Dhaqaalaha iyo Siyaasadda
Dhaqaalaha iyo Suuqyada Ganacsiga |Tukesomalism.com

Dabcan sidda aan wada ogsoonahay ganacsiga haddii uu leeyahay suuq wuxuu noqdaa ganacsi guulaysta. Marwalbo waxaa wanaagsan qofka ganacsadaha ah inuu yahay shaqsi dhiiran. Haddii aad tahay shaqsi ay ku badantahay cabsida waxaa adkaani karayso inaad abuurato ganacsi guulaysta. Marwalbo qofka ganacsadaha ah waa inuu noqdaa qof aragti dheer leh, inuu yahay shaqsi ku kalsoon naftiisa, waa inuu yahay shaqsi aaminsan inuu qasaari karaayo iyo inuu faa’idi karo.
Ganacsiga aad ayuu u kalla baahi duwanyahay waxayna ku xerantahay nooca aad u baahantahay inaad sameyso iyo sidda aad doonayso inaad u kobciso aragtida guud ee ganacsigaada. Inkastoo ay kalla duwantahay baahida ganacsiga hadana waxaa jirto siyaabooyin badan oo aad ugu guulaysani karto inaad sameyso ganacsi horumar weyn gaaray.
Waxaan dhinacyo kooban aan ka taabani doonaa haddii Alle idmo sidda dhaqaalaha u saamayni karo ganacsiga shirkadaha. Dabcan marwalbo oo ay timaado in maalgelin la sameyo waxaa wanaagsan in marka horre wax badan laga ogaado dhaqaalaha suuqa iyo cabirka isbedelka mustaqbalka soo socda.
Waxaa muhiim ah marka horre inaan sharaxno waa maxay dhaqaalaha? Wakhtigaan la joogo haddii aad isku daydo inaad ku qorto website browser-yada oo aad raadiso macnaha dhaqaalaha waxaa macquul ah inaad hesho macnayaal fara badan oo kalla duwan. Qoraa walbo wuxuu u qeexaa macnayaal kalla duwan balse haddii aad si fiican ulla raacdo indhaha waxaad oganaysaa in dhammaantooda ay yihiin kuwa isku macno ah. Haddii aad isbar-bar dhigto dhammaan macnayaasha laga qoray taariikhdii horre illaa waqtigaan la joogo maanta waxaad ogaanaysaa in xaqiiqda ay tahay dhammaan inay yihiin kuwa isku wada macno ah.
Haddii aad ka raadiso qaamuusyada, erayga “dhaqaalaha” wuxuu u qeexayaa dhaqaalaha sidda “daraasadda ee wax soo saarka, qaybinta, iyo isticmaalka Xoolaha ee bulshada iyo aadanaha”
Waxaad iskuulada iyo jaamacadaha kusoo baratay ama aad kusoo aqrisatay buugaag kalla duwan oo qeexaayo dhaqaalaha hadaba haddii aad qeexi karto, fadlan kusoo qor hoos qeybta commentiga su’aashaan jawaabteeda, Waa Maxay Dhaqaalaha?
Waa Maxay Dhaqaalaha?
Sidda professor dhaqaalaha ah iyo khabiirka dhaqaalaha Tukesomalism.com, jawaabta aan ka bixinaayo su’aashaas, waxay u badan tahay wax ay weheliyaan khadadka soo socda:
“Dhaqaalaha waa daraasad, sidda shakhsiyaad iyo kooxo go’aamo ugu gaaraan khayraadka kooban iyagoo isticmaalaayo sidda ugu wanaagsan ee loo isticmaali karaayo ama loo baahi tiri karo baahidda iyo rabitaanka dadweynaha”
In la fahmo dhaqaalaha waa muhiim, marwalbo waxaan go’aan gaari karnaa markii aan ogaano halka uu maraayo dhaqaalaha. Haddii aad ibsanayso guri marka horre waxaa wanaagsan inaad faa’ido weyn ka heli karto mustaqbalka soo socdoa adigoo saadaalinaayo dhaqaalaha ka jira dalka.
“Dhaqaalaha wuxuu ku anfacaayo marka la gaaro go’aamada sidda dhaqaalaha dalka iyo mid nafsiyaydba. Waxaan maalin walbo sameynaa go’aan ku saabsan dhaqaalaha. Adigoo isweydiinayno sideen u isticmaali karaa gaaska (shidaalka) gaarigayga, wax walbo waxay ku salaysanyihiin qiimaha ay kugu fadhiyaan ama ay joogaan. Haddii aad leedahay ganacsi yar sidda dukaan oo kale, waxaad marka horre isweydiinaysaa maxaan ka heli karaa oo faa’ido haddii aan allaabtaas keeno dukaanka, wali adigoo diirada saaraayo kirida dukaanka, wakhtiga aad ku bixinayso shaqadaan iyo iwm. Haddii aad heli karto shaqo aad ka dhalini karto dhaqaallo fiican waxaa macquul ah inaad dukaanka iskeega tagto. Marwalbo waxaad sameyni kartaa go’aan wanaagsan haddii aad dhinacyo badan ka fiiriso go’aanka aad ka gaarayso ganacsigaada”
Dhaqaalaha waa shey ku tiirsan nolosheena maalin walbo. Waxaad rabtaa inaad jaamacad aado, waxaad isweydiinaysaa haddii aad jaamacad aado maxaa faa’ido kuugu jira? Xaguu marayaa suuqa shaqada ee aan doonaayo inaan ka barto jaamacada? Haddii ay timaado codeynta madaxweyne, waxaad isweydiinaysaa siyaasigee ayaan u codeyni karaa? Muxuu kugu soo kordhini doonaa siyaasigaan haddii aad doorato? Muwaadanka dhabta ah marwalbo wuxuu u codeeyo siyaasiga ka fikira danaha guud ee dalka ee ma ahan mid dantiisa dhaqaalle oo kali meesha ka fiirsado. Waxwalbo ee dunidda ka jira waxaa lagu saleeyaa ama lagu qiimeeyaa dhaqaallo.
Haddii aad guursanayso waxaad ka fakiraysaa mahaysataa dhaqaalle kugu filan ama shaqo fiican? Ma tahay aabo awooddo inuu bixiyo biilka caruurtiisa? Xageed guri ugu sameynaysaa ama ugu dhiseysaa caruurtaada? Maxaad u qabani kartaa hooyo iyo aabo? Su’aalahaas iyo su’aallo kale ayaad isweydiisaa oo ku saabsan noloshaada/nolosheeda maalin walbo.
Dhaqaalaha waa go’aamada aadanaha ee maalin walbo. Maalin walbo waxaad ku fakaraysaa inaad aado jaamacada ama waxbarasho, maxaa yeelay waxaa kuu muuqdo dhaqaalaha ka soo bixi karo mustaqbalka soo socda. Waxaad ku fakarayaa inaad tahriibto oo aad tagto wadan kale waxaan shaki ku jirin inaad wadankaas u aadayso inaad ka hesho dhaqaallo si aad naftaada ay u hesho farxad ku filan, balse waxaa naga maqan in adduunka uusan ahayn meel lagu farxo ama lagu raaxaysto. Kuligeena waxaan u joognaa waa imtixaan aduunkaan.
Ka hadalka dhaqaalaha waa mawduuc ay in badan ka hadleen aqqoonyahaano badan oo caalamka ka jira. Sidda aan la wada socono wadamada caalamka ayaa ah kuwa ku kalla horumarsan xagga dhaqaalaha, qaarka kalena ay yihiin kuwa wali taag daran oo faqriga baahsaday.
Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa keenay faqriga wadamada qaarkiisa haysta?
Wadamo badan oo ka mid ah kuwa caalamka ayaa waxaa ka jira faqri aad u dhibaateeyay bulshada. Musuqmaasuqa waa waxa keeno in ay timaado dhaqaallo xumo. Dawladda waa inay marwalbo u taagnaataa danaha ummada oo dhan. Haddii ay dawladda noqoto dawlad ka shaqeyso dano gaar ah waxaa dhexda ka baxa xaqqa masaakiinta.
Waxaa jiro tusaalooyin badan oo ka jira dalkeena Soomaaliya. Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho waxaa waqti dhaw dhul balaaran laga siiyay midawga Yurub si ay xarun ugu dhistaan. Waxaana la helay cadeeymo qeexaayo in xaruntaas midawga Yurub aanan ka shaqayni Karin qof Soomaali ah mise qof asalkiisa uu ka soo jeedo Soomaali, waxaana warqadaas u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasaan Sh. Maxamuud sidda ay qoreen warbaahinta Soomaalida.
Hadaba yaa iska leh xarunta ay deganyihiin midawga Yurub? Dabcan Soomaali baa iska leh. Haddii dhulkale oo caalamka kale ku yaallo waxbay ahaani lahayd, laakiin dhul ummadiisa la leeyahay ma soo geli karaan oo wax shaqo ah umma soo raadsani karaan waa waxyaabaha keeni karo damiir la’aanta na haysata. Waxaana sawab u ah heerka musuq-maasuqa gaarsiisanyahay. Dhaqaalaha ma kobci karo illaa la helo simnaan iyo cadaalad ay u wada simanyihiin ummada oo dhan. Haddii ay timaado cadaalad waxaa si fudud u suurta geli karo in la helo dhaqaalaha dalka oo horumaro. Marwalbana dawladaha caalamka ka jira waa inay ku dadaalaan cadaalada si loo helo dhaqaalaha oo ay bulshada u wada simanyihiin.
Dhaqaalaha wuxuu sii kalla leeyahay noocyo muhiim u ah dawladda inay gacanta ku qabato sidda Xarunta Dhexe ee Keydka Shidaalka oo Muqdisho laga hirgeliyey dhawaan. Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka hirgeliyey magaalada Muqdisho shirkad ballaran oo ka ganacsanaysa shidaalka taas oo leh xarumo keyd, waxaana loogu magacdarey Xarunta Dhexe ee Keydka Shidaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay.
“Waddankan inagaa ayaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana inaga ayaa la inooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna waxay qeyb ahaan fulisey baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddanka si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii nagu habsatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Ganacsiga ku dhisan dhaqaalaha noocyadaan oo kale waxaa loo baahnaa in dawladda ay gacanta ku hayso ee ma ahan in dad qaas ah gacanta loo geliyo. Nuxurka hadalkayga ayaa ah dawlada maanta waxay mucaawino ka heshaa wadamada shisheeya, waa in meel la wada fadhiistaa oo la isweydiiyaa siddii loogu bixi lahaa mucaawinadaas. Maxaa yeelay cidwalbo wey ogtahay in Soomaali aysan ka bixi Karin dhibaatadaan illaa ay ka baxdo deeqda gacanta shisheeye. Cidwalbo wey ogsoontahay maanta dalkaan in gacan shisheeye ay gacanta ku hayaan, sawabtoo ah madaxdeena ayaa ah kuwa mishaarkooda la bixiyo, “af wax cunay xishoo”
Haddii aad jeceshahay inaad wax badan ka ogaato dhaqaalaha iyo suukhyada waxaa muhiim ah inaad ogtahay sharuucda dalalka u yaallo, si aad wax badan ugu fahmi karto qaababka aad ku geli karto suuqyada. Wakhtigaan la joogo dawladda Federalka Soomaaliya malahan sharuu ganacsi ee la aqqoonsanyahay.
“Ganacsiga waddankeena waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaanqaada ganacsiga kale ee caalamka. Waad aragtaan in ganacsatadeena ay hanti badan geliyeen dalalka shisheeye, iyagoo taas sabab uga dhigaya jiritaanka nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambeeyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maalgashi ka yimaada dibedda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida’’. ayuu yiri Madaxweynaha.
Qodobka labaad ee u baahan inaan sharaxno ayaa ah waa maxay suuq?
Suuqa waa goobta ay ku wada kulmaan kan wax iibsanaayo iyo midka wax iibinaayo. Suukha waxaa lagu qeexi karaa goob walbo oo dadka iskugu yimaadaan oo ay ku kalla iibsani karaan alaabaha sidda maacuunta guryaha, cuntada, xoolaha, guryaha iwm.
Suukha waxaa kale oo lagu qeexi karaa goobaha internet-ka ee loo yaqaano “ecommerce” ama “ebusiness” sidda xaashi.com, seylad.com iyo kuwa kale oo badan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed. Kuwa caalamiga ee laga isticmaallo wadamada kale waxaa ka mid ah sidda amazon.com, ebay.com, alibaba.com iyo kuwa kale oo ka jira daafaha dunidda.
Labada shey ee ugu muhiimsan cinwaankeena waxaan jeclahay inaan ku sharaxay guud ahaan fahanka dhaqaalaha iyo suuqyada. Haddi aad fahansantahay labadaas shey sidda:
Dhaqaalaha
Suukh-yada
Waxaad halkaas cabir ka qaadani kartaa qiimeynta guud ee aad u baahantahay inaad ka sal gaarto markii aad sameynayso maalgelinta ama marwalbo oo aad sameynayso maalgelin cusub, iyo guud ahaan suuqgaynta.
Suukh-yada waxaa marwalbo soo farageliyo dawladaha. Dawladda Soomaaliya ma ahan dawlad soo farageliso suuqyada gudaha Soomaaliya. Dawlada waa inay la socotaa waxa ka dhacaayo suukh-yada dalka. Maxa yeelay haddii dawladda iska qaadato canshuur oo kali oo aysan ka warqabin badeecada suukha taallo, waxaa kor u kacaayo sunta dadka laga iibinaayo. Dabcan sidda aan la wada socono gudaha suuq-yada Soomaaliya waxaa lagu kalla iibsadaa daawo dhacday. Xittaa bulshada way ka warqabtaa in wadanka lagu iibiyo daawo dhacday. Sawabtoo ah malahan dawlad ku hayso illaalin.
Haddii ay jiraan dawrkii dawladnimo waxaa suurta geli lahaa in la qabto dadka dalka soo geliyo daawooyinka dhacday (expired medicine). Marwalbo uu maqanyahay dawrka dawladnimo waxaa dalka marwalbo iska soo farogelini karo gacmo shisheeye, weyna dhacday midaan.
Ganacsadaha ka hawl galo suuqyada dunidda wuxuu u baahanyahay inuu dhinacyo badan ka ka eegi karo, sidda isbedelka lacagaha. Waa wax aad u wanaagsan inaad ka warqabto isbedelka suukhyada dunidda. Waa inaad ogaataa maxaa keenay in suukhyada isbedelaan.
Isbedelka suukh-yada waxaa keeno noocyo badan oo ay ka mid tahay “tariff” oo ah xadidinta xaduudaha iyo canshuuraha. Haddii dawladdaada iyo dawladaha kale ee aad u iib gayso allaabahaaga aysan lahayn xariir diplomasiyadeed oo ah isu gudbinta badeecadaha waxaa adkaani karayso inaad ku ganacsato wadamada kale sawabtoo ah, waxaa ka jira tariff.
Markalle aan si fiican u sharaxo, waa maxay “tariff” jawaabaha ugu wanaagsan ee tariff waxaa ka mid ah sidda wadamada Qaliijka ah ee loo yaqaano “Gul Nations” دول الخليج
Siddoo kale waxaa jira Midawga Yurub “European Union” iyo NAFTA “North American Free Trade Agreement”
Dhammaan dawladahaas waxay leeyihiin qaab ganacsi oo xor ah, in ganacsadaha ka dhashay wadamadaan oo u iibgeyni karo badeecadahiisa wadamada deriska la ah asigoo aan laga qaadi Karin wax canshuur ah ama aan loo diidi karin inuu ku ganacsado wadamadaan kalle. Maxaa yeelay waa heshiis ay ku heshiiyeen wadamadaan.
Qofkii allaabo “products” rabo inuu u iib geeyo sidda Bahrain oo ka mid ah wadamada Qaliijka waxaa laga qaadayaa canshuur hadduusan ganacsadaas yahay ganacsade ka yimid wadamo ka baxsan dawladahaan qaliijka ah. Haddii aad u dhalatay Qadar waxaad allaabtaada u iibgeyni kartaa Sacuudiga ama kuwa kale oo ka mid ah dawladahaa wali iyadoo aan lagu weydiinaynin wax canshuur ah balse waa inay kaa koontoroolaan waxaad wado. Sidda haddii ay yihiin wax dhacay oo kale. Dawladda ayaa marwalbo masuul ka ah waxwalbo oo bulshada saameyn ku haayo. Haddii doorka dawladda meesha kasoo baxaayo daneyste oo ay bulshada kalla kulmaan dhibaato aad u balaaran, qaasatan kuwooda ugu ducufsan.
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda
MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay ku dhawaad 3,400 oo kiiloomitir oo xeeb ah, taas oo uu sheegay inay abuureyso fursado maalgashiga dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay soo jiidato maalgashiga Afrika iyo caalamka, isagoo tilmaamay in isbeddellada juqraafi-siyaasadeed, hubanti la’aanta dhaqaale iyo saameynta isbeddelka cimiladu ay Afrika ku khasbayaan inay xoojiso iskaashiga iyo isku-duwidda kheyraadkeeda.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay magaalada Al-Alamein ee dalka Masar, wuxuu sheegay in dalalka Afrika ay u baahan yihiin inay xoojiyaan suuqyadooda maaliyadeed, nidaamyada dakhliga gudaha iyo maalgelinta gaarka loo leeyahay si qaaraddu uga gudubto caqabadaha dhaqaale ee horyaalla.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin la xiriira amniga, dib-u-habaynta siyaasadda iyo xoojinta hay’adaha dowladda, isagoo xusay in dhaqaalaha dalku afartii sano ee lasoo dhaafay sanad kasta kobcayay inta u dhaxaysa 3 iyo 4 boqolkiiba, inkastoo ay jireen caqabado amni iyo kuwo cimiladeed.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay fursadaha ka dhashay ku biiritaanka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika, isagoo sheegay in xubinnimadu ganacsatada Soomaaliyeed u furtay suuq goboleed ballaaran isla markaana Soomaaliya ka dhigtay marin muhiim ah oo isku xira Bariga Afrika, Gacanka Cadmeed, Jasiiradda Carabta iyo Badweynta Hindiya.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay ku dhawaad 3,400 oo kiiloomitir oo xeeb ah, taas oo uu sheegay inay abuureyso fursado maalgashi oo ku saabsan dekedaha, saadka, kalluumaysiga, beeraha, xoolaha iyo tamarta. Wuxuu sidoo kale xusay kobaca adeegyada dhijitaalka ah iyo isticmaalka lacagaha moobilka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu gaaray heer iskaashi istaraatiiji ah, kaddib markii labada dal ay Janaayo 2025 sare u qaadeen xiriirkooda laba geesoodka ah. Iskaashiga ayaa sida uu sheegay daboolaya ganacsiga iyo maalgashiga, beeraha iyo xoolaha, kalluumaysiga, dhismaha, gaadiidka, adeegyada maaliyadeed, shidaalka, gaaska iyo tamarta la cusboonaysiin karo.
“Waxaan doonaynaa in maalgashadayaasha Afrikaanka ahi Soomaaliya u arkaan oo keliya dal ka soo kabanaya culaysyo, balse ay u arkaan suuq furmaya, goob istaraatiiji ah oo muhiim ah iyo dhaqaale ay weli ka jiraan fursado badan oo lagu maalgashado” – ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo hay’adaha maaliyadeed ee Masar iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay Soomaaliya kala shaqeeyaan wejiga xiga ee horumarinta dhaqaalaha, isagoo sheegay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo mashaariic ay dalalka qaaraddu si wadajir ah u dhisaan.
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda
Kunkii Shillin Soomaaliga la waayay iyo muddo kororsiga Xassan maxaa kulmiyay?
Faalladeenna waxa ay daaran tahay kordhiskii dhacay kaabiya muxuu ku haayaa kaligaa xukunka miyaa xaajada noqotay xasarad kici miyay xaajada noqotay.

Maskaxda aynu tuujiso sooyaalka dib aynu u eegno aafooyinkii dhacay kunkii la waayay iyo beddelkoo kaaha ka dama, kunkii la waayay iyo bulshadoo kuhatay koobkii shaaha oo kunkii shillin lagu cabi kari la’yahay kummanaan shillin adigoo haysta ayaa bulshada dhexdeeda ku baahanaysaa oo aaddan kari karin inaad ku shubato koob shaaha.
Intaa kuma koobna oo kaliya faalladeenna dadkii dantayaraa intii kaalmeyn jirtay maanta waa kuwaan ilmadu kafku ay joogto oo ruux kaaba uusan jirin waa sida maanta magaalada ay u muuqatee majirto cid dadka dantayar caawisa waan xaaladda ugu adag ee dalkeenna uu ku sugan yahay waxaa daaqada ka baxday caawinaadii dadka dantayarta ahaa loo fidin jiray si maalinle ah kuwaasi oo ay bixin jireen ganacsiga, bulshada gacanta furan iyo dadkeenna kale oo awooda inay walaalahooda caawiyaan waxayna ku caawin jireen kunkaa shillin iyo wixii kasii dheeraad ah balse imika waa la waayay.
Sidoo kale, waxaa hakad galay isticmaalka gawaaridda ay isticmaali jireen kunkii shillin ee ahaa madigii inoo haray, qarannimadii iyo astaamihii aynu lahayn dib aynu milicsano lacagihii aynu lahayn qaranimadeenna iyo sharafteenna kor u qaadi jirtay sida, Kumi, Taano, Shillin, Nus shillin, Shan shillin, Toban shillin, Boqol shillin iyo waliba Shan boqol illaa Kunkii aynu aasnay xisaab baa kor-hortaagan dowladdu ay kow ay ka tahay iyo inta ku dhaw.
Lacagtu waa mid kamid ah astaamaha qarannimo ee dal kasta uu leeyahay laguna aqoonsado bulshadda dalkaasi ayaana isticmaasha lacagahaasi iyagoo u adeegsada nolosha xilligaasi ay ku sugan yihiin.
Dhanka kale, faalladeenna waxa ay daaran tahay kordhiskii dhacay kaabiya muxuu ku haayaa kaligaa xukunka miyaa xaajada noqotay xasarad kici miyay xaajada noqotay faallada waxay si xasilooni ugu hadlaysaa xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, faalladeenna waxay dul heehaabanaysaa kordhiskii dhacay kaabiya muuxuu ku haaya kaligaa xukun miyay xaajada noqotay, xasarad kici miyay xaajada noqotay faalladu intaa oo kaliya kuma aysan xaslin ee waxa ay guda-gashay biyaha dhaca faallada oo ah in Muqdisho ay ku sugan tahay xaaladdo iska horimaad ah taasi oo u dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka oo dhinac ah.
Balse xowraanka faalladeeda waxay leedahay dalka yaan xumeyn madaxda yaan la xaalafin xiska iyo ha shaqeeyo garaadka xaaladda Xamar ay ku sugan tahay ma ahan mid la dheehan karro.
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda
Donald Trump oo soo jeedinaya in dalalka Carabta bixiyaan khasaaraha Iiraan kasoo gaaray dagaalka
Dalalka Khaliijka waxay wajahayaan laba doorasho oo adag: inay la jaanqaadaan caddaadiska Mareykanka ama inay isku dayaan inay haggaajiyaan xiriirkooda Iiraan si ay uga fogaadaan khilaaf cusub.

Qormadan waxaan diiradda ku saaraynaa soo jeedinta muranka dhalisay ee uu soo bandhigay madaxwaynaha Mareykanka ee Donald Trump, taasoo ku saabsan in dalalka Carabta lagu riixo inay bixiyaan magdhow dhaqaalle oo la xiriira khasaaraha Iiraan kasoo gaaray dagaalka.
Arrintani waxay furaysaa dood ballaaran oo ku saabsan mas’uuliyadda maaliyadeed, awood qaybsiga juqraafiyeed, iyo mustaqbalka siyaasadda amni ee Bariga Dhexe. Marka hore, fikradda Donald Trump ma aha mid caadi ah marka loo eego dhaqanka caalamiga ah. Caadiyan, magdhowga dagaalka waxaa bixiya dhinacyada si toos ah ugu lugta leh colaadda. Soo jeedinta ah in dalal aan si toos ah dagaalka uga qayb qaadan lagu khasbo inay bixiyaan magdhow waxay jebinaysaa xeerarka siyaasadda caalamiga ah ee ku saleysan madaxbannaanida dowladaha. Tani waxay dhalinaysaa su’aal muhiim ah: yaa qaadaya mas’uuliyadda cawaaqibka dagaal aan si toos ah uga qayb qaadan?
Marka labaad, soo jeedintan waxay muujinaysaa istiraatiijiyad siyaasadeed oo ku dhisan cadaadis dhaqaale. Dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GIK) muddo dheer waxay ku tiirsanaayeen Mareykanka si uu u dammaanad qaado ammaankooda. Haddii Mareykanku bilaabo inuu ku caddaadiyo xulafadiisa dhaqaalle ahaan, waxaa suurtagal ah in kalsoonidii istiraatiijiyadeed ay daciifto. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dalalka sida Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Kuwayt, kuwaas oo u arka xiriirka Mareykanka mid laf-dhabar u ah amnigooda.
Dhacdadii 28-kii Febraayo, oo Iiraan ay weerarro isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday dalalka Khaliijka, waxay si cad u muujisay nuglaanta nidaamka amni ee gobolka. Weerarradan waxay saameyn toos ah ku yeesheen kaabayaasha muhiimka ah sida saliidda iyo gaaska, kuwaas oo ah halbowlaha dhaqaale ee dalalkan. Halkii laga filayay in Mareykanku xoojiyo illaalinta xulafadiisa, soo jeedinta Trump waxay u muuqataa mid culays dhaqaalle oo dheeraad ah saaraysa.
Dhinaca kale, fikraddan waxay leedahay dhinac siyaasaddeed oo qarsoon. Waxaa suuragal ah in Donald Trump uu doonayo inuu dib u qeexo doorka Mareykanka ee gobolka, isaga oo ka leexanaya “illaaliyaha bilaashka ah” una wareegaya nidaam ku saleysan “bixinta adeegyada amniga.” Taas macnaheedu waa in dalalka Khaliijka laga filayo inay bixiyaan kharashaadka illaalintooda, xittaa haddii ay taasi ku lug leedahay magdhow dal kale sida Iiraan. Haddii tani hirgasho, waxay beddeli kartaa qaabka xirriirka caalamiga ah ee Mareykanka.
Saameynta dhaqaalle ee arrintan ayaa sidoo kale weyn
Dalalka Khaliijka waxay ku tiirsan yihiin dakhli ka yimaada shidaalka, waxaana horey u jiray caddaadisyo ka imanaya suuqyada tamarta iyo isbeddelka tamarta nadiifka ah. In lagu daro culays dhaqaalle oo ah magdhow dagaal waxay wiiqi kartaa qorshayaashooda horumarineed sida “Aragtida Sacuudiga 2030.” Tani waxay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaada maalgashiga, shaqo abuurka, iyo koboca dhaqaale.
Dhanka juqraafiyeed, soo jeedintan waxay abuureysaa xiisad cusub oo u dhexeysa dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Inkastoo ay jireen dadaallo dhowaan lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac, fikraddan waxay dib u soo celin kartaa shaki iyo colaado.
Dalalka Khaliijka waxay wajahayaan laba doorasho oo adag
Dalalka Khaliijka waxay wajahayaan laba doorasho oo adag: inay la jaanqaadaan caddaadiska Mareykanka ama inay isku dayaan inay haggaajiyaan xiriirkooda Iiraan si ay uga fogaadaan khilaaf cusub.
Falanqeeyaha siyaasadda Xusseen Ibish ayaa hore u tilmaamay in aysan fuddudeyn in isbeddel nidaam laga sameeyo Iiraan iyadoo la adeegsanayo awood militari oo keliya. Tani waxay ka dhigan tahay in xittaa haddii caddaadis la saaro, Iiraan ay u badan tahay inay sii adkeysato. Sidaas awgeed, dalalka Khaliijka waxay ka baqayaan laba xaaladdood: Iiraan oo sii xoogeysata oo aargoosi sameysa, ama Iiraan oo burburta oo keenta fowdo gobolka ah.
Labadan xaaladood midkoodna ma aha mid faa’iido u leh dalalka Khaliijka. Iiraan oo xoogeysata waxay kordhin kartaa weerarro iyo xiisado militari, halka burburkeedu uu sababi karo qulqul qaxooti, faafitaanka hubka, iyo xasillooni darro guud. Dalalka Khaliijka waxay u badan tahay inay doortaan siyaasad dhexdhexaad ah oo isku dheelitiraysa iska horimaad iyo wada noolaansho.
Ugu dambeyn, soo jeedinta Donald Trump waxay ka tarjumaysaa isbeddel ballaaran oo ku saabsan sida loo arko mas’uuliyadda dagaalka iyo doorka xulafada. Inkastoo ay u muuqan karto xal dhaqaalLe oo degdeg ah, haddana waxay keeni kartaa cawaaqib siyaasaddeed, dhaqaalle, iyo amni oo fog. Dalalka Khaliijka waxay ku jiraan xaalad adag oo u baahan inay si taxaddar leh u qiimeeyaan xiriirkooda Mareykanka iyo Iiraan, si ay u ilaashadaan xasilloonidooda iyo danahooda mustaqbalka. Arrintani waxay muujineysaa in siyaasadda juqraafiyeed ee casriga ah aysan ku saleysneyn oo keliya awood militari, balse ay sidoo kale si weyn ugu xiran tahay awood dhaqaale, saameyn siyaasadeed, iyo istiraatiijiyad fog. Dalalka awoodda leh waxay isku dayayaan inay dib u qaabeeyaan nidaamka caalamiga ah, halka kuwa yaryar ay isku dayayaan inay ka badbaadaan cadaadiskaas iyagoo ilaalinaya madaxbannaanidooda.
Bangiyadda & Keydka
Mala socotaa in doollarka uusan ahayn oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed?
Ma ogtahay in marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar ah, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT.

Hoos u dhaca doollarka Mareykanka iyo istaraatiijiyadda ay qaateen dalalka sida Ruushka iyo Shiinaha si ay uga fogaadaan isticmaalka doollarka ee ganacsiga caalamiga ah waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka. Arrintan ma aha oo kaliya mid ku saabsan lacag la isku beddelanayo, balse waa mid taabanaysa awoodda iyo saamaynta caalamiga ah ee Mareykanka.
Muddo dheer, gaar ahaan tan iyo dhammaadkii Dagaalka Adduunka II, doollarka Mareykanka wuxuu noqday tiirka ugu muhiimsan ee nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah. Heshiiskii Bretton Woods ayaa si rasmi ah u dejiyay doollarka inuu noqdo lacagta ugu weyn ee lagu kaydiyo hantida iyo ganacsiga. Taasi waxay siisay Mareykanka awood uu ku saameeyo suuqyada, bangiyada, iyo siyaasadaha dhaqaalle ee dunida oo dhan.
Waa maxay Heshiiskii Bretton Woods, oo la aasaasay Luulyo 1944?
Nidaam lacageed oo caalami ah oo cusub ayaa waxaa sameeyay ergooyin ka kala socday 44 waddan oo ku kulmay Bretton Woods, New Hampshire, bishii Luulyo 1944. Ergooyinka shirka ayaa isku raacay in la dhiso Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka. Ujeeddada ugu weyn ee nidaamka Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Ujeeddada ugu weyn ee Heshiiska Bretton Woods waxay ahayd in la xasiliyo sarrifka lacagaha, la yareeyo tartanka qiimo-dhimista, lana dhiirrigeliyo kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamiga ah.
Laba dhaqaaleyahan oo caan ah, John Maynard Keynes iyo Harry Dexter White, ayaa si weyn uga qayb qaatay naqshadeynta nidaamkan. John Maynard Keynes wuxuu soo jeediyay bangi dhexe oo caalami ah iyo lacag cusub oo la yiraahdo “bancor,” halka Harry Dexter White uu taageeray nidaam ku saleysan lacagaha qaranka iyo kayd dahab ah. Inkasta oo ay kala duwanaayeen aragtidooda, heshiiska ugu dambeyntii la gaaray waxaana la isku daray fikradaha labada dhinac.
Inkasta oo nidaamkani uu shaqeynayay ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, haddana wuxuu dhaxal u reebay qaab-dhismeedyo weli saameyn ku leh dhaqaalaha caalamiga ah maanta. Sababtoo ah, nidaamka Bretton Woods wuxuu dejiyay nidaam sarrif oo go’an, halkaas oo lacagaha waddamada lagu xiray doolarka Mareykanka, doolarkuna uu ku xirnaa dahab. Tani waxay abuurtay xasillooni dhaqaalle oo muddo dheer socotay, taasoo sahashay kobac dhaqaalle iyo ganacsi caalami ah. Nidaamkani wuxuu socday ilaa 1971, markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, taasoo keentay burburka nidaamkaas.
Nidaamka Bretton Woods wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha, siyaasadda, iyo diblomaasiyadda caalamka intii uu shaqeynayay (1944–1971) iyo xittaa ka dib burburkiisa. Ujeeddadiisu waxay ahayd in la abuuro nidaam dhaqaalle oo xasilloon oo ka hortaga qalalaasihii hore, taasoo si weyn u beddeshay sida waddamada u wada shaqeeyaan. Wadamada warshadaha leh sida Mareykanka iyo Yurub waxay gaareen kobac dhaqaalle oo degdeg ah, waxaana la arkay koror weyn oo wax soo saar iyo shaqo abuur leh. Intaa waxaa dheer, hay’adaha sida Hay’adda Lacagta Adduunka (International Monetary Fund) iyo Baanka Adduunka (World Bank) ayaa ka caawiyay waddamada inay ka gudbaan dhibaatooyinka dhaqaalle iyo inay helaan maalgelin horumarineed.
Saameynta dhaqaalle ma ahayn mid isku dheellitiran
Wadamada soo koraya waxay inta badan ku tiirsanaayeen kaalmo iyo deymo, taasoo mararka qaar keentay ku-tiirsanaan dhaqaale. IMF waxay dejisay shuruudo adag marka ay bixiso deymo, taasoo saameyn ku yeelatay siyaasadaha gudaha ee waddamada qaarkood. Sidaas darteed, inkastoo nidaamku kobac keenay, haddana wuxuu sidoo kale abuuray kala duwanaansho dhaqaalle oo u dhexeeya waddamada hodanka ah iyo kuwa saboolka ah. Dhinaca siyaasadda, Bretton Woods wuxuu xoojiyay hoggaanka Mareykanka ee nidaamka caalamiga ah. Sababtoo ah doolarka Mareykanka ayaa noqday lacagta ugu muhiimsan ee kaydka caalamiga ah, Mareykanku wuxuu helay awood dhaqaalle iyo mid siyaasadeed oo ballaaran. Tani waxay sidoo kale qayb ka ahayd tartankii awoodaha waaweyn ee xilligii Dagaalka Qaboowaa halkaas oo Mareykanku uu isticmaalayay hay’adaha dhaqaalle si uu u xoojiyo saameyntiisa siyaasaddeed iyo dhaqaalle ee dunida.
Dhinaca diblomaasiyadda, nidaamka Bretton Woods wuxuu dhiirrigeliyay iskaashi caalami ah oo aan hore loo arag. Wadamada ayaa si joogto ah uga wada shaqeynayay arrimaha dhaqaalle, taasoo sare u qaadday xiriirka diblomaasiyadeed iyo kalsoonida. IMF iyo Bangiga Adduunka waxay noqdeen goobo ay waddamadu ku wada hadlaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadka dhaqaalle si nabad ah, halkii ay ka qaadi lahaayeen tallaabooyin adag sida xannibaadaha ganacsi.
Markii nidaamka Bretton Woods uu burburay 1971, kadib markii Mareykanku joojiyay isku-xirnaanta doolarka iyo dahabka, waxaa bilaabmay nidaam cusub oo sarrif lacag oo dabacsan (floating exchange rates). Inkastoo tani keentay xorriyad dhaqaalle oo badan, haddana waxay sidoo kale kordhisay khatarta isbeddelka sarrifka iyo qalalaasaha dhaqaalle. Bretton Woods wuxuu si weyn u saameeyay dunida, isagoo dhisay aasaaska nidaamka dhaqaalle ee casriga ah. Wuxuu xoojiyay iskaashiga caalamiga ah, kobciyay ganacsiga, isla markaana beddelay awoodaha siyaasadeed iyo diblomaasiyaddeed ee dunida.
Doollarka ma ahan oo kaliya lacag, balse waa aalad awooddeed
Marka ganacsiga lagu kala iibsado saami doollar, Mareykanku wuxuu helayaa awood uu ku xakameeyo nidaamka lacagaha ee caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo loo marayo nidaamyada bangiyada iyo hababka lacag wareejinta sida SWIFT. Tani waxay u oggolaatay Mareykanka inuu adeegsado cunaqabateyn dhaqaalle si uu caddaadis ugu saaro dalalka kalle, taasoo ka dhigtay doollarka hub siyaasaddeed oo aan la iska indha tiri karrin.
Isbeddelka ay wadaan Ruushka iyo Shiinaha wuxuu muujinayaa in nidaamkaas la caqabadeynayo. Labadan dal waxay si ula kac ah u yareynayaan ku tiirsanaanta doollarka, iyagoo kordhinaya isticmaalka lacagahooda gudaha sida yuan-ka iyo ruble-ka. Tallaabooyinkan waxaa dhiirrigeliyay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin khilaafaadka siyaasaddeed ee sii kordhaya iyo cunaqabateynta dhaqaalle ee lagu soo rogay Ruushka, gaar ahaan ka dib dhacdooyinka la xiriira duulaankii gobolka Kirimiya ee Yukreyn. Shiinaha, dhinaceeda, waxay leedahay aragti fog oo ku saabsan doorka ay rabto inay ka qaadato nidaamka caalamiga ah. Iyadoo loo marayo mashaariicda waaweyn sida Hindisaha Suunka iyo Waddooyinka (Belt and Road Initiative), Shiinaha waxay isku dayaysaa inay dhisto shabakad ganacsi iyo maaliyadeed oo ka madax-bannaan nidaamka reer galbeedka. Tani waxay u oggolaanaysaa inay ku fidiso saamaynteeda dhaqaalle iyo siyaasaddeed, iyadoo hoos u dhigaysa doorka doollarka ee ganacsiga. Saamaynta arrintan ayaa noqon karta mid aad u ballaaran. Haddii dalal kale—gaar ahaan kuwa soo koraya ee ku jira ururrada sida BRICS—ay bilaabaan inay raacaan jidkan, waxaa dhici karta in nidaamka maaliyaddeed ee caalamiga ah uu u wareego qaab cusub oo leh awoodo badan. Taasi waxay keeni kartaa in doollarka uu si tartiib ah u lumiyo kaalintiisa hoggaamineed, inkastoo aysan tani dhici doonin si degdeg ah.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la fahmo caqabadaha horyaalla isbeddelkan. Inkastoo Ruushka iyo Shiinaha ay sameynayaan dadaallo waaweyn, doollarka Mareykanka weli wuxuu leeyahay kalsooni caalami ah oo aad u sarreysa. Suuqyada maaliyadeed ee Mareykanka waa kuwo aad u qoto dheer, nidaamkooda bangiyadeedna waa mid aad u horumarsan. Intaa waxaa dheer, hay’adaha caalamiga ah sida International Monetary Fund iyo World Bank ayaa weli si weyn ugu tiirsan doollarka. Waxa socda maanta ma aha burbur degdeg ah oo ku yimaada doollarka, balse waa tartan istaraatiiji ah oo muddo dheer socon doona. Ruushka iyo Shiinaha waxay isku dayayaan inay dhisaan nidaam kale, halka Mareykanku uu difaacayo booskiisa. Tartankan wuxuu ku fidsan yahay dhinacyo badan: dhaqaale, siyaasadeed, tiknoolajiyadeed, iyo xittaa milatari.
Haddii isbeddelkan sii socdo, adduunku wuxuu u wareegi karaa nidaam dunida awoodo badan ku dhisan (multipolar world), halkaas oo dhowr quwadood ay wadaagaan saamaynta. Tani waxay keeni kartaa fursado cusub, sida in dalal badan ay helaan xorriyad dheeraad ah oo ay ku maareeyaan dhaqaalahooda. Waxay sidoo kale keeni kartaa khataro, sida xasillooni darro iyo tartan sii kordha oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.
Gabagabadii, ka fogaanshaha doollarka Mareykanka ee ganacsiga caalamiga ah waa dhaqdhaqaaq istaraatiiji ah oo leh saameyn fog. Ma aha oo kaliya laba dal oo isku dayaya inay beddelaan hab lacag-bixineed, balse waa isbeddel ku saabsan sida awoodda loo qaybinayo ee adduunka. Mustaqbalka nidaamka caalamiga ah wuxuu ku xirnaan doonaa sida isbeddelkan u kobco iyo sida dalalka kale ay uga falceliyaan. Waxaa suurtagal ah in dunidu ay u gudubto marxalad cusub oo leh qaab awooddeed oo ka duwan kii hore—mid ka adag, kana tartan badan, balse sidoo kale laga yaabo inuu noqdo mid dheellitiran.
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda
Maxay dalalka qaar u horumaraan si ka dhakhsiyo badan kuwa kale?
Dhaqaale-yahanka Michael Spence ayaa si kastaba ha ahaatee ku dooday in adduunku hadda u socdo marxalad cusub oo loo yaqaan “The Next Convergence,” taas oo macnaheedu yahay in qaar ka mid ah dalalka saboolka ah ay bilaabeen inay si degdeg ah u koraan oo ay u soo dhowaadaan dalalka hodanka ah.

Su’aasha ah sababta dalalka qaar u horumaraan si ka dhakhso badan kuwa kale waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha adduunka. Muddo ku dhow laba qarni, waxaa jiray kala fogaansho sii kordhaysa oo u dhaxaysa dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah. Dhaqaale-yahanka Lant Pritchett ayaa arrintan ku tilmaamay “Divergence, Big Time,” taas oo muujinaysa sida dalalka horumaray ay uga sii hormareen kuwa kale.
Markii Adam Smith uu qoray buuggiisa caanka ah The Wealth of Nations sanadkii 1776, farqiga u dhexeeya dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah ma ahayn mid aad u weyn. Tusaalle ahaan, dalka ugu qanisan xilligaas—oo la rumeysan yahay inuu ahaa Netherlands—wuxuu dakhliga qofkiiba ka badnaa dalalka saboolka ah qiyaastii afar jeer. Si kastaba ha ahaatee, laba qarni kadib, farqigaasi wuxuu noqday mid aad u weyn, iyadoo Netherlands ay ka taajirsanayd dalal sida China, India, iyo Thailand heerar aad u sarreeya.
Arrintan waxaa sabab u ahaa waxa loo yaqaan “qaraxa aqoonta” iyo horumarka tiknoolajiyada. Dalalka hore u hormaray waxay heleen fursad ay ku horumariyaan warshado, tiknoolajiyo iyo hay’ado awood leh, halka dalalka kale ay dib uga hareen. Tani waxay abuurtay waxa loo yaqaan “dabin horumarineed,” halkaas oo dalalka saboolka ah ay ku adkaato inay ka baxaan saboolnimada, maadaama ay ka maqan yihiin agabkii iyo xirfadihii lagama maarmaanka u ahaa horumarka.
Dhaqaale-yahanka Michael Spence ayaa si kastaba ha ahaatee ku dooday in adduunku hadda u socdo marxalad cusub oo loo yaqaan “The Next Convergence,” taas oo macnaheedu yahay in qaar ka mid ah dalalka saboolka ah ay bilaabeen inay si degdeg ah u koraan oo ay u soo dhowaadaan dalalka hodanka ah. Tani waxay si gaar ah uga muuqataa dalal badan oo Aasiya ah.
Awoodaha wax soo saarka
Si loo fahmo sababta dalalka qaar u horumaraan, waxaa muhiim ah in la fahmo fikradda ah “awoodaha wax soo saarka.” Ricardo Hausmann wuxuu arrintan ku sharraxay tusaalle la mid ah ciyaarta Scrabble. Sida erayada loogu sameeyo isku darka xarfaha, alaabada iyo adeegyada waxaa lagu sameeyaa isku darka xirfado, tiknoolajiyo iyo aqoon. Dalalka leh “xarfo” badan—taas oo ah xirfado iyo agab badan—waxay soo saari karaan baddeecooyin kala duwan oo adag.
Haddii waddan uu ka maqan yahay xirfado muhiim ah, ma awoodi karo inuu soo saaro alaab gaar ah. Tusaalle ahaan, waddan aan lahayn koronto ama kaabayaal warshadeed ma dhisi karo warshado casri ah. Intaa waxaa dheer, marka waddan uu helo xirfado badan, faa’iidada uu ka helayo xirfad kasta oo cusub way sii kordhaysaa. Tani waxay sababtaa in dalalka hore u hormaray ay sii horumaraan, halka kuwa kale ay sii dib u dhacaan. Labadii qarni ee la soo dhaafay, tiknoolajiyada iyo kakanaanta wax soo saarka ayaa si weyn u kordhay. Tani waxay sii xoojisay kala fogaanshaha, maadaama dalalka saboolka ah ay ku adkaatay inay la jaanqaadaan isbeddelka degdegga ah. Caalamiyeynta ayaa wax ka beddeshay xaaladda hadda jirta.
Caalamiyeyntu waxay kala qaybisay silsiladaha qiimaha (global value chains), taasoo u oggolaatay dalalka inay ka qayb qaataan qayb ka mid ah wax soo saarka halkii ay ka qaban lahaayeen dhammaan hawlaha. Tusaalle ahaan, si waddan uu u dhoofiyo dhar, mar hore waxay ahayd inuu qabto dhammaan hawlaha laga bilaabo naqshadeynta illaa suuqgeynta. Maanta, waddan wuxuu ku bilaabi karaa hal qayb oo yar, sida tolidda, kadibna si tartiib ah ayuu u horumari karaa.
Tusaalle fiican waa dalka Albaniya, oo markii hore ahaa dal go’doonsan, balse markii uu furay dhaqaalihiisa, wuxuu bilaabay inuu ka qayb qaato warshadaha dharka, isagoo la shaqeynaya shirkado shisheeye. Tani waxay u suurtogelisay inuu si tartiib ah u horumariyo xirfadiisa warshadeed.
Sidoo kale, dalal sida Kuuriya Koonfureed, Mexico, iyo Shiinaha ayaa ka bilaabay warshado fudud, kadibna u gudbay soo saarista tiknoolajiyo sare sida elektaroonigga iyo baabuurta. Tani waxay muujinaysaa sida dalalka ay uga faa’iidaysan karaan silsiladaha qiimaha si ay u horumaraan. Tusaale kalle oo muhiim ah waa shirkadda IBM oo markii hore u oggolaatay shirkado Shiinees ah inay soo ururiyaan kombiyuutarradeeda. Si tartiib ah, shirkadahaas ayaa bartay xirfado cusub illaa ay gaareen heer ay iyagu maamulaan soo saarista, qaybinta iyo xitaa naqshadeynta.
Arrintan waxay muujinaysaa in barashada iyo ururinta xirfadaha ay tahay furaha horumarka. Haddii dal uu si buuxda u xiro suuqyadiisa si uu uga ilaaliyo tartanka shisheeye, wuxuu lumin karaa fursadaha barashada. Taasi waa sababta istaraatiijiyadaha hore ee “import substitution” aysan mar walba u shaqeyn.
Ka qaybgalka ganacsiga caalamiga ah ayaa siinaya dalalka fursad ay ku bartaan tiknoolajiyo cusub iyagoo la shaqeynaya shirkado khibrad leh. Tani waxay u baahan tahay siyaasado furan oo ganacsi, iyo sidoo kale maalgelin waxbarasho, kaabayaal, iyo cilmi-baaris.
Qaar ka mid ah dadka ayaa dhaliila nidaamkan, iyagoo leh dalalka saboolka ah waxay ku ekaanayaan shaqooyin hoose sida ururinta alaabada. Laakiin sida uu yiri saynisyahanka Carl Sagan, “Haddii aad rabto inaad samayso keeg tufaax ah xoqan, waa inaad marka hore abuurtaa caalamka.” Taas macnaheedu waa horumar kasta wuxuu ka bilaabmaa meel hoose, kadibna si tartiib ah ayuu u kobcaa.
Sababta dalalka qaar u horumaraan si ka dhakhso badan kuwa kale waxay ku xirantahay dhowr arrimood: heerka aqoonta iyo tiknoolajiyada, awoodaha wax soo saarka, ka qaybgalka ganacsiga caalamiga ah, iyo siyaasadaha dowladeed. Inkastoo hore ay u jirtay kala fogaansho weyn, maanta waxaa jira fursad cusub oo dalal badan ay ku gaari karaan horumar degdeg ah haddii ay si sax ah uga faa’iidaystaan caalamiyeynta iyo aqoonta casriga ah.
Qeybo kamid ah qoraalkaan waxaa lagu dabacayo Project Syndicate
Qoraa: Ricardo Hausmann, oo hore u ahaa wasiirkii qorsheynta ee dalka Venezuela isla markaana ahaa dhaqaaleyahankii sare ee Bangiga Horumarinta ee Qaaradda Ameerika (Inter-American Development Bank), waa bare sare oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Harvard. Waxa kale oo uu yahay Agaasimaha Xarunta Horumarinta Caalamiga ah (Harvard Growth Lab). Waxaa af soomaali u rogay oo tifatiray Cabdijabaar Sh. Axmed
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Soomaaliya2 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya









































