Buuggaag
Gorfaynta Buugga Murtida Dardaaran Haween – Faallo kooba
Milgaha, mudnaanta, qiyam iyo qadarinta uu siinaayo haweenka waa mid runtii wax badan ka beddelaya dareenka bulshada. Siiba hadday akhristaan hablaha Soomaaliyeed waxay unoqon lahayd kayd ay ka helaan xogo badan oo ka dahsoon.

Buugga Murtida Dardaaran Haween – Halku dhigga buugga ” Hagaha murtida dumarka iyo xulashada guurka”
Waxaan ayaantaan akhrintiisa ku howlanaa buugga magaciisu kor ku xusan yahay, waxaana uu ka hadlayaa arrimo badan oo xambaarsan mowduucyo kala duwan oo la xiriira qoyska, xulashada lammaanaha, dhaqanka iyo waxay diintu ka qabto.
Milgaha, mudnaanta, qiyam iyo qadarinta uu siinaayo haweenka waa mid runtii wax badan ka beddelaya dareenka bulshada. Siiba hadday akhristaan hablaha Soomaaliyeed waxay unoqon lahayd kayd ay ka helaan xogo badan oo ka dahsoon.
Ma ahan mid aan ku sookoobi karo buuggan waxa uu ka hadlaayo maqaal, sheeko iyo faalo kooban.
Miidda, dhumucda ku duugan buuggan ayaa ah mid si heer sare ah loo farshaxameeyay, lagularay hal tabin, macaanayn iyo subkid siyaabo kala duwan loogu sharaxay dhiganahaan.
Marka hore buugga waxa uu bixinayaa arar, afeef hadba sida aad u taqaano, waxa uu ka faaloonayaa qoraaga intii uu waday baarista cilmiga ku duugan buugga. Waxa uu bixinaya dardaarano la xiriira xulashada guurka, qoyska, kobcinta iyo garashada da’yarta.
Buuggan waxa uu cutubka kowaad aad uga faalooday qoraaga erey bixino uu ka sameeyay haweenka Soomaaliyeed, qeexitaano aad uga fikiray qoraaga, kuwo igu cusbaa iyo kuwo aan horay u maqli jiray iyo qaar aanba ilaaway xusuustana ka baxay.
Ereyada aad taqaanaan waxaa ka mida, Haween, Dumar, Gabar, Cadrad, Gashaanti, Maranti “Afo, Arar, Xaas”, Hooyo, Habar, Baaluqad, Dumaashi, Soddoh, Gaari, Baali, Gambooley, Goombaar, Guudweyn, Guumeys, Foodley, Rablayn, Roorsi, Basaas, Dhaashi, Dangalo, Dadab-Gal, Dhibaad, Dhalmadays, Dhigaal, Dihasho, Naashudo, Naakirad, Moqorad, Moora-dhac, Madax-shub, Minweyn, Minyaro, Mugmugato, Meelmadaya, Marasho, Masruuf, Masayrtir, Meher, Mashxarad, Cudad, Caro-celin, Garoob iyo Carmal.
Waa inyar oo aan ka xasuusto erey bixino iyo qeexitaano cajiib ah uu ka sameeyay Qoraaga. Waxa cajiib ah erey bixinada waxay ku salaysanyihiin qoyska siiba dumarka. Waxaa aad uga helay sida quruxda badan ee farshaxamaysan ee uga faalooday cutubkaas, waxaana arrin layaableh ah dardaaranka qiimaha badan ee uu kaga faalooday.
Cutubka labaad ayuu uga hadlay Guurka.
Noocyada guurka, erey bixinada guurka uu leeyahay, xiriirka soojireeenka ah ee ka dhexeeya guurka iyo dhaqanka Soomaalida isagoo qoraaga aad ugu dheeraaday dhaqanka suuban ee ay leedahay ummadda Soomaaliyeed oo ku kala nool qaaradda Afrika iyo guud ahaan geyiga Soomaaliya, isagoo mid walba dul istaagay qoraaga si cilmiyaysan, ka fiirsasho leh, deganaan, debecsani ku dheehan tahay ayuu uga faalooday buuggaas.
Waxa kale oo uu qoraaga aad uga hadlay xiriirka Jaceylka iyo guurka ka dhexeeya, isagoo sooqaatay daliilo Qur’aanka iyo axaadiista Nebiga “NNKH” ku soo arooray. Dhinaca kale wuxuu ku dabaqay dhaqanka soojireenka ah ee Soomaalidu leedahay, isagoo sooqaatay dhaqanadii hore, qaabkii hore ee ay kuwada xaajoon jireen Soomaalida, qaabka uu ahaa haasaawahooda iyo murtidii ay adeegsan jireen.
Cutubka 3aad ayuu uga hadlay murtida ay gaarka u leeyihiin hablaha Soomaaliyeed.
Murtida ayaa isugu jira maahmaahyo, xikmado, suugaan goos-goos ah oo macaaneenaya murtida, sheekooyin la xiriira haweenka oo laga soo dhimbilay murti dhaxal gal noqday.
Maahmaayada haddii aan ka sooqaato min hal xabo.
Dumarku waa saddex:
A. Haween gogol wacan
B. Haween gasiin wacan
C. Haween galmo wacan.
Saddex dumarka lagu qabo:
A. Xilkasnimo
B. Xog-ogaalnimo
C. Xan la’aan.
Saddex dumarku waa necebyihiin:
A. La xisaabtan
B. Kelinimo
C. Aamusnaan.
Saddex nafteeda ku qabta:
A. Geel ka gelgelin jecel
B. Baranbarana ka dufan jecel
C. Jiracna ka biyo neceb.
Dumarku saddex bay ahaayeen:
A. Idheh aan ku dhegeystee
B. Iidhiibo aan ku dhaqdee
C. Iga dhal aan dhunkadee
Murtida ma ahan intaan balse waa dhowr xabo aan ka sooqaatay buugga, mid walba qoraaga aad buu uga faalooday isagoo ku tiiqtiiqsaday, sharaxaad dheeraadana ka baxshay murtida isagoo sooqaadanaya mid walba aminta la adeegsado.
Cutubka 4aad ayuu uga hadlay qoyska
Dhiganaha ayuu uga hadlay arrimaha qoyska, ku dhaqanka diinta islaamka, ku xirnaanta sunada Nebiga “NNKH”, xalka muranka soo dhexgala qoyska, talooyin aad uga haley.
Murtida cutubkaan ku jira ayaa kuwo macno gooniya ka turjumaya sida Afar Kaaf ayaa naagta lagu qabaa { Kaalay, Keen, Kari, Ka joog”, tukalena waxay ahayd: Afar weeye gabadh ” Mar waa xoog, Mar waa xilo, Mar waa xoolo, marna waa xurmo”.
Ma ahan mid aan ku sookoobi karo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ka dhex helay buuggan, isla markaana waa mid haddii aad akhriso aad ka heli doontid insha Allaah.
Qoraaga ayaa talooyin badan oo la xiriira xulashada lammaanaha siiyay inta jecel in ay yeeshaan qoys ku dhisan diin, akhlaaq, ismaqal, xurmo, xushmad, taloqaadasho, isku dhimrin, dhaqan iyo sharaf usaaxiiba. Waxa uu siinayaa ubadka Alle siiyo sida ay unoqon lahaayeen kuwo waxtar u leh bulshada, sida kuwo ku soo kordhiya bulshada cilmi, dhowrsanaan lagaga daydo, iyo kuwo laga ammaan helo adinkooda iyo afkooda.
Waxaana rabaa in aan asxaabtayda jecel akhriska, qoraalka, dhaqanka in ay waxbadan akhriyaan buugta, waxaad ka helaysaan waxbadan oo idinka maqan. Cilmigu waa caqli la biirshay, inbadan oo aad wax akhrido, waa in badan oo aad heshaan xogo kaa dahsoon, waa intaasoo ay ku anfacaan.
Buuggaan waxa qalinka u qaatay qoraaga buugga aan ka faaloonaayo magaciisuna yahay Eng. Bashiir Siciid Xasan “Maareeye”, waana qoraaga qoray ilaa saddex buug oo kale.
Lawadaag asxaabtaada fadlan si ay u akhristaan cilmiga ku duugan dhiganahaan ama halkaan uga wac saaxiib aad isleedahay waa ehel akhris iyo qoraal.
Qoraaga Buugga: Bashiir Siciid Xasan
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Dabar iyo Hoggaan – Ka Adkaanshaha Nafta
Ujeedka aan idinkula wadaagayo wixii aan kala kulmay buugga, waa in aan lawadaago walaalkay, walaashay si ay uga faa’idaystaan casharada sida qotoda dheer ee looga fekeray iyo qaadaa dhigii soo ifbixidda buuggaan.

Tisqaadkaygii koowaad iyo baalfurkii uhoreeyay aan indhahaygu qabteen waxay ahayd aayadda dhahaysa (Qofkii camal wanaagsan sameeyaa naftiisay anfacaysaa).
Samaynta dadaal iyo juhdi waa midka aan ka duulayno maantay, gorfaynteenuna kama talaabayso ujeedka iyo nuxurka buugga iyo wixii aan ka faa’iday intii aan akhrinaayay.
Ujeedka aan idinkula wadaagayo wixii aan kala kulmay buugga, waa in aan lawadaago walaalkay, walaashay si ay uga faa’idaystaan casharada sida qotoda dheer ee looga fekeray iyo qaadaa dhigii soo ifbixidda buuggaan.
Sida aan bilowgaba ku sheegay buugga waxa uu ka hadlayaa waa dhigane naf lahadal ah, waa dhiganayaasha loogu jecel yahay adduunka, waa kuwa loogu akhris badan yahay koonka aynu ku nool nahay sababtoo ah dunida aad arkayso Alle SWC waxa uu udhisay ujeed, waxaana jinka iyo insiga loo keenay ujeed, waa in aan garano sababta naloo keenay dunidaan iyo waxa nala ka doonaayo iyo in aan garano oo aqoonsano nafteena si aan u gaarno yoolkeena iyo hiigsiga aan usocono.
Dabar: Waxaa la dhahaa kolka awra ama geela laga baqo in ay meel fog aadaan ayaa xarig la soo qaataa, deetana waa la dabraa. Masaafada labada jeeni isku jiraan ugu badnaan waa labo taako iyo bar (2.5).
Dabarka ayaa ukala baxa labo qeybood:
A). Dabrin ama seetayn: Waa marka la rabo in awrku ama neefka in uu daaq doonto isagoon meel fog gaarayn haddana ujeedku yahay in uu neefkaas helo quudka maalintaas.
B). Dabrin (Qabirid): Waa marka awrta ama geela labada jeenyood la isku keeno si awood ku jirto oo labada Cag ee jeenyaha ama suulasha la iskorsaaro si uusan udhaqaaqin. Haddii uu dacmo neefku in uu dhaqaaqo waa in uu boodboodaa ama iska istaagaa. Badanaa Qabiridda waxaa la isticmaalaa marka laga baqo awrku in uu dadku laayo, ama uu qooqan yahay oo looga cabsado geela in uu jajabsho ama uu dilo wax kasta oo uu arko waayo awrku haddii uu qooqan yahay dooh iyo Yur toona ma yaqaano.
F.G. Geela keliya looma isticmaalo dabarka ee waxaa loo isticmaalaa gammaanta siiba Dameeraha.
Dabarka aan ka hadlayno ma ahan kan aan soo sharaxnay ee dabarku waa in aad naftaada ka xakamayso wax kasta oo dhaawici kara, dib udhac iyo fiqsi ku hagi karta, waa ka leexidda wixii aan anfac u lahayn, waa ka hortagga wadda kasta oo xun oo ay naftu jeclaysanayso. Waa tii la yiri (Naftu wax kasta oo ay jeceshahay waxay ku hareeraysan yihiin Cadaabta, wax kasta oo culays ku ah waxay ku hareeraysan yihiin jannadda).
Haddaba sidee ayay naftu waxa ay jeceshahay ugu hareeraysan yihiin cadaabda?
Naftu waxay jeceshahay:
1. In wixii ay doonto samayso: In ay dadka xamato, isku dirto, kalagayso, colaad kala dhex dhigto dad ood iyo hilbo wadaag ah, waxay kaalmaysaa shaydaanka.
2. Macsida: Naftu waxay jeceshahay in ay tumato, raaxaysato, dhagaysato heesaha, aysan kala soocin wixii xun iyo wixii saxan, in ay sidii doonto uwalaaqato xumaanta oo dhan.
Dadka inta badan guulaysta waa dadka casharo ka barta wixii uu horay ugu fashilmay ama dadkii ka horeeyay ay ku fashilmeen, waxayna mar walba la tashadaan dadkii uga horreeyay waddadaan iyo tabihii ay ku guulaysteen ama ku guuldaraysteen. Maahmaah ayaa ahayd (God ninkii galaa laga waraystaa) oo waxaan dadkii usoo joogay ayaa wax laga waydiiyaa.
Maahmaah kale ayaa dhahaysay (Nin gu’ kaaweyn, il guruxeedna kaa weyn).
3. Cibaado la’aan: Naftu ma jecla in ay cibaadaysato, ma jecla in ay salaada ukacdo, ma jecla in ay qubaysato ama weeso qaadato, ma jecla in hurdada laga qaso ama loo kacsho salaadda, waxay naftu isku dhiirigelisaa in aysan tukan, xilliga salaadana ay samaysato howlo kale oo qabyo ah ama ay seexato ama iska dhaadhiciso in uu jiro qabow, ama ay dhahdo hadhow baad samaynaysaa waxaas. Naftu ma jecla in ay soonto oo gaajo iyo haraad midna ay ku dhaqaaqdo, waxay jeceshahay in wax kasta oo ay hamiddo samayso naftu. Horaa loo dhahay (Fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa).
Haddii aadan haysan xarigga Alle, waxaad tahay ruux aan gaarayn libinta iyo guusha teeda wanaagsan. Ma noqonaysid ruux qorshihiisu ufulo, taladuna waa kaa kala yaacdaa. Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri (Qofkii igooyaa, anna waan goyn). Ruuxa waxa uu dadnimo leeyahay markii uu guto waajibaadka Alle, haddii aad rabto in aad hadafkaaga iyo yoolkaaga gaadho waa in aad xarigga Eebbe qabsato.
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri ( Ruuxii Illaahay ka cabsadda ee sabra, Illaahay ma dayaco dadka wanaaga sameeya ajarkooda).
4. Sadaqo la’aan: Naftu ma jecla in wixii ay haysato in ay bixiso waayo waxaa umuuqanaya fakhri, gaajo, abaar iwm, waxayna qofka ku khasbaysaa in uusan waxba bixin.
5. Jiif oo jaq (Howlyari): Naftu waxay jeceshahay in aysan wax howl ah qaban, in waxkasta ay si fudud ku soogalaan, in ay dadka dhacdo ama tuugsato, in wax kasta oo qof haysto ay ayadu si dhibyar haku hesho xoog iyo xeelad. Ma jecla in ay rafaad badan umarto in ay wax la soo baxdo oo isxakunto.
Naftu intaas lidkeeda ayay neceb tahay, inta ay dhibsato oo dhan waxay ku hareeraysan yihiin Jannadda balse shaydaan ayaa busto qoyan ka saara dhabarka si ay u dareento culays iyo wahsi.
Hoggaan: Hoggaamintu waa in aad naftaada xakamayso, kadibna aad ku hoggaamiso hadafka iyo yoolka aad leedahay. Haddii aad jeceshahay ka guul gaaridda arrin, waa in aad dejisato qorshe cad oo aad ku hagto nafta si aysan dhinacna uga leexan, uguna toosnaato.
Haddii aad go’aansato in aad ka guul gaadhid in aad cibaadaysato waa in aad go’aansato in shanta waqti ku tukato masaajidka, waa in aad la timaado wax kasta oo diintu ku amartay, waa in aad ka dheeraato wax walba oo diintu kaa xarimtay, iskana fogayso wax kasta oo nusqaamin kara cibaadadaada waxaad gaadhaysaa halka aad usocoto.
Aan usoo yare noqdo buugga Dabar iyo Hoggaaan waa dhigane ina baraya sida aan u xakamayn lahayn nafta, uyeelan lahayn qorshe ku dhisan istiraatijiyad, ku dhisan hiigsi, saldhigna looga dhigay fulin bilaa hagrasho ah. Buugga waxa uu ina barayaa waddooyinka aan ku gaari karno guusha, sida iyo taatikada aan utababari karno ruuxda iyo jihaynteeda.
Buugga waxa uu inoo tilmaamayaa waddooyinka ama caadooyinka xunxun ee inoo horseeda guuldarada sida:
A). Cabsida: Qoraaga ayaa inooga digay in aan la noolaano cabsida waayo Cabsidu waa cudurka koowaad ee dila riyooyinka, waxa ugu badan ee qofku ka baqo maahan wax jira waa kutirikuteen ama sawir beenaad ay maskaxdiisu u daartay kadibna uu daawaday qofka. Waxaana qofka maskaxdiisa ku soodhacaysa ama umuuqanayaa dad guuldaraystay, dad nolosha kadhacay, dad isaga ka horeeyay oo waxaan isku dayay balse waxba ka keenin iyo kalsooni la’aan.
B). Cududaar: Qoraaga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in qofku uu la yimaado cududaar aan loo hayn qiil iyo wax lagu qanci karo. Dadka inta badan la yimaada cududaaro aan waxba ka jirin ama aan lagu qanci karin sida waqti igu filan oo aan howshaas ku qabto ma hayo, dhaqaale aan wax ku bilaabo ma hayo, fursaddaan waa idhaaftay balse dib ayaan uga faa’idaysan, waan da’yarahay, waa igu adagtahay, berri danbe ayaa qaban ama bilaabin, sannadka danbe ayaan qorshaystay in aan howshaas gudagalo, xaalado adag baa iga haysta qoyska iwm.
C). Caajis: Qoraaga ayaa mataanaysay Caajiska iyo Go’aan la’aanta. Caajisku waa fidno iyo cudur dilaa ah oo shakhsiyadda qofka ka dhiga mid aan waxba ahayn, waa dhaqan aan wanaagsanayn oo ku habsaday ummadda oo dhan, waxaana ka badbaaday inyar oo dunida koonkeeda kunool ama dhintay. Caajisku waxa uu waxyeelo ugaystaa hab fekerka qofka, waxa uu daciifiyaa unugyada jirka, waxa uu sallaanka nolosha ka tuuraa nafta, waxa uu wax kama jiraan ka dhigaa hadafka iyo hiigsiga nolosha.
D). Eedaynta dadka: Fashilka iyo xakamayn la’aanta nafta waxay ruuxa u horseedaa in uu eedayn iyo cabbaarayn dusha usaaro cid aan wax shaqo ah kulahayn, cid aan ab iyo sinjitoona shaqo ku lahayn isagoo ama ayadoo nafis ka dhex aragta. Haddii aad aragto qof eed la soo taagan mar walba waa qof ka dhacay nolosha, waa qof aan lahayn hiigsi fog iyo hammi toona, waa qof nolosha ka dhacay balse isku qarinaya ruux si uu eeda dusha uga saaro.
F). Qorshe la’aan: Qorshe la’aantu waxay ka mid tahay caqabadaha soo wajaha qofka maxaayeelay markii aad rabto in aad gaadho hadafkaaga iyo yoolkaaga waa in aad leedahay qorshe cad oo aad wax ku kala waddo.
Markii aad kutalo gasho in aad noqoto qofka koowaad ee guulaystaha ah waa in aad talada ku darsataa in uu jiro ruux adi tartan kula galaya oo masaafadda aad jarto kula jaraya, inta aad hurudo waa uu soo jeedaa, inta aad wax diyaarinayso waa uu kula diyaarinayaa, inta aad cibaadaysanayso waa uu kula cibaadaysanayaa ruuxaas.
Soomaalidu waxay dhahdaa (Ninkii seexdaa sicii dibi dhal) oo ay ula jeedaan qof kasta oo isdhigtaa waxa ku hareeraysan guuldaradda hadafkiisa.
Maahmaah kale waxay ahayd: Saddex weligaa ma gaartid (Ruux qorshe leh, ruux go’aan leh, ruux rabbitaan leh). Qofka hadduu qorshe cad leeyahay, go’aan adag leeyahay, rabbitaanna leeyahay waxa uu si fudud ku gaarayaa hadafkiisa sababtoo ah (Qowl iyo qorsheba waa la caddeeyaa), haddii aadan lahayn qorshe meel ma gaari kartid.
Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri (Haddii aad go’aan gaarto, talo saaro Allaah, Allena waa jecelyahay kuwa talada saartee).
J). Kibirka iyo isla waynida: Qofka kibirka badan iyo qofka xishoodka iyo cabsida badan midna meel magaaraan. Kan kibirka badan waxa uu iskala weyn yahay wax kasta oo qof sameeyo, waxa uu isku arkaa in uu dadka wax dheer yahay, waxa uu isku arkaa in uu yahay kan keliya ee dunida ka arrimiya, kan keliya geyigiisa wax laga waydiiyo haddana ay dadku u arkaan mid aan hargiisa dhaafsiisanayn oo aan la tirsan.
Maahmaah ayaa ahayd ( Kibirku harkuu kaa saaraa, hoosna kugu ma simo), si walba oo aad u qabwayn tahay wax qabadkaagu wuxuu ku soo aruurayaa qalbigaaga un waayo cidda kibri kartaa waa Alle weyne oo keliya, waxaad tahay addoon, wax aad dheer tahay ma jiraan khalqiga Alle abuuray.
Horaa loo dhahay saddex waa isqabtaan (Qof qosol badan iyo qof qoonsi badan, qof quud jecel iyo qof aan u quurin, qof qab weyn iyo qof aan u qabin).
Gunta iyo gunaanadka hadalkayga
Qof kasta uu dunida jooga in uusan hilmaamin in dunidu tahay meel lagu hoydo ee aan lagu nagaan. Daarta dhabta ah ee lagu nagaado waa tan aakhiro. Waa tii uu lahaa Xaatim Al-Asam: Maalin kasta oo isoo marta shaydaanku wuxuu idhahaa Maxaad cuntaa? Maxaad lebbisataa? Xagaad degin?
Anna waxaan ku dhahaa:
A). Waxaan cunaa geeri
B). Waxaan lebbistaa kafan
C). Waxaan degin qabri.
Waxaan ka fahmaynaa xikmaddaan kooban sida ku cad buugga Socdaalka Nolosha ee uu qoray Maxamuud Axmed Muuse Tallman, in halganka noloshu tahay mid sahay qaadasho aakhiro aysan ahayn mid lagu waarayo adduunyadaan sababtoo ah waa tii la yiri: Afar shay, afar kuguma simaan:
A). Hantidu taajirnimo kuguma sii hayso.
B). Xinnaysigu shaabnimo (dhalinyarnimo) kuguma sii hayso
C). Daawona caafimaad kuguma sii hayso
D). Nololina sii jirid kuguma sii hayso.
Waa tii uu lahaa Abwaan Yuusuf Cabdulle Muuse qaar ka mida gabaygiisii haddii dunida lagu waarayo.
1. Haddii dunida lagu waarayoo, daayin noqonayso
2. Waxaan laga dileen Nebiyaddii laysu soodirayee
3. Asxaabihii baan degeen, daahirka ahaayee
4. Faadumo iyo dirkeedii ayaa dumug yiraahdeene
5. Daahaa ku noolaan lahaa dalagyadoodiiyee
6. Anse waxaan daliishaday inaan laga danbaynaynee.
Waxkasta oo lasameeyo waxay leeyihiin qodobo laraaco oo lataaban karo waayo waxaad aragtaa ashyaa badan oo fara ku samays ah oo la sooraacsho tusmooyin ku waas oo ka turjumaya qaabka loo addeegsanaayo. Tusaale ahaan, waxaad soogadatay Matoor waxa uuna leeyahay qaab loo isticmaalo Matoorka, waxaana kuu fududaynaya waraaqda yar ee la sooraacsho taasoo ku dhan habkii aad u addeegsan lahayd. Haddaba sidaa silamida ayaa halganka noloshu ay ubaahan tahay in aad fahanto waxyaalaha lagu gaaro sacaadada nolosha adoo ka duulaya Alle ka baqidda iyo waxyaalaha lagaaga baahan yahay.
Taqwada Alle: Waxaa qofkasta oo Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyay laga rabaa in uu la yimaado wixii lafaray oo dhan, kana cabsado Eebbihii abuuray oo koonkaan keenay. Waa in uu la yimaadaa taqwo dhab ah iyo Alle ka cabsi ku salaysan khushuuc iyo ilmayn Alle dartii uqabatay.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri: (Kuwa xaqa rumeeyoow dhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray dhowrid dhan). Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 102.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (Dhowra xilka iyo waajibka Alle uu idin saaray intii karaankiinna ah). Suuradda al-Taghaabun: Aayadda 16.
Waxaan ka fahmaynaa in aan la nimaano waxkasta oo Alle ina ku waajib yeelay maxaa yeelay waanala waydiin doonaa maalin maalmaha ka mida. Haddaba waxaa nala karabaa in aan la nimaano taqwa iyo Alle ka cabsi si aan ugu guulaysano nolosheena adduun iyo aakhiraba.
Alle wuxuu kaloo yiri kor ahaaye (Kuwa xaqa rumeeyow dhowra cahdiga Alle iyo xilka uu idiin saaray, wax sanna ku hadla). Suuradda al-Axsaab: Aayadda 70.
Waxaan ka fahmayna qowlka Alle in uu nagula dardaarmayo in aan ilaalino balamaha maxaa yeelay dadka islaamka ah waxay gaalka uga duwan yihiin waa ilaalinta balamaha inbadan Alle qur’aankiisa ayuu ku yiri war dhowra oo oofiya balamaha.
Alle waxa uu yiri (Oofiya balamada, balamaha waa lays waydiin doonaaye).
Markale waa tii uu lahaa (Kuwa Alle rumeeyoow oofiya balamaha).
Dhammaan aayaadkaas waxay inoo faa’idaynayaan in aan ilaalino cahdiga iyo balamaha aynu galno.
2. Alle ka cabsiga: Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (Qofkii Alle ka cabsada oo waajibkii iyo xilkii uu saaray guta, makhraj buu u yeelayaa, meel uusan filayna waa ka irsaaqayaa). Suuradda ad-Dalaaq.
Alle waxa uu inoo balan qaaday ruuxii ka cabsada isaga, gutana waajibaadkiisa Alle, rumeeyana rumayn dhab ah, waxaa loofurayaa waddo uusan ka filanayn wax irsaaqad ah. Alle inbadan aayaadkiisa waxa uu inoo ku sheegay qofkii uu rabana in uu irsaaqo xisaab la’aan, qofkii tala saarsadana Allaah waa nabad geliyaa. Waxkasta oo kugu dhacayana waa qoran yihiin oo Allaah kuu qoray maalintii ruuxda lagu gashay.
Anas bin Maalik (Alle raali haka noqdee) wuxuu yiri: Waqtigii Nebiga (NNKH) waxaa jirey laba nin oo walaalo ah; midkood Nebigu (NNKH) u adeegi jiray, midna camalkiisuu raacan jiray. Maalin baa kan dambe Nebiga (NNKH) uga soo eed sheegtay walaalki una sheegay inuusan noloshiisa wax u kasban. Nebigu (NNKH) wuxuu ugu jawaabay: Waxaa laga yaabaa in laguga irsaaqo dartiis. (Tirmidi baa sanad saxiix ku weriyey).
Qofka islaamka ah waa in uu ahaadaa ruux markasta ujeeda Allaah, kana cabsada, sidoo kalena guta waajibaadkiisa, Alle ma luminaayo ajarkiisa. Waxaan kaloo idinku baraarujinayaa, haddii aad rabtaan in aad ku noolaataan nolol sare waa in aad gudataan waajibaadka Alle. Waxaad ku guulaysanaysaan halgankiina nolosha, waxaana hananaysaa guusha aad dalbaysaan.
Samaynta camal wanaagsan: Waxaa laga rabaa qof kasta in uu la yimaadaa camal midba midka uu ka kheyr badan yahay. Waayo ruuxii sameeyaa wanaag Alle waa ulabo jibaaraa wanaaga uu sameeyay ajarkiis. Haddii aan wacad ku marno in aan gudano wanaag, se waxaan aragnay wanaagii mid ka sii fadli badan waa in aan ku dhaqaaqnaa ka fadliga badan. Waxaad damacday in aad bixiso sadaqo kuna bixiso iskuul, waxaad aragtay masjid la dhisaayo waa in aad ku bixisaa masjidka isagaa fadli badane. Sababtoo ah bogcadaha Alle waxaa ugu fadli badan masaajidda, waxaana ugu xun suuqyada.
Caddayi Ibnu Xaatim (Alle raali haka noqdee) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (NNKH) yiri: (Haddii uu qofku dhaarto oo ballan qaado inuu camal falaa oo dabadeed arkaa camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu falaa camalka wanaagsan ee dambe).
Soomaaliduna waxay dhahdaa in adduunka lajooga waxaa diiday shidaad “dhib” taasna waxa ay keentay in malaayiin ummada oo dunida ku nool ay waayaan naftooda iyagoo raadinaya nolol waarta. Waxay usocdaaleen waddan iyagoo isaga gudbaya carro, laba waddan, qaarad. Waxay baadi goob ugalaan sidii ay sacaado ugu noolaan lahaayeen.
Qof walba waa sida uu isagu ugu sadcaalo nolosha. Ruux ayaa usafra in uu helo adduunyo isagoo umaraya waddo aad u dheer oo dhib badan. Waxa uu la kulmaa dhibaato, waa lagu halaagaa, waa kufaa waa kacaa, waa dhididaa, waa daalaa, waa quustaa mar mar. Waxa uu isku dayaa in uu usabro nolosha balse waxa uu arkaa in aysan raali ka ahayn naftiisa xaalka uu ku sugan yahay. Waxa uu gudo galaa in uu isku diyaarsho halgan. Waxa uu usoo tabaabushaystaa in uu tago isagoo diyaarsanaya sahay raadinaya nolol waarta.
Damaca aadanaha waa mid aad u sareeya, waa mid naaqusa, siyaada, dhex dhexaad noqda. Waa mid ummaddu ay ku halaagsamaan waayo bini’aadanka ayaa ah mid naf iyo maalba uhura tabcashada adduunyo iyo in ay kasbadaan maal fara badan. Tani waxay kuu horseedaysaa in aad fahanto meesha aad usocoto iyo meesha aad ka socoto.
Buugga Dabar iyo Hoggaan waxaan bulshada kula talinayaa in ay akhriyaan buuggaas, waa toobiye wanaagsan oo kugu hagaya waddada toosan, waa buug xikmad badan ka buuxdo, waa buug ku siinaya fursad aad ku gaadho halka usocoto, waana sahay aakhiro iyo adduun ku anfacaya.
___
Qoraaga Buugga: Jawaahir Siciid Nuur
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga – Faallo kooban
Faallo kooban oo ku saabsan buugga caawiyaha ardayga

Gorfaynta Buugga Caawiyaha Ardayga
Buuggan oo ah dhiganayaasha loogu jecelyahay akhriskooda ayaa xoogga saaraya caawinta ardayda, hoga-tusaalayn iyo talo siin. Buuggan waxa uu ka midyahay buugta farakutiriska ah ee Soomaaliga ku qoran si qoto dheerna uga hadlaya baahiyaha dhabta ah ee ardayga Soomaaliyeed haysta.
Waxay dhib badan ardadu ku qabeen diyaarinta imtixaanka, welbehaarka haddana ay sababto in arday badan oo Soomaaliyeed ay isaga haraan guud ahaan waxbarashada, sababtuna wax kale ma ahan waa cabsi ay ka qabeen imtixaanaadka. Inta badan waxa dhacda kolka uu soodhawaado imtixaanka in ardada Soomaaliyeed ku ordaan in ay dib u eegaan wixii la soobaray balse waxaa lagayaabaa in ardaygaas uuba hilmaamo maadooyinkii ileen dib uma muraajacayn jirin maado walba.
Waxay tani keentaa in ardaygu kala kulmo maadada niyad jab, waxayna ku noqotaa maado cusub. Isaga oo qaba cabsi badan ayuu u soo xaadiraa gelidda imtixaanka. Gacan baqaysa xariiq mooye farshaxan mayeelato, waxaa ka dhaca waqtiga isagoo hadba bog rogrogaya welina ka shaqayn su’aalaha ayaa laga qaadaa waraaqaha, waxayna ugu dambayn sababtaa in uu ku dhaco imtixaanka.
Haddaba haddii uu ardaygu dhib ku qabay diyaarinta imtixaanka, jadwalka, habka u wanaagsan ee wax akhriska, waxa uu buuggan maanta kaa saacidayaa sida aad u samaysan lahayd jadwal wax akhris, xilliyada ugu haboon ee wax la akhriyo, qaabka ufudud ee wax loo fahmi karo iyo habka cilmiyaysan ee loo wajaho xaalad walba oo ardayga haysata.
Buuggan waxaan kaloo ku arkay waxyaabo cajiiba oo aad ii cajabgashay taasoo igu khasabtay in aan akhriyo inkabadan 10 jeer buuggan.
Waxaan arday walba kula talinayaa in uu wehel ka dhigto buuggan, waa buug uu ardaygu ka heli karo xogo badan oo kaa dahsoon, talooyinkii aad uga baahan lahayd cid, waqtina uu kaaga lumi lahaa, maanta waa la fududeeyay, waxaana arrintaas kuu sahlay buuggaan Caawiyaha Ardayga.
Buuggaan waxa uu ka kooban yahay:
Cutubka 1-aad
Hagaajinta naftaada, Alle ka cabsiga, akhriska Qur’aanka, faa’idada laga helo akhriska Qur’aanka. Badinta digriga Alle, maaraynta waqtiga, waddada uwanaagsan ee aad guul ku gaari karto.
Cutubka 2aad
Sida aad isaga joojin lahayd walbahaarka, aqoonsiga xudduuda maalintaada, tirakoobyadii dadkii ku dhacay imtixaanadii hore ee shahaadiga iyo waxa sababay in ay dhacaan, isku mashquulinta mar xalad aadan gaarin iyo ka fikirka mustaqbalka.
Cutubka 3aad
Degsashada qorshe maalmeedka ardayga
Afar hab oo aad wahsiga isaga joojin karto
Sida aad ku degsan karto jadwal maalinle ah
Qaadashada nasiino naftaada ah, ka faa’idaysiga waqtiyada firaaqada, joogtaynta akhriska, ka fogaanta wixii ku mashquulinaya iyo xasuusashada jadwalada kuu degsan iyo ku dhaqankooda.
Cutubka 4aad
Ku guulaysiga imtixaanaadka
Sida aad ku noqon karto ardayga kaalinta kowaad ka gala imtixaanka
Habka aad isugu diyaarin karto gelidda imtixaanka
Sida aad ugali lahayd imtixaanka
Xilliyada u haboon ee wax la akhriyo
Xal u helidda welbahaarka
Xakamaynta naftaada
Wanaajinta hab dhaqankaaga
Dhegaysiga badan iyo sharfidda inta kugu hareeraysan
Isku dhimrinta ardada iyo macalimiinta
Seexashada hurdo kugu filan
Deganaan iyo ixtiraam joogta ah.
Waa inyar oo ka mida waxyaabaha ku xusan buugga Caawiyaha ardayga, kaasoo haddii aan dhaho waan ka faaloonayaa ay igu qaadanayso waqti aad u dheer, taasina aysan macquul ahayn.
Gunta iyo gabagabada
Waxaan jeclaan lahaa in buuggaan la baahiyo, lana gaarsiiyo gobolada Soomaalidu degto si loo daboolo ugu yaraan baahiyaha gaarka ah ee haysata ardayda Soomaaliyeed. Buuggaan waxaa la rabaa in uu yaalo guri walba waayo waxaan ognahay in xaafad walba ay joogaan arday waxbarata, sidaas darteed ayaan kuu leeyahay buuggaan hakuu yaalo gurigaaga, kana dhigo wehelkaaga dhabta ah.
Waa buug yarayn doona walbahaarka haysta ardada oo idil, kuma xirna oo keliya kan iskuulka dhigta balse waxa u baahan qof walba oo arday ah waayo wax badan oo kaa maqnaa ayaad ka helaysaa buuggan insha Allaah.
Waxaana Macalin Cali Xuseen kula talinayaa in uu baahiyo buuggaan, gaarsiiyana gobol walba iyo magaalo walba. Waxaana rajaynayaa in maanta wixii ka dambeeyaa aysan jiridoonin arday dambe oo ka welwela imtixaanaadka waayo sirta aadan uga welwelayn waxa kuu sheegaya buuggan insha Allaah
Qoraaga Buugga: Macalin Cigaal
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya – Faallo Kooban
Dhiganahaan cajiibka ah ee aadka loo farshaxameeyay waxaa qoray Qoraa Maxamed Nuur Shire oo ka mid ah jilib culusta waaweyn ee looga danbeeyo cilmibaarista iyo qorista noocyada buugta.

Buugga Maxaa Keenay Kadeedka Soomaaliya?
Dhiganahaan cajiibka ah ee aadka loo farshaxameeyay waxaa qoray Qoraa Maxamed Nuur Shire oo ka mid ah jilib culusta waaweyn ee looga danbeeyo cilmibaarista iyo qorista noocyada buugta. Qoraaga ayaa buuggan inta uu qoraayay ku qaadatay in ka badan 12 sano, maalinba maalinta ku xigtana waxa uu diyaarinaayay maqaalo saldhig u ah cilmibaaris rasmi ah oo laga sameeyay waddankeena hooyo taasoo la xiriirta Ciwaanka guud ee buugga.
Dad badan ayaa dhibaatada Soomaaliya ka bilaaba dagaaladii jabhadihii hubaysnaa ee kala gedisnaa ay kaga soo horjeedeen dawladdii Kacaanka, iyaga oo inta badan diirada la saarayay dhinaca siyaasadda midaasoo aan ku dhisnayn oolimaad dheer iyo feker tolmoon.
Dhiganahaan waxa uu diiradda saarayaa qaybo ka mid ah Kadeedka ( Dhibaatada) Soomaalida jaahwareerisay oo qoloba meel ka tuurtay taasoo ay sababtay in ay maantay leeyihiin in 8 calan iyo ka badan yeelato Soomaaliya halkii ay awal ka ahayd hal dawlad, hal calan, hal diin, hal dhaqan balse maantay taasi kama jirto Soomaaliya gudaheeda.
Marka laga yimaado jabhadihii hubaysnaa waxaa jiray ururo diimeedyo kala duwan oo huwan magaca diinta oo kala haysta caqiidooyin kala jaad ah inay maantay kadeedka iyo dhibaatada ka taagan waddanka ay qayb ka yihiin ilaa haddana ay kawadaan qaybo badan oo ka mida Soomaaliya.
Mar walba oo bulshadu unuglaato dhibaato wadayaasha, waxay ku sii siqayaan oo dhib ku noqonaysa in ay cid walba soo handado, soo weerarto, soo halakayso iyo in nidaamkii dawliga ahaa uu sii tabar dareeyo, meeshana ka baxo kala danbayntii iyo caddaaladdii.
Haddaan soo qaato qaar kamida cutubyada uu buugga si dhab ah uga hadlaayo waxaa ka mid ah:
Cutubka 1aad:
Xoog-Adeegsi
Cutubka 2aad:
Waddaniyad Xumo
Cutubka 3aad:
Aragti Diimeed Khaldan
Cutubka 4aad:
Musuqmaasuq
Cutubka 5aad:
Kaadsiimo la’aan
Cutubka 6aad:
Danaysi gaar ah
Cutubka 7aad:
Isku tiirsanaan la’aan
Cutubka 8aad:
Fahan la’aanta dawladnimada
Cutubka 9aad:
Qaybaaladda
Cutubka 10aad:
Aanooyinka
Cutubka 11aad:
Moogganaan
Cutubka 12aad:
Isku halleyn
Cutubka 13aad:
Is-oggolaansho la’aan
Cutubka 14aad:
Qorshe la’aan
Cutubka 15aad:
Rejo
Inta aan soo xusay ma ahan inta gudaha buugga ku duugan balse waa ay ka badan yihiin, anni waxaan ka sooqaatay qaar ka mida si aan isula fahano, uwada falan-qayno inta aan ka gaarno insha Allaah, waxaa iyana jira oo buugga ku duugan tusaalooyin cajiib ah, sheekooyin xikmadaysa oo la xiriira ciwaanka.
Dadku kala xeelad iyo xikmad badan, qaar kamida dadka waxay dareenkooda ku cabbiraan muruqoodo iyo awoodda ay leeyihiin, qaar kalena waxay wax ku raadsadaan xeelad siyaasadeed, qaar kalena waxay adeegsadaan shaar dawladeed, qaar kalena waxay adeegsadaan dhaqan iyo xeer qabiil, qaar kalena waxay adeegsadaan tabo kasta oo ay wax ku heli karaan, qaarna waa looma ooyaan iyaga oo carro, ciil, dulmi iyo awood loo sheegtay ayay gacmaha u hoorsadaan Alle SWC, waxayna ku godgaleen qaarkood iyaga oo aan caddalaad helin balse sugaya maalin aan ahayn maantay oo qofna uusan sheegan karin awood, laandheerenimo iyo kibirtoonna.
Arrimaha buugga uu xoogga saarayo waxaa ka mid ah, wixii ka dhalan kara haddii xoog la adeegsado:
1. In cidda xoogga wax lagaga qaatay ay iyana kolkeeda isku daydo inay xoog-adeegsato, taasina waxay sababtaa in xaaladu ay noqoto mid aan dhammaad lahayn.
2. In cidda xoogga wax ku raadisay ay la timaado xadgudubyo wax badan bi’inkara.
3. In cuddudda oo la adeegsado ay markasta ka horumarto caqliga oo la tuujiyo, taas oo meesha ka saaraysa in maskaxda laga shaqaysiiyo.
4. In xooggu ku baaba’o meel aan ku habboonayn, xoogna waxaa ugu liita midka xargaha kaa gooya.
5. In dhaqaale iyo maskax badan lagaliyo awood aan xikmadaysnayn ee la adeegsado.
Intaas iyo kuwo kale oo ka badan waa suurtagal inay ka dhashaan haddii xal la moodo xoogga, waaba haddii la sameeyo qiimeyn ku filan in irdihii kale oo dhan ay soo xirmeen.
Waddaniyad xumada
Bini’aadanka sidiisaba waa hadba sida uu iska dhigo, haddii uu ku talogalo in uu samo sameeyo waxa uu helayaa miraha wanaaga uu sameeyay, haddii uu ku kaco wax aan u haboonayn mustaqbalkooda iyo tan guud waxay halis gelin karaan jiritaankooda iyo inay noqdaan dad iyo dal jira.
Haddii inta waddaniyadda leh ay ka badanyihiin inta aan waddaniyadda lahayn, waxaa suurtagal ah in laga takhaluso inta aan waddaninimo ku jirin, waxaase daran dadka aan lahayn waddaniyad haddii hormuud unoqdo bulshada waxaa ka dhalan kara waxa aan soo aragnay iyo dabar go’a duulka bilaa dareenka ah.
Waddaniyad xumada waxaa ka dhasha:
1. Qabyaalad:
Arrimaha laga dhaxlo qabyaaladda waa ayada oo la tuuro danta guud, lagana tago wada dhalashadii, hilbo wadaagii, dhaqankii, diintii taasoo dhashay cirib xumida maanta nahaysata.
Alle Subxaana Watacaalaa waxa uu Qur’aankiisa ku yiri:
” War dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay dadyow iyo qabaa’il si aad isku garataan, midkiina idinku karaamada iyo sharafta badan, waa midkiina idinku Alle ka cabsiga badan, Illaahay waa mid og oo khabiir ku ah waxaad samaynaysaan”.
2. Adeecid la’aan:
Bini’aadanka waxaa la faray inay addeecaan madaxdooda, dadka hoggaamiya amarkooda qaataan, wax walba oo wanaagsanna looga danbeeyo ayaga ilaa macsi ma ahane.
Alle ayaa Qur’aanka ku sheegay in aan addeecno madaxdeena:
” Kuwii Illaahay addeecay iyo Rasuulkiisa iyo ulul Amrigooda { Madaxdooda} oo idinka idinka mida, haddii aad ku murataan shay dhexdiis oo isku qabataan, ula noqda Allaah iyo Rasuulkiisa, haddii aad tihiin Mu’miniin rumeeyay Allaah iyo maalinta qiyaame, taas ayaa idin khayr badan, idina suurad wacan”.
3. Xumaanta oo la bannaysto:
Denbiyada aan ku dhacnay haddii aan nahay islaamka waxaa ka mid ah in aan bannaysanay xumaanta oo aan xalaashanay wax Eebbe naga xarimay. Waxaa nagu dhacday carradii Alle, waxaana nagu habsaday amni xumo, dagaal joogto ah, dulmi, abaaro joogto ah, fatahaado, gaajo, xanuuno, damiir xumo, fakhri, deganaan la’aan, khaatumo xumo IWM.
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri isaga oo la hadlaya Nebiga “Ku dheh Nebi Allow, wax kale maahane Alle wuxuu idinka xarimay xumaanta mida muuqata iyo mida qarsoon oo uurka ku haysaan iyo denbiyada”.
4. Tanaasul la’aan:
Qaran burburka ugu weyn ee ina haysta waxaa ka mida in aan danta guud laysugu tanaasulin, dadkana la boobo, lana dhaco, haddii amar uu ka soo baxo madaxda sare waan khilaafayaa bilaa sabab, waxaanan ka dhalan kara cadaab iyo dhib joogto ah.
5. Run la’aan:
Qofka damiirka leh oo Alle ka cabsiga badan oo jecel dadkiisa, dalkiisa, diintiisa waxa uu sheegaa runta ma ka gabado. Wax kasta oo dalkiisa uu u arko dhib, waxa uu ku dhiiradaa in uu sheego xataa haddii uu naftiisa ku waayayo.
Waxayna caddayn u tahay qofka waxa uu yahay shakhsiyaddiisa iyo damiirkiisa. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ” Runi rag kama nixiso” oo ula jeedaan in runta laysku sheego, oo la caddeeyo xaqiiqada waayo horaa loo dhahay ” Run iyo ilkababa waa la caddeeyaa”, waa in runta la sheego, lagana gaban.
Waxa jira Xadiis laga soo weriyey Nebi Muxamed {NNKH} waxa uu oronaya ” Sheeg xaqa haba kharaaraadee”.
6. Cafis la’aan:
Bulshada Soomaaliyeed waxay ubaahan tahay oo qudha dad wax kasta oo soomaray in ay iska cafiyaan, iskana ilaawaan wax kasta oo horay usoomaray.
7. Xishood la’aan:
Xishoodku waxa uu qayb ka yahay iimaanka, iyadana ayaana jaangoysa masiirka ummadda.
8. Xaaraan:
Waxa inta badan ummadda halaagay waa in ay cunaan wax aysan xaq ulahayn hadday ahaan lahayd in ay sadbursi iyo caddaalad-daro waxay ku helaan in ay quutaan, xirtaan una hoydaan.
Alle Qur’aankiisa waxa uu ku yiri ” Kuwii Illaahay rumeeyayow cunna wixii wanaagsan oo aan idinku arsaaqay”.
9. Nadaafad xumo:
Astaamaha lagu garto waddaniyad xumada waxaa ka mid ah in waddooyinka iyo goobaha dadwaynaha lagu shubo qashin ama lagu arko guryihii iyo deegaanadii dadku ku noolaayeen oo nadaafad daro ka dhalato, ayna ka dhalato xanuuno. Iimaanka waxa ugu hooseeya waa in aad ka qaado waddada wixii dhib ku ah ummadda islaamka.
10. Jidgooyo ama isbaaro:
Waxyaalaha ka dhasha waddaniyad xumada waxaa ka mida in qalbiyadu dhintaan, damiirkuna uu xumaado.
Diinteenii suuban aad bay nooga digtey in la sameeyo jidgooyo oo islaamka xoolihiisa oo aan raali ka ahayn la dhaco.
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri ” Kuwii abaalkoodu wuxuu noqonayaa Alle iyo Rasuulkiisa la dagaalamaya, soconaayay arlada dhexdeeda fasaad, waa in la dilo, la salbiyo ama lagooyo lug iyo gacan isdhaaf ah ama laga masaafuriyo arlada, arrinkaas waa qayb ka mida abaalmarinta adduunyada, aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab daran”.
11. Jaajuus:
Waa koox ama shakhsi ka socda waddan oo raba in uu ogaado in uu dhaco ama xado xogo waddan, shirkad, shakhsi iwm. Haddaba qofka jaajuuska ah ma ahan ruux haboon ama wanaagsan, waa ruux raba in uu khiyaano qof aaminay, waddan dhan xogtiisa qaran, taasina waxay sababtaa in ummad dhan masiirkooda god lagasho.
Abuu Hurreyra Alle raali haka noqdee waxaa laga soo weriyey in Rasuulka yiri {NNKH} yiri ” Ha is xaasidinina, ha is jaajuusinina, ha isku caroonina, ha isku dhabar jeedinina, yuusan gadan qaarkiin qaarka kale”.
12. Caddaalad-darro:
Waxaa jira caddaalad-darro baahsan oo ka dhex jira bulshada dhexdeeda, waana isdulmiyeen mid aad u daran.
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri ” Ha cuninina maalkiina dhexdiina baadilnimo” .
13. Laaluush:
Caddaalad-darrada waxaa ka dhasha in la bannaysto rishwada ama laaluushka kaasoo lagu qaato wax aan xaq loola ahayn iyada oo gacmaha si qarsoon la isku dhaafsanaayo.
Xadiis saxiix ah ayaa laga soo weriyey Suubanaheena ( NNKH) wuxuu yiri ” Nacalad haku dhacdo ruuxa baxsha laaluushka iyo kan qaata”.
14. Tuuganimo:
Waa in aad xado shay ama wax u dhigma adoo ku qaadanaya sifo aan sharci ahayn. Qofka dadka xoolahooda xada isaga oo aan loojeedin waxaa la dhahaa #tuug. Waa inaad xoolo meel yaala xado ama dafto ama qaadato wixii oo dhan.
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri ” Tuugga iyo tuugada waxaa la jarayaa gacmaha qayb ka mida” .
Musuqa: Waa in aad xoolo dadweyne xado sifo aan sharci ahayn.
Tusaale ahaan: Waxaad Bankiga kala baxday 100,000 oo doolar sifo aan sharci ahayn, waxaa la dhahaa #Musuq-maasuq.
Dadka kula ogaa qaadashada lacagtaas aan sharciga ahayn oo aad siiso xoogaa lacag ah waxaa la dhahaa #Laaluush.
Gabagabada Faallada buugga
Buugga waa buug taabanaya dhinacyo badan oo qof walba waajib ku tahay in uu ogaado sababta aan uga harnay dadyowga dunida ku nool iyo sida aan annagu isugu xoog sheegano anagoon hayn waxtabar ah iyo kadsoomidda dhaldhalaalka dunida iyo isbidida awood aan sal iyo baartoona lahayn.
Inta yar aan ka faallooday ma ahan waxa ku duugan buuggan ee waa ka mugweyn yahay, waxaana garan kara dadka damiirka leh ee jecel in ay helaan dawladnimo, caddaalad iyo sinnaan. Waxaan soo qaatay oo sharaxaad kooban ka baxshay labada cutub ee u horreeya oo qudha.
Qofka uurka kaa neceb
Afka hadalsan kaa dhaha
Oon guusha kula rabin
Sikastoo u tahay cayr
Ha ucabanin weligaa
Haddii aadan furikarin
Macad laga aflixi karo
Inta adiga kaa daran
Adimada wax ugu qabo
Udub aan dhacayn iyo
Awood weeye garashee
Qofka maanta aasow
U adkayso Eebada.
Waxaan faalladayda ku soo xirayaa:
Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri ” Muuminiintu waa walaalo, wanaag dhex dhiga walaalaha” Alle wuxuu aayad kale ku yiri ” Qabsada xarigga Eebbe dhammaantiin, hana kala taginina” Alle ayaa aayad kale ku yiri ” Wuxuu Alle idin amray caddaalad iyo wanaag inaad samaysaan”.
Q0raaga Buugga: Maxamed Nuur Shire Wacyisame
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Ummadaha Jirraban – Faallo kooban
Dhiganahaan waxaa qoray Dr. Kariim Darwiish waa nin Masaari ah, waa cilmi-baare ku xeeldheer dhinacyada cilmiga Kumbiyuutarka iyo aadanaha, waana qoraa wax ka qora arrimaha bulshada iyo Cilmi-nafsiga. Waxaa ku duuggan aragtiyado cajiib ah.

Buugga Ummadaha Jirraban
Dhiganahaan waxaa qoray Dr. Kariim Darwiish waa nin Masaari ah, waa cilmi-baare ku xeeldheer dhinacyada cilmiga Kumbiyuutarka iyo aadanaha, waana qoraa wax ka qora arrimaha bulshada iyo Cilmi-nafsiga. Waa buuni buugaag badan qoray kuwaas oo Afaf kala duwan lagu afnaqay, laguna daabacay sidoo kalena ah bare Jaamacaddeed. Dhigganahan cajiibka ah waxaa waqti iyo dadaal dheer gashay in uu ku Afnaqo (Turjumo) Af-keena hooyo Qoraa Aadan Salaad Maxamed (Aadan Badiic), waxa uuna soo saaray 2021-dii.
Buuggan waxa uu iftiiminayaa oo lafo gurayaa aafooyin caalami ah oo caalamka ka jira, kana jiray, kana jiri doona. Waxa uu qaadaa dhigayaa hab dhaqanada xun uu leeyahay Kelitalisnimada, caadooyinka iyo hababka ay adeegsadaan, waxa uu qoraagga dhiganaha aad ugu dheeraanaya xaaladaha nafsi ee ay qabaan kelitalisnimada, dib udhacyada ay sababaan, dabargoyntooda iyo ka takhalusidda madaxda iyo dadka caadaystay dhaqamadaas xun.
Buugga waxa uu ka kooban yahay 3 cutub, mid walbana waxa uu ka sii kooban yahay ciwaano hooseedyo ka hadlaya mowduucyo gaar ah oo lagu lafagurayo ahmiyadda dhiganaha iyadoo qoraaga buugga uu ka bixinaayo tusaalooyin cajiib ah si uu akhristuhu u fahmo ujeedada iyo farriinta uu bixinaayo buuggu.
Cutubka koowaad waxa uu ka hadlayaa:
1. Hab-dhaqanka kelitalisnimada
2. Qeexidda kelitalisnimada
3. Marjaciyadda
4. Saamaynta kelitalisnimadu ay umaddaha ku leedahay.
Cutubka labaad:
1. Danaha kelitalisnimada
Cutubka saddexaad: Waa cutubka ugu balaaran:
1. Hoggaaminta Toolmoon
2. Hormuudka isbeddelka
3. Rumaynta shareecada
4. Xirfadaha aqooneed
5. Dhinacyada maadiga.
6. Tusaaloyaal sooyaal
7. Isbeddeladda bulshada
8. Diinta iyo anshaxa bulshada
9. Fidinta aqoonta iyo saqaafada
10. La dagaalanka Saboolnimada
11. Garashada waaqica iyo dabeecadda guusha
12. Muuqaalka guusha
13. Sababaha awoodda
14. Novgorod iyo dhammaadkii dimuqraadiyadda
15. Haakerisyadii iyo doorashooyinka Maraykanka
Markaan dib u daalacano qayb yar oo ka mid ah cutubyada buugga waxaad arkaysaa ahmiyadda ay leedahay in ay fahmaan bulshawaynta caalamka ku nool waxa uu yahay Kelitalis? Qoraaga ayaa buugga hordhac uga dhigay macnaha guud ee Kelitalisnimada, waxa uu soo qaatay Aayadaha Qur’aanka ee Alle uu ku sharaxay boqoradii islawaynidu gaarsiisay heer ay Rabbinimo sheegtaan sida Fircoon oo kale. Waxa uu tusaalooyin usoo qaatay:
Qoomkii Nebi Nuux CSW ee gaaloobay, Aayadda 27aad Suuradda Huud.
Qoomkii Nebi Shucayb CSW ee iskibriyay, Aayadda 88aad ee Suuradda Al-acraaf.
Waxa uu qoraaga tusaalooyin usoo qaadanayaa gugii Carabta ìyo waddamo kale sida kuwa soo socda:
1. Masar sida Jamaal Cabdinaasir
2. Koongo sida Mobutu Sese Seko
3. China
4. Arjantiin
5. Bulshadii Guatemala
6. Myanmar
7. Turkiga iyo Iraan
Ma ahan tusaalooyinka inta aan soo xusay balse waxa jira tusaalooyin badan oo buugga ku jira oo aan jeclahay akhristow inaad dib u daalacato dhigganaha. Kelitalisnimadu sida uu tilmaamay Cabdiraxmaan Al-Kawaakibi waxa uu yiri: Kelitalisnimadu waa ku takrifal awoodeed qof ama koox ay si bareer ah kula kacaan xuquuqda bulshada iyaga oo aan wax baqdin ah ka qabin cid kale oo dabogasha ama ka sarraysa.
Buuggu waxa uu inabarayaa jaranjarooyinka ay adeegsadaan Kelitalisyada si ay xukunka usii joogaan, awoodoodana ay sii jirto, una baraaraan, waxa kale oo uu na barayaa in madaxdu bulshada u qaybiyaan qaybo kala duwan, kuwo iyaga xulufo la ah oo kelitaliyuhu iska laaluusho ama wax un ku siijeediyo, bulshadana ka xiga oo goortay qayb hadasho iyaga loo diro si ay uburiyaan dareenka shacabka iyo qaar madaxdu ku shaqaysato, shaqadooduna ay tahay sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqa bulshada, dakhliga soogala si ay ula qaybsadaan ama boqolayda ugu badan ay iyagu u qaataan iyo qaar looma ooyaan ah oo laga dhigto xaabo, xilligii la doonana dhiigooda la banaysto, sharaftooda iyo hantidooda.
Marjiciyaddu waa xeer sugan oo lagu maamulo, laguna hago bulshooyinka. Bulshooyinku waa ay ku kala duwan yihiin adeegsiga Marjaca, waxayna u qabsamaan labo qaybood oo kala ah:
A. Qaybtaan waxa jira marjiciyad sare taas oo ka awood badan dadka oo dhan, isla markaasna ay u siman yihiin shacabka iyo maamulka.
B. Qaybtaana waa in bulshadu marjiciyadda gacanta ugeliyaan hoggaamiyaha, kolkaasna uu sidii uu doono ugu takrifalo isagoo doonistiisa iyo dareenkiisa gaarka ah adeegsanaya. Waxaana ka dhasha in uu waxa uu dantiisa ka dhex arko in doonistiisa ku meel mariyo.
Suldada ( Qaab-Xukunka)
Suldada waa awoodda lagu kala maareeyo arrimaha, taas oo waafaqsan marjiciyadda iyo sharciga ama u hoggaansan doonitaanka qofka taladu ka go’do.
Maxaa ka dhasha kelitalisnimada?
1. Waxaa ka dhasha in ay abuurmaan koox siyaasiyiin ah oo awoodda dalka ka jira iyagu la wareega.
2. Kororka saboolnimada
3. Jahliga oo siyaada
4. Caddaladdarada oo bata
5. Boobka iyo ku tagrifalka awoodda
6. Tayo la’aan iyo dayac ku yimaada kaabayaasha dhaqaalaha
7. Aqoonta oo meesha ka baxda
8. Hay’adaha dawladda oo ay ku baahdo musuq.
9. Farogelin shisheeye
10. Dagaalo sokeeye
11. Ugu danbayn wuxuu dalkaas noqdaa mid awoodeedii fashilantay.
Gabagabada Buugga:
1. Kelitaliyuhu wuxuu noqon karaa hal qof ama koox laakiin inta badan wuxuu noqdaa koox isku bahaystay dano gaar ah oo ay heshiis ku yihiin.
2. Ujeedooyinka kelitaliska inta badan waa dheefta liidata ee isbahaysiga kelitaliska ah uu raadiyo waa helidda iyo urursashada hanti aysan dadaal ku bixin dhibna aysan u soo marin iyo inay hantiyaan maamulka bulshadaas si ay u ilaashadaan hantidii ay dhisteen.
3. Waxa jira calaaqaad ka dhexeeya Siyaasadda iyo dhaqaalaha taasoo oranaysa: haddii shakhsiyaad ka mid ah bulshadu ay leeyihiin ama ay helaan hanti ay dheer yihiin bulshada kale, waxay u baahan yihiin awood siyaasadeed oo ay xiriir dhow la yeeshaan si ay ugu ilaaliso hantidaas. Haddii taas liddeeda haddii ay shakhsiyaad helaan ama yeeshaan awood siyaasadeed, waxay ka shaqeeyaan sidii ay awoodaas ugaga faa’idaysan lahaayeen urursiga iyo yeelashada hanti badan.
Sida looga gudbi karo kelitalisnimada
1. Tayaynta iyo kor u qaadidda hoggaamiyayaal ruuxi ah kuwaas oo ay bulshadu kusoo hirtaan si ay u qaadaan ama u hoggaamiyaan dagaalka isbeddelka.
2. Tarbiyaynta hormuud isbeddel kuwaa oo ka duwan bulshada kale sida iimaan qotodheer, aqoon badan, xirfad, khibrad iyo tayo maaddi kuwaas oo leh awoodda odoroska, fahanka isbeddelka, dabeecaddiisa iyo heerarkiisa.
3. La shaqaynta bulshada si cuddooda loo mideeyo isla markaasna loogu xiro diintooda iyo qiyamkooda.
4. Ladagaalanka jahliga iyo saboolnimada
5. Ugu danbayn hellidda awoodda uu u baahan yahay isbeddelku, hadday ahaan lahayn maadi, tiknoolijiyad, diin iyo dhowrsanaan.
Wixii intaas ka badan waxaad ka daalacan kartaa dhigganaha Ummadda Jirraban.
Qoraaga buugga: Aadan Salaad Maxamed Badiic Dalboon
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Naftii Hure – Faallo Kooban
Qoraaga ayaa ku qeexay waxa uu yahay ama macnaha dhabta ah ee ciidan wuxuuna yiri: Caqiidada Ciidanku waa qeexidda sida ciidamadu uga qeybqaataan hawlgallada waaweyn, dagaallada iyo howgalinta. Isaga oo siiwada qeexidda macnaha ciidanka ayuu ku sheegay isagoo tixraacaya NATO “Mabaadii’da asaasiga ah ee ay ciidamadu ku haggaan falalkooda si ay u gaaraan ujeedkooda dhabta ah ey hiigsanayaan”.

Gorfaynta Buugga Naftii Hure
Buugga Naftii Hure waa dhigane aad cajiib u ah, waa mid tibaaxaya, jeexjeexaya, kala dhigdhigaya, tusaale iyo talosoojeedin leh oo ku saabsan dhibta, haraadka, gaajada, halganka, jiir go’a, jadiin xumida, qabowga, kulka, ciridka oo gubaya, qundhucada oo korkeeda ku dhammaanaysa isagoo halgan iyo kamiro dhalinta deganaanshaha, sugnaanta iyo kala danbaynta waddankiisa u taagan.
Markaad si dhab ah u akhriso, rogrogidda baalasha buugga waa mid kuu dhiibaya baalba kan kuxiga, sadarba sadarka ka sii unkuma, waa naadir in aad ku caajisto akhrintiisa, ereyada mugga iyo miisaanka leh ee uu isticmaalay qoraha waa mid ay ku dheehan tahay ka feker qotodheer, dhaqan iyo asluub leh, farshaxan, qaab qoraal aad loo naashnaashay, waxa uu ka hadlayona waa xadiis saxiix ah oo sugan sida cajiibka ah ee uga hadlay Ciidanka.
Qoraaga ayaa ku qeexay waxa uu yahay ama macnaha dhabta ah ee ciidan wuxuuna yiri: Caqiidada Ciidanku waa qeexidda sida ciidamadu uga qeybqaataan hawlgallada waaweyn, dagaallada iyo howgalinta. Isaga oo siiwada qeexidda macnaha ciidanka ayuu ku sheegay isagoo tixraacaya NATO “Mabaadii’da asaasiga ah ee ay ciidamadu ku haggaan falalkooda si ay u gaaraan ujeedkooda dhabta ah ey hiigsanayaan”.
Ilaalinta Danaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waa mid u baahan sahmin, Wardoon ku qotoma garasho aqoonyahan iyo gudasho hoggaamiye. Dawlad kasta oo dunida ka jirta ha ahaateen waxay leeyihiin mabaadii, hadafyo iyo yool ay hiigsanayaan taasoo ay ku ilaashanayaan seerooyinkooda, xuduudkooda Bad, Birri, Cir iyagoo ka difaacanaya cadowga dibadda uga imaanaya iyo kan gudaha ka dhasha si ay ugu noolaadaan nabadgelyo, horumar iyo negeenshaha waddankooda iyagoo ka dheeraanaya wax kasta oo waxyeeli kara Danaha Qaranka u degsan.
Qoraaga ayaa faahfaahin ka baxshay amniga Qaranka wuxuuna yiri: Fahanka iyo dhuuxidda amnigu waa mid u baahan barasho, kobcin, kasmo iyo kasiis ku dhidban laylin dawladeed iyo jarabarid Qarannimo, waxaa lama huraan ah in lacaddeeyo duxda, dulucda iyo fahamka amniga, kaalinta uu leeyahay iyo faa’idada amniga.
Sida aan ognahay waddankasta oo leh quwad ciidan, horumar iyo kala danbayn kuma imaan dheeldheel, cayaar, habacsani iyo tamashlayn waxa u dhididay, u dhintay, u naf waayay, u godgalay, u dhaawacmay, u rafaaday waa askari leh mabaadii’dii iyo qiyam uu ku ilaashado dalkiisa hooyo. Dheefta uu helaayo waxaa askariga daacadda ah u weheliya waa ilaalinta Danaha Qarankiisa, ayada ayuu udhaartay in uu af iyo adinba ku difaaco dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa.
Hoggaan kasta oo ciidan waxaa ku dhisan oo udub dhexaad u ah daahfurnaan, sinnaan, aragti leh qorshe fog, islaxisaabtan, wadar ogol, caddaalad, baahsanaan dawladnimo, ka qeybgalka, dhaqangalka sharci ee u degsan waddanka waxaa asaas iyo fulin u ah Ciidanka.
Dhiganahaan ayaa waxaa ku dhexduugan xeerar badan oo ciidamada adduunka ku dhaqmaan, seerooyin aysan dhaafi karin, darajooyinka iyo heerarka ay maraan, qiyamka iyo asluubta ciidanka, sahay, halbeegyo mug iyo miisaan leh waa mid aad ka dhex helayso buugga inta aad akhrinayso, tusaalooyinka shaqo, kala amarqaadasho, xeerarka awoodsiinaya fulinta howlgalkasta oo Danaha Qaranka quseeya intaas iyo ka badan waxaad ka dhex helaysaa buuggan Naftii Hurre oo aanan horay u arag mid la mid ah oo si dhab ah u tibaaxaya ciidanka iyo qaabka ay u noolyihiin.
Ninka diinta garabmaray
Garcaddaaga gabawaray
Geeddigiyo gartaba jaray
Gaaleefta mariyoo
Gaadmada ku gowracay
Isagoo gafuur xidhan.
Qarranimadu waxay ku baxdaa dhiigga iyo dhuuxa muwaadinka, waxay ku darartaa kaalinta muwaaddinimo, waxaa lagu gardaadiyaa goobaha ciidanka xoogga iyo talisyada Qaranka. Qoraaga isaga oo sii hadlaya ayuu yiri: Siyaasad kasta oo xanbaarsan laylin bulsho, haggid dadweyne, waxqabad muuqda, weydiin iyo warcelin ku qotonta sahan iyo hilaadin siyaasadeed oo cad waa midda lagu tanaado, lagu badhaadho, lagu gaaro darka iyo kadinka jiritaanka ummadeed.
Qoraaga mar uu ka hadlaayay dhibta ay ku sugan yihiin Ciidankeena Qaranka waxa uu yiri: Ciidanka Qaranka waa seeska, lafdhabarta dawladnimada casriga ah, waxay dhibbanayaal u yihiin sidii dadkooda sharaf iyo karaamo ugu noolaan lahaayeen taas ayay habeen iyo maalin ugu dhimanayaan, uguna dhaawacmaayaan, gaajo iyo rafaadna furrimaha ay ku sugan yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed ee ay ugu horreyso kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab, Daacish iyo kuwa dadka gaalaysiiya ee Takfiirka la dhaho sidii ay uga difaaci lahaayeen dadkooda.
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayuu ku sheegay Buugga Naftii Hurre:
A). Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) oo ay ku jiraan ciidanka Badda, Ciidanka Cirka iyo Ciidanka lugta
B). Ciidanka Nabadsugidda Qaranka
C). Ciidanka Booliiska
D). Iyo ciidamada asluubta
Dhammaan qeybaha ciidanka Bad iyo Berriba ka howlgala waxay ku suntan yihiin hal-adayg, geesinnimo, naf hurid, dhiiranaan, feejignimo, taxadar, naxariis, dhimrin.
Qoraaga isaga oo hadalkiisa siiwata ayuu yiri: Askariga Soomaaliyeed waa naftii hurre, rasaasta cadowga laabta u dhigta, una shahiida difaaca dadkiisa, dalkiisa, diintiisa, waa mid maalin walba dhibicda roobka, waqalka dabaysha, hanfidda cadceeda dibad joogga unoqda, dhanka kale dhaxanta, cidlada, dugaaga weheshada waxaas oo dhan waxa ku khasbaya ay tahay sidii uu dadkiisa ugu noolaan lahaayeen nabadgelyo, horumad iyo ciso.
Guumaysiga mar kale yimid
Gacalkeenna dhalanrogey
Dhallaankeena gaasiray
Gurigooda ugu galay
Googooyey hilibkood
Isagoo gafuur xidhan.
Qoraaga Buugga ayaa bogagga hore ku xusay in caqiidada ciidanka ay lagama maarmaan u tahay diyaarinta, dhisidda askariga waddaniyad ahaan, jismi ahaan, taasoo isugu imaanaysa ama isugu urureysa murtida dhahda “Diyaarinta qofka, kadibna agabka” si loo helo askari laabtiisu xasilloon tahay, dhiifoon, awood iyo aragtina leh oo aan ka heybaysanayn nacabka, cadowga, isla markaana aan ka cabsi qabin geerida iyo dhaawaca soo gaaraya jirkiisa.
Haddaba maxay muhiim u yihiin ciidanka badqabkooda iyo dhisidda caqiidadooda waddaniyadeed, sida uu ku xusay qoraaga buuggiisa, bogga 28aad labo aragti oo kala ah:
A). Aragtida Tirada: Waxaa loola jeedaa tirada dagaalyahanada ka qeyb qaadanaya dagaalka iyo tirada hubka ay adeegsanaayaan.
B). Aragtida Tayada: Waxay ka dhigan tahay xirfadda Askriga, xeeladaha dagaalyahanka, awoodiisa iyo inta uu leeyahay dareen mas’uuliyadeed xilliga uu ku guda jiro ladagaalanka cadowgiisa.
Gabagabada ujeedkayga
Buugga Naftii Hurre waa buug saldhig u ah qof kasta oo leh waddaniyad, lexjeclo uga jirto waddankiisa iyo dadkiisa in uu akhristo, makaan iyo meel kastaba uu la tago si uu uga faa’idaysto nuxurka buugga ku jira, waayo ma ahan mid halmar oo aad akhrido, halmar oo isha mariso in lagu sookoobi karo hadafka iyo yoolka loo qoray buuggaan.
Alle SWC waxa uu Qur’aanka noogu soodejiyay in aan ku dhaqano, wixii uu naga reebayna aan ka reebtoonaano, wixii uu na amrayna aan samayno oo ku dhaqaaqno, akhrinta Qur’aanka marar badan waxaad ka helaysaa A). Ajar B). Degganaan C). Caafimaad D). Xikmad sidaas si lamida ayaan kugu boorinayaa buuggaan iyo buugta la midka ahba in aad akhrisaan oo ku celcelisaan waayo waxaa idinku jira hoggaamiye Ciidan, hoggaamiye waddan, hoggaamiye diineed, hoggaamiye bulsho, hoggaamiye urur dhammaantood waxay ubaahan yihiin dhisidda caqiidadooda, kartidooda, cilmigooda, waddaniyaddooda iyo ku dhaqmidda shuruucda dalka u yaalla.
Waxaan ku soo idlaynayaa heesta ay siwada jir ah uqaadaan Kooxda Onkod ee Ciidanka loo qaaday taasoo ku xusan buugga.
Askari daacadaan ahay
Daljir geesiyaan ahay
Dugsi lagu hirtaan ahay
Daacad muuqataan ahay
Dadka ehelkii baan ahay
Daafaca dalkaan ahay
Marna dacar baan ahay
Cadow dile ayaan ahay
Daandaansi ma oggoli
Dib unoqosho ma aqaan
Dayr qaran ayaan ahay
Sharci kala dambayn iyo
Dawladnimaan u taagnahay
Askari diiran baan ahay
Derbi adag ayaan ahay
Guumaysi diid ayaan ahay
Dayax soo baxaan ahay
Damal la harsadaan ahay
Denbi ka hortagaan ahay
Marna deeqsi baan ahay
Maato daadahshaan ahay
Daruur hoortay baan ahay
Dib udhigasho ma aqaan
Deyr qaran ayaan ahay
Sharci kala danbayn iyo
Dawladnimaan u taag nahay
Faa’idada laga dhaxlaayo buugga ma ahan mid aan ku soo koobi karo qoraal keliya balse waxaan u daynayaa markooda in ay ila akhriyaan buuggaan bulshada Soomaaliyeed inta aan weli akhrin siiba ciidanka midaasoo aan qoraal iyo faallotoona lagu soo koobi karin.
Buugga waxaad ka heli kartaa maktabad kasta oo dalka ku taal.
Magaca Buugga: Naftii Hurre
Qoraaga Buugga: Aadan Salaad Maxamuud (Aadan Badiic)
Buuggaag
Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada – Faallo kooban
Adduunyada noqotay tuulo cida ku nooli la ogyahay waxay dhaqato, dabado, raacato, la soo baxdo, suuqgayso wixii caanka ku tahay, wixii ku soobiirana la ogyahay tuuladaas waxaana taas u sabab ah tiknoolajiyadda adduunkaan ka jirta.

Gorfaynta Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada
Saban kasta oo la joogo waxa uu leeyahay wax ugaar ah laga bilaabo waagii koonka aynu joogno la askumay, lana uumay Xaawo iyo Aadan, waxaana la soo maray marxalado kala duwan, waa kasta oo la joogo waxbay dadku caan ku ahaayeen siibana xilli kasta oo la soo saaro Anbiyada.
Sida la ogsoon yahay Rasusha Alle (SWC) iyo Nebiyadii Alle waxay ahaayeen shakhsiyaal mucjisooyin badan lagu arkay, mucjisooyinkaan oo kulligood ka baxsanaa kana sarreeyay heerka awoodda garashada aadanahu gaarsiisan tahay, mucjisooyinkaan oo noloshooda gaar u ahaa, waxay isugu jireen dhacdooyin ficilkooda laga arkay, akhbaaro ay kaga warrameen mustaqbalka amase waxyaalaha qarsoon oo sidii ay u sheegeen loo arkaayay sidoo kale ducadooda, waxkasta oo iyaga ku saabsan oo lagala kulmay mucjisooyin caqliga ka baxsan sida in lagu daaweeyo cudurrada laga caalwaayay amase kuwa aan daawada lahayn iyo dhacdooyinka laga arkay makhluuqaadka Alle oo u hoggaansamaya Nabiyada iyo Rususha (SCW) amarkiisa.
Tusaalooyinka waxaa ka mid ah Hashii Nebi Saalax (SCW), Ushii Nebi Muuse (CSW), Wankii Nebi Ismaaciil (CSW) lagu madax furtay, Quraanjadii iyo HudHudkii Nebi Sulaymaan (SCW), Xuudkii Nebi Yoonis (CSW), Sacii Nebi Muuse (CSW) ee Reer Bani”israaiil, Dibigii Nebi Ibraahim (CSW), Mucjisadii Qur’aanka ee Nebi Muxamed (SCW), Maroodigii Fiil, iyo qisooyin badan oo kale oo ka sugnaaday oo lagu sheegay Qur’aanka sida Dameerkii Cuseyr, Asxaabul Kahfi IWM, dhammaan waxaan usooqaatay isxasuusin dib unoqosho qarniyo tagay waa hore iyo mucjisooyin gaar ah oo jiray.
Ayadoo haddaba ay jiraan kitaabo waawayn oo lagu aruuriyay mucjisooyinkaan waxaa la sheegay in Alle mucjisooyinkaan uu Nebiyadiisa iyo Rasushiisa (CSw) uga muujiyay si ay dadka ugu caddaato xaqnimada Nebiga (SCW) iyo xaqa uu la yimid kadib markii la tusiyo xujo qudradda Aadanaha iyo garashadiisaba ka baxsan islamarkaana ay u garwaaqsadaan uguna kalsoonaadaan, taas lafteeduna waa ujeeddadii ushii Muuse iyo hashii Saalax (SCW) laga lahaa. Aan usoo daadego ujeedka faallada aan rabo in aan isdul istaago oo ku saabsan buugga Aafooyinka Baraha Bulshada oo tibaaxaya dhacdooyin waaweyn oo ku qotoma qarniga aan maanta joogno iyo dunida casriga ah sida ay bini’aadanka ka dhigtay.
Casriga aan maanta joogno waxaa yimid Tiknoolijiyad aysan haysan quruumihii inaga horreeyay balse Alle awoodiisa jirta awgeed in maantay laga faa’idaysto nimcooyin gaar ah oo Alle nagu manaystay xaqiiqadase aanu uga faa’idaysan sidii loogu talogalay.
Adduunyada noqotay tuulo cida ku nooli la ogyahay waxay dhaqato, dabado, raacato, la soo baxdo, suuqgayso wixii caanka ku tahay, wixii ku soobiirana la ogyahay tuuladaas waxaana taas u sabab ah tiknoolajiyadda adduunkaan ka jirta.
Murugada, tiiraanyada, welwelka, walbahaarka, naaquska, fadeexadaha, aafooyin khatar ee Bini’aadanka si maalinle ah usoowajaha, xaaladaha cakiran ee ku xeeran adduunyada casriga ah, saamaynta togan, taban ay leedahay, hilmaamidda iyo baraarug la’aanta wixii koonka nalookeenay, xaaladaha baaxaad degga ah ee iska soo dabadhacaya, dhiilooyinka isdaba jooga ah, wararka aan fiicnayn ee dunida laga soo tebinaayo, quusashada iyo ka haajiridda kumanaan ruux oo naftooda uwaayay aaladaha casriga ah ee aynu ku isticmaalno dunidaan.
Khasaare keliya ma ahan ee dhinaca kale waxay leedahay warar farxad leh oo laga sootebinaayo adduunyada in aad ogaan karto wax kasta oo dunida ka dhacay isla waqtiga uu dhacay, sida ay u dheceen, halka ay ka dhacday, cidda waxaas samaysay, ujeedka ay kala haayeen waxaas oo dhan adoo rugtaada fadhiya ayaad si toos ah ama si tebin ah u arkaysaa taasi waa nimcooyin aysan haysan awooweyaasheen iyo wixii ka horreeyay.
Soo ifbaxa tiknoolajiyadda sida mobile-da, Muuqbaahiyaasha (TV) waxay soo mareen heerar kala duwan balse ka sheekeyn mayno sababta iyo xaaladihii ay soomareen waxaan ka hadlaynaa waa saamaynta ay nagu reebeen aaladaha casriga ee ay ugu horreeeyaan Mobileda ladhaho (Smart Phone) ama dadka qaar u garanayaan Beer Salaax (Screan Touch) saamaynta ba’an ay nagu hayaan taasoo sababtay Appsyada ku jira oo aafeeyeey malaayiin dhalinyaro ah oo dunida ku nool oo annagu kow ka nahay. Buugga Aafooyinka Baraha Bulshada waxa uu ka hadlayaa saamaynta ba’an ee nagu hayo isgaarsiinta casriga ah sida dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Qoysaska, jiilasha cusub, caafimaadka, waxbarashada, xiriirinta iyo ka warqabka ehelka.
Jarista malaayiin Mayl ilbiriqsigii ma ahan wax sahlan oo sifudud lagu gaari karo balse dunida casriga ah ayaa sahashay in aan ogaano waxa dhacaya iyo sida ay udhacayaan.
Saamaynta Tiktok
Tiktok waxay ka mid tahay Appsyadii u danbeeyay ee la hirgasho taasoo dadka isticmaala ay ilbiriqsigiiba uu kor u kacayo, dadka dunida ku noolna ay maantay 3/2 ka mida ay addeegsadaan. Dadka addeegsada ayaa isugu jira kuwa si toos ah ugu leh akoono ugaar ah iyo kuwa ayaga dadka ladaawada.
Waa Appska ugu xawaaraha badan adduunka marka loo barbardhigo appsyada kale, waxaa dhici karta in daqiiqad gudaheed ay gaadho inka badan Milyan ama nus milyan dad ah taasoo ka dhigan in 80% dadka isticmaala internetka in ay si joogta ah u addeegsadaan Tiktok.
Waxaa jira saamayn xun uu leeyahay sida:
1). Waqti lumis
2). Xikmad la’aan
3). Qaraabo goyn
4). Naaqus ku yimaada Caafimaadka, waxbarashada, dhaqanka, Xishoodka iwm
5). Faafinta caqiidooyinka sida Diimaha kiristinka, Nasaarada, fikradaha Takfiirka, khawaarijta, Najuuska, Iwm.
Waa meesha aad ugu imaanayso labo qolo oo kala matalaya oo labo diimood sida Diinta Islaamka iyo Diinta Kiristanka oo dheelaya Game, kuna kala badinayaan sida ay u helaan Giftsyada la isku diro. Waxaa dhacda in malaayin dad ah ay daawanayaan tartankaas, waxaa laga yaabaa in Kiristanku badiyo ama Islaamka balse imisa caqiido lahayn oo qoladii ay aragto in ay badisay ku biiraya.
6). Dhaqan Xumo: Waa meel aad arkayso gabdho qaaqaawan, niman dabogaab xiran, mid waalan iyo mid fiyow laga helaayo. Waa duni ay kuwada kulmaan inta miyirka qabta iyo inta waalan, inta dhimirka ka jiran iyo nolosha ka dhacay. Waa meel haddii aad ku badato ay kaaga lumayaan waxbadan sida waqtiga, bedqabkaaga, hoos udhaca fekerkaaga, gaabis kaaga yimaada diinta, waxbarashada, shaqada iyo goynta xiriirinta xigtadaada.
7). Burburka qoysk: Imisa qoys ayaa ku burbura maalintii, imisa ayaa ku nool khilaaf joogta ah oo wada nool, imisa ku baadiyoobay xaaladaha cakiran ee ku gedaaman nolosha iyo dunida casriga ah, imisa ku kadsoomay dunida imtixaanka ah.
Faa’idada uu leeyahay Tiktok
1). Faafinta khayriga: Maadaama ay tahay duni ay ku noolyihiin malaayiin dad ah, waxaa waajib ah in looga faa’idaysto sida ugu haboon oo ay ka mid tahay Faafinta dacwadda Islaamka, una sharaxdo malaayiinta kudaawanaya iyo kuwa ay gaarayso fariinta ay ka qaataan casharo ay ku beddeli karaan noloshooda iyo caqiidadooda.
2). Waxbarashada: Waa madal lagu soo gudbin karo waxbarashada ayadoo la addeegsanaayo internetka oo si toos ah (live) loogu gudbin karo dadka wixii cilmi ah.
3). Xayaysiinta ganacsiga: Waa madal aad ku xayaysiisan karto nooca ganacsi aad haysato, waana meel aad uga faa’idaysan karto in badeecaddaada gaarsiin karto dunida oo dhan si fudud adoo dhex fadhiya goobtaada ganacsi.
4). Samafalka: Waa meel aad ugu qareemi karto masaakiinta dhibaataysan ee la ildaran duruufaha imtixaan ee ka jira dunida aanu joogno, waa meel aad uga faa’idayn karto goobaha khayriga ah ee la dhisaayo iyo in dadku wax ku darsadaan kuwooda khayrka jecel.
Haddaan damco in aan ka hadlo si qotodheer waxay qaadanaysaa qoristooda bilo iyo sannooyin badan balse buugga Aafooyinka Baraha Bulshada waxa uu tibaaxayaa dhammaan aaladaha aan addeegsano, faa’idadooda, saamayntooda khasaare ay leeyihiin iyo sida looga hortagi karo.
Qoraagga ayaa buugga uga hadashay dhaqanka xun iyo dhalan rogga ku yimid dhaqankeenii suubanaa, akhlaaqiyaadkii nalaku yaqaanay haddaan nahay Soomaali, qoys burburka sida xad dhaafka ah u siyaadaya, caafimaad darada soo wajahday bulshada Soomaaliyeed xagga araga, fekerka iyo maqalka. Waxay kaloo ka hadashay isbeddelka ku yimid haasaawaha iyo sida uu hadda yahay, waxay kaloo ka hadashay qisooyin gaaraya inka badan 9 dhacdo oo waddankeena ka dhacay oo uu sababay tiknoolajiyadda, qisooyina ku duugan buugga ayaa ah kuwa tiiraanyo mugweyn xanbaarsan oo kolka akhrinayso aad murugoonayso taas beddelkeedana aanu cashar ka baranayno.
Waxaa jira daraasado laga sameeyay saamaynta tiknoolajiyadda oo si taban iyo togan u saamaysay adduunka iyo sida looga hortagi karo. Qoraaga ayaa talooyin wax ku ool ah usoojeedisay umadda Soomaaliyeed kuwaas oo ku qotoma sida looga faa’idaysan karo aaladaha casriga ah, sida looga hortagi karo saamayntooda iyo xakamaynta aaladaha iyo udejinta shuruucyo gaar ah oo cidii jebisa loogu fuliyo si loo yareeyo intiisa xun.
Xikmadda, duruusta ku duugan buuggan waxaan dadka kula talin lahaa in ay akhristaan, saaxiib la noqdaan buuggan oo ay wehel ka dhigtaan.
Qoraaga Buugga: Ayaan Axmed Shire (Kamle)
- Wararka2 months ago
Tayo xumada ka jirta awgeed Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u baahan in isbeddel lagu sameeyo
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Bedel fikirkaaga si’uu isku beddelo ficil kaaga – haa waad sameyn kartaa isbeddel
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Wax ka baro faa’iidada ay leedahay wax isbarida – qodobada muhiim kuu ah
- Aragtida Indheergaradka2 months ago
Rajo maka leedahay masraxa siyaasadda?
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Maxaad ka taqanaa doorka aad bulshada ku dhex leedahay?
- Dhaqaalaha3 months ago
Waa maxay sababta Hindiya iyo Masar ay u sameynayaan xiriir istaraatiijiyadeed oo cusub?
- Xirfadaha & Teknolojiyada3 months ago
Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo xarrunteeda ka qabsoomay bandhigga kulliyadaha waxbarasho
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Affar qodob oo wax kaa bari doono noloshaada
- Sirdoonka & Militariga3 months ago
Fallaagada Wagner ee Ruushka: Bilowga dhamaadka madaxweyne Vladamir Putin?
- Islaam Naceybka3 months ago
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dhaleeceeyay kitaabka Qur’aanka ee la gubay intii lagu guda jiray booqashada masjidka Dagestan
- Qoyska & Horumarinta Bulshada2 months ago
Siddeen ku xasuustaa shey aan bartay?
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Aabihii Dimuqraadiyadda Afrika Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan
- Dhaqaalaha3 months ago
Itoobiya oo codsatay inay ku biirto ururka dhaqaalaha soo koraya ee BRICS
- Xirfadaha & Teknolojiyada2 months ago
Maxaa caalamku uga baqayaa aaladaha ku shaqeeya “Garaadka Macmalka ah ee horumarsan” – Artificial Intelligence
- Dhaqan, Af, iyo Taariikhda2 months ago
Waa tumaa Shuhada ‘Sinéad O’Connor – “La dirir cadawga runta ah”?
- Islaam Naceybka3 months ago
Dowladda Ciraaq oo Iswiidhan ku boorisay inay soo gacan geliso nin Ciraaqi ah oo ‘gubay Kitaabka Qur’aanka’