Connect with us

Caafimaadka iyo Sayniska

Faa’iidada Ay Caruurta u Leetahay Caanaha Naaska Hooyada

Published

on


Caanaha naaska hooyadu waa quudka ugu horeeya ee uu dhadhamiyo marka uu aadamuhu u soo baxo ifka dunida aynu ku noolnahay guudkeeda, waxa Alle (SW) ugu manno sheegtay inuu ku hannuuniyay ilmaha yari inuu urriyo caanaha naaska hooyadii, hannuunkaasoo aynu ku arki karno indhaheena, waa haddii aynu doonayno in aynu wax ka ogaano.

Sidoo kale, mucjisooyinka hannuunkaas waxa ka mid ah, in ilmaha yari leeyahay awood kala soocda caanaha uu ka jaqayo hooyadii iyo caanayowga kale, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta caafimaadka adduunku, waxa ay sheegeen, in uu ilmaha yari leeyahay awood uu ku kala garto hooyadii iyo hooyooyinka kale, waxaanay taasi ku sababeeyeen, inuu yaqaano garaaca wadnaha khaaska u ah hooyadii, isla-markaana, ay tahay taasi habka iyo dariiqa kaliyaata ee uu u maro marka uu doonayo in uu caano ka doonto hooyadii.

Waxa hore loo tijaabiyey, ilmo yar oo gaajo la ooyaya in ay laabta ku qaado ruux dumar ah oo irmaani, balse aan ahayn hooyadii dhashay, dabadeedna wuu ku aamusi waayey ruuxii dumarka ahayd, waxa kale oo iyana mucjiso labaad noqotay, hooyaddii dhashay ilmahaas markii ay taabatay in ay darartay, ka dibna, waxa uu galay xaalad xasiloon, isagoo joojiyey oohintii iyo qayladii Ilmihii yaraa.

Waxa Alle (SW) uu inoo sheegay, hooyo kasta oo naas-nuujinaysaa in ay tuuri doonto ilmihii jaqayey, mid kasta oo uur sidaana ay dhigi doonto uurkeedii, dhibaatada jirta awgeed, taasoo ay culimadda qaar ku macneeyaan, kuna soo qaateen, ka gudhinta ilmaha naaska hooyadda, iyadoo aaanay wax ka wayni meesha jirin, in ay tahay arrin aan ku banaanayn shareecada islaamka, oo ay ku tahay xad gudub qodob aasaasi ah, isla markaana, waxa ay kow ka tahay, Xaqqa ilmaha.

Waxa kale oo la xusaa in haddii ilmuhu uu seego naas-nuujinta hooyada, ay ka lumiso qayb ka mid ah koritaanka garaadka maskaxda aadamaha, isla-markaana, la kala garanayo ilmaha jaqayey caanaha naaska hooyadii muddo 2-Sannadood ah iyo ilmaha aan jaqin caanaha naaska hooyadii, xataa haddii ay da’diisu tahay Todobaatan jir, taasaana sabab u ah, in uu farqi weyni u dhaxeeyo dhinaca miisaanka jidhka iyo maskaxdaba.

Waxa maanta la ogsoon yahay in caanaha naaska hooyaddu ay yihiin daawada xanuunadda iyo dawada ka hortaga cuduradda ku dhici lahaa ilmaha iyo hooyada, oo aanay jirin wax la barbar dhigi karaa, oo lagu doorsan karo caanaha naaska hooyada , gaar-ahaan, Lixda billood ee ugu horeeya naas-nuujinta ilmaha yar.

Wakhtigaas waxa kale oo la ogaadey in caruurta yar yari aanay lahayn calool wax qaadi karta ama ay gali karaan , xataa haddii ay noqoto biyo cad, sabatoo ah, lakabka ugu horeeya caanaha naaska hooyada ayaa ah biyo, uu Alle (SW) uu ugu tallo-galay ilmaha yar, kaasoo dhisa gidaarka caloosha, si uu ugu adkaysto karo billowga ugu horeeya ee burburibta cuntada illaa inta uu nool yahay.

Sida hadda shaybaadhada aduunku ay xaqiijiyeen, macdanta manganese ee ku jirta wax-yaabaha kale ee caruurta la siiyo ay ka sareeyso 80-jeer caanaha naaska hooyada, taasoo ay ku qiyaaseen in halkii litter ee caanaha naaska hooyada ay ku jiraan 0.004-0.006/ mg oo ah manganese, halka, halkii litter caanaha lo’dana ay ku qiyaaseen in ay ku jiraan 0.030-0.050/mg oo ah manganese iyo in halkii litter cuntooyinka caruurtana ay ku jiraan 0.2-0.3 mg oo ah manganese, taasoo ku keenta caruurta yar yar feejignaan la’aanta iyo cudurada keena qal-qaalinimada, ee loo yaqaano attention deficient/hyperactivity disorder (ADHD).

Marka uu dhasho Illmaha yari haddii uu waayo naas-nuujinta caanaha hooyaddii, waxa uu la kulmaa dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, sida, shuban, matag iyo cuduro badan oo aynaan halkan ku soo koobi kareyn, waxaana taasi sabab u ah, oo ka maqan culaygii caloosha, haddaba, akhriste waxa ay isweydiin tahay, Culaygu muxuu u taraa haanta caanaha lagu shubo? taas macnahaadu, waxa weeyaan adkaysiga iyo cimri dheerida .

Waxa iyana sidoo kale jirta in ay is khilaafaan haddii ilmaha yar mar-lawada siiyo caanaha naaska hooyada iyo wax-yaabaha kale ee la isticmaalo, waxaanu isla-markiiba uu bilaabaa in uu qaadan waayo caanihii naaska hooyada, waxaana ku dhaca Dibiro, calool xanuun iyo in ay bakteeriyo (Bacteria) hor lihi ay ku abuuranto calooshiisa, una adkeysan kari waayo wakhtigaas.

Wakhtigaasi, haddana waxa kale oo suura gal ah in ay hooyadu ka sanbooriso illmaha yar, waxaanay taasi khatar labaad ku tahay caafimaadka ilmaha yar, oo ay ku abuurtaa khalkhal maskaxeed, sas iyo hurdo la’aan, waxaanu ku barbaaraa baqasho, taasoo ka lumisa koriinkiisa firfircoonida, waxa ay somaliduna tidhaahdaa, shimbirtii baa ka duushay, haddii ay jirto iyo haddii kaleba, markii aan anniguna baadhay waxaan ogaaday in ay tahay barako iyo shay uu lahaa ilmuhu oo ay wax iska badaleen.

Marka aynu ka nimaadno khasaaraha ku yimaada illmaha aan la siin naas-nuujin caanaha hooyadda, waxa iyana barbar socota oo aynu halkan ku iftiimin doonaa, faa’iidada caanaha naaska u leeyihiin hooyada.

1. Caanaha naaska hooyadu waxa ay illaaliyaan dhaqaalaha qoyska, waana lacag la’aan.

2. Caanaha naaska hooyadu waxa ku jira nadiifiyayaasha loo yaqaano dheelitirka (sIgA) ee difaaca jidhka, kuwaasoo ah, farshaxanka illinka difaaca ugu horeeya ee la dagaalama caabuqii iyo cuduradii uu ka qaadi lahaa dareeraha xuub-axaleedka makaankii uu ku abuurnaa ee u gudbay xuubabka ugu sareeya ee indhaha, sanka, hunguriga, sanbabada iyo mindhicirka yare, marka uu soo dhasho ilmaha yari,

3. Naas-nuujintu waxa ay door-weyn ka qaadataa caafimaad qabka hooyada, waxa aanay ka hortagtaa cuduro badan oo ku dhici lahaa hooyada, taasina waxa ay ku xidhan tahay sida joogtada ah, kuna haboon ee ay hooyo kastaaba u nuujiso illmaheeda caanaha naaska.

4. Naas-nuujintu waxa ay faa’iido weyn u tahay hooyada, sababtoo ah, wakhtigaasi, makaanka hooyada kuma abuurmi karo ilmo cusubi.

5. Naas-nuujinta habbooni waxa ay qayb laxaad leh caafimaadka guud ee hooyada iyo illmaha, waxa kale oo ay doormuhiim ah ka ciyaartaa, dhinca, raxmadda, jacaylka iyo kalsoonida dhex- marta hooyada iyo ilmaheeda.

6. Sirta ku jirta caafimaad ay ku naaloonayaan caruurta ka dhalatay qoysaska saboolka ah ay had iyo jeer kala duwan yihiin, caruuraha kale ee kasoo jeeda qoysaska ladan ee dhaqaalaha haysta, marka ay iskugu yimaadaan goobaha adeegyadda caafimaadka, farraqa u dhexeeyaana waxa uu yahay, ka kaaftoomida, ka sagsaaga iyo hore uga gudhinta naas-nuujinta caanaha hooyada.

7. Hooyadu waxa ay kala kulantaa caanaha ku gaagaxa dhibaatooyin badan iyo halis caafimaad darro oo ku timaada nolosheeda, waxaana ka mid cuduradaasi, sida, Kansalka ku dhaca naasaha, (Breast cancer), basle, waxa kaliyaata oo ay ku xidhan tahay bad-baada cudurkaasi, hadba sida ay hooyo waliba ay uga jaqsiin badan tahay naas-nuujinta hooyooyinka kale.

Waxa ay maanta ogaadeen, xikmada ku jirta kulanka habeenka ugu horeeya ee afartan baxa umusha iyo saygeedu, ay muhiim u tahay hooyada, waayo, waxa ay ka illaalisaa makaanka furan inuu qaado ilmo kale, taasoo diinteena suubanina ay inoo sheegtay qarniyo hore.

Waxa aad arkaysaa hooyo xaamilo ah, oo haddana, wali jaqsiinaysa illmihii hore ee ay dhashay, iyadoo aan u lahayn cilmi badan, ka dibna, waxa ay ku soo baraarugaan marka ay ku timaado aafo ama dhibaato hor lihi, haddaba, waxa xusid mudan, in arrintani ay keeni karto in ilmaha caloosha hooyada ku jiraa uu soo dhaco, isla-markaana, ilmaha naaska jaqayaana uu la soo darsaan cudurada ay ka midka yihiin, sida, Suuxdin iyo xanuunada ku dhaca dhamaan saablayda iyo qanjidhada waaweyn ee muhiimka ah.

Mararka qaarkoodna waxa ay hooyadu dhashaa ilmo aan dhameys ahayn, waxa sidoo kalena, hooyada ku adkaata foosha wakhtiga ay foolanayso, ka dibna, waxa dhacda in ilmihii yaraa uu siriro.

Guntii iyo iyo gabagabadii waxaan qormadaydan ku soo gunaanadi lahaa maadaama ay sheegeen hayadda caafimaadka aduunku, in qiyaas dhan kumaan kun oo caruuri ay u dhintaan sannadkiiba cudurada ay sababaan masaasada caanaha lagu siiyo caruurta ku nool Aduunka, ay haboon tahay in la sameeyo Maalinta Masaasad tuurka Adduunka.

Waxa sidoo kale, haboon in ay Wasaaradda Caafimaadku dar-dar galiso goobaha xanaanadda Hooyadda iyo dhalaanka ee loo yaqaano Maternity Child Health (MCH), lana xoojiyo iyadoo kor loo qaadaayo ku baraarujinta faa’iidada caafimaadka hooyada iyo ilmaheeda ay u leedahay naas-nuujintu, sababtoo ah, maadaama hooyooyinka wakhtigan ay yihiin 63% kuwo ay da’doodu ka yar tahay 30-jir ama 30-Sanno.

Iyo in sare loo qaado wax-barashada haweenka da’da yar, da’da dhexe iyo da’da weynba, loona sameeyo goobo wax lagu barro khaasatan hablaha u diyaar garoobaya in ay qoys yag-leelaan mustaqbalka dhaw ee ku soo fooda leh, lana sii barro habka maamulka iyo maareynta haboon ee qoyska, maadaama uu soo wajahayo xil-weyni , waxaanu ka rajaynaynaa dumarku ay furan doonaan goobaha wax- barashada qoyska.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Waxay wax ka qortaa arrimaha horumarinta bulshada, caafimaadka gaar ahaan dhalaanka iyo hooyada, cilmiga Bayolojiga, taariikhda, xisaabta, juqraafiga, cilmiga bulshada iyo waliba waayo aragnimada nolosheeda. Qoraagga waa qoraa marwalbo u hawlan horumarinta iyo isbedelka bulshada.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Caafimaadka iyo Sayniska

Sidee loo xakamayn karaa fayruska dengue?

Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan. Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa tallooyin aan ugu talagalnay bulshada.

Published

on


Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya. Cudurkaan ayaa ah cudur loo dhinta sida warbaahinta caalamka iyo Hay’ada Caafimaad Adduunka ay sheegayaan.

Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay. Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in xumadda Dengue ay dishay 26 qof

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo laga shakisan yahay, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku dhawaaqday.

Published

on


Saraakiisha caafimaadka Suudaan ayaa Arbacadii sheegay in ugu yaraan 26 qof ay u dhinteen qandhada Dengue mid ka mid ah cudurradii ugu darnaa ee uu waddanku wajahayo sannadihii u dambeeyay.

Qandhada Dengue waa cudur kaneecada ay keento oo ka dhaca meelaha kulaalaha ah ee aduunka, inta badan waxay ku faaftaa meel u dhow ilaha biyaha fadhiya.

Waxaa jira 460 xaaladood oo la xaqiijiyey oo cudurka ah iyo 3,436 kale oo looga shakisan yahay kiisas, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaa ku shaacisay baraha bulshada. Tirooyinka ayaa ku taariikhaysnaa sida la duubay Isniintii.

Ku dhawaad ​​20 ka mid ah dhimashada ayaa laga diiwaan geliyay koonfurta gobolka Kordofan, mid ka mid ah meelaha uu cudurka ka dillaacay ayaa markii ugu horreysay ay soo sheegeen guddiga Dhakhaatiirta Suudaan horaantii bishii Nofeember. Dhawr ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa tirada rasmiga ah ee kiisasku intaa ka badan ku sheegay.

Qandhada Dengue waxay leedahay astaamo u eg hargab waxayna badanaa u horseedi kartaa xubnaha oo hawlgab iyo dhimasho. Sanadka 2019, cudurka ka dillaacay Suudaan ayaa mas’uul ka ahaa shan dhimasho sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka.

Xilligii ugu sarreeyay ee xilli-roobaadka Suudaan bilihii Ogoosto iyo Sebteembar, daadad xooggan ayaa dilay ugu yaraan 144 qof waxaana burburiyay tobanaan kun oo guri, oo ay la socdaan waddooyin iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.

Waa maxay caabuqa Dengue?

Dengue waa caabuq fayras ah oo ay dadka ugu gudbiso qaniinyada kaneecada cudurka qaba, waxaana laga helaa kulaylaha iyo cimilo-hoosaadka adduunka oo dhan, inta badan magaalooyinka iyo magaalooyinka barkeed. Calaamadaha aasaasiga ah ee gudbiya cudurka waa kaneecada Aedes aegypti iyo, ilaa xad, Aedes albopictus.

Sidee loogu horteggi ama loo xakamayn karaa dengue?

Ka-hortagga iyo xakamaynta dengue waxay ku xiran tahay xakamaynta vector ee waxtarka leh. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay kor u qaadaa hab istiraatijiyadeed oo loo yaqaano Maareynta Isku-dhafka Vector-ka (IVM) si loo xakameeyo vector-ka kaneecada, oo ay ku jirto Aedes subspecies ( vector of dengue). IVM waa in la wanaajiyaa si meesha looga saaro goobaha taranta ee suurtogalka ah, la dhimo tirada dadka, loona yareeyo soo-gaarista shaqsiga. Tani waa inay ku lug yeelato xeeladaha xakamaynta vector-ka ee dirxiga iyo dadka waaweyn (sida, maaraynta deegaanka iyo dhimista ilaha, iyo cabbirada xakamaynta kiimikada), iyo sidoo kale xeeladaha ilaalinta dadka iyo guryaha.

Dhaqdhaqaaqyada xakameynta Vector-ka waa in ay diiradda saaraan dhammaan meelaha ay ka jirto khatarta xiriirka aadanaha iyo dadka (goobta la deggan yahay, goobaha shaqada, dugsiyada iyo isbitaallada, iyo goobaha dhismaha ee Dooxooyinka). Hawlaha xakamaynta Vector-ka waxa ka mid noqon kara daboolida, daadinta, iyo nadiifinta weelasha lagu kaydiyo biyaha qoyska toddobaad kasta.

Meelaha in lagu buufiyo sunta cayayaanka waxay keeni kartaa natiijo degdeg ah. Cayayaanka lagu kaydiyo biyaha weelasha banaanada la dhigo waa in sidoo kale la tixgeliyaa oo nadaafada loogu dedalaa.

Shaashaadaha daaqadaha iyo albaabada oo la xira, iyo sidoo kale qaboojinta guriga, waxay yarayn kartaa ixtimaalka kaneecada soo gasha guriga. Shandarawada oo la xerto ayaa si wanaagsan uga ilaalisa qaniinyada kaneecada marka ay hurdaan dadka. Maaddaama kaneecada Aedes ay firfircoon tahay waaberiga iyo maqribka, waxaa lagu talinayaa in la qaado tillaabooyinka ilaalinta shakhsi ahaaneed gaar ahaan waqtiyada maalintii.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay infekshinka dengue, laakiin ogaanshaha hore ee calaamadaha digniinta iyo helitaanka wakhtiga ku habboon ee maaraynta bukaan-socodka (oo ay ku jirto u gudbinta xarun daryeel caafimaad oo habboon) waxay yaraynaysaa khatarta dhibaatooyinka dengue ee keeni kara bukaannimo iyo dhimashaba. Waa in la sii wanaajiyaa ilaalinta kiisas-ka-hortagga ah ee dhammaan goobaha ay saamaysay iyo guud ahaan dalka.

Halka ay suurtagalka tahay, agabka waa in loo qoondeeyaa xoojinta habka gudbinta muunada ee xaqiijinta iyo diiwaangelinta fayraska dengue.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Published

on


Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah

Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha. Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta. Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

Cuntooyinka la warshadeeyay

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood. Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan. Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.

  • Rootiga lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka Sajilan
  • Caanaha qaar
  • Buskut-ka
  • Hilibka sajilan
  • Barado Shiilan
  • Sharaabka
  • Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
  • Digirta ku jirta weelka sajilan

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

  • Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  • Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
  • Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
  • Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  • Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Published

on


Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen.

Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?.

Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha.

Cuntooyinka ku jira Caroogta badda

Sida la sheegay dadkii ku caanbaxay jeceylka waxay ku quraacan jireen 50 ka mid ah cuntooyinka ku jira Caroogta badda. Ma jiro xiriir rasmi ah oo ka dhexeyn karaa xoojinta shahwada iyo cunidda noolaha ku jira caroogta badda balse waxaa jira haddallo laga sheegay arrintaas.

Cuntada ku dhex jirta Caroogta waxaa ku jirtaa maaddada Zinc oo horseedda nafaqada soo saarta biyaha ragga iyo isla markaasna sare u qaadda. Daraasdda ayaa muujinya in maadada Zinc lagu daweeyo dalmo la’anta iyo waxay sare u qaadda tayada biyaha ragga.

Cuntooyinka laga helo maaddada Zinc waxaa kamid ah, Hilibka, Miraha sida, Bocorka, Lowska, Digirta, Caanaha iyo Cheese.

Cunidda shukulaatada

Waxaa la sheega in shukulaatada ay ku jirto in yar oo kamid ah maaddada phenylethylamine (PEA), inkasta oo aan la ogeyn in shahwada ay xoojin karto ama in kale balse mirta laga sameeyo shukulaatada ee geedka Cocoa ayaa sare u qaadaa shaqada dhiigga ee jirka banii’aadanka.

Gormaa ayuu bilaawday, xiriirka ka dhexeyn karaa shahwada iyo cunidda shukulaatada?

Hernán Cortés oo u dhashay Spain ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee shaaca ka qaado shukulaatada guud ahaan dunida, waxaa uu xilliggaas warqad uu qoray boqorkii Spain ,King Carlos I oo uu sheegay inuu soo arkay nooc kamid ah Jokolaatada la cabo oo sare u qaado awoodda jirka isla markaasna ka hortaggo daalka.

Ma jiraan caddeymo muujinayo in shukulaatada loo adeegsan jiray xoojinta howhlaha gogosha ee lamanaayaashaa. Cuntooyinka leh maaddada tryptophan ee ka qeyb qaadata jir dhiska waxaa kamid aha, Ukunta, Hilibka Shimbiraha, miraha,

Basbaaska

Basbaaska kulul ayaa sare u qaadaa shaqooyin jirka banii’aadanka sida heerkulka jirka, shaqada wadnaha, waxay arrimahaas ay dhacaan marka aad ku gudo jirtid howsha sariirta. Waxaana basbaaska ku jirta maaddo la yiraahdo capsaicin oo daweysa dhabar xannuunka iyo muruqa.

Sideed ku yarayn kartaa daciifnimada xubinta taranka?

Daraasado la sameeyay ayaa muujinya in cunista waxyaabaha dhirta ka yimid asalkoodii in ay ka qeybqaadanayaan yareynta daciifnimada xubinta taranka. Waxaa si gaar ah loo ogaaday in madooyin ku jira liin bambeelmada in ay aad u xoojiyaan xubinta taranka.

Cunista miraha ayaa la sheegay in boqolkiiba 14% ay xoojinayso shaqada xubinta taranka, halka waxyaabaha kale ee dhirta laga helo ay qiyaasteeda tahay boqolkiiba 21%.

Sidaas darteed waxaa lagugula talinaya in aad ka war haysid baquliga qudaarta iyo miraha kale duwan. Miraha sida cannabka iyo qudaarta sida ansalaatada ayaa ah kuwa daraasadda lagu xusey in ay leeyihiin maadooyin ragga ka caawin kara hawsha gogosha.

Dr Krychman oo ah khabiir ka falooda arrimaha gogosha waxaa uu sheegay in dadka haddii ay rumeysan yihiin in cuntooyinka qaar ay ka caawinayaan howsha gogosha aysan wax dhib ah ku jirin. Haddii qofka uu dhibaato kala kulma howsha sariirta waxaa laga yaabaa inay heyso dhibaato caafimaad marka waa in uu la tashadaa dhakhtar caafimaad.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Sulphuric Acid?

Published

on


Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo.

Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka.

Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo.

Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado aashitada sulphuric acid. Arrimaha kale ee falgalka kiimikadan loo adeegsado waxaa ka mid ah sameynta qaraxyada aadka u awoodda badan.

Qarax noocee ah ayaa laga sameeyaa Sulphuric acid?

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda, kiimikadan waxay ku socotay gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ka sameynayaan waxyaabo qarxa. Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa qaraxyo qeyb ka ah ololahooda ku aaddan sidii ay meesha uga saari lahaayeen dowladda ay beesha caalamka taageerto ee Soomaaliya.

Sida lagu qoray wargeyska Scientific America, maaddada sulphuric acid waxay ka mid tahay kiimikooyinka loo adeegsado sameynta qaraxyada ugu awoodda badan.

Qaraxyadaas awooddoodu sarreyso waxaa laga sameeyaa maaddada Nitro-glycerine, oo si fiican loo ogyahay inay ka kooban tahay isku darka sulphuric acid iyo nitric acid.

Xagey Soomaaliya uga imaadaan hubka mamnuuca ah?

Sanadkii lasoo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walxaha qarxa ee gudaha lagu sameeyo ku daray inay qeyb ka yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Nisa ayaa sheegay in meelo badan hubka sharci darrada ah laga soo galin karo Soomaaliya.

“Soomaaliya horta waa waddan iska furan oo xuduudihiisa furan yihiin, meel kastana wax laga soo galin karo. Nimankan waxyaabaha qarxa isticmaalahana, sida Al-Shabaab iyo IS waxyaabo badan ayey ka sameeyaan qaraxyada, sida walxaha bacriminta loogu talagalay. Meesha ugu badan ee Soomaaliya uu hubka kasoo galo waa xadka badda ee ay Soomaaliya la leedahay Yemen, halkaasoo ah bad furan oo aysan cidna waardiyeynin, dhinaca Itoobiyana way iska furan tahay waana waddan warshado badn oo hub ah ku yaallaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement
Yurub2 days ago

Norway ‘waxay diyaar u tahay’ inay aqoonsato madax-bannaanida Falastiin: Ra’isul Wasaaraha Norway

Bariga dhexe2 days ago

Waa maxay sababta ay Israa’iil halis usii gelinayso xiisadda Bariga Dhexe?

Bariga dhexe2 days ago

Maxaa kasoo cusboonaday weerarkii ugu dambeeyey ay Iiraan ku qaadday Israa’iil?

Ameerika3 days ago

Victor Manuel Rocha, safiir hore oo Mareykanka ah – Safiirkii u basaasayay Cuba tobanaan sano, waxaa lagu xukumay 15 sano

Bariga dhexe4 days ago

Iiraan iyo Israa’iil oo lagu booriyay in ay xiisadda u dhexeeya qaboojiyaan

Siyaasadda Arrimaha Dibadda4 days ago

Kenya ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda

Sirdoonka & Militariga4 days ago

Jabhada Xoraynta Oromada – afka Oromada: Waraanna Bilisummaa Oromo

Geeska Afrika5 days ago

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Gumeysi iyo isir sifeyn5 days ago

Kumanaan shaqaale Hindi ah oo imanaya Israa’iil – mas’uuliyiin dowladda

Afrika1 week ago

Dunidu waxay ku fashilantay Ruwaanda 1994-tii – madaxweyne Paul Kagame

Geeska Afrika1 week ago

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Dhaqaalaha1 week ago

Zimbabwe waxay soo saartay lacag ‘dahab’ ah oo ay ku beddeshay dollarka

Sirdoonka & Militariga1 week ago

Maraykanka oo isu diyaarinaya weerar ‘aan laga fursan karin’ oo kaga imaan kara Iiraan – warbaahinta

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Sida ay Iiraan u samaysatay giraangirta cadawga ee ku xeeran Israa’iil

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 weeks ago

Yurub waxay xaday dhaxalkii Afrika ee Cadaaladu ma guulaysan doontaa?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Yukreyn ‘waxay noqon doontaa xubin ka tirsan NATO’ – Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay cayrisay safiirka Itoobiya, islamarkaana xirto qunsuliyado?

Diblomaasiyadda2 weeks ago

Ergeyga Mareykanka ee QM ayaa uga digay Iiraan inaysan weerar ku qaadin dadka Mareykanka ah ee weerarka qunsuliyada Suuriya

Sirdoonka & Militariga2 weeks ago

Waa kuma taliyihii ciidamada Iiraan ee lagu dilay duqeynta Dimishiq?

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Nibirowga Dhititaalka: Qalaalasaha digitaalka iyo loollanka caqlaaniga ah

Siyaasadda Arrimaha Dibadda2 weeks ago

MD Xassan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga Sacuudi Carabiya – Maxaa loogu yeeray?

Wararka2 weeks ago

Waa maxay sababta doorashada Istanbul ay u tahay doorasho aad indhaha loogu hayo ee Turkiga?

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Ciidamada Israa’iil ayaa isbitaalka Qaza ee Al-Shifa ku dilay 400 oo Falastiini ah

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Qaza waxaa ka socda weerarro, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilaabmeen

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada2 weeks ago

Waa Maxay Nidaamka Boqortooyo?

Siyaasadda Soomaaliweyn2 weeks ago

Cutubyada 1aad illaa 4aad ee dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyay – sidee loogu falceliyey?

Wararka3 weeks ago

QM: Burcad Haiti ah waxay dileen 1,500 qof saddex bilood gudahood

Aasiya3 weeks ago

Iscasilaadii Madaxweynihii Vietnam waxay muujinaysaa khilaaf ka dhex jira xisbiga – Falanqeeyayaasha

Gumeysi iyo isir sifeyn3 weeks ago

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Qaza in la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Banaanbax uu soo abaabulay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo lagu taageerayo wax ka beddelka dastuurka

Siyaasadda Soomaaliweyn3 weeks ago

Haddii ‘Soomaali oo heshiis ah la rabo dastuurka yaanan la siyaasadeynin’ – Xisbiga Qaransoor

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Mareykanka ayaa burburiyay iskaashigii la dagaalanka argagixisanimada – Safiirka Ruushka Anatoly Antonov

Sirdoonka & Militariga3 weeks ago

Doorka ciidanka iyo daryeel la’aantooda

Afrika4 weeks ago

Kacaankii Liibiya: Sida NATO ay u burburisay dowlad tobanaan sano la soo dhisaayey

Bariga dhexe4 weeks ago

Xiriirka Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya oo isbeddel horumar leh laga gaaray

Gumeysi iyo isir sifeyn4 weeks ago

Maxbuus Falastiini ah ayaa ku dhintay xabsiga Israa’iil ka dib caafimaad xumo iyo jirdil loo gaystay: warbixin

Diinta Islaamka4 weeks ago

Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka Lil Jon ayaa qaatay diinta Islaamka

Arrimaha Bulshada iyo Qoyska4 weeks ago

Muhiimada ay inoo leedahay aqoonta ama waxbarashada

Islaam Naceybka4 weeks ago

Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u meel marisay qaraar la dagaallanka Islaam Naceybka

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Dowladda Niger oo joojisay xiriirkii militari ee kala dhaxeeyay Mareykanka

Xul