Connect with us

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Dhacdooyinkii Shaqada iyo Xafiiska Gudihiisa

Published

on

 


Intii aan xafiiska madaxtooyada joogay, waxyaabo badan ayaa i soo maray, gaar ahaantay, ama si guud noo soo wada maray. Dhacdooyinka aan ka xasuusto, ee xusitaanka mudan, ayaan qaybtan ku soo bandhigi doonaa.

 

#1

Madaxtooyadu waxaa madaxweynaha ku wehelinayay madaxweyna-ku-xigeenka Cabdiraxamaan Cabdillaahi Saylici. Waxaan marar badan dhibaato kala kulmi jiray iskuxidhka iyo u-kala-dabqaadka madaxweynaha iyo ku-xigeenka, ama waxa soo bixi jiray cabashooyin ka yimaadda madaxweyna-ku-xigeenka, taas ku saabsan wada shaqaynta aniga iyo isaga. Taas kuma aanan guulaysan sababahan soo socda dartood. Ugu horrayn Somaliland madaxweyna-ku-xigeenka waxa dastuurku awood u siiyey saddex qodob oo kala ah: Ku-simidda xilka madaxweynaha marka uu madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko;
Gudashada hawlaha uu madaxweynuhu u igmado; iyo
qabashada xilka madaxweynannimo marka ay jagadu bannaanaato.

Marka labaad, In kasta oo labada oday ay ahaayeen saaxiibbo is ixtiraama, laakiin may jirin dhinaca madaxweyna-ku-xigeenka kasbasho iyo hannaan xodxodasho oo uu saaxiibkii ku qanciyey in uu shaqada qayb libaax ka siiyo. Sidoo kale madaxweynahu iima muujin rabitaanka shaqo-igmasho (Job delegation) wax dhaafsiisan intii uu u xil saaray madaxweyna-ku-xigeenka.

Marka saddexaadna, in kasta oo jireen shaqooyin madaxweynuhu u xil saaray madaxweya-ku-xigeenka, waxa baaxad badnayd shaqooyinka xafiiska madaxweynaha ka socda ee aan madaxweyna-ku-xigeenka loo igman, kuwaas oo uu jeclaa madaxweyna-ku-xigeenku in uu talo ku yeesho. Qawadka shaqo ee madaxweyna-ku-xigeenka iyo ismaandhaafka ka imanayey awoodihii madaxweynaha ee uu shaqooyinka iigu xilsaaraa, waxay ahayd halxidhaale siyaasadeed oo hawl badani iga soo gaadhay.

Maadaama oo aan joogay xafiiskii madaxweynaha, shaqooyin badana uu ii igmado waxaan isku deyey in aan xidhiidhkooda shaqo wanaajiyo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka warhelay in madaxweynu golihiisa wasiirrada isbeddel ku samaynayo. Ka dibna waxaan qorsheeyey in aan la socodsiiyo madaxweyna-ku-xigeenka. Markii aan u sharraxay sida wax u socdaan, wixii aan xog hayayna u faahfaahiyay, ayuu ii soo bandhigay qorshe u gaar ah oo waxyaalo badan uu kaga duwan yahay sidii madaxweynuhu qorsheeyay. Markii aan arkay in aad loo kala ra’yi duwan yahay oo meel fog la kala joogo, waxaa igu adkaatay in aan madaxweynihii u sheego halka madaxweyna-ku-xigeenku joogo. Sidoo kale waxaa ceeb igu ahayd in madaxweynuhu ogaado in aan xogtiisii la wadaagay cid kale. madaxweyna-ku-xigeenku muu ahayn qof shakhsiyad xun, balse wuxuu ahaa dadka wax ku dhega, ee ra’yigooda ku adkaysta inta badan. Ugu dambayn waxaan ku khasbanaaday in aan wixii intaa ka danbeeyay madaxweynaha ku koobnaado. Marka aad tahay wasiirka madaxtooyada ama masuul madaxweynuhu xil u igmaday, waxaad amaawiirta shaqo ka qaadanaysaa madaxweynaha. Way qurux badan tahay in aad isku waddo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Shaqadu waa meesheeda, laakiin waxaa muhiim ah in aad ilaaliso haybadda madaxweyna-ku-xigeenka. Intii aan shaqada ku jiray marnaba may dhicin wax yooyootan ah, ama af-xumo iyo qadaf ah oo iga gaadhay madaxweyna-ku-xigeen, in kasta oo aan ra’yiga ku kala duwanayn. Haddana wuxuu ka mid ahaa hawlaha xafiiska intii aan joogay i qabsaday ee maaraynta iiga baahday.

Madaxweyna-ku-xigeennimadu waa shaqo dhib badan oo u baahan isfahamka labada ruux ee isku xiga (madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa). Dariiqa ugu wanaagsani waa in madaxweynaa-ku-xigeenku kasbado kalsoonida madaxweynaha, isla markaana uu saaxiibtinimo dhow la yeesho inta ku xeeran. Sidoo kale masuulka jooga kaalinta wasiirka, Chief Of staff, Chief of Cabinet ama agaasime ka ah madaxtooyada waxay uga baahan tahay hannaan uu ku maareeyo wadashaqaynta madaxweyna-ku-xigeenka.

 

#2

Sannadkii ugu horreeyey ee 2011 ee aannu xafiiska ku cusbayn ayaa waxaannu la kulmi jiray dhacdooyin ugub nagu ah. Waxaa maalin maalmaha ka mid ah noo yimi wefti Sucuudiga ka socda oo wata diyaarad khaas ah. Waxaa hoggaaminayey nin sheegtay in uu maamulo xafiiska mid ka mid ah amiirrada Sucuudiga iyo in uu yahay lataliyihiisa khaaska ah. Markii kulankii bilaabmay waxay noo sheegeen in ay u socdeen arrin khusaysa ganacsiga saliidda (Oil Industry), taas oo ay doonayaan in ay soo saaraan shidaalka ceedhin ee dhulka hoostiisa ku jira. Haddii loo oggolaadana in ay dhaqaale badan dalka soo gelin doonaan. Waannu soo dhoweynay, waxaana aannu waydiinnay qaabka ganacsi ee ay doonayaan in aannu u wada shaqayno iyo sida ay u fekerayaan.

Waxay la soo baxeen warqado diyaarsan (MOU – Qoraalka Heshiis Is-faham), kaas oo sheegaya in dalka Somaliland guud ahaan wixii shidaal ku jira ay Jumlad kula wareegaan soo saaristiisa, isla markaana aan cid kale awood u lahayn shidaalbaadhis kale (Exclusive). Markii aannu soo bandhignay aragtidii darafkayaga, waxaa ka muuqatay in aanay wax gorgortan ah diyaar u ahayn. Sidoo kale waabay qariibsadeen nimankan masaakiinta ah ee barwaaqada loo soo bandhigay ee haddana rabitaankii amiirkooda ka gorgortamaya! Annaguna waxaannu ka yaabnay nimankan dalkayagii yimi ee doonaya heshiis aanay waxba naga waydiin in aannu u saxeexno. Dhexdayadii markii aannu is waydiinay waxaa noo soo baxay shaki ah in shidaalka Somaliland ku jira soo saaristiisa la doonayo in la xannibo, sidaa darteed waxaannu u sheegnay in aannaan ku qancin soojeedintooda. Isla markiiba diyaaraddii oo madaarka u fadhida ayay dib u raaceen.

Annagoo arrintaa la yaabban, ayaannu booqasho ku tagnay caasimadda Abu-Dabey ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Sidii hore si la mid ah ayay noo soo bandhigeen in aannu siinno qaybo (Blocks) ka mid ah dhulka shidaalku ku jiro ee Somaliland. Waxay nagu noqotay fajiciso dalalkii khaliijka ee shidaalka qaniga ku ahaa maxay dhulkeenna u doonayaan, haseyeeshee waannu soo dhowaynay waxaana loo oggolaaday labo meelood in ay baadhaan (2 Blocks) muddo sannad ilaa labo sannadood ah. Waxaana wakhtigaasi dhammaaday iyaga oo aan wax baadhis ah ka samaynin dalka. Arrintan waxay nagu beertay dareen yaab leh, iyada oo sii xoojisay sheegashada Soomaalida ee odhanaysay in khaliijku aad uga werwersen yahay shidaal laga soo saaro geyiga Soomaalida guud ahaan. Taas oo abuuraysa shaki weyn oo ku wajahan in burburka geyiga Soomaalidu uu salka ku hayo hirdanka damacyo shisheeye iyo dawlado lacag haysta oo aan horuumar Soomaalida jeclayn.

 

#3

Qalinshubatadii Caalamka: Waxaan maqli jiray markii aan yaraa sheekooyin laga sheekeeyo oo la odhan jiray qalinshubato, taas oo macnaheedu ahaa dad bulshada ku samayn jiray indhasarcaad oo qofka lacagta uu sito uga furan jiray qaab xirfadaysan oo ay lacagtiisii waraaqo cadcad ugu beddelayaan. Run ahaantii ma garan karo qaabka ay qofka u furanayaan iyo waxa ay u adeegsanayaan, laakiin waxay arrintani caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho ka ahayd arrin caan ah. Tiradooda lama soo koobi karo dadka qaabkaa loo dhacay, walow aanay aniga igu dhicin xilligaa.

Markii uu muddo kooban oo sannad ka yar joogay madaxweynuhu xukunka, ayuu safar shaqo ugu baxay dalka Ingiriiska. Annaga oo maalin iyo labo joognay ayaa waxa ila soo hadlay qof ka soo hadlaya dalka Austria.

Wuxuuna ii   sheegay in uu hayo shirkad weyn oo Yurubiyaan ah oo dawladaha soo koraya ka caawisa arrimaha horumarka isla markaana doonaysa in ay Somaliland timaaddo. Waxaan ugu jawaabay cid kasta oo dalkayaga wax taraysa ama maalgashanaysa waannu soo dhawaynaynaa. Wuxuu yidhi waxay maqleen madaxdii ugu sarraysay in aad joogto London, markaa waxay doonayaan in ay halkaa idiin ku yimaaddaan. Waxaan ku idhi Wasiirka khaarajiga ayaan kuu gudbinayaa ee ha kula eego haddii kulankaasi suurtagal yahay. Waxaan ku wareejiyay wasiirkii arrimaha debadda ee xilligaa, Maxamed Cabdillaahi. Wax kooban ayay is yidhaahdeen, waxaanay u sheegeen in ay diyaarad khaas ah soo qaadanayaan oo u soo baxayaan London.

Waxay noogu yimaaddeen badhtamaha London, Sofitel Hotel oo aannu degganayn ballamana nooga socdeen. Iyadoo kulamada hawluhu nagu badnaayeen ayaannu wakhti siinnay oo la fadhiisannay saddex nin oo mid Soomaali yahay, labada kalana ay caddaan yihiin. Waxay noo dhiibeen Business Card-koodii kulankiina wuu noo bilawday. Waxay sheegeen in ay ka socdaan shirkad. Ujeeddada safkooduna waxay ku sheegeen in ay doonayaa in ay Somaliland yimaaddaan oo ay caawiyaan.

Madaxweynihii wuu soo dhoweeyay waxa aannu u sheegay in diyaar loo yahay wixii ay tarayaan dalka Somaliland iyo wixii ay la qabsanayaanba. Waxay yidhaahdeen waxaannu haynaa illaa labo boqol oo milyan oo Dollar oo aannu doonayno in aannu Somaliland ku caawinno, balse waxaa la idiinka baahan yahay in aad soo shubtaan lacag afartan milyan ah si aad lacagtaa u heshaan. Madaxweynihii wuxuu ku yidhi adeer annagu dawlad yar oo faqiir ah ayaannu nahay oo ma hayno lacagtaas e, lacagtan aad na siinaysaan ee labada boqol ah ka goosta afartanka oo na siiya baaqiga. Nimankii intay hadalkii soo gaabiyeen ayay kaceen. Ma hubo in ay ballan danbe noo sheegeen, balse markii aannu is waydiinnay waxaan ku idhi madaxweynaha iyo wasiirka waxaan u malaynayaa in ay yihiin qalinshubatadii Xamar lagu sheegi jiray oo caddaan ah. Aad ayaa loogu qoslay, waana la isla qaatay in ay qalinshubato ahaayeen.

Mar labaad ayuu wasiirka macdantu xafiiska madaxtooyada noogu keenay nin waayeel ah oo caddaan ah, kaas oo sheegtay in uu ka soo jeedo asal ahaan waddanka Israa’iil, laakiin uu sito jinsiyad Kanediyaan ah. Waxaa la socota gabadh meel dhexaad ah oo iyaduna caddaan ah. Ninkii wuxuu ka warramay taariikhdiisii oo aanan hadda wada xusuusan, balse waxa uu ujeeddada socodkiisa ku sheegay in uu doonayo in uu naga caawiyo arrimaha ictiraafraadinta. Wuxuu sheegay in uu bil gudaheed ku keenayo aqoonsiga Somaliland doonayso, isaga oo sheegay in uu ka soo dhammaynayo dawladda Ruushka aqoonsi buuxa, taas oo ay ka wada socdaan dawladda Maraykanka gaar ahaan xarunta difaaca ee Batigonka. Ugu danbayna wuxuu codsaday in ay raacaan labo wasiir. Waxay Nairobi isu raaceen wasiirka macdanta iyo Baashe Cawil iyada oo uu halkaa kaga sii horreeyey wasiirkii arrimaha debaddu.

Markii kulankii ugu horreeyay ay foodda is geliyeen labadii wasiir, Baashe iyo odaygii gadhwadeenka ahaa, odaygii wuxuu dalbaday lacag afar milyan oo Dollar ah in loo shubo iyo goobo shidaal (oil blocks) in ay saxeexaan. Qoladii reer Somaliland hareeraha ayuun bay eegeen, oo aayar ayay iskaga soo baxeen Hotel-kii. Way nala soo hadleen oo waxay noo sheegeen in uu ninkii noqday qalinshubato. Markaa ogow qalinshubatadii Xamar qurbaha ayay iminka joogaan waxaana u calaamad ah ballanqaadyo waaweyn iyo dalabaad macquuliyaadka ka fog.

 

#4

Waxay ahayd May 2012, markii na loo sheegay in malayshiyo isu urursanayaan in ay weeraraan xerada ciidamada mileteriga ee Wershadda Kabka, ee ku taalla bariga magaalada Hargeysa. Waxay nagu ahayd lamafilaan. Wasiirkii Kaluumaysiga, Cabdillaahi Geeljire ayaan arrintii wadaagnay oo ka sheekaysannay annagoo raadinayna xogta dhabta ah, isla markaana wuxuu wasiirku uga hawlgalay si hawl karnimo leh. Laakiin ismay taagin arrintii. Waxaa noo yimi odayaashii degaanka, oo noo sheegay in xiligii Siyaad Barre qoys beertoodii laga qaaday oo xerada ay qayb ka tahay ay wakhtigan doonayaan dhulkii, iyaguna ergo u yihiin in la siiyo xerada. Waxay ahayd wax af ka weyn xerada ciidanka, oo ah meelaha shicibka ka caaggan, in ay doonayaan oo weliba isku deyayaan in ay xoog kula wareegaan.

Gar iyo gardarro, duruuf kasta oo soo korodha, waxaad ku khasban tahay in aad maarayso oo ku daydo xal siyaasadeed inta aanay xoog iyo xabbad la isku muquuniyo gaadhin. Waxay se arrintani muujinaysaa sida aanu dadku ugu carbisnayn dawladnimada iyo raacista sharciga, marka ciidanka qolabka sida, ee shaqadooduba tahay dagaal iyo xabbad, qori lagala hortago. Markii aannu cabbaar wada hadalnay odayadii, madaxweyne ku xigeenka iyo tiro wasiirro ah ayaannu meeshii ku booqannay, oo raacnay odayaashii bal si aannu u eegno in ay tahay wax maangal ah waxa ay ka hadlayaan. Markii aannu meeshii tagnay waxay noqotay xerada ciidan badhtankeedii. Markii aannu ka bogannay kormeerkii, ayaannu odayadii kula balannay xafiiskii madaxtooyada, oo aannu ballan u qabannay 10:00 subaxnimo, haseyeeshee markii aannu ka dhaqaaqnay ayaa abaabul la galay.

Subaxii, abbaaro 5:30 ayaan maqlay rasaas agagaarkii ka dhacaysa. Si degdeg ah ayaan u lebbistay oo u baxay dhinacii xerada. Wasiirka daakhiliga ee xilligaa, Maxamed Duur, oo aan gurigiisu ka fogayn meesha xeradu tahay, ayaan u tegay. Sidoo kale waxaannu is helnay Geeljire, oo isna arrinta maqlay. Labadii wasiir ayaan is raacnay, oo meeshii wax ka dhacayeen ayaan tagnay. Intaa waxaannu isku deyaynay in aannu baajinno dagaal iyo khasaare yimaadda. Waxaa isaguna hawl aan yarayn ka galay xildhibaan Timacadde, oo  nimankii malayshiyada ahaa oo rasaas ku soo riday ciidanka isku deyay in uu xal ka raadiyo, balse ugu danbayn isagii ayaabay nabarro u geysteen. Wax yar uun ka dibna waxaa na soo galay gulufkii weerarka ahaa, waxaanay bilaabeen rasaas aan loo miidaan deyayn. Markii xaaladdii dhabaqday, meeshii waan ka baxnay, oo waxa aannu tagnay xerada Taraafigga oo aan meesha ka fogayn. Ciidankii Qaranku waxay galeen difaac adag, wakhti kooban ka dibna way qabqabteen malayshiyada badankeedii, wixii firxaday mooyaane, iyadoo khasaare dhimasho iyo dhaawac lihi labada dhinacba soo kala gaadhay.

Waxay ahayd nasiibdarro weyn in aannu baajin kari weynay dhimashada dadkayaga, balse dedaal lamaannu hadhin. Ciidamadu waxay leeyihiin hannaankooda u gaarka ah, waxana isla galabnimadii aannu ku warhelnay xukun ay maxkamadda mileterigu ku ridday 23 xubnood oo malayshiyadii ka mid ah, kuwaas oo ay dil iyo xadhig dheer ay ku qaadday. Waxaa se dhaqamada wanaagsan ee reer Somaliland ka mid ah, madax-dhaqameedkii beesha oo uu hor kacayay Suldaan Yuusuf Xiiray ayaa la hadlay dadkoodii, dejiyay xaaladdii, dawladdana ku ayiday tallaabada ay qaadday iyaga oo garawshiyo iyo xaalna ka bixiyay weerarka aan laga fiirsan ee lagu qaaday xerada ciidamada qaranka.

 

#5

Waxay ahayd, October 2014, abbaarro lixdii ilaa toddobadii subaxnimo. Waxaanu joognaa meel aan ka fogayn istabta bariga ee Hargeysa, qiyaas ahaan waxaanu u jiraa ilaa 1Km. Waxaannu wadannaa labo gaadhi, waa aniga iyo xoghayihii dawladda hoose ee wakhtigaa, Mawliid Weris. Waxaannu u joognaa waddada Hargeysa iyo Berbera u dhexaysa oo la samaynayo, oo aannu olole ugu jirnay hirgelinta iyo dhiirrigelinta ilaa ay magaalada soo dhex marto oo u dhaafta dhinaca Gebilay.

Waddadu waxay ka xidhan tahay labada dhinac, waxaana yaalla calaamadaha muujinaya in la samaynayo. Injineerradii iyo shaqaalihii waxay ku mashquulsan yihiin waddada dhexdeeda. Mar keliya ayaa waxaa na soo galay gaadhi xamuul ah oo ah nooca jaadka qaada, kaas oo ku soconayay xawaare aad u sarreeya. Labadii askari ee gaadhka ahaa ayaa gacanta u taagay, iyaga oo doonaya in ay ka joojiyaan meesha la samaynayo, balse isuma taagin ee xoog ayuu ku dhaafay. Mid ka mid ah ayaa xabbad kor u riday si uu u joojiyo. Cabbaar markii uu taraaray ayuu istaagay gaadhigii, waxaanu filaynay in ay cudurdaaranayaan oo aanay arkeen, haseyeeshee waxaa ka soo degay ilaa afar nin oo budhadh iyo bakoorado la yaacaya, kuwaas oo ku qamaamaya labadii askari. Askartiina difaac ayay galeen, oo qoryihii ayay diyaarsadeed.

Nimankii isma taagin, ee waxaa hore loogu socday oo budhadhkii lagu waabwaabiyey askartii! Waxaa weerar ah ninka shicibka ah ee budhka sita, askarigii qoriga haystayna dib ayuu u guranayaa oo difaac ayuu ku jiraa; waa yaab! Markii aan arkay meesha xaal marayo, ayaan u soo dhaqaaqay dhinacoodii, oo aan isku deyay bal in aan la hadlo oo u caqli celiyo, balse isma taagin ee waxay ku qaatan yihiin askarta qoryaha sidata in ay la dagaalamaan!

Waxay ila noqotay in aan askariga dhiirrigeliyo, oo dawladnimada u hiiliyo mar haddii laga haybadaysan waayey. Waxaan ku idhi nimankii “waar ma waxaa laydinka hayaa askarta dirayska ku lebbisan ee qoriga sidata, kibirkaaga tudhaalaha askariga ayaa dhiirrigeliyay.” Askartiina waxaan amar ku siiyay haddii ay tallaabo danbe hore u soo qaadaan toogta, sidoo kale darawalladii gaadiidka noo wadayna waxaan ku amray in ay gaadhiga xamuulka ah labada dhinac gawaadhida kaga gooyaan, isla markaana taayirada naqaska ka sii daayaan. Intaa markii aan amar ku bixiyay, aniga oo aad u cadhaysan ayaan telefoon u diray booliska oo ka dalbaday gurmad degdeg ah in ay noo soo diraan ciidanka Istabta ee nagu dhaw, anigoo u sharraxay xaaladdii jirtay.

Markii ay arkeen in xaaladdii is beddeshay, isla markaana askartii dib uga guranayey ku soo dhiirratay ee ay hore ugu soo socdeen, ayay daadiyaan wixii farolaab ay haysteen ee budhadh iyo bakoorado ahaa. Isla markiiba booliskiina waa na soo gaadhay. Ileen nin caleen sita iyo qofka mukhaadaraadka ka ganacsada ayaa dadka ugu nugul! Waxay nagu bilaaabeen baryo iyo calaacal ‘qaadkaa qalalaya’ iyo ergo! Waxaa se yaab leh,

in ilaa xadkaa lagu soo dhiirrado dawladnimadii, ninka shicibka ahi ciidankii ilaalinayay sidaa ula dhaqmo, waxaanay muujinaysaa heerka fahamka bulshada ee dawladnimada iyo dhaqan soomaaliga iyo debecsanaanta maamulku in uu wiiqi karo kala danbaynta iyo guud ahaanba dawladnimada.

 

#6

Waxay ahayd habeen habeennada ka mid ah markii aannu shir isugu nimi madaxweynaha iyo qaar ka mid ah xubnihii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Mid ka mid ah ayaa soo jeediyey in Faysal Cali Waraabe laga reebo guddida wadahadallada, isaga oo eedaymo u soo jeedinaya. Anigu waxaan jeclaa in labada xisbi mucaaradba nagala qayb qaataan, balse waxaa saddex xubnood oo kale isku raaceen in laga reebo. Go’aankiina sidii ayaa lagu qaatay. Markii shirkii dhammaaday ayaa ninkii fekradda soo jeediyay telefoon u diray oo ku yidhi: Faysal shirkaa waa lagaa reebay! Galabnimadii danbe ayuun baan isku soo baxnay Faysal oo cadhaysan oo hadallo kulul igu boobay.

Markii hore waxaan is idhi deji, balse aad ayuu u kacsanaa gudgoomiyuhu. Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay warbaahinta isaga oo dhaleecayn iyo maag igu wajahan ka hadlaya, aniguna waan u jawaabay. Muddo ayaannu saxaafadda hadallo dhiif leh isku waydaarsanaynay, laakiin ugu danbayn Faysal wuxuu ogaaday sidii wax u jireen iyo in ninka u soo warramay yahay ninkii soo jeediyay in Faysal shirka laga reebo. Kulan denbe oo  aannu ku yeelannay ayuu Faysal garawshiiyo iga siiyay, balse waxaa labadayadaba layaab nagu noqotay in dad masuuliyiin ahi siyaasad ka dhigtaan sidatan oo u shaqaystaan, ileen “waxaad ceebta u taqaan rag bay camalkiisa tahay!” Haddii aad masuuliyad haysana, wax kastaa way kaa soo marayaan oo dhibaato aanad gaysan ayaad mararka qaar dhibbane u noqonaysaa.

 

#7

Waxay ahayd 6:00 subaxnimo, markii aniga oo markaa shaqada soo galay uu telefoon ii soo diray Cismaan Awrliqe oo shaqaalaha madaxtooyada ka tirsanaa, isla markaana ii sheegay dhacdo naxdin badan oo ka dhacday magaalada Agabar ee hoos timaadda Gebilay, taas oo labo gaadhi oo ka tallaabayay dooxa daad ku qaaday 13 qof oo dadkii saarnaa ka mid ahina ay dhinteen, maydkii iyo dhaawiciina meeshii yaallo. Aniga oo naxsan ayaan jahadii wax ka dhaceen u dhaqaaqay, ilama socoto cid aan ahayn darawalka iyo labo askari oo gaadh ah. Intii aannu sii soconnay ayaan isa soo gaadhnay wasiir Samsam Cabdi Aadan, wasiirkii maaliyadda, oo iyana qaylo dhaanta maqashay. Waxaa iyaduna na soo gaadhay wasiir ku xigeenkii caafimaadka, Nimco Qawdhan. Muddo saacad iyo waxoogaa ah ka dib ayaannu meeshii gaadhnay. Waxaannu la kulannay mashaqo ballaadhan iyo maydkii oo wadhan, qaarna gawaadhidii oo dooxa ku jirtaa ay ku jiifto maydkoodii

Waxaa isugu yimi meesha ummad badan, qaylada iyo baroorta dadka dadkoodii waayay, waxaa ka muuqata murugo iyo jaahwereer, nidaam iyo qof qof dhegaysanayaa ma jiro ee waa fawdo. Annaguna ma wadano qalab ama gaadiidkii cuslaa sida cagafyo iyo wiishash, sidoo kale ma sidanno, meeshana ma yaallo, codbaahiye (Microphone and speekers) dadka lagula hadlo oo warka lagu gaadhsiiyo oo shaqada lagu jeheeyo. Waxay noqotay meel aan derajadaadu waxba ka tarayn, oo amarkaaga cidina maqlayn lana tixgelinayn mashaqada jirta iyo dhibta meesha ka taagan darteed. Waxaa ka sii daran dadkii ayaa na lagu soo jeediyay oo lagu yidhi waxba idiin qaban maayaan, ee way iska noqonayaan oo maydka yaalla ayay qaadayaan, oo qaar ayaaba na maagaya oo leh maxaad naga soo doonteen. Waxay kuugu daran tahay adiga oo masuul ah oo soo gurmaday marka aad waxba qaban kari weydo, ilmada ayaa indhahayga ku soo taagan, waxa aannu ku sigannay in aannu oohinta isku darno oo baroor miciinsano! Markii aannu cabbaar qaskii ku sugnayn, ayaannu markii danbe askartii na ilaalinaysay meel isugu keenay oo wixii mayd yaallay khasab gawaadhida ku saarnay, oo Hargeysa u dirnay, dadkiina hannaan qorshaysan u gelinnay meeshii gaadiidku ku aasnaa si loo qodo, anaguna la galnay oo la qodnay. Markii ay arkeen in aannu meeshiina la qodayno, maydadkiina qorshe lagu qaado u samaynay, ayaa dadkii degay. Waxaa noogu dhacay qorraxdii, oo makhribkii ayaannu ka soo saarnay dooxa maydkii ugu danbeeyay.

In kasta oo mararka qaar aanay kugu simayn, haddana marka aad masuul tahay ee mashaqo dhacdo waa muhiim in aanad caaddifad ku gurman ee aad bulshada qorshe ula tagto si aanad ula mid noqon shicibka.

 

#8

Dedaalladii aannu ku jirnay xilligii xafiiska, kumay koobnayn hawlaha xukuumadda oo keliya ee waxaa ka mid ahaa, markii doorashadii dawladaha hoose ee 2012 uu ka hadhay Xisbigii weynaa ee UDUB, sababo khilaaf dhexdooda awgood, waxaan wadahadal la bilaabay qaar ka mid ah xubnihii kaadirka xisbiga, gaar ahaan intii markaa la socotay madaxweyne ku xigeenkii hore ,Axmed Yuusuf Yaasiin, ama ku bohoobay inay dhisaan Jamaal Cali Xuseen, oo ka mid ahaa xubnihii u tartamayey inay hoggaanka xisbiga noqdaan. Waxaan shirar la yeeshay dhawr iyo toban xubnood oo markii aan is fahannayna aan madaxweynaha isu keenay. Waxaa ka mid ahaa Maxamed Qaasim, Abiib Filfil, Xasan Daahir Dhinbiil, Maxamed Cabdi Daauud, Cali Yufle, iyo qaar kale oo badan. Waxaanan ku heshiinnay in ay ku la midoobaan oo xubno iyo madaxba ka noqdaan xisbigii Kulmiye, sidoo kale dawladda oo ay markaa xiisaynayeen in xilal ka helaan ku soo dhoweynay qofba wixii nasiibkiisu uu ka siiyo. Markii aan faham guud isla qaadannay ayaan isu geeyey gudoomiyhii Kulmiye ee xilligaa, Muuse Biixi, si uu ay wixii gorgortan ah ee khuseeya xisbiga ula yeeshaan, halkaas ayaana lagu heshiiyey oo ay xisbigii kaga mid noqdeen.

Sidaa mid la mid ah, markii ay soo baxeen saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, wixii ururro ahaa ee dhacay dhammaantood waxaan geliyay tacab iyo dedaal iyada oo sidii aan qoraallada hore ku soo sheegay aan hoggaankii Xaqsoor guriga ku booqday, wadahadalna aannu la furnay, oo  markii danbena intii badnayd ee masuuliyiinta Xaqsoor iyo taageerayaashiiba ay Kulmiye ula midoobeen. Taa mid la mid ah ayaan labadii xubnood ee kala hoggaaminayay ururradii Rays iyo Dalsan iyagana aan guryahooda ugu tegay oo wadahadal la soo bilaabay, markii aan hawlahoodii isla soo dhoweeyayna waxaan isu keenay madaxweyanaha oo la dhammaystiray is fahamkii wixii ay ka dalbadeen.

Markii danbena waxaanu ugu yeedhnay guddoomiye Muuse oo la dhammaystiray heshiiskii. Halkaas ayaanay kula midoobeen Kulmiye, oo ku noqday xisbigii ugu ballaadhnaa xisbiyada Somaliland. Markaa in kasta oo aan siyaasadda ku kala duwanayn hoggaanka xisbiga, madaxweynahana ay isku dhaceen xilliyada qaarkood aad loo kala fogaa, haddana xukuumad ahaan kamaanu cidlayn kaalintii dhismaha xisbiga ee inta badan madaxweyne Siilaanyo iyo intii ka ag dhoweyd waxaan cayaarta ka cayaaraynay xagga danbe. Waxaanay ka mid tahay falsafadda hoggaaminta, oo waxaa la yidhaahdaa: “Lead from the back”, oo macnaheedu yahay, “xagga danbe ka hag.”

 

#9

Siyaasiyiinta Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan kuwa Somaliland, waxa ku badan harawsiga siyaasadeed iyo hadallo ay dadka iskaga diraan. Waa dhacdooyin si maalinlaha ah laga yaabo in aad uga la kulantid siyaasi mashquulsan, ama duruufo uu keligii garanayo dartood aan diyaar u hayan in uu kula shaqeeyo, oo dabadeed uu hadallo dulucdoodu yahay in uu iska kaa diro iyo halxidhaale uu kuu diro.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa ii yimi mid ka mid ah Salaadinta Somaliland. Wuxuu ii sheegay in ay madaxtooyada ku ballansanaayeen, Maxamed Kaahin, oo ka mid ah ragga ugu waaweyn siyaasiyiinta Somaliland. Waxay u ballansanaayeen in uu xukuumadda kala dhammeeyo mashaariic ahaa horumarka bulshada, oo u doonayey degaankiisa, waxa aanu filayey in odaygan siyaasiga ahi madaxtooyada uga soo horreeyo oo wuxuu u qabay tuhun weyn. Wuxuu garaacay telefoonkiisii, wuu ka qabtay oo hadalba kama sugine markiiba wuxuu ku boobay: suldaan madaxtooyadii maanta waa xidhan tahay oo wefti caddaan ah ayaa yimi oo madaxweynihii jaanis ma laha ee anigaa kula soo hadlaya! Suldaankii wuu naxay marna cadhooday, isaga oo telefoonkii si degdeg ah u dhigay, markaa ayuu igu soo jeestay oo yidhi “waar maxaanu samaynaa bal kii dadkaba ugu weynaa ee aan isla Xirsi iyo Madaxweynaaha ha kuu raaco baahidii degaanka ha kaala dhammeeyo, ayaa war aan jirin ii sheegaya oo madaxtooyadan aan dhex fadhiyo igu leh way xidhan tahay oo wefti caddaana ayaa jooga!” Waxay ahayd lamafilaan, balse way dhacdaa tan oo kale, oo waxa laga yaabaa in siyaasiyiintu, wax ay ka tahayba, ay wax kala asturaan, oo ku kellifmaan in ay sheegaan warar sida kan aan waaqici ahayn. Waxaan dhacdadan ka bartay muhiimadda ay leedahay hubsashadu. Warka laguu sheegaa mar kasta ma aha ka keli ah ee jira. Iska hubi, oo yaan lagu harawsan.

 

#10

Waxaan marar badan xusuustaa, dad muwaadiniin ah oo runtii ay ka muuqato samo jecayl iyo waddaniyadi, balse aan habaysnayn iskana war hayn, oo qof waliba doonayo in uu madaxweynaha arko. Ka ugu sahlanina waa ka doonaya in uu aniga i arko. Qof kastaa wuxuu la socdaa talo, waxaa laga yaabaa wax isku mid ah in konton qof kaala hadasho balse iyagu isma oga oo qofna qofka kale kama war hayo. Way xanaaqayaan haddii la yidhaahdo qorshihiina soo qora oo shaqaalaha u soo gudbiya.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii yimi oday muxtarim ah da’a weynsidaas oo kale talo la socda, oo ka yimi dibadda. Markii aan waraystay ee uu saacad ama labo ila joogay ee uu ii dhammeeyay ayuu yidhi madaxweynahana waxaan doonayaa in aan arko. Sida muuqata waa nin u soo dhoofay oo ay ku weyn tahay in taladan na soo gaadhsiyaa. Waxaanu igala hadlay horumarinta xeebaha oo wasaarad dhami u xil saaran tahay, isla markaana laga yaabo in boqol talo oo cilmibaadhis ku fadhida laga keenay.

Madaxweynihii ayaan u galay oo u sheegay in odaygaasi doonayo. Wuxuu i waydiiyey waxa uu la socdo, waxaanan u sheegay in uu talo caynkaa ku saabsan igala hadlay, lagana yaabo in uu intii iyo wixii kale ee uu ku daro kala hadlo. Madaxweyne Siilaanyo, oo dhegaysi badnaa, haddana ka daalay sidii talo loogu waday, ayaa igu yidhi: “waar adeer talo ayuun bay odhanayaan cid wax qabanaysaana waa yartay. qof kastaa talo ayuu la socdaa, waanu ku dacaaqudhunnay sidii ay talo noogu wadeen ee iga daa!” Waxaan ugu jawaabay madaxweyne waa oday weyn oo muxtarima, waxaana laga yaabaa wuxuu is leeyahay taladaa ayaa ka dhiman oo haddii ay qaataan Somaliland cirkay gaadhaysaa ee ka dhegayso. Waanu aqbalay, odaygiina intii uu ii sheegay ayuun buu ku celiyay, oo labo ama saddex saacadood ayuu aniga iyo madaxweynaba naga qaatay maalintaa.

Dhegaysigu maamulka ayuu ka mid yahay, taladuna waa muhiim, laakiin waxay u baahan tahay hab iyo hannaan lagu shaandheeyo oo wixii muhiim ah lagaga soo saaro, balse dad qof kasta mid talo u ehel ah iyo mid aan u ahayn, mid kastaa madaxweynaha doonayo in arko oo la taliyaa sax ma aha.

***

Runtii way badnaayeen dhacdooyin xiiso badan oo intii aan xafiiska joogay i soo maray, balse mashquulkii aan ku jiray dartii qaar badan waan illaaway oo wakhtiga ayaan ii saamixin in aan si fiican u qoro ama aan u xasuusto, mana doonayo mala-awaal iyo wax aanan hubin in aad akhrista la wadaago.

Facebook Comments Box

Waa qoraagga Buugga ‘Miyiga Ilaa Madaxtooyada’ Xirsi Cali Xaaji Xasan waa wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada ee Maamulka Somaliland. Waxa uu saaxadda siyaasadda Maamulka Somaliland ku biiray dabayaaqada sanadkii 2007. Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa wasiirka ugu awoodda badan, uguna firfircoon 26-ka wasiir ee xukuumadda Kulmiye ka koobnayd xilligaas. Dhinaca waxqabadka waxa uu aad u dhiirrigeliyaa, xil weyna iska saaraa arrimaha horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka. Xirsi Cali buugga uu qoray waa buuggii kowaad ee silsiladda buugaagta Dhaxalgalka ah, waa taariikhnollolleed. Intiisa badan waa taariikh ku saabsan qoraagga wuxuuna yiri "waa taariikhdii noloshayda, min dhalasho ilaa hadda"

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Maxaad ka taqanaa magaaladda Buulo Burde?

Mala socotaa in Buulo Burde ay ku magac dheer tahay Buulaay ama Deebleey oo dadkii hore u yaqaaniin?

Published

on


Degmada Buulo Barde oo ku taala dhanka qoraxsin ee Wabiga Shabelle, waxay muqdisho u jirtaa 220km, waagii hore magaalada waxaa la dhihi jiray Buulo-burte oo macneheedu yahay (Buuladii bacaadka), lakiin markaan dambe ayaa wuxuu magacaasi isku bedelay Buulo Barde, waa geed wabiga jiinkiiska ka baxo ayna caan ku tahay magaaladan.

Buulo Burde waxay kaloo ku magacdheer tahay Buulaay ama Deebleey oo dadkii hore u yaqaaniin. Magaalada Buulo Burde waxay caan ku tahay xoolaha sida Ariga, Geela iyo Lo’da, magaaladani waa magaalo laga helo dhammaan dhirta kala duwan ee ka baxda Soomaaliya, waa magaalo laf dhabar u ah dadka iyo gaadiidka ku kala safra goballada dhexe iyo gobollada waqooyi.

Magaaladan ayaa u muuqato mid ganacsigeedu uu sii balaaranayo lagana yaabo in ay hogaamiso ganacsiga gobolka Hiiraan iyadoo dadkeedana maalinba maalinta ka danbeysa sii badanayo. Waxaa ka dhacay dagaal weyn sanadkii 1922 oo u dhexeeyey askartii Talyaaniga iyo kuwii Xasan Barsane oo ey dad badani ku nafwaayeen.

Waxbarashada

Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1991dii waxaa burburay dhamaan agabkii iyo hooygii waxbarashada wadanka oo idil. Waxa warbixin lagu sheegay in 94% dugsiyadii waxbarashada Soomaaliya ay burbureen.

Horaantii sanadkii 1997kii, magaalada Boorama waxaa laga furay jaamacadii ugu horeysay dalka tan iyo burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Wakhtigaasi waxaa la furay Jaamacadda Camuud oo noqotay hooyga waxbarashada ee deegaanka.

Waxbarashada Soomaaliya caadiyan ilaa askunkii taariikhda waxay waxbarashada ku salaysnayd barashada Qur’aanka iyo guud ahaan diinta. Aasaaskii bulsho dowladnimo haysato, Soomaaliya waxaa kusoo kordhay aqoonta bay’ada iyo ka faa’iidaysiga cilmigi falaga, aqoontaas oo ahayd mid jiilba jiil u gudbaysay.

Buulo Burde waxaa ku yaala dugisyo sare iyo kuwa dhexe iyo kuwa hoose iyo kuwa kale, laakiin degmada Buulo Burde waxaa lagu xasuustaa dowladii Maxamed Siyaad Barre iney ka soo bixi jireen dad aqoontooda sarreeyso xaga waxbarashada xaga ciyaaraha, waxaan xasuusanaa gobolada dalka Soomaaliya marka loo fiiriyo xaga ciyaaraha waxay ka soo bixi jireen badankood gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buulo Burde.

Bulshada

Degmada Buulo Burde waxay ahaan jirtay beri samaadkii degmada ugu dadka badan degmooyinka dalka Soomaaliya iyo degmada ugu xildhibaanada badan guud ahaan degmooyinka dalka soomaaliya, waxaana kasoo gali jiray illaa toddobo xildhibaan.

Buulo Barde waa deegaan yar oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee ku yaallo dalka Soomaaliya waxaana ku nool ku dhawaad 16,928 qof, waana mid ka mid ah meelaha ugu ballaaran Soomaaliya. Waxaa ku nool qabaa’ilo Soomaaliyeed, laakiin ma sheegaan qabiilkooda oo haddii la weydiiyo waxa uu kuugu jawaabaa reer Buulo Burde. Degmada waxa ay leedahay qisooyin aad u farabadan halkaanna kuma soo koobi karno, waxaa ay kaloo leedahay Buundo lagu tilmaamo in ee ay mid tahay kuwa ugu qatarsan Soomaaliya oo dhan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Taariikhda kubbada cagta Soomaaliyeed oo kooban

Koobkii ugu horreeyay ee ay soomaaliya kusoo qaado kubbada cagta waxaa ugu horreeyey midka ay soo qaadeen 17 jirada ee ay Koonfurta Suudaan kaga badisay 3-1

Published

on


Koobkii ugu horreeyay ee ay soomaaliya kusoo qaado kubbada cagta waxaa ugu horreeyey midka ay soo qaadeen 17 jirada ee ay Koonfurta Suudaan kaga badisay 3-1 taariikhda 15.10.2022.

Kooxda Macalin Nuur Maxamed Amiin ayaa 3-1 kaga badisay Koonfurta Suudaan ciyaarta finalka ah oo ka dhacday garoonka Abebe Bikila ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Sabtidii 15.10.2022.

Ka dib markii ay ka rabeen xulkii ugu cadcadaa ee Uganda oo u soo baxay 17 jirada AFCON 2023, xulka Soomaaliya ayaa ku farxay in ka badan 200 oo Soomaali ah oo ku nool Itoobiya ayaa dhamaantood u soo baxay ciyaarta, waxayna usoo baxeen guusha ay gareen.

Xulka Soomaaliya ayaa halkeeda ka sii waday ciyaarta oo ay ku gacan sarreeyeen iyaga oo si fiican u difaacay. C/raxiin Maxamed Daahir ayaa labo gool oo kale dhaliyay si uu u xaqiijiyo in kooxdiisu ay taariikhda u gasho inay ku guuleysato koobkii ugu horeeyay ee gobolka.

“Tani waxay noo tahay guul aad u macaan,” ayuu yiri Cabdulle Cabdullaahi Cabdulle oo faraxsan, kabtanka Soomaaliya. Macalinka xulka qaranka Soomaaliya Nuur Amiin oo ilmeynayay ayaa dhamaan amaan u jeediyay ciyaartoydiisa. “Waxaan u sheegay dadkii dalka ku soo laabtay inaan ku guuleysan doono horyaalka,” ayuu yiri Nuur Amin.

Tababaraha Koonfurta Suudaan Bilal Felix Komoyangi ayaa sheegay in inkastoo laga badiyay finalkii, hadana wiilashiisu ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo ay u soo baxeen U-17 AFCON 2023.

Ciyaartii hore ee Play Off-ka Tanzania U-17 ayaa rigoorayaal 4-1 ku garaacday kooxda Uganda Cubs oo 10-ciyaartoy ah ka dib markii ay 90-daqiiqo 1-1 ku kala baxeen. Ciyaaryahan Farouk Lubega oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa hogaanka u dhiibay Uganda.

Laakin markii la isku soo laabtay qeybtii labaad waxaa ciyaarta laga saaray gool-dhaliyaha xulka Uganda Lubega, waxaana Tanzania u barbareeyay Ally Omar. Xulka Tanzaaniya ayaa gool u badalay dhamaan afartii rigoore ee loo dhigay,halka goolhayaha Tanzania Alexander Mwakapambika uu laba rigoore ka badbaadiyay kooxdiisa si ay 4-1 ugu badiso.

Guddoomiye ku xigeenka seddexaad ee CAF Souleiman Hassan Waaberi ayaa ka qeyb galay finalka iyo abaalmarinta. Guddoomiyaha CECAFA Wallace Karia, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Itoobiya Isayas Jira, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Ereteriya Abraham Esayas, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Burundi Alexandre Muyenge iyo Ku-simaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale ka qeyb galay ciyaarta finalka ah.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo lagu naanayso Xiddigaha Badweynta, waxay Soomaaliya u matalaan ciyaaraha caalamiga ah, waxaana maamula xiriirka kubbada cagta ee Soomaaliyeed oo xubin ka ah xiriirka kubbadda cagta Afrika. Kabtankii ugu horeeyay ee xulka qaranka Soomaaliya ayaa ahaa Mudane Maxamed Shangole, halka kabtankii ugu waqtiga dheeraa uu ahaa Hasan Babaay.

Kooxihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ayaa la aas aasay 1940-kii. Tartamadu waxay ahaayeen kuwo aasaas u ah qaab-dhismeedkooda, waxaanay xidhiidh la lahaayeen dhaqdhaqaaqii gumaysi-diidka. Ururkii SYL oo ahaa xisbigii ugu horeeyey ee dalka ka jira, ayaa koox dhalinyaro ah oo deegaanka ah isugu geeyey inay la ciyaaraan kooxihii Talyaaniga ee qurbaha ka yimid.

Kooxda kubbadda cagta ee FYL ayaa isu keentay, kuwaas oo markii dambe magaceeda u beddelaya Boondheere, waxay ku guulaysteen dhawr tartan oo hore. 1951kii ayaa la aasaasay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee isboortiga ayaa la aasaasay 1958-kii. Inkastoo xulka qaranka Soomaaliya uu ka qeyb galay ciyaaro horudhac ah, haddana marna uma soo bixin heerka ugu dambeeya ee koobka adduunka.

Sannado badan ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye horraantii 1990-meeyadii, ciyaaraha ay FIFA soo saartay ayaa lagu ciyaari karin gudaha dalka. Kulamadii isreebreebka koobka qaramada Afrika iyo koobka aduunka ayaa taas badalkeeda lagu tartamay meel ka baxsan garoonkeeda. Si kastaba ha ahaatee, kadib nabadeyntii caasimadda Muqdisho sannadkii 2011-kii, Xiriirka XS ayaa bilaabay u diyaar-garowga munaasabaddii ugu horreysay ee isboorti oo sannado badan lagu qabto garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, Diseember 2012.

Kahor sanadka 2019, xiriirka Soomaaliyeed ee FA-ga ayaa go’aansaday in ay qirtaan xirfadahooda dhalinyarada iyo kuwa soo socdaba, waxaana ay sameeyeen tijaabooyin maxalli ah si ay u xoojiyaan labada xul ee Olimbikada iyo kuwa qaranka.

Sidoo kale, in badan oo ka mid ah qurba-joogta Soomaalida ayaa horay u soo saaray ciyaartoy tayo leh oo kubbadda cagta ah sida Islam Feruz iyo Mukhtaar Cali. 5-tii Sebteembar 2019, Soomaaliya ayaa badisay ciyaartii ugu horreysay ee isreeb-reebka tan iyo 1984 (oo ay la ciyaareen Kenya – Isreebreebka AFCON) iyo ciyaartii ugu horreysay ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee FIFA, waxay 1-0 ku garaacday Zimbabwe.

Waxa ay ku dhawaadeen in ay u gudbaan wareega labaad laakiin waxa ay 3–1 kaga badiyeen Zimbabwe ka dib laba gool oo soo daahay ay u dhaliyeen weeraryahanada, taas oo keentay in Xiddigaha Ocean-ka ay goor hore ka baxaan.

Laga soo bilaabo 1970-meeyadii ilaa 1990-meeyadii, xulka qaranka Soomaaliya waxa ay xirnaan jireen shaarar adag oo buluug ah oo cirka u eg iyo sharabaado ay ku jiraan surwaal gaaban oo cadcad oo loogu talagalay marka ay garoonkeeda ku ciyaarayaan iyo kuwa ka duwan sida funaanadaha martida, labada midab ee aasaasiga ah ee calanka Soomaaliya, 2010 ilaa hadda, xulka qaranka ayaa hadda bedelay funaanadaha adag ee buluugga ah iyo funaanadaha xariijimaha cad.

Cagafkii xulka qaranka Soomaaliya ayaa markii hore ahaan jiray shaadhka qaranka Soomaaliya balse hadda waxaa lagu bedelay xarunta xiriirka Soomaaliya.

Xiddigaha badweynta ayaa ku ciyaaraya garoonka Muqdisho Stadium, (Iyadoo garoonka dib u dhis lagu sameynayay, xulka qaranka ayaa ku ciyaaray garoonka Injineer Yariisow oo ah garoonka labaad ee ciyaaraha Muqdisho).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Xidigtii galbatay, Fanaanada Khadra Daahir Cige

Waxa ay ka mid ahayd fannaaniinta faro ku tiriska ah ee qof kasta oo Soomaali ah dookhiisa ahayd marka laga hadlo dhageysiga heesaha ay qaadday. Khadro Daahir ayaa sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay aheyd nolal adag.

Published

on

inta aysan geeriyoon ka hor ay wareysi siisay warbaahinta maxalliga

Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyootay Fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo muddooyinkii danbe ku xanuunsaneyd magaalada Hargeysa halkaaso oo lagu dabiibaayayey xaaladeeda caafimaad balse ay u gooriyootay.

Dhanka kale marxuumada ayaa muddooyinkii danbe ku jirta isbitaalka Hargeysa, sidoo kale marxumada ayaa inta aysan geeriyoon ka hor la ildarneyd cudurka qabowga halkaasoo ay ugu xirnaa Oxcygen-ka.

Khadra Dhaahir ayaa sidoo kale ah qof si weyn looga yaqaano geyiga Soomaalida iyadoo qeyb weyn ka qaadatay dhisida fanka muddooyinkii ugu danbeysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay geerida fanaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige oo xalay ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanadii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Xassan.

Madaxweynaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka mid aheyd tiirarkiisa.”

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa bartiisa facebooga kusoo qoray tacsi iyo tiiraanyo uu la wadaagayo ehelka iyo qaraawada ay ka geeriyootay gaar ahaan bahda fanka uu sabar iyo iimaan alle ka siiyo, wauxuuna alle ugu baryay inuu janada ka waraabiyo.

Waxaan lasoo koobi karin masuuliyiinta u tacsiyeynaaya marxuumada kuwaas oo ay ka mid yahay ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kherye, Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale.

Dhammaan bahda Diblomaasi.com Waxey tacsi u dirayaan qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo maamuus ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed, Allena waxaan ugu baryeynaa inuu ugu bishareeyo Jannada.

Khadro Daahir Cige

Khadro Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, sannadka markuu ahaa 1957-dii iyadoo nolasheeda intabadan ku qaadatay halkaasi, kuna barbaartay, ka hor intii aanay ku biirin fanka. Alle ha u naxxariistee khadra Daahir Cige intii ay noolayd waxa ay xaas u noqotay Axmed Cali Cigaal iyo Cabdillaahi Sabriye. Ifka waxaa ay kagga tagtay saddex wiil iyo laba gabdhood iyo intii ay sii dhaleen.

Khadro waxay qaadday ku dhawaad 250 Heesood, heeseheedana waxa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna khadro waxaa heeseheeda laga sameeyaa sheekooyin. Fannaanadda caanka ah ee Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii markaas oo ay qaadday heesteedii ahayd “Afka lagama sheegto adigoon jacayl arag.”

Waxa ay ka mid ahayd fannaaniinta faro ku tiriska ah ee qof kasta oo Soomaali ah dookhiisa ahayd marka laga hadlo dhageysiga heesaha ay qaadday.

Dadka qaar waxa ay qabaanba in ay ahayd qofkii fankeeda loogu jeclaa intii ay heesaysay. Inkasta oo ay burburkii soomaaliya ka dib muddo dheer qurbaha ku noolayd, hadanna dhowr iyo labaatankii sanno ee u danbeeyay waxa ay degenayd magaalada Hargeysa.

Heesteedi ugu horreysay waxaa u dhiibay macallinkeedii maaddada Carabiga, taasi oo ahayd Hawl iyo Dadweynoow , waxay ahayd hees wadani ah. Waxay ka mid ahayd ardaydii codkooda loogu jecelaa marka la dhigayo xafladaha iskuulka lagu xirayo.
”Waad iska garaneysaa iskooladda xiisad ayaa jiri jirtay taasi oo lagu dhiganayo Muyuusigga, waan iska heesi jirnay,taasina waxay aheyd meesha lagu ogaanayay qofka soo baxaya” ayay tiri Khadro Daahir oo BBC-da wareysi siisay intii ay nooleyd.
Iyadoo waxbarashadda asaasiga ah ku jirta ayaa shaqada fanka laga qoray markaasi oo Hargeysa ay joogeen fannaaniintii Waabari, heeskeedi kowaadna waxaa tumay Fannaankii Saalax Qaasin oo ahaa macallinkeedi.

Waxyaabaha xilligaa ay filkeed kaga dhex mmuuqatay waxa ka mid ahaa ciyaaraha sportska sida kubadda kolaygga iyo orodada. Waxa ay gaadhay heer ay u safato tartanka orodada soomaaliya iyadoo metelaysay gobaladii waqooyi galbeed oo hadda ah Somaliland.

Khadro ayaa markii dambe fanka u go’day oo ka weecatay waxbarashadii waxayna qeyb ka jishay ruwaayado badan oo ay ka mid ahayd, ‘Dab jacayl kari waa.’ Cadar Axmed Kaahin ayaa ka mid ah fannaaninta ay saaxiibadda ahaayen isla markaana ay isla soo shaqeyeen ayaa BBC-da u sheegtay in Khadro Daahir ay ahayd qof wanaagsan oo qiimo badan oo waliba dhib yar umadduna ay jeclayd. ”aniga walashay ayay ahayd mararka qaar darteed Ayaan London u tagi jiray anoon muraad kala ka lahayn”.ayay tiri Cadar.

Cadar Axmed Kaahin oo iyana ka tirsanaan jirtay fannaaniintii hobollada Waabari ee Soomaaliya ayaa inta aku dartay in Khadro ahayd qof dadku u simanyihiin oo naxariis badan.

Hibo Maxamed Huddoon (Hibo Nuura) oo Iyana ka mid ahayd shaqsiyaadka ay saaxiibbada dhow ahaayen kana wada tirnaan jireen hoballadii Waabari ayaa sheegtay in Khadro ahayd qof saaxiib u ah wanaagga. “Waxaan ku haminayay in aan aniga Kahdro iyo Cadarba aan meel wado degno oo aan soo laabto”.ayay tiri Hibo Nuuro

Alle ha u naxaariistee fannaanaddii Codka halaasiga laheyd waxay fanka ka baxaday sanaadkii 2002-dii waxay dhawaanahaan ku noolayd magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tageysay sannadkiiba mar, taasi oo ay sheegtay inay caruurteeda soo eegto.

Khadro Daahir ayaa sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay aheyd nolal adag. Inta badan shacabkaiyo madaxda Soomaalida ayaa ka tacsiyay geerida allaha u naxariistee Khadro Daahir Cige waxayna dhamaantooda Alle uga rajeeyeen inuu siiyo naxariistiisa dambigeedana dhaafo.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Dhaxalka gumeysiga Faransiiska ee Aljeeriya: Rabshadaha galmada oo ahaa dhacdooyinka naxdinta leh

Diblomaasi waxay si qoto-dheer leh u baartay taariikhda gumaysiga arxandarada leh ee Aljeeriya ay kala kulantay Faransiiska: Isku dayga ay ku joojinayaan iska caabinta Aljeeriya, ciidamada Faransiisku waxay isticmaaleen xad-gudubyo galmo oo habaysan oo ka dhan ah haweenka Aljeeriya, kuwaas oo ku qaaday xusuusta naxdinta leh ee gumeysiga galmada muddo tobanaan sano.

Published

on


Taariikhda gumaystaha Faransiiska ee Aljeeriya ayaa caan ku ah dambiyada dagaal ee foosha xun ee soo maray taariikhda dunida. 8-dii Maajo 1945-kii, ilaa 45,000 oo Aljeeriya ayaa lagu dilay dalbashada madax-bannaanida dalkooda, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah ee Algeria. Xasuuqaasi ayaa noqday xasuuqii ugu waynaa ee uu Faransiisku sameeyo hal maalin gudaheed.

Diblomaasi waxay si qoto-dheer leh u baartay taariikhda gumaysiga arxandarada leh ee Aljeeriya ay kala kulantay Faransiiska: Isku dayga ay ku joojinayaan iska caabinta Aljeeriya, ciidamada Faransiisku waxay isticmaaleen xad-gudubyo galmo oo habaysan oo ka dhan ah haweenka Aljeeriya, kuwaas oo ku qaaday xusuusta naxdinta leh ee gumeysiga galmada muddo tobanaan sano.

Faallo: Ilaa iyo inta uu Faransiisku diidayo in uu qirto dambiyada uu ka galay Aljeeriya iyo baahida loo qabo magdhow, dhaqdhaqaaqyada madhan ee warbixinta ayaa lagu tirin doonaa wax yar, ayay qortay Malia Bouattia. Malia Bouattia waa dhaqdhaqaaqe, madaxwaynihii hore ee Ururka Ardeyda Qaranka, iyo barayaasha Shabakadda wargelinta.

Sannadkii 1960-kii, bulshada indheergaradka ah ee ku nool dalka Faransiiska ayaa argagax ku dhacay, ka dib markii ay soo gaadhay ra’yiga dadweynaha sheekada gabadh 22 jir ah oo u dhalatay dalka Aljeeriya, taas oo ay ciidammada Faransiisku kufsadeen oo ay jidh dil u geysteen. Magaceedu wuxuu ahaa Djamila Boupacha.

Djamila, oo 22 jir ah ayaa la xidhay 1960-kii iyadoo lagu eedeeyay inay bam ku rakibtay dagaalkii xornimada ee Aljeeriya, Djamila, oo 22 jir ah, waa la jidh dilay oo la kufsaday ilaa ay qiratay. Gabadhan da’da yar ee Aljeeriya, oo markaas wajaheysay xukun dil ah, ayaa u sheegtay qareenkeeda Gisèle Halimi oo u dhashay Tunisiya-Fransiis xadgudubka jireed iyo midka galmoodka ah ee ay kala kulantay xabsiga.

Masiibadii Boupacha waxay fadeexad ku noqotay aqoonyahanno Faransiis ah oo ay ka mid yihiin Simone De Beauvoir, Jean-Paul-Sartre, iyo taageerayaashooda, kuwaas oo markii horeba olole ka dhan ah dembiyada ciidamada Faransiiska ka galay Aljeeriya iyagoo adeegsanaya joornaalkooda ‘Les Temps Modernes’.

“Waxa ugu fadeexada badan fadeexada waa inaad la qabsatay. Haddana waxa ay u muuqataa wax aan macquul ahayn in ra’yul caamka ah ay ku sii nagaadaan masiibada ay ku socoto gabadh yar oo 22 jir ah, Djamila Boupacha,” ayey qortay gabadhii Feminist-ka caanka ahayd ee buuggeeda ku qornaa afka Faransiiska De Beauvoir ee Le Monde, 2dii Juun 1960-kii.

Djamila Boupacha waa dagaalyahan hore oo ka tirsanayd Jabhadda Xoreynta Qaranka Aljeeriya. Waxa la xidhay 1960-kii iyada oo isku dayday in ay bam ku riddo kafateeri ku taal gudaha Aljeeriya.

“Qiyaastii 1.5 milyan oo Aljeeriyaan ah ayaa la dilay, malaayiin kalena waa ku barokaceen halganka madaxbannaanida oo siddeed sano socday oo dhammaaday 1962-kii.”

Cadaadiska dadweynaha awgeed, Boupacha ayaa la sii daayay ka dib heshiiskii Evian, kaas oo soo afjaray dagaalka. Haddana kuwii iyada ku xad-gudbay iyo kuwii jirdilayba ciqaab la’aan ilaa maantadan la joogo. Afartan sano ka dib fadeexadii Boupacha, Louisette Ighilahriz, oo ah dagaalyahan Aljeeriya, ayaa soo noolaysay fadeexada.

Sanadkii 2000, Ighilahriz ayaa markii ugu horeysay ka sheekeysay sida loogu faraxumeeyay dhismaha General Massu’s 10th Parachute Division (DP), ee Algiers. Ajnabi ka tirsan milatariga oo lagu magacaabo Richaud ayaa ahaa kii badbaadiyay.

“Anigoo qaawan ayaan jiifay (…) Isla markii aan maqlay dhawaqa kabaha, waxaan bilaabay gariir Markaa maskax ahaan ayaanu nafteena ka go’naa,” ayuu Ighilahriz ku yidhi maqaal lagu daabacay Le Monde sannadkii 2000.

Labaatan sano ka dib markii ay soo dejisay culays ay siday muddo tobanaan sano ah, Louisette waxay sheegtay in geesinimadeedii ay qiimo badan ku bixisay. Wiilkeedu wuxuu sii wadaa inuu diido inuu la hadlo si uu u sheego khibradeeda. Mujaahidiin badan (maleeshiyo) ah ayaa dhabarka u jeediyay, waxayna sheegtay inay kashiftay sir ay qarinayeen lixdan sano.

Djamila Boupacha ayaa khudbad jeedisay 27 Juun 1962 Algiers ka dib markii la xiray, la jirdilay iyo faraxumeyn ay geysteen askar Faransiis ah. Markii ugu horeysay waxaa lagu xukumay dil ka hor inta aan la sii dayn iyadoo qayb ka ah heshiiskii Evian. [Getty]

Sheekadeeda tafatiran ee ku saabsan dembiyada kufsiga ee ciidamada Faransiisku galeen waxay dib u furtay nabar xusuusta dadweynaha Faransiiska – dhacdo ceeb ah oo Jamhuuriyaddu ay door bidday inay iska indho tirto tobannaan sano kahor.

Taariikhda gumaystaha Faransiiska ee Aljeeriya ayaa caan ku ah dambiyada dagaal ee foosha xun.

8-dii Maajo 1945-kii, ilaa 45,000 oo Aljeeriya ayaa lagu dilay dalbashada madax-bannaanida dalkooda, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah ee Aljeeriya. Xasuuqaasi ayaa noqday xasuuqii ugu waynaa ee uu Faransiisku sameeyo hal maalin gudaheed.

Markii dagaalkii xoraynta Aljeeriya uu xoogaystay 1954kii, rabshaduhu way sii bateen. Ku dhawaad 1.5 milyan oo reer Aljeeriya ah ayaa lagu dilay malaayiin kalena waa ku barakaceen halgan madax-bannaanideed oo siddeed sano socday oo dhammaaday 1962-kii.

Dambiyada kufsiga ayaa la rumeysan yahay in ay dhaceen si weyn muddo sideed sano ah. Geesinimada weyn awgeed, qaar ka mid ah waaya-aragnimada dumarka Aljeeriya ee ay saameeyeen ayaa soo ifbaxay, halka qaar kale oo badanna ay ku hoos aasan yihiin mamnuucid.

Xadgudubka galmada ayaa si xun loo addeegsaday

In ay isku qariyaan wasakh, iskuna dayaan in ay u eegaan waxa ugu yar ee suurtogalka ah, waxa ay ahayd mid ka mid ah habab badan oo quus ah oo dumarka Aljeeriya ay adeegsadaan isla markii ay maqleen mishiinnada baabuurta ciidamada Faransiiska ee ku soo wajahan tuulooyinkooda, ayay tiri Natalya Vince, oo ah aqoonyahan ku sugan Waqooyiga Afrika iyo Faransiiska.

“Sida laga soo xigtay marag-furka haweenka Aljeeriya, haweenka qaarkood waxay sidoo kale u dhiibeen dhallaanka naagaha da’da yar ee aan guursan iyagoo isku dayaya inay ka dhigaan kuwo aan soo jiidan karin. Taasi, dabcan, macnaheedu maaha in hababkani ay ku guulaysteen ilaalinta haweenka Aljeeriya ama kuwa la weeraray ma aysan isku dayin in ay [is-difaacaan],” ayuu Vince ku daray wareysi uu siiyay The New Arab.

Buuggeeda abaalmarinta ku guulaysatay ee ‘Our Fighting sisters: Nation, Memory and Gender in Algeria’, Vince waxa ay si qoto dheer u falanqaynaysaa waaya aragnimada haweenka Aljeeriya ee u soo halgamay xorriyadda, kuwaas oo sheekadooda maanta aan si buuxda loo ilaawin ama aan si buuxda loo xasuusan.

Marka laga soo tago xaaraanta ku xeeran tacaddiyada galmada, waaya-aragnimadii shakhsi ahaaneed ee haweenka Aljeeriya ee la kulma xadgudubka galmo iyo nafsiyeed ayaa ku lumay xusuusta wadajirka ah ee dagaalka, taas oo dadka guud ahaan u dabbaaldegta sida geesinimada leh ee halgankii Aljeeriya.

“Dambiyada kufsiga Faransiiska ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u dhaceen intii uu socday dagaalka Aljeeriya ee xornimada.

Si kastaba ha ahaatee, Vince ayaa sheegtay in haween badan oo Aljeeriyan ah ay helaan siyaabo badan oo shakhsi ah oo ay ku xusaan dhaawacyadooda shakhsi ahaaneed oo ka fog iftiinka warbaahinta.

“Sheekooyinka ay ka midka yihiin kuwa kufsiga gabi ahaanba sir ma ahan. Dumarka Aljeeriya waxa laga yaabaa inaanay u wadaagin si guud. Laakiin waxay ku xuseen tusaale ahaan gabayo sida bulshada Kbayli,” ayey tirri Vince.

In kasta oo inta badan masiibooyinkaas ay ahaayeen kuwo qarsoodi ah oo ku jira tusaalooyin maxalli ah, sheekooyinka kufsiga ee soo jiitay dareenka caalamiga ah, sida kuwa Djamila iyo Louisette, waxay noqdeen mawduuc xiiso leh oo falanqayn ah oo ku saabsan astaanta xadgudubka galmada ee dagaalka.

Cilmi-baaraha Faransiiska Raphaëlle Branche, markii dumarka la beegsaday, “rabitaanku wuxuu ahaa mid ka yar galmada rabitaanka lahaanshaha iyo ceebaynta” sababtoo ah dembiyada kufsiga ee joogtada ah waxay saameeyaan dhibbanaha oo kaliya, laakiin sidoo kale “qoyskeeda, tuuladeeda, iyo dhammaan wareegyada ay ku socdaan iyada ayaa iska leh, ilaa kan ugu dambeeya: dadka Aljeeriya”.

“Kufsigani sidoo kale waa qayb ka mid ah xeeladaha argagixisanimo ee milatari,” ayay Branche ku qortay qoraalkeeda ‘Kufsiga Intii lagu jiray Dagaalkii Aljeeriya’.

Dhankiisa, dhakhtarka dhimirka ee Faransiiska Frantz Fanon, oo qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqii xorriyadda Aljeeriya, ayaa u arkay dambiyada kufsiga ee Aljeeriya inay sii socoto dareenka Faransiisku ku hayo jidhka dumarka Aljeeriya ee ka bilaabay isku dayga inuu soo bandhigo xilliyadii hore ee gumeysiga Aljeeriya.

“Boodhadhyo iyo ololeyaal, ciidanka Faransiisku waxay isku dayeen inay ku qanciyaan haweenka inay iska bixiyaan indho-shareerka,” ayay u sharraxday Donia Ismail, oo ah wariye Franco-Algerian ah oo xiisaynaysa taariikhda Aljeeriya.

“Waxay sii waday in ay soo bandhigto haweenka si xoog ah si ay u qaataan sawiradooda aqoonsiga sida kiiska sawirada caanka ah ee Marc Garanger ee haweenka maxaabiista ah ee la soo bandhigay oo la sawiray iyaga oo aan raali ka ahayn. Dhammaantood waxay u taagan yihiin dareenka [jidhka haweenka Aljeeriya]”.

Waxaase yaab leh, waalidu maanta waa ka sii socotaa carrada Faransiiska, iyadoo xijaabka ay weli yihiin mowduuca ugu muhiimsan ee doodda siyaasadda Faransiiska.

“Iyadoo siyaasiyiinta garabka midig ay sii wadaan inay ku doodaan faa’iidooyinka gumeysiga Faransiiska u keenay Aljeeriya, xisbiyada bidixda way ka aamusan yihiin”

Diidmada Faransiiska in uu qirto dambiga

Bisha Luulyo, iyada oo Aljeeriya ay isu diyaarinayso inay u dabbaaldegto sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay markii uu dhammaaday dagaalkii xornimada qaran, isla markaana lagu xusayo dadkii ku dhintay waddaniyiinteeda, Faransiisku waxa uu weli ka caga jiidayaa in uu qirto dembiyada ay ciidankoodu galeen intii uu socday dagaalka.

“Iyadoo siyaasiyiinta garabka midig ay sii wadaan inay ku doodaan faa’iidooyinka gumeysiga Faransiiska u keenay Aljeeriya, kuwa bidixdana ay ka aamusan yihiin,” Ismaaciil, oo awoowgiis uu ka dagaalamay jabhadda Aljeeriya, ayaa u sheegay The New Arab.

Marine Le Pen, oo ah siyaasiyad Faransiis ah oo midigta-fog ah, kuna guul-darraystay doorashadii madaxtinimo ee sannadkan, kagana adkaatay Emmanuel Macron, ayaa sheegtay 2017-kii in “gumaysiga Faransiiska uu wax badan u horseeday, gaar ahaan Aljeeriya”.

Marion Anne Perrine “Marine” Le Pen waa qareen iyo siyaasi Faransiis ah oo u tartantay madaxtinimada Faransiiska 2012, 2017, iyo 2022. Xubin ka mid ah Rally National, waxay soo noqotay madaxweynaheeda 2011 ilaa 2021. Waxay xubin ka ahayd Golaha Shacbiga ee deegaanka 11-aad ee Pas-de-Calais ilaa 2017.

Eric Zemmour, oo ah siyaasiga midigta fog ee Faransiiska ee lagu muransan yahay, ayaa ku dooday muhiimada dambiyada Faransiiska uu ku xaddidayo weerarrada Aljeeriya ee ka dhanka ah ciidamada. Dhanka kale, garabka bidix Jean-Luc Mélenchon ayaa doorbidaya inuu isticmaalo ereyga ‘dagaal sokeeye’ si uu u qeexo dariiqa Aljeeriya ee ku wajahan xoraynta ciidamada Faransiiska.

2017, Madaxweyne Emmanuel Macron, oo weli musharrax ah waqtigaas, ayaa markii ugu horreysay jebiyey aamusnaantii siyaasadeed ee muddada dheer ku jirtay xilligii ugu dhiigga badnaa ee taariikhda dhow ee Faransiiska, isagoo qiray “dambiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada” Gumeysiga Faransiiska ee Aljeeriya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Caasimada Oslo ayaa lagu soo bandhigay ururkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee u taagan dhaqanka, luuqada iyo taariikhda Soomaaliyeed

Caasimada Oslo ee dalka Norway ayaa waxaa lagu aasaasay ururkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed, kaasoo u taagan dhaqanka, luuqada iyo taariikhda Soomaaliyeed oo ay aqoonsatay dowladda Norway.

Published

on

Hogaanka iyo maamulka Hangool Norway (B) Cabdijabaar Sh. Axmed, qofka ku xiga (DH) Filsan Maxamed, qofka ku xiga (DH) Guddoomiyaha Hangool Samsam Cali (M) Fu'aad Warsame

Hangool Norway waxaa la aasaasay 1-da janaayo 2022. Waxaa shirkii ugu horeeyay lagu qabtay caasimada Oslo ee dalka Norway. Shirka waxaa kasoo qeyb galay qorayaal iyo aqoonyahano Soomaaliyeed waxaana lagu falanqeeyay baahida loo qabo in Soomaalida yeelato xarun lagu midaynaayo Qorayaasha Soomaaliyeed iyo Xarun Dhaqan oo u gaar ah Soomaalida Norway, ayaa lagu yiri qoraal sharaxaayo ururka iyo sababta uu u taagan yahay.

“Ujeedada Hangool ayaa ah in lagu mideeyo bahda qorayaasha Soomaaliyeed ee maanta iyo kuwa mustaqbalka dhaw ee soo socda, sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in la helo xarun ka turjubanayso dhaqanka, taariikhda iyo luuqada afka Soomaaliga ah oo u taagan Soomaalinimadeena iyo dadnimada ummada ay leedahay.” – ayuu yiri madaxa tifatiraha majaladda Hangool Norway, Cabdijabaar Sh. Axmed.

Marka aan aragnay dhibaatooyinka dhalinteena ka haysato fahandarada luuqada afka Soomaaliga, dhaqanka iyo guud ahaan taariikhda cida ay yihiin ayaan waxaan ku fikirnay inaan aasaasno Hangool Norway. Waxaa jira jiil badan oo Soomaaliyeed oo aanan aqoonin afkooda hooyo, dhaqankooda iyo taariikhdooda waxayna u baahan yihiin xarun ay ka heli karaan macluumaad la xariira guud ahaan qodobadaas aan soo sheegnay. Waxaa aragnay in dhalinyaradeena ay dhibaato badan ka haysato ‘inay ogadaan qoomiyada ay ka tirsan yihiin’. Sidaas awgeed, Hangool waxay dhalinta ka caawin doontaa inay fahmaan luuqadooda, dhaqankooda, iyo in la qoro oo la daabaco buuggaagta caruurta ee dhaqanka iyo taariikhda, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka Hangool Norway.

Soomaalida kunool qurbaha ayaa waxaa dhibaato badan ka haysto xagga barbaarinta ubadka. Waalidiinta iyo ubadkooda isma fahmaan waxaana sababaya luuqada waalidka ku hadla ee Soomaaliga ah iyo kuwa ubadkooda ku hadlaan oo ah dalka ay ku noolyihiin afkiisa. Sababta ugu weyn ayaana ah isfahan darada u dhaxeyso waalidka iyo ubadka.

Soomaalida ku dhaqan qurbaha intooda badan xiiso iyo welwel ayay ka qabaan in dhaqankooda la waayo halka inta badan kuwa dalka kunool aan kala jeclayn sababtuna waa kuwa dalka jooga cid kale oo dhaqankooda ay ugu cabsi qabaan ma jiro.

Sida aan wada ogsoonahay luuqada waxay ku dhaxal siisaa inaad si fiican u barato dhaqanka iyo diimaha ay haystaan dadka luuqadaas ku hadla. Tusaalle, haddii aad barato afka Norwejiga waxaad si hoose u baranaysaa dhaqanka iyo dabeecadaha dadka Norwejiyanka sidoo kale luuqada Soomaaliga ah haddii aad si fiican usii barato xittaa adigoo Soomaali ah waxaad sii oganaysaa waliba si qoto-dheer aad usii baranaysaa dhaqanka Soomaalida, taariikhdooda iyo hab-nololleedkooda.

Soomaalida ku dhaqan qurbaha intooda badan xiiso iyo welwel ayay ka qabaan in dhaqankooda la waayo halka inta badan kuwa dalka kunool aan kala jeclayn sababtuna waa kuwa dalka jooga cid kale oo dhaqankooda ay ugu cabsi qabaan ma jiro. Marka ay noqoto fanka farshaxanka ee masraxa caalamka dhaqanka soomaalida ayaa kuwa aan ka muuqanin, sababtuna waxaa loo fahmi karaa in Soomaalida aysan ku baraarugsaneen farshaxanka muhiimada ay leedahay. Hangool ayaa hadda noqday ururka kali ee ay dowladda Norway u aqoonsan tahay dhinacyada dhaqanka, luuqada, taariikhda iyo farshaxanka Soomaalida.

Marka ay noqoto fanka farshaxanka ee masraxa caalamka dhaqanka soomaalida ayaa ah kuwa aan ka muuqanin, sababtuna waxaa loo fahmi karaa in Soomaalida aysan ku baraarugsaneen farshaxanka muhiimada ay leedahay. Hangool ayaa hadda noqday ururka kali ee ay dowladda Norway u aqoonsan tahay dhinacyada dhaqanka, luuqada, taariikhda iyo farshaxanka Soomaalida.

Maamulka iyo hogaanka Hangool Norway waxay isugu jiraan dhalinyaro wax ku baratay qaarada Yurub, aqoonyahano, qorayaal iyo dad dhaqan-yaqaan ah oo intooda badan deggan dalka Norway.

Guud ahaan, dhaqanka Soomaalida waa hab nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi oo ay ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanka, habaynta iyo soo bandhiga barnaamijyada u gaarka ah Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika.

(B) Ruweyda, qofka ku xiga (DH) Guddoomiyaha Hangool Samsam Cali (M) Qoraa Maxamed Xuseen Macalin

 

Maamulka Hangool oo ka shiraayo istiraajiyada Hangool Norway iyo halka ay wajahi doonaan sanadka soo socda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Published

on


Xiddiga fanka fanaaniinta Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiya carruurta Soomaaliyeed ee deggan degmo ka tirsan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loo yaqaan “Muqdisho yar oo ku taal Mississippi” si ay u bartaan luuqadda iyo dhaqanka dalkooda hooyo.

Aar Maanta, oo caadiyan fadhigiisu yahay magaaladda London, wuxuu arkay baahi degdeg ah oo loo qabo in afka Soomaaliga la geliyo nolosha carruurta, oo qaarkood ay ku dhasheen Mareykanka oo aysan ku hadli karin afkooda hooyo.

“Markii uu wiilkaygu dhashay waxaan raadineynay luuqada Soomaaliga waxaana ogaanay inay tahay wax aan la heli karin. Waxa kaliya ee aan haystay waxay ahaayeen xusuusteyda,” ayuu yiri. “Taasi waxay ahayd dhimbiilkii mashruucan.”

Erayada qaarkood waxaa qorey carruurta Soomaaliyeed oo qaarkood ay da’doodu tahay siddeed jir. – Carruurtan ayaa ku nool xaafadda Cedar -Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka – oo ah deegaan ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.

Heesahooda ayaa la sii daayay bishan waxa lagu tilmaamay “albumkii carruurta iyo af Soomaaliga ee ugu horreeyey ee ku baxa muusigga adduunka”.

Fanaanka Xasan Nuur oo loo yaqaano “Aar Maanta” oo horkacayay caruurtii Bandhigfaneedka la la wadday, ayaa VOA u sheegay in ujeedada soo badhigista albumkan ay ugu wayntahay in caruurta la dhiirigaliyo, afkooda iyo dhaqankooda la jecleysiiyo.

Xarutna Cedar Cultural inkasta oo ay ku caanbaxday soo bandhigista bandhigfaneedyo ay fanaaniin Soomaaliyeed garwadeeno ka yihiin, hadana waa markii ugu horeysay ee ay Soo bandhigaan heeso iyo suugaan u gooni ah ubadka Soomaaliyeed. Soomaalida suugaan ku noosha ah ee aan ka baaqan badhigfaneedyadooda waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Mukhtaar oo arrimaha dhalinyarada ka shaqeeya, xalayna ay uga duwanayd habeennadii kale ee uu goobtan imaan jiray.

Albumkaan ‘ubadkaa mudnaan leh’ ayaa noqonayaa Albumkii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee caruurta loo sameeyo, laftooduna ay ka qeybqaadanayaan. Heesta halkudhigga u ah albumka iyo dhowr kaleba, waxaa hal abuuray Pro. Siciid Saalax Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota. Waxa uuna ii sheegay in isaga iyo fanaanka Aar Maanta ay sii wadi doonaan barnaamijyada sare loogu qaadayo fahamka caruurta ee afkooda iyo cidda ay yihiin.

Waa Caruur Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Minneapolis oo ah halka ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee gobalka Minnesota. Waxa ay la heesayaan fanaanka Xasan Nuur “Aar maanta” oo habeenkii xalay ahaa Xarunta Cedar Caltural ku daah furay albam cusub oo magaciisu yahay Ubadkaa mudnaanta leh.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay bandhigfaneedkaan mid waaliddiinta u furaya wadadii ubadkood ku hagi lahayd barashada afkooda, oo caruurta qurbaha ku koreysa uu dhib badanka heysto. Xalwo xuseen waa habeenkii ugu horeeyay ee ay xarunta Cedar Caltural Centar u timaaddo bandhigfaneed. – Xalwo Xuseen

Kala soocidda jiilka Soomaaliyeed

Mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee uu Aar Maanta doonayay inuu wax ka qabto ayaa ah “kala goynta jiilasha – waalidiinta ku dhashay Soomaaliya iyo carruurtooda ku nool Mareykanka, halkaas oo aysan ahayn cimilada oo kaliya qabow, laakiin sidoo kale dabeecadaha ku wajahan bulshada Soomaaliyeed”.

Heesahu waxay aad ugu ku saabsan yihiin waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka, qaarkood oo nimankoodu muddo dheer ka tageen.

Waxay ku saabsan yihiin safarro “Laga soo bilaabo Geeska [Afrika] ilaa Cedar”, waxay tilmaamayaan sida, Soomaaliya, “gacan ku dhiiglayaashu ugu dabaalanayaan barkadaha gumaadka”, waxayna si kalgacal leh uga hadlaan dhismayaasha dhaadheer ee Cedar Riverside, “. – Faadumo Jamiila Biixi

Marwo Biixi ayaa sheegtay in hannaanka samaynta albumku uu gacan ka geystay isku xidhnaanta jiilalkii kala duwanaa iyadoo fursad loo siinayo dhallinyarada inay shabaddooda ku dhejiyaan Soomaalinimadooda.

“Odayaashu waxay rumeysan yihiin inaan ilownay afkeenna, dhaqankeenna iyo taariikhdeenna.”

“Abuuritaanka heesahan waxay naga caawisay inaan la xiriirno dhaxalkayaga iyo awoowayaasheen, iyadoo noo oggolaaneysa inaan sameyno wax u gaar ah oo cusub, si aan u sameyno nooca aan u leenahay waxa ay tahay Soomaalinimada.” – Faadumo Jamiila Biixi, Mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku nool Minneapolis

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Sirdoonka & Militariga39 mins ago

Kongresska Maraykanka ayaa ansixiyey miisaaniyaddii difaaca ee ugu badnayd

Bariga dhexe9 hours ago

Gabar la dhalatay Ayatollah Cali Khamenei oo weerartay xukunka walaalkeed

Siyaasadda Soomaaliya10 hours ago

Maxay ka dhigan tahay shardiyada ay Somaliland ku xirtay wadahadallada dowladda federaalka?

Diblomaasiyadda & Dunidda10 hours ago

Israa’iil iyo Morokko ayaa kala saxiixday heshiis shidaal baaris ah

Gumeysi iyo isir sifeyn10 hours ago

Israa’iil ayaa saddex kale oo Falastiiniyiin ah ku dishay gudaha magaalada Jenin

Caafimaadka & Sayniska2 days ago

Saynisyahano ayaa waxay ogaadeen 2 macdan oo aan hore loogu arag dhulka oo laga helay Soomaaliya

WARBAAHINTA3 days ago

Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey inay xasuuqeen 83 maxaabiis oo Tigray ah

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 days ago

Waa maxay Federaal?

Afrika3 days ago

Suudaan: Cabdel Fattah Burhan iyo kooxda dimuquraadiyada doonka ah ayaa saxiixday heshiis qaab dhismeed dowladdeed

Akhri5 days ago

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

Xaalada amni darro awgeed, waxaa Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey Mooshun degdeg ah

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

RW Xamza Cabdi oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano asiga ku dhow

Siyaasadda Soomaaliya6 days ago

ATMIS (AMISOM) oo war ka soo saartay dhacdadii ay wiilka dhalinyarada ah ay gaariga ku marsiiyeen Ceelasha Biyaha

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Waa maxay Daanta Galbeed? – Taariikh iyo xog muhiimad gaar leh

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Ciidamada Israa’iil ayaa saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto: wasaaradda caafimaadka

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

4 qof oo isku qoys ah oo aano loo dilay gudaha magaalada Warsheekh

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Madaxweyne Xassan oo shir uga qeyb galay Muqdisho, xilli aagga Madaxtooyada Al-Shabaab laga saari la’yahay

Afrika1 week ago

Dowladda Masar oo ku guuldareysatay inay dadka qaxootiga ah ka ilaaliso kufsiga iyo faraxumeynta loogu gaysto gudaha dalkeeda

Siyaasadda Soomaaliya2 weeks ago

Qeybtii 2aad: Furaha xalka Soomaaliya, – Sidee qayaanada loogu maleegay Soomaaliya?

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Xariirka Turkiga iyo Bakistaan

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Turkiga: Erdogan waxa uu go’aansaday in uu noqdo kan ugu sarreeya difaaca

Afrika2 weeks ago

Afrika iyo musaqmaasuqa

Afrika2 weeks ago

Madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Klaus Chilima oo xabsiga loo taxaabay musuq-maasuq dartiis

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Xariirka Turkiga iyo Qadar

Ganacsiga2 weeks ago

Dowladda Qadar oo $10 bilyan siineysa Turkey, ujeeddada waa maxay?

koonfurta Bari Aasiya2 weeks ago

Anwar Ibrahim ayaa loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Malaysia

Caafimaadka iyo Sayniska2 weeks ago

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Caafimaadka iyo Sayniska2 weeks ago

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Yurub2 weeks ago

Midowga Yurub ayaa dejinaya qorshaha muhaajiriinta Mediterranean-ka kahor kulanka degdega ah

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Nooca dililka ay fuliyaan Hay’addaha sirdoonka

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Turkiga ayaa weeraro cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada argagixisada PKK ee Ciraaq iyo Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Danjire Moxammed El-Amine Souef: Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Waa maxay cilmiga Sirdoonka ama Jaajuuusnimada?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada3 weeks ago

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Qeybtii 1aad: Furaha xalkaa Soomaaliya

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Qalin-jabisaye qorshe ma siddaa?

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Qaybtii 1aad: Yaa qorsheynaayo weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdishu?

Qoyska & Horumarinta Bulshada3 weeks ago

Waxaa jira 3 xeerar oo fududd oo aad raaci karto si’aad u guulaysato

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Madaxweynayaasha Joe Biden iyo Xi ayaa ku kulmay shirka G20 ee Bali, maxay kawada hadleen?

WARBAAHINTA3 weeks ago

Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu joojinayo magangelyo-doonka ka tallaabaya kanaalka u dhexeeya

Xul