Connect with us

Siyaasadda Soomaaliweyn

Fahanka sooyaalkii Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya

Waa qoraal kooban oo ka hadlaayo sooyaalkii dastuurka Soomaaliya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray. Waxaana iswaydiin mudan maxaa ka baran karnaa?

Published

on


Hordhac: Waa maxa Dastuur?

Dastuurku waa heshiis bulsho ka dhaxeeyo oo qeexaayo xiriirka ka dhaxeeyo muwadiniinta iyo dowladooda waana Axdi lagu caddeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhacayso, siyaasadda dalka, waajibaadka madaxda dowlada iyo muwadaniinta xaquuqda ay leeyihiin, sidoo kale wuxuu cadeynayaa nooca xukumada dalka ka jirto ay tahay tusaale noocyada dowladaha, dowlad boqortooyo ku dhisan, dowlad federal ah, dowlad dhexe kaliya (unitary government) iyo sida loo toosinayo midka ku xadgudba Axdiga iyo guud ahaan sida dadku ugu dhaqmi lahaayeen qaanuun ay raalli ka wada yihiin.

Sooyaalkii dastuurka soomaliya

Soomaaliya waxay yeelatay 3 Dastuur makii jamhuuriyda soomaaliya xoriyada qadatay 1960 ilaa hada. 27-dii Bishii Janaayo 1950 waxaa gobolladii koon-fureed wisaayo ahaan loo hoos-geeyay Talyaaniga, waxayna Qaramada Midoobay go’aamisay in muddo 10 Sano ah in talyaaniga soomaaliya gaarsiiyo dowlad rasmi ah inay yeelato. Isla waqtigaas ayuu bilowday geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, 1956 soomaaliya waxay yeetaya dowlad KMG daaqili ah waxaa raisal wasaare ka haa Cabdullahi Ciise Maxamuud halka Gudoomioye Barlaam loo doortay Adam cade, November 1958-dii ayuu Guddigii farsamadu soo bandhigay qabyo-qoraal Dastuur oo hordhac ah kana kooban 141 Qodob, ayna la socoto faallooyin gaaraya 316, bog, Janaayo 1960 ayaa awood buuxda u siisay Golihii sharci dejinta in uu la wareego howsha Dastuur samaynta. Golihii sharci dejinta waxay marki ugu horreysay kulmeen 17-kii Maarso 1960, waxayna magacaabeen guddi siyaasaddeed oo soo daraaseeyo qaby-qoraalka Dastuurka 22dii Maarso 1960 waxay hawshiisii billaabay 23 Maajo 1960, wuxuu yeeshay 20 fadhi ka badan muddo 31 maalmood gudahood, waxayna ansixiyeen qabyo-qoraalka dastuurka 21 Juun, 1960, taasoo ka horreysay in ka yar labo toddobaad maalintii madax-bannaanida Soomaaliya ee 1dii Luulyo, 1960 oo ay soomaaliya yeelatay dowlad Rasmi ah kuna biirtay Qaramada midowbe welina Dastuurkii soomaalia wuxuu ahaa qabyo barlamkii soomaaliya rasmiga ahaa ayaa la wareegatay hoosha dhamaystirka qabyo qoraalka dastuurka somaaliya dadaalo dheerad ah xukumadii somaliya gelisay ugu dambeyntii Waxaa lagu meel-mariyay afti-dadwayne 20kii Juun 1961, waxaana HAA ugu codeeyey (90%) codadkii la tiriyay ee ay dhiibteen dadka soomaaliyeed, waxaa xusid mudan isla xiligaasi ayaa ugu dambeysey Dastuur si Democraadi ah lagu ansixiyay codeen shacab, sida caadiga ah Dastuurka waxaa dib u eegis lagu sameeyaa 10kii mar si oo ula jaanqaado isbedelka wadanka dhanka sharciyada iyo kan calamka, nasiib daro Dastuurkii la anxiyay 1961 waxaa dib u eegis lagu sameen lahaa 1971 lakiin waxaa ka dhacay afganbigii ciidan.

21-dii Oktoobar 1969-kii waxaa awooddii dalka afgambi kula wareegay taliskii ciidanka, waxaana la inqilaabay dowladdi rayid ahayd ee shacabku soo doortay, waxaa sidoo kale lalaalay Dastuurki Dalka. Waxaa wadanka lagu maamulayay -muddo 10 sano ah -dekreetooyin aan cuskanayn wax saldhig dastuur ah, 1977-dii ayaa Xeerka Madaxweyne ee Lambarkiisu yahay 90/91 ee soo baxay 20kii Oktober 1977 lagu magacaabay guddi soo diyaariyo mashruuc Dastuur, guddigii soo diyaariyay qabyo-qoraal Dastuur oo ka kooban 114 qodob, waxaana lagu ogolaaday Sharci L.16 ee soo baxay 20kii May 1979 Waxaa sidoo kale lagu ogolaaday Xeerka Madaxweynaha.

26/jan/1991 waxaan dhacday dowladii military ahed wuxuuna wadanka galay dagaalo sukeeyo macluul, iyo abaaro isbiirsday door mar ayey la isku dayey dadaal dib u heshiisiin ah ugu dambeentii lagu fashilmay taasi waxay keentay in dagaaladii socday kusii faafaan guud ahaan wadan, ururadii ay soomaaliya xubinta ka aheed sida Qaramada midowbe iyo Jamacada carabta iyo midowga Africa ayaa bilaabeen inay gacan ka geestaan Shirarkii dib u heshiisnta somalida, sannadkii 2000 waxaan dalka Jabuuti ka furmay shirkii dib u heshiinta waxaan lagu soo dhisay dowlad kumeel gaar oo ah dowlad dhexe oo kaliya lakiin waxaa shirkaa isaga baxay ergadii ka socotay punthland madama la qadan waayey ajandahooda ahaa Dowlad federal ah in la dhso ilaa hada Puntland ayaa lagu amaana inay tahay hooyadii federalka iyo hogaamiye kooxeedyadii konftarta iyo bartama Somalia maamulayeen aysan ku qancin shidoo shirka ku socday.

Markale 2002 waxaa Embagati Kenya ka furmay shirkii dib u heshiinta soomalida oo socday labo sanno waxaana la isgu geeyey labo kun oo ergo ka badan oo ka kala socday, bulshada rayidka, aqoonyahanu, culumada, hogaamiye kooxeedyada, ururada haweenka, oday dhaqmeedyada qaba’ilka shirkaa wuxuu soo dhamaaday 2004 ergadii shirka waxay ku heshiiyeen dowlad federal Kumeel gaar ah sidoo kale waxaa lagu heshiiyey Axdiga Qarameed 71 Qodob ka kooban, Inta laga garaayo dowlad rasmi ah iyo dastuur soomaaliyeed .

Qodobka 68aad ee Axdiga MKG ah wuxuu dhigayay in dastuur federal ah lagu sameeyo muddo laba sano iyo bar, ka bilaabato aasaasidda Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka, waxaana Guddiga la dhisay Juun 2006-dii, ayadoo la raacayo qodobka sare ku xusan ee Axdiga KMG.

30-kii Luuliyo 2010 Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Federaalka waxa uu soo saaray Qabyo-qoraalka dastuurka ee la-tashiga badan kadib oo ka koobnaa 179 qodob, wuxuu dhisayay nidaam dowladeed oo u qeybsan Dowladaha Hoose, Dowlad Goboleed iyo Dowlad Federaal ah Sannadkii 2011-kii, guddi cusub oo khubaro sharci yaqaano ah ayaa la sameeyay si ay u caawiyaan guddiga madaxa bannaan ee dastuur u sameenta soomalia Labadii guddi ee dastuurka waxa ay qabyo qoraal iswaafajinaya aragtiyada kala duwan, usoo bandhigeen bishii Abriil 2012-kii lixda saxiixayaal ee hannaanka Roadmap-ka oo kala ahaa Madaxweynaha, Raisalwaha, Gudoomiyaha Barlaamka, Madxweyenayasha Puntland, Galmudug, Ahlusuna waljameca waa sida hada Gollaha wadatashiga qaran camal iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Danjire Augustine Mahiga. Guddi Farsamo oo aan xubnihiisa la shaacin ayaa la sameeyay waxa uuna dib u eegid ku sameeyay Dastuurka, waxayna saxiixeyaashii ku dhawaaqeen in ay isku afgarteen arrimihii ay isku maan-dhaafsanaayeen ee Dastuurka. Guddiga farsamo oo ku shirayay -muddo laba isbuuc ah- Magaalada Nairobi ayaa mar labaad dib-u-eegis ku sameeyay qaar kamid ah qodobada dastuurka kahor inta aanan qoraalka ugu danbeeyay loo gudbinin saxiixayaasha, 23dii Juun 2012 inta aan heshiiska lagu kala saxiixan Kenya ayay Dowladdii KMG ahayd wareegto ku kala diray Guddigii Madaxa Bannaanaa ee Dastuurka iyo Guddigii Khubarada ahaa. Bishii Juun 2012, saxiixeyaashii ayaa Nairobi ku ansixiyay Dastuurka KMG iyo afar habraac oo uu ku jiro habraaca samaynta gole matalo qaranka isla markaana aansixiyo Dastuurka kadib waxaa loo gudbiyay nuqul daabacan oo Dastuurka Kumeel-gaarka ah Golahii Metelaadda Qaranka oo ka koobnaa 825 ergo bishii Julaay aqris iyo ka duudis kadib Golaha oo ka koobnaa 825 ergo waxa la faray in ay u codeeyaan dastuurka iyaga oo aan waxba ka beddelin wayna ansixiyeen 1-dii Agoosto 2012, Golaha Metelaadda Qaran ayaa ansixiyay Dastuurka Kumeelgaarka ah. kadib 1991 Soomaaliya waxay yeelatay Dastuurka Kumeel gaar, Madaama dhamaaday xiligii dowladahii kumeel gaarka ahaa Dowlada cusub ee rasmiga ah ayaa loo igmaday inay dhamaystirto Dastuurka kumeel gaarka ah si oo u noqdo Dastuur Rasmi taasi oo ilaa manta soo jiitantay geedi socodka dhamaystirka dastuurka,

Maay 2018 waxaa Mogadishu ka daah-furtay geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka. Shirkaan waxaa ka soo qaybgaley xubnaha baarlamanka, culimada, bulshada rayidka iyo bah-wadaagta caalamiga ah. Dowadii Madaxweyne Mohamed Farmaajo ayaa shirkaa ku bixisay qaraashaad iyo johdi si loo dhamaystiro dastuurka qabyada ah sida oo yiri Raisal was are Khayre “Waxaan halkaan ka xaqiijinaya in xukuumaddeyda ay ballanqaaday $3 milyan oo loogu tala galay dhameystirka geeddi-socodka dastuurka. Yaboohani waa in uu soo saaraa dukumiinti ay Soomaaliya leedahay, uu noqdo mid ku imid fikir Soomaaliyeed iyo midnimo cusub oo Soomaaliyeed taasi oo dib u dhiseysa qarankii Soomaaliyeed ee naga lumay,” weli laguma guulaysan inla dhamaystiro qabyo qoraalka Dasuurka waxaa lagu wareejiyay dowladii xigtay 2022 la doortay si ay usii wado dhamaytirka qabyado qoraalka Dastuurka oo soo jiitamay 11 sanno, waxaana ku baxay qaraashaad badan geedi socdoka dhamaystirka dastuurka su’aal is waydiin mudan ayaa ah gormuu dhamaandoonaa mashruuca dhamaystirka Dastuurka Kumeel gaar ah oo soo Jiitamayey 11 sanno ee lasoo dhaafay.

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Diblomaasi. Wuxuu wax ka qoraa dhaqaalaha, cilmiga bulshada iyo maamulka dadweynaha. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay maamulka dadweynaha, sharciga iyo qaanuunka. Wuxuuna shahaadada heerka koowaad ee bachelor degree ka haystaa Maamulka Dadweynaha iyo darajada labaad ee Master Degree-ga Maamulka Dadweynaha (Master of Public Adminstration). Qoraaga wuxuu wax ka qoraa maamul-wanaagga, arrimaha horumarinta bulshada, dhacdooyinka ganacsiga, sida loo xallin lahaa dhibaatooyinka federaalka iyo sidda federaalka looga hirgelini lahaa Soomaaliya, illaalinta deegaanka, kordhinta xasiloonida deegaanka iyo wax walbo oo ay ku horumari karto bulshada.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Kuubba

AFRICOM waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

Published

on

SAWIRKA: Taliyaha xilka ka degaya ee Taliska Afrika ee Mareykanka Jeneral William Ward (2-aad) iyo Jeneral Carter Ham (Middig) ayaa ka qeyb qaadanaya munaasabadda beddelka taliska AFRICOM ee Sindelfingen ©Mandel Ngan-Pool / Sawirada Getty

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Kuubba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Mataykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta. Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, waxaa hogaaminaya ujeeddooyinkooda amniga qaranka iyo sidoo kale danahooda juqraafiga. Nabadgelyada Afrika waa qayb ka mid ah welwelka ballaaran ee amniga Mareykanka ee adduunka oo dhan. Kor u kaca Ruushka ee jaantuska amniga Afrika – gaar ahaan gobolka Galbeedka Afrika, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Liibiya, Saaxil. Intaa waxaa dheer, raadka Shiinaha ee Afrika, ugu horrayn ee horumarinta kaabayaasha iyo amniga, ayaa sidoo kale soo jiidatay dareenka Washington oo kor u qaaday muhiimadda iskaashiga milatari ee Afrika iyo Maraykanka.

Si arrintan wax looga qabto, Maraykanku waxa uu isku dayay in uu dib u qeexo xidhiidhka uu la leeyahay Afrika ee iskaashiga, waxana uu si aan kala go’ lahayn uga digayaa Afrika Ruushka iyo Shiinaha inay qaaradda awood ku yeeshaan.

Dhoolatuska militari ee wadajirka ah ee Afrika iyo Mareykanka ay ka wadaan bariga Afrika ayaa ah labo waji. Marka hore waa ‘Heshiiska Xaqa ah’ ee caafimaadka, isgaarsiinta, ama tababarka saadka. Labaad, “Leyliga Cutlass Express” waxaa loogu talagalay xoojinta amniga badda iyo horumarinta amniga qaranka iyo gobolka ee Bariga Afrika.

Wajiga koowaad waxaa martigeliyay ciidamada difaaca Kenya, waxaana inta badan laga soo qaadaa saldhiga ciidamada Ingiriiska ee Nanyuki ee dalka Kenya. Waxaa xusid mudan in askarta Ingiriiska ee saldhigan ka soo jeeda ay sanado badan ku lug lahaayeen tacadiyo ay ka mid yihiin dil ka dhacay deegaanada ku xeeran.

Bariga Afrika, ciidamada Mareykanka ee AFRICOM waxay ku faantaa “ka go’naanta qoto dheer ee nabad ilaalinta qaaradda, wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo kobcinta iskaashi waara oo lala yeesho ciidamada militariga ee gobolka.” Ilaa 1,000 shaqaale ah oo ka kala socda in ka badan 20 waddan oo ka socda gobolka Bariga Afrika ayaa ka qaybqaata tababarradan wadajirka ah, kuwaas oo u diyaarinaya hawlgallada Midowga Afrika (MA), iyo Qaramada Midoobay (QM).

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaaraha Norway?

Maxaa ka soo baxay safarka madaxweyne Xassan uu ka tagay dalka Norway – qodobada ugu muhiimsan halkaan hoose ka akhriso.

Published

on

Villa Somalia

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ah ku jooga caasimada dalka Norway ee Oslo, wuxuuna la kulmaayey Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Imaanshaha madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin ee lagu xoojinaayo xariirka labada dal.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab balse waxaa hadalkiisa ka reebanaa inuusan sheegin guuldarooyinka dowladdiisa ee ku aadan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidoo kale in dalka dagaallo beeloodyo ay ka jirraan wakhtigaan uu ku sugan yahay dalka Norway iyo muddooyinkii dambe oo dhan.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta oo ah ‘magaca ay dowladda federaalka Soomaaliya u taqaano’ Al-shabaab ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal. Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kalle ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mudane Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdiisa sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii Maay 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. Hal bil gudaheeda madaxweynaha ayaa u safray dalal badan oo caalamka kamid ah asigoo leh wasiir arrimo dibadeed – waxay dad badan iswaydiin karaan aaway shaqadii wasiirka arrimaha dibedda!

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweyne ama wasiir.

Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo. Sidoo kale, dowladaha kalle ee caalamka sida reer Yurub waa ay ogyihiin in madaxda Soomaaliyeed ay ku yimadaan nidaamkaas loona baahan yahay in wax laga beddelo – loo gudbo doorasho dadweyne.

Inta badan malahan ajendo qaran ee ay xambaarsan yihiin waxaana ugu wacan nidaamka dalka ka jirra. Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda Norway 

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaa horey u jiray tuhun ah in Norway ay faragelin ku lahayd arrintii muranka badda ee u dhaxeysay Kenya iyo Soomaaliya, balse Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Arrimaha Dibadda

Madaxweyne Xassan Sheekh oo safar Norway ah u ambabaxay – waa maxay ujeedka safarka?

Waa sidee xaalka wakhtigaan ee xiriirka diblomaasiyaddeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway?

Published

on


Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay safar uu ku tagaayo dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo muddo saddex maalmood ah, waa sida ay xaqiijisay xafiiska Villa Somalia.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay caasimadda Oslo ee dalka Norway, waxa uu wadahadallo laba geesood ah uu la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre. Imaanshaha Xassan ee wakhtigaan waxaa ka horreeyey wasiirkii horre ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Dibedda isla dowladdan Xassan Sh. Maxamuud. Xukuumadda Xassan Sh. Maxamuud waxay sameysay iskudayo aan lagu guulaysanin.

Norway ayaa sanadihii ugu dambeeyey qeyb libaax leh ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, laakiin nasiib-xumada jirta ayaa ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaanan wali u bislaanin inay shacabkooda samata-bixiyaan.

Madaxda kalle marka ay yimadaan Norway waxaa loo soo dhaweeyaa si heer sarre ah oo maamuus leh, balse kuwa Soomaalida waa lagu bahdilaa. Marka ay yimadaan hoteel ayay degaan waxaana soo dhaweeya kooxda qabiilka ugu dhow madaxweynaha. Sababta waxaa ugu wacan mida koowaad malahan wax ajende ah, midda labaad waa madax ku timaaday 4.5 sidaas awgeed waxaa jira dad aan madaxweyne ahaan u aqoonsaneen madaxda Soomaaliya madamaa lagu dulmiyey nidaamka dowladnimo ee meesha lagu haayo.

Tusaalle: Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluxu Hassan oo booqasho ku joogtay Norway, ayaa doonaysa in Norway ay maalgashi ku sameyso Tansaania waxayna sheegtay inay rabto iskaashiga ganacsi ee ma aha gargaar waxa ay doonayso. Sidoo kalle iskama aysan imaanin Norway illaa loo diray casuumad rasmi ah.

Boqorada Sonja (bidix) iyo Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa intii lagu guda jiray casho-sharafta ka dhacday qasriga boqortooyada ee lagu sharfay madaxweynaha oo la xidhiidha booqashadiisa rasmiga ah ee Norway. Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB Sawirka: Annika Byrde / POOL / NTB

Inta uu xukunka haayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xariirka Norway iyo Soomaaliya ayaa xoogsaday, waxaana u istaagay xoojinteeda waa Xassan Cali Kheyre oo wax ku bartay dalka Norway. Haddana, iyadoo ay sidaas tahay Farmaajo waligiisa ma booqanin Norway intii uu xukunka haayey, maxaa yeelay wuxuu diidanaa habka loolla dhaqmo madaxda Soomaalyeed marka ay yimadaan Norway.

Xiriirka Soomaaliya iyo Norway

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Norway iyo Soomaaliya waxaa gacanta ku haya safaaradda Norway ee Nayroobi. Norway wax safaarad ah kuma lahan gudaha Soomaaliya balse waxaa u jooga wakiilo ku xaraysan gudaha xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho.

Norway waxay weli taageertaa dib-u-habaynta dowlad dhiska Soomaaliya. Wakhtigaan la jooga taageerada Norway waxay lagama maarmaan u tahay xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya si loo kobciyo soo kabashada dhaqaalaha, dib u habeynta waaxda amniga, iyo ka hortagga ururka laf-dhuun-gashay ku noqday dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ay yihiin dadka ugu badan ee Afrikaanka ah ee kunool Norway, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay qaxooti ahaan ku yimaadeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Fursadaha aysan ka faa’idaysanin Soomaaliya waxaa kamid ah isbeddelka cimilada iyo in Soomaaliya lagu soo darro dalalka horumarkooda socda lagana saarro dalalka gargaarka u baahan. Khibrad la’aan diblomaasiyaddeed ee haysata masuuliyiinta ku heeraarsan dowladda Xassan Sh. Maxamuud ayaa keentay in aan laga faa’idaysanin fursadaha jirra.

Soomaaliya aad bay ugu nugushahay saamaynta isbeddelka cimilada iyo cimilada oo aad u daran. Waxay saamaynaysaa hab-nololeedyada, waxay kordhisa barakaca, waxayna sii hurin kartaa xiisadaha dagaaladda sokeeye oo wali meelo badan oo dalka ka jirra, waxayna carqaladayn kartaa dadaallada xallinta khilaafaadka ee socda. Si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee soo noqnoqda ee Soomaaliya, dalka wuxuu baahannahay aqoonyahano diblomaasiyaddeed oo wax ka keeni kara iskaashiga lala yeelano caalamka intiisa kalle si wax loogu qabto dhibaatooyinkaas iyo khataraha amni ee la xiriira cimilada.

Arrimaha ka qeyb-galka Diblomaasiyadda

Norway waxay si firfircoon ugu hawlan tahay taageeridda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Bishii Maajo 2021, Ergeyga Joogtada ah ee Norway u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mona Juul, ayaa muujisay taageerada ay u hayso wada-hadallada dib u soo noolaynta ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Wadahadalku wuxuu ujeedkiisu ahaa in wax laga qabto caqabadaha siyaasadeed iyo sidii xal loogu heli lahaa heshiiskii 17kii Sebteembar.

Norway ayaa horey u cadeysay doorka ay ku leedahay muranka soohdinta badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Espen Barth Eide, ayaa carabka ku adkeeyay mowqifka dalkiisa intii ay socotay dacwadda dhanka sharciga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee uu ku taageerayo dooda Soomaaliya.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Ururka Al-shabaab oo weeraray magaalada Ceel-dheer

Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheeganayso in ay jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab gudaha Ceeldheer.

Published

on


Dagaal qaraar ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceel-dheer, kadib markii halkaasi ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada aroortii hore ee Sabtida maanta ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo amniga ah oo ku sugan deegaanka.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerar ay ku sheegtay ‘cagmarin’ oo ay ka geysatay xerooyinka ciidamada dawladda ee ku yaala magaaladaas, laakiin sheegashadan si madax banaan looma xaqiijin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarkan ‘jab xooggan’ ugu geystay Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.

“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Sida warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegayso, ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.

Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga. Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday magaaladan Janaayo 2023-kii, xilligaas oo ay socdeen howlgallo ciidan.

Ururka Al-shabaab ayaa horey dib u qabsaday 4 magaalo oo istiraaji u ah hawlgalka xoreynta ee dowladda Soomaaliya. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku dhinteen ee laga xoreeyey Al-shabaab ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Al-Shabaab waxay kusoo galeen oo si nabad ah kuna qabsadeen deegaanada Caad, Shabeelow, Camaara iyo Bacaadweyne, dadkii ku noolaa dhulkaas ee ka qeyb qaatay soo nooleynta magaalooyinkooda, markii laga dul qaaday Khawaarijta ku dhowaad sanad ka hor ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba ciqaabta iyo arxan-darrada ay kala kulmi donaan Al-Shabaab, arrintaas ayaa keeni karta in markale shacabka ay aamini waayaan dowladda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Siyaasadda Soomaaliweyn

Soomaaliya ayaa ku biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ka badan 50 sano kadib

Soomaaliya oo qaaday talaabo aad u weyn kuna guulaysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Published

on

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u doortay Soomaaliya in ay ka mid noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa sanadka 2025-ka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah shanta waddan ee helay codadka ku guulaystay, waxaana ku weheliya Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama.

“Waa astaan ​​iyo maqaam diblomaasiyadeed oo xooggan in Soomaaliya ay ka dhex muuqato xubnaha Golaha Ammaanka, taasina waxay Soomaaliya ka caawineysaa in ay galaangal wanaagsan u yeeshaan dalalka xubnaha ka ah,” ayuu yiri Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya.

Markii ugu horeysay muddo ka badan 50 sano, ayuu sheegay in Soomaaliya ay yeelan doonto codeyn go’aanno la xiriira colaadaha adduunka.

“Golaha Ammaanka waa hay’adda kaliya ee Q.Midoobe oo gaari karta go’aanno sharci ah sida cunaqabateyn iyo oggolaanshaha awood, sidaas darteed, Soomaaliya waxay heli lahayd cod go’aamiya arrimaha caalamka iyo go’aannada,” ayuu yiri Cabdiqafaar Cabdi Wardheere.

Isagoo ku dhawaaqaya natiijada doorashada, Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Dennis Francis, ayaa yiri, “Codbixin qarsoodi ah, waddammada la doortay waxay xaqiijiyeen saddex-meelood laba meelood laba dal oo xubnaha ka ah inay joogaan oo u codeeyaan 193-ka xubnood ee Golaha Guud.”

Warkaas ka dib, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyeysay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda “doorashada dalkooda maanta ka dhacday ee kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026”.

Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qosheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya

“Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay oo ay ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga,” ayuu yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. “Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo.”

“Waaya-aragnimada Soomaaliya waxay ka dhigaysaa meel gaar ah si ay gacan uga geysato doodaha golaha ee nabadda iyo ammaanka caalamiga ah,” ayuu James Swan ku daray.

Shanta xubnood ee joogtada ah ee codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ayaa kala ah Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka.

Shanta wadan ee la doortay Khamiista ayaa bedeli doona Ecuador, Japan, Malta, Mozambique iyo Switzerland, kuwaas oo waqtigoodu dhamaanayo Diseember 31.

Soomaali iyo xubnaha kale ee cusub ee la doortay waxay ku biiri doonaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Aljeeriya, Guyana, Republic of Korea, Sierra Leone iyo Slovenia, kuwaas oo xilligoodu bilaabmay Janaayo.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, 10-ka kursi ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka waxaa loo qaybiyay afar kooxood oo goboleed: Afrika iyo Aasiya; Yurubta bari; Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanka; iyo kooxda Yurubta Galbeed iyo Dawladaha kale.

Xubnaha cusub ee la soo doortay ayaa waxaa taageeray kooxihii ay ka soo jeedeen, waxaana ay u sharaxan yihiin kuwo aan la tartamin.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul