Connect with us

Socdaal iyo Dalxiis

Duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya oo maalintii Sedexaad hakad ku jira

Hakadka ayaa si gaar ah u saameeyay duulimaadyada u dhexeeya Muqdisho iyo Nayroobi oo ah mid ka mid ah khadadka duulimaadyada ee ugu muhiimsan gobolka.

Published

on


Duulimaadyadii isku xiri jiray Soomaaliya iyo Kenya ayaa maalintii Sedexaad oo xiriir ah hakad ku jira, iyadoo boqolaal rakaab ah ay ku xayirmeen garoomo diyaaradeed oo ku yaalla labada dal iyo meelo kale oo gobolka Bariga Afrika ah.

Hakadka ayaa si gaar ah u saameeyay duulimaadyada u dhexeeya Muqdisho iyo Nayroobi, oo ah mid ka mid ah khadadka duulimaadyada ee ugu muhiimsan gobolka isla markaana ay si joogto ah u isticmaalaan ganacsatada, bukaannada caafimaad u safraya, shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo Soomaalida ku nool dalalka dibadda.

Wararka laga helayo dhinaca duulista ayaa sheegaya in dhowr duulimaad oo u kala gooshi lahaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho iyo Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nayroobi la baajiyay, iyadoo hakadkaasi uu yimid xilli ay garoonka Nayroobi ka jiraan dib-u-dhacyo iyo carqalado baahsan oo ku yimid shaqaalaha iyo maamulka duulimaadyada.

Boqolaal rakaab ah ayaa wajahaya dib-u-dhacyo iyo hubanti la’aan ku saabsan waqtiga ay dib u bilaaban doonaan duulimaadyadoodu. Qaar ka mid ah rakaabka ayaa la sheegay inay ku xayirmeen garoonka Jomo Kenyatta halka kuwo kale ay ku sugayaan garoomo ku yaalla dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale ee Afrika, iyagoo sugaya duulimaadyadii ay Nairobi uga sii gudbi lahaayeen Soomaaliya.

Qaar ka mid ah rakaabka ayaa sidoo kale wajahaya dhibaatooyin la xiriira hoy, cunto iyo dib-u-qabashada tikidhada, iyadoo shirkadaha diyaaradaha ay isku dayayaan inay maareeyaan tirada badan ee duulimaadyada dib u dhacay ama la baajiyay.

Hakadka ayaa ku soo beegmaya xilli ay garoomada Kenya gaar ahaan Jomo Kenyatta ka jiraan carqalado ka dhashay dhaqdhaqaaq shaqaale iyo cadaadis ku yimid adeegyada hagista iyo maamulka hawada.

Carqaladaha ka jira garoonka Nayroobi ayaa sababay dib-u-dhacyo iyo baajinta duulimaadyo badan oo gudaha iyo dibadda ah, taasoo saameyn ku yeelatay isku xirka Soomaaliya iyo Kenya.

Nayroobi ayaa muddo dheer ahayd xarun muhiim u ah isku socodka Soomaaliya iyo caalamka, iyadoo rakaab badan oo ka imanaya Soomaaliya ay halkaas uga sii gudbaan dalalka Bariga Dhexe, Yurub iyo meelo kale.

Dowladda Kenya oo cadaadis diblomaasiyadeed ku kordhisay Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa u muuqata inay sare u qaaday cadaadiska ay saareyso Dowladda Federaalka Soomaaliya kaddib markii laba mas’uul oo sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya laga soo celiyay garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya toddobaadyadii u dambeeyay laguna amray inay dib ugu laabtaan magaaladda Muqdisho.

28-kii bishii Juun 2026, waxaa garoonka JKIA laga soo celiyay Ku-xigeenka 2aad ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji halka 26-kii Luulyo 2026, sidoo kale loo diiday gelitaanka gudaha Kenya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Abshir Bukhaari waxaana dib loogu celiyay Muqdisho, sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin labada dhacdo.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Nayroobi uu wajahayo caqabado xooggan. Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa dhawaan sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo baarlamaanku uu dhammaaday isla markaana Soomaaliya ay gashay marxalad hubanti la’aan ah iyo firaaq dastuuri ah.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan weli ka jawaabin hadalladaas iyo soo celinta labada mas’uul, dhacdooyinkan is xigxiga ayaa sii xoojiyay hadalheynta ku saabsan xaaladda xiriirka labada dal iyo fariimaha siyaasadeed ee laga dheehan karo tallaabooyinka ay Kenya qaaday.

Facebook Comments Box

Ibraahim Cusmaan Jibriil wuxuu ka tirsan yahay bahda Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada sida wacyigelinta bulshada, dhiirigelinta da'yarta. Dhinaca kale wuxuu wax ka qora ganacsiga, siyaasada, dhaqanka, kheyraadka dalka, af-soomaaliga, isbedelka cimilada, suugaanta, arrimaha qoyska, iyo taarikhaha dalka. Waa shaqsi u taagan sidii geed-dheer iyo geed-gaabanba loogu fuuli lahaa sidii loo soo noolayn lahaa dhaqankii iyo sooyaalkii ay lahayd ummada soomaaliyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Socdaal iyo Dalxiis

Turkiga oo beenisay wararka sheegaya in Soomaaliya xayiraad fiiso kusoo rogtay muwaadiniinteeda

“Ma jiraan wax xayiraado cusub ama isbeddello sharci oo lagu sameeyay nidaamka fiisaha ee labada dal” ayay xaruntu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Published

on


Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyey oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay soo rogtay xayiraado cusub oo dhanka fiisaha iyo socdaalka ah oo lagu wajahayo muwaadiniinta Turkiga ee u safraya gudaha dalka Soomaaliya.

Xarunta Madaxtooyada Turkiga u qaabilsan la-dagaallanka wararka marin-habaabinta ah ayaa sheegtay in wax isbeddel ah aan lagu samayn nidaamka fiisaha iyo socdaalka ee u dhexeeya labada dal. Xaruntu waxay caddeysay in muwaadiniinta Turkiga iyo Soomaaliya ay weli isaga kala safri karaan labada dal, iyadoo la raacayo nidaamyadii hore u jiray.

“Ma jiraan wax xayiraado cusub ama isbeddello sharci oo lagu sameeyay nidaamka fiisaha ee labada dal” ayay xaruntu ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Hay’adda ayaa wararka la faafiyey ku tilmaantay kuwo aan sax ahayn iyadoo sheegtay in faafintooda ay waxyeello u geysan karto xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxay sidoo kale shacabka ugu baaqday inay xogta ku saabsan shuruudaha fiisaha iyo xeerarka socdaalka ka raadiyaan hay’adaha rasmiga ah. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u xoogaystay tan iyo booqashadii uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo xilligaas ahaa Ra’iisul wasaare ku tegay Muqdisho sannadkii 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalad adag oo bani’aadannimo oo abaar daran ah.

Tan iyo xilligaas Ankara waxay Soomaaliya ka fulisay mashaariic gargaar bani’aadannimo iyo horumarineed, iyadoo maalgelin iyo taageero ka geysatay dhinacyada amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Shirkado laga leeyahay Turkiga ayaa sidoo kale maamula adeegyada garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo dekedda Muqdisho.

Iskaashiga labada dal ayaa sidoo kale gaaray dhinaca amniga, iyadoo Soomaaliya iyo Türkiga ay bishii Febraayo 2024, kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo qayb ka ah xiriir amni oo labada dhinac soo jiray muddo dheer.

Turkiga ayaa sidoo kale door diblomaasiyadeed ka qaadatay dadaallada lagu xallinayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Ankara martigelisay wadahadallo u dhexeeyay labada dal oo ugu dambeyn horseeday Bayaanka Ankara ee bishii Diseember 2024.

15 sano kadib xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga muxuu horseeday?

15 sanno kadib xiriirkii ku bilowday taageeridda gargaarka bini’aadanimo ee Turkiga uu kusoo galay Soomaaliya bartamihii 2011-kii, oo ay Soomaaliya ka jirtay xaalad abaar oo dalka qeybo kamid ahna macluul isku beddeshay. Xilligaan Soomaaliya iyo Turkiga xiriirkooda ayaa sii xoogaysanaya inkastoo ay barbar socdaan dhaliilo ka imaanaya dhanka gudaha oo ku wajahan dhinaca dowladda Turkiga.

Xiriirkaas oo ku bilowday booqashadii dowladda Turkiga Ra’iisulwasaarihii xilligaasi isla haatan ah Madaxweynaha dalka Turkiga, Reccept Tayyip Ordogan uu kusoo gaaray gudaha dalka Soomaaliya booqdayna goobaha dadka barakacyaasha ah xilligaasi uu Madaxweyne Soomaaliya ka ahaa Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxaa uu jirsaday xiriirka haatan 15 sanadood.

Turkigu waxa uu ballaariyay dhammaan saameyntiisa dhanka gudaha Soomaaliya isaga oo sameystay saldhigga ugu ballaaran marka la eego dhanka ciidanka kaas oo ah xerada TURKSOM halka sidoo kale dekedda Muqdisho, garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale oo muhiim ah oo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka maamulkeeda uu la wareegay dhowr iyo tobankii sanadood ee lasoo dhaafay.

Waxaase intaasi dheer heshiisyo kale oo dhinaca kheyraadka taabanaya oo ay ugu horreeyaan tan shidaalka iyo sidoo kale arrimaha kulluunka oo dhammaantoodba abuuray xiisad dhanka gudaha ah iyo dowlad goboleedyadda qaar oo arrintaasi si kulul ugu horymid.

Dhinacyada siyaasadda odorosa ayaa sheegaya marka la eego heshiisyada waaweyn iyo sida baaxadda leh ee uu dalka kheyraadkiisa isugu fidiyay Turkiga inay tahay mid ka duwan filashadii Soomaalida ee aheed in uu dhanka dowladnimada iyo gargaarka bini’aadanimada ee uu dalka kusoo galay uu Turkiga sii wadayo. Halka sidoo kale ay jiraan dhaliilo xooggan oo laga dirayo heshiis dhanka kheyraadka oo boqolkiiba 95% Turkiga uu qaadanayo halka boqolkiiba 5% la siinayo Soomaaliya marka ay dhacdo in lasoo saaro shidaalkaasi oo haatan howshiisa ay soccoto.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Socdaal iyo Dalxiis

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bahdil weyn kala kulantay Turkiga

Go’aankaan ayaa imaanaya xilli Turkiga oo Soomaaliya uu ka leeyahay dano waaweyn oo istiraatiji ah xirir dhowna uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Published

on


Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in Sagaal dal oo Afrika ku yaalla inay u qalmaan barnaamijkeeda Visa Electronic-ga iyo E-visa sannadka 2026, iyadoo Soomaaliya aysan ku jirin dalalkaasi sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Visa Electroniga Turkiga.

Dalalka Afrika ee loo oggolyahay inay codsadaan Visa Electroniga waxay kala yihiin Al-jeeriya, Cape Verde, Masar, Equatorial Guinea, Liibiya, Marutaaniya, Namibiya, Senigaal iyo Koonfur Afrika.

Muwaadiniinta kale ee Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya waxaa looga baahan yahay fiisaha Turkiga ay ka codsadaan safaaradaha iyo qunsiliyadaha Turkiga.

Go’aankaan ayaa imaanaya xilli Turkiga oo Soomaaliya uu ka leeyahay dano waaweyn oo istiraatiji ah xirir dhowna uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya isla markaana uu ka hirgeliyay mashaariic waaweyn gudaha dalka kuwaasi oo ay kamid yihiin dhinacyada amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Turkiga waxa sidoo kale uu kamid yahay saaxiibada ugu waaweyn ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa uu maalgashaday dekedda iyo garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho, waxa uu tababar siiyaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya isla markaana wuxuu door muhiim ah uu ka qaadanayaa dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo adeegyada bulshada dalka Soomaaliya.

Labada dalka ayaa sidoo kale sanadihii u dambeeyay kala saxiixday heshiisyo ku saabsan iskaashiga difaaca, dhaqaalaha iyo tamarta kuwaasi oo dowladda federaalka ku tilmaamtay kuwa xoojinaya iskaashiga istiraatijiga ah ee labada dal ka dhexeeya.

Illaa iyo hadda dowladda Turkiga ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan sababaha Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika intooda badan looga reebay barnaamijka Visa Electroniga sida ay qortay The Point, muwaadiniinta dalalka kale aan ku jirin liiska waxaa looga baahan yahay in si caadi ah Visa ay ugu dalbadaan safaaradaha iyo qunsilliyadaha Turkiga.

Turkiga waxa uu ku leeyahay dalka Soomaaliya saldhig militari oo aad u weyn iyo safaarada ugu ballaaran qaaradda Afrika, wuxuu Ballaayiin doollar uu ku maalgeliyay dalka kaabeyaashiisa dhaqaalaha iyadoo illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya aysan ka hadlin tallaabadaan uu qaaday Turkiga ee Electronic E-visa looga diiday muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya

Xiriirka siyaasadeed, kan dhaqaale iyo militari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, oo si xowli ah u horumarayay tan iyo sanadkii 2011, ayaa galaya marxalad cusub kaddib “Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha” ee la kala saxiixday Febraayo 8. Sida ku xusan heshiiska, Turkiga, oo saldhig militari ku leh Muqdisho, ayaa muddo 10 sano ah difaaci doona biyaha Soomaaliya wuxuuna gacan ka geysan doonaa horumarinta kheyraadka badda.

Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka uu Tukrigu maalgashtay siyaasad ahaan, dhaqaale iyo militari ahaan tan iyo sanadkii 2011. Gudaha Soomaaliya waxaad ku arkaysaa ganacsiyo badan uu Turkiga leeyahay sida maqaayadaha, Hotelada iyo ganacsiga dhisida guryaha.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa xiriir dhow la leh Soomaaliya, waana saaxiibka ugu horreeya ee dhaqaalaha, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo sidoo kale iskaashiga milatari wuxuuna magaaladda Muqdisho ku leeyahay safaaradiisa ugu weyn ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, wuxuu leeyahay saldhiga ugu weyn ee Turkiga iyo xarun tababar oo lagu tabbabaro ciidamada Soomaaliya oo wali ku jira dib-u-dhis qaatay sanado badan, kaasoo horay loogu tababaray in ka badan 5,000 oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta Turkiga.

Iyadoo ujeedka tabbabarka ciidamada Soomaaliya ay tahay sidii ay ula wareegi lahayeen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS, kuwaas oo ciidamadooda lagu wado in ay baxaan gudaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa ku habsaday dagaallo sokeeye oo qabiil salka ku haayey kaasoo socday tobanaan sano iyo dagaallo dhiig badan ku daatay oo ay wadaan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Socdaal iyo Dalxiis

Kummanaan tahriibiyaal oo Soomaali ku jirta oo lagu la’ayahay xeebaha dalalka Liibiya iyo Talyaaniga

Markab ganacsi iyo doomo ka hawlgala agga dhibaatada ka dhacday ayaa badbaadiyay 32 qofood kuwaasi oo si ammaan leh loogu wareejiyay jaziirada Lambuza ee Koonfurta dalka Talyaaniga.

Published

on


Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa xaqiijisay in ka badan 80 ruux oo tahriibiyaal ah lagu la’yahay xeebaha Mediteridian-ka kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ka baxday magaal xeebeedka Dijora ay ku rogmatay bartamaha badda Mediteridian-ka.

Doontaan ayaa waday ku dhawaad 120 ruux oo u badnaa rag iyo dumar isla markaana carruur ay ku jireen oo Soomaali qeyb ka ahaa kuwaasi oo iskudayay inay ka gudbaan badda si ay u gaaraan xeebaha dalka Talyaaniga.

Waxaa la sheegay in doonta ay rogmatay kadib markii mowjadaha ay ku kaceen iyadoona mowjaddo xooggan iyo dabeelo ka dhashay ay sababtay in doonida ay rogmato.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in xaaladda badda ay ahayd mid aad u khatar badan, taasoo caqabad ku noqotay in hawlgallada samatabixinta laga gargaaro.

Markab ganacsi iyo doomo ka hawlgala agga dhibaatada ka dhacday ayaa badbaadiyay 32 qofood kuwaasi oo si ammaan leh loogu wareejiyay jaziirada Lambuza ee Koonfurta dalka Talyaaniga.

Waxaana sidoo kalen la helay meydad labo qofood ah inta kalena ay ku sugneed markabka wada raadintooda, arrintaasi ayaa ka dhigaysa xaaladda mid aad u cabsi badan.

Si kastab, in badan oo kamid ah Soomaalida iyo dalal kale Geeska Afrika dhaca ayaa dadkooda waxay ku tahriibaan badda Mediteridian-ka iyagoo markaasi kaga sii gudbaayo dalka Talyaaniga.

Dhowaan ayaa dowladda Liibya gacanta ku dhigtay dooni ay saarnayd dad Soomaali ah kuwaasi oo doonayay inay ka baxaan badda Liibiya isla markaana Talyaaniga u soo horreeyo.

Dhacdadaan ayaa sidoo kale dib u xusuusinaysa walaaca caalamiga ee ku aaddan halista ay wajahayaan tahriibeyaasha ka imaanaya Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe iyo sidoo kale dalalka dhac Geeska Afrika kuwaasi oo isku dayaya inay ka tahriibaan badda Liibiya iyo Talyaaniga kana gudbaan dalalka Yurub.

Si kastaba, waxaa dhowaan In ka badan 70 qof oo tahriibayaal ah ayaa lagu waayay xeebaha dalka Liibiya, kadib markii doon ay la socdeen ay ku qarimay biyaha badda Mediterranean-ka, sida ay sheegeen Hay’addaha Samatabixinta iyo Gurmadka deg deg ah.

Wararka ayaa sheegaya in doonta ay siday tiro badan oo muhaajiriin ah kuwaasi oo ka ambabaxay xeebaha Liibiya, iyagoo isku dayayay inay gaaraan dalalka Yurub. Doonta ayaa la sheegay inay degatay kadib markii ay wajahday xaalado badeed oo adag iyo dadka saarnaa oo buux-dhaafiyay.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan ay dowladda Talyaaniga sheegtay in ay dejisay qorshe cusub oo xal u noqon kara xakamaynta tahriibayaasha Afrika ka taga ee sanadihii u dambeeyay usii qulqulayay dalkaas, waxaa ayna tilmaamtay inay ku bixi doonaan dhaqaale xooggan oo ay kala kaashanayso dalal dhaca qaaradda Geeska Afrika.

Xukuumadda Rooma ayaa xaqiijisay in halista dhimashada badda Mediterranean-ka ay korortay sidaas awgeed loo baahan yahay xal waara oo lagu xakamaynayo isu socodka dadkaas oo fadhi u ah tahriibkooda dalal dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika.

Liibiya, Masar, Tuniisiya, Morooka iyo Al-jaziira ayay si wadajir ah ula kaashan doontaa sidii wax looga qaban lahaa tahriibayaasha iyada oo la qaadayo tallaabooyin lagu kordhinayo feejignaanta dhaqdhaaqa dadkaasi sida hadalka loo dhigay.

Rooma ayaa xustay in ay ka go’an tahay qaadista tallaabadaan, marar badan ayay tilmaamtay in ay isku dayday sidii ay u fulin lahayd arrintaan maadaama madaxda sare ee dalkaasi ay safarro kala duwan ku tageen dalalkaasi ay kasoo baxaan tahriibayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga soo billaabo Oktoobar 2025 wixii ka dambeeyay ay kordheen tahriibayaasha halista nafeed kala kulmaya badda Mediterranean-ka, qaarkood waala badbaadiyay halka kuwo kale la waayay halka ay ku dambeeyeen.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Socdaal iyo Dalxiis

Tahriibiyaal gaaraya 70 ruux oo lagu la’yahay xeebaha dalalka Liibiya iyo Talyaaniga

Doonta ayaa la sheegay inay degatay kadib markii ay wajahday xaalado badeed oo adag iyo dadka saarnaa oo buux-dhaafiyay.

Published

on


In ka badan 70 qof oo tahriibayaal ah ayaa lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya, kadib markii doon ay la socdeen ay ku qarimay biyaha badda Mediterranean-ka, sida ay sheegeen Hay’addaha Samatabixinta iyo Gurmadka deg deg ah.

Wararka ayaa sheegaya in doonta ay siday tiro badan oo muhaajiriin ah kuwaasi oo ka ambabaxay xeebaha Liibiya, iyagoo isku dayayay inay gaaraan dalalka Yurub. Doonta ayaa la sheegay inay degatay kadib markii ay wajahday xaalado badeed oo adag iyo dadka saarnaa oo buux-dhaafiyay.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan ay dowladda Talyaaniga sheegtay in ay dejisay qorshe cusub oo xal u noqon kara xakamaynta tahriibayaasha Afrika ka taga ee sanadihii u dambeeyay usii qulqulayay dalkaas, waxaa ayna tilmaamtay inay ku bixi doonaan dhaqaale xooggan oo ay kala kaashanayso dalal dhaca qaaradda Geeska Afrika.

Xukuumadda Rooma ayaa xaqiijisay in halista dhimashada badda Mediterranean-ka ay korortay sidaas awgeed loo baahan yahay xal waara oo lagu xakamaynayo isu socodka dadkaas oo fadhi u ah tahriibkooda dalal dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika.

Liibiya, Masar, Tuniisiya, Morooka iyo Al-jaziira ayay si wadajir ah ula kaashan doontaa sidii wax looga qaban lahaa tahriibayaasha iyada oo la qaadayo tallaabooyin lagu kordhinayo feejignaanta dhaqdhaaqa dadkaasi sida hadalka loo dhigay.

Rooma ayaa xustay in ay ka go’an tahay qaadista tallaabadaan, marar badan ayay tilmaamtay in ay isku dayday sidii ay u fulin lahayd arrintaan maadaama madaxda sare ee dalkaasi ay safarro kala duwan ku tageen dalalkaasi ay kasoo baxaan tahriibayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga soo billaabo Oktoobar 2025 wixii ka dambeeyay ay kordheen tahriibayaasha halista nafeed kala kulmaya badda Mediterranean-ka, qaarkood waala badbaadiyay halka kuwo kale la waayay halka ay ku dambeeyeen.

Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa shalay xaqiijisay in badda Mediteranean-ka ayaa laga helay maydadka muhaajiriin ah oo gaaraya 8 qof, kuwaas oo la sheegay in ay ka kala soo safreen dalalka Liibiya iyo Giriigga oo kala dhaca qaaradaha Afrika iyo Yurub sida ay tilmaamtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM.

Shan qof tahriibiyaal ah ayaa waxaa maydkooda laga helay dhanka Liibiya, halka saddexda kale dhinaca laga helay Giriigga, waxaana socda baarista dad kale oo la waayay kuwaas oo loo badinayo in ay ku qaribmeen badda Mediterranean=ka sida laga soo xigtay illo xog ogaal ee hay’adda.

Sarkaal ka tirsan Booliiska Liibiya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in maydadka shanta qof ah in laga helay magaalada xeebeedka ee Qasra Al-Khayaar oo aan sidaas uga fogeyn caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Masuul ka tirsan dowladda Giriigga ayaa dhankiisa shaaciyay in seddex qof ee dhintay laga helay xeebaha Crete, waxa ay tani sii kordhisay diiwaanka dadka ku dhintay badda Mediterranean-ka maadaama ay halkaasi ka ambabaxaan Tahriibayaasha.

Liibiya iyo Giriigga ayaan shaacin dhalashada dadkaan balse tilmaamo ay ka bixiyeen waxa ay ku sheegeen in dadkaasi midabkooda uu madow yahay taasina ay muujinayso in ay kasoo jeedaan dalalka dhaca qaaradda Afrika.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Socdaal iyo Dalxiis

Somaliland oo Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad caalami ah oo ka dhan ah dowlada Soomaaliya

Wasiirka wuxuuna sidoo kale sheegay in halka dowlada Soomaaliya kala hadli lahaayeen ay go’aanadaasi in marka hore ictiraaf raadsadaan.

Published

on


Maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay dacwad caalami ah ka furatay Qaramada Midoobay ay u gudbisay taasoo ay ku doonaysa inay kula wareegto maamulka hawadeeda isla markaana ay kaga gudubto nidaamka dal ku galka ee danabeysan ee E-visa ee dowlada Soomaaliya kusoo rogtay dadka u socdaalaya magaalada iyo guud ahaanba dhulalka Soomaaliya.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland, Fahad Axmed ayaa sheegay in awooda dowlada Soomaaliya ee maamulka hawada Somaliland ayna buuxin karin shuruudaha laga rabo kuwaasoo ay kamid yihiin in diyaaraduhu aan la siin karro tagis degdeg ah haddii loo baahdo in ay maamusho garoomada Hargeysa iyo Berbera in diyaaradaha shilka ku gala hawada Somaliland loo gurman karro.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in halka dowlada Soomaaliya kala hadli lahaayeen ay go’aanadaasi in marka hore ictiraaf raadsadaan kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay ay codsadeen in hawada Somaliland lagu dhaqo xeerarka wadamada qeyb ahaan aqoonsiga haysta.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in dacwadu ay meel fiican marayso isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in Somaliland ay ku guuleysan doono in loo oggolaado inay maamusho hawadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaaba hore u sheegtay in nidaamka dal-ku-galka E-visa uu markaasi u sahlaaya inay l socoto dadka soo galaya gudaha Soomaaliya taasoo kor u qaadaysa nabadda iyo awooda maamul ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa si dadban u caddaysay in nidaamka E-visa ee ay dowladda federaalka Soomaaliya dhaqan-gelisay uu hadda si dhab ah ugu shaqeynayo garoonka Hargeysa, isla markaana aanay awoodin inay si buuxda u joojiso, inkasta oo ay ku adkaysanayso in fiisahaasi soo rogtay dowladda federaalka aanu ka shaqeynayn deegaannadeeda.

Wasiirka Duulista iyo Garoomada Somaliland, Fuaad Axmed Nuur ayaa sheegay in weli aan xal waara oo sharci ah laga gaarin muranka maamulka hawada ee maamulka Somaliland iyo dowladda federaalka, sidoo kalena wax heshiis ah laga gaarin muranka hannaanka e-Visa.

Wasiirka wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay si khaldan uga faa’iidaysanayso heshiiskii 2012, isagoo sheegay in Muqdisho ay uga dhigtay mid u sahlaya inay ku muujiso in ay maamusho hawada Somaliland.

Wasiir Fuaad Axmed Nuur ayaa sheegay in Somaliland ay hannaankan sharci ahaan u daba soconayso si ay u raacdo waddooyin ay ku muujinayso. Isla markaana dowladda Soomaaliya aan waxba ka khuseyn arrimaha Somaliland sifo sharcina u haysan fargelinta deegaanadeed.

Somaliland ayaa dowladda federaalka ku eeddaysay in ay qorsheynayso dagaal cusub oo salka ku haaya maamulka hawada iyo socdaalka diyaaradaha, kaasoo la doonayo in lagu cunaqabateeyo shacabka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii bishii Sebteember dhaqan-gelisay nidaamka e-Visa, waxaana si deg-deg ah uga dhashay muran siyaasaddeed iyo mid farsamo, kaddib markii Somaliland ay ka hortimid.

Sidoo kale, arrintaan ayaa la sheegay inay caqabad ku noqotay shacabka Somaliland, maadaama Somaliland ay si cad u diiddan tahay nidaamka E-Visa ee dal ku galka.

Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa ka laabtay tallaabadii uu Somaliland uga saaray nidaamka e-Visa, kaasi oo waajib ka dhigaya in fiisaha elektaroonigga la qaato ka hor inta aan laga degin garoomada dalka, oo ay kamid yihiin Muqdisho, Garoowe, iyo Hargeysa.

Go’aanka ay maanta ka laabatay IATA ayaa daba socday markii ay bannaanka u soo baxay in la jabsaday xogta e-Visa, ayna kumannaan qof oo adeegsanayay nidaamkan ay xogtoodu u gacan gashay kooxo burcad ah, isla markaana Mareykanku uu ka soo saaray digniin amni.

Sidoo kale, shirkadda Flydubai oo dhawaan sheegtay in rakaabka u safraya Somaliland ay fiiso ka qaadan karaan marka ay ka degaan garoomada Hargeysa iyo Berbera, ayaa gebi ahaanba haatan ka laabatay, iyadoo boggeeda rasmiga ah ku daabacday in rakaabka u socdaalaya garoomada Somaliland looga baahan yahay e-Visa.

Cusboonaysiintan ayaa timid kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nidaamka fiisaha elektaroonigga kadib dhacdadii jabinta xogta, iyadoo sheegtay inay baaris ku hayso falkaas.

Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka dhaqan gelisay nidaamka e-Visa, waxaa soo baxayay amarro is khilaafsan oo ka imanayay Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, kuwaas oo xaalad jahawareer ah geliyay hawada Soomaaliya iyo duulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah ee imanaya dalka.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Arrimaha Amniga52 minutes ago

Xuutiyiinta oo doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhig laga fuliyo hawlgalladooda

Yurub2 hours ago

Waa tuma Sagal Cabdiwali? Taariikhdeeda, hoggaankeeda siyaasadeed iyo doorkeeda matalaadda bulshada London

Yurub3 hours ago

Maxay ka dhigan tahay guusha gabadha Soomaaliyeed Sagal Cabdiwali ee kursiga baarlamaanka Ingiriiska?

Sirdoonka & Militariga3 hours ago

Ciidamo cusub oo Yugaandha ah oo soo gaaray Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka AUSSOM

Sirdoonka & Militariga4 hours ago

Masar oo ciidamo u diraysa Soomaaliya iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika

Arrimaha Amniga5 hours ago

Somaliland oo sheegtay in shirkii Masar aysan waxba ka beddelayn mustaqbalkeeda siyaasadeed

Soomaaliya5 hours ago

Soomaaliya oo ku biiraysa nidaamka caalamiga ah ee tigidadda diyaaradaha

Geeska Afrika23 hours ago

Ma faragelin doonaan waddamada deriska la ah Itoobiya iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigray?

Yurub1 day ago

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah oo lagu helay hurinta nacaybka

Arrimaha Amniga1 day ago

Ugu yaraan 7 qof oo ku dhintay dagaal xooggan oo Al-Shabaab iyo Macaawiisley ku dhexmaray Tardo

Sirdoonka & Militariga1 day ago

Soomaaliya oo heshiis la gashay Bakistaan soo iibsiga diyaaradaha dagaalka ee JF-17

Itoobiya2 days ago

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan Eriteriya oo ku sugnaa agagaarka Adigrat

Soomaaliya2 days ago

Soomaaliya oo baaritaan caafimaad ku bilowday dadka ka imaanaya qaaradda Afrika

Ameerika2 days ago

Wiil Soomaali Mareykan ah oo loo xiray qorshe weerar oo ka dhan ah Mall of America

Arrimaha Amniga2 days ago

Sheekh Shariif: “Xasan Sheekh waxa uu rabaa inuu dhiiggayga baneysto, isagoo Imaaraad marmarsiiyo ka dhigaya”

Diblomaasiyadda2 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka

Ameerika3 days ago

Xubno ka tirsanaa wafdigii C/raxmaan Cirro ee Mareyanka oo u goostay dalka Kanada

Diblomaasiyadda3 days ago

MW Xasan Sheekh oo beeniyay in Turkiga uu Soomaaliya ku leeyahay saldhig ciidan

Arrimaha Amniga3 days ago

Hawlgal ka dhacay Jilib oo lagu dilay hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Diblomaasiyadda3 days ago

Itoobiya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu ku kacay ficillo ka hor imaanaya danaheeda

Sirdoonka & Militariga3 days ago

Ciidamada Yemen oo bilaabay weerar ay dib ugu qabsanayaan Al-Waziiya oo ay Xuutiyiintu haystaan ​​ee Taciz

Caafimaadka & Sayniska4 days ago

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola iyadoo nin ku dhintay gudaha Nayroobi

Soomaaliya4 days ago

Maxkamadda Hargeysa oo seddex sano oo xabsi ah ku riday qoraa Aadan Sahan

Ganacsiga & Dhaqaalaha4 days ago

Hay’adda IMF oo ka digtay caqabadaha dhaqaale ee kusoo wajahan Soomaaliya

Ameerika4 days ago

Laba dhalinyarro Soomaali ah oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacday garoon kubadda cagta ee Minnesota

Soomaaliya4 days ago

Webiga Shabeelle oo 366 goobood ka dilaacay, khatarta fatahaadaha oo sii kordheysa

Arrimaha Amniga4 days ago

Madaxweyne Xasan: “Al-Shabaab mar dambe Soomaaliya oo dhan ma qabsan doono”

Itoobiya4 days ago

Itoobiya oo ka jawaabtay bayaanka Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Ereteriya ee ku aaddan Badda Cas iyo Webiga Niilka

Itoobiya4 days ago

Axmed Shide oo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee Guddoomiye ka noqda Golaha Wakiillada Itoobiya

Diblomaasiyadda5 days ago

Midowga Afrika ayaa beeniyay in Masar ay mas’uul ka tahay xiisadda Itoobiya

Arrimaha Amniga5 days ago

Somaliland oo sheegtay inay taageersan tahay in Itoobiya ay hesho marin baddeed

Arrimaha Amniga5 days ago

MW Xasan Sheekh: “Xuutiyiintu waxay xasillooni-darro ka wadaan gobolka, waxayna carqaladeynayaan maraakiibta Babul Mandab”

Sirdoonka & Militariga5 days ago

Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan oo si wadajir u sheegay in aysan cidna faragelin karin amniga Badda Cas

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda6 days ago

MW Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashiga Afrika iyo caalamka”

Arrimaha Amniga6 days ago

Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay go’aamin karin xiriiradeeda diblomaasiyadeed

Diblomaasiyadda6 days ago

Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo wadahadallo yeelan doona iyadoo xiisadda Itoobiya ay sii xoogaysanayso

Soomaaliya6 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya ma oggolaanayso in Israa’iil saldhig militari ay ka sameysato Somaliland”

Soomaaliya6 days ago

Soomaaliya oo $16 Milyan ka helaysa Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay

Arrimaha Amniga7 days ago

Muqdisho: “Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso”

Ameerika7 days ago

In ka badan 500 Soomaali ah oo laga soo masaafurinayo gudaha Minnesota

Xul

Diblomaasi.com