Connect with us

Caafimaadka & Sayniska

Fayraska cusub ee walaaca ku haya qaaradda Aasiya

Published

on


Heerka dhimashada ee fayraska Nipah ayaa lagu qiyaasay 75% boqolkiiba, mana laha wax tallaal ah, halka ay dunidu diiradda saareyso Covid-19, balse saynisyahannada ayaa si adag uga shaqeynaya inuusan sabab u noqon dillaacitaanka xanuun kale oo safmar ah.

Waxay ahayd 3-dii January 2020, Supaporn Wacharapluesadee waxay sugeysay inay haweeney umuliso. Waxaa xilligaa baahay wararka sheegaya in cudur ku dhaca neefmareenka uu saameyn ku yeeshay dadka Wuhan, Shiinaha, waxaana soo dhowaa sannadka cusub ee Shiinaha. Dalxiisayaal badan oo Shiinees ah ayaa aaday dalka deriska la ah ee Thailand si ay ugu dabaal degaan.

Dowladda Thailand ayaa iyadoo taxadar muujineysa bilowday baaritaanka rakaabka ka imaanayay Wuhan, iyadoo sheybaarro yar oo uu ka mid yahay kan Wacharapluesadee – loo doortay in ay baaritaanka sameeyaan.

Wacharapluesadee waxay khabiir ku tahay fayrasyada. Waxay madax ka tahay xarunta caafimadka ee Bisha Cas ee magaalada Bangkok.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxay qeyb ka ahayd hay’adda Predict, oo ah dadaal caalami ah oo wax looga qabanayo xakameynta cudurrada ka soo gudbi kara xayawaanka una gudbi kara bani’aadamka. Iyada iyo kooxdeeda waxay baaritaan ku sameeyeen xayawaanno badan. Balse diiradda koowaad waxaa la saarayay noolaha fiidmeerta ama kibiliga, oo lagu yaqaanno inuu sababo noocyo badan oo ka mid ah coronavirus.

Kooxdan seynisyahannada waxay awoodeen in ay cudurka ku ogaadaan maalmod gudahood, waxayna garteen kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19 ee laga helo meel ka baxsan Shiinaha. Waxay heleen in fayraskaas lala xiriirin karo nnoocyada coronavirus ee ay hore uga heleen fiidmeerta. Dowladda ayaa warbixintaas goor hore la helay darteed waxay u suurtagelisay in ay degdeg u karantiisho bukaannada ayna u digto muwaadiniinta.

Dalka Thailand waxaa ku nool illaa 70 milyan oo qof, 3-dii January 2021 wuxuu diwaan geliyay 8,955 oo kiis iyo 65 dhimasho ah.

Khatarta xigta

Balse iyadoo ay dunida ay la daalaa dhacayso Covid-19, Wacharapluesadee waxay ku howlan tahay xanuunka safmarka ah ee xiga. Qaaradda Aasiya waxaa ka jira cudurro badan oo faafa. Bulshada sii badaneysa iyo is dhexgalka dadka iyo xayawaannada duurjoogta ah ee dalalka qaaraddaas ayaa khatarta ugu badan sababaya.

Intii ay baaritaanka wadeen, kumannaan fiidmeer, ayay Wacharapluesadee iyo kooxdeeda ogaadeen in ay sababaan noocyo fayrasyo ah. Waxay inta badan ka heleen fayrasyada Korona, balse sidoo kale waxay ka heleen cudurro kale oo dilaa ah oo ku dhici kara bani’aadanka.

Waxaa ka mid ah fayraska Nipah. Waxaa inta badan laga helaa noolaha kibiliga. “Waa walaac weyn, sababtoo ah ma jirto dawo… heerka dhimashada ee fayraskana way sarreysaa,” ayay tiri Wacharapluesadee. Heerka dhimashada Nipah wuxuu u dhaxeeyaa 40% ilaa 75%, iyadoo ay ku xiran tahay halka uu ka dillaaco fayraska.

Walaaca keligeed kuma koobna. Sanad kasta, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu dib u eegis ku sameeyaa liiska cudurrada khatarta ku ah bulshada. Fayraska Nipah wuxuu ku jiraa liiskooda 10-ka ah.

Waxaa jira sababo dhowr ah oo fayraska Nipah lagu tilmaami karo inuu yahay mid halis ah. Waxaa jirta in fayraska uu jirka qofka ku negaan karo muddo 45 maalmood ah, taas oo suurto gelineysa in qofku sii gudbiyo isagoo aan ogeyn inuu xanuunsan yahay.

Wuxuu ku dhici karaa xayawaannoo badan, taas oo suurto gelineysa inuu sii faafo. Sidoo kale waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho si toos ah amaba cunitaanka cunto fayrasku ku jiro. Qofka qaba fayraska Nipah wuxuu isku arki karaa calaamadaha neefmareenka sida qufac, dhuunta oo xanuunta iyo daal, maskaxda oo bararta taas oo sababi karta dhimasho.

Beddelidda Caalamka

In laga fogaado fiidmeerta way fududaan lahayd, balse iyadoo ay bulshadu sii kordheyso, dadka waxay beddelayaan dhulka iyagoo burburinaya deegaannada duurjoogta iyo noolaha kale ay ku sugan yihiin, taas oo sababeysa faafitaanka cudurrada.

Boqolkiiba 60% bulshada adduunka waxay ku nooshahay Qaaradda Aasiya iyo gobollada Baasiifigga, waxaana socota magaaleyn iyo deegaameyn baaxad wayn. Sida laga soo xigtay Bankiga Adduunka, ilaa 200 oo milyan oo qof ayaa u guuray magaalooyinka Bariga Aasiya intii u dhaxaysay 2000 iyo 2010.

Burburinta hoyga fiidmeerta ayaa markii hore sababay faafitaanka fayraska Nipah.

Sanadkii 1998, fayraska Nipah oo ka dillaacay Malaysia ayaa dilay in ka badan 100 qof. Baarayaasha waxay sheegeen in dabka ka kaca keymaha iyo abaaraha ay kibiliga ama fiidmeerta ka saareen hoygooda kuna qasbeen in ay deegaameystaan geedaha miraha la cuno ay ka baxaan.

BBC SOMALI


Facebook Comments Box

Diblomaasi waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Caafimaadka & Sayniska

Wadamadee ayaa joojiyay adeegsiga tallaalka AstraZeneca ee COVID-19?

In ka badan toban dal, inta badan Yurub, ayaa joojiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 cabsi laga qabo in tallaalka uu sabab u noqday qaatayaasha qaarkood inay yeeshaan xinjiro dhiig ah.

Published

on


Walaac badan ayaa ka taagan warbixinnada laga soo sheegayo tallaalka AstraZeneca. Warbixinada ayaa sheegayaa in qofka marka la tallaalo waxaa lagu arkaa xinjiro dhiig ah, laakiin haayada caafimaadka adduunka ee WHO waxay ku boorineysaa waddamada inay sii wadaan isticmaalka tallaalka COVID-19.

Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa shalay magaalada Muqdisho laga dajiyay.

Wasiiro ay horkaceyso wasiirka caafimaadka, Fowsiyo Abiikar Nuur, ayaa garoonka ku guddoomay shixnadda tallaalka. Tallaalka wuxuu gaaraya ilaa 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka  Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba inaga saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka  Cudurka COVID-19

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” ayuu yiri madaxweyne Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad XFS, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka ah Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Maanta noqotay qofkii ugu horeeyay ee qaata Talaalka Covid-19

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka ah Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee qaata Talaalka Covid-19 iyada oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Caafimaadka, Gobolka Banaadir iyo Hay’ada Caafimaadka Aduunka si ay dadku ugu dhiiradaan qaadashada talaalka.

In ka badan toban dal, inta badan Yurub, ayaa joojiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 cabsi laga qabo in tallaalka uu sabab u noqday qaatayaasha qaarkood inay yeeshaan xinjiro dhiig ah.

Sweden iyo Latvia ayaa Talaadadii noqday wadamadii ugu dambeeyay ee joojiya soo saarista, ka dibna waxaa joojiyey Jarmalka, Talyaaniga, Faransiiska, Spain, Denmark, Norway, iyo Netherlands, iyo kuwo kale.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa kulmaya Talaadada si ay dib ugu eegaan xogta badbaadada ee laga heli karo tallaalka, in kasta oo ay si isdaba joog ah kalsooni ugu muujisay ammaankeeda maalmihii la soo dhaafay; Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan jirin wax cadeyn ah oo ku saabsan dhibaatada uu leeyahay tallaalkaan.

In ka badan 17 milyan oo qof ayaa tallaalka ka helay Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub, iyada oo in ka yar 40 xaaladood oo xinjiro dhiig ah laga soo sheegay toddobaadkii la soo dhaafay, oo ah wadamo badan oo Ingiriis iyo Iswidish ah kamid yihiin.

Hay’adda dawooyinka Yurub (EMA), iyo jaangooyaha dawooyinka Yurub, ayaa kulmi doona Khamiista si ay uga wada hadlaan macluumaadka la ururiyey si loo go’aansado in tallaalku uu gacan ka geystey dhacdooyinka thromboembolic ee kuwa lagu tallaalay.

Iswiidhan

Hay’ada caafimaadka Iswiidhan ayaa 16-kii bishii Maarso hakisay isticmaalka tallaalka AstraZeneca oo ah tallaabo taxaddar ah.

“Wakaaladda Caafimaadka Dadweynaha ee Iswiidhan ayaa go’aansatay in ay joojiso isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee loo yaqaan ‘covid-19’ illaa iyo inta laga gaarayo baaritaanka wakaaladda dawooyinka ee Yurub ee ku saabsan waxyaabaha looga shakisan yahay dhibaatooyinka soo raaca,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda.

Wakaaladda Caafimaadka ee Iswidhishka ayaa sheegtay maalin ka hor in ay diiwaangelisay 10 xaaladood oo xinjiro dhiig ah iyo hal kiis oo heerar hooseeya oo ah dhiig-xinjiro ah oo ka dhex jira dadka qaatay tallaalka AstraZeneca, laakiin isugeyn maahan.

Latvia

Wakaaladaha caafimaadka ee dowladda Latvia 16-kii Maarso waxay ku dhawaaqeen “hakad ku meel gaar ah” oo ilaa labo toddobaad ah.

Tallaabada waxaa loo qaaday “taxaddar dheeraad ah” inta tallaalka la baarayo, mana jiraan wax dhibaato ah oo lala xiriiriyay isticmaalkiisa Latvia, ayay wakaaladuhu ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Faransiiska

Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu bishii Maarso 15 ku dhawaaqay in Faransiisku joojinayo isticmaalka tallaalka AstraZeneca inta laga helayo qiimeynta EMA ee tallaalka.

“Go’aanka ayaa la qaatay… in la joojiyo isticmaalka tallaalka AstraZeneca taxaddar ahaan, waxaan rajeyneynaa inaan si dhakhso leh dib ugu bilaabi karno haddii xukunka EMA uu oggolaado,” Macron ayaa ku sheegay shir jaraa’id.

Macron ma uusan faah faahin sababaha go’aanka laakiin wuxuu sheegay inuu rajeynayo in Faransiiska awoodi doona inay mar kale ku talaasho cirbadaha AstraZeneca.

Jarmalka

Dowladda Jarmalka ayaa 15-kii Maarso sheegtay inay joojisay adeegsiga tallaalka AstraZeneca.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in go’aanka loo qaatay si “taxaddar ah” iyo talobixinta xakameynta tallaalka qaranka ee Jarmalka, Machadka Paul Ehrlich, oo codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo kiisaska.

Talyaaniga

Hay’ada dawooyinka ee dalka Talyaaniga bishii Maarso 15 waxay sheegtay inay kubiirtay wadamada kale ee Yurub ee kahortagaya isticmaalka tallaalka AstraZeneca.

Tallaabadan ayaa timid maalmo uun ka dib markii Taliska AIFA ee Talyaanigu mamnuucay adeegsiga hal dufcadood oo tallaal ah oo taxaddar ah halka ay adkaystay in aanu jirin xiriir la aasaasay oo la xiriira dhibaatooyinka soo raaca.

“AIFA waxay go’aansatay inay kordhiso xayiraadda isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 ee Talyaaniga oo dhan iyadoo taxaddar iyo ku-meel-gaar ah laga sugayo xukunnada Hay’adda Dawooyinka Yurub (EMA),” AIFA ayaa ku yiri hadal ay soo saartay.

Isbaanish

Isbaanish-ka ayaa ku dhawaaqday 15-kii Maarso inay joojineyso isticmaalka tallaalka AstraZeneca ugu yaraan laba toddobaad si loogu oggolaado khubarada inay dib u eegaan amnigiisa.

“Waxaan go’aansanay inaan si ku meel gaar ah u joojino [isticmaalka tallaalka AstraZeneca] taxaddar ahaan,” Wasiirka Caafimaadka Carolina Darias ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Luxembourg

Luxembourg bishii Maarso 15 waxay sheegtay inay joojineyso isticmaalka tallaalka ‘AstraZeneca’ oo ah “tallaabo taxaddar leh” illaa laga helayo warbixinta EMA ee tallaalka.

Qubrus

Qubrus waxay ku dhawaaqday inay joojiso isticmaalka tallaalada AstraZeneca COVID-19 bishii Maarso 15 iyadoo laga sugayo dib u eegista EMA ee tallaalka.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in hakintaasi ay socon doonto illaa iyo 18-ka Maarso, markaasoo EMA ay soo saari doonto dib u eegis lagu sameynayo tallaalka ka dib warbixinno ku saabsan dhiig-baxa dhiigga ku dhaca ee ku dhaca qaatayaasha qaaradda Yurub qaarkood.

Boortaqiiska

Boortaqiiska ayaa si kumeelgaar ah u hakiyay adeegsiga tallaalka AstraZeneca 15-kii Maarso kadib warbixinadii laxiriiray ay gaysteen waxyeelada halista ah.

Madaxa hay’adda caafimaadka DGS, Graca Freitas ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in inkasta oo dhibaatooyinka soo raaca ay “aad u daran yihiin”, ay yihiin “kuwo aad u dhif ah”, isagoo intaa ku daray in kiisaska noocaas ah aan weli laga soo sheegin Boortaqiiska.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay rajeynayaan in dib u eegis cilmiyaysan oo ku saabsan tallaalka la soo afjari karo dhamaadka usbuuca.

Islofaaniya

Islofaaniya waxay ku dhawaaqday 15-kii Maarso inay ku biirayaan quruumaha kale ee Yurub joojinta isticmaalka tallaalka AstraZeneca.

Wasiirka caafimaadka Janez Poklukar ayaa sheegtay in dowlada ay go’aanka u qaadatay si “loo hubiyo heerka ugu sareeya ee suurtogalka ah” ee badbaadada.

“Ma jirto khibrad caafimaad oo qiil u siineysa joojintan” laakiin waa tallaabo ka hortag ah oo laga sugayo ra’yiga Hay’adda Daawooyinka Yurub (EMA), ayuu yiri.

Indooniisiya

Wasiirka caafimaadka ee Indooniisiya ayaa sheegay 15-ka Maarso in dalku dib u dhigi doono maamulka AstraZeneca ee COVID-19.

“Si aan ugu hortagno halista, hay’adda cuntada iyo daroogada ayaa daahisay hirgelinta AstraZeneca [tallaalka] maadaama ay sugeyso xaqiijinta WHO,” ayuu yiri Budi Gunadi Sadikin.

Indooniisiya ayaa heshay 1.1 milyan oo qiyaaso ah oo ah tallaalka AstraZeneca iyada oo loo marayo barnaamijka wadaagista tallaalka caalamiga ah ee COVAX bishaan waxaana lagu wadaa in ay hesho 10 milyan oo dheeraad ah labada bilood ee soo socota.

Nederland

Nederland waxay aragtay 10 xaaladood oo xusid mudan oo waxyeelo xun leh, Hay’ad ilaalisa dawada Nederland ayaa tiri 15kii Maarso, saacado kadib markii dowlada joojisay talaalka.

Xarunta Farmashiistaha ee Lareb waxay sheegtey in dhacdooyinka la soo sheegey ay ka mid yihiin kiisaska suurogalnimada dhiig-karka ama shucaaca, laakiin midkoodna kuma jirin tiro platelet ah oo hoos loo dhigay, sida laga soo sheegey Denmark iyo Norway.

Tallaalka lama isticmaali doono ugu yaraan 29-ka Maarso taxaddar ahaan.

Ireland

Ireland ayaa ku dhawaaqday 14-kii Maarso inay joojisay AstraZeneca “taxaddar fara badan darteed” kadib markii ay soo baxeen warbixinno ka yimid Norway oo sheegaya in dhiig halis ah uu xinjiroobayo dadka qaata qaarkood.

Guddiga La-talinta Tallaalka Qaranka ee Ireland (NIAC) ayaa ku taliyay joojinta inta laga helayo macluumaad dheeri ah EMA.

“Waxba ma noqon karaan, waxaa laga yaabaa inaan ka badbadino waxaanan si daacad ah u rajeynayaa in toddobaad gudihiis in nalagu eedeyn doono inaan taxaddar badan yeelanno,” ayuu yiri Ku Xigeenka Madaxa Caafimaadka Ronan Glynn.

Bulgaariya

Bulgaria bishii Maarso 12 waxay si ku meel gaar ah u joojisay AstraZeneca ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in haweeney 57 jir ah ay dhimatay saacado ka dib markii la tallaalay.

Ra’iisel wasaare Boyko Borissov wuxuu sheegay in soo saarida AstraZeneca la hakin doono “ilaa inta shakiga oo dhan laga saarayo iyo inta khabiiradu aysan siinin wax dammaanad qaad ah oo aan khatar ku ahayn dadka”.

Haweeneyda ayaa la rumeysan yahay inay u dhimatay wadnaha oo istaaga; meydka lagama helin xinjiro dhiig.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo (DRC) ayaa ku dhawaaqday 12-kii Maarso inay dib u dhigeyso tallaalka AstraZeneca, iyadoo tixraaceysa dhaqdhaqaaqyada dalalka Yurub. DRC waxay heshay 1.7 milyan oo ah qiyaasta AstraZeneca iyadoo loo marayo qorshaha COVAX bishii Maarso 2 laakiin wali ma bilaabin barnaamijkeeda tallaalka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee DRC ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters “Waxaannu hubin doonnaa inaan wax badan ka ogaanno dhibaatadan.”

Thailand

Thailand ayaa ahayd waddankii ugu horreeyay ee ka baxsan Yurub ee dib u dhigay tallaalka AstraZeneca, Maarso 12 – maalinta hoggaamiyeyaasheeda siyaasadeed ay ahayd in la siiyo tallaallada ugu horreeya. Hakinta ayaa ahayd mid kooban, hase yeeshe, Raiisel Wasaaraha Prayuth Chan-ocha wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay ee Thailand ee qaata tallaalka Maarso 16.

Romaniya

Romaniya waxay si kumeelgaar ah u joojisay inay dadka ku tallaasho hal qeyb oo ah tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 – oo ah isla su’aasha laga qabo dalka Talyaaniga – bishii Maarso 11. Saraakiisha ayaa ku tilmaamay tallaabadaas “taxaddar xad dhaaf ah” illaa EMA ay dhameystireyso baaritaanka.

Iceland

Iceland bishii Maarso 11 waxay hakisay tallaalkii tallaalka iyadoo sugeysay natiijada baaritaanka EMA.

Danmark

Denmark ayaa 11kii Maarso ku dhawaaqday inay joojineyso isticmaalka tallaalka AstraZeneca muddo labo toddobaad ah, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xinjirowga dhiigga ah laga helay dadka qaarkood ee la tallaalay. Wakaaladda daawooyinka ee deenishka ayaa markii dambe sheegtay in haweeney deenish ah oo 60 jir ah oo u dhimatay xinjirowga dhiigga ka dib markii ay qaadatay tallaalka ay leedahay calaamado “aan caadi ahayn”.

Haweeneydu waxay haysatay tiro yar oo ah unugyada dhiiga iyo xinjirooyinka maraakiibta yaryar iyo kuwa waaweyn, sidoo kale waxay leedahay dhiig bax, ayay tiri 14-kii Maarso. Dhowr kiis oo la mid ah ayaa laga helay Norwey iyo keydka EMA ee saameynaha daawada, ayay raacisay wakaaladda dawooyinka ee Danmark.

Norwey

Norway waxay sidoo kale sheegtay inay joojineyso adeegsiga talaalka 11-kii bishii Maarso, iyadoo taxadar laga muujinayo iyadoo la soo sheegayo inay jiraan waxyeelooyin halis ah.

13-kii Maarso, saraakiisha caafimaadka ee Norwey waxay shaaca ka qaadeen in seddex shaqaale caafimaad ah – oo dhamaantood kayar 50 sano – oo dhawaan helay talaalka AstraZeneca lagu dabiibayo isbitaalka dhiig bax, xinjiro dhiig iyo tiro yar oo ah xinjirowga dhiiga.

“Ma naqaano in kiisaska lala xiriirinayo tallaalka,” ayuu yiri Sigurd Hortemo, oo ah dhakhtar sare oo ka tirsan Hay’adda Dawooyinka ee Norway.

Austria

Kahor intaanay Danmark iyo Norwey joojin joojintooda, Austria 7dii Maarso waxay joojisay isticmaalkeeda tiro kamid ah tallaalka AstraZeneca iyadoo la baarayo dhimashada cudurada xinjirowga ku dhaca iyo jirrooyinka sambabka.

Estonia, Latvia, Lithuania iyo Luxembourg ayaa sidoo kale joojiyay isticmaalka dufcadda ay Austria soo xushay.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka & Sayniska

Sooyaalka aqoonta Caafimaadka iyo nolosha Sayniska: Q.2aad.

Waa qormooyinkii taxanaha ahaa ee cinwaankoodu ahaa: Sooyaalka aqoonta Caafimaadka iyo Nolosha Sayniska. Qormadii hore waxa aynu hadal haynay wax soo-saarkii garaadka ku dhisnaa ee qolyihii Hippocratiska la odhan jiray kusoo biiriyeen aqoonta Caafimaadka.

Published

on


Qeybtii 1aad waxaad ka heli kartaa halkaan ee RIIX: 

Sooyaalka aqoonta Caafimaadka iyo nolosha Sayniska

Waa qormooyinkii taxanaha ahaa ee cinwaankoodu ahaa: Sooyaalka aqoonta Caafimaadka iyo Nolosha Sayniska. Qormadii hore waxa aynu hadal haynay wax soo-saarkii garaadka ku dhisnaa ee qolyihii Hippocratiska la odhan jiray kusoo biiriyeen aqoonta Caafimaadka.

Innaga oo bartaas kasii amba qaadayna, Hippocratis iyo xaddaaradihii berisamaadkii soo jireenka ahaaba waxa ay rummeysnaayeen in bedqabka iyo feyo dhawrka tolmooni ku jiro cunto nafaqo leh oo la quuto iyo jidh-dhis taam ah oo la sameeyo. Taas oo ku tusinaysa sida ay waagaas ugu baraarug sanaayeen tayaynta caafimaadka.

Dhanka kale xaddaaradihii hore waxa ay baadhitaan ku sameeyeen arrimaha deegaanka, is-dhalan-rogga cimilada, iyo hawadu sida ay u saameeyaan amaba u sababi karaan xanuuno.

Arrinta kaalinta ugu weyn ay ka qaateen waxa weeye soo saaristii ahayd xeerkii loogu magac daray (Hippocratic Oath) oo loola jeedo xeerka hab dhaqanka tolmoon ee dhakhaatiirta [= Ethical code for doctors]. Xeerkani waxa uu ahaa sharci dabar adag u dhigay dhakhaatiirtii hunguriga iyo dhiig miiratada shacabka xilligaas kula qamaamay, qaar badan oo ka mid ahna ay kasoo horjeesteen. Mid ka mid ah xeerarkaas waxa ka mid ahaa:

[Do not be too unkind, but consider the wealth of your patients. At times, you will treat people for free, recalling to mind a previous benefaction for your present reputation. If there is a chance to treat a foreigner or a poor man, do so fully. Where there is love of man, there is also love of the art of medicine].

(Ujeedkeeduna iyo macnaheeduna yahay: Bukaanadiina u tudha, kolkasta oo aad bukaan si lacag la’aan ah u daweysid; sumcaddaada ayuun baa qaadmi. Mar kasta oo la tixgeliyo bini’aadanimada – waxa la qaddariyay xirfaddii Caafimaadka).

Xeerkan loogu magac daray Hippocratic Code, waxa uu noqday xeer wax badan kusoo kordhiyay Giriiggii qadiimka ahaa. Sababta oo ah dadka wax daweeya iyo qaabka wax loo daweeyo oo aan berigaas xaddidnayn. Sidoo kale xeerkani waxa uu ka kaalmeeyay in la kala saaro oo la kala sooco dadka dhakhaatiirta ah iyo kuwa kale ee iska sheegta. Illaa xilligan aynu joogno sharcigan waa mid lagu dhaqmo, jaamacaddahana lagu dhigto.

Sidoo kale, qolyahani waa kuwii dhidibada u taagay fikradda xirfadda caafimaadka iyo barashada Sayniska caafimaadka (the idea of medical profession and the scientific study of Medicine). Ka sakow, guulihii wax-ku-oolka ahaa ee xaddaaradihii hore ee soo jireenka ahaa kusoo kordhiyeen caafimaadka, haddana waxa jirtay surma-seegtooyin ay la kulmeen mararka qaarkood. Bilmatal, xanuunada badankooda daweyntooda kuma ay wada guulaysan jirin. Ma ay haysan – suuxdin, kaar-jebin, iyo weliba dawooyinka dheyitaanka iyo nadiifinta loo adeegsado.

Dhanka kale, dadkii hore waxa ay ku wannaagsanaayeen daweynta jugta iyo nabarada waaweyn ee dhaawaca ku yimaadda [=Trauma] Sidoo kale jabniinka lafaha [=Fractures] iyo kala baxa is-goysyada [=Dislocations]. Ciidankii Rooman-ka (Roman Army) ee xilligaas dagaalada lagu riiqday ku jiray ayaa ahaa kuwii illaa laga soo gaadhayo qarnigii 19-aad, noqday qaar guulo la taaban karo ka gaadhay daweynta dhaawacyada, iyo goynta xubnaha qaarkood (Amputations).

Laakiin, haddaba dhibta ugu weyn ee haysatay waxa ay ahayd – wax fikrad buuxda ah kama ay haysan qaabka jidhka guduhu u shaqeeyo [=Internal functioning of the body]. Dhinaca kale, hagardaamadii ugu weynayd waxa ay soo wajahday kolkii ay isku dayeen in ay qalaan oo xubin – xubin u jaraan jidhka bini’aadamka si loo darso oo waxna looga barto (Dissection) sababta oo ah go’doonka ugu weyn oo kaga imanayay dhaqanka iyo caqiiddada diinta oo mamnuuc iyo lama taabtaan loo arkayay in xubno aadane lagu barbarto. (Social and religious taboo).

Mufakiriintii dhanka Caafimaadka ee aad looga danbeyn jiray labo kamid ah oo kala ahaa Herophilus oo isagu ahaa ninka wax badan kusoo kordhiyay barashada qaab -dhismeedka jidhka (Anatomy) iyo sidoo kale mufakirkii kale ee lagu magaacbi jiray Erasistratus oo isna cilmi badan oo ku saabsan qaabka jidhka bini’aadamku u shaqeeyo daaha ka fayday (Physiology).

Herophilus waxa uu ahaa ruuxii u horreeyay ee darsa maskaxda iyo qaab-dhismeedka dareen- wadayaasha. Kolkaasna ahaa shakhsigii ugu horreeyay ee kala saara halbowlayaasha dhiigga qaada iyo arroorayaasha (Arteries and Veins).

Dhanka kale, Dhkakhtarkii isaguna ugu caansanaa qarniyadii galbaday ee hore waxa la odhan jiray Galen, waxa uu ahaa ninkii ugu saameynta badnaa cilmiga barashada qaab -dhismeedka jidhka (Anatomy). Waxqabadyadii iyo aqoontii uu yagleelay waxay soo gaadhay hillaadii illaa 1550-kii.

Arrinta cajiibka iyo ashqaraarka leh haddaba waxa ay tahay Galen ma uusan helin fursad uu ku qalo oo uu ku darso jidhka bini’aamka ee meydka ah (Dissection of the cadaver) sababta oo ahna sebenkaas uu noolaa oo in meydka la fadhataysto oo la fara-fareeyo ay ka ahayd arrin aan loo bogin oo lama taabtaan ah. Haddana isaga oo aan fursaddaas helin ayuu isla jeerkaas cilmiga Anatomy-ga wax badan kusoo kordhiyay.

‘Waxa uu qali jiray oo darsi jiray xubnaha xayawaanada mayeedhaanka ah si uu u ogaado qaab-dhismeedkooda.

Galen waxa uu ahaa ninkii beeniyay aragtidii ahayd in halbowlaha dhiigga tuura ay ku jirto hawo iyo naqas keliyaata. Aragtidaas waxa uu ku buriyay Erasistratus. Si uu u caddeeyo warkiisa waxa uu qalay doofaar (Pig) kaddibna tusay in halbowlaha dhiig qulqulayo. Sidoo kale xayawaanada uu qali jiray kaddibna baadhi jiray waxa kamid ahaa xayawaanka daanyeerka – weliba noociisa la yidhaahdo in uu aadanaha aad u shabbaho oo loo yaqaan (Barbary Apes).

Taasi waxa ay ku tusinaysaa in berisamaadkii hore aan wax faham buuxa ah laga haysan qaab dhismeedka dhiig wareegga (Blood circulation). Tusaale, Caalimkii Galen waxa uu rummeysnaa in dhiiggu aanu jidhka ku wareegin – hase ahaatee la ga soo saaro oo laga dhaliyo beerka, kaddibna loo gudbiyo qeybaha kale ee jidhka. Taas oo uu ugu maleeyay midabada guduudka iyo buluugga ah ee dhiigu wato. Sidoo kale wax fikrad ah laga ma haysan doorka hawada Oxygen-tu ku leedahay dhiigga.

Dharaarihii tagay, dhakhaatiirtii kal hore waxa ay baadhi jireen xayawaannada illaa uu soo baxay Andreas Vesalius oo ahaa dhakhtar u dhashay waddanka Biljamka, noqdayna qofkii u horreeyay ee si toos ah u jeex-jeexa meydka jidhka bini’aadamka. Waxaana lagu xasuustaa in uu yahay Aabbaha cilmiga ugubka ah ama casriga ee Anatomy-ga. (Founder of modern human Anatomy).

Intaas kaddib, haddaba horumarintii cilmiga caafimaadku iyo aragtiyihii is daba jooga ahaa ee khubarada cilmiga caafimaadku kusoo biirinayeen aqoonta ayaa haddana geesta kale waxa jirtay argtiyo iyo mabaadi’ kusoo kordhayay aqoonta Sayniska. Bilmatal, cilmiga Bayoolojiga (Biology) caalimkii weynaa iyo falylasuufkii reer Giriig Aristotle, ayaa ahaa ruuxii dhidibada u taagay aqoonta Bayoloojiga. Inta laga warqabo illaa hadda ma jiro ruux ka horreeyay Aristotle oo darsay culuumta Bayoloojiga. Dhaliisha ugu doorka roon ee dusha looga tuuro Aristotle iyo gebi ahaanba Giriiggii hore ayaa waxa ay tahay: in badanaa aanay sameyn tijaabooyin ku filan – bes keliyaata aqoontoodu ku kooban tahay aragtiyo bilaa tajribo ah.

Eeddaas loo soo jeediyay waxa bar-kuma-taal ka dhigi karta kolkii uu socdaal dheer ku maray dhulweynaha Giriigga. Waxa uu darsay in ka badan 500 oo noole oo kale geddisan kuwaas oo weliba uu googayn jiray kaddibna baadhi jiray una kuur gali jiray.

Aristotle Aabbihii culuumta falsafadda waxyaabaha uu daaha ka feyday waxa ugu muhiimsanaa barashada korniinka uur- jiifta. (Development of Embryo). Waxa uu si adag u taageeray aragtida tibbaaxaysa in dhirta iyo xayawaanka nooluhuba ka soo unkameen ukun (Egg or spore) kaddibna noqdeen noolayaal dhammaystiran, taas oo loo yaqaan (Epegenesis).

Waxa uu dood iyo muran geliyay aragtida taas lidkeeda ah ee la yidhaahdo (Pangenesis) taas oo ka dhigan in noolayaashu isu gudbin karaan dabeecaddaha iyo muuqa oogada guud jiilba jiilka ka danbeeya. (Characteristics acquired during life are passed on to the offspring). Bilmatal, haddii xayawaanka geriga loo yaqaan isku dayo in uu quuto dhirta dheer, qoortiisu way kala bixi kartaa si uu u gaadho dhirtan dhaadheer kolkaasna dhallaanka uu dhallaana waxa ay noqon kuwo qoor dheer. (If giraffes stretch their necks to feed, then baby giraffes are born with longer necks).

Guud ahaan aragtidani waa mid salka ku haysaa arrintii caalwaaga iyo waxba-kama-jiraanka noqotay ee loo yaqaanay taddawurka bini’aadamka (Evolution). Sidaas darteed, Aristotle gebi ahaanba wuu kasoo horjeeday mabda’an.

La soco qeybta 3aad 


 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka & Sayniska

Sooyaalka aqoonta Caafimaadka iyo nolosha Sayniska

Waa qormo ka kooban taariikh iyo tagto hore oo ku saabsan asalka aqoonta caafimaadka iyo nolosha Sayniska.

Published

on


Had iyo goor ummadaha iyo xaddaarad kasta oo dunida soo martay waxa la isku raacay in marka tagtadda la darso ay tusmo iyo tusaalle u noqoto xayada maanta taagan.

Habka iyo hannaanka ay u farsamayn jirayn ummuuraha adduunyo ee soo wajaha – tabaha iyo tallaabooyinka ay u maarayn jirayn waa casharo u baahan in la darso. Haddaba innaga oo taas ka duulayna, waxa ay qormadeenna maanta ku lafo guri doonaa sida cinwaanka guud ka muuqata: Asalka aqoonta Caafimaadka iyo nolosha Sayniska (Origin of Medicine and Life science).

Ugu horrayn, dhammaan bulshooyinka kala geddisan ee caalamku mid kastaa waxa uu adeegsan jiray tab iyo xeelad ay ku furdaamin jireen xanuunada dadkooda soo rita, iyo waxa jiray hab ay u maarayn jireen dawooyinka jirrooyinkaas soo rita. Bilmtal, Soomaalidii hore waxa ay adeegsan jireen nooc daaweyn u gaar ah iyaga oo la ga falkiyay dhir iyo waxyaabo kale oo la isku daray – maadaama aqoonta Sayniska ee Casriga ah xilligaas deegaanadeenna ka jirin.

Waxa aynu ku bilaabi doonaa sebenadii hore sida Masaaridii hore iyo qolyihii Baabiloyooniska oo ahaa masdarka iyo isha ay kasoo farcameen ama kasoo burqan jireen badi aqoonta Sayniska iyo culuumta fanniga ah ee kala duwan. Inkasta oo qolyihii la odhan jiray Hippocratiska ay ahaayeen aasaasayaashii iyo aabayaashii Caafimaadka. Hippocrat waxa uu ahaa asal ahaan Giriig, waxaana lagu tilmaamaa Aabaha Caafimaadka (Father of Medicine).

Inkasta oo Masaaridu ka qadiimsan yihiin xaddaaradda Giriiga – [taas waxa caddayn kuugu filan – markii Giriigu booqday Masar, ayaa wadaad reer Masar ah ku yidhi: “idinku Giriig; waxa aad tihiin Dhallaan – taas oo ula jeedo – eegga ayaad caalamka xaddaaradda soo galaysaan”. Xilligaas oo qiyaastii ku beegnayd qarnigii 6-aad BC]. haddana Hippocratiska ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee aaminay in xanuun kastaa leeyahay sabab dabiici ah.

Dhinaca kale Baabiloyooniska, iyaguna waxa ay sameyn jireen, kahor inta aanay wax daaweyn ah guda gelin, waxa ay eegi jireen nooca danbi ah ee uu galay ruuxa xanuunku ku dhacay, waxa ay rumaysnaayeen in ruuxa jirro ku dhacdo – Eebbe xanuun ciqaab uga dhigayo.

Sidaa daraaddeed Hippocratisku iyagu waxa ay isu arkayeen dhakhaatiir dhab ah oo raba in cudur kastaa leeyahay asal iyo sabab sayniseed (Proper science of Medicine).

Waxa ay isku dayeen in ay raadraacaan kiisas caafimaad oo kala duwan, waraysiyo ayay ka qaadeen bukaanadii, si ay u darsaan islaba roga xanuunka iyo qaabka uu ‘u fidayo. Xumadda (Fever), qaab- dhismeedka jidhka (Body posture), midabka maqaarka, heerkulka jidhka, indhaha, baadhitaanka candhuufta (Sputum), matagga (Vomit), saxarada iyo kaadida.

Arrimahan oo dhan waxa ay ka saacideen Giriigii hore in ay baadhitaan iyo daba gal rasmi ah ku sameeyaan xanuunada kala duwan. (Diagnosis and Prognosis).

Dabagalka iyo kasoo kabashada ama kasoo reyitaanka xanuunka qofka haleela ama in dhakhtarku ku guulaysto in ruuxu xanuunka ka bogsado waxa ay ahaan jirtay mid ka qayb qaadata sumcadda iyo karaamada dhakhtarku ku dhex leeyahay dadkiisa. Bilmatal, dhulkeenna dhakhtar kastaa waxa uu isku dayaa sida ugu dhakhsaha badan in uu isu dhaafiyo ruuxa bukaanka ah (dan kama laha bogsashadiisa toona) way se jiraan dhakhaatiir bukaanadooda daryeela.

Haddaba marka loo eego wadcigii iyo xaaladdii wagaas ay ku sugnaayeen xaddaaraddii Giriiga ee hore, qaabkii ay ula tacaali jireen xanuunada – ayaa haddana waxa aad la fajacaysaa agabka, aqoonta iyo qalabku sida uu gobaabsiga ugu ahaa iyo sida ay u maarayn jireen xanuuno badan oo halis iyo saf-mar ah.

Haddaba haddii aynu kusii socono aqoontii hore ee caafimaadka. Markan waxa aynu eegi doonaa Hippocratiskii hore iyo waxa ay ka aaminsanaayeen qaab-dhismeedka jidhka bini’aadmka. Waxa ay rummaysnaayeen in waaxyaha jidhka bini’aadamku ka kooban yahay afar shay oo loo yaqaan Humours: (Kulayl), (Qabow), (Qalayl), (Qoyaan). Hot, Cold, Wet, dry. Ama haddii si kale loo dhigo waa afar dareere: Black bile, Yellow bile, phlegm, iyo Blood.

Inkasta oo ay isku maandhaafsanaayeen waxa saxda ah ee jidhka bini’aadamku ka kooban yahay (Exact constitution of human body) haddana dhammaantood hal mid ayay ka sinnaayeen oo ah in haddii mid kamid dareerayaashan dheelli ku yimaaddo – jirraduna markaas bilaaban doonto. (Health was balance of the constituents, imbalance of constituents is the disease).

Wax fikrad ah kamay haysan waxyaabaha loo yaqaano Bakteeriyada, Fayraska, iyo in mararka qaar xanuunku qofka dibadda kaga iman karo oo kasoo weerar tegi karo.

La soco qeybta 2-aad ………..


Tixraac:

By far the best general introductions to ancient science are G.E.R. Lloyd’s Early Greek Science to Aristotle (1970) and Greek Science after Aristotle (1973).

A little old, but still a useful introduction, is S. Sambursky, The Physical World of the Greeks (1956).

Philosophy and science were very much intertwined in the ancient world. A useful introduction to Greek philosophy is the Routledge History of Philosophy, vols 1 (1997) and 2 (1999), and a more extended introduction can be found in W.G.C. Guthrie’s History of Greek Philosophy in six volumes (1962–81).

The Cambridge Companions series is a useful way of finding out current thinking on various philosophers. While they concentrate on philosophy, there is always some useful material on ancient science as well. There are Cambridge Companions to Early Greek Philosophy, ed. D. Sedley (1999); Plato, ed. R. Kraut (1992); Aristotle, ed. J. Barnes (1995); and Hellenistic Philosophy (forthcoming).


Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka & Sayniska

Noocyada nasashada 4-ta ah ee qof walba u baahan yahay

Published

on


 Weligaa ma isku dayday inaad hagaajiso tamar la’aanta ku haysato adigoo waliba hurdo badan seexanaya ayaad hadana dareentaa wali daal?

Haddii jawaabtaadu tahay Haa, waa tan sirtu: Hurdo iyo nasasho isku mid ma aha, in kastoo in badan oo naga mid ahi si khaldan ugu jahwareeraan.

Marka hore aan isla garano waxa ay tahay hurdo la’aanta, marwalbo hurdada waa muhiim kuna dedaal inaad hurado hurdo kugu filan habeen walbo. Hurdo la’aantu waxay ka timid dhibaatooyinka la xiriiro hurdada, waxaana lagu gartaa in qofka oo hurdo ku soo dhici karin ama hurdada ku raagi karin.

Dadka qaar oo ka sheegto hurdo xumada waxay kaloo dareemaan daal iyo tabardarri markii ay soo toosaan subaxii ama haddii ay ka soo toosaan habeenkii kuma laaban karaan ama waqti hore oo qofka hurdada ka dhamaato.

Badanaa hurdo la’aanta soo boodada ah wax daawo ah looma qaato, qofka wuu helaa hurdo markii ay ka gudbaan waxyaabaha uu dhibsanayo. Haddii aad ka welwelsan tahay in hurdo la’aantu ay saameyn ku yeelato shaqadaada ama waxbarashadaada waa in aad dhakhtar la xiriirta si laguugu caawiyo wax hurdo ku siiyo.

Inta badan waxaanu u haysanaa inaan nasanay haddii aan helnay hurdo nagu filan – waa sax laakiin sheekada sida aad mooday ma ahan. Dhab ahaantii waxaa naga maqan inaan ogaano noocyada kale nasashada ee aan aadka ugu baahannahay.

Waxaa macquul ah, inaad isku aragto daal joogto ah iyo in muuqaal ahaan aad u ekaato qof gubtay. Sababtaas ayaa ah, waxaan la dhibtooneynaa nasasho la’aan sababtoo ah ma fahmin awoodda dhabta ah ee nasashada.

Nasashada waa inay u dhigantaa dib u soo celinta toddobadan qaybood ee muhiimka u ah noloshaada.

  1. Nooca ugu horeeya ee nasashada ee aan u baahanahay waa nasasho jireed, oo noqon karta mid dhaqaaq ama firfircooni.

Nasashada jireed ee jiifka ah waxaa ka mid ah hurdo iyo seexasho, halka nasashada jireed ee firfircoon macnaheedu yahay waxqabadyada dib u soo celinta sida gym-ka, fidinta iyo daaweynta duugista oo gacan ka geysaneysa hagaajinta wareegga jirka iyo dabacsanaanta.

Waa muhiim in aan daryeel wanaagsan siino nasashada jirka, dib u dhiska jirka iyo maskaxda. Markii aan ku dadaalno jir ahaan ama maskax ahaanba, waxaa xoogsanaysa soo celinta tamarteena. Baarayaasha waxay muujiyeen in culeyska jirka ee shaqada gacanta iyo xitaa culeyska shucuureed ee shaqada miiska ay u baahan yihiin nasasho si jirka iyo maskaxdu u soo kabtaan.

  1. Nooca labaad ee nasashada waa nasashada maskaxda.

Markuu qofka seexdo habeenkii si uu u nasto, wuxuu si joogto ah ugu halgamayaa inuu damiyo maskaxdiisa iyadoo sheekooyinka maalinta laga bilaabo ay buuxinayaan maskaxdiisa. In kasta oo uu seexdo toddobo ilaa siddeed saacadood, haddana wuxuu ku soo toosaa isagoo dareemaya sidii inuusan weligii aan seexan.

Waa muhiim in maskaxdaada ay u noqoto mid nasatay, waxaad u baahan tahay inaad fasax yar qaadato oo aad shaqada ka yar nasato. Jadwal u samee nasashooyin gaagaaban labadii saacadoodba mar inta lagu jiro maalmahaaga shaqada:, nasashooyinkani waxay kuu suurta galin kartaa in  maskaxdaada ay nasato oo ay gaabiso shaqada badan ee ay wado. Sidoo kale, haddii aad tahay qof xaalado adag ku jira waxaad sameysaa tag meel hawo fiican aad ku qaadan karto, qor dhammaan culeysyada ku haysto iyo sida aad ugu gudbi karto.

  1. Nooca saddexaad ee nasashada ah ee aan u baahanahay waa nasasho dareen leh.

Nalalka dhalaalaya, shaashada kumbuyuutarka, buuqa asalka ah iyo wada sheekaysiga badan – ama ha joogaan xafiis ama wicitaannada Zoom – waxay sababi karaan in dareenkeenna uu dareemo culays badan. Waxaana looga hortegi karaa in aad sameyso daqiiqad aad indhaha xerato bartamaha maalin walbo.

Indhaha waxay ka mid yihiin xubnaha jirka ugu qaalisan. Dad badan ayaa ka sheegta indho xanuunka mararka qaarkooda waxaa la socda madax xanuun. Xanuunka isha waa noocyo badan yihiin waxaa jira xanuun gudaha indhaha, sidoo kale dhafarka iyo shaahada telefonada iyo kombuutarada waxay keeni karaan daal badan, sidaas awgeed waa muhiim inaad sameyso qodobka aan kor kusoo sheegnay.

Ogaysiis: Isticmaalka komburada iyo guud ahaan qalabka elektroniga ee shaashadaha leh waxay qatar ku noqon karaan indhahaaga haddii aan loo isticmaalin si taxader leh.

  1. Nooca afraad ee nasashada waa nasasho hal abuurnimo leh.

Nasashada noocan ahi waxay si gaar ah muhiim ugu tahay qof kasta oo ay tahay inuu xalliyo dhibaatooyinka. Nasashada hal-abuurka ah waxay dib u soo nooleysaa baqdinta iyo yaabka ku jira qof kasta oo inaga mid ah. Ma xasuusataa markii ugu horreysay ee aad aragto badda ama biyo-dhaca?

U oggolow naftaada inaad wakhti ku qaadato daawashada quruxda banaanka – xitaa haddii ay tahay jardiinada deegaanka ama daaraddaada – waxay ku siinaysaa nasasho hal abuur leh.

Laakiin nasashada hal-abuurka ah si fudud looguma mahadnaqin; sidoo kale waxaa ka mid ah ku raaxeysiga fanka. Goobtaada shaqada u rog meel dhiirigelin leh adigoo soo bandhigaya sawirada meelaha aad jeceshahay iyo shaqooyinka farshaxanka ee kula hadlaya. Ma qaadan kartid 40 saacadood usbuucii adoo fiirinaya hareeraha ama meelaha lagu buuqsan yahay oo aad fileyso inaad dareento xiisaha wax kasta, adiga ayaa la imaan kara fikrado cusub

Qof walbo inta uu nool yahay wuxuu la kulmaa qof wanaagsan uu saaxib ka dhigto. Waa qofka ay qof waliba ku tiirsan tahay, midka aad u wici lahayd haddii aad u baahan tahay raalli ahaansho maxaa yeelay xitaa haddii aysan rabin inay sameeyaan, waxaad ogtahay inay ku siin doonaan diidmo “haa” halkii ay run ka sheegi lahaayeen “maya”.

Saaxiibka wanaagsani waxa uu qofka u leeyahay muhiimad ballaaran iyada oo shareecada islaamku qofka muslimka ah ku boorisay in uu samaysto saaxiib wanaagsan oo ay xaqqa isku garabsadaan xumahana isaga gaashaantaan. Sidaas awgeed, waxaad u baahan tahay saaxiib wanaagsan oo aad ku nasato, si dareenkaaga u wanaagsanaado.

Waxaad u baahan tahay nasasho shucuur ah, taas oo macnaheedu yahay inaad haysato waqti iyo meel aad si xor ah ugu muujiso dareenkaaga farxada. Nasashada shucuurta sidoo kale waxay u baahan tahay geesinimo si ay u noqoto mid dhab ah. Qof dareen ahaan nasasho leh ayaa ka jawaabi kara su’aasha ah “Sidee tahay maanta?” run isugu jawaabi kara “Ma fiicani” – ka dibna sii wad adigoo ka jawaabaya su’aalaha adag.

Hadalkii oo kooban ”Haddii aad u baahan tahay nasasho shucuureed, waxaad u badan tahay inaad leedahay nasasho bulsheed”.  Si aad ula kulanto nasasho bulsheed oo dheeri ah, naftaada ku xeero dad wanaagsan oo ku taageera. Xitaa haddii isdhexgalkaagu aan fiicnayn ama aadan ka helin inaad la fadhiisato dadka qaarkiisa madamaa waxaad diiradda saaraysaa cidda aad la hadlayso ama aad la fadhiisanayso.


Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka & Sayniska

Isticmaalka telefoonnada casriga ah iyo caafimaadka bulshada

Published

on


Sare u kaca taleefoonada casriga ah xilliyada waddada lagu socdo waxay sababeen dhibaatooyin badan oo halis gelin kara nolosha qofka.

Dadka isticmaala Taleefoonada gacanta iyaga oo socda waddooyiinka, waxay la kulmaan shilal keeni kara in jirkooda uu dhaawac soo gaaro. Sida ay sheegeen dhaqaatiirta, dhibaatooyiinka sare u kacday waxaa ka mid ah dadka Sanka ka jabay, kuwa ay ilkaha ka daateen iyo waliba dhaawac dhanka maskaxda ah.

Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda iyo hagaajinta lafaha marka ay jabaan oo ka howlgala Iskuulka caafimaadka ee Rutgers New Jersey, ayaa qiray in uu Taleefoonkiisa isticmaalo isaga oo socda, balse waxaa uu nagu baraarujinayaa in aan joojino inaan aad u isticmaalno.

Waxaa uu khabiirkani arrintani cilmi baarid ku sameynayay 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Dr Boris ayaa sheegaya in dad badan ay u yimaadaan iyaga oo qeyb ka mid ah jirkooda ay jaban tahay; marka la waydiyo waxay sheegaan in ay Teleefoon isticmaalayeen iyaga oo waddada socda.

“Qaar ka mid ah bukaannada ayaan waydiinaa sidee arrintan ku dhacday? waxay inoo sheegeen inay dhacday iyaga oo wadada ku socda in ay taleefoonka isticmaaleen ka dibna ay turunturoodeen oo ay kufeen”, ayuu yiri Dr Boris.

Dr Boris ayaa intaa ku daray in cilmi-baarista ay sameeyeen ay muujinayso in sannadkii 1998 illaa 2006-dii ay aad u yareyd tirada dadka ay soo gaartay waxyeelada la xiriirta Teefoonnada gacanta. Balse waxa uu sheegay in tiradaasi ay aad sare ugu kacday laga soo bilaabo 2007-dii ilaa 2009-kii. Sannadba sannadka ka dambeeyana “sare ayey u sii keceysay”, sida uu sheegay dhakhatarkan.

Maxay yihiin dhaawacyada inta badan dadka soo gaara?

Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda lafaha marka ay jabaan ayaa sheegay in dhaawacyada dadka soo gaara intooda badan yihiin Sanka, jilbaha iyo qeybaha kale ee jirka.

“Shakhsiyan waxaan arkay dad dhaawacyo ka qaba jilbaha, jirka oo meelo ka dilaaca iyo dhaawacyo anqowga ah iyo xitaa dhaawacyo gudaha ah,” ayuu yiri Dr Boris.

Dr Boris Paskhover ayaa xusay in dadka inta badan iyaga oo taleefoonka ku mashquulsan ay ku dhacaan barkadaha dabaasha, halka qaarka kale ay ku dul dhacaan goobaha la suro wargeysaya lagu iibiyo ee jidadka dhexdooda ah.

Dr Boris ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaro ay u badan yihiin dadka la kulma dhibaatooyiinka iyo dhaawacyada ka yimaada Telefoonada.

“Waxaan ogaanay in da’da u dhaxeysa 13 ilaa 29 jir ay yihiin kuwa ugu badan ee dhaawacyada ka soo gaaraan telefoonada oo ah jiilka ku wanaagsa isticmaalka mobile-ka.”

Dhibaatada caafimaadka maskaxda

Ku dhowaad afar-meelood, meel ka mid ah dhallinyarada caalamka waxay ku tiirsan yihiin telefoonada casriga ah, taas oo noqotay wax ay qabatimaan, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ku taqasustay cilmu-nafsiga. Cilmi barista oo uu hoggaminayay machadka King’s College ee London, waxaa lagu sheegay in dabeecadaha qabatinka leh ay sababeen in dhallinta ay “argagaxaan” marka laga qaado mobile-ka.

Sidoo kale, da’yartan naftooda kama xakameyn karaan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonka casriga ah. Dhaqaatiirta waxay ka digayaan in qabatinka noocaas ah uu yeelan karo “cawaaqib aad u xun” oo ah in uu dhibaato u geysan karo caafimaadka maskaxda.

Cilmi baarista waxaa lagu eegay 41 warbixin oo lagu baaray caafimaadka 42,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa la baaray “dhibaatada ka dhalata isticmaalka telfoonnada casriga ah”.

Waxaa la helay in boqolkiiba 23% uu keeno isbedel dabeecadeed oo si joogto ah u soo noqnoqda – waxaa ka mid ah, walwal la xiriira in mar uun telefoonka laga qaado oo ay isticmaali waayaan ama akhrinta farriimaha ay shaqeyn waayaan – kuwaas oo dhibaato ku ah waxyaabihii kale ee dhallintan ay qaban lahaayeen.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Published

on


Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah

Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha. Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxyaabaha cuntooyinka lagu kariyo ee la warshadeeyay

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta. Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

Cuntooyinka la warshadeeyay

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood. Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan. Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin.

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.

  • Rootiga lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka Sajilan
  • Caanaha qaar
  • Buskut-ka
  • Hilibka sajilan
  • Barado Shiilan
  • Sharaabka
  • Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
  • Digirta ku jirta weelka sajilan

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan, Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

  • Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qabo Professor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  • Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay.
  • Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusay qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
  • Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  • Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.
Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Bariga dhexe19 hours ago

Warbixin: Israa’iil waxay ku guul-darraysatay inay baarto dilka Falastiiniyiinta loogu geystay dibadbaxyada Qaza

Afrika3 weeks ago

Koonfur Afrika: Madaxweynihii ugu dambeeyay ee midab-takoorka Frederik Willem de Klerk ayaa geeriyooday

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Masiibada Ayaxa: Maxaa qorshe ah ay sameyn kartaa dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo dalagyada beeralayda?

Afrika3 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Maxaa ka jira cabsida laga qabo in ciidamada TPLF ay dhawaan gaaraan magaalada Addis Ababa?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ayaa cabsi ka abuuray Kenya iyo Koonfurta Suudaan

Yurub4 weeks ago

Maxay ahayeen Soomaalida ku dhibaateysan xuduudda Belarus iyo Poland?

Afrika4 weeks ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Siday Itoobiya ku gaartay halkaan iyo doorka Qowmiyadaha kala duwan?

Afrika4 weeks ago

Sannad ka dib, Itoobiya ma waxay kusii baaba’aysaa dagaal sokeeye?

Sirdoonka & Militariga4 weeks ago

Maamulka Joe Biden ayaa ansixiyay $650m oo hub ah oo laga iibinayo Sacuudiga – hubkaan ma Yemen ayaa lagu baabi’inayaa?

Afrika4 weeks ago

Hogaamiyihii afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan ayaa Maraykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dawlad cusub

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Waa maxay sababta uu Turkiga ugu qeybgali doonin shirka Paris ee looga hadlaayo Liibiya, oo ay ka qeyb galayaan Giriiga, Israa’iil, Giriiga Qubrus’?

Afrika1 month ago

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya: Ciidamada Tigreega ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan magaalada Kombolcha ee dalka Itoobiya

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Britain ayaa u qabatay Faransiiska 48 saacadood inay ka laabato hanjabaadaha ka dhanka ah kalluumeysiga

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Shir Madaxeedka G-20 oo ka bilaabmay Rome iyadoo diirada lagu saaray isbedelka Cimilada iyo cudurka Faafa ee Korona Fayrus

Bariga dhexe1 month ago

Xiisadda Diblomaasiyaddeed ee Sacuudiga iyo Dowladda Lubnaan ayaa ka sii daraysa markii ergayga la eryay, lana mamnuucay soo dejinta

WARBAAHINTA1 month ago

Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Maxay ka dhigan tahay hadalka Mareykanka ee ku aadan ciidamada Danab?

WARBAAHINTA1 month ago

Itoobiya ayaa duqayn cirka ah ka fulisay waqooyiga galbeedka Tigray

WARBAAHINTA1 month ago

Weerar nooca magaaladda Kongsberg ka dhacay ayaa mar kale dhici doona, sirdoonka Norway ayaa sidaas leh

WARBAAHINTA1 month ago

Turkiga ayaa Israa’iil ku cambaareeyay qorshe ay ku dhiseyso guryo cusub oo sharci darro ah

WARBAAHINTA1 month ago

Austaria waxay dejisay qorshayaal sharciyaynta isdilka – sharcigaas oo caawinaayo qofka raba inuu isdilo

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhaleeceysay taageerada Mareykanka ee Taiwan, waxayna taageertay Shiinaha oo xulafo la ah

Afrika1 month ago

Amni iyo xasillooni ayaa looga baahan yahay ku-meel-gaarnimada dawladda nabdoon: Liibiya W. Arrimaha Dibedda

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Aramco waxay hiigsaneysaa inay hawlgallada qiiqa eber ka dhigto marka la gaaro 2050, ayuu yiri agaasimaha guud

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda1 month ago

Turkiga ma wuxuu indhaha ku hayaa istaraatiijiyada ku saleysan ‘horumar-guul oo xiriir la leh Afrika?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Wadahadaladda Farmaajo iyo Rooble: RW Rooble ma waxaa loo magacaabay inuu dalka khilaafka siyaasadeed ka saaro mise?

Diblomaasiyadda & Dunidda1 month ago

Turkiga oo u yeeray safiirada 10 dal oo soo saaray qoraal ka careysiiyey – Xariirka Hab-dhaqameed ee Turkiga iyo Reer galbeed

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ku noqoshada Ruushka ee Afrika: Faransiiska, Maali, iyo qodobka Wagner

koonfurta Bari Aasiya2 months ago

Bangladesh ayaa qorshaynaysa inay 81,000 Rohingya u rarto jasiirad, kadib heshiis ay la gashay Qaramada Midoobay

Afrika2 months ago

RW Abiy Axmed wuxuu dhisanayaa Xukuumaddiisa cusub, iyadoo xisbiyada ugu waa weyn dalka ay Qaadaceen doorashada

WARBAAHINTA2 months ago

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Turkey ee ay galeen France iyo Greece?

WARBAAHINTA2 months ago

Aljeeriya ayaa dib ugu yeertay ergaygeeda Paris kadib tallaabadii fiisaha ee Madxaweyne Macron

Afrika2 months ago

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, oo ah wareegga ugu dambeeya ee doorashada – xisbiyada Soomaalida?

WARBAAHINTA2 months ago

Ayeeyo Falastiini ah ayaa waxay heshay shahaadada jaamacaddeed ee bachelor-ka iyadoo 85 jir ah

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la xukumay – maxaase lagu xukumay?

WARBAAHINTA2 months ago

Hay’adda WHO ayaa ka argagaxday xadgudubka galmo oo ay sameeyeen shaqaalaheeda gargaarka ee Koongo

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxweynaha Tunisia ayaa Najla Bouden Romdhane u magacaabay haweeneydii ugu horreysay ee dalkaas ka noqota RW

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago

Xiddigga fanka Soomaaliyeed ee Aar Maanta wuxuu ka caawiyaa carruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis inay ogaadaan dhaxalkooda

Diblomaasiyadda & Dunidda2 months ago

Iiraan iyo Sacuudi Carabiya: Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada u socda?

WARBAAHINTA2 months ago

Madaxa xisbiga Green Party ee Kanada ayaa iscasishay, iyada oo ku tilmaamtay ‘wakhtigii ugu xumaa’ ee nolosheeda

Xul