Connect with us

Doorashada

Dowlad xaaraan ku dhisan ma soo dhisi kartaa dowladnimo xalaal ah?

Haddii nidaamka lagu dhisayo dowladda uu ku bilowdo musuqmaasuq, qabyaalad, dulmi, iyo heshiisyo aan shacabka raalli ka ahayn, way adag tahay in laga dhaliyo dowlad ku shaqeysa caddaalad iyo daacadnimo. Waa “hilibka doofaar oo xalaal ah”.

Published

on


Waxaa marar badan siyaasadda Soomaaliya laga maqlaa erayo waaweyn oo ay ka mid yihiin “dowladnimo xalaal ah”, “caddaalad”, iyo “hufnaan”, balse shacabka Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan sida ay suurta gal ku noqon karto in dowladnimo xalaal ah lagu dhiso hannaan aan markii horeba xalaal ku imaan. Arrintan ayaa u eg qoraal lagu dul qoray gasaca aan sawir ahaan ugu dhigay maqaalkaan “hilibka doofaarka oo xalaal ah”, taas oo micnaheedu yahay in magaca la qurxiyey balse waxa gudaha ku jira aysan is waafaqsanayn hadalka la sheegayo.

Muddo ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay ku jirtay dadaal lagu doonayo in dib loogu dhiso dowladnimo rasmi ah, balse wali waxaa muuqata caqabado waaweyn oo ka hor istaagay in la helo nidaam dowladeed oo si dhab ah uga tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed, shareecada Islaamka, iyo nidaamyada casriga ah ee caalamka. Guuldarradaasi ma ahan mid ku timid hal sabab oo keliya, balse waa isku dhaf ka yimid hoggaan liita, dano gaar ah, faragelin shisheeye, iyo hannaan siyaasadeed oo aan ku dhisnayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Bulshada Soomaaliyeed waxay taariikh ahaan lahayd nidaamyo dhaqan iyo xeerar soo jireen ah oo bulshada kala hagayay. Xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed waxay ku dhisnaayeen wadatashi, heshiis, illaalinta sharafka bulshada, iyo xalinta khilaafaadka. Sidoo kale, diinta Islaamka oo ah tiirka ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed waxay bixisaa nidaam caddaaladeed iyo dowladnimo ku dhisan daacadnimo, isla xisaabtan, iyo ilaalinta xuquuqda dadka. Labadan tiir — dhaqanka iyo diinta — waxay muddo dheer ahaayeen wax mideeya bulshada Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, madaxda Soomaaliyeed intooda badan kuma guuleysan inay labadaas tiir ku daraan nidaam dowladeed casri ah oo waafaqsan xeerarka iyo xiriirrada caalamiga ah.

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee fashilkaas keenay waa in dowladnimada Soomaaliya lagu saleeyay nidaam qabyaalad iyo awood-qaybsi aan caddaalad ahayn. Halkii lagu dhisi lahaa muwaadinimo iyo karti, waxaa mudnaanta la siiyay beelo iyo dano gaar ah. Taasi waxay dhalisay kalsooni darro, musuqmaasuq, iyo in shacabka intooda badan dareemaan in dowladdu aysan matalin dantooda guud. Nidaamka noocaas ah wuxuu ka fog yahay mabaadi’da Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ku dhisan sinnaanta iyo wadajirka bulshada. Sidoo kale, madaxda Soomaalida waxay ku guuldarreysteen inay abuuraan hannaan siyaasaddeed oo shacabka si dhab ah uga qaybqaataan. Doorashooyinka iyo magacaabista xilalka badankood waxaa hareeyay eedeymo la xiriira lacag, caddaadis siyaasaddeed, iyo saameyn shisheeye. Marka hoggaan lagu helo hannaan aan daahfurneyn, waxaa adkaaneysa in shacabka ay ku kalsoonaadaan dowladdaas. Kalsoonida shacabka waa saldhigga dowladnimo kasta, haddii saldhiggaasi dumo, dowladnimaduna way wiiqantaa.

Dowlad xaaraan ku dhisan ma soo dhisi kartaa dowladnimo xalaal ah?

Waxaa sidoo kale jirta su’aal adag oo u baahan in si fiican loo ruugo: “Dowlad xaaraan ku dhisan ma soo dhisi kartaa dowladnimo xalaal ah?” Su’aashani waxay xambaarsan tahay macne qotodheer oo ku saabsan sida loo helo awoodda siyaasaddeed iyo sida loo isticmaalo. Haddii nidaamka lagu dhisayo dowladda uu ku bilowdo musuqmaasuq, qabyaalad, dulmi, iyo heshiisyo aan shacabka raalli ka ahayn, way adag tahay in laga dhaliyo dowlad ku shaqeysa caddaalad iyo daacadnimo. Sida geed xun aan looga goosan karin miro wanaagsan, nidaam khaldan badanaa ma soo saaro dowladnimo sax ah.

Oraahda ah “hilib doofaar oo lagu qoray xalaal,” taas oo muujinaysa in magaca quruxda badan uusan beddeli karin xaqiiqada jirta. Dowlad lagu tilmaamo “xalaal” balse lagu dhisay musuq iyo dano gaar ah ma heli karto kalsoonida shacabka. Dowladda wanaagsan waxay ku dhalataa hannaan wanaagsan, halka nidaam qaldan uu abuuro muran joogto ah iyo xasilooni darro siyaasadeed. Dhanka kale, Soomaaliya ma diidana nidaamka dowladeed ee casriga ah iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaase loo baahan yahay in nidaamkaas lagu saleeyo aqoonsiga dhaqanka iyo diinta bulshada Soomaaliyeed. Dowlad casri ah micnaheedu ma aha in laga tago dhaqanka ama shareecada Islaamka, balse waxaa muhiim ah in la helo isku dheelitirnaan u dhaxeysa qiyamka bulshada iyo nidaamyada dowladeed ee casriga ah. Dalal badan oo Muslim ah ayaa isku dayay inay isku daraan shareecada Islaamka iyo dowladnimo casri ah, inkastoo ay jiraan caqabado badan.

Soomaaliya waxay u baahan tahay isbeddel dhab ah oo ka bilowda habka loo helo hoggaanka dalka. Hoggaanka wanaagsan waa inuu ku yimaadaa rabitaanka shacabka, doorasho xor iyo xalaal ah, iyo hannaan hufan oo qof walba xuquuqdiisa la dhowrayo. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xoojiyo isla xisaabtanka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo in dhalinyarada aqoonta leh la siiyo fursad ay dalka ku hoggaamiyaan.

Guuldarrada madaxda Soomaalida ee dhismaha dowladnimo dhab ah waxay ka timid inay ka fogaadeen qiyamka dhaqanka, diinta, iyo rabitaanka shacabka. Dowladnimo xalaal ah laguma dhisi karo hannaan xaaraan iyo caddaalad darro ku dhisan. Haddii Soomaaliya rabto dowlad shacabka ku kalsoon yihiin, waa inay dib u eegtaa saldhigga ay dowladnimadeedu ku taagan tahay. Marka la helo nidaam caddaalad leh, daacadnimo ku dhisan, oo shacabka si dhab ah uga tarjumaya, waxaa suurta gal noqon doonta in Soomaaliya hesho dowladnimo waarta oo sharaf leh.

Facebook Comments Box

Waa bare, qoraa, cilmi-baare, iyo hogaamiye fikir iyo aragti xambaarsan oo wax ka dhiga kuliyada dowladnimada iyo difaaca ee Jaamacadda Ramaas 'Ramaas University'. Waa falanqeeye ka tirsan Diblomaasi.com. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Doorashada

Galmudug iyo Hirshabeelle oo looga dareeray doorashada Madaxweynaha iyo mida Barlamaanka

Cabdikariin waxa uu sheegay in 10 degmo oo Hirshabeelle ah iyo 10 degmo oo Galmudug ah ay saaka ka furmeen goobihii loo qorsheeyay cod-bixinta.

Published

on


Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay Maamul Goboleedyadda Galmudug iyo Hirshabeelle doorashada qof iyo cod, iyadoo cod-bixiyayaashu u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.

Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle waxaa codkooda dhiibtay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle ee ururka JSP, Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sidoo kale la arkayay dadweyne safaf ugu jira goobaha codbixinta.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim u ah dadka Hirshabeelle isagoo xusay in shacabka gobolku ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan cidda ay doonayaan. Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta sidoo kale lagu soo rogay bandow soconaya ilaa fiidkii, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha lagu xaqiijinayo amniga goobaha codbixinta iyo habsami-u-socodka doorashada.

Dhanka Galmudug, cod-bixintu waxay ka bilaabatay magaalooyin ay ka mid yihiin Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo, iyadoo wararka goobaha qaar ay sheegayaan in dadku safaf dhaadheer u galeen cod-bixinta. Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan oo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay labada maamul-goboleed.

Waxa uu sheegay in 10 degmo oo Hirshabeelle ah iyo 10 degmo oo Galmudug ah ay saaka ka furmeen goobihii loo qorsheeyay cod-bixinta, isagoo xusay in kumannaan shaqaale Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka ay door ku leeyihiin qabsoomidda doorashada. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shacabka labada maamul ugu baaqay inay ka qayb qaataan cod-bixinta ayna doortaan musharraxa iyo ururka ay iyagu rabaan.

Doorashada Galmudug ayaa ah codbixin dib loogu celinayo doorashadii 30-kii Luulyo, kaddib markii maxkamadda sare ay burisay natiijadii hore, iyadoo lagu sababeeyay khaladaad maamul iyo habraac. Bilowga codbixinta Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ah tallaabo ka mid ah hannaanka Soomaaliya ugu gudbeyso nidaam doorasho oo shacabka ay si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan halkii ay ka ahaan lahayd nidaamkii doorashada dadban.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo wajahaya cadaadis caalami ah si loo gaaro heshiis siyaasadeed

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya beesha caalamka si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor dhammaadka bisha Agoosto, iyadoo diblomaasiyiin ay muujinayaan walaac ku saabsan sii socoshada ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.

Sida ay sheegayaan illo diblomaasiyadeed saaxiibbada caalamiga ah ayaa ka digay in haddii aan la helin is-afgarad siyaasadeed dib loo eegi karo taageerada horumarinta, maalgelinta mashaariicda iyo heerka iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya. Waxay sidoo kale xuseyn in khilaafka siyaasadeed uu khatar gelin karo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gaar ahaan iyadoo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado dhanka maalgelinta iyo qorshaha kala guurka amniga.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sii xoogeysatay kadib wax-ka-beddelladii dastuurka ee la ansixiyay bishii Maarso 2026, kuwaas oo muddada xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ka dhigay shan sano halkii ay ka ahaan jireen afar sano. Dowladda Federaalka ayaa ku doodaysa in isbeddelladaasi ay lagama maarmaan u yihiin hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod halka dhinacyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay ku tilmaameen kuwo aan loo marin hannaan loo dhan yahay.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah, madax hore iyo hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa 27-kii Luulyo 2026 u diray warqad furan saaxiibbada caalamiga ah iyagoo soo jeediyay in la dhiso golle kumeel gaar ah oo loo dhan yahay si uu u hoggaamiyo kala guurka dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka qaran. Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga iyo dib u soo celinta kalsoonida hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, dadaallo diblomaasiyadeed ayaa weli socda iyadoo Turkigu martigeliyay wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka iyo wakiillo ka socda mucaaradka. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in aan weli la xallin qoddobada ugu muranka badan gaar ahaan qaabka doorashada iyo sharciyadda wax-ka-beddellada dastuurka.

Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin toddobaadyada soo socda ay taasi sii kordhin karto khilaafka gudaha isla markaana ay fursad u abuuri karto kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta siyaasadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Burbur xooggan oo ku yimid Urur-Siyaasaddeedka Towfiiq

Ururka Sheekh Shaakir ee Towfiiq ayaa ku hungoobay ka qeybgalka doorashada maalmo kadib lagu wado inay ka dhacdo Galmudug.

Published

on


Urur Siyaasaddeedka Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Shaakir ayaa u muuqda mid guud ahaanba sii macsalaameynayo saaxadda siyaasadda dalka, ururkaasi oo horey kaga soo qeybgalay doorashooyinka noocoodu ay ku sheegatay Villa Soomaaliya inay yihiin qof iyo cod balse ay ku diidan yihiin dhinacyadda siyaasadda gudaha ee kasoo horjeedda hab-fikirka Madaxweynaha muddo dhaafka ah ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Ururka Sheekh Shaakir ee Towfiiq ayaa ku hungoobay ka qeybgalka doorashada maalmo kadib lagu wado inay ka dhacdo Galmudug, kadib markii Guddigga Doorashooyinka ee lagu tilmaamayo inuu yahay gacan ku rimis ay ka reebeen ka qeybgalka doorashadaasi iyo liiska ururrada uu dhowaan shaaciyay guddigaasi.

Hase ahaatee, arrinta soo cusboonaatay xilligaan ayaa ah in garabka taageersan Musharrax Madaxweynaha Galmudug oo ay wadato Villa Soomaaliya kana tirsan Xisbiga JSP, Liibaan Axmed Xassan ay si weyn u kala furfurayaan taageereyaashii Xisbiga Towfiiq iyo xubnihii ka tirsanaa deegaannada Galmudug.

Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Galmudug waxaa isaga baxay ururka Towfiiq xubnihii ka tirsanaa sida, magaaladda Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado, Gursho, Caabudwaaq iyo deegaano kale oo ka kala tirsan Mudug iyo Galgaduud kuwaasi oo si cad ugu dhawaaqayay 48 sac lasoo dhaafay inay ku biireen dhinaca Liibaan Axmed Xasan, taas oo ka dhigan in Ururka Towfiiq ka reebis oo kaliya doorashada laga reebay in aysan ku koobnayn hase ahaatee guud ahaanba ururkaasi salka dhulka loo dhigayo.

Waddaadka lagu magacaabo Shaakir ee ururkaan dhisay ayaa shir jaraa’id ee uu qabtay shalay galankkii dambe waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay loollanka siyaasadeed ee ururkiisa lagu kala kala furayo iyo in laga reebo doorashooyinka Galmudug, waxaana xubnaha ka tirsan ururkiisa iyo taageereyaashiisa uu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhowaan Xisbiga Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka reebay xisbiyada loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka Septeembar 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayuu ku shaaciyay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay u tartamaan doorashada ku-celiska ah ee kuraasta Golaha Deegaanka Galmudug, iyadoo liiskaas oo ka kooban 12 xisbi uusan ku jirin Xisbiga Towfiiq, waxaana uuna Guddigu ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug in ay xirantay soo gudbinta liisaska Musharaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Go’aanka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo habka loo maamulayo doorashada ku-celiska ah, isla markaana uu ku dalbaday in guddiga doorashadu dib u eego arrimo uu xisbigu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara hufnaanta doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug oo natiijadeeda la laalay ayaa Xisbiga Towfiiq sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, balse uu diiday natiijada kasoo baxday doorashadaas taasoo keentay in arrintu gaarto heer maxkamada sare ay natiijadii laasho.

Isku soo wada duub, ka maqnaanshaha Xisbigaan Towfiiq ee liiska rasmiga ah ee xisbiyada tartamaya ayaa soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii hore gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin toddobaadyo kooban, Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeedka guddiga uu soo saaray uu si cad u taxayo 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka iyadoo Xisbiga Towfiiq aanu ku jirin liiskaas.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Maxaa sababay in (GMDQS) ay Xisbiga Towfiiq ka reebto doorashada ku-celiska ah ee Galmudug?

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Published

on


Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Xisbiga Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ka reebay xisbiyada loo oggolaaday inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka Septeembar 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayuu ku shaaciyay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay u tartamaan doorashada ku-celiska ah ee kuraasta Golaha Deegaanka Galmudug, iyadoo liiskaas oo ka kooban 12 xisbi uusan ku jirin Xisbiga Towfiiq, waxaana uuna Guddigu ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug in ay xirantay soo gudbinta liisaska Musharaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Go’aanka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo habka loo maamulayo doorashada ku-celiska ah, isla markaana uu ku dalbaday in guddiga doorashadu dib u eego arrimo uu xisbigu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara hufnaanta doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug oo natiijadeeda la laalay ayaa Xisbiga Towfiiq sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, balse uu diiday natiijada kasoo baxday doorashadaas taasoo keentay in arrintu gaarto heer maxkamada sare ay natiijadii laasho.

Isku soo wada duub, ka maqnaanshaha Xisbigaan Towfiiq ee liiska rasmiga ah ee xisbiyada tartamaya ayaa soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii hore gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin toddobaadyo kooban, Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeedka guddiga uu soo saaray uu si cad u taxayo 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka iyadoo Xisbiga Towfiiq aanu ku jirin liiskaas.

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa 29-ka Luulyo 2026, si adag u cambaareeyey go’aanka uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) kaga reebay ka qaybgalka hannaanka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imanaysa sharciga, caddaaladda iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Qaransoor uu si buuxda u guddoomay dhammaan waajibaadkii iyo shuruudihii looga baahnaa ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka. Sida lagu sheegay bayaanka, ururku wuxuu guddiga u gudbiyey dhammaan dukumentiyadii looga baahnaa, oo ay ku jiraan liiska xiran ee musharraxiinta, isla markaana uu bixiyey dhammaan lacagihii iyo khidmadihii sharcigu farayey.

Ururka ayaa sheegay in inkastoo uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii lagu xiray ka qaybgalka doorashada, haddana codsigiisa la diiday, iyadoo aan loo soo bandhigin sabab sharciyeed oo cad ama qoraal rasmi ah oo qeexaya sababaha go’aankaasi ku salaysan yahay. Sida uu ururku ku doodayo, arrintan waxay dhaawac ku tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka looga baahan yahay hay’adaha madaxbannaan ee dalka.

Qaransoor wuxuu sidoo kale sheegay inuu si rasmi ah cabasho ugu gudbiyey masuuliyiinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo codsaday in dib loogu eego go’aanka laga gaaray. Hase yeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cabashadaas wax jawaab ah lagama bixin, mana jirin tallaabo muuqata oo lagu xallinayo cabashada ama lagu siinayo ururka fursad uu ku helo caddaalad maamul.

Ururku wuxuu sheegay in hab-dhaqanka guddigu uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka hagaya maamulka doorashooyinka. Sida uu ururku aaminsan yahay, guddiga waxaa saaran waajibaad sharci iyo mid qaran oo ah inuu si siman ula dhaqmo dhammaan ururrada siyaasadeed, isaga oo aan cidna u eexan ama ka reebin xuquuqdeeda siyaasadeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay in uusan ku dhaqmi karrin caddaalad iyo dhexdhaaxdnimo.

Published

on


Urur Siyaasaddeedka Qaransoor ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) kaga reebay ka qaybgalka hannaanka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imanaysa sharciga, caddaaladda iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

War-saxaafadeed uu ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in Qaransoor uu si buuxda u guddoomay dhammaan waajibaadkii iyo shuruudihii looga baahnaa ururrada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka. Sida lagu sheegay bayaanka, ururku wuxuu guddiga u gudbiyey dhammaan dukumentiyadii looga baahnaa, oo ay ku jiraan liiska xiran ee musharraxiinta, isla markaana uu bixiyey dhammaan lacagihii iyo khidmadihii sharcigu farayey.

Ururka ayaa sheegay in inkastoo uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii lagu xiray ka qaybgalka doorashada, haddana codsigiisa la diiday, iyadoo aan loo soo bandhigin sabab sharciyeed oo cad ama qoraal rasmi ah oo qeexaya sababaha go’aankaasi ku salaysan yahay. Sida uu ururku ku doodayo, arrintan waxay dhaawac ku tahay hufnaanta iyo isla xisaabtanka looga baahan yahay hay’adaha madaxbannaan ee dalka.

Qaransoor wuxuu sidoo kale sheegay inuu si rasmi ah cabasho ugu gudbiyey masuuliyiinta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isaga oo codsaday in dib loogu eego go’aanka laga gaaray. Hase yeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, cabashadaas wax jawaab ah lagama bixin, mana jirin tallaabo muuqata oo lagu xallinayo cabashada ama lagu siinayo ururka fursad uu ku helo caddaalad maamul.

Ururku wuxuu sheegay in hab-dhaqanka guddigu uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka hagaya maamulka doorashooyinka. Sida uu ururku aaminsan yahay, guddiga waxaa saaran waajibaad sharci iyo mid qaran oo ah inuu si siman ula dhaqmo dhammaan ururrada siyaasadeed, isaga oo aan cidna u eexan ama ka reebin xuquuqdeeda siyaasadeed.

Walaac ku saabsan madax-bannaanida, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada guddiga

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaransoor uu muddooyinkii u dambeeyey muujinayey walaac ku saabsan madax-bannaanida, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada guddiga. Sida uu ururku sheegay, tan iyo markii uu si cad u sheegay aragtidiisa ku saabsan hab-maamuuska guddiga, waxaa soo baxay, sida uu ku doodayo, tallaabooyin muujinaya takoor iyo cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah ururka Qaransoor.

Ururka ayaa ku doodaya in haddii hay’adda loo igmaday maamulka doorashooyinka ay ku dhaqmi weydo hufnaan, caddaalad iyo dhexdhexaadnimo, ay taasi dhaawacayso kalsoonida shacabka ee nidaamka dimuqraadiyadda, isla markaana ay meesha ka saarayso tartan siyaasadeed oo xor iyo xalaal ah. Sida lagu sheegay bayaanka, doorasho kasta oo aan lagu salayn sinnaan iyo fursad siman ma noqon karto mid si dhab ah uga tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Qaransoor wuxuu sheegay inuu weli aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay yeelato nidaam doorasho oo ku dhisan sharciga, isla xisaabtanka iyo sinnaanta dhammaan dhinacyada siyaasadda. Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyey in hay’adaha dowladdu ay mas’uul ka yihiin illaalinta xuquuqda siyaasadeed ee dhammaan ururrada iyo musharraxiinta, si loo xaqiijiyo tartan daahfuran oo shacabka kalsooni ku qabaan.

Dhanka kale, ururku wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, ururrada bulshada rayidka ah, daneeyayaasha siyaasadda iyo beesha caalamka inay si dhow ula socdaan habraaca doorashooyinka dalka. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaa muhiim ah in la ilaaliyo hufnaanta iyo madaxbannaanida hay’adaha doorashooyinka si looga hortago wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida shacabka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Urur Siyaasaddeedka Qaransoor wuxuu ku adkaystay mowqifkiisa ah in, sida uu aaminsan yahay, aanay dalka ka socon doorasho xor iyo xalaal ah haddii aan la hubin in dhammaan ururrada siyaasadeed loo maro habraac caddaalad iyo sharci ku dhisan. Ururku wuxuu sheegay inuu sii wadi doono difaaca xuquuqdiisa sharciyeed isaga oo adeegsanaya waddooyinka sharcigu oggol yahay, isla markaana uu ku baaqayo in la sameeyo isbeddel dhab ah oo lagu soo celinayo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo nidaam dimuqraadi ah oo ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed si siman uga qayb qaadan karaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Doorashada

Maxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?

“Waxaan ammaanayaa wadahadallada siyaasaddeed iyo wadatashiyada ay dowladdu hoggaaminayso, kuwaas oo ka socday Muqdisho maalmihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre

Published

on


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay wadahadallada siyaasaddeed iyo wadatashiyada ka socda Muqdisho, isagoo rajo ka muujiyay inay horseedi doonaan “heshiis wanaagsan oo qof walba uu aqbali karo“.

“Waxaan ammaanayaa wadahadallada siyaasaddeed iyo wadatashiyada ay dowladdu hoggaaminayso, kuwaas oo ka socday Muqdisho maalmihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre, isagoo intaa ku daray in wasiirradu ay la kulmayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaamiyayaashii hore iyo dad kale oo waaweyn, si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.

“Waxaan ka go’annahay inaan siyaasadda ku raad-raacno wadahadal nabadeed, is-afgarad iyo is-faham, iyadoo la hubinayo in dadka Soomaaliyeed ay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

RW Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in dowladdu ay rajo ka qabto in is-afgaradka siyaasadeed ee ballaaran uu sii kordho, isagoo intaas ku daray: “Ilaahay ha idin aqbalo, waxaan rajeynayaa in kuwa kale ay sii wadi doonaan inay wadaagaan fahamkan, sida ay hadda bilaabayaan.”

Wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay waxa uu ku tilmaamay heshiis sii kordhaya oo ku saabsan dib-u-habaynta nidaamka siyaasaddeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in lagu dhisi doono saldhig u adeega dadka Soomaaliyeed. “Waa dadka la tashanayaa, waana iyaga kuwa leh talada kama dambaysta ah,” ayuu yiri. “Awoodda siyaasaddeed waa in aan laga qaadin dadka Soomaaliyeed, balse waa in loo daayaa inay doortaan kuwa maamuli doona.”

Wadahadallada siyaasaddeed iyo saameyntooda mustaqbalka dalka

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ee ku saabsan wadahadallada siyaasaddeed ee ka socda Muqdisho wuxuu ka tarjumayaa marxalad cusub oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasaddeed iyadoo la adeegsanayo wadaxaajood iyo is-afgarad. Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay caqabado la xiriira khilaafaadka siyaasadeed, amni darrada, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah. Sidaa darteed, dadaallada lagu mideynayo dowladda iyo mucaaradka waxay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo saameyn ku yeelan karta amniga qaranka, xasilloonida siyaasadeed iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.

Marka laga eego dhinaca siyaasadda, hadalka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu muujinayaa in dowladda federaalku ay qaadatay hab ku dhisan wadatashi iyo wadaxaajood halkii ay ka adeegsan lahayd go’aanno hal dhinac ah. Tani waa tallaabo muhiim u ah dowlad-dhisidda, maadaama nidaamyada dimuqraadiga ahi ay ku dhisan yihiin ka qaybgal siyaasadeed, tanaasul iyo dhisidda kalsooni u dhexeysa dhinacyada siyaasadda. Ballanqaadka dowladda ee ah in shacabka Soomaaliyeed ay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda wuxuu xoojinayaa mabda’a sharciyadda siyaasadeed iyo in awoodda dowladeed ay ka timaaddo rabitaanka shacabka.

Arrinta ugu weyn ee doodaha siyaasadeed salka ku haysa waa dib-u-habaynta dastuurka iyo nidaamka doorashooyinka. Soomaaliya muddo dheer waxay ku shaqaynaysay hannaan doorasho oo dadban, kaas oo ku salaysnaa nidaamka awood-qaybsiga qabiilka. Dowladda Federaalka waxay doonaysaa in dalka uu u gudbo nidaam doorasho oo shacabka si toos ah codkooda ugu doortaan hoggaamiyeyaasha. Inkastoo qorshahani uu taageero ka helayo qaybo bulshada ka mid ah, haddana waxaa jira mucaarad siyaasadeed oo ka walaacsan waqtiga, habka fulinta iyo heerka wada-tashiga. Sidaas awgeed, wadaxaajoodku wuxuu noqday aaladda ugu muhiimsan ee lagu yareyn karo is-afgaranwaaga.

Wakiilada mucaaradka ee ku lug lahaa doodaha waxaa ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Nabad iyo Nolol ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Golaha Midnimada Soomaaliya.

Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay sii waddo wadahadallada lagu xallinayo arrimaha harsan, gaar ahaan arrimaha farsamada, iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo waara. “Waxaan si buuxda ugu diyaarsannahay inaan shaqadan ku sii wadno sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah, iyada oo aan la carqaladeyn ama laga weecin waddada hortaal,” ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay la shaqeeyaan dowladda laba arrimood oo muhiimad qaran leh. Tan ugu horreysa, ayuu yiri, waxay ahayd in la mideeyo dadaallada lagu jabinayo kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab iyo soo celinta amniga si Soomaalidu ay nabad ugu noolaadaan. Sida uu sheegay Barre, mudnaanta labaad waxay ahayd ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo sharafta dhuleed, iyadoo Barre uu rajo ka muujiyay in dhinacyada siyaasadda ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan ilaalinta isku xirnaanta dalka.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka Soomaaliya, isagoo qiraya caqabadaha dalka haysta isagoo sidoo kale iftiiminaya fursadaha lagu horumarin karo xasilloonida, is-afgaradka siyaasadeed iyo horumarka.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga13 hours ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika14 hours ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga16 hours ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub17 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub17 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga18 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga19 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga19 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya20 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika2 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub2 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga2 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika3 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga3 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda3 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda4 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga4 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda4 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha5 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika5 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya5 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga5 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya5 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya5 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda6 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga6 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga7 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda7 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya7 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya7 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Xul

Diblomaasi.com