Connect with us

Caafimaadka iyo Sayniska

Diinta Illaahay *S.W.C*

Published

on

  السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ

Assalamu Calaykum

Ilaahay waa illaaha awooda badan ee abuuray dunidaan aan ku noolnahay. Ilaahey wuxuu abuuray cirka, dhulka, qoraxda, xidigaha, dayaxa iyo wax walba oo noole ah. ilaahey waa abuuraha abuuray dunidaan iyo wax walba. Ilaahey wuxuu siiyay dadka caqli oo ay ku fakaraan oo ay wax ku kala gartaan. ilaahey wax ka caqli badan ma jiro. Dunida waxaa ka jira diimo badan. In kastoo diimaha dunida ay aad u badan yihiin, Diimaha ugu caansan aduunka waxay ka yimaadeen qaaradda Aasiya. Diimahaan ugu caansan waxay kala yihiin Kirishtaan, Yahuun, Islaam, Buddhism, Shikhism, iyo Hinduism. Qofkii rumeysan diin ka mid ah diimahaan wuxuu aaminsan yahay in diintiisa kaliya ay tahay diinta saxda ah oo diimaha kale ay been yihiin. Diin walba waxay leedahay nin aasaase ah oo aasaasay diintaas oo baray dadka. Ninkaas wuxuu dadka u sheegaa in uu sido fariintii ilaahey oo wuxuu yiraahdaa ilaahey ayaa isoo diray si aan dadka ugu gudbiyo fariintii ilaahey. Dadka uu eebe soo diray inuu tubta toosan iyo jidka wanaagsan abuurtiisa tusa, waxa loo yaqaan Nebi ama Rasuul.


Waa kumaa Nebi?

Nabi waa nin ah aas-aase diin oo eebe soo diray. Diin walba waxay leedahay nebi aas-aasay oo dadka baray oo faafiyay diintaas. Ninka nebiga ah wuxuu dadka u sheegaa in Eebe uu soo dirsaday oo uu u soo diray dadka. Oo wuxuu sheegaa in uu wado fariintii Eebe, taasiina waxa ku cawinaysa ama mucjisooyin Ilahay siiyey sii uu dadka wax ku tuso. Eebe waa Eebe cadaalad ah. Eebe jidka xaqa ah loo soo maro ayu dadka tusay. Raxmadiisu wax soo koobi karaan ma jiro. Abuurtiisa in badan baa caasi ah hadana Ilahey wuu uu kordhiya waqtiga illa ay xasuustaan oo toobad ilahay u celiyaan sii ay aakhiradooda seeginin.


Diinta Islaamka ee Soomaaliya

Fahanka Islaamka: Sidee Islaamku xal u noqon karaa? Islaamku waa diinta shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ku leeyahay taariikhdeena kaalin lama ilaawaan ah, maanta aynu jooganana awoodaha siyaasadeed ee Soomaaliya isku haya waa labo awoodood. Wadaado ay matalayaan maxaakimta Islaamka, oo aaminsan in Soomaaliya dib lugaha isugu taagi karto haddii dalka lagu soo dabaalo sharciga Ilaah iyo dhanka kale dawlada Soomaaliya oo rumeeysan in cadaaladda lagu gaari karo qeybsiga qaab qabiil iyo in qabiilada Soomaaliyeed lakala dhaxdhigo xuduudo.

Haddaba maadaama Islaamka ku soo biiray qaamuuska siyaasadeed ee Soomaalida wadaadaduna noqdeen awoodda maanta kula loolameysa qabiileeystayaasha talada wadanka, ayaa waxaan is tusiyay muhimadda ay leedahay in si furan looga doodo- aniga oo ka duulayo halkudhaga wadaadada ee ah in Islaamku xal u yahay dhibaatada- inaan isweydiino fahan noocee ah ayaa xal noqon kara? Maxaase halbeeg u ah fahan Islaam oo caafimaad qaba? Mase yahay kan hadda aanu ku araganay Soomaaliya ee ay keeneen culimadii ka soo aflaxday iskuulada Sacuudiga iyo Masar oo mid walba uu daacad u yahay iskoolkiisii iyo fahankii uu ka soo min guuriyay macalinkiisa?. Waxaa maanta caalamka Islaamka ka taagan doodo waaweyn oo la xiriira fahanka Islaamka iyo sidii looga soo saari lahaa quraanka waxyaabahii xal u noqon lahaa dhibaatada akhlaaqeed, bulshadeed, ibna-aadanimo, siyaasadeed iyo jiritaan ee ku habsatay muslimiinta, Sidoo kale waxaa socdo fahanno kala duwan qaarkoodana iska horimaanayaan oo ka jira caalamka Islaamka gaar ahaan Soomaaliya, oo wadaadii wadanka qabtay 6dii bilood waxaa lagu arkay dhaqan iyo akhlaaq sii murjiyay xal u helidda dhibaatada gaamurtay ee Soomaaliya. Haddaba xalkii ay sheegayeen wadaadada ma waxuu noqday Kud ka guur oo qanjo u guur? Sideey wax noqdeen? Ma jirtaa in diinta sidii habooneyd aysan u fahansaneyn kooxdaan, oo ay meel gooni ah uga dhagantahay?

Diinta Islaamka waa tii ugu danbeeysay ee Ilaah ku soo dajiyo dadka, sida Ilaah inoo cadeeyay “Maanta ayaan idiin dhameeystirnay diintiinii”i. Hase ahaatee; Nabiga SCW waxa uu inoo waramay “Ilaah inuu u soo saarayo umaddan qarni kasta qof u cusbooneeysiiya diinteeda”ii Waxaa hubaal in aqoon yahankan keeni doonin diin cusub balse uu diintii la weeciyay, khalad loo qaatay, ama laga dhacay in la fahmo, uu boorka ka jafi doono, isaga oo u laabanaya asalkii diinta oo ah quraanka, sunnaha iyo mabaadiida Islaamka ee waa weyn, ee ay isla ogolaadeen culumida ku xeeldheer garashada diinta Islaamka.

Taariikhda Islaamka waxaa dhex ceegaaga tusaalayaal waa weyn oo xoojinaya arintan, laga soo bilaabo qarnigii kobaad ee Islaamka, oo waxaa horteena imaanaya fahankii Ibnu-Cabaas, ee ku aadanaa ujeedooyinka Islaamka kana fogaa xaraf ku dhagga. Laga soo bilaabo qarnigii kobaad illaa qarnigan aynu joogno waxaa socdo dadaalo joogto ah oo ay culimada ku cusbooneysiinayaan diinta, kalana dagaalamayaan bidcada, soo galootiga iyo waxwalba oo diinta ka weecinayo ujeedooyinkii ay u soo dagtay ineey gaarsiiso aadanaha. Taariikhda dheer ee Islaamka waxaad ku arkeeysaa fahan islaam oo kala gadisan, haddeey ahaan laheyd hertankii ka dhacay Culimadii ku fogaaday in si falsafadi ku dheehantahay loo fahmo diinta, iyaga oo ku dooday in fakarka iyo caqliga yahay waxa ugu muhiimsan ee qofka muslimka ah Ilaah kula xisaabtmi doono iyo kuwii kale ee aaminsanaa in diinta laga ilaaliyo aqoonta soo galootiga ah, oo markaa maciin bidayay axaadiista iyo hadaladii laga sheegay saxaabadii iyo dadkii qarniyadii ugu horeeyay noolaa. Culimadii fiq’higa oo xoogga saaray ineey umadda u kala cadeeyaan xalaasha iyo xaaraamta iyo kuwii kale sida Abu-xaamid Al-gazali, Ibnu-taymiya iyo culimo kale oo dareemay in diintu aheyn xalaal iyo xaaraam oo kaliya, balse ay muhiim tahay in xoogga la saaro qaybo saldhig u ah diinta oo uu fiq’higu ka tagay sida Iimaanka (caqiidada) iyo Akhlaaqda. Oo waxaad ka daalcan kartaa labadaan sheekh kutubtooda doodaha ay ka galeen arintan.

Culimadii Suufiyada, ee iyagna ku hawlanaa laylinta nafta iyo cibaadada joogtada ah, dayacayna noloshii kale ee aduunka iyo culimadii ka horyimid fahanka sidan ah, ee dadka u cadeeyay in suufayada teeda wanaagsan ay tahay tii nabi Muxamad SCW iyo saxaabadiisii laga dhaxlay, ee aduun iyo aakhiro labadaba loo shaqeeysanayay. Culimadii u fahmay Quraanka in sida muuqata loogu dhaqmo iyo culimadii diiday fahanka xaraf raaca ah, ee dadka u sheegay in diintu leedahay ujeedoonyin (Maqaasid) guud oo waa weyn, iyada oo laga duulayana diinta lagu fahmo iyo in aayadaha quraanka ee isku moowduuca ka hadlaya laysu geeyo si micnaha iyo ujeedada dhabta ah loo helo.

Doodaha maanta taaganna waa kuwii shalay; oo waxaad arkeeysaa in xoogga la saarayo qeyb gooni ah lana dayacayo qaybahii kale ee diinta, sida urur u go’ay inuu dadka gaalada ah Islaamiyo, mid kale oo sheeganaya inuu khilaafada soo celinayo, mid diintii ku koobay wax iska caabin iyo urur ku hawlan qaab muuqaal ama labis gooni ah. Fahankan isaga ah ayaa maanta qariyay aqoontii iyo fahankii qumanaa ee sheegayay in diintu tahay hanuun Ilaah SW u soo dajiyay aadanaha ineey wadada nolosha u iftiimiso, barayana nolol isu dheeli tiran aduun laga macaasho iyo jano aakhiro iyo in Islaamka, xoogga saaro waxyaabaha waaweyn ee ay noloshu ku taagantahay iyo sidii aadanaha isaga kaashan lahaa dhisidda hab nololeed ku saleeysan cadaalad, isu dheelitirka guusha aduun iyo midda aakhiro, iyada oo guusha aduuna uu ku xirayo tan aakhiro.

Ururada Islaamka ee Soomaaliya ka hanqaaday xilligii fawdada iyo burburka waxeey iyagana diinta u keeneen foolxumo ah in sheekha Soomaaliga ah aysan dhib ku hayn dhibaatada dadkiisa ee uu muxaadarooyin tixane ah ka qabto dhibka haaysto walaalaha Jeejniya, Falastiin iyo Afgaanistaan oo dhamaantood nabadgalyo iyo nolol ahaanba dhaama Soomaalida, Wadaadadii maxaakimtana iyaga oo ka imaanaya fahanka noocaan ah ayeey bilaabeen ineey ka hadlaan dhibaatada muslimiinta ku haaysato aduunka iyaga oo aan wali gacanta ku dhigin Soomaaliya kuna fashilmay ineey maamul u dhisaan Muqdisho. Waxaana rumeeysnahay dhaqanka aanu ku aragnay maxaakimta inuu ahaa mid wadaad walba oo Soomaali ah sameeyn lahaa haddii uu talada hananlahaa.

Haddaba fahan Islaam oo ka jawaabo dhibaatooyinka haaysto muslimiinta gaar ahaan Soomaalida waxaa lagu gaari karaa in dib loo eego maabaadiida Islaamka, raadraacna lagu sameeyo sidii Islaamku xal ugu noqday dadyawgii hore, sida bulshadii ku dhaqneyd Madiina ee Aws iyo Khazraj, lana ifiyo hab- dhaqankii(Siiradii) Nabiga SCW uu ku gaaray guusha. Culimada Islaamka waxeey isla-ogolaadeen in Islaamku leeyahay afar mabaadi oo waaweyn waxa kalena ay hoos imanayaan:

  1. Ilaalinta Diinta: In la dhawro qofka diintiisa, sidoo kale xurriyadda uu u leeyahay inuu qaato diinta uu doonayo, iyada oo laga duulayo fahanka ah “Diinta khasab ma’aha xaq iyo baadilna weey kala cadaadeen”iii Taariikhda Islaamkana waxaad ka heleeysaa tusoolooyin badan oo muujinaya in Muslimiinta ay ahaayeen u gargaarayaasha xurriyadaha. Khawaarij oo aheyd koox ka falaagoowday Muslimiinta intooda kale, Sayyid Cali Bin-abudaalib, oo yaqiinay fahankooda guracan, goor horena gartay khatarta ay ku hayaan Islaamka, waxa uu waayay daliil u ogolaanaya inuu dagaal ku qaado, ilaa goor danbe iyaga ay weerar ku soo qaadeen Muslimiinta.
  1. Ilaalinta Nafta: In la ilaaliyo nafta qofka, lana xushmeeyo waa mabda’a Islaam, Ilaah waxuu inoo sheegay inuu sharfay aadanaha. Waxeey taariikhda Islaamka sheegtay in Culimada badankood ay diideen ineey mubaayaco la galaan boqortooyinkii Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta, waxeeyna sabab uga dhigeen boqorradaa oo baneeystay dhiigga dadka. Soomaaliya waxaad arkeeysaa in naftu tahay waxa ugu raqiisan, waxaana laga yaabaa kii dadka ku laaynayay jidka inuu masjidka uga horeeyo dadka kale, maxaa yeelay fahankiisa ka fog ujeedada diinta ayaa u waramay in qofka haddii uu tukado waxa kale oo dhan iska fududaanayaan oo uu janno ku danbeyn doono, Laakiin waxuu qoraanka kariimka ah inoo sheegayaa in qofkii dila walaalkiis si ulakac ah uu ku waarayo jahanamo.
  1. Ilaalinta Caqliga: in laga ilaaliyo caqliga maandooriyaasha iyo waxkasta oo ka qaadayo masuuliyadda Ilaah saaray, sidoo kale laga ilaaliyo in la cuburiyo oo laga horistaago inuu fakiro isla markaana si xurriyad ah u cabiro waxa uu doonayo. Islaamkana waxa uu qofka ugu baaqayaa inuu fakiro xitaa markii uu doonayo inuu garto jiritaanka Ilaah iyo hagaagsanaanta diinta Islaamka.
  1. Ilaalinta hantida ama hanaanka dhaqaalaha (haddii aan luqad casri ah ku sheego) sababtoo ah dhaqaalaha waa laf-dhabarka nolosha. Hantida la ilaalinayo waxa ay noqoneeysaa tan goonida ah iyo midda guud oo si caddaalada ah loo deeqsiiyo dadka ay ka dhaxeeyso. Sidoo kale in loo fududeeyo dadka sidii ay risqi xalaal ah u shaqeeysan lahaayeen.

Culimadu dhamaantood kuwii hore iyo kuwa cusub labaduba waxeey saaran yahiin hal dooni, sidaa darteed waxaa haboon in ay ka fogaadaan is xagxagashada ayna u hawl galaan sidii loo heli-lahaa wadiiqo la isku fahmo, laguna wada shaqeyn karo Culimadii hore; waxeey xilligii qaranimada Soomaaliya waayeen kaalintii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda, taa oo ugu danbeeyntii keentay ineey isu dhiibaan waaqic aad u qaraar, kuna raali noqdeen qeybta hooseeysa ee ay talada wadanka ka heleen, weyna u baahnaayeen duufaan jiridada u siibto fakirkoodii is dhiibay. Hase ahaatee; waxaan looga maarmeyn ineey yahiin kuwo diinta si qoto dheer u yaqaana, garanayana waxyaabo badan oo ujeedooyinka (maqaasidda) diinta ka mid ah. Culimada cusub; waxaanu ka faa’idnay diinta Islaamka dawrka weyn ee ay nolosha qofka muslim ka ah ku leedahay, in kasta oo ay wax sharax ah ka bixin habka dawrkaa uu noqonayo iyo heerka uu gaarayo, ama aadan heleynba Sheekh kaa qancin kara, sida diinta xal ugu noqon karto dhibaatooyinka seemay gayigii Soomaaliyeed. Doodda ah sidee xal Islaamku ugu noqon karaa dhibaatooyinka ina haaysta? ayaa ah mid keeni karto cilmi baaris cusub iyo fakir horleh oo ku aadan Islaam ku saleeysan ujeedooyinka aanu higsaneeyno iyo muuqaalka uu yeelan karo fahan Islaam oo ka hanaqaado Soomaaliya ama sheekh ama koox cusbooneeysa diinta, kana saarto Soomaalida ciriiriga ay ku jirto dhan walba oo nolosha ka mid ah.

Islaam ku saleeysan ujeedooyinka diinta ee aan kor kusoo xusnay, waxuu xal dagdag ah u keeni karaa, dhibaatooyinka baabi’iyay dalkeena, waxuuna u soo bandhigayaa dadwaynaha Islaam ay fududahay in la fahmo lana dhaqan galiyo, waxuu si toos ah u taabanayaa nolol maalmeedka qafka Soomaaliga ah. Waxaa hubaal in haddii ay Soomaalida isku afgarato ilaalinta afartaa mabaadii ee jiridda u ah nolosha dadka muslimiinta ah, in isbadal weyn aanu ka dareemi laheyn naftayada iyo dhammaan gayiga Soomaaliyeed.

Facebook Comments Box

Cabdijabaar Sh. Axmed waa qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Wuxuuna falanqeeyaa siyaasadda arrimaha dibedda, amniga iyo laamaha sirdoonka, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Caafimaadka iyo Sayniska

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan. Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa tallooyin aan ugu talagalnay bulshada.

Published

on


Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya. Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan.

Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay. Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo laga shakisan yahay, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku dhawaaqday.

Published

on


Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay.

Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya.

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Ku dhawaad ​​20 ka mid ah dhimashada ayaa laga diiwaan geliyay koonfurta gobolka Kordofan, mid ka mid ah meelaha uu cudurka ka dillaacay ayaa markii ugu horreysay ay soo sheegeen guddiga Dhakhaatiirta Suudaan horaantii bishii Nofeember. Dhawr ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa tirada rasmiga ah ee kiisasku intaa ka badan ku sheegay.

Qandhada Dengue waxay leedahay astaamo u eg hargab waxayna badanaa u horseedi kartaa xubnaha oo hawlgab iyo dhimasho. Sanadka 2019, cudurka ka dillaacay Suudaan ayaa mas’uul ka ahaa shan dhimasho sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Xilligii ugu sarreeyay ee xilli-roobaadka Suudaan bilihii Ogoosto iyo Sebteembar, daadad xooggan ayaa dilay ugu yaraan 144 qof waxaana burburiyay tobanaan kun oo guri, oo ay la socdaan waddooyin iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Published

on


Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah

Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha. Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta. Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

Cuntooyinka la warshadeeyay

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood. Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan. Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.

  • Rootiga lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka Sajilan
  • Caanaha qaar
  • Buskut-ka
  • Hilibka sajilan
  • Barado Shiilan
  • Sharaabka
  • Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
  • Digirta ku jirta weelka sajilan

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

  • Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  • Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
  • Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
  • Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  • Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Published

on


Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.

Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.

Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.

Cuntooyinka ku jira Caroogta badda

Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda. Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.

Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda. Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.

Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.

Cunidda shukulaatada

Waxaa la sheega in shukulaatada ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.

Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?

Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.

Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa. Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka Shimbiraha, miraha,

Basbaaska

Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta. Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.

Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?

Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka. Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.

Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.

Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan. Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.

Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin. Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Sulphuric Acid?

Published

on


Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo.

Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka.

Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo.

Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado aashitada sulphuric acid. Arrimaha kale ee falgalka kiimikadan loo adeegsado waxaa ka mid ah sameynta qaraxyada aadka u awoodda badan.

Qarax noocee ah ayaa laga sameeyaa Sulphuric acid?

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda, kiimikadan waxay ku socotay gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka sameynayaan waxyaabo qarxa. Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa qaraxyo qeyb ka ah ololahooda ku aaddan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda ay beesha caalamka taageerto ee Soomaaliya.

Sida lagu qoray wargeyska Scientific America, maaddada sulphuric acid waxay ka mid tahay kiimikooyinka loo adeegsado sameynta qaraxyada ugu awoodda badan.

Qaraxyadaas awooddoodu sarreyso waxaa laga sameeyaa maaddada Nitro-glycerine, oo si fiican loo ogyahay inay ka kooban tahay isku darka sulphuric acid iyo nitric acid.

Xagey Soomaaliya uga imaadaan hubka mamnuuca ah?

Sanadkii lasoo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walxaha qarxa ee gudaha lagu sameeyo ku daray inay qeyb ka yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Nisa ayaa sheegay in meelo badan hubka sharci darrada ah laga soo galin karo Soomaaliya.

“Soomaaliya horta waa waddan iska furan oo xuduudihiisa furan yihiin, meel kastana wax laga soo galin karo. Nimankan waxyaabaha qarxa isticmaalahana, sida Al-Shabaab iyo IS waxyaabo badan ayey ka sameeyaan qaraxyada, sida walxaha bacriminta loogu talagalay. Meesha ugu badan ee Soomaaliya uu hubka kasoo galo waa xadka badda ee ay Soomaaliya la leedahay Yemen, halkaasoo ah bad furan oo aysan cidna waardiyeynin, dhinaca Itoobiyana way iska furan tahay waana waddan warshado badn oo hub ah ku yaallaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Kufsiga Soo Badanaayo Ma Loo Aaneyn Karaa Daawashada Filimmada Xun Xun ee Galmada?

Published

on


Filimmada anshax xumada leh ee qaawan waa sun iyo la dagaalanka xagga maskaxda oo lagu soo dhex faafiyey bulshada caalamka. Qofka caadeysta daawashada filimmadaan xun-xun wuxuu halis ugu jiraa dhibaatooyin badan. Waxay baabi’isa naxariista, waxay dhalisaa rabshadaha bulshada sida kufsiga, waxay dishaa jaceylka ay isu qabaan labada qof ee isqaba iwm.

Su’aal kama taagna in fiirsashada filimmada galmada ah ay noqon karto isha khilaafaadka qoysaska qaar,  maxaa yeelay qofka caaddeysta daawashada filimadaan waxaa soo gaara dhibaatooyin badan oo xagga damiirka iyo maskaxda ah.

Maxaa loo aaneyn karaa kufsiga ku soo badanaya Soomaaliya? – Yaa isweydiiyey?

Waxaa sare u sii kacaya tirada kiisaska kufsiga ee Soomaaliya laga soo werinayo ee loo geystay gabdhaha iyo wiilasha yaryar, taas oo hadda gaartay heer ay qeylo dhaan ka muujiyaan ururada u dooda xuquuqda dumarka iyo carruurta.

Maxaa sababay in muddooyiinkan dambe la maqlo kororka kufsiga? Ururada u dooda dumarka waxay aaminsan yihiin in kufsiga uu markiisii horeba Soomaaliya ka jiray, balse isbadelka hadda waa dunida casriga ah oo aanay waxba qarsoomeynin.

“Waxyaabaha loo aaneyn karo in kufsiga sheegistiisa uu bato waxaa ka mid ah dadkii oo wax fahmay maadaama markii hore ay ahaayeen kuwa cabursan oo aan sheegi karin dhibka la garsiiyay. Hadda oo ay dowlanimada Soomaaliya xoogeysatay waxaa ay keentay in dad badan ay ku dhiiradaan in ay soo sheegaan ee kufsiga markiisi horeba intan waa uu kasii badnaa”, ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir

Xadgudubyada galmada waxay ka dhacaan adduunka oo dhan. In kasta oo waddamada badankood cilmi baaris yar lagu sameeyay haddana xogta la haayo ayaa ah in dalalka qaarkood ku dhowaad afartii dumarba mid ka mid ah ay la kulanto xadgudub galmo.

Soomaaliya maka jiraa sharciyo mamnuucaayo daawashada muuqaalada galmada?

Maya kama jiraan, dalka marka uu yahay dal Islaam ah ummadana ay wada yihiin ummad islaam ah waxaa wanaagsan in dhaqamada noocaan oo kale oo diinta Islaamka ka soo horjeedo in sharci mamnuucaayo loo sameeyo si loo badbaadiyo dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada.

Dalalka reer galbeedka inta badan kama jiraan sharci mamnuucaayo daawashada filimmada xun xun. Laakiin waxay leeyihiin sharciyo mamnuucaayo in la daawado galmada qof ka yar 18 sano.

Tusaalle ahaan, Noorway guud ahaan waa la ogol yahay in la daawado galmada, oo la qaybiyo muuqaalada galmada. Muuqaalada galmada ee waxyeelada leh ama sharafta meel kaga dhacaya qofka, tusaale ahaan kuwa ku lug leh maydka, xayawaanka waa mamnuuc. Waa sharci daro in lasoo saaro, la qaybiyo ama la daawado sawirada iyo fiidowyada galmada caruurta ka yar 18 sano jirka (Waa ka mamnuuc muuqaalada galmada caruurta).

Xariirka ka dhaxeeyo daawashada muuqaaladda xun xun iyo dacadiyada kufsiga

Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyey 2010 oo lagu falanqeeyay 304 muuqaal oo laga soo duubay fiidiyowyada filimmada xun, ku dhowaad 90% muuqaallada waxaa ku jira gardarro jireed, halka ku dhowaad 50% ay ku jiraan gardarro hadal ah, ugu horreyn qaab u yeerista. Bartilmaameedyada bandhigyadan gardarrada ah waxay ahaayeen haween aad u tiro badan waxayna muujiyeen raaxo ama dhex-dhexaadnimo iyaga oo ka jawaabaya gardarrada.

Waxyaabaha ku jira muuqaalada galmada aad ayay u kala duwan yihiin. Waxay ku kala duwan yihiin rabitaanka galmada. Galmada lagu muujiyo muuqaalada galmadu, badanaa runta waa ay ka duwan yihiin. Tusaalle ahaan:

  • Qaybaha jirka: muuqaalada galmada waxay muujiyaan qaab jireed oo aan caadi ahayn. Haweenka, tusaale ahaan, badanaa waxay leeyihiin naaso waawayn, raguna waxay leeyihiin gus aad u wayn, laakiin dadka leh jir qaab kale ah waa lagu tusaayaa.
  • Habdhaqanka galmada: muuqaalada galmada waxay bixiyaan aragtida ah in haweenka iyo ragu ay samayn karaan galmo wakhti kasta, taasoo, oo runtii, aanay ahayn nolosha caadiga ah.

Muuqaalada galmada ayaa ah kuwa aad ugu fog xaqiiqada rasmiga ah ee galmada ay isu galmoodaan labo qof oo isqaba.

Muuqaalada galmada si yar oo fudud ayay dad badani u heli karaan dhawaanahan – tusaale ahaan internetka. Waa iska caadi inaad ka hesho oo aad isticmaasho muuqaalada galmada ilaa inta ay sharci daro ahayn.

Dhibaatooyinka ugu waa weyn ee daawashada filimmada galmada ah

Tiknilojiyadda casriga ee dunida waxay fududeysay in xittaa dhalinyarada yaryar ay si fudud u daawan karaan filimmada galmada ah, waliba si lacag la’aan ah.

Waxaa laga yaabaa in farxad iyo xumaan aad ka dareentid daawashada galmada. Haddii aad galmada aad u daawatid, waxaa laga yaabaa in ay saameyso fikirka aad ka qabto galmada, ama dadka waxa ay ka helaan galmada. Waxay sidoo kale saameyn kartaa sida aad dareemeyso. Dadka badankooda murugo ayey dareemaan ka dib marka ay daawadaan filimaanta galmada, ayagoo ka shalaynaayo sababha ay u daawadeen.

Baarayaasha Maskaxda waxay sheegeen in “Daawashada Filimada Xun (porn) Waxay Xannibaan Horumarka Maskaxda” Saynisyahannada maskaxda ayaa rumeysan in porn-gu burburiyo qaybta maskaxda ee maamusha murugada, kartida, iyo xakameynta.

Marka qofka uu samaynayo waxa uu belwadda ka dhigtay, waxay qofka maskaxdiisu soo daysaa dheecaanka farxadda, Dopamine, kaas oo qofka dareensiiya farxad khiyaali ah marka uu samaynayo waxaan. Marka uu daawan waayo maalmo, tusaale ahaan, waxa uu qofkii dareemayaa deggenaansho la’aan aan yarayn, wuxuu markale bilaabayaa inuu daawado, marka uu sidaa u daawado ayaa la soo daynayaa hoormoonkii, sidaana waa kaa kala badbadasho iyo farxad ku dareemay.

Nolosha guurka iyo daawashada filimmada xun xun

Waxa laga yaabaa in midkeen iska dhaadhiciyo in daawashada filimmada ama muuqaallada galmadu siinaaya xeelado ama tabo uu hadhow xilliga guurkiisa u aayo, balse aynu isla eegno bal in aragtidaasi run tahay.

Marka aan u fiirsanno belwadda galmo-daawashada ee aynu barbardhigno nolosha guurka, isu galmoodka labada isqaba, waxa inoo baxaysa in marka galmadu dhex marayso labadan xaaska ah, jidhku soo daayo hoormoon kale oo la dhaho Oxytocin kaas oo shaqadiisu tahay: xoojinta kalsoonida lammaanaha, iyo muddo-u-kordhinta dareenka kalgacaylka ah ee lammaanaha.

Haddaba, maqnaanshiyaha hoormoonkani qofkan daawanaya muuqaalka waxa ay ka siibaysaa kalgacalkii, kalsoonidii iyo dareennadii lagama maarmaanka u ahaa guurka guulaysta. Iska daa wax kale e dadka daawada muuqaallada galmadu, waxa ay daneeyaan danayn weyn daawashada, marka loo eego hawshii ay ahayd in furaashka ka fuliyaan. Waxa ku dhaca wax la dhaho Danaynta Muuqaallada Galmada; dananyntaas oo keenta in ruuxani gabo hawshii galmada ee uu uga baahnaa lammaanihiisu, halkaasna uu ka dhasho burbur qoys, dhammaad xiriir, iyo dumidda tiir bulsheed! Qofkani waxa uu ka adag yahay daawashada galmada, balse ma samayn karo isagu galmo! 58% labka da’doodu tahay, celcelis ahaan, 25jir waxa ay awood u leeyihiin in ay ku dareen qaataan sawirrada, balse sariirta waa bilaa itaal!

Sida ay qortay wakaaladda MENA (Middle East News Agency), waxa deraasado lagu ogaaday in belwadda galmo-daawashadu aanay keliya tamar darro jinsiyeed qofka u keenin balse ay sidoo kale ruuxa u soo hoggaamiso xannuunada nafsiga ah ee ay ka midka yihiin qulub, cadho iyo werwer!

Dadka ka shaqeeya waxan 66% oo ka mid ahi waxa ay la dhibtoodaan, sida deraasadihii u danbeeyay sheegayaan, xannuuno uu ka mid yahay (Psoriasis). 28% waxa hela cudurrada galmada ku gudba. 7% waxa soo rita AIDS!

Sida caadiga ah marxaladda saamayntu ku soo baxaysaa waxa ay qaadataa 6 – 18 bilood oo keli ah; muddadaa dabadeed dumarku waxay la kulmaan dhibaatooyin bulsheed, caafimaad iyo kuwo hawlgaleed oo badan! Raggana waxa ku dhaca wax la dhaho biya-baxa qaddimaadda ah, pre-ejaculation, tani waxa ay keentaa in daawashada galmada haddii uu badsado oo biya-baxaasina bato uu aakhirka lumiyo ama iska waayo wax dareen shahwadeed ah! Waxba yaan kuu af gobaadsane tan micnaheedu waxa weeye ‘ma-dhalaysnimo’ aad gacantaada ku doonatay!

Maskaxda waxa ay daawashadaan ku keentaa khalkhal maaddaama ay mar kasta u qaadanayso in galmo dhacayso sidaa darteed ay soo saarayso amarradii galmada fududayn lahaa, kuwaas oo, ileen galmo ma jirtee, hal bacaad lagu dhiijay soo baxa!

Ku celcelinta arrintani waxa ay maskaxda geyaysiisaa gabidda hawshaa, tanina waxa ay ruuxa dhaxal ahaan u sii dhigtaa ma-dhalaysnimo!

Xasuusta oo lunta waa astaamaha u horreeya ee uu isku arko qofka daawanaayo muuqaalada xun xun. Qisadii imaamkii Shaafici ayaad xasuusataa! Kubkii gabadha ee uu arkay haddii uu ilawsiiyay macluumaadkii dhanaa, bal suurayso qof mudh iyo gacan ah oo jinsigaaga kale ah oo aad daawanaysidna! Marka laga yimaaddo raalli ahaansho-la’aanta Eebbe uuna raallida ka ahayn falkan, adiga halisa lagaa haayo ma aragtaa?

July 14, 2015 daraasad qaylo-dhaan ah oo ay sameeyeen waaxda jaamacadda Pennsylvania ee ay horkacayso Drs Mary Anne Layden, ayaa ku sheegtay in waddada keli ah ee ubadkii baraysa edeb-darrada iyo galmadu uu yahay degellada galmada nlaga daawo galmada.

Daawashada muuqaallada galmadu waxtir mooyee waxtar uma laha qofkan daawanaya, haddii uu bilaa xaas yahay, ma-dhalaysnimadu aafada ay hoggaaminayso ayay kala maqan tahay, haddii uu xaasle yahay hawlgabnimo taran ayay u keenaysaa! Dhan ay dhaafaysaa ma jirto.

Annaga Soomaali ahaan, ma aan helin wax daraasad ama xog ah oo ku saabsan sida aynu ku nahay dhibaatadaas laga wada qayliyay, balse waxa aan dareensanahay in dhallinteenna ay tahay masiibo ku soo badanaysa. Kama qatanin khasaaraha ay muuqaalladaasi ku keeneen dunida, balse saamigeenna ayaynnu qaadannay. Laga yaabaa in aad akhriste adigu daawatay ama aad taqaanid cid daawata! Waxba ha ila yaabin.

Dhaqankeena waxaa caado u noqotay in aanan laga hadlin waxa halista nagu haayo, annagoo ku doodna in waxaasi aanu dhexdeenna ka dhicin, sida darteed ay baasaysi tahay ka hadalkooda. Balse hadda 70-nadii tirsiga galbeedka dunida Carabta wax lala yaabo ayay ahayd in laga hadlo khataraha ka imaan kara daawashada muuqaallada galmada ah, hadana waxay soo goosteen xaragga, ma sidaas ayaan ugu aamusnaa dhibaatooyinkaan jira?

Muqdisho kala xariir: 619111499 Gudaha dalka Norway waxaad ka heli kartaa telefon lambar: +47 455 073 63 ama 4555 75 79 Hargeysa, Soomaaliya: Waxaad ka heli kartaa xafiiska Hiil Press ee magaalada Hargeysa. Waxaad kala xariiri kartaa telefonada: +252-636857010 ama 0657275461

 

Buugga 5-ta Tiir ee Guusha

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Bariga dhexe22 hours ago

Kulanka Mareykanka iyo Sacuudiga: Antony Blinken, Maxamed Bin Salmaan waxay ka hadlayaan caadiyeynta xariirka Israa’iil, dagaallada Suudaan iyo Yemen

Bariga dhexe23 hours ago

Israa’iil way garaaci kartaa hub kasta oo Iiraan sameysato – wasiirka gashaandhiga

English Post3 days ago

Somalia’s 1p1v Elections: Why a Year and a Half Timeline in Unrealistic

Qoyska & Horumarinta Bulshada4 days ago

Siraha Guusha Imtixaanka

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Muxuu Ruushku ka caawinayaa ciidamada Soomaaliya?

WARBAAHINTA1 week ago

Uganda ayaa soo saartay sharci loogu hortagaayo ka ganacsiga xubnaha bani’aadamka

Jaamacadda Carabta3 weeks ago

Maxay Dowladda Soomaaliya ka sheegtay shirka Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta?

Jaamacadda Carabta3 weeks ago

Shirka Jaamacadda Carabta: Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa weerar ku qaaday dalka Turkiga

Yurub3 weeks ago

Shiinaha ayaa ka digay inay Yukrayn ku biirto NATO, isagoo sheegay inaysan hagaajin doonin ammaanka gobolka

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Diblomaasiga ruug caddaaga ah ayaa hadda aaminsan in Yukrayn loo ogolaado in ay ku biirto kooxda militariga ee NATO

Afrika4 weeks ago

In ka badan 700,000 oo Suudaani ah ayaa ka qaxay guryahoodii dagaalka iyo rabshadaha ka jira awgeed, IOM ayaa tiri

Bariga dhexe4 weeks ago

Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA4 weeks ago

FBI-da ayaa jabsatay kombuyuutarrada Mareykanka si ay ‘hagaajiso malware-ka Ruushka’

Qoyska & Horumarinta Bulshada1 month ago

Barro sidda wax kasta loo barto si dhakhsi leh – Farsamada Richard Feynman

Siyaasadda Arrimaha Dibadda1 month ago

Xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Xiriirka Shiinaha iyo Ruushka: Xog ku saabsan xariirka taariikhiyeed ee Shiinaha iyo Ruushka

WARBAAHINTA1 month ago

Dowladda Ingiriiska oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud, ujeedka waa maxay?

Ameerika1 month ago

Maraykanka ayaa daaha ka qaaday qorshe lagu niyad jebinayo soogalootiga kasoo cararay dalalka Ameerika

WARBAAHINTA1 month ago

Madaxweynaha Iiraan oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Suuriya

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Dowladda Xassan Sh. Maxamuud wakhti horeba maku fashilantay hoggaanka dalka?

Afrika1 month ago

Qaramada Midoobay ayaa ergay degdeg ah u dirtay dalka Suudaan

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada1 month ago

Qeybtii 3aad. Furaha xalka Soomaaliyaa- Siddee ayay suurtagal ku ahayn inay wada fariistaan Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab?

Qurbo Joogta1 month ago

Gacaliso Anniken Huitfeldt: Ha iloobin qurba-joogta Afrikaanka, gaar ahaan Soomaalida Norway!

English Post1 month ago

Somali People Unite: A Call to Action for Civil Disobedience

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kampala kaga qeybgalaya shir ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahayeen amniga

Geeska Afrika1 month ago

Kenya: Dhimashadii ugu darneyd ee la xiriirta cibaado diineed: Tobanaan qof oo is-dilay ayagoo aaminsan inay la kulmayaan Nebi Ciise

WARBAAHINTA1 month ago

Soomaaliya oo muwaadiniinteeda kasoo daad-gureysa Suudaan

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Waa kuwee jilayaasha caalamiga ah ee ku lugta leh rabshadaha Suudaan?

English Post2 months ago

Political Elite Benefit While Youth Needs Ignored, Says Qaransoor Party

Dhaqaalaha2 months ago

Masar, Turkiga dib-u-heshiisiintooda dhaqaale waxaa ka faa’idaysan doona labada dhinac: Khubarada

Dhaqaalaha2 months ago

Sicir bararka UK, oo ah kan ugu sarreeya galbeedka Yurub, ayaa wax yar hoos u dhacay bisha Maarso

Afrika2 months ago

Nidaamka daryeelka caafimaadka Suudaan ‘wuxuu qarka u saaran yahay inuu burburo’, ayay tiri WHO

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Dalka Hindiya oo noqonaya dalka ugu dadka badan caalamka, waxaana kaalinta labaad geli doona Shiinaha

English Post2 months ago

Somalia’s Call to Lift the Arms Embargo: Why the International Community Should Listen?

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Xog sirdoon oo ay leedahay dowladda Mareykanka oo saameyn ku yeelan kara amniga dalka oo la dusiyey

WARBAAHINTA2 months ago

Mudaharaad ka dhacay gobolka Amxaarada oo looga soo horjeedo kala dirista ciidanka gobolka

Bariga dhexe2 months ago

Iiraan oo Sucuudiga u diraysa wafti dib u furaayo safaaradda ay ku leeyihiin Riyaadh, kadib heshiiskii Beijing

WARBAAHINTA2 months ago

Israa’iil ayaa duqeysay Gaza, Lubnaan iyadoo Falastiiniyiintu ay wacad ku mareen inay iska caabinayaan

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Shiinaha oo digniin u diray Maraykanka iyo NATO oo ku saabsan dagaalka Yukrayn

Bariga dhexe2 months ago

Dowladaha Iiraan iyo Sacuudiga ayaa wacad ku maray inay nabad ka dhigi doonaan Bariga Dhexe

Xul