Connect with us

Caafimaadka iyo Sayniska

Culumada Sayniska ee Daaha Ka Qaaday Aragtida Atamka

Published

on


Democritus

Dalton waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 470BC ilaa 380BC waxa uuna ahaan filasoof Giriig ah, waana ruuxii u horeeyey ee daaha ka qaaday fikrada atamka. Democritus waxa uu aaminsana wax kasta oo aduunka yaala ama kuxeeran in ay ka samaysmeen atamyo, atamyadaas oo ah ilma-aragtay.toploisir.com suchemuryesklep.pl truhlarstvibilek.cz red-gricciplac.org panske tricka tutobon.com suchemuryesklep.pl red-gricciplac.org red-gricciplac.org modré sandály na podpatku modré sandály na podpatku panske tricka feinsmecker strømper truhlarstvibilek.cz saralilphoto.com 

Democtrus waxa uu soo qaatay gabal maatar ah waa uuna u qaybiyey labpurdy jersey deuce vaughn jersey deion sanders jersey drew allar jersey johnny manziel jersey johnny manziel jersey florida jersey deuce vaughn jersey deion sanders jersey justin jefferson lsu jersey deuce vaughn jersey deion sanders jersey custom ohio state jersey florida jersey penn state jersey o, hadana labadii mid ka mid ah ayuu labo usii kalo qaybiyey wuuna waday kalay qaybintii ilaa uu gaaray bar aan labo loogu kala qaybin Karin taas oo uu Democritus uu ugu yeeray atom.

  • Democritus waxa uu yiri:
  1. Maatarka oo dhan waxa uu ka samaysan yahay atamyo aad u yaryar oo aan la arki Karin.
  2. Waxaa ira boosas maran oo u dhexeeya atamyada.
  3. Atamku malahan qaab dhismeed hoose.
  4. Atamka walxo kala duwani waa ay kala gedisan yihiin cabirkooda, culayskooda iyo qaabkooda.

Democritus (470BC ilaa 380BC)

  • Ameodo Avagadaro

Lerenzo Romano Ameodo Carlo Avagadaro waxaa lagu garansho og yahay Avagarado waxa uuna noolaa 9ka bishii 8aad 1776 ilaa 9ka bishii 7aad 1856dii waxa uuna ahaa saynis yaqaan talyaani ah.

Avagarado waxa uu ku magacaaban yahay aragtidiisii ahayd muggaga iskumidka ah ee neefo kala duwan waxa ay ka kooban yihiin tiro isku mid ah oo kolikuyuulo ah marka kulka iyo cadaadisku ay yihiin isku mid.

Avagadaro waa saynisyahankii u horeeyey ee xaqiiqsanaa in curiyayaashu ay u jirikaraan molikuyuulo ahaan, halkii ay u jiri lahaayeen kali ahaan (hal atam ama curiye oo kaliya)

Ameodo Avagadaro (1776 ilaa1856)

  • John Dalton

Dalton waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 6da bishii 9aad 1766dii ilaa 27da bishii 7aad 1844tii, Dalton waxa uu u dhashay Biritan, waxa uuna ahaa aqoon yahan ku xeel dheer culluumta kemisteriga, fiisikiska iyo dabeecadaha deeganka.

Aragtidii Dalton ee uu soo jeediyey waxa uu yiri maatarka oo dhami waxa uuu ka kooban yahay atamyo il-ma’aragtay ah iyo isku dhisyo aan lataaban Karin, halka atamyada dhamaan ee curiyaha ay isku mid yihiin. Curiyayaasha kala duwan waxa ay lee yihiin atamyo cufkooda iyo cabirkoodu kala duwan yahay.

John Dalton (1766 ilaa 1844)

  • Joseph John Thomson

Tomson waxa uu noolaa 18ka bishii 12aad 1856dii illaa 30ka bishii 8aad 1940kii waxa uuna u dhashay biritish, waxa uuna ahaa fiisikisyaqaan ku guulaystay abaalmarinta Nopel Laureate ee fiisikiska. Tomson waa ninkii soo helay in atamku leeyahay saxaro tabane ah oo loogu yeero elektaroono. Sanadii 1904tii Tomson waxa uu soo jeediyey in qaabdhismeedka atamku yahay kubad danab togan leh oo ay kudhex firiqsan yihiin elektaroono.

Joseph John Thomson (1856 ilaa 1940)

  • Ernest Rutherford

Radarfood waxa uu noolaa 30ka bishii 8aad 1871 ilaa 19ka bishii 10aad 1937 waxa uuna u dhashay Niyuusilaan (New Sealand), waxaa uuna aha fiisikisyaqaan. Radarfood waxa uu yiri hadii fikradii Tomson hagaagsanaan lahayd marna madhici karten in saxarada Alfaha ahi qalloocsamaan ama ay dib usoo noqdaan, sidaa awgeed Radarfood waxa uu soo jeediyey in atamku uu leeyahay xudun saxaro togan oo cufka atamku ku uruursan yahay.

Ernest Rutherford (1871 ilaa 1937)

  • Niel Henrik David Bohr

Bohar waxa uu noolaa 7da bishii 10aad 1885 ilaa 18ka bishii 11aad 1962 waxa uuna u dhashay Denmark, wuxuuna ahaa fisikyaqan kuguulaystay abaalmarinta Nopel Price ee fiisikiska sanadii 1922dii. Sidoo kale Bohar waxaa ahaa falsafoyaqaan sameeyey baritaano cilmiyeed.

1913kii Bohar waxa uu soojeediyey aragtida atamka haydarojiin ee ku salaysnayd aragtida kuwaantum, taas oo xaalad go’an Tamarta loo wareejinayo xaddiyo.

Elektaroonadu waxa ay ku wareegaan bu’da ayaga oo ku wareegaya majiiro go’an. Marka ay ka boodan hal wareeg tamarna ugu boodaan mid kale waxa ay soodaynayaan if-kuwaantam.

Niel Henrik David Bohr (1885 ilaa 1962)

  • Erwin Rudolf Josef Alexander Schrodinger

Shirodhiigar waxa uu noolaa 12ka bishii 8aad 1887 ilaa 4ta bishii 1aad 1961 waxa uuna ahaa fisikisyaqaan Irish ah. Waxa uu horey u qaaday hal tilaabo aragtidii Bohar ee kuwaantumka.

Shirodhiigar waxa uu adeegsaday isle’eg xisaabeed si uu u sharaxo suurta galnimada helitaanka boos ugaar ah elektaroonada. Habkaas uu Shirodhiigar sameeyey waxaa loo yaqaanaa Qaab dhismeedka farsamo ee Atamka.

Erwin Rudolf Josef Alexander Schrodinger (1887 ilaa 1961)

  • Sir James Chadwick

James waxa uu noolaa 20ka bishii 10aad 1891 ilaa 24ta bsihii 7aad 1974tii waxa uuna ahaa biritish fisikisyaqaan ah. Sanadii 1935 waxa uu ku guulaystay abaalmarinta Nopel Prize ee fiisikiska.

James waxa uu boos muhiim ah ka ciyaaray aragtida atamka axa uuna sanadiii 1932 soo helay in bu’da atamka ay ku jiraan Niyuutaroono, waxa uuna yiri niyuutaroonadu waxa ay dhacaan bu’da atamka iyaga iyo borotoonkuba waxa ayna u jiri karaan tabane ama togone waxa ayna cuf isku mida leeeyihiin borotoonka.

Sir James Chadwick (1891 ilaa 1974)

  • Louis de Broglie

Borogli waxa uu noolaa 15ka bishii 8aad 1892dii ilaa 19ka bishii 3aad 1987 waxa uuna ahaan fiisikisyaqaan faransiis ah, waxa uuna lafagurid hoose ku sameeyey aragtida kuwaantam. Cilmibaaris uu sameeyey 1924tii waxa uu soo helay (hindisay) dabeecad hireedka elektaroonada waxa uuna soo bandhigay in maatarka oo dhan leeyahay astaamo hireed.

Louis de Broglie (1892 ilaa 1987)

  • Werner Heisenberg

Werner waxa uu noolaa 5ta bishii 12aad 1901kii ilaa 1da bishii 1aad 1976 waxa uuna ahaa Jarmal fiisikisyaqaan ah. 1932 waxa uu kuguulaystay abaal marinta Nobel Prize ee fiisikiska. Werner waxa uu hormariyey aragtida Kuwaantam asaga oo balaarinaya aragtidii Bohr, wuxuuna soo saaray xeerka ama aragtida aan lahubin taas oo sheegaysa boosaska iyo daafada (awooda dhaqdhaqaaq) ee saxarada in aan labadooda la ogaankarin si sax ah.

Werner Heisenberg (1901 ilaa 1976)

Gunaanad:

  • Inta ugu yare e curiye ayaa loogu yeeraa atam.
  • Atamkasta ee curiye waxa uu ka qaab duwan yahay atamka curiye kale.
  • Atamka waxa loo qaybinkaraa saxaro yaryar oo atam hoosaadyo ah (borotoon, niyuutaroon iyo elektaroon).
  • Bu’du waa xudunta dhexe ee atamka waxa ayna ka kooban tahay borotoono iyo niyuutaroono.
  • Elektaroonadu waxa ay ku wareegaan bu’da atamka.
  • Markasta oo aan kor u baxno shaxda curiyayaasha waxaa siyaadaya elektaroonada iyo borotoonada.
  • Elektaroonadu waxa ay dagaan heerar tamareed kala duwan.
  • Marka heeerka tamartu buuxsamo, heer cusub ayaa bilaabmaya.
  • Midkasta oo ka mid ah heerar tamareedka waxaa ku jira noocyo gaar ah oo majiiro ama meeris gaar ah.
  • Meeriskasta waxa uu qaadaa labo elektaroon.

Maxaad ka taqanaa qaabdhismeedka atamka?

Facebook Comments Box

Waa Qoraa ka tirsan Afrikaan. Waa kiimiko yaqaan, qoraa iyo cilmi baadhe lafagura culuumta sayniska sida kuwa kiimikada iyo kuwa farsamada gacanta. Qoreyna buuga Basic Chemistry Book. Kusugan Wadanka Soomaaliya, waxna kusoobartay wadanka Sudan gaar ahaan magaalada Khartoum. Waxa uu shahaadada kowaad iyo labaadba ku qaatay culuumta taxliilinta kiimikeed (Chemical Analysis). asqalaani89@gmail.com +252905198714

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Caafimaadka iyo Sayniska

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan. Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa tallooyin aan ugu talagalnay bulshada.

Published

on


Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya. Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan.

Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay. Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo laga shakisan yahay, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku dhawaaqday.

Published

on


Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay.

Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya.

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Ku dhawaad ​​20 ka mid ah dhimashada ayaa laga diiwaan geliyay koonfurta gobolka Kordofan, mid ka mid ah meelaha uu cudurka ka dillaacay ayaa markii ugu horreysay ay soo sheegeen guddiga Dhakhaatiirta Suudaan horaantii bishii Nofeember. Dhawr ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa tirada rasmiga ah ee kiisasku intaa ka badan ku sheegay.

Qandhada Dengue waxay leedahay astaamo u eg hargab waxayna badanaa u horseedi kartaa xubnaha oo hawlgab iyo dhimasho. Sanadka 2019, cudurka ka dillaacay Suudaan ayaa mas’uul ka ahaa shan dhimasho sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Xilligii ugu sarreeyay ee xilli-roobaadka Suudaan bilihii Ogoosto iyo Sebteembar, daadad xooggan ayaa dilay ugu yaraan 144 qof waxaana burburiyay tobanaan kun oo guri, oo ay la socdaan waddooyin iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Published

on


Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah

Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha. Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta. Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

Cuntooyinka la warshadeeyay

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood. Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan. Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.

  • Rootiga lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka Sajilan
  • Caanaha qaar
  • Buskut-ka
  • Hilibka sajilan
  • Barado Shiilan
  • Sharaabka
  • Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
  • Digirta ku jirta weelka sajilan

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

  • Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  • Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
  • Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
  • Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  • Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Published

on


Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.

Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.

Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.

Cuntooyinka ku jira Caroogta badda

Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda. Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.

Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda. Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.

Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.

Cunidda shukulaatada

Waxaa la sheega in shukulaatada ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.

Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?

Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.

Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa. Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka Shimbiraha, miraha,

Basbaaska

Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta. Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.

Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?

Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka. Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.

Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.

Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan. Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.

Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin. Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Sulphuric Acid?

Published

on


Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo.

Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka.

Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo.

Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado aashitada sulphuric acid. Arrimaha kale ee falgalka kiimikadan loo adeegsado waxaa ka mid ah sameynta qaraxyada aadka u awoodda badan.

Qarax noocee ah ayaa laga sameeyaa Sulphuric acid?

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda, kiimikadan waxay ku socotay gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka sameynayaan waxyaabo qarxa. Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa qaraxyo qeyb ka ah ololahooda ku aaddan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda ay beesha caalamka taageerto ee Soomaaliya.

Sida lagu qoray wargeyska Scientific America, maaddada sulphuric acid waxay ka mid tahay kiimikooyinka loo adeegsado sameynta qaraxyada ugu awoodda badan.

Qaraxyadaas awooddoodu sarreyso waxaa laga sameeyaa maaddada Nitro-glycerine, oo si fiican loo ogyahay inay ka kooban tahay isku darka sulphuric acid iyo nitric acid.

Xagey Soomaaliya uga imaadaan hubka mamnuuca ah?

Sanadkii lasoo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walxaha qarxa ee gudaha lagu sameeyo ku daray inay qeyb ka yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Nisa ayaa sheegay in meelo badan hubka sharci darrada ah laga soo galin karo Soomaaliya.

“Soomaaliya horta waa waddan iska furan oo xuduudihiisa furan yihiin, meel kastana wax laga soo galin karo. Nimankan waxyaabaha qarxa isticmaalahana, sida Al-Shabaab iyo IS waxyaabo badan ayey ka sameeyaan qaraxyada, sida walxaha bacriminta loogu talagalay. Meesha ugu badan ee Soomaaliya uu hubka kasoo galo waa xadka badda ee ay Soomaaliya la leedahay Yemen, halkaasoo ah bad furan oo aysan cidna waardiyeynin, dhinaca Itoobiyana way iska furan tahay waana waddan warshado badn oo hub ah ku yaallaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Dhaqaalaha1 day ago

Ruushka iyo Senegal oo kawada hadlay sidii loo ballaarin lahaa xiriirka tamarta iyo macdanta

Bariga dhexe1 day ago

Dib-u-habaynta hoggaanka: Maxay dunidu ka filan kartaa madaxweynaha cusub ee Iiraan?

Yurub3 days ago

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Israa’iil ku eedeeyay faragelinta doorashada dalkiisa- warbaahinta

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Mareykanka oo hubka riddada dheer geynaya Jarmalka

Bariga dhexe4 days ago

Xaaska hoggaamiyihii kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi oo dil toogasho lagu xukumay

Geeska Afrika4 days ago

Itoobiya oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee ajnabi ah oo booqasho ku taga dalka Suudaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye

Sirdoonka & Militariga7 days ago

Militariga Mareykanka oo dhameystiraya ka bixitaankiisa Saldhigga Niger

Wararka1 week ago

Pezeshkian ayaa ku guuleystay tartanka madaxtinimada Iiraan

Bariga dhexe1 week ago

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa soo saaray warbixin been abuur ah in Xisbullah ay ku kaydiyaan hub casri ah garoonka Beyruut

Wararka1 week ago

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska oo xilka la wareegay

Afrika1 week ago

Dowladda Sierra Leone ayaa mamnuucay guurka caruurta ka yar 18 sano

Afrika1 week ago

Ruushka iyo Maali oo xoojinaya iskaashiga nukliyeerka

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

$20 milyan oo laga waayay qasnadda Dowladda Federaalka Soomaaliya – yey ku maqantahay lacagtaas?

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxaa kasoo baxay wadahadalka Ankara ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya?

Afrika2 weeks ago

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Nayjeeriya ayaa waxaa ku dhintay dad badan

Yurub2 weeks ago

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay soo rideen 36 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ukrayn

Wararka2 weeks ago

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Ghazouani oo mar labaad ku guulaystay xilka

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Pentagon-ka ayaa beenisay in ay saldhig ka sameysaneyso gobolka koonfurta Afrika

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Maxamed Cusmaan Jawaari oo geeriyooday – Waa kumaa Barafisoor Jawaari?

Wararka2 weeks ago

Hindise sharciyeedka maaliyadda oo laga laabanayo kadib rabshado ay dad badan ku dhinteen – Madaxweynaha Kenya

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Mareykanka oo raadinaya saaxiibo militari oo cusub oo gudaha Afrika ah

Geeska Afrika3 weeks ago

Kenya: Dibad-baxayaal ayaa toogasho lagu dilay – Wararka ayaa sheegaya

Wararka3 weeks ago

Julian Assange ayaa laga sii daayay xabsiga Ingiriiska

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Mawduuc Falsafi ah: Dhagar tolmoon mise udub dhexaadka nolosha ah?

Wararka3 weeks ago

Dagaal cusub ayaa soo socda – QM

Bariga dhexe3 weeks ago

“Meel Israa’iil ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena” – Xassan Nasrallah

Afrika3 weeks ago

Dalka Zimbabwe oo codsanaayo xubinnimada kooxda BRICS

Geeska Afrika3 weeks ago

Mudaaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay dalka Kenya, kaas oo looga soo horjeedo sharciga canshuuraha

Diblomaasiyadda3 weeks ago

Booqashada Putin ee Vietnam: Laga soo bilaabo saaxiibtinimada taariikhiga ah ilaa qorshayaasha mustaqbalka

Wararka4 weeks ago

Tansaania oo furtay xaruntii ugu horeysay ee digniinta degdegga ah ee hawlgalka iyo isgaarsiinta

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Faransiiska oo dhimaya joogitaanka ciidamadiisa militariga ee Afrika – AFP

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Suudaan oo dacwo ka ah faragelinta ‘aan joogsiga lahayn’ ee Imaaraadka Carabta

Yurub4 weeks ago

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands Mark Rutte, oo noqonaya madaxa NATO

Diblomaasiyadda4 weeks ago

Kuuriyada Waqooyi oo roog cas u fidisay Putin, oo heshiis muhiim u ah la saxiixatay Ruushka

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Wadamada hubka nukliyeerka ku hubaysan oo kor u qaadaya awooda hubkooda arsenalka – cilmi baaris

Wararka4 weeks ago

Xujeyda Muslimiinta ah ayaa isugu tagay Buurta Carafa si ay u cibaadeystaan ​​maalinta oo dhan

Siyaasadda Soomaaliweyn4 weeks ago

Xogta saraakiishii lagu dilay deegaanka Awdiinleh iyo degmada Bardaale

Siyaasadda Soomaaliweyn1 month ago

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

Afrika1 month ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Chilima iyo sagaal kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed, sida ay xaqiijisay dowladda

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 month ago

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Xul