Connect with us

Maqal & Muuqaal

Ganacsiyada Yar Yar ||Tukesomalism.com

Published

on

Ganacsiyada yar yar waxa lagu qeexaa inay yahiin kuwo xadidan dhinacyo badan sida mulkiilaha oo ah hal qof ama ay cid gaar ah ku abtirsadaan sida Qoys, rasamaalkooda oo kooban iyo shaqaalahooda oo tiro ahaan yar. Tusaale ahaan warshada roodhida oo kale(Local Bakery), Maqaaxiyaha laga cunteeyo (Restaurants) IWM.

Faa,iidada Ganacsiyada Yar yar:

 Ganacsiyada noocan ahi waxey yihiin kuwo si fudud loo aas-aasi karo marka loo eego noocyada kale ee ganacsiyada, sidoo kale way ka kharash iyo hawlba yaryihiin. Faa,iidooyinka waaweyn ee ay leeyihiin Ganacsiyadani waxa kamida xoriyada aad u leedahay maamulashada ganacsigaaga iyo adigoo hadba suuqa la jaanqaadi kara si fudud oo aanad cid badan amaba cidnaba uga daba fadhiisaneyn go,aamada kula soo darsa ee la xidhiidha kobcinta dakhligaaga iyo ganacsigaagaba waxaan iyana la hilmaami karin in ay tahey ilaha shaqo abuurka kuwooda ugu doorka weyn oo haddii ay shan qof ganacsiyo u gaara sameystaan waxey shaqaaleysiin karaan 10-30 shaqaale.

Doorka ay ka qataan Koboca dhaqaale:

Ganacsiyada yar yar iyo habka ay uga hawl galaan wadankasta waxey tahey calaamad tusineysa kor u kaca dhaqaale ee wadankaasi leeyahey,  sidoo kale waxey kordhisaa dakhliga qofeed (personal income) taas oo saameysa dakhliga wadanka korna u qaada wax soo saarka wadanka (GDP).

Waxaan iyana meesha ka madhneyn in uu korodh ku yimaado dakhliga dawladda marka ay cashuuro ka qaadaan ganacsiyada noocan ah, taas oo iyana kor u qaadeysa adeegyada aas-aasiga ah in si hufan loo qabto.

Sababaha keena guul-daradda Ganacsiyada yaryar:

Wax kasta dhib iyo dheef is garab yaala ayey leeyihiin, laakiin waxey ku xidhantahey go,aamada laga gaadho xaaladaha taagan in khasaare lala darso iyo in laga badbaadoba, waxa jira qodobo dhawr ah oo gundhig u ah guul darooyinka lasoo darsa Ganacsiyada Yaryar waxaana kamid ah

  • Iyadoon la sameynin xog-baadhis suuq (Market Research). Taasi waxey ka dhigantahey in si ku tala gal la,aana uun suuqa duluq loo yidhaa, iyadoo aan loo meel dayin mustaqbalka wuxu ku danbeyn karo ganacsigaasi, waxa laga yaaba in dadka qaar ka furaan tukaan lagu iibiyo cabitaanada meel ay ku yaalaan ilaa toban tukaan oo kale oo iyaguna ka ganacsada cabitaanka oo iya isla markaana aanay jirin bulsho sidaas ah oo wax ka iibsan kartaa tobankaa hore kan cusubna hadelkiisaba daa.
  • Maalgalin la,aan. Ganacsigu maalgalin kama maarmo ha noqoto marka la unkayo iyo marka uu si fiican u shaqeeyaba, waxa soo wajahi karta xaalado suuq xumo oo loo baahanyahey in Maalgalin kaabis ah lagu sameeyo ganacsiga.
  • Xisaab xumo. hab Xisaabeed aan dhisneyn oo loo adeegsado ganacsigu waxey keentaa in ay adkaato ogaanshaha meesha uu ganacsigu marayo (financial position) taasi oo laga saadashan karo xaalada uu ku sugan yahey iyo ta kusoo foolka leh ba.

Ganacsiyada yar-yar guuldaradooda iyo Gayigga Soomaalida

Sababaha keena guuldaradda ganacsiyada yaryari way tiro badan yihiin laakiin markeynu diirada saarno ganacsiyada soomalidu waxey u baden yihiin kuwo yar yar oo hore u kaca (Bankruptcy), taasna waxa u sabab ah qodobadaba aynu kor kusoo xusney iyo waliba iyadoo layska furto uun iyadoon la ogaanin khibrada uu u baahan yahey ganacsigu, macaamiisha uu yeelan karo, iyo in loo sameeyo wajiyo cusub adeegyada u qabto ama alaabaha uu iibiyo ganacsigaasi.

Bil masal hudheelada laga furo gayigga soomalidu inta badan masameeyaan wax horu mar ah, oo maalinta u horeysa waxa lagu maalgaliyo mooyee badankooda in wax laga qaado maahane wax kaabis lacageed ah oo lagusoo daro majirto. Waxad arkeysaa kuraastii saddex sano kahor lagu bilaabey oo dhinacwalba ka jabey oo iska sii yaala, weelkii (maacuunkii) oo ilaa intuu ka duugoobayo ama ka jabayo la iska isticmaalayo, macaamiishii oo aan la raali galineyn iyo sidoo kale tayaddii cuntada oo sii dhimaneysa malinba maalinka ka danbeysa.



https://www.youtube.com/watch?v=aMIESSL6W60

Facebook Comments Box

Waa qoraa ka tirsan Somalism. Waxay wax ka qortaa siyaasadda, ganacsiga iyo bulshada. Waana qoraa aqqoon dheeraad u leh qorista afka Soomaaliga, taqaqusna u leh maamulka iyo maareynta. Qoraaga waxay shahaadada bachelor degree ka haysataa Maamulka iyo Maareynta.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maalgelinta & Maaliyadda

Ma Doonaysaa In Shirkadaada Noqoto Shirkad Caalami Ah? |Tukesomalism.com

Published

on


Haddii aad tahay ganacsade mise aad jeceshahay inaad noqoto milkiile shirkadeed, waxaad tahay shaqsi rabo inuu dhaqaalo iyo horumar kusoo kordhiyo dadkiisa iyo dalkiisa. Waxaa jira shirkado badan oo calamka ka jira oo qaarkiisa ku guuldareysteen inay wax badan ka fahmaan dhaqamada ka jira caalamka.
Caalamka aanu ku noolnahay waxaa ka jira dhaqamo kala duwan, sidda diimaha iyo waxyaabo kale oo quseeyo dadka kale.
Haddii hamigaada yahay inaad yeelato ama aad ku haminayso in dhirkadaada noqoto shirkad caalami oo ka hawlgeli karto dhammaan daafaha dunidda waxaad u baahantahay inaad wax badan ka barayo dhaqamada kale duwan ee bulshooyinka ku nool caalamka.
Soomaalida inta badan waxaa lagu xantaa inaysan ku fiicneen isdhexgalka bulshooyinka “integration” maxaa keenay arrintaas? Waxaan is dhihi karnaa waxaa keenay dhaqamadeena ayaa ah dhaqan asalkiisa kasoo jeedo miyiga. Waxaana ku badan dhaqamadeena isla weynida iyo laandheernimada. Waa waxyaabaha ummada Soomaaliyeed dib u dhigay.
Waxaa jira waxyaabo badan oo diinta Islaamka xaaraam ka ah hadana aan ku dhaqano. Si dhaqankaada ugu wanaagsanaado dhaqamada kale ee caalamka, sheyga kali ee aad u baahantahay marka horre ayaa ah inaad diintaada iyo dhaqankaada si fiican u barato si dadka kale ee caalamka wax badan oo ku aadan dhaqankaada wax ugu ogadaan.
Qodobka labaad waa inaad wax ka barataa ama aad aqrisataa buugaagta laga qoray dhaqamada sidda kuwa ka hadla cilmiga bulshada “sociology and anthropology”. Buugaataan iyo kuwa kale oo badan ayaa wax badan laga qoray dhaqamada iyo sidda ay saamayn ugu yeelani karto bulshada.
Dabcan dhammaan shirkadaha waxaa loo aas-aasay in laga helo faa’ido, mana jirto shirkad loo sameeyay in lagu qasaaro. Haddii aad ku guulaysato ka hawlgelida deegaankaada oo aad ku balaarsato guud ahaan dalka, waa laga maarmaan inaad sii weynayso ama aad balaariso shirkadaada. Si aad u balaariso waxa kali aad u baahantahay waa qabiiro yaqaano dharciyada wadamada u yaalo, suuqyada duniida, dhaqamada, diimaha, isbedelka lacagaha, iyo maaliyadda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Bangiyadda & Keydka

Xisaabinta Ganacsiga (Business Accounting) |Tukesomalism.com

Published

on


Xisaab ama xisaabin waa hab ka mida hababka lagu ilaaliyo, daba galo isla markaana loo kaantaroolo dhaqaalaha amaba lacagaha, ha noqoto tu dawladeed iyo tu shaksi tay doontabee, wax aan xisaab iyo hab xisaabeed dhisan laheyna inaaney kala soconeyn horeba waa loo soo taabtey.

Xisaabintu waxey u kala baxdaa noocyo badan iyadoo waliba laga eegayo dhinacyo badan, balse qormadan waxeynu kusoo qaadan doonaa qeybahan soo socda.


  • Xisaab maaliyadeed (Financial Accounting)

  • Xisaab maamul (Management Accounting)
  • Hanti dhawr ( Auditing)
  • Cashuur ( Taxation)
  • Xog bixinta Xisaabaha ( Accounting Information System)

Aynu ku horeyno Xisaab maaliyadeed, Xisaab maaliyadeedeey maxay tahey?

Waxa ay diirada saartaa soo saarida warbixino ay ku qancaan daneeyayaasha iyo cida ay khuseyso warbixintaa ee go,aanka kama danbeysta ahna wax kuleh. daneeyayaal (Stake holders) waa Maalgaliyayaasha, saamilayaasha, amaahiyayaasha, Macaamiisha, shaqaalaha, Dawlada, IWM, waana kuwa loogu tala galey iney gaadho xisaab maaliyadeed kan oo sida laysla yaqaano soo baxda wakhtiyo cayiman sida sanadkiiba hal mar, laba mar, iyo afar oo noqoneysa rubuc.

Waxa la xisaabiyaa dhaqdhaaqa ganacsi kuwaas oo laga diyaariyo warbixino maaliyadeed (Financial Statements), loo diyaariyo dadka dibad jooga ah (External Users), iyadoo la adeegsanayo sharciyada xisaabaadka ee loo yaqaano (Generally Accepted Accounting Principles) oo haddeynu u rogno soomalina noqonaya (Xeerarka Xisaabadka ee si guud layskula waafaqey)

lasoco Qeybaha danbe…….

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Qaadka oo Caqabad Ku Ah Dhaqaalaha Dalka & Wakhtiga Dhalinyarada

Published

on


Cunista maandooriyaha qaadka ayaa si ba’an ugu sii faafeysa dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ugu badan ee qaadka isticmaala ay u badanyihiin da’da dhallinyarada, in badan oo dadkaasi ka mid ah waxa uu qaadku gaarsiiyaa inay mar walba joogteeyaan oo ay qabatimaan, inta badanna ragga ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala, waxaase jira dumar aan tiro badneyn oo iyana maandooriyahaasi isticmaala.

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in 70% dadka isticaamla maandooriyaha qaadka inay yihiin dadka dhallinyarada ah ee ka hooseeya da’da Sodomeeyada.

Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha waxay isugu yimaadaan goobo marfeshyo ah oo ay ku khiyalaan, iyagoo marka ay ruugayaan qaadka isticmaala cabitaanno kulul iyo shaaha, waxaana afar saacadood illaa todobo saacadood oo waqtigooda ka mid ah ku dhumiyaan cunista maandooriyahani halista ah. Qaadka Soomaaliya laga isticmaalo waxaa laga keenaa dalalka Keenya iyo Itoobiya, inkastoo aan tirakoob rasmi ah laga heyn dhaqaalaha Soomaalida uga baxa qaadka, ayaa haddana daraasad ay sameysay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka Sanadkii 1993 waxay ku sheegtay in Hal Milyan oo doollar Sanadkii Soomaalida ay ku kharash gareeyaan qaadka uga yimaada dalka Keenya.


Tv-ga K24 ee laga leeyahay dalka Keenya ayaa barnaamij gaar ah oo bartamihii sanadkii 2011 uu ka sameeyay qaadka Soomaaliya loo soo daabulo wuxuu ku sheegay in maalin walba dowladda Keenya ay qaadka ka macaashto dhaqaale ka badan 11 Bilyan oo lacagta Keenya ah oo u dhiganta ku dhawaad 130 Milyan oo doollar.

Waxaana jirta in maalin walba dowladda Keenya ay labaatan tan oo qaad ah u dhoofiso Soomaaliya, halka tobon tan oo kalena ay u dhoofiso dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin Soomaali badan oo isticaamaasha maandooriyaha Qaadka.

Cabdul-Caziiz Axmed Ibraahiim oo ah macalin ka tirsan Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kharashka dhaqaale ee Soomaaliya uga baxa qaadka sida maalinlaha ah loogu soo duubay uu Sanadkii ku dhowyahay 200 oo Malyuun oo doollar, iyadoona ku dhawaad kala bar lacagtaas ka mid ahna ay ku baxdo qaadka laga isticmaalo magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay C/Casiis in arrintaasi ay saameyn ballaaran ku yeelaneyso dhaqaalaha dalka oo markii horeba gebi dhacleynayay, isagoona tilmaamay in haddii dhaqaalahaasi loo weecin lahaa mashaariicyo oo kale oo hormineed ay shaqooyin u abuuri laheyd boqollaal Soomaali ah.

457836738Qaadka waxa uu halis badan ku hayaa ammaanka, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka qaadka cuna ay yihiin kuwo hubeysan, taas oo ku kallifeysa inay sameeyaan tallaabooyin ay amaanka ku carqaladeynayaan si ay u helaan dhaqaalaha yoomiga ah ee ku baxa qaadka oo qiyaastii dhan $20.

Dhinaca kale qaadku waxa uu sababaa inay qoysas badan bur buraan, kadib marka ay luqanta isku galaan ragga maandooriyahaas isticmaala iyo haweenka ay qabaan, waxaana mukhayiliinta lagu eedeeyaa inaysan biil ama masruuf ku filan siin qoysaskooda. Si kasta oo ay ahaataba mujaahidiinta Soomaaliya ayaa gobollada ay ka taliyaan waxay kala dagaallameen maandooriyaasha noocyadooda kala duwan gaar ahaan qaadka, iyadoo natiijo wanaagsanna ay kasoo hooyatay tallaabta ay ku dhaqaaqeen.

Waxaa muhiim ah inay fahmaan dhalintaan muhiimada ay leedahay inay dhowraan wakhtigooda qaaliga ah oo ay maanta haystaan, wakhtigaas oo aan barito soo noqoneynin marnaba. Haddii ay gartaan inuu yahay muhiim wakhtiga, waxaan hubaa inay noqonayaan kuwa ka qeyb qaatta hormarka iyo kor uqaadista wadankooda, sidda aan in badanba aan aan ka tilmaamay oo aan hadana ka tilmaami doona faa’idada ay leeyihiin dhalinta meel walbo ay joogaan dunidaan. Waxaana hubaal cad loo hayaa in diinta teena inna farayso in wakhtiga muhiim yahay, dadkana waxay u kalla hormar badan yihiin sidda ay wakhtigooda u kalla hormariyaan.

SARAH COLUMN -- 141703-- 09/23/2014 Hamda Yusuf, a third-year international studies major who is Somali-American, often works on poetry about her international identity at the Quad on the University of Washington campus, pictured on Monday, Sept. 23, 2014. Yusuf often sits up against a tree while she works because she has a bad back, but says she'll write on napkins or random scraps of paper if her notebook isn't handy. "Whenever it hits you, right?" Yusuf will have her work displayed on Metro buses starting this fall.

Waxaa wanaagsan inaad ogtahay halka aad waqtigaada ku bixinayso marwalbo. Wakhtiga waa kuu qaali waa haddii aad ogsoontahay qiimaha uu kuu leeyahay wakhtigaada. Waa inaad ogatahay qiimaha noloshaada iyo wakhtiga, qofkana wuxuu qiimo leeyahay sidda uu wakhtiga u qiimeeyo. Haddii wakhtigaada ku lumiso inaad ku shaqeysato, qoyskaada inaad wakhti ku lumiso, caruurtaada inaad geyso meelaha wanaagsan oo ay ka heli karaan farxada waxay ka mid tahay inaad waqtigaada meel fiican ku bixisay. Wakhtigaada meel aad ku bixiso ma aadan weynin waxaad kalloo ku bixini kartaa inaad aqtiso buugaagta. Wax aqriska waa qiimo aad u weyn marwalbo oo aad wax aqris badan tahay waxaa dhismo garaadkaada iyo fahanka garaadkaada. Gabadhaan aad arkaysaan sawirka waa Hamda Yuusuf. Hamda Yuusud waa arday Soomaaliyeed oo dhigato jaamacada Washinton, waana arday dhigta xariirka caalamiga. Waxay dabeecad ka dhigataa inay marwalbo wax aqriso, waxay aminsantahay in aqris yahay waxyaabaha ugu wanaagsan ee wakhtiga lagu lumini karo. Hadana miyaysan ahayn inaad wakhtigaada ku lumiso meelah adiga dantaada jirto iyo inaad wax aqrisato.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maalgelinta & Maaliyadda

Ganacsi Waad Bilaabi Kartaa Adigoon Haysan Lacag |Tukesomalism.com

Published

on


Nin ayaa waxaa uu ku noolaa caasimada dalka Kenya ee Nayrobi waxuuna lahaa xaas iyo ilmo mana haysan wax lacag ah oo uu ilmahiisa iyo hooyadood ku nooleeyo. Daruufta ayaa waxay ku qasabtay in uu joogi waayo xaafadiisa waayo ilmihii waa ay ooynayaan naagtuna waxay leedahay ‘‘Noo raadi waxaan ku noolaano’’. Waxuu soo aaday magaalada, markaas ayuu arkay nin kabo farabadan ku iibinaayo faras magaalaha Nayroobi. “Ninkii kabaha iibinayay ayuu u tagay waxuuna ku yiri ‘‘Sideebaad u aragtaa hadaan kabaha aan kuu gado adigoo halkaada fadhiyo waayo waxaan hayaa dad aad ugu baahan oo iga gadanaayo’’. Ninkii kaba lahaa waxuu ku yiri ‘‘Waa arin wanaagsan ee ku dhaqaaq’’

how-to-start-a-business-with-no-moneyNinkii waxaa uu ka qaaday joog walbo hal kab oo kaliya waxuuna geeyay guriyaha dadka taajiriinta ay ku nool yihiin ee Nayroobi wuuna u xayeysiiyo sida ay kabahaani u wanaagsanyihiin. Dadkii aad bay ula dhaceen kabihii waxay ka codsadeen in uu u keeno kabaha. Ninkii waxaa  uu ku soo laabtay Kaboolihii waxuuna ku yiri ‘‘Imisaan ku soo iibiyaa joogii?’’. Ninkii waxaa ku yiri ‘‘Kusoo iibi joogii Sh.1000 (kun shilinka Kenya) ah’’. Ninkii kabihii waxaa uu u geeyay dadkii taajirinta ahaa waxuuna ka siiyay joogii Sh.1400 (Kun iyo afar boqol shilinka Kenyanka ah).  Ninkii markii uu ku soo laabtay kaboolihii asagoo wado lacagtii uu ku soo iibiyay ayaa waxaa uu aad ugu farxay shaqada wanaagsan ee uu ninkaani soo qabtay.

“Ninkii kabaha soo iibiyay waxaa abaal marin loo siiyay Sh.200 (Labo boqol oo  shilinka Kenyanka ah). Arintani waxay sababtay in ninkii ka helo halkii joogba Sh.600 (lixboqol oo shilinka Kenyan ka ah). Ninkii waxa uu subax walbo ka qaadan jiray Kaboolihii kabo aad u badan wuxuuna u geyn jiray dadka taajiriinta ah”

Ninkani maadaama uu kabaha soo xulanayo majirin wax qasaaro ah oo uu la kulmaayay. Waxaa dhacdo markaad si jimlo ah ku soo gadato Kobo aad u budan waxaa laga yaabaa in kuwa badan oo xuxun ku jiraan taas oo kuu keeni karto qasaaro balse ninkaani tiisa waa ka duwan tahay asaga waxaa uu rabaa oo kaliya kabaha kuwooda ugu wanaagsan.

Markii ninkaan uu shaqadaan waday illa iyo mudo waxaa u suurtowday in uu furto dukaan weyn oo uu asaga leeyahay kaasoo lagu iibiyo sheeyaal kala duwan. Ninkaan waxaa uu muda kadib isku badalay nin taajir ah.

Tani waa qiso dhab ah. Hadii aadan haysan lacag aad ganacsi ku bilowdo wali waad haysataa fursadii lagu  bilaabi lahaa adigoo tusaale wanaagsan ka qaadanaayo  sheekadaan.


Facebook Comments Box

Continue Reading

Maqal & Muuqaal

Kalsoonida Naftaada Waa Guusha Ganacsigaada

Published

on


Ayaan daranaa qof liidaya nafsadiisa una arko wax aan qiimo lahayn, shaqsiyad-xumada waxaa ugu liidata inaad nafsadaada liido weligaa nafsadaada halla barbar dhigin qof kale, kaliya isku day inaad sameyso sidda ugu wanaagsan ee aad awoodo. Ma is weydiisay haddii aadan nafsadaada ku kalsoonaan cidda kugu kalsoonaan karto?

Sow ma ogid in uusan jirin qof la dhashay howsha uu qabto, ruux walbo waxa uu dhashay asagoo waxbo aanan garaneyn, hawl walbo oo uu qabtay maalin ayuu eber ka joogay oo uusan waxbo ka fahansaneyn.

Ku kalsoonaanta nafta waa furaha lagu kaxeeyo gaariga guusha waana shardiga ugu muhiimsan ee guusha islamarkaana waa sharafka uu ku faano guuleyste walbo, taariikhda dadka guulahooda wax ka yirri haddii aad dib u aqriso waxaa ka dhex arki doontaa kelmada ah ” Nafsadayda ayaan kalsooni buuxdo ku qabay ”

Inta aadan taariikh iyo tusaale dib u eegin intaad yara nasato nafsadaadana shir la qaadato ka fakar noloshaada iyo hawlihii ku soo maray kuwii aad ku guuleysatay iyo kuwii aad ku guul dareysatay intaba. Kalla saar nafsadaada hawl nolol maalmeedkaaga ka mid ah oo aad ku guulaysatay maxaa sabab uga dhigi lahayd guushaada?

Waxaad ogataa howl aad ku kalsoontahay haddii aan qabato waxaa hubaal ah inaad guulaysanayso balse kawaran haddii aadan ku kalsooneen midaas waxaa hubaal u ah waxaadan ku kalsooneen inaadan ku guulaysani Karin.

Haddiiba kalsoonaanta nafta tahay furaha guusha kalsooni daradana waa fashilka nolasha, ma jiro dhib ka weyn Inaad naftaada ku kalsoonaan weydo oo aad xumaan ama awood dari ku maleyso, waayo ma jirro doono ruux kugu kalsoonaado madamaa aad adigaba isku kalsoonaan weysay.

Ku kalsoonow nafsadaada hana ka cabsan in aad guul dareysato ama qalad kaa dhaco waayo ka cabsashada inuu qalad kaa dhaco waxa ay kugu qancin doontaa inaadan isku day samaynin waxaa ayna kaa dhigeysaa qof ka liito guuldareystaha, waayo guul dareystaha isku day ayuu sameyey xasuusnow in ruux walbo uu qalad ka dhaco ma gafe waa Alle ee haka wel-welin qalad inuu kaa dhaco Allena tallo saaro. Khaladka ugu weyn ee aynu galno waa in aan ku qanacno in aanan waxbo qaban karin ama anagoo guul daro ka baqeyno nafsadeena kasoo qaadno wax aan jirin kuna qancino in ay ogolaato guul daro tan ugu weyn oo ah quusasho iyo kalsooni daro nafsadeed.

Ha noqon ‘dooro biyo ku dhacday ee isku day inaad kaalintaada kasoo baxdo.

“Maankana ku haay oo nafsadaada bar inaad keli tahay, guul ama guul darane aad adiga uun isu horseedi karto, iska illaw in ruux kale kalifi karo ama kuu soo hoyn karo guul ama guul daro, nafsadaada ku kalsoonow Alle oo keliyana kaalmo weydiiso”

Bar nafsadaada in aysan jirin wax aan macquul ahayn wax walbo oo qofi sameysay adigane albaabkeeda kaama xirna oo waad sameyn kartaa, balse waxaad u baahantay inaad u marto wadada ugu haboon isla markaana aadan ka baqin guul daro kana daalin isku dayga illaa aad ka guuleysato.

Kalsoonida ma ahan inaad wax walbo shab iska dhahdo iskuna furto howlo farabadan oo kala duwan hab aan nidaamsaneyn taas oo soo dadajin karta guul daro kugu abuurto niyad jab, wax walbo u qaabil hab nidaamsan oo taxadar ku dheehanyahay. Qofka nafsadiisa ku kalsoon waa kan kalla nidaamiya hawlisiisa isla markaan saaxiib u ah samir iyo dulqaad oo ah saadka iyo sahayda wadada guusha.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Maqal & Muuqaal

Qaabka Fursadaha SHaqo Looga Helo Soomaaliya |TukeSomalism.com

Published

on


Akhristoow markaad tahay qof shaqo doon ku ah wadanka soomaaliya waxaad la kulmaysaa wajiyo aad ubadan oo kala duwan ,kuwaas oo marna kaa farxinaayo marna murugo kugu reebaayo , waayo wadanka aad joogtid aya ah soomaaliya oo waxbadan oo dib udhac ah uu ka jiro, inkastoo wadamda soo koraayo ay lamid yihiin  waxaa kamid ah wadamada carabta sida (sudan,yemen,Egypt,tunis,morocco)   iyo wadamo kuyaala qaarada asia  sida ( pakistaan Indonesia,Afghanistan  iwm oo intooda badan ah wadamo islaam ah ,taas oo run ahaanti nasiib daro ah maxaa yeelay dadka islaamka ah waxaa lagula dardaarmay inay is caawiyaan iyo inay ku dadaalaan wax isku tarka dexdooda.

Inta badan arrintaan waxay ku timaada maamul xumada kajirta wadamadaas qaar sida soomaaliya oo dhalinyaradii ha ugu badnaadaan wiilal iyo gabdho ay shaqo la’aan ku riday arinkaan ,hadaba markaan usoo dego fursadaha shaqo ee wadankeena kajira ayaa ah sidan :

1-fursad shaqo oo shirkad gaar ah loo leeyahay ay ku shaqaalaysiiso .

2- fursad shaqo oo hay’adaha dowlada ay ku shaqaalaysiiyan .

Labadaan fursadood ee jira xagga shaqada way ka simanyihiin, inkastoo shaqada dowlada ahi ay ka dhib yartahay shaqada shirkadaha gaarka loo leeyahay ,laakiin marka aan ka hadalno xagga shuruudaha shaqaalaysiintana way ka simanyihiin oo qodobadaan soo socda midba midka uu ka horeeyo ayuu ka muhiimsanyahay waana sidan :

  • Qof damaanad kaa qaadi kara oo la yaqaan sida ( waalid,adeer,abti,seedi iyo qaraabo)ama sida qof kuwata adiga oo shaqa doon ah ujeedkiisu yahayna inaad heshid shaqadaas sidaad rabtaan aad u heshiisaan .
  • Inaad la xidhiidid qof aad lacag kusiiso oo la yaqaan si uu kuugu suurtagaliyo inaad heshid shaqadaas aad raadinaysid .
  • Inaad leedahay aqoonta shaqada aad raadinaysid .

F.G waxaa jira shaqooyin lagu helo shahaado sare ama aqoon markaas aan laga helyn wadanka guduhiisa oo baahi loo qaba ay jirto waana 10%

Waxaa la yaableh dhalinyaradii waxbarashadoodi ku dadaalay oo ku taamayay inay aqoontoodii ku helaan shaqo kuwaas oo marka ay waayana u boqoola dhanakaas iyo tahriibka inay u jeestaan oo nafsadoodi ay halis galiyaan ,

Bal akhristoow inta sifiican u indhaysid arrinkaan cida garta leh sii ma kuwa wax shaqaalaysiiya mise ardayga waxbaratay ee shaqa sugaha ah?

https://www.youtube.com/watch?v=YsKl5noPHC4

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Sirdoonka & Militariga16 hours ago

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Yurub3 days ago

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Siyaasadda Soomaaliya3 days ago

Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban

Siyaasadda Soomaaliya3 days ago

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood

WARBAAHINTA3 days ago

Dhimashada ayaa gaartay 1,651 kadib dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 days ago

Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Dowladda Israa’iil ayaa kordhisay tirada dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 weeks ago

X. A. Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqan doona Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee NATO ayaa dib loo dhigay iyadoo Sweden ay ku baaqday in dib loo bilaabo wadahadalka

WARBAAHINTA2 weeks ago

Dokumentiyo sirta ah oo laga helay guriga madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence – kadib markii uu dafiray inuu haayo warqado sir ah

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Maxay Falanqeeyayaasha ka yiraahdeen guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Xagjiriinta Al-Shabaab oo weeraray Galcad iyo dagaal culus oo ka dhacay

Bariga dhexe3 weeks ago

Booliiska Israa’iil ayaa ka hor istaagay safiirka Urdun inuu galo magaalada Al-Aqsa, taasoo dhalisay shil diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA3 weeks ago

Sanduuqa Lacagta Adduunka waxay ka digaysaa khatar hor leh ee dhaqaalaha adduunka

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Buundo diblomaasiyadeed: Cilaaqaadka Cumaan iyo Iiraan

Bariga dhexe4 weeks ago

1 qof oo dil ah, 7 Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku dhaawacday shilal ka dhacay Daanta Galbeed

Afrika4 weeks ago

Qarax ka dhacay Kenya oo lagu tuhmayo Al-Shabaab oo afar qof ku dhintay

Diblomaasiyadda & Dunidda4 weeks ago

Ruushka iyo Yukrayn ayaa ku heshiiyey is dhaafsiga maxaabiista inta lagu guda jiro wadahadalada u baahan ah ee Ankara

Afrika4 weeks ago

Maxaa laga filan karaa hub ka-dhigista mucaaradka TPLF ee Itoobiya oo billaabatay?

Bariga dhexe1 month ago

Israa’iil ayaa booliiska ku amartay in calanka Falastiin laga saaro goobaha caamka ah

Yurub1 month ago

Baarlamanka Yurub oo soo faro-geliyey kiiska nin Soomaali ah oo xukun adag lagu riday – sababta maxay ahayd?

Bariga dhexe1 month ago

Dowladda Imaaraatka oo sheegay inay iskuullada ku dhigi doonaan xasuuqii Holocaust ee Yuhuudda

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Duuliyihii ugu dambeeyay ee diyaaradii Somali Airline oo u geeriyooday – Illaahay ha u naxariisto

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay dhibna la ahayn – ayuu yiri Deni

Bariga dhexe1 month ago

Israa’iiliyiinta oo mudaaharaad ka dhigay xukuumadda cusub ee Netanyahu

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Israa’iil ayaa laga yaabaa inay weerarto Iiraan – wasiirka gaashaandhigga

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa dajiyay yoolal cusub oo militari ah sanadka 2023

WARBAAHINTA1 month ago

Pele: Xiddigii ugu horreeyay ee kubbadda cagta oo geeriyooday

Yurub1 month ago

Maxaa ka dambeeya xiisadda ka soo cusboonaatay Seerbiya iyo Kosovo?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Waa maxay ujeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmay Muqdisho?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Ururka Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogay mid ka mida shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xisbiga Qaransoor ayaa war saxafadeed kasoo saaray dagaalka Baydhabo

Maalgelinta & Maaliyadda2 months ago

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil

WARBAAHINTA2 months ago

“Qofkii geystay weerarkii Paris wuxuu lahaa taariikh rabshado ka dhan ah muhaajiriinta”

Yurub2 months ago

Fadeexadda Qadar: Fadeexadda la xiriirta Qadar ee ruxday Midowga Yurub

Afrika2 months ago

6 askari oo Jabuutiyaan ah oo afduub loo haystay ayaa lasii daayey

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ruushka: Gantaalada Patriot ee Maraykanka ma caawin doonaan soo afjarida colaadda Yukrayn

Afrika2 months ago

Erdogan: Senegal waxa ay go’aansatey in ay sii qoto dheerayso iskaashiga ay la leedahay Turkiga

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Zelensky wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay ka caawisay Ruushka ‘siyaasadda xasuuqa’ oo ka dhanka ah Yukrayn

Afrika2 months ago

Suudaan: Cumar Al-Bashiir oo qirtay in uu mas’uul ka ahaa afgambigii 1989-kii

Xul