Connect with us

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Farqiga u Dhaxeeyo Aqqoonyahaanka Iyo Qofka Jaahilka Ah -Tukesomalism.com

Published

on


Jaahilka saddex baa lagu gartaa:

1) Isla wayni iyo isqaad qaad iyo inuu isagu is qanciyo.

2) Hadal badnaan aan faa’iido lahayn oo uu isku dabaqo markasta.

3) Wuxu dadka udido oo uu isagu falo macnaha wax kastoo isagu nah yi yay ama uu dadka kula yaabo oo uu isaguna sameeyo.

Saddexdaas iyo wixii kale lamida waa calaamadaha jaahilka lagu garto hadaba jaahil nimadu waa
qayb kamida curyaanimada dhanka maskax da ah oo uuna xataa qofku is ogayn.

Qof ka cilmiga leh isagoo dhintay buu nool yahay waayo waxkastoo uu katagay ama uudadka ufaa iideeyay ayaa wali dunida kashaqeeya oo la odhanayaa hebal baa saasyidhi.

Midka jaa hil ka ahina isa goo nool buu dhin tay waayo cid og iyo meel laga yaqaano midna majirto hadii xataa labarto lagu baran maayo fiicnaan iyo aqoon iyo faa iida toona.

Qofwayn oon aan cilmi lahayn waxaa ka wayn:- qofyar oo cilmile, waayo marka goob ama meel la isugu yimaado qofkii cilmilaa kaca oo dadka wacdi ama taariikh ama hadba arinka markaa meesha looga baa han yahay waxaa soo jeedin midka yar ee wax garadka ah midka wayna wuu dhagaystaa.

Mida kale qof marya xun xun oo cawradiisa marba la arko iyo qof jaahil ah waxba isma dhaamaan sababtuna waxay Tahay meela badan buu ku ceeboobaa jaahilku oo isagoo su’aalo la iswaydiinayo ayuu garan waayaa dadkuna waylayaabaan ama isagoo markasta wax uuna aqoon u lahayn ku hadlayaa ladhahaa jaahiloow saas maahee ka joog laakiin waa saas iyo saas marka waa uu yax yaxaa…

Qof kii caqli leh waa qof silis da hab ah xidhan. Midka cilmiga lihina waa mid taaj wata, jaahilku waa sidii qofdhiman ama ciyaal ah laakiin qofka aqqoonta leh waa qofwayn oo quman.

Jaahilku marku jana ubaahdo iyo markuu aduunyo ubaahdo labada jeerba naftiisuu dilaa isagoo galaafta in kale!

Cudurka jahliga dawadiisu waa cilmiga oo la barto waxaa hore loo yiri ”cilmiga hala guudhigee caqliga kaasho … garasha la’aan ta jawaabteedu waa su’aasha”. Qoontu waxay dhisi kartaa guri aan tiirar lahayn, laakiin jahligu wuxuu dumiyaa guri tiirarle oo sharaxan.

Facebook Comments Box

Waa abwaan ka tirsan Somalism. Wuxuu wax ka qoraa hidaha iyo dhaqanka, hal abuurka, hadalka san iyo waliba wuxuu wax ka qoraa waayo aragnimada nolosha. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay hidaha iyo dhaqanka, waliba hal abuurka ku salaysan dhaqamada Soomaaliyeed. Qoraaga wuxuu soo maray dugsiga hoose iyo dhexe. Qoraaga waa qoraa aad u jecel dadka iyo dalka Soomalaiyeed.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maan-furnaan: Suuradda maskaxda iyo aragtida guud

Dhibaatooyinka ogaalka waxaa kamid ah inaad noqoto ogaal isticmaale ee aadan noqon ogaal sameeye. Marka dhaqanka, aqoonta iyo hab fekerka ba aad soo dhoofsanayso ma noqon kartid mid siyaasaddiisa, qofnimadiisa iyo haybtiisuba ay xadidan tahay. Waxaana lumaya midabka dhabta ah ee haybtaada.

Published

on


Aragtida aad ka qabto shay, qof, diin, aragti, bulsho, dawlad, wadan waxaa la odhan karaa waa suurad maskaxeed. Shay in aad suurad maskaxeed ka haysato waxay la micna tahay in aad aragti guud ka haysato. Suuradaas waxaa sameeya macluumaadka aad shayga ka haysato, haddii aad hayso macluumaad dhamaytiran si sax ahna aad u nidaamisay waxaad haysataa suurad sax ah.

Haddii se aad macluumaad dhiman shayga ka haysato ama macluumaadkii aad haysay aad si khalad ah u nidaamiso waxaad haysataa suurad khaldan.

Macluumaadka ay ka samaysmayso suurad maskaxeedku waxaan ka helnaa labo ilood: waa dareemayaasheena xogta ay ina ka siiyaan shayga iyo xogta aan ilaha kale ka helno, sida qof aan waraysanno, buug aan akhrino, idaacad aan dhagaysano, tv aan daawano iwm.

Inta badan xogta aan ilaha kale la helno ayaa ka badan xogta aan dareemayaasheena ka helno, sidaas darteed ayay muhiim u tahay in aad si fiican iskaga hubiso xogta iyo macluumaadka aad shay un ka qaadanayso, maxaa yeelay iyaga ayaa masuul ka ah suuradda maskaxdaada ka dhex dhismaysa ee uu shaygaasi yeelanayo. Suuradaasina waa muhiim oo waxaad ku duldhisi doontaa mawqifyada iyo go’aanada aad ka qaadanayso shayga.

Maan-furnaan: saxaafadda iyo ogaalka!

Dhibaatooyinka ogaalka waxaa kamid ah inaad noqoto ogaal isticmaale ee aadan noqon ogaal sameeye. Marka dhaqanka, aqoonta iyo hab fekerka ba aad soo dhoofsanayso ma noqon kartid mid siyaasaddiisa, qofnimadiisa iyo haybtiisuba ay xadidan tahay. Waxaana lumaya midabka dhabta ah ee haybtaada.

Marka aad caqligaaga qolo amaahiso culumo dheh ama falaasifo dheh ama saxaafad dheh, waxaad ogolaatay in ay kuu dhisaan suurad maskaxeed diyaarsan oo aadan iska hubin in ay sax tahay iyo in kale, sidoo kale na aadan iska hubin cidda ay dantu ugu jirto.

Saxaafadda caalamka oo ah mid ajandayaasheedu diyaarsan yihiin, dadka lehna ay dano siyaasadeed iyo kuwa aqoon-dhaqan qorshaysan ba ay u samaysteen, lehna tafa-tirayaal loogu talagalay ajandihii markii hore saxaafadda loo sameeyay in ay waafajiyaan, saxaafadda caynkaas ah waa isha ugu halista badan ee maanta dadka dunida ku nool ay caqligooda amaahiyaan marka ay u qaataan in ay saxaafaddu tahay il-aqooneed saafi ah oo aqoon iyo macluumaad sax ah laga qaadan karo.

Dad badan aqoonta ay aduun-aragooda ka sameeyaan waxay ka qaataan saxaafadda, hadaba saxaafadda sidaas u qorshaysan oo qolo gaar ah aduun-arageed iyo maslaxadooda ku jaan-go’an ma kula tahay in aad xaq iyo aragti sax ah ka dheefaysid ama ugu yaraan ay maslaxadaada la keenayso aqoonta aad ka qaadanayso adoo aan iska shaandhayn.

Qofka aan mabda’a lahayn ee maalinba wixii maskaxdiisa ku soo dhaca sheega lama dhaho fikir ahaan ayuu xoryahay, in majnuun ama jaahil la yidhaahdo ayaa ka dhow in free thinker lagu magacaabo. Waana sababta aan tusaalayaasha kore kuugu soo hormariyay.

Aragti “theory” ama fahan “conception”, waa aragtida uu qofi ka qabo shay, qof, bulsho, dawlad, diin, mabda’ iwm. Aragtidaasi waa mid guud, hab la yaqaan oo aan gadaal ka sharxi doono ayayna u samaysantaa. Qofka marka u helo macluumaad dheeri ah oo shaygii uu horay fikirka uga haystay khuseeya wuxuu u fahmaa si waafaqsan aragtidii uu horay u haystay inta suurtagal ah. Waana tan keenta in dadku ay ku kala aragti duwanaadaan shay noloshooda hal mid ka ah.

Sidaas ayay aragtida guudi u tahay marjica macluumaadka kala duwan ku nidaamiya maanka qofka. Marka qof walba si uu aragtiyihiisa iyo macluumaadkiisa kala duwan u nidaamiyo wuxuu u baahan yahay qafis aragtiyeed u samaystay oo uu ku dhex jiro.

Qof xorriyad caqli oo iska furan ku fakaraa ma jiro, maxaa yeelay macluumaadba qofka uma nidaamsanaadeen haddii aysan jirin aragtiyo guud. Marka waxa muhiim ah ee muraajacada kaaga baahan waa qafas aragtiyeedka kuu samaysan in uu wax sax ah ka samaysan yahay iyo in kale inaad hubiso.

Ee ma aha inaad si gun-gaaban u fahanto in mas’aladu iska tahay inaad noqon karto caqli xor, oo free thinker ay kuula mid noqoto wuxuu doono sheege.

Free thinker haddii aad ka wado qof aragtida guud iyo marjica uu ka duulayo uu saxan yahay waa macquul, bal se hadaad ula jeedo qof wixii hadba maalintaas ku soo dhaca maskaxdiisa sheega wax marjic iyo aragti guud oo macluumaadka u nidaamisana aan lahayn, taasi waa doqonimee maan-furnaan ma aha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

3 Siyaabood oo noloshaada guul gaarsiin kara haddii aad sameyso

Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Published

on


Qofna ma rabo in loogu yeero ama loo arko inuu yahay mid fashilmay ama guuldareystay. Si kasta oo ay u adag tahay una xanuun badan tahay, waxaan wada qiran karnaa inaan ku guuldaraysanay nolosheena qeybo kamid ah.

Laakiin qof walba waxaa haysta hammi iyo wax ku weyn maskaxdiisa/maskaxdeeda, balse dadku waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sheyga maskaxdooda ka guuxa wakhti intee la’eg ayey u baahan yihiin inay ku qaadato, maxaa yeelay waxwalbaa wuxuu qaataa waqti, wixii waqti qaata oo kaliya ayaa la ogaan karaa guushiisa inta ay la’eg tahay.

Waxaan qirayaa dhammaan dedaalada aad sameyso waxay noqoyaan waxtar la’aan haddii aadan qaadin tallaabooyinka kugu hagi kara guusha dhabta ah. Halkaan waxaan kuugu soo gudbinayaa seddax siyaabood oo fudud oo noloshaada guul gaarsiin kara haddii aad si quman u raacdo.

  1. Keydinta

“Lacag: Maanta i badbaadi, berri ayaan ku badbaadin doonaa.” Miyaadan horay u maqal weertan? Hada waad haysaa.

Muhiimadda ay leedahay in lacag la keydiyo lama soo koobi karo. Xaqiiqdii, faa’iidooyin badan oo la xaqiijiyay ayaa sheegaya. Laakiin, wali ma isweydiisay inaan lacag meel dhigto maxay muhiim iigu tahay?

Marka ugu horeysa, inaad lacag keydsato waa muhiim maxaa yeelay waxay kaa caawineysaa inaad isku difaacdo haddii ay dhacdo xaalad dhaqaale oo deg deg ah. Intaa waxaa sii dheer, keydinta lacagtu waxay kaa caawin kartaa inaad iska bixisid qarashyada wax iibsiga ah, inaad iska ilaaliso deynta, inaad yareyso culeyskaaga dhaqaale iyo inaad yeelato xorriyad dhaqaale.

Dhallinyaradu waxay u arkaan kaftan markii aad weydiisato inay lacag keysadaan iyo inkale. Waxaa laga yabaa inay ku yiraahdaan “Wali waxaan ku jiraa 20s / 30s, maxaan u keysadayaa? Xitaa lama hubo inaan ku noolaan doono ama aan ka dhiman doona.”

Xaqiiqada ayaa ah nolosha waa mid aad u adag, waxwalbo ayaa ku soo bixi kara mana qurux badna inaad qof gacan u hoorsato wakhtiyada adag ee ku soo mara, waad xanuunsan kartaa – yaase kaa bixinaayo caafimaadkaaga.

Inaad keyd dhaqaale leedahay waxay kamid tahay guulaha noloshaada. Marwalbo oo keydkaagu fiican yahay waxaa kor u kaca isku kalsoonaanta aad isku kalsoon tahay – mustaqbalkana waxaad dareemaysaa iftiin. Waxaana laga yabaa inaad hesho fursad ganacsi ee aad bilaabi karto.

2. Go’aanka adag

Dunidaan lagu wada nool yahay shacuub walba waxay dadaal ugu jirtaa habbeen iyo maalin sidii nolosha horumar loo gaarsiin lahaa. Dhallinyaradu waxay ka mid yihiin muraayadda iftiimisa, isla markaana halbeegga hormarka lugu cabbiro.

Way adag tahay in aynu nafteena ku canaananno dhaawaca iyo nolol xumada ku habsatay dhallinyarada Soomaaliyeed. Sidaas awgeed, waa lagama maarmaan inaad la timaado go’aan adag. Haddii aad hal jeer guuldareysato, ma ahan dhamaadka guusha noloshaada, iskuday markale.

Waa adag tahay in aad si sahlan u hesho xaqiiqda dhabta ah iyo dhammaadka guusha. Waxaa muhiim ah in aad taqaano hadafkaaga waayo hadafku waa sallaanka nolosha iyo meesha aad u socoto. Yoolkuna waa dhammaadka hadafka. Waxay kuu fududaynaysaa hadafku in meeshaad u tabaabushaysatay aad gaarto welwel la’aan.

Muhiimadda ayaa ah in aad taqaanno barta iyo madasha aad u sadcaalayso adigoo la imanayo go’aan adag.

Uma baahnid inaad ka timaado qoys hodan ah si aad u guuleysato, runti, cilmi baaris ayaa sheegeysa in dadka ugu taajirsan adduunka intooda badan ay lahaayeen bilow aad u hooseeya laakiin ay naftooda u shaqeynayeen si ay u gaaraan nolol guuleysata, maxaa yeelay waligood ma aysan joojin waxa ay sameynayaan way jeclaayeen. Waxay go’aansadeen in ay maraan wixii caqabad ah ee ka hor yimaada.

3. Qorshayn

Ku guuldareysiga qorsheynta ayaa keena inay fashilanto guushaada. Si aad u guuleysato, waxaad u baahan tahay inaad yeelato hadafyo nolosha ah iyo qorshe ah sida lagu gaaro himilooyinkaas. Waxaana lagaaga baahan yahay inay noqdaan qorshayaal macquul ah iyo yoolal la gaari karo. Waxaad ubaahantahay inaad kubilaabato qorshooyin macquul ah, kama dambeystii si tartiib ah ayaad ula qabsan doontaa.

Haddaba, haddii aad rabto buur fiinteed in aad fuusho, ogow kuu suurtoobi mayso adiga oo ugu horrayn aan daadin culayskii aad horey u sidatay, waa fekerka iyo ficillada aad hubto in aadan fiinta ku fuuli karin. Markaas kadibna waa in aad dhididdaa, murqo iyo maan ku xanuunaan, muddona aad isha ku haysaa buurta fiinteeda oo ah hankaaga iyo meesha aad u socoto. Waxaa muhiim ah inaad ka feejignaato waxa dadka badankiisa u diida inay ku dhiirradaan hankooda nololeed.

Gunaanad

Qof kasta riyadiisa ayaa ah inuu nolosha ku guuleysto. Laakiin, qaar badan uma rumoobaan riyooyinkooda. Waxaa jira farqi udhaxeeya “Waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtar” iyo “hamigeygu waa inaan noqdo dhaqtar waana dadaalayaa si aan dhaqtar u noqdo.”

Immisa qof ayaa kaqeybqaata aqoon-isweydaarsiga ama akhriya sida loo guuleysto? Dabcan, waa ay badan yihiin. Waan ogahay qof walbo wuxuu u baahan yahay dhiiro gelin si uu u helo wadada saxda ah, saxida qaladaadka iyo u socodka guusha. Farxad ku noolaaw waligaa.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Noqo qof waxtar leh – qofka naftiisa wax u tari kara ayaa dadkana wax u tari kara

“waxtarka wuxuu ku baraa in aad noqoto qof  wax cafiyo, oo waxtarka waa mid dhinac kasto faa’ido u leh.”

Published

on


Inta aadan bulshada wax u tarin marka ugu horaysa waa in aad tahay qof naftiisa wax u tari kara.  Taasi waxaan ula jeedaa in aad naftaada marka koowaad aad dhisto oo aad waxbarato. Waxbarshada ma’ahan mida inta badan dadka ay u yaqanaan oo ah in aad iskuul ama jaamacad dhammayso.

Dad badan ayaa jiro ayagoo aan cilmi baran hadana dadka kale wax u tara. Waa sax waxaa muhiim ah in aad barato diintaada oo aad maadigana baratoo iskuul ilaa heer jaamacadeed.  Wey dhici kartaa daruufo jiro awgeeda in aadan wax baran taasi micnaheeda ma’aha in aadan wax tari karin dadka kale.

Waxtarka wuxuu noqon karaa mid aakhiro iyo mid adduunyo bini’aadamka wax u tara.  Dadka waxaa ugu nacfi badanaa Ambiyada iyo Rususha illaahay, waayo illaahay ayaa usoo dhiibay wax ay aaddanaha ku bad baadin lahayeen adduun iyo aakhiroba.

Waxtarka waxaa lagu garaa in aad adiga marka koowaad wax isku tarto, taasi waxaan ula jeedaa haddii aad tahay qof asaga markasta dadka ku tiirsan, way adagtahay in aad adiga dadka kale wax u tarto. Waa sax qofkastaa u baahan in wax lataro oo nolasha aaddanaha waa mid isku tiirsan, laakiin waxaan ula jeedaa in aadan ahaan mid markasta dadka ku tiirsan oo aad noqoto qof naftiisa wax u tara si uu bulshada waxa ugu taro.

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa,

”tiisa daryeelaa tu kale ku daro”.

Machaheeda waa naftaada marka aad daryeesho ayaad tu kale daryeeli kartaa, qofaan tiisa kasoo bixin tu kale tawar uma heli karo. Iskadaa islaamkee taariikhda waxay xustay dad gaallo ah oo waxtar leh,  sidii Inbu Daqin waa nin gaal ah, oo mar celiyey Abuubakar  saxaabigii waynaa oo Mako isagoo tagi rabay xiligii islaanka uu yaraa oo aadka loo dhibi jiray asagoo leh Abuubakarow nin la cayriyo ma tihid oo waxaad tahay nin tolkiisa wax badan taray ee anigaad ii magan tahay laabo.

Wax tarka dadka waa in uu noqda mid dadka adduunkiisa iyo aakharadiisaba anfaco. Qofka Waxtarkiisa waxay ka bilaabataa in uu masuuliyadiisa ka soo baxo kadib ayuu ku dari karaa inta uu awoodo iyo in ka badan.

Dad ayaa jira bulshada waxtara laakiin ah kuwa dayacay massuuliyadahooda u gaarka ah.  Taasi waa qalad wayn, waayo qofkaas wixii uu masuul ka yahay maalinta khiyaamaha waa lagula xisaabtamayaa.  Waxtarka waa wax muhiim ah oo adiga xittaaa ku anfacaayo adduunyadaada iyo akhiradaadaba oo xadiisyadaan soo socdo ayaa sharxi doono.

Nabi Maxammed (NNKH) wuxuu yiri Dadka waxaa u qeer badan kan ugu waxtarka badan”.

Nabiga (NNKH) ayaa nin u yimid wuxuuna waydiyey dadka ku wee buu  Alle ugu jecelyahay, acmaashee buu illaahay ugu jecelyahay?

Nabi Maxammed (NNKH) wuxuu ugu jawaabay xaddiiskaan “dadka wuxuu ilaahay ugu jecelyahay kuwa dadka ugu waxtarka badan” Acmaasha loogu jecel yahay waa qof muslim ah oo aad ka farxiso, dhib heesto oo aad ka feedid, deen aad ka gudid, ama gaajo aad ka quudisid

Nabi Maxammed (NNKH) ayaa dhahay “in aan qof  muslim ah si aaan bahidiisa ula gudo raaco ayaan ka jeclahay in aan masjidkayga aan bilk ku qalwoodo (ku ictikaafo).

Qofka caradiisa qarsada asagoo awoodi kara in uu aarguto kaana ilahay qalbigiisa raali ahaanshiyo ayuu ka buuxiyaa maalinta qiyaamaha.

“Qofka walaalkii raaca ee xaajadiisa inta uu ka gudanaayo la jooga isagana maalinta qiyaamaha oo aan sukmi Karin qalbiyada ayuu alle qalbigiisa sugaa”.

Intaas axaddiis aan soo sheegay waxay ka hadlayaan ahmiyada ay leedahay in aad noqoto qof wax tar leh. Qof kasto haddii uu qabto shaqada inta ku beegan, nolasha waa wax fudud oo la maareen kara, laakiin dadka haddii ay fadhiistaan oo ay dad gaar ah wax qawad ka sugaan ama ha qabtaan dhahaan waa dhib umadaasna waligeeda ma hormarayso sida Soomaaliya oo kale oo adduunka wax ka sugta ka dibna dhahda ‘waddan hebel iyo hebel ayaa naqasaayo.

Waxaa fiican inaan isweydiino dowladaha kale ma annagaa wax u dhiibanay, qowmiyadii kaligeed aan wax qabsan ama wax isku tarin wax walbaa laga sameystaa.

Tusaalle, Nabiga (NNKH) marka uu joogay saxaabada diinta ayuu u sheegay ayagana way sii gudbiyeen oo ma fadhiisan Nabigaa jooga ma dhihin sidaa awgeed dhammaantooda shaqo ayey wada haayeen.  Mid walbo waxa uu garanaayay ayuu qabtay, sida mid dagaal aada mid dagaalka hoggaamiya tusaale Khalid Binu Waliid kuma jirto axaadiisyada Nabiga (NNKH) xadiis uu kasoo wariyey, laakiin wuxuu ka qeyb qaadan jiray dagaalada oo wax qabadkiisa wuu muujiyey walibo wixii uu awooday ayuu qabtay.  Qofkasto wuxuu yaqaano haddii uu wax ku taro bulshada way iswada kamilaysaa bulshadana sidaas ayey horumar ku gaaraysaa.

Waxaa kuu soo gudbina qiso quraanka lagu sheegay, Nabi Yuusuf (CSW) ayadoo la dulmiyey oo dambi uusan lahayn lagu qaaday xukunkiisa oo xabsi la galiyey ayuu waxtar muujiyey ma uusan dhihi waa gaalo isoo xirtay oo waxbo igama galin. Asagoo xabsiga ku jiro ayaa lagu dhahay waxaan kuu aragnaa in aad tahay qof waxtar leh. Waxtarka wuxuu oga bilaabay mid diini ah ka dibna waxa ay rabeen ayuu u qabtay. Nabi Yuusuf (CSW) jecayl uu u qabo in uu noqdo mid dadka waxtara ayuu u fasiray riyadii uu ku riyooday boqorkii wadanka. Ma uusan dhihin waa gaalo ha dhammadaan mana uusan ku xerin shardi ah in ay xabsiga ka dayaan. Wuxuu u sheegay sidii 15 sano dhaqaalaha dalka lagu xalin lahaa.

Mudo ka dib waxaa u yimid walaalihiisa oo ceel ku riday oo dhibaato walbo uu marey  sabab u  ahaayeen, wuxuu siiyey raashin iyo lacag.  Walaalihiisa waxay ku dhaheen waxaan ku aragnaa muxsin balse markuu walaalkiisa ka reebtay, ayey ku dhaheen kii walaalkiisa ahaa asaga ka horeyeyba waa tuug asagoo hor taagan.  Haddana ugu dambeyntii waa cafiyey dhammantooda, ayagoo dhibaatooyin badan ku sameeyey.

“waxtarka wuxuu ku baraa in aad noqoto qof  wax cafiyo, oo waxtarka waa mid dhinac kasto faa’ido u leh.”

Haddi aad noqoto qof waxtar leh waxaa meesha kasoo baxaaya faa’idooyin badan oo ka mid ah waxaad helaysaa ajir, sharaf, farxad, aminaad,  qofkaad wax u qabatayna wuxuu daremaa farxad badan. Nabi Maxammed (NNKH) dadkii ugu horeyey oo rumeeyo waxay ku rumeyeen wanagiisa hore iyo waxtarnimadiisa.

Waxtarka wuxuu ku baraa in aad noqoto  qof  han sare leh aan quusan  tusaalle, qiso aad u qurxoon oo lagu sheegay quraanka ayaa jirto.

Nin ayaa yimid magaalo 3 Rusuul laga diiday risaaladdii ay wadeen asagoo “dhahaayo waxbo idinkama rabaan waa dad hannuun idin wada” ninkii waa la dilay janaduu galay wali wuxuu dhahayaa yaa u sheego tolkay nimcadaan ku jiro.  Ma uusan dhihin waa dadkii i dilay naarta ha galaan.

Wax walboo bani’addamka lataro waa waxtar xittaa xayawaankoo wax latara waa waxtar. Qof dumar ah oo eey waraabisay ayaa loogu dambi dhaafay. Laakiin anaga taas caksigeeda ayaan samaynaa iska daa xayawaanadee waxaan ku tumanaa bini’addamka.

Haddii aadan awoodin in aad qofka wax u tarto ugu yaraan qofka u tilmaam qof wax u tari kara saad adna ajir u hesho.  Laakiin bulshadeena waa bulsho wax tarkooda aad u liidatada taasi ayaaba usii sababtay in ay noqdaan dad aan han sare lahayn.  Sababtoo ah qofka waxtarka leh waa qof han sare leh oo naftiisa wax u taro dadkana wax u taro.

Qof kaligiisa wax isku taro kuma tilmaami karo qof han sare leh laakiin wuxuu dhammaa midka aan wax isku tarin oo dadka ku tiirsan.  Kaasi waxaa ka daran mid in uu wax u taro naftiisa iska dayee naftiisa dhibaato u geysta sida dadka daraagiska isticmaalo. Intaas waxaa kasii daran dad naftooda dhiba dadkana dhiba, waxtar haba sheegin.

Ugu dambeyntii haddii aadan dadka wax u taraynin isku day in aad dhibaatadaada ka dayso. Hadafkaada waxtarka waa in uu ahaanin saad maal u heli lahayd oo kaliye ee uu lahaado hadafyo kale oo badan. Nolosha in aad ka qeyb qaadato oo aadan ku noqon dunida dheraad ku dadaal.

Maqaalkaan waxaan ka qoray wacdi uu jeediyey Sheekh aan aad u jeclahay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun   Wacdigaas ciwankiisa waa noqo qof wax tar leh oo dadka anfaca.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Kaalay baro sida aad ku noqon lahayd qof hanada xikmadaha nolosha

Marka hore sawiro waxa aad u taqaano xikmadaha nolosha. Maxaase kaaga qorsheysan inaad xikmado cusub kusoo kordhiso noloshaada?

Published

on


Inaad wax walbo hanato kuma timaado dheeldheel, iska fadhi iwm ee waxay ku imadaa juhdi iyo dedaal dheeri ah. Waxaan ka wada marqaati nahay inaad wax cusub curiso waxay u baahan tahay inaad ka dhiijiso maskaxdaada, taasina waxey ku tusineysaa inaad tahey ruuxa keeni kara fikrado cusub. Hadana halkaan waxaan kuugu soo koobayaa qodobo kooban oo aan isleeyahay wax badan ayaa laga faa’idi karaa.

Koow, isku day inaad curiso waxyaabo cusub.

Marka hore isku day inaan wax cusub curiso hana ka baqin inaad qaladaad gasho, marwlba aad qalad gasho waxaa kuu kordheyso qibrad cusub aad ku abuuri karto fikrado cusub. Isku day inaad wax abuuri karto waxyaabo badan tusaale ahaan markaad rabto in aad imtixaanka ka gasho kaalmaha ugu horeeya waxaad sameyneysaa dedaalo badan aad ku baadi goobeyso siddii aad ku gali laheed kaalmaha ugu horeeya.

Haddii aad ku hami weyn tahay inaad noqoto qoraa lagu mahdiyo oo aan wax badanna  ka qoro arimaha dunida waa inaad la timadaa curin joogta ah iyo maskax tuujin maalinle ah. Anniga haddii aanan isku dayin inaan wax badan ka qorin, daraasaadna aan ka sameynin arrimaha dunida waxaa kugu adkaanayso inaad noqoto qoraa cajiib ah.

Labo, ha noqon qof ay maskaxdiisa fadhiso.

Waxaan ula jeeda marwalba isku day inaad sameyso maskaxdaada waxey ku firfircoon tahay, iska ilaali inaad noqoto ruux aan dadaalin ee kaliya riyooda. Noqo qof ay maskaxdiisu furan tahey waxkasto uu laguu sheego ka eega dhanka wanaagsan. Saaxiibkaaga haddii uu  kuu sheego  ra’i ama fikrad aad ku lacageysaneyso kana eeg dhanka wanaagsan adigoon ka fogaanaya wax walba oo ku tusin kara aragtida xun. Ka fagoow qofka xaasidka ah waayo waxaad ka dhaxli kartaa cawaaqib daran.

Seddax, ku dabaq noloshaada dadka xikmad iyo caqliga fiican leh.

Tani waxay kuu gobol xaareysaa inaad noloshaada ku dabaqdo heer sare kuna tusineyso inaad heyso wadadii aad ku guuleysan laheyd. Haddii aad la kulanto xaalad adag ha sawirin inaad markale dib u cusbooneysiiso maskaxdaada marwalbana niyadaada qeyr u sheeg oo ha niyad jabin. 

Afar, akhri wax badan is aad u haleesho guusha.

Ahkri in badan oo buuggaag ah si aad u hesho macluumad badan. Wax akhrisku waa waxa adduunka oo dhan la isku dhaafay ee caalamkana la iskugu faano, ee wax tar iyo faa’iidaba u leh adduunka. Akhrisku wuxuu u dhexeeya akhriyaha iyo waxa la akhrinayo, waxyaabaha aad akhriyayso waxey noqon karaan buug, jaraa’id, kitaab iwm. Ujeeddada aad wax u akhrinaysaa waxay noqon kartaa madadaalo, cilmi korodhsi iwm. Waxaana muhiim ah inaynu badino wax akhriska marka aynu wax akhrino ayeynu waxna qori karna mana kala marman akhriska iyo qoraalku. Hadii aynaan wax akhrin waxna qorin ma gaari doono wax horumar ah.


Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maalinta jaceylka adduunka ma loo dabaal dagi karaa, oo matahay maalin mudan?

Haddaba maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo xafladaha lagu maamuuso Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?

Published

on


Beri waa maalin lagu sheego in ay tahay MAALINKA JACEYLKA ADUUNKA! Waxaasa la yaab leh in ay soo dhaweyntaas ka qayb qaadan doonaan dad muslimiin ah, soomaali ah, oo sheeganaa in ay jecelyihiin horumarka adduunka iyo janada aakhiro isla markaasna aan laga karin joojiya xusitaanka aad xuseysaan dadka dhintay, weliba ma’ahan qof Illaah yaqaanee waa gaal baqtiyay dartiis waxa haddiyadaha, salaamaha, ubaxyada dukaamada looga dhameeyaa maalintaas darteeda. 

Bisha Febraayo 14-keeda ayaa loo aqoon-saday inay tahay Maalintii Jaceylka Aduunka (Valentine’s-Day), waxaana la isku diraa salaamo, Ubaxyo qurux-badan, iyo hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan lamaanayaasha is-jecel, iyo kuwa isqaba.

Haddaba maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo xafladaha lagu maamuuso Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?

Marka ay dhagahaaga ku soo dhaco ereygan Valentin’es waxaad markiiba dareemaysaa in magacaani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caaddooyinkii hore ee Roomaanka. Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaasa loo dilay, hadane loo xusaa ilaa maantay, oo looga dhex arkaa magaciisa meel walba oo jaceel lagu sheegaa, xafladana ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?

Qarnigii Sadex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam) ayaa waxaa jiray Boqor la dhihi jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga, boqorkaas wuxuu amar ku siiyay dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaas oo ahaa ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa. Balsa nasiib darro waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay ninkaan aan geeridiisii u dabaaldegaan maantay lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyarta waa Valentine. Wuxuuna bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba markii ay soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray in loo geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.

Sida ay sheegaan dadka taariiqda Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xilligii uu xabsigi ku jiray jaceyl xaad-dhaaf ah oo uu jeclaaday gabar dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabar uu dhalay ninkii xabsiga ka talinaayay, gabadhaas oo soo booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga Valentine. Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, warqadas oo ciwaan kaga dhigay”Ka socoto Valentinkaagii” wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go’aansaday in la xuso maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel jaceylka ay isku qabaan inta uu la egyahay. Oo haddii maalinkaas qof ayaga ka mid ah hilmaamo loo micneeynaa innuusan jaceyl heynin oo sheeganaayay.

Marka laga hadlaayo arrimaha Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin, inta badan waa la isku maan dhaafaa, maadama aan la aqoonin sida loogu macneeyn lahaa loona fahansiin lahaa dadka aan weli jaceyl jaribin, oo jaahilka suuq jooga ah iska ah, dareenka ay sheeganaayaan lamaanayaasha isjecel, sida farxada, macaanka, murugada iyo xanuunka ay isla waddaagaan, hooygana u yihiin maalin iyo habeen haddii ay is waayaan.

Jaceyl inuu jiro dadka intooda badan waa isku raacsanyihiin, loona dhinto, inkastoo la isku qilaafsanyahay inuu jaceyl weligiis jiri doono oo labada qof oo jaceylka isku guursaday ay waligood ahaan doonaan laba isjecel in geeri iyo qaddar Rabi kala geeyaan maahane. Taas oo jirta haddane lamaanayaasha dunida isku jecel ayaa aaminsan in jaceyl biro fujin, biyana kaa dhaqin! Sidoo kale in waqtiga isbedelkiisa qofku isla beddeli karo, oo dabeecad ahaan, feker ahaan iyo hormar ahaanba, balsa qalbiga jaceylka oo mar qaado uusan beddeli karin waqtigu waligiis. 

Haddaba akhristoow yaanan waxba war kugu mashquulinine waxa aan doodaan kuugu soo qoraa ama mawduucaan kuula qaybsanaa ma aheyn in aan ka doodno inuu jaceyl yahay wax jira ama aan jirin. Balse MAALINKA JACEYL ADUUNKA MA LOO DABAAL DEGI KARAA, OO MA TAHAY MAALIN MUTEYSATAY IN LOO DABAAL DEGO??

Haddii aad caqligaaga si sax ah ugu laabatid waa MAYA, dhowr sababood daraadood:

1) Horta hadii aan nahay umad islaam ah waa in aan ka soo horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah KARISTANKA IYO YAHUUDA, oo waa in aan qiimeeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuunshaan, maadaama aan kala nahay dad aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneen Adduunyo iyo Akhirane aan isku wax ka sugeeynin.

2) Nin gaal ah maalinkii oo baqtiyay in lago farxo, oo hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo, oo lamaana kasta ay si gooni ah u qaddariyaan, taas oo micnaheedo yahay in ninkii (Valentinis) baqtiyay la xusaayo, oo laga xunyahay daldalkiisii. Taasna diinteena wanaagsan oo islaamka ah ma ogola, oo waa mamnuuc in aad gaal xustid u ooy ama u qosole.

3) Umadda islaamka ah waxeey leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan sida: Ciid ramadaan, Ciid Adxaa, (xajka kadib), iyo asbuuc kasta maalinka jimcaha, oo shaqada iyo iskuulaadka nasiino laga qaadanaayo. Intaas waxaa dheer in faamil/reer kasta iyo waddan kasta ay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladane u wada dhigtaan. Hadii xaflada famil u gooni noqon karta aan ttusaale ka soo qaato waxeey noqon kartaa: Malinkii ay lamaanaha is qaba isguursadeen/jaceylaadeen, dhalashadii ilmahooda iwm. Dal ahaan waxaa loo wada dabaal dagaa maalinka uu dalkeena xoriyada qaatay oo kale. Marka in aad adiga sameeysatid maalin kale oo aan soomaali hadii aan nahay aan dhaqan ahaan u aaminsaneen, xaqiiqa ahaane aan reer Galbeed ugu nimid, kaaga daranta aan sal iyo baar meel ay diinteen ugu taalo la arag, lana aqoonin waa bidco, kaana mamnuuc ah hadii aad tahay qof islaam ah. Rasuulkuna waxuu yiri S.C.S.W. asigoo waxyaabaha aan anago sameysanay nooga digaaya:”Bidca kasta waa baadi, baadi kasta Naarta ayaa la gelinaa.”

4) Valentine waxaa loo dilay inuu ka soo horjeestay sharcigii waddankiisa. Waxa uu sharcigaas ku dunshayna waxaa la sheegay inuu yahay jaceyl oo u qaaday dumar fara badan oo guursaday. Dadka is jecel waxeey ku doodaan maantay in qof walba hal qalbi leeyahay, markii sidee ku suurtagashay in Valentine oo lagu tilmaamaa inuu ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado waxaas oo dumar, weliba wada guursaday? Soo lama dhihi karo Valentine naftiisa ayaaba ahaa cadawgii jaceylka waa hadii dhab loo aaminsanyahay in uusan jirin qof laba qalbi leh? Soo lama dhihi karo ninkii tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu kala dhameysto sharciyeey waxuu ahaa ninka maantay looga mahadinaa in jaceyl jiro (Valentine’a day)? Suaalahaan waxeey quseeyaan, oo aan ku baraarujinaa dadka ku guda jira, una dooda in jaceyl yahay wax dhex mara laba qof oo kaliya, hadii qof sadaxeysane, tumasha/saaxiibtinimo amaba guur ha ku imaato qofka sadaxaade uu jaceylkii loo yahay qofkii hore meesha ka baxay, weliba qiyaano iyo daacad la’aan tii ugu weeyneed isku bedelay jaceylkaas.

Hadaba walaalaha muslimeenta ahow is dhowra, inta Illaah inku waajibiyana ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl iyo dhib inkugu aadee, oo aan hubaa in maantay inteena badan khaas ahaan dhalinyarada wiilasha iyo gabdhaha iskugu jiro weey ku adagtahay ineey ka soo baxaan waajibaadka Illaah saaray. Mana ahan, waana maan gaabnimo iyo axmaqnimo tii ugu danbeysay weliba ineey ku gagabtaan wax aan la idin dirsanin, ajar iyo xasanaad midna inkugu jirin ineey danbi, carro Rabi iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane.

La jeclaaw nooolaha iyo khaas ahaan muslimiinta WANAAGA ADDUUN IYO JANADA AKHIRO OO AAD NAFTAADA LA JECESHAHAY, KAGANA DIG XUMAANTA IYO CADAABKA RABI WEEYNINKIISA, SOO XASUUSI SIRAADKII AAKHIRO!.

DIGNEEN:Shaqsi ahaan waxaan dhalinyarta kaga digaa xusitaanka maalinkaas, weliba waxaan u sheegi lahaa in jaceylkooda dartiis ay imaankooda ku weeyn doonaan, qof aan imaan laheeyn wa qof aan diin laheeyn. Maalinka Valentine aysan jaceylkiina iyo guurkiina waxba ku soo saaidin doonin in ay inka dhumiso ubax jaceyl oo aad horay u wada fiirsaneyseen maahane. Waa mahadsantahay Aqriste, fadlan ka dhiibo ra’yigaaga, yeeysan kula noqonin in aan diyaar loo aheeyn in laga jawaabo sualaahaaga shaqsiga ah.


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Loolli ka lulashada xornimada saxaafadda

Published

on


War niinkii helaa
Talo wacan helee
Wariyaha xaqdhowr

Waa gabbal dhac ay cadceeddu godkeeda usii hoobaneyso. Jawi aad u daggan oo aan buuq iyo sawaxan toonna lahayn. Salaad wuxuu ku dheygagsan yahay midabka soo jiidashada leh ee ka dhashay isla-falgalka fallaaraha qoraxda iyo daruuraha ku gadaaman galbeedka. Wuxuu fadhiyaa fiinta ugu sarreysa meheradda Samaad oo dhawaan magaalada Garowe laga furay. Malaha in aan lawada aqoon ayaa uu ugu soo irdhaday. Wuxuu se hilmaamay cabsidii iyo baqdintii uurkiisa karkarinaysay oo uusan maalintiina ka harsan habeenkiina ka hoyaadin. Miiska horyaalla waxaa saaran caagad yar oo Fur-oo-fuuqso ah iyo koob Kobbojiin ah oo isku illowsiinayo hurto la’aanta ba’an iyo jaahwareerka.

Wuxuu isku hiifayaa maxaa xirfaddaan looliga ka laadlaada kuu geeyey! Wuxuu xasuustay aabihiis oo yaraantiisa kula dardaarmaya in uu san xirfaddaas baran balse dhaga adaygiisa ayaa u geeyey. Aabbihiis Warfaa uma ay suuragelin in uu isagu wax barto. Wuxuu ku waynaaday baaddiye. Isaga oo geeljire ah ayaa uu Xamar soo aaday. Markii uu magaalada ayaamo joogayna dowladdii baa burburtay ka dibna Garowe ayaa uu yimid. Wuxuu shaqo ka bilaabay Waardiye, dabadeedna waa uu guursaday. Shaqadii Waardiyaha wuxuu uga wareegay Sarifle.

Wiilkiisii curadka ayaa uu u bixiyey Salaad. Nolol adag oo dhib badan oo duruufo ku hadoodilan yihiin ayaa uu ku barbaarshey oo uu wax ku baray Salaad illaa uu dugsi sare ka saaray. Salaad labo gabdhood baa ku xigay oo dugsi dhexe ayaa ay ka baxeen, midna waa la guursadey, midna xaafadda ayaa ay u adeegtaa. Warfaa wuxuu ku hamminayaa in uu wiilkiisa Salaad ku nasan doono. Wuxuu ka shaqeeyaa waa Sarif shiddo badan oo hawl badan balse dhaqdhaqaaq yar. Salaad wuxuu dhammeeyey dugsi sare, wuxuu ku wareersan yahay waxa uu baran lahaa. Ma oga wuxuu hibo gooniya u leeyahay oo uu kusoo bixi lahaa.

Maalin ayaa ay israaceen dhallinyaro ay isku xaafad yihiin. Iyaga oo guriga usoo socda oo isla socda ayaa Salaad dhankiisa waxaa ka sharqamay waraaq A4 ah oo dabayli wadato. Salaad waraaqdii baa uu kor u qaadey mise dhankii rognaa qoraal baa ku qoran. Isaga oo waraaqdii weli ku mashquulsan ayaa dhallinyaradii fariisteen jiriddiin aan meesha ka fogayn. Salaad ayaa ay su’aalo weyddiiyeen. Jaamac baana yiri “waraa Pirlo(magac ciyaartaw) maxaa ku qoran waraaqda?” Isaga oo weli sii akhrinaya waraaqdii ayaa ay ku dhaheen “inoo wada akhri”. Salaad na hawraarsan buu yiri.

Markii uu dhameeyey waraaq akhrintii ayaa saaxiibadi ku dhaheen saaxiib maad wariye noqotid, waad kusoo bixi lahayde. Salaad halmar ayuu sida qof baraarugay yiri “saaxiibayaal maku fiicnahay.” War celintii danbe aad ayaa uu ugu qancay. Wixii ku qulbanaana xal ayaa uu u helay. Waraaqdii uu Salaad akhrinayey waxay ahayd waraaq dowladda hoose ka soo biddey oo ku saabsanayd dhulul la isku haystay! Aabbihiis Warfaa ayaa uu u tagay kuna yiri “Aabbe kasmada Saxaafadda ayaan baranayaa.” Warfaa kuma uu qancin doorashada Salaad, wuxuu islahaa waxaa laga nacfi roon yahay! Mid uu u dooranna ma uusan garanayn. Laakiin maalin kale ayaa uu ku yiri ” Aabbe maad Injineernimo ama wax kale baratid.” Salaad na waa uu ku madax adaygay.

Wuxuu bilaabay kuliyadda saxaafadda. Wuxuu ogsoon yahay xaaladda adag ee lagu soo koriyey, wuxuu niyadda ku hayaa in uu reerka u noqdo gurgurshaa ay ku nastaan oo ku haqab beelaan. Wuxuu noqday arday dadaal badan oo jaamacadda ka sheeggan. Habeenkii xilli danbe ayaa uu seexdaa sida uu wax u akhrinayo. Sanadkii ugu horreeyey ayaa uu noqday ardaygii ugu sarreeyey jaamacadda oo dhan. Sanadkii ku xigayna lacag la’aan ayaa uu jaamacadda ku dhigtay. Intaas waxaa u dheeraa in uu lashaqo bilaabay Idaacad Garowe ka jirtay. Sanad uusan wax lacaga ka qaadanayn ayaa uu la shaqeeyey idaacaddii. Waayo-aragnimo badan ayaa uu ka dhaxlay.

Salaad sanadkii labaad ayaa uu idaacadda la shaqo bilaabay oo mushaari noqday. Aaad ayaa loogu bogay daacadnimadiisa, furfurnaantiisa, hawlkarnimadiisa iyo jajabnaanta. Intaas waxaa u dheer in Salaad leeyahay cod luxud ah oo aad u qaaya sareeya dhagaystayaashuna ay jecelyihiin. Muddo kooban ayaa uu ku biiray kaadiriintii waawaynaa ee idaacadda tiirdhexaadka u ahaa. Wuxuu noqday shaqsi aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba u dhisan.

Salaad markii uu si fiican u muquurtay saaxadda saxaafadda, wuxuu xog-ogaal u noqday halista ay leedahay inaad Soomaaliya wariye ka tahay! Caqabado badan oo sidii gadaamada iswada suran oo warfidiyeenadu ku dhex shaqeeyaan. Kanshaha ay helayaan waxaa ka badan luggooyada ay dhaxlayaan. Helidda war sugan, waxaa ka hilis badan fidinta warkii la helay.

Salaad marna uma uu joojin hor-is-taagga uu la kulmayey. Muddo kooban ayaa uu ku helay magac iyo maamuus sare. Waxa uusan ku baraarugsanayn in caqabadaha saxaafadda ay sii kobcaysay marba marka ka danbeeya. 2010-kii ayaa uu shaqo bilaabay. Sanadkii ku xigayna waxaa loo soo wareejiyey magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu yimid magaalo wariyayaasha si gaar ah loo u gaarsado. Markii uu shaqo bilaabay, agaasimihii idaacadda ayaa kula dardaarmay in uu diktoonaado. Wuxuuna ku yiri “Salaad magaaladan way khatar badan tahay oo wariyayaasha si gaar ah baa loo raadsadaa!” Salaad “markii ay tabiyaan warar lid ku ah miyaa.

“Agaasimihii “maya, inaad wariye tahay darteed.!” Salaad waa uu amakaagay, wuxuuna niyadda iska yiri “inaad wariye tahay baa danbi ah! Oo sabab?” Si kasta oo ay tahay dantu waa lama huraan.

Warka markii aad idaacadda ka faafinaysid ka hor waa inaad ku eegtaa indho qabiil. Haddii qabiil gaar ah warka ka dhadhamiya wax iyaga dhibaato ku ah, idaacadda ayaa ay soo aadayaan. Mucaaradka wixii dhibayana waa inaad iska ilaalisid. Salaad aad ayaa uu isku ilaaliyaa. Nolol sidii miro dhunkaaleed u dhadhamaysa ayaa uu galay. Qof la yiri is ilaali waa lagugu daba jiraaye, nolol qurxoon ku noolaan mayo. Sanad markii uu joogay oo uu isleeyahay magaalada waad la qabsatay ayaa isku habeen la dilay labo saaxiibadiis ah oo shaqadu walaaleysay. Murugo iyo walaac daran ayaa lasoo darsay. Noloshiisha waxaa uga daran reerka uu isagu biilo oo aan garab kale haysan.

Ayaamo markii dhimashadii saxiibbadiis laga joogo ayaa maalin lambar uu san garanayn laga soo wacay. Wuxuu xasuustay hadalkii agaasimaha ee ahaa ha qaban lambar aadan garanayn. Wuxuu ku adkaystay inuusan qaban. Inyar ka dib ayaa farriin usoo dhacday. Waa uu furay. “Qabo teleefoonka ama ha qaban. Adigaa ku xiga Cali iyo Cabdi. Waa lagu dilayaa.” Salaad dhidid ayaa wajiga kasoo yaacay. Wuxuu ku dhaygagay farriintii. Aad ayaa uu u welwelay. Wuxuu la hadlay agaasime Faarax una sheegay, waxa kusoo kordhay. Isaga oo luudaya biskooladna gacanta ku haysta bakadayana oo dhirtii iyo guryihii u dhaqdhaqaaqeen ayaa gurigiisii aaday.

Habeenkii markuu indhaha isgaliyo ayaa uu ku qarwaa isaga oo bistoolad lala garab taaganyahay. Salaad oo dhiirranaan u dhashay ayaa is iri “haddii aad dhimanaysid, dhareerka waa la iska duwaa”. Wuxuu isku hambooriyey in uu xaaladdaan ku shaqeeyo oo uusan dhaarta darteed uga tagin. Rag badan oo ay soo wada shaqeeyeen ayaa la dilay. Wariyaashii waxay noqdeen mayd soconaya oo geeri u joog ah. Salaad wuxuu soo dagay meel idaacadda u dhow.

Salaad wuxuu idaacaddii u noqday tiirdhexaad biixi oo aan liicin. Diyaarinta barnaamijyada, baarista xogta iyo soojeedintaba aad ayaa u ugu dheereeyey. Waxa uuse niyadda ku hayey in uu codsado in Garowe loo wareejiyo, wuxuuse ogsoon yahay in ay agaasimaha ku adagtahay. Wariyaashiiba waxay noqdeen wax waddanka ka cararay iyo wax la laayey. Axmed waxaa u bilaabatay maalin cusub oo noloshiisa saamayndoonta. Galab ayaa uu idaacadda ka soo baxay, dabadeed guriga ayaa uu soo aaday si uu u yara nasto. Salaaddii Maqrib markii la adimay ayaa uu guriga kasoo baxay. Isaga oo fikir ku maqan oo masaajidka u socda ayaa toobiye dhuuban nin uga horyimid. Salaad ma shakin oo wiil yar buu uula ekaaday balse markii uu garab dhaafay ayaa uu tuhmay oo wuxuu isku daray, isaga oo biskooladda gacanta la aaday iyo jalleeco.

Fiirintii Salaad iyo xabaddii lagu soo riday ayaa kulmay, xabbaddii ku aaddanayd dhabarka ayaa garabka dhex qaadday. Salaad na xabado aan liishaanayn ayaa uu furay. Saddex xabadood ayaa lagu riday. Midi way surma seegtay midna lugta qaybta jiirka ayaa ay xushay oo ka dhex baxday. Isaga oo garabka iyo lugta ka dhaawacan ayaa luuqii loogu yimid. Warar aan sugnayn oo tibaaxaya in Salaad la dilay ayaa gaaray agaasime Faarax, isaguna agaasimihii Garowe ayaa uu wargaliyey. Warfaa oo masaajidka kasoo baxay ayaa loo sheegay warar aan sugnayn oo Salaad ku saabsan.

Salaad oo dhawaac oo dhiiggu ka hiba-tiqlaynayo ayaa loola cararay isbitaalka wayn. Daryeel caafimaad oo hufan kama jiro dalka oo dhan. Isbitaalka Gaalkacyo waa isbitaalkii hooyada umusha ah oo dhiig la’aanta inta dhiig looga waayey, iyada lagu yiri qof la imow. Markii qof lasoo helana lacag labaatan doolar looga qaaday kala wareejinta dhiigga labada qof. Bakhaar nin leeyahay oo hadaad sokor ka waydo iyo haddaad ka hesho isku mid tahay ayaa goobihii caafimaadka u ekaadeen. Salaad waxaa loola cararay isbitaalka Dhagacadde(GMC) isaga oo koomo ku jira. Halista uu ku jiro iyo daryeel xumada caafimaad waxaa u dheer, garab la’aanta. Dowlad u qaadda waddamada dibadda ah ma uu haysto, waaridkiisna waa fara maranyihiin.

Isbaataal Dhagacadde ayaa lagu qalay. Madaxdii iyo shaqaalihii idaacadda ayaa u gurmadey. Dhowr bilood ka dib ayaa uu caafimaaday Salaad. Waxaana loo wareejiyey Garowe. Waa uu nafisay Salaad. Dabagalkii iyo baqdintii tirada badnayd waa uu ka raystay. Idaacaddiina waxay u dallacday oo laga dhigay TV. Intii uu wariyaha ahaa wuxuu lasoo kulmay xaalado adag iyo kuwo khalafsan kuwaas oo salaad ka dhigay qof u danqasho dhow kuwa tabaalaysan, tabarta yar, la dulmiyey, tacaddiyada la kulmay amase saboolka ah. Sidaas oo ay tahay maamulka uu ku dhex noolyahay ayaanba ogolayn in wararka qaar aan la baahin. Galab ayaa uu war kasoo duubay dad ka cabanaya dhul laga qaadey, faafintii warkaas ayaa lagu qabsadey. Waa la xiray. Ayaamo ayaa uu xirnaa, waana lasoo daayey. Agaasimihii TV-ga ayaa Salaad ku waaniyey in uusan wararka qaar soo duubin ama baahin.

Xiritaanka wariyaasha waxay noqotay wax caadi ah oo aan labo isweyddiin. Ciddii warka laga soo duubay waxay sugaysaa fara gelin. Muddo sanad ah ka dib. Waxaa aad isku baddalay noloshii bulshada, waxaan saamayn oo taban ku reebay sicir barar daran oo camimay deegaanada Puntland. Tabashooyinka bulshada waa ay adagtahay in wariyayaashu daah-qaadaan mana ay wajihi karaan runta iyo xaqiiqada. Intaas waxaa u dheer siyaasadda oo lagu kala aragti duwanyahay, dhaqaalaha oo gacan shaqsiyaad ku jira iyo u qareemidda kuwa tabaalaysan intaba waa ay ku adagtahay wariyeyaashu in ay si toos ah u wajahaan.

Salaad dhaawicii Galkacyo oo afar sano kasoo wareegtay weli waa gocdaa. Dhibaatada ugu daran oo hadda xirfaddiisa kala kulmaa waa illaalin dareenka siyaasiyiinta maamulka Puntland ugu tunka wayn. Waa xirfad u ek mid laga dhillaystay oo la kufsaday. Wax kale oo uu ku shaqaysto baa uusan aqoone mar hore ayaa uu ka huleeli lahaa. Saddex sano ka dib isbaddal ayaa Puntland ka dhacay, markasta oo saxaafadda Puntland gu’ u kordhana dhibaato iyo xorriyad la’aan baa u siyaada. Waxaa dhulka Puntland ku soo batay kufsi.

Waa arrin ay adagtahay tabinteedu dhan shaqsi, mid qabiil iyi mid maamulba.

Gabadhii la kufsadey kuma kalsoona maamul ku sheegga meesha ka jira, cid kale oo garab istaagtana ma ay haysato.

Haddii xogteeda la faafiyana sharaf xumo ballaaran oo shaqsiyadeed baa soo wajahaysa, haddiise ay aargudasho ku helayso oo maxkamad caddaali ah helayso waxba ma ahaateen! Waxaase halkaan taagan qabiil geeso leh oo maamulkii kasoo horreeya, odayaal u bartay in wixii dhaca ay diya ka qaataan!

Talafishinnadii kale waxaa ka cod dheer kii maamulka oo wax kasta ka sheegaya wixii dowladdu u wanaagsan oo aan xajiin ku kicinayn. Salaad barnaamijyo badan oo dukumentari ayaa uu duubay oo uu balanqaaday in uu soo daynayo. Maalin isaga oo Washintoon jooga oo barnaamij ka duubaya barakacayaasha Garowe hareeraheeda daggan ayaa gaari oo ciidan tira badan saarran yihiin si xoog ah u soo galeen goobtii uu wax ku duubayey. Ka dibna kaamirooyinkii iyo agabkii kale in ay ka daadiyeen oo ka burbursheen bay si jajuub ah oo xoog ah gaari u saareen. Kaamirooyin qaalli ah oo qaybna TV-gu lahaa qaybna Salaad uu hanti badan kasoo bixiyey ayaa laga jajabiyey. Waxaa lagu warhelay Salaad waa la xiray.

Warfaa murugo iyo caloolyow daran ayaa uu ka qaaday dhibaatada wiilkiisu wajaho ama xiritaan ha ahaato ama wax gaarsiine. Il kale oo dhaqaale ahna ma ay haystaan. Wayna ku adagtahay in uu ku dhaho wiilkiisa, la shaqayso maamulka oo dantaada wado, maxaa kaa galay ciddii gaajo u dhimanaysa ama la dedafeeyey oo lagu xadgudbay. Danta ayaa noqon doonta. In saxaafadda laga guuro ama in geesta xukunka loo liico maahane xal kale ma leh. Nidaamka dowladnimadu wuxuu ahaa in qof la eedeeyo, marka la eedaynayo waa in uu jabiyey xeer ka mid ah xeer ciqaabeedka dagsan. Markii loo dooday Salaad, dowladdu waxay ku andacootay in ninkaan meelo kalle lacag kasoo qaatay oo horumarka Puntalnd yaal cadow u yahay. Doodooda waxaa ku jirtay in Salaad lagu haysto muuqaal uu sheer-gareeyey. Warfaa waxaa lagu yiri “wiilkaaga waxaa lagu haystaa inuu muuqaal sheer-gareeyey.” Wuxuuna u qaatay danbi wayn oo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ku qoran.

Markii la sii daayey Salaad, dhowr jeer oo danbe ayaa haddana la xiray oo lasoo daayey. Xabsigu wuxuu noqday guri uu Salaad mar mar u hurda tago. Maamuladii hore waxay noqonayaan kuwo u wanaagsanaa saxaafadda. Haddase maxaad bayjka(page) madaxwaynaha layk(like) u saari wayday ayaa la isku ciqaabaa. Salaad waa ay u dhadhami wayday caadeqaate noqo oo dadkaan aad u danqanaysid iska daa. Raggii waawaynaa ee jilba culusta saxaafadda ahaa waxay u bateen inay xukuumadda Garowe afhayeen u noqdaan ama taliska Muqdisho afhayeen dulliyeysan u noqdaan. Iyo in iskaga baxay saxaafaddaan dadka gaar ah ay rarteen.

Dhammaadkii gugii 2020, ayaa Salaad waxaa u suura gashay inuuu muuqaal ka qabto dad masaakiin ah oo ka cabanaya sicir bararrka ay dowladdu khasabka ku fariisinayso sidii rati layli ah oo hoggaanka la hayo. Awal dadka qayb ka mid ah wax la’aan ayaa ay u dhimanayeen haddase iyagii oo lacag haysta weliba Doolar iyo Shilin Soomaali-ba. Soomaaligiina wax uma gooyo, doolarkiina uma bixi karo. Tabashadii bulshada si ay u gaarto madaxda, waxaa loo baahanyahay saxaafad. Dowladdiina ma rabto in wararkaas la baahiyo. Shacabkiina waxay saxaafadda uga fadhiyaan baahin si wax looga qabto tabashadood. Soo warfidiyeenadii kuma dhex jiraan dhardhaar iyo dab holcaya? Hal nin gurran dheelmiyey dhanna uma fayooba.

Awal iyada oo dowladdu Salaad u ciilcunsanayd ayaa uu hadda muuqaal duubay. meel aad u socotay roob makuugu da’ay. Dowladdii iyo kuwo ay isku qabiil yihiin ayaa raadsanaya. Waa sababta oo halkaan uu galabta fadhiyo ugu soo dhuuntay. Magaalada oo dhan ayaa laga baadi goobaya. Ciidamo magacyo kala duwan leh ayaa raad-guraya Salaad.

Waxaa intaas u dheer in Garowe aysan ahayn meel dhuudhuumashow lagu ciyaari karo. Maxaa la gudboon gargaaraha garab la’aanta ah?

Turkiga miyaa uu u dhuuntaa mise Nabad Nolosha gabbalkeedu dumay ayaa uu isku dhibaa?. Isaga oo weli sii jeedaalinaya liddhadii si ay wehel u ahayd ayaa ay godkeedii gashay. Masaajidyadii ayaa laga wada eedaamay. Sida gabbalkaas u dhacay ayaa aayihii saxaafadda xorta ah god loogu hubsadey!


 

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe17 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub4 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul