Connect with us

Akhri

Gorfaynta Buugga ‘Miyiga Illaa Madaxtooyadda’

Published

on

 


Maadaama loo wada jeelqabo wax ka ogaanshaha buugga Akhriste inta aadan bar bilaabin cutubyadda iyo moolalka gosha dhiganaha MIYIGA ILAA MADAAXTOOYADDA  ee ay ceegaagto taariikh nololeedka, aqoonta hogaamineed, waayo-aragnimadda nololeed, xogta iyo xogaha ballaadhan ee dhiganaha ku dhex duugan ”qoran” waxaa ila quman in aan kugu habo, kuguna gadh-qabto si aad fekerkaaga isbedel ugu samayso, waxna kuugu soo kordhaan. Maadaama caadi ahaan dhamaanteen wax ka ogaanshaha buugga loo wada habuum qabo, waxa ila wacan Gorfayn iyo falanqayn hufnaan xambaarsan.

Aadamuhu marnaba kama maaarmi karo is-dultaaga tabihiisii nololeed ee kala duwanaa dhibaatooyinkii ka horyimid iyo siduu uga gudbay, fursadihii soo maray iyo sidii uu uga faaidaystay ama u lumiyay. Aadamaha sooyaalkiisu waa soor u kaydsan, sahayna u ah samman “wakhti” walba. Ummad walbaana waa u mihiim in ay ogaal ka haysato tabaha hogaamineed ee loo hago, waayahooda iyo duruufaha nololeed ee ku xayndaaban. Farshaxanka qalinmaal, weedho cudoonaanta, dhiiranaanta dhitaynta dhigane sooyaal-gal ah iyo ku dhaca Xirsi Cali Xaaji Xasan waa hibbo iyo karti qofnimo.

Hal-abuurka Qalinmaalnimadu waa sooryo, maankaaga aragtiyaha ku cukan iyo warka ceegaaga aad faafreeb qalin ku dareeriso aanad ugu talo gelayso in aad ku soorto akhriste jooga meel kaa duwan iyo miley kaa duwan. Ma hawl yara qorida buug ka waramaya sooyaalka taxane nololeed iyo hoggaan siyaasadeed ee ummad dhan; waa hawl u baahan hal-abuur qalinmaalnimo, xogagaalnimo, hawlkanimo, xil-gudasho raad-reebnimo dhab ah, hubsiimo, iyo juhdi dheeri ah, intaas iyo in aan sheelayba Xirsi waa isku fuuqsaday oo waa u babac dhigay buuxinta kaalintaa buug curineed. 

Sanadihii u dambeeyay waxa  sii tarmaya maalinba maalinta ka dambaysa buugaagta, qoraaladda, sheeko faneedyada iwm ee ku qoran Afka Somaliga, sida dhibcaha roobka ayay qoraaladaasi iyo buugaagtaasi isaga soo dabadhacayaan. Marka aan arko iftiinkaa soo baxaya ee ah dhigaalada kala gedisan ee dhaxalka ummaddan u ah, waxaa aan is idhaahdaaba maalin aan siii fogayn waxa aynu noqon doonaa bulsho akhriska iyo qoraalka heersare ka gaadha oo wax cusub kawnka ku soo kordhisa.

Dabcan Maadaama wax ka ogaanshaha buugga loo wada jeelqabo, waxa aan isku koobayaa in aan si gaar ah ugu qaadaa dhigo bogagga iyo cutubyadda macnaha weyn inoo samayn kara. Waxqoridu waa iftiin horumarineed oo aynu bildhaansanay burburkii dawladii dhexe kadib, Si niyadsami iyo raynrayn xoog badan ayaan ku soo dhaweeyaa qoraal kasta oo Af-soomaali ku qoran, kaas oo uu  alifay qof Soomaali ahi ama aan ahayn, Laba qodob baa tiir dhexaad u ah kow ugu horayn dhaqanka akhriska iyo qoraalka waa mid nolosha casrigan ah kaalin heersare ah kaga jirra guud ahaan tayada nolosha Binu-Aadamka iyo gaar ahaan hiigsashada fog ee gaadhitaanka guulaha waawayn.

Hadal iyo nuxurkii gorfaynta buuggu waxa ay hiiil u tahay helidda tayo badan, tiro yar iyo dhisida bulsho aqoonaysan oo ku baraarugsan qoreyaasheedu waxa ay u qorayaan.

Aniga oo ixtiraamaya codsiga qoraha buugga maadaama uu buuggani yahay waxsoosaarkiisii koowaad in-indho lexejeclo leh lagu akhriyo, waxa aan isku hawli in aanan ku talaxtagin falanqaynta buugga. Falanqaytani ugu horayn waxa ay wax ka sheegi doontaa qoraha buugga, bilicda buugga  iyo nuxurka tabineed buugga, gorfaynta waxa ayna soo bandhigi doontaa dheefaha iyo dhaliilaha buugga, ugu dambayn waxa aan ku soo gebagabayn doonaa aragtidayda shakhsiga ah.

Qoraha buugga iyo daabcaada

Ka hor inta aynaan u gondo-degin nuxurka buugga Xirsi Cali waxa aan uga mahadcelinayaa hanaanka hodontooyada afeed biyo dhigtey iyo habka uu u sooohay ee uu surmo-seegtada uga dhawraday. Buugga waxa daabacday shirkadda ASAL, tayo ahaan si fiican ayaa loo daabacay, marka loo eego daabacaadaha buugaagta maxaliga ah. Buuggu waxa uu ka kooban yahay oo isugu jiraa:- tusmo, gogol-xaadh, afeef, mahadnaq, hibayn iyo odhaahaha buugga. Qoraaga buuggani waa Xirsi Cali Xaaji Xasan Ex-wasiir waa isir qofnimadiisu ku suntan tahay firfircooni, furfurnaan, hawlkarnimo, hal-adayg, xilkasnimo iyo go’aan qaadasho ku dhac iyo dhiirani badani weheliyaan. Qoraagu waxa uu buugga u agaaasimay hab-farshaxanimo ah cutubyada oo si qurxoon u qoran se  taariikh ahaan aan xidhiidhsanayn. Balse qofka u xamaan urursada akhrinta buuga waa buug aanu ka xiiso goynayn wax badana uu ka korodhsan karo.

Billicda buugga

Kolka aad dhiganaha gacantaada ku qabato, ama aad isha  qac ku siiso si aad u aragto muuqaalkiisa waxa aad arkaysaa buug bildhaan ahaan midab  ahaan iyo muuqaal ahaan  wacnaan badan koobsaday oo lagu fara yarastay samaynta jaldi soo jiidasho leh.

Hibaynta

Qoraa kastaa cid buu buuggiisa u hibeeyaa, mid baa hooyadii ama aabihii u hibeeya, mid kale carruurtiisa ama xaaskiisa u hibeeyaa, mid kalaa isna aqoonyahan uu jecel yahay u hibeeya. Balse buuggani Xirsi waxa uu hibeeyay dhalinyaradda waxa uu qoraal ahaan yidhi  “waxaan uu hibeeyay jiilasha noloshoodu ay u caqabad eeg yihiinn tayda, hankooduna ugu adag sidii kayga ugu adkaa ayaan buuggan u hibeeyay”

Nuxurka Tobonka Cutub Ee buugga

Tobonka cutub ee ugu horeeya buuggu waxa ay ka waramayaan taariikhdii maxmiyahidii gumeystaha, curashadii xornimodoonka, habowgii gobonimodoonka, bilowgii dawladnimada, israacii labada gobol, wareejintii Dhulka Soomaali Galbeed,  abaartii dabadheer, dhismihii ciidankii xoogga soomaaliyeed, dagaalkii 1977, soo ifbixii jabhadaha, qaranjabkii jamuuriyadii Somaliya, colaadihii beelaha,dhaqdhaqaaqii wadaad kooxeedyadda, ku dhawaaqidii gooni isutaaga, kacaankii nabada, dhidbidii dawlada Somaliland iyo maraaxilkii ad-adkaa ee ay soo kala martay. 

Isbedelada maamul siyaasadeed iyo dhacdooyinka wakhtigu waxa ay ka tagaan taariikh raad wayn oo  saamayn dheer oo qoto dheer  ku yeelata ummada degan deegaanada. Waana taas manta raadka inagu leh dhacdooyinkii siyaasadeed ee konton iyo saddon sano ku hor dhacay wali dhibanayaal baynu u nahay talaabooyinkii guracnaa ee ay dhaqdhaqaaqyadii maamul ee kala dambeeyay faleen. Manta soomaali meel kasta oo ay joogaan saamayn badan oo xoogan ayay taariikhdaas xirsi soo qalintaabay inagu leeyihiin.

La soco qaybaha kale ee buugga

Facebook Comments Box

Waa falanqeeye dhaqaalaha oo ka tirsan Diblomaasi. Waa xeel-dheere ku xeel-dheer qorida Afka hodanka ah ee Soomaaliga. Cilmi qoto dheerna u leh, waxna ka qora siyaasadda, maamulka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, takhasuna u leh culuumta siyaasadda iyo dhaqaalaha. Wuxuu haystaa shahaadada heerka koowaad ee jaamcadda.

Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Ku dhawaad sagaal sano oo uu talada dalka hayay, Pervez Musharaf waxa uu Bakistaan u horseeday kobac dhaqaale ah oo ay qayb weyn ka qaadatay gargaarka ballaaran ee Washington, si uu u taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Published

on


Madaxweynihii hore ee Bakistaan General Pervez Musharaf, oo xukunka ku qabsaday afgambi 1999-kii, ayaa geeriyooday isagoo 79 jir ah.

Hogaamiyihii hore – oo ahaa madaxweyne intii u dhaxeysay 2001 iyo 2008 – ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai ka dib markii uu muddo xanuunsanaa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada dalkaasi.

Wuxuu ka badbaaday isku day dil oo badan, wuxuuna isku arkay safka hore ee halganka u dhexeeya Islaamiyiinta mayalka adag iyo reer galbeedka. Wuxuu taageeray Maraykanka “dagaalka argagixisada” ka dib 9/11 inkastoo mucaaradka gudaha. Jeneraalkan ayaa isbaheysi la noqday Washington markii ay duullaanka ku qaadeen dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan, isagoo ka badbaaday isku dayo dil oo dhowr ah.

“Taliyeyaasha sare ee militariga Bakistaan ayaa muujinaya tacsi tiiraanyo leh oo ku saabsan geeridii murugada lahayd ee General Pervez Musharaf”, ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ay baahisay garabka warbaahinta ee militariga.

“Allah ha u naxariisto, jannadana ha ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo.”ayuu raaciyay qoraalka militariga Bakistaan.

Jeneraalka afarta xidigle ahaa ayaa subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai, sida ay sheegeen warbaahinta iyo sarkaal sare oo dhanka ammaanka ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP. Ku dhawaad sagaal sano oo uu talada dalka hayay, Musharaf waxa uu Bakistaan u horseeday kobac dhaqaale ah oo ay qayb weyn ka qaadatay gargaarka ballaaran ee Washington, si uu u taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Musharaf ayaa laba jeer laalay dastuurka Bakistaan — isaga oo yiri oraahdii caanbaxday ee aheyd “waa warqad qashinka lagu daray” — wuxuuna dhaqan galiyay xukun degdeg ah markii tallaabo uu ku eryay madaxa caddaaladaa ee dalka uu dhaliyay mudaaharaadyo bilo socday.

Kadib dilkii hoggaamiyaha mucaaradka Benazir Bhutto bishii Diseembar 2007, ayaa sababay niyad jab ku dhacay Bakistaan, iyo khasaare burburiya xulafadiisa, iyada oo sidoo kale guuldarrooyinkii uu kala kulmay doorashadii 2008 ay gelisay go’doon. Isla sannadkaas ayuu xilka iska casilay, waxaana uu noqday dibad-joog.

Xukunkii Pervez Musharaf iyo eedaymaha loo haystay

Xukunka Musharaf waxa lagu sifeeyay mid xag-jir ah. Waxaa lagu tiriyaa dadka qaar inuu rogay dhaqaalaha dalka intii uu hoggaaminayay. Waxa uu galay kiisas badan oo maxkamadeed ka dib markii uu awooddii waayay, waxaana ka mid ahaa eedaymo ku saabsan in uu ku guul-darraystay in uu ammaan ku filan u helo raysalwasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto, kaas oo dilkii Taliban ay sannadkii 2007-dii ka yaabisay Pakistan iyo caalamka oo dhan.

Waxayna shaqadiisii ugu dambeyntii ku dhamaatay ceeb iyo xarig, markii lagu xukumay dil isagoo maqan oo khiyaano qaran ah 2019. In kasta oo xukunkaas markii dambe la beddelay, haddana dib uguma soo laaban Pakistan.

Iyadoo ay jiraan dhacdooyinkaas, Fawad Chaudhury, oo hore u ahaan jiray gacan yaraha Musharraf, haatanna ah hoggaamiyaha sare ee xisbiga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan, ayaa ammaanay Musharraf iyo saameynta uu ku leeyahay Bakistan.

“Waxaa lagu magacaabaa kaligii taliye militari, laakiin ma jirin nidaam dimuqraadi ah oo ka xoog badan kan isaga hoos yimaada…Pervez Musharaf waxa uu Bakistan ku hogaamiyay xilli aad u adag, Bakistaniyiintuna waxay aaminsan yihiin in xilligii uu xukunka hayay uu ahaa kii ugu fiicnaa taariikhda Bakistan. Mudane Chaudhury ayaa ku yiri faallooyin ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba ha ahaatee, maamulaha guud ee Tabadlab ee fadhigeedu yahay Islamabad, Mosharraf Zaidi, ayaa sheegay in Musharaf uu mas’uul ka ahaa “burburkii Bakistan” intii uu xukunka hayay.

Hase yeeshee, Musharraf wuxuu ku dhawaaday inuu heshiis la gaaro Hindiya oo ku saabsan Kashmir, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta Mareykanka ee waqtigaas. Waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay isku soo dhawaanshiyaha Bakistaan oo ay xafiiltamaan muddada dheer.

Fadeexad kale oo weyn ayaa soo baxday intii uu xukunka hayay markii dunidu ogaatay in saynisyahankii caanka ahaa ee Bakistaan A.Q. Khan, oo muddo dheer lala xiriiriyay bamka nukliyeerka ee waddanka, ayaa iibin jiray naqshadaha centrifuge iyo siraha kale ee dalal ay ka mid yihiin Iiraan, Liibiya iyo Koonfurta Kuuriya, isaga oo samayn jiray tobanaan milyan oo doolar. Nashqadahaas ayaa ka caawiyay Pyongyang in ay isku hubayso hub nukliyeer ah, halka centrifuges laga soo bilaabo naqshadihii Khan ay wali ku dhex wareegayaan Iran iyada oo uu burburay heshiiskii nukliyeerka ee Tehran ay la gashay quwadaha adduunka.

Musharaf waxa uu sheegay in uu ka shakiyay Khan balse ma ahayn ilaa 2003 markii agaasimihii CIA ee xiligaas George Tenet uu tusay qorshayaal faahfaahsan oo ku saabsan xarun Bakistaani ah oo saynis yahanku iibinayay in uu ogaaday darnaanta waxa dhacay.

Wakhtigiisii xukunka ee Hindiya iyo Bakistaan

Ku lug lahaanshiyaha Musharaf markii uu ahaa hoggaamiyihii ciidamada dalka ee iskahorimaadkii Kargil bishii Maay 1999-kii – markii jeneraalladii Bakistaan ay si qarsoodi ah u amreen howlgal ay ku qabsadeen Kargil oo dhinaca Hindiya ah – waxay keentay in dad badan oo Hindiya ku nool ay u arkaan cadow.

Laakiin hal siyaasi oo Hindi ah indhihiisa, Musharaf wuu iska soo furtay intii uu madaxweynaha ahaa. “Mar uu cadawga Hindiya u ahaa, waxa uu noqday xoogag nabadeed oo dhab ah 2002-2007,” Shashi Tharoor, oo ahaan jiray diblomaasi Qaramada Midoobay ah, ayaa yidhi.

Mudane Tharoor waxa uu sheegay in uu sanad walba Musharaf kula kulmo Qaramada Midoobay, waxana uu ku tilmaamay in uu ahaa mid caqli badan, ku hawlan oo ku cad fikirkiisa istiraatijiyadeed.

Mareykanka- iyo Bakistaan: Diblomaasiyadda u dhiganta guurka jacaylka

Ka dib 9/11, ka dib madaxweyne Musharaf waxa uu sameeyay isbeddel istaraatiiji ah oo uu kaga tagayo Taliban oo uu ku taageerayo Maraykanka dagaalka ka dhanka ah argagixisada, laakiin labada dhinac midkoodna ma rumaysna in kan kale uu ku noolaa wixii laga filayey go’aankaas,” 2009 danjiraha Mareykanka ee wakhtigaas Anne Patterson qoraal ay daabacday WikiLeaks ayaa tiri, iyada oo sharraxaysa diblomaasiyadda u dhiganta guurka jacaylka.

“Xidhiidhku waa mid ku tiirsanaansho ah oo aan si murugo leh u qiranno – Bakistaan waxay ogtahay in Maraykanku aanu awoodin inuu ka tago; Maraykanku wuxuu ogyahay in Bakistaan aysan sii noolaan karin taageeradayada la’aanteed.”

Maleeshiyaad ayaa isku dayay in ay dilaan Musharaf laba jeer sanadkii 2003-dii iyaga oo beegsaday kolonyadii uu la socday, waxaana markii hore lala eegtay bam lagu xiray buundada kadibna waxaa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Weerarka labaad ayaa la arkay gaarigii Musharaf oo hawada sare loo qaaday ka hor inta uusan mar kale dhulka taaban. Ma ahayn ilaa xaaskiisa Sehba, ay aragtay baabuurka oo go’san yahay, ayaa miisaanka weerarku ku soo baxay.

Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Musharaf waxa uu dhashay Agoosto 11, 1943 magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, waxa uu ahaa wiilka dhexe ee diblomaasi sarre. Qoyskiisu waxay ku biireen malaayiin kale oo Muslimiin ah oo u qaxay dhanka galbeed markii Hinduuga Hindiya iyo Bakistaan Islamka u badnaa ay kala go’een markii ay xornimada ka qaateen Ingiriiska 1947. Qaybtii waxaa lagu dilay boqolaal kun oo qof oo lagu dilay rabshado iyo dagaal.

Madaxweynihii hore ee Bakistaan General Pervez Musharaf

Musharaf waxa uu soo galay ciidanka Bakistaan isagoo 18 jir ah waxana uu halkaas ka sameeyay xirfadiisa isaga oo Islamabad kula dagaalamay saddex dagaal oo ka dhan ah Hindiya. Wuxuu bilaabay isku daygiisii ​​uu ku doonayay inuu ku qabsado dhulka lagu muransan yahay ee Himalayan ee Kashmir 1999 ka hor inta uusan xukunka kala wareegin Ra’iisul Wasaare Nawaz Sharif.

Shariif ayaa amar ku bixiyay in shaqada laga eryo Musharaf, xilli taliyaha ciidamada xoogga dalka uu ka soo duulay dalka Sri Lanka oo uu booqasho ku tagay, isla markaana loo diiday in diyaarada ay ku degto Bakistaan, iyadoo xitaa uu shidaal ku yar yahay. Dhulka, ciidanku waxay la wareegeen gacan ku haynta ka dib markii uu soo degay Musharaf ayaa la wareegay talada.

 

Facebook Comments Box

Continue Reading

Diinta Islaamka

Xisbiga AK ayaa guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay hindise wax ka beddelka xijaabka

Arrinta mamnuucidda xijaabka ayaa meel muhiim ah laga gaaray doodaha dadweynaha iyo siyaasadda ee Turkiga intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii, laakiin doodahan waa kuwa wali ka taagan gudaha Turkiga, iyadoo aan si toos ah loo qiyaasi karin cida ka dambeysa.

Published

on

Özlem Zengin, oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo horumarka ee AK Party (AK Party) ayaa la kulantay ku xigeenada haweenka shir jaraa'id oo ay ku qabatay baarlamaanka, Ankara, Turkiye, Diseembar9, 2022 (AA Sawir)

Soo jeedinta wax ka bedelka dastuurka ee xijaabka iyo qeexida ururada isqabta ayaa loo gudbiyay afhayeenka baarlamaanka Mustafa Şentop jimcihii, ayuu yiri Özlem Zengin, gudoomiye ku xigeenka xisbiga cadaalada iyo horumarinta ee AK Party.

Zengin ayaa sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka ee caasimadda Ankara in sharcigan ay saxiixeen 366 xildhibaan oo ka tirsan 600-ka kursi ee baarlamaanka. Xisbiga AK iyo xulafadiisa wadani waxay haystaan 334 kursi.

“Arrinta xijaabka ayaa ah shayga ugu muhiimsan ee joogitaanka xisbiga AK Party, qaabka aan u wajahayno arrintan ma noqon karo mid siyaasadeed,” ayay raacisay.

Indho-shareerka ayaa mar ahaa il khilaaf qoto dheer oo Turkiga ka jira – aasaaskeeda cilmaaniga ah ee awoodda leh waxay u aragtay inay khatar ku tahay nidaamka cilmaaniga ah. Laakiin su’aasha ayaa joojisay in ay dhaliso muran ka dib markii dib u habeyn uu sameeyay xisbiga AK Party 20-kii sano ee uu xukunka hayay.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga (CHP), oo ah xisbi muddo dheer ka soo horjeeday xidhashada indho-shareerka ee baarlamaanka iyo xafiisyada dawladda, ayaa arrintan dib u soo nooleeyay bishii Oktoobar iyaga oo soo jeediyay soo jeedin ah in lagu dhaqo xuquuqda sharci, isku day ah in ay soo jiidato taageerada codbixiyayaasha muxaafidka ah.

Halkii sharci laga soo saari lahaa, xisbiga AK wuxuu isku dayay inuu wax ka beddelo dastuurka si loo dammaanad qaado xaqa uu qofku u leeyahay in uu mar keliya xirto xijaabka. Isagoo kor u qaadaya saamiga, madaxweynuhu wuxuu sheegay in wax ka beddelka uu sidoo kale ka koobnaan doono tallaabooyinka lagu ilaalinayo qoyska.

Haweenka xijaaban ee Turkiga ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay sharciyo u diidaya inay xirtaan xijaabka iskuulada ay dhigtaan arday ahaan iyo xarumaha dowladda oo ah xirfadlayaal, inkastoo dalka ay ku badan yihiin dumarka xijaaban. Xisbiga CHP waxay dadka ka dhex kiciyeen aragti kasoo horjeeda xijaabka oo waxay taageertaa sharciyada mamnuucaya.

Arrinta mamnuucidda xijaabka ayaa meel muhiim ah laga gaaray doodaha dadweynaha iyo siyaasadda ee Turkiga intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii.

Mamnuucidda xijaabka ee Turkiga ayaa markii ugu horreysay si ballaaran loo hirgeliyay sannadihii 1980-meeyadii, balse waxa ay noqotay mid adag kaddib 1997-kii markaasoo milaterigu ku khasbay xukuumadda muxaafidka ah inay is casisho dhacdo markii dambe loogu magac daray 28-kii Feberaayo “afgambigii ka dambeeyay”.

Baarlamaanka ayaa sanadkii 2008-dii ka qaaday xayiraadii saarneyd ardayda haweenka ah ee xirta xijaabka jaamacadda, tallaabadaas oo uu ku ololeynayay Erdogan oo xildhibaanada CHP, oo uu ku jiro guddoomiyaha CHP Kemal Kılıçdaroğlu, ay ku guuldareysteen inay hor istaagaan maxkamadda dastuuriga ah.

Sannadkii 2013-kii, Turkiga waxa uu qaaday xayiraaddii saarnayd in dumarka ay xirtaan xijaab xarumaha dowladda iyadoo la raacayo isbedello ay dowladdu sheegtay in loogu talagalay in lagu xoojiyo dimuqraadiyadda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda

Taariikh nololeedka Wasiiradda arrimaha dibadda ee Australiya Penny Wong

Penelope Ying-Yen Wong waa siyaasiyad Australiyan ah, wasiirka arrimaha dibadda iyo hoggaamiyaha xukuumadda oo ay ka soo noqotay golaha Guurtida ee dawladda Albanese ilaa 2022. Xubin ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Australiya, waxay Senator ka ahayd Koonfurta Australiya tan iyo 2002.

Published

on

Penelope Ying-Yen Wong

Enny Wong waxay ku dhalatay gobolka Sabah ee dalka Malayshiya. Qoyskeedu waxay u guureen Australiya 1976, markay siddeed jir ahayd, waxayna degeen Adelaide. Waxa ay Jaamacadda Adelaide ku baratay sharciga iyo farshaxanka.

Penelope Ying-Yen Wong waa siyaasiyad Australiyan ah, wasiirka arrimaha dibadda iyo hoggaamiyaha xukuumadda oo ay ka soo noqotay golaha Guurtida ee dawladda Albanese ilaa 2022. Xubin ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Australia, waxay Senator ka ahayd Koonfurta Australiya tan iyo 2002. Penelope Ying-Yen Wong waxay hore u soo noqotay Wasiirka Isbeddelka Cimilada iyo Wasiirka Maaliyadda iyo Dib-u-dejinta xilligii dawladihii Kevin Rudd iyo Julia Gillard laga bilaabo 2007 ilaa 2013.

Waxbarashadeeda Jaamacaddeed ka dib waxay u shaqaynaysay ururka shaqaalaha oo dabooli jiray shaqaalaha warshadaha alaabta guryaha, iyada oo ka qaybqaadatay ololayaal lagu hagaajinayo mushaharka iyo shuruudaha xubnaha ururka, oo ay ku jiraan dumarka soogalootiga ah ee aan mushaharka qaadan ee ka shaqeeya aqoon-isweydaarsiyada dharka.

Waxay u shaqeysay lataliye ahaan Dowladda Shaqaalaha NSW halkaas oo ay ka caawisay horumarinta siyaasadda kaymaha, ka dibna qareen ahaan, ka hor inta aan loo dooran Senetka Xisbiga Shaqaalaha ee Australiya 2001. Senator Wong ayaa dib loo doortay afar jeer – 2007, 2013, 2016 iyo 2022.

Markii la doortay xukuumadda Rudd 2007, waxaa loo magacaabay wasiirka isbeddelka cimilada iyo biyaha. Booskan waxa ay si weyn u ballaarisay Bartilmaameedka Tamarta La cusboonaysiin karo, kaas oo horseeday maal-gelin weyn oo lagu sameeyo dabaysha iyo tamarta qorraxda. Waxay sidoo kale Australiya ku matashay gorgortanka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada waxayna soo saartay nidaamka ganacsiga ee qiiqa ee dawladda Rudd, hab ku salaysan suuqa si loo yareeyo qiiqa gaaska aqalka dhirta lagu koriyo ee Australiya habka ugu dhaqaalaha badan.

Ka dib doorashadii federaalka ee 2010, Senator Wong waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo sharciga. Iyada oo ah Wasiirka Maaliyadda waxay kala shaqeysay Khasnajiga Wayne Swan si ay u gaarsiiso saddex Miisaaniyad ka dib Xiisaddii Maaliyadeed ee Caalamiga ahayd. Waxay sidoo kale hirgelisay siyaasad lagu hubinayo in haweenka loo tixgeliyo magacaabista jagooyinka sare ee hay’adaha dawladda iyo shirkadaha.

Sannadkii 2013-kii Senator Wong waxaa loo doortay hoggaamiyaha dawladda ee golaha guurtida, ka dib isbeddelkii dawladda ee 2013, waxay noqotay hoggaamiyaha mucaaradka ee Senate-ka – haweeneydii ugu horreysay ee qabta mid ka mid ah doorarkaas.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Australiya Senator Penny Wong

Waxay soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shadow lix sano ka hor doorashadii Dowladda Albaan ee 2022, markaasoo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Isagoo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Senator Wong waxay doonaysay in dib loo soo celiyo sumcadda Australiya oo ah lammaanaha doorashada – iyagoo ka duulaysa dhammaan qaybaha awoodda qarankeeda – si loo dhiso gobol xasilloon oo barwaaqo ah, halkaas oo madax-bannaanida la ixtiraamo lana ilaaliyo shuruucda waddooyinka.

Maaddaama ay tahay wakiilka ay ku faanaan Koonfurta Australiya ee baarlamaanka federaalka waxay u doodday danaha Gobolkeeda, oo ay ku jiraan ilaalinta mustaqbalka waaritaanka webiga Murray iyo horumarinta dhaqaalaha Gobolka.

Senator Wong waxay ku nooshahay Adelaide iyada iyo lammaaneheeda iyo gabdhahooda. Waqtigeeda firaaqada ah waxay ku raaxaysataa cunto karinta, waxay wax ka iibsata Suuqa Bartamaha waqti ka waqti.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Waa maxay Federaal?

Ma laga yabaa in ay Soomaali usii kala qeybsanto dowladdo yaryar, sababtuna nidaamka federaalka ee ay qaadatay?

Published

on


Federaalka waa Nidaam awoodaha ay wadagayaan labo heer oo dowdaladeed, heer dowlad dhexe iyo heer dowlad goboleed, waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen Gobollo, gobol kastana wuxuuu leeyahay Dowlad iyo Dastuur u gooni ah oo waafaqsan Dastuurka Federalka ah, Dowladii ugu horaysay ee caalamka samaysato nidaamka federalka waxaa ay aheed dowlada Maraykanka.

Sannadkii  1787 ayuu Barlamaankii Maraykan xilligaasi ansixiyay in wadanka lagu maamulo Nidaaam Federal waxaa lagu aasaasay 13 dowlad goboleed labo sanno kadib March/4/1789 Barlamanka ayaa ansxiyay Dastuur Federaal ah oo caddeenaayo awoodaha dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada xubinta ka ah.

Intaasi wixii ka dambeye waxaa soo bateen Gobolada kusoo biirayaan Midowga Maraykana, 12/March/1959  Alaska iyo Hawaay ayaa noqdeen labadii gobo lee ugu dambeysay ee kusoo biiraan midwoga Gobolada maraynakama (United State of America) wuxuuna sidaasi Midowga Maraykna ku noqday 50 Dowlad Goboleed.

Russian Federation waaa waddanka ugu dowlad goboleedyada badan caalamka wuxuu ka kooban yahya 86 dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee fadhida Caasimada Moscow sababtoo ah wuxuu kamid yahay wadanama dhaca labo Qaaradood iyo kabadan taasi ayaa keentay in gobolada lasiiyo awood federal maadama anan dowlad dhexe laga wada maamuli karin waddanka aduunka ugu dulka wayn.

Nidaamka Federaalka dunida waxaa qaatay  ku dhawaad 40 wadan oo la aqoonsan yahay xubina ka ah Qaramada Midowbe.

Nidaamkan Federaalka waxaa astaan u ah labo arrimood oo lagu garto mid waa in Dastuurka Wadanka uu yahay mid aan si fudud loo beddeli karin (Rigid Constitution) wax ka beddelkiisa wuxuu u bahan yahay Codeen Dadweyne oo ka dhacdo dhammaan dowlad Goboleedyada wuxuu cagsi ku yahay Dastuur si fudud wax loogu bedeli karo (Flexible Constitution)  waxaa go’aan ka gaari karo Barlamaanka, Mida labaad ee astaanta u ah federalka waa Aqalka saree e Barlamaanka, wadanka Markuu Federal yahay Barlamaanka wuxuu noqdaa labo Aqal, Aqalka sare oo Matalo Dowlad Goboleedyada waxayna ka shaqeeyan danaha dowlada gobolledyada ay matalaan  iyo Aqalka hoose (Gollaha Shacab) oo matalaan Shacabka kana shaqeeyaan danaha  Shacabka iyo deegaanadooda.

Saamiga Aqalka Sare Barlamaka Federaalka ee Dowlad Goboledyada.

Saamiga qeebsiga Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka waxaa gobolada loogu qeebiyaa labo midaam:

  1. Equal Representative oo Macnaheedu yahay in Dowlad Goboleedyada la siiyo saami isku mid ah xubnaha aqalka sarre iyada oo aanan loo fiirinaynin tirada dadka ku nool maamul goboleedyada mida ugu dadka badan iyo mida ugu dadka yar ay xubno isku mid ah ayey ku yeelanayaan Aqalka Sarre. Tusaalle Midowda Maraykanka wuxuu ka kooban yahay 50 dowlad goboleed midkasto wuxuu Baralamanka Aqalka sarre ku leeyahay 2 xubnood sidaasi ayuu Aqalka Sarre ku noqonayaa 100 xubnood oo Senatoro ah.
  2. Weighted Representative oo Macnaheedu yahay in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo Saamiga ah sida Dowlad goboleedyada u kala shacab badan yihiin iyadoo dowlad Goboleedka ugu shacabka badan oo heli doona tirada ugu badan ee xubnaha aqalka sarre, halka dowlad goboleedka ugu shacabka yar ay qaadanayso tirada ugu yar ee xubanaha aqlka sarre ee Barlamaanka Federalka. Hadba waxaa loo fiirinayaa tirada shacabka kunool dowlad Goboleedyada. Tusaalle Jamhuuriyada Federaalka Jarmalka waxay ka kooban tahay 16 dowlad gobolleed saamiga qalka sarre ay ku qataan sida u kala shacab badan yihiin, Dowlad Goboleedka ugu dadka badan ayaa qaadanayso xubnaha ugu badan Aqalka Sarre.

Maxaa sababo in wadanka qaato nidaam Federaal ah

  1. Wadan ay ku noolyihiin qoomiyado kala duwan oo kala luuqad ah, kala dhaqan ah, si loo mideeyo wadanka wuxuu noqdaa Federaalka oo ay Gobolada yeeshaan dowlad u gooni iyo dowlad dhexe oo ka shaqayso Masaaliixada caamka ah iyo Midnimada wadanka sidii loo adkeen ahaa iyadoo ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan. Tusaalle Switzerland waxaa ku nool dad kasoo kala Jeedaan Faransiis, Jermalka, Talyaani Midkasto luuqadooda ayey ku hadlaan si loo mideeyo waddanka wuxuu qaatay Nidaamka Federalka.
  2. Baaxada Dulka wadan oo aad u wayn mararka qaar waxay keentaa in Dowlada dhexe ay ku adkaato in Gobolada laga maamulo dowlad dhexe adeegyadana la gaarsiiyo wadnka oo dhan taasi ayaa keento in Gobolada la siiyo nidaam dowladeed oo u gooni ah. Tusaalle, Dalka Ruushaka oo ah wadanka ugu dhulka wayn dunidda wuxuu dhulkiisa ku fidsan yahay wax ka badan labo qaaradood, wuxuuna Xuduud dhuleed la wadaagaa Norway oo kamid ah wadamada ugu dambeeyo Waqooyi Galbeed Yurub illaa Kuuriyada Waqooyi oo dhacda waqooyi bari ee Qaarada Aasiya iyo Xadduud baddeed kala dhaxayso Jaziirada ka tirsan Ruushka oo dhacda Pacific dhinaca Alaska ee Maraykanka maadamaa waddanka sidaasi u baaxad wayn yahay waxay qateen Nidaamka Federaalka si loo ilaaliyo Wadajirka dadyowga Ruushka in hal wadan sii ahado.
  1. Markii ay Midowbayaan labada waddan iyo ka badan waxaa laga yabaa in Dalka uu qaato Nidaam Federaal ah si waddamadii midoobay u yeeshaan dowlado gobolleedyo u gooni iyo dowlad midnimo qaran oo ay ku midaysan yihiin. Tusaalle, dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka 1945 markii ay ciidanka isbahaysiga ay ka adkaadeen dowladii Jarmalka ee Naziga oo Hilter Hoggaaminayey waxay waddanka u kala qeybiyeen labo waddan Beriga Jarmalka oo raacsaneed Ruushka iyo Galbeedka Jarmalka oo raacsaneed Gashanbuurta NATO oo Maraykanka hoggaaanka u ahaa.

Dhamaadkii Dagaalkii qaboobaa (Cold War), 3.oktoober.1990 waxaa Midoobeen waddamadii Jarmalka bari iyo Jarmalka galbeed xittaa Caasimada maanta ee Baarliin waxay u kala qeybsaneed labada waddan oo xadka kalla qeybiyo oo ah derbiga wayn.

1990 waxaa Jarmalka bari ka bilaawday kacdoon midnimo doon ah si loo middeeyo labada Jarmal waxaa la dumiyey derbigii xadka ahaa taasi oo aheed biloowgii Midowga Jarmalka. Labadii Dowladood ee midowbay waxay ku heshiiyeen in waddanka lagu Maamulo Nidaam Federaal ah.

Muhiimada ay leedahay Federaalka

In nidaam dowladnimo la gaarsiiyo Gobolada iyadoo loo sii maraayo awood siinta dowlad goboleedyada, waxay fududanaysaa in si gaar ah loogu warqabo baahiyaha Shacabka Madamaa gobol kasto uu leeyahay dowlad u gooni ah oo ka shaqayso danaha shacabka ku nool Golbolada. Laakiin ujeedka ma ahan kala qeybsanaan ee waa wada shaqeyn.

In xafiisyada dowlada dhexe ay ka yaraadaan culays iyo saxmada madamaa addeegyada dowlada dhexe lasii marsiinaayo dowlad goboleedyda., dowlad goboleed kastana ay mas’uul ka tahay adeegyada shacabka loo qabto sida Caafimaadka, Waxbarashada, Aminiga, iyo wixii lamid ah, shacabkana waxay adeegyadaasi kala xisaabtamayaan dowlad goboleedka ay ku noolyihiin.

Nidaamka doorashooyinka wuxuu noqdaa labo, heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed waxaana kordhayso ka qeyb qaadashdada tartanka doorashooyinka ee Muwaadiniinta, maadamaa dowlad goboleed kasto uu leeyahay xukuumad iyo barlmaan u gooni ah.

Waddanka markii oo federaal yahay way yartahay in uu ka dhaco Afgambi Ciidan Maadamaa oo xukunka oo baahsan yahay. Badanaa afgambiga wuxuu ka dhaca waddamada leh dowla dhexe oo kaliya (Unitary government) oo waddankana hal meel laga maamulo.

Caqabadaha uu leeyahay nidaamka Federaalka

  1. Waxaa yaraanayso isla xisaabtanka dowlada dhexe iyo shacabka maadamaa dadka lagu mashquuliyay Dowlad Goboleedka ay deganyihiin inay la xisaabtamaan waxaana meesha ka baxdo in lala xisaabtamo dowlada dhexe ee federaalka ah.
  2. Gobolada waddanka ma isku dheeli tirno xaga dhaqaalaha iyo horumarka waxaa jirayso dowlad goboleed leh kheeraad dabiici ah sida webiyaal iyo dhul beereed wax soo saar fiican leh, halka dowlada goboleed kale aysan laheyn wax qeeraad dabiici ah taasi oo keenayso in dalka horumarkiisa aysan isla jaanqaadin (uusan isla socon).
  3. Waxaa hoos u dhac ku yimaado dareenka waddaniyad ee shacabka, waxayna ku mashquulaan Gobolka ay kasoo jeedaan waxayna ilaawaan inay ka qeeb qaataan horomarka guud ee dalka.
  4. Nidaamka Federaalka wuxuu dhawacaa midnimada waddanka waxay keentaa in dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada ay isku dhacaan oo ay wada shaqeen waayaan taasi oo keento dib u dhac, horumarka waddanka oo mararka qaar waxaa dhaco in dowlad goboleedyada qaar ay ku fikiraan inay noqdaan dowlado madax banaan oo gooni isku taag ku dhawaaqaan sida ku dhacday dalal badan oo calamka. Tusaalle Jamhuuriyadii Federaalka Yugoslaviya waxay ka koobneed 6 dowladgoboleed oo kala ah Bosniya, Croashiya, Serbiya, Sloveniya, Montenegro, waxaa ka dhex jiray qilaaf iyo isqabqabsi dheeraaday oo u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, 25/6/1991 Sloveniya iyo Krooshiya ayaa ku dhawaaqeen in ay ka go’een Yugoslaviya.

Arrintaasi waxay shaki gelisay jiritaanka waddanka la oran jiray Yugoslafiya. Ugu dambeyntiina dowlad-goboleedyadii Serbiya ayaa ku dhawaaqday inay go’een, taasi oo keentay inuu lawaayo waddankii Yugoslafiya oo noqday lix dalal. Maanta ma jiro magacii waddankii la oran jiray Yugoslafiya, waa wuxuu sababsaday nidaamkii federaalka ahaa oo ay qaateen. Waa mid kamid ah dhibaatooyinka ay leeyiihiin nidaamyada federaalka, Soomaalidana waxaad moodaa inay waddadaas ku socdaan maanta marka aad fiiriyo hab-dhaqankooda.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Akhri

Haddii waxbarashadaada jaamacaddeed ay saameyn kugu yeelan waydo, ogaaw waxbaa qaldan – maxaase qaldan?

Wali ma isweydiisay qofka inuu saameyn yeelan waayo maxaa keeno asigoo wali jaamacad kasoo qalin-jabiyey, waliba heerarka sarre ka gaaray?

Published

on


Guushu maaha shay aad gaartay adigoon dadaal gelin, si kastaba ha ahaatee. Waa maskax ay tahay in aad qaadato si aad himiladaada u fuliso oo aad u korto qof ahaan, waxayna u baahan tahay shaqo adag.

Qofka inuu saameyn yeelan waayo maxaa keeno asigoo wali jaamacad kasoo qalin-jabiyey?

Haddii aad aragto waxbarasho aad kaga baxday jaamacad noloshaadina wax isbeddel ah ay ku yeelan wayso, ogaaw wax baa qaldan. Labo midkood ayay noqon kartaa:

Koow, goobta ama nidaamka waxbarasho ee aad soo martay ayaa saameyn kugu yeelan waysay noloshaada. Jaamacadda Oxford waxay Oxford ku tahay waa saameynta ay leeyihiin dadkii ka soo baxay iyo waxyaabihii ay dunida kusoo kordhiyeen ee ma ahan magaca ay xambaarsan tahay oo kali.

Labo, waxaa laga yabaa in bulshada aad ku dhex nooshahay ay habkaas u wada noosahahy. Macnahayga, qaab nololleedka bulshadaas ayaa ah qaab nololleed ay dadka aamineen inay cunaan haddana iska cabbaan bilaa xisaab. Marka aad quraacato waaa inaad isweydiisaa Illaahay ayaa ku siiyey laakiin sidee kugu soo gashay?

Maxaa kaaga baxay hadlkaas, saameyn maku yeelatay waxbarashadaadii?

Haddii ay saameyn kugu yeelan waydo, qaado tallooyinkaan soo socda:

1. Akhri buuggaag wanaagsan kuwaasoo ku saabsan waxyaabaha aad nolosha adiga ka rajeynayso. Tusaalle, haddii aad jeceshahay inaad noqoto siyaasi weyn oo dalkiisa wax kusoo kordhiya dadkiisa dhibaatada raba inuu dhibaatada ugu kaalmeeyo akhri buuggaagta saameynta kugu yeelan kara sida aqoon iyo waayo-aragnimo badan aad ka heli karto. Tusaalle aniga Cabdijabaar ahaan waxaa saameyn igu yeeshay buuggaag badan oo ay kamid yihiin buugga ‘The Art of War’ Xeeladaha Dagaalka, ‘Why Nations Fail’ Maxay Waddamada u Fashilmeen ‘u Guuldareystaan? iyo kuwa kale oo badan oo runtii isbeddelka ay igu sameyeen uguma sameynin shahaadooyinka kala duwanaa ee aan jaamacadaha Qaaradda Yurub ka qaatay.

2. Ku xero dad wax tar leh oo aad waxyaabo badan kaga daba-deyan karto. Haddii ay suurtagal tahay raadi dad aad iskumeel uwada socotaan xagga hadafka nolosha. Yeelo qof si gaar ah tusaalle wanaagsan kuugu noqon kara, adigoo dhaqannada wanaagsan ka qaadanaayo kiisa xuna iska tuuraayo. Laakiin inta badan dadka horumarka sameeyey intooda badan waxay leeyihiin dhaqanno u fududeeyey inay guulaystaan.

Guud ahaan, waxaan ku soo koobayaa waa adiga qofka isbeddelka sameyn kara ee ma ahan qofkale ama shahaadooyinkaaga oo kali. Shahaadooyinka waa xirfad aad adiga dooratay si aad ugu shaqeysato. Imisaa ayaa jirta caalamka jaamacaddii iska joojiyey si ay hadafkooda u rumeeyaan.

Facebook Comments Box

Continue Reading

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Qeybtii 2aad: Baahi intee la’eg ayaa loo qabaa xarumaha fikirka ee Soomaaliyeed?

Published

on


Way fiicnaan lahayd haddii aan dhisno hay’ado cilmi baaris ah oo ka shaqeeya dal kasta iyo heerka gobolka guud ahaan waqtiyadaan muhiimka u ah taariikhda dalalkeenna, gaar ahaan kuwa ku howlan dhisidda nabadda oo markaa u baahan in la shaqaaleeyo.

Cilmibaadhistu waa tijaabo iyo imtixaan lagu sameeynayo shey aan wali aqoon fiican loo lahayn. Juquraafi ahaan, inta badan cilmibaadhista waxaa lagu sameeyaa meelaha aan wali la tegin ama aqoonta fiican laga heynin.

Cilmi-baaristu waa qaabka lagu gaaro aqoon cusub, amaba waxaa la yiraahdaa waa: waa baaritaan nidaamsan (aruurin iyo dhiraandhirin xog) taasoo loo qaabeeyo inay horumariso ama ka qayb qaadato aqoonta. Haddaba, isku soo duuboo cilmi-baaristu waa soo saaridda iyo ka gun-gaarida aqoonta iyo cilmiga dahsoon si bulshadu ay u gaarto horumarka ay ku taamayso dhinac walbaba. Cilmi-baaristu way ka duwan tahay qaababka aqoonta lagu gaaro sida akhriska buuggaagta iwm, sababtoo ah waxay leedahay qaab cilmi ah oo la raaco.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya lama helin nidaam waxbarasho ay maamushu dowlad hoose oo sal adag leh balse tani waxay jaanis iyo fursado balaaran siisay dadyow gaar ay ku jiraan dowlado shisheeye iyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxaa xaqiiqo ah in ummad walbo ummadaha kale ay kaga horeeyaan inta ay luuqadahooda wax ku bartaan. Ma jiro hal iskuul oo ardada wax ku barata luuqadda Soomaaliga iyada oo luuqadda la isticmaalo ay tahay Carabiga iyo Ingiriiska. Balse dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa lagu amanaa inay soo kordhisay in afsoomaaliga lagu barto manhajka intiisa badan. Iskuullo waxaa jira heerka dugsiga hoose u isticmaallo luuqadda Soomaaliga balse dib ugu wareegay Ingiriiska marka la gaaray heerka dugsiga sare.

Tanina waxay ku tusaysaa baahida loo qabo mideynta xarumo lagu baaro cilmiga baarista iyo sare u qaadida xarumaha fikirka Soomaaliyeed. In ka badan 30-sanno ayaa laga joogaa markii ay burburtay dowladii hoose waxaana sare u kacay xarumaha waxbarshada sidda gaarka loo leeyahay waxayna aad ugu kala duwan yihiin tayada waxbarasho ee laga dhigo Jaamacada iyo Iskuulada.

https://www.unigovec.edu.so/courses-library/

Ma jirto baaritaano lagu sameeyay tayada waxbarashada dalka ayadoo ay jiraan meelo gaar oo lagu sameeyo cilmi baaris laakiin waxay u badan yihiin kuwa ka madax banaan laamaha dowlada, siddoo kalena waxaa dalka kusoo kordhay adeegyo waxbarasho ay maalgashanayaan dowlado shisheeye sidda Turkeyga iyo wadamo kale oo badan.

Soomaaliya iyo wadamo kale oo ka tirsan carabta waxay baahi weyn u qabaan siddii lagu lahaa xarumahan balse taagerida iyo isku duubnaanta dadka ayaa keentay in laheli waayo xarumo ay ku mideysan tahay waxbarshada dunida gaar ahaan wadamada carabta iyo meelo kale oo kamid ah dunnida.

Ka dib halaagii iyo baabi’intii dowladii Tataarka waxay raad lama ilaabaan ku reebtay wadamada Islaamka waxayna tani ku noqotay fajac iyo niyad jab balaaran. Laakiin dadka muslimka iskuma dayin in ay mar kale ay sameeyaan xarumo lagu baaro daraasadaha cilmiga.

Tayada Hay’adaha tacliinta sare awgeed waxaa yaraatay Ia xadido tirada jaamacdaha iyo iskuulada taasi awgeed dowladaha kale ee dunida ayaa diiday in ay aqbalaan nidaamka waxbasharo eek a jira Soomaaliya ( tusaale ahaan Soomaaliya, Bosnia iyo Herzegovina, Ciraaq, Lubnaan, Nicaragua iyo Timor-Leste). Waa wadamada aan sida saxda loo aqoonsaneyn tayada waxbarashadooda waxayna keentay in waxbarshada oo kamid aheyd waxyaabaha aas aasiga aheyd ay gacanta u gashay shaqsiyaad misna lagu eedeeyay in la siyaasadeeyay armiha waxbarashada siddii kol hore dhacday oo kale.

   Maxaa laga dhaxli karaa arimahan haddii aan sameyn xarumaha barista fikirka?

Hadda sidda aan idin kugu soo sheegnay qeybtii hore waxaa laga ma maarmaan ah in lasoo celiyo xarumaha fikirka Soomaaliyeed taasi oo faa’iido iyo mudnaan u leh dalka. Si kastaba ha noqotee lama soo koobi karo dhibaatada laga dhaxli karo la’aanta xarumahan basle halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa labbo arimood oo suurta gal ah haddii aan la sameyn.

  1. In ay suulaan waxyaabahii qadiimiga ahaa ee uu dalka lahaa taasoo keeni karto sharaf dhac weyn iyo in ay lunto qeyb ka mid ah taariikhda dalka.

Intaa kaliya kuma eka balse waxaa jiro in jiilka soo socda aysan halkaan ku arki doonin waxyaabo ka haray Awoowayaashii ay dhaleen misna kuwii ka horeeyay.

  1. Sare kac balaaran oo ka dhasha marin habaabin dhanka waxbarashada iyo la waayo cid aruuriso fikirka gaar ah ee ay aminsan yihiin dhalinta soo koreysa.

Waxaa kaloo meesha ka bixi doono in ardeyda ah helaan tusaale hagaagsan ay kaga daydaan baarista ku saleysan cilmiga ay baranayaan, siddo kale waxaa laga yaabaa muddo dhow ka dib in say suulaan cid si sax ah u qorto luuqada afka Soomaaliga.

Facebook Comments Box

Continue Reading
Advertisement Somalism>
Sirdoonka & Militariga17 hours ago

Xog cusub: Maxay dhalinyarada Soomaalida ugu biiraan Al-shabaab?

Yurub3 days ago

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Siyaasadda Soomaaliya3 days ago

Maxaad kala socotaa waxa ka socda magaalada Laascaanood? – Xog iyo taariikh kooban

Siyaasadda Soomaaliya3 days ago

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Laascaanood, sida uu sheegay isbitaalka Laascaanood

WARBAAHINTA3 days ago

Dhimashada ayaa gaartay 1,651 kadib dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 oo ka dhacay Turkiga iyo Suuriya

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda4 days ago

Madaxweynihii hore ee Bakistaan Pervez Musharaf oo geeriyooday – Taariikh nolloleedkiisa oo kooban

Gumeysi iyo isir sifeyn2 weeks ago

Dowladda Israa’iil ayaa kordhisay tirada dadka Yuhuuda ah ee la dejinayo Daanta Galbeed

WARBAAHINTA2 weeks ago

X. A. Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqan doona Bariga Dhexe iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiin

Diblomaasiyadda & Dunidda2 weeks ago

Wadahadallada saddex geesoodka ah ee NATO ayaa dib loo dhigay iyadoo Sweden ay ku baaqday in dib loo bilaabo wadahadalka

WARBAAHINTA2 weeks ago

Dokumentiyo sirta ah oo laga helay guriga madaxweyne kuxigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence – kadib markii uu dafiray inuu haayo warqado sir ah

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Maxay Falanqeeyayaasha ka yiraahdeen guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya?

Siyaasadda Soomaaliya3 weeks ago

Xagjiriinta Al-Shabaab oo weeraray Galcad iyo dagaal culus oo ka dhacay

Bariga dhexe3 weeks ago

Booliiska Israa’iil ayaa ka hor istaagay safiirka Urdun inuu galo magaalada Al-Aqsa, taasoo dhalisay shil diblomaasiyadeed

WARBAAHINTA3 weeks ago

Sanduuqa Lacagta Adduunka waxay ka digaysaa khatar hor leh ee dhaqaalaha adduunka

Diblomaasiyadda & Dunidda3 weeks ago

Buundo diblomaasiyadeed: Cilaaqaadka Cumaan iyo Iiraan

Bariga dhexe4 weeks ago

1 qof oo dil ah, 7 Falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku dhaawacday shilal ka dhacay Daanta Galbeed

Afrika4 weeks ago

Qarax ka dhacay Kenya oo lagu tuhmayo Al-Shabaab oo afar qof ku dhintay

Diblomaasiyadda & Dunidda4 weeks ago

Ruushka iyo Yukrayn ayaa ku heshiiyey is dhaafsiga maxaabiista inta lagu guda jiro wadahadalada u baahan ah ee Ankara

Afrika4 weeks ago

Maxaa laga filan karaa hub ka-dhigista mucaaradka TPLF ee Itoobiya oo billaabatay?

Bariga dhexe1 month ago

Israa’iil ayaa booliiska ku amartay in calanka Falastiin laga saaro goobaha caamka ah

Yurub1 month ago

Baarlamanka Yurub oo soo faro-geliyey kiiska nin Soomaali ah oo xukun adag lagu riday – sababta maxay ahayd?

Bariga dhexe1 month ago

Dowladda Imaaraatka oo sheegay inay iskuullada ku dhigi doonaan xasuuqii Holocaust ee Yuhuudda

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Duuliyihii ugu dambeeyay ee diyaaradii Somali Airline oo u geeriyooday – Illaahay ha u naxariisto

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay dhibna la ahayn – ayuu yiri Deni

Bariga dhexe1 month ago

Israa’iiliyiinta oo mudaaharaad ka dhigay xukuumadda cusub ee Netanyahu

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Israa’iil ayaa laga yaabaa inay weerarto Iiraan – wasiirka gaashaandhigga

Sirdoonka & Militariga1 month ago

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa dajiyay yoolal cusub oo militari ah sanadka 2023

WARBAAHINTA1 month ago

Pele: Xiddigii ugu horreeyay ee kubbadda cagta oo geeriyooday

Yurub1 month ago

Maxaa ka dambeeya xiisadda ka soo cusboonaatay Seerbiya iyo Kosovo?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Waa maxay ujeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmay Muqdisho?

Siyaasadda Soomaaliya1 month ago

Ururka Al-Shabaab oo xayiraad ku soo rogay mid ka mida shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya

Siyaasadda Soomaaliya2 months ago

Xisbiga Qaransoor ayaa war saxafadeed kasoo saaray dagaalka Baydhabo

Maalgelinta & Maaliyadda2 months ago

Sanduuqa hantida qaranka Norway ayaa ka fiirsanaya inuu dib u eegis ku sameeyo maalgashiga ay ku sameynayaan Israa’iil

WARBAAHINTA2 months ago

“Qofkii geystay weerarkii Paris wuxuu lahaa taariikh rabshado ka dhan ah muhaajiriinta”

Yurub2 months ago

Fadeexadda Qadar: Fadeexadda la xiriirta Qadar ee ruxday Midowga Yurub

Afrika2 months ago

6 askari oo Jabuutiyaan ah oo afduub loo haystay ayaa lasii daayey

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Ruushka: Gantaalada Patriot ee Maraykanka ma caawin doonaan soo afjarida colaadda Yukrayn

Afrika2 months ago

Erdogan: Senegal waxa ay go’aansatey in ay sii qoto dheerayso iskaashiga ay la leedahay Turkiga

Sirdoonka & Militariga2 months ago

Zelensky wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay ka caawisay Ruushka ‘siyaasadda xasuuqa’ oo ka dhanka ah Yukrayn

Afrika2 months ago

Suudaan: Cumar Al-Bashiir oo qirtay in uu mas’uul ka ahaa afgambigii 1989-kii

Xul