Connect with us

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Dhambaalada Ay Isku Diraan Lammaanaha Isjecel

Published

on

 


Dhambaalaha ay isku diraan dadka isjeceli waa ay badan yihiin, ma ahan kuwo lagu soo koobi karo maqaal ama buug iwm. Balse waxaan ka taabanaynaa xoogaa yar oo aan badnayn maadaama dhalinta ay aad u jecel yihiin dhambaalada soojiidashada leh oo ay isku diraan lamaanayaasha uu ka dhexeeyo jacaylka dhabta ah, ahna kan maanta haysta duq iyo dhalinba. Sidaa daraadeed waxaa haboon in aad fahanto qaabka loo qoro waraaqaha jacaylka ah oo ay isku diraan lamaanayaasha kubilow sidaan haddii aad tahay wiil:

Hamigii nafteydaay

Haween boqoradeeday

Hasaawe taan wadaagnee

Hami guur u qaadaay

Hoy in aan wada galno

Hanad ii xanbaartaan

Haminayaa macaaney

Hadal aan dhameeye

Howsha ila qabo oo

Hamigeyga ii rumee

Haween boqoradeeday

Hubaal waan ku sugayaa

Hanti tan ugu qaalisaney

Hadal aan dhameynee

Howsha ila qabo oo

Hamigeyga ii rumeee

 Geeraarkaan waxaa aad udirikartaa jacaylkaaga qaaliga ah oo idinka dhexeeyay jacayl, isla markaana dhowr jeer idin soo dhexgalay khilaaf yar kaasoo sababay in midba mar ku adkeeyo hadalka.

 Waligaa jacayl dhab ah

Dheel dheel ma kuu galay

Dhuunigaad cunaysiyo

Dheeftii ma kaa jaray

Maalin dabadeed

Inta aad la dhuudhuub naatay

Dhaayihii ma kaa rogay

Dhalan dhoolka maalintiyo

Dhul cidlo ah ma kuu dhigay

Dhowristaad lahayd iyo

Dhaa dhaan ma kaa dhigay

Dhakhtar ma laguu wacay

Ma kuu dhiibay talooyin

Dabadeed dhambaalada

Mid mid ma u dhuuxday

Dhaayahaagii ma u doortay

Ma ku dhaygagay dhambaalki

Ilintu dhobo dhobo ma sootiri

Dharkii ma wada qoysay

Dhuunigii ma ka go’ay

Ma dhuu dhuubtay sidi xiitadii

Ma amaanay dhowristaadii

Ma usoo dheeliyay dhinacaagi

Dheg jalaq ma usiin wayday

Markuu dhimasho ku dhawaaday

Ma u dhoola cadaysay

Dharaar qudha ma u istaagtay

Ma ka dhiidhiiyay aragaaga

Hadal dheer dabadii

 Gacmaha ma is dhaafsateen

Ma isku dhiibteen dhunkashada 

Dhaayuhu ma is jaleeci waayeen

 Dhur jacayl dartii

Saq dhexe habeenkii

Dhafoorada ma wada qabsateen

Waxaa hadalkaaga ku bilowdaa haddii aad tahay wiil ama gabar erayadaan adigoo udiraya naf aad jeceshahay oo aadan xoogaa kuu soojeedin yacni niyad aan kuu hayn waxaad dhahdaa sidatan:

 Garab baan kaa rabaa

Gacal aan wadaagnoo

Galabtii Alle keeno

Garbahaan isku hayaa

Gargaar ii fidi

Haddaan ku waayo habeenkii

Hurdo waan ka quustaa

Harsina warkeeda daa

Halbowlihii dhiigga sidey iyo

 Hungurigaa I istaagey

Hamuun baa ii heysee

Hal mar ii imow

Adaan kuu hiloobee

Intaan iilka lay dhigin

Intaan alwaaxa laygu xirin

I saar sambabada agtoodiyo

Saableyda caloosha I saar

Si uun aan u maqsuudo

Sahal ma ahan caashaq

Sidaan ha ii gelin

Waxaa sii socda dhambaaladii aad udiri lahayd lamaanahaaga aad jeceshahay oo aad ku haminayso in aad hesho naf kugu qaali ah waayo nafkastaa waxay ku haminaysaa in mar un daalacan doonto in ay la damaashaadidoonto xili xiliyada kamida taasoo usuuro galinaysa in aad hesho ruux kugu dheer noloshaada oo dhan.

Dahab baa lagu moodaa

Hadduu ruux ku daawado

Kaama daayo eeg mada

Danihiisa wuu gabaa

Da’yar wacan inaad tahay

Dadkaan u sheegaa

Daliil looma baahna

Da’yartii qurxooneyd

Dadku eegi waayeen

Dahab la mood inaad tahay

Daah igama saarna

Dooq haduu jiro

Da’yar loo qaado

Dad kale uma qalmo

Doolar iyo diinaar

Inta hanti dunidaan taalo

Adigaa ka dooroon

Damqashada jirkeygaan

Weli wuu dareemaa

Daacad wacan inaad tahay

Dadkoo dhan wey yaqaanaan

 Ku bilow hadalkaaga waraaqdaan cajiibka ah oo aadka umacaan ruuxii akhristana uu ka helaayo ereyo soojiidasho leh, kana dhigaysa ruuxa inuu     noqdo mid qalbigiisu jilco xiliba xiliga kadambeeya, waxaadna waraaqda ku bilowdaa sidatan:-

Iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusaalaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa, salaan kadib macaanto marna ha u maleyn in inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan kugarwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd, waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihiisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oo niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asaga oo wax kasta iyo hurdo kasta ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga, gacaliso jacaylku ma ahan wax la dhayalsan karo waayo ruuxkastaa waxa uu dareemaa cidla.

Balse haddii uu haysto lamaanihiisa uusan dareemin wax cidlo ah. Gacalo waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa inta aan noolahay qaali. Waraaq kale oo aad udirayso gacalisadaada taasoo aad uxiistay intay kaa maqnayd waxaadna ku bilowdaa hadalkaaga ereyadaan soosocda sidatan:-

Marka hore salaan guud, lagu dheehay samiriyo, Suuradaha Qur’aankiyo, Sadarada Ilaahiyo, oon lala simmaa jirin, ayaan kuu sidaayee, samo iiga guddoon, marka xiga sidaan ahay, sifafaalaheygiyo, sarta aan ka jeexo, sii deeyo faraskee, saxan-saxo udgoonoo, saadirkey I siiyey baan halamsanayaa. Gacaliso salaan kaddib, haddii aan kaaga waramo xaaladdeyda caafimaad, waxaan tebayo oo uurkeyga ka maqan waa adiga oo qudha, haddaan adiga ku haystana naftu way damaashaadee ee gacaloy diyaar ii ahow aan wada riyaaqnoo, guri wada yagleelnee. Gacaliso, waxaan mar walba daneynayaa inaan dhinacaaga joogo, naftu waxay jeclaataa inaad garabkeyga joogtid, waxaanan rajeynayaa in aad sideyda oo kale adigana xaggaaga ka adkeyn doontid xiriirkeena. 

Gacaliso, waxaan door bidayaa in aan ku imaado oo aan ku soo booqdo, maxaa yeelay haddii aan ku waayo noloshu waa macnaawi oo ceysh iyo cabitaan midna iima dhadhamayaan, sidaas darteed, tixdan geeraarka ah bal dhaayahaaga la raac oo sadar sadar u aqri:-

 Dheemantii Hablahaay

Dhacdadan iga dhegeyso

Gelin dhexe habeenkii

Dhaayuhu xasuus bay

Dhinacyadu jaleecaan

Dheguhuna codkaagay

Intaasay dhaafi waayeen

Dhumuc baa I saaranee

Inta aanan dheeliyin

Dhakafaarku igu kordhin

Dhuubooy dhax yarey

Dhinacaaga ila qabo

Tixdaan geeraarka iyana waxay ka turjumaysaa baahida aad qabto sida aad uga dhaadhicin karto qofka aad doonayso. Islamarkaana aad u hanan karto qalbigeeda.

Cishadaan ku bartee

Cayshkii ka go’ay

Sidii maxbuus ciilan

Hadba cayn ma ubooday

Cagta lag dheer ma ujibaaxay

Carcarkiyo cidiyihiyo

Midba qaarkeed ma u cad go’ay

Calafti ma isa seegnay

Sida curad socod barada

Hadba laan ma cuskaday

Ceel madow ma ku dhacay

Ma ku cakir may guyaal badan

Cakuye waxaan iri

Adigaa ciilkiyo iga tiri

Canaantaan qabo

Waxaa cadrad dunida maraysiyo

Mid walbaa qoor cas iyo

Lagu sheego cadaan

Anigoo cokanoo

Cid aan ciirsado la’oo

Casiiskeenii weynaa

Saw adi iguma kaa caymine

Carfoonay walaalay

Cidlo ha idhigine

Casarkii la joogana

Cishadii timaadaba

Adaa ii curadee

Cadaray ciil ha ibidinee

Caashaqa ila wadaag

Markii aad rabto gabadhyahay in aad fariin udirto wiil kugu dheer oo aad jeceshahay kaasoo aad karabto in uu adkeeyo axdi jacayl oo idin dhexyaalay, lagayaabana in uu safar galay oo wadan kale uhaajiray. Waxaana ubaahan tahay in aad xasuusiso xiriirkiinii soojiitamaayay mudada dheer ee ay soowada jilaayeen kalgacaylkii iyo jacaylkii raxmada iyo xushmada ku dheehnaa.

Waxaana dhahaysaa ereyadaan soosocda ama waraaq udir lamaanahaaga aad jeceshay:-

Macaanoow iga gudoon salaan aan maaxanaayey maalmo badan, murti iyo macno wayn xambaarsan, malo awaal ka dheeroo manafacaad wada. Aboowow macaanoow, haddaan kaaga waramo xaalkeeyga guud, maskaxdayda ma joogtoo, Wabi baa makhuurtoo ma nooli, Caashaq baa i mudoo maan ma haayo, maskaxda iyo maankayga adigaa ka muuqda, maalintaan ku waayana waan malganahay.

Run ahaantii aboowow, jaceylkaan aan kuu qabo ma ahan mid igu dhashay markaan aqriyay warqadaada qiimaha iyo qaayaha ku saleysneed ee waa mid aan baryo badan la wareersanaa, oo daawadiisa si aan u helo falkiisa ku jiray.Waxaa ii cuntami weysay in aan ku imaado kugu dhaho.

Dhaayaha u roonoow

Ku dhaadanaayaay

Dhaxantiyo dabaylaha

Kaan ka dhigsanayaan

Laba dhimasho mooyee

Iskuu dhaafin nololoo

Waxaanahay is dhawrtoo

Rabi kala dhantaaline

Hayeeshee dhib hawliyo

Dhakafaar adduunyiyo

Ina kala dhexyaaloo

Soo dhoofi waayee

Dhulku kala fogaayoo

Wadaduna dheeraa

Ayaan dhixin habeenoo

Dhakhso iigu kaa sima

Jacaylkeenu hadmuu

Ubad dhalaa

Been laguma dhaartee

Dhan loo dayaba wiilyahoow

jacaly iga dhab weeyee.

Dhaqan kaama luminoo

Dhismahaa ma liicine

Waqti kuma dhirbaaxine

Sidii aad u dhalatay

Dheehii u leeyihiin

Wali dhabanadaadiye

Anna waxa ii dhaawacay

Dhaayaha u roonoow

Dhoola ka qosolkaagee.

Gacaliye waxaan kuu sheegayaaa in intaa ii heeso kabadan in agteyda ku yaalaan, taasna waxaan jeclahay in aad ka aqrisan karto qoraaladii aan kor ku soo sheegay.Waxaan warqadaan ku soo xeraayaa, duco, ducadaasoo ku saleesan mahadnaqa Ilaahay. Sababtoo ah qalbiyooow, waxaanu nahay laba qalbi oo isku si wax u wada dareemay saas ey tahay awooday iney soo bandhigtaanoo ku heshiiyay in meel wax wada saaraan, taasna waxaa inoo suurto galiyay rabigeena. Ilaahay waxaa inooga baryaa in aan noqono labadii isku wartoo, ilmo baariya kala hela, aaqiro iyo adduunyaba farxad ku wada noolaadoo, laba dadka ka kala maseeraanoo, lagu wada sheekesto jaceylkoodana dhammaaninoo, noqdaa kuwii liibana ayaan Ilaah inooga baryaayaa. 

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sidda wacyigelinta bulshada, dhiirogelinta da’yarta, jaceylka iyo dadka tabaalaysan. Dhinaca kale qoraaga ayaa wax ka qora ganacsiga, siyaasadda, dhaqanka, kheyraadka dalka, Afsoomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska iyo taariikhaha dalka. Qoraa Maxamuud ayaa marwalbo u taagan siddii uu geed-dheer iyo geed-gaabanba ugu fuulilahaa siddii uu usoonoolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd umadda Soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qoyska & Horumarinta Bulshada

10 Talo oo ku saabsan sida loo helo guusha nolosha

Waa qodobo kuu sheegaayo sida guusha loo qeexay iyo sida aad ku gaari karto. “Sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.”

Published

on


Guusha waxaa inta badan lagu qeexaa kartida aad ku gaari karto yoolalkaaga nolosha, wax kasta oo hadafyadaasi ay noqon karaan. Siyaabaha qaarkood, kelmadda ugu wanaagsan ee guusha waxay noqon kartaa guul, ama horumar aad gaartay. Waa safar aad u baahan tahay inaad hesho waxyaabo kaa caawin karro horumarinta xirfadaha iyo agabka aad u baahan tahay si aad u horumarto.

Sababtoo ah yoolalka waa kuwo si gaar ah loo abuuro, dadku sida ay u arkaan guusha way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xiran tahay baahidooda, hadafkooda, iyo xaaladahooda nololleed.

Waxaa jira habab badan oo kala duwan oo loo maro sida aad nolosha ugu guulaysan lahayd, laakiin qaabka ugu fiican ee u shaqaynaysa guushaada waxa ay ku xiran tahay waxa ay guushu adiga kuu tahay iyo aragtida aad ka qabto. Haddii aad u malaynayso in guushaada tahay inaad shaqadaada ku wanaagsanaato ama aad kasbato mushahar sare, waxaad mudnaanta koowaad siin doontaa kor u qaadista yoolalkaaga xirfadeed.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto.

Waxay kala yihiin labo shey oo kala duwan, sida aad u aragto guusha iyo sida lagaa rabo inaad u aragto, waa mid kamid ah halxiraalayaasha ugu adag ee ku horyaallo inta aad dunida joogto. (Qoys, xiriir jaceyl, tacliin, iyo iwm ayaa ah kamid ah guulaha qaar ee ku horyaallo).

Nooc kastaba ha noqoto guusha aad raadinayso, maxaa kor u qaadi kara fursadaha gaarista guushaada? Waa maxay qaar ka mid ah caadooyinka dadka guuleysta? Ma jirtaa waddo keliya oo sax ah oo lagu guuleysto?

Marwalbo shuruudaha guushu waxay ku xiran tahay macnaha guud ee aad ku qeexi karto. Hal qof ayaa laga yaabaa inuu u tixgeliyo guul waxa uu qof kale u arko inay tahay guuldarro.

Waxaa laga yaabaa inaysan jirin su’aalo isku-dhafan oo dammaanad qaadi kara guushaada. Weli, waxaa jira tallaabooyin aasaasi ah oo aad raaci karto kuwaas oo hagaajin kara fursadahaaga inaad ku guulaysato noloshaada iyo shaqada.

1. Ku dedaal korriimaha maskaxdaada

Cilmi-baaris ay sameysay aqoonyahanka cilmi-nafsiga Carol Dweck ayaa soo jeedinaysa in ay jiraan laba maskaxood oo aasaasi ah oo saameeya sida ay dadku uga fikiraan naftooda iyo kartidooda: maskaxda go’an iyo maskaxda koritaanka. Waxay muujisay in saadaalinta guusha aysan dhib lahayn haddii qof hibo leeyahay iyo in kale. Waxa muhiimka ahi waa in qofku aaminsan yahay in uu guulaysan karo.

Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in waxyaabaha ay ka mid yihiin naftooda aysan isbeddelayn. Dadka leh maskax go’an waxay aaminsan yihiin in guushu aysan ahayn natiijo shaqo adag lagu gaaro – ee ay tahay in si fudud iyo nasiib lagu gaari karo.

Sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in hibada noocaas ahi ay tahay wax ay dadku ku dhasheen, waa dad si fudud uga tanaasula caqabaddaha horyaalla. Waxay joojiyaan hawlaha horyaallo marka arrimuhu si sahal ah ku imaan waayaan sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin xirfadda dhalanteedka ah ee looga baahan yahay inay sare u qaadaan.

Kuwa leh maskax korriin leh, dhanka kale waxay dareemayaan inay bedeli karaan, kori karaan, waxna ku baran karaan dadaal joogta ah. Dadka aaminsan inay awoodaan inay kori karaan waxay u badan tahay inay gaaraan guul. Marka arrimuhu adkaadaan, waxay raadiyaan habab ay ku horumariyaan xirfadahooda oo ay u sii wadaan ka shaqaynta guusha.

2. Rumayso naftaada
Talaabada koowaad ee guushu waa in aad rumaysato naftaada iyo kartidaada aad ku gaari karto hadafyadaada. Haddii aadan adigu aaminsanayn, cid kale ma rumaysna.

3. Deji yoolal aad gaari karto

Dadka guulaysta waxay ogyihiin inay u baahan yihiin inay ku bilaabaan hadafyo la gaaRi karo si ay u gaaRaan hadafka nolosha. Hadafyadani maaha kuwo fudud in la gaaro, laakiin markaad haysato wax aad hiigsanayso, waxaad si fiican u awoodi doontaa inaad hore u socoto oo aad ka gudubto caqabadaha.

4. Bilow ficil

Ha fadhiisan oo kaliya ha sugin inay wax walbo kuu qabsoomaan. Maalin kasta ka shaqeey yoolalkaaga hadaf ee aad leedahay.

5. Xoogga saar tamartaada

Ha isku dayin inaad wax badan samayso hal mar. U fiirso tamartaada waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaa caawin doona inaad gaarto yoolalkaaga.

6. Samee xiriir wanaagsan

Xidhiidhku waa lama huraan guusha. La dhis xiriir adag dad ku taageeri kara oo kaa caawin kara inaad gaarto hadafyadaada.

7. Wax ka baro khaladaadkaaga
Qof kastaa wuu qaldamaa. Muhiimadu waa inaad wax ka barato khaladaadkaaga oo aad horay u sii wado halgankaaga.

8. U dabaaldeg guulahaaga

Waqti u qaado si aad ugu dabaaldegto guulahaaga inta aad safarka ku jirto. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad isdhiirigeliso oo aad horay u socoto.

9. Ku adkaysta dib u dhaca

Qof kasta waxa uu la kulmaa dib u dhac wakhti ka waqti. Ha ka niyad jabin yoolalkaaga marka arrimuhu adkaadaan. Ku adkayso dib u dhaca oo hore u soco.

10. Naftaada dhiirageli marwalbo

Inaad marwalbo firfircooni lahaato way adag tahay sababtoo ah waxaa kugu heeraarsan bulsho iyo asxaab kala duwan oo adiga ku niyad jebin kara. Qof walba waxa dhexdiisa ku loollama dabeecado badan oo iska soo horjeeda, iskuna liqdaaran oo ay kala doorashadoodu adag tahay haddii aanay ruuxdu noolayn.

Waxaana xaqiiq ah in qofwalbaa inta uu ku nool yahay koonkaan wuxuu ku hammiyaa shey, sheygaas ha yaraado ama ha weynaado. Tusaalle ahaan dad ayaa waxay ku hamminayaan inay helaan guryo qurux badan, lacag badan, iyo shirkado waaweyn. Dadka qaar waxay ku fikirayaan inay helaan qofka ay nolosha ugu jecel yihiin. Shaqsiyaadka qaarkiis waxay ku fikiraan inay noqdaan madaxweyne ama jecel inay qof walba caawiyaan. Dadka qaarkiis ayaa maskaxdooda waxaa ka guuxa kaliya sidii uu u guursani lahaa. Nin baa wuxuu ka fikiraa sidii 5 cunug uu dhalay iyo hooyadooda wax ugu keeni lahaa.

Dhiirogelinta naftaada, sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto dhiirogelin dhammeystiran waa inaad doorato hadaf aad adiga jeceshahay sida inaad wariye noqoto, siyaasi ana barafasoor, dhaqtar iwm. Marka aad u xiisayso waxa aad samaynayso, waxa aad u badantahay in aad guulaysato. Soo hel shay aad xiisaynayso oo qalbigaaga oo dhan ku daba gal.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maxaan sameyn karaa si aan ugu guuleysto nolosha?

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada

Published

on


Ugu horeyn guushu ku timaado cayaar iyo hurdo ee guushu waxay dadaal iyo waqti dheer oo aad geliso hadafkaaga iyo himilooyinkaaga.

Haddaba si aad u guuleysato waa inaad yeelaa hadaf aad ku socdaashu si uu kuugu hago wadada guushaada, nolosha waxna fudeed laguma helo ee waxay u baahan yihiin inaad juhdi geliso si aad ugu danbeyn ugu guuleysato.

Markasta oo aad gurigaaga kasoo baxdo meel ayaad u socdaaleysaa si aad u gaarto amuurahaaga gaarka ah. Bal ka waran haddii aad gurigaaga kasoo baxdo adiga oo aadan aqoonin halka aad u socdaaleyso.

Inaad hadaf yeelato waa waxa kuu sahli kara inaad guuleysato adigoon ku wareerin, haddii aadan hadaf laheyn codowgaa hortii ayaad jabeysaa.

Nuxurka aan ula jeedo ayaa ah subbax weliba oo kuu dhasho inay tahay qeyb ka mid ah cimrigaaga kaasoo lagaaga baahan yahay inaad aqbasho qeyr iyo shar.

Maskaxdu waa mashiin ay maalinttiiba kasoo baxaan fikrado badan oo aan tiro laheyn. Fikradahan ayaa isugu jira kuwa qeyr sheeg ah iyo kuwa shar sheeg ah, haddii aad maskaxdaada usoo bandhigto fikir waxaa is hardin doonno labadan ficil kusiin doono jawaaba kala duwan.

Tusaale ahaan, waxaa tahay qof muddo shaqeynaayay oo uruur saday lacag tiro badan waxaad go’aan satay inaad yeelato ganacsi wax ka badala noloshaada, haddaba inta aadan ku dhaqaaqin go’aankan ayaa maskaxdaada laga yaabaa inay kuu sawirto adigoo ganacsi sameystay sidoo kalena guul aad ka gaarto noloshaada.

Si taa la mid ah maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay kuu sawirto adiga oo khasaaray siddaa darteedna ay kugu gaba gabeyso inaad ganacsi aqoon u laheyn aadna iska dhaafto.

Waad aragtaa hardanka ka jira maskaxdeena haddii aad aaminto in aadan guuleysan Karin waa sax oo ma guuleysan kartid, laakiin haddii aad aminto inaad guuleysan karto waa sax oo waa guuleysan kartaa kalliya aqbal inaad uso jeedo dhibaatooyinka ku horyaala.

Qoraalkan gaaban waxaan kusoo gudbin doonnaa sameynta waxyaabaha kuu jiheenaaya inaad gaarto horumar iyo guul la taaban karo waa haddii aad joogteeso wax qabadaka noloshaada.

Dhiiri geli naftaada

Waa inaad ku kalsoonaataa naftaada oo aad wax weliba hagaagjin karto maalinba maalinta ka danbysa. Waa in aadadan isyareysan, iskana dhaafto ereyada naftaada duminaayo.

Waa inaad ogaataa inaad tahay qof bani’aadam ah, wax soo kordhin kara oo aan ciyaar loo abuurin. Waan inaad noqoto qof saamaxaad badan oo haddii gef laguu geysta cafin kara, hana noqon ruux uruuriya xumaha.

Waa inaad aqbali karto haddii adhaliil aguu jeediyo, hana u qaadan qof kasta oo ku dhaliilaayo inuu yahay cadowgaaga, waxaanad aamintaa haddii uu jiro qof ku dhaliilaya siddoo kale inuu jiro qof ku aaminsan.

Waa inaad noqotaa qof u fikira si qoto dheer. Qo kasta wuu u fikiri karaa si qoto sheer waa haddii auynu ilowno wax-yaabaha yar-yar ee aan ku mashquulineyno nolosheena.

Ciladaha ugu waaweyn aan guusha ka gaari weynay ayaa ka mid ah adigoo aqoon saneyn halkii uu hadaf kaaga yahay, haddii aad aqoonsato hankaaga cillada kale waa adiga oo aadan sameyn. Haddii aadan aqoonsaneyn hadafkaaga meel weliba aad tagtay kuuma lahaaneyso muhiimad gaar ah.

Haddaba si guul la taaban karo u gaarto waxaad u baahan tahay inaad iska ilaaliso cabdisa badan, waayo cabsida badan waa sheyga ugu badan ee inaga hortaagan inaan guuleysano.

Cabsida faraha badan daciifnimo, marka noqo qof xoogan oo ku qanacasan nolosha. Sidda caadiga ah cabsida waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin xasilooni daro, nabad la’aan iyo kalsooni darro

Weli waxayna ku dhex jirnaa buugga 5-tiir guusha, oo uu qoray qoaraa Cabdi Jabaar Sheekh Axmed.

La soco qeybaha labaad ee buuga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Dhowr qodob oo kuu horseedi kara inaad horumar ka sameyso noloshaada

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Published

on


Horumar ka qofka mar weliba wuxuu ku xeran yahay qofka waxa uu diirada saaraayo, haddaba si aan horumar u gaarno waxaan baahanahay inaan raacno sidda ay ku haboon tahay nolosheena.

Horumar inaad nolosha ka sameyso waxay kaaga baahan tahay dadaal iyo inaad u heelan tahay inaad ka dhabeyso hadafkaaga.

Si kastaba hanoqotee waxaa jira waxyaabo badan oo nolosheena badala annaga oo rabno inaan horumar wanaagsan sameyno, si aan u qaadno talaabooyin wanaagsan ugu horeyn waa inaan aaminaa inaan gaari karno horumar wanaagsan.

Shaqo weliba aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay waqti iyo daal tiro badan, balse muddo ka dib waxaad noqon doontaa qof ku faana noloshiisa.

Qalad weliba oo naga dhaca waa muraayad aan ka dhex arki karno wixii nasoo maray, balse waxaa haboon inaan fikir wanaagsan ka qaadano sababtoo ah haddii aadan waxba isku dayin ma’ aadan guul dareysteen.

Haddaba guusha iyo guul darada waa wax sokeeye oo kaaga baahan maalmo cayiman, laakiin xaqiiji wadada horumarkaaga si aadan marar badan ugu shalaaynin.

Muhiim kuuma ahan inaad baar baarto ciladahaaga waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha dib kuu celin kara, iskana ilaali inaad u shalaaydo noloshaada.

Qof weliba wuxuu jecel yahay inuu helo nolol wanaagsan balse marka aynu isweydiino maxaa inaga hortaagan inaan horumar sameyno?! Dadka intooda badan kuma baraarugsana inay nolosha tahay wareegto oo waxaa laga yaabaa inuu ku dhegan yahay waxyaabo horey usoo maray guul iyo guul daraba mida uu doonto ha noqotee.

Waxaan jeclaan lahaa inaan halkaan kusoo koobo dhowr qodob oo naga caawin kara inaan horumar wanaagsan sameyno, balse ugu horeyn waa inaan isla garano waxa ka qaldan nolosheena.

Intaa aanan guda galin maqaalka waxaa jirto sheeko yar oo aan jecleystay inaan idin la wadaago, waxaan waqti la qaadan jiray adeerkeey oo ku nool qurbaha wuxuu igaga sheekeen jiray nolosha dadka horumar ka sameeyay.

“Waxaa jirtay nin aad u xikmad badan ayaa u yimid wiil yar oo raba inuu wax ka barto noloshiisa, haddaba wuxuu yiri ina keen oo waxaan galeynaa safar. Muddo ka dib markii ay socdeen ayay la kulmeen qoys ka koobad dhowr qofood waxaa guri ay ku xanaaneeyaan hal sac oo mid kastaa wuxuu ka qabtaa shaqo si loo ilaaliyo ama loo xanaaneeyo.”

“Intaa ka dib waa berigii ayaa ninkii xikmada badnaa ayaa u booday xeradii ay ku xerneed saca wuuna ka gowracay wiilkii yaraa ayaa la booday qeylo oo yiri maxaad ugu gowracday oo ma heystaan wax kale ay noloshooda ku maareeyaan.”

“Wiilkii iyo ninkii xigmada badnaa ayaa isaga tagay tuuladii, ka dib markii ay muddo maqnaayeen ayaa ay kusoo laabteen tuuladii waxay arkeen guri ka duban gurigii hore oo waxay dhisteen guri ka sameysan dhagax halka markii hore ay daganaayeen guri ka sameysan cowshad.”

“Wilkii yaraa ayaa la yaabay sidda ay noloshoodu isku badashay, ka dib ninkii xigmada badnaa ayaa u sheegay sababta ka danbeysa noloshooda.”

Haddaba xigmada ku jirta sheekada waxaan filaa inaad ila fahamteen, xigmada ku waxay tahay in qof weliba horumar kiisa uu ka hor taagan yahay saca, si uu horumar u gaarana waa in uu gowracaa saca u diidan noloshiisa.

Sheekadan waxaa igaga sheekaayay adeerkee oo ku nool qurbaha, waxaana la heli karaa ayadoo qoraal ah buugga 5-ta Tiir ee guusha.

Halkaan ka aqriso qodobada soo socda.

Dooro Hadaf: hadafka waa salaanka sare ee guusha halka yoolkuna uu yahay dhamaad guushasha, -xigasho 5-Ta tiir ee guusha.

Hadaf ka wuxuu kaa caaabinaa inaad guul la taaban karo gaartno adigoo aana ka wel welin, haddaba haddii aad rabto inaad guul gaarto waa inaad raacdo hadafkaaga si aad u xajiiso horumarkaaga.

Haddii aadan laheyn Hadaf kuu gaar ah, ma xaqiijin kartid yoolkaaga waadna ku daali doontaa ilaa aad garato halka uu ku dhamaanaayo yoolkaaga.

Qiimeey noloshaada: qof weliba noloshiisa si ayuu u arkaa, dadkana si ayay u arkaan noloshaada. Haddaba isweydii adiga siddeet u araktaa noloshaada, waa innaad ogaato sidda aad naftaada u arakto.

Waxbadan ayay kaaga baahan tahay inaad ogaato sidda aad naftaada u arakto iyo qofka aad tahay, balse mar weliba iswedii sababta aad u nooshahay iyo waxa laguu keenay aduunyada.

Dadka intooda badan isma oga’ waana sababta keentay inuu dhowr jeer qofka fashilmo, fashilka ma ahan wax xun balse waxaa haboon inaad ogaato meesha aad ku fiican tahay ee aad isleedahay guul waad ka keeni doontaa.

Haddaba baar oo raadi meesha aad ku fiican tahay iyo meesha aad ku liidato, ka dib isku day inaad dhaqaajin karto shaqo weliba oo khabasho kaaga baahan waxaadna gaari doontaa guul insha allah.

Dhiiragali naftaada: Haddii aad isticmaalayso ereyo naftaada duminaya ama dib u dhigaayo lagama yaabo inaad gaarto guusha aad fileyso.

Tussaale ahaan; haddii aad aaminsan tahay inaad ku guul dareysan doonto fikirkaaga ama aad isleedahay ma qaban kartid shaqadaan si kasto oo aad u daasho lagama yaabo inaad guul weyn ka keento.

Inaad naftaada dhiira geliso ma ahan inaad waxyaabo badan aad isku dul furto muddo ka dibna aad faraha ka qaado. Haddaba si taasi ay u dhicin waa inaad doorato shaqada aad naftaada ku dhiira gelineyso, adigoo u jeedadaadu tahay inaad horumar ka sameyso shaqadaada.

Haddii aad ku dhiiran tahay naftadaa waxaad ka hortagi kartaa wax kasta oo kuu diidaayo inaad iska nacdo shaqadaada, ogsoonow Haddii aad guul dareysato ma ahan inaad meel fariisato oo isku day weli waxaad haysaa talaabo kale aad isku muujin karto.

Ha aqbalin in lagu niyad jebiyo sababtoo dad badan ayaan jecleyn horumarkaaga, balse maalin ayay ku weyn doonaan sirta guushaada.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Wax ka beddel tallaabooyin kaagii hore

Si aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku habboon tahay noloshaada.

Published

on

Alle nama uusan siinin nolol xun iyo nolol wanaagsan toona ee wuxuu nasiisay nolol si aan u noolano. Haddaba nolosha kuguma aaminto fadhi iyo cayaar ee waa inaad isweydiiso sababta halkaan aad u joogto?

Dabcan waa laga yaabaa inaad isku aragto inaad tahay qof fashilmay, balse waa muhiim inaad garato hadafka aad u nooshahay.

Qof weliba wuxuu ku noolaanaa nolosha uu doorto mid xun iyo mida wanaagsanba aad adiga ayaa dooran karo. Haddaba waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso siddee ayaad ku dooran kartaa nolol wanaagsan iyo nolol xun?! Cabqarinimada iyo nasiib ka nolosha waxaa la tilmaamaa inay tahay hal jaanis oo dhaliyay fikir wanaagsan, hal ka horumar ka guushana ay tahay hadafka oo diiradda la saaro.

Si’aad u doorato nolol xun ama nolol wanaagsan waxay kaaga baahan tahay inaad sameyso waxa ay ku hahboon tahay noloshaada.

Mid weliba oo innaga mid ah waxaa dhibaato ku ah inuu uu fakaro si wanaagsan illaa inta caqliga saaxiibka la ah mooyee. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonnaa dhowr siyaadoob oo kaa cawin kara inaad badasho talaabooyin kaagii hore.

U nooloow maanta: waxaan jeclaan lahaa in si gaar ah aan kaga waramo cinwaan kale balse waan sameyn doonnaa haddii uu rabi ogalaado, nolosha maanta waa waxa ugu badan ee horumariya nolosheena waayo haddii aanan laheyn nolol maalinle ah ma jirto hadaf aynu xaqiijin karno.

Maalin weliba aad soo toosto waxay kuu tahay fursad kale aad kaga jawaab celin karto wixii shalay ku dhaafay, haddaba fursadan kama faa’ideysan kartid haddii aadan u diyaarsaneyn.

Nolosha waxna kuma laha jiifka iyo waqti lumiska, marka soo jeed ilaa aad ka xaqiijiso hadaf kaaga, si kasto ay ahaatba u nooloow inaad xaqiijiso hadafkaaga.

Markaad seexaneyso ku seexo inay beri kaaga baahan tahay inaad wajaho sharkeeda iyo qeyr keeda, si maalin kuu bilaabanaayo aad kaga war qabto noloshaada.

Waxaa jirtay beri aan la sheekeysan jiray adeerkeey oo jooga qurbaha inta badan wuxuu igaga sheekeen jiray nolsoha qurbaha iyo sidda ay ula fal gashay noloshooda, wuxuu kale uu ibari jiray xirfada qaab qoraalka hagaagsan.

Haddaba si aad u wajahdo nolosha maanta waa inaad u diraay garowddo ka hor inta aadan seexan si aad ugu faa’ideysato maalin kaaga.

Iska iloow wixii hore: mararka qaar waxaad milicsataa waxyaabo hore kuu maray noloshaada waxay doonnaan ha noqdeen, balse ma haboono inaad waqti siiso sababtoo ah way ku dhaafeen.

Shalay waxay ahayd maalin tagtay, marna lagama yaabo inay soo laabato. Shalay waxay riyadaada ahayd inaad suurta geliso waxyaabo badan balse maanta kuuma aysan hagaagin, ha shalaaynin waayo maanta ayaad kaga jawaabi kartaa natiijada ka wanaagsan shalay.

Mararka qaar nolosha kuuma hiilin karto ee adiga ayaa lagaa rabaa inaad ku hiilato hadafkaaga haddaba maah-maah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhal” haddaba haddii aad seexato adiga ayaa noloshaada u diiday horumar waayo horumarka wuxuu ku saleysan yahay waxa aynu maanta qabaneyno ma ahan shalay wixii naga dhacay.

Qof weliba wuxuu gaf wuu ka dhacaa mana ahan inaan dib u eegno, waayo maanta ayaa kaga jawaabi kartaa fikrad kale oo wanaagsan. Way haboon tahay inaad eegto qaladaadkii kaa dhacay si aad ugu raali galiso haddii aad qof ka gashay, balse ma ahan inaad raac raacdo sababtoo ah waxba kuuma soo kordhinaayo.

Joogteey howlahaaga: si aad u xaqiijiso hadafkaaga waa inaad joogteyso shaqada maalinlaha si aad ugu danbeyn ugu gun gaarto hadafkaaga. Shaqo walbo aad heyso haddii aysan laheyn joogteen ma noqon karto mid guuleysata sabatoo inta badan guushu waxay ku timaadaa adkeysi iyo dedaal.

Dadaal oo sameey wax badan samir u yeelo shaqadaada ugu danbeyn waxaad sameyn doontaa guul layaab leh, sameey hanna yareysan waayo wax weliba aad maanta eber ka tahay maalin ayaa laguugu yeeri doonnaa inaad tahay macalinkii xirfadiisa loogu magac daray.

Wax badan waxaa laga yaabaa inaad aamintay inay noloshaada guul daraystay, balse maanta waxay kuu tahay maalin kale aad xaqiijin karto middaas.

Waxaa laga yaabaa inaad wax badan ka faa’iiday maqaalkan waxaan kaa dalbanaa inaa la wadaagto bulshada inteeda kale mahadsanidiin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

U dhabar adayg maalmaaha adag ee kusoo mara, waa haddii aad rabto isbeddel dhab ah

Waxaad isbeddel ku sameyn kartaa muddo yar oo kooban, laakiin ogaaw hadafka aad maanta go’aansato hubbaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo.

Published

on


Nolosha kaliya kuma siin doonto maalmo qurux badan, ee waxay kaloo wadataa maalmo kalle dhibaato iyo fikir aad la jiifsan doonto.

Marar badan ayaad ka qoomameyn doontaa sidda aad maanta u nooshahay waana sababta keento inaadan u dhabar adeygin maalmihii kusoo maray. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiineyso maxay waxaan oo dhan ay kuugu dhacayaan waxaana kaga hadli doonaa maqaal kale.

Uma baahnid in wax laguu yeeriyo si aad u noqoto qofka aad dooneyso, ee waa inaad adiga go’aansataa cida aad noqon doonto. Waxaa laga yaabaa inay kusoo mareen xilli aad heysato dad badan oo wax kuu sheegaya wax kusiinaya, siddoo kalena ku jecel balse maalmaha kamid ah dadkaasi oo dhan way kaa tagi doonaan ee maxay noloshaada kaga tageen?!

Maanta waxaa laga yaabaa inaynu aad u jecel nahay in badan oo dadka ka mid ah inay na taageeraan ayagoo wax badan diyaar nala ah, haddana sidda ay tahay kagama faa’iidaysano, tani waa sababta keenta inaynu weli u bislaanin rabitaanka guusha aynu u baahanahay inaan xaqiijino.

Dadka waxaa la sheegaa inay isbedel ku sameeyaan muddo 60 sanno, balse hadafka aad maanta go’aan sato hubaal dhowr sanno ka dib waxaad ka sameyn doontaa horumar la taaban karo. Halkan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood aad kaga faa’ideysan karto maalmahaaga quruxda badan ee nolosha kusoo mara. Fadlan haddii aad wax badan ka faa’iido la wadaag bulshada inteeda kale, ka bogoasho wacan.

Saxiibka wanaagsan: Nolosha safar iyo daal dheer kasoo bilowday kumanaan qarni ka hor, haddaba si aan ugu socdaalno safarkaan waa inaan heysano sahay aan kusii socon karno inta uu ka dhamaado safar gaaban. Saaxiibka waa macalinka ugu wanaagsan nolosha wuxuuna ku baraa waxyaabo badan oo aadan war u heyn, haddaba si macalinkeenu uu u ahaado mid daacad ah kaasoo si qurux badan wax noo bari kara waa inaan ka fiirsanaa.

Haddaba haddii aad leedahay saaxiib wanaagsan waxaad leedahay macalin wanaagsan oo wax kaa bari kara safarka noloshaada. Ma noqon karno mid guuleysta illaa aan ka wanaajino nolosheena, ma wanaagin karno nolosheena ilaa aad ka wanaajino shaqsiyaadka aan nolosha kula saaxiibnay. Saaxiibka wuxuu sidaa dhambaal ama risaalad wuxuuna rabaa inuu ku gaarsiyo si aad ula dhaqan noqoto xumo iyo same, balse mar weliba aynu la saaxibno saaxiib noo jiheyn kara guusheena.

Wax qor: In badan oo bulshada ka mid ah waxba kama qoraan xaaladahooda nololeed waxaa laga yaabaa inay sameeyaan wixii maan-kooda kusoo dhaca balse waa laga wanaagsan yahay.

Qoraal kooban ka sameey shaqada aad qabaneyso adigoo isticmaalaayo (stick note) ama xusuus qor si aad ugu buraagsanaato howsha aad qabaneyso.

Ha ilaabin inaad sameyso waqti xadidan oo aad dhameyso howsha si aysan waqti badan kaaga bixin inta aad ku guda jirto.

Qaado waqti dheeraad ah: shaqada waxay leedahay waqti ay dhamaaneydo si kasto kasto ay ahaataba, isku day inaad hesho waqti aad nasato aanan aheyn middka aad jiifsaneyso.

La sheekeyso naftaada si aad u ogaato waxa ka dhex guuxaaya gudahaaga, haddaba si kastaba noqotee isbar inaad si gaar ah naftaada ula sheekeysato si aad uga gun gaarto lag danka ka dhex socda maskaxdaada.

Seexo waqti kugu filan: hurdada waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha faa’iidada u ah, balse waxaan kaga hadli doonnaa maqeelkeena xigga haddii uu rabi ogalaado.

Inaad hesho hurdo kugu filan waxay kuu horseedi kartaa inaad shaqo badan qaban karto adigoo aadan ka caajisin. Inta badan waxaa dhacdo ina lagu dhafro waxyaabo badan oo sameyn ku leh nolosheena sidda, caajis, daal tiro badan iyo wahsiga oo kugu tiro bata.

Waqti walba aad dareento wahsi iyo caajis waxaad jeclaan laheyd inaad jiifsato, balse ka digtoonoow hurdada tirada badan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel

Waxaan umalaynayaa in la gaaray wakhtigii aad noloshaada beddeli lahayd ee diyaar ma u tahay inaad noloshaada beddesho?

Published

on


Waxaa lagaa yaabaa inaad ku fikireyso waxyaabo badan inay kuu hirgalaan, balse waxaa laga yaabaa in fikradahan iyo kuwa kalaba aad ku fukireesay mudo dheer laakiinse illaa iyo hadda uusan mid kuu suurta galin.

Marka dadka intooda badan ay damcaan inay beddelaan noloshooda, waxay inta badan diiradda saaraan dhammaan walxaha dibadda, sida shaqo cusub ama meel cusub ama saaxiibo cusub ama rajo cusub iyo wixii ka dambeeya.

Xaqiiqdu waxay tahay in noloshaada baddalkeedu ay ka bilaabato beddelka sida aad u aragto wax kasta oo noloshaada ah. Haddaba ila dhammeyso qoraalkaan oo aan kusoo koobay qodobada lagaa rabo inaad la timaado.

Waxaa jira dodyow badan oo dunnida horumar ka sameeyay kuwaasoo aan halkaan lagu soo koobi karin, balse maxaa inoo diiday inaan annagana is-weydiino siddee ayaan nafteena horumar iyo fikir wanaagsan ugu dabaqi karnaa si aan u gaarno dadyowga horumar.

Marka lasoo hadal qaado horumar dad badan ayaa mooda in waxyaabo badan yihiin horumar, balse waxyaabaha qaar waa waxyaabo lagu badalaayo naftaada ay ugu horeyso diintaada iyo dhaqan kaaga.

Bulsho horumartay waxaad ka qaadan kartaa wixii quseeya arimaha aqoonta iyo waxa ku saabsan dhaxalka beni’aadamka, si taa aad ugu dayato waxaad u baahan tahay inaad ka fakarto siddee ayay dadkani ku gaareen.

Adigoo aaminsan fikirkii aad shalay ku guul daraystay inaad maantana aad ku howl gasho waa kuu nasiib daro, waxaadna u baahan tahay inaad isticmaasho fikir ka duwan fikirkii shalay.

Haddaba waxaa laga yaabaa in nolosha aad u arakto inay tahay guul darro balse waa sidda aad adiga u fahamtay, haddaba si aad u guuleysato waxaad xooga saarta arimahan soo socda.

Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa dhowr arimood oo kaa caawin kara safarkaaga cusub, fadlan haddii aad wax ka faa’iiday maqaalkan la wadaag bulshada inteeda kale.

Akhriska buuggaagta; waxaa laga yaabaa inaad ku fakareyso maxaa isku xiray fikirka aan aaminsan nahay iyo akhriska. si taasi aa usii fududeeyo maxaa isku xiray akhriska iyo fikirka.
Tanni waxaa laga yaabaa inaad dhowr jeer araktay haddana isma weydiino sababta ay muhiim u tahay.

Akhriska waxa aad akhrinayso waxay ka dhigan tahay adigoo akhrinaayo fikirkii bani’aadamkii kaa horeeyay iyo sidda ay nolosha u arkaayeen. Haddaba haddii ay kugu adag tahay aqrinta buuggaagta waa inaad isbartaa sidda aad ku akhrin laheyd buuggaag kala duwan.

Ku dabaq wax akhriska naftaada si aad ugu wax badan u ogaato, waxayna kaa caabineysaa inaad yeelato fikir wanaagsan. Inaad buuggaag badan aqrido waxaa ka wanaagsan inaad hal buug oo fiican aad aqrido si uu wax kaga badalo fikirkaaga.

Akhriska buuggaagta kuwooda fiican waxay ku dhaxal siineysaa inaad ka fakarto guusha aad u baahan tahay inaad gaarto iyo sidda ay kugu fududaan karto. Haddaba si aad taasi u dooran karto waa inaad wax badan akhrisaa noloshaadana aad bartaa akriska.

Samir yeelo; wax weliba oo isbedel ah waxay kaa qaadan karaan waqti badan, balse ugu danbeyn tilaabada aad qaaday waxay kuu noqon doontaa mid noloshaada ay ku faa’iido.

Ku samir xaalad weliba oo kaaga baahan inaad usoo jeedo, waayo haddii aadan maanta usoo jeedin waxay kugu qaadan kartaa waqti ka badan inta ay hadda kugu qaadan laheyd.

Dadka nolosha horumar ka sameeyay waa dad ku samray shaqada ay naftooda u hayaan, siddoo kalena waa dad ku qancay inay yihiin kuwa sameyn kara horumar iyo guulo waaweyn. Haddaba inaad guul gaarto waxay kaaga baahan tahay inaad ku samirto shaqadaada si noloshaada ugu faa’iido. Si kastaba hanoqotee waxaa laga maarmaan ah inaad yeelato fikir ka duwan fikirkii hore si wax-qabad-kaaga isku badalo.

In badan oo kamid ah bulshada aan la noolahay oo aan jecleyn akhriska qoralaada iyo buuggaagta waxaan ugula dar daarmaa inay muhiim tahay inaan yeelano fikir wanaagsan si wax-qabad-keenu isu badalo.

Intaa ka dib waxaa jirtay, xilli qeybo badan oo Yurub ka mid ah ay ka dhacday xaalado qasan taasoo keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalahii ay sameyn jireen. Waxaa su’aashaas la weydiiyay Philosophy-yada jiray xilligaa uu ka mid ahaa Albert Einstein wuxuuna ku jawaabay sidda tan ” Haddii aynu u baahanahay inaan horumar sameyno, waa inaan bedelnaa fikirkeena si uu isku badalo ficilkeen.”

Sheekadan gaaban waxaa kasoo xigtay buugga 5-Ta tiir ee guusha. Waxaan ka cudur daaranaa in buugga oo pdf ah aan hadda haynin balse aan idin soo diyaarin doono haddii uu rabo, intaa ka dib fikirka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dadka hodan ka dhiga siddoo kale sare u qaada sirta nolosha.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Afrika3 hours ago

Madaxweynaha Masar ayaa mar saddexaad u tartamaya xilka madaxtinimo

Wararka2 days ago

Turkiga oo soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Gumeysi iyo isir sifeyn2 days ago

Guddida Carabta iyo Islaamka oo ka soo horjeestay diidmada qayaxan ee Maraykanka intii lagu jiray shirkii BAnthony Blinken ay la qaateen

Afrika2 days ago

Maxaa laga baran karaa Suudaan iyo faragelinta Qaramada Midoobay?

Diblomaasiyadda3 days ago

Shiinaha ayaa uga digay Mareykanka inuu ka fogaado arrimihiisa

Afrika3 days ago

Gumaysigu wuxuu ku dhex nool yahay dunida oo dhan – Pan-Africanist

Yurub3 days ago

Qaramada Midoobay oo qeylo dhaan ka soo saartay saboolnimada carruurta Boqortooyada Midowday

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 days ago

Waa maxay sababta luqadda Faransiiska ay u tahay luqadda inta badan looga hadlo Afrika?

Afrika4 days ago

Burkina Faso ayaa mamnuucayso luqadda rasmiga ah ee Faransiiska

Afrika5 days ago

Laba dawladood oo Afrikaan ah ayaa joojiyay heshiisyadii cashuuraha ee Faransiiska

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Masar ayaa cambaareysay go’aanka Israa’iil ee ah in deegaamayn cusub laga dhiso Bariga Quddus

Bariga dhexe5 days ago

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta intii uu ku guda jiray booqashada Bariga Dhexe

Diblomaasiyadda6 days ago

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta – waa maxay ujeedka safarka?

Gumeysi iyo isir sifeyn7 days ago

Dagaalka Israa’iil ee cisbitaallada Qaza

Gumeysi iyo isir sifeyn7 days ago

Azmi Bishara: Israa’iil waxay qorsheynaysaa inay ka saarto dadka Qaza laakiin Masar way joojin kartaa

Afrika7 days ago

Dalalkla Burkina Faso, Maali, iyo Niger ayaa doonaya inay ballaariyaan iskaashigooda cusub

Aragtida Indheergaradka1 week ago

Aragtida shirqoolka iyo caqliyadda ugub ee dhalanteedka waayahan

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Maraykanka oo si qarsoodi ah ugu diray Israa’iil bambooyinka ‘busting’ ee dagaalka Qaza: warbixin

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Israa’iil ayaa qorshaynaysa in ay disho shakhsiyaadka masuuliyiiinta ka ah ururka Xamaas

Gumeysi iyo isir sifeyn1 week ago

Dagaalka Qaza: Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe ay ka damacsan tahay Qaza dagaalka kadib

Siyaasadda Soomaaliya1 week ago

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo bisha soo socota ka qaadi doona cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Waa kumaa Henry Kissinger, diblomaasigii qaabeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka?

Wararka2 weeks ago

Soomaali ku guulaystay Abaalmarinta Qaramada Midoobay

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay weeraryahano haystay markab lala xiriirinayo Israa’iil

Akhri2 weeks ago

Raxmo-yarey yaa uureeyay?

Wararka2 weeks ago

Diblomaasi.com waxay soo kordhisay qeyb WhatsApp Follow Channel ah ee aad kala socon karto qoraalada

Wararka2 weeks ago

Ku dhawaad 100 qof ayaa ku dhimatay Soomaaliya bishan Nofeember

Akhri2 weeks ago

Xamar iyo Xaalka Fillada Cad

Yurub3 weeks ago

Musharaxii mulxidka ahaa ee ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlaan

Wararka3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxaa ka cusub heshiiskii Xamaas iyo Israa’iil?

Wararka3 weeks ago

Türkiga oo aan ku degdegi doonin in uu fuliyo rajada Iswiidhan ee ku biirista gaashaanbuurta NATO – Reuters

Wararka3 weeks ago

Norway: Laba ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ayaa lagu weeraray mindiyo – waa la xiray sida ay booliska sheegeen

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa u codeeyay in xiriirka loo jaro Israa’iil

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Dagaalka Qaza: Maxay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Saboolnimo Hoggaamineed

Afrika3 weeks ago

Qaramada Midoobay oo xirtay saldhig kale oo nabad ilaalineed oo ku yaalla Maali

Afrika3 weeks ago

Dimuqraadiyada reer galbeedka waa ay ku fashilantay Afrika – madaxweynihii hore Nayjeeriya

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Israa’iil oo ku hanjabay in ay duqayn doonaan dalalka Carabta

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Xisbiga haya talada Koonfur Afrika ayaa taageeray in xiriirka loo jaro Israa’iil

Afrika3 weeks ago

Suudaan oo dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Qaramada Midoobay – Reuters

Xul