Connect with us

Arrimaha Amniga

Dowladda Soomaaliya oo gaadiid ciidan ku daabushay magaalada Dhuusamareeb

Sidoo kale, ciidamada ayaa waxay fariisamo ka sameysteen duleedka magaalada halkaasi oo ay diyaar garow xooggan oo amniga kula wareegayaan ay ku jiraan.

Published

on


Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa aad loo adkeeyay amniga guud caasimadda iyo deegaanada ku hareereysan iyadoo saacadihii ugu dambeeyay magaalada Dhuusamareeb ay gaareen ciidamo militeri ah oo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo ka yimid qaarkood gobolka Hiiraan isla markaasna ka tirsan qeybta 21aad, 27aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo wata gaadiid iyo hub culus iyagoo gudaha u galay magaalada, sida Diblomaasi.com ay u xaqiijiyeen illo kala duwan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa waxay fariisamo ka sameysteen duleedka magaalada halkaasi oo ay diyaar garow xooggan oo amniga kula wareegayaan ay ku jiraan.

Xogaha hordhaca ah ee Diblomaasi.com waxay sheegayaan in ciidamada militeriga sababta dowladda Soomaaliya ay ugu soo daabushay ay tahay inay ka hirgeliso doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu dalka u jiheystay iyadoona uu jiro khilaaf culus oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo hoggaanku u haayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Geesta kale, waxaa jira in shalay Taliyaha Qeybta Booliska Galmudug oo dowladda federaalka Soomaaliya oo u soo magacaawday oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay, sidoo kale waxaa Dhuusamareeb ku sugan taliye ku xigeenka ciidanka booliska sarreeyo guuto Kaniif iyo sdioo kale saraakiil kale ciidan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya isla markaasna u yimid inay dardargeliyaan arrimaha doorashooyinka oo haatan khilaaf xooggan uu ka jiro oo Maamulka Galmudug uu hakiyay in la bixiyo kaararka codbixinta.

Garabka taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee saraakiisha oo ugu horreeyo taliyihii booliska ee dowladda Soomaaliya u magacawday Galmudug Maxamed Daahir iyo xubno kale ayaa kulumo u gaar ah ka wada gudaha magaalada Dhuuso mareeb.

Halka dhinaca kale Booliska Galmudug oo gaar ah iyaguna ammaanka guud ee magaalada Dhuuso mareeb ay la wareegeen, taasi oo ka dhigan hannaanka wada-shaqeynta iyo sidoo kale sugidda amniga in dhinacyada aysan isku waafaqsanayn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacawday Taliye Boolis oo dhanka Galmudug ah oo ay oggoleyn Galmudug isla markaana Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor toddobaadkii aynu kasoo gudubnayuu digreeto kusoo saaray in taliyaha booliska Galmudug saxda uu yahay Korneel Khaliif Maalin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyada dowladda federaalka iyo Galmudug waanwaan laga dhex-waday maalmihii lasoo dhaafay oo aysan kusoo ildaadin natiijo wax ku ool ah.

Waxaa jirta hannaan doorasho oo qof iyo cod ah oo dowladdu sheegtay inay ka qabsoomayso deegaanada Galmudug, laakiinse Madaxweyne Qoorqoor oo xubin ka ah xisbiga Madaxweyne ee JSP ayaana helin kaarka musharraxnimada iyo sidoo kale cadeynta rasmiga ah iyo kalsoonida inuu yahay Musharraxa JSP ee doorashada madaxtinimada ee dowlad goboleedka Galmudug, taasoo la warrinaayo inay qeyb ka tahay kala shakiga iyo khilaafka labada dhinac ee kala ah Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Lama ogga xaalka sida uu ku dambeyn karro laakiin dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed Maamulkii hore ee Madaxweyne Laftagareen ayaa markii ay isqabteen waxaa meesha ka baxay oo ay dowladdu dagaal la gashay Maamulkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arrimaha Amniga

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab.

Published

on


Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ku daray 10 qof oo uu ku tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Dadka magacyadooda la shaaciyey waxaa ku jira Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Shubka. Go’aanka ayaa soo baxay maalinta shalay isla markaana dhigaya in la xayiro hantida dadka liiska lagu daray laga mamnuuco macaamillada maaliyadeed ee lala sameeyo, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) lagu wargeliyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.

Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab. Hase yeeshee, dukumentiga lasoo bandhigay ma faahfaahin caddeymaha gaarka ah ee qof kasta lagu saleeyey go’aanka. Laftagareen ayaa markii ugu horreysay hoggaanka Koonfur Galbeed loo doortay sannadkii 2018, wuxuuna xilka hayey illaa dhammaadkii Maarso 2026, markaas oo ay Dowladda Federalka talada si xoog ah talada ugala wareegtay, iyadoo Koonfur Galbeed ka dhistay maamul cusub.

Cabdicasiis Laftag areen ayaa tan iyo intii laga tuuray xukunka wuxuu duullaan ku ahaa magaalada Baydhabo, isagoo qaaday illaa afar jeer oo weerraro ah oo dhaliyay khasaare xooggan. Ciidankiisa daacadda u ah wax ay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada Baydhabo.

Sida ku cad dukumentiga, hay’adaha maaliyadeed iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso sharciga waxaa laga mamnuucay inay macaamillo la sameeyaan dadka liiska ku jira. Waxaa sidoo kale waajib ku ah inay xayiraan hantida ay leeyihiin, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) u gudbiyaan warbixinno degdeg ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.

Guddigu wuxuu intaas ku daray in xiriir kasta oo dhaqaale ama fududeyn maaliyadeed oo loo sameeyo dadka liiska ku jira uu mamnuuc yahay, iyadoo cid kasta oo jebisa go’aanka lala tiigsan karo sharciga. Magacyada liiska waxaa kamid ah, 1· Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen 2· Xassan Cabdulqaadir Maxamed 3· Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub 4· Ibraahim Aadan Cali Najax 5· Xassan Cabdi Maxamed Ugaas Xassan 6· Cabdullaahi Cali Watiin 7· Cabdifitaax Mahad Cabdiraxman 8· Cabdimajiid Mowlid Xassan 9· Amiin Mad Daruur 10· Abshir Aadan Isaaq.

Iskahorimaadyada hubeysan ee ka dhacaya magaalada Baydhabo waxay muujinayaan in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu isu beddelay xaalad amni oo si toos ah u taabanaysa shacabka.

Dagaalada dhexmaraya ciidamada federaalka ah iyo xoogaga maxalli ah oo daacad u ah Laftagareen, iyadoo warbixinno ay sheegeen in magaalada iyo hareeraheeda laga adeegsaday hub culus, diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Dowladda federaalku waxay sheegtay in ciidamadeedu iska caabiyeen weerarka, halka Laftagareen uu bogaadiyay hawlgalkii dagaalyahannadiisa. Marka laga fiiriyo aragtida cilmiga amniga, dhacdadan looma fahmi karo oo keliya dagaal u dhexeeya laba ciidan. Waxay ka dhalatay isku-dhaca sharciyadda siyaasadeed, awood-qaybsiga federaalka, xakamaynta hay’adaha amniga iyo tartanka hoggaanka Koonfur Galbeed. Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa door muhiim ah ku lahayd isbeddelka siyaasadeed ee Baydhabo, balse dhacdooyinka soo noqnoqday waxay sidoo kale muujinayaan kharashka amni iyo bani’aadannimo ee ka dhasha marka khilaaf siyaasadeed lagu xalliyo cadaadis iyo awood ciidan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga.

Published

on


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda federaalku weerartay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, isaga oo ku dooday in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga dalka, isla markaana ay sharci u leedahay inay tallaabo ka qaaddo meelaha lagu ururinayo hubka iyo maleeshiyaadka.

Wasiirku wuxuu sheegay in haddii dowladdu damacsanayd inay weerarto guriga Shariifka ay fursado badan u heshay inay sidaas samayso balse ay dooratay wadahadal iyo in arrimaha lagu xalliyo si nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in dhacdooyinkii hore ee la xiriiray xiisadaha amni ay muujiyeen in dowladda ay dhowr jeer ka gaabsatay tallaabo milatari.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada inay maleeshiyaad hubaysan u soo direen goobta ay xiisaddu ka taagan tahay, isaga oo sheegay in halkaas lagu ururiyay hub, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caasimadda. Wasiir Fiqi Wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga. Isaga oo ka digaya cawaaqibka ay yeelan karto in maleeshiyaad hubeysan laga dhex sameeyo goobaha ganacsiga iyo hoteellada, ayuu wasiirku sheegay in arrintaasi halis ku tahay shacabka iyo maalgashiga, isaga oo bulshada Soomaaliyeed iyo culimada ugu baaqay inay ka hortagaan xaalad uu ku tilmaamay aafo amni.

Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda aan laga hor istaagi karin inay tagto goobaha ay ka jirto khatar amni gaar ahaan meelaha lagu tuhunsan yahay in hub lagu ururinayo ama lagu diyaarinayo falal amniga wax u dhimaya. Wuxuu sheegay in waajibka dowladda uu yahay inay ka hortagto khatarahaas, isla markaana ay ilaaliso amniga guud ee dalka. Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa yimid, maalin kaddib markii mucaaradka ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay duullaan ku tahay hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaasoo hoygiisa maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay ciidmao dowladda ah oo ku gaaf wareegaya.

Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.

Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.

Geesta kale, Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ku biirisay walaaca beesha caalamka ee sii kordhaya ee ku aaddan xaaladda hubanti la’aanta ay Soomaaliya gashay kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii billo kahor Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga socday magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay noqdeen wadahadalladii ugu dambeeyay ee la isku dayay in ay dhinacyadu heshiis dhinaca doorashooyinku ay ku gaaraan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay la soccoto xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Mucaaradka inay sii wadaan wadahadallada si heshiis loogu gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya ka taagan.

Ku-xigeenka Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in xoghaayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu si dhow ula socdo horumarada siyaasadeed iyo isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya gaar ahaan wadahadalladii dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliyeed.

Bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxa uu imaanaya kadib shirar isdaba-jooga ah oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacaayay kuwaasi oo is-afgarad la’aanta ay kusoo dhammaadeen iyadoo ay wali taagan tahay xiisadda la xiriirta hanaanka doorashada, dastuurka, muddo kordhinta dowladda federaalka ay sameysatay ee halka sano. Illaa iyo hadda safiiradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sii wada iskudayo labada dhinac markale miiska wadahadalka la isugu keenaayo si ay heshiis ugu gaaraan khilaafka salka ku haaya doorashooyinka Soomaaliya oo muddadii dhaafay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

“Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal.

Published

on


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya kala hadasho baahideeda marin-badeed, isaga oo xusay in dekedda Berbera ay diyaar u tahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato. Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News Arabia oo ka baxa Imaaraadka Carabta ayuu wasiirku kaga hadlay doorka Somaliland ee amniga Geeska Afrika xiriirka ay la yeelatay Israa’iil dadaallada ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah iyo iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.

Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah amniga marin-biyoodka Babul-Mandab iyo Badweynta Hindiya, isaga oo xusay in boqolkiiba 12 ilaa 15 ganacsiga badda ee caalamka uu maro marin-biyoodkaas, “Somaliland waa mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon uguna xasilloon gobolka, waxaana aaminsanahay inay si weyn uga qayb qaadan karto ilaalinta amniga aaggan istaraatiijiga ah” – ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa difaacay xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliland ay la yeelatay Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay xiriir la samaysato dal kasta oo ay u aragto inuu dan u yahay, “Ma aragno wax dhibaato ah oo ku jira xiriirkayaga Israa’iil. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu doorto xiriirrada uu la yeelanayo dalalka kale” – ayuu yiri Bakaal. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Israa’iil ay diyaar u yihiin inay ka wada shaqeeyaan dhinacyada ay u arkaan inay dan u yihiin labada dhinac, hase yeeshee ma uusan faahfaahin mashaariic gaar ah oo ilaa hadda laga hirgeliyay xiriirkaas.

Isaga oo ka jawaabaya dalalka Carabta iyo Muslimiinta qaarkood ee cambaareeyay xiriirkaas ayuu sheegay in dowladahaasi aysan weli si toos ah ula soo xiriirin Somaliland si ay ugu sharraxaan sababaha ay uga soo horjeedaan, wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal iyo inay ka jawaabto walaacyada laga qabo xiriirka ay la leedahay Israa’iil.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay hadallada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in Israa’iil ay Somaliland ka dhisanayso saldhig milatari ama mid badeed, wuxuu si adag u dhaliilay madaxweynaha isaga oo ku eedeeyay inuusan aqoon u lahayn xaaladda Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Israa’iil. Hase yeeshee, wareysiga kuma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya jiritaanka saldhigga la sheegay.

Wasiirku wuxuu sidoo kale su’aal geliyay sharciyadda siyaasadeed ee madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku dooday in Somaliland ay muddo 35 sano ah iskeed isu maamuleysay, isla markaana ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii 1960-kii. Dhanka kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland lagu doortay doorasho uu ku tilmaamay mid ku dhisan mabda’a qof iyo cod, isaga oo xusay inuu helay boqolkiiba 65 codadkii la dhiibtay.

Isaga oo ka hadlayay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, wasiirku wuxuu sheegay in Turkigu leeyahay saldhig milatari oo weyn oo ku yaalla Soomaaliya, isla markaana uu u joogo ilaalinta danihiisa, wuxuu dhaliilay mowqifka Turkiga ee ka dhanka ah xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo ku dooday in Turkigu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee xiriir la sameeya Israa’iil.

“Waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal la yeelanno cid kasta. Ma aaminsani inaan wax dhibaato ah kala dhexeyso Turkiga, balse waa inuu Somaliland u daayaa arrimaheeda” – ayuu yiri wasiirku. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa mar kale xaqiijiyay inay Somaliland ku adkaysanayso is-afgaradkii ay la gashay Itoobiya, isaga oo sheegay in labada dhinac ay leeyihiin xiriir wanaagsan, ayna Somaliland fahamsan tahay baahida Itoobiya u qabto marin-badeed.

Wuxuu sheegay in dekedda Berbera, oo ay casriyeysay shirkadda DP World, ay diyaar u tahay inay u adeegto Itoobiya, isaga oo xusay in hadda la isticmaalayo qiyaastii 30 ilaa 40 boqolkiiba awoodda dekedda, “Waxaan leenahay xeeb dheer oo Itoobiya ka faa’iidaysan karto. Dekedda Berbera waa diyaar, marinka u socdaana wuu jiraa, Itoobiya-na waxay u baahan tahay dekedo dheeraad ah” ayuu yiri Wasiir Bakaal. Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay Itoobiya u aragto saaxiib muhiim ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay kala hadasho hababka ay ku heli karto marin-badeed iyo iskaashi dhaqaale, wuxuu intaas ku daray in himilada Somaliland ay tahay in dekedda Berbera laga dhigo marin muhiim ah oo Afrika laga soo galo.

Isaga oo ka hadlayay xiisadaha iyo isbeddellada ka socda Geeska Afrika gaar ahaan xaaladda Itoobiya iyo Ereteriya, wasiirku wuxuu ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal, Wuxuu sheegay in Somaliland ay ka xun tahay dagaallada ka dhaca dalalka deriska la ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato xal u helidda dhibaatooyinka gobolka. “Waxaan rajeynaynaa in dhammaan khilaafaadyadan lagu xalliyo wadahadal, dadkuna ay fahmaan in dagaalku uusan waxba soo kordhinayn ayna wada fariistaan si ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal” – ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Somaliland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, isaga oo booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalkaas ku tilmaamay mid muhiim ah oo faa’iido leh.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku ay si wanaagsan u qaabishay farriinta Somaliland, isla markaana Somaliland ay doonayso in xiriirka labada dhinac kor loo qaado. Si kastaba ha ahaatee, wareysiga kuma uusan sheegin natiijo rasmi ah oo ku saabsan aqoonsi Maraykan oo Somaliland hesho.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

“Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Trump uu yahay nin weyn, taariikh ayuu sameeyey, waxaanu sameyn karaa taariikh intaas ka badan isaga oo aqoonsanaya dal cusub oo la yidhaahdo Somaliland” – ayuu yiri Cirro.

Published

on


Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ugu baaqay inuu aqoonsado Somaliland, isaga oo sheegay in tallaabadaasi taariikh cusub u furi karto Donald Trump. Cirro ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Breitbart News, intii uu ku sugnaa magaalada New York, halkaas oo uu kaga qeybgalay hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan aaminsanahay in Madaxweyne Trump uu yahay nin weyn, taariikh ayuu sameeyey, waxaanu sameyn karaa taariikh intaas ka badan isaga oo aqoonsanaya dal cusub oo la yidhaahdo Somaliland” – ayuu yiri Cirro. Waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Mareykanka kala shaqeyso la dagaallanka argagixisada, Burcad-badeedda iyo sugidda amniga badda iyo sidoo kale badqabka marinnada ganacsiga caalamiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee dekedda Berbera, isaga oo sheegay inay awood u leedahay inay qaabisho shixnadaha waaweyn ee ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in shirkado waaweyn oo maraakiibta ganacsiga ahi ay dekedda u isticmaalaan isu-socodka badeecadaha, isla markaana ay Somaliland noqon karto xarun saadka iyo ganacsiga isku xirta Afrika gaar ahaan dalalka aan lahayn xeebaha, sida Itoobiya.

Cirro ayaa sheegay in booqashadiisii Mareykanku ay ahayd mid wax-ku-ool ah, isaga oo xusay inuu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada, Senatka iyo masuuliyiin ka tirsan waaxyaha dowladda Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa arrimaha dibadda, dagaalka, tamarta iyo maaliyadda. Waxa uu sheegay in inkasta oo aanay weli Somaliland helin aqoonsi rasmi ah oo Mareykanku siiyo haddana ay ku qanacsan yihiin heerka wada-shaqaynta labada dhinac isla markaana ay rajaynayaan in xiriirku sii horumaro.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda amni ee Somaliland ay sii kordhayso gaar ahaan marka la eego xaaladaha Yemen iyo xiisadaha ka jira marin-biyoodka Hormuz. Waxa uu sheegay in Somaliland muddo 35 sannadood ah si madax-bannaan u sugeysay amniga biyaha ku xeeran, isaga oo ku dooday in goobta ay ku taallo Somaliland ay muhiim u tahay badqabka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah. Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Mareykanku ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Cirro ayaa aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo jebisay caqabaddii hortaagnayd aqoonsiga caalamiga ah, isaga oo sheegay inay Somaliland u sahashay inay si weyn uga dhex muuqato indhaha caalamka. Waxa kale oo uu taageeray in Trump la siiyo abaalmarinta Nabadda ee Nobel, isaga oo ku sababeeyey dadaallada uu sheegay inuu madaxweynuhu ka sameeyey xallinta colaadaha caalamka. Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay 2,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah u dirto Qasa, si ay uga qaybqaataan dadaallada nabadeed ee uu ku sheegay inay hoggaaminayaan xubno ka tirsan maamulka Trump.

Ugu dambayn, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland aanay Mareykanka u tegin inay codsato kaalmo dhaqaale balse ay doonayso iskaashi ku dhisan ganacsi, amni iyo horumar dhaqaale. Waxa uu farriin u diray shacabka Mareykanka, isaga oo Somaliland ku tilmaamay dal nabdoon oo dimuqraadi ah, lehna fursado maalgashi iyo goob istaraatiiji ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Arrimaha Amniga

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in dhinaca madaxweynihii hore uu muujiyay dulqaad si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

Published

on


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay eedeymo ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), soo saartay kuwaas oo la xiriira ilaaladiisa isaga oo sheegay in warbixinta hay’addu aysan ka tarjumayn xaqiiqada dhacdooyinka ka dhacay agagaarka hoygiisa.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen dhacdooyin amni oo walaac dhaliyay, oo ay ku jiraan jidgooyooyin iyo xannibaado saameeyay isu-socodka dadka iyo gaarsiinta adeegyada daruuriga ah ee deegaanka uu deggan yahay Shariif Sheekh Axmed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta madaxweynihii hore la afduubtay, isla markaana ay jireen ciidamo hubaysan oo la geeyay goobaha ku dhow hoygiisa. Xafiisku wuxuu sheegay in dhinaca madaxweynihii hore uu muujiyay dulqaad si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in hay’adaha amniga qaranku ka madax-bannaanaadaan loollanka siyaasadeed, isla markaana sharciga si siman loogu dhaqmo dhammaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalka. Waxa uu sidoo kale ka digay in eedeymaha amni ee aan si madax-bannaan loo xaqiijin loo adeegsado cadaadis siyaasadeed ama cabsi-gelin lagu beegsanayo mucaaradka.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xiisad amni oo cusub, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, is-aaminaad iyo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku heshiiyaan. Xafiiska Shariif Sheekh Axmed ayaa mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinka sharci-darrada ah dusha ka saaray dowladda, isaga oo ugu baaqay hay’adaha amniga, siyaasiyiinta iyo saaxiibbada caalamiga ah inay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa eedeymo u jeediyay qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay inay abaabulayaan maleeshiyaad hubaysan isla markaana ay wadaan tallaabooyin uu sheegay inay halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.

Fiqi oo qoraal uu u qoray bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in qaar ka mid ah kooxaha mucaaradku ay raadinayaan marmarsiinyo ay ku abaabulaan kooxo hubaysan. Waxa uu sidoo kale tixraacay dhacdooyin iyo weerarro uu sheegay inay dhaceen bishii Sebteembar 2025, iyo bilihii Maay iyo Juun ee sanadkaan. Wasiirka ayaa ku dooday in ciidamada dowladda aysan ahayn dhinaca bilaabay weerarrada, isaga oo eedeymo u jeediyay dhinacyada uu tilmaamay, kuwaas oo uu sheegay inay hore u fuliyeen weerarro.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in sharciga loo siman yahay, isla markaana aan cidna laga aqbali doonin tallaabooyin hubaysan oo lagu wiiqayo amniga caasimadda. Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo khatar ku ah nabadgelyada Muqdisho.

Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.

Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Doorashada2 hours ago

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar

Soomaaliya3 hours ago

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub

Arrimaha Amniga4 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?

Arrimaha Amniga17 hours ago

Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka

Ameerika24 hours ago

Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo gebi’ahaanba kala duwan

Soomaali Galbeed1 day ago

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya

Ameerika1 day ago

Xil. Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baaritaan ay Ciidamada Amniga Mareykanku ku sameeyeen gurigeeda

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo dooneysa in xubinnimada EAC ay u beddesho fursado dhaqaalle

Soomaaliya1 day ago

Soomaaliya oo karantiishay muwaadin la safray qof u geeriyooday cudurka Ebola

Geeska Afrika1 day ago

Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Xaggee Imaaraadka iyo Sacuudigu ka taagan yihiin?

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaan diyaar u nahay in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedda Berbera”

Arrimaha Amniga2 days ago

Cabdiraxmaan Cirro: “Trump waa nin weyn oo taariikh sameeyay, markale ayuu taariikh qori kara haddii uu Somaliland aqoonsado”

Geeska Afrika2 days ago

Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya

Soomaaliya2 days ago

Heerka macluusha Soomaaliya oo sare u kacay, kadib hoos u dhaca ku yimid gargaarka hay’adaha caalamiga ah

Afrika2 days ago

Ugu yaraan 72 macdan-qode Suudaaniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah: Hay’ad la socota xaaladda xuquuqda aadanaha

Sirdoonka & Militariga2 days ago

Soomaaliya iyo Ugaandha oo ku heshiyay iskaashiga milatari iyo dhaqaalaha

Geeska Afrika2 days ago

Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalo xuduudeed ah kadib markii ciidamo Eriteriyaan ay kasoo galeen

Tahriib iyo Tiiraanyo2 days ago

Doon ku qaribantay xeebaha Jabuuti oo galaaftay ugu yaraan 139 muhaajiriin ah

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif oo iska fogeeyay eedeymaha hay’adda NISA u jeedisay Ilaaladiisa

Arrimaha Amniga2 days ago

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo digniin culus u diray mucaaradka

Ameerika2 days ago

Masaajidda Minnesota oo adkeeyay ammaankooda, kadib hadal uu Trump u jeediyay dadka aan Soomaalida ahayn

Soomaaliya3 days ago

Himilo Qaran oo ka digay khataraha amni ee ka dhallan kara muranka siyaasadeed ee Soomaaliya

Arrimaha Amniga3 days ago

Imaaraadka oo duqeymo diyaaraddeed ku dilay dad rayid ah ee Maamulka Puntland

Diblomaasiyadda3 days ago

Dowladda Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xiisadaha gobolka iyo xiriirka Itoobiya

Itoobiya3 days ago

Itoobiya oo sheegtay inay qasab ku tahay iska difaacida duullaanka ay kusoo qaaday Ereteriya

Arrimaha Amniga3 days ago

OCHA oo ka digtay xaaladda bani’aadannimo ee Baydhabo, kuna baaqday in la joojiyo colaadda

Arrimaha Amniga3 days ago

Ciidanka Danab oo hawlgal ka fuliyay Jubbada Hoose, laguna dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Arrimaha Amniga4 days ago

Ciidamada taabacsan Laftagareen oo isku ballaariyay gobollada Baay iyo Bakool

Afrika4 days ago

71 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah

Arrimaha Amniga4 days ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub4 days ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub4 days ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga4 days ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya4 days ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika5 days ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub5 days ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga5 days ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Xul

Diblomaasi.com