Connect with us

Diblomaasiyadda

Dowladda Masar oo cadeysay mowqifkeeda ku aaddan qaranimada Soomaaliya

Ratcliffe ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu qadarinayo doorka Masar ee taageerada amniga iyo xasilloonida Afrika.

Published

on


Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisii ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo si cad uga horyimid tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Al-Siisii ayaa hadalkan sheegay xilli uu Qaahira kula kulmay madaxa Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA), John Ratcliffe. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxa Sirdoonka Guud ee Masar, Hassan Rashad.

Ratcliffe ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu qadarinayo doorka Masar ee taageerada amniga iyo xasilloonida Afrika. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan wadashaqeynta iyo is-dhaafsiga xogta gaar ahaan xaaladda Suudaan, horumarrada Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Sida laga soo xigtay dhinaca Masar wada-shaqeyntaas ayaa diiradda lagu saarayaa wax ka qabashada caqabadaha amni iyo kuwa juqraafi-siyaasadeed, ururrada argagixisada iyo dambiyada abaabulan, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga sirdoonka. Kulanka Al-Siisii iyo Ratcliffe ayaa sidoo kale looga hadlay xiriirka istiraatiijiga ah ee Masar iyo Mareykanka iyo xaaladaha ka jira Bariga Dhexe oo ay ku jiraan dagaalka Iiraan, qorshaha xabbad-joojinta Qaza arrinta Falastiin iyo dagaalka Suudaan.

Masar ayaa muddooyinkii dambe si joogto ah u muujisay taageeradeeda ku aaddan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka qeyb qaadanayso dadaallada amniga iyo xasillinta Soomaaliya. Dowladda dalka Masar ayaa sii wada dadaallada lagu caawinayo dalka Soomaaliya oo ay rabto dhowaan ciidamo inay u soo dirto si ay qeyb ugu noqdaan hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasi oo bilowday sanadkii lasoo dhaafay horraantiisa.

Waxaana Masar ay kaashanaysaa xulafadeeda heer gobol iyo kuwa caalamiga ah si ay markaasi ay u xaqijiiso taageero buuxda oo Soomaaliya ay ka hesho dhinaca wadamada Beesha Caalamka si wadankan markale cagahiisa dib isugu soo taago.

Ciidamada Masar ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu sugaayo ammaanka Soomaaliya gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Masuuliyiinta hawlgalka AUSSOM ayaa tilmaamay in marka la dhameeyo diyaar garowga ciidamada Masaarida inay si rasmi ah u bilaabi doonaan inay Soomaaliya ay yimaaddan isla markaana hawlgalka ay ku biiraan.

Si kastaba, hoggaanka AUSSOM ayaa ka digay in hawlglka iyo wajiyo kale oo caqabado ah ay yimaan doonaan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha ah, maadaama maalgelinta Mareykanka iyo Midowga Yurub ay joogsadeen taasi oo keentay dib u dhaca imaanshiyaha ciidamada Masar.

Xubnaha hoggaanka hawlgalka ayaa sheegay inay socdaan wadahadallo lala yeelanaayo saaxiibada beesha caalamka si loo helo taageerada dhaqaalle waarta oo lagu daboolayo baahiyaha ciidamada hawlgalka fulinaayo, tabbabarkooda iyo qalabeyntooda. Ciidamada Masar ayaa la filayaa inay degaan gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasi oo ay faarujin rabaan ciidamada Burundi ka socda oo hawlgalkooda soo afjarma marka ay yimaadaan ciidamada Masaarida.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Diblomaasiyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay iskudayday inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dhinac.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Muqdisho ay dooneyso in khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta xal laga gaaro, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay weli diyaar u tahay inay hagaajiso xiriirka labada dal inkastoo ay jiraan kala aragti duwanaansho la xiriira Somaliland iyo arrimaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay AlJazeera Carabi ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu horey u ahaa mid dhow gaar ahaan dhinacyada amniga balse uu xumaaday kadib markii, sida uu sheegay, Abu Dhabi ay garab istaagtay gooni goosashada maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisay heshiisyo ay Imaaraadka Carabta la lahayd oo la xiriiray amniga iyo difaaca, hase yeeshee ay weli sii socdaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo safaaradaha labada dal. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay iskudayday inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dhinac. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu horey Soomaaliya uga taageeri jiray dhinaca amniga, taas oo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah xiriirkii dhowaa ee labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan xiriirka iyo heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka jartay kadib markii ay ku eedeysay Abu Dhabi tallaabooyin ay u aragtay inay dhaawacayaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya gaar ahaan xiriirka Imaaraadka la leeyahay Somaliland iyo heshiisyada amni ee uu la galay maamullo ka baxsan dowladda. Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib dhacdooyin la xiriiray Somaliland iyo arrimaha Yemen, iyadoo Muqdisho ay sheegtay in kalsoonidii ay ku qabtay iskaashiga Imaaraadka ay meesha ka baxday.

Bishii Janaayo 2026, Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadlay arrin muddooyinkii dambe si hoose looga hadal hayay, kadib markii ay ansixiyeen go’aan ay ku laaleen heshiisyadii kala duwanaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta. Heshiisyadan oo isugu jiray kuwo dhaqaale, maalgashi iyo kuwo amni ayaa la sheegay in ay muddo dheer saameyn ku lahaayeen siyaasadda gudaha iyo midda dibadda ee dalka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka dhashay “tallaabooyin gurracan” oo Imaaraatka Carabta uu ku sameeyay Soomaaliya, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo khilaafsan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golaha Wasiirradu waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay go’aansatay in ay laasho dhammaan heshiisyadii hore ee ay Imaaraatka kula jireen ee khuseeyay dekedaha, amniga iyo maalgashiyada qaarkood.

Sida lagu caddeeyay go’aanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in Imaaraatka laga joojinayo joogitaankiisa iyo maalgashigiisa dekedda Berbera iyo sidoo kale dekedaha kale ee ku yaalla gudaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Boosaaso iyo Kismaayo. Dowladda ayaa ku dooday in heshiisyadaasi ay ahaayeen kuwo si aan waafaqsanayn dastuurka iyo danaha qaranka loo maamuli jiray, isla markaana ay kor u qaadeen kala qaybsanaanta dalka.

Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha iyo xubno ka ag dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u macneeyay tallaabadan mid lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka. Waxay sidoo kale eedeeyeen Imaaraatka Carabta, iyagoo ku tilmaamay inuu door ku lahaa taageerada Somaliland iyo hirgelinta xidhiidh cusub oo la sheegay inuu dhex maray Somaliland iyo Israa’iil, arrin hore uga dhalisay dood siyaasadeed iyo caro ka timid Muqdisho.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in Turkigu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan oo ah kii ugu horreeyay ee uu dalkaasi ka sameysto meel ka baxsan Turkiga ay yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

Published

on


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka sheegaya in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan oo ay si joogto ah uga hawlgalaan ciidamada Turkiga. Xasan Sheekh oo wareysi uu siiyay Al-Jazeera Carabi kaga hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in goobta Turkigu ku leeyahay Soomaaliya ay tahay xarun lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed ayna khalad tahay in loo aqoonsado saldhig ciidan oo ay Turkigu leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka sheegaya in Turkigu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan oo ah kii ugu horreeyay ee uu dalkaasi ka sameysto meel ka baxsan Turkiga ay yihiin, sida uu hadalka u dhigay, “dacaayad aan sal lahayn”. Wuxuu xusay in aysan halkaasi joogin ciidamo Turki ah oo loo diray inay ka hawlgalaan saldhig ciidan.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah, isagoo xusay kaalinta Turkiga ee taageerada Soomaaliya gaar ahaan xilligii abaartii 2011-kii iyo markii dalka uu wajahayay xaalad amni oo adag.

Wuxuu sheegay in Turkigu uu sidoo kale maalgashi ku sameeyay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, isla markaana uu hadda ka shaqeynayo dhinacyada shidaalka iyo gaaska iyo mashaariic kale oo Soomaaliya ka socda. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Turkigu uu sidoo kale ka shaqeynayo dhismaha xarun lagu dayax-gacmeedyada laga diro, taas oo uu ku tilmaamay mashruuc muhiim u ah Soomaaliya iyo qaaradda Afrika.

15 sano kadib xiriirkii Soomaaliya iyo Turkiga ee arrimaha bini’aadanimada ma wuxuu u weecday in Turkiga uu la wareego kheyraadka Soomaaliya?

15 sanno kadib xiriirkii ku bilowday taageeridda gargaarka bini’aadanimo ee Turkiga uu kusoo galay Soomaaliya bartamihii 2011-kii, oo ay Soomaaliya ka jirtay xaalad abaar oo dalka qeybo kamid ahna macluul isku beddeshay. Xilligaan Soomaaliya iyo Turkiga xiriirkooda ayaa sii xoogaysanaya inkastoo ay barbar socdaan dhaliilo ka imaanaya dhanka gudaha oo ku wajahan dhinaca dowladda Turkiga.

Xiriirkaas oo ku bilowday booqashadii dowladda Turkiga Ra’iisulwasaarihii xilligaasi isla haatan ah Madaxweynaha dalka Turkiga, Reccept Tayyip Ordogan uu kusoo gaaray gudaha dalka Soomaaliya booqdayna goobaha dadka barakacyaasha ah xilligaasi uu Madaxweyne Soomaaliya ka ahaa Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxaa uu jirsaday xiriirka haatan 15 sanadood.

Turkigu waxa uu ballaariyay dhammaan saameyntiisa dhanka gudaha Soomaaliya isaga oo sameystay saldhigga ugu ballaaran marka la eego dhanka ciidanka kaas oo ah xerada TURKSOM halka sidoo kale dekedda Muqdisho, garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale oo muhiim ah oo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka maamulkeeda uu la wareegay dhowr iyo tobankii sanadood ee lasoo dhaafay.

Waxaase intaasi dheer heshiisyo kale oo dhinaca kheyraadka taabanaya oo ay ugu horreeyaan tan shidaalka iyo sidoo kale arrimaha kulluunka oo dhammaantoodba abuuray xiisad dhanka gudaha ah iyo dowlad goboleedyadda qaar oo arrintaasi si kulul ugu horymid.

Dhinacyada siyaasadda odorosa ayaa sheegaya marka la eego heshiisyada waaweyn iyo sida baaxadda leh ee uu dalka kheyraadkiisa isugu fidiyay Turkiga inay tahay mid ka duwan filashadii Soomaalida ee aheed in uu dhanka dowladnimada iyo gargaarka bini’aadanimada ee uu dalka kusoo galay uu Turkiga sii wadayo. Halka sidoo kale ay jiraan dhaliilo xooggan oo laga dirayo heshiis dhanka kheyraadka oo boqolkiiba 95% Turkiga uu qaadanayo halka boqolkiiba 5% la siinayo Soomaaliya marka ay dhacdo in lasoo saaro shidaalkaasi oo haatan howshiisa ay soccoto.

Waxaa intaasi dheer dhismaha shirkad kale oo iyaduna ka shaqeynaysa arrinta kheyraadka kulluunka ee ku jira badda Soomaaliya taas oo ay iska diideen dhinacyada dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbalabd. Maanta labada dhinaca ee Turkiga iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah ugu dabaaldageen 15 sano guuraddii kasoo wareegatay dib u cusboonaysiinta xiriirkii curtay sannadka 2011-kii, munaasabad ka dhacday gudaha magaaladda Muqdisho ayay ka qeybgaleen xubno ka tirsan madaxda Villa Soomaaliya ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu hore kaga dhammaaday iyo xukuumadda xilgaarsiinta. Ra’iisulWasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ah Xamse Cabdi Barre ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadan maanta magaaladda Muqdisho amaan dulhubiyay dowladda Turkiga.

Marka la eego saameynta Turkiga ee gudaha dalka Soomaaliya ee isku fidiyay waxaa dhinaca kale barbar socda tuhun kale oo la xiriira danaha dowladda Turkiga ee gudaha Soomaaliya ee mustaqbalka dhow iyo midka fog intuba. Mucaaradka Soomaaliya qaarkood waxay ku doodayaan sidoo kale in Turkiga uusan sidoo kale dhexdhexaad ka ahayn arrimaha khilaafka gudaha ee Soomaaliya, marar kala duwan oo iskudayay inuu kala dhexdhaxaadiyo dhinacyada mucaaradka iyo madaxda waqtigoodu dhammaaday ayuu ku fashilmay, Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen waxay kol hore sidoo kale ku eedeeyeen Turkiga in diyaaradihiisa dagaalka loo adeegsaday dagaalkii ka dhacay magaaladda Baydhabo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Baay oo la duqeeyay. Bishii Juun ee sannadkan dagaal ka dhacay magaaladda Muqdisho u dhexeeyay madaxda qaar ee mucaaradka iyo Villa Soomaaliya, sidoo kale Turkiga waxaa lagu eedeeyay diyaaradihiisa Drone-ka iyo gaadiidka dabaabaadka ee Soomaaliya ugu deeqay in loo adeegsaday siyaasiyiinta mucaaradka ee xilligaan kuwaasi oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre.

Marka laga soo tago dhanka gudaha dhinaca dibadda dowladdo badan oo kuwa reer Galbeedka ah ayaa dhinacyada siyaasiyiinta waxay warrinayaan in iyagana ay ka carowdeen sida Villa Soomaaliya isugu dhiibtay Turkiga heshiisyada qaar ee kheyraadka taabanaya oo dowladahaasi iyaguna filasho iyo rajo ka qabeen mustaqbalka Soomaaliya inay heshiiska la gaaraan loo weeciyo dhanka Turkiga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas.

Published

on


Dowladda Itoobiya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay inuu taageeray tallaabooyin ay sheegtay inay ka hor imanayaan danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu 4-tii Oktoobar magaalada Al-Calameyn ee dalka Masar kaga qayb galay shir ay yeesheen Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya oo ciwaan looga dhigay “Khayaamaada Madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimanaysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerada uu u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee shirka ay Itoobiya u aragto tallaabo saamayn ku yeelan karta danaha ay ka leedahay Wabiga Niilka iyo arrimaha amniga Badda Cas.

Warbixintu waxay sheegtay in bayaanka Al-Calamayn uu ku adkaynayo dalalka ku wada jira Wabiga Niilka inay dhowraan mabda’a ah inaan dal kale waxyeello loo geysan, isla markaana mashaariicda biyaha ee saameyn karta dalalka kale lagu saleeyo ogeysiin hore, wadatashi iyo is-afgarad. Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa ku doodday in qoddobadan ay si gaar ah u saamayn karaan Itoobiya oo muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey Masar iyo Suudaan oo ku saabsan isticmaalka biyaha Niilka gaar ahaan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya.

Warbixinta ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedaysay inuu la safanayo isbahaysi siyaasadeed oo sida qoraagu ku dooday, lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee arrimaha Badda Cas. Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u muujisay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin-badeed ganacsi.

Qoraalka ayaa sidoo kale si gaar ah u dhaliilay ka qaybgalka Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki isagoo ku dooday in Ereteriya ay taageertay mowqifka Masar ee ku saabsan arrimaha biyaha Niilka. Qoraagu wuxuu tallaabadan ku fasiray inay Ereteriya mudnaanta siisay danaha Masar halkii ay ka ilaalin lahayd danaha mustaqbalka ee Ereteriya. Warbixinta ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalintii Itoobiya ku lahayd Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii, iyadoo xustay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Itoobiya iyo taageeradii ciidamada Itoobiya ay ka geysteen dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo hawlgalladii nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

Qoraaga warbixinta ayaa ku dooday in taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh ee bayaanka Al-Calamayn ay ka hor iman karto xiriirkii amni iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Itoobiya soo dhex maray tobannaan sano. Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo xuquuqda Itoobiya ee marin-badeedka.

Soomaaliya: Ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga qaranka

Arrimaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay tahay inay mudnaanta siiso shir-madaxeedka New Alamein waa ilaalinta madaxbannaanida qaranka, midnimada dhuleed iyo danaha istaraatiijiga ah ee dalka. Xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waxay Soomaaliya u abuureysaa fursad diblomaasiyadeed oo ay ku xoojin karto iskaashiga dalalka gobolka, gaar ahaan Masar, Ereteriya iyo Suudaan. Itoobiya dhowr jeer ayay tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed ku lug leh arrimaha gudaha Soomaaliya qaaday, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u aragtay faragelin ka dhan ah madaxbannaanideeda. Tusaalaha ugu weyn waa is-afgaradkii (MoU) ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland 1-dii Janaayo 2024, kaas oo la xiriiray marin-badeed iyo suuragalnimada aqoonsiga Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marka laga fiiriyo dhinaca amniga qaranka, arrintani ma aha oo keliya khilaaf diblomaasiyadeed, balse waxay taabanaysaa mabda’a madaxbannaanida dowladeed, ilaalinta xuduudaha caalamiga ah iyo xaqa ay Soomaaliya u leedahay inay maamusho dhulkeeda iyo baddeeda. Sidaas darteed, Soomaaliya waa inay dhistaa siyaasad dibadeed oo ku salaysan danaha qaranka, iskaashi amni iyo xiriirro istaraatiiji ah oo dheellitiran.

Goobta juqraafiyeed ee Soomaaliya, xeebteeda dheer iyo muhiimadda ay u leedahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas waxay dalka siinayaan miisaan siyaasadeed iyo amni oo heer gobol iyo caalami ah. Waa fursad ay Soomaaliya kaga qayb qaadan karto dhismaha hannaan amni oo wadajir ah, kaas oo ka hortaga faragelinta shisheeye, khilaafaadka xuduudaha iyo xasillooni darrada gobolka. Dhanka kale, dagaalka Suudaan iyo xiisadaha Itoobiya iyo Ereteriya waxay muujinayaan baahida loo qabo iskaashi diblomaasiyadeed oo ka hortaga dagaallo cusub. Soomaaliya waa inay ka fogaataa inay qayb ka noqoto loollan ay dalal kale leeyihiin, balse ay hormuud ka noqotaa ilaalinta nabadda, madaxbannaanida dowladaha iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Khibradda taariikheed ee Geeska Afrika waxay caddeyneysaa in dagaal cusub uu fududaan karo marka kanaallada diblomaasiyadeed xirmaan, halka fursadda nabaddu kordhayso marka wada-hadalku sii furnaado.

Published

on

Guddigu wuxuu xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Geeska Afrika waa mid ka mid ah gobollada ugu istaraatiijisan qaaradda Afrika, maadaama uu isku xiro Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Bariga Afrika iyo marinnada ganacsi ee caalamiga ah. Gobolka waxaa isku dhex jira arrimo la xiriira amniga qaranka, biyaha webiga Nile, marin-badeedka, xuduudaha, isbahaysiyada siyaasadeed iyo tartanka awoodaha gobolka. 

Xiisad ka dhex dhalata Itoobiya, Ereteriya iyo Masar ma aha arrin ku kooban saddex dal oo keliya, balse waxay yeelan kartaa saameyn ballaaran oo ku fida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Bishii Oktoobar 2026, Midowga Afrika wuxuu muujiyay walaac ku saabsan kororka xiisadaha u dhexeeya Itoobiya, Ereteriya iyo Masar. Guddiga Midowga Afrika wuxuu 1-dii Oktoobar ugu baaqay saddexda dal inay muujiyaan is-xakameyn, ka fogaadaan hadallo ama tallaabooyin sii kordhin kara xiisadda, ayna illaashadaan kanaallada isgaarsiinta iyo hababka diblomaasiyadeed. Arrintan waxay timid xilli xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya uu si gaar ah u xumaaday xirriirkooda, iyadoo Itoobiya ay xirtay safaaraddeedii Asmara, halka Ereteriya ay ku dhawaaqday inay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.

Asalka xiisadda iyo isku-xirnaanta amniga

Si loo fahmo xaaladda, waxaa muhiim ah in si gaar ah loo fiiriyo sida arrimaha gudaha Itoobiya iyo loollanka gobolka ay isugu xiran yihiin. Itoobiya waxay wajahaysaa dib-u-soo-noqoshada dagaallo ka dhacay waqooyiga dalka, gaar ahaan Tigray, halka xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu sii xumaaday. Reuters ayaa 2-dii Oktoobar 2026 sheegay in ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogag xiriir la leh ay u dhaqaaqayeen dhanka Mekelle, iyadoo dagaalladu ay sare u qaadeen cabsi laga qabo in khilaafku isu beddelo dagaal ballaaran.

Xaaladdan waxaa sii murjinaya arrinta marin-badeedka. Itoobiya waa dal aan lahayn xeeb, waxaana hoggaanka Itoobiya uu muddo dheer muujinayay muhiimadda ay u leedahay helitaanka marin u gaar ah oo Badda Cas ah. Ereteriya, oo leh xeeb dheer iyo dekedda muhiimka ah ee Assab, waxay arrintan u aragtaa arrin si toos ah ula xiriirta madaxbannaanideeda iyo amnigeeda. Sidaas awgeed, arrinta marin-badeedku waxay noqotay qayb ka mid ah xisaabta amni ee labada dal. Masar waxay leedahay dano istaraatiiji ah oo ku saabsan webiga Nile iyo amniga gobolka. Khilaafka ku saabsan Biyo-xireenka Renaissance ee Itoobiya ayaa muddo dheer saameeyay xiriirka Qaahira iyo Addis Ababa. Sidaas darteed, marka khilaafaadka gudaha Itoobiya ay isku biiraan arrimaha Nile, marin-badeedka iyo xiriirka Itoobiya-Ereteriya, waxaa dhalan kara xaalad amni oo ka baxsan xuduudaha dalalkaas.

Doorka Midowga Afrika

Hadalkii Midowga Afrika ee 1-dii Oktoobar wuxuu ahaa tallaabo loogu talagalay in lagu yareeyo khatarta sii kordheysa, halkii uu ahaa eedeyn rasmi ah oo loo jeedinayo mid ka mid ah dowladaha. Guddigu wuxuu si cad u sheegay in Itoobiya, Ereteriya iyo Masar ay ilaashadaan kanaallada isgaarsiinta, khilaafaadkana lagu xalliyo diblomaasiyad iyo wada-hadal nabadeed. Masar waxay si cad uga hortimid bayaankaas, iyadoo u aragtay in hadalka Midowga Afrika lagu jiidayo arrin ay Qaahira u aragto arrin gudaha Itoobiya ah. Jawaabta Masar waxay muujinaysaa dhibaato muhiim ah oo ku jirta diblomaasiyadda gobolka: farqiga u dhexeeya waxa dowladdu u aragto arrin gudaha ah iyo waxa urur goboleedku u arko khatar amni oo goboleed.

Marka khilaaf gudaha ah uu leeyahay dhinacyo dibadeed, xuduud wadaag, dhaqdhaqaaq ciidan ama saameyn ku fida dalalka deriska ah, waxaa adkaanaysa in si buuxda loogu qeexo “arrin gudaha ah”. Sidaas darteed, Midowga Afrika wuxuu leeyahay sabab uu uga hadlo dhinaca nabadda iyo amniga, halka dowladuhu ay weli ilaalinayaan mabda’a madaxbannaanida qaranka.

Masar iyo mabda’a madaxbannaanida

4-tii Oktoobar, Guddiga Midowga Afrika wuxuu soo saaray caddayn rasmi ah kadib cabashada Masar. Guddigu wuxuu sheegay in bayaankii 1-dii Oktoobar aan loogu talagelin in mas’uuliyadda horumarrada Itoobiya lagu wareejiyo dowlad deris ah. Waxa kale oo uu caddeeyay inuu si buuxda u ixtiraamayo madaxbannaanida, midnimada qaran, midnimada dhuleed iyo mabda’a ah inaan lagu faragelin arrimaha gudaha ee dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika. Caddayntani waxay leedahay muhiimad diblomaasiyadeed oo weyn. Waxay muujinaysaa in Midowga Afrika isku dayayo inuu isku dheellitiro laba mabda’: in la ilaaliyo madaxbannaanida dowladaha iyo in laga hortago khilaaf gudaha ah oo isu beddela dhibaato goboleed.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in bayaankiisu uu ka dhashay xaaladda diblomaasiyadeed ee sii xumaatay iyo cayrinta diblomaasiyiinta ee caasimadaha saddexda dal. Ujeeddadu, sida uu sheegay, waxay ahayd in laga hortago is-faham la’aan, koror xiisadeed ama ballaarin khilaaf oo dhaawici karta xasilloonida gobolka.

Diblomaasiyadda sida qalab amni

Dhibaatada ka jirta Geeska Afrika waxay muujinaysaa in diblomaasiyadda aan loo arki karin oo keliya hab lagu saxiixo heshiisyo, balse ay tahay qayb ka mid ah siyaasadda amniga. Marka xiriirka diblomaasiyadeed uu daciifo, waxaa yaraada fursadaha lagu fahmi karo ujeeddooyinka dhinacyada kale, taasina waxay kordhin kartaa khatarta qalad xisaabeed.

Cayrinta diblomaasiyiintu waxay noqon kartaa fariin siyaasadeed oo xooggan, laakiin sidoo kale waxay yareyn kartaa kanaallada lagu xakameeyo xiisadaha. Sidaa darteed, baaqa Midowga Afrika ee ah in la ilaaliyo “open channels of communication” wuxuu leeyahay muhiimad istaraatiiji ah. Xitaa marka dowladuhu isku khilaafsan yihiin arrimo waaweyn, xiriirka tooska ah wuxuu ka caawin karaa inay ka fogaadaan dagaal ka dhasha is-faham la’aan. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay Geeska Afrika, oo horey u soo maray dagaallo xuduudeed, colaado gudaha ah iyo faragelinno goboleed. Haddii xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya ay ku biirto tartanka Itoobiya iyo Masar, isla markaana ay saameyn ku yeelato Sudan iyo Badda Cas, khilaafku wuxuu yeelan karaa saameyn ka ballaaran saddexda dal.

Khataraha ku wajahan Geeska Afrika

Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn waa in khilaaf gudaha Itoobiya ahi uu isu beddelo khilaaf goboleed. Dagaallada Tigray, xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya, iyo eedeymaha ku saabsan taageerada kooxaha hubeysan ayaa isku xiraya arrimo gudaha iyo dibadda ah.

Khatar kale waa militarization-ka sii kordhaya ee gobolka. Haddii dowladuhu bilaabaan inay u arkaan dhaqdhaqaaq kasta oo deriskooda ka yimaada inuu yahay khatar amni, waxaa bilaaban kara wareeg amni oo ah in hal dal uu kordhiyo awooddiisa ciidan, dal kale uu jawaab ka bixiyo, taasina ay sii kordhiso hub-urursiga iyo kalsooni-darrada.

Sidoo kale, Badda Cas waxay leedahay muhiimad caalami ah. Ereteriya waxay leedahay xeeb ku taal marin istaraatiiji ah, halka Itoobiya ay raadineyso marin badeed. Sidaas darteed, xaaladda gobolka waxay xiriir la yeelan kartaa ganacsiga caalamiga ah, amniga maraakiibta iyo danaha quwadaha dibadda. Xiisadda ka dhex jirta dalalka Geeska Afrika waxay sidaas darteed noqon kartaa arrin saameynaysa amniga Afrika iyo dhaqaalaha caalamka.

Waxaan kusoo gunaanudayaa, xiisadda Itoobiya, Ereteriya iyo Masar waxay muujinaysaa sida ay isugu xiran yihiin amniga gudaha, madaxbannaanida qaranka, biyaha, marin-badeedka iyo diblomaasiyadda gobolka. Hadalka Midowga Afrika wuxuu ahaa isku day lagu ilaalinayo xasilloonida iyo in khilaafaadka lagu celiyo miiska wada-hadalka, halka jawaabta Masar ay muujisay sida xasaasi u yahay farqiga u dhexeeya faragelin iyo dhexdhexaadin goboleed. Midowga Afrika ayaa markii dambe si cad u xaqiijiyay inuusan doonayn inuu mas’uuliyadda horumarrada Itoobiya u nisbeeyo dal deris ah, isla markaana uu ixtiraamayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah.

Daraasadda xaaladdan waxay ina tusaysaa in amniga Geeska Afrika uusan ku xirnayn oo keliya awoodda milatari. Waxaa sidoo kale muhiim ah kalsooni-dhisidda, xiriirka diblomaasiyadeed, wada-hadal joogto ah, xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo illaalinta madaxbannaanida dowladaha. Midowga Afrika, IGAD iyo dowladaha gobolka waxay door ka qaadan karaan in khilaafaadka laga hor istaago inay isu beddelaan dagaallo cusub. Khibradda taariikheed ee Geeska Afrika waxay caddeyneysaa in dagaal cusub uu fududaan karo marka kanaallada diblomaasiyadeed xirmaan, halka fursadda nabaddu kordhayso marka wada-hadalku sii furnaado. Sidaa darteed, ilaalinta xiriirka diblomaasiyadeed ma aha oo keliya arrin siyaasadeed; waa istaraatiijiyad amni oo muhiim u ah xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diblomaasiyadda

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Shir-madaxeedka ay magaalada New Alamein ee waqooyiga Masar ku yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, Soomaaliya iyo Suudaan wuxuu xambaarsan yahay macne siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed oo ka ballaaran wadatashi caadi ah.

Published

on


Hogaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, Soomaaliya, iyo Suudaan ayaa Axadda qaban doona shir afar geesood ah oo ka dhici doona magaalada waqooyiga Masar ee New Alamein si looga wada hadlo horumarka gobolka iyadoo ay socdaan colaadaha ka socda waqooyiga Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in shirku uu qayb ka yahay “wadatashi iyo isku-dubarid ku saabsan arrimaha gobolka ee khuseeya labada dhinac.”

Shirku wuxuu isu keeni doonaa Madaxweynaha Masar Cabdel Fittaax Al Sisi, Isaias Afwerki ee Eriteriya, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaan ee Suudaan Cabdifittaax Al Burhaan.

Isbeddelka isbahaysiyada amni iyo dibloomaasiyaddeed Geeska ee Afrika

Shir-madaxeedka ay magaalada New Alamein ee waqooyiga Masar ku yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, Soomaaliya iyo Suudaan wuxuu xambaarsan yahay macne siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed oo ka ballaaran wadatashi caadi ah oo dhex mara afar dowladood. Wuxuu ku soo beegmayaa xilli Geeska Afrika uu wajahayo isbeddello istaraatiiji ah, loollan juqraafi-siyaasadeed iyo dib-u-kac colaadeed oo halis gelin kara xasilloonida gobolka.

Ka qaybgalka Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi, Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaan ee Suudaan Cabdifittaax Al-Burhaan wuxuu muujinayaa in afarta dowladood ay danaynayaan sidii ay u abuuri lahaayeen hannaan wada-tashi iyo isku-duwid amni oo ku saabsan xaaladaha sii murugsanaya ee gobolka.

Xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya

Marka laga fiiriyo dhinaca amniga gobolka, xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa ah arrin si gaar ah muhiim ugu ah ajandaha kulanka. Labada dal waxay leeyihiin taariikh colaadeed oo soo noqnoqotay, waxaana xiriirkooda diblomaasiyadeed ee sii xumaanaya uu abuurayaa walaac ku saabsan suuragalnimada iska horimaad militari oo cusub. Waxaa intaas dheer dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan deegaanka Tigreega iyo gobolka Cafar, kuwaas oo khatar ku ah amniga xuduudaha, ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.

Masar waxay kulankan ka leedahay dano istaraatiiji ah oo cad

Khilaafka muddada dheer kala dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) wuxuu ka dhigayaa xaaladda Itoobiya arrin si toos ah u saamaynaysa amniga qaranka Masar. Qaahira waxay danaynaysaa in ay ballaariso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka ku hareeraysan Itoobiya, si ay u xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Badda Cas. Dhanka kale, Ereteriya waxay doonaysaa inay xaqiijiso amnigeeda qaranka, madaxbannaanideeda siyaasadeed iyo awooddeeda istaraatiiji ah ee gobolka. Xiriirka sii xumaanaya ee Itoobiya iyo Ereteriya wuxuu dib u soo noolayn karaa loollankii militari ee labada dal, taas oo saameyn ku yeelan karta dhammaan dalalka deriska ah.

Soomaaliya: Ilaalinta madaxbannaanida iyo amniga qaranka

Arrimaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay tahay inay mudnaanta siiso shir-madaxeedka New Alamein waa ilaalinta madaxbannaanida qaranka, midnimada dhuleed iyo danaha istaraatiijiga ah ee dalka. Xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika waxay Soomaaliya u abuureysaa fursad diblomaasiyadeed oo ay ku xoojin karto iskaashiga dalalka gobolka, gaar ahaan Masar, Ereteriya iyo Suudaan. Itoobiya dhowr jeer ayay tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed ku lug leh arrimaha gudaha Soomaaliya qaaday, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u aragtay faragelin ka dhan ah madaxbannaanideeda. Tusaalaha ugu weyn waa is-afgaradkii (MoU) ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland 1-dii Janaayo 2024, kaas oo la xiriiray marin-badeed iyo suuragalnimada aqoonsiga Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marka laga fiiriyo dhinaca amniga qaranka, arrintani ma aha oo keliya khilaaf diblomaasiyadeed, balse waxay taabanaysaa mabda’a madaxbannaanida dowladeed, ilaalinta xuduudaha caalamiga ah iyo xaqa ay Soomaaliya u leedahay inay maamusho dhulkeeda iyo baddeeda. Sidaas darteed, Soomaaliya waa inay dhistaa siyaasad dibadeed oo ku salaysan danaha qaranka, iskaashi amni iyo xiriirro istaraatiiji ah oo dheellitiran.

Goobta juqraafiyeed ee Soomaaliya, xeebteeda dheer iyo muhiimadda ay u leedahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas waxay dalka siinayaan miisaan siyaasadeed iyo amni oo heer gobol iyo caalami ah. Waa fursad ay Soomaaliya kaga qayb qaadan karto dhismaha hannaan amni oo wadajir ah, kaas oo ka hortaga faragelinta shisheeye, khilaafaadka xuduudaha iyo xasillooni darrada gobolka. Dhanka kale, dagaalka Suudaan iyo xiisadaha Itoobiya iyo Ereteriya waxay muujinayaan baahida loo qabo iskaashi diblomaasiyadeed oo ka hortaga dagaallo cusub. Soomaaliya waa inay ka fogaataa inay qayb ka noqoto loollan ay dalal kale leeyihiin, balse ay hormuud ka noqotaa ilaalinta nabadda, madaxbannaanida dowladaha iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Gunaanad ahaan, amniga qaranka Soomaaliya laguma ilaalin karo hadallo siyaasadeed oo keliya, balse waxaa lagu xaqiijin karaa diblomaasiyad firfircoon, awood dowladeed, iskaashi amni, ilaalinta xuduudaha iyo siyaasad dibadeed oo leh aragti istaraatiiji ah. Soomaaliya waa inay yeelataa mowqif cad: madaxbannaanida qaranku ma aha arrin gorgortan laga geli karo, midnimada dhuleedna waa aasaaska jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga1 hour ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub2 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub3 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga3 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga5 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya5 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika23 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub1 day ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga1 day ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga7 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika7 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Xul

Diblomaasi.com