Connect with us

Ganacsiga

Fahanka Ganacsiga Islaamiga ah

Published

on


Ganacsigu waxa uu muhiim u yahay adduunka iyo heer-nololeedka aadanaha, xiliyadii hore noloshu wey adkeyd sababtana waxey tahay macaamiisha ayaa iyaga ahaa kuwo sameysta waxey u bahanyihiin, mana aysan jirin kuwo wax walba awooda soo saaridiisa.

Hadaba ganacsiga maanta waxa uu noqday mid hormaray oo illahay addoomadiisa u fududeeyey hababka kala duwan oo loo ganacsado.

Ganacsiguna hadaba hadaan soo qaadano ‘Staub’iyo ‘Attner’ oo ah  khuburada ku xeeldheer ganacsiga una dhashay Mareykanka ayaa igana ku qeexay ganacsiga sida tan ah. Ganacsigu waa abaabul yoolkiisu yahay soo-saaridda badeeco iyo adeeg,si loo sameeyo macaash”

Hadaba ujeedadeydu waxa weeye in maanta maadama ganacsigu  balaarta, diinteena islaamku waxey na amartaa intaan ganacsiga lagalin in aad diintaada aqoon u yeelatid oo aad baratid maxaa xalaal ah? maxaase xaaran ah? muxuu yahay waxa asalka u’ah ganacsiga islamiga ah?

Illahay hadduu idmo waxaa maqaalkan uga hadli doonaa, ma’baadida ganacsiga islaamiga ah, taasoo xiligii saxaabada aad loo adkeen jirey in uu qofku yaqaano fahanka ganacsiga islaamiga ah.

Tusaale haddaan soo qaadano Cumar Binu Khadaab Allaha karaali noqdee isagoo dadka uga digaya iney suuqa iska galaan iyagoo aqqoon aanan u lahayn ganacsiga islamiga ah waxa uu dhihi jirey Qofka aan aqoon ulahayn fiqiga islaamka suuqa yaga yuusan soo’aadin”

Cumar ushiisu usoo qaadan jirey kaan fiqiga islamka ee ganacsiga ku saabsan ama wax kala iibsiga aan aqoon ushaas buu lakori jirey (ku garaaci jirey). Sidoo kale haddaan soo qaadana Cali Binu Abii Daalib Allaha karaali noqdee waxa uu yiri Qofka ganacsiga bilaaba oo tijaarada gala isgagoo aan fiqiga baran waxa uu ku dhacayaa Ribbo”

Ma’baadiida Ganacsiga Islaamka

Mabaadaida ama waxyaabaha aasaaska u’ah iibka iyo tijaarada haddaanu soo qaadano kuwooda ugu muhiimsan oo la rabo innuu qofku si fiican u illaaliyo inta uu awoodo, amase ku dhaqmo oo ku sifoobo waxaa kamid ah:,

Zakada:- Waa tiirka saddexaad,waxaana ay waajib ku tahay dadka hantida leh in ay in go’an oo ay diinta Islaamku u goysay ay Sako u bixiyaan si loo siiyo dadka ay ku baxdo, qofkii diidana dawladda Islaamka ayaa xoog kaga qaadaysa si loo gaadhsiiya dadkii xaqa u lahaa, qofkii jiritaankeeda beeniyana diinta Islaamkaayuu kaga baxayaa.

  1. Wax walboo laga gacsanayo in asalka ganacsigu yahay mubaax ‘mid banana’ illaa inta shareecadeenu kasoo reebtay mooyee ee kooban ee la rabo inuu qofku is illaaliyo waxaana diliil u’ah  hadalkii Eebe weyne “Illaahay waxa uu idiin xalaaleeyey beeca, waxa uu idinka reebeyna Ribbada).

Hadaba inta Rabbi weyne noo baneeyey lama tirin karo laakiin inta lanaga xarimay ee maslaxadeena ku jirtana waa mid kooban oo la yiraahdo ‘buyuucul muxarama’ la yiraahdo oo iyaguna labbo usii qeybsamayaan.

2. Ganacsiga islaamka waxaa asal iyo Gundhig u’ ah inaad ilaaliso masaaliixda guud (danaha guud) ee bulshada taasoo waafaqsan shareecadeenna islaamka, wax walboo maslaxada ahna inaad keento kana shaqeysato, wixii dhib umada u keenayana ka illaaliso.

Hadaba waxyaaba aad ku arkeyso suuqyadeena waxaa kamid ah ee kasoo horjeeda dhaqanka diinta iyo guud ahaa masaalixdeena

  1. Goobaha lagu iibiyo kiimikada dubka badasha
  2. Goobo lagu iibiyo maandooriyaha
  3. Dharka muujinaya cowrada rag iyo dumarba
  4. Daawooyin dhacay
  5. Cuno dhacday Iwm

3. Markaad badeeco suuqa keenaysid dadka qiimo jaban oo ay awoodaan inaad ugu keentid maxaa yeeley dadka dantooda inaad ka shaqeyso waa muhiim iyagana ka faa’idaan. Rasuulkeena waxaa uu yiri Naxariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaatee “Qofka wax keena waa qof Illahay irsaaq siiyey ama kan dadka ku qaaliyeeya kaasi waa mid malcuuna ah”

Haddaba aanu ogsoonaano haddii aad noqoto mid bulshadiisa u keena baddeeco tusaale Quutul duruuriga ah’ hadana aad cunaha ku dhagto dadka oo aad qaali uga dhigto iyo wax ay gooni waayaan haddaba soo lacnadooda kugu dhici meyso iyo habaarkooda?

Sidaas daraadeed shareecadeena waxey na fareysaa in umada loo keeno baddeeco jaban oo ay awoodi karaan inay iibsadan.

4. Wax walboo oo baddeecada qaaliyeenaya inaad umada ka illaaliso sidey doontaba haku timaadee, tusaale ahan: dadka ku nool gudaha Soomaaliya oo reer baadiyaha (xoolo dhaqatada) waxa ay xoolahooda keensadaan magaaladda si ay u iibsadaan kadibna alaab ugu qaataan, wixii kalana cadaan ahaan u qaatan oo qiimo dhexdhexaad ah ku gataan oo ay toos suuqa u keensadaan waxaaa dhacaysa in xoolihii hilibkoodu raqiis ah laakiin haddaad sameysid in aad ninkaas reer baadiyaha ah magaalada meel kabaxsan uga hortagtid oo xoolihiisa gacanta kusoo dhigtid hadhowna suuqa uga iibisid si qaaliya, taasi waxa ay toos u saameyneysaa dadkii waslada waslada u iibin jirey.

Sidaaas dareedeed shareecadu ma ogola in hal qof sidii gafanihii  in uu udhargo, dadka inta kale ay gaajeysanyihiin.

5. Waxa kaloo la rabaa in qofku ogaado inay xaaran tahay in si faduul ah ‘gardaro ah’ in aad u gasho ganacsi dad kale leeyihiin oo sirahooda galgasho, iyo arrimahooda hoose taasoo aysan raali kaaga ahayn.

6. Qofku in uusan ka faa’ideysan baahida walaalkii haysata, walaalkaa oo dhiban baad aragtay kawaran haddaad dhibtaas kasii faa’ideysato? amase qodoxdii kusii riixdo?

Haddaba qof walaalkaa ah oo kurbadu hayso ama xaaladu ku murugaysan tahay waxaa la rabaa inaad murugadaa la qeybsato oo inta aad caawin karto caawiso si illaahay biri oo qiyaama ah kuu caawiyo.

7. Intaaad ganacsiga kujirto badi cafiska iyo masaamixida ,maxaa  yeeley waxey kamid tahay akhlaaqda wanaagsan ee islaamka. Rasuulku naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri “Allaha u naxariisto qof saamaxaad badan markuu wax gadanayo, markii uu isagu soo iibsanaayo, marka uu deynta dadkuu kulahaa ka qaadanayo” hadaba saddexda marba tasaamux baa lagaa rabaa.

  1. Markaad soo’iibsaneyso qiimo fiican kusoo’iibso oo qofkaad wax kasoo iibsaneyso raali kayahay
  2. Markaad kasii faashleynaysana waa in aad ku gadataa qiimo macquul ah, kaan awoodina ka dhintaa ilaa xad fiican.

Deynta markuu kaaqatana ka sug una dhibri haddaad awoodana qaar u cafi.

8. Run sheeg aamin ah ayaa lagaa rabaa in aad noqoto. Rasuulku waxa uu yiri naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee “Qofka taajirka ah ee muslika ahee aaminka ah ee runta sheega waxaa lalasooxaadirinayaa Qiyaamaha  anbiyada iyo shuhadada”

Runtuna iyo amaanadu ganacsiga waa u saldhig haddii ganacsigu gacanta u galo beenlow ganacsigaas masii raagayo. Sidaas oo kale amaanadu in aad ilaaliso iyana ganacsigu kama maarmo hadaba ilaali oo noqo mid ku sifooba amaano iyo run sheegid.

9. Shaqo markaad u dhaqaaqdo shaqadaas sug oo noqo qof shaqada loo diro ka adag oo ka miro-dhaliya qofka ganacsadaha ah waa in wakhtigiisa iyo saacadihiisuba u nidaamsan yihiin alaab haddaad sameyneyso soo saar alaab qiimo leh, sidaas daraadeed Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee “Illahay waxa uu jecelyahay qofkiin haddii uu shaqeynayo shaqo in uu sugo”.

10. Inaad ka fogaaatid, inaad ka ganacsatid shey aan la garaneyn waxa uu yahay iyo waxa uu ka kooban yahay, kaasoo keeni kara dhibaato.

11. Wixii heshiis ah ee aad gasho ee waa faqsan sharciga Islaamka  waa inaad kasoo baxdaa, hadeysan lahayn waxyaabo looga bixi karo heshaaskaas ee dhaca.

  1. Heshiiskana asal waxaa u ah in la fuliyo oo laga soo baxo
  2. Laakiin wixii balan qaad ah iyaga waxaa asal u ah iney banaan tahay, taasoo midkiin uu ka bixi karo balantii uu kii kale la galay laakiin waa dambi sharci ahaa hase ahaatee maxkamada ku oran meyso fuli.

12. In aad ka fogaatid in aad badeecaddaada dhaar ku gadato oo qofku si ‘uu alaabta kaga gato dhaar mareysid taasi waa musiibo asal ahaana dhaarta waa lagu kala baxaa laakiin dhaar waxba laguma gato, sidaas daraadeed Rasuulka waxa laga wariyey axadiis kaasoo noogu sheegayo khasaarada dhaartu u leedahay xoolaha iyo kala gadashadooda “Dhaartu badeecada wey bixisaa laakiin ribixii bey kaa tirtireysaan”

Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in qofka muslimka ah in uu barto diintiisa wixii fardul ceyn ah barashada ganacsiga islaamiga ahna qofkasta oo ganacsi raba in uu galo waa ku waajib inuu barto xalaasha iyo xaaranta, amase ka dheeraado wixii shubuhaad iyo khilaaf ku jiraan.

Facebook Comments Box

Waa qoraa katirsan, waxna ka qora majaladda Somalism, waxa uu inta badan kusoo bandhigaa qoraalada luuqadiisa Hooyo ee af soomaaliga, daneeyana inuu qeyb lixaad leh ka qaato hormarinta garaadka bulshadiisa, wuxuu wax ka qoraa arimaha diinta, dhaqaalaha, ganacsiga ,wadaniyada, iyo arimaha bulshada. Heerkiisa waxbarasho waa heer jaamacadeed wuxuuna bartay cilmiga Dhaqaalaha, Xisabaadka Ganacsiga, Diploma Maaraynta Shaqaalaha Aadanaha iyo Sayniska Kombuutarka.

Ganacsiga

Xoghayaha Maaliyada ee dowladda Mareykanka Janet Yellen, oo ku baaqeysa in la yareeyo ugu yaraan canshuurta dakhliga shirkadaha adduunka

Published

on


Xoghayaha Maaliyada Janet Yellen ayaa Isniintii ku boorisay in la qaato ugu yaraan canshuuraha dakhliga shirkadaha adduunka, dadaal lagu doonayo in lagu dheellitiro waxyeellooyin kasta oo ka dhalan kara kordhinta maamulka Biden ee Mareykanka.

“soddon sano oo tartan ah xagga hoose” taas oo waddamadu ay yareeyeen qiimaha canshuurta shirkadaha si ay u soo jiitaan ganacsiyada caalamiga ah, Yellen waxay sheegtay in maamulka Biden uu la shaqeyn doono dhaqaalaha kale ee horumarsan.

“Tartanku wuxuu ku saabsan yahay in ka badan sida shirkadaha xarumtooda tahay  Mareykanka ay uga soo horjeedaan shirkadaha kale ee ku biirista adduunka iyo dalabyada iibsiga,” Yellen ayaa ku tiri khudbad dalwaddii ay u jeedisay Golaha Chicago ee Arrimaha Caalamiga ah.  “Waxay ku saabsan tahay hubinta in dawladuhu ay yeeshaan nidaamyo canshuura oo deggan si loo ururiya dakhli ku filan oo lagu maalgeliyo alaabada muhiimka ah ee dadweynaha.

Khudbadda ayaa ahayd tii ugu sarraysay ee Yellen illaa hadda laga gaadho arrimaha caalamiga ah, waxayna ku soo beegantay iyadoo shirarkii guga ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ku bilaabmeen qaab muuqaal ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa soo jeediyay in la raaco sicirka canshuurta shirkadaha ilaa 28% laga bilaabo 21%, taasoo qeyb ahaan ka fureysa jarista maamulka Trump oo laga jaray 35% sharcigeeda canshuurta 2017.  Biden wuxuu kaloo doonayaa inuu dejiyo ugu yaraan Canshuuraha dakhliga shirkadaha dibadda, iyo inay ku adkaato shirkadaha inay beddelaan dakhliga ka soo gala badda.  Kordhinta ayaa gacan ka geysan doonta bixinta kharashka hanka $ 2.3 trillion kaabayaasha dhaqaalaha ee Aqalka Cad.

Biden wuxuu sheegay inuusan “haba yaraatee” ka walaacsaneyn in sicirka canshuurta shirkadaha ee sar sare ay sababi doonto qaar ka mid ah Mareykanka  shirkadaha inay u guuraan dibedda, in kasta oo Yellen ay soo bandhigtay canshuurta ugu yar ee shirkadaha caalamiga ah loogu talagalay in looga hortago in taasi dhacdo.

Sida laga soo xigtay Hay’adda cashuuraha, dhimista cashuurta shirkadaha ee maamulka Trump waxay hoos u dhigtay   heerka ugu sareeya 37-da dhaqaale ee horumarsan ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarka illaa 13aad ee ugu sarreeya.  Falanqeeyayaal badan ayaa ku dooday, si kastaba ha noqotee, in yar oo ah, shirkadaha caalamiga ah ayaa bixiyay canshuurta oo dhan.

Yellen, dhanka kale, waxay hoos u dhigtay suurtagalnimada ajendaha gudaha ee maamulka Biden, oo waliba ay ku jiraan $ 1.9 trillion xirmo gargaar COVID oo la ansixiyay bishii hore, si loo kiciyo sicir bararka sare.  Xoghayihii hore ee Maaliyada Larry Summers, iyo kuwa kale, ayaa walaac ka muujiyay tan iyo markii sharciga maareynta la ansixiyay.

“Waxaan si xoogan uga shakisanahay inay sababi doonto cadaadis sicir barar,” ayay tiri Yellen, iyadoo tixraaceysa soo jeedinta kaabayaasha maamulka.  “Dhibaatada muddo aad u dheer waxay ahayd sicir barar aad u hooseeya.”

Yellen ayaa sidoo kale xustay in dalal badan oo soo koraya ay ku dambeeyaan talaalka dadkooda, sidoo kalena ay la kulmeen cawaaqib xumo dhaqaale oo ka dhalatey aafada.  Ilaa 150 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa sanadkaan ku dhici doona saboolnimo daran, ayay tiri Yellen.

“Natiijadu waxay u egtahay inay noqon doonto dhibaato qoto dheer ee waarta, oo leh dhibaatooyinka sii kordhaya ee deynta, saboolnimada sii xidideysan, iyo sinaan la’aanta sii kordheysa,” ayay tiri Yellen.

Maamulka Biden wuxuu taageerayaa abuuritaanka $ 650 bilyan oo awood amaah ah oo cusub IMF si wax looga qabto arrimaha noocaas ah, ayay tiri.  In badan oo ka mid ah Jamhuuriyiinta Koongareesku waxay ka soo horjeedaan qaybinta cusub, iyagoo ku doodaya in inta badan maalgelinta ay u wareegi doonto dalalka soo koraya ee sida wanaagsan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ganacsiga

Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo markii ugu horraysay bixiyey Ruqsadda Adeegga Lacagaha Taleefanka

Published

on


Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna kana soo qayb galeen qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta si rasmi ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku gudoonsiiyay shirkadda Hormuud Telecom Liisanka adeegga EVC Plus kaddib markii ay shirkaddu soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa madasha ka sheegay in shirkadda Hormuud ay tahay shirkaddii ugu horraysay ee hesha aqoonsigaan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Ruqsada EVC

“Maanta waxaanu isugu nimid shahaadada aqoonsiga ee uu bixiyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya in aan guddoonsiino shirkadda Hormuud gaar ahaan adeegga EVC Plus-ka, adeeggaan ayaa ah maanta laga billaabo mid la isku halayn karo, maadaama uu maray dhammaan shuruudihii caalamiga ahaa ee Bangiga dhexe soo saaray, waana adeeg maaliyadeed oo la isku hallayn karo, inkastoo markiisi horeba ahaa adeeg la isku hallayn karo oo dadka soomaaliyeedba isticmaali jireen” ayuu yiri Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed cabdullaahi.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka hadlay madasha ayaa sidoo kale ku ammaanay shirkadda Hormuud hannaanka buuxinta shuruucda caalamiga ah ee adeeggan maaliyadeed gaar ahaan adeegga EVC Plus oo xil-wayn iska saareen in dadka Soomaaliyeed si bilaash ah ku isticmaalaan.

Ugu dambayn waxaa madasha xafladda soo gaba-gabeeyey guddoomiyaha shirkadda Hormuud Axmed Maxmuud Yuusuf, oo sheegay in shirkadda Hormuud ay u hoggaansan tahay shuruucda iyo nidaamyada u yaalla dowladda, isagoona sheegay in uu aad ugu mahad celinayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo maanta guddoonsiiyey shahaadada aqoonsiga ee adeegga maaliyadeed, kaas oo noqonaya mid la jaan qaada midka ay isticmaalaan dowladaha caalamka.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya,

Shaqooyinka bankiga waxaa ugu horeeysa maamulka iyo iskudheelitirka dhaqaallaha wadanka, xisaabinta miisaaniyada dowlada, ilaalinta qiimaha lacagta wadanka iyo nidaaminta koboca dhaqaalaha wadanka. Intaas waxaa u dheer, maamulka iyo dejinta siyaasada dhaqaalaha iyo maalgeshiga dowlada.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya waa wasaarada gacanta ku haysa isla markaana maamusha dhaqaalaha dowlada, canshuuraha, iyo kharashka wadanka Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, wasaaradani waxay masuul ka tahay habaynta, dejinta iyo diyaarinta siyaasada dhaqaalaha iyo maamulka miisaaniyada dowlada fedraalka ah.

Sanad kasta bisha Oktoober, Wasaarada waxay hortimaadaa Gollaha Baarlamaanka si ay u sharaxdo miisaaniyada sanadle ee dowlada federaalka. Guud ahaan, Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya waxay hoostegtaa Wasiirka Maaliyada; Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waa bankiga dhexe ee dowlada wadanka Soomaaliya.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ganacsiga

Saamiga shirkada Tesla ayaa sii dhacaya kadib markii Elon Musk uu lumiyay $ 15Bilyan maalin keliya

Published

on


Elon Musk, maareeyaha shirkada Tesla Elon Musk, ayaa lumiyey kaalinti koobaad ee uu uga jiray maalqabeennada adduunka, kadib markii dhawaan uu hoos u dhac ku yimid saamiga shirkadda samaysa gaadiidka isticmaala korontada, oo ahayd halka uu ka helay hantida ugu badan.

Tesla Elon Musk, maanta ma’ahan qofka adduunka ugu qanisan kadib markii saamiyada shirkadda baabuurta korontada ay hoos u dhacday 8.6% Isniintii, waxaa hantidiisa ka baxday $ 15.2bilyan

Bilyineerkaan, oo bishii hore ka hanti batay aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa qaatay magaca qofka ugu taajirsan adduunka, ayaa dib ugu soo laabtay kaalinta labaad isagoo hadda leh $ 183bn oo lagu qiyaasay inuu ka dambeeyo hadda Jeff Bezos oo haysta $ 186.3bn.

Saamiga Tesla ayaa hoos u dhacay in ka badan 20% tan iyo markii uu horraantii January gaaray in ka badan 880 dollar saamigiiba. Waxay aad hoos ugu dheceen toddobaadkan kadib markii shirkadda ay dhawaan lacag ka badan 15 bilyan oo dollar ay ku lumisay lacagta Bitcoin loo yaqaan. Hoos u dhaca ku yimid ganacsiga Elon Musk ayaa waxa uu u horseedday Jeff Bezos inuu markale noqdo qofka ugu taajirsan dunida oo uu hogaanka u qabto liiska maal-qabeennada.

Khatarta lala xiriirinayo isbedalka Bitcoin oo maalmihii dambe hoos u sii dhacayay ayaa sare u qaaday suuragalnimada ah in qaar ka mid ah maalgashatada shirkadda Tesla ay iibiyaan saamigooda xitaa haddii aysan shirkadda dhaawac u geysan hoos u dhacan, sida uu sheegay Dan Ives oo ah falanqeeya dhanka amniga ah.

Hoos u dhaca ku yimid Bitcoin 48-dii saacadood ee la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah maalgashatada ku qasbay inay iibiyaan saamigooda. Qiimaha Bitcoin ayaa 50% sare u kaacy toddobaadyo kadib markii Telsa ay shaaca ka qaadday inay iibsatay saami qiimihiisu gaarayo 1.5 bilyan oo dollar ay aqbashay in ay bixiso lacagtaasi. Hase yeeshe Bitcoin ayaa 20% hoos u dhacay wixii ka dambeeyay Axaddii, taasi oo weli ka sarreysa markii uu ay Telsa iibsatay saamigeeda.

Musk oo ka dambeeyay sare u kaca Bitcion ayaa sidoo kale nafsaddiisa isku eedeynaya inuu ka dambeeyay hoos u dhacaan dhawaan ku yimid Bitcoin. Dhammaadkii todobadkii hore ayaa Musk ku baahiyay barta Twitter in qiimaha Bitcoin uu sare u kacay. Sidoo kale xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka Janet Yellen ayaa sheegtay in lacago si xawli loo baxayo, taasi oo uu muuqatay inay u digeyso Bitcoin.

Maalgashiga Musk ee Bitcoin ayaa ku soo beegmay iyadoo shirkadda Telsa ay wajahyso caqabado kale. Shirkadda ayaa dhawaan hakisay iibinta gaawaarida nooca Y SUV, taasi oo Musk uu kaga gol lahaa inuu hormariyo xilliyada u dhaxeeya iibinta noocyada kala duwan ee gawaarida.

Bilowgii bishan, sharci-dejiyaasha Shiinaha ayaa u yeeray shirkadda. Wuxuu booska ugu sarreeya ee taajirnimada ka saaray milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo caalamka maalqabeennimada ku hoggaaminayay ilaa sanadkii 2017. Shirkadda gawaarida korintada sameysa ee uu leeyahay Elon Musk ee Tesla, ayaa qiimo aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray 700 oo bilyan oo dollar markii ugu horreysay maalintii Arbacada ee shalay.

Mr Bezos ayaa sidoo kale dhaqaale badan ka faa’iiday xayiraadihii Fayraska Korona, maadaama ay shirkaddiisa Amazon ee internet-ka wax ku iibisa lacago badan ka soo xareysay dadka iyagoo guryahooda jooga wax iibsanaya. Hase yeeshee 4% ka mid ah ganacsigiisa ayuu siiyay xaaskiisii hore, MacKenzie Scott, kaddib markii ay kala tageen, taasoo Musk ka caawisay in uu kala wareego booska taajirnimad

Intii lagu jiray sanadkii dhammaaday ee 2020, lacag dhan $140 bilyan oo dollar ayaa ku darsantay hantida Elon Musk. Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, dhaqaalaha uu maalqabeenkan heysto wuxuu maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ahaa $167 bilyan oo dollar. Bishii November wuxuu ka sare maray Bill Gates, isagoo sidaas ku noqday qofka labaad ee ugu taajirsan adduunka. Sida uu xusay wargeyska qiimeeya dhaqaalaha ay dadka sameeyaan ee Forbes, wuxuu Musk noqday qofkii hantida ugu badan sameeyay hal sano gudaheed, intii uu wargeyskaas waday qiimeynta.

Waligaa maku fikirtay inaad taajir noqoto? Dad badan baa ku riyooda inay ganacsi-aasaase noqdaan laakiin waxa la hadha caadooyin yar-yar oo horumarkooda u daran. Tusaale ahaan, dad badani waxay u maleeyaan inay waxbarashadu dhamaato maalintay jaamacada ka qalin-jabiyaan, halkay dadka ganacsiga ku horumaray ay ogyiin inayna waxbarashadu waligeed istaagin.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Ganacsiga

Sidee bilyaneer ku noqon kartaa? – Raac 10-kaan qodob

Published

on


Jeff Bezos waa ninka ugu taajirsan caalamka wuxuuna hoggaamiyaa mid ka mid ah shirkadaha ugu guusha badan caalamka, waana shirkadda Amazon oo isga uu ka yahay milkiile.

Ma ahan buunbuunin, in la dhoho shirkaddaas teknolojiyadda ma guuleysan lahayn haddii aysan ahayn dadaalka adag ee uu ku bixiyay Jeff Bezos.

“In shirkaddan ahayd bakaahro loo badalo mid wax walba iibisa, waxay u baahan tahay maskax badan, qorsheyn la xiriirta in khatarta loo bareero iyo hal-abuur,” waxaa sidaasi yiri saxafiga lagu magacaabo David Baker oo barnaamij uu ugu magac daray “Inside the Mind of Jeff Bezos” sameeyay.

Jeff Bezos Higsiga kuma koobnayn oo kali ah hal-abuurka ganacsiga, ee waxay ahayd mid ku saabsan waxyaabihii uu daneynayay”.Balse su’aashu waxay tahay sidee ayuu Bezos hormarkan ku gaarsiiyay shirkadda?

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa 10 qodob o horseeday gusha uu gaaray milkiilaha Amazon, Jeff Bezon.

  1. Dhibaato kasta xal ayay leedahay. marka laga fikiro hal-abuurna lala yimaado Bezos, markii uu yaraa wuxuu aamin sanaa aragtida la xiriirta awoodda hal-abuurka.

Waxaa uu xilliyada xagaaga, waqti la soo qaadan jiray awowgii oo ku nool tuula yar oo ku taalla gobolka Texas, Waxaa uuna xilligaa hagaajin jiray wax walba oo farsameyn iyo hal-abuur u baahan. Awoowgii ayaa mar waxaa lacag badan looga qaatay hal-abuurka arrimaha casriga ah, ka dib markii uu shil gaari uu galay, uuna ku waayay suulkiisa. Wuxuu galay qalliin loogu sameeyay suul macmal ah iyadoo la adeegsanayo qaab casri ah. Waa sheekadan midda uu ilaa maanta ka sheekeeyo Bezos.

2. Qofka macmiilka ayaa mar walba saxan. Tom Alberg ayaa ku tilmaamay agaasimihii hore ee shirkadda Amazon, Mr Bezos “mid u dhashay sida loola dhaqmo macaamiisha”. Wuxuu intaa ku daray: “Wuxuu donayaa in caalamka uu wax ka badalo, waxayna maskaxdiisa mar walba ku xiran tahay qancinta macaamiisha. Haddii aad lacag sameysid wax badan ayaad qaban kartaa.”

3. Dib u laabo ka dibna horey isu ballaari.Sunil Gupta, oo ah macllin dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Harvard, ayaa hal-abuurka Amazon ku tilmaamay wax soo saar cusub iyo adeeg uu ku qeexay “dib u noqo ka dib-na horey isu ballaari,” taasoo uu ku micneeyay in dib loo laabto oo la darso waxyaabihii sababay dhibaatooyiinka ay wajaheyso Shirkadda, ka dib-na horey loo socdo. Waxay arrintani micnaheedu yahay in shirkadad Amazon ay ka fikirto waxa ay macaamiisheeda rabaan ka dib-na ay ka shaqeyso sidii ay u heli lahaayeen.

4. Mar walba waa maalinta ugu horeysa. Warbixin kasta oo sannadle ah oo ay soo saarto shirkadda Amazon, waxaa lagu soo daraa nuqul ka mid ah warqaddii ugu horeysay ee dadkii shirkada saamiga ku lahaa.

Waxaa khudbooyiinka lagu daraa muhiimadda ay leedahay in laga fakaro in maalintaas ay tahay “maalinkii ugu horeeysay” ee shirkadda, taasi oo micnaheedu yahay in mar walba la joogteeyo oo la sii wado baahidda iyo oonka loo qabo hal-abuurka iyo guusha ganacsiga.

In maalintaasi loo fakaro waxay tahay xilligii labad ee Bezos uusan khiyaarka lahayn.

Waa taa midda ay muhiimad u leedahay in loo fikiro in shirkadda ay maalintaas soo billaabatay, dhidibadana loo aasay,” ayuu yiri.

5. Ka awood badi. Markii ay sida xowliga ah ku bilowdeen bogagga internet-ka, sannadkii 2000, oo amnigoodana uu halis ku jiray, Bezos wuxuu u bareeray halista wuxuuna Amazon u furay dad kale oo dibadda ah oo maalgashan kara. Waxay ahayd tallaabo lama filaan ah, wuuna ku faa’iday. Meelaha uusan guulaha waaweyn ka gaarin waxaa ka mid ah in uu galay ganacsiga mobile-lada. Sikastaba, sida Bezos u aaminsan yahay in halista loo bareero waa mid aad u xoog badan.

Sidoo kale, Caadi ayay la tahay in uu isaga haro mashaariicda qaar, uuna ku daro waxyaabaha uu khibradda u soo yeeshay. John Rosman, oo horey Amazon uga ahaa madaxa fulinta iyo qoraaga The Amazone Way, wuxuu sheegay in Jeff Bezos “uusan dan ka lahayn in uu gaaro go’aan uusan garaneyn meesha uu ku socdo iyo halka lagu gaari karo,” waxaana tusaale u ah Teknolojiyadda Alexa.

6. Guuldarada waa waddada guusha. Mashaariicda aysan ka muuqan natiijo wanaagsan ma ahan oo kaliya mid qeexeya sida Bezos uu ugu bareerayo khatarta, balse waa mid muujinaysa go’aanka uu ka qaato guuldarada.

7. Waliga ha ka qoomameynin wax aad isku day’day. In guuldarada aanan ka cabsan waxay barbar socotaa in guuldarada aadan ka qoomameyn. Bezos ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan arrintan, mar uu dod la galay Matthias Dobfner, oo ah madaxa shirkadda wax daabacda ee Axel Springer.

“Markaad ka fikirto waxyaabaha aad ka qoomameyn doonto, marka aad gaarto da’da 80 sano jir, waa waxyaabaha aanan wali sameynin. Waxaa dhif iyo naadir ah in aan ka shalaayno wax aan sameynay laakiin sidii la rabay u shaqeyn waayay ama fashilmay.”

8. Muuji Fikirkaaga. Ninka wax ka qoray Bezos, Brad Stone wuxuu rumeysan yahay in madaxa shirkadda Amazon uusan dimuqraadiyadda aaminsanayn, marka ay timaado in go’aanka ugu dambeya la qaato xilliyada la fadhiyo shirka guddiga fulinta ee shirkadda, haddana wuxuu Bezos sidoo kale aminsan yahay in ay wanaagsan tahay in la yeesho dood daacadnimo ku dhisan. John Rosman ayaa rumeysan in shirkadda Amazon ay arrintan kaga duwan tahay shirkadaha kale ee la midka ah.

9. qeyb ka noqo tartan. Bezos waxaa uu tartan adag kula jiraa shirkado. Wuxuu Brad Stone tusaale u soo qaatay shirkadda teknolojiyadda ee Alexa. Waxay u muuqatay in markii shirkadda Apple ay sameysay barnaamijka Siri, in shirkadda Google na ay noqon karto mid leh cod wax walba qeexaya.

Waxaa uu yiri: “Shirkadda Amazon wax micno ah ma aysan u lahayn oo hormuud uma ahayn dhanka tiknoolajiyada, balse Jeff Bezos waxaa uu ahaa agaasimaha mashruuca Alexa, waxayna shaqa abuur u noqotay illaa 10,000 oo qof, sababtoo ah ma uusan dooneyn in uu quusto oo ay xilligaasi guusha raacdo shrkadaha kale ee tartan kula jiray.”

10. Eeg mustaqbalka fog
In la qorsheysto illaa wax yaabaha suuragalka ah mustaqbalka fog ayaa udub dhaxaad u ahaa guusha Bezos iyo shirkadda Amazon.

John Rosman ayaa farta ku fiiqay in Bezos “uu doonayo, uuna dulqaadkeeda leeyahay, in 10 sano uu sugo si uu lacag u sameeyo, wuxuuna u dhabar adeygaa shayga uu u arko in horumar lagu gaarayo”.


BBC SOMALI

Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Wax Kabaro Cilmiga Dhaqaalaha

Published

on


Waxaan halkaan kusoo bandhigi doona qoraalo koo koban kuwaas oo macno weyn ka bixin doona Maadada Dhaqalaha. Qoraaladaas oo ay ka faa’idaysan doonaan guud ahaan qofki akhrista, ama jecel in u wax ka ogaado dhaqaalaha iyo gaar ahaanba ardayda jecel in ay bartaan Dhaqalaha. Casharadaas oo aan kusoo arruurinay in uu qof walba fikrad fiican ka heysan doono dhaqalaha.

Waxaynu ognahey in cilmigu ama aqoontu ay tahey warbixin aad hesho. Hadaba haddii aad fursad u hesho aad ku akhrisato fadlan gaarsii walaalkaa kaleeto si uu isna uga faa’idaysto. Inta aan u gudagalin, waxaan qofkasta ka doonayaa inuu iisoo gudbiyo fikradaha lasoo gudboonaata markuu akhristo qoraalkan, adigoo isoo diri kara waraaq.

Dunidda maanta la joogo Dhaqaalahu wuxuu ka noqday wax dhammaan bushada kunool adduunka in ay noqdaan dhaqaalyahano. Gaar ahaan dadka ku nool dunida seddaxaad waxey ogadeen in barashada dhaqaluhu uu u sahlo xalinta dhibatadooda dhaqaale iyo tooda bulshadaba. Sidaa darteed maadada dhaqaaluhu maanta waxay noqotey mid aan la soo koobi karin faa’idooyinkeeda.

Hadaba waxaa muhiim ah in aan halkaan ku xusno maadaddaas, inagoo sheegi doona, asal ahaan erayga dhaqaalaha meesha uu ka yimid, sidii uu u baxey, herarka uu soo marey, qeybaha uu u kala baxo ama loo qeybiyo inaga oo addeegsaneyna habka ugu hufsan una egayna in aan soo koobno qoraalkeena.

Dhaqalaaha waa maado la barto madaddaasoo dad badani ku tilmamaan madadii boqortooyada.

Professor Naiz Ahmed isagoo tusale ka bixinaya ayuu yiri Madaxweynaha wadankan(Pakistan) Genenal Barfeez Musharaf ayaa markii uu xukunka qabanaayey yiri “waan garanayaa aqoon badan inkastoo aan garaneyn Economics waxaana khasab ah in aan barto Dhaqalaha”(isagoo maanta sifiican ubartey) taasi waxey ku tusinaysaa in aysan aheen maado raqiis ah.

Madaddaani waa maado wax walba ka turjumaysa una sahleysa hoggaanka wadanka haya in uu si fiican u hago wadankaas haddii uu yaqaan dhaqaalaha.

Macnaha dhaqaalaha

Erayga economics waxaa la dhahaa markiisi hore wuxuu ka yimid, dadkii Giriiga oo ay oran jireen Oikonomes. Sida aynuba ognahey dadka Giriigu waa dadki laga soo gaarey waxyaabo badan oo haddii aad baarto aad ogaaneyso.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxey iyagu u isticmaali jireen?

Waxay u isticmali jireen maamulka guriga. Hada su’aasha taal waxa weeye sidee eraygaan uu ku noqday  Economics madaama uu ahaa Oikonomos?

Markii ay bilaabmeen kacaankii warshadaha dowlada Ingiriiska 1770, waxaa suurta gashey in ay warshado badan bilaabmaan, hadda waxaa la ogyahey haddi ay wax soo kordhaan in ay wax la yimadaan. Kacaankaas ayaa waxaa bilaabmay dhibaato xagga dhaqalaha ah. Dhibaatadaas oo saameysay shaqo la’an, Gadiidka iwm.

Kadib waxey noqotey in loo baahdo sidii loo darsi lahaa dhibatooyinkaas. Si marka loo darso dhibatooyinkaas soo foodsarey dalka Ingiriiska ayey noqotey in lagu xaliyo Magaca Economic. Sidaas buuna ku noqdey Economic.

Waxaana magaca Economic bixiyey oo awal loo aqoon jiray Oikonomos ku turjumay luuqada uu hadda yahey Economics Adan Smith. Waxaana Adan Smith noqdey abihii dhaqaalaha (father of Economic). 1776 ayuu buug qorey Adan Smith wuxuuna u bixiyey ” Wealth Nation”. Wuxuna ku qeexay “Economic is a science of Wealth”.

Hadaba haddii aynu usii guda galno qeexitaankaas. Waxey na tusinaysaa erayga “Wealth” oo ah Hanti kana koobma afar qeybood oo kala ah:

1.Wax soo saar 

2. Iswaydaarsi

3. Qaybin

4. Isticmaal

Hantidu maxay tahay?

Hantidu waa baddeecada iyo addeega. Marka qexidaasi waxey u dhaceysaa dhaqaaluhu in uu yahay baddeecad iyo addeeg gediskoodu yahay lacag.

Hada wamic:

Guud ahaan dhaqaaluhu waa sayniskaas oo darsa wax qabadka dhaqaalaha dadka oo ku wajahan nolosha bulsada. Hadaba qeybtaan waxay nasiisa qaabab aynu u isticmaalno in aan ku lafa gurno dhibaatada dhaqalaha soo food saarta dadka.

Waxayna u qeyb santaa labo qeybood oo kala ah:

  1. Microeconomics
  2. Macroeconomics

Microeconomics

Micro waxeynu ogsoonahey in ay tahey waxyar, sidaa darted Micro-Economic waxaa loo isticmalaa in lagu wajaho waxyaabaha yar yar ee dhaqaaluhu leeyahey sida dalabka ay leedahey badeecadi sidoo kaleeto markii shey ama badeecad laqimeynayo waxeyna u qeybsantaa aftar waxyaalood ay hantidu leedahey sida:

  1. Wax soo saar (Production)

2. Iswaydaarsi(Exchange)

3. Qaybin(Distribution)

4. Isticmaal(Consumption)

Macroeconomic

Macro waxey ka timid eray Giriik ah oo la oran jiray “Makros” kaas oo macnihiisu yahey baaxad ama weynaan “Large”. Sidaa darted Macroeconomics waxaan ku baranaa qeybaha waa weyn ee dhaqaalaha. Taasoo natusunaysaa tusala’ahaan intaan gaar ahaan ardeyda ka hadli laheen in aan ka hadalno dhamaan waxa dhigta.

Hadaba qeybtaan waxaa hormariyey J.M Keynes. Waxaanu ku baranaa qeybtaan waxyaabo badan oo dowlada la xirrira sida:

  1. Dakhliga ay dowladi leedahay.

2. Ganacsiga kharajka ama dibada.

3. Qiimaha sarifka lacagaha.

4. Dhaqaalaha guud ee bulshada.

5. In loo dhuun daloola waxyaalaha keena shaqo la’anta.

6. Koritaanka iyo hormarka.

Waxaan filayaa

2. Applied Economic

Qeybtaan waxaan ku baranaa in aan ku wajahno wixii aan kusoo baraney qeybti hore oo aheed aragti ama figrad maskaxeed oo la abuuray. Anagoo ku sameynayna xaaladda xaqiiqda dhaqaalaha uu wadan leeyahey. Anagoo shaqadii qabaneyna ayaan ku wajaheynaa. Tusaale ahaan adigoo raba in aad ogaato shaqa la’aanta wadanka ka jirta ama aad ogaato koritaanka iyo hormarka Soomaaliya ayaad wajaheysaa qebtaan.

Waxaad kaloo ku wajihi kartaa (Monetary and fiscal policies of the country).

Madaahiibta afkaarta cilmiga dhaqaalaha

Dhaqaalaha Madhabka Classicism

Dhammaadkiii qarnigi 18aad iyo bilawgi qarnigii 19aad ayaa waxa aad usoo ifbaxay in kacdoonkii warshadeed ee Yurub ka jiray, iyo in lasoo saaray alaado ka shaqo wanagsan aadanaha, sida gawaarida lagu falo beeraha iyo warshadaha aladeed, taasna sababtay inay dhacaan shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay dadkii ka shaqeen jiray hawlaha ay la wareegen alaadahaas.

Saas darteed culumadii cilmiga dhaqaalaha oo xiliga doonayay inay saxaan nadariyaadkii dhaqaalo ee wagi hore jiray, iskusoo wada duboow Classic School waxa ay ahayd dhaqaaq looga gudbayay suuradi qadiimka ahayd ee cilmiga dhaqaalaha iyo hirgalinta dhaqdhaqaaqa fardiga ah (maslaxada fardiga) ee Liberalism ka loo yaqaan, ayado laguso koobayay cilmiga dhaqalaha, taxliilka loo yaqaano.

Saameynta ee sameesay iskoolkii classicism:-

  1. Soo ifbixida dabaqaadka bulsho (dabaqada hoose, dhaxe, sare).
  2. Dhaqaalaha kala iibsiga aadamaha oo noqday il dhaqaalo oo la ictimaado.
  3. Faragalinta dawlada oo lagu soo koobay ilaalinta malkiyada afraada qura.

Waxa hoggaaminayay iskuulkaas raga caan ku ah cilmiga dhaqaalaha sida Adam Smith iyo Tomas Maltose iyo David Ricardo iyo John Stu-red mill

Madhabka Neoclassicism

Iyadoo ay sii fideyso afkaarta Marxism ka (maraakisiyada) oo lid ku ah fikirka hanti-goosadka ayaa waxa soo ifbaxay waxa loo yaqaano madhabka neoclassicism.

Hadaba waa maxay neoclassicism?

Waa qeyb ka mid ah musaslada horimarineed oo ay wadeen culumadii dhaqaalo ee qarnigii 19aad, waxeyna ka duuleysan awooda fardiyeed ee lo yaqan (Liberalism) waxa ay eheed muhimada madhabka neoclassicism in ay hormariso madhabki classicism ee ka horeyay.

Waxyaabaha ay so bandhigtay madhabka neoclassicism aya aha:-

  1. Isticmaalka xisaabaata kolka lagu guda jira taxliilka dhaqaalo, sida law of supply iyo law of demand iyo qawaaniinta xisaabeed oo lamidka ah.
  2. Soo biirida fikrada la dhaho (Marginal ) ama xadiga sare
  3. Isticmaalka fikrada manfacada (Utility ) mid xadideesa iibsiga baddeecooyinka seddax daas afkaar aya ugu waaweyna waxyabaha ay soo biirisay madhabka neoclassicism. Waxa jira dhawr iskuul oo ka farcamay madhabka neoclassicism oo kala ah:

B. Iskuulka xisaabta: oo caan ku ah isticmaalka xisaabaha iyo soo sarida qaannuuno kala duwan oo ku dhisan qaab xisaabeed.

T. Madarasada Austria: oo caan ku ahayd in ay ahmiyada siiso nafsiyada qofka kolka ay daraasanayso muuqaalka isbadalka dhaqaalo, waxayna ku caan baxday magaca ah (Psychological direction).

J. Madarasada Cambridge: waxa ay ku can baxday isku arruurinta dhamaan afkaarta dhaqaalo ee labada madhab iyo is waafajintooda.

  1. Madhabka Keynes (Keynesian Revolution):- 30 meeyadi qarniga 20aad, aya waxa culumada dhaqaalo ay muhiimada siin jiray taxliilka juz’iga ah (Microanalysis), waxeyna aaminsanaayeen in shaqa siinta buuxdo (Full employment) ay tahay wadci joogta, islamarkaana wax soosaarka qoomiga (GNP) uu ahaanaya mid fadhiya oo is badbadlin, aragtidaasoo ku koobneed taxliilka loo yaqaan (Microanalysis) .

Aragtidaas aya waxa ay sababtay in ay dhacaan dhacdo dhaqaalo oo weyn taasoo lamagac baxday (Great depression) ama Fadhiid dhaqaalo lagu dhihi karo afka soomaaliga, waxay sababtay inuu soo if baxo nin la dhaho John Maynard Keynes oo ah caalim dhaqaalo oo udhashay dalka ingriiska , asagoo qoray kitaab la dhaho ” The General Theory of employment , interest and money” kitaabkaan oo wax weyn ka badalay habsami usocodki cilmiga dhaqaalo , oo soo ifbixiyay waxa loo yaqaan (Macroeconomic) dhaqaalaha guud.

Haddaba Kacdoonka Keynes maxa uu ku saabsana?, Waxa u sabab ahaa:

  1. Burburinta afkaarti ku dhisneed taxiilka yaraa (Microanalysis)
  2. Shaqo la’aanta iyo wax soo saarka guud in ay yihin kuwa isbedbedelo oo aan ku nagaan hal meel, taaso ka duwan aragtidii culumadii hore.
  3. Faragelinta dawlada ee xaga dhaqdhaqaqa dhaqaalo oo kor u qaadmay, xaga ay ka ahaan jirtay mid ilaalisa hantida gaar ahaaned qura.
  4. Taxliilka maaliyadeed oo noqday mid awood ku leh taxaaliisha cilmiga dhaqaalo
  5. Soo ifbixida mawaadiic cusub oo aad muhiim u ah sida wax soosaarka guud, dakhliga guud, iyo wax soosaarka maxaliga guud. GNP, GD , NNP.

Kacdoonka Keynes ayaa wax weyn ka bedelay cilmiga dhaqaalaha asago leexiyay habsi u socodkii cilmiga dhaqaalaha, kaasoo cilmiga dhaqalaha haatan loo qeybiyo laba qeeybood oo muhiim ah Microeconomic & Macroeconomic.

Culumadii dhaqaalaha islaamka

  1. Ibnu khalduum: Abuu Zeyd Cabdiraxmaan bin Muxamed ibnu khaldun Alhadrami, (1332 – 1406 miladiga) wuxuu ku dhashay waqooyiga Afrika, Tunis, Andlus, wuxuu ku noolaa kadib markii uu ka qalan jabiyay jaamacada Zaytuuna dalalkii ku yaalay waqooyiga Afrika oo ay kamid ahaayeen (sakra, qarnada, jaya, talmasan). wuxuuna gaaray dalka Masar, oo Suldaanki Masar Al-dahir Barquuq kusoo dhaweeyay, waxaana loo xilsaaray garsoor inuu u noqdo madhabka malikiga, oo halkaa wuxuu degenaa in ku dhow rubac qarni (784 – 808 hijriga). Wuxuuna geeriyoday Allaha u naxariistee 1406 miladiga, oo cumrigiisa ahaa toddobaatan iyo lix sano, waxaana lagu aasay meel u dhow Albabaka (nasr) ee ku taala waqooyiga qaahira oo loo yaqaano qubuuraha suufiyada.waxaa loo yaqaanaa Ibnu Khalduun aasasaha cilmiga taarikhda.

Hadaanu tilmaano wax yaabihii uu uga qeyb qaatay cilmiga dhaqaalaha waxaa kamid:

  • Waa aabihii dhaqaalaha sida xaqiiqada ah waxa uuna qeyb kamid ah qoraaladiisa uga hadlay qeybinta dhaqaalaha
  • Dajinta shaqaaale u jajaban shaqada, siyaadinta wax-soosaarka iyo isbadalada suuqa ee wax-kala badalashada iney wadanka kadhigayo hodon.

Yaa Amaanay

Waxaa amaanay niman reer galbeed ah oo kamid yihiin. “Arnuuld Tuwinbii” markii uu yiri, Ibnu Khalduun wuxuu soo saaray falsafo taariikheed, falsafadaasna waa middii ugu weyneed uu bini’aadan gaaro, cusuuraha ha is badalaan bee. “joorj marsiiz” waxyaabihii uu so alifay Ibnu Khalduun waxay kamid yihiin, wax la alifaa midkii ugu muhiimsanaa uu bini’aadan gaaro.

  1. Al-Ghazali (1030-1084): waxa uu qeexay shaqada ugu muhiiimsan ee lacagta is medium of exchange.
  2. Qayim Al-Jawziya

Gunaanad

Fursadaha  qofka barta cilmiga dhaqaalaha

  1. Waxaad noqon kartaa maamule guud ahaan noocyada maamulka gaar ahaan wixii bulsho ah.
  2. Waxaad ka shaqeyn kartaa caawiye shaqsi ee maaliyadeed.
  3. Sidoo kale waxaad noqon kartaa falan qeeye dhinaca maaliyada
  4. Waxaad noqon kartaa maamule maaliyadeed.
  5. Actuary baad noqon kartaa [person who compilies and analyses statistics and uses them to calculate insurance risk and premiums]
  6. Waxaad noqon kartaa cilmi baare dhinaca dhaqaalaha ‘Economic researcher’
  7. Iyo intaas wax ka badan oo fursada ah taasoo ay sabab utahay economics In uu yahay (father of arts) oo aad gali kartid arimaha khuseeya Artska oo dhan.
Facebook Comments Box

Continue Reading

Ganacsiga

Muhiimadda ay Leedahay Ganacsiyada Yar-yar

Published

on


Inkasta oo aanan ahayn khabiir ka faallooda arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha, hasa ahaatee waxa aan ka odhan doonaa in yar oo kor-ka-xaadis ah. Sida aynu ka warqabno ganacsiga Soomaaliya ka jiraa, waa ganacsiyo yar-yar [=Small business entrepreneurship] sidaa daraaddeed way yartahay shirkado waaweyn oo kala wada arrimaha ganacsiga Soomaaliya.

Ganacsiyada yar yari waa kuwa gacanta ku haya hannaankan cusub ee caalamka imika ka jira ee la yidhaahdo (Capitalism), waa qaar shaqo abuur sameeya, waana kuwa dhaqaajiya dhaqaalaha dal leeyahay.

Bilmatal, qaaradda Yurub iyo Ustaraaliya waxa ay isku raaceen in ganacsiyada yar-yari ay yihiin kuwo shaqo la’anta hoos u dhiga dhammaantood way isku raaceen. Ganacsiyada yar-yar marka aynu leenahay waxa aan u jeednaa meel ay ka shaqeynayaan shan shaqaale wax ka yar.

Sannaddihii 1980-dii ganacsiyadan yar-yari waxa ay ka soo dhex baxeen dhammaan ganacsiyadii kale, waana ay guulaysteen. Bilmatal, dalka Maraykanka, madaxweynihii dalka Maraykanka ee Jimmy Carter waxa uu ahaa madaxweynihii u horreeyay ee lahaa ganacsi yar oo uu ka ganacsan jiray alaabooyin kala duwan. Illaa laga soo gaadhayay Harry Truman, oo isna ahaa ganacsade yar. Madaxweyne Carter waxa uu aad u dhiirigelin jiray ganacsatada yar-yar.

Dunida koobaad iyo labaad, waxa ay muhiimad gaar ah siiyeen isku taxallujinta iyo kor-u-qaaddida ganacsiyada yar-yar. Tusaale, urur weynihii la sameeyay 1940- dii oo ay ku midoobeen waddamada yurub iyo Aasiya ku yaala. Ururkaas oo la odhan jiray (National federation of independent business) NFIB. Waxa uu ahaa urur weyne u doodda xaqa iyo xuquuqda ganacsiyada yar-yar.[the_ad_placement id=”after-content”]

Mar kale, 1980-dii waxa dhacday in tobankii shaqo ee cusub ee soo baxaba, siddeed ka mid ahi ay noqdeen ganacsi yar oo la abuuray. Dadka leh ganacsiyada yar-yari waa dad dhaqan wannaagsan, isku filan oo haddana madax bannaan.

Ganacsiyada yar-yari waa kuwo keena ikhtiraac cusub iyo ilbaxnimo hor leh. Bilmatal, Henry Ford iyo Alexander Graham Bell, oo ahaa ganacsato yar yar kaddibna wax ikhtiraacay. Dhammaan madaxweynayaashii iyo ganacsatadii soo martay dalwaynaha Maraykanku waxa ay ahaayeen kuwo taageera abuurista ganacsiyada yar yar, iyaga oo rumeysnaa in laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka.

Bal haddaba innaga madaxdeennu ma dhiirigelisaa ganacsatadeena yar-yar?

Haddaba intaas kaddib, ganacsiyada yar-yar iyo dhaqaalaha soo koraya ee Soomaaliya maaha mid muhiimad u sameeya dadka iyo dalka.

Ma jirto shuruuc iyo qawaaniin u dejisan dawladda oo ay kula dhaqanto ganacsatada. Qormadeennani waxa ay ku saabsan tahay awoodda iyo muhiimadda ay leedahay in la abuuro ganacsi yar. Heerka uu ka marayo Soomaaliya, ganacsiga yari waa mid aad u liita, sababta oo ah dawladda iyo shacabkuba dagaal toos ah oo dadban ayay kula jiraan ganacsatada yar-yar. Tusaale, dawladdu waxa ay kusoo rogtaa cashuuro aad u badan oo aanay qaadi karayn ganacsatadu. Halka dawladdu aanay wax cashuur ah oo muuqda ka qaadin ganacsatada waaweyn.

Sidoo kale, dawladdu waxa ay burburisaa boosaska iyo meelaha ay ku ganacsadaan dadkani iyada oo ku dooddaya in goobahani waddooyinkii soo galeen, isla jeerkaasna ku andacooda in goobahani plan-ka iyo bilicda magaalada qarribayaan. Sidaa daraaddeedna waddada laga saarayo.

Waa ayaan darro weyn in dawladdu hagardaamiso ganacsatada soo koraysa. Waxa ay ahayd in cashuurta faraha badan laga khafiifiyo, sababta oo ah waa xeer caalami ah oo dunida oo dhan isla garatay in la barbaariyo oo la koriyo hannaanka ganacsiyada yar-yar.

Soomaaliya gudaheeda waxa ka jira ganacsiyo yar-yar oo aad u badan oo ay ka mid yihiin: Dukaano, goobaha dharka lagu gado, goobaha qalabka dhismaha lagu gado. Iyo weliba kuwa waddooyinka hareerahooda la taagan alaabooyin kala duwan ee ganacsi.

Dhammaantood waxa ay qeyb ka yihiin hannaanka ganacsi ee Soomaaliya ka jira. Waxa ay ka qeyb qaataan oo horumariyaan, waxna ka taraan shaqo abuurka. Haddii la dhiirigelin lahaa, waxa hubaal ah in qof kastaa isku dayi lahaa abuurista ganacsi u gaar ah oo hirgala.

Ganacsiga yari waxa uu dhalaa ganacsi weyn oo tayo leh. Bilmatal, haddii aad u fiirsatid ganacsatada Soomaaliyeed ee la odhan karo way aflaxeen, dhammaantood waxa ay kasoo bilaabeen ganacsi yar (From the scratch). Dahabshiil waxa uu markii hore lahaa ganacsi aad u yar oo ahaa dukaan, kaddibna muddo kaddib ayuu ganacsigiisi hirgelay oo guulaystay. Dadka qaar ayaa ku doodda in ganacsatada Soomaaliyeed xor yihiin oo aanay jirin dawlad iyo shuruuc cadaaddisa, isla jeerkaasna ay haystaan fursado ay dhaqaalahooda iyo ganacsigoodaba ku hormarin karaan.

Laakiin anigu taas ma aaminsani, dawlad goboleedyada Soomaalidu waa qaar u daran ganacsatada yar-yar. Sannadkasta waxa la burburiyaa oo dhulku la la simaa intaas oo meherado ganacsi. Sidoo kale, waxa lagu soo rogaa cashuuro xad dhaaf ah oo aanay iska bixin karin.

Maanta war farxad iyo rayn rayn leh ayaa kasoo yeedhay wasaaradda ganacsiga dalxiiska iyo wershadaha Somaliland, waxa ay qoraal iyo warbixin ay soo saareen ku bayaamiyeen in ay laalleen lacago iyo kharashaad laga qaadi jiray ganacsatada yar yar ee wax kala soo degta magaalada Berbera.

Boqol iyo konton dollar ayaa laga qaadi jiray halkii koonteedhar ee ka soo dega dekedda. Tani waxa ay faa’ido iyo guul u tahay ganacsatada yar-yar iyo kuwo waaweynba, siiba ganacsatada yar-yar ayaaba aad u faai’daysa. Haddii cashuuraha xad-dhaaf ka ah ee laga qaado laga dayn lahaa, waxa biyo-kama-dhibcaan ah in ganacsiyada yar yari heer gaadhi lahaayeen.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe6 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub3 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul