Connect with us

Ameerika

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan

Soomaliya ayaa kamid noqotay 11 wadan oo Afrikaan ah oo lagu daray liisaska dalalka aysan muwaadiniinta Mareykanka loogu digay inay u safraan.

Published

on


Dowladda Mareykanka ayaa waxay soo saartay liiska dalalka qaaradda Afrika ee ah kuwa ugu khatarka badan Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Soomaaliya ku daray liisaska dalalka ugu sarreeya digniinta safarka heerka Afaraad isagoo muwaadiniintiisa ugu taliyay in aysaan u safrin dalalkaasi sababo la xiriirta xaaladaha amniga, khataraha kooxaha hubeysan iyo awoodaha xadidan ee adeegyada qunsuliyaddeed.

Soomaliya ayaa kamid noqotay 11 wadan oo Afrikaan ah oo lagu daray liisaska dalalka aysan muwaadiniinta Mareykanka loogu digay inay u safraan.

Waxaa sidoo kale liisaskaan ku jira dalal ay kamid yihiin Burkiina Faso, Liibiya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Jaad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Maali, Niijer, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo dalka Ugaandha.

Go’aankaan ayaa la filayaa inuu saameyn xooggan ku yeesho Soomaalida ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa qorsheynaya inay booqdaan qoysaskooda ama maalgashi ay ka sameystaan gudaha dalka.

Qaar kamid ah falanqeeyaasha ayaa aaminsan in digniinta safarkan ay yareyn karto tirada booqashooyinka jaalliyada Soomaaliyeed ay ku tagayaan dalka taasoo saameyn ku yeelan karta ganacsiyada maalgalinta iyo lacagaha qurba joogta ay ku bixiyaan gudaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in digniintaan ay saameyn ku yeelato hay’adaha shirkadaha Mareykanka ee qorsheynaya in Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic horumarineed ama maalgashiyo maadaama shirkado badan ay tixraacaan digniinaha safarka marka ay qiimeynayaan heerka khataraha jira.

Dhanka kale, qaar kamid ah jaalliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ku sugan ayaa hore waxay u dhaliileyn digniintaan kasoo baxa Mareykanka iyagoona ku doodaya in aysan marnaba si buuxda ugu turjumeynin xaaladda amniga ee ka jirta dalka iyo dhammaan gobollada dalkaba isla markaana saameyn ay ku yeelan karin xiriirka bulshada qurba joogta ay la leeyihiin dalkooda iyo dadka ku sugan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in qiimeyntaani ay ku saleysan tahay arrimo ay kamid yihiin amniga, khataraha kooxaha hubeysan, afduubyada, colaadaha hubeysan iyo xadidaadda awoodaha u leeyihiin inay adeegyada qunsuliyaddeed ee siiso muwaadiniinta dalalkana ay qeyb ka yihiin.

Inkastoo digniintaan ay si toos u khuseyso muwaadiniinta Mareykanka oo kaliya haddana waxaa yeelan karta saameyn ballaaran oo ku saabsan socdaalka maalgashigga iyo xiriirada jaalliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Mareykanka oo hakiyay fiisaha soogalootiga ee muwaadiniinta Soomaaliya iyo in ka badan 70 waddan

Mareykanka ayaa horraantii sanadkaan sheegay inuu joojinayo habaynta fiisooyinka soogalootiga ee ka imanaya 75 waddan oo ay Soomaalida ku jirto, taasoo ah tallaabadii ugu dambeysay ee Madaxweyne Donald Trump uu ku qaaday ajaanibta doonaya inay yimaadaan Ameerika.

Mareykanka ayaa muddo dheer diiday fiisooyinka dadka u muuqda inay u baahan yihiin daryeelka dowladda, laakiin Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay inay hadda u adeegsan doonto isla awooddaas joojinta guud ee fiisooyinka soogalootiga ee ku salaysan dhalashada.

“Maamulka Trump wuxuu soo afjarayaa xadgudubka nidaamka socdaalka Mareykanka ee kuwa hanti ka soo saari lahaa dadka Mareykanka,” ayuu yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Tommy Pigott.

“Hawlgelinta fiisaha soogalootiga ee ka socda 75-kan waddan waa la joojin doonaa inta Waaxda Arrimaha Dibadda ay dib u qiimeynayso habraacyada habaynta socdaalka si looga hortago soo gelitaanka muwaadiniinta ajnabiga ah ee qaadan lahaa daryeelka iyo gunnooyinka dadweynaha,” ayuu yiri.

Masar ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku jirto liiska. Xoghayaha Saxaafadda Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa ku soo qortay X in dalalka ay saameysay ay ku jiraan Soomaaliya, iyo sidoo kale Ruushka iyo Iiraan.

Leavitt oo lala xiriiriyay maqaal Fox News ah oo sheegay in dalalka kale ee ay saameysay ay ku jiri doonaan tiro ka mid ah dalalka xiriirka saaxiibtinimo la leh Mareykanka, oo ay ku jiraan Brazil, Masar iyo Thailand.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda si degdeg ah uma soo saarin liis buuxa oo dalal ah. Trump ma qarin rabitaankiisa ah inuu yareeyo socdaalka dadka aan asal ahaan ka soo jeedin Yurub.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ameerika

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Sida ku cad cabashada dambiga ee maxkamadda loo gudbiyay Maxamuud ayaa markii hore muujiyay inuu doonayo inuu u safro Soomaaliya si uu uga barbar dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

Published

on


Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay fashilisay weerar argagixiso oo uu qorsheynayay wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Sheekhdoon Cabdullaahi Maxamuud, kadib markii muddo ku dhow laba sano ay la socotay dhaqdhaqaaqiisa ugu dambeyntiina ay siisay qori AK-47 ah iyo rasaas uu qorsheynayay inuu ku fuliyo weerarka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Maxamuud uu FBI-da soo galay diiwaankeeda bishii Diseember 2024, xilligaas oo uu farriimo la wadaagayay qof xog-ogaal ah oo sirdoonka la shaqeynayay. Sida ku cad cabashada dambiga ee maxkamadda loo gudbiyay Maxamuud ayaa markii hore Maxamuud muujiyay inuu doonayo inuu u safro Soomaaliya si uu uga barbar dagaallamo kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee, markii dambe ayuu qorshihiisa beddelay, isaga oo doonayay inuu weerar ka fuliyo xarunta ganacsiga ee Mall of America.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in wakiillada FBI-da ay hubka iyo rasaasta ka iibiyeen Maxamuud Talaadadii, kadibna isla goobta ay ku xireen. Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Daniel Rosen ayaa sheegay in ninkan uu ahaa qof la xagjireeyay oo loo baahnaa in lala socdo, isagoo sheegay in hay’addu ay ogaatay khatarta oo ay joojisay weerarka ka hor inta uusan fulin qorshihiisa.

Sida ay FBI-du sheegtay, Maxamuud waxaa lagu xiray beer dadweyne oo ku taalla Richfield, dhowr mayl waqooyi galbeed ka xigta Mall of America, kadib markii uu bixiyay 600 oo doollar oo uu ku iibsaday qori iyo 200 xabbadood oo rasaas ah. Maxamuud ayaa Arbacadii kasoo muuqday maxkamad federaali ah oo ku taalla St. Paul, isagoo xiran dharka jaallaha ah ee xabsiga. Wuxuu garsooraha u sheegay inuusan shaqo haysan uusan lahayn guri ama gaari isla markaana uusan lacag ku lahayn bangi.

Daniel Rosen ayaa sheegay in Maxamuud uu yahay muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan Soomaali ah. Sida ku cad cabashada uu qoray wakiil FBI ah, Maxamuud ayaa dhowr jeer farriimo uu u diray xog-ogaalka ku xaqiijiyay inuu damacsanaa inuu weeraro oo uu dilo dad aan Muslim ahayn oo ku sugnaan lahaa Mall of America 24-ka Oktoober.

Taariikhdaas ayaa lagu qorsheeyay xaflad faneed ay qabanayaan bulshada Hmong oo ah kooxda qowmiyadeed ee Aasiya ugu badan gobolka Minnesota. Markii xog ogaalku weydiiyay inuu dhab ka yahay qorshaha weerarka, Maxamuud ayaa sida cabashada lagu sheegay ku jawaabay inuu boqolkiiba 100 hubay isla markaana haddii uusan hubin uu qorshaha ka noqon lahaa.

Wakiilka FBI-da ayaa sidoo kale sheegay in farriimaha Maxamuud ay muujinayeen inuu u riyaaqayay weerarro argagixiso oo dhowaan dhacay, isla markaana uu xiiseynayay inuu u safro Soomaaliya si uu uga dagaallamo koox hubeysan ugu dambeyntiina uu doonayay inuu ku biiro kooxda la sheegay inay tahay Islamic State. Xeer-ilaaliyaha Daniel Rosen ayaa waalidiinta ku booriyay inay si dhab ah u qaataan digniin kasta oo la xiriirta in carruurtooda la xagjireynayo gaar ahaan haddii digniinta ay kasoo baxdo hay’adaha ammaanka.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Xubnahaan ayaa la sheegay inay kooban in ka badan 20 xubnood oo isugu jira xubno sare sarre oo ka tirsanaa xukuumadda Somaliland, iyagoo muddo 30 maalmood lagu la’yahay gudaha Mareykanka.

Published

on


Xubno ka tirsanaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka gooni isu-taaga ah ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland), Cabdiraxmaan Cirro oo dhowaan socdaal ku tegay dalka Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in wafdigii la socday Cirro lagu la’yahay gudaha dalka Mareykanka, isla markaana aan la ogeen halka ay cirib iyo jaan cagta dhigeen, kuwaas oo u badnaa shaqaalle heer hoose ah oo ka tirsanaa Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Xubnahaan ayaa la sheegay inay kooban yihiin in ka badan 20 xubnood oo isugu jira xubno sare sarre oo ka tirsanaa xukuumadda Somaliland, iyagoo muddo 30 maalmood lagu la’yahay gudaha Mareykanka. Balse wafdigan oo weli ku sugan Mareykanka ayaa dhaliyay su’aallo ku saabsan sababta loo kaxeeyay xubnahaan tirada badan ee lasoo bandhigay isla markaana lagu sheegay inay ku jiraan safar rasmi ah.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in qaar ka mid ah xubnahaas ay magangalyo ka dalbadeen dalka Kanada, halka kuwa kalena la sheegay inay ku lumeen magaalooyinka New York iyo Washington. Dhinaca kale, Maamulka Somaliland ayaa wali kasoo bixin bayaan rasmi ah oo ku aaddan dhacdadan. Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo Mareykanku yahay mid soo jireen ah, isaga oo xusay in dadka reer Somaliland ay muddo dheer ku lahaayeen xiriiro dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga iyo la macaamilka caalamka. Socdaalkiisa Washington ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumaddiisu ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirada Mareykanka, maalgashiga iyo taageerada ay u raadinayso qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

Cirro waxa uu sheegay in kulamadii uu isaga iyo weftigiisu la yeesheen masuuliyiin, xubno ka tirsan Koongarees-ka iyo hay’ado kale oo Washington ku yaalla ay diiradda saareen xiriirada, amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo xaaladda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dhacdooyinkan ayaa falanqeyaasha arrimaha siyaasadda iyo bulshada rayidka u iftiiminaya su’aal aad u culus oo ay kamid yihiin in waftigaas tirada badan ay ahaayeen xubno rasmi ah oo la socday Cabdiraxmaan Cirro, mise safarka waxaa loo adeegsanayay marin qarsoodi ah oo lagu fududeynayo tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka?

Falkaan Lumitaanka iyo codsiyada magangalyo-doonka ah ee xubnaha waftiga ayaa u baahan in si qoto dheer loo baaro cidda ku jirtay waftiga sababta loo kaxeeyay iyo qaabka loo habeeyay safarkooda iyo joogitaankoodaba.

Somaliland oo muddo dheer raadinaysa aqoonsi heer caalami ah

Maamulka Somaliland ayaa muddo dheer ku jiray dadaal uu ku raadinayo aqoonsi caalami ah, balse weli ma jiro dal si rasmi ah u aqoonsaday inuu yahay dowlad madax-bannaan. Arrinta aqoonsiga ayaa noqotay mid siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan marka ay timaado xiriirrada dibadda iyo wadamada doonaya inay la yeeshaan iskaashi gaar ah.

Hadalladii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee la xiriiray aqoonsiga Israa’iil ayaa waxa ka dhalatay dood siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ka jirta gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in xiriirka ay Somaliland la yeelaneyso Israa’iil uu yahay mid muhiim u ah danaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee maamulka Somaliland. Wuxuu ku faanay in Israa’iil ay noqotay waddanka ugu horreeya ee muujiyay xiriir diblomaasiyadeed oo muuqda, xilli aysan jirin dowlado kale oo si rasmi ah ugu dhiirraday inay aqoonsadaan Somaliland. Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xooggan, maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddo dheer dadaal ugu jirtay inay ka hortagto tallaabo kasta oo dhaawici karta midnimada iyo wadajirka dalka.

Muddo dheer, Israa’iil waxa ay ku hawlanayd dhisidda nidaam awood goboleed oo ku salaysan isku-darka awood milatari, diblomaasiyad xulafaysi, iyo faragelin juqraafiyeed oo ka baxsan xuduudaheeda tooska ah. Istaraatiijiyaddani ma aha mid ku kooban Falastiin oo keliya, balse waxa ay si isa soo taraysa ugu fidaysaa Bariga Dhexe, Badda Cas, iyo Geeska Afrika. Aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay Somaliland dhammaadka Diseembar 2025 ma aha tallaabo diblomaasiyadeed oo gooni ah, balse waa qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu qaabeeyo awoodda gobolka, laguna xakameeyo tartamayaasha waaweyn sida Turkiga, Shiinaha iyo Iiraan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Wiilka 17 jirka ah ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka, iyadoo dhaawaciisu aanu ahayn mid naftiisa halis gelinaya, halka wiilka 18 jirka ah isbitaalka laga saaray Sabtidii.

Published

on


Laba dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow garoon kubadda cagta oo ku yaalla magaalada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, xilli ay socotay ciyaar ay daawanayeen kumannaan qof. Toogashadu waxay dhacday xilli kooxda Eden Prairie High School ay garoonkeeda kula ciyaaraysay Minnetonka High School. Dhacdada ayaa keentay sida booliisku sheeegeen in daawadayaashii ciyaarta ay si degdeg ah uga cararaan garoonka, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay ka boodeen xayndaabyada.

Booliiska Eden Prairie ayaa sheegay in labada qof ee la dhaawacay ay yihiin wiilal Soomaali ah oo da’doodu kala tahay 17 iyo 18 sano. Labadooduba waxay horey booliiska uga tirsanaayeen dadka ay yaqaannaan, sida ay sheegeen saraakiishu. Wiilka 17 jirka ah ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka, iyadoo dhaawaciisu aanu ahayn mid naftiisa halis gelinaya, halka wiilka 18 jirka ah isbitaalka laga saaray Sabtidii.

Booliisku waxay sheegeen in dagaal weyn uu ka dhacay dhinaca Galbeed ee garoonka wax yar kahor inta aan rasaastu dhicin. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, baarayaashu waxay tuhunsan yihiin in toogashadu la xiriirto khilaaf u dhexeeya kooxo Soomaali ah oo deegaanka ka jira.

Si kastaba, booliisku weli ma aysan shaacin cidda loo malaynayo inay rasaasta ridday, waxayna sheegeen inaysan haynin xog ku filan oo ku saabsan tuhmanayaasha oo ay bulshada la wadaagi karaan. Labada qof ee la dhaawacay midkoodna ma ahayn arday dhigta Eden Prairie High School ama Minnetonka High School.

Dhacdada ayaa cabsi weyn ku abuurtay dadkii ku sugnaa garoonka, iyadoo ciyaartoyda iyo daawadayaashuba ay markii hore garan waayeen waxa dhacay. Mas’uuliyiinta garoonka ayaa dadka ku wargeliyay inay ka baxaan goobta, waxaana kumannaan qof ay u kala carareen dhinaca laga baxo.

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

In ka badan 500 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan loo soo saaray amarro masaafurin ah, iyadoo Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dardargeliyay dhageysiyada magangelyada isla markaana uu adkeeyay waddooyinka sharci ee ay dadkaasi ku heli karaan ilaalin.

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah, halka in ka badan kala bar amaradaasi ay khuseeyaan Soomaali ku nool Minnesota. Tiradan ayaa ku dhowaad toban jeer ka badan tii la diiwaangeliyay sannadkii 2025.

Qaar kamid ah dadka loo soo saaray amarada masaafurinta ayaa hore loo masaafuriyay halka kuwo kale lagu xiray xarumo dadka lagu hayo oo ay ku jirto xabsiga Guantánamo Bay ee Cuba. Ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa halkaas lagu xiray.

Arrintan ayaa soo xoogeysatay kadib markii maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo fursadaha ay Soomaalidu ku heli karaan ilaalinta sharci. Bishii Janaayo waxaa lagu dhawaaqay in la soo afjarayo ilaalinta ku-meelgaarka ah ee Soomaalida halka bishii Febraayo la sameeyay nidaam maxkamadeed oo dedejiya dhageysiyada kiisaska magangelyada Soomaalida.

Qareennada socdaalka ayaa sheegay in kiisaska Soomaalida loo sameeyay jadwal gaar ah, iyadoo dhageysiyada qaarkood lagu qabanayo internetka, isla markaana aanay inta badan ka dhicin meel ay dadweynuhu si furan uga qayb geli karaan. Sida xogta lagu sheegay ku dhowaad dhammaan go’aannadii masaafurinta ee siddeeddii bilood ee ugu horreysay 2026-ka waxay ku saabsanaayeen Soomaali lagu daray nidaamka dhageysiyada la dedejiyay.

Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo dowladda ay ku doodday in dadka dalka si sharci-darro ah ku soo gala ay wajihi karaan masaafurin ama loo diri karro dal saddexaad.

Qareennada dadka Soomaalida ah ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah dadka la masaafurinayo loo diro dalal aysan xiriir hore la lahayn. Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu hayay Guantánamo Bay ayaa markii dambe loo qaaday Kenya, halka kuwo kale laga yaabo in loo diro dalal Afrikaan ah oo aqbalaya dadka laga soo masaafuriyo Mareykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Mareykanku uu kiisaska qaar ku doodayo in Soomaaliya ay ammaan tahay, iyadoo qareennada iyo hay’adaha kale ay tilmaamayaan digniino ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan khataraha amni ee ka jira dalka.

Si kastaba, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in dadka Soomaalida ah ee ku guuleystay kiisaska magangelyada sanadkan ay jireen, iyadoo 148 qof oo Soomaali ah ay ku guuleysteen kiisaskooda socdaalka, in ka badan 70% ka mid ahna ay ahaayeen haween.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah.

Published

on


In ka badan 500 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sanadkan loo soo saaray amarro masaafurin ah, iyadoo Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dardargeliyay dhageysiyada magangelyada isla markaana uu adkeeyay waddooyinka sharci ee ay dadkaasi ku heli karaan ilaalin.

Sida lagu sheegay falanqeyn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah, halka in ka badan kala bar amaradaasi ay khuseeyaan Soomaali ku nool Minnesota. Tiradan ayaa ku dhowaad toban jeer ka badan tii la diiwaangeliyay sannadkii 2025.

Qaar kamid ah dadka loo soo saaray amarada masaafurinta ayaa hore loo masaafuriyay halka kuwo kale lagu xiray xarumo dadka lagu hayo oo ay ku jirto xabsiga Guantánamo Bay ee Cuba. Ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa halkaas lagu xiray.

Arrintan ayaa soo xoogeysatay kadib markii maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo fursadaha ay Soomaalidu ku heli karaan ilaalinta sharci. Bishii Janaayo waxaa lagu dhawaaqay in la soo afjarayo ilaalinta ku-meelgaarka ah ee Soomaalida halka bishii Febraayo la sameeyay nidaam maxkamadeed oo dedejiya dhageysiyada kiisaska magangelyada Soomaalida.

Qareennada socdaalka ayaa sheegay in kiisaska Soomaalida loo sameeyay jadwal gaar ah, iyadoo dhageysiyada qaarkood lagu qabanayo internetka, isla markaana aanay inta badan ka dhicin meel ay dadweynuhu si furan uga qayb geli karaan. Sida xogta lagu sheegay ku dhowaad dhammaan go’aannadii masaafurinta ee siddeeddii bilood ee ugu horreysay 2026-ka waxay ku saabsanaayeen Soomaali lagu daray nidaamka dhageysiyada la dedejiyay.

Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo dowladda ay ku doodday in dadka dalka si sharci-darro ah ku soo gala ay wajihi karaan masaafurin ama loo diri karro dal saddexaad.

Qareennada dadka Soomaalida ah ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah dadka la masaafurinayo loo diro dalal aysan xiriir hore la lahayn. Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu hayay Guantánamo Bay ayaa markii dambe loo qaaday Kenya, halka kuwo kale laga yaabo in loo diro dalal Afrikaan ah oo aqbalaya dadka laga soo masaafuriyo Mareykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Mareykanku uu kiisaska qaar ku doodayo in Soomaaliya ay ammaan tahay, iyadoo qareennada iyo hay’adaha kale ay tilmaamayaan digniino ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan khataraha amni ee ka jira dalka.

Si kastaba, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in dadka Soomaalida ah ee ku guuleystay kiisaska magangelyada sanadkan ay jireen, iyadoo 148 qof oo Soomaali ah ay ku guuleysteen kiisaskooda socdaalka, in ka badan 70% ka mid ahna ay ahaayeen haween.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ameerika

Madaxweynaha Mareykanka, Trump oo markale Soomaalida ku tilmaamay tuugo

Trump oo ka hadlayay siyaasadda socdaalka ayaa sheegay in dhammaan qaabilaadda qaxoontiga Soomaaliya la hakiyey, isaga oo ku tilmaamay Soomaaliya “meel qurux badan oo khatar ah”.

Published

on


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu joojiyey qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya, isaga oo hadalkaas ka jeediyey isu-soo-bax siyaasaddeed oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama.

Trump oo ka hadlayay siyaasadda socdaalka ayaa sheegay in dhammaan qaabilaadda qaxoontiga Soomaaliya la hakiyey, isaga oo ku tilmaamay Soomaaliya “meel qurux badan oo khatar ah” balse sheegay in aanay qaxoonti ka imanaya dalkaasi soo geli karin Mareykanka.

“Waxaan joojinay dhammaan qaabilaadda qaxoontiga ka imanaya Soomaaliya, halkaan Soomaaliya kama rabno – Soomaalidu 98% waa shaqo la’aan, waxa keliya ay ku fiican yihiin tuugnimada” – ayuu yirri Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka. Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliya98% ay shaqo la’aan yihiin, isaga oo Soomaalida ku eedeeyey inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan ama ‘khiyaameeyaan’ Mareykanka. Trump muu soo bandhigin il tirakoob oo sax ah oo uu xogta kasoo qaatay.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulkiisa uu si weyn u adkeeyey siyaasadda qaxoontiga iyo socdaalka. Dowladda Mareykanka ayaa muddadii Trump xafiiska joogay hakisay guud ahaan barnaamijka qaabilaadda qaxoontiga, iyadoo siyaasadda hadda jirta ay si weyn u mudnaanta siinayso qaxoontiga Afrikaaners-ka Koonfur Afrika.

Trump ayaa horey dhowr jeer Soomaalida ula xiriiriyay baaritaannada musuqmaasuqa ee ka socda gobolka Minnesota. Maamulka Trump ayaa sheegay in baaritaannada musuqmaasuqa barnaamijyada gargaarka bulshada ee Minnesota ay ku lug leeyihiin xatooyada balaayiin dollar, halka warbixinno madax-bannaan ay tilmaameen in qaddarka si dhab ah loo xaqiijiyey uu ka hooseeyo tirooyinka uu madaxweynuhu sheegay.

Dowladda Mareykanka ayaa si kastaba, dacwado dhowr ah oo musuqmaasuq ah ka gudbisay shaqsiyaad Soomaali ah oo ku nool Minnesota kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyey inay lunsadeen lacago loogu talagalay barnaamijyada adeegyada bulshada. Tusaale ahaan Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in kiiska Feeding Our Future uu ku lug leeyahay eedeymo la xiriira malaayiin doollar oo laga lunsaday barnaamijyada cuntada carruurta.

Hadallada Trump ayaa sidoo kale imanaya xilli siyaasaddiisa socdaalka ay si gaar ah u saameynayso Soomaalida ku nool Mareykanka gaar ahaan Minnesota oo ay ku nool yihiin tiro badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas.

Maxaa tusaalaha ugu xun ee dal loogu soo qaata Soomaaliya?

Madaxda Afrikaanka ah iyo kuwa caalamka ayaa Soomaaliya muddooyinkan dambe u soo qaata tusaalaha ugu xun, taas oo sumcad dil ku ah dowladda Soomaaliya. Hadallada sumcad-darrada ah ayaa waxaa ugu dambeeyay dhowaan jeediyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee DCP.

Ninkan ayaa ku eeddeeyay Madaxweyne Ruto inuu Kenya ka dhigayo sida Soomaaliya, taas oo ula jeedo tusaalaha ugu xun oo liidasho ah, isla markaana ka turmayso heerka ugu hooseeyay ay maanta gaarsiisan tahay Soomaaliya. “Waxaad shalay maqasheen Ruto oo been u sheegay shacabka isagoo leh Singapore oo kale ayaan ka dhigaya Kenya, laakiin runta waxay tahay haddii uu mar kale doorasho ku guuleysto, dalkeenna wuxuu ka dhigi doonaa sida Soomaaliya,” – ayuu yirri Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya Rigathi.

Xilli hore ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya ku tilmaamay “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.” Trump ayaa Soomaaliya u soo qaata tusaalaha ugu liita ee dowladnimada.

Madaxweynaha Ugaanda, Yoweri Museveni ayaa sidoo kale kamid ah madaxda Afrikaanka ah ee u gafay Soomaaliya, una adeegsada tusaalooyinka xun, Museveni ayaa mar ku tilmaamay Soomaaliya dal aan lahayn dowlad shaqeysa. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa sannadihii ugu dambeeyay waxay dib u bilowday soo kabashada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka warshadaha. Qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ah iyo kuwa caalamka ayaa isku dayayaan inay suurad-xumeeyaan Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga52 minutes ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub2 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub3 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga3 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga5 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya5 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika23 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub1 day ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga1 day ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga7 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika7 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Xul

Diblomaasi.com