Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya oo shacabkii ugu badnaa ka barakicisay magaalada Muqdisho
Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqda sida lagu eedeynaayo kuwa indhaha ka daday dhagahana ka xirtay qeylo-dhaanta cabashada ah bulshada danyarta ah ee ka imaanayso.

Xilligaan oo ay magaalada Muqdisho ka da’ayaan roobaabka xooggan ee Gu’ga magaalada Muqdisho Dowladda Soomaaliya dhankeedu waxay wadaa hawlgallada barakicintu oo loo adeegsanaayo ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya iyo gaadiidka Cagaf-cagafta ah, taasi oo keentay in dhibaatooyin isbiirsaday ay la kulmaan dadka rayidka ah gaar ahaan kuwa danyarta ah.
Waxay xalay ilaa iyo maanta Cagaf-cagafta dowladda federaalka Soomaaliya ee dadka dhulalka la siiyay awaamiirta ka haysta xafiiska Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhamaanayo Xasan Sheekh Maxamuud ee burburin ka wadaan degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Xaafadda qaar ee degmada Shibis ayaa habeenkii xalay ahaa iyagoo roobabku da’aayeen Cagafta dowladda ay ku bilaabeen dadka rayidka ah inay ka burburiyaan guryahooda oo jiingado u badnaa.
Waxaana la arkaayay oo ay sawirrada iyo muuqaallada soo qabteen dadka oo guryaha in laga barakiciyay deetana garabka ku raranaya alaabtooda iyo sidoo kale wixii ay markaasi qaadan karaan, qaarkoodna waxa ay sheegeen in agabka iyadoo aan guryaha aanu ka saarin laga burburiyay oo gaadiidka Cagaf-cagafta la dulmarsiiyay, taasoo ay ku tilmaameen mid arxan darro ah oo aan lagu tilmaami karin nidaam dowli iyagoo sidoo kale eedeyn u jeediyay Madaxweynaha amarkaasi soo bixiyay kuna tilmaameen mid aanu arxan lahayn oo dadka rayidka ah oo aanu u tureynin.
Sidoo kale, waxaa suuragal ah inay sii wado dowladda Soomaaliya hawlgalladaasi burburinta ah maadaama qeybo kale oo magaalada Muqdisho kamid ah digniin loo jeediyay oo dadka lagu amray inay ka guuraan goobahaasi.
Dadkii ay ka barakicisay saacadihii lasoo dhaafay dowladda federaalka Soomaaliya xaafada Buullo Daa’uud waxaa kamid ah Imaamkii Masjidka ee xaafadaasi oo lagu magacaabo Sheekh Qaasim Yaashey oo si weyn loogu garanayo degmada Shibis ahna wadaad aragga la hase ha haatee aanu ka daalin inuu dadka u wacdiyo diintana gaarsiiyo.
Waxaa uu la hadlay warbaahinta wuxuu tilmaamay in la weydiistay lacag gaaraysa 17 kun oo doollar, balse wuxuu xusay iskadaa inuu helo lacagta intaa la’egee meesha uu haatan degi doono kirada inaan awoodin iyo agabka guriga wixii uu ku raran lahaa taasi oo sheegay in aysan qabin karin in la weydiiyo lacag intaasi la’eg isagoo taagtiisa intaasi tahay.
Dhinaca kale, Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqda sida lagu eedeynaayo kuwa indhaha ka daday dhagahana ka xirtay qeylo-dhaanta cabashada ah bulshada danyarta ah ee ka imaanayso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya hoggaankeeda muddo xileedka dastuuriga ah waxaa kaga harsan 9 maalmood kaliya maadaama Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud 15-ka Maay inuu ku egyahay muddo xileedkiisa dastuuriga ah sida Madaxweynuhuba afkiisa ku sheegtay seddex sano kahor iyo xilliyo kala duwan inta uu ku jiray muddo xileedkiisa sharciga ah.
Mucaaradku waxay dhankoodu sheegayaan in dowladdu beriyahaan ay sii laba-jibaari karto hawlgallada barakicinta ah ee dadka dhulalkooda loogu boobaayo, maadaama waqtiga dowladdu gabaabsi yahay wixii ka dambeeya 15-ka Maay 2026, laga yaabo inay ku mashquuli karto kacdoonada siyaasadeed iyo midka bulsho ee xilligaasi suurtagalka ay tahay sida la sheegay in dalka uu fooda la geli karro.
Waxay dhinacyada qaar ay warrinayaan in Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud iyo xukunkiisa inta kula mideysan ay galaafsan karaan kacdoonada ka dhasha carrada shacabka hawlgallada burburinta caburinta iyo awood u sheegashada sharciga ka baxsan sida la sheegay iyo dhanka Mucaaradka oo ka careysan doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee dowladda ka shaqeynayso.
Doorashada
Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Galmudug oo loo asteeyay 22-ka Oktoobar
Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyadoo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026 ee bishaan.
Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada. Dhaarinta Golaha Wakiillada ayaa dhici doonta 16-ka Oktoobar. Sidoo kale, 17-ka Oktoobar ayaa la qabanayaa Araajida Musharraxiinta u tartamaya guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada, halka 18-ka Oktoobar loo asteeyay khudbadaha musharraxiinta iyo doorashada guddoonka baarlamaanka.
Dhanka doorashada Hoggaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug, guddigu wuxuu sheegay in 19-ka iyo 20-ka Oktoobar la qaban doono araajida musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa. Musharraxiinta ayaa khudbadahooda jeedin doona 21-ka Oktoobar, halka doorashada hoggaamiyaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa loo asteeyay 22-ka Oktoobar.
Jadwalkan ayaa qeexaya marxaladaha doorashada hoggaanka baarlamaanka iyo maamulka Galmudug. Hase yeeshee, faahfaahinta ku saabsan musharraxiinta tartamaya iyo habraacyada kale ee doorashada kuma jiraan jadwalka la shaaciyay.
Geesta kale, Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah maalintii shalay u ansixisay natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug, taas oo qabsoontay 30-kii Sebteembar 2026. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu Maxkamadda Sare u gudbiyay codsi ku saabsan ansixinta kama dambeysta ah ee natiijada doorashada.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ay dib u eegtay dukumentiyada la xiriira codsiga, isla markaana ay xaqiijisay in aan la soo gudbin dacwad waafaqsan qoddobka 73aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaas oo ka hor imaanaysa natiijada doorashada ku-celiska ah ee Galmudug.
Sidoo kale, Maxkamaddu waxay tixraacday qoddobada sharciga doorashooyinka iyo habraaca u degsan ansixinta natiijooyinka doorashooyinka, kuwaas oo awoodda ansixinta kama dambeysta ah siinaya Maxkamadda Sarre, kaddib marka guddiga doorashooyinku si ku-meel-gaar ah ugu dhawaaqo natiijada. Liiska natiijada ku jirta go’aanka Maxkamadda ayaa xusay musharraxiin ku guuleystay kuraas ay ku tartameen ururro siyaasadeed oo kala duwan.
Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale amartay in go’aanka loo gudbiyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isla markaana loo faafiyo si waafaqsan habraacyada sharciga ah, Ansixintan ayaa dhammaystiraysa marxaladda garsoorka ee xaqiijinta natiijada doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada Galmudug, sida ku cad go’aanka Maxkamadda Sare.
Soomaaliya
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, hindise-sharciyeedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 1968-kii, sida ay dowladdu sheegtay.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraarka taabbo-gelinta Dastuurka cusub, iyaga oo guddi wasiirro ah u xilsaaray diyaarinta hindise-sharciyeed qeexaya dhismaha Xukuumadda, tirada xubnaheeda iyo waajibaadkooda.
Shir aan caadi ahayn oo xalay guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayay goluhu kaga hadleen fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Guddiga loo magacaabay dardargelinta fulinta Dastuurka waxaa guddoominaya Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana loo qabtay muddo laba bilood ah si uu u diyaariyo hindise-sharciyeedka dhismaha Xukuumadda, kaas oo lagu qeexi doono tirada wasiirrada iyo waajibaadka hay’adaha xukuumadda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, hindise-sharciyeedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 1968-kii, sida ay dowladdu sheegtay. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka ka sheegay in Dastuurku dhaqan-gal yahay isla markaana fulintiisa loo marayo marxalado kala duwan. Waxa uu sidoo kale xusay qorshaha Xukuumadda ee ah in sannadka 2027 dalka laga qabto doorasho heer federaal ah oo qof iyo cod ah.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ku saabsan soo celinta nidaamka koodhka Soomaaliya ee Ururka Gaadiidka Cirka Caalamiga ah (IATA), kaas oo la xiriira nidaamyada maamulka tigidada diyaaradaha. Wasaaraddu waxay sheegtay in dib u soo celinta nidaamkan ay muhiim u tahay maamulka iyo nidaaminta adeegyada tigidada duulimaadyada, xiriirka nidaamyada safarka caalamiga ah iyo horumarinta adeegyada duulista rayidka ee Soomaaliya.
Dastuurka cusub waxaa ansixiyey labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya
4-ta bishaan maarso kulan ay si wadajir ah u yeesheen Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ku meelmariyay wax-ka-beddelka iyo dhammeystirka Dastuurka. Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in kooramka Xildhibaanada ku sugan BFS uu yahay 186 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah, maanta laga bilaabana uu dhaqan-gal yahay dastuurka dalka. Sida dastuurka ku cad ansixinta dastuurka in loo baahan yahay 220 Xildhibaan 184 Aqalka hoose iyo 36 Aqalka sare ah.
Dastuurkan waxaa ku jira qodobo badan oo muran siyaasadeed iyo dood sharciyeed ka taagan tahay, gaar ahaan cutubyada 4aad ilaa 15aad. Cutubyadan waxay taabanayaan arrimo aad u muhiim ah sida maamulka kheyraadka dabiiciga ah, awood qaybsiga dowladaha federaalka iyo dowlad goboleedyada, hay’adaha dowladda, nidaamka garsoorka, iyo habka wax ka beddelka dastuurka. Muranka ku saabsan qodobadan wuxuu saameyn weyn ku leeyahay xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dowladnimo ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Maarso 2026, saxiixay dastuurka cusub ee dalka si uu u dhaqan galo, taasoo soo afjartay dastuur ku meel gaar ah oo muddo dheer soo jiray. Madaxweynaha ayaa Axaddii ogolaaday dib-u-habaynta dastuurka Soomaaliya. Afhayeennada baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa.
Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in hirgelinta dastuurka cusub ay si degdeg ah u dhaqan gasho, wuxuuna rajo ka muujiyay in sharciga cusub uu qaranka u horseedi doono “xasillooni siyaasadeed.“ Dastuurka ayaa soo bandhigaya isbeddello badan, oo ay ku jiraan shuruudaha madaxweynaha, xaddidaadaha muddada, iyo qaabka loo dooranayo wakiillada dadweynaha ee baarlamaanka.
Arrimaha Amniga
Maxay ka dhigan tahay in Dowladda Soomaaliya Laftagareen iyo Taliye Shub ay ku dartay liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee la xiriirta Al-Shabaab?
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab.

Guddiga Qaranka ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya ayaa liiska cunaqabataynta maaliyadeed ku daray 10 qof oo uu ku tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Dadka magacyadooda la shaaciyey waxaa ku jira Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Shubka. Go’aanka ayaa soo baxay maalinta shalay isla markaana dhigaya in la xayiro hantida dadka liiska lagu daray laga mamnuuco macaamillada maaliyadeed ee lala sameeyo, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) lagu wargeliyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu sheegay in tallaabada ay salka ku hayso xog iyo caddeymo uu qiimeeyey oo la xiriira tuhunno ku saabsan taageerada maaliyadeed ee Al-Shabaab. Hase yeeshee, dukumentiga lasoo bandhigay ma faahfaahin caddeymaha gaarka ah ee qof kasta lagu saleeyey go’aanka. Laftagareen ayaa markii ugu horreysay hoggaanka Koonfur Galbeed loo doortay sannadkii 2018, wuxuuna xilka hayey illaa dhammaadkii Maarso 2026, markaas oo ay Dowladda Federalka talada si xoog ah talada ugala wareegtay, iyadoo Koonfur Galbeed ka dhistay maamul cusub.
Cabdicasiis Laftag areen ayaa tan iyo intii laga tuuray xukunka wuxuu duullaan ku ahaa magaalada Baydhabo, isagoo qaaday illaa afar jeer oo weerraro ah oo dhaliyay khasaare xooggan. Ciidankiisa daacadda u ah wax ay haatan ku sugan yihiin duleedka magaalada Baydhabo.
Sida ku cad dukumentiga, hay’adaha maaliyadeed iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso sharciga waxaa laga mamnuucay inay macaamillo la sameeyaan dadka liiska ku jira. Waxaa sidoo kale waajib ku ah inay xayiraan hantida ay leeyihiin, isla markaana Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee Soomaaliya (FRC) u gudbiyaan warbixinno degdeg ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee lala xiriiriyo.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in xiriir kasta oo dhaqaale ama fududeyn maaliyadeed oo loo sameeyo dadka liiska ku jira uu mamnuuc yahay, iyadoo cid kasta oo jebisa go’aanka lala tiigsan karo sharciga. Magacyada liiska waxaa kamid ah, 1· Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen 2· Xassan Cabdulqaadir Maxamed 3· Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub 4· Ibraahim Aadan Cali Najax 5· Xassan Cabdi Maxamed Ugaas Xassan 6· Cabdullaahi Cali Watiin 7· Cabdifitaax Mahad Cabdiraxman 8· Cabdimajiid Mowlid Xassan 9· Amiin Mad Daruur 10· Abshir Aadan Isaaq.
Iskahorimaadyada hubeysan ee ka dhacaya magaalada Baydhabo waxay muujinayaan in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogagga taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu isu beddelay xaalad amni oo si toos ah u taabanaysa shacabka.
Dagaalada dhexmaraya ciidamada federaalka ah iyo xoogaga maxalli ah oo daacad u ah Laftagareen, iyadoo warbixinno ay sheegeen in magaalada iyo hareeraheeda laga adeegsaday hub culus, diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Dowladda federaalku waxay sheegtay in ciidamadeedu iska caabiyeen weerarka, halka Laftagareen uu bogaadiyay hawlgalkii dagaalyahannadiisa. Marka laga fiiriyo aragtida cilmiga amniga, dhacdadan looma fahmi karo oo keliya dagaal u dhexeeya laba ciidan. Waxay ka dhalatay isku-dhaca sharciyadda siyaasadeed, awood-qaybsiga federaalka, xakamaynta hay’adaha amniga iyo tartanka hoggaanka Koonfur Galbeed. Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa door muhiim ah ku lahayd isbeddelka siyaasadeed ee Baydhabo, balse dhacdooyinka soo noqnoqday waxay sidoo kale muujinayaan kharashka amni iyo bani’aadannimo ee ka dhasha marka khilaaf siyaasadeed lagu xalliyo cadaadis iyo awood ciidan.
Arrimaha Amniga
Wasiir Fiqi oo sheegay in ay madax jebinayaan siyaasiyiinta mucaaradka
Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in dowladda federaalku weerartay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, isaga oo ku dooday in dowladda ay mas’uul ka tahay sugidda amniga dalka, isla markaana ay sharci u leedahay inay tallaabo ka qaaddo meelaha lagu ururinayo hubka iyo maleeshiyaadka.
Wasiirku wuxuu sheegay in haddii dowladdu damacsanayd inay weerarto guriga Shariifka ay fursado badan u heshay inay sidaas samayso balse ay dooratay wadahadal iyo in arrimaha lagu xalliyo si nabadeed. Waxa uu intaas ku daray in dhacdooyinkii hore ee la xiriiray xiisadaha amni ay muujiyeen in dowladda ay dhowr jeer ka gaabsatay tallaabo milatari.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada inay maleeshiyaad hubaysan u soo direen goobta ay xiisaddu ka taagan tahay, isaga oo sheegay in halkaas lagu ururiyay hub, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caasimadda. Wasiir Fiqi Wuxuu sheegay in dowladda ay heshay xog ku saabsan ilaa 260 askari oo hubeysan oo la doonayay in lagu carqaladeeyo amniga. Isaga oo ka digaya cawaaqibka ay yeelan karto in maleeshiyaad hubeysan laga dhex sameeyo goobaha ganacsiga iyo hoteellada, ayuu wasiirku sheegay in arrintaasi halis ku tahay shacabka iyo maalgashiga, isaga oo bulshada Soomaaliyeed iyo culimada ugu baaqay inay ka hortagaan xaalad uu ku tilmaamay aafo amni.
Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda aan laga hor istaagi karin inay tagto goobaha ay ka jirto khatar amni gaar ahaan meelaha lagu tuhunsan yahay in hub lagu ururinayo ama lagu diyaarinayo falal amniga wax u dhimaya. Wuxuu sheegay in waajibka dowladda uu yahay inay ka hortagto khatarahaas, isla markaana ay ilaaliso amniga guud ee dalka. Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa yimid, maalin kaddib markii mucaaradka ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay duullaan ku tahay hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaasoo hoygiisa maalmihii ugu dambeeyay lagu arkayay ciidmao dowladda ah oo ku gaaf wareegaya.
Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka, iyadoo ay walaac ka taagan tahay saamaynta ay isku dhacyada siyaasadeed ku yeelan karaan xaaladda amni ee caasimadda.
Dad badan ayaa aamin in dooddaha siyaasadeed ee xalka loo waayay ay sababi karaan khalalaase siyaasadeed iyo mid amni xilli dhinaca kale eedeymaha loo jeedinaayo hoggaanka dowladda uu yahay in muddo kororsi ay sameysteen oo aanu sharciyad lahayn taasoo Mucaaradka iyo saamileyda kale ee siyaasadu ka biyo-diideen.
Geesta kale, Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ku biirisay walaaca beesha caalamka ee sii kordhaya ee ku aaddan xaaladda hubanti la’aanta ay Soomaaliya gashay kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii billo kahor Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga socday magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay noqdeen wadahadalladii ugu dambeeyay ee la isku dayay in ay dhinacyadu heshiis dhinaca doorashooyinku ay ku gaaraan.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay la soccoto xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyadoo ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Mucaaradka inay sii wadaan wadahadallada si heshiis loogu gaaro khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya ka taagan.
Ku-xigeenka Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in xoghaayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu si dhow ula socdo horumarada siyaasadeed iyo isbeddellada ka dhacaya dalka Soomaaliya gaar ahaan wadahadalladii dhowaan dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliyeed.
Bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxa uu imaanaya kadib shirar isdaba-jooga ah oo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacaayay kuwaasi oo is-afgarad la’aanta ay kusoo dhammaadeen iyadoo ay wali taagan tahay xiisadda la xiriirta hanaanka doorashada, dastuurka, muddo kordhinta dowladda federaalka ay sameysatay ee halka sano. Illaa iyo hadda safiiradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sii wada iskudayo labada dhinac markale miiska wadahadalka la isugu keenaayo si ay heshiis ugu gaaraan khilaafka salka ku haaya doorashooyinka Soomaaliya oo muddadii dhaafay.
Soomaali Galbeed
Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xaqiijisay in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen xadka Itoobiya
Hoggaanka Nabadda Deegaanka wuxuu sheegay in ciidamada loo kala diray koox-koox, isla markaana lagu sugayo habraacyada iyo heshiisyada labada dal.

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in ciidamo ay tababartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galeen gudaha Itoobiya, kuwaas oo hadda la marinayo hannaan rasmi ah oo labada dal u dhaxeeya.
Hoggaanka nabadgalyada deegaanka, Cabdulqaadir Rashiid Ducaale ayaa sheegay in ciidamadan ay dhowaan gaareen Jigjiga, kaddib markii ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuu sheegay in ciidamada loo kala diray koox-koox, isla markaana lagu sugayo habraacyada iyo heshiisyada labada dal.
Wuxuu sheegay in ciidamadu aysan si rasmi ah ugu soo gudbin Itoobiya hannaan cad oo lagu xaqiijiyey ujeeddada safarkooda, balse hadda la wado dadaallo lagu waafajinayo shuruucda iyo habraacyada labada dal. Sida uu sheegay kiiskan ciidankan waxaa gacanta ku haya hay’adaha sharciga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo heli lahaa xal rasmi ah.
Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in shacabka lala wadaagi doono wararka la xaqiijiyey iyo xogaha rasmiga ah ee arrintan ku saabsan, isaga oo ka digay faafinta warar aan la hubin oo abuuri kara jahawareer. Ciidamadan ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaana hadda la geeyey magaalada Diridhaba, sida ay sheegayaan xogaha la helayo.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kawada hadleen xaaladda ciidamada, iyadoo ay suuragal tahay in dib loogu celiyo Soomaaliya laguna qaado diyaarado. Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaa kumanaan askari oo sanadkan lagu tababaray gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay la dagaalamayaan kooxda Alshabaab. Markii tababarka loosoo xiray boqolaal kamid ah ciidankan ayaa u goosay dalka Itoobiya, iyadoo la sheegay inay la goosteen qoryo dowladdu ku hubaysay markii la tababaray.
Dhanka kale, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Agoosto 2026, Dugsiga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaano, saraakiil iyo marti sharaf kale.
Ciidamada tababarka qaatay ayaa munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar. Tababarka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Madaxweynaha muddo dhaafka ah ayaa dhowaan sheegay in markii uu xilka yimid aysan jirin maamul goboleedyada ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo xusay inuu door ku lahaa dhismaha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri: “Dalka markaan imid ma jirin dowlad goboleedyo laga bilaabo Gaalkacyo ilaa Kismaayo, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle anaa dhisay, Koonfurta iyo Bartamaha ayaa la oran jiray.”
Arrimaha Amniga3 months agoKooxda Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday talis ay wada degnaayeen CXD iyo macwiisleyda
Geeska Afrika3 months agoWasiirkii Difaaca Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal Paris
Geeska Afrika2 months agoBoqolaal qof oo ka qaxay Tigray una gudbay dalka Suudaan kadib dagaal ka qarxay xadka Itoobiya
Sirdoonka & Militariga3 months agoSacuudiga oo bilaabay qorshe kumanaan askar Soomaali uu ku tababaraayo
Ganacsiga2 months agoSoomaaliya oo si rasmi ah u ansixisay ku biirista Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika
Soomaaliya2 months agoSoomaaliya oo la dhibaatoonaysa khilaaf ka dhashay xukun isku dhajin lagu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud
Afrika3 months agoAljeeriya iyo Maali ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda ka dib khilaaf sanad socday oo u dhexeeyay
Diblomaasiyadda4 weeks agoMareykanka oo Devin Kennington usoo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya
Ameerika3 months agoDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku dartay dalalka ugu khatarta badan ee muwaadiniinteeda ay booqdaan
Doorashada3 months agoDoorashada Galmudug oo sababo awgeed dib loogu dhigay 30-ka bishaan
Arrimaha Amniga2 months agoNISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Afrika3 months agoKalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
Yurub3 weeks agoDhalinyarro Soomaali ah oo Iswiidhan laga masaafurinayo, iyadoo hooyadood iyo walaalahood ay dalka ku nool yihiin
Arrimaha Amniga3 months agoMareykanka oo loogu baaqay inuu joojiyo taageerida militari iyo mida amni ee uu siiyo dowladda Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoDagaalka culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo PSF oo ka soconaya gobolka Bari
Arrimaha Amniga2 months agoMaamulka Puntland oo feylaha jaray dammaca Villa Soomaaliya ee deegaannada Puntland
Doorashada3 months agoGuddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo lagu eedeeyay hab-dhaqan ka fog guddi doorasho
Sirdoonka & Militariga2 months agoSoomaaliya oo taageertay isbahaysiga cusub ee amniga Badda Cas ee Sacuudigu hoggaaminayo
Geeska Afrika2 months agoDhulgariir xooggan oo ka dhacay dalka Masar, Soomaalida ku nool Qaahira oo cabsi xooggan ku abuuray
Siyaasadda Arrimaha Dibadda3 months agoDowladda Turkiga oo kordhinaysa joogitaanka ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdirashiid Janan oo muddo kadib dib ugu goosanaayo Maamulka Jubbaland
Arrimaha Amniga2 months agoSafaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo qaabishay Taliyaha Akadeemiyadda Militariga Kenya
Arrimaha Amniga3 months agoCabdiraxmaan Cirro oo kala furfurid kuwado Maamul Goboleedka Waqooyi Bari
Doorashada3 months agoMaxay ka dhigan tahay boggaadinta RW Xamse Cabdi ee wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka?
Afrika2 months agoMidowga Afrika oo markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya
Arrimaha Amniga1 month agoMadaxweyne Mustafe Cagjar oo Jabhada ONLF ku eedeeyay inay rabto in ay deegaanka qalalaase galiso
Ganacsiga & Dhaqaalaha1 month agoMaxay ka dhigan tahay in Markabka dagaal ee Turkiga ku soo xirto dekedda Muqdisho?
Arrimaha Amniga2 months agoMadaxweynihii hore Xasan Sheekh oo faray hay’adaha amniga qaranka in ay yeeshaan howl-wadeenno leh aqoon
Sirdoonka & Militariga2 months agoDowladda Soomaaliya oo bilowday qorshe cusub oo warbaahinta looga qaybgelinayo dagaalka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah
Afrika2 months agoBangigga Adduunka oo shirkad Kenyaan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Soomaaliya3 months agoGuddiyada farsamada dowladda iyo mucaaradka oo markale ku kulmay magaaladda Muqdisho
Afrika3 months agoXildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirweynaha Baarlamaanka Afrika
Arrimaha Amniga2 months agoWafdi saraakiil oo ka socda DFS oo gaaray deegaanno ka tirsan Maamulka Waqooyi Bari
Arrimaha Amniga1 month agoGolaha Ammaanka QM oo shaaciyay tirada dagaalyahaanada Daacish ee ku sugan Soomaaliya
Socdaal iyo Dalxiis3 months agoDowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga
Arrimaha Amniga2 months agoMaxkamad ku taalla dalka Kenya oo 115 sano oo xukun xabsi ah ku riday xubin ka tirsan Al-Shabaab
Sirdoonka & Militariga3 months agoMadaxweynihii hore ee Iiraan Axmadinejad, ma wuxuu ahaa basaas u shaqeeya Israa’iil?
Soomaaliya2 months agoShan sano kadib Madaxweyne Xasan Sheekh wixii uu kaga digi jiray MW hore Farmaajo miyuu Soomaali bidayaa?
Arrimaha Amniga3 months agoCiidamada Kenya oo hawlgallo baaxad leh kawada xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Arrimaha Amniga3 months agoColaadda Mareykanka iyo Iiraan oo saameyn ku yeelatay amniga Maraakiibta mara biyaha Soomaaliya









































