Arrimaha Amniga
Ciidamada taabacsan Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah magaalada Baydhabo
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo xilligaan waxay sheegayaan in ciidamadii goobta weeraray ee Maamulkii hore KGS, Laftagreen inay goobta dib kaga laabteen.

Waaberigii hore e saakay ciidanka Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen taabacsan oo dhowaanahaanba abaabul xooggan ka waday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa saakay u jarmaaday magaalada Baydhabo iyagoo dagaal toos ah lagalay ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ee farriismaha ku leh gudaha magaaladaasi.
Dadka reer Baydhabo ayaa sheegay in lama filaan ay ku noqotay dhacdadii saakay kadib markii saacad qura lagu dhex arkay gudaha magaalada iyagoo oo dhex socda ciidamada daraawiishta Maamulkii hore Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen kuwaasi oo aan gaadiid dagaal aan wadin hase ahaatee qoryaha waaweyn ee garbaha laga rido iyo kuwa fudud ku hubeysnaa.
Iska horyimaadyo toos ah ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo aagga Afar irdoodka iyo nawaaxiga saldhiga weyn ee booliska ee magaaladaasi, Ciidanka daraawiishta ee Koonfur Galbeed ayaa iskudayay inay gudaha u galaan waa Maamulkii hore Madaxweyne Laftagareen xarunta saldhiga booliska ee magaaladaasi balse ciidamada dowladda Soomaaliya ayay wararku tibaaxayaan inay si weyn isaga difaaceen waxaanu ka badneyn hal sac ayuu dagaalka socday misne ciidankii Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed ku sugnaayeen magaaladaasi iyagoo sidoo kale gudaha magaalada isaga duubay muuqaallo iyo sawiro ay ku muujinayaan in Baydhabo gudaheeda ay galeen.
Dad ku sugan Baydhabo ayaa u sheegay Diblomaasi.com in boqlaal ay gaareeyeen ciidamada Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee saakay weerarka ku qaaday gudaha magaalada Baydhabo. Illo deegaanka waxay Diblomaasi u xaqiijiyeen dagaalka inta uu socdo inuu sababy dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada waxaana la arkaayay dad rayid ah oo naftooda la cararaya si aanayn khasaaraha dagaalka saameyn ugu yeelan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo xilligaan waxay sheegayaan in ciidamadii goobta weeraray ee Maamulkii hore KGS, Laftagreen inay goobta dib kaga laabteen iyaga oo badqaba. Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan gudaha magaalada iyo daafaheeda dhaqdhaqaaq ka wada.
Masuuliyiinta Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed sida xubnaha Wasiirada uu kamid yahay Wasiirka Amniga ee Maamulkaasi iyo Afhaayeenka Maamulkii hore ee KGS ayaa dhowaanahaan si toos ah u sheegaayay in magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed dib ay ugu riixayaan waxa ay ugu yeereyn “Salbalaar labaad” oo ay ku tilmaameen inay kusoo duushay dowlad goboleed dhisan iyo bulshada Koonfur Galbeed.
Marka laga soo tago dagaalka dhinaca kale magaalada Baydhabo waxaa ka dhacaayay beriyahaan falal ammaanka lidi ku ah oo dadka deegaanka ay ka cawanaayeen taasoo ay kamid tahay in la dhacaayay hantidooda dilal aan loo raaceynin cid ka dambeysa iyo sidoo kale shaqaaqooyin joogta ah.
Waxaana maalmo kahor gudaha magaalada ka dhacay ciidan ka tirsan kuwa booliska Haramacad sida lagu eedeeyay oo dhac ka geystay Baydhabo sidoo kalena rasaaseeyay dadka rayidka ah wallow booliska gobolka Baay ee dowladda Soomaaliya ay shaaciyeen in lasoo qabtay ilaa 8 kamid ah ciidamadii falka gaysteen.
Baydhabo 10-ka bisha Juun ee fooda nagu soo hayso waxay isku diyaarinaysaa doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi oo lagu sheegay inay noqonayso mid qof iyo cod ah iyo tan guddoonka golaha wakiiladda laakiin dadka deegaanka ayaa aaminsan in dowladda Soomaaliya ay halkaasi u wado Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) guddoomiyihii baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday.
Arrimaha Amniga
Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland
Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegay in diyaaradaha la adeegsaday ay ka duuleen saldhig milatari oo Imaaraadku ku leeyahay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Saraakiil ka tirsan Amniga Maamulka Puntland ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu fuliyay duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay afar qof oo isku qoys ahaa shanna lagu dhaawacay, xilli uu dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ka socday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari bishii Janaayo 2025.
Warbixin ay baahisay warbaahinta Drop Site ayaa sheegtay in duqeynta 26-kii Janaayo 2025 ay ka dhacday deegaanka Togga-Xarago halkaas oo qoyska Reer Yuusuf Maxamuud Saalax ay ku sugnaayeen aqal dhaqameedkooda. Dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ahaa Ladan Cabdi Ismaaciil, Cabdisamad Yuusuf Maxamuud oo 13 jir ahaa, Maxamed Cabdiqani Maxamed oo toddoba jir ahaa iyo Xaawo Axmed Saalax oo 17 jir ahayd isla markaana uur afar bilood ah lahayd.
Ilmo siddeed bilood jir ah oo ay Xaawo dhabta ku haysay ayaa ka badbaaday duqeynta, sida ay sheegtay Khadra Cabdi Ismaaciil oo qoyskeeda afar qof looga dilay weerarka. Afar sarkaal oo amniga Puntland ah ayaa warbaahinta Drop Site u xaqiijiyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadku ay fuliyeen weerarka, iyagoo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.
Qoyska ayaa la sheegay in toddobaadyo kahor duqeynta laga raray deegaanka Dhadaar ee buuraha Cal-Miskaad kaddib markii ciidamada dowladda ay ku wargeliyeen in aaggaasi yahay meel ay joogaan dagaalmayaal Daacish ah ayna u guuraan goob loo asteeyay inay ammaan tahay. Duqeynta ayaa sidoo kale sababtay dhaawacyo culus iyo burbur dhaqaale, iyadoo qoysku ku waayay lix geel ah iyo 400 oo Ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegay in diyaaradaha la adeegsaday ay ka duuleen saldhig milatari oo Imaaraadku ku leeyahay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Waxay intaas ku dareen in Imaaraadku uu duqeymo ka fuliyay buuraha Call-Miskaad horraantii 2025, isla markaana hawlgalladaasi ay dib u xoogaysteen dabayaaqadii sannadkaas.
Sida ay saraakiishu u sheegeen Drop Site, Imaaraadku ma uusan fulin duqeymo noocaas ah gudaha Puntland tan iyo Nofeembar 2025, iyadoo Maraykanku uu hoggaanka u qabtay hawlgallada ka dhanka ah Daacish. Saraakiil Puntland ah ayaa sidoo kale ku eedeeyay Imaaraadka inuusan marwalba si ku filan u xaqiijin cidda uu beegsanayo kahor duqeymaha, eedeymahaasi si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dhanka kale, Imaaraadku wuxuu weli taageero amni siiyaa Puntland gaar ahaan Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), oo qaabilsan hawlgallada amniga badda iyo la-dagaallanka Burcad-badeedda. Taageerada Imaaraadka ayaa isugu jirta tababar, mushahar iyo xog-wadaag amni. Drop Site ayaa sheegtay inay jawaab ka weydiisay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, balse aysan jawaab ka helin.
Ma jiraan tirokoobyo rasmi ah oo dhammaystiran oo muujinaya khasaaraha rayidka ee ka dhashay dagaalka ka socda buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo ay adag tahay in saxafiyiinta iyo hay’adaha xuquuqda aadanuhu ay si madax-bannaan ku gaaraan goobaha ay duqeymaha iyo dagaalladu ka dhacaan.
Arrimaha Amniga
OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda
OCHA ayaa sheegtay in rabshadaha soo noqnoqday ay dhibaato hor leh ku hayaan bulshada horeyba ula tacaalaysay abaaro, barakac daba-dheeraaday iyo xaalado nololeed oo adag.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa walaac xooggan ka muujiyay colaadda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, taas oo uu sheegay inay sii xumaynayso xaaladda bani’aadannimo ee halkaas ka jirta.
OCHA ayaa sheegtay in rabshadaha soo noqnoqday ay dhibaato hor leh ku hayaan bulshada horeyba ula tacaalaysay abaaro, barakac daba-dheeraaday iyo xaalado nololeed oo adag. Xafiisku wuxuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda dadka barakacayaasha ah, haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah, kuwaas oo wajahaya khataro dheeraad ah oo ka dhashay amni-darrada iyo barakaca soo noqnoqda.
Sida lagu sheegay bayaanka OCHA, colaadaha ayaa qoysas badan ku khasbay inay guryahooda ka cararaan, iyagoo luminaya fursadihii ay ku heli lahaayeen badbaado, adeegyada aasaasiga ah iyo gargaarka bani’aadannimo. Hay’addu waxay ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo ay sii xumaanayso, iyadoo ay jirto khatar sii kordhaysa oo macaluul ah, nafaqo-darro baahsan oo carruurta haysata iyo saadaasha daadad ka dhasha roobabka El Niño.
OCHA ayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda ugu baaqday inay si degdeg ah u dejiyaan xiisadaha, muujiyaan is-xakameyn buuxda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii kordhin karta rabshadaha. Waxay sidoo kale ku adkaysay in la ilaaliyo dadka rayidka ah iyo kaabayaasha ay bulshada ku tiirsan tahay, iyadoo xustay in sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada uu dhigayo in la dhowro goobaha caafimaadka, isbitaallada, dugsiyada iyo xarumaha kale ee rayidka.
Hay’addu waxay sheegtay in weerarrada lagu qaado xarumaha caafimaadka ay mamnuuc ka yihiin sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, iyadoo ku baaqday in shaqaalaha iyo hantida hay’adaha gargaarka laga ilaaliyo khataraha amni. Waxay sidoo kale dalbatay in hay’adaha bani’aadannimadu ay helaan marin ammaan ah oo degdeg ah si aan wax carqalad ah ama takoorid ah loogu hor istaagin gaarsiinta gargaarka dadka ay colaadaha saameeyeen.
OCHA ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay inay caawiyaan dadka ugu nugul isla markaana ay la shaqeeyaan maamulka iyo bulshada si looga hortago in xaaladdu kasii darto. Si kastaba, hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo lagu soo afjarayo rabshadaha laguna hortagayo barakac hor leh iyo dhibaato soo gaarta nolosha iyo karaamada dadka rayidka ah.
Bayaanka ayaa ku soo dhammaaday baaq loo jeediyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, kaas oo ah inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, kana hortagaan dhibaato hor leh oo soo gaarta shacabka Baydhabo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.
Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.
Arrimaha Amniga
Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab
Hawlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel oo qiyaastii 13 kiiloomitir u jirta deegaanka Kam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa bartilmaameedsaday goob ay kooxdu ku lahayd deegaanka.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Yaaq-shabeel ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay xogta laga bixiyay hawlgalka. Hawlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel oo qiyaastii 13 kiiloomitir u jirta deegaanka Kam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa bartilmaameedsaday goob ay kooxdu ku lahayd deegaanka.
Intii uu hawlgalka socday waxaa la dilay Cabdullaahi Yaroow oo la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha sare ee Al-Shabaab, isla markaana ka hawlgalayay deegaannada iyo dhulka miyiga ah ee galbeedka gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale, ciidamada Danab ayaa hawlgalka kusoo qabtay Cabdifataax Maxamed oo sida xogta la bixiyay lagu sheegay inuu ka tirsanaa kooxda kana hawlgalayay deegaannada galbeedka gobolka.
Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab, laguna doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda laguna xoojiyo amniga deegaannada gobolka.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in toddobaadkii hore hawlgalkii qorsheysnaa ee ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo ay ku tilmaantay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa garabka amni ee kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay NISA soo saartay, hawlgalka ayaa dhacay habeenkii 1-da Oktoobar, iyadoo hay’addu sheegtay in uu ahaa hawlgal ay fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka. NISA waxay sheegtay in Bashiir Nuunow uu ahaa hoggaanka waaxda ay Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inuu adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.
Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxaana hay’addu ku xustay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, qaraxii loo yaqaan Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay Muqdisho.
NISA ayaa sheegtay in hawlgalka Jilib uu qayb ka yahay dadaallo ay hay’addu ku baacsanayso hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in geerida Bashiir Nuunow ay saameyn ku yeelan karto hoggaanka iyo shabakadaha kooxda gaar ahaan kuwa loo adeegsado qorsheynta iyo fulinta weerarrada.
Arrimaha Amniga
Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool
Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya.

Garabka maamul ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen balse sheeganaya inay yihiin maamulka sharciga ah ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday dhowrii maalmood ee ugu dambeeyay tallaabooyin ka careysiiyay dhinaca kale garabka maamul ee Aadan Madoobihii billo kahor lagu doortay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Garabka Madaxweyne Laftagareen ayaa u muuqda inay la yimaadeen qorshe cusub oo ah hannaanka ay kula dagaal jiraan maamulka Aadan Madoobe iyo Villa Soomaaliya, kadib markii ay isku ballaariyeen deegaano iyo magaalooyin istiraatiji ah oo ka tirsan dhanka gobolka Baay, halka sidoo kale gobolka Bakool deegaano ka tirsan ciidamo taabacsan Laftagareen ay sheegteen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynteeda dhammaadkii dabayaaqaddii toddobaadkii aynu kasoo gudubnay ee bishaan aynu ku gudi jirno.
Maalintii shalay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay waxaa isku soo bandhigay ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo sheeganaya gacan ku haynta magaaladaasi inay si buuxda iyaga ula wareegeen. Maanta oo Sabti ah wararka Diblomaasi.com ay ka helayso degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sidoo kale sheegaya in nawaaxiga degmadaasi ay talis ka sameysteen ciidanka taabacsan Laftagareen qeyb kale oo halkaasi iska agaasimtay.
Dadka reer Koonfur Galbeed ee xog ogaalka ah ayaa sheegaya in garabka maamul ee Madaxweyne Laftagareen ay la yimaadeen xeelad dagaal oo aan keliya ku koobnayn weerarradii ay u joogteyeen dhanka Baydhabo ee ka dhanka ahaa Aadan Madoobe iyo xulufadiisa, hase ahaatee ay dhinaca kale wadaan qorshe kale la xiriirta inay isku fidiyaan magaalooyinka kale ee deegaannada gobollada Baay iyo Bakool.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dhammaaday 15-kii Maay ee sanadkan ayaa magaaladda Baydhabo doorasho khilaaf xooggan uu hareeyay kusoo saartay Aadan Madoobe 10kii bishii Juun ee isla sanadkaan. Wixii ka dambeeyay Juun illaa iyo xilligaan Baydhabo oo haysata Toddobadii sano ee lasoo dhaafay nabad waxay gashay xaalad colaadeed dadkuna haatan waxa ay qarka u saaran yihiin magaalada guud ahaanteed inay isaga guuraan.
Shacabka Baydhabo ayaa sheegaya Toddob sano oo ay amni ahayd magaaladaasi in haatan isku beddeshay goob furin dagaal ah oo bartamaha magaaladda si toos ah ay ugu dagaalamayaan maamulkii hore iyo kan dhowaan laga dhisay Koonfur Galbeed Soomaaliya xaaladuna ay tahay mid ay u arkaan quus. Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeeda dhammaaday ayaa si weyn gacan ugu geysatay in Aadan Madoobe markii Laftagareen xukunka laga tuuray uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo xittaa tartankii doorashada ee ka dhacay billo kahor magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lasoo wariyay in kursiga uu ahaa kaliya mid loo xiray Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), xiisadii ka dhalatay doorashadaas iyo tuuristii Maamulka Laftagareen ayaa keentay xaaladda amni darro ee maaantu ay wajaheen shacabka boqolaalka kun ama Malaayiinka ee ku nool magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Aadan ayaa ku sugan beriyahaan magaaladda Muqdisho iyada oo dowladda Soomaaliya dacwo ugu soo gudbiyay in qaati uu ka taagan yahay Madaxweynihii xukunka kaga horreeyay Cabdicasiis Laftagareen lagana gacan siiyo sidii xaaladda Baydhabo loo dejin lahaa una hanan lahaa maamulka. Laakiin dadka indheergaradka ayaa isweydiinaya sida ay Villa Soomaaliya ugu suurtagal karto in Aadan Madoobe haddii kursiga la geeyay haddana lagu sii haayo halkaasi maadama isagu ay tahay shaqo u taalo in maamulka iyo bulshadiisa iyo amniga uu hanto.
Arrimaha Amniga
Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda
Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in wakiillo ka socda kooxda Shiicadda ee Xuutiyiinta dalka Yemen ay ka hawlgallaan Waqooyiga Soomaaliya iyaga oo xiriir la leh kooxda argagaxisadda Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, xiriirka labada dhinac wuxuu Al-Shabaab siin karaa fursad ay ku hesho hub casri ah, tababar iyo khibrad farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo sare u qaadi karta awoodda kooxda ee weerarrada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka Geeska Afrika.
Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo la hadlay warbaahinta isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in iskaashiga suuragalka ah ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu kordhin karro awoodda kooxda Soomaalida ee ay khatar ugu abuuri karto ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka.
Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka. Haddii Xuutiyiintu saldhig ama taageero saadka ah ka helaan gudaha Soomaaliya, waxaa suuragal ah inay ballaariyaan hawlgalladooda, taas oo adkeyn karta ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha labada dhinac ee marin-biyoodka istaraatiijiga ah.
Sidoo kale, arrintaan ayaa sare u qaadi karta walaaca amni ee ku saabsan saldhigga weyn ee ciidamada Mareykanka ee Camp Lemonnier oo ku yaalla dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala Bariga Afrika.
Taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley ayaa mar uu sanadkii hore ka hor hadlayay Congress-ka Mareykanka sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Jabuuti haddii ay go’aansadaan inay sii xoojiyaan iska horimaadkooda Washington.
Walaaca amni ayaa soo baxaya xilli Pentagon-ka Mareykanka la sheegay inuu qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka rarayo Soomaaliya si loogu adeegsado hawlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee Koonfurta Ameerika. Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan sheegay in tiro aan la shaacin oo diyaaradahaas ah loo wareejinayo Galbeedka Dunida, inkasta oo aan faahfaahin laga bixin tirada saxda ah ama waqtiga ay dib u dejintu dhaceyso.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in diyaaradaha MQ-9 Reaper ee Mareykanka ay la kulmeen khasaare weyn tan iyo markii uu dhammaadkii bishii Febraayo billowday dagaalka Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin Al-Shabaab weli waxay u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah, maadaama aan la soo bandhigin faahfaahin dadweyne oo si buuxda u caddaynaysa baaxadda xiriirkaas.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah
Horraantii bishii Sebteembar 2026, Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca hawlgallada ah.
Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka heshay Xuutiyiinta hub casri ah iyo tababarro la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa. Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay doonayeen taageero farsamo oo u suuragelisa inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.
Sida uu qoray wargeysku hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, Jibriil Yaxye Cali ayaa door muhiim ah ka qaatay dhismaha xiriirka labada dhinac, Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, iyadoo wargeysku sheegay inuu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.
Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Shabaab ay sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar kaas oo la sheegay inuu gudbiyay liis hub iyo qalab milatari ah liiskaas waxaa ka mid ahaa gantaallo lidka diyaaradaha ah, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka iyo qalabka aragga habeenkii.
Wargeysku wuxuu sheegay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga soo gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya, kahor inta aan loo gudbin cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Koonfurta dalka.
Saraakiil Mareykan ah sida uu qoray wargeysku ayaa aaminsan in iskaashigan uu labada dhinac siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdu ay khatar ku noqon karto amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Afrika2 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoSoomaaliya oo xal u raadinaysa ciidamada AUSSOM ee qeybta ka ah hawlgalka amniga Soomaaliya
Doorashada2 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika2 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashiga difaaca iyo mustaqbalka AUSSOM
Soomaaliya2 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya








































