Connect with us

Geeska Afrika

Gobolka Amxaaradda oo ka dhacay xasuuq bahalnimo ah

“Waxay galeen guriga walaalkay…isaga ayay soo saareen iyo 12 qof oo kale, kadibna wadada ayay kuwada toogteen,” nin xoogsato ah ayaa u sheegay warbaahinta.

Published

on

Mudaharaad loogu soo horjeedo xasuuqa lagu haayo qoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Ugu yaraan 45 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraro guri-guri ah oo ay ciidamada Itoobiya bishii hore ka fuliyeen magaalada Merawi ee waqooyiga dalkaasi, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la toogtay ay ku jirtay haweeney uur leh. Markii dambe waxay ku dhimatay isbitaalka, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin dilkan. Mareykanka iyo Midowga Yurub labaduba waxay ku baaqayaan baaritaan madax bannaan.

Waa mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee ka dhaca gobolka Axmaarada tan iyo bishii Agoosto ee la soo dhaafay, markaasoo maleeshiyaad Fano ah oo deegaanka ah oo si awood leh ku bilaabeen kacdoon ka dhan ah qorshayaasha dowladda ee hubka dhigista.

Intaa ka hor, maleeshiyaad Fano waxa ay xulufo la ahaayeen ciidamada Itoobiya ee la dagaallamayay cadawgooda guud – jabhadda TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigreega ee deriska la ah.

Kadib heshiis nabadeed oo lagu heshiiyey Tigrayga, maamulka ayaa ku dhawaaqay in Fano iyo maleeshiyaadka kale hubka laga dhigi doono. Fano ma rabto in ciidamadooda la kala diro, sababtoo ah waxay ka baqayaan in ay la kulmaan weeraro kaga yimaada gobolada deriska la ah. Dadka deegaanka Merawi ayaa ku tilmaamay dagaal qaraar oo socday dhawr saacadood 29kii Janaayo, kaas oo dhexmaray ciidanka iyo dagaalyahannada Fano, ka dibna ay guri-guri u baarayeen saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Itoobiya.

Merawi waa magaalo 30 kiiloomitir koonfur ka xigta magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Axmaarada ee waqooyi-galbeed ee dalka Itoobiya, waxayna ka tirsan tahay magaalada Bahir Dar Awraja ee gobolka Gojjam.

‘Waxaan arkay meydad waddooyinka daadsan’

Markhaatiyaal badan ayaa bishii hore la hadlay BBC-da kuwaas oo diiday in magacooda la shaaciyo. “Waxay galeen guriga walaalkay…isaga ayay soo saareen iyo 12 qof oo kale, kadibna wadada ayay kuwada toogteen,” nin xoogsato ah ayaa u sheegay BBC.

“Askartu waxay nagu handadeen oo nagu eedeynayeen inaan gabaad siinno maleyshiyaadka ururka Fano oo ay cunno siiyan,” ayuu yiri mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka, kaasoo ku adkeysanaya in xasuuqa shacabka ay ugu aargudayaan weerarrada ay maleeshiyadu ku qaadeen ciidamada dowladda.

Goob jooge kale ayaa ka murugeysan walaalkeed ka yar, oo ahaa shaqaale dowladeed. “Wuxuu la socday wiilkiisii, waxay igu yiraahdeen ilmaha qabo, way qabteen [walaalkay] wayna dileen.”

Dadka la dilay ayaa u badnaa dhalinyaro sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Mid ka mid ah markhaatiyadii ugu naxdinta badnaa ayaa ka yimid shaqaalaha caafimaadka, kuwaas oo BBC-da u xaqiijiyey in dadka la toogtay ay ku jirtay haweeney uur leh, way dhimatay ka dib markii ay isbitaalka timid.

Nin ku guulaystey inuu ku dhuunto duulaanka lagu soo qaaday magaalada Merawi, kadibna baxsaday ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen. “Markii aan soo baxay maalintii xigtay, waxaan arkay meydad waddooyinka daadsan.”

Faahfaahinta ayaa soo ifbaxday maalmihii la soo dhaafay sababtoo ah Internet-ka oo bilo ah ka maqnaa inta badan Amxaarada ayaa caqabad ku noqotay isgaarsiinta.

45 qof oo dhintay oo ku dhintay gacanta ciidamada dawladda ayaa la aqoonsaday, Hay’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa Talaadadii sheegtay, “Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo qaadan karaa in tirada dhibanayaasha ay intaas ka badan tahay”.

Mudanayaasha baarlamaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore u codeeyay in afar bilood oo dheeraad ah lagu kordhiyo xaaladda degdegga ah ee hadda ka jirta Amxaarada – oo ah gobolka labaad ee ugu dadka badan dalkaasi.

Mareykanka iyo Midowga Yurub labaduba waxay walaac ka muujiyeen tallaabadan, iyadoo uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyada Fano iyo ciidanka.

Markii ugu sarraysay, malayshiyaadka deegaanka ee Axmaarada waxay muddo kooban gacanta ku hayeen garoon diyaaradeed oo wayn waxayna dulmariyeen inta badan magaalooyinka waaweyn ee gobolka.

Milateriga ayaa tan iyo markii ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka ugu waaweyn balse waxaa weli laga soo sheegayaa dagaallo ka socda tuulooyinka miyiga ah iyo magaalooyinka yar yar sida Merawi.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka iyo madaafiicda culus ayaa la isku adeegsaday gudaha Axmaarada, halkaas oo ay rabshaduhu ka abuureen walaac baahsan.

Mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee ku sugan deegaanka Buure oo ah magaalo yar oo ay todobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhaceen iska horimaadyo soo noqnoqday ayaa BBC u sheegay in xafisyada dowladdu aysan si buuxda u shaqeyn muddo bilo ah colaadda awgeed.

“Hub culus ayaa loo soo ridaa si aan kala sooc lahayn, mararka qaarkoodna [rabshaduhu] waxay socdaan saacado.”

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, bartilmaameedyo rayid ah oo ay ku jiraan xarun dugsi iyo boosteejo basaska waxaa duqeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn bishii Diseembar.

Xilligaas, dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa beenisay in ay beegsatay dadka rayidka ah, balse waxa ay wacad ku martay in ay adeegsan doonto dhammaan agabka ay gacanta ku hayso si ay u cirib tirto kuwa ay ugu yeertay “xagjiriinta”.

 

Facebook Comments Box

Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com waa xafiiska u qaabilsan dabagalka wararka, baarista qotoda dheer, xaqiiqo raadin, iyo ka warbixinta arrimaha danta guud, soo bandhigida xogta qarsoon ama daahsoon sida musuq maasuqa ama arrimo laga yaabo in aan si kale loo ogaan. Xafiiska Falanqeynta ee Diblomaasi.com wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa la xisaabtanka dawladda, ganacsatada iyo shakhsiyaadka iyaga oo xafiiskan soo bandhigaya sheekooyin muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara bulshada. Ujeedada waa abuurista xaddaarad cusub.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Geeska Afrika

Taliyihii ciidamada Kenya ayaa ku dhintay shil diyaaradeed

Toban askari ayaa ku dhintay shilkaasi, waxaana ka badbaaday laba askari oo kaliya.

Published

on

Sawirka waa Madaxa Ciidamada Difaaca Kenya Jeneral Francis Ogolla oo eegaya mar uu kormeerayay ilaalada qaaska ah intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku tagay Aqalka Madaxtooyada ee Nayroobi, Febraayo 28, 2024. Luis Tato/AFP/Getty Images

Taliyaha difaaca Kenya Jeneral Francis Ogolla iyo sagaal sarkaal oo kale oo ka tirsan ciidamada militari ah ayaa Khamiistii ku dhintay diyaarad helikobter ah oo ay la socdeen wax yar uun ka dib markii ay ka kacday tuulada Chesegon, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto.

Madaxweynaha Kenya isagoo ku sugan magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kenya, ayuu sheegay in taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo kooxdiisa ay booqasho ku tageen ciidamada ku sugan gobolka Waqooyi-galbeed ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula dagaalamayaan burcadda hubeysan iyo dhaca xoolaha.

Si kastaba ha ahaatee, diyaarada ay wateen ayaa hoos u dhacday daqiiqado uun kadib markii ay ka dhooftay Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Cheptulel oo ku yaala Galbeedka Degmada Pokot, waxaana ka soo haray kaliya labo ka badbaaday oo hadda la daweynayo, ayuu yiri.

“Dalkayaga hooyo waxa uu waayay mid ka mid ah jeneraalkeedii ugu geesisanaa. Geerida Jeneral Ogolla waxay ii tahay khasaare xanuun badan…Jeneraal afar-xiddigle ah oo magac leh ayaa ku dhex jiray shaqadiisa, iyo u adeegidda dalkiisa,” ayuu yiri madaxweynaha.

Ogolla, oo 61 jir ah, waxa uu xilka hayay hal sano. Waxa uu hogaaminayay ciidamada cirka Kenya ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka ciidamada militariga, waxaana bishii Abriil ee sanadkii hore uu madaxaweyne William Ruto u dalacsiiyay madaxa ciidamada cirka.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Kenya, waxa uu Ciidanka Difaaca galay 1984-kii, waxa uuna tababar dhanka Duuliyenimo ah la qaatay Ciidanka Cirka ee Mareykanka, ka hor inta uusan macalin ka noqon Ciidanka Cirka ee Kenya (KAF).

Dhacdadii Khamiista, sida warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay, waxa ay ahayd shilkii shanaad ee helikobtarrada milatariga 12-kii bilood ee la soo dhaafay, kaas oo lagu eedeeyay in ay la xiriirto dayactir xumo.

Ugu yaraan toban askari ayaa ku dhintay bishii Juun 2021 kadib markii ay burburtay diyaaradii ay la socdeen xilli uu tababar ku socday koonfurta Nayroobi.

Khamiistii, hogaamiyaha dalka ayaa sheegay in koox baaritaan hawada ah loo diray si ay u soo cadeeyaan waxa sababay shilkan, kaas oo ka dhacay deegaanka Elgeyo Marakwet, oo qiyaastii 400km (250 mayl) waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Nayroobi.

Muuqaalo uu madaxweynuhu soo dhigay X (Twitter-kii hore) ayaa muujinaya meydadka dhibbanayaasha oo lagu soo celinayo caasimadda oo huwan calanka Kenya oo saarnaa diyaarad ciidamada cirka ah gelinkii dambe ee Khamiistii.

Saddex maalmood oo baroor-diiq ah ayay mas’uuliyiinta dalkaas ku dhawaaqeen oo bilaabanaya Jimcaha, iyadoo calamada rasmiga ah ay ka baban doonaan meel-sare.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Deeq bixiyayaasha aduunka ayaa balaayiin gargaar ah u balan qaaday dalka Suudaan oo ay dagaaladu halakeeyeen

Deeqaha sanadguurada koowaad ee iskahorimaadka hubeysan ayaa gacan ka geysan doona sidii looga hortagi lahaa macaluul ka jirta waddanka Suudaan, ayuu yiri Faransiiska

Published

on

Qaxootiga ka imaanaya Suudaan oo sugaya in loo daabulo xerada taraansitka ah ee magaalada Renk oo u dhaw xadka kadib markii ay kasoo gudbeen xadka Koonfurta Suudaan. © Eva-Maria Krafczyk/Sawirada Getty

Faransiiska iyo xulafadiisa ayaa ku yaboohay in ka badan 2 bilyan oo Yuuro oo dhiganto ($2.13 bilyan) si ay u taageeraan dadaallada gargaarka ee Suudaan, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad 18 milyan oo qof oo ay ku jiraan carruur ay soo food saartay cunto yari ba’an oo ay ugu wacan tahay iskahorimaadyo lagu hoobtay oo socday tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay.

Lacagtan ayaa lagu soo ururiyay shir deeq bixiyayaasha oo Isniintii ka dhacay magaalada Paris, kaasoo ay ka soo qayb galeen wakiilo ka kala socday 58 dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska.

“Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa maanta ku dhawaaqay in ay bixinayaan in ka badan 2 bilyan oo Yuuro, oo ay ku jiraan ku dhawaad 900 milyan oo Yuuro oo ka yimid Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah, si ay u taageeraan dadka rayidka ah ee Suudaan iyo kuwa magan-gelyo u soo doontay dalalka deriska ah sanadka 2024.” Wasaaraddu waxay tiri.

Dalka ku yaal waqooyi bari Afrika ee Suudaan ayaa qalalaase galay 15-kii bishii Abriil ee sanadkii hore, markaasoo iska horimaad uu dhex maray ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo jabhadda Rapid Support Forces (RSF), ka dib bilo ay ku muransanaayeen ku biiritaanka maleeshiyada ee la qorsheeyay in ay ku biiraan ciidamada qaranka ee hubeysan. Ugu yaraan 14,600 oo qof ayaa ku dhintay 26,000 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka muddada sanadka ah ka socday guud ahaan dalka Suudaan, sida lagu sheegay tirokoobyada Qaramada Midoobay.

“Dadka Suudaan wuxuu la kulmay dhibaatooyin aan la soo koobi karin intii lagu jiray iskahorimaadka kaas oo ay ku asteeyeen weerarro aan loo meel dayin oo ka dhacay goobaha dadku ku badan yihiin, weerarrada qowmiyadeed, iyo dhacdooyin badan oo rabshado galmo ah oo la xiriira colaadda,” Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa sheegay Isniintii.

Waxa uu ka digay in rabshaduhu ay ka sii dari karaan iyadoo dhinacyada dagaallamaya la sheegay inay qorteen oo hubeeyeen dad rayid ah, iyadoo saddex kooxood oo millatari ah ay ku biireen SAF ee dagaalka kula jira RSF.

Isagoo ka hadlayay shirka deeq bixiyayaasha Paris muuqaal ahaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in dunidu ay tahay in aanay oggolaan in xaaladda Suudaan, oo uu ku tilmaamay “qarowga” ay noqoto mid aan la dareemin.

Guterres waxa uu ka codsaday “deeqsinimada deeq bixiyayaasha in ay kordhiyaan tabarucaadkooda” Qorshaha ka jawaabista bini’aadantinimada ee Suudaan, kaas oo u baahan 2.7 bilyan oo doolar balse waxa uu helay kaliya 6% maalgelinta ka hor kulankii Paris.

Sanduuqa qorshaha Qaramada Midoobay “waxaa hadda la keenay in ka badan 50%” taasoo gaarat $2.13 ee deeqaha ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Stephane Sejourne ayaa ku qoray X (hore Twitter-ka).

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in lacagta la ballanqaaday “wali ay ka yar tahay intii ay abaabuleen dhowr awoodood tan iyo bilowgii dagaalka si ay u caawiyaan hal ama dhinaca kale [ciidamada iska soo horjeeda] midba midka kale.

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan waxay ku dhaleecaysay Faransiiska iyo xulafadeeda inay shirka ku qabteen “la-tashi la’aan ama isku-dubarid” dawladda Suudaan iyo “iyada oo aan laga qaybgelinin.”

“Waa inaan xasuusinnaa qabanqaabiyeyaasha in nidaamka ilaalinta caalamiga ah la baabi’iyay muddo tobanaan sano ah,” ayaa lagu yiri bayaan, iyada oo raacisay “dadka Suudaan kaligood waxay xaq u leeyihiin inay maareeyaan arrimahooda guud … iyada oo aan la ilaalin ama faragelin ka helin xoogagga dibadda. ”

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Mid ka mid ah mucaaradka Itoobiya oo toogasho lagu dilay

Bate Urgessa waxa uu xubin ka ahaa Jabhadda Xoraynta Oromada, kaas oo tobanaan sano khilaaf kala dhexeeyey dawladda dalkaas ee Itoobiya.

Published

on

Bate Urgessa

Xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Itoobiya ayaa la afduubtay oo toogasho lagu dilay. Bate Urgessa ayaa xubin ka ahaa xisbiga OLF oo mar la mamnuucay, kaas oo ka soo laabtay musaafuris siyaasadeed ka dib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la wareegay xafiiska sannadkii 2018-kii.

War qoraal ah oo la soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), xisbigu wuxuu ku sheegay in Urgessa oo 41 jir ah, oo dhawaan la sii daayay ka dib laba toddobaad oo xabsi ah, lagu dilay habeenkii Talaadada magaaladiisa oo ku taal waddanka ugu weyn uguna dadka badan Bariga Afrika, waa gobolka Oromiya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dadka nabadda jecel inay sameeyaan baaritaan dhexdhexaad ah oo degdeg ah,” Xisbiga OLF ayaa tiri.

War qoraal ah oo la soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), xisbigu wuxuu ku sheegay in Urgessa oo 41 jir ah, oo dhawaan la sii daayay ka dib laba toddobaad oo xabsi ah, lagu dilay habeenkii Talaadada magaaladiisa oo ku taal waddanka ugu weyn uguna dadka badan Bariga Afrika, waa gobolka Oromiya.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dadka nabadda jecel inay sameeyaan baaritaan dhexdhexaad ah oo degdeg ah,” Xisbiga OLF ayaa tiri.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Addis Standard, oo soo xiganaysa ilo qoys, Bate ayaa xoog lagaga soo saaray qol uu hotel ku jiray galabnimadii Talaadadii, waxaana maydkiisa laga helay wadada dhinaceeda subaxnimadii xigtay ee Meki, oo qiyaastii 90 mayl (150 kiiloomitir) koonfurta ka xigta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa bishii Febraayo lagu xiray hotel ku yaalla magaalada Addis Ababa isaga iyo weriye Faransiis ah oo lagu magacaabo Antoine Galindo, isagoo lagu eedeeyay inuu wareysi la yeeshay. Labadaba waxaa lagu eedeeyay in ay la shaqaynayeen jabhadaha Oromada ee OLF, oo ah garab milatari oo ka tirsan jabhadda gooni u goosadka ee OLF, iyo jabhadda Fano ee fallaagada ah, iyaga oo lagu eedeeyay “shirqool lagu hurinayo kacdoon.”

Galindo ayaa la sii daayay toddobaad ka dib, halka Bate la siiyay dammaanad laba toddobaad ka dib. Dhaliilaha dawladda ayaa sannado badan ku qaatay xabsiga dhexdiisa iyo dibadiisaba dhawr jeer. Waxa uu aad u xanuunsaday 2022 isaga oo xabsiga ku jiray oo la sii daayay.

Komishanka Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa ku baaqay in si “degdeg ah, eex la’aan” iyo “baaritaan buuxa” lagu sameeyo dhacdada, labada mas’uul ee gobolka Oromiya iyo federaalka Itoobiya, si loola xisaabtamo Bate.

OLF iyo dowladda federaalka ayaa tobanaan sano isku khilaafay sheegashada in la takooro oo la dayacay dadka Oromada ah, oo ah qowmiyadda ugu badan dalka. Rabshado sanado ah oo ka socday Oromiya ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof iyo barakaca tobanaan kun.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Kenya: Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah

Cisbitaalka qaranka ee Kenyatta ayaa qoysaska u qabtay muddo todobaad ah inay ka soo qaadaan isbitaalka eheladoodii dhintay si loo aaso.

Published

on

SAWIRKA: Aragtida guud ee Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta. © Simon MAINA / AFP

Isbitaalka ugu da’da weyn Kenya ayaa ku dhawaaqay in la tuuri doono haraaga 541 qof, oo ay ku jiraan 475 carruur ah, haddii eheladoodu aysan soo sheeganin.

Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta (KNH), oo ah xarunta ugu weyn ee dhinaca caafimaadka ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa soo saartay ogeysiis dadweyne iyo liiska meydadka aan la sheegin Talaadadii, iyadoo sheegtay inay raadin doonto amar maxkamadeed si looga takhaluso ka dib, todobada maalmood ee kama dambaysta ahi wuu dhamaanayaa.

Isbitalkan oo shaqaynayey in ka badan 120 sano ayaa qaadi kara 1,800 oo sariir ah, waxaana hore loogu dhawaaqay sidan oo kale. Bishii Jannaayo, KNN ayaa ku dhawaaqday waqti kama dambays ah oo hal isbuuc ah oo ay dadweynuhu ku aqoonsanayaan oo ay xubnaha qoyskooda ee dhintay ka soo qaadan karaan qolka meydka. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, xarunta caafimaadka ee caasimadda Nayroobi, ayaa sheegtay in 200 oo mayd ah oo aan la sheegin, oo u badan carruur yaryar, ay jiifaan goob tacsi ah.

Inkastoo war saxaafadeedka KNH uusan sheegin sababta go’aanka looga saarayo meydadka, haddana isbitaalka Machakos Level 5, oo ah xarun kale oo caafimaad oo ku taal dalka Bariga Afrika, ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in la dhimi doono tirada meydadka la keeno qolalka meydadka sababo la’aan meel bannaan.

Daniel Yumbya, oo ah agaasimaha caafimaadka ee ismaamulka Machakos, ayaa saxaafada u sheegay in goobta meydadka lagu keydiyo ay qaadi karto 24 meyd ah oo kaliya balse la hayo qaar badan oo kale, taasoo ay sabab u tahay meydadka oo la dayacay muddo dheer.

Bishii Sebteembar ee la soo dhaafay, isbitaalku wuxuu soo tuuray 31 meyd ah, isagoo mar hore ka takhalusay qaar bishii Maarso ee sanadkaas ka dib amar maxkamadeed.

Maamulka caafimaadka ee dalkan Afrika ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladda ku eedeeyeen qarashka badan ee isbitaalada iyo kharashka meydadka.

Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta

Isbitaalka wuxuu ku yaallaa Bartamaha magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waa xarunta caafimaad ee tiir-dhexaadka u ah adeegyada caafimaad ee bulshada — Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta. Maadaama uu yahay isbitaalka ugu weyn dalka Kenya, laga soo bilaabo markii la aasaasay ilaa doorka uu hadda joogo ee ah iftiinka daryeelka caafimaadka. Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta wuxuu weli u heellan yahay u adeegidda baahiyaha caafimaad ee kala duwan ee qaranka. Marka aad u fiirsato isbitaalada caafimaad ee geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto waa midka ugu tayada wanaagsan maanta.

Isbitaalka asalkiisa waxa laga soo xigan karaa waagii gumaystaha, markii maamulka Ingriisku garwaaqsaday baahida loo qabo goob daryeel caafimaad oo gaar u ah dadka Kenyanka ah. Markii hore waxaa lagu aasaasay sariir dhan 40, isbitaalku wuxuu si dhakhso leh u helay sumcad, wuxuuna buuxiyey baahiyadda daryeel ee bulshooyinka aan markii hore haysanin daryeelin caafimaad oo quman.

Intii uu hogaaminayay madaxweyne Kenyatta, isbitaalka ayaa helay taageero weyn oo xagga dowladda ah, taas oo suurtagelisay balaarin iyo casriyeyn dheeraad ah. Awoodda tirada sariirada isbitaalka waxay gaartay 1,000, waxaana la soo bandhigay adeegyo cusub oo khaas ah, sida wadnaha, kansarka, iyo qalliinka neerfaha.

Sannadihii la soo dhaafay, Isbitaalkan ayaa isu taagay inuu noqdo xarun heer sare ah oo xagga daryeelka caafimaadka ah. Isbitaalku waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray tababarida jiilasha xirfadlayaasha caafimaadka, samaynta cilmi baarisyo aasaasi ah, iyo isticmaalka tignoolajiyada caafimaadka ee heerka sare ah.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Geeska Afrika

Colaadda Tigrey: Midowga Afrika ayaa qabanayo shir ‘degdeg’ oo dib-u-eegis loogu sameynaayo heshiiskii nabadeed ee 2022

Midowga Afrika ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta ee Itoobiya ee la saxiixay 2022 uu u baahan yahay feejignaan iyo dib-u-eegis degdeg ah.

Published

on

Ku dhawaad 60,000 oo qof oo ka soo jeeda qoomiyada Tigray-ga oo qaxooti ah ku ah Suudaan.

Dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigreega ayaa wada-hadallo dib u eegis iyo xallin ah u yeeshay arrimaha ku saabsan dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee la saxiixay ku dhawaad labo sano ka hor si loo soo afjaro dagaal sokeeye oo bahaloobay.

Wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika Isniintii ayaa sidoo kale waxaa ku lug lahaa Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) – oo hore u ahaan jirtay xisbiga siyaasadeedka ugu sarreeyay Itoobiya – iyo kormeerayaal ka socda QM, Mareykanka, iyo Midowga Yurub.

Addis Ababa iyo kooxda TPLF ayaa ku kala saxiixday magaalada caasimadda u ah Koonfur Afrika Nofeember 2022 heshiiskaas oo dhigayey sidii loo joojin lahaa colaada bahalnimada leh ee ka dhacay gobolkaas Tigreey, oo loo yaqaanno Pretoria Agreement, ka dib laba sano oo dagaal ah. Dagaalkii xooganaa ee ka qarxay 2020 xiisado siyaasadeed ayaa lagu magacaabay iskahorimaadkii ugu dhimashada badnaa adduunka 2022, waxaa sidaasi tilmaamay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Oslo (PRIO), iyadoo in ka badan 100,000 oo qof lagu dilay.

Kooxda TPLF ayaa ogolaatay in hubka laga dhigo, laga saaro, hubka culusna lagu wareejiyo ciidamada qaranka, taasoo qayb ka ah heshiiska, halka dawlada dhexena loo xilsaaray inay kala baxdo ciidamada shisheeye, kordhinta gargaarka bini’aadantinimo iyo maalgelinta dib u dhiska deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen.

Bayaan uu soo saaray Isniintii, Madaxweynaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in inkastoo “guulaha aan la dafiri karin” ee lagu xaqiijinayo nabadda muddada fog, caqabadaha ay ka mid yihiin “hubka ka dhigista, ka saarista ” waxay u baahan yihiin “fiiro degdeg ah.”

Waaxda siyaasadda, nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa war-saxaafadeed gaar ah ku sheegtay in dhinacyada iska soo horjeeda ay mar kale ku heshiiyeen fulinta heshiiskii Pretoria, waxayna isku raaceen in la sameeyo wadatashiyo lagu horumarinayo xasilloonida Tigrayga.

“Waxay sidoo kale go’aansadeen inay si joogto ah u tashadaan oo ay u shiraan qaab la mid ah bilaha soo socda gudahooda. Dhinacyadu waxa ay qireen horumarka la sameeyay oo ay cadeeyeen meelaha u baahan dadaallo dheeraad ah oo wadajir ah si loo fuliyo COHA,” ayaa lagu yirri.

Eedaha xadgudubka ayaa soo socday tan iyo markii ay si rasmi ah u joojiyeen colaada sokeeye ee u dhexaysay Itoobiya iyo TPLF. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamada Eriteriya ee la safan militariga Itoobiya ay wali geysanayaan falal ka dhan ah haweenka, oo ay ku jiraan kufsi iyo addoonsi galmo. Hogaamiyayaasha Tigrayga ayaa sidoo kale ku eedeeyay Addis Ababa inay jabisay heshiiskii Pretoria oo ay ku guul daraysatay inay dhaqan galiso qodobo muhiim ah.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, Wasiirka Difaaca Itoobiya, Abraham Belay wuxuu sheegay in dowladdu ay wax ka qabaneyso arrimaha “la dayacay” ee “dhibaatooyin halis ah” u geysanaya muwaadiniinta. Wuxuu ku dhawaaqay qorshaha aftida si loo hubiyo in muranada dhulka ee gobollada Tigray iyo Amxaarada lagu dhammeeyo si waafaqsan sharciga dastuurka iyo heshiiskii nabada ee Pretoria.

Siyaasada Itoobiya waa mid qalafsan. Waddanka wuxuu leeyahay shan xisbi baarlamaan, 17 xisbi qaran oo kale, iyo 15 xisbi-goboleed oo kale. Bishii Maarso 2020, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib u dhigay doorashadii guud ee lagu waday inay qabsoonto Ogoosto 2021, isagoo u cuskanaya cudurka ‘Covid-19’. Dawlad deegaanka Tigreega ayaa arrintan ku tilmaantay mid aan sharciga waafaqsanayn oo uu ku doonayo in uu ku kordhiyo muddada uu xilka hayo oo uu qabto doorashooyin deegaan si kastaba oo ay noqoto.

RW Abiy Axmed ayaa jaray dhaqaalihii uu siin jiray gobolka, Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-da ayaa ka jawaabtay weerar ay ku qaadeen xarunta taliska federaalka ee caasimadda Tigray ee Mekelle, kadibna ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya ayaa bilaabay go’doominta gobolkaas.

Laakiin rabshaduhu maaha kaliya siyaasad-sidoo kale waa mid salka ku haysa isir. Waxaa jira colaad soo jireen ah oo u dhaxaysa saddexda qawmiyadood ee ugu waaweyn Itoobiya — Oromo, Amxaarada iyo Tigreega—iyo sidoo kale rabitaanka Eriteriyaanka oo ah in ay ku heshiiyaan taariikh hore oo ay la leeyihiin Tigray ka dib tobanaan sano oo colaad xuduudeed ka dhexaysay. Xiisadaha qowmiyadeed ee ka dhashay ayaa horseeday rabshado aan ku koobnayn Tigrayga.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Xul