigaada meel xun miyuu ku yaalaa?
F=Fursadaha (Opportunites): Qeybtaan waa qeyb ka baxsan gudaha shirkada. Labadii qayb ee aan soo sheeknay T=Waxyaabaha Taabbagalay iyo D=daciifnimo waxay quseeyaan gudaha shirkada. Labada qeyb ee ugu dambeysa F=Fursadaha iyo H=Hanjabaada waxay diirasada saarayaan waxa ka jiro binaanka shirkada.
Sidda ay u kalla aragti dheer yihiin shirkadaha ayay u kalla ogyihiin fursadaha ka jira suuqa iyo meelaha kalle ee u baahan in laga howlgalo. Si loo helo aragtiyo wanaagsan waxaa wanaagsan in la isweydiiyo su’aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
- Waa maxay fursadaha ka jirra suuqa ama deegaanka oo aad faa’iidaysan kartaan?
- Waa sidee aragtida ganacsigaaga?
- Sidee waqtigaada u illaalini kartaa si aad ugu faa’ideysato fursadaha?
H=Hanjabaada (threats): Waa qeybta ugu dambeysa waxayna ka mid tahay qeybta labaad ee ka baxsan gudaha shirkada. Hanjabadaan ayaa noqoni karto noocyo badan aad waxbo ka qabani Karin mar-marka qaar, balse waxaa loo baahanyahay ayaa ah in xittaa la soo dhaweeyo in lalla yimaado wax ka qabadka arrintaan. Waxaana marwalbo muhiim ah in la isweydiiyo su’aalooyin ay ku dheehantahay maskixiyan:
- Yaa ku jira tartanka hadda jira ama ka iman kara?
- Waa maxay waxyaabaha ka baxsan gacantaada oo ganacsiga khatar ugu jira?
- Ma jiraan duruufo adag ay abuureen arrimuha ay wadaan ama horumarinta keeni kara in ay ka sii daraysaa dakhliga ama faa’iidada?
- Maxay tahay hanjabaada ka imaani karto dadaallada suuqa?
- Ma laga yaabaa in hanjabaad timaado oo ku saabsan sicirka suuqa?
- Muxuu noqoni karaa isbedelka dhaqanka macaamiisha, dhaqaalaha, ama xeerka dawlada in hoos u dhigis lagu sameeyo iibka suuqa?
- Wax soo saarka cusub ama technologyada la soo bandhigay ka dhigayaa mid, qalabka, ama adeegyada huriye?
Marka aad ogaato iyo mudnaanta natiijada TDFH (SWOT), waxaad u isticmaali kartaa in aad dhisatid xeelado muddada gaaban iyo muddada-dheer ee ganacsigaaga. qiimaha dhabta ah ee layligan waa in la isticmaalayo natiijada si loo kordhiyo saamayn wanaagsan ku yeelanayaan, ganacsiga iyo in la yareeyo qatarta soo wajihi karto shirkada.
Qaacidooyinkaas 4ta ah, T=Waxyaabaha Taabbagalay, D=daciifnimo, F=Fursadaha iyo H=Hanjabaada, waa aragtida guud ee aad ku ogaani karto heerka ay marayso shaqada shirkada iyo waxa laga filani karo inay isku bedesho shirkadaas. Sidda aan wada ogsoonahay shirkadaha waxay u kalla xoog badan yihiin sidda ay ugu kalla wax soo saar badan yihiin.
Habkaan haddii aad isticmaasho waxaad la imaani kartaa xeelado iyo tayo cusub oo aad wax kaga bedeli karto daciifnimada markii horre ku qabsatay.
Labo: Dejinta istiraatiijiyadda (strategy formulation). Waa habka loo dejiyo qorsheynta cusub ee ay wajahayso shirkada, wakhtiyada dhaw iyo wakhtiyada dheerba waxaa wanaagsan in shirkada dhinacyo badan wax ka fiiriso. Qeybtaan waa qeyb aad muhiim u ah shirkada, haddii aanan si fiican loo dejinin go’aanka ku aadan dejinta istaraatijiyada shirkada waxaa mugdi iyo madmadoow soo geli karo guulaha la sugaayay in la gaaro wakhtiyada dhaw iyo midka dheerba. Waxayna ka koobantahay sidda Istaraatijiyada shirkada (corporate strategy), istaraajiyadda ganacsiga (business unit strategy), iyo Istaraatijiyada howlgalka (Operational strategies).
Shirkadaha iyo warshadaha waxay u baahanyihiin inay wax badan ka ogadaan qaababka ay ku horumarini karaan waxyaabaha ay soo saaraan. Seddaxdaan qodob waa seddax qodob oo aad u wanaagsan in shirkadaada ay la timaado u jeedooyin si fiican u qeexi karo qodobadaan. Si aad guulo fiican u gaarto waxaad u baahantahay seddaxdaan qodob si fiican u fahanto qaasatan qodobka ugu horeeyo ee ka hadlaayo bayaanka hadafka shirkadaada. Seddaxdaanba waxaa wanaagsan si diiran inaad u qeexi karto haddii ay jiraan dhibaatooyin ka imaani karo seddaxdaan qodob waxaad u baahantahay inaad wax ka bedesho si aad guulo fiican u gaari karto ama aad ugu guulaysani karto shirkadaha kale ee aad loolanka kuwada jirtaan.
Seddax, Fulinta istaraatijiyada (strategy implementation). Waa istaraatijiyada loo baahanyahay in ay fuliso shirkada. Waxayna tilmaamaysaa qaabka lagu gaari karo hadafyada shirkada ay leedahay. Si loo fuliyo hadafyada shirkada waxaa muhiim ah in miisaaniyadda shirkada, barnaamijyada iyo nidaamka shirka la iswaafujiyo.
Afar, Qiimaynta iyo gacan ku haynta (evaluation and control). Qeybtaan waa qeybta ugu dambeysay. Maamulaha sarre ee shirkada ama ururada dowliga iyo haayadaha marka horre waxay u baahanyihiin inay soo helaan xog dhammaystiran si ay ku gaari karaan go’aamo wanaagsan. Gaarista go’aan wanaagsan waxay ku xerantahay sidda aad u raadiso xogta rasmiga ah ee loo baahanyahay ama shirkada gaarsiini karto hadafyadeeda. Marwalbo oo la raadiyo xogta muhiimka u ah shirkada waxaa suurta geli karo in la gaaro go’aan aad loogu qanacsanyahay.
Qiimaynta iyo gacan ku haynta waa la socodka iyo qiimaynta guud ee shirkada. Maamulayaasha sarre waa shaqo u taalo inay si gaar ah ulla socdaan gacan ku haynta shirkada. Waxaa wanaagsan hadafyadii la gaaray in la qeybiyo oo loo qeybiyo shaqaalaha ururka kuwa sidda gaarka ah loogu kalsoonyahay inay kasoo bixi karaan hadafyadaas.
Shaqaalaha waa kuwa marwalbo u taagan inay ururka ka caawiyaan hadafyadiisa. Dhammaan hadafyada ay leedahay shirkada hal qof oo kali ma gaaro karo, waxaa wanaagsan in shaqada la qeybiyo si qofwalbo la fiiriyo shaqadiisa/shaqadeeda ay ka wadaan shirkada. Qeybinta hadafyada iyo gacan ku haynta shaqaalaha shirkada waa arin u baahan xirfad gaar ah. Sawabtoo ah waa wax aad u adag in la maamulo bini’aadamka, maxaa yeelay bini’aadamka ma jecla in la maamulo. Balse hogaamiyaha wanaagsan wuxuu leeyahay astaamo uu kaga duwanyahay dadka kale. Si aad u noqoto hogaamiye wanaagsan marwalbo ixtiraam iyo wanaag u muuji dadka kulla shaqeeyo, noqo qof dadka dhagaysto.
“Si aad gacan adag ugu qabato horumarka iyo hadafyada ay hiigsanayso shirkadaada waxaad u baahantahay inaad abuurto & sameyso dhaqan iyo qiyam wanaagsan”
*Cabduljabaar Sheekh Axmed
Barashada Luuqadaha
Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ayaa hadda caan ka ah Soomaaliya
Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Xiisaha loo qabo barashada luuqadda Turkiga ee caalamka oo dhan ayaa sidoo kale ka muuqda Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay tahay dalka Afrika oo aad uga dhow yahay Turkiga.
Wakaaladda Anadolu (AA) ayaa arrintan ka wareysatay Mustaf Maxamed Cabdikariin oo ah maamulaha machadka luuqadaha SomTurk ee caasimadda Muqdisho, kaasi oo bixinaya koorsooyin gaar ah oo luuqadda Turkiga ah oo markii hore loo sameeyay in lagu caawiyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.
Machadkan oo laga hirgaliyay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho arday wax ku soo baratay dalka Turkiga ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 5-dufcadood oo arday ah oo baranaya luuqada Turkiga. “Ardaydeenu waxay u badan yihiin kuwa doonaya inay u safraan dalka Turkiga si ay wax uga bartaan jaamacadaha Turkiga, waxaan ka caawinnaa inay bartaan luuqadda ka hor inta aysan tagin, illaa hadda ardaydeenna si fiican ayay u bartaan,” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ilaa 135 qof oo ay ku jiraan 65 gabdhood ay bishii la soo dhaafay isku diiwaan galiyeen in ay bartaan luuqada turkiga machadkiisa, isaga oo intaa ku daray in dhamaantood ay yihiin arday u hanqal taagaya in ay galaan jaamacadaha dalka Turkiga. “Qaar ka mid ah waa dad ganacsato ah, oo doonaya inay la xiriiraan dhiggooda Turkiga, qaarna waxay rabaan inay wax bartaan, maadaama luuqadda ay noqotay mid muhiim ah oo Soomaaliya caan ka ah,” ayuu yiri.
Tan iyo 2018, markii albaabada loo furay dugsiga, 300 oo qof ayaa dhammaystay koorasyada luuqadda Turkiga. “Qaar ka mid ah ardaydeenii qalinjabisay ayaa hadda halkan Muqdisho uga shaqeeya turjubaano maadaama ay Muqdisho ka howlgalaan shirkado badan oo Turki ah” ayuu yiri C/kariin. Waxa uu sheegay in ardayda gabdhaha ah ay si degdeg ah wax u bartaan, maadaama ay aad u dadaal badan yihiin, isla markaana ay u badan yihiin kuwa doonaya in ay koorsooyin ku saabsan caafimaadka ka qaataan dalka Turkiga.
Zahra Macalin Cabdirahman, oo 20 jir ah oo dhigata daawooyinka, ayaa wakaaladda AA u sheegtay inay doonayso inay la tartanto saaxiibkeed, oo si fiican u yaqaan luuqadda Turkiga.
C/kariin ayaa sheegay in inkastoo codsiyo badan oo uga yimid dadka doonaya inay bartaan luuqadda Turkiga, haddana uusan awoodin inuu shaqaaleysiiyo xafiis qalabaysan oo ballaaran oo dhaqaale la’aan ah. “Sida aad hadda aragtaan, waxaan haysanaa hal kombuyuutar iyo printer, waana ku faraxsanahay inaan haysanno, kama fikirin inaan cidna wax caawimaad ah weydiisano, laakiin waxaan aaminsanahay in dadka qaar ay aqoonsan doonaan shaqada wanaagsan ee aan halkan ka wadno. “Ma hayno baahiyo badan hadda laakiin waxaan jeclaan lahayn inaan ka codsano hay’adaha Turkiga inay na caawiyaan,” ayuu yiri.
Cumar Cabdi Jimcaale oo ah bare culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in barashada luuqadaha kala duwan ay wanaagsan tahay maadaama diintiisa Islaamku ay sidoo kale dhiirigelisay. Inkastoo aan la hayn tirokoob rasmi ah, haddana wuxuu ku andacoonayaa in ilaa 100,000 oo Soomaali ah ay ku wada xiriiri karaan luuqadda Turkiga, tiradana ay marba marka ka dambeysa sii kordhayso. Sababtu waxay tahay Turkiga oo martigelinaya tiro badan oo qurbo-joog ah oo Soomaaliyeed, ayuu yidhi. “Barashada luuqadda qalaad mar walba waa tallaabo wanaagsan, in la barto luuqadda waddan sida Turkiga oo kale ah oo xiriir dhow la leh Soomaaliya oo dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo mid ciidanba waa tallaabo aad u wanaagsan oo dhanka saxda ah loo qaaday,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in marka la eego is dhexgalka dhaqaale, waxbarasho iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ay aad u badan tahay in dalka laga furo dugsiyo badan oo lagu barto luuqadda Turkiga. Waxa uu sheegay in dugsiyadan sida gaarka ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka jira ay sidoo kale sare u qaadi karaan is dhexgalka dhaqanka ee muwaadiniinta labada dal. “Haddii dhammaan arrimaha kale ay sii jiraan, waxaan aaminsanahay in luuqadda Turkiga ay noqon doonto luuqadda labaad ee loogu badan yahay dugsiyada, isagoo dhaafi doona luuqadda Carabiga, oo ah luqadda labaad ee dalka,” ayuu yidhi.
Xiriir gaaban waa la koobiyay.
Akhri
Qaababka Loo Baran karo Luuqado Cusub

Luuqad cusub ee barataa waxay wadataa faa’idadeeda. Luuqada cusub waxay kusiinnaysaa fahamka dhaqanka iyo taariiqda wadanka. Waxa kale ee u fududaanaya ruuxa markaas xiriirka iyo isdhaxgalka bulshada, taasoo leh faa’idooyin aan lasoo koobi Karin, sida shaqooyinka iyo waxbarashada. Luuqad waa furaha nolosha bini’aadamka, waxana lagu micneeya inay tahay nidaam isgaarsiineed oo bini’aadamka uu ku xiriiro, taas oo u kala baxda kuhadal iyo qoraal.
Luuqada waa furaha koobaad ee albaabada kuu furaya. Waxaad kamid noqonaysaa bulshada, islamarkaasna waxbaad la qabsanaysaa. Luuqad barashadeeda wey adagtahay, laakiin waxkasta waxay u baahantahay in waqti lageliyo, luuqad inaad barataa waxay u baahanthay inaad waqti iyo dadaal gelisid. Luuqada barashadeeda iskama imaanayso haddii aadan ku dadaalin barashadeeda.
Tusaale wadanka Norway luuqadiisu wey adagtahay. Maxaa yeelay luuqadaan waxay leedahay xarfo iyo shaqalo laga helaynin Afsoomaaliga. Tusaale, shaqaladaan luuqada Norwejiyaanka Æ, Ø iyo Å lagama helo luuqada Soomaalida. Sidaa darted dadka qaar wey ku adagtahay inay kala saaraan ku dhawaaqitaanka ereyada qaar.
Hadaba talooyinkaan hoos kuxusan sameey si aad u hormarisid aqoonta lUuqada aad baranaysid:
- Ku xirnaashaha iyo waqti laqaadashada dadka luuqada u dhashay. Inaad la sheekaysato dadka wadanka u dhashay ee aad waqti la qaadato waxay kuu fududayni in luuqada si fudud ku baratid. Intaad horfadhin lahayd kombuuter iyo inasd naxwaha saxdid, waxa dadka qaar ufudud inay dhexgalaan bulshada oo ay durbadiiba ku hadlaan luuqada. Isku day inaad luuqada kula sheekeysato asaxaabta iyo kuwa aad isla shaqaysaan.
- Barashada luqada maalin walba. Dadka qaar ayaa waxay dhahaan luuqadaan kuma fiicni waxbadana waan baranaayay. Xaqiiqdii waxa la ogaaday haddii maalin walba aad siido saacado barashada luuqada in bilooyin ama sanad iyo wax lamid ah kusoo koobi karaan barashada luuqadaas. Marka isku day inaad maalin kasto aad waqti siisid, isla markaasna ku celcelisid si maskaxda u qabato ereyada iyo qaabka luqada.
- Qaadashada buuga qaamuuska marwalba. Inaad haysataa buuga qaamuuska waxay kaa caawini, inaad durba aad fahanto ereyada kugu cusub iyo kuwii hore ee aad hilmaamtay. Marka waa muhiim inaad haysataan buuggaas, waana idinku dhiiri gelinayaa inaad marwalba haysataan. Waxa laga helaa maktabad walba asigoo bilaash ah muddo bil ah.
- Daawashada, dhagaysiga, aqrinta iyo qorista luuqada aad baranaysid. Waa inaad joogtaysid marwalba barashada luuqadaan cusub ee aad baranaysid, hadday tahay dhagaysiga, aqrinta iyo ku hadalkaba. Waxaad isku dayaysaa inaad daawatid TV-yada iyo filimaanta ku baxaya luuqada aad baranaysid. Waxa intaa sii dheer waa inad aqrisataa wargeysyada ugu yaraan hal maqaal maalintiiba, waxad ka heli ereyo badan ee kugu cusub. Isla markaasna waa inaad wax uun ka qortaa luuqada cusub ee aad baranayso.
Ugu dabaynii, macquul ma ahan inaad baratid luuqad adigoon qaldin. Laakiin waa inaad fahamtaa qaladka islamarkaasna aad saxdaa. Maxaa yeelay inad qaladaa luuqad cusub waa wax iska caadi ah, ruuxwalba ayaana sameeya. Dadka qaar wey ka cabsadaan inay ku hadlaan, iyaga oo ufahmaya inay qalad iyo ceeb tahay habka ku dhawaaqista. Marka ha cabsan ee ku hadal, maxaa yeelay waa lagu saxaa markaas ayaadna fahmee/baranee luaqada.
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 10aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Wadno Xanuun
Inta badani waxay dhacdaa markii mid ka mid ah halbowlayaasha dhiiga u sida wadnaha ay xirmaan.
Wadnaha waa xubinta u qaabilsan jirka in ay bamgareeyso dhiiga wadnaha waxuuna u qeeybsamaa la qeybood oo kala ah ruga bidix iyo rugta midig. Rugta bidix waxaa soo galo dhiig nadiif ah oo oksijiin badan leh kaas oo uu wadnaha u bamgareeyo jirka intiisa kale si uu aga faa’ideysto iyo Rugta midig, waxaana soo gala dhiig wasaqeeysan oo uu karboonku ku badan yahay dhiigaasi waxuu wadnaha u bamgareeyaa sambabada si ay ugu daraan ogsijiin ugana nadiifiyaan karboonka ku jiro.
Calaamadaha
- Xabadka oo qofka xanuuna ilaa iyo waqti.
- Xanuun ku fida garabyada, qoorta iyo kilkilaha.
- Xabadka oo qofka ka dareemo raaxo daro ay wehliyaan dhidid, lalabo iyo neefsiga oo yaraada,
Maareynta Wadna Xanuunka
- Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhawo.
- Qiimee xaalada dhibanaha.
- Ogoow in uu qofka horay u qabay cudurka loo yaqaano Coronary heart disease.
- Hadii qofka suuxsanyahay hubi ABCs iyo CPR (cordial Pulmonary Resuscitation).
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 9aad ee Gargaarka Degdegga ah |Tukesomalism.com

Sumow
Sun waa wax alaale ee markii uu qofka taabto ama laqo awood u leh in ay u keenaan qofkaas dhibaato, taas oo sababi karta dhimasho.
sumow gu waxuu u dhici karaa labadaan nooc oo kala ah mid kama ah iyo mid kas oo uu qofka u qasdiyo in uu isticmaalo suntaas.
Suntu waxay jirka ku gali kartaa siyaabahaan soo socda:.
- In ay ka gasho afka (Mid adko ah iyo mid dareera ah labaduba)
- In ay ka gasho maqaarka (Cirbad lagu mudo qofka ama qaniinyo)
- In ay ka gasho sanka (Sida gaasaska kala duwan iyo qaaca sumeysan)
Suntu waxa ay noqon kartaa
- Corrosive or burning, waxaa ka mid ah Acids, alkalis iyo insecticides).
- Non-Corrosive (Waxaa ka mid ah cuntada quruntay, ama fungus iyo waxii la mid ah.
- Depressants (waxaa ka mid ah Opium iyo wixii la mid ah).
Calaamadaha Sumowga
- Hadii ay tahay mid afka laga laqay qofka waxaa uu dareemaa lalabo, matag, qofka oo dhaqdhaqaaqi waaya iyo calool xanuun.
- Faruuraha, carabka iyo dhuunta oo gubata.
Dhaaweyn
- Sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtar ugu yeer qofka sumowbay.
- Meel dhig sunta uu qofka cabay si loo ogaado nooca ay tahay.
- hadii uu qofka suuxsanyahay ha ku qasbin in uu matago.
- Qofka u seexi qaabka bogsashada.
- Hubi neefsashada qofka hadii loo baahdo.
Hadii uu qofka suuxsaneyn.
- Sii biyo ku filan.
- Qofka haku qasbin in uu matago hadii uu ku sumoobay acid, alkali.
Hadii uu qofka kiimiko ku sumowba
- Ku qasab in uu matago adigoo siinaayo Luke warm salt.
Waxaa horay loo yiri biyo inta aysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa ee waxaa wanaagsan in la sameeyo taxadaro dheeraad ah xiliyada la isticmaalaayo suntan qeyba heeda kala duwan .
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 8aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalis.com

Gubasho
gubashadu waxaa loo kala qaadaa qeybahaan soo socda
- Gubashada heerka 1aad waxaana loo yaqaanaa afka qalaad (Superficial)
Waxaa uu dhaawac gaaray oo kaliya qeybta ugu koreysa maqaarka oo loo yaqaan epidermis.
Calaamadaha gubashada noocaan waxaa ka mid ah in uu maqaarka gaduudto, barar yar iyo xanuun. Tani waxay bugsootaa ayadoon ku reebeynin nabaro jirka.
Gargaarka Gubashada
Dhex gali biyo qabow ah qeybta gubatay 10 ilaa 45 daqiiqo ama isticmaal maro qoyan. Qaboowga waxaa uu joojiyaa in uu dabka ku sii fidin unugyada kale ee jirka. Waxaa kale oo aad isticmaali kartaa Aloe iyo Moisturizer lotion.
- Heerka Labaad Ee Gubashada
Dubka iyo qeybaha sare ee dermis ka ayaa dhaawac soo gaaray.
Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah boogo afka biyo ku wato barar iyo xanuun daran.
Gargaarka Gubashada
- Dhexgali biyo qabow qeybta gubatay.
- Sii Aspirin ama Ibuprofen.
- Boogaha biyaha wato ha bujin.
- Gee qofka goobta caafimaad ee kuugu dhaw.
Gubashada Qeybta 3aad.
Tani waa gubashada mida ugu qatarsan dabkana waxaa uu gaaray dhamaan qeybaha kala duwan ee maqaarka waxaa uuna waliba gaaray qeybta barurta iyo muruqyada maqaarka.
Calaamadaha gubashadaan waxaa ka mid ah goobaha gubtay ee jirka oo u muuqda gray-white ama madowbaato, majiraan wax barar ah ama xanuun maadaama dhamaan neerfayaasha ay burbureen,
Gargaarka Gubashada
- Muhiim ma ahan in biyo qabow la isticmaalo.
- Ha isticmaalin oitments.
- Isticmaal faashadooyinka aan koolada lahayn.
- Hubi ABC’s
- Ka daawee qofka shoog.
Raadso daaweyn dheeraad ah.
Dhaawacyada gubashada waxaa loo kala saaraa:
Thermal oo ay sababaan,
- holac dabka.
- Sheyaasha kulul.
- Hufo ama biyo kulul.
Gargaarka Degdegga
- Dhibana ka saar ilaha dabka.
- Hadii uu yahay holac saar busto kadibna dhibanaha dhulka ha ku galaan gasho.
- Qiimee heerka ay gubashadu gaarsiisantahay.
Chemical burn.
Waxaa keena markii ay maqaarka gaaraan waxyaabaha kiimikada sida:
- Acid (Batiriyaasha)
- Alkalis
- Organic compound.(Oil product)
Gargaarka gubashada
Ka saar kiimikada adigoo ku shubaayo biyo qeyta ay gaartay.
Caafimaadka iyo Sayniska
Casharka 7aad ee Gargaarka Degdegga |Tukesomalism.com

Neefsasho
Neefsashada caadiga ah waxay muhiim u tahay in uu qofka noolaado.
Waxyaabaha Keena Neefsasho La’aanta.
- Dhaawac gaara qeybta neefsashada qaabilsan ee maskaxda.
- Neerfayaasha ama murugyada neefsashada oo naafooba.
- Dhibaatooyin gaaray sambabadda.
- Hafasho.
- Cudur
Calaamadaha neefsashada aan caadiga ahayn.
- Xafabadka oo dhaqdhaqaaqa yareeya.
- Dhawaq aan caadi ahayn ee uu qofka sameeyo markii uu neefsanaayo.
- Dirqis mararka qaar.
- Walaac farabadan.
- Maqaarka oo midibkiisa isbadalo.
- neefsashada oo saa’id noqota ama hoos u dhacda.
- Qofka oo aan u istaagi karin si toos ah.
Sida loo hubiyo neefsashada
- Hubi dhaqdhaqaaqa habdhiska caloosha ama qeybta xabadka.
- Dhageeyso neefta sanka iyo afka ka soo baxeeyso.
- tani waa in aysan kugu qaadan in ka badan 10 daqiiqo.
Badbaadinta Qofka Ay Neefta Ku Xirmatay.
Ku jilba jabsa dhibanaha dhinaciisa qeybta madaxa xigto si aad qofka ugu furto habdhiska neefsiga. Afka afka u gali kadib sanka u qabo kadibna afuuf si ay hawadaada u furto sambabada qofka cabursan.
Fiiri in xabadka dhibanaha kor u soo kacay markii aad hawadaada siineyso hadii uu kor u soo kici waayo waxaa jiro waxyaabahaan soo socda:
- Dhuumaha neefta qaada oo xirma.
- Hawo aan ku filneyn oo la siiyay sambabada dhibanaha.
- Hawo aan ku filneyn oo ku jirto afka ama sanka gudahooda.
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
‘Adigaba daraad ayaad Dowlad calan leh haystay, maantana halka aan joogo dalxiis kuma keenin’
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada3 months ago
Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada
- Dhaqaalaha3 months ago
Ururka G20 ayaa Midowga Afrika u aqoonsaday xubin joogto ah
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Haddimada Qabyaaladda – Faallo kooban
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
Dowladda Soomaaliya ‘oo wax ka qabaneysa’ arrimo ay ka cabteen saxaafadda
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Xagguu marayaa dagaalka dowladda Soamaaliya ee ka dhanka ah Al-shabaab?
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
- Afrika3 months ago
Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Gabon ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
- Buuggaag3 months ago
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
- Bariga dhexe3 months ago
Israa’iil ayaa furtay safaaraddeeda Baxrayn, saddex sano ka dib markii ay caadi ka dhigeen xiriirkooda
- Siyaasadda Soomaaliya3 months ago
107 Al-shabaab ah oo isku soo dhiibay dowladda Federaalka
- Buuggaag2 months ago
Gorfaynta buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta